Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,096
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hoggaamiyeyaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa la sheegayaa in saacadaha soo socda ay soo gaari-doonaan magaalada Muqdisho. ilo xog-ogaal ah ayaa Goobjoog News u xaqiijyey in berri subax ay Muqdisho ku soo wajahan yihiin ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki. Kulankan ayaa daba-socdo midkii Gondar ee gobolka Baxar-daar . Sooyaalka Heshiisyada 3da Dal: 1) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Asmara 5 – 6 September 2018 ee lagu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay in lagu heshiiyey 4 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni oo sadexda dowladood sameystaan. 2) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay Booqashadii xalay ay ugu tageen Villa Soomaaliya, iyadoo markii laga celiyay kadib ay awooda u adeegsadeen inay gudaha ugu tagaan guddoomiyaha, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaanka ayaa sheegay in booqashadoodii xalay inay ku arkeen in ciidamada amaanka aysan u sinneyn madaxda ugu sareyso dalka oo uu ku jiro guddoomiyaha baarlamaanka. “Villa Soomaaliya sida magaceeda ka muuqata waxay leedahay maamuus iyo xasaanad gaar ah, waa xafiisyada iyo hoyga madaxda qaranka ugu sarraysa mudada ay xilka hayaan, waa meel shaqaalaha ka shaqaynaya, askarta ammaankeeda sugaysa laga doonayo in ay noqdaan kuwo qaran oo u siman madaxda, dadka shaqada u imaanaya iyo kuwa soo booqanaya intaba”. “Booqashadeenii xalay annagoo xildhibaanno afartmeeyo ah una soconay guddoomiyaha Golaha shacabka hoygiisa iyo habdhaqankii aan kala kulanay askarta Ilaalada ah waxey u ekeysiinaysay Villa Soomaaliya guri gaar loo leeyahay”. “In xildhIbaanadii qaranka ee booqanayey ama dadkii hawluhu kala dhexeeyeen guddoomiyaha loo diido in ay u gudbaan hoyga guddoomiyaha,iyo in gaarigii adeegga cuntada u geyn jiray Guriga guddoomiyaha laga celiyo halkaas, iyo in askarta la joogta guddoomiyaha cuntadii laga goosto intuba ma ahan Dhaqan dawladnimo iyo mid Soomaaliyeed intaba”. “Guddoomiyaha Golaha Shacabka waa mas’uulka labaad ee qaranka, wuxuuna madax ka yahay hey’adda ugu weyn hey’adaha dawladda Soomaaliya, Villa Soomaaliya asaga iyo madaxweynaha waa u siman yihiin, in askar amar la siiyey loogu awood sheegto, lana cunaqabateeyo waa wax sharciga dawladnimada ka baxsan, waxaana madaxweynaha kula talin lahaa ciddii taladaas ku siisay waa ku qaladaye fadlan talaabooyinkaas ka noqo, tan waxaan ceeb ahayn lagama dhaxli doono”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Maxay Somaliland Ku Bedelatay Saldhigga Millatari Ee Imaaraadka Carabtu Ka Dhisanayo Magaalada Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Aadan oo ka tirsan xildhibaannada golaha deegaanka degmada Saylaca ayaa waxa uu Sheegay in Deegaanka uu ka soo Jeedaa Shir ay Madaxwayne Muuse Biixi kaga Cabanayaan ku qabanayaan magaalada Hargaysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. NAIROBI (Reuters) – Somalia’s economic growth is expected to pick up in 2018 as it recovers from drought that had reduced farming output, the International Monetary Fund said on Tuesday. It said it projected gross domestic product at 3.1 percent this year from 2.3 percent in 2017. Somalia exports bananas and also produces sorghum. “Economic activity in 2018 is recovering from the 2016–17 drought. A favourable rainy season is supporting the economic recovery, particularly in the agricultural and livestock sectors; this is leading to a decline in food prices,” the fund said in a statement. The IMF expects inflation to reach 3.5 percent this year, down from 5.5 percent in 2016. Somalia has been in turmoil since 1991, when clan-based warlords overthrew dictator Siad Barre and then turned on each other. Over the past decade it has also been hit by an insurgency waged by al Qaeda-linked al Shabaab, as well as famine and maritime piracy. Reporting by Aaron Maasho; Editing by Matthew Mpoke Bigg
  6. What Happened Somalia’s speaker of parliament accepted a motion of impeachment against President Mohamed Abdullahi Mohamed on Dec. 9. The motion, reportedly signed by dozens of opposition lawmakers outlined a litany of grievances. Specifically, the government was criticized for signing “secret agreements” with Ethiopia and Eritrea over port access and economic and security cooperation, among other things. Why it Matters It isn’t clear what exactly prompted the impeachment proceedings, but as the profound transformations of security, diplomatic and economic systems continue in the Horn of Africa, secondary effects such as political instability are likely in an already unstable place such as