Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,098
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cadaado ( Sh. M. Network )-Axmed Maxamuud Xasan ( Axmed Baasto ) madaxweynaha maamulka Galmudug garabka Cadaado oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Mooshinka Madaxweynaha. Ugu horreyn Madaxweyne Axmed Baasto ayaa cambaareeyay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo o, waxaana uu tilmaamay in laga leeyahay dano gaar ah. Sidoo kale waxa uu xusay in la doonayo in Mooshinkan lagu majaxaabiyo horumarka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Baasto-1.mp3 The post Axmed Baasto Oo ka hadlay khilaafka dowladda Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobwo Abu Mansuur ayaa goor dhow laga soo dejiyey garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Roobow oo maanta gelinkii hore lagu xiray magaalada Baydhaba ayaa waxaa garoonka kasoo dejisay diyaarad ay leedahay shirkadda African Express, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ku sugan garoonka. Waxaa Roobow la socday oo Baydhabo kasoo kaxeeyey ciidamo aad u badan oo kuwa dowladda Soomaaliya ah, sida aan xogta ku helnay. Roobow ayaa kadib lagu qaaday baabuur qafilan, waxaana la wareegay ciidamada NISA, lamana yaqaan ilaa hadda halka la geeyey. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in halkaas ay ku dhamaatay musharaxnimadii Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Wararka hadda naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa waxay sheegayaan in goor dhow ay soo cago dhigatey diyaarad gaar ah oo sidda Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Diyaaraddan ayaa kasoo kacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo Roobow ay duhuradii maanta xireen ciidamo Itoobiyaan ah. Ilo wareedyo ku sugan Garoonka Aadan cadde ayaa inoo xaqiijiyey in diyaaraddaasi uu lagu wado Mukhtaar Roobow. Dhanka kale, Baydhabo waxaa ka taagan xiisaddii ka dhalatay qabashada Mukhtaar Roobow, iyadoo xiisad dagaal ay magaaladaasi ka taagan tahay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka. Labada Madaxweyne ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo astaanta labada dal ay garaacayeen Ciidanka Baambayda Soomaaliyeed. Sidoo kale, kumannaan shacab ah ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha caasimadda si ay u soo dhaweeyaan Madaxweyne Isaias Afwerki iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka ka dhaxeeya labada shacab. Madaxweynaha dalka Ereteriya iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ku joogi doona dalka, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Booqashadan, ayaa salka ku haysa abuuridda hannaan iskaashi iyo mid diblumaasiyadeed oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Ereteriya, iyo dardargelinta qorsheyaasha wadajirka ah ee ku aaddan amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Ugu dambeyn, Soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Eritrea waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka. PUNTLAND POST The post FAAHFAAHIN: Safarka Madaxweynaha Ertirea uu Maanta ku yimid Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  5. Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa xarig maanta magaalada Baydhabo loogu geeystay Musharaxa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur. Wararka uu Puntland Post ka helayo magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Abuu Mansuur uu madaxtooyada Koonfur Galbeed ku balamiyay Ku simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Sheekhunaa Maye islamarkaasina ay durba ciidamada Itoobiya ay xireen. Ciidamada Itoobiya ayaa jirdil xoogan u geeystay Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur. Xiisad ka dhalatay xariga Muqtaar Rooboow ayaa ka taagan Baydhabo. Dibad baxyo xarigaasi looga soo horjeedo ayaa ka socdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Xariga Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa salka ku hayo kadib markii dhowr jeer Abuu Mansuur laga codsaday in uu ka tanaasulo u tartamida doorashada maamulka Koonfur islamarkaasina uu diiday. Dadaalo lagu doonayo in xuriyadiisa dib loogu ciliyo Muqtaar rooboow ayaa ka socdo Baydhabo. Ugu dambeeyntii Abuu Mansuur ayaa ku xiran xarunta ugu weeyn ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Baydhabo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Faah Faahin: Xariga loo geeystay Muqtaar Rooboow appeared first on Puntland Post.
