-
Content Count
207,081 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
“Mineey fatuuro fiiq tiraah ninkii fadhaaya ma fayaabo.” – Shaki ma leh inaanu fadhi oolin haddii giraantii waxay soo wareegtaba ay ku timid kursigii madaxweynaha, oo caawa dooddu aysan ka taagnayn Baydhabo, Kismaayo, Garowe, Dh/mareeb ama Jawhar ee doodda Golaha Shacabka hortaal ay tahay xil ka qaadista madaxweynaha. – Dhaawaca maanta gaaray madaxweynaha wuxuu ahaa mid laga hortagi karay, mase dhicin, welise dabaqabasho iyo booga dhayid ayuu leeyahay, waase haddii lala yimaado aragti durugsan oo ku qotonta xilkasnimo, u danqasho danta guud iyo hanaanka dawladeed ee curdanka ah. – Wadahadal iyo wadaxaajood xeerinaya danaha guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo uu madaxweynaha la yeesho xoogaga siyaasadeed ee ka biyo diidsan siyaasadiisa, indheer-garadka iyo xoogaga bulsho, ayaa lama huraan ah, si loo hakiyo baahitaanka khilaafka oo sida tagtada dhaw aan ka baranay albaabada u fura farogelin shisheeye oo aanay cidina ka macaashin. – Dhaqan siyaasaseedka bulshadeena xilligii ka dambeeyay dagaalada sokeeye oo ku dhisan: qaniinyaa qaniinyo kaa fujisa, ma ogolaanayo talada sare ku xusan, waxaana laga yaabaa in halkii wadaxaajood laga geli lahaa la abaabulo mooshin ku aadan xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka. Hadaba haddii sheekadu halkaa aaddo maxaa ka dhalan kara? 1- Kuraasta iyo xilalka ugu sareeya dalka oo ku salaysan 4.5 waxa uu noqonayaa Gudoomiyaha Baarlamaanku siyaasigii 4aad oo reer Baydhabo ah oo ay xukuumaddu dagaal la gasho muddo 8 bilood gudahood ah taasoo caqabad weyn ku noqon doonta hanaanka dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska qaranimada dalka. 2- Baarlamaanka oo kala qaybsama kadibna xirma iyo xasarado siyaasadeed oo aan la maarayn karin oo ka dhasha. 3- Xukuumadda oo ka mashquusha in ay gudato waajibaadkeeda. 4 – Amaanka oo faraha ka baxa khilaafka hay’adaha dawladda u dhexeeya awgii. Guntii iyo gabogabadii:- – Madaxweyne Farmaajo horay ayaad danta guud u xeerisay oo aad uga tanaasushay xilkaagii sanadkii 2011, kumana aadan khaasarin oo si guud iyo si gaar ahba waad uga faa’iiday oo waa kaa aad maanta dalka hogaaminayso oo xilkii ugu sareeyay aad hayso. – Maanta arrinka ku horyaal ee kaaga baahan inaad xeeriso waa inaad furto albaabka wadahadalka iyo wadaxaajoodka adiga oo ka bilaabaya Gudoomiye Mursal kadibna ku baahinaya dhamaan siyaasiyiinta ka biyo diidsan hanaanka aad wax u wado. – Ku dedaal inaadan is lahaysiinin xildhibaanada maanta agtaada jooga oo aadan iska fogayn kuwa ku dhaliilsan, siyaasadu waa meerto ee dhamaan xildhibaanada dhagyso oo talo ka qaado. – Xildhibaanada safka hor fadhiya oo mooshinkaaga aqrinaya, sanad ka hor safkaaga ayay ahaayeen. Gudoomiye Mursalna waa ninkii aad aaminsanayd inaan dhankiisa dabayshu kaaga imanayn. – Dhamaan dhacdooyinkaa hal darsi ayaan ka baran karnaa oo ah “Soomaali walaaloow unbaa lagu wadi karaa” ee madaxweyne wadaxaajood ku dedaal. Waxaa qoray Dr. Maxamed Axmed Sh Cali (Doodishe), oo ahaa lataliyaha arrimaha siyaasadda ee Madaxeynihii hore Xasan Sheekh, isagoo talooyin siinaya madaxweyne Farmaajo oo haatan uu mooshin ka yaallo Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
As the world marked International Anti-Corruption Day, the Federal Government of Somalia announced today a series of steps to strengthen its commitment to combat corruption and reinforce transparency in order to build more accountable institutions. At a United Nations-backed event in the capital, Mogadishu, to mark the Day, and attended by senior government officials and international development partners, as well as representatives of youth and women’s groups, Somalia’s Federal Minister of Justice and Judiciary Affairs, Hassan Hussein Haji, expressed his government’s commitment to promoting accountability and tackling corruption frontally within its rank and file. The minister signed a so-called Project Initiation Plan (PIP) between his ministry and the UN Development Programme (UNDP), which aims at strengthening government institutions to fight corruption and promote accountability. “We are on our way to establish an Anti-Corruption Commission; they need a secretariat, they need training, they need help in all aspects. So, I think this Project Initiation Plan will lead us to develop this institution that will make it easier for us to sign and ratify the UN Convention Against Corruption,” Minister Hussein said. He added that this project would particularly enhance accountability in some of the country’s key institutions, such as the Auditor General’s Office, among others, and that it would be followed by more at the end of the PIP. Speaking on behalf of the United Nations at the gathering today, the UN Secretary-General’s Deputy Special Representative for Somalia, Peter de Clercq, commended the Federal Government for its efforts to improve transparency, accountability and fight against corruption in public offices. The UN official also urged it to make progress with the UN Convention against Corruption, the world’s only legally-binding universal anti-corruption instrument, and which has so far 186 signatory countries. “We encourage all branches of Government and the Federal Member States to take measures to protect and expand the integrity and accountability of the management of public finances and resources, as well as to advance the legal and institutional frameworks against corruption, through robust enforcement and punitive measures,” Mr. de Clercq said. Following the signing ceremony, the UNDP Country Director for Somalia, George Conway, explained that the newly-signed PIP allows the Federal Government to tackle corruption in a comprehensive way. “The PIP builds on significant engagement we have had with the Government at federal and state-level for many years, to address issues of good governance, accountability, transparency, support to public financial management and the broader application of the rule of law,” Mr. Conway said after the signing ceremony. The Project Initiation