-
Content Count
207,106 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka gabi ahaanba xiran, waxaana dadka la arkayaa iyaga oo ku lugeynaya hareeraha waddooyinka. Ciidamo Cusub oo dheeraad ah ayaa la dhigay qaar kamid ah isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana goobaha ciidamada dheeraadka ah la geeyay kamid ah Isgoysyada Tarabuunka, Banaadir iyo Taleex. Wadada Maka Al Mukarama iyo waddooyin kale ayaa gabi ahaanba xiran, waxaana jirin faahfaahin rasmi ah oo laamaha amaanka ay ka bixiyeen xernaanshaha waddooyinka magaalada Muqdisho. Ciidamada cusub ee la dhigay isgoysyada Tarabuunka, Banaadir iyo Taleex ayaa si adag u baaraya Gaadiidka, iyadoo aysan u ogoleyn inay kasii gudbaan. Xernaanshaha waddooyinka ma ahan kuwo horey loosii shaaciyay, waxayna shacabka ku waabariisteen waddooyinka ugu muhiimsan dhaqdhaqaaqa Muqdisho oo xiran. Warar aan heleyno ayaa sheegaya inay jiraan baaritaano ka duwan kuwoo hore oo laga sameynayo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, sidaasi darteedna waddooyinka loo xiray. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bayhdbao (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa war rasmi ah kaalintooda xariga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur iyo haddi ay wax ka ogaayeen. Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uusan ka warqabin xarigga dowladda Federaalka ah u geysatay Abuu Mansuur. Wasiir Xasan ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay tahay dowlad Goboleed ka mid ah dowadda Federaalka ah islamarkaana amniga dalka ay u xil saarantahay dowladda Soomaaliya. Ugaas Xasan ayaa sheegay in uusan jirin dambi ama dacwo maamulka Koonfur Galbeed uu u heysto Mukhtaar Rooboow laakiin dowladda Federaalka ah ay u gaartahay eedaha ay u heysato Abuu Mansuur. Wasiir Xasan ayaa intaas ku daray in maamulkooda uusan la ogeyn dowladda Federaalka ah xarigga Abuu Mansuur oo ka mid ah musharrixiinta doorashada Koofur Galbeed oo lagu wado in la qabto 19ka Bishan. Sidoo kale, taliska ciidamada Amisom ayaa shalay iska fogeeyey inay wax lug ah ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow, oo iminka ku jira xabsi ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya oo ku yaalla Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Ergo Siyaasiyiina Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Wada Hadalsiiyay Xisbiyada Ucid,Waddani & M/weyne Muuse Biixi+war-murtiyeed ay soo saareen Ergo waan waan ka dhex waday maalmihii u danbeeyay Mucaaridka Somaliland iyo Xukuumadda ayaa caawa Madaxtooyada isugu keenay labada dhinac. Kulan kaas kadib ayaa war-saxafadeed nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakadda wararka Somalilandtoday madaxtooyadu ka soo saartay kaas oo u dhignaa sidan. WAR-MURTIYEED: 16/12/2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caawa kulan muhiima la qaatay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah. kulankan uu madaxweynuhu madaxweynuhu isugu yeedhay axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wada-jir iyo isku duubni loogu wajahi lahaa arrimaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana ay hoggaanka axsaabta qaranku muujiyeen muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorashooyinku si loo xaqiijiyo geeddi-socodka Dimuqaariyadda Somaliland iyo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinkaas, isla markaana lagu diyaarin lahaa jawi ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan. Ugu dambayntii waxa ay hoggaanka saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI wada jir u go’aamiyeen qodobbadan hoos ku qoran: In doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoonto dhammaadka sannadka 2019-ka. In si wada-jir ah ay uga wada-hawl galaan xallinta iyo dhammaystirka wax kasta oo ku xidhan qabsoomidda doorashada. In si niyadsami ah loo sii wado wada-tashiga iyo wada-hadallada saddexda guddi ee xisbiyada qaranka. In wixii caqabad ah ee soo kordha laga wada-tashado. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
Waxaa shalay is-casilay wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyeenta ee Dowladda Federal-ka Cabdifataax Geesey kaas oo saddex qodob u sababeeyey tallaabada uu qaaday. Arrintan oo naxdin iyo dhaawac ku noqotay Xukumadda uu hoggaamiyo Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayuu Cabdifataax Geeseey u aaneeyey faragalinta qaawan ee ay Xukumadda ku haysay doorashada Koonfur Galbeed, Xariggii Mukhtaar Roobow Cali iyo la tashi la’aanta mas’uuliyiinta ka soo jeedda maamulkaas ee ku matala dowladda dhexe. Hadaba, maadama tallaabadan ahayd mid lama filaan ah, sidee ayey u saameyn kartaa Xukumadda Raisul Wasaare Kheyre? Caadiyan bulshada waxa ay aaminsantahay in xasillooni daradda dalka ka jirta uu mas’uul ka yahay Kheyre oo aysan mas’uuliyiinta kala duwan ee dalka la dhicin ama jecleysan hab-dhaqankiisa kala