Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,106
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. SCM socdaalkaygii Somaliland aan ku tegay 27 November 2018 iyo waxyaalihii dalkayga hooyo iiga baxay, xamdi mahad dadka iyo dalku waxay ku naaloodaan nabad iyo caano . shacabku waxay la herdamayaan nolosha maalinlaha iyo siday u maarayenlahaayeen baahida maalinlaha ee Aadamaha.bulashad SOMALILAND waxay ka simanyihiin xanaanayenta iyo xoojinta amnigooda oo u ah halbaawlaha noloshooda. GANACSADUHU waxay dalka u suurageliyeen ka hagabtirka iyo helida adeega bulshada noocwal oo ay tahahay iyo heerwal oo loo baahdo sida cuntada dharka cabida is gaadhsiinta tecnologiyada gaadiidka iyo guryeynta taas oo ku qotonta heer hoose ilaa heer sare nin iyo awoodii iyo karaankii. bilic fiican dhismayaal indhaha soo jiita iyo hudheelo raaxo oo lagu nasankaro oo ay ka baleen dhamaan caasimadaha SOMALILAND. GAABISKA DAWLADAHA HOOSE IYO HEYADAHA DAWLIGA IYO KUWA AAN DAWLIGA AHEYEN EE SOMALILAND KA HAWLGALA. waxa huubaal ah in dawladaha hoose ee gobaladu ay maqaamkooga wax qabasho aad u liito sida bilcda magaalooyinka sida dariigyada habayentooda oo ay magaalo walba isku dhex daadatay oo dariiqyada halbowlaha u ah caasimadaha S/LAND ay cooshado, bacadlaha wareegaa, jiingad cafeshtaa, baalashlaha, dhaqayasha baabuurta ee aboogu la wareegeen, nidaam habayen bacadlayaal , balaadhin wado, gaadiid iyo dayactir wado, Meesha ka baxday, tii oo nadaafad daro iyo siigo aanad dhex mari Karin, gaadiidkii, tigtii iyo tukhaankii dariiqyadii xidheen , cidhiidhi ku habsaday isku socodka magaalooyinka gudahooda. heyada jooga dalka oo tiradooda la soo koobi Karin 40 kor u dhaafay wax allaale iyo wax la taaban karo oo ay Kaaba yaasha dhaqaale ee bulshada u qabteen aanay jirin, caasimadeeni HARGEISA manta dameero, kaariyoone iyo booyadaa loogu dhaamiyaa waa nasiibdaro dadkeenii haysata. SUAASHU WAA????????????????????????/ Cashuuraha xad dhaafka ah ee ka soo xerooda dekedaha, hawada iyo dhulka iyo caawimooyinka beesha caalamka ee dawlada leh iyo heyadaha dawliga ,wadaniga iyo kuwa aan dawliga aheyen meeday aduunka lagu soo qaado magaca bulshada daranyeysan ee Somaliland?????????????????/ tusaale gaaban reer AWDAL oo ay ku habsatay duufaankii xeebuhu illaa manta waxay is weydiiyaan caawimooyinka lagu xusay miidhiyaha ama war baahiyaha ee ahaa ilaa 10 million oo dollar ee ay heyadaha kaalmeeya masiibooyinka dabeeciga ee ku dhaca dunida aan ku nolahay uGu deeqeen DUUFAANKII GOBOLKA AWDAL IYO XEEBAHEEDA LUGHAYA ILAA SAYLAC LAMA HAYO. . waxay ku balweeyaan REER AWDAL midho ay ka midyihiin. LEEFOO HA LIQINBAA LURKA II HORSEEDEE NAFTAYDANEEY LULULKA IIGA DAA. MA HAYOO MANA SUGAAYOO IIMANA MAQNEE MAAREEYOO SIDIIBUU DULMIGU SHACABKIYO DALKABA UGU MIIRMAYAA UGU MIIRMAYAA. SOMALILAND GUUL IYO GOBANIMO. MUSA AW HASSAN LODOON AWDALI DUBAI. Qaran News
  2. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-14122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  3. At least 11 people were killed in Somalia’s city of Baidoa in clashes between security forces and supporters of a former al Shabaab leader who is seeking election as a regional president, a military officer and an elder said on Friday. Authorities arrested Mukhtar Robow on Thursday, accusing him of bringing Islamist militants and weapons back to Baidoa, the capital of South West region where he is running for president. Robow supporters angered by his arrest clashed with police backed by Ethiopian peacekeeping forces in Baidoa, said Hussein Aden, a military officer in the city. Baidoa elder Saleh Isak accused the authorities of seeking to install its own candidate as president of South West, the first of Somalia’s seven semi-autonomous regions to hold presidential elections in the coming months. “Yesterday, 10 people died and today they killed a lawmaker,” Isak told Reuters by telephone. The elections are a critical juncture in a growing power struggle between the U.S.