-
Content Count
207,106 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Muqdisho ku qabtay kulan ay madaxweynaha taageero ugu muujiyeen. Xildhibaanadan ayaa warar is khilaafsan ay kasoo baxeen tiradooda, waxaana horey u qornay inay ahaayeen 135 xildhibaan, hase yeeshee xiriir ay nala soo sameeyeen ayay ku sheegeen inay intaas ka badan yihiin oon ay gaarayaan 167 xildhibaan. Xildhibaanada ayaa Caasimada Online soo gaariyey warqad ay ku qoran yihiin magacyadooda iyo saxiixooda oo ay sheegeen inay caddeyn u tahay tiradooda rasmiga ah. Si kastaba, sida mar kasta dhacday, waxaa dhici doonta in xildhibaano badan ay sheegtaan in magacooda laga been abuurtay. Xildhibaanadan oo isugu yeeray “aqlabiyadda golaha shacabka” ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin hoggaanka Madaxweynaha iyo waxqabadka xukuumadiisa uu hoggaamiyo Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre. Hoos ka aqriso liiska magacyada iyo saxiixda xildhibaanada
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii maanta kasoo baxay hoggaanka ciidamada Amisom, kaasi oo ay isaga fogeeyeen inay kaalin ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow. Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Mahad Salaad, oo uu faceook soo dhigay:- Dharka iyo gaadiidka Midowga Afrika miyaa suuqyada magaalada Baydhabo lagu gadaa mise?! Shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa docwo ka dhan ah Ergayga gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Fransisco Madeira u gudbiyay Gudoomiyaha Midawga Afrika Moussa Faki iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom. Dacwadaan ayaa timid kadib markii ciidamada Itoobiya ee katirsan kuwa AMISOM ee jooga magaalada Baydhabo ay maalintii Khamiista soo afduubeen Mukhtaar Roobow. Afduubkaas oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah iyo Xildhibaan katirsan Barlamaanka Koonfur Galbeed. Iyagoo ka jawaabaya eedeyntaas ayaa saakay war saxaafadeed kasoo baxay xaafiiska Midawga Afrika waxay iskaga fogeeyeen in ay ku lug lahaayeen howl galkii lagu soo qabtay Mukhtaar Roobow iyo dhibkii ka dhashay. Hadaba waxaa iswaydiin mudan TAANGIYADAAN ay ku buufsanyihiin magaca Midowga Afrika iyo CIIDAMADAAN labbisan dharkooda ma’ahan miyaa kuwoodii mise dharka iyo gadiidka Midowga Afrika ayaa suuqyada magaalada Baydhabo lagu gadaa?! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudiga Joogtada ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaaladda Muqdisho, kaasi oo ay kaga arrin-sadeen xaalada kacsan ee Baydhabo iyo dagaalka u dhaxaeeya qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida oo ka taagan Mooyaale. Kulanka gudiga ayaa markii uu soo idlaaday, waxaa warbaahinta shir jaraa’id u qabtay Xoghayaha Guud Golaha Aqalka Sare, Cali Jaamac Maxamed, kaasi oo ku horumaray qalalaasaha ka taagan xarun goboleedka Bay. Xoghayaha ayaa wuxuu ugu baaqay waxgaradka, Aqoonyaanada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan inay qaboojiyaan xaaladda, islamarkaana wax kasta lagu dhameeyo iyadda oo la eegayo dadka dalka iyo dadka. Dhinaca kale, Xoghayaha Guud Golaha Aqalka Sare ayaa carabka ku dhuftay dhibaatada ka dhalatay Dagaalka ka soo cusboonaaday Deegaano iyo tuulooyin hoos-yimaada Magaalada Mooyaale oo ay wada-degaan qoomiyadaha Soomaalida iyo Oramada. Baaq nabadeed oo dhawaq culus wata ayuu ujeediyay dhinacyadda kala duwan, si gaar ah wuxuu ku tartarsiiyay masuuliyiinta inay ka shaqeeyaan sidii aanu dib-damnbe udaadan Dhiigga shacabka. Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya soo xirtay Murashax Mukhtaar Roobow waxaa ka taagan magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG maamulka Koonfur Galbeed rabshado galaaftay nolasho badan. The post Aqalka sare oo baaq kasoo saarey xaalada Baydhabo iyo Mooyaale appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Dooxa ayaa la kulmay Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dal ee walaalaha ah. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa amiirka Qatar uga mahadceliyay soo dhawayntii ballaarnayd iyo marti soorka Dooxa loogu sameeyay wadfiga uu hoggaanayo. Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than, ayaa ballan qaaday in ay sii wadayaan xoojinta xariirka laba dal iyo taageeradooda shacaka iyo dawladda Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalmihii uu dalkaasi joogay la kulmay dhiggiisa dalkaasi, waxa uuna maanta ka qayb galay madasha sannadlaha ah ee Dooxa. The post SAWIRRO: RW Khayre oo la kulmay Amiirka Qatar appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-151218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Xildhibaano ka tirsan Baalamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay kasoo horjeesteen mooshinka dhawaan laga keenay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo ay golaha shacabka u gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka, kaas oo la sheega inuu burburay. Kulanka kaddib ayay xildhibaannadu, waxay soo saareen War-asxaafadeed ka kooban laba bog, iyagoo ku sheegay in mooshinkii Madaxweynaha laga keenay uu buray, isla markaana uu ahaa mid aan loo baahnayn. Sidoo kale, Xildhibaannada kulanka yeeshay oo gaarayay in ka badan 134 xildhibaan ayaa waxay eedeyn kulul u jeediyeen Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyagoo ugu baaqay inuu furo kulamada baarlamaanka. Dhanka kale, Xildhibaannada ayaa u muuqday kuwa difaacayay Madaxweyne Farmaajo oo xildhibaanno kale ay mooshin ka gudbiyeen, iyagoo xusay inay taageersan yihiin madaxweynaha Soomaaliya. AKHRISO: War-saxaafadeedka ay soo saareen Xildhibaannada kulmay; PUNTLAND POST The post Xildhibaanno Qoraal ku Taageeray Farmaajo Baaqna u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online)- Wuxu ahaa isu soo bax noociisa aaney mudooyinkaan arag shacabka reer Puntland. Dadka ayaa ka yimmid Mudug, Nugaal, Bari ilaa Karkaar si ay usoo dhoweeyaan musharax Cabdi Faarax Siciid Juxa. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ayaa maanta dib ugu soo laabtay Garoowe, waxaana ay kumanaan shacab ah uga hor tageen daroonka diyaaraha ee Jeneraal Maxamed Abshir. Dadka ayaa tixanaa guud ahaan wadooyinka waa weyn ee magaalada Garoowe. Juxa oo loo arko musharaxa ugu cadcad doorashada madaxtinimada ee Puntland ayaa shacabka kula hadlay fagaaraha barxada Garoowe, halkaas oo uu ka jeediyay qudbad 19 daqiiqo ah. Juxa ayaa hadalkiisa ku bilaabay in sida ay shacabku isugu soo baxeen maanta iney muujineyso sida ay reer Puntland u doonayan iney doortaan hogaan wanaagsan, wuxuuse nasiib daro ku tilmaamay in 20 sanno kadib ay wali Puntland doorashadeeda odayaashu hagaan. Wuxuu shacabkii isu soo baxay u balan qaaday in hadii la doorto uu shaqadiisa koowaad ka dhigi doono dhismaha xisbiyada, si doorashada xigta ay shacabku u doortaan hogaankooda. Xiliga ay kusoo aaday doorashada Puntland ayuu musharax Juxa ku sheegay waqti aad xasaasi u ah oo uu dayacan yahay amniga Puntland, dhaqaale uusan jirin, Dowlada dhexe iyo maamuladu ay is heystaan wax badana loo baahan yahay in taxadar lagu wajaho ,waxaana uu ku baaqay in qofka la dooranaayo uu noqdo qof xogogaal ah, lasoo tijaabiyay, arrimaha taagana ka bixi kara. Wuxuu soo hadal qaaday arrinta gobalka Sool isagoo sheegay in hadii la doorto uusan wax gor gortan ah ka galin doonin arrinta gobalkaas, wuxuu fariin u diray Muuse Biixi (Madaxweynaha Somaliland) oo uu sheegay iney ceeb ku tahay in wixii uu 30 sanno ka cabanayay uu isagu maanta ummada ku hayo. Juxa wuxuu sheegay in hadii la doorto uu dhiso doono ciidan amni oo xoogan iyo dhaqaale la isku haleyn karo, uuna ka dhabeyn doono riyada reer Puntland, sidoo kalana uu fursad siin doono dumarka iyo dhallinyarada waxbaratay. Dadka ayaa u muuqday kuwo aad ugu riyaaqay balan qaadyada musharax Cabdi Farax Siciid Juxa. Hoos ka daawo qudbada oo dhemeystiran Caasimada Online Xafiiska-Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahisay Idaacadda Risaala oo kamid ah Idaacadaha Muqdisho, hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa hub ka dhigis ku samaysay la-taliyaha guddoomiyaha baarlamaanka. C/Qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ah la-taliye sare oo ka tirsan Xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la sheegayaa, in hubka dhigis lagu sameeyay ciidamo isaga ilaalo u ahaa una diiwaan gashan dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in ilaalada Jaamac looga yeeray xarunta Xisbiga oo ah taliska ciidamada Hoos tagaan, iyadoo lagu wargeliyay inay Mushaaraadkooda qaadan doonaan, balse markii halkaasi ay tageen lagu wargeliyay inay hubka dhigaan. Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay inay wareejiyaan Gaari ciidan oo ahaa Cabdi Bille u diiwaan gashan dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay inay kadib goobta kasoo baxeen iyaga oo aan hubeysneen. Sababta hub ka dhigista loogu sameyay ilaalada la taliyaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lala xiriirnayaa in ay tahay arrimo la xiriira Mooshinka laga keenaya madaxweyne Farmaajo oo uu gacanta ku hayo gudoomiyaha golaha Shacabka. Ma cadda ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee arintaan ka dambeysay, marka laga yimaad wararka sheegaya in mooshinka dartii sidan loogu sameeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
US says new airstrike in Somalia kills 8 al-Shabab fighters
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The U.S. military says it has killed eight members of the al-Shabab extremist group with an airstrike south of Somalia’s capital. The U.S. Africa Command statement says the airstrike occurred on Saturday near Gandarshe, a coastal community. The statement says no civilians were involved. The U.S. military has carried out at least 40 airstrikes this year against the al-Qaida-linked al-Shabab, Africa’s most active Islamic extremist group. It controls parts of rural southern and central Somalia and continues to stage deadly attacks in the capital, Mogadishu, and other cities. The U.S. airstrikes have picked up dramatically since President Donald Trump took office and approved expanded military operations in the Horn of Africa nation. Airstrikes also target a small presence of fighters linked to the Islamic State group. The post US says new airstrike in Somalia kills 8 al-Shabab fighters appeared first on Shabelle. View the full article -
Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow, waxa uuna ku baaqay in lasii daayo. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in sharciga ay baal marsan tahay xariga la xiray Mukhtaar Rooboow, waxa uuna carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in sharciga la dhowro, oo loo wada sinaado. Waxa uu sheegay in uu xiranyahay maxkamad isaga oo aan la marsiin, taasi oo uu ku sheegay in ay tahay gef weyn oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gashay sareynta sharciga. “Waan cambaareynaynaa xariga loo geystay Mukhtaar Roobow,waana ka xunahay dadka ku dhintay magaalada Baydhabo, Farmaajo waxa uu wadaa kaligiis talisnimo ee ha joojiyo, sidoo kale waxaan ka dalbanayaa Ciidamada AMISOM inay Soomaaliya isaga baxaan” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe. Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ugu dambeyntii dowladda federaalka ee Soomaaliya ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay usii daayaan Rooboow. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Feysal-Cali-waraabe.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka kid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshauy magaalada Muqdisho ayaa tageero xooggan u muujiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaanadan oo isugu yeeray “aqlabiyadda golaha shacabka” ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin hoggaanka Madaxweynaha iyo waxqabadka xukuumadiisa uu hoggaamiyo Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre. Xildhibaanada oo tiradooda lagu sheegay 135 xildhibaan, ayaa ugu baaqay guddoomiyaha baarlamanka in uu ka fiirsado ku adkeysiga Mooshinka oo ay ugu yeereen “mooshinka buray ee sharcidarada ah si hay’adaha dastuuriga ah looga badbaadiyo qalaalase siyaasadeed oo dowladda dib u dhac u keena, caqabadna ku noqda waajibaadkii sharcidajinta, matalaada shacabka iyo korjoogteynta hay’adda fulinta oo dhamaantood habacsanaan ku timid” Hoos ka aqriso qoraalka ay soo saareen xildhibaanada
