Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,126
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaarisa (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmad Madoobe ayaa magalada Gaarisa oo dhacda gobalka waqooyi bari ee dalka Kenya waxa uu kulan qarsoodi ah kula qaatay siyaasiyiinta iyo odiyasha dhaqanka ee maamulka Gaarisa isagoo kala hadlay doorashooyinka madaxtinimo ee ku soo socda maamulkiisa. Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegaya in Mr Madoobe uu ka dalbanayo taageero dhan walba ah qabiilkiisa oo ku badan dalka Kenya iyo gobalka Waqooyi bari. Doorashada madaxtnimo ee Jubbaland waxaa ka harsan waqti kooban, murashaxiin dhowr ahna wey u tartameysaa, waxaana Axmad Madoobe uu kursigiisa kaga cabsi qabaa musharaxiin gaar ah oo uu wato Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo, sida uu wargeyska qoray. Kulanka qarsoodiga ah ee dhexmaray Axmad Madoobe iyo odiyaasha Kenyan-ka ah waxa uu ku soo dhamaaday isafgarad ku aadan in dib u doorashadiisa lagu taageero. Osman Ibrahim, waa mid kamid ah odiyaasha ugu waa weyn Gaarisa waxa uu xaqiijiyay kulanka uu la qaatay Axmad Madoobe, laakiin wuxuu ka gaabsaday in uu faahfaahiyo arrimaha doorashada ee laga wada hadlay. Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa laga howlgeliyay ciidamada Kenya sanadii 2012-kii si ay ula dagaalamaan Al shabaab, waxaana maamulka ka dhisan hadda uu yahay mid u jilcan dowladda Kenya oo la sheegay in taageero dhaqaale uu ku heysto Axmad Madoobe. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Gmail: Abdiazizh99@gmail.com
  2. (SLT-Abu-Dhabi)Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta gaadhay magaalada magaalada Abu Dhabi ee caasimadda Imaaraadka Carabta, iyadoo uu ku baaqay dhaxalsuge Maxamed Bin Zayed. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga ka dhaxeeya iyo danaha ay wadaagaan. Booqashada Madaxweynaha Eritrea uu ku tagay Abu Dhabi ayaa ku soo aaday, labo maalin kaddib markii uu ka laabtay booqasho uu ku yimid magaalada Muqdisho Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sameystay iskaashi saddex geesood ah, iyadoo la rumeysanahay in Imaaraadka Carabta ay gadaal ka riixeyso isbaheysigaas. Loolanka Juquraafiga siyaasadda ee Gobolka Geeska Afrika ayaa u muuqda mid marxalad cusub galaya, marka loo eego saameynta dalalka Khaliijka ku leeyihiin iyo doorka ay ku lahaayeen Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta is bedelada Gobolka. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Wafti Ka Socda Qawmiyada Oromada Oo Kulan La Yeeshay Golaha Guurtida Somaliland, Maxay Ka Wada-hadleen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Barnaamushka wax qabadka xukuumadda ee sannadlaha ahaa, waxaa loo diyaariyey hab isku dheeli-tiran islamarkaana waxaa diyaariyey rag ruug cadaaya oo magac iyo milgaba ku leh shaqadda warfaafinta ee ay bulshada u hayaan inkastoo hablaha barmaamushkan ka qayb galay yaraayeen, waxay u dhigeen si xirfad heersare ah oo habaysan iyagoo hay’ad wal oo dowladu leedahayba ka soo qaatay waxqabadkii oo si kooban loo diyaariyeye isla markaana sikin walba ku