Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,096
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa sheegay in uu ka laabtay dawacdii dhinaca maamulka ee kala dhexeysay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Warqad uu soo saaray C/xakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa waxa uu ku sheegay in uu ka tanaasulay dacwadaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Camey Oo ka laabtay dacwadii kala dhexeysay Gaas appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Taliyaha amniga xilliga doorashada Puntland sareeye Gaas Cabdirisaaq Diiriye Faarax iyo wasiirka amniga Puntland’ ayaa goor dhowayd warbaahinta shir jaraaid qabtay waxayna ka hadleen arrimaha [...] Source
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Cali Maxamuud Faarax ( Cali Seeko ) oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan Mooshinka ka dhanka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Siyaasigan ayaa sheegay in Xildhibaanada wada Mooshinka ay ka leeyihiin dano gaar ah, kadib markii ay waayeen, sida uu sheegay xilal wasiiro ah. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Mooshinkan ay gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye oo uusan shaacin magacyadooda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Seeko-1-.mp3 The post Cali Seeko “Dowlado Shisheeye ayaa gadaal ka riixaya Mooshinka Madaxweynaha” appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimadda Online)- Xafiiska Xoghayaha Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Jamhuuriyadda uusan ansax ahayn maadaama uusan helin tiradii loogu talagalay inuu ansax ku noqdo. Mudane Buux ayaa intaas ku daray in Hindisaha XIl ka qaadista Madaxweynaha uusan buuxin shuruudaha ku cad qodobka 92aad ee Dastuurka Farqadiisa 2aad oo dhigaysa in Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha uu ansax ku noqonayo marka ay soo gudbiyaan 1/3 (saddex meelood meel). Warqaddan oo ay nuqul kamid ah heshay Caasimadda Online ayaa lagu caddeeyay in mooshinkaasi uusan haysan shuruudihii lagu qaban lahaa.
  5. The President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo has received the credential from the new Turkish Somalia. Ambassador Mehmet Yilmaz presented a letter to PresidentAbdullahi Farmajo from his Turkish Counterpart President Rajab Tayyip Erdogan. In the letter, President Erdogan thanked the federal government of Somalia and its people for the warm welcome and the existing strong relationship between the two brotherly nations. On his side, President Farmajo congratulated the new envoy by wishing him well in his new assignment as the ambassador of the Republic of Turkey in Mogadishu. The President has praised the strong diplomatic relationship between his country and Ankara based on mutual interest of both countries. Somalia and Turkey share very close diplomatic, defense and economic ties since the first visit of Prime Minister Now President Rajab Erdogan in Mogadishu on August 2011. Ankara has since built a military academy in Mogadishu to train Somali armed forces, offered scholarship for thousands of Somalis tudents and took part in the renovation of main roads in the capital. The two Muslim countries have also signed various agreements for cooperation in different field such as trade, defense, health and education. The post New Turkish ambassador Presents his credentials to president Farmajo appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo si weyn loogu yaqaanay difaacidda xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaan Daahir Jeesow, ayaa u muuqda mid ka walaacsan xiisadda ka dhalatay mooshinka, waxaana uu ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa madaxda sare ee dalka. Xildhibaanka wuxuu sheegay inay wadaan dadaaladii lagu dhameyn lahaa xiisadda ka dhalatay mooshinka, loona xalin lahaa khilaafka sababay in mooshinkaan uu yimaado iyada oo loo turayo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ku baaqay in la furo kulamada baarlamaanka islamarkaana xildhibaanada baarlamaanka ay dood ku kala baxaan. Xildhibaan Daahir, ayaa waxaa uu xusay in isaga uu