-
Content Count
207,106 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Qatar Airways, Sayid Albakar Al-baakir ayaa maanta shaaciyay in shirkaddoodu ay July 01, 2019 bilaabayso duullimaadyo toos ah oo ay uga howl gelayso magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, Cabdirisaaq Faarax Cali, ayaa sheegay in guddoomiyaha Qatar Airways uu qorshaan ku xaqiijiyay kulan isaga iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, maanta ku dhex maray magaalada Dooxa. Safiir Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uu guddoomiyaha Qatar Airways uga mahadceliyay duullimaadka shirkaddoodu ay ka bilaabayso garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, sidoo kalana ra’iisul wasaaruhu uu shirkadaha iyo ganacsatada kale ee dalka Qatar u rajeeyay in ay maal gelin ku samaystaan dalka Soomaaliya. Qorshaha Qatar Airways ay Muqdisho uga bilaabayso duullimaadyada tooska ah ayaa qayb ka ah hannaanka maal-gelinta ballaaran ee shirkadaha, ganacsatada iyo dawladda Qatar ay ku maal gelinayaan dalka Soomaaliya.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada xoogga iyo Mareynkanka oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu dilay 25 oo ka tirsan xoogaga Al-Shabaab. Howlgalkan oo dhacay 16-ka bishan December lagana fuliyay nawaaxiga deegaanka Gandershe ayaa lagu beegsaday xero ay lahaayeen Al-Shabaab, halkaas oo ay Ku diyaarinayeen weeraro oo ka dhan ah Shacabka Gobalka iyo sidoo kale Ciidamada dowlada iyo AMISOM ee Ku sugan magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose. “DFS iyo saaxiibadeeda caalamiga ah waxaa Ka go’an in ay sii wadaan Dagaalka lagu wiiqayo awoodda argagixisada Al-Shabaab oo Ku taagaan waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed,” qoraal kasoo baxay dowladda. Ciidamada xoogga dalka ayaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ka saaray deegaano badan oo ka tirsan Gobolkaasi, “waxaana hadda lagu baacsanayaa dhulka howdka ah, halkaas oo ay maciin bideen,” ayaa raaciyay bayaanka. The post DFS oo sheegtay inay howlgal ku dishay rag ka tirsan Al-Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-16122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar la isla dhex-marayey baraha bulshada ayaa sheegayey in wasiirka Gaashandhiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) uu xilkaas iska-casilay. Wararkan ayaa xoogooda soo baxay saacad un kadib markii uu is-casilay wasiirkii howlaha guud iyo guryaynta Cabdifataah Maxamed Ibraahim Geesey. Labada wasiir ayaa kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana la sheegay in siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanadaas ay aad uga carraysan yihiin in dowladda aysan ku ixtiraamin inay kala xiriirto arrimaha maamulkaas. Si kastaba, Wasiirka gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa goordhow been abuur ku tilmaamay wararka lagu faafiyay Baraha Bulshada ah ee in uu iska casilay xilka Wasiirka Gaashaandhigga. Waxa uu sheegay in uusan is casili doonin, waxaana dadka Soomaaliyeed uu ugu baaqay inaysan qaadan wararka kahor imaanaya horumarka dalka ee Baraha Bulshada lagu faafinayo. Dhageyso Codka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/wasiirka-Gaashaandhigga.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The minister for public works and housing of the Federal Republic of Somalia, Abdulfatah Gesey has resigned on Sunday. Speaking during a press conference in Mogadishu, Mr.Gesey announced his resignation citing interference by the federal government into southwest state elections and the illegal arrest of candidate MukhtarRobow Mansour. “There is nowhere southwest state administration leaders and federal government principals discussed and agreed interference into the election and the arrest candidate Mukhtar Robow,” “I have decided not to be a witness again on the injustice meted against the people of this country by the government.” he added. He urged political leaders and council elders from the regional administration to maintain