Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,081
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Visit Somaliland And Savor The Experience It is often mentioned in North America, the most affordable vacation is one or two weeks jaunt to Cuba. It crossed my mind as I planned my winter vacation. For the past 5 years I have traveled to East Africa once a year. In an ideal world l would travel twice a year to Somaliland. Time and finances do not permit that. However, I can manage a week long trip to Cuba in mid winter. This got me thinking on all the magnificent sites and sounds of Somaliland that one can visit on a few weeks vacation. If you have covered Somaliland from Lowyacadde to the Daalo Mountains to the beaches of Berbera and Batalale. If you have covered Hawd and drank fresh camel milk. If the caves of Las Gael have left you astounded, you may be thinking I have covered the length and breadth of Somaliland. My friend, you have not, not by a long shot. The country needs to seen to be believed. Sights for the senses; unspoiled, pristine landscape that calls to you. An adventure at every turn. As always it is the people that make or break a country. In Somaliland, it is the people that made it what it is today and it is the people that make one return year after year. Truly a young nation beckons and the people look forward to your next visit. Remember this, a short trip for me to Cuba in the Caribbean is for you a short trip to the Seychelles, Mombasa or the Maldives, after visiting more of Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Long Live Somaliland Hassan Mohamed Abokor hassan1805@hotmail.com Qaran News
  2. Somaliland: Human Rights Centre celebrates Human Rights Day in Burao and Hargeisa Worldwide, 10th December is celebrated to mark the date the Universal Declaration of Human Rights was adopted, in 1948. This year is the 70th anniversary of the Universal Declaration of Human Rights, which declared the inalienable rights which everyone is inherently entitled to as a human being – “regardless of race, colour, religion, sex, language, political or other opinion, national or social origin, property, birth or other status”. Human Rights Centre held an event in Burao to observe Human Rights Day. Burao is the second largest city in Somaliland and is located in the eastern part of the country. Regional and district administration officials including the regional coordinator of ministries of Justice, Employment and Social Affairs, Religious Affairs, and Burao district officials attended the celebration with community members, IDPs, youth activist and civil society activists. Aisha Ali Qabile, the regional coordinator of the Ministry of Employment and Social Affairs Aisha Ali Qabile, the regional coordinator of the Ministry of Employment and Social Affairs, called on the public to stand with human rights, particularly minority groups, women and children. Sabaah Aar, the deputy chairperson of the national women organization (NOW), empathized women in political participation. “We warmly welcome the celebration. It is the first time such event is held in our city, Burao. We are thanking Human Rights Centre for coming to here,” the secretary of Burao local government, Osman Shiekh, said. “Somaliland constitution upholds human rights. We have to all work toward its realization,” he added. “Today we are marking the 70th anniversary of an important document, the Universal Declaration of Human Rights, which was adopted after the horror of the Second World War. Human rights did not start with the Declaration, but the declaration represents recognition of nations to strive towards protection of human rights,” Guleid Ahmed Jama, the director of Human Rights Centre said. He added: “we should not watch and become bystanders when the rights of others are violated. Each and every one of us has to be part of human rights defence and advocacy. We should side with victims and tell the truth to aggressors.” At the same time, HRC celebrated with the law students of the University of Hargeisa. Human rights defenders and activists encouraged the students to advocate for human rights and raise awareness. Students, activists, academics and other members of the public