Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,092
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Shacabka Xildhibaano katirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in guddoomiyaha ay u gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu qabtay mooshin ka dhan ah madaxweynaha. Xildhibaanada gudbiyay mooshinka ayaa ku doodaya in ay soo dhameystireen tiradii loo baahnaa, ayna ka war sugayaan guddoonka golaha shacabka. Dad badan ayaa haddaba isweydiinaya qaabka loo mari karo xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya. Qoddobaka 92aad ee dastuurka ku meel gaarka ee Soomaaliya ee aana wali aftida loo qaadin ayaa dhigaya in xil ka qaadista madaxweynaha ay soo jeedin karaan xildhibaanada golaha shacabka marka madaxaweynaha lagu eedeeyo khiyaano qaran, xadgudub culus oo dastuuri ah ama ku xadgudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Isla qoddobka 92aad ee dastuurka Soomaaliyaa farqadiisa 2aad ayaa sidoo kale dhigaya in hindisaha xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay golaha horkeeni karaan ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Sidoo kale isla qoddobkaasi ayaa dhigaya in Maxkamadda Destuuriga ay dhageysato eedeynta loo soo jeedinayo Madaxweynaha inay sal leedahay, waxaana haddii ay go’aamiso maxkamaddu inay eedayntu sal sharci leedahay, saddex dalool labo (2/3) ee labada aqal ee Baarlamaanka ay xilka ka qaadi karaan madaxweynaha. Haddii Madaxweynaha xilka lagaga qaado si waafaqsan faqradaha 1aad ilaa 3aad ee qodobkan, waxaa xilka madaxweyninimo la wareegaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Guddoomiyaha maxkamadda sare Jiritaanka maxakamadda destuuriga Soomaaliya oo aysan iminka ka jirin maxkamadda dastuuriga ayaa haddaba waxaa uu ismarin wa’a ka taaganyahay halka loo laabanayo iyo maxkamaddii dhageysan laheyd eedeymaha loo soo jeediyay madaxweynaha, waxaana dadka qaar ay qabaan aragti ah in mar haddii aysan jirin maxkamaddii dastuuriga ee loo laaban lahaa ay tahay in loo laabto maxkamadda sare, si ay u dhageysato eedeymaha loo soo jeediyay madaxweynaha, halka kuwa kalena ay aaminsan yihiin in golaha shacabka uu go’aan ka gaaro arrintan. Maxaa xal ah maxaase aan xal aheyn? Maxkamadda dastuuriga oo aan dalka ka jirin iyo dhinacyada siyaaasadda oo aad u kala fogaaday ayaa dadka qaar waxaa ay aaminsanyihiin in ay sii hurineyso xiisadda siyaasadeed ee haatan ka taagan Soomaaliya, arrintan na aan la dhameystri karin iyadoo meesha ay ka maqan yihiin hay’adihii dowliga ahaa. ”Hay’adihii la rabay in arrintan ay dowr ku yeeshaan oo meeshan ka maqan iyo dadkii oo siyaasad ahaan kala fogaaday, daraf saddexaad oo dhexdhexaad ahna uusan jirin, waxaa qasab noqon doonto in xeer-Soomaali loo noqdo, hoosna loo wadahadlo”. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Ibraahim Bursaliid oo ka faallooda arrimaha gobolka. Mooshinkan oo aanan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono ayaa waxaa ilaa iyo hadda aanan ka hadlin madaxtooyada Soomaaliya. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka. Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in siyaasiyiinta uu kula kulmay magaalada Muqdisho uu kala hadlay arrimo dhowr ah, isaga oo sheegay inay ugu weyn tahay xalinta dhibaatooyinka dalka ka jira. Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta waaweyn ee uu la kulmay kaga mahadcelinayo dadaalada ay ugu jiraan dhameynta dhibaatooyinka qaarkood maanta ka taagan dalka Soomaaliya, sida uu kusoo qoray bartiisa Facebook. “Waxaa maanta igu soo booqday gurigeyga siyaasiyiin waaweyn oo reer Muqdisho ah Waxaana ka wada sheegakeysannay danta guud ee dalka iyo dadka. Waan uga mahadcelinayaa dadaallada ay ugu jiraan xal u helidda mashaakilaadka maanta taagan qaarkood”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kamid ah xubnaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, waxaana uu marar badan magaalada Muqdisho ka sheegay dhaliilaha dowladda leedahay. Waxaa haatan taagan buuq badan oo ka dhashay mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo ay u badan tahay inay arrimaha mooshinka ka wada hadleen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Sheikh C/qaadir oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa si dad ban kaga hadlay khilaafka ka taagan golaha shacabka dhexdiisa. Xildhibaanka oo ka qeyb galayay soo dhaweynta hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in laga gudbay xiligii awooda iyo xooga lagu xukumi jiray dalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dowladnimada Soomaaliya laga soo maray dhibaatooyin badan oo u baahan inaan dib loogu laaban, isaga oo ka digay in dhibkii badnaa ee laga soo gudbay inaan dib dalka loogu celin. “Ujeedada maanta aan halkaan iskuugu nimid ayaa ah inaan muujino in dalkaan uu yahay dal xor ah, dadkana wada leeyihiin, sanad ka hor dhibaato xun oo lagu weeraray C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho”. “Dalkaan qofkii xabad lagu tuuraba hadduu iska cararayo meeshaan masoo gaarneen, waxaan jeclahay inaan fariin dhab ah u dirno dadka doonayo in xabad xalka lagu gaaro, waa laga soo gudbay waxaa, waxaan ku joognaa oo aan wada leenahay dalka, Dastuurka iyo Sharciga”ayuu yiri Faarax Sheikh C/qaadir. Xildhibaan Faarax C/qaadir oo si toos ah kaga hadlin marxaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa sheegay inuu ka digayo in dalka dib loogu celiyo xiliyaddii adkaa ee laga soo gudbay. Xildhibaanada ugu badan ee mucaaradka ah ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo mooshinka laga gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Warsaxaafadeed ay soo saareen Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku sheegeen in xaalada soo korortay ay saameyn ku yaalan karto dhaqaalaha, maalgashiga iyo guud ahaan nolosha danyarta. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada keenay mooshinka ayay ugi baaqeen inay ka laabtaan. Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed waxay aad iyo aad uga walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee ku soo korortay dalka, taasi oo ugu horrayn saamayn wayn ku yeelan karta dhaqaalaha, maalgashiga iyo guud ahaan nolosha danyarta. Waxaynu wada ognahay haddii la waayo xassilooni siyaasadeed in wax walba xumaanayaan, kalsoonida guud iyo aaminaadda maalgashi dibadeed oo dalka ka hirgashaana meesha ka baxayso. Waxay noola muuqataa in arrimahan deg-degga ku socda dalka gelin karaan, gaarsiinna karaan meel aad u liidata, rajada dib u soo kabashada dalkana ay ku keeni karto dhaawac aan kabasha lahayn. Sidaa awgeed, Waxaan usoo jeedinaynaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada keenay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha in ay ka noqdaan tallaabadan, maaddama ay wax u dhimeyso horumarka iyo geeddi socodka siyaasadeed ee dalka. Waxaan ku talinaynnaa in dhammaan qaybaha ay khusaysa ee xilalka kala duwan haya inay u turaan umaddaan muddada dheer dhibaatada ku soo jirtay, muujiyaana dulqaad iyo isu tanaasul, si dalku u gaaro meel ka wanaagsan meesha hadda la joogo. D H A M MA A D
  5. Garowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta la filayaa in maxkamadda sare ee maamulka Puntland dhageysato dacwadda u dhaxeysa madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa oo isku qabtay magacaabidda guddiga xalinta Khilaafaadka. C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa dacwadaan u gudbiyay maxkamadda sare ee maamulka Puntland, si ay go’aan kaga gaarto kiiskaan. Dacwadda ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweyne ku xigeenka Puntland uu shegay inaan lagala tashan magacaabista guddiga xalinta Khilaafaadka ee uu magacaabay madaxweyne Gaas. Maxkamadda sare ee Puntland oo dacwadda qabatay ayaa maanta u yeertay qareennada kala matalaya labada Mas’uul,waxaana loo ballansanyahay saaka 9:00AM Subaxnimo. Puntland waxaa ka dhaceya doorashada madaxtinimo billowga bisha soo socota,waxaana hadda socda ololaha doorashada iyo dhismaha Baarlamaanka Puntland ee dooran lahaa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Lama oga go’aanka ay gaari karto maxkamadda, waxaana sidoo kale la saadaalin karin sida labada dhinac ay ugu qanci doonaan go’aanka maxkamadda ay gaarto. Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
  6. Waxaa shalay miiska soo fuulay mooshin muran dhaliyay oo la sheegay in laga wado Madaxwaynaha Somalia oo sida la yiri ku eedaysan ”khiyaano qaran.” Mooshinkan ayaa waxaa riixaya kooxo dano badan ka leh, kuwaasoo sida la tuhunsan yahay ay gadaal ka taagan yihiin quwado shisheeye oo ragaadinaya soo kabashada Somalia sabab kastaba haku riixdee. Iminka ayaa waxaa arrintaasi ka dhawaajiyay “Imaaraatku waxa uu qorsheeyey in uu kursiga iga tuuro, sidii ay Mursi u qorsheeyeen in ay u ridaan ama xitaa sida ay qorsheeyeen oo inay u tuuraan madaxweynaha Soomaaliya“ ayuu yiri Madaxwaynihii hore Munsif Almarsuuqi. FG: Muuqaalkani hadda maaha balse waa mid si guud wax uga sheegaya faragelinta Imaaraatka ee dunida Islaamka. Xigahso: Hadalsame Media
  7. Maanta anigoo meel aan qof ku yara sugayay taagan ayaan mobilkayga yara eegay. Waxaan furay caasimada.com wixii ugu horreeyay oo aan arkayna waxay noqdeen Mursal oo aqbalay mooshin madaxdweynaha xilka looga qaadayo. Anoo wali yaabban si fiicanna uusan warku iigalin ayaan markale furay mise waa mid kale oo dag-dag ah. Waxyaabihii loo cuskaday mooshinka ayaa lasoo qoray. Dhaqso ayaan isha u mariyay laakiin mid aan ku qanco ma arag waayo, inkastoo ay ahayeen dhammaan qodabada la keenay waxay ahaayeen kuwo aan jeclaa in marhore madaxweynaha inta loo yeero su’aalo laga waydiiyo, haddana jid sax looma marin. Halkii la waraysan lahaa ka dibna go’aan laga qaadan lahaa sheekadi waxay ka billaabatay xil ka qaadis iyo eedaymo meeshi ugu xumayd oo ah qiyaamo qaran. Su’aalo rax-raxan ah ayaa qalbigayga isku cariiyay. Mursal miyuusan ogayn dhibka iyo wareerka siyaasadeed ee arrintaanu keeni karto? Hadii usan dan ka lahayn taasi miyusan ogayn in 184 cod loo baahanyahay si xilka looga qaado madexweynaha? Miyuusan ogayn in tiro konton gaarayso oo xildhibaanno ah ay dowladda xilal ka hayaan taasoo u muuqato in dowladdu ka gaashaamatay weerar noocaan ah? Sidee wax yihiin, muxuu kaka jeedaa, si kale oo uu ragga isaga dhiciyo miyuu waayay? Anoo wali jawaab la’ ayaa waxaa igu soo dhacay sheeko aan hadda ka hor buug ka akhriyay oo uu qoray Roray Stewart oo aha siyaasi iyo dublamaasi Ingriis ah marna soo noqday xildhibaan. Stewart wuxuu aad ooga soo horjeedaa dagaalka Afqaanistaan in badanna wuu booqday. Booqashada waxaa u dheer inuu dadka shacabka ah dhex galo, tuulooyinka tago martina u noqday odayaal iyo dagaal oogayaal intaba. Wuxuu yiri, xilli uu socdaal ku marayay meelaha fof-fog ee dalka Afqaanistaan ayaan marti u noqday mid ah ka mid odayaasha awoodda leh ee dalkaas. Meeshi odayaal iyo culimo kale ayay ku kulmeen wuxuuna marti u noqday nin la yiraahdo Mullah Mustafa oo madaxda iyo cuqaasha aagga ka mid ah. Waxaase yaab iyo argagax iyo lama filaan noqotay inuu Mullah Mustafa isku dayay inuu toogto ninki martida u ahaa. Eebbe waa badbaadiyay dhibna ma gaarin. Stewart wuxuu yiri ma waydiin sababta uu dili rabay iyo waxa uu iga rabay. Shib ayuu yiri wuuna ka tagay. 