fogeynta ah. Is casilaadda Geesey waxa ay bannaanka soo dhigtay tabashada bulshada Koonfur Galbeed ay xukumadda Kheyre afduubtay iyada oo duud siiyey xaqii uu dastuurka siiyey ee ahaa in ay iyaga ka tashan karaan masiirkooda. Taas waxa ay sidoo kale dhabbaha u xaari doontaa in ay is casilaan xubnaha kale ee golaha Wasiirada ku matala maamulka Koonfur Galbeed sida la hadal hayo. Haddii ay taasi dhacdo oo ay is wada casilaan xubnaha golaha Wasiirada ugu jira maamulka KGS, waxa ay cambbaar ku noqon doontaa Raisl Wasaare Kheyre iyada oo sidoo kale muujin doonta siyaasad xumada xukumadda uu hoggaamiyo. Rai’sul Wasaare Kheyre tan iyo markii la soo magacaabay dowladda waxa ay ka bixi weysay xasarado iyo xasillooni siyaasadeed taas oo ay keentay in bulshada intooda badan qabaan in la gaarin xilligii la bedeli lahaa si dowladda labada sano ee u harsan ay dalka u sii hoggaamin lahayd. Waxaa xusid mudan in mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo ay fallanqeeyeaasha siyaasadda badankood qabaan in loogu dan leeyahay Rai’sul Wasaare Xassan Cali Kheyre. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho una dhaxeeyay odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayaa waxay kaga hadleen arrimo dhowr ah. Kulanka oo ujeedadiisa ay aheyd sidii taageero loogu muujin lahaa Mukhtar Roobow Abuu Mansuur ayaa waxaa dadkii ka hadlay ay sheegeen inay ka xun yihiin xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Waxay sidoo kale sheegeen inaysan aqbaleyn in Mukhtaar Roobow laga saaro liiska musharixiinta Koofur Galbeed iyaga oo dalbaday in xoriyadiisa la siiyo, maadaama si baal marsan Sharciga loo xiray. Xubnaha ka hadlay kulanka ayaa soo hadal qaaday go’doonka uu ku jiro guddoomiyaha baarlamaanka, iyaga oo sheegay in wax la aqbalo karo aysan aheyn go’doonka la geliyay guddoomiye Mursal. Waxay sheegeen in guddoomiye Mursal uu yahay shaqsiga labaad ee ugu sareeyo dalka, balse lagu qasbay inuu isaga guuro madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii culeesaad la saaray. Ugu dambeyn waxay dalbadeen in dadka kasoo jeedo Koofur Galbeed laga daayo cadaadis iyo dhibaatada lagu hayo islamarkaana Guddoomiye Mursal la siiyo fursad uu ku dhaqdhaqaaqi karo, Abuu Mansuurna lasii daayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Boorkii waa dagay, waa la kala miirtay! Maanta Baydhabo dhawr maalmood oo ay dhibaato weyn ka jirtay taas oo salfatay nolosha Xildhibaan iyo tiro shacab ah waa dagan tahay. Waxaa taas dheer, xassilooni daraddii siyaasadeed ee maalmahanba socotay iyadana xal ayaa laga gaaray kaddib kulan ay wada yeesheen Gudoomiyihii carreysnaa Maxamed Mursal Shikeh Cabdiraxmaan wallow uu Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyeynta isku dayey in uu uga daro kaddib markii uu is casilay. Hase yeshee, maadama la kala miirtay, aan si miir qab ah u eegno yoolkii dowladda ee dhex fariisiyey mashaqadii toddobaadkan. Ma guul togan mise taban ayey gaartay dowladda waa su’aal jawaabo badan balse waxaa xaqiiqo ah in ay guuleysatay. Roobow oo xabsi ah, doorashada oo dhaceysa, gudoomiyihii uu soo laabtay iyo bulshada reer Baydhabo oo dib noloshooda u bilaabay waxa ay daliil u tahay guusha siyaasadeed ee dowladda, ogow waan ka cudur daartay in aan anigu sheego saxnaanteeda iyo qaladkeeda. Weydiinta ugu muhiimsan ayaa hase yeshee ah, Muxuu ahaa hadafkii ugu weynaa ee ay dowladda lahayd laba wajiileyntii ay ula dhaqantay Shiekh Mukhtaar Roobow Cali? Ka jawaabidda su’aashan waxa ay na bari doontaa in dowladda yoolkeedii gaartay balse reer Koonfur Galbeed mareen ciqaab aysan mudneyn. Muxuu ahaa? Dowladda tan iyo markii uu Shiikha isa soo dhiibay waxa ay ka dhex arkeysay fursad weyn maadama uu laba saddex awoodood isku darsadaty; Tiisii argagixisonimo, awoodda beeshiisa ee Baydhabo iyo taageerada dowladda. Saddexdaas awoodood waxa ay dowladda u arkeysay in ay ku bixin karto Shariif Xassan Shiekh Aadan oo laf dhuun gashay ku ahaa. Dabcan, taas wey u suurtagashay kaddib markii ay Roobow u muujisay in uu tartami karo oo uu xataa sameyn karo dhaq dhaqaaq ciidan oo magaalada ah si uu u cabsi galiyo Shariif Xassan oo ay bulshadu necbaayeen hadana ku awood yaraa Baydhabo. Dowladda waxa ay ku sii cadaadisay Shariif-ka taageeridda Laftagareen iyada oo dhammaan xildhibaanadii maamulkaas keentay Muqdisho. Shariif oo dhinac walba eegay uguna weyn tahay cabsida Roobow-ga halista ah ayaa ku qancay in uu cagaha wax ka dayo. Taas markii ay dhacday, dowladda waxa ay la soo baxday wajigeedii dhabta ahaa iyada oo Roobow soo xirtay kana horistaagtay loolanka – SHAQADII WAAD NOO FULISAY, RAALI AHOW! Yeelkeede, arrintaas waxaa ka gadooday shacabka Koonfur Galbeed oo aad u daneenayey Shikeha, waxa ay galeen dagaal, dibed bax ay dad badan uga dhinteen kuna curyaabiyeen isu socodkii iyo dhaqaalihii magaalada – Xaqiiq, waa dhibaato iyo ciqaab aysan bulshadaas mudneyn. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, United States Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Waxaan ku talin lahaa iney madaxda dawladdu xaaladda dejiyaan, wada hadalna in la furo, khaladaadka keenay khilaafkana la saxo. Arrimahan soconaya waxay sii kala fogeynayaan mowqifyaddii la kala taagnaa, waxayna dhiirigelin u yihiin dhammaan inta naf lacaariga ah ee neceb xasiloonida iyo horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatey. Waxa ku farxaya bahalaha duleedka ka soo milikhsanaya ee xaasidaya horumarka ay dawladdu gaadhey isla markaana jecel iney ka faa’iideystaan khilaafka iyo burburka xukuumadda si ay u dhacaan hantida dadweynaha. Kuwaas oo aan haba yaraatee, aan dooneynin xasiloonida iyo deggenaanshaha dalka kuna shaqeeya habka maafiyonimada iyo mar walba adeegsanaya dibindaabyo ay ku dhacaan dhaqaalaha dalka. Mana oggola xaqa waxaaney ku shaqeeya dulmi, sharci darro, qabyaalad, caddaalad la,aan, eex, sadbursi, khiyaano dhac, been abuur, daacad darro. Maadama madaxweynuhu yahay hoggaamiyihii iyo badbaadiyihii qaranka, waa in lagu qaddariyaa xilka iyo waajibaadka dastuuriga ah ee uu gudanayo loogana dambeeyaa xallinta dhibaatooyinka dalku marayo, la iskuna garabtaagaa. Guddoonka Baarlamaanka waxa looga baahan yahay in wixii dantu ku jirto uu kala shaqeeyo madaxweynaha. Baarlamaanku isagoo ilaalinaya shuruucda dalka, waxa looga baahan yahay inuu kala shaqeeyo xukuumadda sidii loo gaadhi lahaa nabad iyo horumar loona adkeyn lahaa midnimada iyo wadajirka baarlamaanka. Mooshinkii laga keeney madaxweynaha wuu jabay maadaama ay tiradii buuxsami weydey. Sidaas darteed, waa in laga gudbaa. Guddoonka Baarlamaanku waa iney sida ugu dhakhsaha badan u furaan baarlamaanka si loo bilaabo hawlaha u yaalla. Qore: Xildhibaan Ahmed Shabel
-
Somaaliya Asbuucaan waxaa u kulmay welwel iyo cabsi laga qabo khilaafka u dhexeeya Xubnaha iyo Guddoonka Golaha Shacabka iyo Rajada Guulaha Dawladdu ay ka gaartay arrima Gobalka iyo kuwa Gudaha; A – Mooshin uu qabtay Gudoomiyaha Golaha Shacabka 9 kii Bishaan ayaa dhaliyey khilaaf iyo is qab-qabsi u dhexeeya Xildhibaanada Mucaaradka iyo kuwa Muxaafitka, khilaafka oo u sii gudbay Guddoonka Golaha kadib markii Guddoomiyuhu u guuray Xarumaha Mucaaradka. Dadka ayaa dib u xasuustay Barlamaankii Xorta ee Asmara 2007, iyaga oo filayey in wax laga bartay waaya aragnimadii laga dhaxlay 5 tii Barlamaan ee ka horeysay kan 10 aad ilaa Carte 2000. “Haddaan guga kuu kordhaa gabow mooyee ku tarin garaad iyo waaya arag? Illeen wax ma dhaantid geed”. Waxaa cad in Xildhibaanada qaar Shacabka ay matalaan uu ka horreeyo dhanka Wacyiga iyo Aqoonta Siyaasada ay ku matalaan. Wel-welkaas Shacabka waxaa ka Jawaabay shalay 167 Xildhibaan oo u balan-qaaday Shacabka in Madaxweynaha ay soo doorteen uu kalsooni ku dhamaysan-doono labada sanoo ee u hartay! Mooshinkuna uu ahaa mid dhoob-dhoob ah, haddana uu buray, lagan gudbay. B – Guulaha Rajada iyo Himilada leh ee Dawladu gaartay Asbuucaan waxaa ka mid ah: 1. Booqashadii Taariikhiga ee Muqdisho lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Eritrea Afawark, taas oo Alabaabada u furaysa Fursado: Nabadeed ee Gobalka Geeska Afrika iyo Somaaliya, Iskaashi labada Shacab iyo labada Dawladood dhinac kasta, Xiritaanka Kannaaladii Mucaaradka labada Dawladood, ka hortaga Go’doomin iyo Faragelin Shisheeye ee labada Dawladood. 2. Ka mid-noqoshada Isbahaysiga Badda Cas ee lagu asaasay Sacuudiga Asbuucaan taas oo muujinaysa Ahmiyadda iyo Dawrka Somaaliya ay ka Ciyaarayso Arrimaha Gobalka gaar ahaan Dawlaha kulaala Badda Cas iyo kuwa Geeska Afrika, waxa ayna adkaynaysaa Midnimada iyo Dawladnimada Somaaliya, waxa ayna yaraynaysaa Faragelintii Dawladaha Khaliijka. 3. Mashaariicdii ay kala saxiixdeen Dawlaha Somaaliya iyo Qatar oo gasreysa Adduun ka badan laba Bilyan$ taas oo cadaynaysa in Somasliya kasii baxayso kaalmadii Bani-aadamnimo, una gudbayso Mashaariic horumarineed iyo Wada-shaqaysi, waxa ayna kaalin wayn ka qaadanaysaa Mashaariicdaas Dhismaha Kaabiyaasha Dhaqaalaha iyo Yareynta Shaqa La’aanta Dhalinyarada, Sugida Amniga iyo Dhismaha Hay’daha Dawladda. Hadaba waxaan ka rajaynaynaa Xildhibaanada leh Dareenka Wadaniyeed in ay Khilaafkooda dhameeyan, ayna joojiyaan Magac iyo Sumcad dilka Dalka iyo Dadka si looga wada mira dhaliyo; Rajada, Himilada iyo Hayaanka Shacabka iyo Dawlad-nimada. W/Q: Dr. Maxamed Nuur Gacal Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