-backed central government and regions where al Shabaab militants retain a presence following a long civil war. Aden gave a lower death toll of at least six killed, among them lawmaker Abdishakur Bule. “He died in cross fire between armed protesters and police this morning. Tension is high and we do not know what to do,” Aden told Reuters. Robow was a prominent al Shabaab leader and group spokesman before he publicly renounced violence and recognized federal authority in August 2017. His spokesman said he was beaten by Ethiopian troops, part of an African Union peacekeeping force in Somalia, in the course of his arrest. Officials in the Ethiopian capital Addis Ababa were not immediately reachable for comment. The post Clashes between police and protesters in Baidoa city leave 11 dead appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Doha (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti, ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay dawladdiisu bilaabayso mashruuca dhismaha dekadda Hobyo ee gobalka Mudug. Wasiirka ayaa qorshaha billaabidda mashruucaan ka sheegay kulan gaar ah oo ay wada qaateen ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Cali Khayre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar. Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo kulanka qayb ka ahaa ayaa sheegay in wasiirka dekaduhu uu ra’iisul wasaare Khayre ka ballan qaaday in sida uga dhaqsaha badan ay u bilaabmayso dhismaha dekadda si ay uga faa’iisaystaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), ayaa bishii Jannaayo ee sannadkaan ayaa dhagax dhigay mashruuca dhismaha dekadda Hobyo, waxaana horraantii bishii July qiimayn ku tegay wadfi ay hoggaaminayo wasiirka dekadaha XFS, Maryan Aways, oo ay qayb ka ahaayeen khuburo ka socoto dalka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Prime Minister and Interior Minister H E Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani and Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, Hassan Ali Khairi, witnessed the signing of a number of agreements and memoranda of understanding (MoUs) between the governments of the two countries at the Amiri Diwan yesterday. They witnessed the signing of an agreement of avoidance of double taxation and prevention of fiscal evasion, an agreement on encouraging and protecting mutual investments, agreement on maritime transport and an agreement on economic, trade and technical cooperation. The two sides also signed an MoU on cooperation in the field of ports, MoU on cooperation between the Diplomatic Institute in the Qatar’s Foreign Ministry and the Diplomatic Institute in the Somalia’s Foreign Ministry, MoU on the establishment of a joint supreme committee and an MoU on political cooperation and consultation between the Qatar’s Ministry of Foreign Affairs and Somalia’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation. The ceremonies were attended by a number of Their Excellencies Ministers, and on the Somali side by members of the official delegation accompanying the Prime Minister. The post Qatar and Somalia sign cooperation agreements appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Ururka barayaasha gobolka Nugaal, ayaa lagu daahfuray magaalada Garowe. kadib xaflad ay isugu yimaadeen barayaashal, aqoonyahanno, guddoonka waxbarashada iyo wasaaaraddaa. Waa markii ugu horeysay oo [...] Source
  7. Eritrea’s Isaias Afwerki visits Somalia to cement renewed ties Mogadishu trip caps a stunning year of peacemaking among Horn of Africa nations Eritrea’s Isaias Afwerki visits Somalia to cement renewed ties Mogadishu trip caps a stunning year of peacemaking among Horn of Africa nations Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed, left, and Eritrean President Isaias Afwerki at Mogadishu’s airport on December 13, 2018. AFP Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed, left, and Eritrean President Isaias Afwerki at Mogadishu’s airport on December 13, 2018. AFP Eritrean President Isaias Afwerki landed in Somalia for the first time on Thursday, completing a stunning year of rapprochement in the battle-scarred Horn of Africa. Mr Isaias, who has ruled the tiny reclusive nation with an iron fist for 25 years, embraced Somalia’s president, Mohamed Abdullahi Mohamed, on the