-
Content Count
207,106 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa goordhow la filayaa inuu warbaahinta kula hadlo magaalada Muqdisho, waxaana wariyaasha ay sugayaan Shirkiisa Jaraa’id. Xarunta NISA ee magaalada Muqdisho ayaa loo diyaariyay inuu warbaahinta kula hadlo, waxaana wariyaasha geeyay halkaasi bahda warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya. Lama oga waxyaabaha uu ka hadli doono, balse waxaa loo badinayaa inuu ka hadlo soo xeritaankiisii iyo arrimaha doorashooyinka Koofur Galbeed. Wariyaasha ayaa gabi ahaanba loo diiday inay Live Facebook ka sameeyaan Shirka Jaraa’id ee Mukhtaar Roobow. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in maanta la filayo in albaabada la iskuugu dhifto xabsiga GODKA JILACOW oo inta badan lagu xeri jiray shaqsiyaadka Al Shabaab looga shakiyo. La soco waxa kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in uu wali uu ku jiro go’doon,islamarkaana wali loo diidan yahay Xildhibaanada in ay soo booqdaan Gurigiisa. Ciidamada ammaanka ayaa weli u xiran jidka loo maro halka uu degan yahay Guddoomiyaha, waxaana wadada ka xiran tahay agagaarka KM4, gaar ahaan Barta Kontarool ee Ciidamada Amniga ku leeyihiin halka lagu magacaabo Hoolka Sahal. Wadadaas ayaa tan iyo jimcihii aheyd mid xiran oo aan wax gaadiid ah geli karin, sidoo kalena loo diiday Xildhibaanada inay ka gudbaan, waxaa wadada ku xiran gawaarida gaashaaman iyo biro. Waxaa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya laga rabo in ay ilaaliso Sharciga iyo kala dambeynta, Maadaama uu sheegay in xukuumadda Caburin ku heyso. Xukuumadda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay baalmartay Sharciga iyo kala dambeynta. Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegaya in Guddoomiyaha ay saaran tahay xayiraada, isla markaana loo diidan yahay in Xildhibaanada u tagaan. Shalay ayay aheyd markii Guddoomiye Mursal uu ugu baaqay Xukuumadda inay xayiraada ka qaado hoygiisa, loona ogolaado Xildhibaanada inay soo booqan karaan. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan ka guuray xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, ka dib markii uu sheegay in xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo loo diiday in ay soo galaan xarunta Madaxtooyadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
-
Baydhabo (PP) ─ Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur galbeed oo goor-dhaw warbaahinta kula hadlay Baydhabo, ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uusan ka qayb-galayn doorashada dhici doonta 19-ka bishan taasoo lagu soo xulanayo madaxeynaha cusub ee maamulkaas. Xubno ka tirsan guddiga doorashada ayaa sheegay in Mukhtaar Rooboow uu dhameystiray dhammaan hab-raacii doorashada, balse ay ku dheggan tahay Dowladda Federaalka Somalia, isla markaana nin maqan aanu ka qayb-geli karin tartanka doorashada. Hadalka Guddiga Doorashada KG, ayaa imaanaya maalmo kaddib markii la xiray Mukhtaar Roobow oo ku sugnaa Baydhabo, iyada oo sheegtay inuu faraha laga galay arrimo ka baxsan heshiiska uu la galay Dowladda Somalia. Xukuumadda Somalia ayaa horay cadaadisyo ugu saartay Mukhtaar Roobow si uu uga haro doorashada, balse taas wuu ka dhego-adaygay, iyadoo Reer Koonfur-galbeed ay muujiyeen inay ku kalsoon yihiin Roobow ayna u dooran doonaan madaxweyne. Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in musharraxiinta kale ee isugu soo haray doorashada ay maanta jeedin doonaan khudbadahooda, waxaana la sheegay in maanta la dhageysan doono khudbadaha dhawr musharrax. Musharraxiinta khudbadahooda maanta la dhageysan doono ayaa waxaa ka mid ah; Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Xuseen Cismaan Xuseen iyo Ibraahim Macallin Nuunow, halka xildhibaannada harayna khudbadahooda la dhageysan doono maalinta berri ah. Ugu dambeyn, Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay u ogolaan doonto Mukhtaar Roobow inuu ka hadlo rajadiisa doorashada la filayo inay toddobaadka soo socda ka dhacdo Baydhabo. PUNTLAND POST The post Mukhtaar Rooboow oo la shaaciyay inuusan ka qayb-geli doonin Doorashada K/Galbeed appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa qorsheynaya iney loollan adag galiyaan haweenka muslimiinta ah ee ku biiray aqalka Koongareeska Mareykanka, kuwaasoo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar. Tan iyo markii ay dhacday doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka, warbaahinta garabka Midig ee dalkaasi ayaa bartilmaameed ka dhigtay Ilhaan Cumar, oo ah siyaasiyadda xisbiga Dimuqraaddiga ee Soomaaliya ka soo jeedda, isla markaana xijaabka xirata. Haweeneydan oo garab ka heleysa xisbigeeda ayaa u xusul duubeysa in meesha laga saaro sharci 180 sano jirsaday oo aqalka Koongareeska ka mamnuucaya in ay soo galaan dadka uu madaxa u daboolan yahay. Baadari lagu magacaabo E.W. Jackson oo ka mid ah dadka u hadla xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa isagoo ka jawaabaya isku dayga ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ku doonayaan in xijaabka lagu galo aqalka hoose waxa uu raadiyaha ka sheegay in dadka Muslimiinta ah ay doonayaan iney Koongareska ka dhigaan “Jamhuuriyad Islaami ah”. Hase ahaatee, gudaha Mareykanka oo kaliya ma aha meelaha uu ka imaanayo dagaalka lagula jiro Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, oo iyadana ah gabar muslim ah oo asal ahaan ka soo jeedda Falastiin, balse waxaa jira dagaal kale oo dibadda uga imaanaya. Weerarro la soo qaban qaabiyay ayaa looga soo qaaday dalalka kala ah Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta. Doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ayaa sare u sii qaadday shaki xooggan oo ay warbaahinta bariga dhexe ka muujinayeen siyaasiyiinta u doodda xuquuqda dadka ee ka howl gala Mareykanka. Hay’adaha Warbaahinta ee la dhacsan hannaanka maamulka dowladaha Khaliijka ayaa marar badan ku cel celiyay eedeymo ay u jeedinayeen Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, iyagoo sheegayay iney labadaas gabdhood ee hadda ka tirsan Koongareska si toos ah u taageeraan ururka Ikhwaanul muslimiin ee laga mamnuucay dalka Masar. Ururkaas ayaa sidoo kale cadow la ah Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Maalintii Axada ahayd ayuu Telefishinka laga leedahay dalka Sacuudiga ee Al-Carabiya ayaa wuxuu baahiyey muuqaal uu ku sheegay in Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ay qeyb ka ahaayeen isbahaysi u dhexeeya xisbiga Dimuqraaddiga iyo kooxaha islaamiga ah, ayna doonayeen iney la wareegaan maamulka aqalka Koongareeska. Maqaalkaas ayaa labada siyaasi ku eedeeyay iney yihiin “dad ka soo hor jeeda madaxweyne Trump iyo siyaasadihiisa, gaar ahaan qorsheyaashiisa arrimaha dibadda ee ku aaddan cunaqabateynta Iiraan, xayiraadda ururka islaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin iyo dhammaan ururrada siyaasadeed ee islaamiga ah”. Tusaale kale oo arrintan la xiriira ayaa soo baxay, kaddib markii barnaamij dood wadaag ah lagu qabtay telefishinka ay leedahay dowladda Sacuudiga ee MBC, kaasoo looga dooday guusha haweenka xisbiga Dimuqrdaaddiga iyo sida ay xaaladda u adkaan karto marka ay xisbigaas la wareegaan maamulka aqalka Koongareeska. Wariyaha caanka ah ee lagu magacaabo Amr Adib ayaa dooddiisa ku marti qaaday siyaasiga rug caddaaga ah ee u dhashay Masar ee lagu magacaabo Moataz Fattah, kaasoo sheegay in guulihii uu madaxweyne Trump ka gaaray la dagaallanka kooxaha islaamiga ah ay wiiqi doonaan siyaasiyiinta Xisbiga Dimuqraadiga ee la wareegay aqlabiyadda Koongareeska. Ilhaan oo dhawaan loo doortay xildhibaannimada Koongareeska, oo ay ku mataleyso xisbiga Dimuqraaddiga Mareykanka, ayaa ah gabar muslim ah oo ka soo jeedda Soomaaliya labiskeedana uu ka mid yahay khamaarka madaxa lagu daboosho, balse waxaa jira xeer u yaalla aqalka ay ku biirtay oo ku qasbaya iney iyadoo madaxeeda qaawan yahay gasho golaha. Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa iyaguna taariikhda ku galay iney noqdaan gabdhihii muslimiinta ahaa ee markii ugu horreysay abid ku biiray aqalkaas, waxaana laga soo doortay isla xisbiga Dimuqraaddiga. BBC-da ayey Ilhaan u sheegtay in shaqada ugu horreysa ee ay qabaneyso ay tahay sidii ay u badbaadin lahayd khamaarkeeda, taasna ay garab ku siiyeen siyaasiyiinta kale ee xisbigeeda saameynta ku leh. “Sidaan ognahay Waddankan sharciyadiisa waxay oggol yihiin in qof walba uu diintiisa xor u ahaado laguna xushmeeyo, Marka aniga waxaan ahay qof muslim ah oo xijaab xirato, sharcigaanna waa muhiim inuu ii oggolaado inaan xijaabkeyga xirto shaqadeydana guto, Marki la i doortay waxaan ogaannay inuu jiray sharci igu adkeynaya inaan khamaarkeyga wato, marka waxaa fursad la ii siiyay inaan aniga noqda qofka horseedaya sidii sharcigaas loo baddali lahaa” ayey tiri Ilhaan. Ivanka Trump oo ah gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka mid ah dad fara badan oo Ilhaan ku taageeray iney tallaabadaas u qaaddo sidii ay u xaqiijin lahayd in iyadoo xijaaban ay dhex fariisato aqalka Koongareeska. Hirgalinta sharcigan ayaa la filayaa in la guda galo isbuucyada soo socda, marka xildhibaannada loo dhaariyo xilalkooda, sida ay BBC-da u sheegtay Ilhaan. Xisbiga Dimuqraaddiga, oo ay Ilhaan xubin ka tahay ayaa aqlabiyad ku leh aqalka wakiillada ee Koongareeska, waxaana lagu wadaa in ay si sahlan ku baddalaan sharcigaasi, Ilhaan ayaana aaminsan iney arrintan wax weyn uga dhigantahay gabdhaha kale ee muslimiinta ah. “Waxaan rajeynayaa in gabdhaha muslimiinta ee aniga kaddib la soo dooran doono ay heli doonaan fursad ay xijaabkooda kula tagaan shaqadooda, dagaal kalena aysan u galin iney arrintaas hir galiyaan. Tusaale ayaan u noqon doonaa gabdhaha yar yar ee iskuullada dhigta. Waxay ila tahay in gabdhahaas markii iyagoo xijaabka ku xiran iskuulka lagu foorjeeyo ay dhihi doonaan ‘xijaabkeyga waxba haka sheegin sababtoo ah gabar xijaaban ayaa fadhisa Koongareeska, marka waxaan u maleynayaa inaan waddo fiican u furi doono ayna heli doonaan dhiirri galin”. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaacisay tiradda ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalla gudaha Soomaaliya, kuwaasoo u diwaan-gashan Dowladda Federaalka ah. La-taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo, Cabdi Siciid Muuse Cali ayaa sheegay in ciidamada u diiwaan-gashan dowladda Soomaaliya ay tiro ahaan gaarayaan 9,000 oo askari. Cabdi Siciid, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya muddadii ay xilka haysay ay horumar wanaagsan ka sameysay dhismaha ciidamada Xoogga Dalka, isla markaana ay wali socdaan dadaallada lagu dhisayo ciidamada Soomaaliya. Sidoo kale, La-taliyaha ayaa xusay in sagaalka kun ee Askari ay leeyihiin xisaabaadyo Bangi, isla markaana ay si joogto ah u qaataan mushaarkooda, taasoo uu sheegay inay wax weyn ka bedeli doonto shaqada ciidamada. Dhanka kale, Hadalka La-taliyaha ayaa yimid kaddib Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay sannadkii lasoo dhaafay AMISOM ku amreen inay dhimaan ciidamada Soomaaliya, amnigana ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliya. Ugu dambeyn, Hadalka mas’uulkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli dhwar jeer oo hore la sheegay inaysan jirin tiro sugan oo ciidamada xoogga dalka ay leeyihiin, ayna jiraan askari laba ciidan mushaar ka qaata oo qaarkood la xiray. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo markii ugu horreysay shaacisay tirada guud ee ciidamada Xoogga appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga doorashada koonfur galbeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow aanu u tartameyn doorashada madaxtinnimada koonfur galbeed ee 19-ka Bishan ka dhici-doonta magaalada Baydhabo. Guddiga ayaa intaasi raaciyey in Roobow uu dhameystiray hab-raacii doorashada balse ay ku dheggantahay dowladda federaalka ah, isla markaana nin maqan aanu tartami karin. Hadalka guddiga doorashada ayaa imaanaya kadib maalmo markii ay dowladda federaalka ah soo xirtay Mukhtaar, iyada oo sheegtay in uu faraha laga galay arrimo ka baxsan heshiiska. Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow uu hadli-doono saacadaha soo socda, iyada oo laga yaabo inuu ku dhawaaqo ka hiristiisa doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wariyaasha ayaa looga yeeray xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana u yeeray bahda warbaahinta u qaabilsan xafiiska madaxweynaha Soomaaliya. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in goordhow la filayo in Sheikh Mukhtaar Roobow uu la hadlo warbaahinta, lama oga waxyaabaha uu ka hadli doono. Maalintii Khamiista ayaa Mukhtaar Roobow laga keenay magaalada Baydhabo, waxaana maalmahaan uu ku xirnaa magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in xarunta NISA uu warbaahinta kula hadli doono Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Caasimada Online ayaa saaka baahisay in Mukhtaar Roobow la filayo inuu manta ku laabto magaalada Baydhabo, kadib kulan ka dhacay xarunta Xalane. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Xildhibannada mooshinka ka keenay Madaxweynaha DF ayaa warqad u diray Dowladda Itoobiya si ay u caddeyso mowqifkeeda ku aaddan kaalintii ay ciidamadeeda jooga Somalia ku lahaayeen hawl-galkii dhawaan lagu qabtay Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur iyo in loosoo gudbiyo Magaalada Muqdisho. Warqaddan ayaa waxaa si toos ah loogu diray danjiraha Itoobiya u jooga Soomaaliya, Jamaaluddiin Mustafa Cumar, iyadoo la ogeysiiyay Wasiiradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya, Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika u jooga Soomaaliya, danjirayaasha Maraykanka iyo Britain u jooga Soomaaliya. Mudanayaashan ayaa qoraalkooda ku muujiyay in ergayga Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Francisco Madeira War-saxaafadeed uu Muqdisho kasoo saaray uu ku sheegay inaysan Ciidamada AMIISOM wax lug ah ku lahayn xariggii Mukhtaar Roobow iyo dhacdooyinkii ay dadka rayidka ah ku geeriyoodeen ee ka dhaca Baydhabo. Sidoo kale, Xildhibaannadan ayaa Xukuumadda Itoobiya ka codsadeen inay caddeyso kaalintii ay ciidamadeeda jooga Baydhabo ku lahaayeen xariggii Roobow iyo shaqaaqadii khasaaraha badan dhalisay ee Baydhabo ka socotay dhawrkii casho ee lasoo dhaafay. Dhanka kale, Xildhibaannada ayaa qoraalkooda ku xusay in goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ay xaqiijiyeen in ciidamada Itoobiya ay ku lug lahaayeen Hhwl-galkii lagu xiray Mukhtaar Roobow. Ugu dambeyn, Qoraalka xildhibaannadan ay soo saareen waxaa ku saxiixnaa afhayeenka xildhibaanadan ah ee la magac baxay Badbaado Qaran NSC, Dr. C/fataax Ismaaciil Daahir. PUNTLAND POST The post Xildhibaannada mucaaradka ah oo Warqad cabasho ah u diray Xukuumadda Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ay bilaabatay hadal jeedinta Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed. Xildhibaanada Koofur Galbeed ayaa ku sugan hoolka ay ka bilaabatay dhageysiga khudbadaha musharixiinta Koofur Galbeed, waxaana musharax walbaa uu soo bandhigayaa waxqabadka uu la imaan doono haddii la doorto. Xubno ka socdo dowladda Soomaaliya iyo wasiiro hore ayaa kusugan goobta kuwaasi oo goobjoog ka ah hadal jeedinta