Plan will be implemented over a six-month period, after which UNDP will roll out a full multi-year programme to support the government of Somalia in its anti-corruption efforts. Around the globe, 9 December is observed as International Anti-Corruption Day with the aim of raising awareness of corruption and of the role of the Convention in combating and preventing it. The post Somalia lays out next steps to tackle corruption appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Suria) xukuumadda Suuriya ayaa sheegtay inay meesha ka saartay warbixin ay hore u qortay oo sheegeysay in gantaallada difaaca ee dalkaasi ay qabteen waxa ay ugu yeedheen bartilmaameedka cadawga oo ku wajahnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee ku yaalla magaalada Dhimishiq. Warbaahinta wax sharraxaad ah kama aysan bixin sababta arrintaasi balse waxay sheegeen inaysan jirin wax dandaansi ah,xaaladdana ay caadi aheyd. Dhanka kale, ururka la socda xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Suuriya fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa sheegay in dhawaaqa qarax laga maqlayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Dhimishiq. Xukuumadda Moscow ayaa sare u qaaday gantaallada difaaca ee dalka Suuriya kaddib markii diyaarad xamuul oo uu Ruushka leeyahay aan si ula kac aheyn ay kusoo rideen ciidammada dowladda Suuriya bishii September halkaas oo ay ku dhinteen 15 qof oo saarnaa diyaaradda. Source
-
Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xabsi guri la galiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaanada loo diiday in ay galaan xarunta Villa Hargeysa iyo guryahooda ku yaala madaxtooyada. Waxa uu sheegay in xukuumada ay cadaadineeyso Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka gudbiyay iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Majiro war rasmi ah oo arintaasi xaqiijinaya ama beeninaya oo ka soo baxay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay mooshin kalsooni kala noqosha ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan sheegay in xabsi guri laga dhigay gudoomiyaha Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)92 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay gudbiyey mooshin xil ka-qaadis oo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Mooshinka ayaa madaxweynaha ku eedeeyey “inuu ku kacay qiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka, sidoo kalena heshiisyo iyo is-afgarad qarsoodi ah lasoo galay dowlado shisheeye oo sheegay in ay la saxiixdeen Soomaaliya heshiisyo lagula wareejinayo dekadaha Soomaaliya” Si kastaba radio lugo badan ayaa ogaatay in dhammaan eedeymahaas aysan ahayn waxa dhabta ah ee madaxweynaha lagu haysto islamarkaana ay tahay arrin ka baxsan kana weyn gacanta Soomaalida. Sida aan xogta ku heleyno, mooshinka ayaa waxaa ka dambeeya, abaabulkiisana leh, islamarkaana qarashka ku baxaya dhiibaya xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Xildhibaano ka tirsan baarlamanka ayaa maalmahan ka shaqeynayey mooshinka, waxaana jira xiriir laga dhex-waday guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka. Tuhunka weyn ayaa soo baxay sabtidii, markii guddoomiyaha baarlamanka uu Muqdisho kula kulmay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Mohamed Khayaat. Sidoo kale la-taliyaha guddoomiyaha baarlamanka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhowaan la kulmay xubno ka tirsan sirdoonka dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa sidoo kale jirta in mooshinka uu yahay mid aan cusbeyn, oo intiisa badan la diyaariyey dabayaaqadii sanadii tagtay markaas oo uu fashilmay, balse dib ayaa loo cusbooneysiiyey. Inta badan qodobada mooshinka loo cuskadaya sida arrinta Qalbi-Dhagax iyo ku xagudubka dastuurka waa kuwa hore loo qoray, waxaana lagu daray oo kaliya qodobo dhowr oo cusub, oo xaaladda daagan lagu dabaqay, ayada oo taariikhdana laga beddelay. Source
-
The United States military said Sunday its special forces conducted an airstrike in Somalia on Saturday, killing four al-Shabab militants. The United States Africa Command (Africom) said the collective self-defense airstrike which was carried in cooperation with the Somali government targeted al-Shabab militants in the vicinity of Basra in southern Somalia. “The U.S. airstrike was conducted against militants after partner forces came under attack. We currently assess this airstrike killed four militants with no civilians involved,” Africom said in a statement. “Alongside our Somali and international partners, we are committed to preventing al-Shabaab from taking advantage of safe havens from which they can build capacity and attack the people of Somalia,” said Africom. “The desired end state in East Africa is one in which terrorist organizations cannot destabilize Somalia and its neighboring states, nor threaten the interests of the U.S. and its international allies in the region,” according to Africom. The post U.S. army kills 4 al-Shabab militants in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee axaddii shalay uu qabtay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa xildhibaannada mooshinka keenay waxaa ay xuseen qodobbo dastuurka federaalka ah ku jira oo ay sheegeen inuu ku tuntay ama ku xad-gudbay madaxweyne Farmaajo. Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda la wadaageysaa qodobbada ay soo qaateen oo faah-faahsan. (1). Waxaa ay qoreen inuu ku xad gudbey qodobka 36aad ee dastuurka federaalka ah: Qodobka 36aad farqadiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka Federaalka ayaa xeerinaya in isucelinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha dhexmari kara Jumhuuriyadda Soomaaliya iyo Dowlad kale ay ku dhici karto oo kaliya si waafqsan sharciga iyo in uu jiro: b) Heshiis isu-celin ah oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Federaalka Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha. t) In ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanka Federaalka ah soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha. (2): Inuu ku xad gudbay qodobka 10aad iyo 35aad ee dastuurka federaalka ah, haddii aan qodobadan faah-faahinno. waxaa mooshinka ku jirtay, waxuu Madaxweynaha si aan ganbasho lahayn ugu xadgudbay qodobka 10aad ee dastuurka farqadiisa 1aad, 2aad iyo 3aad, oo dhamaantood tilmaamaya ilaalinta karaamada aadanaha iyo in aan marna awoodda dowladda loo isticmaalin meel uga dhicida karaamada aadanaha. Qodobka 10aad: Karaamada Aadanaha: (1). Karaamada aadanuhu waa deeq Ilaahey Subxaanahu wa tacaalaa ku mannaystay qof kasta oo Banii’aadan ah, xuquuqda aadanahuna deeqdaas ayey ka dhalataa (2). Karaamada Aadanaha waa laguma-xadgudbaan, dhawristeeduna waa waajib saaran dadka oo dhan. Waxaa kale oo la sheegay inuu madaxweynaha ku tuntay qodobka 35aad ee dastuurka ee si cad u qeexaya ilaalinta xaquuqda eedeysanaha, qaas ahaan. In aan qofna lagu qasbi karin dembi-qirasho. In mudo 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh. In xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama eheladiisa. In Eedeysanaha aan lagu hayn karin goob aan sharcigu bannayn iyo xaqa uu u leeyahay in uu qabsado qareen difaaca. QAYBTA 2AAD: Ku xadgudub Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana la soo qaatay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) iyo qodobka 36aad ee dastuurka Qodobka 36aad: Isucelinta eedeysanayaasha: (1). Isucelinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha waxaa lagu oggolaan karaa oo keliya si waafaqsan sharciga, iyo in uu jiro heshiis isu-celin ah oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Federaalka Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha.(2) isucelinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanka Federaalka ah soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha. Inuu k u xad gudbay qodobka 87aad, faqradiisa 2aad (Astaanta midnimada qaranka), 90aad, faqradiisa (c, J, q), 109A IYO 111A EE DASTUURKA FEDERAALKA:, Heshiisyada uu la galay madaxda Itoobiya iyo Eretrea. Qodobka 90aad, faqradiisa (c, J, q) waa sidan: (J).Wuxuu magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirradu,. (C).Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu. (Q). Wuxuu guddoonsiiyaa abaalmarinta Xushmada Qaranka markuu Golaha Wasiirradu soo jeediyo. Qodobka 109A Golaha Adeegga Garsoorka (1) (1). Dastuurkani wuxuu asaasayaa Golaha Adeegga Garsoorka. (2) (2). Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu ka koobnaanayaa sagaal xubnood, oo kala ah sida soo socota: (a) Garsooraha Sare ee Maxkamadda Dastuurka; (b) Garsooraha Sare ee Maxkamadda Sare (c) Garyaqaanka Guud (d) Laba Garyaqaan oo sare oo ka tirsan garyaqaanadda Soomaaliyeed, oo mid walba xilli afar sanno ah ururka garyaqaanadda ay magacaabeen. (e) Qofka Guddoomiyaha ka ah Guddiga Xuquuqul Insaanka; iyo (f) Saddex qof oo xushmad sare ku dhex leh bulshada rayidka ah oo uu soo jeediyay Golaha Wasiiradu ka dibna uu u magacaabay madaxweynuhu xilli afar sannadood ah. (3) Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorku waxay dhexdooda ka dooranayaan qof u noqda Guddoomiyaha Golaha Adeegga Garsoorka. (4) Xubinta Golaha Adeegga Garsoorku waxay xilka hayn kartaa hal xilli oo shan sannadood ah, oola cusbooneysiin karo mar keliya. (5) Wixii Sharci ama qanuun ay sameystaan Golaha Adeegga Garsoorku), oo khuseeya anshax marinta Garsoorayaasha heer Federaal, wuxuu sharcigaasi sidoo kale qabanayaa xubinta Golaha Adeegga Garsoorka. (6) Sida sharciga ama xeerkuba dhigayo, Golaha Adeegga Garsoorku waa in uu: (a) Magcaabaa, anshax mariyaa isla markaana beddelaa xubnaha garsoorka ee Federaalka; (b) Go’aamiyaa mushaharka iyo lacagta hawlgabka ee garsoorayaashaa; (c) Dejiyaa shuruudaha shaqo ee garsoorkaa. Qodobka 111 A. Golaha Adeegga Garsoorka: (1) Waa inuu jiraa Golaha Adeegga Garsoorka, Golahaasoo kala talinaya Caddaaladda iyo Federaal Dawladda arrimaha ku sabaasan maamulka caddaaladda oo ay ka mid tahay qoritaanka, shaqo ka saaridda and talaabo ka qaadista Garsoorayaasha. (2) Golaha Adeegga Garsoorka waa in uu madax banaanaadaa, dhexdhexaad noqdaa uu hal dhinac u xaglin uu xaqiijiyaa madax banaanidda cadaladda. (3) Golaha Adeegga Garsoorka waxa uu lahaanayaa awood, iyo hawlo loo xilsaaray oo ku sheegan Dastuurka iyo Sharciyadda Qaranka. QAYBTA 4AAD Ku xadgudub Mabaadi’da Federaalka, duminta dowlad goboleedyada iyo abaabulka dagaalo sokeeye, iyaga oo soo qaatay QODOBADA 50AAD, 51AAD, IYO 53AAD EE DASTUURKA FEDERAALKA. Qodobka 50aad. Mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Heerarka kale duwan ee Xukuumaduhu marka ay dhexdooda ka macaamilayaan iyo marka ay ku gudo-jiraan adeegsiga awoodda sharci-dejinta iyo awoodaha kaleba, waa in ay ilaaliyaan mabaadi’da Federaalnimada; kuwaas oo ah: (a) Heer kasta oo xukuumadeed waa in ay haysato kalsoonida iyo taageerada dadweynaha; (b) Awood walba waa in la siiyo hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta; (c) Jiritaanka iyo joogtaynta xiriirro iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo ka dhexeeya Dawladaha xubnaha ka ah federaalka dhexdooda iyo dawladaha xubnaha ah iyo Dawladda Federaalka ah; (d) Si uu u jiro dareen midnimo qaran, degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyaddu Federaalka ah ee Soomaaliya waa inuu helaa adeegyo iyo waxqabad xukuumadeed oo isku mid ah; (e) Khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado; (f) Dakhli-ururinta oo loo xilsaaro hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta; (g) Khilaafaadka oo wadahadal iyo dib-u-heshiin lagu xalliyo. Qodobka 51aad. Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Heer kasta oo Dawladeed ha ahaadeen heerar siman ama kuwo kala sarreeya waa in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo wanaagsan (1) Dawlad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin Dawladaha kale, waana in ay: (a) La yeelataa xiriir walaaltinnimo oo wax-ku-ool ah heerarka kale ee Dawladaha, una horseedaa midnimada muwaaddiniinta; (b) Heer kasta oo Dawladeed waa in ay ku wargelisaa heerarka kale siyaasadaha iyo hawlgallada ay ka fulineyso degaannadeeda oo saamayn ku yeelan kara degaannada heerarka kale; (c) Yeeshaan siyaasado u adeegaya qorshaynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah. (2) Si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waa in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Dawladda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka si ay isula meeldhigaan: (a) Adkaynta Midnimada Qaranka; (b) Sugidda ammaanka iyo Nabadgelyada Dalka; (c) Horumarinta dhaqan-dhaqaalaha qaranka iyo suuqa mideysan ee dalka; (d) Horuumarinta baraaraha shacabka; (e) Isdhaafsiga macluumaadka. (3) Dhammaan heerarka Dawladaha waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey. Qodobka 53aad. Wada-xaajoodyada Caalamiga (1) Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah. (2) Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawlad-goboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka. (3) Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeeduna ka muuqdaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka. (4) Sharci Baarlamaank Federaalku ansxiyay waa inuu xeeriyo: (a) Samaynta hay’ado iyo habraacyo fududaynaya wada falgelidda heerarka Dawladda; (b) Samaynta hay’ado habaraacyo fududaynaya xallinta khilaafaadka ka dhex dhasha heerarka Dawladda inta aanay u gudbin maxkamad. QAYBTA 5AAD Ku xadgudub Mabaadi’ida Ciidamada Amniga, Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida (XCCQS) iyo Qaraaraadka Goleyaasha Barlamaanka: 6. KU XADGUDUB QODOBKA 127AAD EE DASTUURKA FEDERAALKA Qodobka 127aad. Mabaadi’ida Ciidamada Amniga (1) Waa in ay Ciidammada Amniga dhawraan mabaadi’da soo socota: (a) Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad; (b) Dhawrista Talinta Sharciga, hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga; (c) U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (d) Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan; (e) Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed; iyo (f) Xubnaha ciidanka waa in lagu tababara dhaqan gelinta Dasturkan, sharciyada dalka iyo heshiisyada caalamiga ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qayb ka tahay. (2) Muwaadin kasta oo Soomaali waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato jagooyinka iyo jaranjarooyinka darajo ee Ciidammada iyada oo aan la takooreyn , iyadoo la ilaalinaaya xuquuqda haweenka ee arrintan la xiriirta. KU XADGUDUB QODOBKA 21AAD, 22AAD, 23AAD EE XEERKA CIQAABTA CIIDAMADA QALABKA SIDA Madaxweynaha waxuu si mas’uuliyad darro ah uu darajada ciidanimo uga xayuubiyay ciidan kana uga saaray Taliye Xigeenkii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sareeye Guuto Abdalla Abdalla iyadoo uusan Madaxweynaha usoo marin hanaan waafqsan sharciga tilaabooyinkaan uu qaaday. Sida ku cad Xeerka Cibaaqta Ciidamada Qalabka Sida ee (Xeer Lr. 2 ee 31-dii Maarso 1963) qodobkiisa 21aad, 22aad iyo 23aad, darajo dhimis iyo shaqo ka joojin ama ka casilid ciidan sida uu tilmaamayo xeerkaan waxaa la sameeynayaa marka uu dhaco xukun maxkamadeed. Tusaale: 1) Darajo dhimis sarkaal waxay imaanaysaa marka uu ku dhaco xukun maxkamadeed oo ka badan 3 sano. 2) Ka saaridda sarkaal ciidamada waxay imaanaysaa marka uu ku dhaco xukun xabsi daa’in ama ka badan 5 sano. Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu si bareer ah u jabiyay Xeerka Cibaaqta Ciidamada Qalabka (Xeer Lr. 2 ee 31-dii Maarso 1963) qodobkiisa 21aad, 22aad iyo 23aad, taas oo si cad uga hor imaanaysa qodobka 87aad, faqradiisa 2aad ee si cad u qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu xilkiisa u guto si waafaqsan Dastuurka iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 8. KU XADGUDUB QARAARAADKA GOLEYAASHA BARLAMAANKA Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ku tuntay qaraarkii Golaha Shacabka uu soo saaray 30 April 2017 ee dib-u-habaynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Madaxweynuhu waxa uu baalmaray xeerkii dhowridda gobonimada iyo midnimada geyiga Soomaaliyeed ee Goleyaasha Barlamaanku ansixiyeen bishii Maarso 2018 qodobkiisa 1aad ee ku waajibinayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka in uu saxiixo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa war kasoo saaray mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya oo shalay loo gacan geliyay guddoomiyaha baarlamaanka. Qoraalka kasoo baxay madaxda dowlad goboleedyada ayaa si cad loogu taageeray mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo sheegay in loo baahan yahay wax ka qabashada dhibaatooyinka dalka ka jira. Waxay walaac ka muujiyeen xaaladda Siyaasadeed ee ka jirta dalka Soomaaliya oo muddooyinkii ugu dambeeyay kasii dareysay, sida ay ku sheegeen qoraalka kasoo baxay maamulada. Seddex maamul goboleed ayay kusoo hareen golaha iskaashiga maamul goboleedyada, kadib markii Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ay la heshiiyeen dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Saudi Arabia’s foreign minister has rejected demands to extradite suspects connected to the murder of journalist Jamal Khashoggi as sought by the Turkish president, Recep Tayyip Erdoğan. “We do not extradite our citizens,” Adel al-Jubeir told a news conference in Riyadh at the end of a summit of Gulf Cooperation Council states. Erdoğan has repeatedly called on Saudi Arabia to hand over suspects in the killing of the dissident journalist. US senators: we’re certain Saudi crown prince ordered Khashoggi’s murder Khashoggi, a Saudi contributor to the Washington Post, was killed shortly after entering the kingdom’s consulate in Istanbul on 2 October. A Turkish court on Wednesday issued arrest warrants for former Saudi intelligence chief Ahmad al-Assiri and former adviser to the royal court Saud al-Qahtani, at the request of Istanbul’s chief prosecutor. Assiri often sat in during Prince Mohammed’s closed-door meetings with visiting foreign dignitaries and Qahtani was a key counsellor to the crown prince. Both were sacked after Riyadh admitted Khashoggi was killed in its consulate. “The Turkish authorities have not been as forthcoming as we believe they should have been,” said Jubeir, saying Riyadh was presented with information that had already been leaked to