-
Content Count
207,081 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cawad “Ma aqoonsanin guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka”
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa markale ku celiyay in aysan aqoonsaneen gudiga Maaliyada ee Golahaasi ee dhawaan la kala diray. Guddoomiye Cawad ayaa ka dhawaajiyay in ay soo dhisayaan guddi Maaliyaadeed oo KMG ah, si ay u sii wadaan howlaga guddigaasi. Sidoo kale Mahad Cabdalla Cawad gudodomiye ku xigeenka labaad ee BFS ayaa sheegay in uu rajaynayo in la xaliyo khilaafka soo kala dhex galay Golaha Shacabka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cawad-1.mp3 The post Cawad “Ma aqoonsanin guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka” appeared first on Shabelle. View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka la filayo inuu maanta la hadlay warbaahinta, sida qaar kamid ah xildhibaanadii xalay la kulmay ay shaaciyeen. Lama oga waxyaabaha uu ka hadli doono guddoomiyaha baarlamaanka, balse waxaa la filayaa inuu ka hadlo arrimaha mooshinka iyo waxyaabaha kasoo kordhay. Xiisad ayaa ka dhalatay kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka uu qabtay mooshin ay diyaariyiin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka hor yimid labadiisa ku xigeen. Xalay ayaa xildhibaanadii ugu badnaa ee gudbiyay mooshinka waxay kulan la qaateen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii sida ay sheegeen ay ka boodeen Dhagxaan lagu xiray waddada loo maro xafiiska guddoomiyaha. Xildhibaannada mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha u gudbiyay Guddoomiye Mursal ayaa sheegaya in madaxweynaha uu galay heshiisyo qatar gelinkara dalka oo aan la horgeyn golaha shacabka. La soco waxyaabaha kasoo kordha arintaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Walaac xoogan ayaa laga muujinayaa in markii afaraad ay dib u dhacdo doorashada Koofur Galbeed oo seddex jeer oo hore dib u dhac uu ku yimid. Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin dib u dhac markii Afaraad ku yimaada doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed. Doorashadaasi ayaa dib u dhacday 17 iyo 28-dii November iyo Shantii December ee sanadkaan, iyadoo haatan lagu balansan yahay inay dhacdo 19-ka Bishaan oo Siddeed maalin ay ka harsan tahay. Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayaa sidoo kale qaba walaaca dib u dhaca doorashada, iyaga oo u sababeynaya mooshinkaan cusub ee laga keenay madaxweynaha Soomaaliya. Khilaafka cusub ee golaha shacabka iyo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga baqayaa inuu saameeyo doorashada, maadaama laga mashquulayo arrimaha Koofur Galbeed laguna mashquulayo xal u helidda mooshinka. 19-ka Bishaan ayaa la filayaa inay doorashada ka dhacdo magaalada Baydhabo, haddii aan dib looga sii dhigin, waxaana wali musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha aysan la hadlin xildhibaanada dooran lahaa. Marka Mooshin uu yimaado sidaan oo kale waxaa istaaga dhaqdhaqaaqa iyo shaqooyinka hay’adaha kala duwan ee dalka, maadaama mar walbaa xalka mooshinka lagu mashquulo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa ku warramaya in xalay dibadbaxyo xoogan ay ka dhaceen M/ Nairobi ee xarunta dalkaasi. Dibadbaxyada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa lagu taageerayay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Sidoo kale banaanbaxan ayaa looga soo horjeeday Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo. Dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay Waddooyinka waa weyn ee Nairobi, gaar ahaa xaafadda Islii ayaa ku qeylinayay Erayo ka dhan ah Mooshinkaasi. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xilligan aan loo baahneen Mooshin iyo khilaaf horleh. Shalay ayey aheyd markii dibadbaxyo la mid ah kuwan ay ka dhaceen qeybo ka mid ah M/ Muqdisho, kuwaas oo ay dhigeen qaar ka mid ah shacabka G/ Banaadir. Banaanbaxyadan ayaa ka dhashay, kadib markii Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. The post Dibadbax lagu taageerayo Farmaajo Oo ka dhacay Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Sidee shaqo loo helaa ama loo abuuraa W/Q Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) Q. 5’aad Dawlada iyo saammeynta ay ku leedahay shaqo la’aanta oo sii socda. Shaqo la’aantu waa dhibaatadda ugu badan ee dawladaha ka horyimaada, Xalka iyo ka hortaga ay sammeeyaan dawladuhu waxay noqdaan innay ku guuleystaan iyo innay ku fashilmaan midkood. Marka la joogo dalkeenna shaqo la’aantu waa caqabada ugu adag ee hortaalla Dawladeenna, sanadkasta waxa soo baxa arday kala duwan oo dhammeeyay Jaamacaddaha Meelaha kaliya ee ay naawilaan innay ka shaqeeyaan waa dawladda iyo Hay’adaha madaxa banaan, ilaa intii dalka la soo galay ma jirto Dedaal shaqo abuur ah oo la sameeyay marka laga reebo shaqaale si dad ban loo qaato. Dawladdu waxay saammeyn balaadhan ku leedahay shaqo abuurka dalka waxaanna looga fadhiyaa innay qorshe qaran oo saxa la sameeyo laguna guulleysto in ardayda iyo cidkasta oo shaqo la’aan ka cabbanaysa la meeleeyo taasina waxay ku xidhan tahay hoggaanka dalka iyo gollihiisa wasiiradda qaabka iyo sida ay u maareyn karaan dhibkan inta badan soo jiitamayay. Waddamadda Caalamka ee la dagaalamay shaqo la’aantu waxay sammeeyeen dedaal aan joogsi lahayn iyo daacadnimo waxaanna u suuro gashay innay soo afmeeraan shaqo la’aanta baahsan ee jirta. Dawladdu waxay sammayn kartaa innay dhalinyarada iyo ciddii shaqo doon ah ay ku sammeeyaan xog ururin iyo tirikoob saxa oo la ogyahay inta shaqaysa iyo inta aan shaqayn ee jaamacad dhamaysay, dugsi sare dhammaysay , dugsi hoose dhammaysay taasi waxay ka caawinaysaa in sanadkasta la sameeyo qorshe shaqo abuur oo kala duwan ka duulaysa xogta la hayo ! Ha moodina innaan riyoonaya haddii la dedaalo waa mid aad u fudud haddii aad dib u milicsatid waddamada horumar xaggay taagnaayeen 28 sano ka hor. Haddii la doonnayo in shaqo la’aanta baahsan hoos loo dhigo cidda kaliya ee hoos u dhigi kartaa waa dawlada oo ay ka go’naato shaqo abuur ama xal lagu yaraynayo taasina waxa la arki doonnaa marka dawladdu laftigeedu noqoto dawlad isbeddel u taagan oo markasta dedaal ugu jirta xal u raadinta shaqo la’aanta. Haddii la doonnayo in shaqo la’aanta hoos loo dhigo waa in dawladdu xoogga saarto waxsoosaarka kala duwan ee dalka sida wershadaha iyo beeraha , iyo in ay dawladu caawiso cidkasta oo iyana diyaar u ah innay wershado cusub iyo beero hir galiyaan. Jaamacadaha wax lagu barto haddii aqoontooda wax laga beddelo laguna dabaqo baahideena si dhallinta loo baro xirfado shaqo oo naftooda iyo dalkoodaba ay wax ugu qaban karaan taasi waxay hoos u dhigaysaa shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta, tallaabo kasta oo la doonnayo in shaqo la’aanta hoos loogu dhigo waxa sammayn kara dawladdeenna iyo shacabkeenna oo diyaar u ah in horumar lagu tallaabsado. “Haddii waddanka shaqo la’aantiisu badnaato waxay la mid tahay waddan aan horumar gaadhin, haddii shaqo abuurkiisu batana waxa ay la mid tahay waddan isku filnaansho gaadhay” markaa marka la doonnayo in waddankasta la ogaado horumarkiisa kaliya waxa la eegaa waa imisa heerka shaqo la’aanta ee ka jirta waddankaas? Haddii aan tusaale ku siiyo waddankeenna soomaalilaand shaqo la’aantu waxay kor u dhaaftay 78% halka aynu taagan nahay iyo xaalada waddankeenna lagu tirinayo bal iswaydii Maxaa la innagu tirin karaa? Haddaba xagga sare waxa aynu ku sheegnay saameynta iyo qaabka ay dawladu shaqo la’aanta hoos ugu dhigo karto , anigana aqoontayda gaaban iyo waayo-aragnimadayda aan talada uga dhigayo inta shaqo la’aantu hayso waxaan leeyahay shaqo la’aanta waa laga baxayaa ama adigaana iska saaraya oo shaqo abuuranaya ama adiga ayaa shaqo raadsanaya oo helaya, haddii aad doonneysid innaad shaqo heshid waxay ku jirtaa gacantaada, dedaalkaaga iyo kartidaada. Haddii aad dedaashid, haddii aad samirtid haddii aad waddooyin kala duwan u martid innaad shaqo heshid ama abuurtid maalin unbaad ku guulleysan se cidda ay ku xidhan tahay innay waddooyinkaas uu qaado waa adiga, oo Markasta Alle kaashanaya. Haddii aad doonneysid inaad shaqo abuurtid ama aad shaqo heshid markasta waxaad u baahan tahay waayo-aragnimo waayo aragnimadduna waxay ka timaadaa innaad cid u shaqaysid iyo innaad adigu shaqo abuur aad sammaysay aad ka heshid fashil iyo waayo – aragnimo. Haddaba anigu waxaan kugula talinayaa haddii aad doonneysid inaad shaqo heshid marka hore adigu shaqo doonne ama shaqo abuure noqo, diyaarna u noqo innaad shaqaysid ama laguu shaqeeyo haddii aad doonneysid inaad shaqo heshid oo aad cid u shaqaysid waxay kaaga baahan tahay innaad albaab kasta garaacdid oo aad qofkasta oo meel haysta aad shaqowaydiisatid codsi iyo CVna aad u geysatid ka dibna ku noq-noqotid haddii aad shaqo doon tahay maaha innaad shaqo ka raadisid inta aad isku reerka tihiin se waxa loo baahan yahay innaad markasta aqoontaada ku kalsoon tahay ka dibna cidkasta aad hor dhigi kartid aqoontaada iyo waayo-aragnimadaada, haddii aad aqoon leedahay tus qaabka aad horumar u gaadhsiin kartid halka aad shaqada ka rabtid kuna caddee codsigaaga. Haddii aad shaqo doon tahay markasta waxa lagaaga baahan yahay dedaal joogtaa, samir badan, adkeysi , iyo xidhiidho badan oo aad bulshada qaybaheeda kala duwan la yeelatid, taasi waxay kugu hagaysaa inaad mar un shaqo heshid. Haddii aad shaqo heshid na maxaa lagaaga baahan yahay Afar qodob Ayaan ku soo koobayaa, waan hubaa innaad mar un shaqo helaysid haddii aad tahay qof wanaagsan oo Alle ku xidhan , aqoon iyo dhaqan wanaagsan leh, ee bal haddii aad shaqo doon tahay ama aad diyaar u tahay ama aad abuuraysid isku day inaad yeelatid astaamahan hoose :- Diin: Noqo qof diin leh oo diintiisa jecel Allena raalli galiya Dhaqan: Noqo qof dhaqan iyo asluub leh haddii aad dhaqan wanaagsan leedahay waxba waayi maysid, haddii aad dhaqan wanaagsan leedahay cidkastaa waa ay ku jeclaan kana feejignoow oo jooji waxyaalaha dhaqannada xumeeya sida Qaadka, sigaarka iyo balwadaha xun xun ee indhaha dadka kugu soo jeedinaya, qaabkaaga dhis, labiskaaga qurxi, dhaqankaaga ha laga garto hadalkaaga, labiskaaga iyo aqoontaadaba ha u eekaadaan aqoonta aad leedahay. Aqoon: markasta aqoontaada aamin una beddel ficil iyo inaad meeshaad ka shaqo gashid aad wax kaga bedeshid, kor u qaad ka dibna ka faa’ideyso cidkasta oo kaa aqoon badan kuna dayo inaad gaadhi kartid oo aad waliba dhaafi kartid. Dabeecad: haddii aad dabeecad xun tahay Waa abuur Alle se waxa lagaaga baahan yahay in dabeecadaada xun kaga timaadid gurigii aad ka soo toostay waa in aad ku dhaqantid dabeecadda shaqada ee aad goobta ugu timid, haddii aad dabeecad xumaatid waxaad noqon doontaa shaqaale ka shaqeeya sanad gudihii in ka badan 10 goobood oo shaqo ah “Haddii aad dabeecad wanaagsan leedahay waxaad noqon doontaa shaqaale sanado badan ka shaqeeya hal goo oo kaliya” Haddii aad shaqaale ama loo shaqeeye noqotid waa lagama maarmaan innaad astaan ka dhigatid qodobadaas aan kor ku soo sheegay waayo markasta waxa aad la shaqaynaysaa bulsho iyo dadyaw kala duwan oo kala dabeecad ah, kala diin ah, kala aqoon ah haddii aad astaamahaas sare leedahay waa lagama maarmaan innaad meelkasta ka noqon doontid Dheeman la jeclaado oo haddii uu fasax galo wax badan