-
Content Count
207,106 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Iyadoo ay hadda u dhamaatay Muddo sannad ahi Jiritaanka Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn loogu dhegtaagayaa xogo mudooyinkii u dambeeya la hadal hayay oo sheegaya inuu Madaxweynuhu wax ka badel gun iyo baar ah ku samaynayo Xukuumaddiisa, islamarkaana uu ka jawaabayo Saluugga Siyaasadeed ee laga qabo Xubnihii uu hore ugu xushay Xukuumaddiisa. Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa iftiimiyay in Madaxweyne Biixi Maalmahan ku mashquulsan yahay xulashada Rag ruug-cadaaya oo aanay wax saluug ahi kaga so noqon dhinaca Bulshada iyo Shaqada, waxaana sidda la sheegay safka hore kaga jira siyaasiyiin Muddo afartan sanno ka badan ku soo dhex jiray Siyaasada Soomaalida, iyo Somaliland-ba, kuwaasi sida xogtan aanu ku helnay loo dhiibayo ama loo magacaabayo Wasaaraddaha ugu Miisaanka culus ee sida wayn Bulshadu u saluugsantay hadda hanaanka Shaqadooda. Warar kale ayaa sheegaya in Iskushaandhayntan ay kasoo dhex muuqan doonaan Siyaasiyiin Axsaabta Mucaaridka ka tirsan oo inta badan ka hadli jiray islamarkaana dhaliili jiray Siyaasada Xukuumadda Muuse Biixi balse Mudooyinkan dambe ku gaaf wareegayay Madaxtooyadda, xil doonna ahaa kuwaasi oo u diga rogan doona kanna mid noqon doona Xisbi Xaakimka Kulmiye. talaabadan ayaa noqon doonta Mid ku cusub Saaxadda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi tan iyo markii uu hogaanka dalka qabtay oo aanu Xukuumaddiisa ku soo darin Siyaasiyiin ka afkaar duwanaa wakhtigii ololaha oo kasoo horjeeday oo uu xilal u dhiibo. Dhinaca kale Haweenka ayuu kuraas door ah oo aanu hore ugu magacaabin doorkan uu siinayaa taasi oo jawaab u noqon doonta saluugga haweenkii Kulmiye ka qabeen Dhismihii hore ee Xukuumaddiisa. Lama garanayo wakhtiga rasmiga ah ee ay soo baxayso isku shaandhayntani balse illo-Wareedyaddan ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay inay dhinaca Madaxweynaha ka dhan tahay oo ay dhici karto in saacadii la doono ay soo bixi karto, wallow warar kale oo maalmihii u dambeeyay suuqa soo galay ay sheegayaan inuu marka hore doonayay inuu isku shaandhaynta ka soo horaysiiyo dhismaha Xisbiga Kulmiye oo uu doonayo inuu isna gun iyo baar wax kabadel ku sameeyo. Xaaladdan ayaa dadku ka dhur sugayaa sida ay noqon doonto. Foore Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Aadan Barre Ducaale hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka dalbaday Dumarka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya inay ragooda u ogolaadan inuu la guursado seddex xaas oo kale. Isaga oo ka qeyb galayay kulan ka dhacay dalka Kenya ayuu sheegay in dadka Kenyan-ka ay aamisan yihiin inay ka badan yihiin Soomaalida, taasina loo baahan yahay in meesha laga saaro. Dadka qurbe joogta ah, Soomaalida Kenya ee xoola dhaqashada u soo galay gudaha Soomaaliya iyo dadka kale ee Miyiga jira ayuu ugu baaqay in ay ka qeybqaataan tirakoobka iskana bareejeeyaan qabiillada kale ee Kenya. Wuxuu ka dalbaday haweenka Soomaaliyeed in Seygooda u ogolaadaan inuu seddex xaas la guursado, si sanadka dambe Afar caruur ah uu u helo, islamarkaana la kordhiyo tirada Qowmiyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya. Dhamaadka sanadka soo socda aya Kenya waxaa ka dhaceysa tirakoobka dadweynaha Kenya oo qowmiyad kasta la tirakoobo. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Filayo Inuu Toddobaadkan Safar Ugu Baxo Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee Jabuuti Iyo Waxa La Filayo Inuu Kala Hadlo + Dareenada Siyaasadeed Ee Ku Gadaaman Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu toddobaadkan safar gaar ah oo siyaasadeed oo aan la sii shaacin ku tago caasimadda waddanka Jabuuti ee Jabuuti isaga oo halkaasi kula kulmi doona Madaxweynaha waddankaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Ilo-wareedyo u dhuun daloola qasriga Madaxtooyada Somaliland oo Wargeyska Foore xogta safarkan siiyay ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi safarkiisii labaad ee uu dalkaasi ku tago ugu xadhka xidhan yahay caasimadda Jabuuti tan iyo markii sannad ka hor loo dhaariyey xilka Madaxweyne isaga oo wakhtigaasi safarkiisii ugu horreeyey ee uu dal dibadeed ugu baxo uu ku tagay Jabuuti. Safarka Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegmaya wakhti siyaasadda Geeska Afrika ay baaxaa-dageyso oo is baddal weyni ku yimid aadna ay isugu xidhmeen dalalka saddexda ah ee Itoobiya, Soomaaliya iyo Eretariya oo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalalkaasi jilayaan ay ugu dambaysay safarkii uu wiiggan Madaxweynaha Eretariya labada habeen ugu sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Ilo-wareedyo Wargeyska FOORE ka helay safarka Madaxweynaha Somaliland ee la filayo ayaa noo xaqiijiyey in inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn ajandaha ay labada Madaxweyne ee Muuse Biixi Cabdi iyo Ismaaciil Cumar Geelle ka wada hadli doonaan haddana la filayo in ay si gaar ah uga wada tashan doonaan xaaladaha siyaasadeed ee mandaqadda ka taagan maadaama dalkaasi Jabuuti laftiisa ay is baddaladan Geeska ka socdaa ku keeneen xaalad go’doon ah, hoosna u dhigtay meeqaamkii uu ku lahaa mandaqadda, walaw ay muddoba ku jirtay xaalad is daad-raacin ah oo aanay muujisanayn sida xaalku ugu xun yahay haddana ay muuqato sida ay uga xun tahay wajiga ka soo baxay is baddalka siyaasadeed ee ay isku fahmeen dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eretariya oo aanay Jabuuti la dhacsanayn. Dhinaca kale safarka Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku soo beegmaya wakhti ay jiraan xan hoose oo sheegaysa in Madaxweynuhu aanu la dhacsanayn qaabka shirkadda DP-World ay u waddo dhismaha Dekedda Berbera oo qorshuhu ahaa in 15-kii Bishan ay hawsha Dekeddu si rasmi ah oo xali leh u dardar galiso balse aanay taasi jirin iyada oo ay hore shirkaddaasi isugu dhaceen Madaxweynaha Jabuuti oo mar walba aan jeclayn in shirkaddaasi ka shaqayso dalalka Somaliland iyo Soomaaliya oo uu isku arko in uu oday talo ku leh u yahay. Hore ayuu Madaxweyne Geelle bilawgii talo waayeelnimo u siiyay Madaxweyne Biixi inuu ka fiirsado Heshiiska Shirkadda Dp-World, waxaana hadda soo baxay mad madaw badan oo ku gadaaman Shirkadaasi iyo hanaanka ay wax u wado. Lama oga in Madaxweyne Geelle oo muddo badan diiddanaa qaddiyadda Somaliland iyo in uu xataa meeqaamka Somaliland mar kali ah u arko Maamul gaar ka ah wixii la isku odhan jiray Soomaaliya uu wakhtigan xaaladdu ku adag tahay ka badheedhi karo ugu yaraan in uu kor u qaado meeqaam diblomaasiyadeed oo uu siiyo Somaliland iyo in kale maadaama isagaba xaaladda siyaasadeed ee is baddalka Geesu keenay ay jiq ku siisay. Majiro warar si rasmi ah uga soo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo safarkan xaqiijinaya. Foore Source