runway before heading to the president’s office for talks. Somalia and Eritrea have endured years of sour relations, exacerbated by the latter’s 20-year conflict with neighbouring Ethiopia, which saw the two take opposing sides in war-torn Somalia. Mogadishu accused Asmara of supplying weapons and backing to Islamist groups. When Ethiopian soldiers entered Somalia to tackle the insurgents in 2007, Eritrea stormed out of IGAD, the Horn of Africa’s answer to the GCC, in protest. But in July, following the appointment of Ethiopia’s dynamic young prime minister, Abiy Ahmed, Ethiopia and Eritrea announced an end to their two-decade war, facilitating an unprecedented peace process that saw embassies and borders reopened, telephone and travel links re-established and trade resumed. Hundreds of families, kept apart for years, were reunited. The rapprochement between two of Africa’s pre-eminent foes triggered a domino effect, as the Horn’s four constituent countries — Ethiopia, Eritrea, Djibouti and Somalia — set about mending fences. In July, Mr Mohamed travelled to Asmara, where he and Mr Isaias agreed to establish diplomatic relations, exchange ambassadors and promote bilateral trade. In September, Eritrea and Djibouti ended a decade-long border dispute over the contentious Dumeira mountain and Dumeira island in the Red Sea. The following day, Addis Ababa played host to South Sudan’s President Salva Kiir and rebel leader Riek Machar, who signed a peace agreement. Their personal feud created a five-year civil war that killed an estimated 383,000 people. And in November, the United Nations Security Council lifted sanctions on Eritrea, first imposed in 2009. Onlookers hope the country — nicknamed the North Korea of Africa — will take steps to shed its pariah status. In that respect, the visit of Mr Isaias to Somalia, a troubled but hugely significant regional player, is encouraging. “President Isaias’s historic visit [to Somalia] is part and parcel of the consultative Tripartite Summits of the Heads of State and Government of Eritrea, Ethiopia and Somalia,” Eritrea’s information minister, Yemane Meskel, wrote on Twitteromalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed, left, and Eritrean President Isaias Afwerki at Mogadishu’s airport on December 13, 2018. AFP Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed, left, and Eritrean President Isaias Afwerki at Mogadishu’s airport on December 13, 2018. AFP Eritrean President Isaias Afwerki landed in Somalia for the first time on Thursday, completing a stunning year of rapprochement in the battle-scarred Horn of Africa. Mr Isaias, who has ruled the tiny reclusive nation with an iron fist for 25 years, embraced Somalia’s president, Mohamed Abdullahi Mohamed, on the runway before heading to the president’s office for talks. Somalia and Eritrea have endured years of sour relations, exacerbated by the latter’s 20-year conflict with neighbouring Ethiopia, which saw the two take opposing sides in war-torn Somalia. Mogadishu accused Asmara of supplying weapons and backing to Islamist groups. When Ethiopian soldiers entered Somalia to tackle the insurgents in 2007, Eritrea stormed out of IGAD, the Horn of Africa’s answer to the GCC, in protest. But in July, following the appointment of Ethiopia’s dynamic young prime minister, Abiy Ahmed, Ethiopia and Eritrea announced an end to their two-decade war, facilitating an unprecedented peace process that saw embassies and borders reopened, telephone and travel links re-established and trade resumed. Hundreds of families, kept apart for years, were reunited. The rapprochement between two of Africa’s pre-eminent foes triggered a domino effect, as the Horn’s four constituent countries — Ethiopia, Eritrea, Djibouti and Somalia — set about mending fences. In July, Mr Mohamed travelled to Asmara, where he and Mr Isaias agreed to establish diplomatic relations, exchange ambassadors and promote bilateral trade. In September, Eritrea and Djibouti ended a decade-long border dispute over the contentious Dumeira mountain and Dumeira island in the Red Sea. The following