-
Content Count
207,106 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolás Maduro ayaa ku eedeeyay dhigiisa Mareykanka inay qorsheynayso inay isaga dilaan si xukuumaddiisa meesha looga saaro. Wuxuu weriyeyaasha u sheegay in la taliyaha arrimaha ammaanka dowladda Mareykanka, John Bolton uu isagu qorsheynayay dilkiisa balse ma uusan sheegin wax caddeyn ah oo arrintaasi ku saleysan. “John Bolton ayaa loo xil saaray qorshaha la iigu dilo rabo, ciidammo shisheeye ayay dalka keeneen” ayuu yiri Maduro. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Nicholas Maduro uu yahay kaligii talis, wuxuuna ku soo rogay cunaqabatayn. Toddobaadkan Mareykanka ayaa dhaleeceeyay booqasho ay ku tageen dalka Venezuela khaburo Ruush ah oo dhanka bambaanooyinka qaabilsan Source
-
Doxa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa diginin culus u diray xubnaha mucaaradka ku ah dowladda madaxweyne Farmaajo, isaga oo sheegay inaan lagu cabsi gelin karin “xukunka ayaan idinka rideynaa” Khudbad uu Ra’iisul Wasaare Kheyre u jeediyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Doxa, ayuu xubnaha mucaaradka ugu yeeray qab-qableyaal doonaya inay hanjabaad wax ku helaan. “Inta aan annaga joogno xukunka, waxaan idin balan qaadayaa in aanan aqbali doonin in nala cabsiiyo, in aan aqbali doonin in dariiqa saxda ah nagala leexiyo, in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hadaladiisa laga dareemay carro. Hoos ka daawo Kheyre
-
The Federal Republic of Somalia and State of Eritrea have agreed to strengthen diplomatic, trade and investment cooperation between the two states. President Abdullahi Farmajo and his counterpart Esias Afwerki have affirmed the two countries committed to the Horn of Africa cooperation during joint press statement in Mogadishu on Friday. “The two leaders held bilateral discussions at Villa Somalia and agreed to strengthen the two nations historical relations through further cooperation in all areas of mutual benefit including trade, investment and people to people relations.” the statement read in part. The Eritrean President showed his government’s full support for the rebuilding of Somali armed forces saying Asmara is aware the need for a comprehensive and coordinated approach to tackling the modern day risk of terrorism. “President Isaias welcomes and supports the Somali government’s endeavor in establishing Somali led security institutions that can provide the peace and security that the people of Somalia deserve, ” the statement reads further. The post Eritrean president wraps up his visit to Somalia after talks with Farmajo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhaba Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa wali Caawa ka jirta Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed oo maanta Xaafaddo ka mid ah ay soo galeen ciidanka dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Ciidanka Booliska Baydhabo ayaa ku guuldareystay in ay joojiyaan Banaanbaxyadda, waxaana maanta Magaalada lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Dadkii Banaanbaxyadda waday ayaa la sheegay in ay dib ugu laabteen guryahooda,maadaama ay tahay xilli habeen ah, waxaana Xaafaddaha qaar laga maqlaya rasaas goos goos ah oo ay ridaayaan Ciidanka Booliska iyo Koox hubeysan oo taageersan Sheekh Mukhtaar Roobow. Dhammaan wadooyinka Magaalada Baydhabo ayaa xiran, meelaha qaar Korontada ayaa ka maqan, waxaana Magaalada ka taagan Jawi Cabsi ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Somalia, ayaa looga hadlay rabshadaha maalintii labaad ka socda Magalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo xarun u ah maamulka Koonfur-galbeed. Rabshadaha Baydhabo oo uu ku dhintay maanta xildhibaan Baarlamaanka Koonfur-galbeed ka tirsan ayaa ka dhashay qabashada Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharraxiinta madaxweynaha Koonfur-galbeed, kaasoo hadda lagu hayo xabsi ku yaalla Muqdisho. Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Somalia ayaa shacabka u nool Magalada Baydhabo loogu baaqay inay ilaaliyaan xasilloonida iyo weliba deggenaashaha xarunta maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya. Sidoo kale, Shacabka ayaa laga dalbaday inay la shaqeeyaan ku-simaha Madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo laamaha ammaanka ee Koonfur-galbeed si amniga loo xaqiijiyo. Ugu dambeyn, Gallinkii dambe ee maanta ayaa waxaa gudaha Baydhabo galay ciidammo ka tirsan kuwa Itoobiya, waxaana la sheegay in xaaladda magalada ay tahay mid ka wanaagsan sidii ay maanta gellinkii hore ahayd. AKHRISO: War-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Amniga DF; PUNTLAND POST The post Wasaaradda Amaanka DFS oo Warbixin kasoo Saartay Rabshadaha ka Socda Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki oo kulamo wadatashi ah ku yeeshay Villa Somalia ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal. Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga ku aaddan arrimaha ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Ereteriya, Isaias Afwerki booqashadan taariikhiga ah ee uu ku yimid Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee uu u ajiibay martiqaadkii rasmiga ahaa ee uu u fidiyey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in booqashadan ay ka tarjumayso dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xaqiijinta iskaashi heer gobol ah oo lagaga gudbayo dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagixisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee uu wajahayo Gobolka Geeska Afrika. Dhankiisa, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah. Madaxweyne Isaias ayaa bogaadiyey, soona dhaweyey dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguna tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan. Ugu dambeyn, Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyey in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Efwerki oo soo Gaba-gabeeyay Wada-hadalladii uga socday Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal kasoo saartay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed oo shalay iyo maanta magaalada Baydhabo ay ka dhaceen rabshado dad badan ay ku dhinteen. Rabshadahan ayaa waxaa sababay carro ka dhalatay xariga dowladda Soomaaliya ay shalay magaalada uga soo kaxeysatay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo hadda ku xiran magaalada Muqdisho. Wasaaradda amniga gudaha ayaa sheegtay inay ugu baaqeyso dhamaan Shacabka Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed ilaalinta xasilloonida iyo Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed. Hoos ka aqriso qoraalka.
-
Maamulada Puntland iyo Galmudug (heer Gobol iyo Degmo) ayaa abaabulay kulan loogu talagalay qaybaha kala duwan ee bulshada ee labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo. Kulankan waxaa taageeray hay’adda HD – waxaana ujeedadu ahayd in la xoojiyo doorka hoggaamineed ee labada maamul ku leeyihiin geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta. Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Xasan Maxamed Abgaalow ayaa tilmaamay baahida loo qabo in la xoojiyo nabadda iyo xasiloonida Galkacyo. Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay hay’adda HD taageerada joogtadaa iyo wada shaqaynta. Guddoomiye Ku-xigeen Gobolka iyo Duqa Degmada ee Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in wadashaqayn xoogan ka dhaxayso maamulada Galmudug iyo Puntland, waxayna balan qaadeen inay sii adkeynayaan ka shaqeynta nabadda. Suldaan Cabdinaasir Seed, oo ah Guddoomiyaha Golaha Nabadda ayaa shirkii soo xiray, wuxuuna ku dhawaaqay inay qaban doonaan kulan dadweynaha loogu akhrinayo Xeerka Nabadda. ————————————————————– Puntland and Galmudug administrations (Governor & Mayors) organized a town hall meeting for diverse community sectors of both sides of the town. The meeting was supported by the Centre foR Humanitarian Dialogue – HD and the aim was to emphasise the leadership role of the two administrations on the peace-building and reconciliation processes. Puntland Governor of Mudug region, Mr. Hassan Mohamed Abgaalow highlighted the need to strengthen the prevailing peace and stability in Galkayo. He also thanked HD for its generous support to hold the joint townhall meeting. Deputy Governor and Mayor of Galmudug have also stated there is a solid relationship between Galmudug and Puntland State governments, and promised to continue working together. Suldaan Abdinasir Seed, the Chair for the Joint Peace Committee, adjourned the meeting announcing there will also be an event to validate the traditional Xeer/law. The post Kulan Nabadeed ay si wadajir ah u qabteen Puntland iyo Galmudug oo ka dhacay Galkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Badbaadinta Qaranka ee ay ku jiraan qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaalida ayaa soo saaray qoraaal xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee ka jirta magaalada Baydhabo, kaasi oo ay heshay Caasimada Online Xildhibaanada ayaa qoraalkan, oo loo diray Midowga Afrika, QM, Mareykanka, UK iyo beesha caalamka, ku dhaliilay doorka ay AMISOM ka qaadatay falkii lagu soo xiray Mukhtaar Roobow maalintii shalay, oo ay ku tilmaameen wax aan la aqbali karin. Waxaa sidoo kale ay cambaareeyeen safiirka Midowga Afrika iyo madaxa howlgallada AMISOM, Franseco Madeira oo ay sheegeen inuu ahaa shaqsigii bixiyey amarka lagu xiray Roobow. Xildhibaanada ayaa si weyn u cambaareeyay Taliska AMISOM, waxayna sheegeen in ay ka baxeen dhexdhexaadnimadooda, si ula kac ahna u jabiyeen heshiiskii ay wada saxiixdeen dawladda Soomaaliya iyo Heshiiska Howlgalka Hawlgalka (SOMA). Qodobka 8-aad ee heshiiskaan wuxuu uu qeexayaa; “AMISOM iyo xubnihiisu waa inay ka fogaadaan ficil kasta ama waxqabad kasta oo aan u dhigmin mid dhexdhexaad ah. AMISOM iyo wadamada xubnuhu ka ciidanka nabad ilaalinta waa inay ixtiraamaan sharciyada iyo xeerarka dowladda iyo dalka Soomaaliya” Hoos ka aqriso qoraalka
-
Somaliland: Wadahadalka Somaliland Iyo Soomaaliya Waxaa beryahan dambe socday dhaqdhaqaayo faro badan oo asxaabta caalamigu ku raadinayaan sidii Somaliland iyo xukuumad day laga dhisay Muqdisho, in la is horkeeno, si uu wadahadal u dhexmaro. Marka ugu horeysa, Waxaa wadahadli kara laba dawladeed oo shacabkooda soo doorteen. Markaa Madaxweyne Muuse Biixi waa la soo doortay, ée yaa doortay Farmaajo? Mida labaad, maxaa lagala hadlaa siyaasiyiinta maanta Xamar ka taliya, waa kuwii la iska xorreeyey oo aan biyo is marin. Waa dad aad cidna waxba u ogaleyn, oo aad moodid in xaq loo siiyey xukunka dadka. Ma dadka is hortaagay horumarka dhaqaalaha dadka iyo dalka Somaliland baa lala xaajoonkaraa? Horumarinta dekedda Berbera waxay keeni doonta shaqo abuur dheef u keenaya dhamaan dadka deggan Geeska Afrika. Lakiin, waad ogeydeen wixii ka yeedhayey siyaasiintaa Xamar fadhiyey. Dadbaa yidhaahdo, ha la kala saaro siyaasada iyo xidhiidhka caadiga ah. Saxiibayaal, Somaliland wixii quseeya waa siyaasad. Wixii shalay kugu dhacay haddaanad cashar ka qaadan, berrina kugu dhac, saa’dambe kugu dhac,.. Hadaba maxaa talo ah? Waa mid aan la dafiri karin, Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dal oo daris ah. Waxaa weligood ka dhaxeyn doona xidhiidh ganacsi, bulsho iyo dhaqan, lakiin, xidhiidh siyaasideed ma dhici karo, mana dhici doono. Shaqsiga caashaqsan Xamar, ee is leh waxbaa ku yaal ama waa lagu doonayaa, waxaan leeyahay, orod oo iska xaadiri, markaad ka soo carartid