la dareemo oo la is waydiiyo. Balanteennu waa noqo qof ka dhisan xag diimeed, aqooneed, dabeecadeed, qaabeed, xirfadeed, bulsheed taasi waxay kor u qaadaysaa in cidkastaa ku jeclaato kula soo xidhiidho ka diba meelo badan lagaa soo dalbado iyadoo lagu leeyahay maad noo shaqayn. Waan ogahay in shaqo la’aan baahsan idin hayso, waan ogahay inaad jeceshiin innaad shaqo abuurataan, waan ogahay innaad jeceshiin inaad dalacdaan oo aad meel sare gaadhaan, waanna sababta aad maqaalkan u akhrinaysid innaad tallo ka heshid, waan kugu hambalyaynayaa inaad akhriday maqaalkayga, waan hubaa nasiib ayaad leedahay, samir ayaad leedahay, waxaanad diyaar u tahay isbeddel , waad helaysaa shaqo , waad abuuraysaa shaqo ama waad ka dalacaysaa halka aad imika taagan tahay waayo samirkaaga iyo dedaalkaaga waxaan ka dhex arkaa wakhtiga aad siisay maqaalkan insha Allah waxaan adiga si gaara kuugu duceynayaa in Alle ku gaadhsiiyo halka aad jeceshay, u dedaal sida aad imika wakhtiga u siisay akhriska maqaalkan, wakhti u sii sida aad shaqo ku heli lahayd ama aad u abuuri lahayd iyo sidii aad u dalici lahaydba, waan ku farxay innaad ila akhriday ana waan kula jeclaaday inaan wixii aan idin dheerahay idinla wadaago waad ku mahadsan tahay Akhriskaaga wixii kale ee aad u baahatid Waxaad ii soo diri kartaa Fariin. Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) farxaanmxd@gmail.com Facebook: Rakad Mxd Sultan Article: 329 Tell: – 063-4400319 Berbera. Qaran News
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwii Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay guddoomiyaha BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulankan oo ka dhacay Guriga Guddoomiye Mursal uu ka dagan yahay Madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Mooshinka iyo sidoo kale wararka sheegaya in xabsi Guri laga dhigay. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay u suura gashay in Madaxtooyada ay galaan, iyagoo ka booday biro lagu xiray Guriga guddoomiyaha, sida uu hadalka u dhigay. “In ka badan 24 saacadood oo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal ku go’doonsanaa Gurigiisa oo ku dhexyaala Madaxtooyada Soomaaliya ayay noo suurogashay inaan u tagno kadib markii aan ka boodnay biro lagu xiray Guriga uu ka dhex deganyahay Madaxtooyada”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad. Sidoo kale saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa in Warbaahinta uu la hadlo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, kana warbixiyo xaaladda cakiran ee ku soo korortay Golahaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Xildhibaano ka tirsan BFS Oo la kulmay guddoomiye Mursal appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa bishii Labaad oo uu xilkan hayo ku guuleysto inuu mushaar siiyo 200 oo ka mid ah ciidamada Booliiska B/weyne, kuwaasi oo xuquuqdooda ka la’aa dowladda federaalka ah. Dabageed ayaa u sheegay ciidankaan in looga baahan yahay iney xoojiyaan shaqada ay shacabka u hayaan, islamarkaana kaalin ka qaataan sidii ammaan iyo kala dambeyn loo heli lahaa. Waxa uu sheegay guddoomiyaha inta maamulkiisa uu shaqeynayo iney bixin doonaan mushaarka ciidamada Booliiska, maadaama ay dowladda federaalka ilowday. Qaar ka mid ah ciidamada Booliiska ee la siiyey lacagahan ayaa sheegay in maamulkaan uu wax badan kaga bedalan yahay maamulladii hore, islamarkaana ay lacagahooda heleen xilli ay dowladda dhexe ku ilowday B/weyne. Halkaan hoose ka dhageyso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa xildhibaannada ka keenay mooshinka madaxweyne Farmaajo ugu baaqay iney ku adkeystaan mooshinkooda oo aanay ka laaban. Wuxuu sheegay in xildhibaannada looga baahan yahay iney ridaan madaxweynaha oo ay soo doorteen shaqsi wax ka bedali kara xaaladda dalka Labada sano ee soo socota. Guddoomiye Maxamed Mursal ayuu sheegay inuu noqday nin sharciga ilaaliya iyaguna ay garab taagan yihiin xildhibaannada mooshinka keenay waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/CODKA-FAYSAL-CALI-WARAABE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hoyga guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa xalay tagey xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka keenay madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Waxay xildhibaannadan kulan la yeesheen guddoomiyaha oo ay ka wadahadleen arrimo badan oo mooshinka ku saabsan. Xubno ka mid ah xildhibaannadan la kulmay guddoomiye Mursal ayaa inoo xaqiijiyey in saacadaha soo aadan ee maanta uu guddoomiyaha la hadli doono warbaahinta, islamarkaana u faah faahin doono arrimo badan oo mooshinka ku aadan. Wuxuu sidoo kale ka hadli doonaa wararka sheegayey in loo diidey xildhibaanno iney u tagaan sidoo kalena biro lagu horjaray hoygiisa. Xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka ayaa 9-kii bishan waxay mooshin ka keeneen madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed, wuxuuna mooshinkaan yahay mid xil ka qaadis ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-111218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxkamada Sare ee Dawlada Puntland ayaa lagu wadaa inay saaka ka furanto dacwad dastuuriya oo u dhaxaysa Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Eng Cabdullaahi Cumar Camey, taas oo ku salaysan guddiga xalinta khilaafaadka Baarlamaanka. Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweyne Gaas uu magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka iyo xulista baarlamaanka hase ahaate uu saacado kadib guddi kale ka daba magacaabay ku-xigeenkiisa Eng Camey oo sheegay inaan lagala tashan guddiga uu madaxweynuhu magacaabay. Saaka waxaa Maxkamadda sare oo fadhigeedu yahay magaalada Garowe soo xaadiri doona qareeno u doodaaya labada dhinac. Puntland oo 20-sano jirsatay weli maleh maxkamadii dastuuriga ahayd oo shaqadan iyadu leh hase ahaate waxaa shaqadii maxkamadaas sii wada Maxkamada sare. Waa markii ugu horaysay oo ay Maxkamadda sare dhagaysato dacwad tan lamida. PUNTLAND POST The post Maxkamadda sare ee Puntland oo saaka dhageysanaysa dacwad u dhaxay Gaas iyo Camey appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka xun yihiin go’doominta lagu sameeyay guddomiyaha baarlamaanka. Xildhibaan C/Xakiin Macalin Ahmed oo kamid ahaa xildhibaanadii xalay la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay inay u dulqaadan waayeen go’doominta guddoomiyaha baarlamaanka, sidaasina ay ugu tageen. Ugu horeyn wuxuu sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka loo diiday inay la kulmaan , balse aysan jirin cid hor istaagi karta inay la kulmaan guddoomiyahooda, islamarkaana ay xoog kaga gudbeen dhagxaan lagu gooyay hoyga guddoomiyaha. Xildhibaan C/Xakiin ayaa tilmaamay inay talaabo qaadi doonaan, walow uusan sheegin talaabada ay qaadayaan nooca ay tahay iyo cidda ay ka qaadayaan, maadaama aysan jirin Talaabo ka weyn mooshinka ay gudbiyeen oo ay qaadi lahaayeen. Waxa xalay la arkayay xildhibaano badan oo la kulmay Guddoomiyaha kuwaasi oo uu kamid ahaa xildhibaankii shalay galab shaaciyay in guddoomiyaha Baarlamaanka maxbuus laga dhigay. Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa mareysa meel adag ka dib markii Xildhibaano ka tirsan Golaha ay Shacabka ay Mooshin ka keeneen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hoos ka dhageyso codkiisa. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-2-Xildhibaan.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Golaha Shacabka Xildhibaano katirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in guddoomiyaha ay u gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu qabtay mooshin ka dhan ah madaxweynaha. Xildhibaanada gudbiyay mooshinka ayaa ku doodaya in ay soo dhameystireen tiradii loo baahnaa, ayna ka war sugayaan guddoonka golaha shacabka. Dad badan ayaa haddaba isweydiinaya qaabka loo mari karo xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya. Qoddobaka 92aad ee dastuurka ku meel gaarka ee Soomaaliya ee aana wali aftida loo qaadin ayaa dhigaya in xil ka qaadista madaxweynaha ay soo jeedin karaan xildhibaanada golaha shacabka marka madaxaweynaha lagu eedeeyo khiyaano qaran, xadgudub culus oo dastuuri ah ama ku xadgudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Isla qoddobka 92aad ee dastuurka Soomaaliyaa farqadiisa 2aad ayaa sidoo kale dhigaya in hindisaha xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay golaha horkeeni karaan ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Sidoo kale isla qoddobkaasi ayaa dhigaya in Maxkamadda Destuuriga ay dhageysato eedeynta loo soo jeedinayo Madaxweynaha inay sal leedahay, waxaana haddii ay go’aamiso maxkamaddu inay eedayntu sal sharci leedahay, saddex dalool labo (2/3) ee labada aqal ee Baarlamaanka ay xilka ka qaadi karaan madaxweynaha. Haddii Madaxweynaha xilka lagaga qaado si waafaqsan faqradaha 1aad ilaa 3aad ee qodobkan, waxaa xilka madaxweyninimo la wareegaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Guddoomiyaha maxkamadda sare Jiritaanka maxakamadda destuuriga Soomaaliya oo aysan iminka ka jirin maxkamadda dastuuriga ayaa haddaba waxaa uu ismarin wa’a ka taaganyahay halka loo laabanayo iyo maxkamaddii dhageysan laheyd eedeymaha loo soo jeediyay madaxweynaha, waxaana dadka qaar ay qabaan aragti ah in mar haddii aysan jirin maxkamaddii dastuuriga ee loo laaban lahaa ay tahay in loo laabto maxkamadda sare, si ay u dhageysato eedeymaha loo soo jeediyay madaxweynaha, halka kuwa kalena ay aaminsan yihiin in golaha shacabka uu go’aan ka gaaro arrintan. Maxaa xal ah maxaase aan xal aheyn? Maxkamadda dastuuriga oo aan dalka ka jirin iyo dhinacyada siyaaasadda oo aad u kala fogaaday ayaa dadka qaar waxaa ay aaminsanyihiin in ay sii hurineyso xiisadda siyaasadeed ee haatan ka taagan Soomaaliya, arrintan na aan la dhameystri karin iyadoo meesha ay ka maqan yihiin hay’adihii dowliga ahaa. ”Hay’adihii la rabay in arrintan ay dowr ku yeeshaan oo meeshan ka maqan iyo dadkii oo siyaasad ahaan kala fogaaday, daraf saddexaad oo dhexdhexaad ahna uusan jirin, waxaa qasab noqon doonto in xeer-Soomaali loo noqdo, hoosna loo wadahadlo”. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Ibraahim Bursaliid oo ka faallooda arrimaha gobolka. Mooshinkan oo aanan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono ayaa waxaa ilaa iyo hadda aanan ka hadlin madaxtooyada Soomaaliya. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka. Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in siyaasiyiinta uu kula kulmay magaalada Muqdisho uu kala hadlay arrimo dhowr ah, isaga oo sheegay inay ugu weyn tahay xalinta dhibaatooyinka dalka ka jira. Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta waaweyn ee uu la kulmay kaga mahadcelinayo dadaalada ay ugu jiraan dhameynta dhibaatooyinka qaarkood maanta ka taagan dalka Soomaaliya, sida uu kusoo qoray bartiisa Facebook. “Waxaa maanta igu soo booqday gurigeyga siyaasiyiin waaweyn oo reer Muqdisho ah Waxaana ka wada sheegakeysannay danta guud ee dalka iyo dadka. Waan uga mahadcelinayaa dadaallada ay ugu jiraan xal u helidda mashaakilaadka maanta taagan qaarkood”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kamid ah xubnaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, waxaana uu marar badan magaalada Muqdisho ka sheegay dhaliilaha dowladda leedahay. Waxaa haatan taagan buuq badan oo ka dhashay mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo ay u badan tahay inay arrimaha mooshinka ka wada hadleen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Sheikh C/qaadir oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa si dad ban kaga hadlay khilaafka ka taagan golaha shacabka dhexdiisa. Xildhibaanka oo ka qeyb galayay soo dhaweynta hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in laga gudbay xiligii awooda iyo xooga lagu xukumi jiray dalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dowladnimada Soomaaliya laga soo maray dhibaatooyin badan oo u baahan inaan dib loogu laaban, isaga oo ka digay in dhibkii badnaa ee laga soo gudbay inaan dib dalka loogu celin. “Ujeedada maanta aan halkaan iskuugu nimid ayaa ah inaan muujino in dalkaan uu yahay dal xor ah, dadkana wada leeyihiin, sanad ka hor dhibaato xun oo lagu weeraray C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho”. “Dalkaan qofkii xabad lagu tuuraba hadduu iska cararayo meeshaan masoo gaarneen, waxaan jeclahay inaan fariin dhab ah u dirno dadka doonayo in xabad xalka lagu gaaro, waa laga soo gudbay waxaa, waxaan ku joognaa oo aan wada leenahay dalka, Dastuurka iyo Sharciga”ayuu yiri Faarax Sheikh C/qaadir. Xildhibaan Faarax C/qaadir oo si toos ah kaga hadlin marxaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa sheegay inuu ka digayo in dalka dib loogu celiyo xiliyaddii adkaa ee laga soo gudbay. Xildhibaanada ugu badan ee mucaaradka ah ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo mooshinka laga gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Warsaxaafadeed ay soo saareen Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku sheegeen in xaalada soo korortay ay saameyn ku yaalan karto dhaqaalaha, maalgashiga iyo guud ahaan nolosha danyarta. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada keenay mooshinka ayay ugi baaqeen inay ka laabtaan. Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed waxay aad iyo aad uga walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee ku soo korortay dalka, taasi oo ugu horrayn saamayn wayn ku yeelan karta dhaqaalaha, maalgashiga iyo guud ahaan nolosha danyarta. Waxaynu wada ognahay haddii la waayo xassilooni siyaasadeed in wax walba xumaanayaan, kalsoonida guud iyo aaminaadda maalgashi dibadeed oo dalka ka hirgashaana meesha ka baxayso. Waxay noola muuqataa in arrimahan deg-degga ku socda dalka gelin karaan, gaarsiinna karaan meel aad u liidata, rajada dib u soo kabashada dalkana ay ku keeni karto dhaawac aan kabasha lahayn. Sidaa awgeed, Waxaan usoo jeedinaynaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada keenay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha in ay ka noqdaan tallaabadan, maaddama ay wax u dhimeyso horumarka iyo geeddi socodka siyaasadeed ee dalka. Waxaan ku talinaynnaa in dhammaan qaybaha ay khusaysa ee xilalka kala duwan haya inay u turaan umaddaan muddada dheer dhibaatada ku soo jirtay, muujiyaana dulqaad iyo isu tanaasul, si dalku u gaaro meel ka wanaagsan meesha hadda la joogo. D H A M MA A D
-
Garowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta la filayaa in maxkamadda sare ee maamulka Puntland dhageysato dacwadda u dhaxeysa madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa oo isku qabtay magacaabidda guddiga xalinta Khilaafaadka. C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa dacwadaan u gudbiyay maxkamadda sare ee maamulka Puntland, si ay go’aan kaga gaarto kiiskaan. Dacwadda ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweyne ku xigeenka Puntland uu shegay inaan lagala tashan magacaabista guddiga xalinta Khilaafaadka ee uu magacaabay madaxweyne Gaas. Maxkamadda sare ee Puntland oo dacwadda qabatay ayaa maanta u yeertay qareennada kala matalaya labada Mas’uul,waxaana loo ballansanyahay saaka 9:00AM Subaxnimo. Puntland waxaa ka dhaceya doorashada madaxtinimo billowga bisha soo socota,waxaana hadda socda ololaha doorashada iyo dhismaha Baarlamaanka Puntland ee dooran lahaa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Lama oga go’aanka ay gaari karto maxkamadda, waxaana sidoo kale la saadaalin karin sida labada dhinac ay ugu qanci doonaan go’aanka maxkamadda ay gaarto. Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
-
Waxaa shalay miiska soo fuulay mooshin muran dhaliyay oo la sheegay in laga wado Madaxwaynaha Somalia oo sida la yiri ku eedaysan ”khiyaano qaran.” Mooshinkan ayaa waxaa riixaya kooxo dano badan ka leh, kuwaasoo sida la tuhunsan yahay ay gadaal ka taagan yihiin quwado shisheeye oo ragaadinaya soo kabashada Somalia sabab kastaba haku riixdee. Iminka ayaa waxaa arrintaasi ka dhawaajiyay “Imaaraatku waxa uu qorsheeyey in uu kursiga iga tuuro, sidii ay Mursi u qorsheeyeen in ay u ridaan ama xitaa sida ay qorsheeyeen oo inay u tuuraan madaxweynaha Soomaaliya“ ayuu yiri Madaxwaynihii hore Munsif Almarsuuqi. FG: Muuqaalkani hadda maaha balse waa mid si guud wax uga sheegaya faragelinta Imaaraatka ee dunida Islaamka. Xigahso: Hadalsame Media
-
