-
Content Count
207,096 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga doorashada maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka doorashada iyaga oo go’aamiyey in doorashada madaxtinnimada dhaceyso 19-ka December 2018. Arrintan waxaa ay imaaneysaa kadib markii la xiray Mukhtaar Roobow oo ka tirsanaa murashaxiinta ugu cad-cad doorashada. Roobow oo Muqdisho la keenay ayaa dowladda federaalka ah isku dhiibay August sanadkii hore, waxaana xusid mudan in October 4, 2018 markii ay Baydhabo tagayey isaga oo murashax ah ay horay u galbiyeen ciidamada ka tirsan dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne , Isaias Afwerki oo maanta Heshiis DAHSOON ka Saxiixaya Farmaajo. Waxaa wax lala yaabo ah Imaanshiyaha Madaxweynaha Ereteriya ee Muqdisho ee waqtigan Xaadirka ah oo Dalku ku jiro qalalaase Siyaasadeed iyo mid Dastuuri ah, oo ay kala fadhiyaan Madaxdii iyo Hay’adihii Sharciga ahaa ee Dalka taladiisu ka go’aysay. Madaxweyne Isaias Afawerki waxaa looga bartay colaad oogista Somalida dhexdooda isagoo ku Caan baxay in uu Hubka isugu dhiibo Dadka Somaliyeed ee walaalaha ah. Maanta waxaa Muuqato in uu ka saxeexayo FARMAAJO , oo Saaran SARIIRTII Mooshinka Xil ka Qaadista, Heshiis Halis ah oo Dahsoon, oo khatar u Horseedaya Somalia. Ali Mahamed Waranade Qaran News
-
Dooxa ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa magaalada Dooxa kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani. Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo dhiggiisa Qatar, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah. Ra’iisul wasaaraha Qatar ahna wasiirka arrimaha gudaha, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani, ayaa kulanka ka sheegay in ay ka go’antahay adkayna xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Qatar waxa uu ka qayb gelayaa shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo ay kasoo qayb gelayaan madax ka socota wadammo kala duwan. The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Dhiggiisa Qatar appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Qoraalkaas ayaa u qornaa sida: Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo tixraacaysa War-saxaafadeedyadii hore uga soo baxay bishii October 04,dii 2018ka iyo 12ka December 2018ka, ee ku salaysnaa in aan muwaadin Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin shuruudihii ku xirnaa iyo heshiisyadii lala galay dowladda si looga qaado dhamaan cuna qabatayntii saarnayd. Shuruudahaas oo ay ka mid ahaayeen; In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed. In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah. Wasaaradda Amnigu iyadoo gudanaysa waajibaadeekda dastuuriga ah, waxay dadaal dheer u gashay sidii Roobow Loogu qancin lahaa in uu dib uga fiirsado talaabooyinka uu kaga hor imaanayo dhamaan shuruudihii lala galay ee ku salaysnaa xasiloonada, kala dambaynta iyo nidaamka dowladnimada. Nasiib darro, wuxuu billaabay inuu soo geliyo hub iyo dagaalyahanno magaalada Baydhabo, wuxuuna abaabulayey ciidan uu ugu talo galay handadaad iyo khalkhalgelin ka dhan ah amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada baydhabo, taas oo muujinaysa in aanu Mukhtaar Rooboow marnaba ka tanaasulin fikirkiisii xag-jirnimada ahaa diyaarna u yayahay in uu mar kale dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed. Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Roobow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay Xarigga Sheekh Muqtaar Roobow Cali. War-saxafadeedka ayaa u qornaa sida tan:- Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo tixraacaysa War-saxaafadeedyadii hore uga soo baxay bishii October 04,dii 2018ka iyo 12ka December 2018ka, ee ku salaysnaa in aan muwaadin Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin shuruudihii ku xirnaa iyo heshiisyadii lala galay dowladda si looga qaado dhamaan cuna qabatayntii saarnayd. Shuruudahaas oo ay ka mid ahaayeen; In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed. In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah. Wasaaradda Amnigu iyadoo gudanaysa waajibaadeekda dastuuriga ah, waxay dadaal dheer u gashay sidii Roobow Loogu qancin lahaa in uu dib uga fiirsado talaabooyinka uu kaga hor imaanayo dhamaan shuruudihii lala galay ee ku salaysnaa xasiloonada, kala dambaynta iyo nidaamka dowladnimada. Nasiib darro, wuxuu billaabay inuu soo geliyo hub iyo dagaalyahanno magaalada Baydhabo, wuxuuna abaabulayey ciidan uu ugu talo galay handadaad iyo khalkhalgelin ka dhan ah amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada baydhabo, taas oo muujinaysa in aanu Mukhtaar Rooboow marnaba ka tanaasulin fikirkiisii xag-jirnimada ahaa diyaarna u yayahay in uu mar kale dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed. Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Roobow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow. The post XFS Oo war ka soo saartay Xarigga Muqtaar Roobow appeared first on Shabelle. View the full article
