-
Content Count
207,081 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha loo diiday inay warbaahinta kula hadlaan Villa Hargeysa. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ay doonayeen inay warbaahinta kula hadlaan Villa Hargeysa, balse waxaa warbaahinta loo diiday inay gudaha u galaan madaxtooyada, sida wararka aan ku heleyno. Villa Hargeysa ayaa ku dhextaala madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku sugan Afhayeenka baarlamaanka, iyadoo halkaasi ay doonayeen inay kaga jawaabaan warqadda kasoo baxday xafiiska xogheynta baarlamaanka. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ay qorsheeyeen inay isaga soo baxaan madaxtooyada ayna warbaahinta kula hadlaan mid kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho. “Halkee ayaad soo mareysaan, annaga diyaar ayaan u nahay inaan warbaahinta la hadalnee, Albabaabka ayaa la idinka celinayaa, marka annagaa soo baxeyso oo hoteel idiinkuugu waceyno naga warsuga”sidaasi waxaa inoo sheegay mid kamid ah xildhibaanada mooshinka gudbiyay oo aan teleefanka kula hadalnay. Xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ayaa cirka isku shareereysa, waxaana la ogeyn sida xaalka uu noqon doono haddii sidaan xiisadda sii ahaato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya oo uu qabtay guddoomiyaha baarlamaanka. Banaanbaxa waxaa ka qeyb galay dadweyne aan badneyn, waxaana ay ku dhawaaqayeen inay taageersan yihiin madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo muujiyay sida ay kaga soo horjeedaan mooshinka cusub. Dadweynaha ayaa ugu baaqay xildhibaanada mooshinka gudbiyay inay ka laabtaan mooshinka oo aysan ka shaqeyn dib ugu laabashada waxyabihii laga soo gudbay. Dhinaha kale waxaa banaanbax lagu taageerayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, iyadoo dadweyne lamid ah kuwa ku banaanbaxay Magaalada Garowe ay ku kulmeen Baydhabo. Banaanbaxyo waaweyn ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dadka banaanbaxayay ay ku taageerayeen madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo kasoo horjeeday mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha. Mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha ayaa maraya marxalad adag iyadoo xoghayaha guud ee baarlamaanka uu sheegay inuu buray mooshinkaasi, kadib markii dad badan oo laga been sheegtay ay ka laabteen mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargaysa) Iyadoo ay Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay hadda sanad jirsatay ayaa keli ah waxa laga hayaa mudadaasi ay jirtay amaro isburinaya oo kasoo baxaya Hay’addaha Dawladda kuwaasi oo jahawareer iyo Saluug dhinaca Dawladnimada ah ku abuuraya Bulshada. Arimaha ugu layaabka badan ayaa waxa ka mid ah in Hay’addaha Dawladda qaarkood ay toodii oo dayacan ay isku qaadaan meelo kale oo ay amaro dul dhigaan waana dhacdooyinka mudooyinkan dambe aad loo maqlo ee aadka uga Dhaka faariyay bulshada. Waxa ay soo saaraan amaro layaableh oo aan ka tarjumayn shaqadii rasmiga ahayd ee loo igmaday ama ay Qaranka u xilsaarnaayeen,waxaaba dhacdaba in Hay’addahaasi ay tii loo xilsaaray dayacan tahay oo meel kale oo aanay hawli uga oolin ay isku qaadaan, waana dhacdooyinka mudooyinkan dambe ugu badan ee laga arko Wasaaraddaha Qaarkood. Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ugu horayn Qaranka uga Xil saaran Gaadiidka iyo jidadka oo talaabada koowaad ee laga eegayay inay qaado ay ahayd marka loo kaco dhinaca gaadiidka inay xadido dhaq dhaqaaqa Gaadiidka Dawladda oo wakhti walba lagu arko faras-magaalaha Hargeysa iyo Gobolada dalka ayaa waxa ay dhawaan isku qaaday oo ay soo saartay amar umaddu fahmi wayday oo ay dul dhigtay gaadiidka yar yar ee VITZ loo yaqaan ee dadka gaar ka ahi ku shaqaystaan ee Takaasida ah, waxa ay wasaaraddaasi gaadiidkaasi ku amartay inaanay Gobolada iyo Degmooyinka ukala gooshi Karin, waxa uu Amarkaasi abuuray buuq iyo sawaxan waxaana xabsiyada lagu guray dirawalo ka biyo diiday kuwaasi oo qaarkood u caraabi jireen intay caasimada maalintii ka shaqaysa gobolada dalka ee dhaw dhaw, waxaanu amarkaasi ku noqday caqabad. Dhinaca kale Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Qaranka uga xil saaran Tayaynta Dugsiyadda Dawladda oo ugu horayn laga sugayay inay Albabaada u furto dugsiyada Dawladda ee xidhan iyo inay boodhka ka jafto ayaa durba waxay Shalay isku qaaday oo ay soo saartay amaro aan laga filayn oo u muuqda Gale ka fuul xumo, waxa ay joojisay furashada Dugsiyo Cusub oo gaar loo leeyahay iyo in wax balaadhin ah lagu sameeyo kuwo hore u jiray. Ma Xuma in amarkaasi oo kale la soo saaro laakiin Waxa la iswaydiinayaa miyaanay ka haboonayn inay Wasaaraddu ugu horayn ku talaabsato waxa ay umaddu ka sugaysay ee uu Waliba wakhtigii Ololaha Madaxweyne Muuse balan Qaaday inuu tayayn doono Waxbarashada Dugsiyadda Dawladdaasi kuwaasi oo aanay Xukuumaddu waxba ka qaban muddaasi ay jirtay, islamarkaana Duruufo adag iyo xaalado laga argagaxayaa ay hoy u noqdeen Dugsiyada Dawladda. Labadan Amar ee kasoo kala baxay Labadan Wasaaraddood Ayaa Ka Dhigan, Tiisaba Daryeele Ayaa Tukale Ku Dara, Gaadiidkii Dawladda Oo Saqda Dhexe Suuqyada Wareegaya Iyo Dugsiyadii Dawladda Oo Albaabadu U Xidhan Yihiin oo aanay xiitaa soo eegi Karin Masuuliyiinta Wasaaradda oo ay indhaha ka qarsanayaan. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa shaaciyay in uu buray sharci ahaan Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Qoraal uu soo saaray Xoghayaha, loona diray guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen ayaa lagu sheegay in tirada soo gudbisay Mooshinka ay tahay 78 Xildhibaan, sidaas darteedna aan la hor keeni karin Golaha. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo Oo buray appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo goordhow xafiiska xoghayaha guud ee Baarlamaanka laga soo saaray warqad lagu cadeynayo inuu buray mooshinkii laga keenay madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa soo baxaya in guddoomiyaha baarlamaanka uusan waxba kala socon warqadan. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xoghayaha guud ee baarlamaanka ay ku kooban tahay warqadan kasoo baxday xafiiskiisa, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka la filayaa inuu arintaan ka hadlo. Saacadihii ugu dambeeyay waxaa diyaar garow ku jiray warbaahinta, waxaana hadda socota qaban qaabada la doonayo inay bahda warbaahinta ku gaaraan xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la filayaa inuu ka hadlo halka uu marayo mooshinka laga soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, iyo waxa uu ka og yahay warqadda kasoo baxday xafiiska xoghayaha guud ee Baarlamaanka. Xiisad ayaa ka taagan siyaasadda Soomaaliya, waxaana wararka aan heleyno ay sheegayaan in xildhibaanada gudbiyay mooshinka dhankooda ay doonayaan inay warbaahinta la hadlaan. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)Gudoomiyha Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacaddaha Soo aadan uu kulan la qaato Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya ee Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaanada mooshinka gudbiyay iyo Gudoomiye Mursal ayaa waxaa ka hadli doonaan sida ay ka yeelayaan Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo. Saleebaan Maxamuud Xaashi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ee mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha ayaa sheegay in Villa Hargeysa uu kulan xasaasi ka dhici doono,kaasi oo u dhexeeya Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada Mooshinka Keenay. Lama oga Go’aanka kas oo bixi doono kulanka maanta la filayo in ay wada qaataan Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo Xildhibaanada Mooshinka keenay. Waxaa cirka isku sii shareeraya Khilaafka u dhexeeya Madaxda ugu sareysa ee Dowlada FederaalkaSoomaaliya. Source
-
Xoghayaha guud ee baarlamaanka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa shaaciyay in Hindisihii xil ka qaadista Madaxweyne Farmaajo uusan shuruudihii soo dhamaystirin, sidaasna ku jabay. Halkaan [...] Source
-
(SLT-Muqdisho)Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa xalay waxaa uu lakulmay Siyaasiyiin horey xilal ugu sooqabtay dalka. Madaxdii uu kulanka la qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi ,Ra’iisul wasaarihii hore Nuur Cadde Senetor Muuse Suudi iyo Gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse. Siyaasiyiinta ayaa waxaa ay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u sheegeen in dhawaan ay bilaabi doonaan xalinta khilaafka ka dhex aloosan madaxda ugu sareysa ee Dowlada. Waxaa xusid mudan in Xubnaha uu la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu u mahadceliyay Xubnahan uu qaabilay, islamarkaana doonaya in ay xal ka gaaraan Khilaafka Siyaasadeed ee udhexeeya Madaxda ugu sareysa ee dowlada Soomaaliya. Source
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa sheegay in uu ka laabtay dawacdii dhinaca maamulka ee kala dhexeysay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Warqad uu soo saaray C/xakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa waxa uu ku sheegay in uu ka tanaasulay dacwadaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Camey Oo ka laabtay dacwadii kala dhexeysay Gaas appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Cali Maxamuud Faarax ( Cali Seeko ) oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan Mooshinka ka dhanka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Siyaasigan ayaa sheegay in Xildhibaanada wada Mooshinka ay ka leeyihiin dano gaar ah, kadib markii ay waayeen, sida uu sheegay xilal wasiiro ah. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Mooshinkan ay gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye oo uusan shaacin magacyadooda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Seeko-1-.mp3 The post Cali Seeko “Dowlado Shisheeye ayaa gadaal ka riixaya Mooshinka Madaxweynaha” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online)- Xafiiska Xoghayaha Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Jamhuuriyadda uusan ansax ahayn maadaama uusan helin tiradii loogu talagalay inuu ansax ku noqdo. Mudane Buux ayaa intaas ku daray in Hindisaha XIl ka qaadista Madaxweynaha uusan buuxin shuruudaha ku cad qodobka 92aad ee Dastuurka Farqadiisa 2aad oo dhigaysa in Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha uu ansax ku noqonayo marka ay soo gudbiyaan 1/3 (saddex meelood meel). Warqaddan oo ay nuqul kamid ah heshay Caasimadda Online ayaa lagu caddeeyay in mooshinkaasi uusan haysan shuruudihii lagu qaban lahaa.
