Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,117
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa saaka xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo dadka ku soo tooseen ciidamo meel walbo daadsan. Waddooyinka xiran waa kuwii hal-bowlaha u ahaa ganacsiga iyo isu socodka magaalada, dadweynaha reer Muqdisho ayaa lugeynaya, waxaana xiran waddooyin badan oo aan horay looga baran in Ciidamada ammaanka ay xirana, sida qeybo ka mid ah Dabka, Banaaidir, Jidka Sodonka, Tarbuunka, illaa Ex Koontarool Afgooye iyo meelo kale. Xirnaanshiyaha waddooyinka muhiimka ah ee magaalada ayaa ku kaliftay dadka inay maalaan lugahooda masaafo aad u dheer si ay eheladooda iyo asxaabtooda ay u booqdaan. Lama oga sababaha dhabta ah ee loo xiray waddooyinka, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan xirnaanshaha waddooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) oo xalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu Is Casilayo. Wasiir Amar Dambe ayaa dacayad iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi oo saacadihii la soo dhaafay ay bulshadu isla dhexmareysay. Waxaana uu tilmaamay in ay ka go’an tahay in uu u sii shaqeeyo Shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed. Shalay ayey aheyd markii uu is Casilay wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya Mudane C/fitaax Ibraahim Geesey. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Xasan-1.mp3 The post Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo beeniyay in uu Is Casilayo appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Dagaal gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanada Shimbiro iyo Miiraalle oo 25km dhanka bari uga beegan magaalada Bosaaso ee xarunta [...] Source
  4. iyadoo maalmihii udambeyay magaalada Bosaaso ay ka dhacayeen dilal qorshaysan oo loogaysanayay ganacsatada iyo xubnaha dowladda ayaa arintaasi waxaa ka hadlay maamulka gobolka bari. Gudoomiyaha [...] Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada Mareykanka ayaa howlgal Wadajir ah oo ay sameeyeen waxay ku dileen xubno badan oo ka tirsan Al Shabaab. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Gandershe ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in ku dhawaad 25 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab lagu dilay deegaanka. Xubnaha lagu dilay weerarka ayaa la sheegay inay qorshaynaayeen weeraro ka dhan ah Ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya. “Dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah waxaa Ka go’an in ay sii wadaan Dagaalka lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab oo Ku taagaan waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka. Sidoo kale taliska ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay geysteen lagu dilay xubno ka tirsan Al SHabaab. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Sideed xubnood oo ka tirsan Shabaab lagu dilay duqeyn ay ka fuliyeen Shalay meel ku dhaw deegaanka Gendershe ee Gobolka Shabeelada Hoose Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  6. Muqdisho ( Sh. M. Network)-Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah Waddooyinka waa weyn ee M/ Muqdisho, iyadoona lagu arkayo Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. Sidoo kale Ciidamada amniga ayaa howlgallo ka wada qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga. Lama oga sababta ka dambeysa Xirnaashaha Waddooyinka