18 bilood ka dib ayuu markale booqday meeshi lana kulmay Mullah Mustafa. Waa xilli ku hobboon oo colaaddi iyo xanaaqi lasoo dhaafaye, wuxuu ku yiri maxaad igu gashay maalinti aad xabbada igu ridday. Stewart waxaa loo sheegay in Nadir Shaah oo Mullah Mustafa ay ilma adeer yihiin uu ku yiri “waxan sharad ku dhigan karaa inaadan ninkaas cad dili karin” Mullah Mustafa si uu muujiyo inuu yahay libaax aan la caraabin ayuu baas ku furay ninkii uu marti galiyay isagoo wax kale oo dan ah ka lahayn. Waxaan is iri Mudane Mursal waxaa lagu yiri xaniinyo aad ku aqbashid mooshin Farmaajo ka dhan ma lihid isana si uu muujiyo inuu yahay libaax aan boqol geed ooga leexan ayuu yiri ii keena anaa in tusiye. Nasiib darrada ku habsatay dalalka dagaalada daba-dheeraaday ay ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah inay madax u yihiin dadka ummad dhan masiirkeeda ama qof aan waxba galabsan naftiisa u jara “waxaan ahay ayaan ku tusi” W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/ Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. Todobo bilood ayaa laga joogaa markii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, waxaana xilligaas aad loogu arkay in uu u janjeero dhanka madaxweynaha iyo xukuumadda. Sababtu waxa ay ahayd in xildhibaanada u janjeera dhanka xukuumadda, oo qaarkood ay xitaa yihiin wasiiro in ay si buuxda u taageereen guddoomiye Mursal. Markii guddoomiyihii hore Prof Maxamed Cusmaan Jawaari uu meesha ka baxay, lana doortay Mursal, waxaa jiray eedeymo kasoo yeerayay dhinacyada dowladda kasoo horjeeda oo ah in baarlamaanka uu u gacan galay xukuumadda , islamarkaasna ay isku milmeen. Maxay isku gafeen Farmaajo iyo Mursal ? Dadka aftahanka ku ah siyaasadda, iyo kuwa falanqeeya, waxa ay ku tilmaamaan ‘Aqal Gal Siyaasadeed’ marka ay labo qof ku midoobaan siyaasadda, balse hadda waxaa muuqata in uu ‘furriin’ dhacay. Dad aad u yar ayaa saadaalin karay in ay sidan wax u dhacayaan, waxaana aad la’isu weeydiinayaa waxa ay isku gafeen labada qof ee ugu sareeya dalka Soomaaliya. Waxaan su’aashaas hor dhignay Prof Ibraahim Bursaliid oo ah falanqeeye siyaasadeed “Guddoomiyaha cusub weli waa aqbali la’yahay in loo bixi karo hannaan hay’adnimo iyo mid dowladnimo, weli waxa la filayaa in sidii xaal mastuurka ahayd wax kasta lagu dhameeyo” ayuu yiri Bursaliid oo intaas ku daray in Guddoomiye Mursal uu tirsanayo ixtiraam darro, uuna filayay in wax kasta oo dalka ka socda lagala tashado. Marka ay halkaas taagantahay, warqad uu soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka oo uu dib ugu soo celinayay guddigii maaliyadda ee ay kala direen labadiisa ku xigeen ayuu ku sheegay in la dhawro madax banaanida baarlamaanka. Balse Bursaliid waxa uu qabaa in farogalinta ay labada dhinacba ka imanayso, isaga oo farta ku fiiqay in guddoomiyaha uu doonayo in wax laga weeydiiyo arrimaha doorashada Koonfur Galbeed, shaqadaas oo ah mid u taalla laanta fulinta. Markii guddigii maaliyadda ay soo saareen warbixin sheegeysa in la la’yahay malaayiin doolar oo lacag ah, jawaabta waxa ay noqotay in guddigii oo dhan la kala diro, waxaana aad loo tuhunsanyahay in xukuumadda ay arrinkaas ka dambeysay, gadaalna kasoo riixday labada guddoomiye ku xigeen. Malaha waa arrintan farogalinta uu warqadiisa ku sheegay guddoomiye Mursal. Dad badan waxa ay aaminsanyihiin in qodobka ugu weyn ee ay isku qabteen madaxda uu yahay kan doorashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo la sheegay in guddoomiye Mursal uu doonayay in laga talogaliyo sida wax loo maamulayo. Waxaa xaaladda uga sii daray markii dowladda federaalka ay ciidamo dheeraad ah u dirtay magaalada Baydhabo. Sida uu qabo Prof Bursaliid, waxaa jira arrimo kale oo uu tabanayo guddoomiyaha “Tusaale marka uu guddoomiye Mursal yahay ku simaha madaxweynaha, madaxweynahana dalka ka maqanyahay, lalama dardaarmo, isagana lagama talo galiyo hawlaha ay xukuumadda qabanayso, taasna waa u cuntami weysay guddoomiyaha” ayuu yiri. Dowlad Goboleedyada Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ma aysan qarsanin sida ay ugu faraxsanyihiin mooshinka laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Mana ahan arrin si shil ah ku dhacday in mooshinka qodobada lagu qorey ee madaxweynaha lagu soo eedeeyay ay ka mid tahay in madaxweynaha uu la dagaalamayo nidaamka federaalka . Muddo dheer ayay soo karsamaysay xaaladda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana laga war dhawrayay goorta xaaladaasi ay ku fatihi doonto caasimadda, Muqdisho. Hadda dad badan wax la yaab ah kuma ahan in khilaafka ka dhex taagan madaxda dowladda federaalka ay qeyb ka yihiin dowlad goboleedyada. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax jawaab ah oo weli kasoo baxay madaxweynaha mooshinka laga keenay iyo guddoomiyaha baarlamaanka ee qabtay mooshinka. Xigasho: BBC Somali
