Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,081
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kusii jeeda magaalada Doha ee Caasimada dalka Qadar, Ra’isul Wasaaraha ayaana martiqaad ka helay Madaxda sare ee dowlada Qadar. Sida aan xogta ku heleyno Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu wadaa in beri ama beri dambo u ambo baxo dalka Qadar , waxaana qorshuhu yahay in Ra’isul Wasaaraha la kulmo madax sare oo katirsan dowlada Qadar. Wali lama shaacin ujeedka safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ku tagayo dalka Qadar, waxaana Xukuumada Doha kamid tahay dowladaha sida weyn u garab taagan dowlada uu hogaamiyo Farmaajo. Safarka Ra’isul Wasaarhaa Soomaaliya ku tagayo dalka Qadar ayaa kusoo aaday xili xiisad siyaasadeed oo adag ay taagan tahay, waxaana jirta cabsi laga qabo in Ra’isul Wasaaraha baajiyo safarkiisa ama dib u dhac ku yimaado. Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu waramayaa in uusan nasan uuna ku jiray kulamo siyaasadeed, waxa uuna kulamo gaar ah la qaatay Madaxweynaha halka sidoo kale uu la kulmay Gudoomiye kuxigeenada golaha shacabka. Waxa uu sidoo kale Ra’isul Wasaaraha kulamo albaabada u xiran yihiin la qaatay Wasiirada ku jira golaha Shacabka, waxa uuna dhamaan kala hadlayay xiisada siyaasadeed ee soo korortay iyo sidii xal looga gaari lahaa Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa ka mid ahaa dadkii u ololeeyay in Gudoomiyaha golaha shacabka laga dhigo Maxamed Mursal Sheekh oo hada u muuqda mid dhabar jabin ku sameeyay Siyaasada Farmaajo iyo Kheyre. Source
  2. Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland ayaa Axadda maanta ah soo xidhay ol’olaha 16-ka maalmoood ee joojinta tacaddiyada ka dhan ah Haweenka,waxaana sidoo kale munaasabadda lagu dhex xusay maalinta baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadahana ee k u beegan 10 December sannad walba. Munaasabadda oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Marwada madaxweynaha dowladda Puntland,wasiirka Haweenka,guddoomiyaha xafiiska difaacaha xaquuqda aadanaha Puntland,saraakiil ka socotay hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga,Haween iyo qeybaha kale ee bulshada. Hay’adaha caalamiga ah ee kulankan joogay ayaa waxaa kamid ahaa EU CAP,UNICEF,UNDP,UNFPA,SAFE, save the children,CARE International,IRC,NCA,World Vision iyo DRC, sidoo kale hay’adaha maxalliga ah ee munaasabadda ka qeyb galay ayaa waxa kamid ahaa Kaalo,SHILKON,PSA iyo Taddaamun. Dhammaan saraakiishi ka socotay hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee munaasabadda ka hadlay ayaa cod midaysan ku sheegay in loo istaago ilaalinta xuquuqda aadanaha,gaar ahaanna dadka nugul ee Haweenka iyo carruurtu ku jiraan iyo in la joojiyo tacaddiyada lagu hayo bulshada qeybteeda nugulka ah. Maxamed Shiino oo ku hadlayay afka hay’adaha maxalliga ah wuxu hoosta ka xarriiqay in joojinta tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda bini’aadamka ay tahay mas’uuliyad wadareed oo looga baahanyahay qof kasta in uu doorkiisa ka qaato. Dhinaca kale Maxamud Cali Yuusuf oo ka tirsan hay’adda UNICEF kuna hadlayay magaca hay’adaha Qaramada Midoobay ee wakhtiga badan geliya joojinta tacaddiyada iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ayaa isna kulanka ka sheegay in ay mar walba u heellan yihiin in ay bulshada ku garab istaagan ka hortagga tacaddiyada,gaar ahaanna kuwa loo geysto dadka nugulka ah ee Haweenku ku jiraan. Guddoomiyaha xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali oo isna hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in haddii lagu dhowro shuruucda iyo xeerarka dalka u yaalla wax badan la yareyn karo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha,islamarkaana la ilaalin karo xuuqdaasi. Wasiirka Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland,Mrs Maryan Axmed Cali oo dadaal badan ku bixisay joojinta tacaddiyada loo geysto Haweenka iyo ilaalinta xuquuqda nugulka ayaa iyana si guud ugu mahadcelisay hay’adaha bah-wadaagta la ah wasaaradda Haweenka,waxaana wasiirku sheegtay in aysan ay laba-jibbaarayso dadaalka ku jihaysan cidhib-tirka tacaddiyada Haweenka iyo carruurta. Ugu dambeyntii Marwada Madaxweynaha dowladda Puntland Drs Hodan Siciid Ciise ayaa munaasabadda ka jeedisay baaq ku aaddan in la dabar-gooyo caadooyinka xun-xun ee ka qeyb-qaata tacaddiyada Haweenka sida gudniinka Fircooniga ah iyo kuwa la midka ah. PUNTLAND POST The post Puntland: wasaarada Haweenka oo soo xidhay ol’olaha 16-ka maalmood ee joojinta tacaddiyada appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta dib ugu soo laabtay M/ Muqdisho Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo in muddo ah ka maqnaa dalka. Siyaasigan waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo la hadlay Warbaahinta ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii soo dhaweeyay. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa si aad u dhaliila siyaasadda dowladda Soomaaliya. The post C/raxmaan Cabdi Shakuur Oo dib ugu soo laabtay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Hogaamiyaasha Maamul-goboleedyada Somalia oo war culus ka soo saaray Mooshinka Xilka qaadista Farmaajo Qaran News
  5. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Shirka Jaraa’id ee billaha ah ee wasiirk Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uu xafiiskiisa ugu qabtay warbaahinta, waxa uu ku sheegay inta badan Wajiga sadaxaad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya ku xernaa oo ah 18 qodob ay ka gudubtay Dowladda Soomaaliya, waxaana shuruudahaasi bud dhig u ah kordhinta dakhliga dalka iyo hagaajinta maamulka Maaliyadda. Sanadka cusub ee 2019 ayuu Wasiirku ku tilmaamay sanadkii caalamka uu go’aan ka qaadan lahaa cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto yabooh kale oo lacageed oo lagu abaalmarinayo sida ay ugu soo gudubtay sharuudaha deyn cafinta, waxaana uu soo jeediyey in wadajir loogu istaago sidii loogu guuleysan lahaa dadaalka Deyn cafinta. 40-Dal oo Afrikaan ah ayaa galay nidaamka deyn cafinta caalamiga oo ay hogaaminayaan Hay’adda lacagta iyo Bangiga Aduunka, waxaa ku haray 3 dal oo ay ku jirto Soomaaliya sida uu sheegay wasiirka Maaliyadda. The post Beyle Oo ka warbixiyay arrimaha Deyn Cafinta Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Soomaaliland Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Waraabe) ayaa ka hadlay mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu taageerayo mooshinkaasi laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo. “Hala taageero mooshinkaasi oo qof wanaagsan oo labada sano ee hadhsan waddanka gaadhsiiya hala soo saaro annaguna dibadda ka joogi mayno” ayu yiri Faysal Cali Waraabe. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faysal Cali Waraabe oo taageeray Mooshinka Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  7. Taliyaha doorashada sarreeye Gaas Cabdirisaaq Siciid Diiriye Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli maxamed Cali(Gaas) ayaa magacaabay taliyaha ciidanka sugaya amniga doorashada Puntland ee la qorsheeyay 8 Jennaayo 2019. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 10 bishan December 2018 ee ku beegan Axadda maanta ah ayaa taliyaha amniga doorashada lagu magacaabay sarreeye Gaas Cabdirisaaq Siciid Diiriye Faarax oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka badda(PMPF) ee dowladda Puntland. Taliyaha loo magacaabay amniga doorashada ayaa madaxweynuhu maalmo ka hor u dallacsiiyay darajada Sarreeye Gaas,waxaana lagu tilmaama nin dhex-dhexaad ah oo loo simanyahay,islamarkaana ay ku qanci karaan dhammaan murashixiinta ku loollamayaa doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyaha amniga doorashada appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in xabsi Guri uu yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Xildhibaanka ayaa shaaciyay in xubno ka tirsan Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa Mooshinka wada loo diiday in ay la kumaan guddoomiye Mursal. Waxaana uu tilmaamay in haatan la xadiday dhaq dhaqaaqii Afhayeenka Golaha Shacabka ee BFS, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/mahad-1.mp3 The post Xildhibaan ka tirsan BFS Oo sheegay in Xabsi Guri uu yahay guddoomiyaha G/Shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Boqolaal dadweyne ah oo maanta isugu soo baxay waddooyinka M/ Muqdisho ayaa teegeero u muujiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Dadkan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka horyimid Mooshin laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo. Dibadbaxayaasha oo gacmaha ku sitay boorar ay ku xardhan yihiin Sawirka Madaxweynaha ayaa ku qeylinayay Erayo ay ka mid yihiin Mooshin dooni meyno, Qaran dumis dooni meyno iyo kuwa kale. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay la dhacsan yihiin dowladda iyo waxqabadka Xukuumadda Soomaaliya. Banaanbaxani ayaa ka dhashay, kadib markii shalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Halkan hoose ka Daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Shacabka Muqdisho Oo taageero u muujiyay Madaxweyne Farmaajo appeared first on Shabelle. View the full article
  10. “Waxaan Ka Mid Ahaa Siyaasiyiintii Wasiiraddana Xukuumadda Ka Ahaa Ee Diidanaa Jidkii Loo Marayay Musharaxnimaddii Madaxweyne Muuse Biixi” Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid. Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, kana mid ah Saraakiisha Sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa markii u horaysay si qoto dheer uga hadlay sababihii ay isaga iyo rag kale oo Wasiiro ka ahaa Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ay uga yaaceen ee ay iskaga casileen Wasiirnimadii iyo Xubinimadii Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu sheegay in fikirkii ay qabeen wakhtigaasi oo ay u arkayeen in Muuse Biixi lagaga haboonaa Musharaxnimadda Madaxweynenimo Siilaanyo dabadii ay maanta dadku kala ogaadeen oo ay maanta taagan tahay in lakala saaro inay fikirkaasi ku saxsaanayeen iyo in kale, waxa kale oo uu ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi inuu ku tuntay sharcigii, dawladdiisuna aanay sharci ku dhisnayn. Sidan ayuu ka sheegay Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid Waraysi khaas ah oo uu siiyay Wariye Cabdirisaaq Good, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Aniga Goorta aan ka tagay Xisbiga Kulmiye iyo Sababaha aan uga tagay umaddu way ogayd oo Musharaxnimadii Muuse Biixi ayay ahayd iyo