attended the event. Faculty of law of Hargeisa Different human rights issues were discussed in these events. The objective was to celebrate with the rest of the world, raise human rights issues in Somaliland and use for an awareness purpose. The Constitution of Somaliland has a Bill of Rights and accepts the Universal Declaration of Human Rights. This year also marks the 20-year anniversary of the United Nations Declaration on Human Rights Defenders. Human rights defenders endure tremendous pressure and intimidations. The marking will elevate their work and will call on the government of Somaliland to respect the work of human rights defenders as recognized in the United Nations Declaration on Human Rights Defenders. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo xildhibaano kale oo kamid ahaa xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay madaxweyne Farmaajo ayaa 24 saac kadib la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka gurigiisa oo ku yaala madaxtooyada lagu jaray dhagxaan badan, isaga oo sheegay inay ka boodeen dhagxaanta kadibna ay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka. Wuxuu Nasiib darro ku tilmaamay in guddoomiyaha baarlamaanka laga hor istaago inuu la kulmo xildhibaanada mucaaradka ah, taasina ay caqabad ku tahay hanaanka dowladnimo ee dalka. “In ka badan 24 saacadood oo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal ku go’doonsanaa gurigiisa oo ku dhexyaala Madaxtooyada Soomaaliya ayay noo suurogashay inaan u tagno kadib markii aan ka boodnay biro lagu xiray guriga uu ka dhex deganyahay Madaxtooyada” “Waa nasiib daro runtii in sidaas loola dhaqmo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ah shaqsiga labaad ee dalka. Waxaa ii muuqda ififaalo muujinaya in dalkaani god mugdi ah lagu ridayo. Dhamaan sharciyadii yaraa ee dalkaan la iskula hayayna laga tilaabsaday. Lkn waxaan cod dheer ku leenahay yeeli mayno mana yeeli doono caburin iyo cago juglayn. Soomaaliyana in xoog lagu maamulo ma suurogeli doonto inshaa’allaah” ayuu yiri Mahad Salaad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirararka toddobaadlaha ah ee Tubta Amniga iyo Caddaalada iyo Tubta siyaasada loo dhanyahay. Maamulka gobalka Banaadir, Taliska Booliiska iyo wasaaradda amniga gudaha oo qayb ka ah tubta amniga iyo cadaaladda ayaa shirka tubta amniga iyo caddaaladda kusoo bandhigay siyaasadda dawladda ee la dagaalanka mukhaadaraadka oo aad looga dooday intii kulanku uu socday. Siyaasaddaan oo loo qorsheeyay in lagu xakameeyo dhibaatada uu mukhaadaraadka ku hayo bulshada Soomaaliyeed ayaa tubta amniga iyo caddaaladda loogu soo bandhigay si horumarin loogu sameeyo kadibna loogu gudbiyo golaha wasiirrada, ugu dambaynna looga soo saaro sharci saldhig u noqda hannaanka xakamaynta mukhaadaraadka. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale guddoomiyay shirka siyaasadda loo dhanyahay oo maanta looga hadlay astaynta awoodaha heerarka dawladda, samaynta siyaasadda horumarinta iyo tababarrada dawladaha hoose, dib-u-eegista sharciga dawladaha hoose iyo hindise sharciyadeedka xiriirka heerarka dawladaha. Shirarka Tubaha ee toddobaadlaha ah ayaa diiradda lagu saaraa Hal-beegyada iyo qaybaha shaqo ee hor-tebinta u leh dhammaan hay’adaha iyo wasaaraha qaybta ka tubaha. PUNTLAND POST The post Ra’isilwasaare Kheyre oo shir gudoomiyay shirka amniga iyo siyaasada appeared first on Puntland Post.
  5. Waxaa soo baxay mooshin la leeyahay waxaa laga keenay Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo uu qabtay Guddoonka Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Mooshinkan ayaa la sheegay in lagu saleeyay waxyaabo ay ka mid yihiin khiyaano qaran, heshiisyo qarsoodi ah iyo musuq, balse waxay dad badani aaminsan yihiin in ay salka ku hayso khilaaf u dhexeeya Madaxwaynaha iyo Guddoonka Baarlamanka oo salka ku haysa 3 qodob. Dooddan oo ay sidoo kale ku lug darsadeen rag dano is diiddan leh iyo xitaa dalal shisheeye ayaana dib ugu noqonaysa xisaab uu soo bandhigay Guddiga Maaliyadda ee Baarlamanka dalka oo sheegay inay maqan tahay lacag ka badan 40 milyan, kuwaasoo laakiin markii dambe kala jabay, iyadoo uu si doodi ka dhalatay uu u kala diray GX Baarlamanka Md Muudeey. 