Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,098
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iul wasaaraha UK Theresa May ayaa ka guuleysatay koox ka tirsan xisbigeeda Conservative-ka oo mooshin ka keenay. May waxaa ay heshay 200 cod, halka 117 ay u codeeyeen in kalsoonida lagala laabto, sidaasina ku bad-baaday. Kalsoonida ay heshay waxaa ay ka dhigantahay iney xisbiga sii hoggaamiso muddo sanad ah. Ra’isul wasaare May, waxaa ay ballanqaaday inay horay u sii wadi-doonto danaha dadka iyo waddanka, isla markaana ay dhameystiri-doonto howlaha ka bixitaanka Yurub. Mooshinka isla maalintii la qabtay, ayaa loo codeeyey, lana shaaciyey natiijada, waxaana u hoggaansamay dhamaan dhinacyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Baydhabo (Caasimada Online)-Taliska ciidamada booliska Koofur Galbeed ayaa digniin cad u diray shacabka magaalada Baydhabo ee banaanbaxyada ka sameynaya magaalada Baydhabo gudaheeda. Taliyaha Qeybta Booliska Koonfur Galbeed ee Gobolka Baay Korneel Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa si cad u sheegay inay toogan doonaan dadkii banaanbax aan lagu soo wargelin ciidamada ka sameeya magaalada Baydhabo. Taliyaha ciidamada booliska ayaa sheegay in shacabka magaalada Baydhabo looga baahan yahay inay ku wargeliyaan laamaha amaanka marka ay dhigayaan banaanbax noocuu doono ha ahaadee. Wuxuu sheegay in Ciidamada ay toogan doonaan dadka banaanbaxyada iska soo horjeeda ka sameeya magaalada Haddii aysan ku wargelin laamaha amaanka, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkiisa ayaa u muuqda mid isaga oo careysan uu jeediyay, taasi dhibaato kale u horseedi karta shacabka Baydhabo, haddii si qaldan loo fasirto hadalkaasi. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Boolis-Baydhaba.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  3. Safar aan horay aan loo shaacin ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho ku imaanaya madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki. Ujeedka waxaa lagu sheegay inuu madaxweynaha Farmaajo kala hadlayo xiriirka labada dal iyo adkeynta iskaashiga u dhaxeeya. Labada mas’uul waxaa ay qeyb ka yihiin isbaheysi uu ku wehliyo ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Kulankan waxaa uu daba socdaa midkii Asmara 5 – 6 September 2018 iyo magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Madaxweynaha Eritrea oo maanta booqan doona Muqdisho+Inta Cisho ee uu joogi doono -Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya diyaar-garoow ballaadhan oo loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu horkacayo. Booqashada wafdiga ayaa la sheegay in ay qaadan doonto muddo Labo cisho iyaga oo kulan la qaadan doona madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Socdaalkan ayaa imanaya xili uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxda ugu sareysa dalka, gaar ahaan guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxtooyada Soomaaliya kaddib mooshin laga keenay madaxweyne Farmaajo. Lama oga in wafdiga la kulmi doonaan guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo la sheegay in uu ka guuray xarunta madaxtooyada Soomaaliya isaga oo deegaan ka dhigtay hotel aan wax badan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Muqdisho e Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Isaga oo saxaafadda la hadlayay ayuu sheegay inuu buray mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya , sida uu shaaciyay xoghayaha guud ee Baarlamaanka Mr Buux. Mahdi Guuleed, ayaa sheegay in wax sahlan aysan aheyn in xilka laga qaado madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in loo baahan yahay baaritaanka eedeymaha madaxweynaha loo jeediyay. Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu xaq u leeyahay inuu isdifaaco haddii uu sax yahay mooshinka, balse xogheynta baarlamaanka ay sheegtay inuu buray mooshinka, islamarkaana meesha aysan oolin wax uu iska difaaco. Waxaa uu sheegay in ku dhawaad ay sanad qaadan karto in xilka laga qaado Madaxweynaha, islamarkaana eedeymaha lasoo jeediyay qaarkood ay yihiin kuwo baaritaano badan qaadan kara. Sagaalkii bishaan 92 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshin xilka qaadis ah ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana taasi ka dhashay buuq badan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Xukuumadda.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Sacuudiga iyo Imaaraadka oo istaadhey dagaal ka dhana Ilhan Cumar &…. Wargeyska Foreign Policy ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxa uu maanta qoray Warbixin dheer oo uu ku lafaguray Caddowtooyadda ay Sacuudiga iyo Imaaraadka u muujinayaan Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib oo ah Labada Haween ee Muslimka ee ku guuleystay inay ka mid noqdaan Kongareeska Maraykanka. Wargeyska waxa uu Maqaalkiisa hal-ku-dheg uga dhigay: Sacuudi Careebiya oo caddeysay Dgaal ka dhan Haweenka Muslimiinta ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka. Wargeyska waxa uu qoray in Warbaahinta, Aqoonyahanadda iyo Faallo-qorayaasha xidhiidhka dhow la leh Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay ku celceliyeen Eedeymaha ay u jeedinayaan Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Cabdul Al-sayid, kaasi oo ku guul-daraystay inuu Guddoomiye ka noqdo Gobalka Michigan ee dalka Maraykanka, waxayna ku eedeeyaan inay yihiin xubno qarsoon oo ka tirsan Ururka Akhwaanul-muslimiinka oo caddow ku ah Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka. Axaddii la soo dhaafay, Warbaahinta Alarabiya ee ay dowladda Sacuudiga leedahay waxay daabaceen Maqaal dheer oo ay ku sheegeen inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib qeyb ka yihiin Isbahaysi u dhexeeya Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka iyo Kooxaha Islaamiyiinta ee kontoroola ama maamula Kongareeska, waa sida ay Alarabiya qortay. Maqaalka waxa uu ku eedeeyey inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib yihiin 2 qof oo ka soo horjeeda Madaxweyne Trump, Kooxiisa Siyaasadda iyo Ficiladooda, gaar ahaan Siyaasadiisa Dibedda ee ka bilaabanaysa Cunaqabataynta Iiraan ilaa go’doominta Ururka Akhwaanul-muslimiinka iyo dhamaan Dhaqdhaqaaqyadda Islaamka Siyaasadaysan. Wargeyska Foreign Policy waxa uu Tusaale kale u soo qaatay Telefishinka MBC ee ay Dowladda Sacuudiga leedahay , kaasi oo soo qabanqaabiyey Bandhig Telefishin “A Talk Show”, kaasi oo looga hadlayey qoddobka ku xidhiidhsan Dagaalka ay Imaaraadka iyo Sacuudiga ku hayaan Labada haween ee Muslimka ah ee Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka. Weriyaha caanka ee Amir Cadiib iyo Moataz Fatah oo ah Masaari bartay Cilmiga Siyaasadda ayaana falaanqeyn ku sameeyeen Ilhaan iyo Rashida, waxayna shegeen in Guusha Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka ay wiiqayso waxa ay ugu yeedheen Guusha uu Madaxweyne Trump ka gaadhay Hawlgalka uu kula dagaalamayo Kooxaha Islaamiyiinta. Qaran News
  7. Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Guriceel ee gobolka Gal-gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saaka dagaalamayaal Al Shabaab katirsan ay soo weerareen. deegaanku uu weerarka ka dhacay ayaa lagu magacaabaa dhagxyaale oo qiyaastii 50 KM u jirta degmada Guriceel. Dadka deegaankaasi ayaa sheegay in ciidamo katirsan Al-Shabaab ay saakay subixii hore halkaasi weerar ku soo qaadeen. Ciidamada Gal-Mudug oo halkaasi ku sugnaa ayaa iska caabin kala kulmay waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus. Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay. Wali Gal-Mudug faah faahin kama bixin dagaalkaasi ka dhacay deegaankaasi Dhagaxyaale. Faah Faahinta dib kala soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saakay duleedka Guriceel appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa la xiray waddooyin badan oo ku yaala magaalada Muqdisho gaar ahaan waddooyinka kasoo baxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee yimaada madaxtooyada Soomaaliya. Ciidamo badan ayaa la dhigay waddooyinka iyadoo ilaa xalay ay nadaafad ka socotay wadada Maka Al Mukarama iyo waddooyinka kale ee magaalada Muqdisho, maadaama maanta la filayo inay magaalada soo gaaraan wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Eritrea. Wafdiga madaxweynaha Eritrea waxaa kamid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalkaasi, wasiiro iyo ganacsato u dhalatay dalkaasi Eritrea, sida wararka aan ku heleyno. Wafdiga ayaa muddo labo maalin ah oo maanta ka bilaabaneyso ku sugnaan doono magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan madaxweynaha Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo uu yimaado Magaalada Muqdisho xilli horay uu Muqdisho u soo gaaray Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Eritrea. Calanka iyo Sawirka Madaxweynaha Eritrea ayaa lagu sharaxay wadooyinka Muqdisho, waxaana lagu waddaa in garoonka Muqdisho uu kusoo dhaweeyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. La soco waxii kasoo kordhaa Insha Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa soo jeediyey in guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari uu xilkiisa lumiyey, kadib markii uu ku xadgudbay qodob dastuuri ah. Xoosh Jabriil ayaa sheegay in qodobka 65-aad ee dastuurka faraciisa 3-aad uu dhigayo in guddoomiyaha baarlamanka uu ka baxo dhammaan wixii xisbi ah ee uu ka tirsan yahay inta uusan qaban xilka, islamarkaana ay shaqadiisa dhex-dhexaad noqoto. “Guddoomiye Baarlamaan ma ku milmi karo xisbi ama arrimo siyaasadeysan, waana inuu dhexdhexaad ahaan u gutaa howshiisaa sharci dajinta ah. Bal xisaabta ila fiiriya.” Ayuu yiri Xoosh Jabriil. Guddoomiyaha baarlamanka ayaa shalay ka guuray gurigiisa oo ku dhex-yaalla xarunta Villa Somalia wuxuuna degay hotel Shabeel oo ah xarunta xisbigii hore ee Daljir ee hadda ku biiray xisbiga UPD ee Xasan Sheekh uu hogaamiyo. Guddoomiyaha ayaa waxaa hadda ku hareereysan xildhibaanada Daljir iyo Damu-Jadiid ee isku noqday UPD, waxaana laga cabsi qabaa in go’aano badan oo ka dhan ah dowladda ay kasoo baxaan. Saacad un kadib markii uu shalay u guuray xaruntiisa cusub, waxa uu Mursal soo saaray warqad uu ku sheegay in mooshinka madaxweynaha uu weli taagan yahay, inkasta oo 14 xildhibaan oo ka mid ahaa 92-ka xildhibaan ay sheegeen in magacooda laga been abuurtay, taasi oo xogahayaha baarlamanka uu sheegay in mooshinka ay jebisay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Magaalada Muqdisho maanta oo khamiis ah waxaa ku soo wajahan Ra’isilwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweybaha Eritrean Isaias Afwerki . Qaban qaabo balaarab oo lagu soo dhoweeynayo labada masuul ayaa ka socoto Muqdisho. Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana saaka subixii hore la sii xiray wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. Imaanshiyaha masuuliyiinta ee Muqdishi ayaa daba socdo wada hadalo iyo kulamo hore oo dhexmaray masuuliyiinta Soomaaliya Eritera iyo Itoobiya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra isilwasaarha Itoobiya iyo Maaxweynaha Eriteria oo ku soo wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ah wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag kaga hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa sheegay in seddex arin oo mid kamid ah halis ku ah qaranimada Soomaaliya laga leeyahay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaan Goodax ayaa seddexda arin ee ka dambeysay mooshinka wuxuu ku kala sheegay inay kala yihiin:- 1 In xubnaha mooshinka wada ay doonayaan in Xubnihii Ethiopia ka joogay Somalia “Gabre” ay sii joogaan Soomaaliya 2 In Ajaaniib badan ay jaajuusiin u yihiin ayna u shaqeeyaan 3 In Koofur Galbeed