  6. Maxay tahay sababta uu Madaxweynaha Eritrea u tagay Muqdisho? Booqashada Afwerki ee Muqdisho Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in booqashada Isaias Afwerki ay ka dambeysay casuumaad uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse dad badan waxay is weydiinayaan waxa booqashadiisa ku soo beegay xilli uu Farmaajo la tacaalayo Mooshin isaga ka dhan ah. Qoraal aroornimadii hore ee saaka la soo dhigay barta ay madaxtooyada Soomaaliya ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay ka arrinsan doonaan sii xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Eritrea iyo waxyaabo kale oo ay dan ugu wada jirto. On the invitation of H.E @M_Farmaajo, H.E Isaias Afwerki of #Eritrea will pay official State Visit to #Somalia today to further strengthen the historical ties between the two brotherly nations. The two Head of States will have bilateral discussions on areas of mutual benefit. Farmaajo iyo Afwerki oo uu wehlinayay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan waxaa ay sameysteen isbahaysi ay ku mideysanyihiin, kaasoo sida ay sheegeen ay diiradda ku saari doonaan danaha saddexda waddan. Saddexda hoggaamiye ayaa magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea ku kulmay horraantii bishii Siteembar, halka bishii Nofeembar ee la soo dhaafayna ay isku arkeen magaalada Gondar ee dalka Itoobiya, iyagoo kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo dhowr ah. Booqashada Afwerki ee Muqdisho Booqashada labada maalin ee Afwerki uu ku joogi doona magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid aan horay loo sii shaacinin, inkastoo dhowr bilood ka hor uu madaxweyne farmaajo ka codsaday dhiggiisa Eritrea inuu ugu soo martiyo magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Socdaalkiisa ayaa ku soo aaday maalmo ka dib markii Baarlamaanka federaalka Soomaaliya loo gudbiyay Mooshin ay saxiixeen xildhibaano aan la garaneyn tiradooda oo dalbanayay in xilka laga qaado madaxweyne Farmaajo. Xildhibaannada Mooshinkaas soo diyaariyay ayaa ku doodayay in madaxweynaha uu sameeyay khiyaano qaran isla markaana ay doonayaan inuu xilkiisa waayo, hase ahaatee waxa uu mooshinkaas abuuray dood culus iyo khilaaf soo kala dhex galay guddoonka baarlamaanka. Qaran News
  7. (SLT-Muqdisho) Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaashay Magaalada Muqdisho. Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah , Wasiiro, Xildhibaanoka tirsan baarlamaanka dalka Ertrea iyo Ganacsato. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, wasiiro, iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magalada Muqdisho. Wafdiga ayaa hada waxaa loo soo galbiyay Xarunta madaxtooyada soomaaliya, iyadoona halkaasi la filayo in ay kulamo ku qaataan Labada Madaxweyne. Source
  8. Wadaadka Muqtaar Roobow oo la shirqoolay,Halka lagu hayo oo la ogaaday iyo dagaal ka socda Baydhaba Dagaal ayaa lagu soo warramayaa inuu ka socdo magaalada Baydhaba halkaasi oo maanta lagu xidhay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur. Dagaalka ayaa billowday saacado kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda oo garab ka helaya ciidamada Itoobiya ay xidheen Roobow. Dhanka kale is-gaadhsiinta magaalada ayaa hawada laga saaray, waxaana mararka qaar la maqlayaa is rasaaseyn dhax mareysa ciidamo taabacsan wadaadka Mukhtaar iyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wadaadka hada lagu hayo garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo,Diyaaradna la sugaao, loona duulin doono magaalada Muqdisho. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in wadooyinka qaar ee magaalada shacab fara badan ay isugu soo baxeen, kuwaas oo doonaya in wax ay ka ogaadaan waxa ka jira gudaha magaalada, ayada oo qaarkood ay cadheysan yihiin Qaran News