3 UU MURSAL SHAKHSIYAN KU KHALDAN YAHAY Mar ay halkaa taagan tahay ayaa waxaa dalka soo gaarey Guddoonka Baarlamanka oo bilaabay dood cusub isagoo sida la sheegay soo jeediyay inuusan 3 qodob gorgortan ka geleeynin kuwaasoo kala ah: 1 – In lasoo celiyo guddigii lakala diray. 2 – In lasoo celiyo ciidamo la geeyay Baydhaba oo ka tirsan Booliiska Federaalka. 3 – In aan la hor istaagi karin tartamidda Mukhtaar Rooboow. Markii 3-dooda mid mid loo kala qaado, waloow ay khalad u muuqato in uu guddoomiye xigeenku kala diri karo Guddi Hoosaadka Maaliyadda, misna waxaa si la mid ah khalad u ah inuu Guddoonku kaligii iska soo celin karo ama iska magacaabi karo, sidoo kale waxaa adkaanaysa in guddi kala qaybsani wada shaqeeyaan. Qodobka 2-aad, waxyaabaha gorgortanka geli kara ka mid maaha inay dowladdu kala bedesho halkii ay u baahatana ay u dirto ciidamada dhexe ee Federaalka oo u kala qaybsan millateri iyo booliisba, iyadoo ay Xamarba joogaa ciidamo ka kala yimi gobollada dalka, sidaa darteed waa qayrul mas’uulnimo wayn iyo talo xumo in qof xil sare dalka ka hayaa uu qabyaaladeeyo ciidamo qaran oo gobol la geeyay. Qodobka 3-aad, Rooboow wuxuu dembi ka galay shacbiga Soomaaliyeed, weli waxaa taagan dhibkii ay horseedka ka ahaayeen raggii uu isagu u xalaaleeyay dhiiga shacabka, welibana si cad uma sheegin inuu ka tanaasuley afkaarahaan oo markii uu Xamar tegey wuxuu sheegay inuu dowladda ”wada hadal kula jiro” lamana sheegin halka ay taasi caga dhigatay, marka wixii laga yeelayo waa in ugu yaraan la hor dhigaa Baarlamanka dalka oo ka kooban laba aqal ee ma aha inuu hal siyaasi iskaga gorgortamo ama iska go’aamiyo. 3 AY DOWLADDU KU KHALDAN TAHAY 1 – Khaladka ugu wayn ee ay dowladdu ku jirto waa inaysan weli diyaarin hay’adihii dastuuriga ahaa sida Maxkamadda Dastuuriga ah oo sharciyan dhinacyada haya u kala tarjumi lahayd kalana saari lahayd, si looga fursado in uu dalku xasarad siyaasadeed galo markasta. 2 – Dowladdu waa inay shuruuc cad cad oo weliba qaybo iyo heerar u kala saaran ka diyaarisaa waxa laga yeelayo dadka kasoo noqonaya Al Shabaab oo ay dembiyadoodu kala waawayn yihiin, taasina ilaa maanta ma jirto waana habacsanaan ka muuqata dowladda. 3 – Dowladdu waa inay gar baxdaa qof ahaan iyo hay’ad ahaanba, markii wax lagu qabsado oo ay dadka tustaa in waxa lagu haystaa sax yihiin, iyadoo aan wax kale isku wareerin ama aan waqti iyo tamar iska lumin. Min 3-daa marka laga yimaado waxay dhinacyada is hayaa ku wada khaldan yihiin inay dalka oo meel xasaasi ah maraya muran iyo xasarad u horseedaan iyagoo is fiirsanaya balse aan fiirinayn danta umadda dhibaataysan ee Soomaaliyeed iyo weliba dadaallada dowlad dhisidda ah ee awalba gaabiska ahaa ee uu doollarka badani ku baxay iyo dunidii oo mar kale qarka u saaran inay markale naga sii jeesato haddii aan sidan kusii wadno. FG: 3-da ay dowladdu ku khaldan tahay Baarlamanku waa ku jiraa Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji, Hadalsame Media Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo war qoraal ah kasoo saartey xaalada siyaasadeed ee haatan ka taagay wadanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay inay sii socoto xiisadda. Hoos ka akhriso bayaanka The post Rugta Ganacsiga oo walaac Xoogan ka muujisay Xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan dalka appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Turkiga iyo Suudaan ee Soomaaliya. Danjiraha dalka Turkiga Mudane Maxamed Yilmaz oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan ayaa uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacab. Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Danjiraha cusub ee dalka Turkiga in uu ku guuleysto gudashada doorka kaga aaddan adkaynta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isagoona bogaadiyey dadaallada labada dawladood ee ku saleysan ka mira dhalinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Dhanka kale, Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa oo Madaxweynaha u gudbiyey waraaqahiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday Madaxweynihiisa Mudane Cumar Xasan Albashiiri. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay waxa uu uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya dalalka Turkiga iyo Suudaan. Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu u sheegay Danjireyaasha in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. The post MD Farmaajo oo waraaqaha ka guddoomay safiiro cusub appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-10122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – 92 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Si kastaba, Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Weli Ibraahim Mudueey iyo Mahad Cawad ayaa kasoo horjeestay, ayaga oo sheegay in sharci darro ay tahay in guddoomiyaha uu aqbalo mooshikan. Muudey iyo Cawad ayaa sheegay in madaxweynaha aan laga keeni karin mooshin sababtuna ay tahay inaysan jirin maxkamaddii dastuuriga ahayd ee go’aanka ka gaari lahayd in sharci ahaanshaha mooshinka. Haddaba marka la eego dastuurka mooshinkan ma yahay sharci. Sida ku cad qodobka 92-aad ee dastuurka mooshinka ma ahan sharci. Hoos ka aqriso. Qodobka 92aad. Maxkamadeynta iyo Maamus-Ka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya (1) – Xil-ka-qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano-qaran, xadgudub culus oo Dastuuri ah ama ku-xadgudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (2) – Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa golaha hor-keeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, 30 DasTuurka Ku-Meel gaarka Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay. (3) – Haddii ay go’aamiso maxkamadu inay eedayntu sal sharci leedahay, saddex dalool labo (2/3) ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha xilka ka qaadaya. (4) – Haddii Madaxweynaha xilka lagaga qaado si waafaqsan faqradaha 1 ilaa 3 ee qodobkan, waxaa xilka madaxweyninimo la wareegaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. MOGADISHU, Dec. 9 (Xinhua) — Somalia joined the world on Sunday in marking the International Anti-Corruption Day with the signing of the United Nations-backed plan aimed at tackling the vice in the country. Somalia’s Ministry of Justice and the United Nations Development Programme (UNDP) inked the Project Initiation Plan (PIP) which aims at strengthening government institutions to fight corruption and promote accountability. “We are on our way to establish an Anti-Corruption Commission; they need a secretariat, they need training, they need help in all aspects,” said minister of justice Hassan Hussein Haji in a statement issued by the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). The minister who spoke at the United Nations-backed event in Mogadishu announced series of steps to strengthen government’s commitment to combat corruption and reinforce transparency in order to build more accountable institutions. He said the project would particularly enhance accountability in some of the country’s key institutions, such as the Office of the Auditor General, among others, and that it would be followed by more at the end of the PIP. “So, I think this Project Initiation Plan will lead us to develop this institution that will make it easier for us to sign and ratify the UN Convention against Corruption,” Haji said. George Conway, UNDP Country Director for Somalia, said the newly-signed PIP allows the government to tackle corruption in a comprehensive way. “The PIP builds on significant engagement we have had with the government at federal and state-level for many years, to address issues of good governance, accountability, transparency, support to public financial management and the broader application of the rule of law,” Conway said after the signing ceremony. The PIP will be implemented over a six-month period, after which UNDP will roll out a full multi-year program to support the government of Somalia in its anti-corruption efforts. Source: XinhuaNet
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamada Sarre Puntland ayaa lagu wadaa in ay berri dhagaysto dacwad u dhaxaysa Madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa taasi oo la xiriirta khilaafka dastuuriga ah Ilo xogogaal ah ayaa u xaqiijiyey in Madaxwayne ku xigeenku Cabdixakiin Camey ii maxkamada u gudbiyey dacwad la xiriirta Gudiga xalinta khilaafaadka ee Madaxwayne ee Madaxwayne Gaas magacaabay isla markaana labada dhinac diyaarsadeen qareemadii difaaci lahaa Khilaafka Maxda sare ee Puntland oo ah mid dastuuri ah ayaa maxkamada sare dhegaysan doonta madaama aysan Puntland lahayn maxkamadii dastuuriga ahayd ee kala saari lahayd khifaadka noocaan ah . Sharci yaqaano ayaa sheegay in Maxakamada sare matali karto midda Dastuuriga ah. Gudiiga xalinta khilafaadka ayaa 20 sano ay Puntland jirtey waxaa magacabistiisa iska lahaa Madaxweynaha isagoo la tashanaya ku xigernkiisa, musharaxiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Arintaan ayaa ku soo beegaysa iyadoo Manta Gudiga khilaafadka ee Madaxwayne Gaas magacaabay shaqadooda bilaabayaan. Xigasho: Garowe Online