qaabkii loo marayay,Waxaan ka mid ahaa Siyaasiyiintii Wasiiraddana Xukuumadda ka ahaa ee diidanaa oo aan aqoonsannayn Musharaxnimadda Madaxweyne ee Muuse Biixi, ee aan u arkaynin markaa Musharaxii ugu haboonaa ee Xisbig Kulmiye kasoo bixi lahaa markaa, waanu ku kala qaybsanay arintaasi, Saaxaddii lagu tartami lahaana waxay ahayd mid loo diiday Saaxad Dimuqraadi ah oo lagu tartamo inay noqoto, oo saaxad Kelidii Awooddii Dawladda in loogu meel mariyo ay noqotay, oo ciddii Codka ukala tirin lahayd iyo ciddii soo hubin lahayd ee shirka Qaban qaabin lahayd dadka kasoo qayb galayay”. Waxa kale oo uu yidhi“Anagu taanu Xisbigaba kaga tagnay waxay ahayd “Muuse Maaha Musharaxii ugu Haboonaa” ee waa lagaga haboon yahay, Taariikhda ayaan cadayn doonta, ama Wakhtiga ayaaba cadayn doona, Maanta wuu Yahay Isagii, Umaddu iyada ayaa arki doonta oo inaanu ku saxsanayn in lagaga hagaagsanaa oo Musharax ka haboon Xisbiga oo dad badan oo Hunguri leh ayaa jiree laga baadho oo si Dimuqraadiyad ah loogu tartamo iyo in kelidii loo xidhada Murankii ka yimid ee dabadeedna keenayba inaanu ku kala tagno oo Xisbiga rag badani kaga baxo Inaanu sax ku ahayn oo taayadu hagaagsanayd umadda ayaaba taasi ka jawaabi doonta, anagu markaasi ayaan sii bixiyay Odoraskayga iyo sida aan u arkayo iyo in lagaga haboon yahay, Maantase Markhaatigu waxa uu uyaalaa Dadka”. Ugu dambayn waxa uu yidhi“Xukuumadda Muuse Biixi Sharci kuma dhisna ayaan odhan karaa, xeer ayaa Dhismaha Xukuumadda tilmaamay, looma raacina Caqligiisa ayuu raacay, oo intuu tii Golayaasha iyo Sharci dejinta halkaasi iska dhigay ayuu Caqligiisii ku socday, Waxyaalo bada oo qalaad ah oo dalkani ka dhacay oo lagu tartamayay oo ay ahayd in lasaxo ayaan illaa maanta saxnayn, Xeerarka in la raaco ayay umaddu u dhisantaa”. Qaran News
  11. Shacabka ku dhaqan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka aragti dhiibtey mooshinka ay xildhibaannada golaha shacabka qaarkood ka keeneen madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Qaar ka mid ah shacabkan oo la hadlay Goobjoog waxay sheegeen in mooshinkaasi yahay mid wax dhisaya, islamarkaana madaxweynaha loo baahnaa in kol hore laga keeno. Sidoo kale, shacabkan ayaa tilmaamay in madaxweynaha uu ka gaabiyey wax ka qabashada arrimo badan oo dalka ka jira, waa sida ay hadalka u dhigeenne. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Aragtida-shacabka-cadaado-ee-mawshinka-farmaajo.mp4-alcadaala.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo goor dhow saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanay aqoonsaneen guddiga miisaaniyadda ee golahaasi. Wuxuu sheegay in guddigaasi la kala direy, islamarkaana waxa kaliya ee hadda la qaban karo ay tahay in guddoonka golaha shacabka uu soo dhiso guddi cusub. Dhanka kale, Cawad ayaa sheegay in xildhibaannada golaha shacabka ee kala aragtida duwan aanay shirar siyaasadeed ku dhex qabsan karin xarumaha Villa Hargeysa iyo golaha shacabka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Mahad-Cabdalla-Cawad.