Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,092
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo goor dhow saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanay aqoonsaneen guddiga miisaaniyadda ee golahaasi. Wuxuu sheegay in guddigaasi la kala direy, islamarkaana waxa kaliya ee hadda la qaban karo ay tahay in guddoonka golaha shacabka uu soo dhiso guddi cusub. Dhanka kale, Cawad ayaa sheegay in xildhibaannada golaha shacabka ee kala aragtida duwan aanay shirar siyaasadeed ku dhex qabsan karin xarumaha Villa Hargeysa iyo golaha shacabka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Mahad-Cabdalla-Cawad.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somalia oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa amar ku siiyay xoghayaha baarlamaanka inuusan fulin karin hawl aysan ku heshiis xubnaha guddoonka baarlamaanka Somalia. Hadalka Mahad Cabdalla Cawad ayaa imaanaya, kaddib markii mooshin ka dhan ah loo gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kaasoo xubnihii soo gudbiyay uu ka qabtay xoghayaha baarlamaanka Somalia, Buux. Sidoo kale, Guddoomiye Cawad ayaa amar ku bixiyay in aan lagu shiri karin xarunta guddiyada baarlamaanka Somalia inta uu jiro khilaafka ka dhashay mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo. Go’aannada uu soo saaray guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Somalia ayaa waxaa ka mid ahaa qodobbadan; In Maamulka Golaha ee uu ugu sareeyo xogheyaha Golaha uu mas’uul ka yahay howl socod siinta Go’aamadii ka horeeyay khilaafka, isla markaana uusan fulin karin G’aamo Maamul iyo maaliyadeed oo aysan ka wada tashan Xafiiska Guddoonka ka wada tashan. In xildhibaanada kala aragtiyada duwan aysan kulamadooda siyaasadeed u isticmaali karin hoolka shirarka ee guddiyada Baarlamaanka Somalia ee Villa Hargeysa. In xarunta golaha shacabka ay u dhaxeeyso dhammaan Xildhibaannada lagana ilaaliyo in koox aragti gaar ah wadato ay u adeegsato hannaan guddoonka Golaha isku waafaqsaneyn In Maaliyadda iyo miisaaniyadda Golaha loo maareeyo hannaan la isku waafaqsan yahay kana wada-tashadeen Guddoonka iyo Xafiiska Golaha. In aanan aqoonsanayn guddiga maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacbaka ee la kala diray 28-kii bishii lasoo dhaafay, anaga oo u soo jeedinayna Guddoomiyaha baarlamaanka inuu guddoonku ka heshiiyo dhismaha guddi uu waqtigiisu ku egyahay maareynta miisaaniyadda Sannadka 2019-ka iyo xisaab-xirka 2017-ka, iyadoo la deegsanaya xeer-hoosaadka 56-aad farqada lixaad. Ugu dambeyn, Go’aanandan ayaa u muuqda kuwo meesha ka saaraya awooda guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo u muuqda mid lasoo baxay siyaasad ka duwan middii horay looga filayay. DHAGEYSO: Shirka Jaraa’id ee uu maanta qabtay Mahad Cabadlla Cawad; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/DHAGEYS_CAWAD_AMARRO_CUSUB.mp3 PUNTLAND POST The post MAHAD CAWAD: Xildhibaanada Baarlamaanka kuma Shir karaan Xarunta Villa Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  3. Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-10122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Gudoomiye ku xigeenka labdaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa arimo kala duwan ka hadlay. Cawad ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka aan la furi karin ilaa gudoonka Baaramaanka ay isku raacaan xiliga uu furmayo. Waxa uu sidoo kale sheegay in guddigii horay loo kala diray ee maaliyada uu gudoomiyaha Baarlamaanka faray in ay shaqadooda sii wataan go aankaasi uu yahay mid sharciga baalmarsan guddigaasina ay tahay sidii loo kala diray. Khilaaf ku aadan mooshin kalsooni kala noqosha ah ayaa khilaaf ka dhex abuurtay gudoonka golaha shacabka Soomaaliya Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Mahad Cawad “Baarlamaanka lama furi karo ilaa gudoonka uu isku raaco in la furo” appeared first on Puntland Post.
  5. Hundreds of the residents of Somali capital have gathered in the major streets on Monday to show their support for the government of President Mohamed Abdullahi Farmajoand Prime Minister Hassan Ali Kheyre. Demonstrators who paralyzed traffic along Maka Al Mukarama and Sodonka road before making their way into Daljirka Dahsoon independent square were chanting slogans against the members of parliament. More than ninety members of Somali lower house of the people have signed a motion of no confidence against the president on Sunday. The legislators who submitted their document to the speaker of the house are accusing the president of the federal of Somalia of breaching the provincial constitution. In a press statement shared with the media, the members accused President Abdullahi Farmajo of illegally extraditing former Ogaden national liberation front leader to Ethiopia, demoting former deputy spy chief and his appointment concerning the chief justice. Meanwhile first and second deputy speakers of parliament have termed the motion against the president unconstitutional and contrary to the standing orders of the chamber. A section of members of parliament has also come out condemning the move by their fellow legislators. They accused those driving the motion agenda for forging their signatures into the list of members in support of confidence motion against the government. The post Mogadishu residents rally against impeachment motion against Farmajo appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa goor dhowayd magacaabay taliyaha amniga Doorshada 2019, sida ku cad degreeto lagusoo daabacay barta warbaahinta madaxtooyada. Halkaan hoose ka akhriso. Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray habka uu u shaqeynayo baarlamaanka inta lagu jiro kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee hadda dalka ka jira. Go’aanka Mahad Cawad iyo Muudeey ayaa u muuqda mid lagu go’doomiyey laguna wiiqay awooddii guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal cabdiraxmaan. Mahad Cabdalla Cawad oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay todobo kodob ka soo saareen habka shaqada ee shaqaalaha Baarlamaanka iyo Xarunta Villa Hargeysa ee ay ku shiraan Guddiyada joogtada ah. Mahad, waxaa uu sheegay in hoolka Villa Hargeysa aan lagu qaban karin kulamo siyaasadeed islamarkaana shaqaalaha looga baahanyahay kaliya in ay ku shaqeeyaan. In Guddigii Maaliyadda ee la kala diray ay sidoodii yihiin, islamarkaana aan la aqoonsaneyn, waxaana uu guddoomiye Mursal ugu baaqay in go’aankiisii soo celinta Guddiga uu aysan ahayn mid sharciga waafaqsan. Shaqaalaha Golaha Shacabka ayuu sheegay in aysan fulin karin go’aanno maaliyadeed oo uusan u dhameyn Guddoonka Golaha shacabka iyo qodobo kale. Wali waxaa magaalada Muqdisho ka jira xiisadda ka dhalatay Mooshinka qaar ka mid ah Golaha shacabka ay ka gudbiyeen Madaxeyne Farmaajo. Hoos ka daawo Cawad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar, ayaa sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan xabsi guri ku yahay madaxtooyada Soomaaliya, waxa uu inta ku daray [...] Source