iyo Jubbaland la doonayo in laga dhigo Gobol Islamic State ah Wuxuu sidoo kale seddex qeyb u kala saaray xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay xildhibaanada ay ka fiirsadaan mooshinka ay keenayaan. “Xildhibaanada mooshinka keenay seddex ayay u qeybsamaan, Qeyb Xukun ayaa ka dhuman oo ay daba ordayaan, Qeyb Si toos ah ayay ajaaniibta ugu shaqeeyaan, qeybta kalana waxii qaldanaa inay sii qaldanaadaan ayay rabaan, waxay isku wacdeen seddexdaa qeyb iyagoo ah dantooda iyo inay dadka masabitaan” ayuu yiri xildhibaanka Goodax Barre. Xiisadda mooshinka ayaa wali taagan, waxaana uu mooshinkaasi saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii hay’adaha kala duwanaa ee dalka, iyadoo madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala dageen meel ka baxsan Villa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Wargeyska Foreign Policy ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxa uu maanta qoray Warbixin dheer oo uu ku lafaguray Caddowtooyadda ay Sacuudiga iyo Imaaraadka u muujinayaan Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib oo ah Labada Haween ee Muslimka ee ku guuleystay inay ka mid noqdaan Kongareeska Maraykanka. Wargeyska waxa uu Maqaalkiisa hal-ku-dheg uga dhigay: Sacuudi Careebiya oo caddeysay Dgaal ka dhan Haweenka Muslimiinta ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka. Wargeyska waxa uu qoray in Warbaahinta, Aqoonyahanadda iyo Faallo-qorayaasha xiriirka dhow la leh Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay ku celceliyeen Eedeymaha ay u jeedinayaan Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Cabdul Al-sayid, kaasi oo ku guul-daraystay inuu Guddoomiye ka noqdo Gobalka Michigan ee dalka Maraykanka, waxayna ku eedeeyaan inay yihiin xubno qarsoon oo ka tirsan Ururka Akhwaanul-muslimiinka oo caddow ku ah Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka. Axaddii la soo dhaafay, Warbaahinta Alarabiya ee ay dowladda Sacuudiga leedahay waxay daabaceen Maqaal dheer oo ay ku sheegeen inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib qeyb ka yihiin Isbahaysi u dhexeeya Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka iyo Kooxaha Islaamiyiinta ee kontoroola ama maamula Kongareeska, waa sida ay Alarabiya qortay. Maqaalka waxa uu ku eedeeyey inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib yihiin 2 qof oo ka soo horjeeda Madaxweyne Trump, Kooxiisa Siyaasadda iyo Ficiladooda, gaar ahaan Siyaasadiisa Dibedda ee ka bilaabanaysa Cunaqabataynta Iiraan ilaa go’doominta Ururka Akhwaanul-muslimiinka iyo dhamaan Dhaqdhaqaaqyadda Islaamka Siyaasadaysan. Wargeyska Foreign Policy waxa uu Tusaale kale u soo qaatay Telefishinka MBC ee ay Dowladda Sacuudiga leedahay , kaasi oo soo qabanqaabiyey Bandhig Telefishin “A Talk Show”, kaasi oo looga hadlayey qoddobka ku xiriirsan Dagaalka ay Imaaraadka iyo Sacuudiga ku hayaan Labada haween ee Muslimka ah ee Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka. Weriyaha caanka ee Amir Cadiib iyo Moataz Fatah oo ah Masaari bartay Cilmiga Siyaasadda ayaana falaanqeyn ku sameeyeen Ilhaan iyo Rashida, waxayna shegeen in Guusha Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka ay wiiqayso waxa ay ugu yeereen Guusha uu Madaxweyne Trump ka gaaray Hawlgalka uu kula dagaalamayo Kooxaha Islaamiyiinta.