  12. Maxkamada sare ee Puntland ayaa maalinta berrito ah qaadaysa dacwad maamul oo u dhexeysa madaxweynaha dowladda Puntland iyo madaxweyne ku xigeenka, dacwadaaas oo ka dhalatay [...] Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa ka jawaabay go’aannada ay qataeen guddoomiye ku xigeenka koowaad yok an labaad ee baarlamanka eek a dhanka ah guddoomiye Mursa. Qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Fiqi ku sheegay in labada ku-xigeen aysan soo saari karinw ax qoraallo ah, ayada oo guddoomiyaha u joogo. “Xalay illaa iyo maanta waxaa iska soo daba dhacay hadallo ka soo yeeraya labada guddoomiye ku xigeen ee golaha shacabka, kii saacado ka hor uu qabtay guddoomiye ku xigeenka labaadna wuxuu ahaa amarro iyo go’aano uu kaligiis gaaray” ayuu yiri Fiqi. “Waxaa is-weydiin mudan Guddoomiye ku xigeenada golaha shacabku maxay tahay shaqadooda iyo awoodoodu, sida ku cad qodobka 8-aad ee xeerhoosaadka golaha shacabka xilka gud kxg-nadu waa cad yahay, gaar ahaan guddoomiyaha oo jooga oo shaqadiisii gudanaya In Guddoomiye ku xigeenka labaad amarro Soo saaro waa wax sharciga iyo nimadaamka dawladnimada khilaafsan” ayuu yiri
  14. (SLT-Hargaysa)Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ucid Eg Faysal cali Xuseen ayaa taageeray mooshin ay qaar ka mid ah xildhibaanadda baarlamaanka somaliya ay ka gudbiyeen madaxwaynaha somaliya oo ay ku edeeyay inuu jabiyo sharciyadii dalkiisa. Faysal ayaa sheegay in loo baahan yahay in xildhibaanadda mooshinka soo gudbiyay ay ku Adkaystaan mooshinkooda si ay u badalaan madaxwaynaha somaliya oo ku edeeyay inuu ka soo horjeedo horumarka Somaliland. “Xildhibaanadda waxaanu leenahay hala taageero mooshinkaas oo qof wanaagsan oo labadaas sano ee u hadhsan gaadhsiiya dimuq-raadiyadda haloo diyar garoobo,aniguna hadaan faysal cali waraabe ahay xidhiidho badan ayaan ku leeyahay oo dibadda ka joogi maayee waan la shaqaynayaa in ay cid wanaagsani timaado oo Somaliland si walaalnimo ah lagu kala baxo oo aynu noqon saddex dal oo walaalo ah jabuuti,Somaliland iyo somaliya oo waliba xidhiidh wanaagsan aynu yeelano inaga oo wadda galayna qaramadda midoobay iyo waliba igad.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlayay eryal tv Intaas waxa uu ku daray faysal cali waraabe isaga oo hadalkiisa ayaa yidhi.”Waxaanan doonayaa qofka leh Somaliland oo xor ah dhibaato ayay Somali u leedahay aniga hay taabsiiyo,waxaanan markaas leenahay mooshinku ha socdo dimuq-raadiyadu ha socoto,dastuurkuna ha socdo waanan hambalyaynaynaa dadka keenayna mooshinka. Faysal cali waraabe ayaa sheegay in madaxwaynaha somaliya maxamed cabdilaahi farmaajo uu isirka Somali oo dhan uu ku yahay khatar.”Ficilkan madaxwaynaha somaliya samaynayaa isirka Somali oo dhan ayuu khatar ku yahay,waana ninka yidhi maanta itoobiya iyo waliba Eritariya ayaa xidhiidh la samaysanayaa Somali oo kala daadsan,waxaana uu doonayaa inuu baabiiyo dawlada goboleedyadda somaliya. Faysal cali waraabe ayaa sheegay in madaxwaynaha somaliya uu markasta doonayay inuu somaliland Macaamilka ay Dunida la leedahay uu ka soo xidho,waxaana uu sheegay in taasi ay u suurtoobi wayday Source