  9. Dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga ee muranka uu hareeyay, Maxamed Bin Salmaan ma ahayn nin dad badan ay ka yaqaanneen dunida ka hor inta uusan indhaha caalamka ku soo jiidanin qabashada xil uu ku helay boqornimada aabihiis, cid kalena aysan ku qabsan karin. Wariyaha laanta Afcarabiga ee BBC-da Rachid Sekkai, oo macallinka maadada ingiriiska u ahaa maxamed Bin Salmaan markii uu yaraa, ayaa ka sheekeynaya khibraddiisii la yaabka lahayd ee uu kala kulmay qasriga boqortooyada. Horraantii sannadkii 1996-kii, anigoo bare ka ah iskuul tayo wanaagsan iyo ixtiraam weyn leh oo lagu magacaabo Al-Anjal, oo ku yaalla magaalada Jidda, ayuu taleefan ii soo dhacay. Amiir Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sacuud, oo xilligaas ahaa duqa magaalada Riyaad ayaa si ku meel gaar ah ugu soo guuray magaalo xeebeedka dhinaca ku heysa badda cas ee Jidda, wuxuuna u baahday macallin luuqadda ingiriiska bara carruurtiisa. Ninka mustaqbalka noqon doona boqorka Sucuudiga ayaa la soo xiriiray maamulka iskuulka waxaana si aan ka laba labeys lahayn la iigu diray qasriga boqortooyada , si aan macallin khaas ah ugu noqdo carruurta ay u dhashay xaaskiisii ugu horreysay, kuwaasoo kala ah: Amiir Turki, Amiir Nayef, Amiir Kaalid iyo dabcan Amiir Maxamed. Darawal ayaa aqalkeyga iga qaadi jiray saacaddu marka ay tahay 07:00 subaxnimo, wuxuuna i geyn jiray iskuulka Al-AnjalI, markii aan cashirrada dhameeyo oo galabtii la gaarana wuxuu i geyn jiray qasriga. Markii aan ka gudubno albaabbada sida weyn amaankooda loo ilaaliyo, gaariga wuxuu sii dhex mari jiray darjiimo ay ku taallo dhir cagaaran, kuwaasoo ay si joogto ah uga shaqeeyaan shaqaale ku labisan dhar cad. Ka dib waxaan tagi jirnay meel gawaarida la dhigo oo ay ka buuxeen baabuurta noocyadooda ugu qaalisan. Marka aan soo gaarno gudaha hore ee qasriga, waxaa i qaabili jiray agaasimaha qasriga oo lagu magacaabi jiray Mansoor El-Shahry – kaa soo ahaa nin da’ dhexaad ah oo uu saaxiib dhow la ahaa Maxamed Bin Salmaan, oo xilligaas 11 sano jir ahaa. Taleefanka fooneeyaha ah ee ay waardiyeyaasha isticmaalaan Maxamed wuxuu sidoo kale u muuqday inuu aad u daneyn jiray inuu wakhti la qaato ciidanka waardiyaha u ah qasriga, intii uu daneyn lahaa cashirradeyda. Maadaama uu ahaa cunuga ugu weyn walaalihiis, wuxuu u muuqday in loo oggolaan jiray sameynta wax kasta oo uu jecelyahay. Awooddeyda ku saabsan inaan amarka macallinimada siiyo amiiradda yar yar waxay ku ekaan jirtay inta uu ka imaanayo Maxamed Bin Salmaan. Wali waxaan xasuustaa inuu fasalka ku dhex isticmaali jiray taleefanka fooneeyaha ah ee ay isticmaalaan ciidanka waardiyeyaasha ah, kaa soo uu ka soo qaadan jiray mid ka mid ah waardiyeyaasha. Wuxuu u siticmaali jiray inuu ku dhoho hadallo lagu qoslo oo aniga igu saabsan iyo kaftan uu la wadaagayay walaalihiis iyo waardiyeyaasha jooga dhinaca kale. Wakhti yar gudihiis waxaan ku noqday qof u hoggaansan Maxamed iyo walaalihiisa ka yar yar. Inkastoo aan amiirrada wax ku barayay meel aan aad ugu xakameysanahay, ardaydeyda qasriga waxay ahaayeen sida kuwa iskuulka oo kale, way jeclaayeen iney wax bartaan laakiin waxay aad u daneynayeen iney sidoo kale iska ciyaaraan. Ceeb ka timid u hogaansamid la’aanta xeerka boqortooyada Maalin maalmaha ka mid ah, agaasimaha qasriga, Mansoor El-Shahry ayaa iga codsaday inaan la kulmo boqorka mustaqbalka, oo doonayay in macluumaad laga siiyo heerka wax barashada ee carruurtiisa. Waxaan u maleynayay in taasi ay ahayd fursadda ugu fiican ee aan ugu sheegi karo akhlaaq xumada Amiir Maxamed. In muddo ah ayaan ku sugayay bannaanka xafiiska Amiir Salmaan, anigoo la joogay macallimiinta kale ee qoyska boqortooyada, kuwaasoo u muuqday iney iyaga yaqaanneen xeerka dhaqanka boqortooyada. Markii uu noo yimid, macallimiintii kale waxay billaabeen iney mid mid ugu tagaan, salaamaan, gacanta ka dhunkadaan ka dibna u shegaaan macluumaadkooda. Aniga markii la isoo gaaray, ma sameyn karin sidaas, maadaama ay nolosheyda ahayd isla sida tooda oo kale, waligey sidaasoo kale ma sameynin. Waan u tagay boqorka mustaqbalka, waan gacan qaaday si adag ayaana gacantiisa u gilgilay. Waxaan xasuustaa in wajigiisa ay caro badan ka muuqatay, hase ahaatee ma uusan igala hadlin waxa ceebta loo arkayay ee aan sameeyay. Ma aanan kala hadlin waxa uu Amiir Maxamed ku sameyn jiray fasalka dhexdiisa, sababtoo ah isla markaasba waxaan go’aansaday inaan ku laabto waddanka Ingiriiska. Wax yar ka dib, Mr El-Shahry ayaa ii yimid iguna canaantay sida aan u raaci waayay xeerka dhaqan ee boqortooyada. Marka laga reebo Amiir Khaalid, oo laga dhigay safiirka Sucuudiga ee Mareykanka, carruurta kale ee boqortooyada aan wax ku baray intooda badan waxay doorteen ineysan caan ka dhex noqonin bulshada. Maxamed Bin Salmaan, maanta isagoo 33 sano jir ah ayuu yahay wasiirka difaaca ee Sacuudiga waana qofka ugu sokeeya ee iska leh dhaxalka boqortooyada. Tan iyo markii uu qabtay xilka dhaxal sugaha, wuxuu sameeyay isbadallo loo baahnaa wuxuuna qaaday tallaabooyin adag oo uu ku wajahayay dadka mucaaradka ku ah boqortooyada. Inkastoo lagu amaanay qaar ka mid ah ficilladiisa, hadana waxaa lagu cambaareeyay kuwo kale. Arrimaha ugu waaweyn ee lagu dhaleeceeyay Maxamed Bin Salmaan waxaa ka mid ah inuu lahaa mas’uuliyadda dagaalka Yemen iyo dilkii wariye Jamaal Khaashuqji. Xukuumadda Sucuudiga waxay maxkamadeysay 11 ruux oo loo heysto dilka Khaashuqji, waxayna beenisay in Maxamed Bin Salmaan uu ku lug lahaa falkaas. Hadda khibraddaas aan qasriga boqortooyada Sucuudiga ku soo qaatay waa xalaqo yar oo ka mid ah xusuusta nolosheyda ee la soo dhaafay balse waxaan imika daawanayaa maamulaheygii yaraa oo hadda saameyn ku leh maamulka adduunka. Xigasho: BBC Somali
