Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,117
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo labadiisa Kuxigeen ayaa maanta kulan waqti badan qaatay waxa ay ku yeesheen Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlayay sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhax jira gudoonka golaha shacabka loona ambo qaadihii shaqada Baarlamaanka. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlayay mooshinka Madaxweynaha iyo xiisada Koonfur Galbeed. C/rashiid Maxamed Xidig oo kamid ahaa Xildhibaanadii kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in kulanka guul weyn laga gaaray,islamarkaana la xaliyay khilaafkii ka dhex jiray Gudoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen. “Xubnaha golaha Shacabka, umada soomaaliyeed iyo dhamaan inta samaha jecel Waxaan si rasmi ah ugu war gelineynaa in Xubnaha gudoonka golaha shacabka ay maanta xal iyo is afgarad ka gaareen wixii khilaaf ahaa ee soo kala dhex galay’, ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig. Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaiya iyo Labadiisa ku-xigeen ayaa isku khilaafay Mooshinka laga keenay madaxweynaha dalka. PUNTLAND POST The post Qilaafka gudoonka Baarlamaanka oo xal laga gaaray appeared first on Puntland Post.
  2. Waad maqashay wararka isa soo tarayay ee Koonfur Galbeed: Shariif Xasan baa is casilay, Mukhtaar Roobow oo isa soo sharxay baa la xiray, Lafta Gareen baa la soo wariyay in ay dowladda wadato, xildhibaanad Xaniifa Xaabsade iyo Xildhibaan Fanax oo ka cod dheeraaday maalmahaan xildhibaanadii kale oo mucaaradka ahaa, wasiirka Howlaha Guud Cabdifataax Geesey oo ugu dambeyn iska casilay xukuumadda Kheyre. Xiisadda ka taagan Baydhabo keliya ma aha musharax Mukhtaar Roobow, ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab xiritaankiisa iyo doorashada dhacaysa oo ay dowladdu la rabto Cabdicasiis Lafta Gareen, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlammaanka Federaalka ah in uu ku guuleysto. Aad ayay uga qoto dheer tahay, oo waxay salka ku heysaa arrimo gaamuray oo cuqdado dhanka qabiilka ah oo ka dhaxeeya beesha Cabdicasiis Lafta Gareen, Hariin oo degta Bay gaar ahaan Baydhabo oo badanaa la siiyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, iyo wasiir maamul goboleedka KGS, iyo wasiir dowlo ama ku xigeen federaalka ah iyo beesha Leysaan oo degta gobolka Baay, ayadoo saami ahaan hesha Guddoomoyaha Gobolka Baay, guddoomiyaha degmada Berdaale, iyo wasiir federaal ah. In kastoo Hariin ay deggan yihiin gobolo kale, hadda Leysaan ayaa ka soo dhex muuqata maamulada gobolada kale ee dalka sida wasiirka caafimaadka Jubbaland Cali Nuur Xaaji, xog-hayihii guud ee Gobolka Banaadir Subeyda Maxamed Mukhtaar. Leysaan iyo Hariin waxaa weligood ka dhaxeeyay dagaal qabali qarniyo ah oo tuulooyin lagu kala heysto oo aan weli laga heshiin. Beesha Hariin oo laga awood badnaa dhanka ciidamada iyo dhaqaalaha ayaa dulmi tirsanaysay sanadihii 90-maadkii dagaalada kaddib, sidaas darteed waxay la safatay ciidamadii jerenaal Caydiid ee 1995 Baydhabo qabsaday. Beesha Leysaan oo bilowday dagaal ay Caydiid la gashay ayaa markii dambe garwaaqsatay in Shaatiguduud oo Hariin ahaa noqdo Guddoomiyaha RRA si beelaha kale ee Digil iyo Mirifle ay dagaalka lagu la jiray Caydiid u galaan. Markii uu Shaatiguduud si wannaagsan u maamulay RRA, wuxuu isku dayay in uu maamul goboleed 6 gobol ah u gudbo, asagoo loo doortay madaxweyne, kaddibna billaabay in uu maquuniyo ku xigeenkiisa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo aasaaska RRA wax badan ku lahaa una dhashay beesha Leysaan. Dagaal xoog leh ayaa 2002 ka dilaacay Baydhabo. Dagaalkaasi oo ay dad badan ku naf waayeen waxaa markii dambe ku adkaaday Xaabsade oo Shaatiguduud ka saaray saaxadda in kastoo ay markii dambe wasiiro ka noqdeen maamulkii Cabdullaahi Yuusuf. Ciidamada Xaabsade waxay xad gudub hanti iyo dadba u geysteen beesha Hariin dad ka mid ah oo ay gabdho ciyaal iskooley ah ku jiraan, oo aan illaa iyo hadda laga heshiin. Murashax Cabdicasiis Lafta Gareen oo hadda u taagan maamulka Koonfur Galbeed, wuxuu kaalin weyn ku lahaa dagaalkii 2002 dhexmaray Xaabsade (Leysaan) iyo Shaatiguduud (Hariin). Lafta Gareen wuxuu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Shaatiguud, wuxuuna si toos ah ugu jiray dagaalkaas oo ay dad badani ku naf waayeen. Shariif Xasan, oo ku dhashay degmada Berdaale oo ay Leysaan ku badan tahay, waxaa abti u ahaa beesha Leysaan oo garab uu ka helayay, balse si aan loo dhihin Leysaan buu u xaqliyay, una qanciyo beesha Hariin, wuxuu siiyay xilal dheeraad ah oo ay ku jiraan taliyaha ciidamada booloska Koonfur Galbeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo adeer laxmi ah u ah Lafta Gareen, sidoo kale sodog u ah maadaama uu ina Mahad ay u dhaxdo Lafta