Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,106
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Isbaarooyin hor leh ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay la soo dhigay qeybo ka mid ah gobolka Mudug. Jidgooyooyinkan oo ah kuwa tiro badan ayaa la soo dhigay inta u dhexeysa magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Galinsoor ee gobolka Galgaduud. Darawallada Gadiidka ee isticmaala Waddaasi ayaa ka cabanaya Lacago fara badan oo looga qaaday halkaasi. Qaar ka mid ah Darawalladan oo la hadlay Shabelle ayaa baaq u diray madaxda Galmudug, kana dalbaday in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Ciidamada Galmudug ayaa horay u qaaday Isbaarooyin badan oo ay Maleeshiyaad hubeysan soo dhigteen gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. The post Isbaarooyin hor leh Oo la soo dhigay gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Mandera ( Sh. M. Network )-Dowladda Kenya ayaa Dhalinyarada ka soo jeeda magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari uga digtay in ay qaataan barnaamijyada la xiriira xagjireynta da’yarta ku nool gobolka. Xarunta ka hortagista Argagixisada ee dalka Kenya ayaa Dhalinyarada ugu baaqday in ay dowladda kala shaqeeyaan soo afjarista dadka ku lugta leh Argagixisinamada Komen cheboi oo ah sarkaal ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegan in Dhalinyarada magaalada Mandera ay yihiin kuwa ugu badan ee ku biira Al Shabaab . Waxaana uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo Dhalinyaradaasi looga baraarujinayo in aysan ku biirin Al Shabaab. Warbixin ay soo saartay dowladda Kenya ayey ku sheegtay in boqolaal ruux oo badan kood shacab ah in ay ku dhinteen weerarada Al Shabaab ay ku qaadaan gobolka waqooyi oo xad la leh Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa wada qorshe ay ku xoojineyso amniga xadka ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo illaa iyo 1000 Askari oo Boolis ah loo diyaariyay in la geeyo deegaanada ku yaala xadka Soomaaliya. The post Kenya Oo Dhalinyarada uga digtay in ay ku biiraan Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Shir deg deg ah oo xildhibaanada Digil-Mirifle ay ka yeesheen xaalada Cirka isku sii shareeraysa ee ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayey kasoo saareen war-saxaafadeed ka kooban sagaal qodob. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka. War saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee Digil-Mirifle: Shir deg deg ah oo xildhibaanada Digil-Mirifle ay ka yeesheen Xaalada Cirka isku sii shareeraysa ee ka taagan Koofurgalbeed Soomaaliya taas oo ka dhalatey Faragelinta qaawan ay Dowladda Federaalka ku heyso Doorashada Madaxweynaha KGS iyo sidoo kale xadgudbyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, Dastuurka Dalka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Sidaas darteed Xildhibaanada waxay soo saareen War saxaafadeedkaan: Ugu horeyn Waxaan Tacsi tiraanyo leh u direynaa shacabka Koofurgalbeed geeridii ku timid Xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Ibraahim, Alla ha u naxariistee oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Dowlad-goboleedka KGS iyo sidoo kale shacabkii sida aan kala sooca lahayn loogu xasuuqey magaala Baydhabo iyagoo dhigayaa banaanbaxyo nabadeed oo ay ku muujinayaan Shucuurtooda iyo Xaqa ay u leeyihiin in ay cabiraan Ra’yiga iyo afkaarta si ay usoo bandhigaan afkaartooda ku saabsan cida ay ku aamini karaan Masiirkooda Siyaasadeed taas oo ah xuquuq Dastuuri ah oo Dastuurka federaalka soomaaliya siinayo Muwaadininiinta Soomaaliyeed. Waxaan si adag u cambaareyneynaa afduubkii loo geystey Musharax Madaxweyne Mukhtaar Roobow Cali oo ah Muwaadin Soomaaliyeed taasi oo 13/12/2018 ay ciidamada AMISOM- Sector 3 gaar ahaan Ciidamada Ethiopia ka soo afduubeen xarunta Madaxtooyada Koofurgalbeed ee Magaalada Baydhabo iyagoo ku soo wareejiyey Gacanta Hey’adda NISA. Sidaas awgeed Waxaanu shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan Shacabka KGS ee xad gudubka loogeystayba u cadeyneynaa in afduubkaasi uu yahay sharci daro iyo xadgudub