-
(SLT-Muqdisho)-Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa shalay dhageysatay dacwada loo heysto Muqtaar Mahad Daa’uud, wasiir ku-xigeenkii arrimaha dibadda Soomaaliya kaasi oo dhowaan lagu soo eedeeyay inuu ku kacay arrimo la xidhiidha ku tagrifal Hantida Qaranka. Ugu horeyn, Maxkamadda ayaa dhageysatay eedda ay soo diyaariyaan xafiiska xeer ilaalinta, waxaana eedda uga wakiil ahaa jeedinteeda ku-xigeenka koowaad ee xeer ilaaliya Guud ee Qaranka Dr. Jamaal Maxamed Axmed. Wuxuuna weydiistay Maxkamadda in laga guddoomo cadeymaha decument, sawirro laga soo qaaday qasnad lacageed oo ay amreen Xafiiska Hanti dhowrka inaan la taaban karin ilaa amar dambe, balse uu jeexay warqadahaasi wasiir ku-xigeenka, waxa ayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga markhaatiyaasha. Waxayna sidoo kale Maxkamadd guddoontay warqadaha lagu saaray lacago laga isticmaalay dakhliga wasaaradda, waxayna ugu dambeyn codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Quud ee Qaranka in la waafajiyo qodobada ay ku soo eedeeyeen. Dhanka kale, qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa iyagana ku dooday in aysan jirin hanti si gaar ah uu u isticmaalay wasiir ku-xigeenka, balse uu ku bixiyay baahiyo Wasaaraddu qabtay, sidaas darteed uu jiray sharci u diidayo ka hor inta aysan golaha wasiirada diidin. Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir garyaqaan Muuse Macallim Maxamed oo ugu danbeyn ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamada ay ku weysay Muqtaar Mahad Daa’uud qodobada kala ah 241, 255 oo Ku saabsanaa Ku tagrifal hantida umadda,Waxaana maxkamaddu u cadaaday in ficilka uu Ku dhaqaaqay Muqtaar Mahad Daa’Jud uu yahay fujinta warqadii uu Ku dhajiyay qasnadda Dowladda, waxa ayna dul saartay ganaax gaarayo 7kun oo dollarka mareykanka ah, rafcaan ayaana ka furan Source
-
(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay gaashaanka u daruurtay qaraaro ka soo baxay Senate-ka waddanka Mareykanka, qaraarradaas oo qoraya in la soo afjaro gargaarka milateri ee uu Mareykanku siiyo xulafada ay Riyaad horkacaysa ee Yemen dagaalka ka wada,. Waxa ay sidoo kale Sacuudiga beeniyeen eedda uu Senat-ka u soo jeediyay dhaxalsuge Maxamed bin Salmaan oo ay ku eedeeyeen in uu ku lug lahaa dilka weriye Jamaal Khaashuqji. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa tallaabada aqalka sanetka ee Mareykanka ku tilmaamtay “faragalin ku saleysan eedeeymo aan run ahayn”. Bayaanka ay soo saartay wakaaladda wararka ee sacuudiga ayaa sidoo kale lagu sheegay: “in boqortooyada ay cambaareynayso go’aankii ugu dambeeyay ee aqalka Sanet-ka.” Mareykanka si rasmi ah wali ugama jawaabin bayaanka ay soo saartay xukuumadda Sacuudiga. Waxa ay gabi ahaanba beenisay xukuumadda Sacuudiga eedeeymaha ay u soo jeediyeen aqalka Sanet-ka. Hadalka xukumadda Sacuudiga ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii aqalka sanetka ee Mareykanka ay Khamiistii u codeeyeen in Mareykanka uu joojiyo taageerada Sacuudiga uu ku taageerayo dagaalka Yemen. Waxa ay sidoo kalea aqalka Sanetka si aqlabiyad ah u taageereen qaraar dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan ku eedeeynayay dilkii wariye Jamal Khashoggi. Waxa ay digniin adag u direen madaxwayne Donald Trump oo ay dhaliileen siyaasadahiisa ku wajahan Sacuudiga. Balse madaxwayne Trump ayaa wacad ku maray in uu codka diidmada qayaxan ee Veto u isticmaali doono qararka aqalka sanetka. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Kooxda Daacish ayaa soo saartay bayaan ay uga hadleyso in weerar ay ka fulisay Gobolka Bari ee Soomaaliya inay ku dishay dagaalamayaal ka tirsan Al-Qaacida qeybtooda Soomaaliya oo ah Al-Shabaab. War ay faafisay Wakaalada wararka Daacish ee Acmaaq ayaa lagu sheegay in maalintii Axadii weerar ay ka fulisay deegaanka Bicir Miiraale oo koofur galbeed kaga beegan degmada Qandala ku dileen 14 dagaalame ka tirsan Al-Shabaab. “Shalay ciidamada Khilaafada Islaamka waxay weerareen koox isku aruursanayay oo ka tirsan Al-Qaacidada Soomaaliya meel koofur galbeed ka xigta Qandala, oo ay ku diyaarinayeen weerar ay ku soo qaadaan goobaha Daacish ku sugan tahay, waxaa lagu dilay 14 dagaalame halka tiro kale dhaawacay, hub iyo rasaas waa lagu qabtay”ayaa lagu yiri warka ay faafisay Acmaaq. Daacish ayaa bishii hore soo saartay hanjabaad ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, iyadoo ugu hanjabtay inay ka aar-gudan doonto. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday ugaarsi ka dhan ah Kooxda Daacish oo ka bilowday Soomaaliya dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo. Source
-
Weriyaha Goobjoog News ee ka qeyb-galaya madasha Heritage ee Djibouti ayaa soo diray sawirka Cabdikarim Qalbi-dhagax oo dhexda ka fadhiya ra’isul wasaaraha ku-xigeenka dowladda federaalka ah Mahdi Guuleed iyo wasiirka dastuurka Cabdi Xoosh, waa sawir hadlaya, oo dhambaal badan xambaarsan. Lama hubo in ninka hore raalli-gelin bixiyey laakin shalay Cabdikarim Qalbi-dhagax, waxaa si gaar ah u raalli-geliyey wasiirka dastuurka ee dowladda federaalka ah Cabdiraxmaan Xoosh Jibril. Arrintaas kadib, Cabdiraxmaan Ceynte, wasiirkii hore ee qorsheynta federaalka ah ayaa bartiisa Twetterka soo dhigay “Madaxa meel ka sarreeysa oo la taabto ma lahan. Waa dhaqan Soomaaliyeed. Waana bogaadinayaa Xoosh, Waxaase iga talo ah in: a) Dowladdu raalli galin siiso Qalbi-Dhagax. b) ONLF ka saarto liiska argagixisada. c) Magdhow siiso Qalbi-Dhagax. d) hubiso inaan loo laaban dambigaas. Dhiibistii Qalbi-dhagax: August 27, 2017, Maamulka Farmaajo waxaa uu Cabdikarim Qalbi-dhagax oo ah muwaadin ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka u gacan-geliyey Itoobiya, ilaa iyo hadda raali-gelin rasmi ah kama bixin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Pyongyang)-Kuuriyada Waqooyi ayaa cambaareysay maamulka madaxwayne Trump oo cunaqabatayn cusub ku soo rogay . Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay saraakiil ka tirsan Kuuriyada Waqooyi. Kuuriyada Waqooyi ayaa imika ka digtay in ay hor istaagi doonaan arrinta ah in ay ka talabaxaan barnaamijkoda niyukleerka. Xukuumadda madaxwayne Trumpa yaa cunaqabatayn cusub ku soo rogay saddax sargaal oo ka tirsan dowladda Kuuriyada Waqooyi. Mareykanak ayaa wacad ku maray in ay xannibi doonaan hantida Choe Ryong-hae, oo ah nin ay si aad ah isugu dhaw yihiin Kim Jong Un,wasiirka amniga Jong Kyong-thaek iyo sarkaalka dhanka dacaayadaha u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi Pak Kwang-ho. Tallaabada Mareykanka ayaa ka dambeysay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xannibaado cusub ay soo rogtay Kuuriyada Waqooyi taasi oo ay ka mid tahay in la xiray dad daawaday aflaan ajnabi ah. Bayaan ay soo saartay xukuumadda Pyongyang ayaa lagu sheegay in tallaabada Mareykanka uusan ku qasbi doonin in ay wax ka badasho barnaamijkeeda Niyukleerka. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa bishii June kulan uu la yeeshay madaxwayne Trump uu la saxiixday heshiis aan kala cadeyn oo aan faahfaahin badan laga bixin. Balse heshiiskaasi wax hormar ah lagama samayn tan iyo xilligaasi. Wadahadalo dheeraad ah oo labada dhinac dhex mari lahaa ayaa la baajiyay bishii November. Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa ka mamnuucday baarayaasha Qaramada Midoobay in ay booqdaan dalkeeda. Source
-
Jabuuti (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa dowladda Soomaaliya usoo jeediyay Afar qodob oo xal u noqon karta gefkii laga galay C/kariin Sheikh Muuse Qalbi dhagax. Wuxuu ugu horeyn bogaadiyay talaabadii uu wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil uu cafiska iyo madax salaaxida ugu sameeyay Qalbi Dhagax, isaga oo sheegay inuu sameeyay arin wanaagsan. Sawir Shalay qabsaday baraha Bulshada ayaa muujiyay sida Wasiir Xoosh uu cafiska kaga dalbaday C/Kariin Qalbi Dhagax oo si wadajir ah ay kaga qeyb galeen Shir ka dhacay magaalada Jabuuti. Wasiirkii hore ee qorsheynta C/raxmaan Ceynte ayaa usoo jeediyay dowladda Soomaaliya Afar arin oo ay ugu horeyso in Cafis la weydiisto Qalbi dhagax. “Madaxa meel ka sarreeysa oo la taabto ma lahan, Waa dhaqan Soomaaliyeed, Waana boggaadinayaa C/raxmaan Xoosh, Waxaase iga talo ah in: a) Dowladdu raalli galin siiso Qalbi-Dhagax. b) ONLF ka saarto liiska argagixisada. c) Magdhow siiso Qalbi-Dhagax. d) hubiso inaan loo laaban dambigaas. Bishii September ee sanadkii hore golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa Argagixiso u aqoonsaday ONLF, waxaana Qalbi Dhagax la sheegay inuu xiriir la lahaa Al Shabaab, halisna ku ahaa amaanka Soomaaliya. Ilaa iyo hadda ma jiro wax raali gelin cad oo dowladda Soomaaliya kasoo baxay, balse madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu raali gelin siiyay madaxda ONLF mar uu kula kulmay magaalada Asmara. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirkii hore ee Qorsheynta ee Xukuumaddii hore Cabdiraxmaan Yusuuf Cali Ceynte ayaa boggaadiyay tallaabadii Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil raalli gelinta iyo madax salaaxida ugu tagay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo sannadii hore ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya. Shalay ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday sawir laga qaaday Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ku wada sugan Jabuuti shirka ay qabatay Machadka Heritage, iyadoo Mr Xoosh uu madax gacanta ka saaray Qalbi Dhagax oo aheyd mid raalli gelin ah. Cabdiraxmaan Ceynte ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook tallooyin ugu diray dowladda Soomaaliya. “Madaxa meel ka sarreeysa oo la taabto ma lahan, Waa dhaqan Soomaaliyeed, Waana boggaadinayaa C/raxmaan Xoosh, Waxaase iga talo ah in: a) Dowladdu raalli galin siiso Qalbi-Dhagax. b) ONLF ka saarto liiska argagixisada. c) Magdhow siiso Qalbi-Dhagax. d) hubiso inaan loo laaban dambigaas. “ayuu yiri C/raxmaan Ceynte. Golaha Wasiirada ayaa lixdii bishii September ee sanadkii hore waxay ka dhawaajisay in C/kariin Sheekh Muuse uu xiriir la lahaa Al-Shabaab, falal amni darro ku lug lahaa, iyadoo ku eedeysay Ururka ONLF inuu yahay urur Argagixiso. Illaa iyo hadda dowladda Soomaaliya raalli gelin kama aysan bixin, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu raalli gelin siiyay Madaxa ONLF, xilli ay ku kulmeen magaalada Asmara, balse raalli gelintaas ma aheyn mid rasmi ah. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Ciidammada Itoobiya ayaa bilaabay inay ka baxaan deegannada xadka labada dal ee horraan dagaalka horseeday, waxayna arrintani daba socotaa markii Eritrea iyo Itoobiya bishii July ee sannadka ay kala saxiixdeen heshiis nabadeed. Wasaaradda difaaca ee dalka Itoobiya waxay sheegtay in tallaabadan ay ka qeyb tahay dhaqan gelinta heshiiska labada dal ay kusoo afjareen colaaddii dhanka xadka oo ay kumanaan qof ku dhinteen. Shan bilood kaddib markii hoggaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiiskii nabadeed, wasaaradda gaashaandhigga ee Itoobiya waxay xaqiijisay in ciidammada ay kasoo saari doonaan deegaannada xadka dhaca ee lagu muransanaa. In Itoobiya ay ciidammada kasoo saarto halkaasi waxay ka mid ahayd codsiyadii ugu muhiimsanaa ay Eritrea soo jeedisay ka hor heshiiska. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Maalintii Labaad waxaa saldhiga magaalada Baydhabo buux dhaafiyay waalidiin caruurtooda lagu xiray saldhiga waxii ka dambeeyay banaanbaxyadii ka dhacayay magaalada. Waalidiinta qaar ayaa raadinaya haween iyo caruur ka maqan oo la waayay maalin kadib markii ciidamada booliska iyo meletariga ay awood u adeegsadeen dadkii banaanbaxyada ka dhigayay magaalada Baydhabo. Ma jirto cid waalidiinta la hadasha kana qancisa sababta caruurtooda ay u xiran yihiin, waxaana wararka ay sheegayaan in ku dhawaad 200 oo ruux ay ku xiran yihiin saldhiga magaalada Baydhabo. Dadka Banaanaxa dhigayay ayaa ka xumaaday xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda ay Khamiistii lasoo dhaafay kasoo xirtay magaalada Baydhabo. Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhabo lagu soo gabo gabeynayaa dhageysiga Khudbadaha ay jeedinayaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo shalay seddex musharax la dhageystay. Labo Musharax ayaa maanta la dhageysan doonaa, waxaana maalinta Arbacada ka dhaceysa magaalada Baydhabo doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.