Maanta anigoo meel aan qof ku yara sugayay taagan ayaan mobilkayga yara eegay. Waxaan furay caasimada.com wixii ugu horreeyay oo aan arkayna waxay noqdeen Mursal oo aqbalay mooshin madaxdweynaha xilka looga qaadayo. Anoo wali yaabban si fiicanna uusan warku iigalin ayaan markale furay mise waa mid kale oo dag-dag ah. Waxyaabihii loo cuskaday mooshinka ayaa lasoo qoray. Dhaqso ayaan isha u mariyay laakiin mid aan ku qanco ma arag waayo, inkastoo ay ahayeen dhammaan qodabada la keenay waxay ahaayeen kuwo aan jeclaa in marhore madaxweynaha inta loo yeero su’aalo laga waydiiyo, haddana jid sax looma marin. Halkii la waraysan lahaa ka dibna go’aan laga qaadan lahaa sheekadi waxay ka billaabatay xil ka qaadis iyo eedaymo meeshi ugu xumayd oo ah qiyaamo qaran. Su’aalo rax-raxan ah ayaa qalbigayga isku cariiyay. Mursal miyuusan ogayn dhibka iyo wareerka siyaasadeed ee arrintaanu keeni karto? Hadii usan dan ka lahayn taasi miyusan ogayn in 184 cod loo baahanyahay si xilka looga qaado madexweynaha? Miyuusan ogayn in tiro konton gaarayso oo xildhibaanno ah ay dowladda xilal ka hayaan taasoo u muuqato in dowladdu ka gaashaamatay weerar noocaan ah? Sidee wax yihiin, muxuu kaka jeedaa, si kale oo uu ragga isaga dhiciyo miyuu waayay? Anoo wali jawaab la’ ayaa waxaa igu soo dhacay sheeko aan hadda ka hor buug ka akhriyay oo uu qoray Roray Stewart oo aha siyaasi iyo dublamaasi Ingriis ah marna soo noqday xildhibaan. Stewart wuxuu aad ooga soo horjeedaa dagaalka Afqaanistaan in badanna wuu booqday. Booqashada waxaa u dheer inuu dadka shacabka ah dhex galo, tuulooyinka tago martina u noqday odayaal iyo dagaal oogayaal intaba. Wuxuu yiri, xilli uu socdaal ku marayay meelaha fof-fog ee dalka Afqaanistaan ayaan marti u noqday mid ah ka mid odayaasha awoodda leh ee dalkaas. Meeshi odayaal iyo culimo kale ayay ku kulmeen wuxuuna marti u noqday nin la yiraahdo Mullah Mustafa oo madaxda iyo cuqaasha aagga ka mid ah. Waxaase yaab iyo argagax iyo lama filaan noqotay inuu Mullah Mustafa isku dayay inuu toogto ninki martida u ahaa. Eebbe waa badbaadiyay dhibna ma gaarin. Stewart wuxuu yiri ma waydiin sababta uu dili rabay iyo waxa uu iga rabay. Shib ayuu yiri wuuna ka tagay. 18 bilood ka dib ayuu markale booqday meeshi lana kulmay Mullah Mustafa. Waa xilli ku hobboon oo colaaddi iyo xanaaqi lasoo dhaafaye, wuxuu ku yiri maxaad igu gashay maalinti aad xabbada igu ridday. Stewart waxaa loo sheegay in Nadir Shaah oo Mullah Mustafa ay ilma adeer yihiin uu ku yiri “waxan sharad ku dhigan karaa inaadan ninkaas cad dili karin” Mullah Mustafa si uu muujiyo inuu yahay libaax aan la caraabin ayuu baas ku furay ninkii uu marti galiyay isagoo wax kale oo dan ah ka lahayn. Waxaan is iri Mudane Mursal waxaa lagu yiri xaniinyo aad ku aqbashid mooshin Farmaajo ka dhan ma lihid isana si uu muujiyo inuu yahay libaax aan boqol geed ooga leexan ayuu yiri ii keena anaa in tusiye. Nasiib darrada ku habsatay dalalka dagaalada daba-dheeraaday ay ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah inay madax u yihiin dadka ummad dhan masiirkeeda ama qof aan waxba galabsan naftiisa u jara “waxaan ahay ayaan ku tusi” W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/ Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Todobo bilood ayaa laga joogaa markii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, waxaana xilligaas aad loogu arkay in uu u janjeero dhanka madaxweynaha iyo xukuumadda. Sababtu waxa ay ahayd in xildhibaanada u janjeera dhanka xukuumadda, oo qaarkood ay xitaa yihiin wasiiro in ay si buuxda u taageereen guddoomiye Mursal. Markii guddoomiyihii hore Prof Maxamed Cusmaan Jawaari uu meesha ka baxay, lana doortay Mursal, waxaa jiray eedeymo kasoo yeerayay dhinacyada dowladda kasoo horjeeda oo ah in baarlamaanka uu u gacan galay xukuumadda , islamarkaasna ay isku milmeen. Maxay isku gafeen Farmaajo iyo Mursal ? Dadka aftahanka ku ah siyaasadda, iyo kuwa falanqeeya, waxa ay ku tilmaamaan ‘Aqal Gal Siyaasadeed’ marka ay labo qof ku midoobaan siyaasadda, balse hadda waxaa muuqata in uu ‘furriin’ dhacay. Dad aad u yar ayaa saadaalin karay in ay sidan wax u dhacayaan, waxaana aad la’isu weeydiinayaa waxa ay isku gafeen labada qof ee ugu sareeya dalka Soomaaliya. Waxaan su’aashaas hor dhignay Prof Ibraahim Bursaliid oo ah falanqeeye siyaasadeed “Guddoomiyaha cusub weli waa aqbali la’yahay in loo bixi karo hannaan hay’adnimo iyo mid dowladnimo, weli waxa la filayaa in sidii xaal mastuurka ahayd wax kasta lagu dhameeyo” ayuu yiri Bursaliid oo intaas ku daray in Guddoomiye Mursal uu tirsanayo ixtiraam darro, uuna filayay in wax kasta oo dalka ka socda lagala tashado. Marka ay halkaas taagantahay, warqad uu soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka oo uu dib ugu soo celinayay guddigii maaliyadda ee ay kala direen labadiisa ku xigeen ayuu ku sheegay in la dhawro madax banaanida baarlamaanka. Balse Bursaliid waxa uu qabaa in farogalinta ay labada dhinacba ka imanayso, isaga oo farta ku fiiqay in guddoomiyaha uu doonayo in wax laga weeydiiyo arrimaha doorashada Koonfur Galbeed, shaqadaas oo ah mid u taalla laanta fulinta. Markii guddigii maaliyadda ay soo saareen warbixin sheegeysa in la la’yahay malaayiin doolar oo lacag ah, jawaabta waxa ay noqotay in guddigii oo dhan la kala diro, waxaana aad loo tuhunsanyahay in xukuumadda ay arrinkaas ka dambeysay, gadaalna kasoo riixday labada guddoomiye ku xigeen. Malaha waa arrintan farogalinta uu warqadiisa ku sheegay guddoomiye Mursal. Dad badan waxa ay aaminsanyihiin in qodobka ugu weyn ee ay isku qabteen madaxda uu yahay kan doorashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo la sheegay in guddoomiye Mursal uu doonayay in laga talogaliyo sida wax loo maamulayo. Waxaa xaaladda uga sii daray markii dowladda federaalka ay ciidamo dheeraad ah u dirtay magaalada Baydhabo. Sida uu qabo Prof Bursaliid, waxaa jira arrimo kale oo uu tabanayo guddoomiyaha “Tusaale marka uu guddoomiye Mursal yahay ku simaha madaxweynaha, madaxweynahana dalka ka maqanyahay, lalama dardaarmo, isagana lagama talo galiyo hawlaha ay xukuumadda qabanayso, taasna waa u cuntami weysay guddoomiyaha” ayuu yiri. Dowlad Goboleedyada Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ma aysan qarsanin sida ay ugu faraxsanyihiin mooshinka laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Mana ahan arrin si shil ah ku dhacday in mooshinka qodobada lagu qorey ee madaxweynaha lagu soo eedeeyay ay ka mid tahay in madaxweynaha uu la dagaalamayo nidaamka federaalka . Muddo dheer ayay soo karsamaysay xaaladda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana laga war dhawrayay goorta xaaladaasi ay ku fatihi doonto caasimadda, Muqdisho. Hadda dad badan wax la yaab ah kuma ahan in khilaafka ka dhex taagan madaxda dowladda federaalka ay qeyb ka yihiin dowlad goboleedyada. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax jawaab ah oo weli kasoo baxay madaxweynaha mooshinka laga keenay iyo guddoomiyaha baarlamaanka ee qabtay mooshinka. Xigasho: BBC Somali
-
Dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga ee muranka uu hareeyay, Maxamed Bin Salmaan ma ahayn nin dad badan ay ka yaqaanneen dunida ka hor inta uusan indhaha caalamka ku soo jiidanin qabashada xil uu ku helay boqornimada aabihiis, cid kalena aysan ku qabsan karin. Wariyaha laanta Afcarabiga ee BBC-da Rachid Sekkai, oo macallinka maadada ingiriiska u ahaa maxamed Bin Salmaan markii uu yaraa, ayaa ka sheekeynaya khibraddiisii la yaabka lahayd ee uu kala kulmay qasriga boqortooyada. Horraantii sannadkii 1996-kii, anigoo bare ka ah iskuul tayo wanaagsan iyo ixtiraam weyn leh oo lagu magacaabo Al-Anjal, oo ku yaalla magaalada Jidda, ayuu taleefan ii soo dhacay. Amiir Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sacuud, oo xilligaas ahaa duqa magaalada Riyaad ayaa si ku meel gaar ah ugu soo guuray magaalo xeebeedka dhinaca ku heysa badda cas ee Jidda, wuxuuna u baahday macallin luuqadda ingiriiska bara carruurtiisa. Ninka mustaqbalka noqon doona boqorka Sucuudiga ayaa la soo xiriiray maamulka iskuulka waxaana si aan ka laba labeys lahayn la iigu diray qasriga boqortooyada , si aan macallin khaas ah ugu noqdo carruurta ay u dhashay xaaskiisii ugu horreysay, kuwaasoo kala ah: Amiir Turki, Amiir Nayef, Amiir Kaalid iyo dabcan Amiir Maxamed. Darawal ayaa aqalkeyga iga qaadi jiray saacaddu marka ay tahay 07:00 subaxnimo, wuxuuna i geyn jiray iskuulka Al-AnjalI, markii aan cashirrada dhameeyo oo galabtii la gaarana wuxuu i geyn jiray qasriga. Markii aan ka gudubno albaabbada sida weyn amaankooda loo ilaaliyo, gaariga wuxuu sii dhex mari jiray darjiimo ay ku taallo dhir cagaaran, kuwaasoo ay si joogto ah uga shaqeeyaan shaqaale ku labisan dhar cad. Ka dib waxaan tagi jirnay meel gawaarida la dhigo oo ay ka buuxeen baabuurta noocyadooda ugu qaalisan. Marka aan soo gaarno gudaha hore ee qasriga, waxaa i qaabili jiray agaasimaha qasriga oo lagu magacaabi jiray Mansoor El-Shahry – kaa soo ahaa nin da’ dhexaad ah oo uu saaxiib dhow la ahaa Maxamed Bin Salmaan, oo xilligaas 11 sano jir ahaa. Taleefanka fooneeyaha ah ee ay waardiyeyaasha isticmaalaan Maxamed wuxuu sidoo kale u muuqday inuu aad u daneyn jiray inuu wakhti la qaato ciidanka waardiyaha u ah qasriga, intii uu daneyn lahaa cashirradeyda. Maadaama uu ahaa cunuga ugu weyn walaalihiis, wuxuu u muuqday in loo oggolaan jiray sameynta wax kasta oo uu jecelyahay. Awooddeyda ku saabsan inaan amarka macallinimada siiyo amiiradda yar yar waxay ku ekaan jirtay inta uu ka imaanayo Maxamed Bin Salmaan. Wali waxaan xasuustaa inuu fasalka ku dhex isticmaali jiray taleefanka fooneeyaha ah ee ay isticmaalaan ciidanka waardiyeyaasha ah, kaa soo uu ka soo qaadan jiray mid ka mid ah waardiyeyaasha. Wuxuu u siticmaali jiray inuu ku dhoho hadallo lagu qoslo oo aniga igu saabsan iyo kaftan uu la wadaagayay walaalihiis iyo waardiyeyaasha jooga dhinaca kale. Wakhti yar gudihiis waxaan ku noqday qof u hoggaansan Maxamed iyo walaalihiisa ka yar yar. Inkastoo aan amiirrada wax ku barayay meel aan aad ugu xakameysanahay, ardaydeyda qasriga waxay ahaayeen sida kuwa iskuulka oo kale, way jeclaayeen iney wax bartaan laakiin waxay aad u daneynayeen iney sidoo kale iska ciyaaraan. Ceeb ka timid u hogaansamid la’aanta xeerka boqortooyada Maalin maalmaha ka mid ah, agaasimaha qasriga, Mansoor El-Shahry ayaa iga codsaday inaan la kulmo boqorka mustaqbalka, oo doonayay in macluumaad laga siiyo heerka wax barashada ee carruurtiisa. Waxaan u maleynayay in taasi ay ahayd fursadda ugu fiican ee aan ugu sheegi karo akhlaaq xumada Amiir Maxamed. In muddo ah ayaan ku sugayay bannaanka xafiiska Amiir Salmaan, anigoo la joogay macallimiinta kale ee qoyska boqortooyada, kuwaasoo u muuqday iney iyaga yaqaanneen xeerka dhaqanka boqortooyada. Markii uu noo yimid, macallimiintii kale waxay billaabeen iney mid mid ugu tagaan, salaamaan, gacanta ka dhunkadaan ka dibna u shegaaan macluumaadkooda. Aniga markii la isoo gaaray, ma sameyn karin sidaas, maadaama ay nolosheyda ahayd isla sida tooda oo kale, waligey sidaasoo kale ma sameynin. Waan u tagay boqorka mustaqbalka, waan gacan qaaday si adag ayaana gacantiisa u gilgilay. Waxaan xasuustaa in wajigiisa ay caro badan ka muuqatay, hase ahaatee ma uusan igala hadlin waxa ceebta loo arkayay ee aan sameeyay. Ma aanan kala hadlin waxa uu Amiir Maxamed ku sameyn jiray fasalka dhexdiisa, sababtoo ah isla markaasba waxaan go’aansaday inaan ku laabto waddanka Ingiriiska. Wax yar ka dib, Mr El-Shahry ayaa ii yimid iguna canaantay sida aan u raaci waayay xeerka dhaqan ee boqortooyada. Marka laga reebo Amiir Khaalid, oo laga dhigay safiirka Sucuudiga ee Mareykanka, carruurta kale ee boqortooyada aan wax ku baray intooda badan waxay doorteen ineysan caan ka dhex noqonin bulshada. Maxamed Bin Salmaan, maanta