loo geystey dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaanna shacabka koofurgalbeed Waxaan sidoo kale ku boorineynaa cidkasta oo ku lug lahayd falkaasi in ay ka waan toobaan in ay kula kacaan falal sharci daro ah muwaadiniinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba. Waxaan sidoo kale cambaareyneynaa Ciidamada AMISOM- Sector3 gaar ahaan Ethiopia falka ay ku kaceen ee ah ku milmidda iyo Faragelinta siyaasadda gudaha Soomaaliya gaar ahaan Koofurgalbeed, iyo sidoo kale xadgudubka iyo falalka hubeysan ee ay kula kaceen Muwaadiinta reer Koofurgalbeed taas oo isagu jirta afduubka iyo rasaas nool oo lagu furey shacabka mudaaharaadayey si ay u caburiyaan. BAAQA XILDHIBAANADA: Xildhibaanada ka soo jeeda Qowmiyadda Digil iyo Mirifle ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliyeed waxay soo jeedinayaan qodobadan soo socda: In la ilaaliyo Sareynta sharciga iyo ku dhaqankiisa isla markaana loo hoggaansamo lana aqbalo Dalabkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Golaha Odayaasha Dhaqanka KGS, Xubnaha Aqalka Sare ee ka soo jeeda Koofurgalbeed Dalabaadkaasi oo ahaa in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed si loo ilaaliyo Maslaxada caamka ah, Danaha qaranka , midnimada iyo isu uurfayoobaanta shacabka soomaaliyeed islamarkaana loo helo jawi deggan oo saamixi kara doorasho xor iyo xalaal ah. In laga wada shaqeeyo sidii lagu suurtagelin lahaa heshiis siyaasadeed oo dhameystiran oo keeni karta xal ka gaaridda doorasho ay ka wada qaybgalaan dhamaan musharaxiintii shahaadooyinka qaatey. In la soo daayo dadka sida sharci darada ah lagu xirey iyagoo gudanaya xuquuqooda Dastuuriga ee uu u fasaxayo Dastuurka JFS. Waxaan ugu baaqeynaa Shacabka Koofurgalbeed in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida iyaga oo ku dhaqmaaya Qod. 20aad ee Dastuurka JFS oo u fasaxaya in ay ka qaybqaadan karaan, abaabulan karaan banaanbaxyo nabadeed oo ay ku cabirayaan dareenkooda iyagoo aan cidna uga baahneyn in ay ogolaasho ka helaan. Shacabka waxa aanu Xasuusinaynaa Xigmada “tiraahda libaax ninganey iyo nin galaday labadaba og” Maalinbaa soosocota Insha Allah aad qalinkiina ku codeysaan oo aad si cad codkiina ugu garab istaagtaan cidii idinka mutaysata. Waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqeynaa in ay joojiyaan cadaadiska iyo caga-jugleynta ay ku hayaan Guddiga Doorashada, Madaxda kumeel-gaarka ah ee maamulka iyo Xildhibaanada Baarlamanka Koofurgalbeed taas oo xadgudub ku ah xoriyaddooda Dastuuriga ah. Ugu danbeyn Xildhibaanadu waxa ay si mug iyo miisaanleh ugu mahad celinayaan qofkasta oo soomaaliyeed oo damiirkiisu ka xumaaday, kana damqaday tacadiga lagula kacay bulshada reer KG. Shacabka reer koonfur galbeed, waa ay idiin ogyihiin abaalkiina. Waxaanu sidoo kale u mahadcelinaynaa hay’adaha Xuquuqul iinsaanka, iyo guud ahaanba xubnaha beesha caalamku jawaabihii ay ka bixiyeen dhacdooyinkii foosha xumaa ee lagula kacay bulshada KG. Wabilahi tawfiiq
  4. Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in 62 ka mid ah Al-shabaab ku dileen weeraro ay ka gobolka Shabellaha Hoose. Qoraal kasoo baxay taliska Maraykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in Sabtidii iyo Axaddii Lasoo dhaafay ay weeraren xerooyin Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Gandarshe ee gobolkaasi. Wadarta guud ee xubanaha looga diley Al-shabaab ayeey ku sheegeen 62, waxaana weerarkii ugu dambeeyey uu dhacay Sabtidii Shalay. AFRICOM ayaa sheegtay sidoo kale iney xoojin doonaan weerarada ay la eeganayaan xubanaha Al-shabaab ee ku sugan Soomaaliya. Dhanka Al-shabaab kama aanay hadal waxa ka jira in tiro intaa la eg looga diley weerarada ay diyaaradaha Maraykanka ka fuliyeen gobolka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulankan oo ahaa mid ballaaran, laguna taageerayay madaxda ugu sarreysa dalka, sidoo kalena lagu diidanaa siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka soo horjeeda dowladda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Kulanka oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay waxgarad, aqoonyahanno, siyaasiyiin, dhalinyaro, haween