(SLT-Hargaysa) Ergo waan waan ka dhex waday maalmihii u danbeeyay Mucaaridka Somaliland iyo Xukuumadda ayaa caawa Madaxtooyada isugu keenay labada dhinac. Kulan kaas kadib ayaa war-saxafadeed nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakadda wararka Somalilandtoday madaxtooyadu ka soo saartay kaas oo u dhignaa sidan. WAR-MURTIYEED: 16/12/2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caawa kulan muhiima la qaatay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah. kulankan uu madaxweynuhu isugu yeedhay axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wada-jir iyo isku duubni loogu wajahi lahaa arrimaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana ay hoggaanka axsaabta qaranku muujiyeen muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorashooyinku si loo xaqiijiyo geeddi-socodka Dimuqaariyadda Somaliland iyo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinkaas, isla markaana lagu diyaarin lahaa jawi ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan. Ugu dambayntii waxa ay hoggaanka saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI wada jir u go’aamiyeen qodobbadan hoos ku qoran: In doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoonto dhammaadka sannadka 2019-ka. In si wada-jir ah ay uga wada-hawl galaan xallinta iyo dhammaystirka wax kasta oo ku xidhan qabsoomidda doorashada. In si niyadsami ah loo sii wado wada-tashiga iyo wada-hadallada saddexda guddi ee xisbiyada qaranka. In wixii caqabad ah ee soo kordha laga wada-tashado. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Waxaan Nahay Bulsho Dhiig iyo Dhaqan Walaalo Ah DiinToodu Tahay Islaam Bulshada inala dagan Ee Waliba Walaalaha Nahay Waxay Inooga Baahnyihiin Itiraam iyo Aan Dhibka ka Ilaalino lana Qaybsano Waxwalba. Beesha West Burco Clan Waxay kamid Tahay Beelaha Daga Somaliland Adunyada Laba Hooya Wada Dhashay Baa Isqabsada. Waxaa loo bahanyahay in Caqligu Shaqeyo. Hadii Aan Waxtirsanayno Waxaa Quruxbadan in aan Wada Wanaagsan Marno Maaha Hanjabaad iyo Mas Ogoli Cidwalba.Taasi Waxay keenaysaa In Beeshu Yeelato Cadaw badan iyo in Dhinac la inaga Wada Maro. Hadaba Anigoo Kamid Aha Aqoonyahan Da’da yar ee Beeshu Leedahay waxaan Iii Cuntami Wayday sida Ay Beeshu Qaar kamid ihi Wax uwadaan .Waliba Madax Sheeganaya. sidaas Daraded Fariintaydani Waxay Daarantahay In Aan Talo usoo Jeediyo Cid kaste Oo Dan leh Beesha Ama ka Fikiraysa Mustaqbalka Ayaaha Beesha West Burco Clan Waxaan Usoo Jeedinayaa Madax Dhaqameekeena iyo Aqonyahankeena Iyo Indheergaradkeena Sidan: 1-In aan ka Fikrno ayaaha Mustaqbalka Jiilkeena yaryar ee Soo Socoda ee Beesha West Burco Clan Ha Helaan Walaalo ay isku Haleeyaan. yeey Dhaxlin Cadaw badan iska Ilaaliyaan. 2- In aan Ka Fikirno Ayaaha Iyo Mustaqbalka Beesha West Burco Clan . 3-In Aan Cadaw Badan Aanan Usoo Jiidin Beesha imika Aad Moodid In Bulshada Badankeedu Gaar ugandhi Baxayaan. 4- In Walaaldeen Walaal Waxaan ahayn in aanan kula Macaamilno Soona Celino Karaamadii Iyo Sumacadii Laguyaqaanay Beesha. 5- In Beesha Karaamadii iyo Dun Wanaagii Lagu Yaqaanay Aan Soo Celino Umadana Wanaagi ay Inagu Barteen Aan Soo Ceshano. 6-In Aan Maskaxda Galino In aanan Lahayn Cadaw balse Cadawgeenu Yahay Cida Aan inagu ka dhigano. Ugu Danbayn Waxaan Ka Damqaday Kadib Markaan Arkay in aayihii Iyo Mustaqbalkii Beeshu Madawgalay Waxaan Rabaa in aaan Farintaydaa Aan idinla Wadaago Cidkastoo Dareen Lihina Ka Dhiidhido Kana Fikirno Aayaha Iyo Mustaqbal Beesheena. Waxaan Soo Dhawaynayaa Cidkastoo Talo ama Waxtarba Wada Dhawaana Waxaan Rajaynayaa In aan Qaban Qaabino Kulan Aqoonyahanka Beesha Soo Qaban Qaabiyaan . Waad Mahadsantihiin. Rajab Ismail Salah. Hargeisa-Somaliland 0634416899 Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-16122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta dhageysatay dacwada loo heysto Muqtaar Mahad Daa’uud oo ah wasiir ku xigeenka arimaha dibada Soomaaliya ,kaasi oo dhowaan lagu soo eedeeyay inuu ku kacay arrimo la xiriira ku tagrifal Hantida Qaranka. Ugu horeyn, Maxkamadda ayaa dhageysatay eedda ay soo diyaariyaan xafiiska xeer ilaalinta, waxaana eedda uga wakiil ahaa jeedinteeda ku-xigeenka koowaad ee xeer ilaaliya Guud ee Qaranka Dr. Jamaal Maxamed Axmed. Wuxuuna weydiistay Maxkamadda in laga guddoomo cadeymaha decument, sawirro laga soo qaaday qasnad lacageed oo ay amreen Xafiiska Hanti dhowrka inaan la taaban karin ilaa amar dambe, balse uu jeexay warqadahaasi wasiir ku-xigeenka, waxa ayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga markhaatiyaasha. Waxayna sidoo kale Maxkamadd guddoontay warqadaha lagu saaray lacago laga isticmaalay dakhliga wasaaradda, waxayna ugu dambeyn codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Quud ee Qaranka in la waafajiyo qodobada ay ku soo eedeeyeen. Dhanka kale, qareenada u doodayay Muqtaar ayaa iyagana ku dooday in aysan jirin hanti si gaar ah uu u isticmaalay wasiir ku-xigeenka, balse uu ku bixiyay baahiyo Wasaaraddu qabtay, sidaas darteed uu jiray sharci u diidayo ka hor inta aysan golaha wasiirada diidin. Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir garyaqaan Muuse Macallim Maxamed oo ugu danbeyn ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamada ay ku weysay Muqtaar Mahad Daa’uud qodobada kala ah 241, 255 oo Ku saabsanaa Ku tagrifal hantida umadda,Waxaana maxkamaddu u cadaaday in ficilka uu Ku dhaqaaqay Muqtaar Mahad Daa’Jud uu yahay fujinta warqadii uu Ku dhajiyay qasnadda Dowladda, waxa ayna dul saartay ganaax gaarayo 7kun oo dollarka mareykanka ah, rafcaan ayaana ka furan. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Ku Dhawaaqday Xukunka Wasiir ku tirsan xukuumada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo labadiisa Kuxigeen ayaa maanta kulan waqti badan qaatay waxa ay ku yeesheen Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlayay sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhax jira gudoonka golaha shacabka loona ambo qaadihii shaqada Baarlamaanka. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlayay mooshinka Madaxweynaha iyo xiisada Koonfur Galbeed. C/rashiid Maxamed Xidig oo kamid ahaa Xildhibaanadii kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in kulanka guul weyn laga gaaray,islamarkaana la xaliyay khilaafkii ka dhex jiray Gudoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen. “Xubnaha golaha Shacabka, umada soomaaliyeed iyo dhamaan inta samaha jecel Waxaan si rasmi ah ugu war gelineynaa in Xubnaha gudoonka golaha shacabka ay maanta xal iyo is afgarad ka gaareen wixii khilaaf ahaa ee soo kala dhex galay’, ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig. Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaiya iyo Labadiisa ku-xigeen ayaa isku khilaafay Mooshinka laga keenay madaxweynaha dalka. PUNTLAND POST The post Qilaafka gudoonka Baarlamaanka oo xal laga gaaray appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Waad maqashay wararka isa soo tarayay ee Koonfur Galbeed: Shariif Xasan baa is casilay, Mukhtaar Roobow oo isa soo sharxay baa la xiray, Lafta Gareen baa la soo wariyay in ay dowladda wadato, xildhibaanad Xaniifa Xaabsade iyo Xildhibaan Fanax oo ka cod dheeraaday maalmahaan xildhibaanadii kale oo mucaaradka ahaa, wasiirka Howlaha Guud Cabdifataax Geesey oo ugu dambeyn iska casilay xukuumadda Kheyre. Xiisadda ka taagan Baydhabo keliya ma aha musharax Mukhtaar Roobow, ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab xiritaankiisa iyo doorashada dhacaysa oo ay dowladdu la rabto Cabdicasiis Lafta Gareen, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlammaanka Federaalka ah in uu ku guuleysto. Aad ayay uga qoto dheer tahay, oo waxay salka ku heysaa arrimo gaamuray oo cuqdado dhanka qabiilka ah oo ka dhaxeeya beesha Cabdicasiis Lafta Gareen, Hariin oo degta Bay gaar ahaan Baydhabo oo badanaa la siiyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, iyo wasiir maamul goboleedka KGS, iyo wasiir dowlo ama ku xigeen federaalka ah iyo beesha Leysaan oo degta gobolka Baay, ayadoo saami ahaan hesha Guddoomoyaha Gobolka Baay, guddoomiyaha degmada Berdaale, iyo wasiir federaal ah. In kastoo Hariin ay deggan yihiin gobolo kale, hadda Leysaan ayaa ka soo dhex muuqata maamulada gobolada kale ee dalka sida wasiirka caafimaadka Jubbaland Cali Nuur Xaaji, xog-hayihii guud ee Gobolka Banaadir Subeyda Maxamed Mukhtaar. Leysaan iyo Hariin waxaa weligood ka dhaxeeyay dagaal qabali qarniyo ah oo tuulooyin lagu kala heysto oo aan weli laga heshiin. Beesha Hariin oo laga awood badnaa dhanka ciidamada iyo dhaqaalaha ayaa dulmi tirsanaysay sanadihii 90-maadkii dagaalada kaddib, sidaas darteed waxay la safatay ciidamadii jerenaal Caydiid ee 1995 Baydhabo qabsaday. Beesha Leysaan oo bilowday dagaal ay Caydiid la gashay ayaa markii dambe garwaaqsatay in Shaatiguduud oo Hariin ahaa noqdo Guddoomiyaha RRA si beelaha kale ee Digil iyo Mirifle ay dagaalka lagu la jiray Caydiid u galaan. Markii uu Shaatiguduud si wannaagsan u maamulay RRA, wuxuu isku dayay in uu maamul goboleed 6 gobol ah u gudbo, asagoo loo doortay madaxweyne, kaddibna billaabay in uu maquuniyo ku xigeenkiisa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo aasaaska RRA wax badan ku lahaa una dhashay beesha Leysaan. Dagaal xoog leh ayaa 2002 ka dilaacay Baydhabo. Dagaalkaasi oo ay dad badan ku naf waayeen waxaa markii dambe ku adkaaday Xaabsade oo Shaatiguduud ka saaray saaxadda in kastoo ay markii dambe wasiiro ka noqdeen maamulkii Cabdullaahi Yuusuf. Ciidamada Xaabsade waxay xad gudub hanti iyo dadba u geysteen beesha Hariin dad ka mid ah oo ay gabdho ciyaal iskooley ah ku jiraan, oo aan illaa iyo hadda laga heshiin. Murashax Cabdicasiis Lafta Gareen oo hadda u taagan maamulka Koonfur Galbeed, wuxuu kaalin weyn ku lahaa dagaalkii 2002 dhexmaray Xaabsade (Leysaan) iyo Shaatiguduud (Hariin). Lafta Gareen wuxuu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Shaatiguud, wuxuuna si toos ah ugu jiray dagaalkaas oo ay dad badani ku naf waayeen. Shariif Xasan, oo ku dhashay degmada Berdaale oo ay Leysaan ku badan tahay, waxaa abti u ahaa beesha Leysaan oo garab uu ka helayay, balse si aan loo dhihin Leysaan buu u xaqliyay, una qanciyo beesha Hariin, wuxuu siiyay