  9. Madaxweyne Gaas ayaa maanta markii ugu horeysay boorarkiisa olalaha doorashada ka taagtay Garowe, taasoo dadka reer Puntland u xaqiijisay inuu mar kale u sharaxan yahay [...] Source
  10. Waa lagama maarmaan iyo wax aas-aas u ah marka ay ummadi hor mar hiigsanayso in ay haysato xornimo fikir, Aragti iyo aqooneed oo ay ku gaadhaan hiigsigooda. Waxa aan aaminsanahay hadii intaa iyo in badan oo kale dedaal la galiyo in aynu ka xoreyno dadkeena oo ay noqdaan qaar si xor ah u fikiri kara, halkaasi waxa ka bilaabmaya curinta afkaaraha horumarka. style=”direction: ltr; margin: 0px; padding: 0px; font-family: sans-serif; font-size: 11pt; color: black; text-align: justify;”> Waxa somalidu qarmiyadii tagay ku hawlanayd gumaysi la dirir iyo xoreyn dhul soomaaliyeed, marnaba lagama fekarin hab fikirka qofka somaliga ahi in uu ka muhiimsan yahay dhulka la raadinayo waayo qofka ayaa dhulka ku nool ee dhulku qofka kuma noola. Haddaba marka aan eegay aad ugu fiirsadey dhacdooyinka iyo siyaasadaha ku wajahan dadka somalida ah, ama Somaliland ha ahaado ama afartii kale ee soomaaliyeed e In qof somali ah oo aragti ahaan, siyaasi ahaan, dhaqan ahaan iyo aqoon ahaan xor ah la helaa way yaraanaysaa sababahan awgood; Somalida hada nooli waa dad u nugul in si dhibyar loo dhalan-rogi karo, waxaana ku hirdamaya oo isku haysta siyaasadaha reer galbeedka, Carabta, Wadamada jaararka, Turkiga iyo xulafadiisa. Waxyaabaha la inagu dhalan-rogi karo ama la inagu dhaqan-gadiyi karo waxa ugu weyn waxyaabaha aynu ugu baahida badan nahay oo ah aqoonta, inaga oo aanu seeska waxbarashadeenu ahayn mid ku dhisan wadaniyad iyo dal jacayl ayaa waxa aynu fursado waxbarasho ka helnaa wadamo siyaasado iyo dano fog inaga leh qarniyada soo socda. Waxa aan qarsooneyn mushkiladaha iyo dagaalada ka socda Geeska Afrika in ay u badan yihiin qaar la inoo soo raray oo dano shisheeye iyo dawlado shisheeye ama ururo dano kale leh dabada ku haya oo gudaheena la keenay, ilaa maantana aanay iska garan dadku. Waxa qoraalkan igu kalifay miyaanay habooneyn inta ay goori goor tahay in aynu ka fekarno mustaqbalka ubadkeenu xaguu ku dambeyn doono, dad ahaan qiime noocee ah ayeynu ka yeelan doonaa dunida aynu ku noolahay 100ka sano ee socda? Aduunkan ilaahay inagu abuurey dad saameyn noocee ah ku yeesha ayeynu noqon doonaa tolow? Gebo-gabada qoraalkayga miyaanay inoo eekayn in aynu maanta ka tashano nidaamkeena waxbarasho, dhaqan iyo nololeed ee aynu ku ababinayno ubadkeena ina badali doona. In aynu helno ama isku dayno aqoonta waxii ina anfacaya mooyaane waxii kale in aynu ku badaleno aqoon wax ka taraysa deegaanka aynu ku noolanahay oo inooga anfac roon tan aynu maanta barano. Iyo in aynu si soo jeeda u eegno dadkeenii dibadaha ku noolaa iyo ubadkooda intii ugu badneyd marxaladaha ay ku sugan yihiin iyo waxa ay inagula soo noqon doonaan mustaqbalka dhow. Iyo waliba halka ay u dhimatay ama nuxurku yahay oo ah in la helo hogaan ama siyaasi ka xor ah hirdanada iyo siyaasadaha dunidan qalabaa-gediyaya ee awood iyo dhaqaale ku dagaalanka ah oo danaha dalalkeena iyo dadkeena kala soo dhex bixi kara laba-dhagax dhexdood isaga oo aan midna ku tiirsan. Isku soo wada ururiyoo siyaasadaha iyo danaha dawladaha shisheeye ee ku soo wajahan dawladaha Somaliland iyo Somalia waa qaar ujeedooyin fog leh oo u baahan in aad looga dhug yeesho saameyntooda dhaqan, nolol iyo siyaasadeed, halka aynu ka eegayno uun dhaqaale iyo maalgashi kaliya. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Source
  11. Saxaafadu waxa ay ahayd tiir ka mid ah tiirarka qaranimada oo waxa ay kaalin mug weyn ugu jirtay ilaalinta dalka iyo dadka danyarta ah, waxaana ay caan ku ahayd ka badbaadinta danyarta duruufaha adag iyo fashilinta shirqoolada siyaasiyiinta iyo waliba ka danaysiga ganacsatadu dalka iyo dadkaba ku hayso. ( Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara e ) Tuduca gabaygaasi waxa uu inoo sheegayaa in suugaanta oo ah qayb ka mid ah saxaafada ama isgaadhsiintu ay ahayd hub wakhtigaana ay ku jirtay halka maanta saxaafadu inoogu jirto. Saxaafadu waxa ay heli jirtay xogaha qarsoon iyo shirqoolada ay qaranka u dhigaan qawlaystayaasha siyaasiyiinta ah oo heshiisyo danaysi dawlado la gala si ay u iibsadaan khayraadka dalkooda. Saxaafadu sidoo kale waxa ay baadhaa ama dabagal ku samaysaa lunsiyada hantida qaranka ee dalka laga dhacay ee dibadaha dalka iyo gudaha dalkaba la dhigtay, waxaanay ceebaysaa tuugta iyo dadka xun ee umadda u dhuuntay. Saxaafadu waxa ay toosisaa meel kasta oo ay arkaan in qalooc qaranka kaga jiro waxaana ay hadh iyo habeen usoo jeedaan in ay qalinka ku saxaan ama ku tilmaamaan waxii qaran jab iyo qalooc ah qaranka lagu arko. Saxaafadu waxa ay codkooda sidaa maatida iyo danyarta iyo dadka aanu dhawaaqoodu meesha dheer gaadhayn oo ay u hadlaan waxaana lagu tilmaami jirey in ay tahay carooga saboolka. Halku dhigyada warbaahinta jaraaidada dusha kaga qornaan jirey waxa aan ka xasuustaa: Wallee qalin daraalaha Danbi qaranka laga galay Kama qariyo wadhatada. Waxa kale oo isna aan xasuustaa: Cadli dooja mooyee Wax kaloo rag deeqoo Dadka lagaga eed baxo Nin u dooney heli waa. Waa tuducyo gabayadii gaariye ka mid ahaa oo tilmaamaya kaalinta abwaanka oo ay saxaafaduna usoo qaadatay kaalinta suxufiga, sababta oo ah labadooda dhawaqooda ayaa dheer waxaana ay u hadlaan ama ka hadlaan dareenka dadweynaha. Suxufigu wuxuu ahaa shaqsi Magac raadis iyo ma hadho reeb ah oo ugu talogalay in uu kaalintiisa iyo dadkiisa u guto waajibaadka uu qaatey si daacadnimo ah isaga oo dadka ugu aduunyo yar hadana magaciisa iyo mihnadiisa aan malaayiin dollar siisanayn. Saxaafada maanta iyo suxufiga jooga 99% waxa ay yihiin qaar quudka uun raadsada oo qiimahiisa iyo qiimaha mihnada u xambaarsan yahay dadka ugu jirto aan waxba ka aqoon. Saxaafada maantu waxa ay noqotay qalab si qaldan quudka loogu