abwaano iyo marti sharaf kale. Dhamaan dadkii iskugu yimid kulankan ayaa si wadajir ah sharci darro ugu tilmaamay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, kaas oo ay dhawaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Ugu horreyn siyaasiga Eng Axmed Salaad Aw Aadan oo soo qaban qaabiyay kulankan ayaa sharaxay u jeedada loo qabtay. Eng Axmed Salaad ayaa xusay in ay muhiim tahay in la garab istaago dowladda federaalka Soomaaliya, laguna taageero wax qabadkeeda. Dhanka kale siyaasiga Salaad Cali Jeelle ahna guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo dimuqraadiyadda oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay qalad tahay Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha, islamarkaana ay wax u dhimeyso tallaabooyinka loo qaadi lahaa dhinaca horumarka. Ugu dambeyn Maamo Farxiyo oo ka mid ah haweenkii ka soo qeyb galay kulankan ayaa qaar ka mid ah Xildhibanada wada Mooshinka ku eedeysay in ay yihiin kuwo horay uga soo qeyb qaatay duminta dowladnimadii Soomaaliya. The post Kulan lagu taageerayay Madaxda dowladda Oo lagu qabtay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Members of the Kenya Defence Forces (KDF) were engaged in a shootout with Al Shabaab militants who they caught trying to plant explosives at Bodhei, Lamu County. According to The Standard, the soldiers were conducting a patrol and upon reaching Bodhei, a notorious place where Al Shabaab has attacked officers before, they decided to proceed on foot and started shooting indiscriminately. The action started when the militants planting improvised explosive devices, detonated them in panic, thereby giving away their position. The two terrorists retaliated and a shootout ensued after which they were overpowered and captured, but not before hurting a few soldiers. This comes only a day after a lorry hired by KDF to carry construction materials, was badly damaged by an IED on the same road. In November, Al Shabaab militants ambushed a police camp in Ijara, Garissa County but their efforts were thwarted, leaving multiple casualties. On October, 24 Al Shabaab fighters were killed by a squad from KDF at Bilis Qooqani, in the southern part of Somalia. The attack happened at around midnight when a group of militants ambushed a soldier’s camp near the town. The close quarter battle that lasted for more than 30 minutes, ended with 24 fatalities while many others escaped with wounds. Unfortunately, three soldiers drawn from the Special Operations Regiment (SOR) sustained injuries. The post KDF Arrests Al Shabaab members Planting Explosives in Lamu County appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Somali Prime minister Hassan Ali Kheire has appointed Abdi Adan Hosow as the new minister for Public Works barely a day after Abdifitah Ibrahim Geeseey resigned from the post. Adan Issack, Somali deputy minister of Information told the reporters in Mogadishu that Prime minister nominated Mr. Hosow, a former Bay governor to replace Mr. Gesey. The move comes a day after Gesey resigned over the arrest and exclusion of a former al-Shabab leader Robow from presidential election slated for this week. Abdifatah Gesey said he would continue as a member of the house of the people in federal parliament as a representative from Southwest state and serve the interest of his people diligently. The post Somali Prime Minister names new Minister for Public Works appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Garowe (Puntlandi) Musharax Eng. Maxamuud Khaliif Jabiye, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin, arrimaha [...] Source