  9. (SLT-Washington)Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa u sheegey wakaaladda wararka ee Reuters in uusan walaac ka qabin wararka sheegaya in kalsoonida lagala noqon doono oo xilka laga eryi doono. Warbixin lagu qorey Reuters ayuu wareysi gaar ah oo uu madaxweynuhu bixiyey, waxa uu ku yiri “Way adag tahay in xafiiska laga eryo qof aanan sameyn wax qalad ah, isla markaana abuurey dhaqaalihii ugu xoogganaa abid ee taariikhda waddanka Xubnaha mucaaradka xisbiga dimoqraadiga, ayaa soo saaray arrimo walaac abuurey oo ay ka mid tahay lacago uu bixiyay qareenkii madaxweynaha Michael Cohen, kuwaasoo la siiyay haween la tuntay madaxaweynaha ka hor doorashadii madaxtinnimada 2016 si ay afkooda u xiraan. Trump Oo xanaaqaan. Lacagahaasi oo sharci darro ahaa ayay dacwad oogayaal federal ah waxay leeyihiin waxa bixintooda amray Trump si uu xaqiiqada shaqsiyadiisa uga qariyo shacabkiisa taasoo ay sheegeen iney tahay qiyaano qaran. Dimoqraadiyiinta ayaa sidoo kale ku doodaya in lacagahaasi oo sharciga ka fogaa uu sidoo kale Trump ku shaacinin ololihiisi, waxayna leeyihiin tallaabooyin noocani ah waxay abuuri karaan in madaxweynaha codka kalsoonida loo qaado, xafiiskana laga eryo. Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku eedeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu doonayo inuu Soomaaliya ku qabsado ciidamada dalalka Itoobiya iyo Eritrea. Mahad Salaad ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegay saddex qodob oo uu yiri waxa ay caddeyn u tahay qorshaha madaxweyne Farmaajo. Hoos ka akhriso qoraalka Mahad Salaad ee Facebook: FARMAAJO Itoobiya iyo Eritareeya ayuu rabaa dalka in uu ku qabsado! Madaxweyne Farmaajo eedaynta Barlamaanku usoo jeediyay in ay sax tahay uuna rabo Itoobiya iyo Eritareeya in ay xoog ugu qabtaan Soomaaliya, xoogna uu wax ku maamaulo daliil cad waxaa u ah: In uu ka tilaabsaday dastuurkii uu ku dhaartay. Golihii Shacabka ee doortay Gudoomiyihiisiina uu 72 saacdood Madaxtooyada ugu dhex xirnaa! In ciidamada Itoobiya ay maanta u afduubeen Mukhtaar Roobow. Si looga reebo doorashada Koonfur Galbeed. Meeshana uu uga soo baxo Madaxweynaha uu isagu rabo. In Madaxweynaha Eritareeyana uu maanta Mogadishu marti ugu yahay si uu ugu keeno ciidamo xoog ugu qabta Mogadishu uguna baacsado siyaasiinta ka fikirka duwan. Duqiyow waa kaa qaldantahay ee taariikhda gadaal ugu laabo. Dalka iyo dadkana bohol haku ridin! Mahadsanidiin Hon. Mahad Salad
  11. (SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa dagaal gacan ka hadal ahi Wuxuu ku dhexmaray Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa . Sida warar xogogaal ah ay ku heshay Shabakada wararka ee Somalilandtoday Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa feedh ku bilaabay Guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE Sidaana waxa ku bilaabmay dagaalka, waxa jajabay muraayadihii indhaha ee ay xidhnayeen khasaare halis ahina ma dhicin. Dagaalkan labada masuul ayaa siwayn looga hadal hayay Magaalada Hargaysa . Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
  12. Masharax Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale), oo kamid ah murashixiinta madaxtinimada Puntland, ayaa magaalada Garowe ku qabtay xaflad uu kusoo bandhigay qorshihiisa Siyaasadeed ee ku hogaamindooni [...] Source
  13. Sida ay soo sheegayaan wariyeyaasheenna ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaa meel adag mareysa xaaladda guud ee magaaladaasi, iyadoo jawiga magaalada uu isku bedalay saacad gudaheen. Markii ay ciidanka Itoobiya xireen Musharrax Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa waxaa durba magaalada ka bilowday dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhinte Afar qof oo Labo ka mid ah yihiin ciidamada Itoobiya, kadib markii ay isku dhaceen ciidankaasi oo garabsanaya kuwa Booliiska DFS dhowaan geysay Baydhabo iyo sidoo kale ciidamada Sheekh Mukhtaar Roobow. Magaalada Baydhabo waxaa aad u buux dhaafiyey ciidamo la sheegay in Roobow ay taageersan yihiin, waxayna taasi keentay in ciidamada Itoobiya ay banaanka usoo saaraan Taangiyo, welibana bartamaha magaalada ay difaacyo ka xirtaan. Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa gudaha Baydhabo, waxaana xiran dhammaan goobaha ganacsiga ee magaaladaasi, iyadoo durba magaaladu isku bedashay goob colaadeed. Shacabka ayaa bilaabay iney aadaan meel walbo oo ay kaga gamban karaan rasaasta, mana jirto waan waan socota. Dhanka kale, ciidamada Itoobiya lama oga halka ay la aadeen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo markii la qabanayey ku sugnaa xarunta madaxtooyada Baydhabo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqtaar Roobow oo goor dhowayd lagu xiray magaalada Baydhabo, ayaa diyaarad qaas ah oo kasoo qaaday Baydhabo waxay hadda ka degtay garoonka Aadan Cadde ee [...] Source