law and order. “I call upon the residents of southwest state to maintain order while exercising their protests peacefully.” Mr. Abdifatah Gesey said he will continue as member of lower house of the federal parliament as representative from southwest state and serve the interest of his people diligently. The post Somali minister steps down amid political crisis in the country appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Xukuumadda Somalia, C/fataax Ibraahim Geeseey ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ku sheegay inuu iska casilay xilka wasiirnimo ee uu hayay. Geeseey, ayaa sheegay inuu isku-casilay xiisadaha iyo rabsadaha ka taagan xarunta maamulka Koonfur-galbeed, isagoo intaas ku daray in Xukuumadda Somalia ay fara-gelin ku hayso maamulada dalka, gaar ahaan kan Koonfur-galbeed. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay jirto fara-gelin toos ah oo Dowladda Somalia ay ku hayso Maamulka Koonfur-galbeed, gaar ahaan Doorashada la filay oinay dhawaan ka dhacdo Baydhabo, taasoo madaxweyne lagu soo dooran doono. Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta dalka qaarkood ayaa Xukuumadda Somalia horay ugu eedeeyay inay fara-geliso maamullada dalka ka jira, waxaana ka jiray Baydhabo xisado ka dhashay xarigga Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharraxinta doorashada, taasoo lagu tilmaamay fara-gelin doorashada lagu hayo. Dhanka kale, Wasiirka is-casilay ayaa sheegay in Xukuumadda Somalia ee uu ka tirsanaa ay hareer marayso ku dhaqanka dastuurka, taasina ay tahay sharci-darro, sababi karta muranno intaan ka badan. C/fataax Ibraahim Geeseey, ayaa noqonaya wasiirkii ugu horreeyay oo ka tirsan xukuumadda Somalia oo isku casila xiisad ka taagan maamul ka mid ah kuwa dalka, waxaana tani ay muujinaysaa heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda ka taagan deegaannada Koonfur-galbeed. Ugu dambeyn, Gudoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Shiikh iyo dhamaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur-galbeed ayuu ugu baaqay inay ahmiyada siiyaan sidii ay kaga hor-tegi lahaayeen wxuu ku tilmaamay Af-gembi lagu haayo maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya. DHAGEYSO; Sababta uu isku casilay Wasiirkii Hawlaha Guud ee Somalia; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/DHAGEYSO_Sababta-uu-isku-casilay-Geeseey.mp3 PUNTLAND POST The post Wasiir ka Tirsanaa Xukuumadda Somalia oo isku casilay xiisadaha ka taagan Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan ka gaartay kiiskii loo heystay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud oo muddo soo socday. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa loo heystay Afartan Qodob oo kala ah:- 1-Ku xadgudub Xatooyo Xoolo Dadweyne 2-Ku xad gudub awood xafiiseed 3-Ku daneysi shaqsiyadeed howlo Xafiiseed iyo diidid howlo Xafiiseed. 4-Ku xadgudub xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shaacisay in wax dambi ah lagu waayay wasiir ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya. Hanti Dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa horey sheegay in baarista Kiiska Wasiir Muqtaar ay soo bilaabatay Bilowgii Bishii April, taasoo ka dhigan iney soo socotay mudo 4 bil ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sida laga warqabo maamulkii hawada soomaliya ee ka hawl galayey dalka kenya muddo 25 sanno ah ayaa waxa loo soo wareejiyey magaalada Muqdisho. Shaqaalaha ka hawl gala waxay ka kooban yihin dad soomaliyeed oo isaga yimid dhamaan goboladda dalka soomaliya. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxay ku faraxsan yihiin inay wadankooda kusoo noqdaan una shaqayaan. Nasiib darada dhacday waxay tahay, laga soo bilaabo maalintii shaqaalaha laga soo raray kenya oo ahayd 28/03 2018 ilaa maanta in dhacdooyinka ka imanaya wasaarada gaadiidka ay khalkhal joogto ah ku hayaan adeegii lagu ilaalinayey nabad gelyada hawada Soomaaliya sida hoos ku taxan. Waxay madaxda Wasaarada Gaadiidku si joogto ah shaqaalaha uga faafiyaan been abuur sheegaya inay doonayaan in Nayroobi lagu celiyo. Arintaasina waa wax kama jiraan la doonayo inay lagu qariyo musuqmaasuq baahay oo madaxdu ku lugleedahay. Xarumaha hagida dayaaradaha ee aduunka waa ka mamnuuc inay gudaheeda galaan cidaan shaqo ku lahayn, laakiin Wasiirka gadiidku wuxuu ka dhigtay goob warbaahineed. Wuxuu filimo ka duubaa shaqaalaha oo waajibkooda gudanaya dabadeedna ku faafiyaa facebook. Arintani waxay khatar ku tahay amaanka hawlwadeenada hawada Soomaaliya. Hanjabaad iyo caga juglayn shaqaalaha uga yimaada madaxda Wasaaradda Gaadiidka. Xadhig bilaa sabab ah oo shaqaalaha lagula kacay, iyadoo sidii dad argagixiso ah loo dalbanayo ciidamada NISA. Ruqsad sharci daro ah oo wasiirku amarkeeda leeyahay, iyadoon la marin sida ku qoran qandaraaska shaqaaluhu la galeen hay’adda ICAO. Tusaale ahaan, Madaxii maamulka lacagta oo ah wiil soomaleed, kaas Soomaalinimo darteed Maraykanka uga soo tegey mushahar dhan 8,000 doolar bishii si uu u caawiyo wadankiisa ayaa wasiir Oomaar ruqsadiisa la kaashaday nin Malawi u dhashay iyo naag Kenyan oo qandaraaskoodii dhamaaday. Kuwaasoo Soomaaliga meesha laga saaray qandaraas dheeri ah ku heli doona, maadaama aan la hayn qof bedela. Shaqaalaha Soomaaliyeed ee hawada ka shaqeeya 80% waxay ka baxeen jaamacado, qaybtood waxay haystaan shahaadooyin sare sida Master degree iyo PHD. Nasiib daro madaxda wasaarada gaadiidku waxay door bideen inay dadkaas kala diraan, si loo waayo indho arki kara musuq maasuqa xadka dhaafay ee ay ku lug leeyihiin. Guriga shaqaalahuu degan yihiin hore waxay ICAO ku bixisay lacag lagu dhiso 50 qol laakin 40 qol ayaa la dhisay halka la lunsaday lacagtii 10 qol ee hadhay iyo adeegyadii dheeraadka ahaa. Shaqaalaha wax uu ugu hanjabay wasiirku in ay ka guuran guryaha ay degan yihin oo ay degan Xamar. Shaqaaluhu waxay is bedelaan habeen iyo maalin 24/7 kamana soo shaqo tegi karaan meel ka baxsan airportka maadaama AMISOM xidhto garoonka 5ta galabnimo ilaa 06:30 subixii. Ujeedada warqadani waa qayla dhaan loo jeedinayo madaxda dawlada Soomaaliya ugu saraysa iyo waxgaradaka Soomaaliyeed. Hadaan Si dhaqso wax looga qaban dhibta wasiirka gaadiidka iyo kooxdiisu ku hayaan hawlwadeenada adeega hawada , qaranimadii waa lumi doontaa hawada Soomaaliyana waxay u gacan geli doontaa wadamada deriska ah kuwasoo mudo taamayey arintaan. Allah mahad leh Waa shaqalaha ka hawl gala maamulka hawada saree e soomaliyeed Flight Information Region staff
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey kulankii shalay ay Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada taageersan madaxweynaha ee isku magacaabay “Xildhibaanada aqlabiyadda.” Qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay bartiisa facebook, hoos ka aqriso. Xildhibaanow hadii aad tihiin AQLABIYADDA GOLAHA waan idiin ogolnahay ee fadlan naga ogolaada in aan cod ku kala baxno! Kulankii Xildhibaanada Nabad iyo Nolol ee maanta lagu qabtay hotel SYL inkastoo ay ku heshiin waayeen tirada dhabta ah ee meesha fadhisay in ay sheegaan. Hadana ma rabo inaan sheego nambarkooda dhabta ee kulanka joogay si aysan saaxiibadey iiga xumaan. Lkn waxaa rabaa inaan ka hadlo dhowr arimood oo isoo jiitay: 50-kii Xildhibaan ee Golaha Wasiirada ku jiray qof lagama soo tagin maanta. Xitaa kuwii xanuunsanaa waa lasoo xanbaaray. Liiska magacyadu ku qornaayeen oo hal far iyo hal qalin lagu qoray waxaana markii ugu horay mudo 28 sano ah kasoo dhex muuqday Xildhibaan waa hore iscasilay. Kaas oo ahaa Xuseen Cismaan Xuseen oo noqday Taliyihii hore Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA). Xildhibaano dalka ka maqan mudo bilooyin ah, qaarkoodna caafimaad ugu maqanyihiin dalal kale oo hadana la qortay in ay kulanka joogeen! Xildhibaano waligood la yaqaanay aragtidooda kulankana aan joogin oo hadana laga been abuurtay. Dad aan Xildhibaano ahayn oo meesha fadhiyay. Mana garan ujeedada laga lahaa ilaa hada! Isku soo wado duuboo saaxiiboyaalow hadii aad tihiin AQLABIYADDA GOLAHA waan idiin ogolnahay ee fadlan naga ogolaada in kulankii Goluhu noo qabsoomo codna aan ku kala baxno ducana waan idinkugu daraynaa waliba. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad
-
The Federal Government of Somalia, FGS, has converted a maximum security prison into a training facility as part of reforming its national intelligence apparatus. The news was relayed by Director of Communications at the office of the president, Abdinur Mohamed. He said the conversion of the Godka Jilacow Prison was part of genuine reforms on the part of the government. His Twitter post making the announcement said officials of the National Intelligence and Security Agency, NISA, were to be trained at the facility with human rights being a core aspect of the training. The Godka Jilacow prison, located in the capital, Mogadishu, has before the current move, served as an interrogation center for NISA, which had its offices close to it. It is believed to be where many suspected militants are being held. Terrorists have in the past staged attacks on the facility aiming to break in and free detainees. One such attack was in 2014 even though the authorities managed to stave off the heavy incursion, killing all militants involved according to a report. The Horn of Africa country has over the past few decades suffered varying degrees of deadly attacks by al-Qaeda linked Al-Shabaab insurgents in different parts of the country. The militants are said to be aiming at establishing a country run by the strict interpretation of Islamic law – Shariah, they are aiming to topple the federal government by their activities. With a largely underfunded military force, the African Union’s Mission, AMISOM, has been a key player in the security operations in parts of the country. The United States has routinely also carried out air strikes against the group. Al-Shabaab holds some territory in the country where they are the established and recognized government by the people. The post Somali government says shut down NISA’s Godka Jilacow prison appeared first on Shabelle. View the full article
-
Shirarka Wadatashiga Mogadishu Clan. Date 13/12/2018 . Kasoo qaybgalayaasha 1. Odayaasha dhaqanka, 2. dhalinyarada Haweenka, 3. Siyaasiyiinta, 4. Ganacsatada 5. , iyo Saraakiisha ciidanka Waxa laga wada hadlay Xaalada dalku marayo, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed, waxa Baydhabo ka socda iyo damaca Farmaajo. Waxaa warbixino laga dhagaystay Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha ciidanka iyo sirdoonka. Waxay ka warbixiyeen xaalada siyaasadeed iyo tan amni ee dalka ka jirta iyo damaca Farmaajo. Dood dheer ka dib Waxaa la isku raacay 1) In Farmaajo uusan Dastuur iyo Sharci midna dan ka lahayn, uuna doonayo in uu kali talisnimo iyo talo 3 ruux ku kooban xoog iyo colaad ku meel mariyo. 2) In aan la sugin Farmaajo inta uu Baydhabo ka soo jeesanayo ee abaabulka iyo dagaalka haatan la galo. Waxaa kaloo la isla gartay in Farmaajo uu duulaan ku soo yahay Mogadishu Clan. 3) In la abaabulo kacdoon shacabka oo looga horjeedo Farmaajo iyo labada nin ee dhalanteedka ku wehlisa ee Fahad iyo Kheyre 4) Beesha Mogadishu Clan ayaa isku raacday in ay tilaab cad ka qaadaan wiilasha dilka iyo shirqoolada ka shaqeeya ee Saadiq John, Farxaan Qaroole, Yaasiin Ganeey, Cali Yare, Xerow, Mahad Korow, Fanax iyo C/Rashid. Waxaa loo saaray koox diyaarsan oo ragaas shaqo la yaqaan ka qabsada. Waxaa arrinkaas balan qaaday wiilal naftood hurayaal ah. 5) Waxaa Sidoo kale la isku raacay in qaaqlayaasha beesha tilaab laga qaado, waxaana ragaas ka mid ah, Salaad Cali Jeele, Cali Maxamad Geedi, Calawa Jiis, Xasan Cilmi Yaxye, C/daahir Ugaas iyo Ina Axmad Diiriye. 6) Waxaa kaloo la isku raacay in ciidan iyo hub la isku keeno, banaanbaxyo la abaabulo, la gooyo jidadka madaxtooyada gala, lana cuuryaamiyo isku socodka iyo dhaqdhaqaaqa ciidan. 7) In canshuurta iyo baada la iska diido. 8) In AMISOM iyo Beesha caalamka lala kulmo Actions Si hawshaan loo meel mariyo Waxaa la qabtay gudiyo 1- Gudi Amni 2- Gudi dhaqaale 3- Gudi Abaabul Qaran News