day, Addis Ababa played host to South Sudan’s President Salva Kiir and rebel leader Riek Machar, who signed a peace agreement. Their personal feud created a five-year civil war that killed an estimated 383,000 people. And in November, the United Nations Security Council lifted sanctions on Eritrea, first imposed in 2009. Onlookers hope the country — nicknamed the North Korea of Africa — will take steps to shed its pariah status. In that respect, the visit of Mr Isaias to Somalia, a troubled but hugely significant regional player, is encouraging. “President Isaias’s historic visit [to Somalia] is part and parcel of the consultative Tripartite Summits of the Heads of State and Government of Eritrea, Ethiopia and Somalia,” Eritrea’s information minister, Yemane Meskel, wrote on Twitter Qaran News
  8. Baydhabo (Caasimada Online) – Sii-hayaha Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo goor dhow ayaa ku baaqay in la joojiyo Banaanbaxyadda ka socda Magaalada Baydhabo. Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa dhaliilay Shacabka Magaalada Baydhabo Banaanbaxyadda ka wadda ee kasoo horjeedda xiritaanka Sheekh Mukhtaar Roobow oo uu sheegay in ay yihiin kuwo yar. Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in ilaaliyo Ammaanka Magaalada Baydhabo, islamarkaana la joojiyo Banaanbaxyadda ka socda Magaalada Baydhabo oo uu sheegay in ay waddaan kuwo kasoo horjeedda Ammaanka. Banaanbaxyadda ka socda Baydhabo ayaa lagu toogtay Saakay Xildhibaan Cabdishakuur Ibraahim Yacquub. Wali xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemaya magalada Baydhabo waxaana qeyba ka mid ah magalada laga maqlaya rasaas Goos Goos ah. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Shirka-jaraid-ee-Gumooyaha-barlamaanka-KGS-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Byahdabo Caasimada@live.com
  9. Waddanka adduunka ugu muruqa weyn jeebkiisuna ugu gun dheer yahay waxaa hadda ka socda baaritaan laga doonayo in uu ka jawaabo in Madaxweynaha iyo kooxdiisu ay si sharci darro ah ku heleen kursiga iyo in kale. Qareenkii Madaxweynahana xabsiga ayaa loo taxaabay. Markaa ma qabo, marnabana kuma talinayo in Madaxweyne ama mas’uul kale uu isku dayo in uu ka sare maro sharciga dalka u yaalla. Aniga oo afeeftaas hor marsaday ayaan jecelahay in ra’yi shakhsi ah aan ka dhiibto mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaheenna. Waxaan inta badan maqlaa Siyaasiyiin xukuumad kasta oo ay ka maqan yihiin, muddada ay ka maqan yihiin, si ba’an u mucaarada sidii oo ay tahay middii ugu xumeyd ee abid na soo marta, haddii aan la ridinna uu dalku dib u noqon doono. Waxaa kuwaas u jawaaba qaar xukuumad kasta oo ay ka tirsan yihiin, muddada ay ku jiraan, afka ugu ekeysiiya middii la sugayay ee dalka ka saari lahayd dhibka. Labada dhinacba waxaan ku arkaa mas’uuliyiin aan qaarkood uga haya sababo ku xeeran oo ka yeersiinaya waxa ay ku hadlayaan. Uma gelayo waxa ku qoran mooshinka oo ma baarin, cid kale oo aan ku qanco oo baartayna ma arko. Sidoo kale uma gelayo sharciyadda ama la’aanteed uu ku saleysan yahay mooshinku. Uma gelayo qiimeynta waxqabadka Dowladda oo aan dhaliil la’ayn laakiin tallaaboyin horumar ah oo la taaban karo ku tallaabsatay. Umana gelayo in hanjabaadda la meelmar karo iyo in kale. Waxaan rabaa hal dhinac oo yara xasaasi iigu muuqda in aan iftiimiyo si talada loogu darsado. Xilalka siyaasadda ee dalka marka laga reebo Aqalka Sare, waxaa lagu qeybsaday hab qabiil ayada oo Soomaalida loo kala saarayo shan qabiil. Shanta qabiil midkiis aad ayaa loo duudsiyay oo xataa lama qeyb aha afarta kale. Taas waxaa lagu saleyay mala’awaal ah in ay inta kale mid mid uga tiro yar yihiin. Caddaalad darrada koowaad uguna weyni, malahayga, waa middaas. Dhanka kale afarta qabiil waxaa jira xeer aan u qorneyn ase ay ku dhaqmaan. Inkasta oo aan hibo iyo xataa qabiil la isu siin, laga soo billaabo maalintii aan xornimada qaadannay, laba qabiil oo keliya ayaa Madaxweyne ka noqday dalka. Marka ay doorasho joogto iyo xataa halkii mar ee ay afgembi militeri ahayd waxaa shabaqa u dhigtay siyaasiyiin labadaa reer ah. Tan militerigu inkasta oo ay hal mar