the media. “We have asked our friends in Turkey to provide us with evidence that we can use in a court of law. We have not received it in the manner that it should have been received.” According to Turkey, a 15-member Saudi team was sent to Istanbul to kill Khashoggi. Erdoğan has said the order to kill Khashoggi came from the highest levels of the Saudi government, but has insisted it was not King Salman. The Turkish leader insisted last weekend during a trip to South America that Riyadh hand over the suspects, but said the kingdom was not cooperating. Riyadh has since detained 21 people over the murder. Despite speculation that the powerful crown prince ordered the hit, the kingdom has strongly denied he was involved. The murder has damaged Riyadh’s international reputation and Western countries including the United States, France and Canada have placed sanctions on nearly 20 Saudi nationals. Qahtani was among 17 Saudi officials targeted by sanctions imposed by the US Treasury Department in mid-November for “his role in preparing for the operation” against the journalist. Source The guardian Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaliya ayaa xog dheeri ah ka bixiyay xaaladda uu ku sugan yahay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo hadal ka jeedinayay goob lagu soo dhaweynayay hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa shaaciyay in maxbuus uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka. Wuxuu sheegay inuu si hordhac ah u sheegayo in guddoomiyaha baarlamaanka markii mooshinka uu qabtay kadib laga dhigay maxbuus sida uu hadalka u dhigay. “Xan Fresh ah ayaan idiin sheegayaa, guddoomiyaha baarlamaanka markii mooshinka uu qabtay kadib cadaadis ayaa la saaray, haddana waxaan idiin sheegayaa Guddoomiyaha baarlamaanka Waa maxbuus”ayuu yiri Xildhibaanka oo ka hadlayay soo dhaweynta C/raxmaan Cabdi Shakuur. Xildhibaanka wuxuu sheegay in Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya loo diiday inay u tagaan guddoomiyaha baarlamaanka, sidaasina uu ku xaqiijinayo in guddoomiyaha go’doon la geliyay. “Xildhibaano badan oo kamid ahaa xildhibaanadii mooshinka gudbiyay ayaa loo diiday inay u tagaan guddoomiyaha baarlamaanka, waxaan idiin sheegayaa in Xan Fresh ah tahay in maxbuus uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka”ayuu hadalkiisa kusii daray xildhibaanka. Marka laga yimaado hadalka uu jeediyay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar ma jiro cid xaqiijin karta in Maxbuus uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka oo uu kala jeeday in loo diiday dhaqdhaqaaqa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somali delegation led by Deputy Prime Minister, Mahdi Mohamed Guled is in Jordan where he attended counter-terrorism conference. The conference which opened last Sunday focused on how to counter violent extremism ideologies through economic and military means across the globe. Guled who is accompanied by the deputy minister for security and other senior federal government officials delivered a speech at the conference. Various heads of state attended the forum that is set to produce concrete steps to deal with the threats posed by violent extremist groups in various parts of the world. The deputy PM also met With King Abdullah II Jordan and United States Secretary of Homeland Security and discussed on a range of issues, including bilateral relations. Somalia is among the countries that have suffered attacks by terror groups such as al Shabaab and Islamic state. Two top military officials who were spearheading the fights against al Shabaab were killed in landmine on Friday outside Mogadishu. Al Shabaab claimed the responsibility for the attack. The post Somali deputy PM meets top US official and King of Jordan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxman Cabdi Shakuur Warsame oo muddo 10 Bil kadib maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah iyo eedeyn uu u jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya. Siyaasiga oo ka hadlayay munaasabad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay ayaa wuxuu kaga hadlay waxyaabo badan oo dhaliil u badnaa, isaga oo soo hadal qaaday dhibaatada Daacish iyo Shabaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed. Nuxurka khudbadiisa ayaa la xiriirtay arrimaha amaanka, isbadalka siyaasadda Soomaaliya iyo caqabadaha kooxaha ka horjeeda ku hayan Shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in kooxaha AL Shabaab iyo Daacish ay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo canshuur ka qaada meelaha ay maamusho dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Mar uu ka hadlayay Siyaasadda dalka ayuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan u dulqaadan karin dhaliilaha ay kooxaha mucaaradka u jeediyaan. Maamulada Puntland iyo Somaliland ayuu sheegay in musharixiinta tartantaa ee mucaaradka ah ay dhaliili karaan hogaanka talada haya, laakiin madaxweyne Farmaajo uusan ogoleyn dhaliilaha loo jeediyo, sida uu sheegay. “Musharixiinta Puntland siday doonaan ayay u dhaliilaan madaxweyne Gaas, kuwa Somaliland sida saxda ah ayay u dhaliilaan Madaxweyne Muuse Biixi”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur. Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay meel kaga soo wada jeestaan danaha ummadda Soomaaliyeed dadka ka hor imaanaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan oo ka careysan mooshinka Shalay gelinkii dambe uu qabtay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta banaanbaxyo ka dhigay magaalada Muqdisho. Dadka banaan baxa dhigayay oo ka dhawaaqayay erayo ka dhan ah xildhibaanada mooshinka gudbiyay ayaa xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, iyagoo ugu dambeyn ay xireyn wadada hormarta madaxtooyada Soomaaliya. Haween iyo dhalinyaro badan ayaa xiray wadada madaxtooyada, waxaana la sheegay inay gudaha u galeen madaxtooyada, waxaana ay tageen albaabka Villa Hargeysa oo madaxtooyada ku dhex yaal. Dhinaca kale waxaa banaanbax uu ka socdaa degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo labo banaanbax oo kala duwan ay ka dhacayaan magaalada Muqdisho. Marka laga yimaado banaanbaxa looga soo horjeedo mooshinka madaxweynaha waxaa bananbax kale oo lagu taageerayo C/raxmaan Cabdi Shakuur uu ka socdaa magaalada Muqdisho. Xildhibaanada ugu badan ee mucaaradka ayaa ka qeyb galaya soo dhaweynta C/raxmaan Cabdi Shakuur oo goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho. La soco waxyaabaha kasoo kordhay xaaladda guud ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE African Economic Conference (AEC) 2018: Pushing for an inclusive African Continental Free-Trade Agreement A total of 44 African nations signed the landmark African Continental Free Trade agreement (AfCFTA) earlier this year, which aims to create a single continental market for goods and services KIGALI, Rwanda, December 10, 2018/ — A truly successful implementation of the African Continental Free Trade Area agreement cannot be achieved without the “people dimension,” ensuring that the integration process does not lead to widening inequalities or exclusion. In a plenary session on the final day of the African Economic Conference, delegates participated in an interactive session with experts and policy makers, discussing the risks of integration: fragility, rising youth population, unemployment and hunger, as well as examples of good practice and recommendations to avoid or mitigate the risks. A total of 44 African nations signed the landmark African Continental Free Trade agreement (AfCFTA) earlier this year, which aims to create a single continental market for goods and services, with free movement of business persons and investments, and thus pave the way for accelerating the establishment of the Continental Customs Union and the African customs union. But the agreement is not without its potential downsides and the potential inequality and opportunity for exclusion was the focus of the plenary entitled: “Driving Equity, Inclusion and Innovation for Africa’s Transformation through Regional Integration.” Hunger, gender imbalance and a growing population with youth distancing themselves from agriculture and primary production, were top of Monique Nsanzabaganwa, Rwanda’s Deputy Governor of the Rwanda National Bank’s list. “A third of the East African region is affected by hunger, she said while the gender pay gap meant that 75% of women were working for no wages. “Women may be falling through the cracks,” the Bank Governor said. Other panelists underscored fragility, the importance of governance and strong institutions and ensuring that policy makers do not exclude the women and ordinary people involved in agriculture, which would play a unique role in the integration process. Ngone Diop of the Economic Commission for Africa warned that more than half the population was being left behind and said care must be taken to ensure food security and to protect the women “at the heart of the process.” The discussion was punctuated with contributions from the audience. Isaac Shinyekwa, Head of Trade and Regional Integration Department at the Economic Policy Research Centre, Uganda emphasized the need for training and industrialization. Yague Samb, a Conflict Resolution expert said socio-economic conditions are the major contributing factors for extremism and radicalization, which also pose a serious threat to a successfully integrated continent. She said studies show that radicalization in Niger, Mali and Nigeria are directly linked to frustration with socio-economic conditions. Migration, fragility, regional public good issues Another key aspect of a successful AfCFTA would be good governance, coupled with a regional integration perspective, factoring in potential hotspots, the panelists said. Fragility, which led to migration of youth and affects children and women most, would have to be addressed and minimized, as is the issue of land conflicts, which significantly impacts a region’s agricultural output. Temitope Oshikoya, an Economic Strategist, said an example of this was the migration of cattle herders from neighboring countries to central Nigeria, which led to tensions and insecurity. “This needs to be tackled from a regional public good perspective,” Oshikoya said, adding that there should be provision for providing incentives for collective action to policy makers. Other factors – the current low levels of intra-African trade and the high dependence on imports by African countries – could also have a negative impact on successful integration efforts, the discussants noted. Education and skills building were two other key areas needing priority intervention. Wrapping up the discussion UNDP Country Director Stephen Rodriques underlined that successful integration would entail both national regional resolve to address the risks that stand in the way of implementing AfCFTA. “We know that there are multiple fault lines and risks… many issues are cross-border. Regional public issues should be treated as public good. Education and skills training has to be addressed as a continental agenda,” Rodriques said. The African Economic Conference, held annually, is the continent’s leading forum fostering dialogue and knowledge exchange in the search for solutions to the development challenges of Africa. It brings together leading academics, high ranking government representatives and development practitioners from across the globe. AEC 2018 had as its focus “transformative initiatives for accelerating progress in infrastructure integration that are inclusive and promote equity, including the removal of barriers for movement of people, goods, and services across borders.” The next AEC conference will take place in December 2019. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Economic Commission for Africa (ECA). SOURCE United Nations Economic Commission for Africa (ECA) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeeday mooshinkii xildhibaanada baarlamaanka ay ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararkii u dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya inay magaalada ay ka socdaan kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka ee kala taageersan labada dhinac ee guddoonka baarlamaanka Soomaaliya. Qaar kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho iyo madaxtooyada ayay siyaabooyin kala duwan kaga dhacayaan kulamada kala duwan. Kulamada ugu badan ayaa waxay yihiin kala xod xodashada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya si dhinac walbaa uu u helaa xildhibaanada ugu badan ee mooshinka taageera ama kasoo horjeesta. Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa caasimadda Online u sheegay in xildhibaano badan oo dalka dibadiisa ku maqan xitaa lagu wargeliyay inay deg deg ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho. Walli waxaa socdo kulamada isdaba jooga oo ilaa iyo xalay ka dhacayay madaxtooyada Soomaaliya oo u dhaxeeya dhinacyada isku qabtay mooshinka ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya. Guddoomiyaha baarlamanka iyo ku xigeenadiisa ayaa kulamada ugu badan la qaadanaya xildhibaanada baarlamaanka si dhinac walbaa uu taageero u helo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeymo cirka ah ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al Shabaab. Weerarkan oo ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Mareykanku waxa uu sheegay in uu ku dilay 4 ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Sidoo kale Mareykanka ayaa shaaciyay in wax khasaare ah duqeyntaasi uusan ka soo gaarin dadka Rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi. Ma jiro illaa iyo iminka wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi. Duqeyntan ayaa noqoneysa tii 39-aad ee uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya sanadkan gudihiisa. Tan iyo markii uu la wareegay Madaxweyne Trump talada, Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 4 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
PRESS RELEASE Multi-million-dollar project to construct schools in refugee camps and host communities launched in Ethiopia The project is part of a US$15m grant from the Education Cannot Wait global fund dedicated to education in emergencies and humanitarian crisis and will benefit 12,000 children ADDIS ABABA, Ethiopia, December 10, 2018/ — A project to construct schools in refugee camps and host communities in Gambella and Benishangul-Gumuz regions in Ethiopia has been launched. Part of a US$15 million two-year investment in refugee education in Ethiopia by Education Cannot Wait, the project will construct three new inclusive model secondary schools, 41 classrooms in eight secondary schools, and 84 classrooms in four primary schools. About 12,000 children from refugee camps and the surrounding host communities – half of them girls – are expected to benefit. “This project represents a significant step in our efforts to provide children in refugee camps and host communities, the opportunity to learn and reach for their fullest potential,” says UNICEF Representative in Ethiopia Gillian Mellsop. “Education offers children the best pathway to a better life and no child should to be denied that opportunity regardless of their present circumstances.” The project will result in 3,600 children being enrolled in secondary school and 8,400 in primary school. The schools are expected to be ready in time for the 2019-2020 academic year. Each new school will be fully equipped with furniture, laboratories, libraries, teachers’ offices, and gendersegregated latrines. “Ethiopia has a history of generosity in hosting refugees. The international community must play its part and support Ethiopia’s efforts for children and youth uprooted by conflict and violence to fulfill their right to quality education and ensure they can learn and thrive,” says Yasmine Sherif, Director of Education Cannot Wait. The project will boost gross enrollment numbers in both regions. Currently, secondary school gross enrollment in host communities in Benishangul-Gumuz is 33 per cent and 66 per cent in the Gambella Region. The numbers are significantly lower among refugees at 8 per cent and 13 per cent in Benishangul-Gumuz and Gambella respectively. In addition to school construction, Education Cannot Wait is improving the quality of education by providing school improvement grants, teaching and learning materials plus improving the capacity of teachers to deliver quality and inclusive education. These efforts are benefitting both host and refugee communities thereby enhancing the gradual integration of refugee education services into the national education system. Key project partners include the Ministry of Education, the Administration for Refugee and Returnee Affairs, UNICEF, and the United Nations High Commission for Refugees. Distributed by APO Group on behalf of UNICEF Ethiopia. SOURCE UNICEF Ethiopia Qaran News
-
(SLT-Riyadh)-Dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay in aanay u soo gacan gelin doonin xukuumadda Turkiga dadka looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khaashuqji. Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa shir jaraa’iid uu ku qabtay magaalada Riyaadh ka sheegay in aysan muwaadiniintooda u dhiibi doonin cid kale. “Ma dhiibi doono muwaadiniintayada” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga, Caadil Al Jubeyr. Caadil ayaa dhaleeceeyay sida Turkiga uu macluumaadka ula wadaagay boqortooyada Sucuudiga. Source
-