-
High tension is reported in Baidoa, the interim capital of southwest state after Ethiopian troops in the town allegedly arrested former Al-Shabaab deputy leader, Mukhtar Robow Abu Mansur. Abu Mansour was said to have been detained on Thursday morning though it is not immediately clear the reason behind his detention. Sources close to the former Alshabaab leader who is also among state presidential candidates running for the elections slated for 19th of this month said he was tortured before the arrest. Communication lines are cut off as sounds of gunfire and violent demonstration is reportedly staged by residents to demanding for his release. Robow was flown from Baidoa to Somalia’s capital, Mogadishu. The post Tension in Baidoa as Ethiopian troops arrest Presidential candidate appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dowlada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xariga Sh Muqtaar Rooboow Cali Mansuur. War ka soo baxay wasaara Amniga ayaa arintaasi looga hadlay. Hoos ka aqriso qoraalka ay soi saartay wasaarda Amniga. Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo tixraacaysa War-saxaafadeedyadii hore uga soo baxay bishii October 04,dii 2018ka iyo 12ka December 2018ka, ee ku salaysnaa in aan muwaadin Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin shuruudihii ku xirnaa iyo heshiisyadii lala galay dowladda si looga qaado dhamaan cuna qabatayntii saarnayd. Shuruudahaas oo ay ka mid ahaayeen; In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed. In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah. Wasaaradda Amnigu iyadoo gudanaysa waajibaadeekda dastuuriga ah, waxay dadaal dheer u gashay sidii Roobow Loogu qancin lahaa in uu dib uga fiirsado talaabooyinka uu kaga hor imaanayo dhamaan shuruudihii lala galay ee ku salaysnaa xasiloonada, kala dambaynta iyo nidaamka dowladnimada. Nasiib darro, wuxuu billaabay inuu soo geliyo hub iyo dagaalyahanno magaalada Baydhabo, wuxuuna abaabulayey ciidan uu ugu talo galay handadaad iyo khalkhalgelin ka dhan ah amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada baydhabo, taas oo muujinaysa in aanu Mukhtaar Rooboow marnaba ka tanaasulin fikirkiisii xag-jirnimada ahaa diyaarna u yayahay in uu mar kale dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed. Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Roobow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay xariga Abuu Mansuur appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Diyaarad qaas ah oo wadday Mukhtaar Roobow Cali oo loo yaqaan [Abu-Mansur] oo maanta lagu xiray magaalada Baydhabo ayaa kasoo dagtay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Abu-Mansur ay wadeen ciidammo Somali ah oo ay wehliyayeen kuwa Itoobiya, iyadoo aan la ogeyn halka loo qaaday kaddib markii laga bixiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa barqonimadii maanta ka qabtay Sheekh Abu-Mansuur madaxtooyada Baydhabo, halkaasoo dhamaan musharraxiinta looga yeeray, kaddibna laga reebtay. Illaa hadda hay’adaha amniga Dowladda Somalia iyo kuwa Koonfur-galbeed kama aysan hadlin sababta ka dambeysa xariga wadaadkan oo sanadkii hore isku soo dhiibay Dowladda Somalia, kaddib markii uu kasoo goostay Kooxda Al-shabaab. Sheekh Roobow ayaa wuxuu ka mid ahaa musharraxiinta xilka madaxnimo ee maamulka Koonfur-galbeed oo lagu wado inuu toddobaadka soo socda ka dhacdo Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed. Roobow ayaa waxaa la guddoonsiiyay shahaadaha tartanka doorashada ka dhacaysa Baydhabo, balse Dowladda Somalia ayaa la sheegay inay cadaadis ku haysay tan iyo markii uu xilka isku taagay, cadaadiskaas oo ahaa inuu ka tanaasulo doorashada maamulkan. Xarigga Sheekh Abu-Mansur ayaa ka rabshado ka qarxiyay Baydhabo, iyadoo waddooyinka waaweyn ee magaaladaas lagu arkayo ciidammo aad u hubeysan, meelaha qaarkoodna ay ka dhacayso rasaas goos-goos ah. Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Koonfur-galbeed ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo xarigga loo geystay Abu-mansur, waxaana sidoo kale hay’adaha amniga ee Muqdisho ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan keenista wadaadkan iyo halka lagu hayo. PUNTLAND POST The post Ciidammo gaar ah oo Mukhtaar Roobow Cali keenay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo ahaa musharax u taagnaa xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Roobow la xiray kadib markii uu jebiyey laba qodob oo horey lagula heshiiyey, kuwaas oo kala ahaa:- In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed. In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah. Dowladda ayaa sidoo kale ku eedeysay Roobow “Inuu billaabay inuu soo geliyo hub iyo dagaalyahanno magaalada Baydhabo, wuxuuna abaabulayey ciidan uu ugu talo galay handadaad iyo khalkhalgelin ka dhan ah amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada baydhabo, taas oo muujinaysa in aanu Mukhtaar Rooboow marnaba ka tanaasulin fikirkiisii xag-jirnimada ahaa diyaarna u yayahay in uu mar kale dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed” Wasaaradda ayaa tiri “Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Roobow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garissa ( Sh. M. Network )-Dowladda Kenya ayaa Ciidamo hor leh oo gaaraya illaa iyo 690 Askari oo ka mid ah Ciidankeeda Keydka u soo daad gureysay Xadka Soomaaliya. Taliyaha Ciidamada Booliska magaalada Garissa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Joshua Chepchieng ayaa sheegay in Ciidamadani loo kala qeybin daoono deegaanada halista ugu jira weerarada Al Shabaab. Waxaana uu intaasi ku daray in ay u howlgali doonan sidii ay Al Shabaab uga saari lahaayeen meelaha ay ku sugan yihiin ee dhaca xadka labada dal. Al Shabab hurdo la’ aan ayey ku rideen Ciidamadeena ku sugan xadka, si aan nabad u helno waa inaan xoojinaa ammaanka. ayuu Mr Joshua taliyaha Booliska Garissa. Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli Kenya looga dabaldagayo 55 sano guuradii ka soo wareegtay markii ay Xornimada ka qaatay dalka Ingiriiska. The post Kenya Oo Ciidamo soo dhoobtay Xadka Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka soo dagtay diyaarad siday Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur. Muqtaar Rooboow ayaa ciidamo katirsan kuwa Itoobiya ay ka qabteen maanta Baydhabo iyaga oo muddo saacado ah ku hayay Baydhabo. Wali dowlada Soomaaliya kama hadlin xariga Muqtaar Rooboow iyo keenistiisa Muqdisho. Loolan adag oo ku aadan doorashada madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka taagan magaalada Baydhabo. Faah faahinta dib kala soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Muqtaar Rooboow oo la keenay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada maamulka Galmudug oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Dhagaxyaale ee gobolkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, walow aan si dhab ah loo xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Ciidamada Galmudug ayaa lagu soo warrramayaa in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi, kadib markii dagaalkan loo adkaaday Al Shabaab. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona labada dhinac dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. The post Galmudug Oo la wareegtay deegaan ka tirsan Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
-
Riyaad ( Sh. M. Network )-Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, oo howlo shaqo u jooga Dalka Sacuudi Carabiya ayaa Magaalada Riyaad ee Caasiamadda Dalkaasi kulan kula qaatay, dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, oo uu wehliyo sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudi Carabiya, Saalim Macow Xaaji, ayaa halkaasi kaga qayb galaya shirka Ururka Waddamada Carabta iyo Dalalka Africa ee kulaala Xeebaha Badda Cas. Shirkaas oo ay marti gelisay, Boqortooyada Sacuudi carabiya, ayaa waxaa ka qayb galaya mas’uuliyiin ka kala socota Waddamada, Soomaaliya, Sacuudi Carabiya, Jabuuti, Masar, Urdun, Suudaan, Yemen iyo Eritrea, iyadoo looga hadli doono adkaynta ammaanka Gobolka Geeska Afrika, horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalalka dhaca Geeska Afrika iyo Waddamada Gacanka. The post Wasiir Cawad Oo la kulmay Dhaxal sugaha Sacuudiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
South West will be the first of Somalia’s seven semi-autonomous regions to hold presidential elections in the coming months, a critical juncture in a growing power struggle between centre and periphery in the aftermath of a long civil war. “Candidate Sheikh Mukhtar (Robow) was just beaten and arrested by Ethiopian (peacekeeping) forces in Baidoa now,” said Muawiya Mudeey, a spokesman for Robow. “First he was called in by the interim president of South West state and when he reached that office, Ethiopian forces beat him terribly and they arrested him. And now there is fighting between residents and government forces in Baidoa.” Regional officials in Baidoa, the state capital of South West, could not immediately be reached for comment. Mohamed Aden, a local elder, said Ethiopian and local Somali security forces participated in Robow’s arrest. “We do not know the reason but we think it is because of politics,” Aden told Reuters by telephone. “There is no fighting now but tension is very high in Baidoa and anything can happen. I mean, war can start anytime.” Robow, a former prominent al Shabaab insurgent and group spokesman, lay low for several years before publicly renouncing violence and recognising the authority of the U.S.