musharixiinta Koofur Galbeed oo hadda lagu koobay shan ruux. 149 xildhibaan ayaa ku sugan goobta hadal jeedinta, waxaana sidaasi si lamid ah maalinta beri ah la dhageysan doonaa Khudbadaha labo musharax oo kamid ah musharixiinta buuxsiyay sharuudaha laga doonayay. Seddexda Musharax ee maanta khudbadaha jeedinayo ayaa kala ah 1:Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) 2:Ibraahim Macalin Nuur 3 Xuseen Cismaan Xuseen, sida ku qoran jadwalka hadal jeedinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shir muddo labo maalmood ah socondoona isla markaasina looga hadlayo soo bandhigista qorshe hawleedka dhammaan hay’adaha dawladda ee ka faaiideysanaya Mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ee CIP ayaa ka furmay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland. Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay dhammaan hay’adaha dawladda ee ka faaiidaysanaya Mashruuca CIP iyadoo Hay’ad walba ay soo diyaarsatay qabyo qoraalkeedii koowaad ee qorshe hawleedkeeda ku aaddan sannadkaan cusub ee 2019-ka. Intaa kadib waxaa Iyana goobta joogey xubno ka socda xiriirka Mashruuca ee PCU kuwaas oo kala shaqaynayay dhammaan hay’adaha dawladda falanqaynta iyo dhammaystirka qabyo qoraalka labaad oo ladoonayo in lasoo gunaanado si loo ansixiyo qorshe hawleed mid ah oo ay kujirto hay’ad walba iyo baahideeda. The post Shir looga hadlayo dejinta qorshe hawleedka 2019-ka ee qayb kamid ah hay’adaha dawladda oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada taageersan xukuumadda Soomaaliya ayaa xog dheeri ah ka bixiyay koox xildhibaano ah dadaal ay wadeen oo la doonayay in xiisadda mooshinka lagu xaliyo. Isaga oo ka hadlayay kulankii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in guddoomiye Mursal uu kaga baxay balan uu horey uga qaaday oo aheyd inuu qeyb ka noqonayo xal u helidda xiisadda ka dhalatay mooshinka. Sidoo kale wuxuu sheegay in isaga iyo koox ka tirsan xildhibaanada ay ka naxeen markii guddoomiye Mursal uu ka guurey Madaxtooyada, maadaama sida uu sheegay aysan ka warheyn arintaasi. Arin laga xumaado ayuu ku tilmaamay in xildhibaano Kooban ay meel ku heystaan sida uu hadalka u dhigay guddoomiye Mursal, isaga oo ugu baaqay inuu dib ugu soo laabto madaxtooyada. Wuxuu soo hadal qaaday in guddoonka baarlamaanka ay ka doonayaan inay dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya xildhibaanada, maadaama sida uu sheegay iyaga ay yihiin kuwa is haya. Ugu dambeyn wuxuu si cad u sheegay in haddii guddoonka baarlamaanka “Mursal, Mahad iyo Muudeey” ay heshiin waayaan inay qaadi doonaan Talaabo cad oo uusan sheegin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xuseen Aba Nuur Abti waxa ka mid ahaa ciyaartooydii ugu wanaagsaneyd kubbadda cagta iyo Kolayga waagii barisamaadka,isagoo kasoo baxay degmada Shangaani Gobolka Banaadir inakstoo uu iminka uu ku nool yahay dalka ingiriiska. 27-sano ka dib ayuu caasimada Muqdisho kusoo laabtay bishii October,isagoo ka mid wafdiga dalka u imaaday ciyaaro saaxiibttinimo iyo is dhaxgal bulsho waxayna caasimada ku sugnaayeen inti u dhaxaysay 17-30-October waxa ay ciyaareyn kulamo saaxiibtinimo,iyagoo booqday goobaha taariikh tusaale ahaaa garoonka Stadium Muqdisho iyo tiyaatarka qaranka waxayna ka qeyb qaateyn olalaha isxilqaan oo ay dowlada ku dhawaaqday. Xuseen Aba Nuur“Ma aanan filan 27-sano ka dib in aan kusoo laabanayo dalkayga waxaa ii muuqda horomaro kala duwan oo ka socda gudaha qurbajoogta waxaa looga baahan yahay in ay ciyaaraan doorkooda dib u dhiska iyo in ay kusoo laabtaan wadankooda si ay u arkan sawirka dhabta ee ka jira aysan aaminin waxyaalaha ayu ka arkaan baraha bulshada oo ah propaganda”. “Dhamaan ciyaartooydii kala duwaneyd ee kusoo ciyaartay garoonka Stadium Muqdisho waxaan lee yahay ka qeyb qaata dhismahiisa