-
Content Count
207,096 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Iyada oo wali dad badani is waydiiyaan nuxurka qarsoon ee heshiisyada qarsoodiga ah ee dhex maray Madaxweynaha waddanka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa soo baxaya xogo hoose oo muddo huursanaa kuwaasi oo qaarkood iftiiminayaan Arrimo xasaasi ah oo si gaar ah u taabanaya qaddiyadda dhuleed iyo madax bannaani ee Somaliland. Ilo-wareedyo u dhuun daloola qaar ka mid ah heshiisyada mabda’ ahaaneed ee hore u dhex maray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya, kulamadoodii ka kala dhacay Addis Ababa iyo Muqdisho oo qaar ka mid ah Wargeyska FOORE soo gaadhay oo ay noo xaqiijiyeen diblomaasiyiin Soomaali ahi. Waxa ka mid ah qodob xasaasi ah oo Somaliland si gaar ah u taabanaya kaasi oo ah in dawladda Waddanka Itoobiya ay Farmaajo ka saxeexatay Deked ay ka hir gashato Magaalada Saylac si ay dekad ganacsi iyo fadhiisin badeed ugu noqoto waddanka Itoobiya. Xogahan oo aannu ka helnay Masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya waxa ay noo sheegeen in siro hoose oo ka fakaday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ay faafiyeen qaar ka mid ah la taliyayaashiisu ay sheegeen in qodobada qarsoodiga ah ee ku jira heshiisyo dhawr ah oo dhex maray Abiy Axmed iyo Farmaajo ay ka mid tahay damac ballaadhan oo dawladda Itoobiya ka qabto saldhigyo badeed oo dhawr ah oo ku kala yaalla wixii la isku odhan jiray Soomaaliya (Somaliland iyo Soomaaliya), taasi oo dhinaca Somaliland ay ka doonayso Magaalo xeebeedda Saylac ee Gobolka Salal. Illaa imika lama oga qaabka dawladda Itoobiya arrinkan u maaraynayso maadaama ay Somaliland xidhiidh muddo dheer ah la lahayd inkasta oo aanay marnaba u aqoonsayan dal ka madax bannaan Soomaaliya, balse waxa xogahan Foore helay xusayaan in Itoobiya laba jid u marayso damacaasi ku aaddan Dekedda Saylac oo ah in ay marka hore dawladda Soomaaliya ogolaansho uga hesho kadibna ay gorgortan hoose kala yeelato Somaliland. Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay in uu qodobo dhawr ah oo xasaasi ah kula heshiiyey Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa waxa uu heshiiska qodobkan la xidhiidha isagu uga gol leeyahay in uu ku wiiqo xidhiidhka muddoda u dhaxeeyay Somaliland iyo Itoobiya balse lama oga sida xaaladdani labada dhinac uga wada hir gali karto maadaama aanu Farmaajo wax saamayn ah ku yeelan Karin bixinta dhul aanu xukumin ama awooddiisa ku jirin marka laga tago aqoonsiga dawladdiisa ee beesha caalamka. Waxa xusid mudan in goobaha kale ee dalkaasi Soomaaliya ay dawladda Itoobiya damaca ka qabto ka mid ah xeebaha Gal-mudug waana damac istaraatiiji ah oo wakhtiga ku habboon ay doonayso ina ay dawladda Itoobiya ka midho dhaliso iyada oo ciyaaraysa siyaasad ay madaxa ugu buuxinayso Madaxda Muqdisho oo ay ugu ballan qaadday in wax kasta oo la xidhiidha arrimaha masiiriga ah ee Itoobiya ka damacsan tahay Soomaaliya ay u marayso oo kali ah dawladda Federaalka ah. Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen xogo rasmi ah oo tibaaxaya damaca Itoobiya ee Biyaha xeebaha dhulka Soomaalida iyada oo dardar galisay dhismaha ciidan badeed oo awood badan waana ta loo badinayo in qaddiyaddani dabada ku hayso. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, waxaana Muqdisho kusoo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya. Wafdiga madaxweynaha waxaa qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Eritrea, Wasiiro iyo Ganacsato dalkaasi u dhashay, kuwaasi oo kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda dalka. Markii Garoonka lagu soo dhaweeyay kadib waxaa loo galbiyay madaxtooyada Soomaaliya halkaasi oo uu Kula kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiinka kale ee dowladda Soomaaliya. Mr Afawerki ayaa si weyn u yaqaala magaalada Muqdisho, maadaama qeyb kamid ah noloshiisa uu kusoo qaatay caasimadda Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo uu