Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,117
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa goor dhow ku dhawaaqay in uu Is Casilay. Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa si rasmi ah u shaaciyay Is Casilaadiisa. Waxaana sheegay in uu isku Casilay sababo uu ku sheegay faragalin ay dowladdu ku heyso arrimaha K/ Galbeed iyo xariggii Sheekh Mukhtaar Roobow Cali. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa jiray xiisado xoogan oo ka taagnaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, kuwaas oo ka dhashay xariggii Musharrax Roobow. The post Wasiir ka tirsanaa XFS Oo goor dhow Oo is Casilay appeared first on Shabelle. View the full article
  2. (SLT-Hargaysa)Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Saaray War Qoraala Oo Ku Socda Dawlada Itobiya Iyo Shacbigeeda Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL Taariikh: 15/12/2018 Dhambaal Tacsi Ah Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Dawladda iyo Shacbiga Itoobiya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal Tacsi ah u dirayaa dawladda federaalka Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaasi aynu jaarka nahay isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya, Girma Walde giyorgis oo xalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla Magaaladda Addis Ababa. Madaxweynuhu waxa uu Madaxweynihii hore ee geeriyooday ku tilmaamay siyaasi ka baxay dawladda Federaalka Itoobiya iyo mandaqadda Geeska Afrikaba, isla markaana muddadii uu xilka hayey door laxaad leh ka qaatay iskaashiga iyo xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya. Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Itoobiya iyo dawladdaba mar labaad ka tacsiyadaynayaa geerida ku timi madaxweynihii hore ee dalkaas Girma Walde giyorgis. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  3. (SLT-Hargaysa) Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa ka digay in xaalad ammaan darro ka dhalan karto xanaftii Doorashadu reebtay. Hoos ka DAAWO Source
  4. (SLT-Muqdisho)Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Dalkaasic Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyoNabadda Midawga Afrika, Ambassador Smail Chergui. Ra’iisul wasaare Khayre iyo Ambassador Smail Chergui ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah iyo diyaar garowga loogu jiro qorshaha mas’uuliyadda amniga ay kula wareegayso dawladda Soomaaliya. Kulanka ayaa sidoo kalelooga hadlay sii wadidda taageerada dhanka amniga ah ee midawga Afrika aysiiyaan Soomaaliya. Source
  5. Wasiirka howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyenta xukuumadda federaalka ah Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa maanta is-casilay isaga oo u sababeeyey faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso maamulka uu ka soo-jeedo ee koonfur galbeed. Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo saxaafadda u akhriyey sababaha ayaa ku sheegay: 1. Faragelinta Koonfur galbeed iyo guud ahaan maamullada kale uu sheegay ineysan jirin meel looga gaaray go’aan wadajir ah. 2. Xariga Mukhtaar Abuu Mansuur Roobow iyo ka reebidiisa tartanka doorashada ayaa ah sabab kale uu sheegay inuu isku casilay wasiirka howlaga guud. 2. La-tashi la’aanta dadka metala koonfur galbeed ee ku jira golaha wasiirada iyo baarlamaanka federaalka ah. Cabdifitaax Ibraahim Geesey, waa wasiirkii 3aad ee wasaaraddan muddo 2 sano ah, waana wasiirkii ugu horeeyey ee isku casila faragelin ay dowladda ku sameysay deegaan ka mid