  10. In badan ayaan hore u ogaa dhacdooyin lid ku ah garsoorka Somaliland oo ay ku kacaan ciidanka boolisku. Waxa se arrintaas hadalkeeda kor u qaaday falkii ka dhacay magaalada Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar. Garsoorku waxa ay sheegeen xeerdumin ay ku kaceen ciidanka boolisku, sidoo kale duqa magaalada ayaa si badheedh ah ugu xadgudbay awooddii golaha garsoorka Somaliland. Qof ahaan iguma cusba gabboodfalka lidka ku ah garsoorka ee ay ku kacaan ciidanka boolisku, waxaana jirtay dhacdo qof ahaantayda igu dhacday oo aan u sii xidhnaa 31 cisho oo kale, waa tan iyada oo faahfaahsan. 15kii Oktoobar 2016ka, subax Sabti ah ayaa la i keenay maxkamadda. Waxa arooryadaas la xidhay jidadka soo gala maxkamadda oo lagu jaray dhir iyo dhagax. Sidii loo ilaalin jiray dhagar-qabayaasha ayaa la iila macaamilay. In heegan buuxda la galana waxa sabab u ahaa dawladda oo il gaar igula socotay, wadne-gariir laga qabo dadka dhinacayga ka socda ee buuxdhaafiya maxkamadda iyo warbaahinta oo ah hubka kowaad ee u hiiliya dhibbaneyaasha la duudsiyo. Judhii aan maxkamadda soo galay ayaa la igu jeebbeeyay shabagga hoolka Rafcaanka, iyada oo aan la ii oggolaannin in aan fadhiisto xero-guusha (xarunta maxaabiistu ay ku sugaan dhegaysiga dacwadda). Gudaha hoolka ayaa la iigu keenay quraacdii, dadkana waa loo diiday in aanu war iyo weedh is-weydaarsanno. Nin dil geystay oo katiinadda igula xidhnaa waxa la fadhiisiyay bannaanka. Kaayagee kiis adkaa? Albaabka dhismaha aan ku jiro iyo gudihiisaba waxa ku darbanaa askar kaalin weyn ka qaadanaysa cadaadiska iyo cabudhinta la igu hayo. Inkasta oo ay dacwaddu ahayd mid furan, haddana dadka qaarkood waxa laga celiyay dibadda oo bannaanka ayaa lagu hor joogsaday. Aniga oo og in dad badani duleedka tuman yihiin ayaa uu Taliyihii Saldhigga Dhexe ee Hargeysa Maxamed-Case uu lahaa “Albaabbada waanu wada furnay, cid soo gashana waanu weynay”. Wuxuu ninkani moogyahay tamarta aan ku bixin jiray in madasha la iga soo giijiyo. Waxa la dhegaystay gebagebadii ay soo gudbiyeen qareennada iyo xeer-ilaalintu, iyada oo maxkamaddu go’aamisay in labaatan daqiiqo loo nasto ku dhawaaqidda xukunkayga. Qof ahaan waxa aan farxay markii la i odhan waayay “Maxaad codsanaysaa?”, oo ah su’aal inta badan la weydiiyo dadka la filayo in garsoorku xukun ku rido. Halkii ay dadku shaaha iyo cabbitaanka dibadda ugu baxeen, anigu waxa aan u jaqaafiyay dhinaca baytal-mayga/tuushka si aan u maydho. Kolkii la isu soo noqday ayaa ay gudaha soo buux-dhaafiyeen bulshadii kadinka laga joogsaday, madal ay ilyartu is-qabatay ayaa xukunkii loogu sara-kacay! Garsoore Khaalid Cabdi Shiil isaga oo tixraacay eedda la ii soo jeediyay ee xeer-ilaalinta, xogihii maragyadu bixiyeen, difaacaygii iyo dooddii qareennada ayaa waxa uu sheegay in aan caddayn loo heli karin eedaha la ii jeediyay oo ahaa kuwo jaban. Sidoo kale waxa uu sheegay in maragyadu aanay caddayn ku filan u helin been-abuurka la ii xambaariyay. Ugu dambayntiina waxa uu go’aamiyay in xorriyadda la ii soo celiyo. Xeer-ilaaliye Farxaan Mire Cismaan oo bisad ka yaraaday ayaa yidhi “Rafcaan baanu ka qaadannay”. Garsoore Khaalid Cabdi Shiilna waxa uu yidhi “Xitaa haddii aad rafcaan ka qaadateen, waa in hadda la sii daayo. Ka fura katiinnada, waxa lagu soo xidhayaa waaran ay maxkamadda rafcaanku u goyso. Fadhiguna wuu xidhan yahay”. Waxa ayaan-darro ah in aan dheg loo dhigin go’aankii maxkamadda, waxaana af-duub igu kexeeyay ciidankii booliska ee tacaddiga kaalinta weyn ku lahaa. Aniga oo laba-dibleysan ayaa la igu celiyay xabsigii aan ku xeraysnaa. “Fura katiinadda, idin raaci mayo” ayaan askarta ku idhi “Warqad soo-deyn ah ayuu Taliyuhu kuu qorayaa, ina mari” ayay igu dhagreen Ninkayga sidaas loo qafaashay ayay ciidanka boolisku dooni jireen in loo xukumo, loona dhaadhciyo. Sannadkii 2017ka oo la xidhay Guddoomiyaha Dhallinyarada WADDANI Maxamed Siddiiq Dhamme iyo Xoghayaha Ciyaaraha Yoonis Axmed Yoonis waxa aan sii saadaalin jiray in xitaa rafcaan laga qaadan doono haddii la sii daayo, sidaasna ay maxaabiis ku sii ahaan doonaan. Garsoorka Somaliland waxa la gudboon in ay gaashaanka u daruuraan cidda doonaysa in ay ka dhigaan adeegeyaal u xuurtaysan ee soohdintooda ku soo xadgudbaysa. Haddii aanay ka dhiidhi waayaanna waxa arrinku noqonayaa sida uu maanta sheegay Xoghayaha Guud ee Ururuka Qareennada Somaliland Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed Mandeella. Sharcigu waa ka dadka kala saara. Haddii ii sarreyn waayo, waxa dhacaysa in qof kastaaba yeelo sida uu doono. Siciid Maxamuud Gahayr siciidgahayr@gmail.com Qaran News
  11. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-10122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Visit Somaliland And Savor The Experience It is often mentioned in North America, the most affordable vacation is one or two weeks jaunt to Cuba. It crossed my mind as I planned my winter vacation. For the past 5 years I have traveled to East Africa once a year. In an ideal world l would travel twice a year to Somaliland. Time and finances do not permit that. However, I can manage a week long trip to Cuba in mid winter. This got me thinking on all the magnificent sites and sounds of Somaliland that one can visit on a few weeks vacation. If you have covered Somaliland from Lowyacadde to the Daalo Mountains to the beaches of Berbera and Batalale. If you have covered Hawd and drank fresh camel milk. If the caves of Las Gael have left you astounded, you may be thinking I have covered the length and breadth of Somaliland. My friend, you have not, not by a long shot. The country needs to seen to be believed. Sights for the senses; unspoiled, pristine landscape that calls to you. An adventure at every turn. As always it is the people that make or break a country. In Somaliland, it is the people that made it what it is today and it is the people that make one return year after year. Truly a young nation beckons and the people look forward to your next visit. Remember this, a short trip for me to Cuba in the Caribbean is for you a short trip to the Seychelles, Mombasa or the Maldives, after visiting more of Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Long Live Somaliland Hassan Mohamed Abokor hassan1805@hotmail.com Qaran News