xilal dheeraad ah oo ay ku jiraan taliyaha ciidamada booloska Koonfur Galbeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo adeer laxmi ah u ah Lafta Gareen, sidoo kale sodog u ah maadaama uu ina Mahad ay u dhaxdo Lafta Gareen. Madaxweyne Farmaajo ma laha kama war hayo taariikhda dagaalada iyo xasaasiyadda beelaha. Wuxuu taageeray musharax Cabdicasiis Lafta Gareen oo ay beesha Leysaan ka tirsanayso in uu ku jiray dagaalkii la isku gumaaday ee Xaabsade iyo Shaatiguduud dhex maray, sidoo kale Leysaan waxay wax badan ka tirsanaysaa Jeneraal Mahad oo adeerkiisa ah oo ay xadgudubyo ka tirsanayaan. Sidoo kale madaxweyne Farmaajo wuxuu ka hor yimid Mukhtaar Roobow oo u dhashay beesha Leysaan, musharaxii kale ee beesha Leysaan ka socday oo lagu magacaabo Yuusuf Baadiyow wuxuu u tanaasulay Roobow si uu u taageero. Beesha Hariin waxaa sidoo kale ka socda musharax aad loo jecel yahay oo aan wax xasaasiyad ah muujin oo lagu magacaabo Dr. Ibraahim Macalin Nuurow. Markii la dhaafay diiwaan gelinta musharaxiinta, Leysaan waxay isugu geysay xooggooda difaaca Mukhtaar Roobow. Mar haddii ay dowladdii xirtay, Leysaan oo ay ayadu ka talinaysa gobolka, sidoo kale xoogga ciidan ah sama ha joogo Xaabsade ama Shariif Xasan, imika ma heysato wax musharax ah oo uga qeyb galaya doorashada, halka Hariin ay leeyihiin Lafta Gareen oo taageera ka helaya madaxweyne Farmaajo, oo dadka qaar ay leeyihiin waxaa Lafta Gareen u geeyay reer abtigiis maadaama hooyadiis ay tahay Mareexaan. Dhacdada ugu muhiimsan ee maanta dhacday waa in uu is casilay Wasiirka Howlaha Guud ee xukuumadda Kheyre ee u dhashay isna Beesha Leysaan oo la sheegay in culeys adag uu beesha ka soo fool saaray. Sababta keliya ma aha in Mukhtaar Roobow la reebay, balse waxaa wehelisa in shalay Baydhabo uu ciidanka Booliska ee Jeneraal Mahad, madaxda ka yahay in lagu eedeynayo in ay dileen Xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Ibraahim Buulle, Guddoomiyihii Guddiga Amniga ee Koonfur Galbeed oo u dhashay beesha Leysaan oo diidanaa ciidanka ay dowladda Federaalka geysay Baydhabo, sidoo kale dad kale ayaa la dilay, qaarna la xabisay. Hadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal, odayaasha dhaqanka ee beelaha Digil iyo Mirifle waxay og yihiin cawaaqib xumada ka dhalan karta in beelo isu cuqdadaysnaa weligood midna la diido, midna la taageero. Markuu Baydhabo joogo Roobow waa Leysaan dagaalo diineed galay, sidoo kale Lafta Gareen waa Hariin galay dagaalo beeleed, mid walba oo soo baxa waa halis. Guud ahaan Digil Miriflaha kale waxay Roobow ku taageerayaan maadaama uu yahay qof diineed oo caddaalad ay ka fili karaan, iyo la dagaalanka Shabaab, halka Lafta Gareen ay u heystaan qof dusha laga saarayo. Si loo helo maamul shaqeeya, waxaa muhiim ah in la qaato talada dhahaysa doorashada dib ha loo dhigo si loo qabto doorasho la wada aqbalo. W/Q: Xasan Cabdullaahi Muumin Baydhaba, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Shirkada Qatar Airways oo duulimmaad ka bilaabeysa Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddoomiyaha Qatar Airways, Sayid Albakar Al-baakir ayaa maanta shaaciyay in shirkaddoodu ay July 01, 2019 bilaabayso duullimaadyo toos ah oo ay uga howl gelayso magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, Cabdirisaaq Faarax Cali, ayaa sheegay in guddoomiyaha Qatar Airways uu qorshahan ku xaqiijiyay kulan isaga iyo ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, maanta ku dhex maray magaalada Dooxa. Safiir Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu guddoomiyaha Qatar Airways uga mahadceliyay duullimaadka shirkaddoodu ay ka bilaabayso garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, sidoo kalana ra’iisul wasaaruhu uu shirkadaha iyo ganacsatada kale ee dalka Qatar u rajeeyay in ay maal gelin ku samaystaan dalka Soomaaliya. Qorshaha Qatar Airways ay Muqdisho uga bilaabayso duullimaadyada tooska ah ayaa qayb ka ah hannaanka maal-gelinta ballaaran ee shirkadaha, ganacsatada iyo dawladda Qatar ay ku maal gelinayaan dalka Soomaaliya. The post Shirkada Qatar Airways oo duulimmaad ka bilaabeysa Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article -