qaar ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Balse Shacabka ayaa la arkayaa, iyaga oo maalaya Cagahooda, maadaama aan loo ogoleyn in Gaadiidku isticmaalaan Waddooyinka xiran. The post Qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho Oo saaka xiran appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-171218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa shalay dhageysatay dacwada loo heysto Muqtaar Mahad Daa’uud, wasiir ku-xigeenkii arrimaha dibadda Soomaaliya kaasi oo dhowaan lagu soo eedeeyay inuu ku kacay arrimo la xiriira ku tagrifal Hantida Qaranka. Ugu horeyn, Maxkamadda ayaa dhageysatay eedda ay soo diyaariyaan xafiiska xeer ilaalinta, waxaana eedda uga wakiil ahaa jeedinteeda ku-xigeenka koowaad ee xeer ilaaliya Guud ee Qaranka Dr. Jamaal Maxamed Axmed. Wuxuuna weydiistay Maxkamadda in laga guddoomo cadeymaha decument, sawirro laga soo qaaday qasnad lacageed oo ay amreen Xafiiska Hanti dhowrka inaan la taaban karin ilaa amar dambe, balse uu jeexay warqadahaasi wasiir ku-xigeenka, waxa ayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga markhaatiyaasha. Waxayna sidoo kale Maxkamadd guddoontay warqadaha lagu saaray lacago laga isticmaalay dakhliga wasaaradda, waxayna ugu dambeyn codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Quud ee Qaranka in la waafajiyo qodobada ay ku soo eedeeyeen. Dhanka kale, qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa iyagana ku dooday in aysan jirin hanti si gaar ah uu u isticmaalay wasiir ku-xigeenka, balse uu ku bixiyay baahiyo Wasaaraddu qabtay, sidaas darteed uu jiray sharci u diidayo ka hor inta aysan golaha wasiirada diidin. Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir garyaqaan Muuse Macallim Maxamed oo ugu danbeyn ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamada ay ku weysay Muqtaar Mahad Daa’uud qodobada kala ah 241, 255 oo Ku saabsanaa Ku tagrifal hantida umadda,Waxaana maxkamaddu u cadaaday in ficilka uu Ku dhaqaaqay Muqtaar Mahad Daa’Jud uu yahay fujinta warqadii uu Ku dhajiyay qasnadda Dowladda, waxa ayna dul saartay ganaax gaarayo 7kun oo dollarka mareykanka ah, rafcaan ayaana ka furan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Jabuuti (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka qeyb galayay kulan ka dhacay dalka Jabuuti ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha shakiga dhaliyay ee ka dambeeyay mooshinka madaxweynaha. Kulanka looga hadlayay isbadalka gobolka oo ka dhacay magaalada Jabuuti ayaa wuxuu ka sheegay in markii hore dowladaha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ay iska kaashanayeen Ammaanka, ganacsiga iyo Siyaasadda oo Soomaaliya ay dan ugu jirto. Wuxuu sheegay in xubnaha baarlamaanka iyo shaqsiyaadka kalaba inay fasiraad qaldan ka bixiyeen kulamadii ay lahaayeen madaxda ugu sareyso seddexda dal, balse aysan jirin heshiis rasmi ah oo ay gaareen madaxweynayaasha. Mahdi Guueed, ayaa u sheegay dadka fasiraadda qaldan ka bixiyay kulamada madaxweynaha inay ogaadaan in dalka uu leeyahay labo gole iyo dowlad goboleedyo islamarkaana madaxweynaha kaligii inuusan ogolaan karin in hal madaxweyne ay yeeshaan dalalka Ethiopia, Somalia iyo Eritrea. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in hadii heshiis uu yahay is afgaradka Madaxda Dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretareeya ay soo bandhigi lahaayeen Madaxda Labada dal waa Ethiopia iyo Eritrea. Shaki badan ayaa ka dhashay is afgaradka madaxda Geeska Africa waa tan keentay in xildhibaanada mooshinka ay ka gudbiyeen madaxweynaha ku cadeeyaan in heshiisyo halis gelin kara dalka uu galay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Dowladda hoose ee Garowe, ayaa gaadiidka Bajaajta ka hawlgasha caasimada waxay u sameysay diiwaangelin, si loo gaarto bajaajta iyo wadaha oo lagu sawirayo. Arintan ayuu [...] Source