baynu is wareysan. Kumaanku baa tagay oo ku soo hungoobay, qaarna, Eebe ha u naxariistee, may soo noqon. Somaliland iyo Soomaaliya waxay ka wada hadli karaan xidhiidhkooda mustaqbalka ee quseeya ganacsiga, bulshada iyo dhaqanka, lakiin dhanka siyaasada, waxba iskuma keen hadhin. Allaa Mahad Leh Axmed Kheyre Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa dalbaday in la sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo shalay dowladda Soomaaliya ay kasoo xirtay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda ee maamulka Koonfur Galbeed. Odayaasha ayaa sheegay in banaanbaxyadda ka socda Magaalada Baydhabo ay sii socon doonaan tan iyo inta lasoo deynaayo Mukhtaar Roobow Cali. Waxa ay sidoo kale tilmaameen in doorasho aysan ka dhicin karin 19 Bishaan Magaalada Baydhabo, hadii ay ka dhacdana wixii dhibaato ah oo ka dhasha Mas’uuliyideeda in ay qaadeyso dowladda Soomaaliya. Odayaasha waxay ka digeen in doorasho jujuub ah oo ka dhacda Baydhaba wixii dhibaato ah ee ka yimaadda ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto dowladda Soomaaliya. Wali xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemaya magaalada Baydhabo waxaana qeyba ka mid ah magaalada laga maqlaya rasaas Goos Goos ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo, President of the Federal Republic of Somalia and President Isaias Afwerki, President of the State of Eritrea, held a two-day consultation meeting in Mogadishu, Somalia on December 13th-14th 2018. The two Presidents held bilateral discussions at Villa Somalia and they agreed to strengthen the two nations historical relations through further cooperation in all areas of mutual benefit including trade, investment and people to people relations. Both Presidents reaffirmed their commitment to enhance the momentum in the Horn of Africa Cooperation with a focus on regional partnership for common development, progress and prosperity. President Isaias welcomes and supports the Somali Government’s endeavor in establishing Somali-led security institutions that have the ability to provide the peace and security that the people of Somalia deserve. Fully aware of the need for comprehensive and coordinated approach to tackle the modern-day risks of terrorism and poverty, the two leaders agreed to continue to forge a strong partnership that benefits the two nations and the region. The two leaders emphasized that there are many common challenges ahead for which they will seek a common solution. Furthermore, they agreed to consolidate their mutual solidarity and support in addressing challenges that their nations face individually and collectively. The two leaders noted that effective regional cooperation is crucial for overcoming the common obstacles of insecurity, terrorism, poverty and environmental degradation facing the region. The two leaders recognize that peace and stability in Somalia is in the interest of the Somali people and the region as whole. Any attempt to derail the on-going momentum in the region will undoubtedly hamper the progress Somalia is making towards peace and reconciliation. The leaders are united to object the dissemination of any harmful, unsubstantiated and politically motivated misinformation and are calling all to positively contribute to the peace and stability in Somalia.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki oo kulamo wadatashi ah ku yeeshay Villa Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal. Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga ku aaddan arrimaha ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki booqashadan taariikhiga ah ee uu ku yimid Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee uu u ajiibay martiqaadkii rasmiga ahaa ee uu u fidiyey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in booqashadan ay ka tarjumayso dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xaqiijinta iskaashi heer gobol ah oo lagaga gudbayo dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagixisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee uu wajahayo Gobolka Geeska Afrika. Dhankiisa, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah. Madaxweyne Isaias ayaa bogaadiyey, soona dhaweyey dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguna tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan. Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyey in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa warbaahinta u akhriyay war-murtiyeedkaa wadajirka ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Ereteriya. Hoos ka dhageyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Nuur.mp3 The post War-murtiyeed kasoo baxay kulankii MD Farmaajo iyo dhigiisa Eritrea appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki, waxay kulamo wadatashi oo labo maalmood socday (13-kii ilaa 14-kii bisha Diseembar, 2018) ku yeesheen magaalada Muqdisho, Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay wadahadallo ku yeesheen Villa Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyada oo si dhaw la isaga kaashanayo dhammaan dhinacyada danta u ah labada dal sida ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab. Madaxweyneyaashu waxay ka dhawaajiyeen sida ay uga go’an tahay in la dardargeliyo iskaashiga Geeska Afrika iyada oo xoogga la saarayo iskaashiga heer gobol ee dhinacyada horumarka, horusocodka iyo barwaaqada. Madaxweyne Isaias waxa uu bogaadinayaa, soona dhaweynayaa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguma tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan. Iyaga oo si buuxda u garawsan baahida loo qabo in la helo hannaan lagula tacaalo halista casriga ah ee argagaxisada iyo saboolnimada. Labada Madaxweyne waxay ku heshiiyeen in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka. Labada Madaxweyne waxay isla qireen inay jiraan caqabado badan oo ay tahay inay si wadajir ah xal ugu raadiyaan. Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in ay mideeyaan taageeradooda iyo dadaalkooda wadajirka ah si loo xalliyo caqabadaha ay labada waddan si gaar ah iyo guudba u waajahayaan. Madaxdu waxay isla garteen in iskaashi heer gobol oo waxtar leh uu muhiim u yahay ka gudubka dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagaxisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee gobolku wajahayo. Labada Madaxweyne waxay garwaaqsan yihiin in nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed iyo gobolka guud ahaan. Isku day kasta oo lagu carqaladaynayo dardarta ka socota gobolka waxay shaki la’aan curyaaminaysaa horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhinaca nabadda iyo dib-u-heshiinta. Madaxdu waxay ka midaysan yihiin ka hortagga faafinta xog kasta oo halis ah, raad aan lahayn, siyaasadina dabada ka riixayso, waxayna dhammaan ugu baaqayaan in ay ka qayb-qaataan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.
-
Daahir Dabadii Meeshii aan dadaal xoogle iyo dahab ka eegaayey ayuun-baa sidii buul duqeed daaha loo rogay,Ninoow-na Doorashaa dhici ha u dabaal degin,mudadii ay Golahan Wakiiladu fadhiyeen Somaliya waxa is-bedelay Afar Gole Baarlamaan. Nidaamka ay Somaliland ku dhaqantaa,Ma Dimuqoraadiyad-baa mise waa Boqortooyo?,iyadoo ay mudadii Golahan Baarlamaanku fadhiyeen Somaliya oo aysan Xasilooni ka jirin ay is-bedeleen Afar Gole Baarlamaan. Aad iyo aad ayey u kala duwan tahay,Somaliland waxay ku faanto oo ah, inay dimuqoraadiyadi ka jirto iyo hab dhaqanka rasmiga ah,ee Somaliland ku dhaqanto oo dibadda ka ah,dimuqoraadiyada.tusaale-na waxa kugu filan baarlamaanka Somaliland ee hadda fadhiya,ee la doortay 28/09/2005-tii.ayaa hadda waxa loo