dhex dhexaad ka yahay mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo muujineysa inuu mar walbaa dhinac noqon karo Daahir Jeesow, ayaa lagu xasuustaa sida uu u difaacayay xukuumadda Soomaaliya markii wasaaradda Maaliyadda laga keenay eedeynta la xiriirta Musuq maasuqa, waxaana la ogeyn in hadda uu isbadal ku yimid fikirkiisii iyo inkale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Garoowe ( Sh. M. Network )-Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta u fariisan doonta dawacd u dhexeysa Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey. Fadhiga Maxkamadda ayaa lagu wadaa in uu furmo saacadaha soo socda ee maanta, iyadoona ay Goobjoog ka noqon doonaan Qareeno kala matalaya labada dhinac ee Gaas iyo Camey. Dacwadan ayaa ka dhalatay khilaaf ka dhashay laba guddi oo ay xilliyo isku dhow kala magacaabeen mas’uuliyiintaasi. Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland ayaa maanta la filayaa in go’aan kama dambeys ah ay ka gaarto kiiskaasi. The post Maxkamadda Sare Ee Puntland Oo qaadeysa dacwad u dhexeysa Gaas iyo Camey appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa shalay ku qaabilay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Dowladd Talyaaniga Emanuela C. Del Re. Kulanka ayaa daba socday booqashadii dhawaan uu Madaxayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku tagay magaalada Roma, waxaana looga hadlay meel marinta heshiisyadii iskaashi ee labada dal gaareen, iyo sidii Talyaanigu Soomaaliya uga caawin lahaa ka soo kabsashada dhibaatooyinkii burburka. Emanuela Del Re ayaa bogaadisay isbedelka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee ka hir-galay Soomaaliya iyo gebi ahaan gobalka geeska Afrika, taas oo mustaqbal wanaagsan u horseedaysa shucuubta wadamada gobolka. The post Madaxweynaha JFS Oo la kulmay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaaahi Xaaji Cumar(Camey) ayaa ka laabtay dacwad uu ka gudbiyay madaxweynaha dowladda Puntland,Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas). Dacwadda ayaa ku saabsaneyd muran u dhexeeya labada mas’uul oo salka ku haya magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland,waxaana maxkamadda u gudbiyay mudane Camey oo ka ashtakoonayey in aan lagala tashan magacaabista guddigaasi. Madaxweyne Gaas ayaa 3 bishan December magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka,hase yeeshee madaxweyne ku xigeenka ayaa ka horjeestay oo isaguna guddiga kale magacaabay,inkastoo xubnihii Camey ay is-wada casileen. Murashixiinta ayaa dhankooda ku kala qeybsamay guddiyada labada dhinac,balse markii dambe waxay ku wada-qanceen guddiga uu magacaabay madaxweyne Gaas,iyadoo aan wax wada-hadal ah la gelin Dhinaca kale guddiga uu magacaabay madaxweyne Gaas ayaa shalay si rasmi ah u bilaabay shaqada,iyadoo ilaa iyo haatan aysan muqan caqabad hor taagan in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo. PUNTLAND POST The post Rasmi: Camey oo ka laabtay dacwayntii Gaas appeared first on Puntland Post.
  10. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa ka laabtay dacwad saaka loo ballansanaa oo uu shalay ka gudbiyey madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas. Cameey ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in isaga oo xeerinaya daruufaha jira uu go’aansaday in uu ka laabtay dacwadda loo ballansanaa maanta. Warqad uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa waxa uu ku sheegay in uu ka laabtay dacwadaas.isla markaana uu u tanaasulay duruufo jira aawgeed. Dacwadda ayaa la xiriirtay khilaaf ka dhashay Guddiga xallinta khilaafaadka ee uu dhawaan magacaabay Gaas,kaas oo uu Cameey ku dooday in aan lagala tashan. Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa isku khilaafay Magacaabistii Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka oo uu Madaxweyne Gaas Magacaabay,sidoo kalena Cameey uu Guddi kale ka daba magacaabay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa ka laabtay dacwadii uu ugudbiyay maxkamada sare, taasoo u dhexeysay isaga iyo madaxweyne Gaas.kuna saabsanayd magacaabida guddiga xalinta khilaafaadka. [...] Source