  11. Garowe (Puntlandi) Musharax Cali xaaji Warsame oo kamid ah musharixiinta ugu miisaanka culus mushariixinta taagan xilka madaxweynaha dowladda Puntland ee 2019, ayaa xalay magaalada Garowe [...] Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka gabi ahaanba xiran, waxaana dadka la arkayaa iyaga oo ku lugeynaya hareeraha waddooyinka. Ciidamo Cusub oo dheeraad ah ayaa la dhigay qaar kamid ah isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana goobaha ciidamada dheeraadka ah la geeyay kamid ah Isgoysyada Tarabuunka, Banaadir iyo Taleex. Wadada Maka Al Mukarama iyo waddooyin kale ayaa gabi ahaanba xiran, waxaana jirin faahfaahin rasmi ah oo laamaha amaanka ay ka bixiyeen xernaanshaha waddooyinka magaalada Muqdisho. Ciidamada cusub ee la dhigay isgoysyada Tarabuunka, Banaadir iyo Taleex ayaa si adag u baaraya Gaadiidka, iyadoo aysan u ogoleyn inay kasii gudbaan. Xernaanshaha waddooyinka ma ahan kuwo horey loosii shaaciyay, waxayna shacabka ku waabariisteen waddooyinka ugu muhiimsan dhaqdhaqaaqa Muqdisho oo xiran. Warar aan heleyno ayaa sheegaya inay jiraan baaritaano ka duwan kuwoo hore oo laga sameynayo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, sidaasi darteedna waddooyinka loo xiray. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Bayhdbao (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa war rasmi ah kaalintooda xariga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur iyo haddi ay wax ka ogaayeen. Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uusan ka warqabin xarigga dowladda Federaalka ah u geysatay Abuu Mansuur. Wasiir Xasan ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay tahay dowlad Goboleed ka mid ah dowadda Federaalka ah islamarkaana amniga dalka ay u xil saarantahay dowladda Soomaaliya. Ugaas Xasan ayaa sheegay in uusan jirin dambi ama dacwo maamulka Koonfur Galbeed uu u heysto Mukhtaar Rooboow laakiin dowladda Federaalka ah ay u gaartahay eedaha ay u heysato Abuu Mansuur. Wasiir Xasan ayaa intaas ku daray in maamulkooda uusan la ogeyn dowladda Federaalka ah xarigga Abuu Mansuur oo ka mid ah musharrixiinta doorashada Koofur Galbeed oo lagu wado in la qabto 19ka Bishan. Sidoo kale, taliska ciidamada Amisom ayaa shalay iska fogeeyey inay wax lug ah ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow, oo iminka ku jira xabsi ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya oo ku yaalla Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  14. Ergo Siyaasiyiina Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Wada Hadalsiiyay Xisbiyada Ucid,Waddani & M/weyne Muuse Biixi+war-murtiyeed ay soo saareen Ergo waan waan ka dhex waday maalmihii u danbeeyay Mucaaridka Somaliland iyo Xukuumadda ayaa caawa Madaxtooyada isugu keenay labada dhinac. Kulan kaas kadib ayaa war-saxafadeed nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakadda wararka Somalilandtoday madaxtooyadu ka soo saartay kaas oo u dhignaa sidan. WAR-MURTIYEED: 