ah Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Qatar)Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa imaan doonta sharikadda Qadar Airways oo markii ugu horeeysay duulimaadyo toos ah ka bilaabidoonta magaalooyinka Doha iyo Muqdishu. Shirkadda Qatar Airways ayaa bilaabeysa duulimaad toos ah,usbuuciiba saddax (3) jeer bisha Juun ee sanadka 2019ka sida ay xaqiijiyeen shaqaale ka shaqeeya Qadar Airways. Shirkadda Ethiopian Airline ayaa dhawaan bilaawday dulimaad rasmi ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa. Waxaa dib u dhac ku yimid Sharikadda Kenya Airways oo la filayey in ay duulimaadyo toos ah kabilowdo magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa si joogta ah uga soo degta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana ay ka mid tahay diyaaradihii ugu horeeyay ee heerka caalami ah si rasmi ah uga howlgala garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Shirkadaha dayuuradaha ee ku soo badanayo garoonka caalamiga ee Aadan Cadde ayaa la filayaa inuu hoose u dhigo qiimaha Tickidhada oo aad qaali u ahaa gaar ahaan duulimaadyada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo ay deggen yihiin Soomaali aad ubadan . Dib u howlgalinta dulimaadka shirkadda diyaaradaha QatarAirways ayaa wax weyn ka tari doonta isku socdka labada magaalo ee Muqdisho iyo Doha iyo sare u qaadista xiriirka ganacsi ee labada dhinac, iyadoo la og-yahay in dalka Qatar ay ku nool yihiin Jaaliyad ballaaran oo Soomaalyeed oo intooda badan halkaa u jooga howlo ganacsi. Source
  7. Kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa caasimada Muqdisho kusoo wajahan waxaana kooxdan la aas aasay sanadii 2011, iyadoo ku guulaystay koobab badan oo laga dhigay gudaha wadanka Sweden waxaana wafdiga ka kooban ciyaartooyda iyo macalimiinta hogaamiyo u ah Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ka mid ah laacibiintii soo maray naadiga kubbadda cagta L.L.P Jeenyo iyo xulka qaranka. Dalka ayaa soo maray marxalado adag,balse 2012 wixii ka danbeeyay waxaa gudaha soo booqanayay qurbajoog kala duwan,iyagoo ka qeyb qaatay horomarada xaga ganacsiga iyo hindisaha xarumaha wax barashada,caafimaadka iyo garoomada kubbadda cagta laga dheelo ee salaxyada oo inta badan laga her geliyay caasimada Muqdisho waxaana labadii sano lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo iyo dhaxgal bulsho wadanka u imaanayay ciyaartooy iyo tababarayaal Soomaaliyeed,iyadoo arinta ay dhiiri gelin u u noqotay xirfadlyaasha ka ciyaara gudaha. “Waxaan dalkeena u imaanaynaa marka hore in aan barano tan xigtana u jeedada socdaalka safarkeena waa in xirfadlayaasha aan macalinka u ahay la arko taydooda wanaagsan ka dibna ay matalaan waajibaadka xulka qaranka sanadaha soo aadan yoolkeena waa in aan booqasho iyo ciyaaro saaxiibtinimo ku marnaa guud ahaan gobolada wadanka” waxaa sidaas iigu waramay Maxamed Cabdiqaadir oo aas aasaha iyo tababaraha kooxda Som United ee kusoo wajahan caasimada. Falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa bogaadiyay sida wanaagsan ay isku soo abaabulaan kooxaha ka dhisan qurbaha hadii afarta sano soo aadan ay sidan oo kale ay u yimaadan gudaha ay fursadaha weyn u tahay is badalka iyo horomarka natioijooyinka xulka qaranka. Inta ay joogaan caasimada waxa ay ciyaaridoonaan kulamo saaxiibtinimo,iyagoo booqandoondoona goobaha taariikhiga si ay arkaan horomarka iyo geed socodka ka jir dalka ay iyaga lee yihiin. Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada,Xiriirka kubbadda,iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada da’daalo ku aadan in caasimada ay marti geliso tartanka Somali Week oo ay inta badan ciyaaraan kooxaha qurbajoogta hadii arinta lagu guulaystana waxaa ay faa’dio u tahay kabaca iyo horomarka ciyaaraha gudaha. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinkooda Caasimada Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Manchester) Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United, Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxdiisu ay la kulmi doonto khatar sida hubka halista ah ee Nukliyeerka marka ay maanta iska hor yimaaddaan Liverpool. Salah iyo Mourinho ayaa waqti kusoo wada qaatay Chelsea, waxaana uu tababaraha reer Portugal ahaa shaqsigii ogolaaday in Mohamed uu ka tago Chelsea oo uu ku biiro Fiorentina ka hor intii aanay AS Roma si buuxda u iibsanin, taas oo ugu dambayn ay Liverpool kaga soo qaadatay £36.9million. Mourinho oo aqoon fiican u leh Salah waxa uu sheegay inuu horumar cajiib ah sameeyey oo sare isku qaaday jidh ahaan, orod ahaanba, haddana uu yahay nin xoog badan oo awood u leh inuu u ciyaaro kooxaha Barcelona iyo Real Madrid. “Horumar cajiib ah ayuu sameeyey dhinac walba. Jidh ahaan wuu horumaray, orodkiisu waa degdeg. Markii hore wuxuu ahaa diciif, haddana nin orod badan oo xoog badan.” Sidaas ayuu yidhi Mourinho. Tababare Jose Mourinho waxa uu tilmaamay in nafsi ahaan uu Mohamed Salah ula qabsan waayey horyaalka Ingiriiska ee Premier League markii ay kasoo qaateen Kooxda reer Switzerland ee FC Basel, waxaanu yidhi: “Saykoolaji ahaan ayuu ula qabsan waayey, sababtuna waxay ahayd in aanu toos uga keenay Switzerland (Basel) oo aanu koox weyn oo Premier League ah dhax keenay. Aad ayay uga weynayd. Waxa aan xasuustaa markii aan ciyaarsiiyey kulankii White Hart Lane (Tottenham vs Chelsea) iyo Etihad (Man City vs Chelsea), aad ayey ugu cuslaayeen. Laakiin hadda wuxuu u ciyaari karaa koox kasta, wuxuu tegi karaa Barcelona, wuxuu tegi karaa Madrid, wuxuuna u ciyaaraa sidii uu leeyahay ‘waxaan ahay Mo-Mo oo cidna kama cabsado’. “Waa ciyaartoy wanaagsan oo gebi ahaanba ka duwan laacibkii aanu ka keenay Basel ee aanu Chelsea geynay, wuxuuna noqonayaa ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida.” Ayuu mar kale yidhi Jose Mourinho. Tababaraha reer Portugal waxa uu sheegay inay qiimayn ku sameeyaan koox kasta ka hor inta aanay la ciyaarin, isla markaana eegaan meelaha ay diciifka ka yihiin iyo meelaha ay ka xooggan yihiinba, balse Liverpool ay leedahay meelo badan oo ay ka xooggan tahay, waxaanu yidhi: “Kulan kasta waxa aanu isku daynaa inaanu gorfayno kooxda aanu la ciyaarayno, waxaanu isku daynaa inaanu ogaano meelaha ay ka xooggan yihiin iyo meelaha ay diciifka ka yihiin, marka aad Liverpool u tagtana waxay leedahay meelo badan oo ay ka xoogan tahay laakiin dabcan isaga (Mo Salah) ayaa ah awoodda nukliyeerka ee ay haystaan.” Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Cabdifataax Ibraahim Geesey ayaa goor-dhow ku dhawaaqay inuu xilkiisa iska casilay. Geesey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay dhibaatada ay dowladda Soomaaliya ku hayso shacabka reer Koonfur Galbeed, iyo in arrimaha maamulkaas aan lagala tashan xubnaha dowladda ugu jira. Wuxuu sheegay in isaga oo xildhibaan ah uu difaaci doono, waxna u qaban doono dadkiisa, balse uusan qeyb kasii ahaan karin dowladda. Geesey ayaa waxa uu kasoo jeeda beesha Laysaan oo sidoo kale Mukhtaar Roobow uu ka dhashay, waana beesha ku badan ee degta magaalada Baydhaba iyo gooblka. Geesey ayaa horey u ahaan jiray guddoomiyaha gobolka Baay. Faah-faahin naga filo dhowaan, Insha allah.