  9. Ka hor 1980s, xiriirka dalalka geeska Afrika wuxuu ahaa mid ku dhisan caqliyad cadowtooyo (siege mentality), laakiin qorshaha isdhexgalka dhaqaale oo ah mid soo bilowday 1986, markii la aasaasay ururka IGAD, wuxuu abuuray yididdiilo ku aaddan wadashaqayn. Markiisii hore, wuxuu ahaa qorshe ku kooban ilaalinta deegaanka iyo amniga laakiin hadda dalalka geeska Afrika waxay mashquul ku yihiin kobac dhaqaale, isdhexgal siyaasad, bulsho iyo dhaqan. ITOOBIYA: Waxaa ku dhacay isbeddel xoog leh. Waxaa ka dhacay wax Miriam Abraham ugu yeertay furfurnaansho siyaasi (Glasnost) iyo dibuhabayn dhaqaale (perestroika), laakiin aan u arko in ay tahay mid dhalanteed ah. Isbeddelkaas waxaa socodsiiyay RW Abiy Ahmed, oo ah nin dhallinyar oo ka soojeeda qowmiyadda Oromo. Waa nin u oomman in uu taariikh sameeyo. Si kale u dhig, in uu wax ka beddelo taariikhda siyaasiga Itoobiya oo markii hore ku socotay waddo Tigreeygu jeexay. Sidaa waxaa ku dooday Mohamed Girma, oo wax ka qora arrimaha Itoobiya. Isbeddelada la yaabka leh ee uu sameeyay waxaa ka mida dibusoocelinta xiriirka diblomaasi ee Eritrea iyo Ethiopia. Hadda wuxuu ka shaqaynayaa suurtaggalnimada in dalalka geeska Afrika yeeshaan hal suuq si loo helo isdhexgal dhaqaale. Itoobiya, shacab ahaan dalalka gobolka waxay ka tahay boqolkiiba afartan (40%). Saddex meelood meel ka mida dhulka gobolka waa dhulkeeda. Waxay xudduud la leedahay dhammaan dalalka gobolka marka laga reebo Ugaandha. Dhaqaalaheeda sanadkiiba wuxuu kordhaa boqolkiiba saddeed, waa dalka ugu kobac dhaqaale badan ee Afrika. Waxay u baahi qabtaa suuqyada iyo dekedaha dalalka deriska si ay uga faa’iideysato shidaalkeeda cusub. ERITREA: Waxay ka mid tahay dalalka farakutiriska ah ee la haysta isbeddelada ka socda geeska Afrika. Waa dal inta laga qayliyay siyaasaddiisa gudaha lagu metelay in uu la mid yahay waqooyi kuuriya. Laakiin sanadyadii dambe, wuxuu ka faa’ideystay fursado diblomaasi ah oo uu ka helay Sucuudiga, Imaaraadka iyo Maraykanka. Wuxuu kaga baxay go’doonkii saarnaa ee hubka iyo dhaqaalaha. Hadda wuxuu qayb ka yahay qorshaha isdhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika. Wuxuu rabaa in uu uga faa’ideysto dekedahiisa oo ah kuwa u dhow marinka baabul mandal iyo kursi badbaadin (regime survival). SOOMAALIYA: Waxay muhiim u tahay qorshe walba oo ku aaddan geeska Afrika. Iyada oo sidaas ah, haddana waa dalka keli ee aan u diyaarsanayn ciyaarta gobolka, wuxuu madaxa kula jiraa kadeed siyaasi gudaha ah. Waa dal gudahiisa maaro u waayey maxaa ka galay dibadda? Maqaal hore ee aan qoray waxaan ku sheegay in uu dhex maquurtay fashil laba dhinac ah marka ay timaaddo ka faa’ideysiga isbeddelka ka socda gobolka. Isdhexgal dhaqaale ka hor, Soomaaliya waa in ay isweyddiisaa maxay tahay maslaxadda qaran ee iigu jirta? Ma u diyaarsannahay? Isdhexgalkan dhaqaale ee geeska Afrika wuxuu soosaari doonaa guulaystayaal iyo guuldarroolayaal. Waxaan ku doodayaa in Soomaaliya ay ku fashilmi doonto ka dheefsiga isdhexgalka dhaqaale maadaama uu jiro ifafaale siyaasadeed bulsho oo muujinaya habacsanaan dhan walba ah: Dhaqaale, siyaasad amni iwm. ISDHEXGALKA DHAQAALE: Muxuu keeni karaa? Geeska Afrika, sanado badan wuxuu caan ku ahaa sheeko hal dhinac ah: faqri, abaar, colaad sokeeye, burcadbadayd, argagaxiso iwm laakiin qorshaha isdhexgalka dhaqaale ee dalalka geeska Afrika wuxuu dhalin karaa sheeko cusub: nabad, baraare dhaqaale, maalgalin iwm. Isdhexgal dhaqaale wuxuu keeni karaa horusocod dhaqaale oo xoog badan sida maalgalin dibadda ah, shaqo abuur, socodsiinta waxsoosaarka warshadaha iwm. Wuxuu ku habboon yahay abuur ganacsi (trade creation). Helidda rabitaan siyaasi dhab ah waxay suurtaggalinaysaa in dalalka geeska Afrika ay ka faa’ideystaan fursadahaas kor ku xusan iyaga oo isku tixgelinaya maslaxadda guud. Ugu dambayn, isdhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika wuxuu macaash dhaqaale u noqon doonaa boqolka milyan ee Itoobiya. WQ: Hassan Mudane Lafogure Arrimaha Afrika Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay duqeymo xariir ah oo labadii maalin ee la soo dhaafay diyaaradahoodu ay ka fuliyeen Soomaaliya. War ka soo baxay Taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeymahani oo garaayay illaa iyo lix ay ka fuliyeen deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuna dileen 62 xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab. AFRICOM ayaa sheegtay in 4 ka mid ah duqeymahaasi ay ku garaaceen xarun Al Shabaab ay ku lahaayeen deegaankaasi maalinimadii Sabtida aheyd, taas oo ay sheegeen in ay ku dileen 34 ka mid ahaa Dagaalyahannada Al Shabaab. Sidoo