sheegaayey waxqabad hay’yadaas, inkastoo mararka qaar aan arkaayey muuqaalo shisheeye oo ay ku dareen sida markay ka hadlayeen qodaalka beeraha aad arkaysay dad afrikaana oo ay sawiradooda ama muuqaaladooda isticmaalayeen. Guud ahaan barmaamushkan cidii daawatayba wuu raali galiyey waayo wuxuu barbilow fiican u ahaa howl hor leh iyo in lala xisaabtami karo xukuumadda iyaduna ay ogaato in dadwaynihii soo doortay sugaayo oo uu ka rabo in waxqabadkasta oo xukuumaddu qabato ay soo bandhigto taas oo keenaysa in xataa xukuumaddu lafteedu ogaato meelaha ayna wax badan wali ka qaban. Wuxuu soo bandhigay barmaamushku guulo la taaban karo walo ay wasaaraduhu ku kala horeeyaan waxqabadka taas oo muujinaysa waxqabadka wasiir walba, howl karnimadiisa iyo sida uu u fahamsan yahay shaqadiisa. Intii aan daawanaayey barmaamushka waxaa jiray wasaarado aan wax la taaban karo soo bandhigin sida Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-galinta iyo Dhaqanka, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Wasaarada Gaashaan dhiga, iyo kuwo kale. Hadaan ku horayno WASAARADDA WARFAAFINTA WACYI GALINTA IYO DHAQANKA, waxaanka cudur daaranayaa ugu horayn in faaladani ahayn mid aan ula jeedo ama ku weeraraayo madaxda wasaaradda, shaqaalaha wasaaradda, iyo wariyayaasha soo saaray barnaamushka toona, laakiin waa iga TALO, TUSAALAYN iyo TOOSIN uun ee yaan si kale loo qaadan, waxaanan eegi doonaa meelaha gaabku ka jiro. WASAARADA WARFAAFINTU waxay qaranka u haysaa saddex shaqo oo waa wayn sida ka muuqata magaceeda (1.WAR-WAAFINT, 2.WACYI-GALIN, 3. IYO DHAQANKA). Hadaba markay noqoto in la sheego waxqabadkii wasaaradda waxay bulshadu uga fadhidaa in ay soo bandhigo wixii uga qabsoomay horumarinta saddexdaa qaybood. Waxaan ognahay wasaaradda warfaafintu in ay tahay hormoodka wasaaradda marka loo eego waxaa looga baahan yahay oo ah in ay ku hadasho afka dowlada iyo in ay bulshada ku wacyigaliso wadaniyada, dal-jacaylka, isku xidhka bulshadda, baridda muwaadinta xaqa iyo xuquuqda dastuurku siiyey, u sheegida waajibaadka laga rabo muwaadinku in uu fuliyo, la dagaalanka qabyaalada, soo bandhigida horumarka xukuumada iyo waxqabadkeeduba waa howl u taala wasaaradda warfaafintu in ay qabato oo ay bulshada ka haqabtiro hadh iyo habeenba. Hadaba barmaamushkii ay soo bandhigtay wasaaradani kumaan arag waxqabad wayn oo kujira marka laga tago sawiro laga soo qaaday dhismaha wasaaradda iyo waxqabad yar oo kooban oo la xidhiidha wixi ay qabatay 12kii bilood ee tagay, taasina waxay ku tusayaa in wasaaraddu guud ahaan aanay lahaynba wax (COMMUNICATION STRATEGY ama COMMUNICATION POLICY) taas oo tilmaami lahayd u jeedada dhab ah ee xukuumadu ka leedahay wasaarada warfaafinta wacyi galinta iyo dhaqanka. Siyaasadaasi waxay ka caawin lahayd wasaaradu sidii ay u tayeyn lahayd guud ahaanba barmaamushyada ay baahiso, in laga fikiro tayeynta barmaamushyada waxay keenaysaa in la helo wacyi galin dhaba oo ku wajahan muwaadiniinta si ay u helaan fariinta sax da ah iyo warar hufan oo hubaal ah. Waxaa loo baahan yahay in wasaaraddu ay isticmaasho teknoolajiyada casriga ah ee maanta la isticmaalo, sida