  12. Doorashadii 7-aad xiriirka kubadda cagta dalka ayaa si wanaagsan uga dhacday magaalada Muqdisho waxaana markale hogaaminta xiriirka loo doortay Cabdiqani Saciid Carab oo horay u ahaa gudoomiyaha doorashada waxaa Cod ku lahaa guud ahaan 25-ka koox ee kubbadda cagta iyo ururada macalimiinta,ciyaartoyda iyo garsoorka oo dhamaantooda hoos imaado Xiriirka kubbadda cagta. Waxaa madasha doorasha ku sugnaa mas’uuliyeen matalayay ha’yadda taageera horomarinta kubbadda cagta ee FIFA iyo CAF, guddoomiyaasha kooxaha,gudoomiyaasha xiriirada kubbadda cagta Maamul-Goboleedyad,Gobolka Banaadir Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay doorashadii 7-aad ee Xiriirka Soomaaliyeed. Cabdullahi Aawoow Xuseen oo u tartamayay gudoomiye ku xigeynka labaad ee X.K.Cagta ayaa ka tanaasulay,isagoo qubad uu jeediyay ku sheegay in uu mahad celinayo madaxda xiriirka kubbadda cagta da’daalka ay ka wadaan dalka isagana si hagar la’aan uu ula shaqeyndoono. Ibraahim Xuseen Roobe oo ahaa gudoomiyaha gudiga doorashada ayaa markii ay dhamaatay codeyntii gacantaaga waxa uu ku dhawaaqay qaabka ay u dhacday doorashada iyo sida loo kala helay jagooyinka. Afartii sano hore ee aan joognay xafiiska waxaan ka shaqeenay dib u dhiska garoomada,balaarinta tartamada kubbadda cagta iyo ka qeyb galka tartamadda qaarada Afrika iyo in aan wada shaqeyn fiican la yeelanay Maamul Goboleedyada sidoo kale waxaa ku guulaysanay in aan dooro wacan ka ciyaarnay xiriirada kubbadda cagta qaarada Afrika ee CAF iyo kan caalamka ee FIFA”waxaa sidaas inoo sheegay gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab. Solomon Mufuzzi oo ah madax horomarinta barnaamijyada Afrika kana socday xiriirka kubbadda cagta caalamka ee FIFA ayaa sheegay wixii ka dhacay Muqdisho ay tahay fariin wanaagsan iyagana ay kaalin weyn ka qaadandoonaan horomarinta kubbadda cagta Soomaliya si wanaagsan ay ula shaqeyndoon gudoomiye Cabdi qani, ku xigeynadiisa iyo xubanaha la doortay. Gudoomiyaha garsooryaasha qaarada Afrika ahna gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Jabuuti Suleymaan Xasan Waaberi oo isna wakiil ka ahaa xiriirka qaarada Afrika ee CAF ayaa sheegay in uu ku farax sanahay qaabka wanaagsan ay u dhacday doorashada shaqsi ahaan uu taageeridoono geedi socod wanaasan ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaaliya. Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo horay u ahaa gudoomiyaha ku xigeynka 2-aad ayaa loo doortay afarta sano ee soo socota gudoomiyaha ku xigeynka 1-aad ee X.K.Cagta waxa uu sheegay in isaga shaqsi ahaan uu la imaandoono wax qabad muuqda wuxuuna hamblayo iyo mahad celin u diray qof walbo oo isaga usoo hambalyeesay markii lagu dhawaqaay in uu yahay gudoomiyaha ku xigeynka 1-aad ee X.K.Cagta dalka. C/llahi Sheikh Nuur Axmed oo ka mid ahaa ciyaaryanahadii soo maray wadanka afartii sano ee laga soo gudbayna ahaa gudoomiyaha ku xigeynka 1-aad ayaa isna markale waxaa loo doortay gudoomiye ku xigeynka 2-aad wuxuuna sheegay in meesha iminka la joogo afarta sana ee soo socota ay wax badan iska badalidoonto kobac iyo horomarka kubadda cagta. Gudoomiyaasha xiiirada kubbadda cagta maamul-Goboleedyada oo lagu casuumay doorshadan ayaa si wadajir u sheegay in la joogo waqtigii laga dhaqaaqi lahaa Muqdisho lana horomarin lahaa magaalooyinka kale ee dalka si ay iyagana sanadaha soo aadan kooxaha ay maamulaan ay ugu qeyb qaateyn doorashayooyinka oo kale si horomarinta kubbadda cagta ay u gaarto miyi iyo magaalo. Waxaaa xubanaha Fullinta loo doortay oo la shaqeyndoona gudoomiyaha iyo ku xigeynadiisa Abuukar Isloow Xuseen,Cabdisamad Shiikh Qaasim,Yaxye Maxamed Abuukar,Cumar Maxamuud Nuur (Mugaambe) iyo Cabdulaahi Cusmaan Daami horayna waxa ay ugu soo qeyb qaateyn horomarinta isboortiga,balse bahda ciyaaraha ay ka war sugaya in ay la yimaadaan fikirado cusub iyo in ay dhageyestaan talooyinka horomarineyd ee ka imaanaya bulshada. Gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta aduunka ee FIFA Gianni Infantino ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray gudoomiyaha kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo todobaadkii hore dib