Mogadishu. Somalia remains highly susceptible to outside power meddling as well as suffering internal clan rivalries. The United Arab Emirates has worked directly with Somali substates to undermine the central government in Mogadishu. Though it is unclear what — if any — “secret deals” were signed between the Somali president and his Ethiopian and Eritrean counterparts, it is clear that Mogadishu is concerned that the breakaway Republic of Somaliland is consolidating its independence from the federal government. Earlier in the year, Somaliland inked infrastructure and naval base deals with the United Arab Emirates, which has worked directly with Somali substates to undermine the central government and even reportedly offered money to legislators to vote out Mohamed’s prime minister. For the time being, the possibility that Mohamed attempted to sabotage Somaliland by agreeing to controversial deals with regional (and/or foreign) powers cannot be ruled out. What Happens Next Luckily for the Somali president, the country’s complicated and unfinished democratic project will likely protect him. The Somali Constitution says that for an impeachment to go forward, the constitutional court will have to preside over it. However, at this time, no constitutional court is up and running. Moreover, for an impeachment motion to succeed, it would need the votes of two-thirds of the parliament, a tall order at this time. Nevertheless, the deep-seated animosity many Somalis have for Ethiopia and Eritrea for those countries’ actions over the decades will be a tough hurdle for Mohamed to overcome. Should trying to cut deals with its neighbors prove costly, Somalia’s leaders will almost certainly walk away from them. Consequently, the saga of Somali internal politics and evolving Horn of Africa dynamics will require close attention. Source: worldview.stratfor.com
  7. (SLT-Hargaysa) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa magaalada Hargaysa ka furay shirka maamul wanaaga. Hoos ka DAAWO Source
  8. Madaxweyne-xigeenka Puntland Camay oo si kale u dhigay Dacwad uu ka gudbiyey Cabdiweli Gaas Halkan hoose ka akhriso: Source
  9. Ninka soo joog laga waayo, soo jiif baa laga helaa, waa murti ay dheehan tahay xikmad iyo micnayaal badani, siyaabo kala duwan loo adeegsan karo, waxan-se imika ka qaadan doonaa, ta ka hadlaysa amin ama wakhti uu qof lumiyey, oo uu ka faa’iidaysan karaayey markii ay ku haboo-nayd, uu haystay fursadda in uu wax ka qabsado, laakiin-se si kastaba ha ahaatee ay dhaaftay mudaddii uu wax ka taransan lahaa, ka dib-na qoomameeyey jaaniskii ka khasaaray, foodana la galay dhibtii uu kaga gudbi lahaa, haddii uu sida ugu wacan markii ay joogtay wadadeeda u maro, digadda kulul ee uu cagaha la galayna aanay timaadeen maanta, ee sidii uu rabay bay u kala socon lahayd, mase dhicin ee labadda gacmoodba buu laba-dible iskaga xidhay qab, lugaha-na qoofal laba qafile ah iyo xadhig-maran isku murugsan, oo aan kala lahayn af iyo dabo-toona, isaga laf-tiisa baa isku yuururiyey, sidii dhurwaa sakal cadw u galay, oo meela aan uga bixi karayn,cid wali-bana ay leedahay ma kii baa dabin idiin galay. oo aan naxariis iyo wax ka fura mid-na aanu filayn, tallo ku ceer-yoontay, oo goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, uu ogaaday in aanu rajo lahayn ee ay u dhamaatay, dabeed faal ula kala baxay,rog-rogay, dhul-kana intii cidiyihii ku jeex-jeexay, jaaniggii kale-na dhafoorka saaray, baadhaayana bal in uu saacadda dib u celin karo, oo uu socdaal hor leh soo bilaabo iyo tallo dhaanta tii jarka ka soo laalaadisay, nasiib daro-se waxa ku soo booday ” Faalkii ” mid aan rajo lahayn, oo la yidhaaho “Af-Yuub”, micni-hiisuna yahay wax-ba kuuma laabna oo dabadda baad jeedisay, ee xamaamadda ka ururso meesha, ilayn muu filayne ilmada wadhay, dhiigii ku kacay, tallo faraha-ka-haaday oo ” Dhaqaa-joogsiga dhanlintii ka yaabtay” kola timaha is jiido, marna kada-loob fadhiisto, dib-naha cuno oo uu ku waasho cidi-yaha, madax xanuun iyo xumad wadda gaadhay, oo aan garan karin meel gacal ugu dhaw yahay, isku meeray-sanaaya, talaaba-diina ka khal-dantay, wado uu dhufto-na la’, khali duuraaya bay-hoof daraadii, oo cidla gebi dhacaaya, isaga oon wax ku noolayn, nafina aanay ku jirin, oo darxumo iyo silic ka muuq-daan, indhihii qabtaana ay arga-gax iyo u qaadan-waa ku noqonayso, baa wuxu soo gurguur-taba, goor fiid-cawl ah uu gataati-dhac, isaga oo luudaaya sidii qof dhiti-naaya, sinaha haysta, kacaa-kufaaya, cuska-naaya hadaba tiir u dhaw, siddii uu sarkhaan yahay, dhawr jeer-na qooni soo gaadhay, ayuu gaadhay gurigii, dib-na aan u soo hungu-rayn macashii loo soli jirey, aan ku soo dhawaado’e iga qabo. Akhristaw, Inan Somaliyeed oo galab adhiga