Gareen. Madaxweyne Farmaajo ma laha kama war hayo taariikhda dagaalada iyo xasaasiyadda beelaha. Wuxuu taageeray musharax Cabdicasiis Lafta Gareen oo ay beesha Leysaan ka tirsanayso in uu ku jiray dagaalkii la isku gumaaday ee Xaabsade iyo Shaatiguduud dhex maray, sidoo kale Leysaan waxay wax badan ka tirsanaysaa Jeneraal Mahad oo adeerkiisa ah oo ay xadgudubyo ka tirsanayaan. Sidoo kale madaxweyne Farmaajo wuxuu ka hor yimid Mukhtaar Roobow oo u dhashay beesha Leysaan, musharaxii kale ee beesha Leysaan ka socday oo lagu magacaabo Yuusuf Baadiyow wuxuu u tanaasulay Roobow si uu u taageero. Beesha Hariin waxaa sidoo kale ka socda musharax aad loo jecel yahay oo aan wax xasaasiyad ah muujin oo lagu magacaabo Dr. Ibraahim Macalin Nuurow. Markii la dhaafay diiwaan gelinta musharaxiinta, Leysaan waxay isugu geysay xooggooda difaaca Mukhtaar Roobow. Mar haddii ay dowladdii xirtay, Leysaan oo ay ayadu ka talinaysa gobolka, sidoo kale xoogga ciidan ah sama ha joogo Xaabsade ama Shariif Xasan, imika ma heysato wax musharax ah oo uga qeyb galaya doorashada, halka Hariin ay leeyihiin Lafta Gareen oo taageera ka helaya madaxweyne Farmaajo, oo dadka qaar ay leeyihiin waxaa Lafta Gareen u geeyay reer abtigiis maadaama hooyadiis ay tahay Mareexaan. Dhacdada ugu muhiimsan ee maanta dhacday waa in uu is casilay Wasiirka Howlaha Guud ee xukuumadda Kheyre ee u dhashay isna Beesha Leysaan oo la sheegay in culeys adag uu beesha ka soo fool saaray. Sababta keliya ma aha in Mukhtaar Roobow la reebay, balse waxaa wehelisa in shalay Baydhabo uu ciidanka Booliska ee Jeneraal Mahad, madaxda ka yahay in lagu eedeynayo in ay dileen Xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Ibraahim Buulle, Guddoomiyihii Guddiga Amniga ee Koonfur Galbeed oo u dhashay beesha Leysaan oo diidanaa ciidanka ay dowladda Federaalka geysay Baydhabo, sidoo kale dad kale ayaa la dilay, qaarna la xabisay. Hadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal, odayaasha dhaqanka ee beelaha Digil iyo Mirifle waxay og yihiin cawaaqib xumada ka dhalan karta in beelo isu cuqdadaysnaa weligood midna la diido, midna la taageero. Markuu Baydhabo joogo Roobow waa Leysaan dagaalo diineed galay, sidoo kale Lafta Gareen waa Hariin galay dagaalo beeleed, mid walba oo soo baxa waa halis. Guud ahaan Digil Miriflaha kale waxay Roobow ku taageerayaan maadaama uu yahay qof diineed oo caddaalad ay ka fili karaan, iyo la dagaalanka Shabaab, halka Lafta Gareen ay u heystaan qof dusha laga saarayo. Si loo helo maamul shaqeeya, waxaa muhiim ah in la qaato talada dhahaysa doorashada dib ha loo dhigo si loo qabto doorasho la wada aqbalo. W/Q: Xasan Cabdullaahi Muumin Baydhaba, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddoomiyaha Qatar Airways, Sayid Albakar Al-baakir ayaa maanta shaaciyay in shirkaddoodu ay July 01, 2019 bilaabayso duullimaadyo toos ah oo ay uga howl gelayso magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, Cabdirisaaq Faarax Cali, ayaa sheegay in guddoomiyaha Qatar Airways uu qorshahan ku xaqiijiyay kulan isaga iyo ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, maanta ku dhex maray magaalada Dooxa. Safiir Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu guddoomiyaha Qatar Airways uga mahadceliyay duullimaadka shirkaddoodu ay ka bilaabayso garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, sidoo kalana ra’iisul wasaaruhu uu shirkadaha iyo ganacsatada kale ee dalka Qatar u rajeeyay in ay maal gelin ku samaystaan dalka Soomaaliya. Qorshaha Qatar Airways ay Muqdisho uga bilaabayso duullimaadyada tooska ah ayaa qayb ka ah hannaanka maal-gelinta ballaaran ee shirkadaha, ganacsatada iyo dawladda Qatar ay ku maal gelinayaan dalka Soomaaliya. The post Shirkada Qatar Airways oo duulimmaad ka bilaabeysa Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Musharaxa Madaxweynaha Puntland Cali Xaaji Warsame oo safaro dhulka ah kusoo kala bixiyey deegaanada Puntlnd ayaa maanta oo axada wuxuu lakulmay Bulshada caasimada Puntland halkaasoo [...] Source
  5. Waxa wada socday ninka Biladda Cuud tumistay ay Soomaalidu siisay Axmed Ismaciil Xudaydi , Maxamed Aadan Dacar , Cabdi Aadan Xaad oo Qays loo garan ogyahay , Maxamed Mooge Liibaan , iyo Axmed Saleebaan Maxamed “Ina Saleebaan Bidde “ sanandkii 1975 iyaga oo lugaynaya goor Barqo ahmeel ka mid ah degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho , waxa mar qudha soo da’ay roobka loo yaqaano Xagaayo oo isagu sida caadadiisa ah aan muddo badan soconin. Kooxdan wada socotay inay socodkoodii hakiyaan ayey go’aansadeen oo roobka ay meel ka galaan /jirsadaan ka dib guri dabaq ah ayey ka hoos galeen . Wax yar uun ka dib waxa agtooda soo istaagay baabuur midabkiisu cirka u eegyahay nooca raaxadana ah , ka dibna waxaaba ka soo degay laba gabdhood oo markii ay ishoodu qabatay