sameynayaa mudo kordhintii 5-aad caalamka oo dhan iyo dhulka ay dawladuhu ka jiraan,haddii aynu eegno,dawladaasi ha ahaato mid aqoonsi haysata amma ha ahaato mid aan la aqoonsaneyn e’ lama helayo oo ma dhici karto in la arko,gole baarlamaan oo markii uu mudo xileedkisii dhameystay shan jeer (5)mudo kordhin loo sameeyo,doorashooyinku waa xuquuq aasaasi ah,caalamka oo dhan-oo qof kasta oo muwaadin ahi uu xaq u leeyahay,in la doorto ama uu cid kale doorto. Haddaba,masuuliyadda doorashadda waxa masuul ka ah,hadba Madaxweynaha xilka haya,marka la eego nidaamka (system)-ka ay ku dhaqmaan dalalka ay dimuqoraadiyadu ka jirto,wax kale iska daaye,xataa doorashooyinka marka wakhtigoodda la gaadho,ma joojiyaan ama hakiyaan hadii uu wadankaasi uu dagaal ku jiro,iyadoo la ilaalinayo xuquuqda dastuuriga ah,ee muwaadiniinta,tusaale ahaan 1964-kii waxa uu dagaal ba’ani xadka tog-wajaale ku dhex-marayey dawladii boqortooyadii guunka ahayd ee Itoobiya ee uu boqorka ka ahaa Boqor Xayle Salaase iyo Jamhuuriyaddii Somaliya ee xilligaasi ee uu Madaxweynaha ka ahaa Adan Cabdulle Cusmaan (Adan Cadde),Ra’iisal Wasaarahana uu ka ahaa C/rashiid Cali Sharma’arke,isla xilligaasi ay labada dawladood ku dagaalamayeen,xadka Tog-wajaale waxay ku beegneyd xilligii ay qabsoomi lahayd doorashadii baarlamaankii Somaliya ee 1964-kii waxana dhacday isla xilligaasi C/rashiid Cali Sharma’arke oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii Jamhuuriyadii Somaliya ay waraysi ka qaadey Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du,su’aalihii uu weriyuhu weydiiyey Ra’iisal Wasaarahana waxa ugu muhiimsaneynd Waxaad tihiin dawlad curdin ah,waxaana dagaal ba’ani uu xadka Tog-wajaale idinku dhex-marayaa Boqortooyo guun ah,waxana taagan xilligii doorashadda baarlamaankiina Somaliya,markaa sidee ayeydun doorasho baarlamaan u qaban kartaan dagaalka baaxadaa leh,waxaanu Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaliya C/rashiid Cali Sharma’arke uu weriyihii siiyey Jawaab kooban oo ahayd,“Dagaalku naga joojin maayo doorashadda baarlamaanka,oo waa xuquuq uu dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta Soomaaliyeed,labbadda gacmood ee uu ilahay na siiyey midigta qoriga ayaanu ku ridaynaa oo waanu ku dagaalamaynaa annagoo dalkayaga difaacana,bidixdana waanu ku codeynanaa oo warqada codbixinta ayaanu ku ridayna sanduuqa cod-bixinta”. Akhriste waxa hore loo yidhi nin wuu dhintaa,eraygii –se ma dhinto, jawaabta uu C/rashiid Cali Sharma’arke bixiyey 1964-kii waxay ahayd tii u fududeysay ama u sahashay in uu doorashadii Madaxweyne-nimo kaga adkaado ama kaga guulaysto Madaxweynihii xilka hayey ee Allaha u naxariistee Adan Cabdulle Cusmaan(Aden Cadde) 05/07/1967-kii,iyadoo uu qodobka kaliya ee ay xildhibaanadii baarlamaankii Somaliya ay ku doorteen Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharma’arke uu ahaa in uu ilaalinayo dastuurka iyo xuquuqda ay muwaadiniintu ay xaqqa u leeyihiin in ay wax dooran karaan lana dooran karo. Akhriste waxa laga yaaba inaad is-weydiiso waa kuwee afarta (4)gole baarlamaan ee Somaliya iska bedelay mudadii ay golahan baarlamaanka ee ay Somaliland fadhiyeen,taa jawaabteedu way fududahay,waxayna kala ahaayeen. 1: Baarlaamankii soo doortay Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed ee uu gudoomiyaha u ahaa Shariif Xasan Sheek Adan,mudo xileedkiisuna uu ku eeka dabayaaqadii October 2008-dii. 2: Baarlamaankii soo doortay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee uu gudoomiyaha u ahaa Sheekh Aadan Madoobe. 