dhexdiisa ku feedha-naysa, oo garayskii furatay, baa dhabar-keedda dambe sanqadh ka maqshay, dabeed way isla booday, deg-deg-na way u xidhatay saddex-qayddii, oo nin baa kugu soo socdda bay is tidhi, ee is astur, laakiin waxay isha ku qac siisay Aaabaheed, waxana ay tidhi ” Aabahay baaban nin mooday” waa sidda inan-taase, Somaliland kay ogaayeen bay weli sacabka u garaacayaan. markaa wixii ku dhacaba iyaka baa ka mansuul ah. waa idnkaas hadeer noqda asiddii gorayaddii lafta dibiga dib u liqday, ee dhuunta ay isku qafishay, baa Somaliland labadda xawla-mariid uu askari-gani ka handaraabay, waa taas soo kuudud-satay, iyadda oo ay maqan yidhiin lugaha intii ka hooseysay ruugaga, tobankii farood-na, oo aan gacan ku oolinina ay garabaha ka laalaadaan. Waxana ka dhigay sidaas, tallo qabiil iyo mid ku raacsan, waa taa deldelan hadda intii u hadhayna, uu u sii dhameeyey kan mareexaan, ee xamar badhi-saabka ka ahi, markii uu askarigu faruur-yaha ku Jaray, mididdii hilibla-yaasha, iyadda nooloo oo si quman u taagan, imika bay noqotay waraabbii hasha cidladda ka helay, ee afarta naasba gooyey, nirig-tiina faruur-yaha soo mud-saday, ee inta uu is dul taagay yidhi ” Murush-Maarash Maxay Ku jiqi?, maxayse ka Jiqi?” waa sidda ay Somaliland ka sameeyeen askarta la kala yidhahao ” Raggii Ma Adigaa Ka hadhay iyo geenyo shaaxi-maniye” oo geeri-go’an ku furay ama kaga daadiyey rarkii boodh iyo habas weyn leh. Inan somaliyeed, oo galab adhiga dhexdiisa Hadaba sidaas kor ku qoran nin-ka la midka ahi, ee ka dhigani wax-ba yaan idinku dheerayne, waa ka boqnaha ku gooyey, kuuna sumeeyey inta haad iyo habar dugaag hilibka cunta, waana ninka sare uu magaciisu ku yaalo, kaas oo imika leh ” Naf-yahay cawa-daranta ciidmisaa, cadceeda miyaa coloow-deen?”, mise waad ii kadaysaa?, maxaan galab-saday ee aad iga kadee-daysaa? buu waydiiyey naftiisa, isaga oo iska qanacsan, taas oo rabta isaga oon is-ogayn, isna dhaadin uga siibato ( Waa nafta’e), oo karahday in ay ku sii jirto, ilayn isma oga halka ay ka taagan tahaye, waxana ay ugu jawaabtay, oo ay ku tidhi, maanta maaha markii aad wax i waydiin lahayd, ee aan ku caawin lahaa, markii aad doobta ridaysay, waxay u sii raacisay naftiisii ( Waa Ina Biixiye) iyada oo xanaaqsan, I dhegayso mid wax gelayaan ma tihide, waxan kuu guud marayaa, oo aan ku xasuusi-nayaa wixii aad iga hoos qaadi wayday, oo ah arimaha ku shidaya ee fur dhegaha, umalayn mayo in aad tahay mid wax marayaane. Ogaw oo horta cidi kuma dooran, ku meel gaadhna laguuma saarin, xaq-na umaad lahayn, mana maamuli kartid, waayo maskax-deedda ma lihid, sidaad wax u wadaana, waa mid ka sii xun tii af-weyne, isna halkuu ku dambayey iyo wixii ka qabsaday caad kaama saara, waxba ha is yeel-yeelin. ka soo maal waa taas circa iyo dhulka mid-na aan jooginee, la is waydiinyoo Somalilande. N.B Murush-Maarash Maxay Ku Jiqi? Maxayse Ka Jiqi? Qore:- Abdi-shotaly. ashotaly5@gmail.com Source
  10. Tallo Ku socota maayarka hargaysa &golaha deegaanka (,wadada qaaxo) ,, . Wadada qaaxo loo yaqaanaa waxay Ku taalaa qiyaas ahaan 15 km meel koonfur kaga beegan xuduudka Somaliland iyo itoobiya , wadadaas oo ah waddo la siaman xuduudka una socota barri iyo galbeed waxay Ka bilaabantaa meel Ku beegan magaalada wajaale ,waxaanay Ku dhamaataa meel Ku beegan buuhodle. Hadaba wadadan oo ah waddo taariikhiya waxaa la sameeyay 1964 dagaalkii soomaaliya iyo itoobiya Ka dib markii Nabadgelyo midowga Africa Ka shaqeeyay la dhex dhigay labada dhinac , taasoo qodobada lagu heshiyay ay Ku jirtay in ciidamada la Kala qaado 15 km , wadada qaaxana waxay noqotay halkii ciidamada itoobiya la geeyay ,sidaas ayaanay Ku baxday . Dagaalkaa 1964 oo leh muhiimad taarikheed wuxuu dhacay iyadoo aanay jirin cudud milateri oo soomaaliya waagaas lahayd ,hasa yeeshee waxa wadanka difaacay shacbigi reer Somaliland oo goobihii wajaale,ina guuxaa iyo daba-goroyaale wacdaro Ka dhigay,dhagayso waraysiga candirisaq xaaji xuseen oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee waagaas . Mar kale wadada qaaxo waxay noqotay fadhiisimadii ciidamada snm ee waagi halganka , kuwaasoo sideetamaadkii qarnigii hore xarumo Ka dhigtay tuulooyinka Ku teedsan wadada qaaxo sidda ,raamaale ,aadan maanyarre ,dhoobo,-guduud ,gubad daalaco ,waaba -caddo ,kaam liibaan ,qudhac raamaale ,dabayl Wayne dibiile ,iyo qaar kaloo badan . Hadaba si aanay u lumin xusuusta taariikheed ee wadadani leedahay waxaan golaha deegaanka ee caasimada usoo jeedin lahaa in wadada wayn ee isku xidha bariga iyo galbeedka magaalada hargaysa ee dhex Marta xaafadaha goljano ,sheekh madar ,daami ,new hargaysa la gaadhsiiyo labada cidhif ee magaalada loona bixiyo magacaa taariikhiiga ah ee qaaxo . Source