-
The President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo has received the credential from the new Turkish Somalia. Ambassador Mehmet Yilmaz presented a letter to PresidentAbdullahi Farmajo from his Turkish Counterpart President Rajab Tayyip Erdogan. In the letter, President Erdogan thanked the federal government of Somalia and its people for the warm welcome and the existing strong relationship between the two brotherly nations. On his side, President Farmajo congratulated the new envoy by wishing him well in his new assignment as the ambassador of the Republic of Turkey in Mogadishu. The President has praised the strong diplomatic relationship between his country and Ankara based on mutual interest of both countries. Somalia and Turkey share very close diplomatic, defense and economic ties since the first visit of Prime Minister Now President Rajab Erdogan in Mogadishu on August 2011. Ankara has since built a military academy in Mogadishu to train Somali armed forces, offered scholarship for thousands of Somalis tudents and took part in the renovation of main roads in the capital. The two Muslim countries have also signed various agreements for cooperation in different field such as trade, defense, health and education. The post New Turkish ambassador Presents his credentials to president Farmajo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo si weyn loogu yaqaanay difaacidda xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaan Daahir Jeesow, ayaa u muuqda mid ka walaacsan xiisadda ka dhalatay mooshinka, waxaana uu ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa madaxda sare ee dalka. Xildhibaanka wuxuu sheegay inay wadaan dadaaladii lagu dhameyn lahaa xiisadda ka dhalatay mooshinka, loona xalin lahaa khilaafka sababay in mooshinkaan uu yimaado iyada oo loo turayo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ku baaqay in la furo kulamada baarlamaanka islamarkaana xildhibaanada baarlamaanka ay dood ku kala baxaan. Xildhibaan Daahir, ayaa waxaa uu xusay in isaga uu dhex dhexaad ka yahay mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo muujineysa inuu mar walbaa dhinac noqon karo Daahir Jeesow, ayaa lagu xasuustaa sida uu u difaacayay xukuumadda Soomaaliya markii wasaaradda Maaliyadda laga keenay eedeynta la xiriirta Musuq maasuqa, waxaana la ogeyn in hadda uu isbadal ku yimid fikirkiisii iyo inkale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta u fariisan doonta dawacd u dhexeysa Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey. Fadhiga Maxkamadda ayaa lagu wadaa in uu furmo saacadaha soo socda ee maanta, iyadoona ay Goobjoog ka noqon doonaan Qareeno kala matalaya labada dhinac ee Gaas iyo Camey. Dacwadan ayaa ka dhalatay khilaaf ka dhashay laba guddi oo ay xilliyo isku dhow kala magacaabeen mas’uuliyiintaasi. Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland ayaa maanta la filayaa in go’aan kama dambeys ah ay ka gaarto kiiskaasi. The post Maxkamadda Sare Ee Puntland Oo qaadeysa dacwad u dhexeysa Gaas iyo Camey appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa shalay ku qaabilay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Dowladd Talyaaniga Emanuela C. Del Re. Kulanka ayaa daba socday booqashadii dhawaan uu Madaxayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku tagay magaalada Roma, waxaana looga hadlay meel marinta heshiisyadii iskaashi ee labada dal gaareen, iyo sidii Talyaanigu Soomaaliya uga caawin lahaa ka soo kabsashada dhibaatooyinkii burburka. Emanuela Del Re ayaa bogaadisay isbedelka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee ka hir-galay Soomaaliya iyo gebi ahaan gobalka geeska Afrika, taas oo mustaqbal wanaagsan u horseedaysa shucuubta wadamada gobolka. The post Madaxweynaha JFS Oo la kulmay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaaahi Xaaji Cumar(Camey) ayaa ka laabtay dacwad uu ka gudbiyay madaxweynaha dowladda Puntland,Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas). Dacwadda ayaa ku saabsaneyd muran u dhexeeya labada mas’uul oo salka ku haya magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland,waxaana maxkamadda u gudbiyay mudane Camey oo ka ashtakoonayey in aan lagala tashan magacaabista guddigaasi. Madaxweyne Gaas ayaa 3 bishan December magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka,hase yeeshee madaxweyne ku xigeenka ayaa ka horjeestay oo isaguna guddiga kale magacaabay,inkastoo xubnihii Camey ay is-wada casileen. Murashixiinta ayaa dhankooda ku kala qeybsamay guddiyada labada dhinac,balse markii dambe waxay ku wada-qanceen guddiga uu magacaabay madaxweyne Gaas,iyadoo aan wax wada-hadal ah la gelin Dhinaca kale guddiga uu magacaabay madaxweyne Gaas ayaa shalay si rasmi ah u bilaabay shaqada,iyadoo ilaa iyo haatan aysan muqan caqabad hor taagan in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo. PUNTLAND POST The post Rasmi: Camey oo ka laabtay dacwayntii Gaas appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa ka laabtay dacwad saaka loo ballansanaa oo uu shalay ka gudbiyey madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas. Cameey ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in isaga oo xeerinaya daruufaha jira uu go’aansaday in uu ka laabtay dacwadda loo ballansanaa maanta. Warqad uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa waxa uu ku sheegay in uu ka laabtay dacwadaas.isla markaana uu u tanaasulay duruufo jira aawgeed. Dacwadda ayaa la xiriirtay khilaaf ka dhashay Guddiga xallinta khilaafaadka ee uu dhawaan magacaabay Gaas,kaas oo uu Cameey ku dooday in aan lagala tashan. Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa isku khilaafay Magacaabistii Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka oo uu Madaxweyne Gaas Magacaabay,sidoo kalena Cameey uu Guddi kale ka daba magacaabay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Doorashadii 7-aad xiriirka kubadda cagta dalka ayaa si wanaagsan uga dhacday magaalada Muqdisho waxaana markale hogaaminta xiriirka loo doortay Cabdiqani Saciid Carab oo horay u ahaa gudoomiyaha doorashada waxaa Cod ku lahaa guud ahaan 25-ka koox ee kubbadda cagta iyo ururada macalimiinta,ciyaartoyda iyo garsoorka oo dhamaantooda hoos imaado Xiriirka kubbadda cagta. Waxaa madasha doorasha ku sugnaa mas’uuliyeen matalayay ha’yadda taageera horomarinta kubbadda cagta ee FIFA iyo CAF, guddoomiyaasha kooxaha,gudoomiyaasha xiriirada kubbadda cagta Maamul-Goboleedyad,Gobolka Banaadir Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay doorashadii 7-aad ee Xiriirka Soomaaliyeed. Cabdullahi Aawoow Xuseen oo u tartamayay gudoomiye ku xigeynka labaad ee X.K.Cagta ayaa ka tanaasulay,isagoo qubad uu jeediyay ku sheegay in uu mahad celinayo madaxda xiriirka kubbadda cagta da’daalka ay ka wadaan dalka isagana si hagar la’aan uu ula shaqeyndoono. Ibraahim Xuseen Roobe oo ahaa gudoomiyaha gudiga doorashada ayaa markii ay dhamaatay codeyntii gacantaaga waxa uu ku dhawaaqay qaabka ay u dhacday doorashada iyo sida loo kala helay jagooyinka. Afartii sano hore ee aan joognay xafiiska waxaan ka shaqeenay dib u dhiska garoomada,balaarinta tartamada kubbadda cagta iyo ka qeyb galka tartamadda qaarada Afrika iyo in aan wada shaqeyn fiican la yeelanay