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somalia oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa amar ku siiyay xoghayaha baarlamaanka inuusan fulin karin hawl aysan ku heshiis xubnaha guddoonka baarlamaanka Somalia. Hadalka Mahad Cabdalla Cawad ayaa imaanaya, kaddib markii mooshin ka dhan ah loo gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kaasoo xubnihii soo gudbiyay uu ka qabtay xoghayaha baarlamaanka Somalia, Buux. Sidoo kale, Guddoomiye Cawad ayaa amar ku bixiyay in aan lagu shiri karin xarunta guddiyada baarlamaanka Somalia inta uu jiro khilaafka ka dhashay mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo. Go’aannada uu soo saaray guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Somalia ayaa waxaa ka mid ahaa qodobbadan; In Maamulka Golaha ee uu ugu sareeyo xogheyaha Golaha uu mas’uul ka yahay howl socod siinta Go’aamadii ka horeeyay khilaafka, isla markaana uusan fulin karin G’aamo Maamul iyo maaliyadeed oo aysan ka wada tashan Xafiiska Guddoonka ka wada tashan. In xildhibaanada kala aragtiyada duwan aysan kulamadooda siyaasadeed u isticmaali karin hoolka shirarka ee guddiyada Baarlamaanka Somalia ee Villa Hargeysa. In xarunta golaha shacabka ay u dhaxeeyso dhammaan Xildhibaannada lagana ilaaliyo in koox aragti gaar ah wadato ay u adeegsato hannaan guddoonka Golaha isku waafaqsaneyn In Maaliyadda iyo miisaaniyadda Golaha loo maareeyo hannaan la isku waafaqsan yahay kana wada-tashadeen Guddoonka iyo Xafiiska Golaha. In aanan aqoonsanayn guddiga maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacbaka ee la kala diray 28-kii bishii lasoo dhaafay, anaga oo u soo jeedinayna Guddoomiyaha baarlamaanka inuu guddoonku ka heshiiyo dhismaha guddi uu waqtigiisu ku egyahay maareynta miisaaniyadda Sannadka 2019-ka iyo xisaab-xirka 2017-ka, iyadoo la deegsanaya xeer-hoosaadka 56-aad farqada lixaad. Ugu dambeyn, Go’aanandan ayaa u muuqda kuwo meesha ka saaraya awooda guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo u muuqda mid lasoo baxay siyaasad ka duwan middii horay looga filayay. DHAGEYSO: Shirka Jaraa’id ee uu maanta qabtay Mahad Cabadlla Cawad; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/DHAGEYS_CAWAD_AMARRO_CUSUB.mp3 PUNTLAND POST The post MAHAD CAWAD: Xildhibaanada Baarlamaanka kuma Shir karaan Xarunta Villa Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  14. Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-10122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Gudoomiye ku xigeenka labdaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa arimo kala duwan ka hadlay. Cawad ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka aan la furi karin ilaa gudoonka Baaramaanka ay isku raacaan xiliga uu furmayo. Waxa uu sidoo kale sheegay in guddigii horay loo kala diray ee maaliyada uu gudoomiyaha Baarlamaanka faray in ay shaqadooda sii wataan go aankaasi uu yahay mid sharciga baalmarsan guddigaasina ay tahay sidii loo kala diray. Khilaaf ku aadan mooshin kalsooni kala noqosha ah ayaa khilaaf ka dhex abuurtay gudoonka golaha shacabka Soomaaliya Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Mahad Cawad “Baarlamaanka lama furi karo ilaa gudoonka uu isku raaco in la furo” appeared first on Puntland Post.
  16. Hundreds of the residents of Somali capital have gathered in the major streets on Monday to show their support for the government of President Mohamed Abdullahi Farmajoand Prime Minister Hassan Ali Kheyre. Demonstrators who paralyzed traffic along Maka Al Mukarama and Sodonka road before making their way into Daljirka Dahsoon independent square were chanting slogans against the members of parliament. More than ninety members of Somali lower house of the people have signed a motion of no confidence against the president on Sunday. The legislators who submitted their document to the speaker of the house are accusing the president of the federal of Somalia of breaching the provincial constitution. In a press statement