-
Boosaaso ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo ) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgallo ballaaran oo laga sameeyay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi. Guddoomiye Dhedo ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay magaaladaasi lagu soo qab qabtay illaa 5 Qof oo ka kala tirsanaa Al Shabaab iyo Daacish. Waxaana uu tilmaamay in 4 ka mid ah Raggaasi ay ka tirsanaayeen Kooxda Daacish, halka midka kalena uu xusay in uu ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Raggani ay ka dambeeyeen dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay M/ Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Ugu dambeyn Yuusuf Maxamed Wacays guddoomiyaha G/ Bari ayaa wacad ku maray in ay xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish ee gobolkaasi. The post Puntland Oo qabatay 5 nin Oo ka kala tirsanaa Al Shabaab iyo Daacish appeared first on Shabelle. View the full article
-
Sida ku qoran jadwalka doorashada koonfur galbeed ee Soomaaliya waxaa lagu wadaa maanta in ay khudbado jeediyaan ilaa 2 murashax. Murashaxiinta khudbadaha ku qoran ayaa kala ah: Cabdi Casis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Sayid Axmed Sheekh Daahir, waxaa muuqato in Roobow tartanka laga reebay. Shalay, guddiga doorashada koonfur galbeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow aanu u tartameyn doorashada madaxtinnimada koonfur galbeed ee 19-ka Bishan ka dhici-doonta magaalada Baydhabo. Guddiga ayaa intaasi raaciyey in Roobow uu dhameystiray hab-raacii doorashada balse ay ku dheggantahay dowladda federaalka ah, isla markaana nin maqan aanu tartami karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa saaka xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo dadka ku soo tooseen ciidamo meel walbo daadsan. Waddooyinka xiran waa kuwii hal-bowlaha u ahaa ganacsiga iyo isu socodka magaalada, dadweynaha reer Muqdisho ayaa lugeynaya, waxaana xiran waddooyin badan oo aan horay looga baran in Ciidamada ammaanka ay xirana, sida qeybo ka mid ah Dabka, Banaaidir, Jidka Sodonka, Tarbuunka, illaa Ex Koontarool Afgooye iyo meelo kale. Xirnaanshiyaha waddooyinka muhiimka ah ee magaalada ayaa ku kaliftay dadka inay maalaan lugahooda masaafo aad u dheer si ay eheladooda iyo asxaabtooda ay u booqdaan. Lama oga sababaha dhabta ah ee loo xiray waddooyinka, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan xirnaanshaha waddooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) oo xalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu Is Casilayo. Wasiir Amar Dambe ayaa dacayad iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi oo saacadihii la soo dhaafay ay bulshadu isla dhexmareysay. Waxaana uu tilmaamay in ay ka go’an tahay in uu u sii shaqeeyo Shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed. Shalay ayey aheyd markii uu is Casilay wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya Mudane C/fitaax Ibraahim Geesey. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Xasan-1.mp3 The post Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo beeniyay in uu Is Casilayo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dagaal gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanada Shimbiro iyo Miiraalle oo 25km dhanka bari uga beegan magaalada Bosaaso ee xarunta [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada Mareykanka ayaa howlgal Wadajir ah oo ay sameeyeen waxay ku dileen xubno badan oo ka tirsan Al Shabaab. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Gandershe ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in ku dhawaad 25 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab lagu dilay deegaanka. Xubnaha lagu dilay weerarka ayaa la sheegay inay qorshaynaayeen weeraro ka dhan ah Ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya. “Dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah waxaa Ka go’an in ay sii wadaan Dagaalka lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab oo Ku taagaan waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka. Sidoo kale taliska ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay geysteen lagu dilay xubno ka tirsan Al SHabaab. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Sideed xubnood oo ka tirsan Shabaab lagu dilay duqeyn ay ka fuliyeen Shalay meel ku dhaw deegaanka Gendershe ee Gobolka Shabeelada Hoose Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network)-Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah Waddooyinka waa weyn ee M/ Muqdisho, iyadoona lagu arkayo Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. Sidoo kale Ciidamada amniga ayaa howlgallo ka wada qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga. Lama oga sababta ka dambeysa Xirnaashaha Waddooyinka qaar ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Balse Shacabka ayaa la arkayaa, iyaga oo maalaya Cagahooda, maadaama aan loo ogoleyn in Gaadiidku isticmaalaan Waddooyinka xiran. The post Qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho Oo saaka xiran appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-171218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa shalay dhageysatay dacwada loo heysto Muqtaar Mahad Daa’uud, wasiir ku-xigeenkii arrimaha dibadda Soomaaliya kaasi oo dhowaan lagu soo eedeeyay inuu ku kacay arrimo la xiriira ku tagrifal Hantida Qaranka. Ugu horeyn, Maxkamadda ayaa dhageysatay eedda ay soo diyaariyaan xafiiska xeer ilaalinta, waxaana eedda uga wakiil ahaa jeedinteeda ku-xigeenka koowaad ee xeer ilaaliya Guud ee Qaranka Dr. Jamaal Maxamed Axmed. Wuxuuna weydiistay Maxkamadda in laga guddoomo cadeymaha decument, sawirro laga soo qaaday qasnad lacageed oo ay amreen Xafiiska Hanti dhowrka inaan la taaban karin ilaa amar dambe, balse uu jeexay warqadahaasi wasiir ku-xigeenka, waxa ayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga markhaatiyaasha. Waxayna sidoo kale Maxkamadd guddoontay warqadaha lagu saaray lacago laga isticmaalay dakhliga wasaaradda, waxayna ugu dambeyn codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Quud ee Qaranka in la waafajiyo qodobada ay ku soo eedeeyeen. Dhanka kale, qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa iyagana ku dooday in aysan jirin hanti si gaar ah uu u isticmaalay wasiir ku-xigeenka, balse uu ku bixiyay baahiyo Wasaaraddu qabtay, sidaas darteed uu jiray sharci u diidayo ka hor inta aysan golaha wasiirada diidin. Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir garyaqaan Muuse Macallim Maxamed oo ugu danbeyn ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamada ay ku weysay Muqtaar Mahad Daa’uud qodobada kala ah 241, 255 oo Ku saabsanaa Ku tagrifal hantida umadda,Waxaana maxkamaddu u cadaaday in ficilka uu Ku dhaqaaqay Muqtaar Mahad Daa’Jud uu yahay fujinta warqadii uu Ku dhajiyay qasnadda Dowladda, waxa ayna dul saartay ganaax gaarayo 7kun oo dollarka mareykanka ah, rafcaan ayaana ka furan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jabuuti (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka qeyb galayay kulan ka dhacay dalka Jabuuti ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha shakiga dhaliyay ee ka dambeeyay mooshinka madaxweynaha. Kulanka looga hadlayay isbadalka gobolka oo ka dhacay magaalada Jabuuti ayaa wuxuu ka sheegay in markii hore dowladaha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ay iska kaashanayeen Ammaanka, ganacsiga iyo Siyaasadda oo Soomaaliya ay dan ugu jirto. Wuxuu sheegay in xubnaha baarlamaanka iyo shaqsiyaadka kalaba inay fasiraad qaldan ka bixiyeen kulamadii ay lahaayeen madaxda ugu sareyso seddexda dal, balse aysan jirin heshiis rasmi ah oo ay gaareen madaxweynayaasha. Mahdi Guueed, ayaa u sheegay dadka fasiraadda qaldan ka bixiyay kulamada madaxweynaha inay ogaadaan in dalka uu leeyahay labo gole iyo dowlad goboleedyo islamarkaana madaxweynaha kaligii inuusan ogolaan karin in hal madaxweyne ay yeeshaan dalalka Ethiopia, Somalia iyo Eritrea. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in hadii heshiis uu yahay is afgaradka Madaxda Dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretareeya ay soo bandhigi lahaayeen Madaxda Labada dal waa Ethiopia iyo Eritrea. Shaki badan ayaa ka dhashay is afgaradka madaxda Geeska Africa waa tan keentay in xildhibaanada mooshinka ay ka gudbiyeen madaxweynaha ku cadeeyaan in heshiisyo halis gelin kara dalka uu galay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com