ahayd, haddana waa ay daba dheeraatay oo waa middii ugu wakhtiga dheereyd. Labadaas qabiil oo siman ayaad haddana mooddaa in ay sii kala mudan yihiin. Labada qabiil midkood, Madaxweyne kasta oo la doortay waxaa uu fursad u helay in marka uu xilligiisu dhammaado sidii ballanku ahaa uu kursiga dib ugu tartamo, marka uu waayana uu xilka si nabad ah ku wareejiyo. Madaxweynayaasha ka soo baxay qabiilka kale, midkoodna weligii fursad looma siin in uu xilligiisa dhammaysto, oo uu doorasho galo, xilkana nabad ku wareejiyo maaddaama aan Soomaaliya weli mas’uul Madaxweyne soo noqday aan mar labaad la dooran. Waxa keliya oo taa weydaaran waa Madaxweynihii Militeriga ahaa oo wakhtigiisu aad u dheeraaday aakhirkiina dagaallo jabhadeed oo lagu hoobtay iyo kacdoon shacab oo is kaashaday ay meesha ka saareen. Maanta oo Madaxweynaha xilka haya muddadii loo doortay aanay kala bar gaarin ilama qummana isku dayga ah in Madaxweynaha maanta lagu daro liiska Madaxweynayaasha aan rabitaankooda uga tegin xafiiska. Dooddeydu ma ahan in ay dhan walba ka eegtay dacwadda oo ay soo gunaanadday, ama ay tahay fikirka keliya ee laga qabi karo. Ma aha wax qurxoon oo dood lagu saleeyo, laakiin xaqiiqada aan qorneyn ee siyaasadda Soomaaliya ee 2018 ayaa sidan qoreysa. Waanan ogahaya aragti dooddeyda lid ku ah in la keeni karo, oo sannadkan nuskiisii hore nin aan arrinkaan ka sheekeysannay wuxuu igu yiri, ‘kala daa waa Madaxweyne iyo waa loo turayaa’. Laakiin muhiim ayay iila muuqataa in taariikhdan lagu darsado sawirka guud. Xagga sharciyaddana marka hore ayaan ka afeeftay sababta oo ah ma haysto awood aan uga daba tago eedeymaha duulaya ee weerarka iyo rogaal celiska ah guntoodu waxa ay tahay. Yuusuf Garaad Qaran News
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-14122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Maxaa Ka Run Ah Wixii La Sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Baydhabo (Sh.M.Network) – Warar dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa mudane ka tirsan Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed lagu dilay magaalada Baydhabo ee xarun goboleedka Bay. Xilldhibaanka oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Yacquub Ibraahim, kaasi oo ahaa Gudoomiyaha Guddiga Amniga Gollaha Wakiilada maamulkaan ayaa ku geeryooday Is-rasaasayn ka dhacday meel ku dhow hoygiisa. Xaaladda magaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana lasoo sheegayaan inay socdaan dibad-baxyo waawayn oo looga soo horjeeda xariga Mukhtaar Roobow, kaas oo ku jira gacanta dowladda. Ma jiro wax war ah oo madaxda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ay kasoo saareen dilka Sharci-dejiyaha oo aanan la ogayn cidda ka dambeysay, kaasi oo imaanaya xili xaaladda cakiran ay ka jiro caasimada KMG maamulkaan. Wixii warar ah ee kusoo kordha, kula soco wararkeena dambe The post Fahfaahino laga helayo Xilldhibaan lagu dilay Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Baydhabo (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Koofur Galbeed ahna ku simaha madaxweynaha Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay rabshadaha ka taagan magaalada. Guddoomiye Maye, ayaa ku baaqay in si dhaqso ah loo joojiyo Banaanbaxyada ka socdo magaalada Baydhabo oo sababay dhimashada xubno ka mid ahaa maamulka Koofur Galbeed iyo dad shacab ah. Wuxuu tilmaamay inuu dhaliilsan yahay dad yar oo uu sheegay inay dhibaato ka wadaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo ka careysan xariga loo geystay Mukhtaar Roobow Mansuur. Dadka wada banaanbaxyada ayuu sheegay inay kasoo horjeedaan amaanka magaalada Baydhabo, wuxuuna muhiim ku tilmaamay in la wada ilaaliyo amaanka magaalada islamarkaana banaanbaxyada la joojiyo. Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa wali kacsan, waxaana banaanbaxyadii saaka ku dhintay xildhibaan C/Shakuur Ibraahim Yacquub oo ahaa guddoomiyihii guddiga amniga baarlamaanka. Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha baarlamaanka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Shirka-jaraid-ee-Gumooyaha-barlamaanka-KGS.