shared with the media, the members accused President Abdullahi Farmajo of illegally extraditing former Ogaden national liberation front leader to Ethiopia, demoting former deputy spy chief and his appointment concerning the chief justice. Meanwhile first and second deputy speakers of parliament have termed the motion against the president unconstitutional and contrary to the standing orders of the chamber. A section of members of parliament has also come out condemning the move by their fellow legislators. They accused those driving the motion agenda for forging their signatures into the list of members in support of confidence motion against the government. The post Mogadishu residents rally against impeachment motion against Farmajo appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa goor dhowayd magacaabay taliyaha amniga Doorshada 2019, sida ku cad degreeto lagusoo daabacay barta warbaahinta madaxtooyada. Halkaan hoose ka akhriso. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray habka uu u shaqeynayo baarlamaanka inta lagu jiro kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee hadda dalka ka jira. Go’aanka Mahad Cawad iyo Muudeey ayaa u muuqda mid lagu go’doomiyey laguna wiiqay awooddii guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal cabdiraxmaan. Mahad Cabdalla Cawad oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay todobo kodob ka soo saareen habka shaqada ee shaqaalaha Baarlamaanka iyo Xarunta Villa Hargeysa ee ay ku shiraan Guddiyada joogtada ah. Mahad, waxaa uu sheegay in hoolka Villa Hargeysa aan lagu qaban karin kulamo siyaasadeed islamarkaana shaqaalaha looga baahanyahay kaliya in ay ku shaqeeyaan. In Guddigii Maaliyadda ee la kala diray ay sidoodii yihiin, islamarkaana aan la aqoonsaneyn, waxaana uu guddoomiye Mursal ugu baaqay in go’aankiisii soo celinta Guddiga uu aysan ahayn mid sharciga waafaqsan. Shaqaalaha Golaha Shacabka ayuu sheegay in aysan fulin karin go’aanno maaliyadeed oo uusan u dhameyn Guddoonka Golaha shacabka iyo qodobo kale. Wali waxaa magaalada Muqdisho ka jira xiisadda ka dhalatay Mooshinka qaar ka mid ah Golaha shacabka ay ka gudbiyeen Madaxeyne Farmaajo. Hoos ka daawo Cawad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar, ayaa sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan xabsi guri ku yahay madaxtooyada Soomaaliya, waxa uu inta ku daray [...] Source
  20. Madaxweyne Gaas ayaa maanta markii ugu horeysay boorarkiisa olalaha doorashada ka taagtay Garowe, taasoo dadka reer Puntland u xaqiijisay inuu mar kale u sharaxan yahay [...] Source
  21. Waa lagama maarmaan iyo wax aas-aas u ah marka ay ummadi hor mar hiigsanayso in ay haysato xornimo fikir, Aragti iyo aqooneed oo ay ku gaadhaan hiigsigooda. Waxa aan aaminsanahay hadii intaa iyo in badan oo kale dedaal la galiyo in aynu ka xoreyno dadkeena oo ay noqdaan qaar si xor ah u fikiri kara, halkaasi waxa ka bilaabmaya curinta afkaaraha horumarka. style=”direction: ltr; margin: 0px; padding: 0px; font-family: sans-serif; font-size: 11pt; color: black; text-align: justify;”> Waxa somalidu qarmiyadii tagay ku hawlanayd gumaysi la dirir iyo xoreyn dhul soomaaliyeed, marnaba lagama fekarin hab fikirka qofka somaliga ahi in uu ka muhiimsan yahay dhulka la raadinayo waayo qofka ayaa dhulka ku nool ee dhulku qofka kuma noola. Haddaba marka aan eegay aad ugu fiirsadey dhacdooyinka iyo siyaasadaha ku wajahan dadka somalida ah, ama Somaliland ha ahaado ama afartii kale ee soomaaliyeed e In qof