adeegsiga Social Media sida face book, Twitterka, Youtubka, iyo website ay yeelato wasaaraddu taas oo si joogta ah loogu xidho wararka iyo barmaamushyada ka baxa wasaaradda taas oo sahli lahayd in muwaadiniitu ay ka haqab beelaan wararka dowladda ee saxda ah. Bulshaddu waxay maanta warka ku kala qaadataa waa Tiknoolajiyada casriga ah, sida kuwan aan kor ku soo sheegnay, waxaa muhiima iyaduna in la sameeyo DATA CENTRE lagu kaydiyo dhamaanba dhaatada iyo macluumaadka wasaarada sida (Videoyada, Sawirada, Codadka) si markii loo baahdo la isticmaalo. Horumarinta xirfadda wariyayaasha iyo howl wadeenadda waa arrin kale oo loo baahan yahay in la qabto. Helitaanka qalab hufan oo casriga oo howl wadeenadu ku shaqeeyaan waxay horumarin karta shaqada ay wasaaraddu qaranka u hayso. Waxaa kale oo muhiima in la helo (COMMUNICATION CHANNELS) sida Radio, iyo TV dalka dibadiisa iyo gudihiisaba wada gaadha si ay bulshadu uga haqab beesho wararka dowladda meelkastooy joogaanba dibad iyo gudaba, ma hubo tayadda radioga iyo TVga hada inoo shaqeeya laakiin waxaan ogahay in ay yar yihiin dadka hada dhagaystaa ama daawadda iyadoo ay jiraan meelaha qaar ayna gaadhin TVga iyo Radioguba iyadoo bulshadda ku dhaqan goobahaasi ay xaq u leeyihiin helidaanka warar sugan oo la xidhiidha waxqabadka dowladooda. HORUMARINTA IYO CASRIYEYNTA WAKAALADA WARARKA EE SOLNA Si loo helo warar sugan oo ku salaysan xaqiiqada waxaa wasaaraddu u baahan tahay in ay horumariso, oo ay casriyeyso wakaalada wararka qaranka (SOLNA) taas oo shaqadeedu tahay isha-qaybisa wararka dowladda oo tafatiran una qaybisa Wargaysyadda, Majaladaha, Idaacadaha iyo Telefiishinada iyo dhamaanba ilo wareedyada jira dibad iyo gudaba ee doonaaya in ay helana warar xaqiiqo ah oo runta ku salaysan oo faaf reeb iyo hufnaana lagu sameeyey. Horumarinta, casriyeynta iyo caalamiyeynta wakaaladani waa u muhiim qaranka waxayna qayb ka qaadan kartaa in la helo warar hufan oo xataa ay qaadan karaan wakaaladaha kale ee caalamku, kuwaas oo u baahan in ay warka helaan il sugan. Waxay kor u qaadi kartaa karaamada qaranka Somaliland. Inkasta oo ay wakaaladaasi jirto hadda waxaan u baahan nahay in la tayeeyo oo laga dhigo mid heer caalami ah, oo wararkeeda iyo ilwareedyada ay warka ka helaysaaba ay noqdaan kuwo lagu kalsoonaankaro tayo ahaan iyo tiro ahaanba. WACYI-GALINTA: Sidaan hore u soo sheegnay wacyi-galintu waa tiir kale oo ka mida tiirarka ay ka koooban tahay Wasaarada Warfaafinta Wacyi-galinta iyo Dhaqanku, wacyi-galinta oo macnaheedu yahay waano iyo wax u sheega muwaadiniinta waxay u baahan tahay in iyana loo sameeyo siyaasad cad oo wacyi-galineed oo la xidhiidha horumarinta dhinacyadda WAXBARASHADA, CAAFIMAADKA, FAYO-DHOWRKA BIYAHA IYO DEEGAANKA, ILAALINTA HORUMARINTA DEEGAANKA, DHOWRISTA XAQA IYO XUQUUQDA MUWAADINTA, UGA DIGISTA BULSHADDA CUDURADDA FAAFA, ADKAYNTA NABAD-GELYADA, KA DIGISTA QABYAALADDA IYO KALA QOQOBKA BULSHADDA, WACYI-GALINTA DHAQANKA, ILAALINTA AFKA IYO SUUGAANTA, iyo wax yaabo kale oo ay tahay in bulshadda laga wacyi galiyo sida Aafooyinka balwadaha ay ka midka yihiin mukhaadaraadka iyo wixii la mida ee bulshada