  15. Ciidamada booliska ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa xabsiga u taxaabey 6 weriye oo ka mid ah wariyeyaasha magaaladaasi. Weriyeyaasha ayaa la sheegay markii la xidhaayay ay muuqaal ka duubayeen bannaan-bax ay sameeyeen qaar kamid ah ardayda maqalka naafada ka ah ee magaalada Boorama. Lixdan weriye ayaa kala ah; 1- Cali Ismaaciil Aare 2- Axmed Diiriye Ciiltire 3- Mustafe Carraale 4- Jaamac Dude 5- Hoorri Axmed Hoorri 6- Maxmed Bilibili Wixii soo kordha kala halkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay kaxeysteen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Ilo ku dhow Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in xariggiisa uu ahaa qaab shirqool ah oo laga soo shaqeeyey. Ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyay in ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Baydhabo ay ka dambeeyeen falka lagu xiray Abuu Mansuur. Waxaa ay sheegeen in Mukhtaar uu ka mid ahaa musharrixiinta Koonfur Galbeed oo lagu ballamiyay Madaxtooyada maamulkaas. Inta badan Musharrixiinta madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ballamiyay C/Qaadir Shariif Sheekhunaa, oo ah ku simaha Madaxweynaha sidoo kalena ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed. Qof ka mid ah Xogheynta Abuu Mansuur ayaa sheegay in iridda madaxtooyada markii uu marayay lagala degay gaariga,kaddibna halkaas lagu jir dilay lana ka xeystay. Magaalada Baydhaba ayaa waxaa ka socda Rabshado ka dhashay Xarigga Abuu Mansuur,waxanaa sidoo kale la sheegayaa in magaalada laga maqlayo rasaas ka dhaceysa meelaha qaar. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  17. Ciidamada Itoobiya ayaa xiray Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed. lama oga weli cida ka dambeysa xarigiisa, walow wararka qaar [...] Source
  18. Eritrean President Isaias Afwerki arrived on Thursday for his first-ever visit to Somalia, Eritrea’s information minister said, in another sign of rapidly changing relations in the region following Eritrea’s rapprochement with one-time foe Ethiopia. Isaias landed in Mogadishu and headed to the Somali president’s office, Reuters witnesses. Security was tight in the capital, they said. “President Isaias’s historic visit is part and parcel of the consultative Tripartite Summits of the Heads of State and Government of Eritrea, Ethiopia, and Somalia,” Yemane Meskel said on Twitter. The three countries have been mending their sometimes fraught relations since Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed took office in April. In July, Somalia and Eritrea said they planned to establish diplomatic relations as ties improved across the Horn of Africa following Eritrea’s rapprochement with Ethiopia. Past Somali administrations had accused Eritrea of supplying weapons to anti-government Islamist insurgents. Asmara has repeatedly denied this, saying the accusations were concocted by its enemy, Ethiopia. In 2007, Eritrea walked out of the East African bloc IGAD in protest as Ethiopian forces entered Somalia to fight militants. The post Eritrean president arrives in Mogadishu for first visit to Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta xabsiga Mukhtaar Roobow Cali(Abu-mansuur)oo kamid ah murashixiinta xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Lama yaqaan sababta loo xidhay murashaxa,balse arrintaan ayaa waxaa ka dhashay iska’horn imaad u dhexeeya ciidamo taabacsan roobow iyo ciidamada Ethiopia ee ku hawlgala magaca AMISOM oo ay weheliyaan kuwa dowladda Sooomaaliya. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xadhiga Roobow,waxaana haatan magaalada ka socda dagaal u dhexeeya ciidanka Ethiopia oo kaashanaya kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taageersan Mukhtaar Roobow,iyadoo la soo sheegayo khasaare in uu jiro. Faahfaahinta kala soco Puntland post The post Roobow oo la xidhay iyo dagaal ka qarxay Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho ( Sh.M.Network)-Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa ku soo warramaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladd Soomaaliya ay maanta gurigiis kala baxeen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Ilo deegaanka ah ayaa ku soo warramaya in tallaabadaas kadib ay dagaallo ka bilowdeen Magaalad Baydhabo. Ma jirto wax war ah oo arrintaan ku aadan ee ay soo saareen Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Wixii ku soo kordha kala soco Radioshabelle.com. The post Ciidamo Gurigiisa kala bxay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in goor dhow ciidamada Itoobiya ay xireen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulkaasi. Roobow ayaa ku sugnaa madaxtooyada Baydhabo, waxaana la sheegay in ciidanka ay xireen iyadoo weli sababta aan la ogaan. Intaasi kadib ilaalada Sheekha ayaa markii ay ka war heleen xariggan waxay isku dayeen iney galaan gudaha madaxtooyada, hase ahaatee waxay dagaal kala kulmeen ciidanka Booliiska DFS ee dhowaan laga kaxeeyey Muqdisho iyo kuwa Itoobiya. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay iyadoo xaaladda guud ee magaaladana ay tahay mid kacsan. Waxaa la jaray isgaarsiinta magaalada, iyadoo weli xiisad ay ka jirto Baydhabo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Magaalada Boosaaso Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa saaka lagu dilay nin ganacsade ah, halka dhaawac loo geystay Aabihiis. Cabdulqaadir Maxamed Xaaji Saleebaan oo kamid ahaa ganacsatada Boosaaso ayaa kooxo Baaskoolado ku hubaysan dileen, halka Aabihiis oo la joogay dhaawac ka soo gaaray weerarkaas. Kooxdii dilka iyo dhaawaca geysatay oo aan haybtooda la garan ayaa baxsaday, waxaana dhaawaca Maxamed Xaaji Saleebaan la geeyay Cisbitaalka guud ee magaalada Boosaaso. Muddooyinkii u dambeeyay waxaa magaalada Boosaaso ka dhacayay dilal loo geystay ganacsato, waxaana la sheegay in ay daba-socdeen diidmo lacago baad ah oo Daacish muddooyinkii dambe ka qaadaysay ganacsatada magaaladaas. Amniga magaalada Boosaaso ee isha dhaqaalaha Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay sii xumaanayay, iyadoo aysan jirin wax ay ka qabteen maamulka iyo laamaha amniga gobolka Bari. Kooxo ka tirsan Daacish iyo Al-shabaab oo ku dhuumaaleysta buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaat ee gobolka Bari ayaa sanadihii u dambeeyay Boosaaso ku dilay saraakiil ka tirsan dowladda, arday iyo ganacsato. PUNTLAND POST The post Dil iyo dhaawac ka dhacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  23. Xidigaha xulka qaranka 20-jirada ayaa markii ugu horeesay ciyaaro saaxiibtinimo dalka uga baxay ku dhawaad mudo 30-sano ah waxayna ciyaartan la dheeleyn dhigooda Jabuuti. Laacib Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa kooxda qurbajoogta ee ciyaaraha saaxiibtinimo dalka u imaaday intii u dhaxaysay 17-30 October ayaa noqday xidigihii ugu horeeyay ee xulka qaranka saddexlay u dhaliya waana rikoorka wanaagsan uu sameeyay laacib Feysal oo adeerkiis Yasir Mohamed Mohamud ka mid ahaa xidigihii usoo ciyaaray xulka qaranka kubbadda cagta. “Waxa ay ii tahay sharaf iyo guul in aan markii labaad aan hogaamiyo xulka wadankayga aan soo gaarno guul muhiim inoo ah waxayna taas ka turjumaysaa dhiiri gelinta ka imaanaysa taagerayaasheena”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay layliyaha xulka 20jirada Salaad Faarax Xasan. Natiijada ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-1 oo ay guusha ku qaateyn xidigaheena waxaana ciyaartan daawanayay Wasiirka ciyaaraha dowlada #Khadiija Maxamed Diiriye,gudoomiye ku xigeynka 1aad xiriirka kubbadda cagta #Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine),gudoomiye ku xigeynka 2aad X.K.Cagta #Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed,gudoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir X Wiish Hagi Yabarow, gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti #Suleymaan Xasan Waaberi iyo mas’uuliyeen kale. Dhamaadka bishan December ayaa laga yabaa in xulka Jabuuti ay caasimada u yimaadaan ciyaar saaxiibtinimo waa arin u wanaagsan isboortiga dalka sida ay qabaan bahda ciyaaraha gudaha. Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Puntlandi) Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa maanta booqasho markii ugu horeysay ku tagay magaalada Muqdisho, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed [...] Source
  25. Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha dalka Eritrea , Isias Afawarki iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, wasiirro, xildhibaanno, ciidamada qalabka sida iyo dadweyne badan ayaa soo dhoweeyey wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Isias Afawarki. Afawarki waxa uu salaan sharaf ka qaatey cutubyo ka mid ah ciidanka qalabka sida, iyadoo hadda loo gudbiyey qeybta gaarka ah ee garoonka Aadan Cadde. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com