yimaado Magaalada Muqdisho madaxweyne hogaaminayo dalka Eritrea, waxaana kaga horeeyay Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Eritrea. Safarkiisa ayaa ka dhigan inuu soo wanaagsanaanayo xiriirka u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Soomaaliya oo sanado badan uu mugdi ku jiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Waxaa socoto qaban qaabadii ugu dambeeyay ee soo dhaweynta madaxweynaha dowladda Eritrea oo maanta la filayo inuu yimaado magaalada Muqdisho. Imaanshaha madaxweynaha Eritrea ee Muqdisho ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu casuumaad u fidiyay madaxweynaha Eritrea Isias Afawerki. Waxaa la adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho iyadoo ciidamo badan la dhigay waddooyinka magaalada Muqdisho, islamarkaana la xiray waddooyinka ugu muhiimsan magaalada. Masuuliyiin kala duwan ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana madaxweynaha Soomaaliya la filayaa inuu garoonka kusoo dhaweeyay madaxweynaha eritrea. Eritrea ayaa qeyb ka ah dowlaha isbadalka geeska Africa hogaaminayo , waxaana safarka madaxweynaha Eritrea kadib la filayaa inay magaalada Muqdisho yimaadaan madaxda dalalka Ethiopia iy Eritrea. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ansixinta Sharciga Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah. Madaxweyanaha ayaa tilmaamay in ansixinta sharcigan ay aasaas u tahay mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah. “Waxaan uga mahadcelinayaa xildhibaannadeenna sharafta leh ee Aqalka Sare ansixinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah. Sharcigaan waxa uu saldhig u yahay xaqiijinta xuquuqda ay leeyihiin dadka naafada ah ee Soomaaliyeed”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay kaalinteeda hoggaamineed ka qaadato hirgelinta Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah iyo dardar gelinta qorsheyaasha ku qotoma xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolasha dadka naafada ah. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa todobaadkii hore ugu baaqay Golaha Aqalka Sare in ay dadejiyaan ansixinta Sharciga Dhismaha Hey’addan oo ay horey u soo gudbisay Xukuumaddu, ayna ansixiyeen Golaha Shacabka. Ugu dambeyn, Madaxweyne Faraamjo ayaa tilmaamay in falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku bartilmaamsadeen shacabka Soomaaliyeed ay kordhiyeen tirada dadka naafada ah, isagoona sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay gacanna kula dagaalamayaan cadawgaas, gacanta kalena ay ku dhisayaan dalkooda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyey Meel-marinta Sharciga Dhismaha Hay’ada Naafada appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Iyada oo wali dad badani is waydiiyaan nuxurka qarsoon ee heshiisyada qarsoodiga ah ee dhex maray Madaxweynaha waddanka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa soo baxaya xogo hoose oo muddo huursanaa kuwaasi oo qaarkood iftiiminayaan Arrimo xasaasi ah oo si gaar ah u taabanaya qaddiyadda dhuleed iyo madax bannaani ee Somaliland. Ilo-wareedyo u dhuun daloola qaar ka mid ah heshiisyada mabda’ ahaaneed ee hore u dhex maray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya, kulamadoodii ka kala dhacay Addis Ababa iyo Muqdisho oo qaar ka mid ah Wargeyska FOORE soo gaadhay oo ay noo xaqiijiyeen diblomaasiyiin Soomaali ahi. Waxa ka mid ah qodob xasaasi ah oo Somaliland si gaar ah u taabanaya kaasi oo ah in dawladda Waddanka Itoobiya ay Farmaajo ka saxeexatay Deked ay ka hir gashato Magaalada Saylac si ay dekad ganacsi iyo fadhiisin badeed ugu noqoto waddanka Itoobiya. Xogahan oo aannu ka helnay Masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya waxa ay noo sheegeen in siro hoose oo ka fakaday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ay faafiyeen qaar ka mid ah la taliyayaashiisu ay sheegeen in qodobada qarsoodiga ah ee ku jira heshiisyo dhawr ah oo dhex maray Abiy Axmed iyo Farmaajo ay ka