qoldii roobka meesha kaga jirtay ay dhammaan qurux ku tilmaameen . Maxamed Aadan Dacar oo sidoo kalena loo yaqaanay Shaafici ka hor inta aanu Hibo Nuura la qaadin heesta “Dacarow ama Waan Duulayaaye Isoo Ducee “ isaga “Dacar” ayaa Axmed Saleebaan Bidde ku yidhi isaga oo carinaaya “ Car waakaase Axmedow labadaas gabdhood ee baabuurka ka soo degay xaggeenana u soo socda hees ka samee weliba ta soo horraysa” , Axmed ayaa bilaabay erayada heesta “ Dhayal looma heesee dharaartii aan ku caashaqay” Xudaydi ayaa yidhi anaa laxamaynaya heestaas , Maxamed Mooge isna wuxuu yidhi waxa ballan ah inaan anna ku luuqeeyo , Cabdiqaysna sacabka ayuu u tumay . Markii ay labadii gabdhood u yimaadeen ee ay salaamaan waxay ka codsadeen in madaama uu roob da’aayo isla markaana ayna haysanin baabuur inay gurigooda oo aan markaasi ka fogayn ay u raacaan oo ay halkaasi ku nastaan , wayna raaceen . Markii ay gurigii tageen ayaa Cabdiqays oo ay saaxiibo isku sir ah ay ahaayeen Axmed Saleebaan wuxuu maqlay gabadh ka mid ah labadii gabdhood oo iyadu biyo u keenaysay ragga iyada ku luuqaynaysa heesta Maxamed Cali Kaariye curiyey ee ay ka mid yihiin erayadan “Adoon soo rogaan celin raartana ka soo degin “ dareen ayuuna qaatay wuxuuna ku yidhi Axmed “ halkaas waxbaa ku jira”. La is baray oo la isxaal waraysay , waxayna gabdhihii middii heesaysay oo sidoo kalena ah tii baabuurka ka soo hor degtay ee la isku carinayaey in hees loo sameeyo ay noqotay gabadh ay Axmed Hargeysa isku barteen markii uu xabsiga ka soo baxay oo iyadu jeclayda balse aan Axmed waxba u sheegin . Axmed oo aad uga xun xaaladda ay gabadhaas ku kulmeen oo dabcan sidiisa oo kale Muqdisho safar ku ahayd sidoo kalena ku canaanaya inay la aamustay jacaylka ay u qabtay ee Uurkeedu sheegay ayaa mar kale alifay heesta “ Haddii Jacayl sir laga dhigo Saldhig lagama gaadhee soo soco oo wax ii sheeg”. Sidoo kale Axmed wuxuu ku muujiyey heestan damqashada qof aad xaalad adag ku kuleenteen adiga oo aan hayn ahaan waxba ku dhaamin waana ka yidhi: Sahay adiga oon qabin Sibraar Badhax ah kol ay tahay Suryo ruux ku kulanteen Surin aanad kaba filin Sedna aad la jeceshahay Adoon sidin maxaad siin? Maxamed Mooge ayaa heestiina laxameeyey sidoo kalena ku luuqeeyey Source
  6. (SLT-Muqdisho) Raysal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay dhaqaalaha Faraha badan ee Somaliland kaga baxa Qaadka Ethiopia. Guuleed, ayaa sheegay in gobolada Waqooyi oo uu ula jeedo Somaliland aanay lahayn wax qorshe ah oo ay kaga bedelato Ethiopia dhaqaalaha Kaashka cadaanka ah ee ay Qaadka ku iibsato. Somaliland iyo Ethiopia ayaa wadaaga xad dheer waxaana ka dhaxeeya xidhiidh ganacsi. Source
  7. (SLT-Baydhabo) Wasiirka howlaha guud iyo dib udhiska Dalkaasi Soomaaliya Cabdi fitaax Ibraahim Geesey ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas. Wasiirka ayaa sheegay in is casilaadiisa ay sabab u tahay wax uu ku sheegay faragein qaawan oo lagu haayo doorashada Koofur Galbeed Soomaaliya oo ay ka dambeeyaan hogaanka Madaxtooyada Soomaaliya. Is casilaada wasiirka ayaa ku soo beegan tahay xili ay sii xumaaneyso xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, warar kale ayaa jira oo sheegaya iney is casilayaan wasiiro kale oo ka soo galay Koofur Galbeed Soomaaliya. Wasiirka maanta is casilay ayaa sidoo kale ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaaliya. Source
  8. Baydhbao (Caasimada Online) – Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa maanta wax badan ka duwaneyd saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, oo magaalada ay hareereeyeen rabshado ka dhashay xarigii maalintii Khamiista ay Dowladda Federaalka Somaliya kula kacday Murashax Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur). Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa Sabtidii xoog ku furay wadooyinka Magaalada Baydhabo, ka dib markii ay xireen taageere-yaasha Mukhtaar Roobow Cali. Ciidamada ayaa maanta waxaa lagu arkayey wadooyinka magaalada, oo ay ka socdaan olole wadooyinka looga nadiifinayo taayeero ay bannaanbaxayaasha ku gubeen. Sidoo kale ganacsigii magaalada ayaa mid caadi ah ku soo laabtay, iyadoo ay maanta wada furnaayeen dhammaanba goobaha ganacsi ee Baydhabo ku yaala. Waxaa sidoo kale maanta dib loo furay goobaha waxbarasho ee magaalada. Dhanka kale waxaa maanta Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo ka bilowday khudbadaha ay murashaxiinta u jeedinayan Xildhibaanada Koonfur Galbeed. Illaa saddex murashax ayaa maanta hortagey Xildhibaanada Koonfur Galbeed, maalinta berritana waxaa lagu wadaa in ay khudbado u jeediyaan murashaxiinta kale. Jegada Madaxtinimada Koonfur Galbeed waxaa u tartameysa illaa lix murashax. Abuu Mansuur oo murashaxiinta ka mid ah ayaa Khamiistii lagu xiray Magaalada Muqdisho, markii laga qabtay Madaxtooyada Baydhabo.