raadsado( qabax) oo aan ka soo bixin kaalintii ay dadkeeda ugu jirtay. Saxaafada maantu waxa ay noqotay caroog qabiil iyo qawlayste siyaasiya afkiisa ku hadasha oo waxa ay ka weecatay dariiqii wanaagsanaa ee saxaafadii hore iyo suxufiyiintii hore soo jeexeen. Suxufigu waa ninka waxa uu umadda usoo bandhigayo uu tacab ka gallo ee raadiya xaqiiqda warkaa iyo cadaymihii waxkasta oo ay ku qaadanaysona wakhti iyo aduunba u hura, marka uu soo bandhigona umadu u kacdo oo aan xadhig cago juglayn iyo lacag midna aan waxba laga qaadi karin. Saxaafada somaliland waa ta samayn jirtay raadraaca taariikhda sooyaalkii halgankii dalkan loo soo galay oo saxaafada lafteeda ayaa qayb muhiim ah ka ahayd halgankii dib u xoreynta dalka. Saxaafadu waxa ay soo bandhigtaa aragtiyaha iyo afkaaraha iska wada hor imanaya ee siyaasiyiintu maalinba af gaara dadka kula hadlayaan, waxaana ay si tifaf tiran oo daacadnimo iyo xaglin ka dheer usoo bandhigtaa taariikhda qofka umaddu dooratay oo dhab ah. Waxa ay raadisaa saxaafadu cida dadka masuuliyadaha loogu dhiibayaa ma yihiin dadkii ku haboonaa, hore maxay usoo ahaan jireen taariikhdooda maxaa lagu xasuustaa i.w.m. Saxaafadu waxa la rabaa in ay u hadasho danyarta baaba’day ee dalka iyo nolosha dabaqadaha kala durugsan noqoneysa ee somaliland, sicir-bararka aafeeyey dalka iyo waxa sabab u ah. Qofka suxufiga ah ee leh dhaqankii suxufiga dadkiisa u adeegaya ma baqo kamana jaxanjaxo dhibaatada dhiig miiratada ganacsatadu ku hayso saxaafada iyo bulshadaba. Somaliland mushkiladaha haysta waxa ka mid ah ganacsato dantooda uun eeganaya oo aan dadkooda u tudhayn iyo dawlad daciif ah oo dilaaliin dhex yaacayso, doonayaa macaash oo dadkii dooratey aan ixtiraamin dalkiina dilaalay, cidkasta oo hadashana waala muquuniyaa iyada oo looga faaiidaysto awood iyo lacag duruufaha dadka oo iska adag awgood. Waxa aan ku soo afmeerayaa qoraalkayga saxaafada madaxa banaani boodhka ha iska tunto oo kaalinteedii ha soo ceshato ay magac iyo milgoba ku lahayd haba iska gaajoodaane. Qalinka ha loo qaato in wax lagu toosiyo risiqa ilaahaybaa qorey oo qadi mayside, laakiin qalinkaaga ha u qaloocin dan shaqsi iyo in lagu dilaalo oo waxa aad qortaa quud kuu noqdo. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Source
  12. “Mineey fatuuro fiiq tiraah ninkii fadhaaya ma fayaabo.” – Shaki ma leh inaanu fadhi oolin haddii giraantii waxay soo wareegtaba ay ku timid kursigii madaxweynaha, oo caawa dooddu aysan ka taagnayn Baydhabo, Kismaayo, Garowe, Dh/mareeb ama Jawhar ee doodda Golaha Shacabka hortaal ay tahay xil ka qaadista madaxweynaha. – Dhaawaca maanta gaaray madaxweynaha wuxuu ahaa mid laga hortagi karay, mase dhicin, welise dabaqabasho iyo booga dhayid ayuu leeyahay, waase haddii lala yimaado aragti durugsan oo ku qotonta xilkasnimo, u danqasho danta guud iyo hanaanka dawladeed ee curdanka ah. – Wadahadal iyo wadaxaajood xeerinaya danaha guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo uu madaxweynaha la yeesho xoogaga siyaasadeed ee ka biyo diidsan siyaasadiisa, indheer-garadka iyo xoogaga bulsho, ayaa lama huraan ah, si loo hakiyo baahitaanka khilaafka oo sida tagtada dhaw aan ka baranay albaabada u fura farogelin shisheeye oo aanay cidina ka macaashin. – Dhaqan siyaasaseedka bulshadeena xilligii ka dambeeyay dagaalada sokeeye oo ku dhisan: qaniinyaa qaniinyo kaa fujisa, ma ogolaanayo talada sare ku xusan, waxaana laga yaabaa in halkii wadaxaajood laga geli lahaa la abaabulo mooshin ku aadan xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka. Hadaba haddii sheekadu halkaa aaddo maxaa ka dhalan kara? 1- Kuraasta iyo xilalka ugu sareeya dalka oo ku salaysan 4.5 waxa uu noqonayaa Gudoomiyaha Baarlamaanku siyaasigii 4aad oo reer Baydhabo ah oo ay xukuumaddu dagaal la gasho muddo 8 bilood gudahood ah taasoo caqabad weyn ku noqon doonta hanaanka dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska qaranimada dalka. 2- Baarlamaanka oo kala qaybsama kadibna xirma iyo xasarado siyaasadeed oo aan la maarayn karin oo ka dhasha. 3- Xukuumadda oo ka mashquusha in ay gudato waajibaadkeeda. 4 – Amaanka oo faraha ka baxa khilaafka hay’adaha dawladda u dhexeeya awgii. Guntii iyo gabogabadii:- – Madaxweyne Farmaajo horay ayaad danta guud u xeerisay oo aad uga tanaasushay xilkaagii sanadkii 2011, kumana aadan khaasarin oo si guud iyo si gaar ahba waad uga faa’iiday oo waa kaa aad maanta dalka hogaaminayso oo xilkii ugu sareeyay aad hayso. – Maanta arrinka ku horyaal ee kaaga baahan inaad xeeriso waa inaad furto albaabka wadahadalka iyo wadaxaajoodka adiga oo ka bilaabaya Gudoomiye Mursal kadibna ku baahinaya dhamaan siyaasiyiinta ka biyo diidsan hanaanka aad wax u wado. – Ku dedaal inaadan is lahaysiinin xildhibaanada maanta agtaada jooga oo aadan iska fogayn kuwa ku dhaliilsan, siyaasadu waa meerto ee dhamaan xildhibaanada dhagyso oo talo ka qaado. – Xildhibaanada safka hor fadhiya oo mooshinkaaga aqrinaya, sanad ka hor safkaaga ayay ahaayeen. Gudoomiye Mursalna waa ninkii aad aaminsanayd inaan dhankiisa dabayshu kaaga imanayn. – Dhamaan dhacdooyinkaa hal darsi ayaan ka baran karnaa oo ah “Soomaali walaaloow unbaa lagu wadi karaa” ee madaxweyne wadaxaajood ku dedaal. Waxaa qoray Dr. Maxamed Axmed Sh Cali (Doodishe), oo ahaa lataliyaha arrimaha siyaasadda ee Madaxeynihii hore Xasan Sheekh, isagoo talooyin siinaya madaxweyne Farmaajo oo haatan uu mooshin ka yaallo Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. As the world marked International Anti-Corruption Day, the Federal Government of Somalia announced today a series of steps to strengthen its commitment to combat corruption and reinforce transparency in order to build more accountable institutions. At a United Nations-backed event in the capital, Mogadishu, to mark the Day, and attended by senior government officials and international development partners, as well as representatives of youth and women’s groups, Somalia’s Federal Minister of Justice and Judiciary Affairs, Hassan Hussein Haji, expressed his government’s commitment to promoting accountability and tackling corruption frontally within its rank and file. The minister signed a so-called Project Initiation Plan (PIP) between his ministry and the UN Development Programme (UNDP), which aims at strengthening government institutions to fight corruption and promote accountability. “We are on our way to establish an Anti-Corruption Commission; they need a secretariat, they need