Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,106
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ergayga gaarka ah ee ururka midowga afrika ee arrimaha Somalia, Ambassador Francesco Madeira ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay in AMISOM aaney shaqo ku laheyn soo qabashada Mukhtaar Roobow iyo keenistiisa magaalada Muqdisho. Ambassador Francesco Madeira waxaa uu sheegay in AMISOM ay xushmeyneyso qarannimada Soomaaliya iyada oo mar kale ku celisay inay masaafo isku mid ah u jirto kooxaha iska soo horjeeda sida uu dhigayo Mandate-ka ay Soomaaliya ku joogto. “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada iney aad isu xadidaan xalinta khilaafka ka taagan dalka iyo doorashada koonfur galbeed. AMISOM waxaa ay sii wadeysaa shaqadeeda, iyada oo si dhow ula shaqeyneysa dadka iyo dowladda, xushmeyneysana sharciyada, dhaqanka” sidaasi waxaa yiri Ambassador Francesco Madeira Ugu dambeyntii, waxaa uu ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Baydhabo, isaga dhaawaca u rajeeyey caafimaad degdeg ah. December 13, 2018, ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Baydhabo ayaa xiray murshaxii koonfur galbeed Mukhtaar Roobow, waxaana magaalada ka socda qalalaasao. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa war Saxaafadeed ka soo saartay xaaladda amniga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Warka ka soo baxay Wasaaradda amniga gudaha ayaa loogu baaqay Dhammaan shacabka K/ Galbeed in ay ka shaqeeyaan xasiloonida amniga ee magaaladaasi. Tan iyo markii Khamiistii la soo dhaafay laga soo xiray Baydhabo Sheekh Mukhtaar Roobow waxaa magaaladaasi ka taagnaa rabshado ka dhashay xariga Musharraxaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-XFS Oo war ka soo saartay Amniga Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa maalintii seddexaad banaanbaxy rabshado wata ay ka socdaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, banaanbaxyaasha ayaa kasoo horjeeda xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Waxay dadka banaanbaxa dhigaya gubeen taayaro badan, iyadoo magaalada ay roqotay Uuro madow, Dhagxaan badan iyo nadaafad daro, sida ka muuqata muuqaalada magaalada Baydhabo. Abaabulka dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa wada dhalinyaro kasoo horjeeda qaabka loola dhaqmay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana ay sheegeen inay sii wadi doonaan banaanbaxyada inta laga sii deynayo Abuu Mansuur. Boorar ay ku xardhan yihiin sawirada Roobow oo lagu dul qoray “xoriyad siiya Mukhtaar” ayaa lagu dhajiyay waddooyinka waaweyn ee magaalada Baydhabo, waxaana la ogeyn sida xaalka isku badali doono. Maalintii seddexaad magaalada Baydhabo waxay ku jirtaa marxalad ka duwan siday aheyd Todobaadkii hore, ilaa iyo haddana ma muuqato xal lagu qancin karo dadka banaanbaxyada dhigaya. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed ayaa baaq Afka aan dhaafsiisneyn kasoo saaray xaalada Baydhabo, iyaga oo dalbaday in dadka ay dajiyaan xaalada magaalada Baydhabo. La soco daqiiqad walbaa waxii kasoo kordhaa Xaalada Baydhabo Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  4. Muqdisho ( Sh. M. Network )-La taliyaha sare ee gudoomiyaha Golaha Shacabka C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa laga dhigay hubkii ay wateen ilaaladiisa iyo Gaari Babdi Bile ahaa oo isaga lagu ilaalin jiray. Jaamac ayaa soo noqday taliye ku xigeenkii hay’adda NISA, balse khilaaf iyo isku dhac kadib xilkaasi laga qaaday, iyadoona guddoomiye Mursal uu u magacaabay Lataliye sare oo ka tirsan xafiiskiisa. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo Khamiistii la soo dhaafay ayaa Ciidankiisa looga yeeray xarunta xisbiga Wadajir oo talis Ciidan, halkaasi oo loo sheegay in lagu siin doono Mushaar, balse markii ay tageen lagu wargaliyay in ay Hubka iyo Gaadiidka dhigaan. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli uu jiro khilaaf adag oo u dhgexeeya guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxda dowladda, kaas oo ka dhashay Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo. The post Lataliyaha guddoomiyaha BFS Oo lagala wareegay Hubkii iyo Ciidankii ilaalada u ahaa appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-151218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki, oo kulamo kulahaa Muqdisho (13-kii ilaa 14-kii bisha Diseembar, 2018) ayaa la sheegayaa iney isku afgarteen arrimo ka dhan ah mucaaradka. Qodobbada War-murtiyeedka ayaa u qornaa: Labada Madaxweyne waxay wadahadallo ku yeesheen Villa Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyada oo si dhaw la isaga kaashanayo dhammaan dhinacyada danta u ah labada dal sida ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab. Madaxweyneyaashu waxay ka dhawaajiyeen sida ay uga go’an tahay in la dardargeliyo iskaashiga Geeska Afrika iyada oo xoogga la saarayo iskaashiga heer gobol ee dhinacyada horumarka, horusocodka iyo barwaaqada. Madaxweyne Isaias waxa uu bogaadinayaa, soona dhaweynayaa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguma tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan. Iyaga oo si buuxda u garawsan baahida loo qabo in la helo hannaan lagula tacaalo halista casriga ah ee argagaxisada iyo saboolnimada. Labada Madaxweyne waxay ku heshiiyeen in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka. Labada Madaxweyne waxay isla qireen inay jiraan caqabado badan oo ay tahay inay si wadajir ah xal ugu raadiyaan. Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in ay mideeyaan taageeradooda iyo dadaalkooda wadajirka ah si loo xalliyo caqabadaha ay labada waddan si gaar ah iyo guudba u waajahayaan. Madaxdu waxay isla garteen in iskaashi heer gobol oo waxtar leh uu muhiim u yahay ka gudubka dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagaxisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee gobolku wajahayo. Labada Madaxweyne waxaa ay garawsanyihiin in nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay dan ugu jirto dadka Soomaaliyeed iyo gobolka guud ahaan, iskudey kasta oo lagu carqaladeynayo dardarta ka socota gobolka waxaa ay shaki la’aan curyaamineysaa horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada nabadda iyo dib u heshiisiinta. Madaxdu waxaa ay mideysan yihiin ka hortagga faafinta xog kasta oo halis ah, raad aan laheyn, siyaasadina dabada ka riixeyso, waxaa ay dhammaan ugu baaqayaan nabadda iyo xasloonida Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. BERBERI MA HIIL BAY U BAAHANTAHAY MISE HAMBALYO.? (Qaybtii 1aad ‘………………. Marka hore Nabad iyo Naruuro ayaan idiin rajaynayaa dhamaan Umadda islaamka, mar labaadkana waxii Afsoomaali ku hadla. Akhristeyaal Saaxiiboyaal, Waxaan halkan idinkula wadaagi doonaa Qoraal Taxane ah, Oo iskugu jira Iftiimin iyo Xogsiinba, Maaha inaan u hadlaayo dan shakhsi oo aniga ii gaar ah. Maaha dhaleecayn qof nacayb iyo Shakhsi weerar. Ugama jeedo qoraal kaygan Raadsasho anfac iyo aduun oo Uma sii maraayo meel aan waxka doonaayo, balse ujeedka aan iskugu hawlay ee igu Ijbaaray waxaa weeyaan. In mudo ahba waxaa SOCIAL MEDIA-YAHA kusoo baxaayey qoraalo iyo Sawiro ay inala wadaagayeen dad fara badan Oo joogaa meelo kala disan sida gobolada Somaliland, iyo dalka debadiisaba, qoraaladaas Xogahaasi dhamaantood waxay daaranaayeen oo ay iskaga mid ahaayeen ujeedooyinka ay ka hadlayeen, Waxay ahaayeen HAMBALYOOYIN, BOGAADIN IYO BUUNBUUNIN qayral caadiya oo loo Tabinaayey qof amaba Masuul aan mudnayn aniga aragtidayda gaar ka ah. Waayo Hadaad maqashid masuul umadda adeege u ah oo waajibaadkiisa maalinlaha ah gudanaaya, oo lagu amaanaayo waxay u dhigan tahay laba mid uun. 1- in dadkan amaanayaa aanay aqoon u lahayn waxan ay ku amaanayaan Masuulkan oo aanay aqoonba waxaa ay qofkan shaqadiisu tahay. 2- iyo in ay tahay Barnaamij uu isagu abaabulkiisa leeyahay oo ah waxaa aynu u naqaano “IIDHEHDA” taas oo loola jeedo ama loola dan leeyahay, Yool Habaabin iyo Buunbuunin si Dadka waxma garatada ah loogu mashquuliyo, waxaan dani ugu jirin. Haddaba waxba yaanan idinku badin sharaxaada mawduucayga oo aan toos u abbaaro ula jeedkkaygee, Waxaan rabaa inaan waxooga iftiimin ah idinkala wadaago Arin ku saabsan Magaalada Xeebeeda Berbera iyo Maayarka Magaaladaas Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan (CIDIN). Magaalada berbera waa Magaalo aad u facweyn oo Taariikh badana leh oo aynaan halkan kusoo koobi karin, Balse Arintaas kagaba hadli maynee. Waxaan Mawduucan si qoto dheer ugaga hadli doonaa Mustaqbal Xumaanta iyo Nasiib dara soo wajahday Magaaladii berbera ee Somaliland u ahayd KINSIGA dahabka ah ee dhaqaalaheena laf dhabarta u ahayd. Akhriste ii ogolow inaad wakhti kooban ii raacdid Magaaladii berbera, ogow tagi mayno dalxiis iyo Tamashleyn ee waxaan doonayaa inaad Ila soo aragtid, Xaalka magaaladu ku sugan tahay hada, iyo inaan waliba kaaga sheekeeyo siday Berberi ahayd shan sano uun ka hor. Aan kaga bilaabee markaad maraysid XABAALO TUMAALOOD tuulada loo yaqaan oo Magaalada Galbeedkeeda dhacda masaafo gaadhaysa 25KM. Waxaad u galaysaa Dhul seesan oo oo lamiga ku teedsan, Seeskastaa waxaa ka kooban yahay Cabir dhan 100m oo dherer ah iyo 100m oo kale oo balac ah. Waxaad is odhanaysaa tolow meeshan ma beer ayaa laga dhigayaa, Waayo Dee maaha meel guri laga dhisan karo oo magaaladii waxay u jirtaa 25KM, waa guriga magaalada ugu soo xiga. Haddaad tahay qof ka yimid dhinaca Burco ama Sheekhna waxaad Seeska ugu soo galaysaa Tuulada loo yaqaano TUULO XAYAWAAN oo Koonfur kaga beegan berbera masaafo dhan 35KM. Waa sidii uun Sees aanay ishaadu dhinaciisa kale arkayn iyo Calaamad aad u aqoon sanaysid in dhulkani yahay arlo dad qayb sadeen oo mulkiyeen Lkn aanad garan karin waxaa loo isticmaalaayo. Hada wali magaalo kuuma dhawa oo meelna 25km ayaa xigta meelna 30KM ku dhawaad. Ila soco Akhriste, Oo waxii aad aragtid ama kaa yaabiya ama aad iswaydiisid, hadhaw markaynu berbera gaadhno iwaydii hada wax badan baa kuu hadhaye. Waxaad taqaanay marka magaalo intaas loo jiro ama laga baxo inaad aragtid laba mid uun. 1- dhul beeralay ah oo aan laga aqoon Sees ama jagooyin. 2- iyo Dhul Xoolo daaqeen ah oo Meesiyada lagu foofiyo oo la kala lahayn. Balse Berberi la mid maaha ee hala yaabin. Waxba hays waydiin Haddaad maqli jirtay Dhulka waxii magaalada ka baxsan 15KM, waxaa maamusha Wasaaradda Hawlaha guud, Berberi waxay haysataa sed bursigaas dheeraadka ah ee. Hays waydiin anigana hay Su’aalin goorta iyo xiliga uu dhulkani magaalo noqonaayo oo Berberi soo gaadhayso, waayo dee aniguba garan maayo, Jawaabta oo kuma dhaamo. Haddaad maqli jirtay dawlada hoose waxay dorshaysaa oo qaybisaa kolba Bagcada ku haboon inay magaalawdo, oo ay deegaamaysaa Tanna aad aragtay fadlan Hays mashquulin, Berbera waxaa lagu kala gatay Qiimo jabane. Hadda waxaynu soo gaadhnay berbera, waxaad joogtaa Halkay labada wado ku kulmaan SIIRO-GA. Haddaba Berbera aan kaaga sheekeeyo, immika waad I fahmaysaa, waayo 25KM iyo 30KM ayaynu Seesas Iyo Calaamado soo dhaafaynay, Waan garanayaa Su’aalaha kusoo haraatiyaaya ee I dhagayso, anniga si aad Sawirada Maskaxda kuugu jira aad ugu heshid Jawaabo aad ku fahanto. Aan Berbera kaaga bilaabo siday ahaan jirtay iyo siday tahay…. Ahmed Muse Mohamed Lasoco qaybaha dambe…. Qaran News
  8. Baydhabo (Caasimada Online)-Taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qalalaasihii ugu dambeeyay ee ka dhashay xariga Mukhtaar Roobow oo Khamiistii ka dhacay magaalada Baydhabo. Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inaysan wax doo ahr ku laheyn xariga Baydhabo loogu geystay Mukhtaar Roobow iyo usoo wareejintiisii magaalada Muqdisho oo hadda uu ku xiran yahay. Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeire ayaa sheegay in ciidamada AMISOM aysan door ku laheyn xariga Mukhtaar Roobow, wuxuuna sheegay inaysan marnaba ka gudbeyn howlgalka ay u joogaan Soomaaliya. “Waxaan dhowreynaa Xushmadda iyo aqoonsiga madaxbanaanida Soomaaliya, waana sii wadeynaa inaan dhowro, ciidamadeena wax door ah kuma laheyn xariga ka dhacay Baydhabo”ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM. Ciidamada Dowladda Ethiopia ayaa la xaqiijiyay inay door ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow, laakiin AMISOM ma aysan xaqiijin in ciidamadaasi ay AMISOM ka tirsan yihiin iyo inaysan ka tirsaneyn. Qalalaasaha ka dhashay xariga Mukhtaar Roobow ayaa sababay dhimashada xildhibaan ka tirsan baarlamaanka koofur Galbeed iyo dad shacab ah, waxaana wali taagan xiisadda ka dhalatay arintaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Daahir Dabadii Meeshii aan dadaal xoogle iyo dahab ka eegaayey ayuun-baa sidii buul duqeed daaha loo rogay,Ninoow-na Doorashaa dhici ha u dabaal degin,mudadii ay Golahan Wakiiladu fadhiyeen Somaliya waxa is-bedelay Afar Gole Baarlamaan. Nidaamka ay Somaliland ku dhaqantaa,Ma Dimuqoraadiyad-baa mise waa Boqortooyo?,iyadoo ay mudadii Golahan Baarlamaanku fadhiyeen Somaliya oo aysan Xasilooni ka jirin ay is-bedeleen Afar Gole Baarlamaan. Aad iyo aad ayey u kala duwan tahay,Somaliland waxay ku faanto oo ah, inay dimuqoraadiyadi ka jirto iyo hab dhaqanka rasmiga ah,ee Somaliland ku dhaqanto oo dibadda ka ah,dimuqoraadiyada.tusaale-na waxa kugu filan baarlamaanka Somaliland ee hadda fadhiya,ee la doortay 28/09/2005-tii.ayaa hadda waxa loo sameynayaa mudo kordhintii 5-aad caalamka oo dhan iyo dhulka ay dawladuhu ka jiraan,haddii aynu eegno,dawladaasi ha ahaato mid aqoonsi haysata amma ha ahaato mid aan la aqoonsaneyn e’ lama helayo oo ma dhici karto in la arko,gole baarlamaan oo markii uu mudo xileedkisii dhameystay shan jeer (5)mudo kordhin loo sameeyo,doorashooyinku waa xuquuq aasaasi ah,caalamka oo dhan-oo qof kasta oo muwaadin ahi uu xaq u leeyahay,in la doorto ama uu cid kale doorto. Haddaba,masuuliyadda doorashadda waxa masuul ka ah,hadba Madaxweynaha xilka haya,marka la eego nidaamka (system)-ka ay ku dhaqmaan dalalka ay dimuqoraadiyadu ka jirto,wax kale iska daaye,xataa doorashooyinka marka wakhtigoodda la gaadho,ma joojiyaan ama hakiyaan hadii uu wadankaasi uu dagaal ku jiro,iyadoo la ilaalinayo xuquuqda dastuuriga ah,ee muwaadiniinta,tusaale ahaan 1964-kii waxa uu dagaal ba’ani xadka tog-wajaale ku dhex-marayey dawladii boqortooyadii guunka ahayd ee Itoobiya ee uu boqorka ka ahaa Boqor Xayle Salaase iyo Jamhuuriyaddii Somaliya ee xilligaasi ee uu Madaxweynaha ka ahaa Adan Cabdulle Cusmaan (Adan Cadde),Ra’iisal Wasaarahana uu ka ahaa C/rashiid Cali Sharma’arke,isla xilligaasi ay labada dawladood ku dagaalamayeen,xadka Tog-wajaale waxay ku beegneyd xilligii ay qabsoomi lahayd doorashadii baarlamaankii Somaliya ee 1964-kii waxana dhacday isla xilligaasi C/rashiid Cali Sharma’arke oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii Jamhuuriyadii Somaliya ay waraysi ka qaadey Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du,su’aalihii uu weriyuhu weydiiyey Ra’iisal Wasaarahana waxa ugu muhiimsaneynd Waxaad tihiin dawlad curdin ah,waxaana dagaal ba’ani uu xadka Tog-wajaale idinku dhex-marayaa Boqortooyo guun ah,waxana taagan xilligii doorashadda baarlamaankiina Somaliya,markaa sidee ayeydun doorasho baarlamaan u qaban kartaan dagaalka baaxadaa leh,waxaanu Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaliya C/rashiid Cali Sharma’arke uu weriyihii siiyey Jawaab kooban oo ahayd,“Dagaalku naga joojin maayo doorashadda baarlamaanka,oo waa xuquuq uu dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta Soomaaliyeed,labbadda gacmood ee uu ilahay na siiyey midigta qoriga ayaanu ku ridaynaa oo waanu ku dagaalamaynaa annagoo dalkayaga difaacana,bidixdana waanu ku codeynanaa oo warqada codbixinta ayaanu ku ridayna sanduuqa cod-bixinta”. Akhriste waxa hore loo yidhi nin wuu dhintaa,eraygii –se ma dhinto, jawaabta uu C/rashiid Cali Sharma’arke bixiyey 1964-kii waxay ahayd tii u fududeysay ama u sahashay in uu doorashadii Madaxweyne-nimo kaga adkaado ama kaga guulaysto Madaxweynihii xilka hayey ee Allaha u naxariistee Adan Cabdulle Cusmaan(Aden Cadde) 05/07/1967-kii,iyadoo uu qodobka kaliya ee ay xildhibaanadii baarlamaankii Somaliya ay ku doorteen Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharma’arke uu ahaa in uu ilaalinayo dastuurka iyo xuquuqda ay muwaadiniintu ay xaqqa u leeyihiin in ay wax dooran karaan lana dooran karo. Akhriste waxa laga yaaba inaad is-weydiiso waa kuwee afarta (4)gole baarlamaan ee Somaliya iska bedelay mudadii ay golahan baarlamaanka ee ay Somaliland fadhiyeen,taa jawaabteedu way fududahay,waxayna kala ahaayeen. 1: Baarlaamankii soo doortay Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed ee uu gudoomiyaha u ahaa Shariif Xasan Sheek Adan,mudo xileedkiisuna uu ku eeka dabayaaqadii October 2008-dii. 2: Baarlamaankii soo doortay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee uu gudoomiyaha u ahaa Sheekh Aadan Madoobe. 3: Baarlamaankii soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee uu gudoomiyaha u ahaa Maxamed Cusmaan (Jawaari) 4: Baarlamaanka Soo doortay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi (Farmaajo) ee hadda jooga,ee uu gudoomiyaha u yahay Maxamed Mursal. Haddaba,akhriste ogoow mudo kordhinta hadda loo wado baarlamaanka Somaliland oo ah mudo kordhintii shanaad(5-aad),in waxaasi oo mudo kordhin ahi ay dhaceen mudadii uu xisbiga KULMIYE taladda hayey,marka uu xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu ay ka hadlayaan arrimaha doorashadda baarlamaanka-na waxay umadda u sheegaan hadal lagu macneyn karo run ha sheegin,been ha sheegin,waxaad sheegtana ha waayin. Qallinklii:C/risaaq Suudi Nuur Tel:063-4425243 Email:suudi786@gmail.com Hargeysa/Somaliland Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda India ayaa markale sheegtay in mid kamid ah maraakiibtooda dagaalka uu gacanta ku dhigay doon kaluumeysi oo hub badan uu saarnaa, sida qoraal kasoo baxay lagu sheegay. Markabka dagaal ee India oo lagu magacaabo Sunayna ayaa la sheegay in markale uu meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ku qabtay doon Kaluumeysi oo hub lagu qariyay, taasi oo noqoneyso doontii Labaad oo ay qabtaan. Qoraal kasoo baxay dowladda India ayaa lagu sheegay in markabkooda Doonta uu ku qabtay shan qori oo ay ka midyihiin AK47 iyo Rasaas gaareysa 471 Xabo, waxaana ay sheegeen inay sii daayeen kooxda Hubka wadatay markii ay hubka ka reebeen. Markabka INS Sunayna ayaa bishii October ee