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Eng Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaanada baarlamaanka ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo soo dhaweeyay mooshinka. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka looga baahan yahay inay qaadaan talaabo ay ku keenayaan madaxweyne Wanaagsan oo badali kara madaxweynaha, islamarkaana labada sano ee soo hartay wax badan qaban kara. “Aniga xiriir ayaan Soomaaliya dad kala leeyahay waana kala Shaqeynayaa inay xilka ka qaadaan Farmaajo, si labada sano ee soo socota loo gaaro dimuqraadiyad” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe”. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay xildhibaanada marka hore ay ku qaldameen doorashada madaxweynaha, waxaana uu sheegay in xiligan ay heystaan fursad ay madaxweyne cusub kusoo dooran karaan. Eng Faysal Cali Waraabe ayaa kamid ahaa masuuliyiin madaxweyne Farmaajo kula kulmay dalka Belgium-ka isagoo xiligaasi sheegay inuu wax badan kala hadlay madaxweyne Farmaajo ayna isku fahmeen, laakiin hadda lama oga waxa badalay aragtidiisa. Dhageyso codka Faysal https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Feysal-Cali-Waraabe.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka ka dhex taagan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saameyn ku yeeshay Shaqaallaha iyo Ciidanka Ilaalada ka haaya xarunta ay ku shiraan xildhibaanada Golaha Shacabka. Khilaafka oo ah mid xooggan ayaa Ciidamada Ammaanka iyo shaqaallaha xarunta Golaha Shacabka waxa ay la safteen gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan xilli Gudoomiye ku xigeenada ay kasoo horjeeddaan Gudoomiye Mursal. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu soo waramaya in uu gacanta ku haayo xarunta Villa Hargeysa oo ay ku shiraan Xildhibaanada Golaha Shacabka. Gudoomiye ku xigeenada ayaa sheegay in ciidanka Ammaanka aysan faragalin ku sameyn karin xarunta Cida Imaaneysa, islamarkaana ay ka hortaggaan in xildhibaanada ay ku shiran inta ay taagan tahay Xiisadda Guddoonka Golaha Shacabka. Maamulka Baarlamaanka ayaa lagu soo waramaya in ay raaceen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo xildhibaanada qaarkood ay sheegeen in uu ku jiro xabsi guri. Shakiga ka taagan Cida maamuleysa xarumaha ayaa yimid ka dib markii Gudoomiye ku xigeenada ay goor dhow war ay soo saareen ay ugu digeen Shaqaallaha iyo maamulka Baarlamaaanka,taasoo ku aadaneyd in aysan la safan Gudoomiye Mursal. Labadda dhinac ee Khilaafku ka dhaxeeyo ayaa isku daayay in Midkaste Kooxda taageersan uu ku shiriyo Xarunta Villa Hargeysa oo loogu tala galay Guddiyadda Joogtada ah ee Golaha Shacabka in ay ku shiraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Maanta kulan qiimo wayn kadib waxaan gacanta ku soo dhigay Mashruuc muhiim ah dalkuna u baahan yahay hadii Wasaarada Maliyadu dabaqdo mudo bil gudiheed waxa hoos u dhacaya sicir bararka dalka ka jira ee laxakamayn waayay. Hadii Bangiyada dalka sida Salaama Bank, Dahabshiil Bank, Premier Bank, iyo Banka dhexe ee Qaranku dabaqaan ay dunidu aaminayso oo Tujaarta dunidu lacagtooda ku soo aamini doonaa SOMALILAND sida lacagta loo dhigto Switzerland oo kale. Hadii ay xukuumadu ku dabaqdo dalka, golaheeda wasiirada, iyo shaqaalaha dawlada uu dalku noqon doono ( من حال الي حال من الأرض إلى السماء ) , Dalkuna wuxuu jari doonaa talaabo aad iyo aad u wayn oo is badal iyo wax soosaar ah, ilaa laga gaadho isku filnaasho dhamays tiran. kulankan maanta waxaan laqaatay Dr.Cadnaan kalkataawi waa Aasaasaha barnaamijkan wayn ee dunida anfacay ee -( Al XAWKAMA )- 1- Al xawkama tal Bankiya 2- Al xawkama tal Masrafiya 3- Al xawkama tal Idaara 4- Al xawkama tal Suluukiya 5- Al xawkama tal Tanmiya 6- Al xawkama tal Diplomasiya Dr.Cadnaan kalkatawi waa madixii hore ee -(Saudi France Bank JEDDAH)- waana mid kamida hawl wadeenada wada [Hiigsiga sacuudiga ee 2030]. Asxaabeey waxaan dareemi karaa inaad la yaaban tihiin -(Al xawkama)- iyo waxay tahay, waa barnaamij dunida ku cusub oo la aasaasay 1991, ee iska suga wuu idin soo gaadhi doonaa. Barnaamijkan waxaan la wadaagi doonaa masuuliyiinta ay khusayso sida bangiyada dalka iyo wasaaradaha Maliyada, Maalgashiga, Qorshanyta iyo sadexda Xisbi Qaran. Kulankan waxa ii wehel ahaa garab wayna isiiyay Porf #KAYD oo ah khabiir ku takhasusay sharaxaada quruxda badan ee Somaliland, Nour-alhudaa Ali Banfas abti barakoow oo midigtu kuma godo. Amb Ahmed Safiina Qaran News