  10. Madaxweynuhu wuxuu yidhi waa in madaxda iyo cid waliba dalka dibadiisa aanay caafimaad u tegin ee ay dalka isku dawayso. Ma garanayo in madaxweynaha ay mooganaan ka tahay iyo inuu indha-sarcaad dadka u dhigayo waayo waxaa jira (Xeer LM. 62/2013) Xeerka Hab-Maamuuska Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo Xubnaha Wakiilada & Guurtida oo ay Golaha Wakiiladu ansixiyeen 2013 dhigayana in Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo xubnaha Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida marka ay xanuunsadaan ee dalka waxba lagaga qaban kari waayo loo qaado dalka dabadiisa oo kharashkana dowladu bixiso (eeg Qodobka 7aad & 12aad). Haddii ay ka dhab tahay Madaxweyne Muse Bihi Abdi dib ha ugu celiyo xeerkan Golaha Wakiilada si looga saaro qodobkaa oo dadku wax u wada qabaan. Suuragal ma aha in la helo goobo caafimaad oo tayo leh dowladuna maamusho inta madaxda dalka ee miisaaniyada qorsheeyaa uu xeer u qeexayo in dabada lagu soo daaweeyo dowladuna ka bixinaynyo kharashka. Dadkii dalka maamulayey ummada wax hala qabaan oo yaan loo ogolaan daryeel caafimaad oo debada ah dowladuna ku bixiso. Abdillaahi Hussein Qaran News
  11. (SLT-Baydhabo) Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo dhaceysa 19-ka bishan ayaa maanta galaysa weji muhiim ah, kadib qoraal kasoo baxay guddiga doorashada. Saddex ka mid ah lixda murashax ee u taagan jegada Madaxtinimada Koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta lagu wadaa in ay khudbado u jeediyaan Xildhibaanada Koonfur Galbeed, sida uu sheegay guddiga doorashada. Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii soo saaray magacyada saddexda murashax ee Axada maanta laga doonayo in ay horyimaadaan Xildhibaanada. Guddiga Doorashada ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in murashaxiinta kala ah Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Ibraahim Macalin Nuur iyo Xuseen Cismaan Xuseen ku wargelinayaan in ay horyimaadaan Xildhibaanada, si ay ugu jeediyaan khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadkooda, haddiiba la doorto. Akhriso qoraalka Source
  12. (SLT-Kapul)Ugu yaraan 20 ruux oo shacab ah oo ay ku jiraan 12 caruur ah ayaa ku dhimatay duqaymo ka dhacay gudaha dalka Afghanistan gaar ahaan gobolka lagu magacaabo Kunar. Sida ay sheegeen masuuliyiinta dowlada Afghanistan bartilmaamydka weerarkan ayaa ahaa Taliyaha ciidamada dalka Afghanistan Sharif Mawiya. Dowlada Afghanistan Sidookale waxa ay sheektay in duqaymihii ugu danbeeyay ay labirtilmaamayd sanayeen kooxda Taliban ay ku dileen dhowr kamid hogaamiyaasha ururkaas. Sida laga soo xiganayo qaramada midoobe weeraradi dhacay sagaalkii bilood ee ugu danbeeyay oo ay sida wada jirka ah u fulinayeen dowlada Afghanistan iyo tan mareykanka ayaa waxaa ku dhintay shacab gaaraya 313 ruux halka ayadoona sidookale ay ku dhaawacmeen dad gaaray 336 ruux taas oo 39 boqolkiiba kabadan markii loo eego sanadkii lasoo dhaafay. Source
  13. Ciidanka amniga xilliga doorashada Puntland, ayaa magaalada Garowe ka bilaabay howlgal culus oo lagula dagalaamayo bacaha madow ee lagu xirto gaadiidka raaxada, kuwaas oo si [...] Source
  14. Mooyaale ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo magaalada Mooyaale ee xadka dalalka Ethiopia iyo Kenya ayaa ku waramaya in weli halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeysa Qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida. Ku xigeenka madaxa xafiiska xariirka ee dowlad deegaanka Soomaalida Surewe Maxamed oo lahadlay wakaalada wararka Ethiopia ee ENA ayaa xaqiijiyay in dagaalladii ugu dambeeyay ay ku Geeriyoodeen illaa iyo 21 Qof , halka ay ku dhaawacmeen 61 kale. Sidoo kale waxa u u tilmaamay in haatan ay socdaan wadahadallo ay qeyb ka tahay dowladda dhexe ee Ethiopia, kuwaas oo looga arrinsanayo xiisadaasi. Muddooyinkii dambe magaalada Mooyaale ayaa marti galineysay rabshado xoogan oo u dhexeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee wada daga halkaasi. The post Xiisad dagaal Oo weli ka taagan M/ Mooyaale appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay si rasmi ah uga bilaabatay dhageysiga khudbadaha Musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Ibraahim