sanadkan howlgal ka billaabay biyaha Soomaaliya, waana markii labaad oo uu Hub ku qabto Xeebaha Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay. Xeebaha Soomaaliya oo hadda ay ku yaraadeen weerarada kooxaha burcad badeeda waxaa ku sugan maraakiib badan oo dagaal kuwaasi oo dalal kala duwan, lana dagaalamaya Burcad badeeda. Sidaasi oo ay tahay xeebaha Soomaaliya waxaa ka socdo kaluumeysi sharci daro ah oo dhaqaalo badan laga sameeyo sanad walbaa, mana jiro cid wax iska weydiiso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Maxaa loo aamini la’yahay Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur)? Mukhtar Robow xiligii uu katirsanaa Al Shabaab Dowladda Soomaaliya oo war saxaafadeed soo saartay shalay markii la xiray Muktaar roobow, waxay sheegtay in sababta loo xiray ay tahay in uu ka soo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin. Roobow oo horay u ahaan jiray hogaamiyaha labaad ee ugu sarreeya ururka Al Shabaab ayey mas’uuliyiinta xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyeen in hub iyo ciidan isaga u gaar ah la tagay magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu damacsanaa inuu uga qeyb galo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Dad badan waxay is weydiinayaan waxa uu xarigiisa ka baddali karo hannaanka doorashadaas, inkastoo dowladda Soomaaliya ay markii horeba ka hor istaagtay inuu isa soo sharraxo. Horay waxa uu Mukhtaar Rooboow, oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Mansuur dhaleeceyn kala kulmayay dadkii ku dhaliilsanaa falalkii ay geysatay kooxda Al Shabaab ee uu dhowr sano af hayeenka u ahaa. Hase ahaatee waxaa jira dad kale oo la dhacsanaa isbaddalkiisa iyo isku dayga uu ku raadinayay kursiga siyaasadeed. Tan iyo Markii la xiray shalay, magaalada Baydhabo waxaa ka socday qalalaase iyo mudaharaadyo ay sameynayeen dad ka gadoodsan tallaabadii ay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Amisom gacanta ugu dhigeen, xilli uu ku sugnaa magaaladaasi. Qaar ka mid ah weerarradii ay Al-Shabaab fulisay intii uu af hayeenka u ahaa Mukhtaar Roobow Mukhtaar Rooboow, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaashii ururkii maxkamadama Islaamiga ee billowday sannadkii 2001-dii, isagoo markii dambena hor boodayay dadaalladii ay cagaha isugu taagtay kooxda Al Shabaab sannadkii 2006-dii. Ilaa sannadkii 2013-kii, waxa uu Mukhtaar Roobow ahaa Hogaamiyaha labaad ee Al Shabaab iyo Af hayeenka kooxda, ka hor inta uusan khilaaf soo kala dhex galin hoggaanka sare ee kooxda. Waxaa wakhtigii uu mas’uuliyiinta Al Shabaab ka tirsanaa lagu xasuustaa weerarro badan oo ka dhacay Soomaaliya iyo meelo kaleba. 22-kii bishii Febraayo ee sannadkii 2009-kii , kooxda Al Shabaab ayaa weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ku qaadday saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ku lahaayeen magaalada Muqdisho. Ugu yaraan 6 askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee ka socday dalka Burundi ayaa halkaas lagu dilay. Bishii Meey ee isla sannadkaas, Kooxda Al Shabaab oo garab ka heleysay ururkii mar la safnaa ee xisbul Islaam ayaa weerarro culus ka fulisay magaalada Muqdisho, waxaana ay isku dayeysay iney la wareegto gacan ku heynta magaalada caasimadda ah. Boqolaal ruux oo rayid u badan ayaa ku dhintay weerarradaasi. 18-kii bishii Juun ee sannadkii 2009-kii, Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ka dhacay magaalada Baladweyne, halkaasoo ay ku dhinteen 35 ruux oo uu ka mid ahaa wasiirkii amniga ee dowladda Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan. Mukhtar Robow 17-kii bishii Siteembar ee sannadkii 2009-kii, kooxdan ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax kale oo laga fuliyay xarunta ciidamada midowga Afrika ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaasi lagu dilay askar ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta. 3-dii bishii Diseembar ee isla sannadkii 2009-kii, 24 ruux oo ay ku jireen 3 wasiir oo ka tirsanaa xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday xaflad qalin jabin ah oo arday jaamacadda dhammeysay ay ku lahaayeen hoteelka Shaamoow ee magaalada Muqdisho. Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay weerarkaasi, inkastoo aysan mas’uuliyaddiisa sheeganin. Bishii Luulyo ee sannadkii 2010-kii, Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lala beegsaday goob lagu daawanayay ciyaaraha koobka adduunka ee magaalada Kampala, waxaana halkaas ku dhintay 74 ruux. Bishii oktoobar ee sannadkii 2011-kii, qarax loo adeegsaday gaari xamuul ah ayaa lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah wasaaradaha dowladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, halkaasi na waxaa lagu dilay 139 ruux, halka 93 kalena ay ku dhaawacmeen. Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi oo ka koobnaa 3 qarax. Bishii Janaayo ee sannadkii 2011-kii, dagaallameyaal ka tirsan Al Shabaab ayaa dilay sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Faransiiska oo lagu magacaabi jiray Denis Allex iyo labo askari oo faransiis ah, xilli uu dhicisoobay isku day ay kumaandooska Faransiiska ku doonayeen iney ku soo furtaan sarkaalka oo u afduubnaa Al Shabaab. Raalli galin Sida lagu caddeeyay qoraalka ay dowladda Soomaaliya ku faahfaahisay xarigiisa, Mukhtaar Roboow ayaan wali si shaac baxsan khalad ugu tilmaamin falalka lagu qeexay xagjirnimada ee uu horay qeyb uga ahaan jiray, isagoo aan walina raalli galin buuxda shacabka ku siin meel fagaare ah. Mukhtaar ayaa hadda ka mid ahaa musharraxiinta ugu cad cad ee la filayay iney ku loollamaan doorashada Koonfur Galbeed oo dhowr jeer hore dib u dhac ku yimid, haddana ku wakhtiyeysan 19-ka bishan Diseembar. Qaran News