  13. Somaliland: Human Rights Centre celebrates Human Rights Day in Burao and Hargeisa Worldwide, 10th December is celebrated to mark the date the Universal Declaration of Human Rights was adopted, in 1948. This year is the 70th anniversary of the Universal Declaration of Human Rights, which declared the inalienable rights which everyone is inherently entitled to as a human being – “regardless of race, colour, religion, sex, language, political or other opinion, national or social origin, property, birth or other status”. Human Rights Centre held an event in Burao to observe Human Rights Day. Burao is the second largest city in Somaliland and is located in the eastern part of the country. Regional and district administration officials including the regional coordinator of ministries of Justice, Employment and Social Affairs, Religious Affairs, and Burao district officials attended the celebration with community members, IDPs, youth activist and civil society activists. Aisha Ali Qabile, the regional coordinator of the Ministry of Employment and Social Affairs Aisha Ali Qabile, the regional coordinator of the Ministry of Employment and Social Affairs, called on the public to stand with human rights, particularly minority groups, women and children. Sabaah Aar, the deputy chairperson of the national women organization (NOW), empathized women in political participation. “We warmly welcome the celebration. It is the first time such event is held in our city, Burao. We are thanking Human Rights Centre for coming to here,” the secretary of Burao local government, Osman Shiekh, said. “Somaliland constitution upholds human rights. We have to all work toward its realization,” he added. “Today we are marking the 70th anniversary of an important document, the Universal Declaration of Human Rights, which was adopted after the horror of the Second World War. Human rights did not start with the Declaration, but the declaration represents recognition of nations to strive towards protection of human rights,” Guleid Ahmed Jama, the director of Human Rights Centre said. He added: “we should not watch and become bystanders when the rights of others are violated. Each and every one of us has to be part of human rights defence and advocacy. We should side with victims and tell the truth to aggressors.” At the same time, HRC celebrated with the law students of the University of Hargeisa. Human rights defenders and activists encouraged the students to advocate for human rights and raise awareness. Students, activists, academics and other members of the public attended the event. Faculty of law of Hargeisa Different human rights issues were discussed in these events. The objective was to celebrate with the rest of the world, raise human rights issues in Somaliland and use for an awareness purpose. The Constitution of Somaliland has a Bill of Rights and accepts the Universal Declaration of Human Rights. This year also marks the 20-year anniversary of the United Nations Declaration on Human Rights Defenders. Human rights defenders endure tremendous pressure and intimidations. The marking will elevate their work and will call on the government of Somaliland to respect the work of human rights defenders as recognized in the United Nations Declaration on Human Rights Defenders. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo xildhibaano kale oo kamid ahaa xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay madaxweyne Farmaajo ayaa 24 saac kadib la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka gurigiisa oo ku yaala madaxtooyada lagu jaray dhagxaan badan, isaga oo sheegay inay ka boodeen dhagxaanta kadibna ay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka. Wuxuu Nasiib darro ku tilmaamay in guddoomiyaha baarlamaanka laga hor istaago inuu la kulmo xildhibaanada mucaaradka ah, taasina ay caqabad ku tahay hanaanka dowladnimo ee dalka. “In ka badan 24 saacadood oo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal ku go’doonsanaa gurigiisa oo ku dhexyaala Madaxtooyada Soomaaliya ayay noo suurogashay inaan u tagno kadib markii aan ka boodnay biro lagu xiray guriga uu ka dhex deganyahay Madaxtooyada” “Waa nasiib daro runtii in sidaas loola dhaqmo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ah shaqsiga labaad ee dalka. Waxaa ii muuqda ififaalo muujinaya in dalkaani god mugdi ah lagu ridayo. Dhamaan sharciyadii yaraa ee dalkaan la iskula hayayna laga tilaabsaday. Lkn waxaan cod dheer ku leenahay yeeli mayno mana yeeli doono caburin iyo cago juglayn. Soomaaliyana in xoog lagu maamulo ma suurogeli doonto inshaa’allaah” ayuu yiri Mahad Salaad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirararka toddobaadlaha ah ee Tubta Amniga iyo Caddaalada iyo Tubta siyaasada loo dhanyahay. Maamulka gobalka Banaadir, Taliska Booliiska iyo wasaaradda amniga gudaha oo qayb ka ah tubta amniga iyo cadaaladda ayaa shirka tubta amniga iyo caddaaladda kusoo bandhigay siyaasadda dawladda ee la dagaalanka mukhaadaraadka oo aad looga dooday intii kulanku uu socday. Siyaasaddaan oo loo qorsheeyay in lagu xakameeyo dhibaatada uu mukhaadaraadka ku hayo bulshada Soomaaliyeed ayaa tubta amniga iyo caddaaladda loogu soo bandhigay si horumarin loogu sameeyo kadibna loogu gudbiyo golaha wasiirrada, ugu dambaynna looga soo saaro sharci saldhig u noqda hannaanka xakamaynta mukhaadaraadka. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale guddoomiyay shirka siyaasadda loo dhanyahay oo maanta looga hadlay astaynta awoodaha heerarka dawladda, samaynta siyaasadda horumarinta iyo tababarrada dawladaha hoose, dib-u-eegista sharciga dawladaha hoose iyo hindise sharciyadeedka xiriirka heerarka dawladaha. Shirarka Tubaha ee toddobaadlaha ah ayaa diiradda lagu saaraa Hal-beegyada iyo qaybaha shaqo ee hor-tebinta u leh dhammaan hay’adaha iyo wasaaraha qaybta ka tubaha. PUNTLAND POST The post Ra’isilwasaare Kheyre oo shir gudoomiyay shirka amniga iyo siyaasada appeared first on Puntland Post.
  16. Waxaa soo baxay mooshin la leeyahay waxaa laga keenay Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo uu qabtay Guddoonka Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Mooshinkan ayaa la sheegay in lagu saleeyay waxyaabo ay ka mid yihiin khiyaano qaran, heshiisyo qarsoodi ah iyo musuq, balse waxay dad badani aaminsan yihiin in ay salka ku hayso khilaaf u dhexeeya Madaxwaynaha iyo Guddoonka Baarlamanka oo salka ku haysa 3 qodob. Dooddan oo ay sidoo kale ku lug darsadeen rag dano is diiddan leh iyo xitaa dalal shisheeye ayaana dib ugu noqonaysa xisaab uu soo bandhigay Guddiga Maaliyadda ee Baarlamanka dalka oo sheegay inay maqan tahay lacag ka badan 40 milyan, kuwaasoo laakiin markii dambe kala jabay, iyadoo uu si doodi ka dhalatay uu u kala diray GX Baarlamanka Md Muudeey. 3 UU MURSAL SHAKHSIYAN KU KHALDAN YAHAY Mar ay halkaa taagan tahay ayaa waxaa dalka soo gaarey Guddoonka Baarlamanka oo bilaabay dood cusub isagoo sida la sheegay soo jeediyay inuusan 3 qodob gorgortan ka geleeynin kuwaasoo kala ah: 1 – In lasoo celiyo guddigii lakala diray. 2 – In lasoo celiyo ciidamo la geeyay Baydhaba oo ka tirsan Booliiska Federaalka. 3 – In aan la hor istaagi karin tartamidda Mukhtaar Rooboow. Markii 3-dooda mid mid loo kala qaado, waloow ay khalad u muuqato in uu guddoomiye xigeenku kala diri karo Guddi Hoosaadka Maaliyadda, misna waxaa si la mid ah khalad u ah inuu Guddoonku kaligii iska soo celin karo ama iska magacaabi karo, sidoo kale waxaa adkaanaysa in guddi kala qaybsani wada shaqeeyaan. Qodobka 2-aad, waxyaabaha gorgortanka geli kara ka mid maaha inay dowladdu kala bedesho halkii ay u baahatana ay u dirto ciidamada dhexe ee Federaalka oo u kala qaybsan millateri iyo booliisba, iyadoo ay Xamarba joogaa ciidamo ka kala yimi gobollada dalka, sidaa darteed waa qayrul mas’uulnimo wayn iyo talo xumo in qof xil sare dalka ka hayaa uu qabyaaladeeyo ciidamo qaran oo gobol la geeyay. Qodobka 3-aad, Rooboow wuxuu dembi ka galay shacbiga Soomaaliyeed, weli waxaa taagan dhibkii ay horseedka ka ahaayeen raggii uu isagu u xalaaleeyay dhiiga shacabka, welibana si cad uma sheegin inuu ka tanaasuley afkaarahaan oo markii uu Xamar tegey wuxuu sheegay inuu dowladda ”wada hadal kula jiro” lamana sheegin halka ay taasi caga dhigatay, marka wixii laga yeelayo waa in ugu yaraan la hor dhigaa Baarlamanka dalka oo ka kooban laba aqal ee ma aha inuu hal siyaasi iskaga gorgortamo ama iska go’aamiyo. 3 AY DOWLADDU KU KHALDAN TAHAY 1 – Khaladka ugu wayn ee ay dowladdu ku jirto waa inaysan weli diyaarin hay’adihii dastuuriga ahaa sida Maxkamadda Dastuuriga ah oo sharciyan dhinacyada haya u kala tarjumi lahayd kalana saari lahayd, si looga fursado in uu dalku xasarad siyaasadeed galo markasta. 2 – Dowladdu waa inay shuruuc cad cad oo weliba qaybo iyo heerar u kala saaran ka diyaarisaa waxa laga yeelayo dadka kasoo noqonaya Al Shabaab oo ay dembiyadoodu kala waawayn yihiin, taasina ilaa maanta ma jirto waana habacsanaan ka muuqata dowladda. 3 – Dowladdu waa inay gar baxdaa qof ahaan iyo hay’ad ahaanba, markii wax lagu qabsado oo ay dadka tustaa in waxa lagu haystaa sax yihiin, iyadoo aan wax kale isku wareerin ama aan waqti iyo tamar iska lumin. Min 3-daa marka laga yimaado waxay dhinacyada is hayaa ku wada khaldan yihiin inay dalka oo meel xasaasi ah maraya muran iyo xasarad u horseedaan iyagoo is fiirsanaya balse aan fiirinayn danta umadda dhibaataysan ee Soomaaliyeed iyo weliba dadaallada dowlad dhisidda ah ee awalba gaabiska ahaa ee uu doollarka badani ku baxay iyo dunidii oo mar kale qarka u saaran inay markale naga sii jeesato haddii aan sidan kusii wadno. FG: 3-da ay dowladdu ku khaldan tahay Baarlamanku waa ku jiraa Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji, Hadalsame Media Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo war qoraal ah kasoo saartey xaalada siyaasadeed ee haatan ka taagay wadanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay inay sii socoto xiisadda. Hoos ka akhriso bayaanka The post Rugta Ganacsiga oo walaac Xoogan ka muujisay Xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan dalka appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Turkiga iyo Suudaan ee Soomaaliya. Danjiraha dalka Turkiga Mudane Maxamed Yilmaz oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan ayaa uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacab. Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Danjiraha cusub ee dalka Turkiga in uu ku guuleysto gudashada doorka kaga aaddan adkaynta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isagoona bogaadiyey dadaallada labada dawladood ee ku saleysan ka mira dhalinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Dhanka kale, Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa oo Madaxweynaha u gudbiyey waraaqahiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday Madaxweynihiisa Mudane Cumar Xasan Albashiiri. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay waxa uu uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya dalalka Turkiga iyo Suudaan. Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu u sheegay Danjireyaasha in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. The post MD Farmaajo oo waraaqaha ka guddoomay safiiro cusub appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-10122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – 92 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Si kastaba, Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Weli Ibraahim Mudueey iyo Mahad Cawad ayaa kasoo horjeestay, ayaga oo sheegay in sharci darro ay tahay in guddoomiyaha uu aqbalo mooshikan. Muudey iyo Cawad ayaa sheegay in madaxweynaha aan laga keeni karin mooshin sababtuna ay tahay inaysan jirin maxkamaddii dastuuriga ahayd ee go’aanka ka gaari lahayd in sharci ahaanshaha mooshinka. Haddaba marka la eego dastuurka mooshinkan ma yahay sharci. Sida ku cad qodobka 92-aad ee dastuurka mooshinka ma ahan sharci. Hoos ka aqriso. Qodobka 92aad. Maxkamadeynta iyo Maamus-Ka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya (1) – Xil-ka-qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano-qaran, xadgudub culus oo Dastuuri ah ama ku-xadgudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (2) – Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa golaha hor-keeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, 30 DasTuurka Ku-Meel gaarka Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay. (3) – Haddii ay go’aamiso maxkamadu inay eedayntu sal sharci leedahay, saddex dalool labo (2/3) ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha xilka ka qaadaya. (4) – Haddii Madaxweynaha xilka lagaga qaado si waafaqsan faqradaha 1 ilaa 3 ee qodobkan, waxaa xilka madaxweyninimo la wareegaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. MOGADISHU, Dec. 9 (Xinhua) — Somalia joined the world on Sunday in marking the International Anti-Corruption Day with the signing of the United Nations-backed plan aimed at tackling the vice in the country. Somalia’s Ministry of Justice and the United Nations Development Programme (UNDP) inked the Project Initiation Plan (PIP) which aims at strengthening government institutions to fight corruption and promote accountability. “We are on our way to establish an Anti-Corruption Commission; they need a secretariat, they need training, they need help in all aspects,” said minister of justice Hassan Hussein Haji in a statement issued by the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). The minister who spoke at the United Nations-backed event in Mogadishu announced series of steps to strengthen government’s commitment to combat corruption and reinforce transparency in order to build more accountable institutions. He said the project would particularly enhance accountability in some of the country’s key institutions, such as the Office of the Auditor General, among others, and that it would be followed by more at the end of the PIP. “So, I think this Project Initiation Plan will lead us to develop this institution that will make it easier for us to sign and ratify the UN Convention against Corruption,” Haji said. George Conway, UNDP Country Director for Somalia, said the newly-signed PIP allows the government to tackle corruption in a comprehensive way. “The PIP builds on significant engagement we have had with the government at federal and state-level for many years, to address issues of good governance, accountability, transparency, support to public financial management and the broader application of the rule of law,” Conway said after the signing ceremony. The PIP will be implemented over a six-month period, after which UNDP will roll out a full multi-year program to support the government of Somalia in its anti-corruption efforts. Source: XinhuaNet
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamada Sarre Puntland ayaa lagu wadaa in ay berri dhagaysto dacwad u dhaxaysa Madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa taasi oo la xiriirta khilaafka dastuuriga ah Ilo xogogaal ah ayaa u xaqiijiyey in Madaxwayne ku xigeenku Cabdixakiin Camey ii maxkamada u gudbiyey dacwad la xiriirta Gudiga xalinta khilaafaadka ee Madaxwayne ee Madaxwayne Gaas magacaabay isla markaana labada dhinac diyaarsadeen qareemadii difaaci lahaa Khilaafka Maxda sare ee Puntland oo ah mid dastuuri ah ayaa maxkamada sare dhegaysan doonta madaama aysan Puntland lahayn maxkamadii dastuuriga ahayd ee kala saari lahayd khifaadka noocaan ah . Sharci yaqaano ayaa sheegay in Maxakamada sare matali karto midda Dastuuriga ah. Gudiiga xalinta khilafaadka ayaa 20 sano ay Puntland jirtey waxaa magacabistiisa iska lahaa Madaxweynaha isagoo la tashanaya ku xigernkiisa, musharaxiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Arintaan ayaa ku soo beegaysa iyadoo Manta Gudiga khilaafadka ee Madaxwayne Gaas magacaabay shaqadooda bilaabayaan. Xigasho: Garowe Online
  23. Maxkamada sare ee Puntland ayaa maalinta berrito ah qaadaysa dacwad maamul oo u dhexeysa madaxweynaha dowladda Puntland iyo madaxweyne ku xigeenka, dacwadaaas oo ka dhalatay [...] Source