Waxa wada socday ninka Biladda Cuud tumistay ay Soomaalidu siisay Axmed Ismaciil Xudaydi , Maxamed Aadan Dacar , Cabdi Aadan Xaad oo Qays loo garan ogyahay , Maxamed Mooge Liibaan , iyo Axmed Saleebaan Maxamed “Ina Saleebaan Bidde “ sanandkii 1975 iyaga oo lugaynaya goor Barqo ahmeel ka mid ah degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho , waxa mar qudha soo da’ay roobka loo yaqaano Xagaayo oo isagu sida caadadiisa ah aan muddo badan soconin. Kooxdan wada socotay inay socodkoodii hakiyaan ayey go’aansadeen oo roobka ay meel ka galaan /jirsadaan ka dib guri dabaq ah ayey ka hoos galeen . Wax yar uun ka dib waxa agtooda soo istaagay baabuur midabkiisu cirka u eegyahay nooca raaxadana ah , ka dibna waxaaba ka soo degay laba gabdhood oo markii ay ishoodu qabatay qoldii roobka meesha kaga jirtay ay dhammaan qurux ku tilmaameen . Maxamed Aadan Dacar oo sidoo kalena loo yaqaanay Shaafici ka hor inta aanu Hibo Nuura la qaadin heesta “Dacarow ama Waan Duulayaaye Isoo Ducee “ isaga “Dacar” ayaa Axmed Saleebaan Bidde ku yidhi isaga oo carinaaya “ Car waakaase Axmedow labadaas gabdhood ee baabuurka ka soo degay xaggeenana u soo socda hees ka samee weliba ta soo horraysa” , Axmed ayaa bilaabay erayada heesta “ Dhayal looma heesee dharaartii aan ku caashaqay” Xudaydi ayaa yidhi anaa laxamaynaya heestaas , Maxamed Mooge isna wuxuu yidhi waxa ballan ah inaan anna ku luuqeeyo , Cabdiqaysna sacabka ayuu u tumay . Markii ay labadii gabdhood u yimaadeen ee ay salaamaan waxay ka codsadeen in madaama uu roob da’aayo isla markaana ayna haysanin baabuur inay gurigooda oo aan markaasi ka fogayn ay u raacaan oo ay halkaasi ku nastaan , wayna raaceen . Markii ay gurigii tageen ayaa Cabdiqays oo ay saaxiibo isku sir ah ay ahaayeen Axmed Saleebaan wuxuu maqlay gabadh ka mid ah labadii gabdhood oo iyadu biyo u keenaysay ragga iyada ku luuqaynaysa heesta Maxamed Cali Kaariye curiyey ee ay ka mid yihiin erayadan “Adoon soo rogaan celin raartana ka soo degin “ dareen ayuuna qaatay wuxuuna ku yidhi Axmed “ halkaas waxbaa ku jira”. La is baray oo la isxaal waraysay , waxayna gabdhihii middii heesaysay oo sidoo kalena ah tii baabuurka ka soo hor degtay ee la isku carinayaey in hees loo sameeyo ay noqotay gabadh ay Axmed Hargeysa isku barteen markii uu xabsiga ka soo baxay oo iyadu jeclayda balse aan Axmed waxba u sheegin . Axmed oo aad uga xun xaaladda ay gabadhaas ku kulmeen oo dabcan sidiisa oo kale Muqdisho safar ku ahayd sidoo kalena ku canaanaya inay la aamustay jacaylka ay u qabtay ee Uurkeedu sheegay ayaa mar kale alifay heesta “ Haddii Jacayl sir laga dhigo Saldhig lagama gaadhee soo soco oo wax ii sheeg”. Sidoo kale Axmed wuxuu ku muujiyey heestan damqashada qof aad xaalad adag ku kuleenteen adiga oo aan hayn ahaan waxba ku dhaamin waana ka yidhi: Sahay adiga oon qabin Sibraar Badhax ah kol ay tahay Suryo ruux ku kulanteen Surin aanad kaba filin Sedna aad la jeceshahay Adoon sidin maxaad siin? Maxamed Mooge ayaa heestiina laxameeyey sidoo kalena ku luuqeeyey Source
-
(SLT-Muqdisho) Raysal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay dhaqaalaha Faraha badan ee Somaliland kaga baxa Qaadka Ethiopia. Guuleed, ayaa sheegay in gobolada Waqooyi oo uu ula jeedo Somaliland aanay lahayn wax qorshe ah oo ay kaga bedelato Ethiopia dhaqaalaha Kaashka cadaanka ah ee ay Qaadka ku iibsato. Somaliland iyo Ethiopia ayaa wadaaga xad dheer waxaana ka dhaxeeya xidhiidh ganacsi. Source
-
(SLT-Baydhabo) Wasiirka howlaha guud iyo dib udhiska Dalkaasi Soomaaliya Cabdi fitaax Ibraahim Geesey ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas. Wasiirka ayaa sheegay in is casilaadiisa ay sabab u tahay wax uu ku sheegay faragein qaawan oo lagu haayo doorashada Koofur Galbeed Soomaaliya oo ay ka dambeeyaan hogaanka Madaxtooyada Soomaaliya. Is casilaada wasiirka ayaa ku soo beegan tahay xili ay sii xumaaneyso xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, warar kale ayaa jira oo sheegaya iney is casilayaan wasiiro kale oo ka soo galay Koofur Galbeed Soomaaliya. Wasiirka maanta is casilay ayaa sidoo kale ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaaliya. Source
-
Baydhbao (Caasimada Online) – Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa maanta wax badan ka duwaneyd saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, oo magaalada ay hareereeyeen rabshado ka dhashay xarigii maalintii Khamiista ay Dowladda Federaalka Somaliya kula kacday Murashax Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur). Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa Sabtidii xoog ku furay wadooyinka Magaalada Baydhabo, ka dib markii ay xireen taageere-yaasha Mukhtaar Roobow Cali. Ciidamada ayaa maanta waxaa lagu arkayey wadooyinka magaalada, oo ay ka socdaan olole wadooyinka looga nadiifinayo taayeero ay bannaanbaxayaasha ku gubeen. Sidoo kale ganacsigii magaalada ayaa mid caadi ah ku soo laabtay, iyadoo ay maanta wada furnaayeen dhammaanba goobaha ganacsi ee Baydhabo ku yaala. Waxaa sidoo kale maanta dib loo furay goobaha waxbarasho ee magaalada. Dhanka kale waxaa maanta Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo ka bilowday khudbadaha ay murashaxiinta u jeedinayan Xildhibaanada Koonfur Galbeed. Illaa saddex murashax ayaa maanta hortagey Xildhibaanada Koonfur Galbeed, maalinta berritana waxaa lagu wadaa in ay khudbado u jeediyaan murashaxiinta kale. Jegada Madaxtinimada Koonfur Galbeed waxaa u tartameysa illaa lix murashax. Abuu Mansuur oo murashaxiinta ka mid ah ayaa Khamiistii lagu xiray Magaalada Muqdisho, markii laga qabtay Madaxtooyada Baydhabo.