dhib ku haya. Faafinta wacyigalinta bulshadda ee heer wasaaradeed ama heer xukuumadeed waxay u baahan tahay in loo maro si heer sare ah oo cilmiyeysan iyadoo la adeegsanaayo habka technolijiyada casriga ah ee maanta jirta si si dhibyar bulshada loo gaadhsiiyo, waxay u baahan tahay in la sameeyo siyaasada wacyigalinta qaranka si loo helo fariimo cad cad oo bulshada lagu wacyigalinaayo kuwaas oo ka baxa dhammaanba warbaahinta dowlada sida TVga iyo Radiogaba. HORUMARINTA DHAQANKA: horumarinta iyo dhiirigalinta dhaqanku waa mid ka mida shaqada ay wasaarada umadda u hayso taas oo aan uga fadhino in ay waxwayn ka qabato. Waxaan odhan karnaa qaybtani waa qaybta ugu muhiimsan shaqada wasaaradda waayo DHAQANKU wuxuu iskugu jiraa HUGA, HOYGA, CUNTADA, AFKA, iyo SUUGAANTA ay bulshadu soo jireenka u leedahay, tani waa sababta aan u leeyahay qaybtani waa qaybta ugu muhiimsan wasaarada iyadoo intaas oo dhanba laga rabo horumarinteeda, ururinteeda iyo kaydinteedaba, iyadoo aan ognahay in riboodkii la baahiyey ee waxqabadka xukuumada ayna kuba jirin wax ka hadlaaya sida ay wasaaradu u dabakhday wacyigalintii iyo qaybtan dhaqanka, inoomay sheegin wixii ay ka qabatay labadan qaybood mudadaa sannadka ahayd sidaa darteed waxaan odhan karnaa wax wayn kamay qaban. Qaybtan dhaqanku waxay u baahan tahay in laga sameeyo barmaamushyo ku saabsan dhamaanba dhaqankeena sida ciyaaraha kala duduwan kuwaas oo gaadhaaya ilaa 45 ciyaarood oo dhamaanba laga ciyaaro gayigeena Somaliland kuwaas oo u baahan in loo carbiyo dhaliyar ku ciyaarta oo inta laga duubo ka dibna la rikood gareeyo si jiilka dambe ugu aayaan iyadoo kuwa hada joogana lagu baraayo qalabka warbaahinta iyagoo gurheena jooga arrintan oo dar dar hor leh iyo xiisaba galinkarta habsami ula socodka bulshada ee warbaahinta dowlada taas oo sumcad hor leh u soo kordhin karta wasaaradda. Waxay dhalinyaradu u baahan tahay in lagu tartansiiyo suugaanta afkeena ee badda ah, si loogu dhiiri galiyo in ay dhalinyaradu suugaanta iyo afkaba u bartaan kuna soo kordhiyaan waxyaabo cusub oo casrigan la jaanqaada, waxaa loo baahan yahay in la tababaro qorayaal da yar, in la carbiyo abwaano dayar, fanaaniin, iyo dhaqan yaqaan suugaan dhaadhiya oo mustaqbalka badbaadiya afkeenan iyo dhaqankeenaan ay tiknoolajiyadu meesha ka sii saarayso. Wasaarada Warfaafintu waxay u baahan tahay in ay samayso studioyo casriga oo wax lagu duubo kuwaas oo la jaan qaadi kara kuwa caalamka ee wax lagu duubo, waxay u baahan tahay wasaaradu in ay samayso tiyaataro casriga oo bulshada laga wacyi galiyo sida TIYAATARKA WACYI GALINTA ARRIMAHA DIINTA, TIYAATARKA WACYI-GALINTA DHAQANKA IYO SUUGAANTA, IYO TIYAATARKA DOODAHA ONLINEKA AH ee arrimaha horumarka bulshada, siyaasada iyo waxyaabaha kale ee cusub. Waxaa laga yaabaa in aad iswaydiiso waxan oo tiyaatara xagee laga dhisayaa? Xageese lacag looga helayaa? Way fududahay jawaabtaasi, wasaarada warfaafintu waxaan la soconaa in ay leedahay dhulka ugu balaandhan wasaaradaha oo ah dayrkii idaacada ee RADIO HARGAYSA kaas oo qaybtiisa dambe hadii si fiican loo maamulo ay ka dhismi karaan dhammaanba 3 tiyaatar ee casriga ah