Macalin Nuur iyo Xuseen Cismaan Xuseen oo ka mid ah Musharraxiinta u taagan Koonfur Galbeed ayaa maanta ka hor hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka maamukaasi. Saddexda Musharrax ee khudbadaha jeediyay ayaa ka hadlay taariikhdooda iyo sidoo kale mid kasto waxa uu qabanayo, haddii loo doorto xilkaasi. Doorashada K/ Galbeed oo ay haatan hortaagan yihiin caqabado badan ayaa la filayaa in ay dhacdyo 19 bishan December ee 2018-ka, si loo doorto Madaxweyne cusub. The post Dhageysiga Khudbadaha Musharraxiinta Oo ka bilaabatay Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Qorshe la doonayey inuu maanta Mukhtaar Roobow ku dhowaaqo inuu ka haray doorashada Koonfur Galbeed ayaa fashilmay kadib markii la isku fahmi waayey qaabka uu Roobow arrintaas ku shaacinayo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Qorshahan ayaa waxaa kasoo shaqeeyey mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ee dowladda ku jira, kuwaasi oo doonayey in Roobow uu helo xoriyaddiisa, taas beddelkeedna uu ka haro doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed. Waxaa sidoo kale qorshaha qeyb ka ahaa in Roobow uu shaaciyo inuu cambaareynayo falalka xagjirnimada islamarkaana si buuxda u marayo, una dhamaysanayo nidaamka dowladda ay u dejisay xubnaha kasoo baxa Al-Shabaab. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qorshuhu ahaa in saddexda dhinac ee arrintan ay quseyo mid walba uu helo waxa uu doonayo, sidaasna sheekada Roobow lagu soo afjaro. 1 – Dowladda waxay heli lahayd in Roobow uu ka haro doorashada, sidaasna ay Koonfur Galbeed u gaysato Lafta-Gareen, maadaama Roobow halis xooggan geliyey. 2 – Roobow waxa uu heli lahaa xoriyaddiisa, waxaana laga saari lahaa xabsiga, oo la qorsheeyey inuu ku jiro, haddii uusan sameyn sida ay rabto dowladda. 3 – Siyaasiinya Koonfur Galbeed waxay iska dejin lahaayeen cadaadiska xooggan ee ka haysta dhanka shacabkooda ee ah in Roobow la daayo, lana dejiyo rabshadaha Baydhaba. Ayada oo heshiiska sidaas yahay, islamarkaana warbaahinta looga wacay shir jaraa’id oo uu qaban lahaa Roobow, ayaa qorshaha waxaa sida aan xogta ku helnay daqiiqadihii ugu dambeeyey ka baxay dowladda Soomaaliya. Xubnaha ku dhow wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda ay ka cabsatay in marka Roobow uu warbaahinta hor-tago uu is-beddelo oo uu sheego wax ka duwan waxa lagu heshiiyey. Ilaa hadda ma cadda sida arrintan loo wajihi doona, waxaana dowladda haysata laba daran mid dooro. Haddii Roobow la yiraahdo muuqaal duub oo arrintan ka hadal, waxay u ekaaneysaa in la qasbay, haddii shir jaraa’id uu qabtana waxay ka cabsaneysaa in Roobow ka faa’iideysto warbaahinta oo uu sheego arrimo dhaawac xooggan gaarsiin kara dowladda. Weli qorshaha waa taagan yahay balse waxaan la hayn habkii loo fulin lahaa. Warbaahintii maanta loo yeeray, oo markii horeba aan loo sheegin sababta, ayaa waxaa lagu maaweelyiyey xiritaanka xabsiga Godka Jilicow oo ahaa qorshaha hore u dagsanaa, balse lasoo hormariyey si loogu dabaalo fashilka ku yimid arrinta Roobow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta albaabada isugu dhufatay Xabsigii ku yaallay Godka Jilacoow ee magaalad muqdisho. Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo uu wehliyo Wasiirka Cadaaladda XFS oo halkaas shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in xaruntaas loo baddalay Akaademiyadda Jilacoow si tababarro ku saabsan xuquuqul insaanka loogu siiyo shaqaalaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. ‘Waxay Wasaaradda amniga garatay in meeshan xabsiga laga badalo loona badalo meel ama goob ay ku bartaan ciidamada Nabad-sugidda la dhaqanka bulshada ama xaquuqul insaanka waxaana Alla Mahadii ah in maanta ay suurta gashay, Magaca Cusub ee halkan loo bixiyay waa Xarunta Jilocoow” ayuu yir Wasiirka Amniga XFS “Qofkii hadda kadib la xiro waxaa laga raadin karaa saldhigyada Booliiska iyo Xabsiga dhexe, sidoo kale Nabad-sugidda waxay xaq u leeyihiin qofkay soo qabtaan 48 ku heystaan baarista Xisbiga waxii kabadana sharciga u maraan.” ayuu raaciyay Wasiirk Amniga XFS Tallaabadan waxay qeyb ka tahay isbadallo isdabajoog ah oo ay Wasaaraddu ku sameynayso laamaha