-backed federal government in August 2017. The Mogadishu government tried to bar his presidential candidacy in South West because of remaining U.S. sanctions against him. But the state electoral commission last month dismissed Mogadishu’s demands and accepted his candidacy. However, on Dec. 1 the commission postponed South West’s vote for the third time, saying it was not sufficiently prepared amid lingering tensions with Mogadishu. Somalia has been trying to claw its way out of the remnants of the civil war that engulfed it in 1991, when clan warlords overthrew a dictator and then turned on each other. Al Shabaab has sought for more than a decade to topple the weak central government in Mogadishu and implement its strict version of Islamic law. It was driven out of the capital in 2011 but retains a strong presence in some areas including South West. Reporting by Abdi Sheikh; Writing by George Obulutsa; Editing by Mark Heinrich for Reuters
-
MOGADISHU (Reuters) – Eritrean President Isaias Afwerki arrived on Thursday for his first-ever visit to Somalia, in another sign of rapidly changing relations in the region following Eritrea’s rapprochement with one-time foe Ethiopia. Somalia President Mohamed Abdullahi’s office said in a statement the visit was meant to boost diplomatic relations and explore areas to cooperate in security and investment. Isaias landed in Mogadishu and headed to the Somali president’s office, Reuters witnesses. Security was tight in the capital, they said. “President Isaias’s historic visit is part and parcel of the consultative Tripartite Summits of the Heads of State and Government of Eritrea, Ethiopia and Somalia,” Eritrean Information Minister Yemane Meskel said on Twitter. The three countries have been mending their sometimes fraught relations since Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed took office in April. In July, Somalia and Eritrea said they planned to establish diplomatic relations as ties improved across the Horn of Africa following Eritrea’s rapprochement with Ethiopia. Past Somali administrations had accused Eritrea of supplying weapons to anti-government Islamist insurgents. Asmara has repeatedly denied this, saying the accusations were concocted by its enemy, Ethiopia. In 2007, Eritrea walked out of the East African bloc IGAD in protest as Ethiopian forces entered Somalia to fight militants. The visit comes as Somali President Abdullahi faces an impeachment motion, which was filed in parliament last week. A copy of the motion, seen by Reuters, lists as grounds for the impeachment an allegation that the president secretly signed agreements with other countries, including Ethiopia and Eritrea. Abdikarim Haji Buh, the general secretary of Somalia’s parliamenn said in a statement on Tuesday the motion was likely to fail, since so far the minimum 92 lawmakers needed for the motion to be valid hadn’t been attained. Reporting by George Obulutsa, Feisal Omar and Abdirahman Hussein; editing by Aaron Maasho, Larry King for Reuters
-
Dagaal Gacan ka hadal ah oo dhexmaray F.C.Waraabe & Guddoomiye-Xigeenka Kulmiye+Khasaaraha ka dhashay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa dagaal gacan ka hadal ahi Wuxuu ku dhexmaray Huteelka Maansoor. Sida Ilo Goobjoog ahaa warbaahinta u soo dusiyeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa dhaawac Fudud oo isha dusheeda ah la gaadhsiiyey,Inkastoo xoggo kalena sheegayaan in Dagaal Gacan ka hadal ahi dhexmaray labadooda. Xoggo kalena waxay tibaxayaan in Waxooga khasaare ahi jiro,Muraayado la jejebiyey Balse khasaare halis ahi ma dhicin.Dagaalkan labada masuul ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Maxamed kaahin,Wasiirka Macdanta & Xubno kale oo ka tirsan Xukumada Muuse Biixi oo loo maleynaayo inay Faysal cali waraabe shirqool u maleegeen. Geesta kalena Dagaal ayaa si wayn looga hadal hayaa fagaarayaasha Siyaasada & Goobo kale oo doora. . Qaran News
-