-
BERBERI MA HIIL BAY U BAAHANTAHAY MISE HAMBALYO.? (Qaybtii 2aad ‘………………. Magaalada Berberi intii ka horeysay 2012kii Waxay ahayd meesha kaliya ee ka badbaaday ama ka bed qabtay Aafada Boobka dhulka, waxay ahayd Magaalada kaliya ee hadaad u doonato dhul aad degtid oo aad shuruudaha buuxisid, aad ka helaysay meel aad guri ka dhisatid oo aad degtid, iyadoo waliba dawlada hoose ku siinaysa dhulkaas, oo aanu qofkaa iibinayn sida Magaalooyinka kale ee Somaliland gaar ahaan Hargeisa iyo Burco ama Boorama. Waxayse iswaydiintu tahay Berberi miyaanay Somaliland uun ahayn maxaa iyada gooni ka dhigay ee ay sida magaalooyinka kale u noqon wayday? Jawaabtu Waxay tahay “Haa” Berberi waa Somaliland Lkn Waxay dheerayd magaalooyinka dhigeeda ah Nasiib wanaag xaga Maamulka ah, Oo waxaa soo maray Maayaro, Lexejeclo ka lahaa oo ay ka go’nayd ilaalinta Iyo gacan ku haynta dhulka ee aanay marna u cuntamayn inay Berbera xaraashaan oo gadaan sida Maamulkan iyo Maayarkan hada jooga. Berberi laga soo bilaabo 2012 kii Waxay wajahday jaahwareer, Qaylo isqabsi iyo isbarbar yaac uu Damac aduun, Damiir Xumo, Damqasho la’aan iyo aqoon Daciifi Hagayso. Berberi laga soo bilaabo 2012 kii waa intuu Maayar Cabdishakuur Cidin haystaye waxay noqotay meel Haad iyo Haraawaba u jabtay, Meel suuqa kala gadashada Taala oo qof waliba helaayo hayntiisa Maaliyadeed, Oo dhul ah, Berberi waa meesha kaliya ee qof qudhi leeyahay 50 Baloog oo dhul ah, taas oo aanu ka dhaxlin adawgii ama aanu ahayn dhulkaasi beer ay lahaayeen oo magaaladu gaadhay sida Magaalooyinka kale ka dhacda, balse uu dhulkaasi yahay Hantidii reer Somaliland oo uu ku gatay ama boobay qiimo jaban oo jeebka maayarka iyo shakhsiyaad ah ku dhacday. Berberi waa meesha kaliya ee Dhulkeedii Mudo Sanad ilaa Sadex sano guduhood ah uu Gadmay, Oo uu galay gacan shicib isagoo ka baxay gacantii dhexda ahayd ee dawlada, sababo dhaqaale raadin ah awgood. Iyadoo aanay jirin Daah furnaan iyo xisaab lagu qanci karo oo lasoo bandhigay iyadoo la leeyahay Sanadkan dhaqaalahaas ayaa dhulkii la iibiyey kasoo xaroodoo waxaas iyo waxaas baanu ku qabanaynaa ama ku qabanay. Berberi waa meesha kaliya ee aanad hada ka helayn NUS BALOODH aad dhisato ilaa aad magaalada ka baxdid 30km oo koonfur ah iyo 25km oo galbeed ah mooyaane, Haddaad Iib ku doontana ma jari kartid oo waa qaali sababtoo ah dadkani waxay dhulka u boobeen inay sife Ganacsi ahaana ahaana uga faaidaan, si ay dhaqaale degdeg ah uga dheefaan. Berbera waxaa isku kaashaday oo isu gaashaan buuraystay Maamul ay ku idil yahiin dhamaan astaamaha lagu yaqaano, Hogaanka Xun, sida Aqoon la’aan, aragti gaabni, Axmaqnimo, Hororsi, Hambayn la’aan iyo Hanti urursi Badheedh ah. Mudo xileedkii uu Maayar Cidin Berbera haystay, Dhibka, Mustaqbal la’aanta, boobka iyo Musuqmaasuqa ku habsaday wuxuu meesha ka saaray dhamaan Rajadii iyo Yididiiladii Soo ifaysay ee layslahaa Berbera waxaa usoo laabanaaya magacii iyo Sharaftii ay lahaan jirtay qarmiyadii lasoo dhaafay, waayo Magaaladii Berberi maanta ma laha meel ay ku fido, Berberi waa Seesas iyo jagooyin loo haysto in lagu ganacsado oo dhaqaale laga helo. Hadii in uun maamul xun oo Macangag ah la sheego, hadii in uun dabaalnimo iyo Damiir la’aan la arkay intuba Magaalada Berbera ayay isu Bahaysteen. Akhriste Wali waxaan ogahay inay kaa dhimaan yahiin Su’aalo aad jawaabahooda sugaysay, Lkn Maanta aan halkaa ku nasanno, Hana Caajisin Maqaalka kan xiga ayaan kuugu hayaa oo kaaga haqab tirayaa inta kale ee. W/Q. EngAhmed Haji M. Mohamed Lasoco qaybaha dambe Qaran News