  11. Wasaaradda Gaadiidku waxay doonaysa inay wasaaradeeda ka dhigtay meel dakhli soo saarta, balse ma fahansana nidaamkii macmiisheedda u ilaalin lahayd ee iyaduna u faa’iidi lahayd, marka doonayso inaad dadka cashuur ku soo rogto waxa la qiimeeya waxay awoodi Karin balse hadii aad u fikirto nolosha aad ku nooshahay inay dadkoo dhami ku nool yihiin oo waxa aad bixin karto dadkoo dhami bixin karaan, waxa kala waaqic noqonaya adiga iyo dadkii aad maamulaysay, taasina waxay abuuraysa in dawladnimadaba cuqdad laga qaado. Wasaaraddu inta shay ee ay lacag ku soo rogtay ila eeg oo waliba cid gaar ah kooto loogu xidhay, liisankii madbacad qaranku ma daabacayso oo shirkadii hore uu baa wasaaraddu ka dhigtay waax ka mid ah, waraaqdii caafimaad dhakhtar laga dhex samaystay wasaaradda oo ka qaalisan cisbitaaladii kale, waxa la sameeyey buug wasaaradu leedahay oo imtixaan dadka laga qaadayo oo iyaduna lacag ah. Buuga imtixaanka lagaga qaadayo waxa laga siinaya shan dollar, dhiiga iyo indhaha dhakhtar baa wasaarada lagu dhex samaystay oo toban dollar laga qaadayo oo hadii cisbitaalka weyn waraaq ka soo qaadato lagama yeelayo waa qasab in waraaqda cisbitaalka laga dhex furtay wasaaradda ka goosataa, taarikaddii cusub marka lagu siinayo 115 dollar baa laga qaadaya, taarikadaadiina aad hore u iibsatayna waa laga qaadaya, arrimahaasi oo dhan waxay cadibaad ku tahay shacabka danyarta ah ee intaas oo kooto ee lacag ku bixinayso aan awoodi Karin. Buugan shanta dollar waxa ku qoran ee calaamadaha ah meel walba waa laga helaa waxay ahayd uun inaad imtixaanka gasho uun, waraaqda dhakhtarka cisbitaalka guud ee Hargeysi shan dollar buu ka qaadaya, wasaaraduna Toban dollar, taasina waa khalad . Talabaad wasiirku maalintii uu daahfureyey taarikada cusub waxa uu xaflada ka sheegay lix boqol oo kun oo shSL lagu bedelayo , haseyeeshee dadkii taarikada cusub doontay markii lixdii boqol dooneen inay bixiyaan waa laga diiday waxaana lagu yidhi waa milyan iyo boqol iyo konton SHSL, markii aanu xafiiska waydiinaynay sababta intii wasiirku xaflada la sheegay looga badiyey, waxay ku doodeen in la diidana in dadku ku kacaan oo laga soo horjeesto ayaa lacagta loo yareeyey balse lacagta rasmigii waa 115 dollar, maalintii kale ee liisamada waxa uu sheegay in buuga imtixaanku bilaash yahay, hadana imika waa shan dollar, waxa kale oo uu wasiirku sheegay in baabuurta Vitz ka aanay gobolada u kala bixi Karin oo dadkii xaafadahoogu arabsiyo ama abaarso yaallay waa la diiday inay kaantaroolka dhaafaan, maanta waaxa uu sheegay in gaadiidkaasi hore looga joojiyey inay gobolada u kala safraan la diiday uun inay rakaab u qaadaan gobolada balse qofkii kaligii u baxaya gobolada la ogol yahay, iyadoo aynu ogayn in kaantaroolka dadka laga joojinayey wixii wata VITZ oo xiitaa dad duleedka Hargeysa ku umalayey oo soo qaadayey loo diiday qasabna ku noqotay inay gaadhi kale qofkii kireysto.arrimahaasi oo dhan waa jahawareer uu wasiirku isagoo ka fiirsan ku kacay dadkan cadibaad ku ah. W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar Source
  12. (SLT-Riyad)Lataliyihii hore ee Yaasir Carafaat, ayaa sheegay indhimashadii Yaasir Carafaat, aysan ahayn mid dabiici ah oo ay ahayd mid la soo qorsheeyay asagoona shirqoolkaas ku eedeeyay in ay ka dambaysay boqortooyada Sucuudi Carabiya. Bassam Abu Sharif, oo ah lataliyihii hore ee Yaasir Carafaat, ayaa intaasi sii raaciyay mar uu wareysi gaarka siinayay wargayska Shebab, ee ka soo baxa dalka Falastiin, in madaxwaynihii hore ee dalkamareykanka George W. Bush, uu xiriir lasoo sameeyay madaxda boqortooyada kadib markii uu kulan uu usoo idlaaday ra’iisul wasaarahii hore ee Israel, Ariel Sharon, iyo qaar kamid ah madaxda sucuudiga oo kawada hadalayay qaabkii loo qaarijin lahaa Mr Araf. Abu Sharif, ayaa hoosta ka xariiqay in wax shaki ahuusan ka qabin in hogaamiyaasha Riyadh, ee waqtigaasi ay lahaayeen amarka lagu dilay Yaasir Carafaat, waqti ay iskaga dhigayeen in ay u ololeenayaan xalinta khilaafka Falastiin iyo Israel iyo waliba in la helo labo dowladood oo kala madaxbanaan. “Sharon ra’iisul wasaarihii hore ee Israel, waxa uu aqalka cad kulan kula qaatay madaxwaynihii mareykanka Bush, oo u sheegay in uusan awood u laheen in weerartoos ah uu ku qaado Carafat, maadaamada uu dagaal kula jiray ururadii xurnimadoonka ahaa ee Falastiiniyiinta u dagaalamayay sida Xamaas taas badalkeedana dilka Carafaat ay u fuliyaan Boqortooyada Sucuudiga”. Lataliyihii hore ee Yaasir Carafaat, ayaa intaas uu sii raaciyay in intaasi kadib Bush, uu xiriir lasoo sameeyay madaxdii boqortooyada sucuudiga oo ay isla meel dhigeen shirqoolkii lagu qaariyay hogaamiyihii hore ee ururka xurnimada doonka falastiinyiinta Yaasir Carafaat. Abu Sharif, lataliyihii hore ee Yaasir Carafaat,ayaa waxa uu