3: Baarlamaankii soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee uu gudoomiyaha u ahaa Maxamed Cusmaan (Jawaari) 4: Baarlamaanka Soo doortay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi (Farmaajo) ee hadda jooga,ee uu gudoomiyaha u yahay Maxamed Mursal. Haddaba,akhriste ogoow mudo kordhinta hadda loo wado baarlamaanka Somaliland oo ah mudo kordhintii shanaad(5-aad),in waxaasi oo mudo kordhin ahi ay dhaceen mudadii uu xisbiga KULMIYE taladda hayey,marka uu xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu ay ka hadlayaan arrimaha doorashadda baarlamaanka-na waxay umadda u sheegaan hadal lagu macneyn karo run ha sheegin,been ha sheegin,waxaad sheegtana ha waayin. Qallinklii:C/risaaq Suudi Nuur Tel:063-4425243 Email:suudi786@gmail.com Hargeysa/Somaliland Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada ay Gudaha u galeen Ciidan Itoobiyaan oo wadda gaadiidka dagaalka, kuwaasoo kasoo dhaqaaqay garoonka Magaalada Baydhabo. Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in ciidanka ay labo dhinac kasoo galeen Magaalada, xilli ay ka socdaan Banaanbaxyo looga horjeedo ciidanka Itoobiya oo shalay xarunta Madaxtooyadda kasoo qabtay Musharax Rooboow oo ka mid ahaa Musharaxiinta Koonfur Galbeed. Boqolaal Shacab ah ayaa ku sugan gudaha Magaalada, kuwaasoo wadda Banaanbaxyo, waxaana sidoo kale Xaafaddo ka mid ah Magaalada ku sugan Ciidamo taageersan Musharax Roobow oo hadda ku xiran Muqdisho. Ciidanka Booliska Baydhabo ayaa ku guuldareystay in ay joojiyaan Banaanbaxyadda , waxaana maanta Magaalada lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeniyay warqad been abuur ah oo baraha Bulshada la soo dhigay, taas oo lagu sheegay in xubnaha Guddiga iscasileen. Guddiga ayaa sheegay doorashada waqtigii loo qabtay inay ku dhaceyso oo ah 19-ka Bishaan, islamarkaana aysan jirin wax arrintaas iska beddelay. Guddiga doorashadda ayaa waxaa saaran Caddaadis xoogan oo ka imaanaya Shacabka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo waliba waxgaradka oo Codsanaya in doorashadda dib loo dhigo.
-
Baydhabo (Sh.M.Network) – Ku simaha Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa si kulul uga hadlay dibad-baxyada iyo xaaladda guud ee magaaladda Baydhabo. Maye, oo sidoo kale ah, Afhayeenka Baarlamaanka maamul goboleedkaan ayaa fariin culus u diray dad uu ku tilmaamay inay gedaal ka riixayaan qalalaasaha ka taagan xarun goboleedka Bay. Shacabka, oo uu carabka ku dhuftay in yihiin kuwa wanaaga jecel, ayuu cod dheer ugu sheegay in loo baahan yahay inay is-dejiyaan, wuxuuna ku baaqay in dhibaatooyinka jira xal waara laga gaaro. Hoos ka dhageyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Maye.mp3 The post Ku Simaha Madaxwaynaha KG oo ka hadlay xaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Afhayeenka Aqalka Sarre ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa u amabaabxay wadanka Turkiga. Gudoomiye Cabdi Xaashi oo ay wehliyaan Senator-o Gollaha ka tirsan ayaa waxaa ay ka qaybgali doonan shirka Baarlamaanadda caaalamka oo maalmaha soo socda ka qabsoomaya halkaasi. Wafdiga ayaa lagu wadaa in mudada inay ku sugan yihiin Turkiga in ay kulamo layeeshaan dhigooda dalkaasi. Kulamadda ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa lagu xoojin doonaa xiriirka udhaxeeya Baarlamaanadda labadda dowladood. The post Gudoomiyaha Aqalka Sare oo u ambabaxay Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Siyaasiyiintaan iyo Mudanayashaan hore oo ka qaybgalayay Barnaamijka Maxaa ka run ah wixii la sheegay ee idaacadda Shabelle ayaa ku kala aragti duwaanaday Mooshinka. Ugu horeyntii, waxay tilmaameen in Xilldhibaanadda ay xaq u leeyihiin inay Hindisa xilka qaadis ay ka gudbiyaan Madaxwaynaha. Balse, waxay carabka ku dhufteen in loo baahan in la marsiiyo habraaca saxda ah, xili ay tibaaxeen in Mooshinada ay kamid yihiin waxyaabaha dib udhaca ku keenay horumarka uu wadanka ku talaabsanayo. Hoos ka dhegeyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Mahd.mp3 The post Siyaasiyiin iyo Xilldhibaano horey oo ka hadlay Mooshinka MD Farmaajo appeared first on Shabelle. View the full article