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa goor dhow ku dhawaaqay in uu Is Casilay. Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa si rasmi ah u shaaciyay Is Casilaadiisa. Waxaana sheegay in uu isku Casilay sababo uu ku sheegay faragalin ay dowladdu ku heyso arrimaha K/ Galbeed iyo xariggii Sheekh Mukhtaar Roobow Cali. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa jiray xiisado xoogan oo ka taagnaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, kuwaas oo ka dhashay xariggii Musharrax Roobow. The post Wasiir ka tirsanaa XFS Oo goor dhow Oo is Casilay appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargaysa)Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Saaray War Qoraala Oo Ku Socda Dawlada Itobiya Iyo Shacbigeeda Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL Taariikh: 15/12/2018 Dhambaal Tacsi Ah Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Dawladda iyo Shacbiga Itoobiya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal Tacsi ah u dirayaa dawladda federaalka Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaasi aynu jaarka nahay isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya, Girma Walde giyorgis oo xalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla Magaaladda Addis Ababa. Madaxweynuhu waxa uu Madaxweynihii hore ee geeriyooday ku tilmaamay siyaasi ka baxay dawladda Federaalka Itoobiya iyo mandaqadda Geeska Afrikaba, isla markaana muddadii uu xilka hayey door laxaad leh ka qaatay iskaashiga iyo xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya. Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Itoobiya iyo dawladdaba mar labaad ka tacsiyadaynayaa geerida ku timi madaxweynihii hore ee dalkaas Girma Walde giyorgis. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
(SLT-Muqdisho)Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Dalkaasic Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyoNabadda Midawga Afrika, Ambassador Smail Chergui. Ra’iisul wasaare Khayre iyo Ambassador Smail Chergui ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah iyo diyaar garowga loogu jiro qorshaha mas’uuliyadda amniga ay kula wareegayso dawladda Soomaaliya. Kulanka ayaa sidoo kalelooga hadlay sii wadidda taageerada dhanka amniga ah ee midawga Afrika aysiiyaan Soomaaliya. Source
-
Wasiirka howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyenta xukuumadda federaalka ah Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa maanta is-casilay isaga oo u sababeeyey faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso maamulka uu ka soo-jeedo ee koonfur galbeed. Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo saxaafadda u akhriyey sababaha ayaa ku sheegay: 1. Faragelinta Koonfur galbeed iyo guud ahaan maamullada kale uu sheegay ineysan jirin meel looga gaaray go’aan wadajir ah. 2. Xariga Mukhtaar Abuu Mansuur Roobow iyo ka reebidiisa tartanka doorashada ayaa ah sabab kale uu sheegay inuu isku casilay wasiirka howlaga guud. 2. La-tashi la’aanta dadka metala koonfur galbeed ee ku jira golaha wasiirada iyo baarlamaanka federaalka ah. Cabdifitaax Ibraahim Geesey, waa wasiirkii 3aad ee wasaaraddan muddo 2 sano ah, waana wasiirkii ugu horeeyey ee isku casila faragelin ay dowladda ku sameysay deegaan ka mid ah Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Qatar)Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa imaan doonta sharikadda Qadar Airways oo markii ugu horeeysay duulimaadyo toos ah ka bilaabidoonta magaalooyinka Doha iyo Muqdishu. Shirkadda Qatar Airways ayaa bilaabeysa duulimaad toos ah,usbuuciiba saddax (3) jeer bisha Juun ee sanadka 2019ka sida ay xaqiijiyeen shaqaale ka shaqeeya Qadar Airways. Shirkadda Ethiopian Airline ayaa dhawaan bilaawday dulimaad rasmi ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa. Waxaa dib u dhac ku yimid Sharikadda Kenya Airways oo la filayey in ay duulimaadyo toos ah kabilowdo magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa si joogta ah uga soo degta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana ay ka mid tahay diyaaradihii ugu horeeyay ee heerka caalami ah si rasmi ah uga howlgala garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Shirkadaha dayuuradaha ee ku soo badanayo garoonka caalamiga ee Aadan Cadde ayaa la filayaa inuu hoose u dhigo qiimaha Tickidhada oo aad qaali u ahaa gaar ahaan duulimaadyada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo ay deggen yihiin Soomaali aad ubadan . Dib u howlgalinta dulimaadka shirkadda diyaaradaha QatarAirways ayaa wax weyn ka tari doonta isku socdka labada magaalo ee Muqdisho iyo Doha iyo sare u qaadista xiriirka ganacsi ee labada dhinac, iyadoo la og-yahay in dalka Qatar ay ku nool yihiin Jaaliyad ballaaran oo Soomaalyeed oo intooda badan halkaa u jooga howlo ganacsi. Source