Maamul Goboleedyada sidoo kale waxaa ku guulaysanay in aan dooro wacan ka ciyaarnay xiriirada kubbadda cagta qaarada Afrika ee CAF iyo kan caalamka ee FIFA”waxaa sidaas inoo sheegay gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab. Solomon Mufuzzi oo ah madax horomarinta barnaamijyada Afrika kana socday xiriirka kubbadda cagta caalamka ee FIFA ayaa sheegay wixii ka dhacay Muqdisho ay tahay fariin wanaagsan iyagana ay kaalin weyn ka qaadandoonaan horomarinta kubbadda cagta Soomaliya si wanaagsan ay ula shaqeyndoon gudoomiye Cabdi qani, ku xigeynadiisa iyo xubanaha la doortay. Gudoomiyaha garsooryaasha qaarada Afrika ahna gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Jabuuti Suleymaan Xasan Waaberi oo isna wakiil ka ahaa xiriirka qaarada Afrika ee CAF ayaa sheegay in uu ku farax sanahay qaabka wanaagsan ay u dhacday doorashada shaqsi ahaan uu taageeridoono geedi socod wanaasan ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaaliya. Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo horay u ahaa gudoomiyaha ku xigeynka 2-aad ayaa loo doortay afarta sano ee soo socota gudoomiyaha ku xigeynka 1-aad ee X.K.Cagta waxa uu sheegay in isaga shaqsi ahaan uu la imaandoono wax qabad muuqda wuxuuna hamblayo iyo mahad celin u diray qof walbo oo isaga usoo hambalyeesay markii lagu dhawaqaay in uu yahay gudoomiyaha ku xigeynka 1-aad ee X.K.Cagta dalka. C/llahi Sheikh Nuur Axmed oo ka mid ahaa ciyaaryanahadii soo maray wadanka afartii sano ee laga soo gudbayna ahaa gudoomiyaha ku xigeynka 1-aad ayaa isna markale waxaa loo doortay gudoomiye ku xigeynka 2-aad wuxuuna sheegay in meesha iminka la joogo afarta sana ee soo socota ay wax badan iska badalidoonto kobac iyo horomarka kubadda cagta. Gudoomiyaasha xiiirada kubbadda cagta maamul-Goboleedyada oo lagu casuumay doorshadan ayaa si wadajir u sheegay in la joogo waqtigii laga dhaqaaqi lahaa Muqdisho lana horomarin lahaa magaalooyinka kale ee dalka si ay iyagana sanadaha soo aadan kooxaha ay maamulaan ay ugu qeyb qaateyn doorashayooyinka oo kale si horomarinta kubbadda cagta ay u gaarto miyi iyo magaalo. Waxaaa xubanaha Fullinta loo doortay oo la shaqeyndoona gudoomiyaha iyo ku xigeynadiisa Abuukar Isloow Xuseen,Cabdisamad Shiikh Qaasim,Yaxye Maxamed Abuukar,Cumar Maxamuud Nuur (Mugaambe) iyo Cabdulaahi Cusmaan Daami horayna waxa ay ugu soo qeyb qaateyn horomarinta isboortiga,balse bahda ciyaaraha ay ka war sugaya in ay la yimaadaan fikirado cusub iyo in ay dhageyestaan talooyinka horomarineyd ee ka imaanaya bulshada. Gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta aduunka ee FIFA Gianni Infantino ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray gudoomiyaha kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo todobaadkii hore dib loogu doortay hogaaminta xiriirka kubbadda cagta dalka. “Mudane gudoomiye ii ogolaaw in aan kuusoo diro hambalyo diirran oo ku aadan dib u doorashada laguu doortay in aad gudoomiye kasii ahaato xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya mudada 2018-2022”ayuu dhambaalkiisa hambalyada ah ku yiri gudoomiyaha xiriirka kubada cagta caalamka Infantino. “Fadlan sidoo kale iga gaarsii hambalyo saaxiibada kale ee guddiga fulinta loo doortay. Waxaan adiga iyo xubnaha lagula doortay idin rajeynayaa nasiib wacan iyo in aad ku guuleysataan howlaha idin horyaala. Waxaan kaa dhur sugayaa wada shaqeyntiina iyo in aan dhawaan kula kulmo si aan shaqsiyan mar kale kuugu hambalyeeyo”ayuu gudoommiyaha FIFA ku sheegay dhambaalka hambalyada ah ee uu soo gaarsiiyay gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab. Bahda ciyaaraha gudaha ayaa maamulka cusub ee xiriirka kubbadda cagta ka warsugaya horomaro kala gedisan oo xaga gudaha iyo dibada si dalkeena uu ula jaanqaandoono Gobolka iyo caalamka. Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan Qaabka Ay U Dhacday Doorashadii 7-aad ee X.K.Cagta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