16/12/2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caawa kulan muhiima la qaatay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah. kulankan uu madaxweynuhu madaxweynuhu isugu yeedhay axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wada-jir iyo isku duubni loogu wajahi lahaa arrimaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana ay hoggaanka axsaabta qaranku muujiyeen muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorashooyinku si loo xaqiijiyo geeddi-socodka Dimuqaariyadda Somaliland iyo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinkaas, isla markaana lagu diyaarin lahaa jawi ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan. Ugu dambayntii waxa ay hoggaanka saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI wada jir u go’aamiyeen qodobbadan hoos ku qoran: In doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoonto dhammaadka sannadka 2019-ka. In si wada-jir ah ay uga wada-hawl galaan xallinta iyo dhammaystirka wax kasta oo ku xidhan qabsoomidda doorashada. In si niyadsami ah loo sii wado wada-tashiga iyo wada-hadallada saddexda guddi ee xisbiyada qaranka. In wixii caqabad ah ee soo kordha laga wada-tashado. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
  15. Waxaa shalay is-casilay wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyeenta ee Dowladda Federal-ka Cabdifataax Geesey kaas oo saddex qodob u sababeeyey tallaabada uu qaaday. Arrintan oo naxdin iyo dhaawac ku noqotay Xukumadda uu hoggaamiyo Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayuu Cabdifataax Geeseey u aaneeyey faragalinta qaawan ee ay Xukumadda ku haysay doorashada Koonfur Galbeed, Xariggii Mukhtaar Roobow Cali iyo la tashi la’aanta mas’uuliyiinta ka soo jeedda maamulkaas ee ku matala dowladda dhexe. Hadaba, maadama tallaabadan ahayd mid lama filaan ah, sidee ayey u saameyn kartaa Xukumadda Raisul Wasaare Kheyre? Caadiyan bulshada waxa ay aaminsantahay in xasillooni daradda dalka ka jirta uu mas’uul ka yahay Kheyre oo aysan mas’uuliyiinta kala duwan ee dalka la dhicin ama jecleysan hab-dhaqankiisa kala fogeynta ah. Is casilaadda Geesey waxa ay bannaanka soo dhigtay tabashada bulshada Koonfur Galbeed ay xukumadda Kheyre afduubtay iyada oo duud siiyey xaqii uu dastuurka siiyey ee ahaa in ay iyaga ka tashan karaan masiirkooda. Taas waxa ay sidoo kale dhabbaha u xaari doontaa in ay is casilaan xubnaha kale ee golaha Wasiirada ku matala maamulka Koonfur Galbeed sida la hadal hayo. Haddii ay taasi dhacdo oo ay is wada casilaan xubnaha golaha Wasiirada ugu jira maamulka KGS, waxa ay cambbaar ku noqon doontaa Raisl Wasaare Kheyre iyada oo sidoo kale muujin doonta siyaasad xumada xukumadda uu hoggaamiyo. Rai’sul Wasaare Kheyre tan iyo markii la soo magacaabay dowladda waxa ay ka bixi weysay xasarado iyo xasillooni siyaasadeed taas oo ay keentay in bulshada intooda badan qabaan in la gaarin xilligii la bedeli lahaa si dowladda labada sano ee u harsan ay dalka u sii hoggaamin lahayd. Waxaa xusid mudan in mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo ay fallanqeeyeaasha siyaasadda badankood qabaan in loogu dan leeyahay Rai’sul Wasaare Xassan Cali Kheyre. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho una dhaxeeyay odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayaa waxay kaga hadleen arrimo dhowr ah. Kulanka oo ujeedadiisa ay aheyd sidii taageero loogu muujin lahaa Mukhtar Roobow Abuu Mansuur ayaa waxaa dadkii ka hadlay ay sheegeen inay ka xun yihiin xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Waxay sidoo kale sheegeen inaysan aqbaleyn in Mukhtaar Roobow laga saaro liiska musharixiinta Koofur Galbeed iyaga oo dalbaday in xoriyadiisa la siiyo, maadaama si baal marsan Sharciga loo xiray. Xubnaha ka hadlay kulanka ayaa soo hadal qaaday go’doonka uu ku jiro guddoomiyaha baarlamaanka, iyaga oo sheegay in wax la aqbalo karo aysan aheyn go’doonka la geliyay guddoomiye Mursal. Waxay sheegeen in guddoomiye Mursal uu yahay shaqsiga labaad ee ugu sareeyo dalka, balse lagu qasbay inuu isaga guuro madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii culeesaad la saaray. Ugu dambeyn waxay dalbadeen in dadka kasoo jeedo Koofur Galbeed laga daayo cadaadis iyo dhibaatada lagu hayo islamarkaana Guddoomiye Mursal la siiyo fursad uu ku dhaqdhaqaaqi karo, Abuu Mansuurna lasii daayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Boorkii waa dagay, waa la kala miirtay! Maanta Baydhabo dhawr maalmood oo ay dhibaato weyn ka jirtay taas oo salfatay nolosha Xildhibaan iyo tiro shacab ah waa dagan tahay. Waxaa taas dheer, xassilooni daraddii siyaasadeed ee maalmahanba socotay iyadana xal ayaa laga gaaray kaddib kulan ay wada yeesheen Gudoomiyihii carreysnaa Maxamed Mursal Shikeh Cabdiraxmaan wallow uu Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyeynta isku dayey in uu uga daro kaddib markii uu is casilay. Hase yeshee, maadama la kala miirtay, aan si miir qab ah u eegno yoolkii dowladda ee dhex fariisiyey mashaqadii toddobaadkan. Ma guul togan mise taban ayey gaartay dowladda waa su’aal jawaabo badan balse waxaa xaqiiqo ah in ay guuleysatay. Roobow oo xabsi ah, doorashada oo dhaceysa, gudoomiyihii uu soo laabtay iyo bulshada reer Baydhabo oo dib noloshooda u bilaabay waxa ay daliil u tahay guusha siyaasadeed ee dowladda, ogow waan ka cudur daartay in aan anigu sheego saxnaanteeda iyo qaladkeeda. Weydiinta ugu muhiimsan ayaa hase yeshee ah, Muxuu ahaa hadafkii ugu weynaa ee ay dowladda lahayd laba wajiileyntii ay ula dhaqantay Shiekh Mukhtaar Roobow Cali? Ka jawaabidda su’aashan waxa ay na bari doontaa in dowladda yoolkeedii gaartay balse reer Koonfur Galbeed mareen ciqaab aysan mudneyn. Muxuu ahaa? Dowladda tan iyo markii uu Shiikha isa soo dhiibay waxa ay ka dhex arkeysay fursad weyn maadama uu laba saddex awoodood isku darsadaty; Tiisii argagixisonimo, awoodda beeshiisa ee Baydhabo iyo taageerada dowladda. Saddexdaas awoodood waxa ay dowladda u arkeysay in ay ku bixin karto Shariif Xassan Shiekh Aadan oo laf dhuun gashay ku ahaa. Dabcan, taas wey u suurtagashay kaddib markii ay Roobow u muujisay in uu tartami karo oo uu xataa sameyn karo dhaq dhaqaaq ciidan oo magaalada ah si uu u cabsi galiyo Shariif Xassan oo ay bulshadu necbaayeen hadana ku awood yaraa Baydhabo. Dowladda waxa ay ku sii cadaadisay Shariif-ka taageeridda Laftagareen iyada oo dhammaan xildhibaanadii maamulkaas keentay Muqdisho. Shariif oo dhinac walba eegay uguna weyn tahay cabsida Roobow-ga halista ah ayaa ku qancay in uu cagaha wax ka dayo. Taas markii ay dhacday, dowladda waxa ay la soo baxday wajigeedii dhabta ahaa iyada oo Roobow soo xirtay kana horistaagtay loolanka – SHAQADII WAAD NOO FULISAY, RAALI AHOW! Yeelkeede, arrintaas waxaa ka gadooday shacabka Koonfur Galbeed oo aad u daneenayey Shikeha, waxa ay galeen dagaal, dibed bax ay dad badan uga dhinteen kuna curyaabiyeen isu socodkii iyo dhaqaalihii magaalada – Xaqiiq, waa dhibaato iyo ciqaab aysan bulshadaas mudneyn. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, United States Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Waxaan ku talin lahaa iney madaxda dawladdu xaaladda dejiyaan, wada hadalna in la furo, khaladaadka keenay khilaafkana la saxo. Arrimahan soconaya waxay sii kala fogeynayaan mowqifyaddii la kala taagnaa, waxayna dhiirigelin u yihiin dhammaan inta naf lacaariga ah ee neceb xasiloonida iyo horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatey. Waxa ku farxaya bahalaha duleedka ka soo milikhsanaya ee xaasidaya horumarka ay dawladdu gaadhey isla markaana jecel iney ka faa’iideystaan khilaafka iyo burburka xukuumadda si ay u dhacaan hantida dadweynaha. Kuwaas oo aan haba yaraatee, aan dooneynin xasiloonida iyo deggenaanshaha dalka kuna shaqeeya habka maafiyonimada iyo mar walba adeegsanaya dibindaabyo ay ku dhacaan dhaqaalaha dalka. Mana oggola xaqa waxaaney ku shaqeeya dulmi, sharci darro, qabyaalad, caddaalad la,aan, eex, sadbursi, khiyaano dhac, been abuur, daacad darro. Maadama madaxweynuhu yahay hoggaamiyihii iyo badbaadiyihii qaranka, waa in lagu qaddariyaa xilka iyo waajibaadka dastuuriga ah ee uu gudanayo loogana dambeeyaa xallinta dhibaatooyinka dalku marayo, la iskuna garabtaagaa. Guddoonka Baarlamaanka waxa looga baahan yahay in wixii dantu ku jirto uu kala shaqeeyo madaxweynaha. Baarlamaanku isagoo ilaalinaya shuruucda dalka, waxa looga baahan yahay inuu kala shaqeeyo xukuumadda sidii loo gaadhi lahaa nabad iyo horumar loona adkeyn lahaa midnimada iyo wadajirka baarlamaanka. Mooshinkii laga keeney madaxweynaha wuu jabay maadaama ay tiradii buuxsami weydey. Sidaas darteed, waa in laga gudbaa. Guddoonka Baarlamaanku waa iney sida ugu dhakhsaha badan u furaan baarlamaanka si loo bilaabo hawlaha u yaalla. Qore: Xildhibaan Ahmed Shabel
  19. Somaaliya Asbuucaan waxaa u kulmay welwel iyo cabsi laga qabo khilaafka u dhexeeya Xubnaha iyo Guddoonka Golaha Shacabka iyo Rajada Guulaha Dawladdu ay ka gaartay arrima Gobalka iyo kuwa Gudaha; A – Mooshin uu qabtay Gudoomiyaha Golaha Shacabka 9 kii Bishaan ayaa dhaliyey khilaaf iyo is qab-qabsi u dhexeeya Xildhibaanada Mucaaradka iyo kuwa Muxaafitka, khilaafka oo u sii gudbay Guddoonka Golaha kadib markii Guddoomiyuhu u guuray Xarumaha Mucaaradka. Dadka ayaa dib u xasuustay Barlamaankii Xorta ee Asmara 2007, iyaga oo filayey in wax laga bartay waaya aragnimadii laga dhaxlay 5 tii Barlamaan ee ka horeysay kan 10 aad ilaa Carte 2000. “Haddaan guga kuu kordhaa gabow mooyee ku tarin garaad iyo waaya arag? Illeen wax ma dhaantid geed”. Waxaa cad in Xildhibaanada qaar Shacabka ay matalaan uu ka horreeyo dhanka Wacyiga iyo Aqoonta Siyaasada ay ku matalaan. Wel-welkaas Shacabka waxaa ka Jawaabay shalay 167 Xildhibaan oo u balan-qaaday Shacabka in Madaxweynaha ay soo doorteen uu kalsooni ku dhamaysan-doono labada sanoo ee u hartay! Mooshinkuna uu ahaa mid dhoob-dhoob ah, haddana uu buray, lagan gudbay. B – Guulaha Rajada iyo Himilada leh ee Dawladu gaartay Asbuucaan waxaa ka mid ah: 1. Booqashadii Taariikhiga ee Muqdisho lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Eritrea Afawark, taas oo Alabaabada u furaysa Fursado: Nabadeed ee Gobalka Geeska Afrika iyo Somaaliya, Iskaashi labada Shacab iyo labada Dawladood dhinac kasta, Xiritaanka Kannaaladii Mucaaradka labada Dawladood, ka hortaga Go’doomin iyo Faragelin Shisheeye ee labada Dawladood. 