  18. Sida ku qoran dastuurka KMG ah ee 2012-kii, qodobka 92aad ee maxkamadeynta iyo maamuus ka qaadista madaxweynaha, haddii lagu eedeeyo khiyaano-qaran, arrimo xadgudub ku ah Dastuurka ama sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa golaha shacabka la horgeynayaa Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, waxaa golaha hor-keeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay. Mar haddii aaney jirin xilligan maxkamad dastuuri, oo dastuurka la isticmaalayo uu yahay mid KMG ah oo aan dhameystirneyn, waxaan dib u raacnay sida ay dastuurradii hore ka dhaheen dacwooyinka noocaan ah. Dastuurkii 1960-kii, waxaa ku caddaa sida laga yeelayo qaadista dacwooyinka dembiyada liddiga ku ah madaxweynaha iyo xubnaha dowladda iyo cidda keeneysa. Qodobka 76aad ee dasruurkaas waxaa ku qoran waxyaabaha madaxweynaha lagu maxkamadeyn karo iyo habraaca loo marayo sida khiyaamo qaran. Mas’uuliyad: 1)- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda mas’uul kama noqon doono falal lagu sameeyay iyadoo la fulinayo hawlahiisa, marka laga reebo khiyaamo Qoran oo waawayn ama isku dayo ka soo horjeedo nidaamka Dastuurka, sida uu sharci diyaariyay. 2)- Mas’uuliyadda la xirriirta xagga sharciyada Madaxwaynaha waxaa inta kale iska leh Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirada awoodda u leh ee iyagu qaabilsan/ayidsan. 3)- Xaaladda ku saabasan khiyaamo Qaran oo wayn ama tallaabooyin isku day ah oo ka soo horjeeda nidaamka Dastuurka, waxaa Madaxwaynaha Jamhuriyadda dacwad loogu soo oogi karaa go’aan uu Golaha Baarlamaan ka qaatay mowduuca ay soo jeediyeen ugu yaraan shan meelood hal meel (1/5) xubnaha Golaha laguna ansaxiyo cod-bixin qarsoodi ah oo leh aqlabiyad dhan seddax meelood laba meel (2/3) ee xildhibaanada; waxaa lagu qaadayaa maxkamadda sare oo u samaysan sida maxkamadda ugu saraysa ee caddaaladda. 4)- Xaaladaha ku xusan farqadda sare mooyaane, Madaxwanaha Jamhuriyadda lalguma qaadi karo maxkamad iyo wax ciqaab dembi ah marka laga reebo marka uu Goluhu bixiyo oggolaashihiisa, laguna ansixiyo cod-bixin qarsoodi ah ee aqlabiyad dhan seddax meelood lab meel (2/3) xubnaha xildhibanada. 5)- Ansixinta dacwad ku oogid ee khiyaamo Qaran oo wayn ama tallaabo isku day oo liddi ku ah nidaamka Dastuurka ama oggolanaasho in la bilaabo tallaabo sharci ka qaadid ee dembi kuna saabsan debmi kale ee kasta waxay u baahanayaan in si deg-deg ah loo laalo awoodaha Madaxwaynaha. Dhinaca kale, Isla dastuurkaas, CINWAANKA II, gaar ahaan qodobbada 101aad iyo 102aad, waxaa lagu sheegay habraaca loo marayo eedeymaha ka dhanka ah madaxweyanaha marka ay ka soo gudubto golaha shacabka. QODOBKA 101ad: DACWO 1)- Qodobada dacwad uu soo ansixiyay Golaha Baarlamaanka ee ku cad Qodobka 76ad ama kan 84ad ayaa caddayn naa qodobada lagu eedaynayo in ay galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda ama xubin kasta oo dowladda ka tirsan iyo cidii gacan ku siisay haddiiba ay jirto. 2)- Golaha Baarlamaanka ayaa ka soo magacaabaya xildhibaanada dhexdooda amaba bannaanka, hal ama seddax wakiil oo dembiga ku soo ooga kuwaas oo noqonaya ama fulinaya hawsha xeer–ilaaliyaha dowladda dacwad qaadista hortaalla Maxkamadda ugu saraysa oo u samaysan sida Maxkamadda Sare ee Caddaaladda. QODOBKA 102ad MAXKAMADDA SARE EE CADDAALADDA Maxkamadda ugu sarraysa oo u samaysan sida Maxkamadda Sare ee Caddaaladda ayaa wadaysa qaadista dacwadaha Maxkamadeed iyadoo lagu darayo lix xubnood oo uu Guddoomiuyaha Maxkamadda si bakhtiya–nasiib ah uga soo dhex xulayo, goobta dhagaysiga dadweyanaha, liis laba iyo toban muwaadiniin ah oo u qalma in loo doorto dibutaati ama xildhibaan. Laba iyo tobanka muwaadiniinta ah waxaa soo dooranaya Golaha Baarlamaanka billowga muddo kasta, kuwaasoo laga soo dhex saarayo dad aan xubno ka ahayn Golaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Hargaysa)Gudomiyaha Hay’ada Shaqalaha Somaliland Oo Shramake Gelle Ayaa Shaacaiyay Goorta Iyo Goobta Lagu Gali Doono Imtaxaanka Shaqo Ee Gobalka Awdal. Wargelin: Goobta iyo Goorta Imtixaanka Shaqo ee Gobolka Awdal. -Waxaa maalintii Axada ahayd ee 02/12/2018 si habsami ah u soo xidhmay qabashada codsiyadii Shaqo ee Gobolka Awdal iyo guud ahaan-ba dalka halkaas oo ay dhalinyarada aqoonyahanka ahi ku tartami doonnaan Kaalmo Shaqo oo Hay’adaha Dawladda ka bannaanaday. -Haddaba, tartanka ka qabsoomaya Gobolka Awdal Caasimadiisa Borama ayaa qabsoomi doonna maalinta Salaasada ee bari ah taariikhduna tahay 11/12/2018 Insha Allah -Tartamayaasha ayaa ku tartami doonna 50-kaalmo Shaqo oo kamid ah kaalmihii Shaqo ee ku banaanaday hawl-qabadkii qaran ee diiwaan-gelinta Shaqaalaha Dawladda halkaas oo guulaystayaashu ka hawl-geli doonnaan Gobolka Awdal iyo hadii loo baahdo xarumaha dhexe -Tartamayaasha waxaa lagu wargelinayaa in ay kasoo xaadiraan Hall-ka Jaamacadda Camuud “Campus” 8:00Am Subaxnimo ee maalinta Salaasada iyaga oo sita Shahaadooyinkii asalka ahaa “Original” ee ay Copy-giisa horay u soo xaraysteen iyo Aqoonsiga Muwaadinka Somaliland “Somaliland National ID Card” Waxaan u rajaynayaa tartamayaasha guul iyo tartan hufan Sharmaarke Axmed Muxumed Gelle Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL Source