Laascaanood ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar xoogan ka fuliyay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa la sheegay in lagu qaaday Saldhig Ciidamada Booliska Somaliland ay ku leeyihiin magaaladaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi oo muddo qaatay, la’iskuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkan ay ka dambeeyeen saraakiil iyo askar horay uga goosatay maamulka Somaliland. Balse saraakiil ka tirsan kuwa maamulkaasi oo ka hadlay weerarkan ayaa ku eedeeyay dhanka maamulka Punntland. Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan weerarkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, balse Ciidanka Somaliland ayaa howlgallo ka bilaabay ghudaha magaalada Laascaanood gobolka Sool ee Waqooyiga Soomaaliya. The post Rag hubeysan Oo weerar ka fuliyay M/ Laascaanood appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Paris)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato ururada midowga shaqaalaha iyo shaqaalaha dalkaasi si loo dajiyo rabshadaha dhawaan ka dhacay magaalada Paris iyo magaalooyin dowr ah. Kulan maanta uu madaxweynaha Faransiiska la qaadanayo ururada shaqaalaha ayaa la filaya in shaaca looga qaado tallaaboyin looga hortagayo rabshadaha. Dadka uu kulanka la qaadan doono Macron waxaa kamid dad matalaya ilaa shan ururada shaqaalaha iyo saddexda kamid ah ha’yadaha shaqaalaha. Dalka Faransiiska waxaa hareeyay dibadbaxyo qalalaase wata oo ay wadeen dad kasoo horjeedo canshuurta shidaalka dalkaasi oo sare loo qaaday. Ku dhawaad 50 baabuur ayaa dab la qabadsiiyay markii ay dibadbaxyada socdeenImage caption: Ku dhawaad 50 baabuur ayaa dab la qabadsiiyay markii ay dibadbaxyada socdeen Ku dhawaad dad gaarayo 136,000 qof ayaa ka qeyb qaatay dibadbaxyada maalmihii lasoo dhaafay. Meelaha sida ba’an ay u saameeyeen rabshadaha waxaa kamid ah magaalada Paris, burbur ayaa soo gaaray qaar kamid ah dhismooyinka magaalada. Wasiirka maaliyadda dalkaasi, Bruno Le Maire ayaa ku tilmaamay dibadbaxyada ‘masiibo ka dhan ah ganacsiga iyo dhaqaalaha’. Source
-
Waa kooxdii labaad oo qurbajoog ah oo booqasho iyo indha dheyn u tagta garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho oo ay dowlada la wareegtay saddex bil ka hor waxaana socodaalkooda ku wehlinyay gudoomiyahay gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho iyo madaxda hogaaminaysay kooxda qurbajoogta soomaaliyeed ee dalka Australia. Gudoomiyaha kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne Xuseen Xarakow ayaa sheegay in sanadkan soo aadan ay jecelyihiin garoonka oo la dhigay cowska macalimka in ay ku ciyaaraan iyagana ay diyaar u yihiin in ay doorkaaga ka qeyb qaadashada dib u dayctirka. Gudoomiyahay gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusman (Eng.Yariisow) oo qeyb ka ahaa booqashada garoonka Stadium Muqdisho ayaa sheegay in uu jiro farqi weyn tan iyo kolkii ay dowlada la wareegtay tuulada ciyaaraha qurbajoogtana looga baahanyahay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska garoonka iyo goobaha taariikhiga. Qaar ka mid ah dhalinyarada ku koray qurbaha ayaa inoogu waramay dareenkooda,iyagoo sheegay in ay ku farax sanyihiin imitaanka Stadium Muqdisho oo ay marar badan ka arkeyn barbaraha bulshada. Waxaan ka mid ahaa ciyaaryahanadii kusoo ciyaaray tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho maanta waxaan dareemayaa xasuustii uu lahaa garoonka waxaana u Mahad celinaynaa cid Walbo oo kaalin ka qaadatay dib usoo celintiisa anagana waxaan diyaar u nahay in ciyaarno doorkeena waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Cali Xuseen oo tababaraha kooxda Melbourne horayna ugu soo ciyaaray kooxda bada iyo Gobolka Banaadir. Gudoomiyaha degmada Warta-nabada Saynab Xaabsay ayaa sheegtay in maamulka gobolka Banaadir iyo wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada ay ka sugayaan in garoonka lagu bilaawo ciyaaro saaxiibtinimo si ay usoo noqoto kalsoonida dhalinyarada xiisanaysa in ay stadium Muqdisho oo lagu ciyaarayo. Halkaan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Booqashadooda Stadium Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib markii mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya laga gudbiyay maalintii shalay islamarkaana uu qabtay guddoomiyaha baarlamaanka waxaa bilowday kala qeybsanaan baarlamaanka dhexdiisa ah. Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in mooshinka uu salka ku hayo dano shaqsiyadeed oo aysan ku jirin danta qaranka Soomaaliya, waxaana mooshinka uu qabtay guddoomiye Mursal uu ka dhigan tahay heerka uu gaaray Khilaafka. Sidoo kale waxaa dadka la socdo arrimaha mooshinada ay sheegayaan in arintaan ay timid kadib markii la isku qabtay danaha Shaqsiyaadka u dhaxeeya, waxaana xaaladda ay adkaatay markii la isku fahmi waayay arrimaha Koofur Galbeed iyo Kordhinta Qandaraasyo socda. Xeel dheerayaasha ayaa sheegaya in mooshinka xiligaan laga keenay madaxweynaha Soomaaliya uu sababi karo seddex arimood oo kala ah:- 1 Inay Joogsadaan dhamaan Shaqada Hay’adaha kala duwan ee dowladda Gaar ahaan golaha Shacabka oo howlo badan ay u yaalaan. 2 In dhaqaalo ay ku bixiyaan labada dhinac xalinta iyo taageero u helidda Mooshinka, dhaqaalahaasi oo ah mid ummadad Soomaaliyeed ka wada dhaxeeyo. 3 In qalqal amaan uu kusoo kordho magaalada Muqdisho, iyadoo laga faa’ideysanayo buuqa siyaasadeed ee jira sida marar badan dhacday. Waxaa hadda muuqata in xildhibaano badan ay gudbiyeen mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaana guddoonka ay durba ku kala qeybsameen arinta mooshinka. Waxaa meesha ka baxaya guddoonka dhexdhexaadnimadooda, maadaama weerar iyo difaac ay kala noqdeen, iyadoo ay adkaan doonto dhinac walbaa inuu baarlamaanka ku wargeliyo shir dhacaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dibadbaxani oo ah mid ballaaran ayaa waxaa saaka uu ka bilowday gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Banaanbaxa ayaa ah mid looga soo horjeedo Mooshin la sheegay in laga gudbiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Dadweyne fara badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa isugu soo baxay Waddooyinka waa weyn ee M/ Muqdisho. Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinaya Erayo ay ka mid yihiin Mooshin dooni meyno, Qaran dumis dooni meyno iyo kuwa kale. Waxaana dadweynahan lagu arkayaa qeybo ka mid ah Waddooyinka Maka Al-Mukarama, Wadnaha iyo Sodonka ee magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli shalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, inkastoo Mooshinkaasi ay sharci darro ku tilmaameen guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Soomaaliya. The post Dibadbax ka dhan ah Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo Oo ka bilowday Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article