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xubnaha Guddiga qaban-qaabadda doorashadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay inay is-casileen. War qoraal ah oo ay soo saareen, taasi oo uu ku saxiixnaa Gudoomiyaha Guddiga Shaacir Cumar Bayle ayay ku fahfaahiyeen sababta. Guddiga ayaa sababta is-casilaadooda waxay ku tilmaameen inay salka ku hayso xariga ay dowladdu ugeysatay Mukhtaar Roobow Cali iyo faragelin iyo hadaad ay tibaaxeen inay kala kulmeen dowladda dhexe. Hoos ka akhriso qoraalka The post DEG DEG: Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo is-casilay appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilka magaalada Baydhabo loogu geystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Koofur Galbeed islamarkaana ahaa guddoomiyihii guddiga amniga Koofur Galbeed. Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya cidda rasmi ahaan kaga dambeysay dilka xildhibaanka oo lagu magacaabayay C/Shakuur Yacquub Ibraahim oo ahaa guddoomiya Amniga ee Baarlamaanka Koofur Galbeed. Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu kamid ahaa xubno u istaagay saaka sidii xiisadda loo qaboojin lahaa, balse rasaas kaga dhacday oogada sare ee jirkiisa ayuu u dhintay, sida goobjoogayaal ay xaqiijiyeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaanka ay toogteen ciidamada booliska Koofur Galbeed ee ka hortagayay rabshadaha ka socdo magaalada, halka wararka kale ay sheegayaan in ciidamada ilaalada u ahaa Mukhtaar Roobow ay toogteen. Dilka Xildhibaanka, ayaa ka dhacay Nawaaxiga Saldhiga Boooliska baydhabo, kaasoo ku dhow Madaxtooyada Koofur Galbeed, waana ta keentay shakiga ugu badan ee ah in ciidamada booliska ay toogteen. Xaalada magaalada ayaa wali kacsan, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas ka dhaceysa xaafadda Horseed iyo agagaarka Garaash ku dhow guriga uu deganaa Mukhtaar Roobow. Ma jiro wax war ah oo wali dowladda Soomaaliya ay kasoo saartay qalalaasaha kasoo kordhay magaalada Baydhabo oo galay maalintii Labaad. Haddii Xasaradahan ay sii socdaan waxaa halis ku jirta doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed oo shan maalin kadib la filaayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo sida guddiga doorashada ay sheegeen. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  15. Federal Republic of Somalia Federal Ministry of Internal Security Office of the Minister REF: WAG/XW/632/18 Date: 13th December 2018 The Federal Ministry of Internal Security refers to its previously released press statements issued on October 4th 2018 and December 12 2018, which had asserted that the citizen, Mukhtar Robow (Abu Mansur) was yet to meet requirements of agreements with the government in order to remove all the restrictions on him. The requirements included: • That Mukhtar Robow abandons his extremist beliefs, explicitly and unambiguously denounces the extremist ideology, and expresses support for the Federal government • That he should not engage in any activity that can harm the governance system and undermine the Federal Government and the Federal Member States. Executing its constitutional duties, the Security Ministry has undertaken enermous efforts to convince Robow to reconsider his actions that acted as violations against all the arrangements reached with him with regards to stability, rule of law and the governance system. Regrettably, Robow started to smuggle arms and fighters into Baidoa and assembled militias with the intent to undermine and threaten the national security, especially stability in Baidoa. That has attested that Mukhtar Robow has never renounced his extremist ideology and is willing to terrorize the Somali people once again. Consequently, the Security Ministry, which earlier issued warnings against Robow’s criminal engagements, has today, December 13, 2018, detained citizen, Mukhtar Robow. End