iyo waliba parking ama halkii baabuurta la dhiganaayey, taas oo ay dhammaanba bulshada cidii caways sax ah u baahataa ay tagi karto habeenkii, iyadoo anshaxeedana ay wasaarada warfaafinta iyo wasaarada diinta iyo awqaaftu iska kaashan karaan hab iyo hanaan u socodka tiyaataradan. Dhaqaalaha ka soo baxa 3dan tiyaatar waxaa lagu maal galin karaa shaqaalaha wasaarada warfaafinta wacyigalinta iyo horumarinta dhaqanka gaar ahaan kuwa maamula tiyaataradan, shaqaalaha wacyigalinta dhaqanka iyo fanaaniintaba si ay niyad fiican ugu helaan shaqadooda una gutaan. Guntii iyo Gabagabadii tibaaxahan aan taabtay waa kuwo aan isleeyahay way u baahan tahay wasaarada warfaafintu in ay qaado hayaan keeda dambe si loo dar dar galiyo shaqo wanaaga wasaarada, iyadoo haday intaa iyo in kale oo fikirkooda ay ka keenaan madaxda wasaaradu ay sannadka dambe soo ban dhigi doonaan wax-qabadwayn oo bulshadu u holato. Maqaalkan Maqaalka Xiga waxaan ku naaqishidoonaa mid ka mida Wasaaradaha kale ee aan waxbadan soo bandhigin Insha Allah. Lasoco.. By @KLO. kaleexo@hotmail.com Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu ka hadlay ujeedada kulan dhex-maray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo arrimaha ay ka wada-hadleen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Waxaa soo dhawaynayaa qudbada uu madaxwayne Muuse Biixi ka jeediyay carwada ganacsiga. Inta ay Somaliland jirtay waa markii ugu horaysa ee uu Madaxwayne si qota dheer uga hadlo horumarka iyo sida kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalka. Waxaan Madaxwaynaha la qabaa in is-kashiga Aqoonyahanada, Bayacmushtariga iyo Dawlada ay dalka u horseedi karaan horumar dhaqaale. Somaliland waxaa leedahay aqoon yahano badan, kuwa dalka gudihiisa jooga iyo qurbo joog badan oo calamka kala jooga oo aqoon iyo wayo aragnimo dalku u bahan yahay leh. Haddii laga faa’iidaystana aqoontooda iyo khibradooda waxaan qabaa in Somaliland ka baxi karto caqbadaha dhaqaalo xumada, iyo shaqo la’aanta ku habsatay. Dalkuna uu horumar dhinac kastaba gadhi karo. Aqoon yahanadu waa dadka aragtida (ama visionka) dal lagu hagayo soo bandhiga. Tusaale ahaan, dalka Marayka, ee calamka ugu dhaqaalaha wayn, aragtiyaha lagu horumariyo dalkiisa kama timado siyaasiyiintooda. Lakiin, waxaa curiya hay’ado aqoon yahano ah (Think Tanks), siyaasiyiintu halkaasi ayay ka qaatan, dalkana ku dhaqaan. Teeda kale, aragti (ama vision) aan dhaqaalo haysani waa riyo (dream). Sida daraadeed, waxaa loo bahan yahay dadka hantida lehi in ay dalka maal gashadan, si aragtiyaha dhaqaale looga midha dhaliyo. Haddaba, haddii aqoonti iyo dhaqaalaha la hayo, oo aanu jirin hogaan aragtida loo soo bandhigay dalka ku haga, markaa waxaba ma hirgalayaan. Dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aantuna waa ina-daanwayne. Marka, Mudane Madaxwayne haddii qudbada horumarka dhaqaalahu ay kaa dhab tahay, ood doonaysid in aan dhaqaalaha dalka kobciso, aqoon yahaynada iyo dadka Somaliland ee hantida lahi waa kuu diyaar haddii aad hogaaminaysid. Haddaba, Mudane Madaxwayne, si dhaqaalaha dalka loo hurumariyo, waxaa loo bahan yahay in aad samayso gudi dhaqaale (economic counsel). Gudidani oo ka gooban laba kooxood oo kala ah; Koox-koowad oo diyaariya sharciyada dhaqalaha iyo koox-labaad oo qorshaya, hirgaliyana mashruucyada dhaqaalaha ee dalku u baahan yahay. Haddaba, si dhaqaalaha dalka loo kobciyo, kooxda-kowaad waxay diyaariyaan xeerarka qabyada ah ee dalku u bahan yahay. Xeerarkani ooy ka mid yihiin: 1) Sharciga Caymiska (Insurance law). 