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-War qoraal oo ah ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen duleedka Muqdisho ay ku dileen 8 xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab. Duqeynta ayaa waxa ay ka dhacday nawaaxiga deegaanka Gandershe oo ku yaalla dhanka waddada xeebta ku teedsan ee u dhexeysa Muqdisho iyo magaalada Marka. AFRICOM ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen maanta oo Sabti ah iyagoo taageero ka helaya Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Qoraalka waxa kaloo lagu sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo dadka shacabka ka soo gaaray duqeynta Ciidamada Mareykanka. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan weerarka Mareykanka kaas oo noqonaya midkii ugu dambeeyay duqeymo isdaba joog ah oo ka dhacayay muddooyinkii dambe Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo boqolaal lagu qiyaasay oo saldhigyo ku leh qeybo ka mid ah dalka, kuwaas oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab. The post Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 8 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa dallacsiiyay taliyaasha ciidamada Booliiska iyo Asluubta. Dikreeto Sabtida maanta ah ka soo baxday xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu dallacsiiyay,taliyaha ciidanka Booliiska,Ex Sarreeye Guuto Muxiyadiin Axmed Muuse oo loo dallacsiiyay darajada sarreeye Gaas iyo sidoo kale, taliyaha ciidanka Asluunta, Ex Sarreeye guuto Cali Nuur Cumar oo haatan loo dallacsiiyay darajada sarreeye Gaas. Todobaad ka hor, madaxweynaha ayaa sidaan oo kale dallacsiiyay,taliyaasha ciidamada Daraawiishta iyo PMPF oo kala ah;Gen Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo Adm Cabdirisaaq Siciid Diiriye,waxaana labadaba loo dallacsiiyay darajada Sarreeye Gaas. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweynaha dowladda Puntland oo dallacsiiyay taliyaal ciidan appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare oo maanta kulan 9aad Kalfadhiga 4aad ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xasilooni darada ka taagay koonfur galbeed ayaa baaq ka soo saaray arrintaas iyaga oo sidoo kale baaq kale u diray dagaal ka socda tuulooyinka dhaca xuduudaha u dhaxeeya Deegaannada Soomaalida iyo Oromada. Qoraalka Waxaa uu u Qornaa: Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare: ISAGA 00 GUDANAYA waajibkiisa dastuuriga ah ee uu ku matelayo dawladaha xubnaha ka ah dawlada Federaalka ISAGA 00 XOG OGAAL U AH xasilooni darada , nabadgeloyo iyo mida siyaasadeed ee ka taagan rnagaalada Baydhabo ee dawlad goboleed Koonfur Galbeed; Waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo qoysaskii dadkii Soornaaliyeed ee ku geeriyooday arna waxyeelo ka soo gaaraty qalalaasha iyo rabshadihii ugu darnbeeyey ee rnagaalada Baydhabo. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare isaga oo welwel xoogan ka qaba in xaalada arnni iyo rnida rnaarnul ay faraha ka baxdo ayuu waxa uu ugu baaqayaa dharnrnaan dhinacyada ku lugta leh xaalada ka taagan rnagaalada Baydhabo in ay joojiyaan colaada iyo qalalaasaha ayna si nabadgelyo iyo wadahadal ah ku soo afjaraan is rnaandhaafka taagan si loo soo celiyo nidaarnka iyo kala darnbeynta Magaalada Baydhabo. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare waxaa ugu baaqayaa dhamaan mas’uuliyiinta iyo shacabka dalwad goboleedka Koonfur Galbeed in ay si wadajir ah u dhowraan Dastuurka iyo Sharciyada kale ee dawlad Goboleedka si ay u suurtagasho qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare isla kulankiisa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 Dec. 2018 wuxuu ku guddoonsaday: ISAGA 00 SI DHOW ULA SOCDAY dilalka iyo xasuuqa ka socday in muddo ah deegaanada ay wada degaan ama ay deriska ka wada yihiin Qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada ee ay ka mid yihiin Tuulli-Guleed, Dheekaa, Mooyaale, Shinniile, Faafan, Feeracad iyo tuulooyinka dhaca xuduudaha u dhaxeeya Deegaannada Soomaalida iyo Oromada. ISAGA 00 XOOJINAYA nabadgelyada iyo wadanoolaanshaha Qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada. Waxa ugu baaqayaa mas’uuliyiinta deegaanadaas in ay si degdeg ah u soo farageliyaan dagaaladaas si loo joojiyo colaadaha soo noqnoqday ee deeganada kor ku xusan kuwaas oo sababay dilal, dhaawacyo, barakac iyo burbur hantiyeed. Waxa uu Guddiga joogtada ah ee Goluhu ugu baaqayaa shacabka qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada in ay joojiyaan colaada ka dhex taagan kuna wada noolaadaan nabadgelyo iyo deriswanaag iyaga oo dhowraya mabaadiida 1yo shuruucda caalamiga ah ee Xuquuqul Aadanaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray uga hadlay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed iyo rabshadaha ka socda magaalada Baydhaba, iyo sidoo kale dagaalka Mooyaale ee Soomaalida iyto Oromada. Guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xaalada ka taagan magaalada Baydhabo in ay joojiyaan colaada iyo qalalaasaha ayna si nabadgelyo iyo wadahadal ah ku soo afjaraan is maandhaafka taagan si loo soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta Magaalada Baydhabo. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan mas’uuliyiinta iyo shacabka dalwad goboleedka Koonfur Galbeed in ay si wadajir ah u dhowraan Dastuurka iyo Sharciyada kale ee dawlad Goboleedka si ay u suurtagasho qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah. Dhinaca dagaalka Mooyaale, guddiga ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta deegaanadaas in ay si degdeg ah u soo farageliyaan dagaaladaas si loo joojiyo colaadaha soo noqnoqday ee deeganada kor ku xusan kuwaas oo sababay dilal, dhaawacyo, barakac iyo burbur hantiyeed. Waxa uu Guddiga joogtada ah ee Goluhu ugu baaqay shacabka qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada in ay joojiyaan colaada ka dhex taagan kuna wada noolaadaan nabadgelyo iyo deriswanaag iyaga oo dhowraya mabaadiida iyo shuruucda caalamiga ah ee Xuquuqul Aadanaha Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhan
-
Murashaxa doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019,mudane Cabdi Faarax Siciid(Juxaa) ayaa maanta si ballaaran loogu soo dhoweeyay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland. Murashaxa oo ka yimid magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa markii uu Garoowe soo gaaray,waxaa ku soo dhoweeyay boqollaal shacab ah oo sita calanka Puntland iyo sawirka murashax,kuwaasoo mudda saacado ah halkaasi ku sugayay. Mudane Juxaa oo barxadda weyn ee caasumadda kula hadlay boqollaal kamid ah taageerayaashiisa , ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay,isagoo halkaasi ka jeediyay khudbad kooban oo ku saabsan waxqabadkiisa,haddii loo doorto madaxweynaha Puntland. “isu’soo baxaan maanta barxaddan la isu’gu yimid ee reer Puntland,waxay muujinaysaa sida ay dadku ugu heellan yihiin, in ay aayahooda gacanta ku qabsadaan,in dadka ay rabaan ay soo doortaan”,ayuu yiri Mr Juxaa oo la hadlayay taageerayaashiisa. Murashaxa ayaa sheegay in Puntland maanta ay u baahantahay hoggaamiye raad la raaco leh oo hore waxqabadkiisa loo tijaabiyay ee aysan u baahneyn mid ku bar-barta,mid meel kale laga soo xawilay iyo mid koox-daneed ay riiixayso. Wuxuu ballan qaaday in haddii la doorto uu wax ka qaban doono arrimaha amniga,dhaqaalah,horumarinta bulshada,hirgelinta doorasho qof &cod ah,la’dagaallanka musuq maasuqa, iyo adkaynta wadajirka iyo midnimada shacabka Puntland. Mar uu ka hadlayay xuduudaha maqan ee Puntland, ayuu sheegay in shacabka gobollada SSC ay wax ka as’aasteen dowladda Puntland,islamarkaana haddii ay wax tabanayaan uu ka garaabayo,balse marnaba aanu cid kale gorgortan kala gelin doonin goboladaasi. Dhinaca kale murashax ayaa farriin u diray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi”Muuse Biixi waxaan leeyahay,gobolka Sool Puntland gorgortan kama gelayso,dadkiisa ayaa doortay in ay Puntland noqdaan,annana taas ayaan ka shaqeynaynaa”ayuu yiri mudane Juxaa. PUNTLAND POST The post Juxaa: Muuse Biixi waxan leeyahay Puntland gobolka Sool gorgortan kama gelayso appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxa ay sheegayaan in halkaasi ay howlgal ballaaran ka fuliyeen ciidamada dowladda federaalka, K/Galbeed iyo kuwa Itoobiya. Howlgalkan ayaa la doonayey in lagu joojiyo dibadbaxyada ka soconayey magaaladaasi, waxaana ciidanku ay xabsi dhigeen in ka badan 200 qof oo shacab ah una badan dhallinyaro dibadbaxyadan dhigayey. Wararku waxay sheegayaan in dhammaan dadkan la xirey loo qaaday xabsiyada Baydhabo, iyadoo dhanka kale dib ay hawada ugu soo noqotay isgaarsiintii magaalada oo saacado badan maqneyd. Wararka ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay hadda deggan tahay, dibna u furmeen xarumaha ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha. Saraakiisha ammaanka magaalada Baydhabo weli wax war ah kama aanay bixin howlgalladan ay ciidanku ka sameeyeen magaaladaasi. Baydhabo waxaa Maalmihii lasoo dhaafay ka jiray dibadbaxyo xooggan oo ay dhigayeen dadka shacabka ah kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya halkaasi kasoo xireen musharrax Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com