  12. Ciidamada Sacuudiga oo toogasho ku dilay dad Soomaali ah & Halka Arintani ka dhacday Sida ay sheegeen Soomaali ku sugan Sacuudiga, Ciidamada Ammaanka ee ku sugan Xuduudda ay wadaagaan Boqortooyada Sacuudiga iyo Yemen ayaa toogtay Tahriibayaal Soomaali ah oo doonayay in ay u gudbaan gudaha dalkaasi. Qofka la dilay ayaa lagu magacaabay Axmed-Nuur Maxamed Caraaye (Afdheere), halka 4-kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta ay ku rideen Ciidamada Sacuudiga dadkaan doonayay in ay u tallaabaan Sacuudiga. Dadkan dhaawacu soo gaadhay ayaa sheegay inay waayeen gurmad lagu daweeyotaas oo sababay in dhiig bax uu u dhinto marxuumka geeriyooday. Tuulada dhacdadaan ka dhacday oo lagu Magacaabo Raqwah ayaa dhacda Soohdinta Dalalka Yemen iyo Sacuudiga ay wadaagaan, waxa ay gudaha ugu jirtaa Xuduuda Yemen. Sacuudiga ayaa ciidamo dheeraad ah geeyay Xuduudda uu la wadaago Yemen, waxa ayna ku xidheen Silig iyo Kaamirooyin, si ay ula socdaan Dhaq-dhaqaaqa dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya. Soomaalida Sacuudiga u tahriiba waxa ay ka tallaabaan Soohdinta Yemen iyo Sacuudiga, waxa ay ka gudbaan buuro dhaadheer, iyaga oo la kulma Khasaare dhimasho, Dhaawac iyo qaarkood oo la qabto, kadibna loo celiyo Soomaaliya. Boqortooyada Sacuudiga ayaa kordhisay Ciidamada ka howlgalaya Xuduudda Yemen ay la wadaagaan, maadaama Diyaaradooda ay duqeymo ka geystaan Dalkaas, kana baqayaan in xubno katirsan Xuutiyiinta ay gudaha dalkooda u gudbaan. Qaran News
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Michael Keating ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Keating oo wareysi siiyey taleefishinka Jarmalka ee DW, ayaa sheegay in mooshin cod kalsooni oo Farmaajo laga keenay aanu macnaheedu ahayn xasilooni darro siyaasadeed, oo dalal badan oo caalamka ah ay taas oo kale ay ka dhacdo, sidii dalka Britain oo kale oo toddobaadkan ay ka dhacday markii xisbiga muxaafadka ay cod u qaadeen ra’iisul wasaare Theresa May. “Si kastaba, marka aad eegto Soomaaliya, nasiib darro waa astaan muujineysa suuq siyaasadeed oo caan ku ah gacmo badan oo la isku dhaafsado lacag aan la ogeyn halka ay ka yimaadeen” ayuu yiri Keating, Keating waxa uu sheegay in mooshinka Farmaajo uu astaan u yahay walaac ku saleysan qabyaalad iyo loolan loogu jiro kuraasta xukunka iyo sidii awoodda gacanta loogu dhigi lahaa. “Waxaan rumeysanahy in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka bad-baadi doono mooshinkan” ayuu yiri “Saddexdii sano ee aan joogay Soomaaliya waxaan marar badan arkay mooshino noocan oo kale ah oo laga keenay ra’iisul wasaareyaal iyo madaxweyne, marka la-yaab maaha” ayuu yiri Michael Keating oo xafiiska QM ee Soomaaliya ka tegay bishii October. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  14. Waxqabadkii xukuumada sanadku udhamaaday ee laga baahiyey warbaahinta ayaa ahaa Geed Sare waab ku koobnaa dhinacyada Hurumarinta beeraha, la dagaalanka musuq maasuqa , wax soo saarka kheyraadka dalka, koboca Kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeega bulshada ku waas oo qirey in waxqabad muhiima la gaadhay mudadaa kooban ee sanadka ah. Hadaba waxaa xaqiiqo ah in Xukuumadu MBA ay raacday dhabadii lagu yaqaanay Kulmiyihii hore waxaana ay wada burisay dhamaan balan qaadayadii buugeeda cagaaran ku qornaa. Waxaa weli ummadda u sii muuqda qaloocii iyo qarsoodigii dalka lagu boobay. waxaa sii muuqda hadhkii iyo humaagii galay dawladnimada Somaalilaan.Waxaa muuqda cadaalad daradii, sadbursigii iyo ceebihii dhacay kuwaas loo hayo markhaatiyaal iyo maragyo badan. 1-Siyaasadda Arimaha debeda ee Somaliland waxay noqotay mid heehaabaysa oo aan laheyn istiraajiyad cad oo ay raacdo. Xukuumadu dalka ugamay faa’ideyn bogcada wacan ee Somalilaan aduunka ay kaga taalo iyo istiraajiyada ay leedahay Marsada Berbera oo dhacda marinka Aduunka ugu muhiimsan ee ganacsiga aduunka badankiisu uu maro, marinkaas oo uu maro shidaalka aduunka ugu badani ayaa loolan Siyaasadeed dawladaha waaweyni isku hirdiyayeen waayadan danbe. Siyaasadda Arimaha Debeda ee Somaliland waxay ku hafatay isbedeka cusub ee ka curtay dalka itoobiya.Taasna waxaa cadeyn u ah Dawlada imaaraatiga iyo itoobiya oo yeeshay sheerka ugu badan ee Dekeda Berbera 70%, iyaga oo marinka cadmeed iyo Dekeda Berbera ka leh dano cad cad oo ujeedooyin fog fog leh, halka Somalilaan ay aragtideedii iyo odoroskeediiba ku soo ururisay balan qaad mashaariic been noqday iyo xaqul qalin yar oo faro guudkood ah. Maanta Dekedii Berberi magac ahaan mooye manfac Somalilaan kuma qabto waxaana ay noqotay Aabaha sicir bararka inoo keena maadaama lacagta ka soo xaroota toos dalka looga saaro. waxaana xukuumadu ku fashilantaya in ay ummadda u sheegto waqtiga la bilaabi doono dhismaha dekeda cusub ee 2 sanadood la sugaayey. 2-Waxaa Xukuumadu ku fashilantay in ay Doorashada waqtigeeda ku qabato oo shacabka Somalilaan awoodoodii ay wax ku dooran lahaayeen loo soo celiyo. Waxaa fadeexad qaawan ah in maanta sadexda Gole ee Somalilaan ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan. masuuliyadaana waxaa leh xukuumada talada haysa. 3- Waxay xukuumadu ku fashilantay siyaasadii waxabarashada ee dalka oo dhan ka soo bilow ta hoose ilaa ta sare oo aad u tayo beeshay, taa soo hada shahaadadaha Jamacadaha Somalilaan ay iska noqdeen waraaqo kalareysan oo aan aduunka laga ictiraafsaneyn. Xukuumadu ma sameyn axdi cad oo ku qotoma tayenta waxbarashada dalka oo dhan. 4- Waxaa Xukmuumadu ka gaabisay in waxsoo saarka Kaluunka kor u soo qaado maadaama Somalilaan leedahay xeeb dhererkeedu yahay 850 km oo u dhiganta 75km2. Waxay Xukuumadu ka gaabisay in ay Sameyso siyaasad cad oo lagu soo saaro kheyraadka dabiiciga ah ee dalka dhex jiifa. 5- Maxay Xukuumadu ka gaabisay Sicir bararkii iyo qiimo dhacii shilinka Somaalilaan oo meel xun sii maraaya. Waxay aheyd in xukuumadu cabirto xawaaraha uu ku socdo sicir bararku kadina hakiso. Waxay aheyd in ay u sameyso Hayad u gaar ah sicir bararka inta Central Banku awoodiisa oo buuxda uu la soo noqonaayo. Waxay aheyd in xukuumadu dhinto cashuurta Raashinka iyo dhamaan cuntada la quuto halka ay kor u sii kicisay maadaama ilaa iyo hada lacagta doolarka ah ee dalka ka baxaysaa ay ka badan tahay lacagata doolarka ee dalka soo gelaysa sicir bararku waa ” ina daanweyne “xukuumaduna waa gudiyo badan aan waxba soo kordhineyn”. 