2. Ka mid-noqoshada Isbahaysiga Badda Cas ee lagu asaasay Sacuudiga Asbuucaan taas oo muujinaysa Ahmiyadda iyo Dawrka Somaaliya ay ka Ciyaarayso Arrimaha Gobalka gaar ahaan Dawlaha kulaala Badda Cas iyo kuwa Geeska Afrika, waxa ayna adkaynaysaa Midnimada iyo Dawladnimada Somaaliya, waxa ayna yaraynaysaa Faragelintii Dawladaha Khaliijka. 3. Mashaariicdii ay kala saxiixdeen Dawlaha Somaaliya iyo Qatar oo gasreysa Adduun ka badan laba Bilyan$ taas oo cadaynaysa in Somasliya kasii baxayso kaalmadii Bani-aadamnimo, una gudbayso Mashaariic horumarineed iyo Wada-shaqaysi, waxa ayna kaalin wayn ka qaadanaysaa Mashaariicdaas Dhismaha Kaabiyaasha Dhaqaalaha iyo Yareynta Shaqa La’aanta Dhalinyarada, Sugida Amniga iyo Dhismaha Hay’daha Dawladda. Hadaba waxaan ka rajaynaynaa Xildhibaanada leh Dareenka Wadaniyeed in ay Khilaafkooda dhameeyan, ayna joojiyaan Magac iyo Sumcad dilka Dalka iyo Dadka si looga wada mira dhaliyo; Rajada, Himilada iyo Hayaanka Shacabka iyo Dawlad-nimada. W/Q: Dr. Maxamed Nuur Gacal Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. (SLT-Hargaysa) Ergo waan waan ka dhex waday maalmihii u danbeeyay Mucaaridka Somaliland iyo Xukuumadda ayaa caawa Madaxtooyada isugu keenay labada dhinac. Kulan kaas kadib ayaa war-saxafadeed nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakadda wararka Somalilandtoday madaxtooyadu ka soo saartay kaas oo u dhignaa sidan. WAR-MURTIYEED: 16/12/2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caawa kulan muhiima la qaatay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah. kulankan uu madaxweynuhu isugu yeedhay axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wada-jir iyo isku duubni loogu wajahi lahaa arrimaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana ay hoggaanka axsaabta qaranku muujiyeen muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorashooyinku si loo xaqiijiyo geeddi-socodka Dimuqaariyadda Somaliland iyo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinkaas, isla markaana lagu diyaarin lahaa jawi ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan. Ugu dambayntii waxa ay hoggaanka saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI wada jir u go’aamiyeen qodobbadan hoos ku qoran: In doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoonto dhammaadka sannadka 2019-ka. In si wada-jir ah ay uga wada-hawl galaan xallinta iyo dhammaystirka wax kasta oo ku xidhan qabsoomidda doorashada. In si niyadsami ah loo sii wado wada-tashiga iyo wada-hadallada saddexda guddi ee xisbiyada qaranka. In wixii caqabad ah ee soo kordha laga wada-tashado. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  21. Waxaan Nahay Bulsho Dhiig iyo Dhaqan Walaalo Ah DiinToodu Tahay Islaam Bulshada inala dagan Ee Waliba Walaalaha Nahay Waxay Inooga Baahnyihiin Itiraam iyo Aan Dhibka ka Ilaalino lana Qaybsano Waxwalba. Beesha West Burco Clan Waxay kamid Tahay Beelaha Daga Somaliland Adunyada Laba Hooya Wada Dhashay Baa Isqabsada. Waxaa loo bahanyahay in Caqligu Shaqeyo. Hadii Aan Waxtirsanayno Waxaa Quruxbadan in aan Wada Wanaagsan Marno Maaha Hanjabaad iyo Mas Ogoli Cidwalba.Taasi Waxay keenaysaa In Beeshu Yeelato Cadaw badan iyo in Dhinac la inaga Wada Maro. Hadaba Anigoo Kamid Aha Aqoonyahan Da’da yar ee Beeshu Leedahay waxaan Iii Cuntami Wayday sida Ay Beeshu Qaar kamid ihi Wax uwadaan .Waliba Madax Sheeganaya. sidaas Daraded Fariintaydani Waxay Daarantahay In Aan Talo usoo Jeediyo Cid kaste Oo Dan leh Beesha Ama ka Fikiraysa Mustaqbalka Ayaaha Beesha West Burco Clan Waxaan Usoo Jeedinayaa Madax Dhaqameekeena iyo Aqonyahankeena Iyo Indheergaradkeena Sidan: 1-In aan ka Fikrno ayaaha Mustaqbalka Jiilkeena yaryar ee Soo Socoda ee Beesha West Burco Clan Ha Helaan Walaalo ay isku Haleeyaan. yeey Dhaxlin Cadaw badan iska Ilaaliyaan. 