isagoo 33 sano jir ah ayuu yahay wasiirka difaaca ee Sacuudiga waana qofka ugu sokeeya ee iska leh dhaxalka boqortooyada. Tan iyo markii uu qabtay xilka dhaxal sugaha, wuxuu sameeyay isbadallo loo baahnaa wuxuuna qaaday tallaabooyin adag oo uu ku wajahayay dadka mucaaradka ku ah boqortooyada. Inkastoo lagu amaanay qaar ka mid ah ficilladiisa, hadana waxaa lagu cambaareeyay kuwo kale. Arrimaha ugu waaweyn ee lagu dhaleeceeyay Maxamed Bin Salmaan waxaa ka mid ah inuu lahaa mas’uuliyadda dagaalka Yemen iyo dilkii wariye Jamaal Khaashuqji. Xukuumadda Sucuudiga waxay maxkamadeysay 11 ruux oo loo heysto dilka Khaashuqji, waxayna beenisay in Maxamed Bin Salmaan uu ku lug lahaa falkaas. Hadda khibraddaas aan qasriga boqortooyada Sucuudiga ku soo qaatay waa xalaqo yar oo ka mid ah xusuusta nolosheyda ee la soo dhaafay balse waxaan imika daawanayaa maamulaheygii yaraa oo hadda saameyn ku leh maamulka adduunka. Xigasho: BBC Somali
-
In badan ayaan hore u ogaa dhacdooyin lid ku ah garsoorka Somaliland oo ay ku kacaan ciidanka boolisku. Waxa se arrintaas hadalkeeda kor u qaaday falkii ka dhacay magaalada Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar. Garsoorku waxa ay sheegeen xeerdumin ay ku kaceen ciidanka boolisku, sidoo kale duqa magaalada ayaa si badheedh ah ugu xadgudbay awooddii golaha garsoorka Somaliland. Qof ahaan iguma cusba gabboodfalka lidka ku ah garsoorka ee ay ku kacaan ciidanka boolisku, waxaana jirtay dhacdo qof ahaantayda igu dhacday oo aan u sii xidhnaa 31 cisho oo kale, waa tan iyada oo faahfaahsan. 15kii Oktoobar 2016ka, subax Sabti ah ayaa la i keenay maxkamadda. Waxa arooryadaas la xidhay jidadka soo gala maxkamadda oo lagu jaray dhir iyo dhagax. Sidii loo ilaalin jiray dhagar-qabayaasha ayaa la iila macaamilay. In heegan buuxda la galana waxa sabab u ahaa dawladda oo il gaar igula socotay, wadne-gariir laga qabo dadka dhinacayga ka socda ee buuxdhaafiya maxkamadda iyo warbaahinta oo ah hubka kowaad ee u hiiliya dhibbaneyaasha la duudsiyo. Judhii aan maxkamadda soo galay ayaa la igu jeebbeeyay shabagga hoolka Rafcaanka, iyada oo aan la ii oggolaannin in aan fadhiisto xero-guusha (xarunta maxaabiistu ay ku sugaan dhegaysiga dacwadda). Gudaha hoolka ayaa la iigu keenay quraacdii, dadkana waa loo diiday in aanu war iyo weedh is-weydaarsanno. Nin dil geystay oo katiinadda igula xidhnaa waxa la fadhiisiyay bannaanka. Kaayagee kiis adkaa? Albaabka dhismaha aan ku jiro iyo gudihiisaba waxa ku darbanaa askar kaalin weyn ka qaadanaysa cadaadiska iyo cabudhinta la igu hayo. Inkasta oo ay dacwaddu ahayd mid furan, haddana dadka qaarkood waxa laga celiyay dibadda oo bannaanka ayaa lagu hor joogsaday. Aniga oo og in dad badani duleedka tuman yihiin ayaa uu Taliyihii Saldhigga Dhexe ee Hargeysa Maxamed-Case uu lahaa “Albaabbada waanu wada furnay, cid soo gashana waanu weynay”. Wuxuu ninkani moogyahay tamarta aan ku bixin jiray in madasha la iga soo giijiyo. Waxa la dhegaystay gebagebadii ay soo gudbiyeen qareennada iyo xeer-ilaalintu, iyada oo maxkamaddu go’aamisay in labaatan daqiiqo loo nasto ku dhawaaqidda xukunkayga. Qof ahaan waxa aan farxay markii la i odhan waayay “Maxaad codsanaysaa?”, oo ah su’aal inta badan la weydiiyo dadka la filayo in garsoorku xukun ku rido. Halkii ay dadku shaaha iyo cabbitaanka dibadda ugu baxeen, anigu waxa aan u jaqaafiyay dhinaca baytal-mayga/tuushka si aan u maydho. Kolkii la isu soo noqday ayaa ay gudaha soo buux-dhaafiyeen bulshadii kadinka laga joogsaday, madal ay ilyartu is-qabatay ayaa xukunkii loogu sara-kacay! Garsoore Khaalid Cabdi Shiil isaga oo tixraacay eedda la ii soo jeediyay ee xeer-ilaalinta, xogihii maragyadu bixiyeen, difaacaygii iyo dooddii qareennada ayaa waxa uu sheegay in aan caddayn loo heli karin eedaha la ii jeediyay oo ahaa kuwo jaban. Sidoo kale waxa uu sheegay in maragyadu aanay caddayn ku filan u helin been-abuurka la ii xambaariyay. Ugu dambayntiina waxa uu go’aamiyay in xorriyadda la ii soo celiyo. Xeer-ilaaliye Farxaan Mire Cismaan oo bisad ka yaraaday ayaa yidhi “Rafcaan baanu ka qaadannay”. Garsoore Khaalid Cabdi Shiilna waxa uu yidhi “Xitaa haddii aad rafcaan ka qaadateen, waa in hadda la sii daayo. Ka fura katiinnada, waxa lagu soo xidhayaa waaran ay maxkamadda rafcaanku u goyso. Fadhiguna wuu xidhan yahay”. Waxa ayaan-darro ah in aan dheg loo dhigin go’aankii maxkamadda, waxaana af-duub igu kexeeyay ciidankii booliska ee tacaddiga kaalinta weyn ku lahaa. Aniga oo laba-dibleysan ayaa la igu celiyay xabsigii aan ku xeraysnaa. “Fura katiinadda, idin raaci mayo” ayaan askarta ku idhi “Warqad soo-deyn ah ayuu Taliyuhu kuu qorayaa, ina mari” ayay igu dhagreen Ninkayga sidaas loo qafaashay ayay ciidanka boolisku dooni jireen in loo xukumo, loona dhaadhciyo. Sannadkii 2017ka oo la xidhay Guddoomiyaha Dhallinyarada WADDANI Maxamed Siddiiq Dhamme iyo Xoghayaha Ciyaaraha Yoonis Axmed Yoonis waxa aan sii saadaalin jiray in xitaa rafcaan laga qaadan doono haddii la sii daayo, sidaasna ay maxaabiis ku sii ahaan doonaan. Garsoorka Somaliland waxa la gudboon in ay gaashaanka u daruuraan cidda doonaysa in ay ka dhigaan adeegeyaal u xuurtaysan ee soohdintooda ku soo xadgudbaysa. Haddii aanay ka dhiidhi waayaanna waxa arrinku noqonayaa sida uu maanta sheegay Xoghayaha Guud ee Ururuka Qareennada Somaliland Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed Mandeella. Sharcigu waa ka dadka kala saara. Haddii ii sarreyn waayo, waxa dhacaysa in qof kastaaba yeelo sida uu doono. Siciid Maxamuud Gahayr siciidgahayr@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-10122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article