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Xiisadda ayaa ka dhalatay markii ay dowladdu soo xirtay Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], kaasi oo lagu eedeeyay inuu jabiyay qodobo uu kula heshiiyay xukuumadda markii uu isku soo dhiibay sanadkii hore. Gudoomiye Mursal oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka digay inay sii socoto shaqaaqadda oo khasaaro naf iyo maal geysatay. “Waxaan ka digeynaa inuu sii socdaan dagaaladda….Dadka aad ayay utabar-daran yihiin, waxaana haystay dagaalo iyo go’doon..Marka waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo wixii sii socon lahaa,” ayuu hadalkiisa udhigay. Sikastaba, wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ahna xarun goboledka Bay, ayaa sheegaya in xaaladda ay haatan tahay mid degan. Hoos ka dhegeyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cod.mp3 The post Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo ka digay xiisada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Guddoomiyihii guddiga barlamaanka koonfur galbeed, Xildhibaan Abdishakuur Yacquub, ayaa lagu dilay Baydhabo, waxaana uu ku dhintay israsaasayn goor dhowayd Baydhabo ka dhacday. Xildhibaanka ayay isko [...] Source
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Cabdullaahi Maxamed Aadan, oo kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Mooshinka ay Xilldhibaanada Gollaha Shacabka ka gudbiyeen Madaxwaynaha dalka. Aadan oo wareysi siiyay idaacadda Shabelle ayaa ku baaqay in xal laga gaaro Hindisa xilka qaadista Madaxwayne Farmaajo, kaasi oo uu carabka ku adkeeyay inuu yimid waqti aanan munaasab ahayn. Gudoomiyaha Aqalka Hoose ayuu ku tartarsiiyay in looga baahan yahay inuu ka laabto Mooshinka uu qabtay, kaasi oo uu ku nuux-nuux saday in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay walaac xoogan ka muujinayaan. 9-kii bishaan ayay ahayd markii Mudanayaal ka tirsan Gollaha Shacabka ay tibaaxeen inay gudbiyeen Mooshinkaasi, kaasi oo xiisad siyaasadeed iyo kala qayb-sanaan Gudoonka dhexdiisa ah abuurtay. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Tak.mp3 The post Qurbajoogta oo ku baaqday xalinta Mooshinka Madaxwaynaha appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inay sii xoogeysteen rabshadaha ka socdo magaalada Baydhabo ee bilowday gelinkii dambe ee shalay. Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka koofur Galbeed uu ku geeriyooday rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo, sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen. Xildhibaanka oo lagu magacaabo Cabdishakuur Buule oo ka mid ahaa Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa toogasho lagu dilay intii ay socdeen Banaanbaxyadda ka dhanka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya. Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa Maanta ah mid kacsan, waxaana jirin cid ilaa iyo hadda isku dayeysa inay xal ka gaarto xaalada cakiran iyo rabshadaha ka socda Magalada Baydhabo. Ciidamada booliska ee magaalada Baydhabo ku sugan ayaa heegan buuxa ku jira, iyadoo ay doonayaan inay ka hor tagaan waxyeelo kale oo ka dhalata xiisada ka taagan magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  20. Waxaa saaka magaalada Baydhabo lagu dilay xildhibaan Cabdishakuur Buulle, oo ahaa guddoomiyaha guddiga amniga ee baarlamaanka koonfur galbeed ee Soomaaliya. Amni ahaan, waxaa Baydhabo lagu daadiyey ciidamo booliis ah oo la doonayey iney furaan jidadka laakin waxaa ka hor istaagay ciidamo taageersan Mukhtaar Roobow. Dhinaca kale, weriyaha Goobjoog News ee Baydhabo waxaa uu soo sheegayaa in dibad-baxyo socdaan kuwaas ilaa shalay socday. Qalalaasaha Baydhabo aya imaanaya kadib markii Khamiistii ay dowladda federeaalka ah soo xirtay murashaxii madaxtinnimada koonfur galbeed Mukhtaar Abuu Mansuur Roobow. Mansuur hadda waxaa uu ku xiranyahay Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Garbahaarey (Sh.M.Network) – Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay xarig dhowaan loo geystay Gudoomiyihii degmada Ceel-waaq iyo sarkaal ka tirsan degmadaasi. Cusmaan Nuur Xaaji, Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay xariga masuuliyiintaas oo ay xabsiga dhigeen ciidamada Kenya, madaxda dowlad goboleedka Jubbaland. Xaaji oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Shabelle ayaa hoosta ka xariiqay in Gudoomiyaha Ceel-waaq iyo sarkaalka lagu haysto dibad-bax dhowaan halkaasi ka dhacay oo looga soo horjeeday maamulka