Boosaaso ( Sh. M. Netwotk )-Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa barqanimadii maanta Wiil iyo Aabihiis dil iyo dhaawac ugu geystay magaalada Boosaaso ee xarunta G/ Bari. Dilkan oo ka dhacay bartamaha Boosaaso ayaa waxaa la sheegay in loo geystay C/qaadir Maxamed Saleemaan oo ka mid ahaa Ganacsatada magaaladaasi. Sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay Marxuumka Aabihiis, kaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa baaritaano ka sameeyay halkaasi, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay weerarkaasi. Balse dhacdadan aya qeyb ka noqoneyso falal ammaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. The post Kooxo hubeysan Oo dil iyo dhaawac ka geystay Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article
-
Conflict and natural disasters from 2017 – 2018 caused massive displacement to cities – says new report from the Internal Displacement Monitoring Centre (IDMC). “Somali families are fleeing to Mogadishu seeking shelter, protection and aid. With nowhere else to go, they crowd into camps that are unhealthy and unsafe. This influx has made Mogadishu the most densely populated city in Africa, with more people arriving every day,” said Evelyn Aero, Regional Adviser for Norwegian Refugee Council (NRC). 2.6 million people are displaced within Somalia. Drought, competition for resources and poor living conditions has fuelled fighting in rural areas, and pushed people towards Mogadishu, says a new report from NRC’s Internal Displacement Monitoring Centre. This has made Mogadishu the second most densely populated city in the world (after Dhaka) and the most densely populated city in Africa. With resources overstretched, Somalia’s cities are unable to cope with the demands of their fast-growing populations, and the added arrivals of people fleeing crises in rural areas. Mogadishu has been their main destination by far. It is home to about 600,000 displaced people, most of whom live in informal camps. Between 2017 and mid-2018, 32 per cent of new displacements recorded in the country were to, or within, the capital Mogadishu. Displaced Somalis in Mogadishu lack enough food, shelter, clean water and sanitation. This leaves them vulnerable to diseases and malnutrition. About 1.2 million children are projected to be malnourished in Somalia. “Conflict and natural disasters force families to flee to cities. Many that flee fighting escape in a hurry, with just the clothes on their backs. They arrive in Mogadishu without shelter, food or any means to support their families. More aid is needed to ensure that these people have a safe place to stay, with enough basic humanitarian aid to survive,” said Aero. The UN humanitarian aid appeal for Somalia for 2019 is set at US $1.5 billion. The international donor community is urged to scale up funding to respond to the crisis. Source: NRC.NO
-
(SLT-Baydho) Wararka ka imanaaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ee Dalkaasi Soomaaliya ayaa soo sheegaya in goor dhawayd Ciidamo Itoobiya ahi ay xidheen Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur oo kamid aha murashaxiinta maamul Goboleedka Koonfur Galbeed . Ciidamada ayaa ninkaan oo murashax ah kala baxay Guri uu ka dagan yahay Baydhabo waxaana la maqlayaa rasaaas ka dhacaysa magaalada Baydhabo. Xaaladda ayaa aad u kacsan waxaana jira cabsi xoog leh oo dhinaca amniga, Mukhtaar Roobow ayaa waxaa tartankiisa diidanaa Dowladda Dhexe ee Soomaaliya. Source
-
Cadaado ( Sh. M. Network )-Axmed Maxamuud Xasan ( Axmed Baasto ) madaxweynaha maamulka Galmudug garabka Cadaado oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Mooshinka Madaxweynaha. Ugu horreyn Madaxweyne Axmed Baasto ayaa cambaareeyay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo o, waxaana uu tilmaamay in laga leeyahay dano gaar ah. Sidoo kale waxa uu xusay in la doonayo in Mooshinkan lagu majaxaabiyo horumarka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Baasto-1.mp3 The post Axmed Baasto Oo ka hadlay khilaafka dowladda Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobwo Abu Mansuur ayaa goor dhow laga soo dejiyey garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Roobow oo maanta gelinkii hore lagu xiray magaalada Baydhaba ayaa waxaa garoonka kasoo dejisay diyaarad ay leedahay shirkadda African Express, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ku sugan garoonka. Waxaa Roobow la socday oo Baydhabo kasoo kaxeeyey ciidamo aad u badan oo kuwa dowladda Soomaaliya ah, sida aan xogta ku helnay. Roobow ayaa kadib lagu qaaday baabuur qafilan, waxaana la wareegay ciidamada NISA, lamana yaqaan ilaa hadda halka la geeyey. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in halkaas ay ku dhamaatay musharaxnimadii Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com