somali ah oo aragti ahaan, siyaasi ahaan, dhaqan ahaan iyo aqoon ahaan xor ah la helaa way yaraanaysaa sababahan awgood; Somalida hada nooli waa dad u nugul in si dhibyar loo dhalan-rogi karo, waxaana ku hirdamaya oo isku haysta siyaasadaha reer galbeedka, Carabta, Wadamada jaararka, Turkiga iyo xulafadiisa. Waxyaabaha la inagu dhalan-rogi karo ama la inagu dhaqan-gadiyi karo waxa ugu weyn waxyaabaha aynu ugu baahida badan nahay oo ah aqoonta, inaga oo aanu seeska waxbarashadeenu ahayn mid ku dhisan wadaniyad iyo dal jacayl ayaa waxa aynu fursado waxbarasho ka helnaa wadamo siyaasado iyo dano fog inaga leh qarniyada soo socda. Waxa aan qarsooneyn mushkiladaha iyo dagaalada ka socda Geeska Afrika in ay u badan yihiin qaar la inoo soo raray oo dano shisheeye iyo dawlado shisheeye ama ururo dano kale leh dabada ku haya oo gudaheena la keenay, ilaa maantana aanay iska garan dadku. Waxa qoraalkan igu kalifay miyaanay habooneyn inta ay goori goor tahay in aynu ka fekarno mustaqbalka ubadkeenu xaguu ku dambeyn doono, dad ahaan qiime noocee ah ayeynu ka yeelan doonaa dunida aynu ku noolahay 100ka sano ee socda? Aduunkan ilaahay inagu abuurey dad saameyn noocee ah ku yeesha ayeynu noqon doonaa tolow? Gebo-gabada qoraalkayga miyaanay inoo eekayn in aynu maanta ka tashano nidaamkeena waxbarasho, dhaqan iyo nololeed ee aynu ku ababinayno ubadkeena ina badali doona. In aynu helno ama isku dayno aqoonta waxii ina anfacaya mooyaane waxii kale in aynu ku badaleno aqoon wax ka taraysa deegaanka aynu ku noolanahay oo inooga anfac roon tan aynu maanta barano. Iyo in aynu si soo jeeda u eegno dadkeenii dibadaha ku noolaa iyo ubadkooda intii ugu badneyd marxaladaha ay ku sugan yihiin iyo waxa ay inagula soo noqon doonaan mustaqbalka dhow. Iyo waliba halka ay u dhimatay ama nuxurku yahay oo ah in la helo hogaan ama siyaasi ka xor ah hirdanada iyo siyaasadaha dunidan qalabaa-gediyaya ee awood iyo dhaqaale ku dagaalanka ah oo danaha dalalkeena iyo dadkeena kala soo dhex bixi kara laba-dhagax dhexdood isaga oo aan midna ku tiirsan. Isku soo wada ururiyoo siyaasadaha iyo danaha dawladaha shisheeye ee ku soo wajahan dawladaha Somaliland iyo Somalia waa qaar ujeedooyin fog leh oo u baahan in aad looga dhug yeesho saameyntooda dhaqan, nolol iyo siyaasadeed, halka aynu ka eegayno uun dhaqaale iyo maalgashi kaliya. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Source
  22. Saxaafadu waxa ay ahayd tiir ka mid ah tiirarka qaranimada oo waxa ay kaalin mug weyn ugu jirtay ilaalinta dalka iyo dadka danyarta ah, waxaana ay caan ku ahayd ka badbaadinta danyarta duruufaha adag iyo fashilinta shirqoolada siyaasiyiinta iyo waliba ka danaysiga ganacsatadu dalka iyo dadkaba ku hayso. ( Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara e ) Tuduca gabaygaasi waxa uu inoo sheegayaa in suugaanta oo ah qayb ka mid ah saxaafada ama isgaadhsiintu ay ahayd hub wakhtigaana ay ku jirtay halka maanta saxaafadu inoogu jirto. Saxaafadu waxa ay heli jirtay xogaha qarsoon iyo shirqoolada ay qaranka u dhigaan qawlaystayaasha siyaasiyiinta ah oo heshiisyo danaysi dawlado la gala si ay u iibsadaan khayraadka dalkooda. Saxaafadu sidoo kale waxa ay baadhaa ama dabagal ku samaysaa lunsiyada hantida qaranka ee dalka laga dhacay ee dibadaha dalka iyo gudaha dalkaba la dhigtay, waxaanay ceebaysaa tuugta iyo dadka xun ee umadda u dhuuntay. Saxaafadu waxa ay toosisaa meel kasta oo ay arkaan in qalooc qaranka kaga jiro waxaana ay hadh iyo habeen usoo jeedaan in ay qalinka ku