  9. Tolow Madaxweynuhu ma ka ilbaxii Doonaa Taladii Kooxdii Heego , mise weli waa halkii…?. Sida aynu ogsoonahay Golaha wasiirada Somaliland ee ay magacaabisteeda ka soo wareegtay muddo Sanad dhamayatiran ayaa bulshada Somaliland waxay u arkaayeen in Magacaabistooda ay 60% soo xulisteeda iyo talo bixintooda ay lahaayeen kooxda Heego ee dhegaha & Qalinka Madaxweynaha Jsland intiisa badan haysta, arrintan oo muran badan ka dhalisay goobaha lagu falanqeeyo Siyaasada Somaliland iyadoo loo arkaayey madaxweynaha inaanu ahayn nin shaadhkiisa lagu shaqaysan karo, lana garan waayey halka ay iska soo gaadheen Madaxweynaha & dadkan socodka baradka ahi, xaqiiqadu waxay isugu soo biyo shubtay , in kooxdan Heego ay awood badan ku leeyihiin Madaxweynaha taladanina ay toodii tahay, waxaa Muuqanaysay in bogag badan oo kala duwan oo warbaahinta ka mid ah lagaga hadlaayey , Haddaba Maadaama Madaxweynaha Jsland arkay Taladii uu waxgarad badan oo somaliland ah ka diiday ee uu door biday qaadashada Talada Kooxda heego khasaaraheediina uu arkay lana daadegtay Muddadaa Sanadka ah wadankii waxay is waydiintu tahay Maadaama Madaxweynaha laga sugaayo reshufle Cusub iyo isu dheelitir iyo inuu madaxweynuhu Cugto raggii wadanka ka saari lahaa Asma iyo xuurtoonka siyaasadeed ee soo wajahay ma ka kori doonaa talada Kooxdii Heego , oo ma qaadan doonaa Talooyinka Talo qabeenadu soo jeediyeen maadaama uu wadanka soo wada maray soona urursaday wixii war bixin yaalay? ,dadka intiisa badan ayaa waxay kaga jawaabayaan inay caado tahay in nin kasta oo Talada Wanaagsan iska Adkeeyaa uu Qaato Talada Kuwa aan Talada la waydiin, oo aan laga yaabin inay reshufle ka la rajaynayaa ay kasii miciin liidanayso magacaabistii hore oo awel taa hore waxay ahayd 60% ay tani noqonayso 100% taladii hore mid ka liidata, halka ay in yari leedahay odaygu iminka gacanta ayuu fadhiisiyey oo wadada ayuu qabadsiinayaa , tii hore wuu ku baragtiis garaynaayey. haddaba waxaynu eegnaa waa looge iyo laguu golle fadhiyaa , iyo qoraxdu horteena ayey iman doontaa haddii alle idmo. W/Q Farxan Cali Xasan Hargeysa/Somaliland. Qaran News
  10. Kadib khilaaf soo jiitamayey tan iyo 8-deeddii bishan waxaa maanta Muqdisho kulan gaar ah ku yeeshay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Maxamed Mursal iyo ku-xigeennadiisa 1aad iyo 2aad. Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudeey iyo Mahad Cabdalla Cawad. Xogta ay heshay Goobjoog News ayaa sheegeysa in inta badan la isku afgartay qodobbadii laga wada hadlay oo ay ugu muhiimsaneyd wadashaqeynta iyo in golaha uu shaqadiisa dib u bilaabo. Qodobbada la isku afgartay waxaa ka mid ahaa in baarlaamka isku duubnidiisa la ilaaliyo , oo looga dambeeyo guddoomiye Mursal wixii maamul iyo mas’uuliyaddiisa ah, waxaa kale oo lagu heshiiyey in ka guddoon ahaan is cafiyaan, iskana iloobaan is maandhaafka, oo weliba ay sida ugu dhaqsaha badan dib u bilaabato shaqadii golaha shacabka. Arrintii guddiga maaliyadda ee jiritaankooda muranka ka taagnaa, waxaa la isla qaatay go’aankii guddoomiye Maxamed Mursal ee ahaa iney guddiga shaqadooda sii-wataan. Ugu dambeyntii, arrinka mooshinka madaxweyne Farmaajo waxaa la sheegayaa in guddoomiyaha uu dib ugu dhigay iney iska arkaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduulahi Farmaajo, xalkana uu noqon-doono wixii wada hadalkaasi ka soo baxo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Qatar Airways, Sayid Albakar Al-baakir ayaa maanta shaaciyay in shirkaddoodu ay July 01, 2019 bilaabayso duullimaadyo toos ah oo ay uga howl gelayso magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, Cabdirisaaq Faarax Cali, ayaa sheegay in guddoomiyaha Qatar Airways uu qorshaan ku xaqiijiyay kulan isaga iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, maanta ku dhex maray magaalada Dooxa. Safiir Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uu guddoomiyaha Qatar Airways uga mahadceliyay duullimaadka shirkaddoodu ay ka bilaabayso garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, sidoo kalana ra’iisul wasaaruhu uu shirkadaha iyo ganacsatada kale ee dalka Qatar u rajeeyay in ay maal gelin ku samaystaan dalka Soomaaliya. Qorshaha Qatar Airways ay Muqdisho uga bilaabayso duullimaadyada tooska ah ayaa qayb ka ah hannaanka maal-gelinta ballaaran ee shirkadaha, ganacsatada iyo dawladda Qatar ay ku maal gelinayaan dalka Soomaaliya.