-
Tolow Madaxweynuhu ma ka ilbaxii Doonaa Taladii Kooxdii Heego , mise weli waa halkii…?. Sida aynu ogsoonahay Golaha wasiirada Somaliland ee ay magacaabisteeda ka soo wareegtay muddo Sanad dhamayatiran ayaa bulshada Somaliland waxay u arkaayeen in Magacaabistooda ay 60% soo xulisteeda iyo talo bixintooda ay lahaayeen kooxda Heego ee dhegaha & Qalinka Madaxweynaha Jsland intiisa badan haysta, arrintan oo muran badan ka dhalisay goobaha lagu falanqeeyo Siyaasada Somaliland iyadoo loo arkaayey madaxweynaha inaanu ahayn nin shaadhkiisa lagu shaqaysan karo, lana garan waayey halka ay iska soo gaadheen Madaxweynaha & dadkan socodka baradka ahi, xaqiiqadu waxay isugu soo biyo shubtay , in kooxdan Heego ay awood badan ku leeyihiin Madaxweynaha taladanina ay toodii tahay, waxaa Muuqanaysay in bogag badan oo kala duwan oo warbaahinta ka mid ah lagaga hadlaayey , Haddaba Maadaama Madaxweynaha Jsland arkay Taladii uu waxgarad badan oo somaliland ah ka diiday ee uu door biday qaadashada Talada Kooxda heego khasaaraheediina uu arkay lana daadegtay Muddadaa Sanadka ah wadankii waxay is waydiintu tahay Maadaama Madaxweynaha laga sugaayo reshufle Cusub iyo isu dheelitir iyo inuu madaxweynuhu Cugto raggii wadanka ka saari lahaa Asma iyo xuurtoonka siyaasadeed ee soo wajahay ma ka kori doonaa talada Kooxdii Heego , oo ma qaadan doonaa Talooyinka Talo qabeenadu soo jeediyeen maadaama uu wadanka soo wada maray soona urursaday wixii war bixin yaalay? ,dadka intiisa badan ayaa waxay kaga jawaabayaan inay caado tahay in nin kasta oo Talada Wanaagsan iska Adkeeyaa uu Qaato Talada Kuwa aan Talada la waydiin, oo aan laga yaabin inay reshufle ka la rajaynayaa ay kasii miciin liidanayso magacaabistii hore oo awel taa hore waxay ahayd 60% ay tani noqonayso 100% taladii hore mid ka liidata, halka ay in yari leedahay odaygu iminka gacanta ayuu fadhiisiyey oo wadada ayuu qabadsiinayaa , tii hore wuu ku baragtiis garaynaayey. haddaba waxaynu eegnaa waa looge iyo laguu golle fadhiyaa , iyo qoraxdu horteena ayey iman doontaa haddii alle idmo. W/Q Farxan Cali Xasan Hargeysa/Somaliland. Qaran News
-
Kadib khilaaf soo jiitamayey tan iyo 8-deeddii bishan waxaa maanta Muqdisho kulan gaar ah ku yeeshay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Maxamed Mursal iyo ku-xigeennadiisa 1aad iyo 2aad. Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudeey iyo Mahad Cabdalla Cawad. Xogta ay heshay Goobjoog News ayaa sheegeysa in inta badan la isku afgartay qodobbadii laga wada hadlay oo ay ugu muhiimsaneyd wadashaqeynta iyo in golaha uu shaqadiisa dib u bilaabo. Qodobbada la isku afgartay waxaa ka mid ahaa in baarlaamka isku duubnidiisa la ilaaliyo , oo looga dambeeyo guddoomiye Mursal wixii maamul iyo mas’uuliyaddiisa ah, waxaa kale oo lagu heshiiyey in ka guddoon ahaan is cafiyaan, iskana iloobaan is maandhaafka, oo weliba ay sida ugu dhaqsaha badan dib u bilaabato shaqadii golaha shacabka. Arrintii guddiga maaliyadda ee jiritaankooda muranka ka taagnaa, waxaa la isla qaatay go’aankii guddoomiye Maxamed Mursal ee ahaa iney guddiga shaqadooda sii-wataan. Ugu dambeyntii, arrinka mooshinka madaxweyne Farmaajo waxaa la sheegayaa in guddoomiyaha uu dib ugu dhigay iney iska arkaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduulahi Farmaajo, xalkana uu noqon-doono wixii wada hadalkaasi ka soo baxo. Goobjoog News Source: goobjoog.com