2) Xeerka Maalgashiga (Investment law). 3) Xeerka Bangiyada 4) Xeerka Bitroolka iyo Macdanta (Petroleum & Minerals sharing act). 5) Xeerka dhulka (Land management law). Mudane Madaxwayne haddii aan xeerarkani la hirgalin, Somaliland horumar ka dheer. Marka, shaqada ugu horaysa ee ay gudidani qabanayaan waa in ay diyaariyan sharciyadani, sida ugu dhakhsaha badana ugu gudbiyan Golaha Wakiilada si ay u ansixiyaan. Haddii Golaha Wakiilada ay caqabad ku noqdaan hirgalinta xeerarkani, waa in la kala diro. Doorashada waa in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto, lana doorto gole danaynaya horumarka dalka. Kooxda-labada ee gudida dhaqaalahu waa in ay diyaarinayaa mashruucyada dalka u bahan yahay, ee ay ka midka yihiin, laydh jaban, Warshada Sibidhka, iyo mashruucyo kale. Hawsha ugu horaysa ee kooxdani qabanaysaa waa in ay abuurayaan Bangiga Horumarinta Somaliland (Somaliland development Bank). Bangigani waxuu daraasad ama ‘visibility studies’ ku samaynayaa mashruucyo. Kadibna, waxaa u bandhigan dadka Somaliland (Ee dalka jooga, qurbaha joogta, maal-qabeenada) iyo waliba dadka/sharkadaha kale ee ajaanaba ka ah ee samiyo iibsan kara. Mashruuc kastana waa in dadka Somaliland majority-ga lahaadan. Haddaba, marka uu bangigu isu soo geeyo hantida uu ku hirgalinayo mashruuc, dadka samiyada leh ayaa dhex dooda iska soo xulanaya gudi (ama Board of directors) la shaqaysa bangiga, si ay u hirgaliya mashruuca. LAYDH JABAN (CHEAP ENERGY) Laydhku waa waxyaabaha noloshu u baahan tahay. Waxaanad qudbada ku tidhi; dadka ajaanibka ah ee doonaya in ay dalka maal gashadan waxay raban laydh jaban. Sida daradeed, waxaa loo bahan yahay in bayac mushtarigu ay dalka ka hirgaliyan laydh jaban. Haddaba, waa in la is waydiiyo sidee lagu heli karaa laydhka jaban? Yaase hirgalin kara? Maxaa laga dhalinya laydhka jaban? Sharkada dalka ka jiraa waxay laydhka ka dhaliyan Generators Naafto ku shaqeeya. Laydha Generator Naftaduna laga dhaliyaa waa mid asal ahaan qaaliya. Laydhka cadceeda iyo dabaysha laga dhaliyo ma ah laydh joogto ah, oo la isku halayn karo. Bayteriyo lagu kaydiyo laydhkuna waa qaali. Mashruuca laydhka ah ee dabayl iyo cadceed laga dhaliyo ee batriya lagu xidho waxaa uu ku kacayaa dhaqaalo badan. Sida daraadeedna, laydhkiisu qaali ayuu noqonayaa. Marka, Mudane Madaxwayne, waxaa loo bahan yahay in qorshe loo dajiyo laydhka (ama Energy) dalka u bahan yahay. Laydhka aynu u bahan nahay waxaa laga yaaba inuu noqdo 100 MW – 600 MW. Marka, waa in loo qaybiyo dhawr qaybood (ama waji) oo kolba waji la hirgaliyo. Waxaan anigu qabaa in laydhka aynu u bahan nahay laga dhaliyo dhuxul dhagaxda, oo ah alada ugu jaban ee laydh laga dhalin karo. Haddii aanu dhuxul dhagaxda dalka lagu