mid tahay damac ballaadhan oo dawladda Itoobiya ka qabto saldhigyo badeed oo dhawr ah oo ku kala yaalla wixii la isku odhan jiray Soomaaliya (Somaliland iyo Soomaaliya), taasi oo dhinaca Somaliland ay ka doonayso Magaalo xeebeedda Saylac ee Gobolka Salal. Illaa imika lama oga qaabka dawladda Itoobiya arrinkan u maaraynayso maadaama ay Somaliland xidhiidh muddo dheer ah la lahayd inkasta oo aanay marnaba u aqoonsayan dal ka madax bannaan Soomaaliya, balse waxa xogahan Foore helay xusayaan in Itoobiya laba jid u marayso damacaasi ku aaddan Dekedda Saylac oo ah in ay marka hore dawladda Soomaaliya ogolaansho uga hesho kadibna ay gorgortan hoose kala yeelato Somaliland. Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay in uu qodobo dhawr ah oo xasaasi ah kula heshiiyey Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa waxa uu heshiiska qodobkan la xidhiidha isagu uga gol leeyahay in uu ku wiiqo xidhiidhka muddoda u dhaxeeyay Somaliland iyo Itoobiya balse lama oga sida xaaladdani labada dhinac uga wada hir gali karto maadaama aanu Farmaajo wax saamayn ah ku yeelan Karin bixinta dhul aanu xukumin ama awooddiisa ku jirin marka laga tago aqoonsiga dawladdiisa ee beesha caalamka. Waxa xusid mudan in goobaha kale ee dalkaasi Soomaaliya ay dawladda Itoobiya damaca ka qabto ka mid ah xeebaha Gal-mudug waana damac istaraatiiji ah oo wakhtiga ku habboon ay doonayso ina ay dawladda Itoobiya ka midho dhaliso iyada oo ciyaaraysa siyaasad ay madaxa ugu buuxinayso Madaxda Muqdisho oo ay ugu ballan qaadday in wax kasta oo la xidhiidha arrimaha masiiriga ah ee Itoobiya ka damacsan tahay Soomaaliya ay u marayso oo kali ah dawladda Federaalka ah. Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen xogo rasmi ah oo tibaaxaya damaca Itoobiya ee Biyaha xeebaha dhulka Soomaalida iyada oo dardar galisay dhismaha ciidan badeed oo awood badan waana ta loo badinayo in qaddiyaddani dabada ku hayso. Foore Source
-
Eritrean president, Isaias Afwerki will be arriving in Mogadishu today barely two months after a delegation from his country visited Somalia to deepen the bilateral relations of the two countries. Somali presidency on Thursday in a Twitter post confirmed that a high-level delegation led by president Isaias Afwerki would be arriving in Mogadishu to hold a high-level meeting with Somali leaders. The villa Somalia said the visit by President Afwerki to Somalia bears significance on bilateral relations and show how the countries are determined to advance their cooperation. “On the invitation of H.E. President Mohamed Farmaajo, H.E. Isaias Afwerki of Eritrea will pay an official state visit to Somalia today to further strengthen the historical ties between the two brotherly nations. The two head of states will have bilateral discussions on areas of mutual benefits,” reads the post. The visit of President Afwerki comes two months after a delegation led by Eritrean Foreign Minister, Osman Saleh reached Mogadishu to help improve bilateral relations between the countries. The Somalia – Eritrea thaw in relations comes after that of Ethiopia and Eritrea, which even saw about two decades of hostilities normalized. Both Eritrea and Somalia have not had diplomatic ties for nearly 15 years, in particular, because of Asmara’s alleged support for al- Shabaab. The post Eritrean president set to arrive in Mogadishu under tight security appeared first on Shabelle. View the full article
-
The Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, Hassan Ali Khairi, and his accompanying delegation arrived in Doha on Wednesday, on a visit to the country. Upon his arrival at Hamad International Airport, the Somali Prime Minister was welcomed by the Minister of Administrative Development, Labour and Social Affairs, Yousef bin Mohammed Al Othman Fakhro, and the Somali Ambassador to the State of Qatar, Abdul Razzaq Farah Ali. Prime minister Khayre held talks with Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani on ways and means to strengthen these relations to serve the interests of both countries and peoples and their shared aspirations for a bright and prosperous future. “I arrived in Doha for an official visit. I met with Qatari officials on bilateral relations and implementations of things agreed by President Farmajo and Qatari King,” said PM Khayre in a twitter post. Last year, Qatar Fund for Development (QFFD) signed a partnership agreement with the Somali government aimed at strengthening its efforts in the area of stability and economic development. The post Prime Minister of Somalia arrives in Doha appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa walaac xoogan ka muujiyay Khilaafka siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday dalka. Mudane Maxamed Cumar Dalxa ayaa hoosta ka xariiqay in midani ay hoos u dhigeyso rajadii laga qabay dib u soo kabashada dalka. Waxaana uu tibaaxay in loo baahan yahay in wax weliba miiska wadahadalka lagu dhameeyo si loo soo afjaro xasradda oogan ee keeneysa in beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed intuba ka rajo dhigaan wax ka qabashada dalka. Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in Mooshin ay ka diyaariyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo. The post Xildhibaan Dalxa oo walaac ka muujiyay Khilaafka Siyaasadeed ee ka aloosan dalka. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan degmada Mandheera ayaa xabsiga dhigay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo, sida warbixinada aan ku heleyno. Masuuliyiinta la xiray waxaa kamid ah Ibraahim Guuleed oo ah guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo iyo Korneyl Warfaa Sheikh Aadan oo kamid ah saraakiisha ciidamada ee gobolka Gedo. Labada masuul ee xabsiga la dhigay ayaa ka ambabaxay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxaana ay kusii jeedeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida wararka soo baxaya ay sheegayaan. Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Aden ayaa xaqiijiyay xeritaanka masuuliyiintaan ka tirsan maamulka gobolka Gedo, waxaana la ogeyn ujeedada dhabta ah ee ciidamada Kenya u xiraan masuuliyiinta. Gudoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in muddooyinkii ugu dambeeyay uu jiro khilaaf u dhaxeeyay ciidamada Kenya ee gobolka ku sugan iyo madaxda degmada. Kenya ayaa gobolka Gedo waxaa kaga sugan ciidamada ka tirsan AMISOM, waxaana ay amar la”aan ka fuliyaan howlaha ay doonaan, iyadoo aysan Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya wax jawaab ah ay ka bixiyaan arimahaan oo kale. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Paris)-Booliiska Faransiiska ayaa baadi-goob weyn ugu jira ninki geystay weerar ka dhacay magaalada Strasbourg habeenkii Arbacada soo galeysay. Ninkan ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa goob suuq ah, wuxuuna dilay ugu yaraan 2 qof, isagoo kadib goobtaasi iska horimaad kula galay ciidamada amniga. Cherif Chekatt oo ah 29 jir muslim ah ayaa la sheegay inuu ku dhashay magaalada Strasbourg, ninkani ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday isagoo dhaawac ah. Booliiska ayaa sheegay in ninkan uu horey uga mid ahaan jiray kooxaha burcada ah isla markaana horey marar badan loogu xiray danbiyo oo uu ka galay gudaha wadamada France, Germany iyo Switzerland. Source
-