kale shalay ayey xuseen in ay labo duqeymood oo kale isla deegaankaasi ay ku dileen 28 kale oo ka tirsanaa Al Shabaab, sida ay hadlka u dhigeen. Warkani ayaa sidoo kale lagu sheegay in taliska AFRICOM oo gacansiinaya DFS ay duqeymahani fuliyeen, si ay u wiiqaan awood Al Shabaab. Ma jirto wax hadal oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan xubnaha Mareykanka uu sheegay in uu ka dilay. Muddooyinkii dambe Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 62 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-17122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Inkasta oo dad badan oo Soomaaliyeed marka ay khilaaf maqlaan dhaga barjoobaan, haddana khilaafka aragtida iyo aaraada ku saabsani marna shar maahan, haddaan laga dhigin. Haddii aynu nahay Soomaali, waxa aynu nahay dad iyo dal burburay. Dalalka nooceena oo kalaana waxay ay maraan heerar iyo maraaxil kala duwan illaa ay cagahooda isaga taagaan. Marxaladaha ay maraan waxaa ka mida: qaran-jab, kala irdhow, isu hilow, colaad ka soo daah, nugeyl iyo qaangaar. Mid walba oo marxaladahaan ka midihi waxa ay u baahantahay sabir iyo siyaasad gooniya. Iminka waxa aynu ku jirnaa dabayaaqadii isu hilowga iyo bilowgii colaad ka soo daaha, oo ah marxaladda ugu dhibka iyo khatarta badan. Maxaa yeelay dadkii isa soo diley ayaa inta la tolo la isku sidkaa. Si ay isu ogolaadaan na waxaa loo sameeyaa shuruuc iyo qawaaniin kala hagta. Waxaa lagu carbiyaa is dilka inay is naqdin ku badalaan, kabacdina farqigooda xal u helaan. Si himiladaas looga gun-gaaro waxaa la kala dhex dhigaa nabad ilaaliyayaal kala ilaaliya iskuna ilaaliya. Nabad ilaaliya yaashu waligood lama joogaan, ee xilli go’an ayay leeyihiin. Danleydii dantu ka dhaxaysey ayaa laysaga tagaa kolka la dareemo inay ka gudbeen marxaladdii khatarta, oo ah tobanka sano oo ugu horaysa colaad ka soo daaha (post-conflict). Sidaas oo ay tahay, khatartu halkaa kuma dhamaato. Daraasad ay dhawaan jaamacadda Oxford samaysay ayaa lagu ogaaday in dawladaha colaad ka soo daahaayi 40% ay calaaddii dib ugu noqdaan. Gaar ahaan tobanka sano ee u horaysa. Inta badan madaxda colaad ka soo daaha oo wax is bidda iyo mucaarad kooda oo aan aqoon xal aan xabbad ahayn, ayaa eedda xasilooni darada dusha laga looga tuuraa. Bal qiyaas inaga oo aan cidi inagu dhex jirin isna khilaafnay. Maxaynu wax ku xalin lahayn? Kolba mooshin ma noqdeen. Waan hubaa in xabbadi wiifi lahayd. Waxaa quman inta laynagu dhex jiro in aynu barano khilaafka iyo sida loo maareeyo. Haddaba mooshinnadu shar maahan ee waa qayb xalka ka mida. Maxaa yeelay mooshinku waa khilaaf xalkiisuna waa cod ee xabbad maahan. khilaafka oo lagu xalliyo tab khaldan Khilaafyadii hore (mooshimo) badanaaba waxaa laga soo abaabuli jirey madaxtooyada. Maadaama ay iyagu hantidii qaranka haystaan waa u fududaan jirtey fulin toodu, xasilooni darona ma keeni jirin. Kan imnka taagan waxaa abaabulay xildhibaano mucaarad ubadan xaqna u leh inay sidaas yeelaan. Qaab dhismeedka dawladdeena looguma tala gelin in madaxwaynaha fudayd lagu rido. Saddex meelood oo labo ayaa laga rabaa cidda wax ridaysa. Way adagtahay xildhibaano mucaaradi inay codkaas helaan. Hadday saas tahay maxay xukuumaddu isu shidaynaysaa may cod mooshinka u qaado? Sidaas ma yeeli karto, maxaa yeelay waxaa aad ula wayn sumacaddooda oo ay muddaba dhisayeen. Maadaama ay iyagu isu arkaan u doodaha iyo wakiilka shacabka, mooshinka iyo dadkiisuba waa cadowga shacabka. Sisaas daraadeed waa in cadowga iyo mooshinkaba lala diriraa. Waa qaab dhaqanka dawladaha xamaas ku dhaladkaa (populist) ee caadifadda caqliga ka hormarsha. Hadddii miyir jiro xalna waa jiraa Dawladda iminka jirtaayi waxa ay uga duwan tahay kuwii hore xasaasiyadda ay ka qabto naqdinta. Si aan cidiba u naqdin waxaa loo baxahey dawladdii shacabka. Waxaa dadka la tusay inay tahay tii ugu fiicnayd. Wixii iyada ka horeeyayna waxay ahaayeen danley dalka dhacaysey. Waxaa siyaabo kala gadisan loo hawl galiyey dadyow kala gadisan sida culimo, siyaasiyiin hore, suxufiyiin, abwaano iyo madax- dhaqameed. Dadkaani dhamaantood waxa ay af-hayeen u yihiin xukuumadda. kolka khilaaf