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada xoogga iyo Mareynkanka oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu dilay 25 oo ka tirsan xoogaga Al-Shabaab. Howlgalkan oo dhacay 16-ka bishan December lagana fuliyay nawaaxiga deegaanka Gandershe ayaa lagu beegsaday xero ay lahaayeen Al-Shabaab, halkaas oo ay Ku diyaarinayeen weeraro oo ka dhan ah Shacabka Gobalka iyo sidoo kale Ciidamada dowlada iyo AMISOM ee Ku sugan magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose. “DFS iyo saaxiibadeeda caalamiga ah waxaa Ka go’an in ay sii wadaan Dagaalka lagu wiiqayo awoodda argagixisada Al-Shabaab oo Ku taagaan waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed,” qoraal kasoo baxay dowladda. Ciidamada xoogga dalka ayaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ka saaray deegaano badan oo ka tirsan Gobolkaasi, “waxaana hadda lagu baacsanayaa dhulka howdka ah, halkaas oo ay maciin bideen,” ayaa raaciyay bayaanka. The post DFS oo sheegtay inay howlgal ku dishay rag ka tirsan Al-Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-16122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar la isla dhex-marayey baraha bulshada ayaa sheegayey in wasiirka Gaashandhiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) uu xilkaas iska-casilay. Wararkan ayaa xoogooda soo baxay saacad un kadib markii uu is-casilay wasiirkii howlaha guud iyo guryaynta Cabdifataah Maxamed Ibraahim Geesey. Labada wasiir ayaa kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana la sheegay in siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanadaas ay aad uga carraysan yihiin in dowladda aysan ku ixtiraamin inay kala xiriirto arrimaha maamulkaas. Si kastaba, Wasiirka gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa goordhow been abuur ku tilmaamay wararka lagu faafiyay Baraha Bulshada ah ee in uu iska casilay xilka Wasiirka Gaashaandhigga. Waxa uu sheegay in uusan is casili doonin, waxaana dadka Soomaaliyeed uu ugu baaqay inaysan qaadan wararka kahor imaanaya horumarka dalka ee Baraha Bulshada lagu faafinayo. Dhageyso Codka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/wasiirka-Gaashaandhigga.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. The minister for public works and housing of the Federal Republic of Somalia, Abdulfatah Gesey has resigned on Sunday. Speaking during a press conference in Mogadishu, Mr.Gesey announced his resignation citing interference by the federal government into southwest state elections and the illegal arrest of candidate MukhtarRobow Mansour. “There is nowhere southwest state administration leaders and federal government principals discussed and agreed interference into the election and the arrest candidate Mukhtar Robow,” “I have decided not to be a witness again on the injustice meted against the people of this country by the government.” he added. He urged political leaders and council elders from the regional administration to maintain law and order. “I call upon the residents of southwest state to maintain order while exercising their protests peacefully.” Mr. Abdifatah Gesey said he will continue as member of lower house of the federal parliament as representative from southwest state and serve the interest of his people diligently. The post Somali minister steps down amid political crisis in the country appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (PP) ─ Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Xukuumadda Somalia, C/fataax Ibraahim Geeseey ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ku sheegay inuu iska casilay xilka wasiirnimo ee uu hayay. Geeseey, ayaa sheegay inuu isku-casilay xiisadaha iyo rabsadaha ka taagan xarunta maamulka Koonfur-galbeed, isagoo intaas ku daray in Xukuumadda Somalia ay fara-gelin ku hayso maamulada dalka, gaar ahaan kan Koonfur-galbeed. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay jirto fara-gelin toos ah oo Dowladda Somalia ay ku hayso Maamulka Koonfur-galbeed, gaar ahaan Doorashada la filay oinay dhawaan ka dhacdo Baydhabo, taasoo madaxweyne lagu soo dooran doono. Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta dalka qaarkood ayaa Xukuumadda Somalia horay ugu eedeeyay inay fara-geliso maamullada dalka ka jira, waxaana ka jiray Baydhabo xisado ka dhashay xarigga Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharraxinta doorashada, taasoo lagu tilmaamay fara-gelin doorashada lagu hayo. Dhanka kale, Wasiirka is-casilay ayaa sheegay in Xukuumadda Somalia ee uu ka tirsanaa ay hareer marayso ku dhaqanka dastuurka, taasina ay tahay sharci-darro, sababi karta muranno intaan ka badan. C/fataax Ibraahim Geeseey, ayaa noqonaya wasiirkii ugu horreeyay oo ka tirsan xukuumadda Somalia oo isku casila xiisad ka taagan maamul ka mid ah kuwa dalka, waxaana tani ay muujinaysaa heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda ka taagan deegaannada Koonfur-galbeed. Ugu dambeyn, Gudoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Shiikh iyo dhamaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur-galbeed ayuu ugu baaqay inay ahmiyada siiyaan sidii ay kaga hor-tegi lahaayeen wxuu ku tilmaamay Af-gembi lagu haayo maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya. DHAGEYSO; Sababta uu isku casilay Wasiirkii Hawlaha Guud ee Somalia; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/DHAGEYSO_Sababta-uu-isku-casilay-Geeseey.mp3 PUNTLAND POST The post Wasiir ka Tirsanaa Xukuumadda Somalia oo isku casilay xiisadaha ka taagan Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan ka gaartay kiiskii loo heystay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud oo muddo soo socday. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa loo heystay Afartan Qodob oo kala ah:- 1-Ku xadgudub Xatooyo Xoolo Dadweyne 2-Ku xad gudub awood xafiiseed 3-Ku daneysi shaqsiyadeed howlo Xafiiseed iyo diidid howlo Xafiiseed. 4-Ku xadgudub xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shaacisay in wax dambi ah lagu waayay wasiir ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya. Hanti Dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa horey sheegay in baarista Kiiska Wasiir Muqtaar ay soo bilaabatay Bilowgii Bishii April, taasoo ka dhigan iney soo socotay mudo 4 bil ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Sida laga warqabo maamulkii hawada soomaliya ee ka hawl galayey dalka kenya muddo 25 sanno ah ayaa waxa loo soo wareejiyey magaalada Muqdisho. Shaqaalaha ka hawl gala waxay ka kooban yihin dad soomaliyeed oo isaga yimid dhamaan goboladda dalka soomaliya. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxay ku faraxsan yihiin inay wadankooda kusoo noqdaan una shaqayaan. Nasiib darada dhacday waxay tahay, laga soo bilaabo maalintii shaqaalaha laga soo raray kenya oo ahayd 28/03 2018 ilaa maanta in dhacdooyinka ka imanaya wasaarada gaadiidka ay khalkhal joogto ah ku hayaan adeegii lagu ilaalinayey nabad gelyada hawada Soomaaliya sida hoos ku taxan. Waxay madaxda Wasaarada Gaadiidku si joogto ah shaqaalaha uga faafiyaan been abuur sheegaya inay doonayaan in Nayroobi lagu celiyo. Arintaasina waa wax kama jiraan la doonayo inay lagu qariyo musuqmaasuq baahay oo madaxdu ku lugleedahay. Xarumaha hagida dayaaradaha ee aduunka waa ka mamnuuc inay gudaheeda galaan cidaan shaqo ku lahayn, laakiin Wasiirka gadiidku wuxuu ka dhigtay goob warbaahineed. Wuxuu filimo ka duubaa shaqaalaha oo waajibkooda gudanaya dabadeedna ku faafiyaa facebook. Arintani waxay khatar ku tahay amaanka hawlwadeenada hawada Soomaaliya. Hanjabaad iyo caga juglayn shaqaalaha uga yimaada madaxda Wasaaradda Gaadiidka. Xadhig bilaa sabab ah oo shaqaalaha lagula kacay, iyadoo sidii dad argagixiso ah loo dalbanayo ciidamada NISA. Ruqsad sharci daro ah oo wasiirku amarkeeda leeyahay, iyadoon la marin sida ku qoran qandaraaska shaqaaluhu la galeen hay’adda ICAO. Tusaale ahaan, Madaxii maamulka lacagta oo ah wiil soomaleed, kaas Soomaalinimo darteed Maraykanka uga soo tegey mushahar dhan 8,000 doolar bishii si uu u caawiyo wadankiisa ayaa wasiir Oomaar ruqsadiisa la kaashaday nin Malawi u dhashay iyo naag Kenyan oo qandaraaskoodii dhamaaday. Kuwaasoo Soomaaliga meesha laga saaray qandaraas dheeri ah ku heli doona, maadaama aan la hayn qof bedela. Shaqaalaha Soomaaliyeed ee hawada ka shaqeeya 80% waxay ka baxeen jaamacado, qaybtood waxay haystaan shahaadooyin sare sida Master degree iyo PHD. Nasiib daro madaxda wasaarada gaadiidku waxay door bideen inay dadkaas kala diraan, si loo waayo indho arki kara musuq maasuqa xadka dhaafay ee ay ku lug leeyihiin. Guriga shaqaalahuu degan yihiin hore waxay ICAO ku bixisay lacag lagu dhiso 50 qol laakin 40 qol ayaa la dhisay halka la lunsaday lacagtii 10 qol ee hadhay iyo adeegyadii dheeraadka ahaa. Shaqaalaha wax uu ugu hanjabay wasiirku in ay ka guuran guryaha ay degan yihin oo ay degan Xamar. Shaqaaluhu waxay is bedelaan habeen iyo maalin 24/7 kamana soo shaqo tegi karaan meel ka baxsan airportka maadaama AMISOM xidhto garoonka 5ta galabnimo ilaa 06:30 subixii. Ujeedada warqadani waa qayla dhaan loo jeedinayo madaxda dawlada Soomaaliya ugu saraysa iyo waxgaradaka Soomaaliyeed. Hadaan Si dhaqso wax looga qaban dhibta wasiirka gaadiidka iyo kooxdiisu ku hayaan hawlwadeenada adeega hawada , qaranimadii waa lumi doontaa hawada Soomaaliyana waxay u gacan geli doontaa wadamada deriska ah kuwasoo mudo taamayey arintaan. Allah mahad leh Waa shaqalaha ka hawl gala maamulka hawada saree e soomaliyeed Flight Information Region staff