saxaan ama ku tilmaamaan waxii qaran jab iyo qalooc ah qaranka lagu arko. Saxaafadu waxa ay codkooda sidaa maatida iyo danyarta iyo dadka aanu dhawaaqoodu meesha dheer gaadhayn oo ay u hadlaan waxaana lagu tilmaami jirey in ay tahay carooga saboolka. Halku dhigyada warbaahinta jaraaidada dusha kaga qornaan jirey waxa aan ka xasuustaa: Wallee qalin daraalaha Danbi qaranka laga galay Kama qariyo wadhatada. Waxa kale oo isna aan xasuustaa: Cadli dooja mooyee Wax kaloo rag deeqoo Dadka lagaga eed baxo Nin u dooney heli waa. Waa tuducyo gabayadii gaariye ka mid ahaa oo tilmaamaya kaalinta abwaanka oo ay saxaafaduna usoo qaadatay kaalinta suxufiga, sababta oo ah labadooda dhawaqooda ayaa dheer waxaana ay u hadlaan ama ka hadlaan dareenka dadweynaha. Suxufigu wuxuu ahaa shaqsi Magac raadis iyo ma hadho reeb ah oo ugu talogalay in uu kaalintiisa iyo dadkiisa u guto waajibaadka uu qaatey si daacadnimo ah isaga oo dadka ugu aduunyo yar hadana magaciisa iyo mihnadiisa aan malaayiin dollar siisanayn. Saxaafada maanta iyo suxufiga jooga 99% waxa ay yihiin qaar quudka uun raadsada oo qiimahiisa iyo qiimaha mihnada u xambaarsan yahay dadka ugu jirto aan waxba ka aqoon. Saxaafada maantu waxa ay noqotay qalab si qaldan quudka loogu raadsado( qabax) oo aan ka soo bixin kaalintii ay dadkeeda ugu jirtay. Saxaafada maantu waxa ay noqotay caroog qabiil iyo qawlayste siyaasiya afkiisa ku hadasha oo waxa ay ka weecatay dariiqii wanaagsanaa ee saxaafadii hore iyo suxufiyiintii hore soo jeexeen. Suxufigu waa ninka waxa uu umadda usoo bandhigayo uu tacab ka gallo ee raadiya xaqiiqda warkaa iyo cadaymihii waxkasta oo ay ku qaadanaysona wakhti iyo aduunba u hura, marka uu soo bandhigona umadu u kacdo oo aan xadhig cago juglayn iyo lacag midna aan waxba laga qaadi karin. Saxaafada somaliland waa ta samayn jirtay raadraaca taariikhda sooyaalkii halgankii dalkan loo soo galay oo saxaafada lafteeda ayaa qayb muhiim ah ka ahayd halgankii dib u xoreynta dalka. Saxaafadu waxa ay soo bandhigtaa aragtiyaha iyo afkaaraha iska wada hor imanaya ee siyaasiyiintu maalinba af gaara dadka kula hadlayaan, waxaana ay si tifaf tiran oo daacadnimo iyo xaglin ka dheer usoo bandhigtaa taariikhda qofka umaddu dooratay oo dhab ah. Waxa ay raadisaa saxaafadu cida dadka masuuliyadaha loogu dhiibayaa ma yihiin dadkii ku haboonaa, hore maxay usoo ahaan jireen taariikhdooda maxaa lagu xasuustaa i.w.m. Saxaafadu waxa la rabaa in ay u hadasho danyarta baaba’day ee dalka iyo nolosha dabaqadaha kala durugsan noqoneysa ee somaliland, sicir-bararka aafeeyey dalka iyo waxa sabab u ah. Qofka suxufiga ah ee leh dhaqankii suxufiga dadkiisa u adeegaya ma baqo kamana jaxanjaxo dhibaatada dhiig miiratada ganacsatadu ku hayso saxaafada iyo bulshadaba. Somaliland mushkiladaha haysta waxa ka mid ah ganacsato dantooda uun eeganaya oo aan dadkooda u tudhayn iyo dawlad daciif ah oo dilaaliin dhex yaacayso, doonayaa macaash oo dadkii dooratey aan ixtiraamin dalkiina dilaalay, cidkasta oo hadashana waala muquuniyaa iyada oo looga faaiidaysto awood iyo lacag duruufaha dadka oo iska adag awgood. Waxa aan ku soo afmeerayaa qoraalkayga saxaafada madaxa banaani boodhka ha iska tunto oo kaalinteedii ha soo ceshato ay magac iyo milgoba ku lahayd haba iska gaajoodaane. Qalinka ha loo qaato in wax lagu toosiyo risiqa ilaahaybaa qorey oo qadi mayside, laakiin qalinkaaga ha u qaloocin dan shaqsi iyo in lagu dilaalo oo waxa aad qortaa quud kuu noqdo. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Source