2- In aan Ka Fikirno Ayaaha Iyo Mustaqbalka Beesha West Burco Clan . 3-In Aan Cadaw Badan Aanan Usoo Jiidin Beesha imika Aad Moodid In Bulshada Badankeedu Gaar ugandhi Baxayaan. 4- In Walaaldeen Walaal Waxaan ahayn in aanan kula Macaamilno Soona Celino Karaamadii Iyo Sumacadii Laguyaqaanay Beesha. 5- In Beesha Karaamadii iyo Dun Wanaagii Lagu Yaqaanay Aan Soo Celino Umadana Wanaagi ay Inagu Barteen Aan Soo Ceshano. 6-In Aan Maskaxda Galino In aanan Lahayn Cadaw balse Cadawgeenu Yahay Cida Aan inagu ka dhigano. Ugu Danbayn Waxaan Ka Damqaday Kadib Markaan Arkay in aayihii Iyo Mustaqbalkii Beeshu Madawgalay Waxaan Rabaa in aaan Farintaydaa Aan idinla Wadaago Cidkastoo Dareen Lihina Ka Dhiidhido Kana Fikirno Aayaha Iyo Mustaqbal Beesheena. Waxaan Soo Dhawaynayaa Cidkastoo Talo ama Waxtarba Wada Dhawaana Waxaan Rajaynayaa In aan Qaban Qaabino Kulan Aqoonyahanka Beesha Soo Qaban Qaabiyaan . Waad Mahadsantihiin. Rajab Ismail Salah. Hargeisa-Somaliland 0634416899 Source
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-16122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta dhageysatay dacwada loo heysto Muqtaar Mahad Daa’uud oo ah wasiir ku xigeenka arimaha dibada Soomaaliya ,kaasi oo dhowaan lagu soo eedeeyay inuu ku kacay arrimo la xiriira ku tagrifal Hantida Qaranka. Ugu horeyn, Maxkamadda ayaa dhageysatay eedda ay soo diyaariyaan xafiiska xeer ilaalinta, waxaana eedda uga wakiil ahaa jeedinteeda ku-xigeenka koowaad ee xeer ilaaliya Guud ee Qaranka Dr. Jamaal Maxamed Axmed. Wuxuuna weydiistay Maxkamadda in laga guddoomo cadeymaha decument, sawirro laga soo qaaday qasnad lacageed oo ay amreen Xafiiska Hanti dhowrka inaan la taaban karin ilaa amar dambe, balse uu jeexay warqadahaasi wasiir ku-xigeenka, waxa ayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga markhaatiyaasha. Waxayna sidoo kale Maxkamadd guddoontay warqadaha lagu saaray lacago laga isticmaalay dakhliga wasaaradda, waxayna ugu dambeyn codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Quud ee Qaranka in la waafajiyo qodobada ay ku soo eedeeyeen. Dhanka kale, qareenada u doodayay Muqtaar ayaa iyagana ku dooday in aysan jirin hanti si gaar ah uu u isticmaalay wasiir ku-xigeenka, balse uu ku bixiyay baahiyo Wasaaraddu qabtay, sidaas darteed uu jiray sharci u diidayo ka hor inta aysan golaha wasiirada diidin. Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir garyaqaan Muuse Macallim Maxamed oo ugu danbeyn ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamada ay ku weysay Muqtaar Mahad Daa’uud qodobada kala ah 241, 255 oo Ku saabsanaa Ku tagrifal hantida umadda,Waxaana maxkamaddu u cadaaday in ficilka uu Ku dhaqaaqay Muqtaar Mahad Daa’Jud uu yahay fujinta warqadii uu Ku dhajiyay qasnadda Dowladda, waxa ayna dul saartay ganaax gaarayo 7kun oo dollarka mareykanka ah, rafcaan ayaana ka furan. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Ku Dhawaaqday Xukunka Wasiir ku tirsan xukuumada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.