(SLT-Washington)-Michael Cohen ayaa xukunkan lagu riday kadib markii lagu helay danbiyo la xariira inuu been u sheegay danbi-baarayaasha iyo Kongareeska dalkaasi ee baaraya kiiska xidhiidhka qarsoodiga ah ee ka dhaxeeya Madaxweynaha Donald Trump iyo Ruushka. Cohen ayaa lagu helay dhowr danbi oo ay ku jirto inuu lacag siiyey haween xiriir qarsoodi ah la lahaa Trump kahor doorashadii si aysan caqabad ugu noqon ololihii doorashada ee Trump, bixinta lacagtaasi ayaa ahayd mid si qarsoodi ah loo bixiyey lagana bixiyey lacagtii ololaha ee Trump, falkaasi oo ka horimaanaya sharuucda uu yaal Maraykanka ee lacagaha ololaha doorashooyinka. Qareenka Trump ayaa sidoo kale lagu helay danbiga uu isaguba qirtay ee ah inuu been u sheegay danbibaarayaasha FBI-da iyo waliba Guddiyada Kongareeska Maraykanka oo su’aalo ka weydiiyey xiriirka ka dhaxeeyey Trump iyo Ruushka, wuxuuna Maxkamada ka hor qirtay inuu been sheegay isagoo qariyey xiriiro toos ah oo dhexmaray Trump iyo Ruushka oo isagu wax badan ka ogaa. Xabsiga lagu xukumay Qareenka Trump ayaa ah mid walaac weynku abuureysa Donald Trump, iyadoo ay jiraan xubno kale oo kamid ahaa kooxdiisa oo uu ku jiro xisaabiyihiisii hore oo iyaguna sugaya in maxkamada xukunto. Michael Cohen oo ahaa ninkii u qaabilsanaa Trump xalinta hawlihiisa qarsoon ayaa la rumeysan yahay inuu xogbadan siin doono dabi-baarayaasha ku mashquulsan baaritaanada kala duwan ee la xiriira Trump. Source
-
(SLT-Yemen)-Wahadaladii Yemen uga socday dalka Sweden ayaa lagu wadaa in Khamiista maanta ah la soo gabagabeeyo. Dhexdhexaadiyeyaasha QM ayaa rajeynaya in horumar laga sameeyo arrimo dhowr ah. Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa ka qeyb galaya wadahadalada maanta ee magaalada Stockholm si uu labada dhinac ugu dhiiri galiyo in ay meeshii la gaaray horay looga sii socdo. Dawladda Yemen ee Sucuudigu taageero iyo kooxda Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ayaa durbaba ku heshiiyey inay maxaabiista isweydaarsadaan. Warbixinada shirka laga helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay aad ugu dhow yihiin inay ku heshiiyaan in la furo gegida dayuuradaha ee magaalada Sanca, isla markaana la bilaabo dhoofinta saliidda iyo gaaska si dalkaasi uu u helo lacagaha caddaanka ee uu aadka ugu baahan yahay. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweyne Farmaajo. Booqashada Madaxweyne Isaias ee Muqdisho ayaa qaadan doonta labo maalmood, sida ay sheegayaan warar laga helayo Madaxtooyada. Qoraal goor dhow la soo dhigay Barta Twitter-ka Villa Somalia ayaa lagu shaaciyay booqashada Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea ayaa ka wada hadli doona xoojinta xidhiidhka labada dal oo dhowaan dib u bilowday. Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii July booqday magaalada Asmara ee dalka Eritrea, isagoo noqday Madaxweynihii u horeeyay oo Soomaaliyeed oo booqasho ku taga Eritrea. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray inta badan waddooyinka waa weyn. Booqashada Madaxweynaha Eritrea ee Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo xiisad siyaasadeed uu galay dalka, kaddib mooshin xil ka qaadis oo laga keenay Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Xildhibaan Aadan Isaaq ayaa ka hadlay talaabadii uu xarunta Villa Uganda uga guuray guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh. Wasiirka ayaa sheegay in guuritaanka guddoomiyaha baarlamaanka ee Villa Uganda ay ka dhigan tahay in dhexdhexaad uusan ka aheyn arrimaha la isku hayo, maadaama uu u guuray goob ay maamulaan Mucaaradka sida uu hadalka u dhigay. Qoraal uu wasiirka soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:- Waa iga su’aal; Guddoomiyaha Baarlmaanka waxaa laga rabaa in uu ku sifoobo dhexdhexaadnimo oo uu u garsooro dhammaan xildhibaannada golaha shacabka, balse; 1- in uu xildhibaanno gaar ah la kulmo, 2- iyo in uu gurigooda u guuro. Waxa ay muujineysaa inuusan dhexdhexaad ahayn. Marka waxaa is weydiin mudan sidee ayuu ku doonayaa inuu golaha ku hoggaamiyo, kana arrimyo arrimaha masiiriga ah ee dalka. Mooshinka laga gudbiyay madaxweyne Farmaajo oo dano shaqsiyadeed ku saleysan ayaa wali wax xal ah laga gaarin, iyadoo guddoomiye Mursal oo taageero ka heysta xildhibaanada mooshinka gudbiyay uu ka guuray Madaxtooyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network):-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Eretria Assias Afwarki ayaa maanta ku soo wajahan Magaalada Muqdisho. Villa Somalia ayaa u diyaarisay soo dhawaan heer sare ah Madaxweynaha dowladda Eretria ee ku soo wajahan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Booqashada Madaxweynaha Eretria ee Magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah Isbedellada Madaxda wadamada Geeska Africa ka wadeen muddooyinkii dambe ee ku dhisan Iskaashiga. Waxaa la filayaa inta uu Muqdisho ku sugan yahay Madaxweyne Afwarki in kulamo uu la qaadan doono dhigiisa Somalia Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. The post Madaxweynaha Eritrea oo maanta ku soo wajahan Magaalada Muqdisho. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kadib aamusnaan maalmo dhawr ah, xukuumadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata in ay markan go’aansatay in ay ka jawaabto mooshinka kalsooni kala laabashada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ra’isulwasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xalay soo fariistay taleefishinka dowladda ee SNTV, kadibna bixiyay wareysi si toos ah u baxayay, kaas oo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu ka hadlay ay ahaayeen mooshinka. Mudane Mahdi ayaa mooshinka la keenay ku tilmaamay ‘Hal xaaraan ah’, wuxuuna intaas ku daray in aysan dhalaynin ‘nirig xalaal ah’, isaga oo taas ku fasiray in markii hore ee mooshinka la qabtayba uu ahaa mid aanan sax ahayn maadaamaa uu yiri ‘waxaa laga been abuurtay xildhibaano aanan saxiixin’. Dhanka kale wasiirka waxbarashada oo ah xubin ka tirsan golaha wasiirada, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa isna xalay dhankiisa kasoo muuqday dood ka baxaysay taleefishinka Universal, isaga oo si adag u difaacay madaxweynaha. Xildhibaanadii mooshinka keenay qaarkood oo doodda fadhiyay, ayaa iyagu ku adkaystay in mooshinka uu sax yahay. Jawaabta xukuumadda ayaa timid xilli ay u egtahay in wadahadal lagu maareyn waayay khilaafka jira kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal uu ka guurey xarunta Villa Soomaaliya oo uu degenaa. Source
-
Taliska ciidanka Booliiska K/galbeed ayaa soo saarey ammar ku aadan in magaalada Baydhabo ee gobolka Baay aan lagu qaban karin dibadbaxyo aanu maamulka war ka hayn. Korneel Mahad C/raxmaan, taliyaha ciidanka Booliiska K/galbeed ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii looga wadaqeybin lahaa sugista ammaanka magaaladaasi. Waxa uu tilmaamay in cid walbo oo aan u hoggaansamin ammarkooda ay tallaab adag ka qaadi doonaan, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ciidanka ay garab ku siiyaan sugista ammaanka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/mahad-cabdiraxmaan-Aadan-taliyaha-booliska-kgs.MP3-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlay arrimo quseeya mooshinka xildhibaanada golaha shacabka ka keeneen madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in gebi ahaan uu buray mooshinkaasi. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa carabka ku adkeeyay in xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya uu Caddeeyay in Mooshinkaasi uu buray maadaama ilaa 14 ka mid ah xildhibaanadii la sheegay in mooshinka keeneen ay dib ugu laabteen. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si weyn loo hadal hayay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu buray. The post Xukuumadda Somalia oo sheegtay in uu buray Mooshinkii ka dhanka ah Madaxweynaha JFS. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Mandhera ayaa shaley galab waxay qabteen,islamarkaana xabsiga ay u taxaabeen Ibraahin Guuleed oo ah Gudoomiyaha degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo Korneel Warfaa Sheekh Aaden Faroole oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada DF ee Gobolka Gedo, xilli Labadan mas’uul oo ka ambabaxay degmada Ceelwaaq ay ku sii jeeden dhinaca magaalada Nairobi ee dalka kenya. Sahal Macalin Aden oo ah Guddoomiye ku xigeenka xigeenka degmada Ceelwaaq ayaa Goobjoog u xaqiijiyey xarigga Labadan mas’uul, isagoo ugu baaqey mas’uuliyiinta degmada Mandhera in ay xabsiga kasii daayaan. Lama oga illaa iyo iminka sababta ka dambeysay in xabsiga ay ciidanka Kenya dhigaan Labadan mas’uul. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Ciidamada-Kenya-oo-Xabsiga-ku-xirey-Gudoomiyahii-Ceerwaaq-iyo-Sarkaal-ka-kale-oo-ka-tirsan-Ciidamada-DF-ee-Gobolka-Gedo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-131218.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalle oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa xogo dheeri ah ka bixiyay xiisadda siyaasadeed ee taagan. Xildhibaanka ayaa sheegay in xiisadda mooshinka ay qabasho laheyd kahor inta uusan gaarin halka uu hadda taagan yahay, loona baahnaa inay ka wada shaqeeyaan guddoonka baarlamaanka. Xildhibaanka ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday guurista guddoomiyaha baarlamaanka, isaga oo sheegay in arintaasi aysan wax saameyn ah laheyn, maadaama uu sheegay inuu xaq u leeyahay inuu dagi karo halkii uu doono. Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay gudbiyaan mooshin, balse loo baahnaa inta heerkaan uusan soo gaarin in qaab odaytinimo ah loo xaliyo dhibaatooyinka keenay mooshinka. “Waxaa laga rabaa guddoomiyaha kaalintii kaga aadaneyd inuu gutaa oo wuxuu ka odayeyn karo ka odayeeyo, mooshin in la qabtaa wax weyn maaha, balse waxaa fiicneyd in marka hore xiisadda xal laga gaaro”. “Mooshinka sida loola falgalay ayaa halkaan keentay, Lama maqleen haddii mooshika la qabto kadibna si xasilin loogo kala dabqaadi lahaa dadka wax kala tirsanaayo”ayuu yiri xildhibaanka. Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay Khilaafka u dhaxeeyo guddoonka baarlamaanka oo labo u kala jabay, isaga oo sheegay inay yihiin dadkii xalka looga baahnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo aanay jirin gaadiid shacab oo waddooyinkaasi isticmaalaya. Ammaanka magaalada ayaa ah mid aad loo adkeeyey, maadaama uu maanta imaanaya madaxeynaha wadanka Eritrea. Inkastoo dadka ay ku tashadeen xirista waddooyinka, hadane waxaa jira dad ka baaqan karin shaqooyinkooda maalin laha ah iyo sidoo kale ardayda Jaamacadaha, waxaana la arkayaa iyaga oo lugeynaya. Waxaa ammaanka magaalada sugaya ciidamada Booliiska iyo kuwa xoogga dalka, gaar ahaan ilaalada Villa Soomaaliya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iul wasaaraha UK Theresa May ayaa ka guuleysatay koox ka tirsan xisbigeeda Conservative-ka oo mooshin ka keenay. May waxaa ay heshay 200 cod, halka 117 ay u codeeyeen in kalsoonida lagala laabto, sidaasina ku bad-baaday. Kalsoonida ay heshay waxaa ay ka dhigantahay iney xisbiga sii hoggaamiso muddo sanad ah. Ra’isul wasaare May, waxaa ay ballanqaaday inay horay u sii wadi-doonto danaha dadka iyo waddanka, isla markaana ay dhameystiri-doonto howlaha ka bixitaanka Yurub. Mooshinka isla maalintii la qabtay, ayaa loo codeeyey, lana shaaciyey natiijada, waxaana u hoggaansamay dhamaan dhinacyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Taliska ciidamada booliska Koofur Galbeed ayaa digniin cad u diray shacabka magaalada Baydhabo ee banaanbaxyada ka sameynaya magaalada Baydhabo gudaheeda. Taliyaha Qeybta Booliska Koonfur Galbeed ee Gobolka Baay Korneel Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa si cad u sheegay inay toogan doonaan dadkii banaanbax aan lagu soo wargelin ciidamada ka sameeya magaalada Baydhabo. Taliyaha ciidamada booliska ayaa sheegay in shacabka magaalada Baydhabo looga baahan yahay inay ku wargeliyaan laamaha amaanka marka ay dhigayaan banaanbax noocuu doono ha ahaadee. Wuxuu sheegay in Ciidamada ay toogan doonaan dadka banaanbaxyada iska soo horjeeda ka sameeya magaalada Haddii aysan ku wargelin laamaha amaanka, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkiisa ayaa u muuqda mid isaga oo careysan uu jeediyay, taasi dhibaato kale u horseedi karta shacabka Baydhabo, haddii si qaldan loo fasirto hadalkaasi. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Boolis-Baydhaba.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com