waraysiga uu bixiyay sidoo kale uu ku sheegay in uu haatan qorsheenayo in uu qoro Buuk cusub oo uu doonayo in uu ku soo aruuriyo dhamaan shirqooladii lagu dilay Yaasir Carafaat. Hogaamiyaasha kale ee shirqoolka lagu dilay ayaa waxaa kamid ah Sheikh Ahmed Yassin, oo ahaa hogaamiyihii hore ee dhaq dhaqaaqa ururka Xamaas, waxaa uuna 2004’tii ku dhintay duqaymo ay u gaysteen diyaaradaha Israel. Mahmoudal-Mabhouh, oo sidoo kale kamid ahaa hogaamiyaasha sar sare ee ururka Xamaas ayaa 2010’kii lagu dhax qaarihiyay hotel uu ka daganaa magaalada Dubai, ee iskutaga dalka Imaaraatka Carabta. Yaasir carafaat waxa uu ahaa hogaamiye si wayn uga soo horjeeday maamulka Israel tan iyo 1960’kii waxaana 11’kii November 2004’ tii uu ku dhintay isbitaal ku yaalo meel u dhaw caasimada dalka Faransiiska ee Paris, ayadoo da’diisu tahay 75’sano jir. Source
  13. Qahaira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ku sugan magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa ka hadlay mooshinka ay xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabdiqaasim ayaa sheegay in wadanka uu ka jiro isbadal balaaran loona baahanyahay in dalka aanan dib loo celin, oo mooshin iyo wax la mid ah waqti looga lumiyo. Waxa uu sheegay in haddii ay jiraan waxyaabo qaldan sida heshiisyada madaxweynaha uu la galay dalalka deriska, ay tahay in laga wada-xaajoodo oo la eego. Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay dhamaan xildhinaabada inay muujiyaan isku duubni, sidoo kalana ay ka shaqeeyaan horumarka waddanka. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan haatan diyaar u ahayn in dalka loogu celiyo wadadii burbur. Wareysigan wuxuu siiyey warbaahinta qaranka, hoos ka dhageyso. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cabdiqaasim-Salaad-Xasan-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. MD MADAXWEYNE DHIBATOYINKA AFEEYEY W.WAXBARASHA SOMALILAND WAA 10 KAN ARIMOOD. W/Q CABDI CAWIYE Waxaa xaqiiq oo sida dayaxa u cad in SOMALILAND waxbarshadeedii halkii ugu hoosaysay marayso iyadoo dugsiyadii dawladu ay qaarkood maryaan in ay iskoodba isku xidhaan markii cid ardey keensanaysa la waayey. Su’aashu waxay tahay maxaa loo tegi waayey oo waalidiintu caruurtooda u gayn waayeen? Jawaabtu waa waxay ka waayeen tacliin uu ilamhoodu barto waayo nidaamkii waxbarshada ayaan gabi ahaanba jirin. 1. BAHDA DABAGALKA DUGSIYADA IYO NIDAAMKA WAXBARASHADA U XIL SAARAN. Waxa laf-dhuun gashay Ku noqotag oo ragaadisay tacliinta SOMALILAND gabi ahaanba hawlwadeenada wasaarada waxbarshadu qaarkood gaar ahaan bahda loo xil saaray dabagalka iyo kormeerka waxbarshada. inkastoo dugsiyada gaarka ahi ka nidaam iyo waxbarshaba fiicanyihiin dadkiina ay u noqdeen isha kaliya eey ay ku badbaadeen xaga waxbarshada. Bal hadda aynu dhawr tusaale oo Ku saabsan kormeerka wasaarada waxbarashada aan iftiimiyo B). Marka la arko macalim daalay oo da, hayso ama bukaan socod ah ama in badan maamulayasha dugsiyadu ka cawdeen oo khaatiyaan ka dhigay ayaa la yidhaahdaa waarKORMEERKA INAGAGA DARA waa xaqiiq biyo kama dhibcaana oo qofkasta oo bahda waxbarshada Ku jiraa uu ogyahay. T) . Marka kormeerka loo diro dugsi ma tagaan ilaa inta bishu bilanayso waxayna ku beegaan mar lacagta ardeyda laga ururinaayo ma galaan fassalada ma eegaan in ardeydan wax loo dhigay iyo in kale ma eegaan in uu macalimkani sito cashar diyaarin iyo in kale (lesson preparation) sida ay u socdaan waxay u tagaan maamulaha dugsiga oo aad laysku bartay waxaana la yidhaahdaa maanta maxaad haysaa isaguna isagoo dhoola cadaynaaya ayuu u dhiibaa wixii uu karaayo. Kormeerka oo kaliyana maaha waxa sidaa sameeya waa badi masuuliyiinta ka hawl gala wasaarada ee Ku qoran dabagalka iyo nidaamka dugsiyada. Kormeerka IYO hawl wadeenada wasaarada badankooda inta ugu badan waxaad Ku arkeysaa maqaayada wasaarada horteeda waqti kasta ma jiro nin wax baadhaya ma jiro mid wax usoo faaiideynaaya barayaasha ma jiro mid fikir cusub soo wada mid waliba wuxuu Ku sugayaa qadada. Xalkeeduna waa in la tayeeyo oo intii daashay loo qoro mushaharkooda oo la nasiyo, Laguna badalodad aqoon u leh supervisionka iyo hanaanka togan ee nidaamka waxbarshada. 