training, they need help in all aspects. So, I think this Project Initiation Plan will lead us to develop this institution that will make it easier for us to sign and ratify the UN Convention Against Corruption,” Minister Hussein said. He added that this project would particularly enhance accountability in some of the country’s key institutions, such as the Auditor General’s Office, among others, and that it would be followed by more at the end of the PIP. Speaking on behalf of the United Nations at the gathering today, the UN Secretary-General’s Deputy Special Representative for Somalia, Peter de Clercq, commended the Federal Government for its efforts to improve transparency, accountability and fight against corruption in public offices. The UN official also urged it to make progress with the UN Convention against Corruption, the world’s only legally-binding universal anti-corruption instrument, and which has so far 186 signatory countries. “We encourage all branches of Government and the Federal Member States to take measures to protect and expand the integrity and accountability of the management of public finances and resources, as well as to advance the legal and institutional frameworks against corruption, through robust enforcement and punitive measures,” Mr. de Clercq said. Following the signing ceremony, the UNDP Country Director for Somalia, George Conway, explained that the newly-signed PIP allows the Federal Government to tackle corruption in a comprehensive way. “The PIP builds on significant engagement we have had with the Government at federal and state-level for many years, to address issues of good governance, accountability, transparency, support to public financial management and the broader application of the rule of law,” Mr. Conway said after the signing ceremony. The Project Initiation Plan will be implemented over a six-month period, after which UNDP will roll out a full multi-year programme to support the government of Somalia in its anti-corruption efforts. Around the globe, 9 December is observed as International Anti-Corruption Day with the aim of raising awareness of corruption and of the role of the Convention in combating and preventing it. The post Somalia lays out next steps to tackle corruption appeared first on Shabelle. View the full article
  14. (SLT-Suria) xukuumadda Suuriya ayaa sheegtay inay meesha ka saartay warbixin ay hore u qortay oo sheegeysay in gantaallada difaaca ee dalkaasi ay qabteen waxa ay ugu yeedheen bartilmaameedka cadawga oo ku wajahnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee ku yaalla magaalada Dhimishiq. Warbaahinta wax sharraxaad ah kama aysan bixin sababta arrintaasi balse waxay sheegeen inaysan jirin wax dandaansi ah,xaaladdana ay caadi aheyd. Dhanka kale, ururka la socda xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Suuriya fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa sheegay in dhawaaqa qarax laga maqlayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Dhimishiq. Xukuumadda Moscow ayaa sare u qaaday gantaallada difaaca ee dalka Suuriya kaddib markii diyaarad xamuul oo uu Ruushka leeyahay aan si ula kac aheyn ay kusoo rideen ciidammada dowladda Suuriya bishii September halkaas oo ay ku dhinteen 15 qof oo saarnaa diyaaradda. Source
  15. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xabsi guri la galiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaanada loo diiday in ay galaan xarunta Villa Hargeysa iyo guryahooda ku yaala madaxtooyada. Waxa uu sheegay in xukuumada ay cadaadineeyso Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka gudbiyay iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Majiro war rasmi ah oo arintaasi xaqiijinaya ama beeninaya oo ka soo baxay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay mooshin kalsooni kala noqosha ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan sheegay in xabsi guri laga dhigay gudoomiyaha Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Muqdisho)92 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay gudbiyey mooshin xil ka-qaadis oo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Mooshinka ayaa madaxweynaha ku eedeeyey “inuu ku kacay qiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka, sidoo kalena heshiisyo iyo is-afgarad qarsoodi ah lasoo galay dowlado shisheeye oo sheegay in ay la saxiixdeen Soomaaliya heshiisyo lagula wareejinayo dekadaha Soomaaliya” Si kastaba radio lugo badan ayaa ogaatay in dhammaan eedeymahaas aysan ahayn waxa dhabta ah ee madaxweynaha lagu haysto islamarkaana ay tahay arrin ka baxsan kana weyn gacanta Soomaalida. Sida aan xogta ku heleyno, mooshinka ayaa waxaa ka dambeeya, abaabulkiisana leh, islamarkaana qarashka ku baxaya dhiibaya xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Xildhibaano ka tirsan baarlamanka ayaa maalmahan ka shaqeynayey mooshinka, waxaana jira xiriir laga dhex-waday guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka. Tuhunka weyn ayaa soo baxay sabtidii, markii guddoomiyaha baarlamanka uu Muqdisho kula kulmay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Mohamed Khayaat. Sidoo kale la-taliyaha guddoomiyaha baarlamanka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhowaan la kulmay xubno ka tirsan sirdoonka dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa sidoo kale jirta in mooshinka uu yahay mid aan cusbeyn, oo intiisa badan la diyaariyey dabayaaqadii sanadii tagtay markaas oo uu fashilmay, balse dib ayaa loo cusbooneysiiyey. Inta badan qodobada mooshinka loo cuskadaya sida arrinta Qalbi-Dhagax iyo ku xagudubka dastuurka waa kuwa hore loo qoray, waxaana lagu daray oo kaliya qodobo dhowr oo cusub, oo xaaladda daagan lagu dabaqay, ayada oo taariikhdana laga beddelay. Source