Axmed Madoobe. Hoos ka dhageyso warka oo codka ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Mahad.mp3 The post Maamulka G/Gedo oo fahfaahiyay masuuliyiin la xiray appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Ciidamada booliska Somaliland ayaa waxaa ay xalay xabsiga u taxaabeen weriyihii Goobjoog Media Group ee magaalada Burco Xasan Xandulle. Xasan ayaa maalin ka hor intii aan la xidhin waxaa uu xafiiskeenna Hargeisa u sheegay in la raadinayo laguna haysto war aanu baahin hase ahaatee uu bartiisa Facebook ku sheegay in uu baahin doono. ilaa hadda kama hadlin hey’adda booliiska ama guud ahaan Somaliland sababta loo xiray iyo haddii ay tahay qoraal bartiisa Facebooga ah. Warbaahinta Goobjoog waxaa ay ka wal-walsantahay nolosha iyo xaaladda weriye Xasan, iyada oo xarigaas u aragto caburin xuriyadda hadalka ah, dalbaneysana in si degdeg loo sii daayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Baydhab (Caasimada Online)-Rabshado iyo banaanbaxyo ayaa dib kaga bilowday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo shalay ay banaanbaxyo waaweyn ay ka dhaceen. Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa gubaya lugaha “Taayarada” baabuurta, waxaana ay dhagxaan la dhacayaan goobaha ganacsi ee furan ee ku yaala magaalada Baydhabo, sida uu ku waramayo Warimaha Caasimadda Online ee Baydhabo. Xaaladda wali wey kacsan tahay, waxaana sidoo kale la arkayaa dadka oo ku banaanbaxaya gurigii uu deganaa Sheikh Mukhtaar Roobow ilaa madaxtooyada Koofur Galbeed. Wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas laga maqlayo xaafadaha magaalada Baydahbo, waxaana ridaya ciidamada amaanka oo la sheegay inay doonayan inay banaanbaxyada ka hor tagaan. Leyrarkii ku shaqeynayay cad cadeeda ayay dhulka dhigeen qaar kamid ah dadka banaanbaxyada dhigaya oo careysan, waxaana jirin saaka wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo magaalada ka taagan. Waxaa laga baqayaa inay xaaladda is badasho, haddii aan wax laga qaban, maadaama dadka careysan ay taageersan yihiin Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Sh.M.Network) –Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa xalay Muqdisho ugu sameeyay dhigiisa Eritrea kulan casho ah. Isaias Afwerki, madaxwaynaha dalka Eritrea, ayaa Khamiistii wuxuu yimid magaalada caasimada ah, isaga oo ay wehliyaan wafuud heer sarre ah. Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qaybgalay kulankani casho sharafta ahaa. Qaar kamid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalo madaxda wadanka ayaa munaasabadda ka qaaday Heeso ka turjumaya nabada. Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxwaynaha Eritrea safar uu ku yimaado Muqdisho xili uu socdaalkiisa qayb ka yahay is-dhexgal siyaasada Geeska Afrika ka curtay. The post MD Farmaajo oo Casho sharaf u sameeyay dhigiisa Eritrea appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Mucaaradsan dowladda Soomaliya islamarkaana gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka walaacsan safarka madaxweynaha Eritrea uu ku joogo magaalada Muqdisho. War saxaafadeed ay soo saareen xildhibaanadan ayna warbaahinta u aqriyeen xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaano kale ayaa waxay si cad ugu sheegeen inaysan taageersaneeyn safarka Madaxweynaha Eritrea ee Muqdisho. Waxay sheegeen in safarkiisa uu ku yimid Muqdisho, iyada oo uu Mooshin ka yaala madaxweyne Farmaajo inay ka dhigan tahay siyaasadda guracan ee ay heshiiska ku yihiin, sida ay hadalka u dhigeen. Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay inay ka warhayaan madaxweynaha Eritrea inuusan aheyn ruux dalkiisa ka ogol dastuurka iyo Dimuqraadiyadda, sidaasi daraadeedna ay walaac ka muujinayaan safarkiisa. Waxay ugu dambeyn qoraalkooda ku sheegeen in saraakiil Eritrean ah uu keenay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo hogaamin doono ciidamo ka socda dalkaasi oo Muqdisho imaanaya. Dowladda Soomaaliya wali ma aysan shaacin wax heshiis rasmi ah oo ay la gashay dowladaha Ethiopia iyo Eritrea marka laga yimaado isfahamka dhex marayay seddexda dowladood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com