ama naqdini ay timaadana waa cidda ugu horaysa ee afka dawladda ku hadasha. Taasi koox way ka farxin kartaa laakiin xal inooma noqon karto. Haddii aynu rabno inaynu khliifyada xal ka gaarno inta aynu marxaladda kala guurkaa ku jirno, waa in aynu wax ka badalnaa qaabka aynu ula dhaqanno khilaafka. Kow, waa in shacab iyo xukuumadba aynu khilaafka aqbalnaa, ogolaanaa, lana noolaanaa. haddii kale waxa aynu noqonaynaa qof buka oo aan ogolayn xanuunkiisa. Labo, waa in xukuumaddu iska daysaa ladagaalanka ay khilaafka la dagaalamayso. Sida kala jabinta dadka wada jira, kala gadaahada xildhibaanada, u caga juglayntooda iyo ceebaynta khilaafka iyo dadkiisa. Saddex, dadka fikirka ku khilaafsan waa in aysan xukuumaddu u arag kuna tilmaamin inay yihiin cadow, ee u aragtaa dad qaba aragti tooda ka gadisan. Afar, waa in aynu fahannaa in magac-xumaynta, bahdilidda iyo u hanjabidda mucaaradku ay tahay halka ay ka bilaabato wax is bididdu, oo ah kobta laga galo dib ugu noqoshada dagaalka sokeeye. Sidaan horayba usoo sheegnay waxa aynu ku suganahay marxalad colaad ka soo daaha, oo ah halkii loogu talagalay inaynu khilaafka iyo xalkiisaba ku sii barana. Haddii aynu khilaafka ogolaan wayno, xalkiisana baran wayno ama cidi isu aragto inaan iyaga la khilaafi karin amaba dadka loo kala qaybiyo kooxo iska soo horjeeda oo qaar cadow yahay, waxa aynu u gudbi doonaa marxaladda nugaylka (fragile stage) inaga oo aan aqoon sida khilaafka loo xaliyo. Ogow marxaladdaan nabad ilaaliya yaashii ma joogaane. Kolkaas waxa aynu isticmaali doonaa halkii xal ee aynu naqaanay oo ahaa kii aynu horay u eednay. Qalinkii: Mohamrd Ahmed Elmi The post Khilaafku ceeb maahan ee in aan la xallin karin ayaa ceeba appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta waxa ay diiwaan geliyeen xisbiga Himilo Qaran, oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Xisbigaan ayaa ka mid noqonaya in ka badan 35 xisbi siyaasadeed, oo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ay si KMG ah shahaadooyinka xisbinimo u guddoonsiiyeen. Xisbigaan ayaa waxaa ku jira xildhibaano iyo siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray, waxaana xisbigaan uu ka qeyb qaadan doonaan doorashada 2021 la filayo inay dalka ka dhacdo. Sheekh Shariif ayaa la rumeysan yahay inuu mar kale madaxweyne isu soo sharxi doono kadib markii uu ku guuldarreystay doorashadii 2016, oo uu ku adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
  14. Militariga Maraykanka ayaa Isniinta maanta ah sheegay in ay 62 xubnood oo Al-shabaab ka tirsan ku dileen ilaa lix duqeymood oo ay sabtidii iyo Axaddii shalay ka fuliyeen degaanka Gendarshe ee gobolka Shabeellada hoose. Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee(Africom) ayaa lagu sheegay in afar weerar oo Sabtidii dhacay ay ku dileen 34 xubnood oo Al-shabaab ah,halka laba weerar oo Axaddii dhacay lagu dilay 28 dagaallame oo kale. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu caddeeyay in weerarka oo lala kaashaday ciidamada dowladda Soomaaliya aysan khasaare ka soo gaarin wax rayid ah. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo sheegay in uu Al-shabaab ka dilay 62 xubnood appeared first on Puntland Post.
  15. The U.S. military said Monday it had killed 62 militants in six airstrikes Saturday and Sunday in the vicinity of Gandarshe in Somalia’s south-central Banaadir province. The military’s Africa Command (Africom) said four strikes were carried out Saturday, killing 34 militants, and two more on Sunday, which killed 28. “Africa Command and our Somali partners conducted these airstrikes to prevent terrorists from using remote areas as a safe haven to plot, direct, inspire and recruit for future attacks,” Africom said in a statement. The airstrikes, among the deadliest this year, did not kill any civilians, the statement said. “At this time we assess these air strikes did not injure or kill any civilians.” The United States carries out regular airstrikes in Somalia in support of a U.N.