  17. The United States military said Sunday its special forces conducted an airstrike in Somalia on Saturday, killing four al-Shabab militants. The United States Africa Command (Africom) said the collective self-defense airstrike which was carried in cooperation with the Somali government targeted al-Shabab militants in the vicinity of Basra in southern Somalia. “The U.S. airstrike was conducted against militants after partner forces came under attack. We currently assess this airstrike killed four militants with no civilians involved,” Africom said in a statement. “Alongside our Somali and international partners, we are committed to preventing al-Shabaab from taking advantage of safe havens from which they can build capacity and attack the people of Somalia,” said Africom. “The desired end state in East Africa is one in which terrorist organizations cannot destabilize Somalia and its neighboring states, nor threaten the interests of the U.S. and its international allies in the region,” according to Africom. The post U.S. army kills 4 al-Shabab militants in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee axaddii shalay uu qabtay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa xildhibaannada mooshinka keenay waxaa ay xuseen qodobbo dastuurka federaalka ah ku jira oo ay sheegeen inuu ku tuntay ama ku xad-gudbay madaxweyne Farmaajo. Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda la wadaageysaa qodobbada ay soo qaateen oo faah-faahsan. (1). Waxaa ay qoreen inuu ku xad gudbey qodobka 36aad ee dastuurka federaalka ah: Qodobka 36aad farqadiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka Federaalka ayaa xeerinaya in isucelinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha dhexmari kara Jumhuuriyadda Soomaaliya iyo Dowlad kale ay ku dhici karto oo kaliya si waafqsan sharciga iyo in uu jiro: b) Heshiis isu-celin ah oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Federaalka Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha. t) In ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanka Federaalka ah soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha. (2): Inuu ku xad gudbay qodobka 10aad iyo 35aad ee dastuurka federaalka ah, haddii aan qodobadan faah-faahinno. waxaa mooshinka ku jirtay, waxuu Madaxweynaha si aan ganbasho lahayn ugu xadgudbay qodobka 10aad ee dastuurka farqadiisa 1aad, 2aad iyo 3aad, oo dhamaantood tilmaamaya ilaalinta karaamada aadanaha iyo in aan marna awoodda dowladda loo isticmaalin meel uga dhicida karaamada aadanaha. Qodobka 10aad: Karaamada Aadanaha: (1). Karaamada aadanuhu waa deeq Ilaahey Subxaanahu wa tacaalaa ku mannaystay qof kasta oo Banii’aadan ah, xuquuqda aadanahuna deeqdaas ayey ka dhalataa (2). Karaamada Aadanaha waa laguma-xadgudbaan, dhawristeeduna waa waajib saaran dadka oo dhan. Waxaa kale oo la sheegay inuu madaxweynaha ku tuntay qodobka 35aad ee dastuurka ee si cad u qeexaya ilaalinta xaquuqda eedeysanaha, qaas ahaan. In aan qofna lagu qasbi karin dembi-qirasho. In mudo 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh. In xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama eheladiisa. In Eedeysanaha aan lagu hayn karin goob aan sharcigu bannayn iyo xaqa uu u leeyahay in uu qabsado qareen difaaca. QAYBTA 2AAD: Ku xadgudub Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana la soo qaatay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) iyo qodobka 36aad ee dastuurka Qodobka 36aad: Isucelinta eedeysanayaasha: (1). Isucelinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha waxaa lagu oggolaan karaa oo keliya si waafaqsan sharciga, iyo in uu jiro heshiis isu-celin ah oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Federaalka Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha.(2) isucelinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanka Federaalka ah soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha. Inuu k u xad gudbay qodobka 87aad, faqradiisa 2aad (Astaanta midnimada qaranka), 90aad, faqradiisa (c, J, q), 109A IYO 111A EE DASTUURKA FEDERAALKA:, Heshiisyada uu la galay madaxda Itoobiya iyo Eretrea. Qodobka 90aad, faqradiisa (c, J, q) waa sidan: (J).Wuxuu magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirradu,. (C).Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu. (Q). Wuxuu guddoonsiiyaa abaalmarinta Xushmada Qaranka markuu Golaha Wasiirradu soo jeediyo. Qodobka 109A Golaha Adeegga Garsoorka (1) (1). Dastuurkani wuxuu asaasayaa Golaha Adeegga Garsoorka. (2) (2). Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu ka koobnaanayaa sagaal xubnood, oo kala ah sida soo socota: (a) Garsooraha Sare ee Maxkamadda Dastuurka; (b) Garsooraha Sare ee Maxkamadda Sare (c) Garyaqaanka Guud (d) Laba Garyaqaan oo sare oo ka tirsan garyaqaanadda Soomaaliyeed, oo mid walba xilli afar sanno ah ururka garyaqaanadda ay magacaabeen. (e) Qofka Guddoomiyaha ka ah Guddiga Xuquuqul Insaanka; iyo (f) Saddex qof oo xushmad sare ku dhex leh bulshada rayidka ah oo uu soo jeediyay Golaha Wasiiradu ka dibna uu u magacaabay madaxweynuhu xilli afar sannadood ah. (3) Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorku waxay dhexdooda ka dooranayaan qof u noqda Guddoomiyaha Golaha Adeegga Garsoorka. (4) Xubinta Golaha Adeegga Garsoorku waxay xilka hayn kartaa hal xilli oo shan sannadood ah, oola cusbooneysiin karo mar keliya. (5) Wixii Sharci ama qanuun ay sameystaan Golaha Adeegga Garsoorku), oo khuseeya anshax marinta Garsoorayaasha heer Federaal, wuxuu sharcigaasi sidoo kale qabanayaa xubinta Golaha Adeegga Garsoorka. (6) Sida sharciga ama xeerkuba dhigayo, Golaha Adeegga Garsoorku waa in uu: (a) Magcaabaa, anshax mariyaa isla markaana beddelaa xubnaha garsoorka ee Federaalka; (b) Go’aamiyaa mushaharka iyo lacagta hawlgabka ee garsoorayaashaa; (c) Dejiyaa shuruudaha shaqo ee garsoorkaa. Qodobka 111 A. Golaha Adeegga Garsoorka: (1) Waa inuu jiraa Golaha Adeegga Garsoorka, Golahaasoo kala talinaya Caddaaladda iyo Federaal Dawladda arrimaha ku sabaasan maamulka caddaaladda oo ay ka mid tahay qoritaanka, shaqo ka saaridda and talaabo ka qaadista Garsoorayaasha. (2) Golaha Adeegga Garsoorka waa in uu madax banaanaadaa, dhexdhexaad noqdaa uu hal dhinac u xaglin uu xaqiijiyaa madax banaanidda cadaladda. (3) Golaha Adeegga Garsoorka waxa uu lahaanayaa awood, iyo hawlo loo xilsaaray oo ku sheegan Dastuurka iyo Sharciyadda Qaranka. QAYBTA 4AAD Ku xadgudub Mabaadi’da Federaalka, duminta dowlad goboleedyada iyo abaabulka dagaalo sokeeye, iyaga oo soo qaatay QODOBADA 50AAD, 51AAD, IYO 53AAD EE DASTUURKA FEDERAALKA. Qodobka 50aad. Mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Heerarka kale duwan ee Xukuumaduhu marka ay dhexdooda ka macaamilayaan iyo marka ay ku gudo-jiraan adeegsiga awoodda sharci-dejinta iyo awoodaha kaleba, waa in ay ilaaliyaan mabaadi’da Federaalnimada; kuwaas oo ah: (a) Heer kasta oo xukuumadeed waa in ay haysato kalsoonida iyo taageerada dadweynaha; (b) Awood walba waa in la siiyo hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta; (c) Jiritaanka iyo joogtaynta xiriirro iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo ka dhexeeya Dawladaha xubnaha ka ah federaalka dhexdooda iyo dawladaha xubnaha ah iyo Dawladda Federaalka ah; (d) Si uu u jiro dareen midnimo qaran, degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyaddu Federaalka ah ee Soomaaliya waa inuu helaa adeegyo iyo waxqabad xukuumadeed oo isku mid ah; (e) Khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado; (f) Dakhli-ururinta oo loo xilsaaro hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta; (g) Khilaafaadka oo wadahadal iyo dib-u-heshiin lagu xalliyo. Qodobka 51aad. Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Heer kasta oo Dawladeed ha ahaadeen heerar siman ama kuwo kala sarreeya waa in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo wanaagsan (1) Dawlad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin Dawladaha kale, waana in ay: (a) La yeelataa xiriir walaaltinnimo oo wax-ku-ool ah heerarka kale ee Dawladaha, una horseedaa midnimada muwaaddiniinta; (b) Heer kasta oo Dawladeed waa in ay ku wargelisaa heerarka kale siyaasadaha iyo hawlgallada ay ka fulineyso degaannadeeda oo saamayn ku yeelan kara degaannada heerarka kale; (c) Yeeshaan siyaasado u adeegaya qorshaynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah. (2) Si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waa in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Dawladda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka si ay isula meeldhigaan: (a) Adkaynta Midnimada Qaranka; (b) Sugidda ammaanka iyo Nabadgelyada Dalka; (c) Horumarinta dhaqan-dhaqaalaha qaranka iyo suuqa mideysan ee dalka; (d) Horuumarinta baraaraha shacabka; (e) Isdhaafsiga macluumaadka. (3) Dhammaan heerarka Dawladaha waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey. Qodobka 53aad. Wada-xaajoodyada Caalamiga (1) Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah. (2) Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawlad-goboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka. (3) Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeeduna ka muuqdaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka. (4) Sharci Baarlamaank Federaalku ansxiyay waa inuu xeeriyo: (a) Samaynta hay’ado iyo habraacyo fududaynaya wada falgelidda heerarka Dawladda; (b) Samaynta hay’ado habaraacyo fududaynaya xallinta khilaafaadka ka dhex dhasha heerarka Dawladda inta aanay u gudbin maxkamad. QAYBTA 5AAD Ku xadgudub Mabaadi’ida Ciidamada Amniga, Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida (XCCQS) iyo Qaraaraadka Goleyaasha Barlamaanka: 6. KU XADGUDUB QODOBKA 127AAD EE DASTUURKA FEDERAALKA Qodobka 127aad. Mabaadi’ida Ciidamada Amniga (1) Waa in ay Ciidammada Amniga dhawraan mabaadi’da soo socota: (a) Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad; (b) Dhawrista Talinta Sharciga, hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga; (c) U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (d) Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan; (e) Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed; iyo (f) Xubnaha ciidanka waa in lagu tababara dhaqan gelinta Dasturkan, sharciyada dalka iyo heshiisyada caalamiga ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qayb ka tahay. (2) Muwaadin kasta oo Soomaali waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato jagooyinka iyo jaranjarooyinka darajo ee Ciidammada iyada oo aan la takooreyn , iyadoo la ilaalinaaya xuquuqda haweenka ee arrintan la xiriirta. KU XADGUDUB QODOBKA 21AAD, 22AAD, 23AAD EE XEERKA CIQAABTA CIIDAMADA QALABKA SIDA Madaxweynaha waxuu si mas’uuliyad darro ah uu darajada ciidanimo uga xayuubiyay ciidan kana uga saaray Taliye Xigeenkii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sareeye Guuto Abdalla Abdalla iyadoo uusan Madaxweynaha usoo marin hanaan waafqsan sharciga tilaabooyinkaan uu qaaday. Sida ku cad Xeerka Cibaaqta Ciidamada Qalabka Sida ee (Xeer Lr. 2 ee 31-dii Maarso 1963) qodobkiisa 21aad, 22aad iyo 23aad, darajo dhimis iyo shaqo ka joojin ama ka casilid ciidan sida uu tilmaamayo xeerkaan waxaa la sameeynayaa marka uu dhaco xukun maxkamadeed. Tusaale: 1) Darajo dhimis sarkaal waxay imaanaysaa marka uu ku dhaco xukun maxkamadeed oo ka badan 3 sano. 2) Ka saaridda sarkaal ciidamada waxay imaanaysaa marka uu ku dhaco xukun xabsi daa’in ama ka badan 5 sano. Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu si bareer ah u jabiyay Xeerka Cibaaqta Ciidamada Qalabka (Xeer Lr. 2 ee 31-dii Maarso 1963) qodobkiisa 21aad, 22aad iyo 23aad, taas oo si cad uga hor imaanaysa qodobka 87aad, faqradiisa 2aad ee si cad u qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu xilkiisa u guto si waafaqsan Dastuurka iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 8. KU XADGUDUB QARAARAADKA GOLEYAASHA BARLAMAANKA Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ku tuntay qaraarkii Golaha Shacabka uu soo saaray 30 April 2017 ee dib-u-habaynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Madaxweynuhu waxa uu baalmaray xeerkii dhowridda gobonimada iyo midnimada geyiga Soomaaliyeed ee Goleyaasha Barlamaanku ansixiyeen bishii Maarso 2018 qodobkiisa 1aad ee ku waajibinayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka in uu saxiixo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa war kasoo saaray mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya oo shalay loo gacan geliyay guddoomiyaha baarlamaanka. Qoraalka kasoo baxay madaxda dowlad goboleedyada ayaa si cad loogu taageeray mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo sheegay in loo baahan yahay wax ka qabashada dhibaatooyinka dalka ka jira. Waxay walaac ka muujiyeen xaaladda Siyaasadeed ee ka jirta dalka Soomaaliya oo muddooyinkii ugu dambeeyay kasii dareysay, sida ay ku sheegeen qoraalka kasoo baxay maamulada. Seddex maamul goboleed ayay kusoo hareen golaha iskaashiga maamul goboleedyada, kadib markii Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ay la heshiiyeen dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Saudi Arabia’s foreign minister has rejected demands to extradite suspects connected to the murder of journalist Jamal Khashoggi as sought by the Turkish president, Recep Tayyip Erdoğan. “We do not extradite our citizens,” Adel al-Jubeir told a news conference in Riyadh at the end of a summit of Gulf Cooperation Council states. Erdoğan has repeatedly called on Saudi Arabia to hand over suspects in the