loogu doortay hogaaminta xiriirka kubbadda cagta dalka. “Mudane gudoomiye ii ogolaaw in aan kuusoo diro hambalyo diirran oo ku aadan dib u doorashada laguu doortay in aad gudoomiye kasii ahaato xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya mudada 2018-2022”ayuu dhambaalkiisa hambalyada ah ku yiri gudoomiyaha xiriirka kubada cagta caalamka Infantino. “Fadlan sidoo kale iga gaarsii hambalyo saaxiibada kale ee guddiga fulinta loo doortay. Waxaan adiga iyo xubnaha lagula doortay idin rajeynayaa nasiib wacan iyo in aad ku guuleysataan howlaha idin horyaala. Waxaan kaa dhur sugayaa wada shaqeyntiina iyo in aan dhawaan kula kulmo si aan shaqsiyan mar kale kuugu hambalyeeyo”ayuu gudoommiyaha FIFA ku sheegay dhambaalka hambalyada ah ee uu soo gaarsiiyay gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab. Bahda ciyaaraha gudaha ayaa maamulka cusub ee xiriirka kubbadda cagta ka warsugaya horomaro kala gedisan oo xaga gudaha iyo dibada si dalkeena uu ula jaanqaandoono Gobolka iyo caalamka. Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan Qaabka Ay U Dhacday Doorashadii 7-aad ee X.K.Cagta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
  13. Sida ay xaqiijinayaan wararka soo gaaraaya PUNTLAND POST Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ka noqday dacwad uu u gudbiyey maxkmada sare oo uu kaga astakoonaayey guddiga xalinta khilaafaadka ee uu magacaabay Madaxweyne Cabdiwali Gaas. Dacwadan oo saaka lagu wadey inay ka furranto maxkmadda sare fadhigeeda magaaladda Garowe ayey wararku xaqiijinayaan inay baaqatay kadib markii uu Madaxweyne Ku-xigeenku la laabtay dacwadii uu u gudbiyey maxkamada sare. Warar ay helayso PUNTLAND POST ayaa sheegaaya inay arintan si hoose u galleen qaar kamida wax garadka Puntland oo ay kamid yihiin isimo soo jireen ah, lamana oga in ka laabashada dacwada ee Eng Camey ay arintani ka danbaysay. Waxaa la filayaa inay arintani soo afjarto khilaafkii ka dhashay magacaabista guddiga khilaafaadka ee ay kala magacaabeen Madaxweyne Gaas iyo Ku-xigeenkiisa Eng Camey. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka tanaasuley dacwad uu u gudbiyey maxkmada sare appeared first on Puntland Post.
  14. Maxkamadda sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta qaadeysa dacwad maamul oo u dhexeysa madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, dacwadaaas oo ka dhalatay magacaabidda guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada. Sida ku qoran qoraal ka soo baxay maxkamadda sare ee Puntland waxaa la faray qareennada labada mas’uul iney u yimaadaan dhageysiga dacwadda 11/12/2018, 9:00 AM Subaxnimo, iyada oo lagu dhageysan-doono xarunta maxkamadda sare. Sii, Akhri, Qoraalka: Source: goobjoog.com
  15. Kooxda gabdha iyo tariikhta la socdota wafdiga jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne ayaa qaliin indha fiiqis magaalada Muqdisho ugu sameeyay in ka badan 100-qof oo iskuga jir rag iyo dumar horayna waxa arinta oo kale kasoo fuliyeen Magaalada Kismaayo ee gobolka jubadda hoose. Dadkii loo sameeyay qaliinka indha fiiqista ayaa u Mahad celiyay jaaliyada soomaaliyeed Australia,iyagoo dhinac dal u diray qurbajoogta kale in iyagan ay sidan oo kale ay u caawiyaan dadka ku dhibaataysan gudaha. Dr.Cabdi Casiis Cabdiqaadir Cabdisamad oo ah hogaaminaya wafdiga taariikhiga wehlinaysa kooxda qurbajoogta Soomaaliyeed ee Melborne ayaa sharxaad ka bixisay qaabka ay u qabsoontay howsha qaliinka ay Muqdisho ka fuliyeen iyo jawaab celinta ka imaanaysa dadkii lagu fuliyay qaliinka. Qaar ka mid ah wafdiga Melbourne oo la socday kooxda taariikhta ayaa inoo sheegay in gudaha ay ka jirto baahi badan oo caafimaad ah markii ay ku laabtaan Australia ay bulshada usoo bandigidoonaan sidii loo dar daroi gelin lahaa sidii caawin lahaa muwaadiinta ku dhibtaysa guud ahaan wadanka. Tababaraha kooxda kubbadda Melbourne Cali Xuseen ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yahay markii uu la sheegtay dadkii lagu sameeyay qaalinka kuwaas oo maalmo ka hor aan qabin aragti wax ay wax ku arkaan,balse markii ay heleyn indha fiiqis ay xaladooda wax badan iska badashay arintan ay sii wadidoonaan sanadaha soo aadan. Kaliya sanadkan kooxda jaaliyeed ee Soomaaliyeed ee Mlebourne uma imaanin ciyaaro saaxiibtinimo iyo dhaxgal bulsho waxa ay ka qeyb qaateyn caawinta shacabka maagaalooyinka Muqdisho,Kismaayo iyo Baydhabo sanadaha soo aadan qorshooda waxaa ku jiraa dhamaan in ay howl cafimaadka ka sameeya dalka oo idil. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa markale ku celiyay in aysan aqoonsaneen gudiga Maaliyada ee Golahaasi ee dhawaan la kala diray. Guddoomiye Cawad ayaa ka dhawaajiyay in ay soo dhisayaan guddi Maaliyaadeed oo KMG ah, si ay u sii wadaan howlaga guddigaasi. Sidoo kale Mahad Cabdalla Cawad gudodomiye ku xigeenka labaad ee BFS ayaa sheegay in uu rajaynayo in la xaliyo khilaafka soo kala dhex galay Golaha Shacabka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cawad-1.mp3 The post Cawad “Ma aqoonsanin guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka” appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka la filayo inuu maanta la hadlay warbaahinta, sida qaar kamid ah xildhibaanadii xalay la kulmay ay shaaciyeen. Lama oga waxyaabaha uu ka hadli doono guddoomiyaha baarlamaanka, balse waxaa la filayaa inuu ka hadlo arrimaha mooshinka iyo waxyaabaha kasoo kordhay. Xiisad ayaa ka dhalatay kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka uu qabtay mooshin ay diyaariyiin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka hor yimid labadiisa ku xigeen. Xalay ayaa xildhibaanadii ugu badnaa ee gudbiyay mooshinka waxay kulan la qaateen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii sida ay sheegeen ay ka boodeen Dhagxaan lagu xiray waddada loo maro xafiiska guddoomiyaha. Xildhibaannada mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha u gudbiyay Guddoomiye Mursal ayaa sheegaya in madaxweynaha uu galay heshiisyo qatar gelinkara dalka oo aan la horgeyn golaha shacabka. La soco waxyaabaha kasoo kordha arintaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Baydhabo (Caasimada Online)-Walaac xoogan ayaa laga muujinayaa in markii afaraad ay dib u dhacdo doorashada Koofur Galbeed oo seddex jeer oo hore dib u dhac uu ku yimid. Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin dib u dhac markii Afaraad ku yimaada doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed. Doorashadaasi ayaa dib u dhacday 17 iyo 28-dii November iyo Shantii December ee sanadkaan, iyadoo haatan lagu balansan yahay inay dhacdo 19-ka Bishaan oo Siddeed maalin ay ka harsan tahay. Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayaa sidoo kale qaba walaaca dib u dhaca doorashada, iyaga oo u sababeynaya mooshinkaan cusub ee laga keenay madaxweynaha Soomaaliya. Khilaafka cusub ee golaha shacabka iyo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga baqayaa inuu saameeyo doorashada, maadaama laga mashquulayo arrimaha Koofur Galbeed laguna mashquulayo xal u helidda mooshinka. 19-ka Bishaan ayaa la filayaa inay doorashada ka dhacdo magaalada Baydhabo, haddii aan dib looga sii dhigin, waxaana wali musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha aysan la hadlin xildhibaanada dooran lahaa. Marka Mooshin uu yimaado sidaan oo kale waxaa istaaga dhaqdhaqaaqa iyo shaqooyinka hay’adaha kala duwan ee dalka, maadaama mar walbaa xalka mooshinka lagu mashquulo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Nairobi ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa ku warramaya in xalay dibadbaxyo xoogan ay ka dhaceen M/ Nairobi ee xarunta dalkaasi. Dibadbaxyada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa lagu taageerayay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Sidoo kale banaanbaxan ayaa looga soo horjeeday Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo. Dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay Waddooyinka waa weyn ee Nairobi, gaar ahaa xaafadda Islii ayaa ku qeylinayay Erayo ka dhan ah Mooshinkaasi. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xilligan aan loo baahneen Mooshin iyo khilaaf horleh. Shalay ayey aheyd markii dibadbaxyo la mid ah kuwan ay ka dhaceen qeybo ka mid ah M/ Muqdisho, kuwaas oo ay dhigeen qaar ka mid ah shacabka G/ Banaadir. Banaanbaxyadan ayaa ka dhashay, kadib markii Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. The post Dibadbax lagu taageerayo Farmaajo Oo ka dhacay Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Sidee shaqo loo helaa ama loo abuuraa W/Q Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) Q. 5’aad Dawlada iyo saammeynta ay ku leedahay shaqo la’aanta oo sii socda. Shaqo la’aantu waa dhibaatadda ugu badan ee dawladaha ka horyimaada, Xalka iyo ka hortaga ay sammeeyaan dawladuhu waxay noqdaan innay ku guuleystaan iyo innay ku fashilmaan midkood. Marka la joogo dalkeenna shaqo la’aantu waa caqabada ugu adag ee hortaalla Dawladeenna, sanadkasta waxa soo baxa arday kala duwan oo dhammeeyay Jaamacaddaha Meelaha kaliya ee ay naawilaan innay ka shaqeeyaan waa dawladda iyo Hay’adaha madaxa banaan, ilaa intii dalka la soo galay ma jirto Dedaal shaqo abuur ah oo la sameeyay marka laga reebo shaqaale si dad ban loo qaato. Dawladdu waxay saammeyn balaadhan ku leedahay shaqo abuurka dalka waxaanna looga fadhiyaa innay qorshe qaran oo saxa la sameeyo laguna guulleysto in ardayda iyo cidkasta oo shaqo la’aan ka cabbanaysa la meeleeyo taasina waxay ku xidhan tahay hoggaanka dalka iyo gollihiisa wasiiradda qaabka iyo sida ay u maareyn karaan dhibkan inta badan soo jiitamayay. Waddamadda Caalamka ee la dagaalamay shaqo la’aantu waxay sammeeyeen dedaal aan joogsi lahayn iyo daacadnimo waxaanna u suuro gashay innay soo afmeeraan shaqo la’aanta baahsan ee jirta. Dawladdu waxay sammayn kartaa innay dhalinyarada iyo ciddii shaqo doon ah ay ku sammeeyaan xog ururin iyo tirikoob saxa oo la ogyahay inta shaqaysa iyo inta aan shaqayn ee jaamacad dhamaysay, dugsi sare dhammaysay , dugsi hoose dhammaysay taasi waxay ka caawinaysaa in sanadkasta la sameeyo qorshe shaqo abuur oo kala duwan ka duulaysa xogta la hayo ! Ha moodina innaan riyoonaya haddii la dedaalo waa mid aad u fudud haddii aad dib u milicsatid waddamada horumar xaggay taagnaayeen 28 sano ka hor. Haddii la doonnayo in shaqo la’aanta baahsan hoos loo dhigo cidda kaliya ee hoos u dhigi kartaa waa dawlada oo ay ka go’naato shaqo abuur ama xal lagu yaraynayo taasina waxa la arki doonnaa marka dawladdu laftigeedu noqoto dawlad isbeddel u taagan oo markasta dedaal ugu jirta xal u raadinta shaqo la’aanta. Haddii la doonnayo in shaqo la’aanta hoos loo dhigo waa in dawladdu xoogga saarto waxsoosaarka kala duwan ee dalka sida wershadaha iyo beeraha , iyo in ay dawladu caawiso cidkasta oo iyana diyaar u ah innay wershado cusub iyo beero hir galiyaan. Jaamacadaha wax lagu barto haddii aqoontooda wax laga beddelo laguna dabaqo baahideena si dhallinta loo baro xirfado shaqo oo naftooda iyo dalkoodaba ay wax ugu qaban karaan taasi waxay hoos u dhigaysaa shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta, tallaabo kasta oo la doonnayo in shaqo la’aanta hoos loogu dhigo waxa sammayn kara dawladdeenna iyo shacabkeenna oo diyaar u ah in horumar lagu tallaabsado. “Haddii waddanka shaqo la’aantiisu badnaato waxay la mid tahay waddan aan horumar gaadhin, haddii shaqo abuurkiisu batana waxa ay la mid tahay waddan isku filnaansho gaadhay” markaa marka la doonnayo in waddankasta la ogaado horumarkiisa kaliya waxa la eegaa waa imisa heerka shaqo la’aanta ee ka jirta waddankaas? Haddii aan tusaale ku siiyo waddankeenna soomaalilaand shaqo la’aantu waxay kor u dhaaftay 78% halka aynu taagan nahay iyo xaalada waddankeenna lagu tirinayo bal iswaydii Maxaa la innagu tirin karaa? Haddaba xagga sare waxa aynu ku sheegnay saameynta iyo qaabka ay dawladu shaqo la’aanta hoos ugu dhigo karto , anigana aqoontayda gaaban iyo waayo-aragnimadayda aan talada uga dhigayo inta shaqo la’aantu hayso waxaan leeyahay shaqo la’aanta waa laga baxayaa ama adigaana iska saaraya oo shaqo abuuranaya ama adiga ayaa shaqo raadsanaya oo helaya, haddii aad doonneysid innaad shaqo heshid waxay ku jirtaa gacantaada, dedaalkaaga iyo kartidaada. Haddii aad dedaashid, haddii aad samirtid haddii aad waddooyin kala duwan u martid innaad shaqo heshid ama abuurtid maalin unbaad ku guulleysan se