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey kulankii shalay ay Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada taageersan madaxweynaha ee isku magacaabay “Xildhibaanada aqlabiyadda.” Qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay bartiisa facebook, hoos ka aqriso. Xildhibaanow hadii aad tihiin AQLABIYADDA GOLAHA waan idiin ogolnahay ee fadlan naga ogolaada in aan cod ku kala baxno! Kulankii Xildhibaanada Nabad iyo Nolol ee maanta lagu qabtay hotel SYL inkastoo ay ku heshiin waayeen tirada dhabta ah ee meesha fadhisay in ay sheegaan. Hadana ma rabo inaan sheego nambarkooda dhabta ee kulanka joogay si aysan saaxiibadey iiga xumaan. Lkn waxaa rabaa inaan ka hadlo dhowr arimood oo isoo jiitay: 50-kii Xildhibaan ee Golaha Wasiirada ku jiray qof lagama soo tagin maanta. Xitaa kuwii xanuunsanaa waa lasoo xanbaaray. Liiska magacyadu ku qornaayeen oo hal far iyo hal qalin lagu qoray waxaana markii ugu horay mudo 28 sano ah kasoo dhex muuqday Xildhibaan waa hore iscasilay. Kaas oo ahaa Xuseen Cismaan Xuseen oo noqday Taliyihii hore Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA). Xildhibaano dalka ka maqan mudo bilooyin ah, qaarkoodna caafimaad ugu maqanyihiin dalal kale oo hadana la qortay in ay kulanka joogeen! Xildhibaano waligood la yaqaanay aragtidooda kulankana aan joogin oo hadana laga been abuurtay. Dad aan Xildhibaano ahayn oo meesha fadhiyay. Mana garan ujeedada laga lahaa ilaa hada! Isku soo wado duuboo saaxiiboyaalow hadii aad tihiin AQLABIYADDA GOLAHA waan idiin ogolnahay ee fadlan naga ogolaada in kulankii Goluhu noo qabsoomo codna aan ku kala baxno ducana waan idinkugu daraynaa waliba. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad
  20. The Federal Government of Somalia, FGS, has converted a maximum security prison into a training facility as part of reforming its national intelligence apparatus. The news was relayed by Director of Communications at the office of the president, Abdinur Mohamed. He said the conversion of the Godka Jilacow Prison was part of genuine reforms on the part of the government. His Twitter post making the announcement said officials of the National Intelligence and Security Agency, NISA, were to be trained at the facility with human rights being a core aspect of the training. The Godka Jilacow prison, located in the capital, Mogadishu, has before the current move, served as an interrogation center for NISA, which had its offices close to it. It is believed to be where many suspected militants are being held. Terrorists have in the past staged attacks on the facility aiming to break in and free detainees. One such attack was in 2014 even though the authorities managed to stave off the heavy incursion, killing all militants involved according to a report. The Horn of Africa country has over the past few decades suffered varying degrees of deadly attacks by al-Qaeda linked Al-Shabaab insurgents in different parts of the country. The militants are said to be aiming at establishing a country run by the strict interpretation of Islamic law – Shariah, they are aiming to topple the federal government by their activities. With a largely underfunded military force, the African Union’s Mission, AMISOM, has been a key player in the security operations in parts of the country. The United States has routinely also carried out air strikes against the group. Al-Shabaab holds some territory in the country where they are the established and recognized government by the people. The post Somali government says shut down NISA’s Godka Jilacow prison appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Shirarka Wadatashiga Mogadishu Clan. Date 13/12/2018 . Kasoo qaybgalayaasha 1. Odayaasha dhaqanka, 2. dhalinyarada Haweenka, 3. Siyaasiyiinta, 4. Ganacsatada 5. , iyo Saraakiisha ciidanka Waxa laga wada hadlay Xaalada dalku marayo, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed, waxa Baydhabo ka socda iyo damaca Farmaajo. Waxaa warbixino laga dhagaystay Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha ciidanka iyo sirdoonka. Waxay ka warbixiyeen xaalada siyaasadeed iyo tan amni ee dalka ka jirta iyo damaca Farmaajo. Dood dheer ka dib Waxaa la isku raacay 1) In Farmaajo uusan Dastuur iyo Sharci midna dan ka lahayn, uuna doonayo in uu kali talisnimo iyo talo 3 ruux ku kooban xoog iyo colaad ku meel mariyo. 