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo kala duwan oo looga hadlayo siyaasadda Kacsan ee Soomaaliya ayaa xalay ka dhaca Guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Kulamaddaan ayaa waxaa ka qeyb ka ahaa Senetaro ka tirsan Aqalka Sare, waxaana ay gudoomiyaha kala hadleen sidii loo afjari lahaa Xiisadda Siyaasadeed ee xilliggaan dalka taagan iyo Khilaafka Madaxda ugu sareysa dalka. Gudoomiye Mursal ayaa muuqda in uu helay fursado uusan helin Saacaddihii lasoo dhaafay ka dib markii, sida ay sheegeen xildhibaanada mucaaradka, uu xabsi ku guri ku noqday Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya uu ugu dambeyntii iska guuray shalay. Dhanka kale, xildhibaanada Wasiiradda ah ayaa kulamo la qaatay gudoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka oo wali ku sugan gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya. Gudoomiye Mursal ayaa shalay Caddeeyay in aysan waxba iska badalin Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana baarlamaanka la horgeyn doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ambasador C/Salaan Xaaji oo kamid ahaa xubno horey kaga soo shaqeeyay wasaaradda arrimaha dibbadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda soo korortay. Isaga oo ka qeyb galayay barnaamij looga hadlayay xaaladdaha dalka kusoo kordhay ayuu sheegay in xaalad hadda taagan ay tahay mid aan u wanaagsan dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in horaantii mooshinka ay aheyd in la xaliyo wax walbaa. Wuxuu Nasiib daro ku tilmaamay in Soomaaliya oo Caalamka dhan eeganayaan islamarkaana la filayay in laga gudbayo dhibatooyinkii jiray in hada laga shaqeeyo arrimo keeni kara dhib u dhac dalka ku yimaada, sida uu sheegay Ambasador C/Salaan. Mar uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya guddoonka baarlamaanka ee hala hadlaya ayuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay arintaasi, wuxuuna sheegay in meesha ay ka cadahay inuusan jirin sharci kala saaraya. Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ugu baaqay inuu ka shaqeeyo qaboojinta xiisadda soo korortay oo dib u dhac keeni karta. “Waxaa Nasiib daro ah iyadoo caalamka dhan na eegayo oo la is leeyahay armey kasoo laabtaan halkii ay jireen, in howshaan la keeno ma aheyn, waxaa kasii xun in guddoonkii baarlamaanka ay kala qeybsan yihiin, waxaa meesha ka cad in sharci kala xira inuusan jirin”ayuu yiri Amb C/Salaan. Khilaafka ugu daran ayuu sheegay inuu u dhaxeeya dadkii la doonayay inay shacabka u adeegaan, isaga oo tilmaamay inay la mid tahay “Maroodi cows ku dul dagaalamaya” sida uu sheegay. Wuxuu ugu dambeyn ugu baaqay dhinacyada is haya inay raadiyaan xal ka wanaagsan tan hadda ay wadaan, maadaama ay dantooda isku hayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray waddanka Qatar oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay. Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad ka helay madaxda dalka Qatar ayaa la filayaa in uu mas’uuliyiinta dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah. Mudane Xassan Cali Khayre, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee madasha Dooxa oo uu sannadkii 2017 uu sidaan oo kale uu uga qayb galay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xalay gaaray dalka Qatar appeared first on Puntland Post.
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya waxa ay daabacday Shillimaad cusub iyada oo meesha ka saartay sawiraddii madaxdii hore ee dhaganaan jiray. Lacag Shlinka Kenya waxaa hore ugu dhaganaa saddexdii Madaxweyne ee hore u soo maray ee kala ahaa Jomo Kenyatta, Daniel Arap Moi iyo Mwai Kibaki. Kibaki waxa uu jabiyey ballan uu galay intii aan la dooran 2002 oo uu ku sheegay in uusan sawirkiisa lacagta Kenya ku dhajin doonin. Hase ahaatee, kaddib Dastuur cusub oo ay shacabka Kenya u codeeyeen 2010 ayaa lagu go’aansaday in lacagta lacagta aan lagu dhajin karin ama ka muuqan karin sawir qof shaqsi ah. Ujeedka ugu weyn ayaa loo sababeeyey in bulshada Kenya ay u arkeen in shaqsiyaadkaas ay dalka is leheeysiinayaan am ula dhaqmayaan hanti ay leeyihiin oo kale. Madaxweynaha hadda oo uu dhalay Madaxweynihii koowaad ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hadda u hogaansamay dastuurka meeshana ka saaray sawiraddii saddexdii isaga ka horreeyey. Bangiga Kenya ayaa lacag cusub daabcay balse waxa ay ku kooban tahay shillinka iyada oo la sugayo in sidoo kale lacagta warqadda ah laga saaro sawiradda oo lagu bedelo sawiradda xayawaanada duur joogta ah sida Libaax, Maroodiga iyo kuwo kale. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  17. (SLT-London) Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska Theresa May ayaa ka badbaaday codkoo Baarlamaanka ee kalsoonida loogu qaaday. 200-cod ayay heshay oo u codeeyay inay Dalka sii hoggaamiso, halka 117- cod ka soo horjeesteen waxaanay aqlabiyada ku heshay 83-cod. Xildhibaano ka soo jeeda Xisbigeeda ayaan u codayn taas oo dareen iyo su’aal Ka keentay kalsoonida ay haysato. Si kastaba ha ahaate Theresa May codkii caawa ka dhacay hooyada Baarlamaanka adduunka ee London way ku badbaaday . Somalilandtoday/London/Office Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa la filayaa in berri uu booqasho rasmi ah ku yimaado magaalada Muqidsho ee caasimadda Soomaaliya, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Afwerki ayaa casuumad ka helay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida aan xogta ku helnay. Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha Eritrea ayaa muddo laba maalmood ah joogi doona caasimadda Soomaaliya, waxaana uu wada-hdallo ku saabsan xiriirka labada dal la yeelan doonaa madaxweyne Farmaajo. Xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa soo wanaagsanaanayey wixii ka dambeeyey 28-kii July, markaasi oo madaxweyne Farmaajo uu booqasho saddex maalmood qaadatay ku bixiyey magaalada Asmara. Labada hogaamiye, oo uu wehliyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa wixii markaas ka dambeeyey saxiixday heshiisyo saddex geesood oo dhowr ah. Soomaaliya ayaa dhinaca kale kaalin ka gaysatay in golaha ammaanka QM uu xayiraadda hubka ka qaado Eritrea, horaantii bishii November. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-121218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xogo muhiim ah ku soo gaarayaan xafiiska Caasimada Online ee Muqdisho, waxaa habeenkii xalay ahaa fashilmay dadaaladdii la’isugu soo dhaweeynayey Gudoomiye Mursal iyo xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinkii Madaxweynaha ee buray. Qaar ka mid ah xildhibaanada iyo Mursal ayaa is maandhaafay kaddib markii uu dhawr jeer uga baxay balallamo ay kala sixiideen. Taas waxa ay dhabbaha u xaartay in gudoomiyaha baarlamaanka ka soo guuro gurigiisii xarunta Villa Somalia, isaga oo soo dagay guriga xibsigii hore loo oran jiray Daljir ee hadda ku biiray Daamjadiid. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in laga rejo dhigay Mursal oo hadda uu diyaar yahay mooshinkii lagu ridi lahaa. Tirada xildhibaanada ka soo horjeedda mooshinka Mursal laga keenayo ayaa la sheegay inay badan tahay, waxaana mooshinkan hogaamin doona guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Cabdiweli Muudeey. Dhinaca kale waxaa jira xildhibaano sheegaya in Mursal la ridi doono ka hor inta uusan soo laaban Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo saaka u dhoofay dalka Qadar. Xiisadda siyaasadeed qasan ayaa bilaabatay kaddib markii uu 9-kii bishan gudoomiyaha Baarlamaanka qabtay mooshin ay tiro xildhibaana ah ka keeneen Madaxweynaha Jamhuuridda Federal-ka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Hase ahaatee, Buux oo ah xoghayaha joogta ah ee baarlamaanka ayaa warqad uu shalay soo saaray ku beeniyey in mooshinka laga keenay Madaxweynaha buray kaddib markii 14 xildhibaan sheegeen in magacooda iyo saxiixooda lagu been abuurtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadhimo-sharafeed u samayn doona xildhibaanada golaha wakiilada, Sabtida haddii Alle idmo. Guddoomiyaha Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa shalay fadhigii golaha wakiilada oo saxaafadda banaanka looga saaray, wuxuu xildhibaanada u sheegay in Madaxweyne Biixi uu Sabtida hadhimo u sameeyay xildhibaanada. Guddoomiyuhu ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qadadan iyo inay jirto ujeedo siyaasadeed oo ka dambaysa qadada uu madaxweynuhu ku casuumay xildhibaanada. Laakiin xildhibaanada ayaa aaminsan in Madaxweyne Biixi uu kala hadli doono arrimo siyaasadeed oo laga yaabo inay ugu horayso muddo kordhinta la doonayo in loo sameeyo golaha wakiilada markii shannaad maadaama oo ay doorashadii dib u dhacday. Waxa suurtogal ah in Madaxweynuhu xildhibaanada ka codsado inay la qaataan in muddo kooban oo bilo ah loo kordhiyo golaha si aanay doorashada wakiiladu u dhaafin sannadka 2019. Geeska Qaran News