-
Kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa caasimada Muqdisho kusoo wajahan waxaana kooxdan la aas aasay sanadii 2011, iyadoo ku guulaystay koobab badan oo laga dhigay gudaha wadanka Sweden waxaana wafdiga ka kooban ciyaartooyda iyo macalimiinta hogaamiyo u ah Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ka mid ah laacibiintii soo maray naadiga kubbadda cagta L.L.P Jeenyo iyo xulka qaranka. Dalka ayaa soo maray marxalado adag,balse 2012 wixii ka danbeeyay waxaa gudaha soo booqanayay qurbajoog kala duwan,iyagoo ka qeyb qaatay horomarada xaga ganacsiga iyo hindisaha xarumaha wax barashada,caafimaadka iyo garoomada kubbadda cagta laga dheelo ee salaxyada oo inta badan laga her geliyay caasimada Muqdisho waxaana labadii sano lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo iyo dhaxgal bulsho wadanka u imaanayay ciyaartooy iyo tababarayaal Soomaaliyeed,iyadoo arinta ay dhiiri gelin u u noqotay xirfadlyaasha ka ciyaara gudaha. “Waxaan dalkeena u imaanaynaa marka hore in aan barano tan xigtana u jeedada socdaalka safarkeena waa in xirfadlayaasha aan macalinka u ahay la arko taydooda wanaagsan ka dibna ay matalaan waajibaadka xulka qaranka sanadaha soo aadan yoolkeena waa in aan booqasho iyo ciyaaro saaxiibtinimo ku marnaa guud ahaan gobolada wadanka” waxaa sidaas iigu waramay Maxamed Cabdiqaadir oo aas aasaha iyo tababaraha kooxda Som United ee kusoo wajahan caasimada. Falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa bogaadiyay sida wanaagsan ay isku soo abaabulaan kooxaha ka dhisan qurbaha hadii afarta sano soo aadan ay sidan oo kale ay u yimaadan gudaha ay fursadaha weyn u tahay is badalka iyo horomarka natioijooyinka xulka qaranka. Inta ay joogaan caasimada waxa ay ciyaaridoonaan kulamo saaxiibtinimo,iyagoo booqandoondoona goobaha taariikhiga si ay arkaan horomarka iyo geed socodka ka jir dalka ay iyaga lee yihiin. Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada,Xiriirka kubbadda,iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada da’daalo ku aadan in caasimada ay marti geliso tartanka Somali Week oo ay inta badan ciyaaraan kooxaha qurbajoogta hadii arinta lagu guulaystana waxaa ay faa’dio u tahay kabaca iyo horomarka ciyaaraha gudaha. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinkooda Caasimada Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
(SLT-Manchester) Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United, Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxdiisu ay la kulmi doonto khatar sida hubka halista ah ee Nukliyeerka marka ay maanta iska hor yimaaddaan Liverpool. Salah iyo Mourinho ayaa waqti kusoo wada qaatay Chelsea, waxaana uu tababaraha reer Portugal ahaa shaqsigii ogolaaday in Mohamed uu ka tago Chelsea oo uu ku biiro Fiorentina ka hor intii aanay AS Roma si buuxda u iibsanin, taas oo ugu dambayn ay Liverpool kaga soo qaadatay £36.9million. Mourinho oo aqoon fiican u leh Salah waxa uu sheegay inuu horumar cajiib ah sameeyey oo sare isku qaaday jidh ahaan, orod ahaanba, haddana uu yahay nin xoog badan oo awood u leh inuu u ciyaaro kooxaha Barcelona iyo Real Madrid. “Horumar cajiib ah ayuu sameeyey dhinac walba. Jidh ahaan wuu horumaray, orodkiisu waa degdeg. Markii hore wuxuu ahaa diciif, haddana nin orod badan oo xoog badan.” Sidaas ayuu yidhi Mourinho. Tababare Jose Mourinho waxa uu tilmaamay in nafsi ahaan uu Mohamed Salah ula qabsan waayey horyaalka Ingiriiska ee Premier League markii ay kasoo qaateen Kooxda reer Switzerland ee FC Basel, waxaanu yidhi: “Saykoolaji ahaan ayuu ula qabsan waayey, sababtuna waxay ahayd in aanu toos uga keenay Switzerland (Basel) oo aanu koox weyn oo Premier League ah dhax keenay. Aad ayay