2) In aan la sugin Farmaajo inta uu Baydhabo ka soo jeesanayo ee abaabulka iyo dagaalka haatan la galo. Waxaa kaloo la isla gartay in Farmaajo uu duulaan ku soo yahay Mogadishu Clan. 3) In la abaabulo kacdoon shacabka oo looga horjeedo Farmaajo iyo labada nin ee dhalanteedka ku wehlisa ee Fahad iyo Kheyre 4) Beesha Mogadishu Clan ayaa isku raacday in ay tilaab cad ka qaadaan wiilasha dilka iyo shirqoolada ka shaqeeya ee Saadiq John, Farxaan Qaroole, Yaasiin Ganeey, Cali Yare, Xerow, Mahad Korow, Fanax iyo C/Rashid. Waxaa loo saaray koox diyaarsan oo ragaas shaqo la yaqaan ka qabsada. Waxaa arrinkaas balan qaaday wiilal naftood hurayaal ah. 5) Waxaa Sidoo kale la isku raacay in qaaqlayaasha beesha tilaab laga qaado, waxaana ragaas ka mid ah, Salaad Cali Jeele, Cali Maxamad Geedi, Calawa Jiis, Xasan Cilmi Yaxye, C/daahir Ugaas iyo Ina Axmad Diiriye. 6) Waxaa kaloo la isku raacay in ciidan iyo hub la isku keeno, banaanbaxyo la abaabulo, la gooyo jidadka madaxtooyada gala, lana cuuryaamiyo isku socodka iyo dhaqdhaqaaqa ciidan. 7) In canshuurta iyo baada la iska diido. 8) In AMISOM iyo Beesha caalamka lala kulmo Actions Si hawshaan loo meel mariyo Waxaa la qabtay gudiyo 1- Gudi Amni 2- Gudi dhaqaale 3- Gudi Abaabul Qaran News
  22. BERBERI MA HIIL BAY U BAAHANTAHAY MISE HAMBALYO.? (Qaybtii 2aad ‘………………. Magaalada Berberi intii ka horeysay 2012kii Waxay ahayd meesha kaliya ee ka badbaaday ama ka bed qabtay Aafada Boobka dhulka, waxay ahayd Magaalada kaliya ee hadaad u doonato dhul aad degtid oo aad shuruudaha buuxisid, aad ka helaysay meel aad guri ka dhisatid oo aad degtid, iyadoo waliba dawlada hoose ku siinaysa dhulkaas, oo aanu qofkaa iibinayn sida Magaalooyinka kale ee Somaliland gaar ahaan Hargeisa iyo Burco ama Boorama. Waxayse iswaydiintu tahay Berberi miyaanay Somaliland uun ahayn maxaa iyada gooni ka dhigay ee ay sida magaalooyinka kale u noqon wayday? Jawaabtu Waxay tahay “Haa” Berberi waa Somaliland Lkn Waxay dheerayd magaalooyinka dhigeeda ah Nasiib wanaag xaga Maamulka ah, Oo waxaa soo maray Maayaro, Lexejeclo ka lahaa oo ay ka go’nayd ilaalinta Iyo gacan ku haynta dhulka ee aanay marna u cuntamayn inay Berbera xaraashaan oo gadaan sida Maamulkan iyo Maayarkan hada jooga. Berberi laga soo bilaabo 2012 kii Waxay wajahday jaahwareer, Qaylo isqabsi iyo isbarbar yaac uu Damac aduun, Damiir Xumo, Damqasho la’aan iyo aqoon Daciifi Hagayso. Berberi laga soo bilaabo 2012 kii waa intuu Maayar Cabdishakuur Cidin haystaye waxay noqotay meel Haad iyo Haraawaba u jabtay, Meel suuqa kala gadashada Taala oo qof waliba helaayo hayntiisa Maaliyadeed, Oo dhul ah, Berberi waa meesha kaliya ee qof qudhi leeyahay 50 Baloog oo dhul ah, taas oo aanu ka dhaxlin adawgii ama aanu ahayn dhulkaasi beer ay lahaayeen oo magaaladu gaadhay sida Magaalooyinka kale ka dhacda, balse uu dhulkaasi yahay Hantidii reer Somaliland oo uu ku gatay ama boobay qiimo jaban oo jeebka maayarka iyo shakhsiyaad ah ku dhacday. Berberi waa meesha kaliya ee Dhulkeedii Mudo Sanad ilaa Sadex sano guduhood ah uu Gadmay, Oo uu galay gacan shicib isagoo ka baxay gacantii dhexda ahayd ee dawlada, sababo dhaqaale raadin ah awgood. Iyadoo aanay jirin Daah furnaan iyo xisaab lagu qanci karo oo lasoo bandhigay iyadoo la leeyahay Sanadkan dhaqaalahaas ayaa dhulkii la iibiyey kasoo xaroodoo waxaas iyo waxaas baanu ku qabanaynaa ama ku qabanay. Berberi waa meesha kaliya ee aanad hada ka helayn NUS BALOODH aad dhisato ilaa aad magaalada ka baxdid 30km oo koonfur ah iyo 25km oo galbeed ah mooyaane, Haddaad Iib ku doontana ma jari kartid oo waa qaali sababtoo ah dadkani waxay dhulka u boobeen inay sife Ganacsi ahaana ahaana uga faaidaan, si ay dhaqaale degdeg ah uga dheefaan. Berbera waxaa isku kaashaday oo isu gaashaan buuraystay Maamul ay ku idil yahiin dhamaan astaamaha lagu yaqaano, Hogaanka Xun, sida Aqoon la’aan, aragti gaabni, Axmaqnimo, Hororsi, Hambayn la’aan iyo Hanti urursi Badheedh ah. Mudo xileedkii uu Maayar Cidin Berbera haystay, Dhibka, Mustaqbal la’aanta, boobka iyo Musuqmaasuqa ku habsaday wuxuu meesha ka saaray dhamaan Rajadii iyo Yididiiladii Soo ifaysay ee layslahaa Berbera waxaa usoo laabanaaya magacii iyo Sharaftii ay lahaan jirtay qarmiyadii lasoo dhaafay, waayo Magaaladii Berberi maanta ma laha meel ay ku fido, Berberi waa Seesas iyo jagooyin loo haysto in lagu ganacsado oo dhaqaale laga helo. Hadii in uun maamul xun oo Macangag ah la sheego, hadii in uun dabaalnimo iyo Damiir la’aan la arkay intuba Magaalada Berbera ayay isu Bahaysteen. Akhriste Wali waxaan ogahay inay kaa dhimaan yahiin Su’aalo aad jawaabahooda sugaysay, Lkn Maanta aan halkaa ku nasanno, Hana Caajisin Maqaalka kan xiga ayaan kuugu hayaa oo kaaga haqab tirayaa inta kale ee. W/Q. EngAhmed Haji M. Mohamed Lasoco qaybaha dambe Qaran News
  23. Wasiirka Dastuurka ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Cabdi Xoosh Jabriil ayaa maanta noqday Shakhsigii ugu horeeyey ee ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ee raalin gelin [...] Source
  24. (SLT-Hargaysa) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir la qaatay Odayaasha Qoomiyada Oromada Oo Hargaysa ku sugan. Hoos ka DAAWO. Source