-backed government there, which has been fighting against an Al-Shabab insurgency for years. Last month, the U.S. military said it had killed 37 militants. The post U.S. military says it killed 62 militants in airstrikes appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Boosaaso (Caasimada Online)-Maamulka Gobolka Bari ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab iyo kooxda Daacish oo Puntland ka dagaalanta. Xubnaha gacanta lagu dhigay oo gaaraya ilaa Shan ruux ayaa maamulka gobolka Bari waxay sheegeen in afar kamid ah ay yihiin Daacish halka ruuxa kale uu yahay xubin ka tirsan Al Shabaab. Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys ayaa saxaafadda u sheegay in xubnahaan lagu qabtay howlgal ciidamada amaanka ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Boosaaso. Wuxuu sidoo kale sheegay in dadka la qabtay ay ku eedeysan yihiin inay door ku leeyihiin dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Boosaaso ee dadka rayidka ah loo geystay. Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys ayaa xusay in dadkaan sidda ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad lasoo taagi doono si loo marsiiyo Cadaaladda. Maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland waxaa ka dhacayay dilal joogto ah,kuwaasoo loo geysanayay Ganacsatadda iyo Ciidanka maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  17. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xassan cali Khayre ayaa magacaabay,wasiirka Hawlaha guud iyo Dib u-dhiska xukuumaddiisa, maalin kadib markii uu is’casilay wasiirkii hore,Cabdifitaax Ibraahim geeseey. Dikreeto Isniinta maanta ah ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo lagu daabacay wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA ayaa wasiirka cusub ee Hawlaha guud iyo Dib u-dhiska lagu magacaabay,Cabdi Aadan Hoosow. Wasiirkii hore ee wasaaradda Hawlaha guud iyo Dib u-dhiska,Cabdifitaax Ibraahim Geeseey oo shalay is’casilay ayaa xukuumadda Federaalka ku eedeeyay inay fara-gelin ku hayso arrimaha maamulka koonfur Galbeed oo uu ka soo jeedo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo magacaabay wasiirka Hawlaha guud iyo Dib u-dhiska appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa wareegto xafiiskiisa ka soo baxday u magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska dalka Mudane Cabdi Aadan Hoosow. “ Maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka maalinimo isniin ah,wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha,Ujeedo magacaabis wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ka dib markii uu tixgeliyay laga maarmaanimada inuu buuxiyo xilka Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska oo banaanaaday,ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo xilka Wasiirnimo maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka u magacaabay Mudane Cabdi Aadan Hoosow,wasiirka Cusub waxaa la farayaa in sida ugu dhaqsiyaha ula wareego Xafiiskiisa waana mahadsan tihiin,”. The post R/w Kheyre Oo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii dalka Turkiga uu kaga soo qeyb galay shir loogu magacdaray “Masjidul Qudus”kaasi oo looga hadlayay arrimaha Falastiiin iyo caasimadda Qudus. Wafdiga uu Hoggaaminayay Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Labadiisa ku-xigeen iyo xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo dhoweeyn ka dib wuxuu ka warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirkii uu kaga soo qeyb galay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,wuxuuna sheegay in la isku afgartay in meesha laga sii amba qaado qodobadii muhiimka ahaa ee shirka ka soo baxay mudada uu socday. Wuxuu sheegay in Soomaaliya markasta ay taageersan tahay Shacabka Falastiiniyiinta,islamarkaana ay caasimadda Falastiin u aqoonsan yihiin iney tahay Qudus waligeedna ahaaneyso. Shirkan oo ah kii Labaad oo looga hadlayo arrimaha Falastiin ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Baarlamaanka Turkiga,waxaana ka soo qeyb galay 70-Dowladood,kuwaasi oo dhammaantood aragti ka dhiibtay shirka. The post Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo dib ugu soo laabtay dalka appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay wasiirka wasaaradda howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyenta. Xilka waxaa loo magacaabay Cabdi Aadan Hoosow, sida lagu xusay wareegto uu soo saarey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka. Shalay ayaa xilkan waxaa isaga casilay C/fitaax Geesey, sababo la xiriirta farogelinta ay dowladda federaalka ku hayso maamulka K/galbeed. Warkaan wixii kusoo kordha kala sooc wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdiso (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa durba Buuxiyay booskii shalay uu iska casilay wasiirkii Howlaha Guud iyo dub u dhiska. Guddoomiyihii hore ee gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa loo maacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya, sida ay baahisay wakaalada Wararka qaranka Soomaaliyeed. “Maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka maalinimo isniin ah,wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha,Ujeedo magacaabis wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ka dib markii uu tixgeliyay laga maarmaanimada inuu buuxiyo xilka Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska oo banaanaaday” “Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo xilka Wasiirnimo maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka u magacaabay Mudane Cabdi Aadan Hoosow, wasiirka Cusub waxaa la farayaa in sida ugu dhaqsiyaha ula wareego Xafiiskiisa waana mahadsan tihiin”. Maalintii Shalay C/Fataax Ibraahim Geeseey ayaa iska casilay xilkaan, waxaana u sababeeyay culeesaadka siyaasadeed ee heysta Koofur Galbeed. Waa Xilkii ugu horeeyay oo Saacado gudaheed la buuxiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Qoraal Axaddii shalay ka soo baxay kooxda Daacish oo lagu faafiyay wakaaladda taabacsan ee Amaq News, ayaa lagu sheegay malayshiyaadkoodu weerar ku dileen 14 xubnood oo ka tirsan kooxda kale ee Al-shabaab. Malayshiyaadka Daacish waxay sheegeen, in dagaal-yahannadoodu ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku’ uruursanayey degaanka Miiraale oo koonfur galbeed kaga beegan magaalada Qandala ee gobolka Bari,kuwaasoo diyaarinayay weerar ay ku soo qaadan fariisimaha Daacish,sida qoraalka loo dhigay. Qoraalka lagu daabacay wakaaladda Amaq News Agency,wuxuu intaa raaciyay in Al-shabaab weerarka looga dilay 14 xubnood,qaar kalena looga dhaawacay,islamarkaaana laga furtay hub iyo saanad kala duwan,balse aysan wax khasaare ah soo gaarin dhinaca Daacish. Bishii hore, kooxda Daacish ayaa soo saartay digniin ku socota malayshiyaadka kale ee argagixisada Al-shabaab oo ay ku eedaysay ugaarsi ka dhan ah, xubnaha Daacish ee ku sugan koonfurta Soomaaliya,waxayna ku hanjabtay in ay ka aar’gudanayso. PUNTLAND POST The post Daacish iyo Al-shabaab oo isku’laayay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  23. Jowhar (Caasimada Online)-Koox Hubeysan oo la aamisan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ayaa weerar ku qaadan guri uu degan yahay Wadaad caan ah kuna yaala magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in wadaadka la weeraray lagu magacaabo Sheekh Thaabit oo si weyn looga yaqaan magaalada Jowhar, iyadoo si dhab ah laamaha amniga aysan u sheegin sababta weerarka ka dambeysay. Waxaa wararka soo baxaya ay sheegayaan in Wadaadka horay ay ugu yeereen Al Shabaab balse uu ka dhaga adeegay, iyadoo haddana uu qabtay Siyaaradda Sheekh Ooyaaye oo si weyn looga yaqaan Shabeelaha Dhexe. Wiil uu Dhalay wadaadka oo lagu magacaabo Muxidiin Sheikh Taabid ayaa ku dhintay weerarka Al Shabaab ay ku rasaaseeyeen gurigiisa oo ku yaala magaalada Jowhar, sida wararka ay sheegayaan. Dadka dagan xaafada Buulo Sheekh oo ah halka uu ku yaalay guriga sheikha la weeraray ayaa sheegay in shalay ay dhamaatay siyaaro lagu xusayay Sheekh Ooyaaye oo uu qabtay sheikhan. Laamaha amniga ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, iyagoo halkaas ka sameeyay baaritaano, balse lama sheegin ilaa iyo hada dad ay usoo qabteen weerarka ka dhacay xaafada Buulo Sheekh oo ka mid ah afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay dagmada jowhar. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com