uga weynayd. Waxa aan xasuustaa markii aan ciyaarsiiyey kulankii White Hart Lane (Tottenham vs Chelsea) iyo Etihad (Man City vs Chelsea), aad ayey ugu cuslaayeen. Laakiin hadda wuxuu u ciyaari karaa koox kasta, wuxuu tegi karaa Barcelona, wuxuu tegi karaa Madrid, wuxuuna u ciyaaraa sidii uu leeyahay ‘waxaan ahay Mo-Mo oo cidna kama cabsado’. “Waa ciyaartoy wanaagsan oo gebi ahaanba ka duwan laacibkii aanu ka keenay Basel ee aanu Chelsea geynay, wuxuuna noqonayaa ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida.” Ayuu mar kale yidhi Jose Mourinho. Tababaraha reer Portugal waxa uu sheegay inay qiimayn ku sameeyaan koox kasta ka hor inta aanay la ciyaarin, isla markaana eegaan meelaha ay diciifka ka yihiin iyo meelaha ay ka xooggan yihiinba, balse Liverpool ay leedahay meelo badan oo ay ka xooggan tahay, waxaanu yidhi: “Kulan kasta waxa aanu isku daynaa inaanu gorfayno kooxda aanu la ciyaarayno, waxaanu isku daynaa inaanu ogaano meelaha ay ka xooggan yihiin iyo meelaha ay diciifka ka yihiin, marka aad Liverpool u tagtana waxay leedahay meelo badan oo ay ka xoogan tahay laakiin dabcan isaga (Mo Salah) ayaa ah awoodda nukliyeerka ee ay haystaan.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Cabdifataax Ibraahim Geesey ayaa goor-dhow ku dhawaaqay inuu xilkiisa iska casilay. Geesey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay dhibaatada ay dowladda Soomaaliya ku hayso shacabka reer Koonfur Galbeed, iyo in arrimaha maamulkaas aan lagala tashan xubnaha dowladda ugu jira. Wuxuu sheegay in isaga oo xildhibaan ah uu difaaci doono, waxna u qaban doono dadkiisa, balse uusan qeyb kasii ahaan karin dowladda. Geesey ayaa waxa uu kasoo jeeda beesha Laysaan oo sidoo kale Mukhtaar Roobow uu ka dhashay, waana beesha ku badan ee degta magaalada Baydhaba iyo gooblka. Geesey ayaa horey u ahaan jiray guddoomiyaha gobolka Baay. Faah-faahin naga filo dhowaan, Insha allah.
-
Madaxweynuhu wuxuu yidhi waa in madaxda iyo cid waliba dalka dibadiisa aanay caafimaad u tegin ee ay dalka isku dawayso. Ma garanayo in madaxweynaha ay mooganaan ka tahay iyo inuu indha-sarcaad dadka u dhigayo waayo waxaa jira (Xeer LM. 62/2013) Xeerka Hab-Maamuuska Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo Xubnaha Wakiilada & Guurtida oo ay Golaha Wakiiladu ansixiyeen 2013 dhigayana in Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo xubnaha Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida marka ay xanuunsadaan ee dalka waxba lagaga qaban kari waayo loo qaado dalka dabadiisa oo kharashkana dowladu bixiso (eeg Qodobka 7aad & 12aad). Haddii ay ka dhab tahay Madaxweyne Muse Bihi Abdi dib ha ugu celiyo xeerkan Golaha Wakiilada si looga saaro qodobkaa oo dadku wax u wada qabaan. Suuragal ma aha in la helo goobo caafimaad oo tayo leh dowladuna maamusho inta madaxda dalka ee miisaaniyada qorsheeyaa uu xeer u qeexayo in dabada lagu soo daaweeyo dowladuna ka bixinaynyo kharashka. Dadkii dalka maamulayey ummada wax hala qabaan oo yaan loo ogolaan daryeel caafimaad oo debada ah dowladuna ku bixiso. Abdillaahi Hussein Qaran News
-
(SLT-Baydhabo) Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo dhaceysa 19-ka bishan ayaa maanta galaysa weji muhiim ah, kadib qoraal kasoo baxay guddiga doorashada. Saddex ka mid ah lixda murashax ee u taagan jegada Madaxtinimada Koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta lagu wadaa in ay khudbado u jeediyaan Xildhibaanada Koonfur Galbeed, sida uu sheegay guddiga doorashada. Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii soo saaray magacyada saddexda murashax ee Axada maanta laga doonayo in ay horyimaadaan Xildhibaanada. Guddiga Doorashada ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in murashaxiinta kala ah Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Ibraahim Macalin Nuur iyo Xuseen Cismaan Xuseen ku wargelinayaan in ay horyimaadaan Xildhibaanada, si ay ugu jeediyaan khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadkooda, haddiiba la doorto. Akhriso qoraalka Source