runtii aad ayaan ugu naxay sida uu yahay,balse waxaa ii muuqanaysa rajo wanaagsan hadii aan si wadajir ugu qeyb qaadano waxaana kusoo celin karaa siduu ahaan jiray”Xuseen Aba Nuur Abti ayaa Goobjoog u sheegay mar uu booqday 23-0ctober 2018. Laacib Xuseen Aba Nuur wuxuu saaxiibadiisa iyo dadkii ay isla ciyaareyn waqti wanaagsan kula qaatay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho,isagoo sheegay in uu jecel la’aan lahaa sii joogada wadankiisa qorshihiisana aysan wax iska badali karin,balse sanad kasta uu booqasha u imaanayo gudaha mustaqbalkana isaga iyo caruurtiisa ay kusoo laabandoonaan Soomaaliya. “Ciyaartooydii ugu fiicnaa aan isla soo dheelnay waxaa ka mid ahaa Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo hada ah Wasiirka Amniga dowlada,Xasan Shangaani iyo xirfadlayaal kale oo aad u tiro badan waxa ay ii ahaayeen saaxiib isku dhaw hadafkooduna ahaa is jaceyl iyo walaaltinimo”Xuseen ayaa Goobjoog u sheegay bishii October 2018. Tan iyo 2012 waxaa dalka kusoo laabanayay ciyaartooydii hore wadanka,iyagoo kaalin ka qaatay in dhalinyarada gudaha ay u dhisaan garoomada casriga ee lagu dheelo ciyaaraha sidoo kalane talooyin la wadaagay xiriirada iyo wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada si loo horomariyo isboortiga gudaha. Halkaan Ka Daawo Tariikhda Laaciib Xuseen Aba Nuur Abti W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa inay amaanka dalka kala wareegaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007. Lataliyaha madaxweynaha ee dhanka Amniga Cabdi Siciid Muuse Cali ayaa shaaciyay tirada ciidamada meletariga Soomaaliya ee sida saxda ah ugu diiwaan gashan dowladda Soomaaliya. Mr Cabdi Saciid, ayaa sheegay in ciidamada maletariga Soomaaliya ay gaarayaan 9,000 “Sagaal kun”oo askari, oo si sax ah ugu diiwaan gashan dowladda Soomaaliya, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka. Qoraalka Lataliyaha ayuu ku sheegay in ciidamadaasi ay leeyihiin meelo si sax ah ay ugu dhacdo mushaaraadkooda oo dowladda Soomaaliya ay si joogto ah u bixiso. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay guulo ka sameysay amaanka iyo dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliya, iyadoo ciidamada kala duwan ay helaan tababaro dheeri ah. Cabdi Siciid, ayaa sheegay dib u habeynta Ciidamada xoogga dalka ee ka midka ahayd ololaha Madaxweyne Farmaajo uu sidiisii ku socdo islamarkaana uu isbeddel weyn ka muuqdo hadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay howlgallo ballaaran ka wadaan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan. Howlgalkaan oo ah mid ammaanka lagu xaqiijinayo ayaa lasoo sheegayaa in ciidamadu ay ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi. Waxaa jirta tiro dhallinyaro ah oo howlgalkan lagu soo qabtay, hase ahaatee weli faah faahin lagama bixin inta ay la egyihiin dhallinyaradaasi. Howlgalkaan ayaa wuxuu daba socdaa kadib qarax shalay ka dhacay suuq Khaadka lagu iibiyo oo ku yaalla degmadaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar aan heleyno ayaa sheegaya in shir Xasaasi ah oo looga hadlayay xariga Roobow iyo xiisaddii ka jirtay magaalada Baydhabo uu ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. Shirka ayaa sida wararka aan ku heleyno waxaa lagu falanqeeyay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana la sheegayaa in la isla gartay in dib xoriyadiisa loo siiyo Mukhtaar Roobow. Shirka waxaa ka qeyb galay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Safiirka UK, Safiirka Turkey, Safiirka Jabuuti Urur goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo lataliyaasha dowladda Qaarkood, sida xogta aan ku heleyno. Waxyaabaha la isku raacay ayaa waxaa kamid ah in Mukhtaar Roobow lasii daayo, islamarkaana uu ku laabto magaalada Baydhabo si uu kaga qeyb galo