6- Hirgelinta hanaanka Shaqo abuurka dhalinyarada. Dawladnimdu waa shaqo abuur- hadii qofka madaxda ahi uu waxba soo kordhin waayo oo shaqo abuuri waayo wuxuu la mid noqonayaa uun gafane isagu is naaxiya. Xukuumadu waxay abuurto iska daayoo – 3 -dii bilood ee ugu horeysay waxay shaqooyinkii ka caydhisay 230 shaqaale ah ku waas oo ka howlgeli jiray madaarka Hargeisa iyo Madaxtooyada. Alleylehe waxay buuxisay boosaskii banaanaaday markii la tiro koobay shaqaalaha JSL oo dhan oo noqday 14 kun oo shaqaale rasmi ah iyo 2476 shaqaale cagleyaal iyo kuwo dhintay isugu jira oo musharkooda loo qaadi jiray oo payrolka hore ugu jiray. shaqaalahan ayey xukuumadu gobolada dalka konton konton ugu qaybisay oo ay leedahay shaqaale cusub ayaanu qornay. Mashruuca shaqo qaran ee ay gobolada ka bilowday ayey isna ku bilaabaysaa 1500 arday oo keliya oo u dhiganta ardeyda ka qalin jibisa hal jaamacad badhkood halka ay dalka ka jiraan 32 Jaamacadood oo ay sanad kasta ka soo qalin jebiyaan in kabadan 10 kun oo arday. Waxaa ummaddu wada ogtahay in weli naasihii irmaanaa ee qarankani lahaa ee ardeyda loo lisi lahaa ay weli sife bilaa sharci ah umaalaan jileyaashii qarsoonaa ee ku faai’day hantiddii qaranku wada lahaa. 7- La dagaalanka musuq maasuqa iyo maal urursiga . Waxaa shacabku is weydiinayaa weli horta musuq maasuqa xagee lagula dagaalamaa ? Yaase la dagaalama? Welise dawlada MBA cid mow soo xidhay ? si xukuumada loo aamino, waxay aheyd in ay ummadda u soo bandhigto shaqsiyaadkii leexsaday ee ku tagri falay $100 Million doolar ee lagu lunsaday mashruucii biyo balaadhinta ee Xubno weyne ee lagu hungoobay. Ilaa hada Xukuumada cusubi lamay iman Siyaasad Maaliyadeed oo lagu xakameeyo Musuq-maasuqa xadhkaha goostay taas oo la rabay in ay fulinteedu ka timaado dowlada dhexe ilaa dawladaha hoose. Shacabka reer Somalilaan waxay isha ku hayaan marka laga reebo lacagaha ay bixiyeen DPW iyo dawlada imaaraatigu bal sida ay u maareyso Xukuumadu lacagahan mudadii sanadka aheyd soo gaadhay sida: $25 Million dollar ingiriisku bixiyey, $10 million dollar dawlada Canada bixisay, $14 Million dollar Baanka Aduunku bixiyey, $ 22 Million Dawladu Germay biyo gelinta ku bixisay, $10 million dollar ee GIZ-( Germany ) ay bixisay iyo $3 Million dollar ee duufaanadii dalka ka dhacay lagu caawiyey iyo lacagha fadhiisinka ah ee weli ku jira Sanduuqa Horumarinta Somalilaan. 8 – Dib u soo celinta dhamaan Kaabeyaashii Dhaqaalaha ee dalka si looga rumeeyo korodhka iyo kobcinta dhaqaalaha wadanka. Weli “Faanoole fari kama qodna ” Kaabeyaashii yaraa ee ay xukuumadu dhawaan soo celisay waxaa loo qaatay” qowda maqashii waxana how qaban” maadama ay ku dhiiran wayday xukuumadu in ay soo celiso dhamaan kaabeyaashii dhaqaalaha, waxaana ay ka gaabisay xukuumadu inay dib uhabeyn buuxda ku sameyso ama gacanta dawlada ku soo wada celiso dhamaan ilihii dhaqaalaha iyo kaabeyaashii dhaqaalaha ee qaranka laga boobay. dhamaan ilihii dhaqaalaha ee dalka wax ka tari lahaa xaga korodhka dhaqaalaha dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada ayaan ilaa hada la garaneyn habkii loo bixiyey iyo xeerarkii lagu bixiyey,cashuur dawlada inta uga soo xaroota iyo inta u hadhay mudooyinka shirkadahaa kootada loogu xidhay qandaraasyadoodaa aan sharciga lagu jideyn. 7- Taabo gelinta Maamul- wanaaga iyo maareynta hawlaha qaranka. “Good Governance” Weli salka looma dhigin siyaasad cad oo laga sal gaadhaayo. Tisqaadkii maamul wanaaga iyo maareynta qaranka oo weli hagaas ah, maadaama aanu jirin hab ama nidaam dhameystiran oo ka kooban unugyo habaysan oo maareeya, cabira,odorosa, aloosa, xukuma,ilaaliya, oo xadeeya hawl-maalmeedka qaranka, habkaas oo dhex u noqon lahaa dhamaan hayadaha kala duwan wada shaqeyntooda oo ku saleysan isla xisaabtan, daahfurnaan,isxisaabin iyo xalibnaan joogto ah. Hadii aan la sameyn habkan casriga ah ee wada shaqeyneed iyo nidaam maamul oo maaliyadeed oo hufan waxaa adkaanaysa in ay wada shaqeeyaan oo isla jaan qaadaan Qorshe Howleedyadii Higsiga Qaranka National Development Plan 2- (2017-2021 ) iyo Mashaariicda Dawladaha Hoose ee maamul daadeginta GPLG ( Joint programme ) oo iyaguna marin habaabay oo hagaasay. Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Gobanimo dadka mudan Galadana Allaa iska leh, Shacabow tiraa ka gedmane wax isu geygeyso !! Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo Khilaafka ka dhashay Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka bilowday Magaalada Muqdisho. Dadaallada ayaa waxa wadda xildhibaano ka tirsan Golaha Aqalka Sare iyo sidoo kale qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed, waxaana ay booqdeen Guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho. Sanater, Cabdirisaaq Cismaan Xasan Guurinle, Cabdi kaafi Macallin Xasan , Cabdi Axmed Dhuxulow, Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, Cabdullaahi Cabdi Garoon ,Yuusuf Geelle Ugaas ,iyo Sanater Cabdirisaaq Axmed Cali oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa ku howlan xalinta Khilaafka ka dhex taagan xildhibaanada Golaha Shacabka iyo waliba Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo. Waxaa sidoo kale muuqda Khilaafka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenadiisa oo kasoo horjeedda Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo. Odayaal ka mid ah kuwo ugu Caansan Soomaaliya ayaa maanta booqday guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,kuwaasoo kala hadlay Khilaafka Baarlamaanka iyo waliba Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa qoraal xasaasi ah kasoo saartay xaaladda kacsan ee maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ka dhaceen shaqaaqooyin ka dhisay xarigga ay dowladda Soomaaliya ay kula kacday Mukhtaar Roobow. Qoraalka ayaa lagu sheegay in beesha caalamka ay tacsi tiiraanyo leh ka direen geerida xubin ka mid ah Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo dadkii kale ee ku dhintay rabshadaha Baydhaba ka socda, kuwaasoo qarxay markii ciidamada Itoobiya ay xireen Mukhataar Roobow, kadibna loo duuliyay Muqdisho khamiistii. “Waxaan ka soo horjeednaa rabshadaha iyo falalka kale ee ka sii dari kara xaaladda bani’aadamnimada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka beesha caalamka, kaasoo aan lagu soo hadal qaadin xariga Roobow. Qoraalka ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la raaco hanaankii lagu heshiiyay ee doorashada, waxaana loogu baaqey dhinacyada inay xushmeeyaan lana shaqeeyaan guddiga doorashada Koonfur Galbeed. “Waxaan dhiirigelineynaa wada-hadal wax ku ool ah si loo xaliyo khilaafaadka siyaasadeed, lagana hortago caqabadaha kale si loo hormariyo horumarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka,” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warka kasoo baxay saaxibada beesha caalamka. Qoraalkanka waxaa soo saarey Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM iyo the United Nations. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Sanca (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen Soomaali ku sugan Sacuudiga, Ciidamada Ammaanka ee ku sugan Xuduudda ay wadaagaan Boqortooyada Sacuudiga iyo Yemen ayaa toogtay Tahriibayaal Soomaali ah oo doonayay in ay u gudbaan gudaha dalkaasi. Qofka la dilay ayaa lagu magacaabayay Axmed-Nuur Maxamed Caraaye (Afdheere), halka 4-kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta ay ku rideen Ciidamada Sacuudiga dadkaan doonayay in ay u tallaabaan Sacuudiga. Dadkan ayaa sheegay in dhaawaca soo gaaray oo ay waayeen gurmad lagu daweeyo uu sababay in dhiig bax uu u dhinto marxuumka geeriyooday. Tuulada dhacdadaan ka dhacday oo lagu Magacaabo Raqwah ayaa dhacda Soohdinta Dalalka Yemen iyo Sacuudiga ay wadaagaan, waxa ay gudaha usoo jirta Xuduuda Yemen. Dadka dhaawacmay ayaa looga kala tagay goobta, waxa ay wararku sheegayaan in iyanne ay ku dhiig-baxeen Tuulada Raqwah oo ah Halka lagu tuugtay. Sacuudiga ayaa ciidamo dheeraad ah geeyay Xuduudda uu la wadaago Yemen, waxa ayna ku xireen Silig iyo Kaamirooyin, si ay ula socdaan Dhaq-dhaqaaqa dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya. Soomaalida Sacuudiga u tahriibto waxa ay ka tallaabaan Soohdinta Yemen iyo Sacuudiga, waxa ay ka gudbaan buuro dhaadheer, iyaga oo la kulmo Khasaare dhimasho, Dhaawac iyo qaarkood oo la qabto, kadibne loosoo celiyo Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya. Boqortooyada Sacuudiga ayaa kordhisay Ciidamada ka howlgalaya Xuduudda Yemen ay la wadaagaan, maadaama Diyaaradooda ay duqeymo ka geystaan Dalkaasine, kana baqayaan in xubno katirsan Xuutiyiinta ay gudaha dalkooda ugu gudbaan. Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
  18. (SLT-Burco)Abwaan Hurre Walanwal ayaa sheegay in xaalada uu haatan ku jiro abwaanka caanka ah ee Hadraawi ay tahay mid iyaga ka balaadhan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Hadraawi ilawshiyo ayaa ku dhacay oo tacab badan lama galin, dhakhsana waan uga hadlayaa xaaladiisa balse Hadraawi maskaxdiisu caadi maaha oo ilawshiyo ayaa ku dhacay, sakaarad badan oo darbad ahi ma hayo waxaase uu qabaa xanuuno suuxinaya oo kolba dhinac u ridaya, awoodayadiina wuu dhaafay waxaanu u baahan yahay tacab badan oo la galiyo, talana waa laga yeelanayaa sida laga yeelayo.”ayuu yidhi Abwaan Hurre oo la hadlay Somnews. Abwaan Hurre Walanwal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Hadraawi muu ahayn ina Walanwal oo kaliya balse Ina Soomaaliyeed oo dhan ayuu ahaa,qofkuna marka uu xanuusado in la yidhaa inta uu ladan yahay ayaa la eeganayaa oo Geella marka la liso in badan haddii marka uu gudho la gawraco ka waran, caano dambe xagee laga helayaa, waxaanay ku dhan tahay in xaalada Hadraawi aanu umada u sheegayno.” Poet and living legend, Hadraawi, at Hargeisa International Book Fair 2013, Somaliland. Photo by Kate Stanworth Sidoo kale Abwaan Hurre Walanwal ayaa ka hadlay xaalado khatar ah oo uu sheegay in afsoomaaligii wajahayo isaga oo ku baaqay in laga hawl galo sidii loo horu marin lahaa waxaanu yidhi “In dhawaydba Suldaan maah maahaya miyaad aragteen way adag tahay waanay yar tahay in nin masuul ah oo geed ka hadlayaa uu maah maaho ama wasiir maah maahaya in la arko ileen wasiirka ayaa hada umada xambaarsan oo dusha ku sitee, wasiir maah maahaya way yar tahay, macnuhuna waxa weeyaan in afsoomaaliga isticmaalkii iyo iswaydiintiiba laga daayey, waxaanu u baahan yahay awood la saaro, guddi loo saaro oo buugaag iyo duubniin loo qaato oo kharash iyo hawl la galiyo.” Source
  19. (SLT-London) Ciyaaryahanka u dhashay dalka Masar, una ciyaaro kooxda Liverpool Maxamed Saalax, ayaa markii labaad loogu codeeyey inuu noqdo ciyaaryahanka qaaradda Afrika ee sanadka. Maxamed, oo ah 26 sano jir ayaa waxa uu tartanka oga guulaystay Medhi Benatia, Kalidou Koulibaly, Sadio Mane iyo Thomas Partey. “Waa dareen cajiib ah” ayuu Saalax ku yiri qaybta barnaamijka ciyaaraha ee BBC. “Waxan jaclaan lahaa inaan guulaysto sannadka dambana. Aad ayaan ugu faraxsanahay guushayda.” Ciyaaryahankan sanadka ayaa waxa uu xiray 44 gool, 52 ciyaarood xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxa uuna kooxda Liverpool u soo hoyoyey guulo badan. “Xilli walba waxan dareemaa inan xiraayo ama dhalinaayo goolal badan, waana dareen aad u wanaagsan. Salah ayaa noqday ciyaaryahaykii ugu horeeyey tan iyo markii ciyaaryahaynka u dhashay dalka Nigeria ee lagu magacaabo Jay-Jay Okocha uu ku guulaystay sannado is xig xigay. Jay-Jay Okocha ayaa u saxiixay kooxda Chelsea xagagaagii 2017-dii. Xiddigan ayaa ah ciyaaryahan muhiim u ah kooxdiisa Liverpool, wuxuuna uu soo hoyiyey guulo badan isagoo dhaliyey goobol badan .Wuxuu isku dayey inuu jabiyo rikooryadii ka horreeyey. Maxamed Barakat iyo Maxamed Aboutrika oo ka soo jeeda dalka Masar ayaa horay 2005dii iyo 2008dii ku guulaystay abaalmarintan. Source
  20. (SLT-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare , Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi, oo ka kooban Labadda Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray Dalka Turkiga, iyagoo halkaasi uga qayb galaya shirka Baarlamaannada Adduunka oo halkaasi ka dhacaya. Guddoomiye, Cabdi Xaashi iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay, xubno ka tirsan Baarlamanka Dalka Turkiga iyo Mas’uuliyiin kale. Wafdigan ayaa inta ay ku sugan yihiin Dalka Turkiga waxay halkaasi kulamo gaar ah kula qaadan doonaan Madaxda Baarlamaanka Adduunka, iyo qaar ka mid ah Madaxda Dalka Turkiga. Source