-
Sida ay xaqiijinayaan wararka soo gaaraaya PUNTLAND POST Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ka noqday dacwad uu u gudbiyey maxkmada sare oo uu kaga astakoonaayey guddiga xalinta khilaafaadka ee uu magacaabay Madaxweyne Cabdiwali Gaas. Dacwadan oo saaka lagu wadey inay ka furranto maxkmadda sare fadhigeeda magaaladda Garowe ayey wararku xaqiijinayaan inay baaqatay kadib markii uu Madaxweyne Ku-xigeenku la laabtay dacwadii uu u gudbiyey maxkamada sare. Warar ay helayso PUNTLAND POST ayaa sheegaaya inay arintan si hoose u galleen qaar kamida wax garadka Puntland oo ay kamid yihiin isimo soo jireen ah, lamana oga in ka laabashada dacwada ee Eng Camey ay arintani ka danbaysay. Waxaa la filayaa inay arintani soo afjarto khilaafkii ka dhashay magacaabista guddiga khilaafaadka ee ay kala magacaabeen Madaxweyne Gaas iyo Ku-xigeenkiisa Eng Camey. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka tanaasuley dacwad uu u gudbiyey maxkmada sare appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta qaadeysa dacwad maamul oo u dhexeysa madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, dacwadaaas oo ka dhalatay magacaabidda guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada. Sida ku qoran qoraal ka soo baxay maxkamadda sare ee Puntland waxaa la faray qareennada labada mas’uul iney u yimaadaan dhageysiga dacwadda 11/12/2018, 9:00 AM Subaxnimo, iyada oo lagu dhageysan-doono xarunta maxkamadda sare. Sii, Akhri, Qoraalka: Source: goobjoog.com
-
Kooxda gabdha iyo tariikhta la socdota wafdiga jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne ayaa qaliin indha fiiqis magaalada Muqdisho ugu sameeyay in ka badan 100-qof oo iskuga jir rag iyo dumar horayna waxa arinta oo kale kasoo fuliyeen Magaalada Kismaayo ee gobolka jubadda hoose. Dadkii loo sameeyay qaliinka indha fiiqista ayaa u Mahad celiyay jaaliyada soomaaliyeed Australia,iyagoo dhinac dal u diray qurbajoogta kale in iyagan ay sidan oo kale ay u caawiyaan dadka ku dhibaataysan gudaha. Dr.Cabdi Casiis Cabdiqaadir Cabdisamad oo ah hogaaminaya wafdiga taariikhiga wehlinaysa kooxda qurbajoogta Soomaaliyeed ee Melborne ayaa sharxaad ka bixisay qaabka ay u qabsoontay howsha qaliinka ay Muqdisho ka fuliyeen iyo jawaab celinta ka imaanaysa dadkii lagu fuliyay qaliinka. Qaar ka mid ah wafdiga Melbourne oo la socday kooxda taariikhta ayaa inoo sheegay in gudaha ay ka jirto baahi badan oo caafimaad ah markii ay ku laabtaan Australia ay bulshada usoo bandigidoonaan sidii loo dar daroi gelin lahaa sidii caawin lahaa muwaadiinta ku dhibtaysa guud ahaan wadanka. Tababaraha kooxda kubbadda Melbourne Cali Xuseen ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yahay markii uu la sheegtay dadkii lagu sameeyay qaalinka kuwaas oo maalmo ka hor aan qabin aragti wax ay wax ku arkaan,balse markii ay heleyn indha fiiqis ay xaladooda wax badan iska badashay arintan ay sii wadidoonaan sanadaha soo aadan. Kaliya sanadkan kooxda jaaliyeed ee Soomaaliyeed ee Mlebourne uma imaanin ciyaaro saaxiibtinimo iyo dhaxgal bulsho waxa ay ka qeyb qaateyn caawinta shacabka maagaalooyinka Muqdisho,Kismaayo iyo Baydhabo sanadaha soo aadan qorshooda waxaa ku jiraa dhamaan in ay howl cafimaadka ka sameeya dalka oo idil. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com