doorashada Koofur Galbeed. Waxaa suuragal ah in Mukhtaar Roobow lasii daayo Maanta oo gelinka dambe uu ku laabto magaalada Baydhabo, ama in beri lasii daayo sida ilo Xog ogaal ah ay inoo sheegeen. Lataliyaasha dowladda Matalayay ee ka qeyb galay shirka ayaanan ku qanacsaneyn waxyaabaha shirka looga hadlay, waxaana la ogeyn sida dowladda Soomaaliya ku aqbali doonto qorshaha. Dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa ogolaanshaha sii deynta Mukhtaar Roobow si uu kaga qeyb gal doorashada, waxaana la doonayaa in doorashada lagu reebo, sida wararka ay sheegayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay kooxo hubeysan ay dil ka geysteen deegaanka Budbud ee gobolkaasi. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Marxuum Macalin Xasan Maxamed Warsame oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Wararka qaar ayaa sheegaya in dilkan uu salka ku hayo dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi. Dableydii ka dambeysay dilkan ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen. Mana jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobolka Mudug oo ku aadan dilkaasi. Muddooyinkii dambe xaaladda ammaan ee Mudug ayaa aheyd mid dagan, iyadoona Ciidamada Galmudug ay howlgallo ka adeen gudaha gobolkaasi. The post Kooxo hubeysan Oo dil ka geystay gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka soo horjeeda Mooshinka Madaxweynaha ayaa baaq u dirtay guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya. Ubax Tahliil Warsame ayaa ka codsatay guddoomiyaha Golaha Shacabka in uu furo kulamadii BFS, si cod loogu qaado Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo. Waxaana ay tilmaamtay in isku kalsoon yihiin, ayna diyaar u yihiin in Cod Baarlamaan lagu kala baxo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/xxx.mp3 The post Ubax Tahliil “Waa in Cod loo qaado Mooshinka Madaxweynaha” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Xaaladda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay tahay mid dagan, kadib markii saddexdii maalin ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen rabshado xoogan. Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu arkayaa Waddooyinka magaalada, kuwaas oo xaqiijinaya amniga, kana hortago rabshado ka dhaca halkaasi. Xariiro aan la sameynay saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in jawiga saaka uu yahay mid xasiloon, islamarkaana xaaladdu ay dagan tahay. Dhinaca kale waxaa maanta lagu wadaa in ay bilowdaan hadal jeedinta Musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka K/ Galbeed Soomaaliya. Illaa 3 Musharrax ayaa maanta hortagaya Baarlamaanka maamulkaasi, si ay ugu jeediyaan khudbadahooda ku aadan waxqabadka, hadii loo doorto xilkaasi. 19-ka bishan ayaa la filayaa in ay qabsoonto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, walow xiisado siyaasadeed ay ka jiraan maamulkaasi. The post Xaaladda magaalada Baydhabo Oo saaka dagan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Sida ku qoran jadwalka doorashada koonfur galbeed ee Soomaaliya waxaa lagu wadaa maanta in ay khudbado jeediyaan ilaa 3 murashax. Murashaxiinta khudbadaha ku qoran ayaa kala ah: Aadan Maxamed Nuur(Saransoor), Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Ibraahim Macalin Nuunow Doorashada koonfur galbeed ayaa dhici-doono 19-ka bishan, waxaan weli la’ ogeyn inuu ka qeyb gali-doono Roobow iyo in kale. Qoraal uu sabtidii soo saaray guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal waxaa uu codsaday in la sii-daayo Mukhtaar Roobow, isaga oo intaas raaciyey in Mukhtaar Roobow uu yahay muwaadin xaq u leh tartanka doorashada. Arrimaha Doorashada Koonfur Galbeed, Kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-161218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article