  21. WAA MAXAY QANJIDHKA PROSTAYTKA? Prostate ku waa qanjidh uu ragga oo kaliya leeyahay. Wuxuu qiyaastii xajmigiisu leeg yahay looska wuxuuna ku fadhiyaa xagga hoosa ee kaadiheysta; oo ku wareegsan ibta (urethra). Prostate ku wuxuu sameeyaa dheecaan caanno oo kale ah, taas oo qayb ka ahi noqoto shahwada waxayna quudisaa biyaha ninka. Isla marka raggu gaboobo, qanjidhka prostate ka ayaa weynaada. Tani waxay dhacdaa sanno badan ragga qaarkiisna tani waxay sababi kartaa dhibaatooyinka kaadiheysta. Kontoroolka xun ee kaadiheysta wuxuu sidoo kale dhici karaa arimo caafimaad oo kale awgood. Ragga leh kontoroolka xun ee kaadiheysta waxay noqon karaan kuwa ka xumaada uu yaxyax geliyo dhibkaani. Haddii aad qabto isbedelo ku yimaada kontoroolka kaadiheystaada, ama aad saluugsan tahay wax ku saabsan qanjirka prostate, la hadal dhakhtarkaaga ama la talliyahaaga kaadi ceshad la?aanta. WAA MAXAY QAAR KA MID AH DHIBAATOOYINKA CAAMKA AH EE PROSTATE KA? 1 Prostatitis ku waa barrarka iyo xannuunka qanjirka prostate ka waxaana laga yaabaa inuu yahay sababtoo ah infekshinka kaadiheysta. Aad iyo ugu badan yahay ragga dhalinta yar. 2 Prostatic Hyperplasia aan dhib lahayn (BPH) waa marka prostate ku uu si tartiib ah u balaarto, badanaa bilowga da?da dhexe. Qiyaastii hal afartii nin waxay u baahan doonaan qaliin loogu talagalay dhibkaan (BPH ma keeno kansar). 3. Kansarka Prostate ka waxaa badanaa la helaa ka hor intaadan helin wax calaamado digniin ah. Waxaa laga yaabaa inuu dhakhtarkaagu ku helo baaritaanka dhiiga (ee loogu yeero PSA) oo uu jeegareeyo prostate kaaga. Waa kansarka ugu caamsan ee ragga, waxaana laga yaabaa inuu kugu dhaco markaad sii weynaataba. Si kastaba ha ahaatee waa mid ka mid ah kansarada la daaweeyo. SIDEE BAAN KU OGAANAYAA INAAN QABO DHIBAATADA PROSTATE KA? Haddii aad qabto mid ama wax ka badan oo arimahaan ah, waxaa laga yaabaa inaad qabto dhibaatada prostate ka: -Dhibka ah bilaabida kaadida; -Socodka kaadida oo gaabinaya mar haddii aad bilowdo; -U baahnaanta inaad kaadido marmar badan maalintii ama habeenkii; -Ka daadashada kaadida ka dib markaad kaadido, ama inta u dhaxeysa wakhtiyadaad musqusha tagto; -U baahnida inaad mar labaad kaadido isla markiiba markaad musqusha ka soo baxday; -Dareemida rabitaan aad ah oo ah inaad kaadiso; -Gubashada ama xannuunka markaad kaadshayso; -Kaadida oo dhiig ku jiro; iyo -Dareemida inaan kaadiheystu aysan si buuxda u fuuruqin ka dib markaad musqusha tagto. -Dhibaatooyinkan qaarkood waxaa laga yaabaa inaysan noqon prostate ka awgii. Tusaale, daawooyinka qaarkood ayaa laga yaabaa inay sababaan in kaadiheystu keydiso kaadi. Dhakhtarkaaga ama la talliyaha ceshadka kaadida ayaa kaa caawin kara inaad hesho waxa sababaya dhibkaaga. SIDEE BUU U SABABI KARAA DHIBAATOOYINKAYGA KAADIHEYSTU PROSTATE KAYGU? Daboolida urethra (tuunbada kaadida):Isla marka prostate ku uu balaartaba, waxaa laga yaabaa inuu xiro kaadiheysta oo uu ka joojiyo kaadiheystu inay faaruqdo. Xaaladaha qaarkood, kaadida waxaa laga yaabaa in la keydiyo ilaa ay bilowdo inay daadato. Haddii tani dhacdo, isla markiiba dhakhtar arag. Kaadiheysta firfircoonida saa?iidka leh waxaa sababi kara kaadiheysta oo si xad dhaaf ah u shaqeysa si ay u dhaafto meel xiran. Kaadiheysta firfircoonida saa?iidka leh way isdhuujin kartaa kontoroolkaaga la?aantiis, iyadoo sababeysa baahi degdeg ah oo ah inaad kaadido. Qaliinka ka dib si loo debciyo meeshaan xiran waxaa laga yaabaa inaad weli leedahay rabitaan degdeg ah si aad u kaadido, waxaana laga yaabaa inay sii xumaato dhawr toddobaad ka dib, ilaa ay kaadiheystu caadi ku noqoto. Qaliinka dhibaatooyinka prostate waxay wax yeeli karaan muruqyada iyo neerfayaasha dusha kaadiheysta xaallado yar gudahood. Tani waxay sababi kartaa kontoroolka xun ee kaadiheysta. Haddii ay dhacdo had iyo jeer waa wax wakhti gaaban qaata, inkastoo qaliinka weyn ee kansarka prostate ka uu keeni karo dhibaatooyinka kontoroolka kaadida oo wakhti dheer qaata. SIDEE BAA LOO DAAWEYN KARAA KAADIHEYSTA KONTOROOLKA XUN? Marka koowaad, dhakhtarkaaga ama la taliyaha ceshadka kaadida ayaa dooni doona inuu raadiyo waxyaalaha sababay kontoroolka xun ee kaadiheysta, sida cudurka prostate, infekshinka, sonkorta ama waxoogaa daawooyin ah. Waxaa jira siyaalo yar oo kaadiheysta kontoroolka xun cudurka prostate ka awgiis waa la daaweyn karaa. 1. Dhakhtarkaaga ka jeegaree Ka dib markaad la hadashay dhakhtarkaaga, waxaa laga yaabaa inaad dareento inaadan u bbaahneyn wax daaweyn ah. Kontoroolka xun ee kaadiheysta wuxuu ku fiicnaan karaa wakhti ka dib, ama isbedelo sahlan oo lagu sameeyey caadda maalmeedkaaga. 2. Daawooyinka Waxaa jira tiro daawooyin ah oo kaa caawin kara kontoroolka kaadiheysta. Weydii dhakhtarkaaga wax kuwan ku saabsan. 3. Qaliinka Prostate Haddii prostate kaagu uu dhibka yahay, ka dib qaliin ayaa kaa goyn kara dhammaan ama qaybta qanjirka. Nooca qaliinku wuxuu ku xirnaan doonaa xajmiga qanjirka prostate ka. 4. Tababarka Kaadiheysta Barnaamijka tababarka kaadiheysta wuxuu caawin karaa kaadiheysta inuu hayo kaadi badan isagoon daadin ama dareen degdeg ah la iman, xitaa kuwa leh kaadiheysta firfircoonida badan. 5. Tababarka Muruqa Sagxada Miskaha Tababarka muruqa sagxada miskuhu wuxuu dhisayaa muruqyada kontoroola sida u wanaagsan ee ay u shaqeyso kaadiheysta iyo caloosha. Barro sidii aad u tababari lahayd muruqyadaada ka hor qaliinka una bilow sida ugu dhakhsaha badan qaliinka ka dib. 6. Alaabta ceshadka Kaadida Waxaa jira alaab badan oo kala duwan ee ceshadka kaadiheysta si ay kaaga caawiso la qabsiga daadashada kaadida. Hubi inaad in ku filan laqaano wax ku saabsan waxa dhibku yahay, iyo daawooyinka la heli karo , sida ugu wanaagsan ee ay u shaqeeyaan iyo waxa khaldami kara, si aad u doorato daaweynta kuugu fiican iyadoo dhakhtarkaagu ku caawinayo. Dhibaatada kontoroolka kaadiheysta ama caloosha – waxba ma leh inta yaraanteedu tahay ? waxay u baahan tahay taxadar in la siiyo. Haddii aad qabto wax su?aalo ah oo ku saabsan prostate ama kontoroolka kaadiheysta CUDURRADA KU DHACA QANJIRKA BOROSTAYTKA: QANJIR BARAR, QANJIR CAABUQ, KAANKARO QANJIR Qaran News