  22. (SLT-Muqdisho)Waxaa heshiis ku wada saxeexday Magaalada Muqdisho Wasiirka Beeraha & Waraabka Dalkaasi Soomaliya Saciid Xuseen Ciid, Safiirka Dowlada Talyaaniga Danjire Carlo Campanile, Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda Horumarinta talyaaniga Guglielmo Giordano (Italian Agency for Development Cooperation) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Beeraha iyo Cuntada oo u saxiixay wakiilkeeda Soomaaliya Serge Tissot , heshiiskaan ayaa khuseeya horumarinta Beeraha iyo waraabka. Heshiiska ayaa Waxaa qeyb ka ah dib-u dayactirka Xaruntii dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Muqdisho,hirgelinta mashaariic beeralayda ka caawinaysa qaababka casriga ah ee Waraabka(Meodern Irrigation Technology) ,Kaabayaasha Waraabka iyo saadaasha dhinaca waraabka iyo beeraha. Dawladda Talyaaniga ayaa waxay ka mid tahay wadamada taageera Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska Kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarada, waxay sidoo kale door weyn ku lahayd casriyeynta beeraha Soomaaliyeed, iyaddoo si weyn loogu xusuusto kaalinteedii beerida iyo suuq-geynta mooska Soomaaliyeed. Heshiiskaan ayaa waxaa farsamo ahaan hirgalin doona Hay’adda FAO ee Qaramada Midoobey iyo Wasaaradda Beeraha. Waxaa munaasabada kasoo qayb galay Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Xaamud, Wasiir ku-xiggeenka Beeraha Mudane Xaamul Cali Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Mudane Maxamuud Maxamed. Source
  23. Maadaama Ay Yihiin Yahuudu Qawmiyad Soo Jireen Ah Oo Ay Ka Dhasheen Badanaa Nabiyadii Alle Soo Diray Sidaa Darteed Sooyaalka Taariikheed Ee Yahuuda Waa Mid Hodan Ah Oo Xikmado Badan Leh Sheeko Siyaasi Ah Oo Laga Soo Guuriyay Ayaa Sidan U Dhigan Oo Aan U Bixiyay Tii Hore Ayaa Dhaantay Waxaa Qol Kuwada Noolaa Aabo Yahuudi Ah Iyo 10 Ubad Oo Dhalay Iyo Hooyadood Aabahani Wuxuu Ka Caban Jiray Duruuf Nololeed Oo Adag Iyo Baahi Badan Taabatay Maalintii Danbe Ayuu U Tegay Rabbi-gii Ama Xaakhaamkii ´Baadarigii` U Sareeyay Macbadka Yahuudiga Waxaanu U Sheegay Inuu Ka Cabaanyo Nolol Qalafsan Oo Cidhiidhi Ah Ee Ii Ducee Ama Talo Iyo Xal Isii Baadarigii Baa Ka Meeraystay Maalmo Ugu Danbaytii Wuxuu U Dhiibay ORGAC Waxaanu Ku Yidhi QOLKA Ha Idinkula Noolaado Ninkii Aabaha Ahaa Ayaa Qolkii Keenay Orgacii Oo Kusii Daayay Qolkii Yaraa Oo Marka Hore 12 Qof Cidhiidhi Ku Ahaa Orgacii Mar Uu Hirdiyo Alaabti Iyo Mar ku Saaloodo Ama Hambadda Oo Ku Dhex Cuno Qolka Cidhiidhi Iyo Khaati Ayay Istaageen Reerkii Aabihii Ayaa Baadarigii Ku Noqday Oo Yidhi Waan Ku Baryayaaye Xal Ii Doon Baadarigii Ayaa Ka Aamusay Dhawr Jeer Isna Soo Noqonaayay Mar Danbe Ayuu Ku Yidhi Orgicii Isoo Celi Oo Iska Tag Mudo Ka Dib Baadarigii Arkay Aabihii Cidhiidhiga Ka Caban Jiray Iyo Iska Waran ? Aabihii Ayaa Yidhi Waan Fiicanahay Qolkii Aniga Iyo Ubadkii Nafis Ayaanu Ku Noolnahay Orgacii Qayladiisii Iyo Uskagii Iyo Culayskuu Nagu Hayay Waanu Ka Raysanay Xaalkayagu Waa Nefis. Madaxda Qaar Ayaa Dadka Inta Cidhiidhi La Galiyo Marka Danbe Dadku Yidhaahdaan Sidii Hore Ayaa Dhaantee Yaa Nagu Celiya Waa Istaraatiijiyad Xukuumaduhu u Adeegsadaan Muwaadinka Dhiban Markuu Xalka Biddo Xukuumad Iyana Ugu Jawaabto Xaalad Ka Sii Xun Tii Hore Si Uu Raadiyo Xaalad Nololeedkii Hore TII HORE AYAA DHAANTAY Waa Dareen Shacbi Oo Dad Badani Ka Aaminsan Yihiin Muuse Biixi Anigu Se Ma Qabo Weli Maxamed Xoosh mxoosh09@gmail.com Source