cidda ay ku xidhan tahay innay waddooyinkaas uu qaado waa adiga, oo Markasta Alle kaashanaya. Haddii aad doonneysid inaad shaqo abuurtid ama aad shaqo heshid markasta waxaad u baahan tahay waayo-aragnimo waayo aragnimadduna waxay ka timaadaa innaad cid u shaqaysid iyo innaad adigu shaqo abuur aad sammaysay aad ka heshid fashil iyo waayo – aragnimo. Haddaba anigu waxaan kugula talinayaa haddii aad doonneysid inaad shaqo heshid marka hore adigu shaqo doonne ama shaqo abuure noqo, diyaarna u noqo innaad shaqaysid ama laguu shaqeeyo haddii aad doonneysid inaad shaqo heshid oo aad cid u shaqaysid waxay kaaga baahan tahay innaad albaab kasta garaacdid oo aad qofkasta oo meel haysta aad shaqowaydiisatid codsi iyo CVna aad u geysatid ka dibna ku noq-noqotid haddii aad shaqo doon tahay maaha innaad shaqo ka raadisid inta aad isku reerka tihiin se waxa loo baahan yahay innaad markasta aqoontaada ku kalsoon tahay ka dibna cidkasta aad hor dhigi kartid aqoontaada iyo waayo-aragnimadaada, haddii aad aqoon leedahay tus qaabka aad horumar u gaadhsiin kartid halka aad shaqada ka rabtid kuna caddee codsigaaga. Haddii aad shaqo doon tahay markasta waxa lagaaga baahan yahay dedaal joogtaa, samir badan, adkeysi , iyo xidhiidho badan oo aad bulshada qaybaheeda kala duwan la yeelatid, taasi waxay kugu hagaysaa inaad mar un shaqo heshid. Haddii aad shaqo heshid na maxaa lagaaga baahan yahay Afar qodob Ayaan ku soo koobayaa, waan hubaa innaad mar un shaqo helaysid haddii aad tahay qof wanaagsan oo Alle ku xidhan , aqoon iyo dhaqan wanaagsan leh, ee bal haddii aad shaqo doon tahay ama aad diyaar u tahay ama aad abuuraysid isku day inaad yeelatid astaamahan hoose :- Diin: Noqo qof diin leh oo diintiisa jecel Allena raalli galiya Dhaqan: Noqo qof dhaqan iyo asluub leh haddii aad dhaqan wanaagsan leedahay waxba waayi maysid, haddii aad dhaqan wanaagsan leedahay cidkastaa waa ay ku jeclaan kana feejignoow oo jooji waxyaalaha dhaqannada xumeeya sida Qaadka, sigaarka iyo balwadaha xun xun ee indhaha dadka kugu soo jeedinaya, qaabkaaga dhis, labiskaaga qurxi, dhaqankaaga ha laga garto hadalkaaga, labiskaaga iyo aqoontaadaba ha u eekaadaan aqoonta aad leedahay. Aqoon: markasta aqoontaada aamin una beddel ficil iyo inaad meeshaad ka shaqo gashid aad wax kaga bedeshid, kor u qaad ka dibna ka faa’ideyso cidkasta oo kaa aqoon badan kuna dayo inaad gaadhi kartid oo aad waliba dhaafi kartid. Dabeecad: haddii aad dabeecad xun tahay Waa abuur Alle se waxa lagaaga baahan yahay in dabeecadaada xun kaga timaadid gurigii aad ka soo toostay waa in aad ku dhaqantid dabeecadda shaqada ee aad goobta ugu timid, haddii aad dabeecad xumaatid waxaad noqon doontaa shaqaale ka shaqeeya sanad gudihii in ka badan 10 goobood oo shaqo ah “Haddii aad dabeecad wanaagsan leedahay waxaad noqon doontaa shaqaale sanado badan ka shaqeeya hal goo oo kaliya” Haddii aad shaqaale ama loo shaqeeye noqotid waa lagama maarmaan innaad astaan ka dhigatid qodobadaas aan kor ku soo sheegay waayo markasta waxa aad la shaqaynaysaa bulsho iyo dadyaw kala duwan oo kala dabeecad ah, kala diin ah, kala aqoon ah haddii aad astaamahaas sare leedahay waa lagama maarmaan innaad meelkasta ka noqon doontid Dheeman la jeclaado oo haddii uu fasax galo wax badan la dareemo oo la is waydiiyo. Balanteennu waa noqo qof ka dhisan xag diimeed, aqooneed, dabeecadeed, qaabeed, xirfadeed, bulsheed taasi waxay kor u qaadaysaa in cidkastaa ku jeclaato kula soo xidhiidho ka diba meelo badan lagaa soo dalbado iyadoo lagu leeyahay maad noo shaqayn. Waan ogahay in shaqo la’aan baahsan idin hayso, waan ogahay inaad jeceshiin innaad shaqo abuurataan, waan ogahay innaad jeceshiin inaad dalacdaan oo aad meel sare gaadhaan, waanna sababta aad maqaalkan u akhrinaysid innaad tallo ka heshid, waan kugu hambalyaynayaa inaad akhriday maqaalkayga, waan hubaa nasiib ayaad leedahay, samir ayaad leedahay, waxaanad diyaar u tahay isbeddel , waad helaysaa shaqo , waad abuuraysaa shaqo ama waad ka dalacaysaa halka aad imika taagan tahay waayo samirkaaga iyo dedaalkaaga waxaan ka dhex arkaa wakhtiga aad siisay maqaalkan insha Allah waxaan adiga si gaara kuugu duceynayaa in Alle ku gaadhsiiyo halka aad jeceshay, u dedaal sida aad imika wakhtiga u siisay akhriska maqaalkan, wakhti u sii sida aad shaqo ku heli lahayd ama aad u abuuri lahayd iyo sidii aad u dalici lahaydba, waan ku farxay innaad ila akhriday ana waan kula jeclaaday inaan wixii aan idin dheerahay idinla wadaago waad ku mahadsan tahay Akhriskaaga wixii kale ee aad u baahatid Waxaad ii soo diri kartaa Fariin. Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) farxaanmxd@gmail.com Facebook: Rakad Mxd Sultan Article: 329 Tell: – 063-4400319 Berbera. Qaran News