2). Agabka waxbarshada oo lagu tagri falo lana lunsado Ma jiro dugsi dawladeed oo agab waxbarasho la geeyey oo sidii uu ahaa ardeydii loogu bandhigo. Waxa heshiiya maamulka dugsiga iyo qaarka mida wasaarada masuuliyiinteeda. Alaabta la keeno waxbarshada toddobaadka dambe waxaad Ku arkaysaa iyadoo suuqa kaaryoone ama Masaajidka CALI MATAAN hortiisa lagu xaraashayo. Qisso aan usoo joogay Intii aan Hemma lagu wareejin buugaagta iibkooda ayaan buugaag maadada carabida ah oo 200 buuga ayey dad meel hargeysa ka baxsan oo dugsi gaara furaayey igu yidhaahdeen meesha CALI MATAAN la yidhaa nooga soo iibi buugaagta carabidaee Manjahka Somaliland ee fasalada intaa iyo intaa. Waxaan goor subaxa oo khamiisa u jarmaaday goobtii buugaagta lagu hayey markii aan u tegey ninmankii buugaagta iibinaayey oo niman reer koonfur ah ahaa ayaan Ku idhi buugaagta carabida ee fasaladaa ma haysaa. Wuxuu iigu jawaabay ” haa aboowe waan hayaa meeqa aa rabtaa”. Waxaan Ku idhi ilaa 200 oo xabbo. Wuxuu igu yidhi ” Maanta kuuma wadda heli karaayo lkn Berri alaseeyda waad iga heli”. Anigoo halkii taagan ayuu Nin kale Ku yidhi ” waraa hebel orodoo la hadal kii wasaarada yaqaanay.” Aadbaan ula yaabay ereyada ninkaasi yidhi. Waxaan Ku idhi walaal oo wasaaradu maxay ahayd lala hadlaayo miyaad i xidhaysaa!!!!. Wuxuu iigu jawaabay “may buug ayaan kasoo qaadaynaa”. Macnaha inaad ila fahanteen ayaa is moodsiinayaa. Aaaax aadbuu jidhku ii dubaaxiyey oo aan uga dhiidhiyey sida loo galaayo asadkii iyo hantidii ubadka reer Somaliland wax cabasho ahna kama aan gudbin waayo xiligaa dawladu waxay ahayd la carar wixii aad qaadi karo. Anigoo qisooyin aan u soo taagnaa 15 sanno ee aan macalinka ahaa sida qisadii dugsiga Gaandi iyo booqashii wasiir SAMSAM iyo ardeydii oo ka cabanaysa agab la’aan iyo sidii indhaha loogu mariyey alaabtii loo qoondeeyey dugsiga oo kuwii la socday ay yidhaahdeen Mudane wasiir alaabtii dugsiga waanagii u qoondaynay lkn wali looma soo rarin hadda 2 bilood ka hor ayaa sidii la ii xaqiijiyey ayaa maalinba shay lagu qayili jirey oo la iibin jirey waana marag madoon. Dadkii falalkaa Ku kacay cirka may tegine imikaba waa hawlwadeeno waxbarsho oo ka tirsan MOE. Aadbaan idiin fogeeyey oo idiin dham’iyee sheekadaa awgeede aan kusoo noqdo mawduucii aan ka hadlaayey. Waxaan odhan karnaa meesha u baahan in la saxo waxaa kow ka ah kormeerka waa in laga dhigaa kormeerka dugsiyada dhalinyaro firficoon oo tababar iyo aqoonba u leh kormeerka iyo hanaanka wax dhigista iyo daba galka ardeyga. 3. guddoomiyayaasha waxbarashada iyo xaalkooda La soco 8 qaybood ee dambe maqaalada dambe Qalinkii iyo diyaarintii Cabdi Cawiye Phone: 063 4115877 telesom Shaywaal12@gmail.com Qaran News
  15. Xildhibaannadii golaha shacabka ee 9-kii bishan keenay mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta ku celiyey in sidiisii u jiro mooshinka, iyaga oo madaxweynaha u soo jeediyey inuu u hoggaansamo sharciga. Xildhibaannada qaar ayaa sidoo kale soo-jeediyey, in inta mooshinka xilka-qaadista ee xildhibaanadu soo gudbiyeen barlamaanku uga codaynayaan in uusan sameyn karin qodobada soo socda: a) In wax heshiis ah uusan geli karin. b) In uusan qofna magacaabi karin xilna ka qaadi karin. c) In uusan dalka ka bixi karin inta dacwadaadu dhinac uga dhacayso. Sida ku qoran dastuurka KMG ah ee 2012-kii, qodobka 92aad ee maxkamadeynta iyo maamuus ka qaadista madaxweynaha, haddii lagu eedeeyo khiyaano-qaran, arrimo xadgudub ku ah Dastuurka ama sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa golaha shacabka la horgeynayaa Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, waxaa golaha hor-keeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay, haddii ay go’aamisana saddex dalool labo ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha xilka ka qaadaya. Dastuurkan KMG ah inkasta oo aan loo codeyn, kuma xusna sida ay noqoneyso xaaladda madaxweynaha iyo waxa ku dhacaya awoodahiisa, laakin dastuurkii 1960-kii ayaa arrintaas ka hadlay. Dastuurkii 1960-kii, waxaa ku caddaa sida laga yeelayo qaadista dacwooyinka dembiyada liddiga ku ah madaxweynaha iyo xubnaha dowladda iyo cidda keeneysa. Qodobka 76aad, faqradiisa 5aad ee dasruurkaas waxaa ku qoran waxyaabaha madaxweynaha lagu maxkamadeyn karo iyo habraaca loo marayo sida khiyaamo qaran. Qodobka 76, faqrada (5)- Ansixinta dacwad ku oogid ee khiyaamo Qaran oo wayn ama tallaabo isku day oo liddi ku ah nidaamka Dastuurka ama oggolanaasho in la bilaabo tallaabo sharci ka qaadid ee dembi kuna saabsan debmi kale ee kasta waxay u baahanayaan in si deg-deg ah loo laalo awoodaha Madaxwaynaha. Xildhibaannada mooshinka keenay, waxaa ay madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen: qiyaano-qaran, inuu ku xadgudbay dastuurka qaranka, sharciyada kale ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ku xadgudbay ilaalinta karaamada aadanaha, Ku tuntay laalinta xaquuqda eedeysanaha, xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed, mabaadi’da federaalka heerarka kala duwan, mabaadi’ida ciidamada amniga,inuu ku gardarooday saraakiil sirdoon, inuu jabiyay xeerka cibaaqta ciidamada qalabka iyo inuu ku tuntay qaraarrada golaha Shacabka!! Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulankan oo ay isugu yimaadeen Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan ayaa waxaa lagu taageeray dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale kulankan ayaa waxaa looga horyimid Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan Nabadoon C/nuur Axmed Diiriye oo ka hadlay madasha ayaa ka digay in Mooshinkani lagu dumiyo DFS. Nabadoon C/nuur Axmed Diiriye ayaa shaaca ka qaaday in ay dhIibaato hor leh ka dhalan karto arrintani, loona baahan in qaab sharci ah lagu dhameeyo. Dhankiisa Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa madaxda dalka ka dalbaday in ay is ixtiraamaan, islamarkaana aysan dib u dhigin horumarka haatan ay hiigsaneyso Soomaaiya. Ugu dambeyn gudgoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Beelaha Mogadishu Clan Maxamed Xasan Xaad ayaa ugu baaqay madaxda dowladda in ay wax weliba ku dhameeyaan wada hadal. Nabadoon Xaad ayaa hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin ka Dhaqan ahaan xalinta khilaafkaasi. The post Odayaasha Dhaqanka Oo ka horyimid Mooshinka Madaxweynaha appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Ceerigaabo ( Sh. M. Network )-Boqolaal Shacab ah ayaa maanta Banaanbax lagu taageerayay Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Caabdullahi Maxamed Farmaajo, sidoo kalena ka dhan ahaa Mooshinkii laga gudbiyay ka dhigay gobolka Sanaag ee Waqooyiga Soomaaliya Dibadbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa uu ka dhacay degmooyin iyo deegaano hoos yimaada gobollkaasi. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa muujiyay , sida ay uga xun yihiin Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Framaajo. Shalay ayey aheyd markii Dibadbax kan la mid ahaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ay dhigeen qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir. The post Banaanbax lagu taageerayay Farmaajo Oo ka dhacay Sanaag appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Nairobi ( Sh. M. Network )-Kulan ku dhexamaray M/ Nairobi ee xarunta dalka Kenya wafdi ka kala socda wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa looga hadlay isbedalka iyo horumarka kobaca dhaqaalaha Soomaaliya. IMF ayaa marka hore bogaadisay kobaca dhaqaalaha oo ay sheegatay in haatan uu ka hana qaaday dalka Soomaaliya. Sidoo kale hay’adda ayaa ku amaantay dowladda Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, sida ay uga go’an tahay kobcinta dhaqaalaha dalka. Hadalkan ayaa imaanaya, xilli shalay wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu sheegay in IMF ay la dhacsan tahay hanaanka haatan ay wax ku wadaan, islamarkaana ay isku fahmeen dhammaan sharuudaha Deyn Cafinta Sooomaaliya. The post IMF Oo bogaadisay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Madaxweyne-xigeenka Puntland Camay oo si kale u dhigay Dacwad uu ka gudbiyey Cabdiweli Gaas Qaran News
  20. Amaawiir Ka soo Baxay Laba Wasiir Oo Xukuumadda Muse Biixi Ka Tirsan Oo Jahawareer Iyo Saluug Dawladnimo Umaddu Ku Dhaliyay + Noocyada Amaradaasi Iyadoo ay Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay hadda sanad jirsatay ayaa keli ah waxa laga hayaa mudadaasi ay jirtay amaro isburinaya oo kasoo baxaya Hay’addaha Dawladda kuwaasi oo jahawareer iyo Saluug dhinaca Dawladnimada ah ku abuuraya Bulshada. Arimaha ugu layaabka badan ayaa waxa ka mid ah in Hay’addaha Dawladda qaarkood ay toodii oo dayacan ay isku qaadaan meelo kale oo ay amaro dul dhigaan waana dhacdooyinka mudooyinkan dambe aad loo maqlo ee aadka uga Dhaka faariyay bulshada. Waxa ay soo saaraan amaro layaableh oo aan ka tarjumayn shaqadii rasmiga ahayd ee loo igmaday ama ay Qaranka u xilsaarnaayeen,waxaaba dhacdaba in Hay’addahaasi ay tii loo xilsaaray dayacan tahay oo meel kale oo aanay hawli uga oolin ay isku qaadaan, waana dhacdooyinka mudooyinkan dambe ugu badan ee laga arko Wasaaraddaha Qaarkood. Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ugu horayn Qaranka uga Xil saaran Gaadiidka iyo jidadka oo talaabada koowaad ee laga eegayay inay qaado ay ahayd marka loo kaco dhinaca gaadiidka inay xadido dhaq dhaqaaqa Gaadiidka Dawladda oo wakhti walba lagu arko faras-magaalaha Hargeysa iyo Gobolada dalka ayaa waxa ay dhawaan isku qaaday oo ay soo saartay amar umaddu fahmi wayday oo ay dul dhigtay gaadiidka yar yar ee VITZ loo yaqaan ee dadka gaar ka ahi ku shaqaystaan ee Takaasida ah, waxa ay wasaaraddaasi gaadiidkaasi ku amartay inaanay Gobolada iyo Degmooyinka ukala gooshi Karin, waxa uu Amarkaasi abuuray buuq iyo sawaxan waxaana xabsiyada lagu guray dirawalo ka biyo diiday kuwaasi oo qaarkood u caraabi jireen intay caasimada maalintii ka shaqaysa gobolada dalka ee dhaw dhaw, waxaanu amarkaasi ku noqday caqabad. Dhinaca kale Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Qaranka uga xil saaran Tayaynta Dugsiyadda Dawladda oo ugu