  20. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa barqanimadii maanta Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya ku dilay gudaha degmada Dharkenley ee Ggobolkan Banaadir. Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Carab, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ahaa Raggii ka dambeeyay dilkaasi Toogasho ay ku dileen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dharkenley iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Shalay ayey aheyd markii laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda lagu dilay xaafadda Black Sea ee magaalada Muqdisho. The post Kooxo hubeysan Oo Askari ku dilay degmada Dharkenley appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu doonayo inuu ka baxo magaalada Muqdisho oo uu saldhigto Baydhabo. Qorshahan oo ay nala wadeegn xildibaano ku dhow, ayaa la sheegay inuu yahya mid diyaarintiisa ay socoto, inakasta oo weli aan si rasmi ah loo ogeyn xilliga uu baxayo. Wararka ayaa sheegaya in marka uu baydhabo tago Mursal uu shaacin doono inuu Muqdisho kasoo tagay, sababtuna ay tahay inuu noloshiisa u cabsaday. Xildhibaano ka mid ah kuwa taageersan madaxweynaha oo aan wax ka weydiinay arrintan ayaa sheegay inuu yahay qorshe Mursal doonayo inuu ku muujiyo in awood loo adeegsanayao, maadaama uusan hayn codad ku filan oo madaxweynaha xilka looga qaadi karo, sida ay hadalka u dhigeen. Arrintan ayaa imanaysa ayada oo saacado ka hor ay xildhibaano Mursal ku dhow sheegeen in laga hor-istaagay inay tagaan xafiiskiisa lana kulmaan, oo uu xabsi guri ku jiro. Mursal ayaa dhex degan Villa Hargeysa oo ku dhex-taalla Villa Somalia. Ciidamada iyo saraakiisha Villa Somalia ayaa ka amar qaata madaxweynaha. Sidoo kale labadiisa guddoomiye ku xigeen ayaa soo saaray dhowaan qoraal ay ku shaaciyeen go’aano dhowr ah oo u muuqday in lagula wareegay awooddii guddoomiyaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Turkiga iyo Suudaan ee Soomaaliya. Danjiraha dalka Turkiga Mudane Maxamed Yilmaz oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan ayaa uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacab. Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Danjiraha cusub ee dalka Turkiga in uu ku guuleysto gudashada doorka kaga aaddan adkaynta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isagoona bogaadiyey dadaallada labada dawladood ee ku saleysan ka mira dhalinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Dhanka kale, Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa oo Madaxweynaha u gudbiyey waraaqahiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday Madaxweynihiisa Mudane Cumar Xasan Albashiiri. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay waxa uu uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya dalalka Turkiga iyo Suudaan. Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu u sheegay Danjireyaasha in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. PUNTLAND POST The post Farmaajo Oo Ka Gudoomay Warqadaha Aqoonsiga Safiirada Sudan & Turkiga appeared first on Puntland Post.
  23. Doha ( Sh. M. Network )-Toban Diblomaasi Soomaali ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku tababaranaya Machadka Diblomaasiyadda Qatar, iyadoo tababarku uu u bilowday shalay oo Axad ah Waxaa loogu talo galay Tababarkan ay ka qeyb galayaan Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed in uu socdo muddo shan cisho ah. Tababarka ayaa lagu qaadanayaa casharro ku saabsan habka wadaxaajoodka iyo nabad samaynta, caqabadaha qaanuunka caalamiga ee bani’aadannimada iyo mowduucyo kale oo ka qeyb qaadanaya horumarinta xirfadaha. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Diblomaasiyiin Soomaaliyeed Oo tababar looga furay Doha appeared first on Shabelle. View the full article