  21. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwii Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay guddoomiyaha BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulankan oo ka dhacay Guriga Guddoomiye Mursal uu ka dagan yahay Madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Mooshinka iyo sidoo kale wararka sheegaya in xabsi Guri laga dhigay. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay u suura gashay in Madaxtooyada ay galaan, iyagoo ka booday biro lagu xiray Guriga guddoomiyaha, sida uu hadalka u dhigay. “In ka badan 24 saacadood oo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal ku go’doonsanaa Gurigiisa oo ku dhexyaala Madaxtooyada Soomaaliya ayay noo suurogashay inaan u tagno kadib markii aan ka boodnay biro lagu xiray Guriga uu ka dhex deganyahay Madaxtooyada”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad. Sidoo kale saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa in Warbaahinta uu la hadlo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, kana warbixiyo xaaladda cakiran ee ku soo korortay Golahaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Xildhibaano ka tirsan BFS Oo la kulmay guddoomiye Mursal appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa bishii Labaad oo uu xilkan hayo ku guuleysto inuu mushaar siiyo 200 oo ka mid ah ciidamada Booliiska B/weyne, kuwaasi oo xuquuqdooda ka la’aa dowladda federaalka ah. Dabageed ayaa u sheegay ciidankaan in looga baahan yahay iney xoojiyaan shaqada ay shacabka u hayaan, islamarkaana kaalin ka qaataan sidii ammaan iyo kala dambeyn loo heli lahaa. Waxa uu sheegay guddoomiyaha inta maamulkiisa uu shaqeynayo iney bixin doonaan mushaarka ciidamada Booliiska, maadaama ay dowladda federaalka ilowday. Qaar ka mid ah ciidamada Booliiska ee la siiyey lacagahan ayaa sheegay in maamulkaan uu wax badan kaga bedalan yahay maamulladii hore, islamarkaana ay lacagahooda heleen xilli ay dowladda dhexe ku ilowday B/weyne. Halkaan hoose ka dhageyso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa xildhibaannada ka keenay mooshinka madaxweyne Farmaajo ugu baaqay iney ku adkeystaan mooshinkooda oo aanay ka laaban. Wuxuu sheegay in xildhibaannada looga baahan yahay iney ridaan madaxweynaha oo ay soo doorteen shaqsi wax ka bedali kara xaaladda dalka Labada sano ee soo socota. Guddoomiye Maxamed Mursal ayuu sheegay inuu noqday nin sharciga ilaaliya iyaguna ay garab taagan yihiin xildhibaannada mooshinka keenay waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/CODKA-FAYSAL-CALI-WARAABE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Hoyga guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa xalay tagey xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka keenay madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Waxay xildhibaannadan kulan la yeesheen guddoomiyaha oo ay ka wadahadleen arrimo badan oo mooshinka ku saabsan. Xubno ka mid ah xildhibaannadan la kulmay guddoomiye Mursal ayaa inoo xaqiijiyey in saacadaha soo aadan ee maanta uu guddoomiyaha la hadli doono warbaahinta, islamarkaana u faah faahin doono arrimo badan oo mooshinka ku aadan. Wuxuu sidoo kale ka hadli doonaa wararka sheegayey in loo diidey xildhibaanno iney u tagaan sidoo kalena biro lagu horjaray hoygiisa. Xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka ayaa 9-kii bishan waxay mooshin ka keeneen madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed, wuxuuna mooshinkaan yahay mid xil ka qaadis ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com