horayn laga sugayay inay Albabaada u furto dugsiyada Dawladda ee xidhan iyo inay boodhka ka jafto ayaa durba waxay Shalay isku qaaday oo ay soo saartay amaro aan laga filayn oo u muuqda Gale ka fuul xumo, waxa ay joojisay furashada Dugsiyo Cusub oo gaar loo leeyahay iyo in wax balaadhin ah lagu sameeyo kuwo hore u jiray. Ma Xuma in amarkaasi oo kale la soo saaro laakiin Waxa la iswaydiinayaa miyaanay ka haboonayn inay Wasaaraddu ugu horayn ku talaabsato waxa ay umaddu ka sugaysay ee uu Waliba wakhtigii Ololaha Madaxweyne Muuse balan Qaaday inuu tayayn doono Waxbarashada Dugsiyadda Dawladdaasi kuwaasi oo aanay Xukuumaddu waxba ka qaban muddaasi ay jirtay, islamarkaana Duruufo adag iyo xaalado laga argagaxayaa ay hoy u noqdeen Dugsiyada Dawladda. Labadan Amar ee kasoo kala baxay Labadan Wasaaraddood Ayaa Ka Dhigan, Tiisaba Daryeele Ayaa Tukale Ku Dara, Gaadiidkii Dawladda Oo Saqda Dhexe Suuqyada Wareegaya Iyo Dugsiyadii Dawladda Oo Albaabadu U Xidhan Yihiin oo aanay xiitaa soo eegi Karin Masuuliyiinta Wasaaradda oo ay indhaha ka qarsanayaan. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdaullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter kusoo dhoweeyay tallaabo muhiim u ah Soomaaliya oo ay qaaday hay’adda lacagta adduunka ee IMF. IMF ayaa maanta shaaca ka qaaday inay soo geba gebeysay wajigi kowaad ee barnamaij dib u eegis loogu sameynay hanaanka maaliyadda Soomaaliya, kaasi oo guul ku dhammaaday. Madaxweynaha ayaa yiri “Dowladeena waxaa ka go’an inay Soomaaliya horey usii dhaqaajiso, waxaan soo dhoweynayaa qoraalka kasoo baxay IMF ee wanaagsan, kuna saabsan habka maaliyadda dalkeena. Madaxweynaha ayaa sheegay in hadalka IMF uu astaan u yahay in dadaalka dowladda iyo ballan-qaadyadii ay sameysay ay mira dhalayaan. “Waxaan sii kordhin doonaa dadaalkeena ah inaan guul ku hoggaamino shacabka Soomaaliya” Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya ayada oo mooshin ay kasoo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo doonaya in xilka laga qaado, kaasi oo hadda 14 xildhibaan ay sheegeen in magacooda looga been abuurtay. Dhinaca kale, warka IMF ayaa guul weyn u ah dowladda oo xildhibaan horey ay ugu eedeeyeen musuq-maasuq, taasi oo u muuqata in IMF aysan ku raacsaneyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulanka oo ka dhacay Guriga uu guddoomiye Mursal uu ka dagan yahay xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa sidoo kale Goobjoog ahaa Sanataro ka tirsan BFS. Kulanka oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray khilaafka Golaha Shacabka iyo arrimaha Mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya. Xaaladda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah weli mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed laga dareemayo gudaha magaalada Muqdisho. The post Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo la kulmay guddoomiye Mursal appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Garoowe ( Sh. M. Network )-Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa maanta is hor taagay dibadbax ay dad shacab ah ku taageerayeen Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo. Ciidamada ayaa kala eryay shacabkani oo isugu soo baxay Waddooyinka waa weyn ee magalaadasi. Dhinaca kale Wariye ka tirsan Idaacaddda Garoowe ayey Ciidanka ammaanku xireen muddo kooban, inkastoo markii danbe lasii daayay. Wariyaha ayaa la qabtay, xilli uu ku guda jiray duubista warar la xariira isku soobaxaasi dadweyne. Arrintan ayaa imaaneysa, xilli uusan hadda fiicneyn xiriirka ka dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland. The post Puntland Oo is hortaagtay dibadbax lagu taageerayay DFS appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada mooshinka xilka-qaadista ka keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray go’aan xasaasi ah oo u muuqda inay isku dayayaan inay xakameeyaan awoodda madaxweynaha. Xildhibaanadan ayaa soo saaray qoraal ay ku baaqayaana rrimo uusan madaxweynaha sameyn karin inta uu socdo mooshinka, oo go’aan laga gaarayo. Qoraalka oo facebook soo dhigay Mahad Salad ayay ku sheegeen in madaxweynaha: 1 – Inuu u hoggaansamo dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla. 2 – Inta mooshinka xilka-qaadista ee xildhibaanadu soo gudbiyeen Barlamaanku uga codaynayaan in uusan sameyn karin qodobada soo socda: a) – In wax heshiis ah uusan geli karin. b) – In uusan qofna magacaabi karin xilna ka qaadi karin. c) – In uusan dalka ka bixi karin inta dacwadaadu dhinac uga dhacayso. Qodobadan ayaa u muuqda kuwa kasii daraya xaaladda dalka, hase yeeshee ma cadda cid fulin karta ama fulin doonta dalabka xildhibaanada mucaaradka ah. Caaismada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com