amniga, loogana jawaabayo cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan xabsigan. The post DFS Oo Albaabada isugu dhuftay Xabsigii Godka Jilacow appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-16122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo midka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cawad iyo Muudey ayaa Maanta booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal. Seddexda Mas’uul ayaa ka wada hadlayo Xaaladda Siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda ugu sareyso dalka iyo mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo. Kulanka oo ah mid alabaabada u xiran ayaa wuxuu ka socdaa Hotel Shabeel oo uu dhawaan dagay Guddoomiyaha Baarlamaanka kadib markii uu cadaadis kala kulmay Xukuumadda Soomaliya. Labada dhinac ayaa waxaa dhex-dhexaadinaya xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya. Shirkaan ayaa la aaminsan yahay in lagu doonayo in lagu damiyo xasaradda ka dhalatay Mooshinkii dhawaan laga gudbiyey Madaxweyne Farmaajo. Muudey iyo Cawad ayaa doonayo inay Mursal ku qanciyaan inuu ka laabto Mooshinka Farmaajo isla markaasna uu la shaqeysto Kheyre iyo Farmaajo oo markii horaba ka dambeeyey inuu Guddoomiye noqdo markii meesha laga saaray Prof. Jawaari. Guddoomiye Mursal ayaa la saaray xayiraad, iyadoo loo diiday in Xildhibaanada u tagaan, kadib markii ciidamada ammaanka ay xireen wadada loo aado hogyiisa ee wadada Garoonka Aadan Cadde. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. A huge explosion was heard on Sunday noon in Mogadishu, the Somali capital amid tight security measures that have been in place in the past few months. Local Police are investigating a blast resulted from an explosive device planted under a car seat that detonated in downtown Mogadishu. No injuries were reported. No group has immediately claimed the responsibility for the attack which shattered a period of calm in Mogadishu, which is stabilizing after nearly 25 years of chaotic violence. The Somali government has deployed additional police personnel on the main roads to prevent Al Shabaab from carrying out more attacks in the city. The post Car bomb explosion reported in downtown Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Wafdi balaaran oo ka socda Qoomiyada Oramada oo ka kooban Isimada ugu waaweyn Qoomiyadaas ayaa waxay booqasho rasmi ah ku joogaan Hargeysa. Ujeedka Booqashada Wafdiga [...] Source
  22. The government will deploy at least one thousand additional police reservists along the Kenya-Somalia border in Wajir County as efforts to counter violent extremism intensify. Northeastern regional coordinator regional Mohammed Birik says the process of training the police reservists has been concluded and the officers are properly equipped. And in efforts to enhance cohesion among security agents and local communities, authorities in the area have launched sporting activities in the frontier counties of Garissa, Mandera, and Wajir as a way of building trust among the two groups. The Al-Shabaab militia has often taken advantage of the porous Kenya-Somalia border to gain entry into the country to launch terrorist attacks with often fatal consequences. The government has now vowed to enhance surveillance along the border and the frontier counties to ensure security for residents in those Counties. The National and County Government in partnership with development partners has come up with innovative ways of building trust between youth in the region and security agents. Youth drawn from the region will square it out in a football contest against security agents in a match that seeks to build bridges between the two groups. Area leaders saying such activities are among Government initiatives designed to deal with the adverse effects of radicalization. Additional police reservists will also be deployed along the Kenya Somalia border to complement security agencies. North eastern regional coordinator Mohammed Birik is at the same time urging parents to be more proactive in efforts aimed at containing radicalization. The post Kenya to deploy additional police along Kenya-Somalia border appeared first on Shabelle. View the full article