killing of the dissident journalist. US senators: we’re certain Saudi crown prince ordered Khashoggi’s murder Khashoggi, a Saudi contributor to the Washington Post, was killed shortly after entering the kingdom’s consulate in Istanbul on 2 October. A Turkish court on Wednesday issued arrest warrants for former Saudi intelligence chief Ahmad al-Assiri and former adviser to the royal court Saud al-Qahtani, at the request of Istanbul’s chief prosecutor. Assiri often sat in during Prince Mohammed’s closed-door meetings with visiting foreign dignitaries and Qahtani was a key counsellor to the crown prince. Both were sacked after Riyadh admitted Khashoggi was killed in its consulate. “The Turkish authorities have not been as forthcoming as we believe they should have been,” said Jubeir, saying Riyadh was presented with information that had already been leaked to the media. “We have asked our friends in Turkey to provide us with evidence that we can use in a court of law. We have not received it in the manner that it should have been received.” According to Turkey, a 15-member Saudi team was sent to Istanbul to kill Khashoggi. Erdoğan has said the order to kill Khashoggi came from the highest levels of the Saudi government, but has insisted it was not King Salman. The Turkish leader insisted last weekend during a trip to South America that Riyadh hand over the suspects, but said the kingdom was not cooperating. Riyadh has since detained 21 people over the murder. Despite speculation that the powerful crown prince ordered the hit, the kingdom has strongly denied he was involved. The murder has damaged Riyadh’s international reputation and Western countries including the United States, France and Canada have placed sanctions on nearly 20 Saudi nationals. Qahtani was among 17 Saudi officials targeted by sanctions imposed by the US Treasury Department in mid-November for “his role in preparing for the operation” against the journalist. Source The guardian Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaliya ayaa xog dheeri ah ka bixiyay xaaladda uu ku sugan yahay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo hadal ka jeedinayay goob lagu soo dhaweynayay hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa shaaciyay in maxbuus uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka. Wuxuu sheegay inuu si hordhac ah u sheegayo in guddoomiyaha baarlamaanka markii mooshinka uu qabtay kadib laga dhigay maxbuus sida uu hadalka u dhigay. “Xan Fresh ah ayaan idiin sheegayaa, guddoomiyaha baarlamaanka markii mooshinka uu qabtay kadib cadaadis ayaa la saaray, haddana waxaan idiin sheegayaa Guddoomiyaha baarlamaanka Waa maxbuus”ayuu yiri Xildhibaanka oo ka hadlayay soo dhaweynta C/raxmaan Cabdi Shakuur. Xildhibaanka wuxuu sheegay in Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya loo diiday inay u tagaan guddoomiyaha baarlamaanka, sidaasina uu ku xaqiijinayo in guddoomiyaha go’doon la geliyay. “Xildhibaano badan oo kamid ahaa xildhibaanadii mooshinka gudbiyay ayaa loo diiday inay u tagaan guddoomiyaha baarlamaanka, waxaan idiin sheegayaa in Xan Fresh ah tahay in maxbuus uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka”ayuu hadalkiisa kusii daray xildhibaanka. Marka laga yimaado hadalka uu jeediyay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar ma jiro cid xaqiijin karta in Maxbuus uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka oo uu kala jeeday in loo diiday dhaqdhaqaaqa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Somali delegation led by Deputy Prime Minister, Mahdi Mohamed Guled is in Jordan where he attended counter-terrorism conference. The conference which opened last Sunday focused on how to counter violent extremism ideologies through economic and military means across the globe. Guled who is accompanied by the deputy minister for security and other senior federal government officials delivered a speech at the conference. Various heads of state attended the forum that is set to produce concrete steps to deal with the threats posed by violent extremist groups in various parts of the world. The deputy PM also met With King Abdullah II Jordan and United States Secretary of Homeland Security and discussed on a range of issues, including bilateral relations. Somalia is among the countries that have suffered attacks by terror groups such as al Shabaab and Islamic state. Two top military officials who were spearheading the fights against al Shabaab were killed in landmine on Friday outside Mogadishu. Al Shabaab claimed the responsibility for the attack. The post Somali deputy PM meets top US official and King of Jordan appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxman Cabdi Shakuur Warsame oo muddo 10 Bil kadib maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah iyo eedeyn uu u jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya. Siyaasiga oo ka hadlayay munaasabad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay ayaa wuxuu kaga hadlay waxyaabo badan oo dhaliil u badnaa, isaga oo soo hadal qaaday dhibaatada Daacish iyo Shabaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed. Nuxurka khudbadiisa ayaa la xiriirtay arrimaha amaanka, isbadalka siyaasadda Soomaaliya iyo caqabadaha kooxaha ka horjeeda ku hayan Shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in kooxaha AL Shabaab iyo Daacish ay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo canshuur ka qaada meelaha ay maamusho dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Mar uu ka hadlayay Siyaasadda dalka ayuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan u dulqaadan karin dhaliilaha ay kooxaha mucaaradka u jeediyaan. Maamulada Puntland iyo Somaliland ayuu sheegay in musharixiinta tartantaa ee mucaaradka ah ay dhaliili karaan hogaanka talada haya, laakiin madaxweyne Farmaajo uusan ogoleyn dhaliilaha loo jeediyo, sida uu sheegay. “Musharixiinta Puntland siday doonaan ayay u dhaliilaan madaxweyne Gaas, kuwa Somaliland sida saxda ah ayay u dhaliilaan Madaxweyne Muuse Biixi”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur. Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay meel kaga soo wada jeestaan danaha ummadda Soomaaliyeed dadka ka hor imaanaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan oo ka careysan mooshinka Shalay gelinkii dambe uu qabtay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta banaanbaxyo ka dhigay magaalada Muqdisho. Dadka banaan baxa dhigayay oo ka dhawaaqayay erayo ka dhan ah xildhibaanada mooshinka gudbiyay ayaa xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, iyagoo ugu dambeyn ay xireyn wadada hormarta madaxtooyada Soomaaliya. Haween iyo dhalinyaro badan ayaa xiray wadada madaxtooyada, waxaana la sheegay inay gudaha u galeen madaxtooyada, waxaana ay tageen albaabka Villa Hargeysa oo madaxtooyada ku dhex yaal. Dhinaca kale waxaa banaanbax uu ka socdaa degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo labo banaanbax oo kala duwan ay ka dhacayaan magaalada Muqdisho. Marka laga yimaado banaanbaxa looga soo horjeedo mooshinka madaxweynaha waxaa bananbax kale oo lagu taageerayo C/raxmaan Cabdi Shakuur uu ka socdaa magaalada Muqdisho. Xildhibaanada ugu badan ee mucaaradka ayaa ka qeyb galaya soo dhaweynta C/raxmaan Cabdi Shakuur oo goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho. La soco waxyaabaha kasoo kordhay xaaladda guud ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. PRESS RELEASE African Economic Conference (AEC) 2018: Pushing for an inclusive African Continental Free-Trade Agreement A total of 44 African nations signed the landmark African Continental Free Trade agreement (AfCFTA) earlier this year, which aims to create a single continental market for goods and services KIGALI, Rwanda, December 10, 2018/ — A truly successful implementation of the African Continental Free Trade Area agreement cannot be achieved without the “people dimension,” ensuring that the integration process does not lead to widening inequalities or exclusion. In a plenary session on the final day of the African Economic Conference, delegates participated in an interactive session with experts and policy makers, discussing the risks of integration: fragility, rising youth population, unemployment and hunger, as well as examples of good practice and recommendations to avoid or mitigate the risks. A total of 44 African nations signed the landmark African Continental Free Trade agreement (AfCFTA) earlier this year, which aims to create a single continental market for goods and services, with free movement of business persons and investments, and thus pave the way for accelerating the establishment of the Continental Customs Union and the African customs union. But the agreement is not without its potential downsides and the potential inequality and opportunity for exclusion was the focus of the plenary entitled: “Driving Equity, Inclusion and Innovation for Africa’s Transformation through Regional Integration.” Hunger, gender imbalance and a growing population with youth distancing themselves from agriculture and primary production, were top of Monique Nsanzabaganwa, Rwanda’s Deputy Governor of the Rwanda National Bank’s list. “A third of the East African region is affected by hunger, she said while the gender pay gap meant that 75% of women were working for no wages. “Women may be falling through the cracks,” the Bank Governor said. Other panelists underscored fragility, the importance of governance and strong institutions and ensuring that policy makers do not exclude the women and ordinary people involved in agriculture, which would play a unique role in the integration process. Ngone Diop of the Economic Commission for Africa warned that more than half the population was being left behind and said care must be taken to ensure food security and to protect the women “at the heart of the process.” The discussion was punctuated with contributions from the audience. Isaac Shinyekwa, Head of Trade and Regional Integration Department at the Economic Policy Research Centre, Uganda emphasized the need for training and industrialization. Yague Samb, a Conflict Resolution expert said socio-economic conditions are the major contributing factors for extremism and radicalization, which also pose a serious threat to a successfully integrated continent. She said studies show that radicalization in Niger, Mali and Nigeria are directly linked to frustration with socio-economic conditions. Migration, fragility, regional public good issues Another key aspect of a successful AfCFTA would be good governance, coupled with a regional integration perspective, factoring in potential hotspots, the panelists said. Fragility, which led to migration of youth and affects children and women most, would have to be addressed and minimized, as is the issue of land conflicts, which significantly impacts a region’s agricultural output. Temitope Oshikoya, an Economic Strategist, said an example of this was the migration of cattle herders from neighboring countries to central Nigeria, which led to tensions and insecurity. “This needs to be tackled from a regional public good perspective,” Oshikoya said, adding that there should be provision for providing incentives for collective action to policy makers. Other factors – the current low levels of intra-African trade and the high dependence on imports by African countries – could also have a negative impact on successful integration efforts, the discussants noted. Education and skills building were two other key areas needing priority intervention. Wrapping up the discussion UNDP Country Director Stephen Rodriques underlined that successful integration would entail both national regional resolve to address the risks that stand in the way of implementing AfCFTA. “We know that there are multiple fault lines and risks… many issues are cross-border. Regional public issues should be treated as public good. Education and skills training has to be addressed as a continental agenda,” Rodriques said. The African Economic Conference, held annually, is the continent’s leading forum fostering dialogue and knowledge exchange in the search for solutions to the development challenges of Africa. It brings together leading academics, high ranking government representatives and development practitioners from across the globe. AEC 2018 had as its focus “transformative initiatives for accelerating progress in infrastructure integration that are inclusive and promote equity, including the removal of barriers for movement of people, goods, and services across borders.” The next AEC conference will take place in December 2019. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Economic Commission for Africa (ECA). SOURCE United Nations Economic Commission for Africa (ECA) Qaran News