sheego aynaan isticmaali karin, waxaan ka soo iibsan karnaa dalalka Afrikaanka, iyo calamka kale. Haddaba, laydhka laga dhaliyo cadceeda iyo dabayshuna waxaay noqon karan kuwa lagu badhi taro laydhka laga dhaliyo dhuxul dhagaxa, lakiin ma noqon karaan mida ugu mihiinsan ee laga dhalin karo laydh jaban, ama laydh joogta ah. Maal gashigana mashruucani waxuu ka imanaya dadka Somaliland, iyo cid ala iyo cida kale ee maal gashan karta. Lakiin ganacsato generator-o naafto tunka ku sita, laydh jaban ha ka filan. WARSHADA SIBIDHKA (CEMENT FACTORY) Warshada Sibidhka ee Berberba in aynu dib-u-kicino waxaynu ka door bidnay in aynu sibidh ka soo iibsano dalalka jaarka ah iyo calamka kale, lacag malaayiin dollar inaga bixdo. Lacagtaasi haddii aanu warshada sibidhka galin lahayn, maanta warshada sibidhku way shaqayn lahayd, dadkeenu shaqooyin ayay ka heli lahaayeen. Haddaba, 2010-kii ayaa Warshada Sibidh lagu wareejiayay koox dilaalin ah, oo hanti Warshada Sibidh ku kiciyaan haysan. Labo sano ka horena, mar kale Warshada Sibidhka lagu wareejiyay kooxda iminka gacanta ku haya, oo isku jira dilaaliintii hore iyo dhawr taajir. Haddaba, Mudane Madaxwayen kooxdani ma kicin karaan warshada sibidhka. Mudane Madaxwayne, nimankani warashada gacmahooda kuma samaynayaan, ee waxaa jira sharkado faro ku tirisa oo warshadaha noocani oo kale ah iibiya. Mudo kooban kuugu sheegaya wakhtiga iyo qiimaha ku hirgalin karaan. Sababta warshada sibidhka Berbera ayna kooxdani u kicinayn, waxaan qabaa in ay laba mid tahay; In kooxda-dilaalinta ah, een haysan hanti ay galiyaan iyo kooxda-tijaarta ah, ee hantidoodu galaya ayna heshiis ku ahayn dhaqaalaha warshada la galinayo. Sidaa daraadeed, tijaartu waxay doonaya in ay wakhtiga ka ridan dilaalinta. Marka ay mudo wareejiyana lacag yar siin, sidadaana warshada ula wareegan. Dilaalintuna waxay nawilayaan in ay helaan sharkad caalamiya oo lacag fiican siiya, sidaana ugu wareejiyan warshada. Marka Mudane Madaxwayne, kooxdani warshad ay dhisayaan ma jirto, ee waa in laga wareejiyo. Haddaba, haddii la isla qaato in la sameeyo Bangiga Horumarinta Somaliland, waxaan qabaa in mudo kooban ay ku soo bandhigi doonan qorshaha Warshada Sibidhka, lacagta ku baxaysa iyo wakhtiga warshadu la hirgalin karo. Mudane Madaxwayne Dastuurka Somaliland meelna kagama jirto inuu Madaxwaynu hantida qaranka shakhsi (ama sharkad) uu siin karo. Hantida Ummada ka dhaxaysa waa in si sharciya lagu bixiyo. Haddaba, Mudana Madaxwayne sida dhulka Berbera aad uga soo celisay dadkii sida sharci darada ah loo siiyay, waa in aad warshada sibidhkana aad u soo celisaa. Nimanka dilaalinta ah ee la siiyay warshada sibidhka waxa lagu siiyay in ay matalaan dadka deganka Berbera ee warshada Sibidhku ka dhisan tahay. Lakiin, cid ay mataan ma jirto ee iyaga ayaa ka tajiraya, dadka degaankuna wax faa’iido ah kama helayaan. Haddaba, Mudane Madaxwayne, haddii aad wax u qabanayso dadka deganka Berbera ee warshadu ku taalo, ma ah in aad afar af-miisha la dhagaysato, ee waa in la sameeyo Maamulka Horumarinta Berbera (Berbera Development Authority), oo ka kooban gudi dhawr qof ah oo cashuurta (5% ilaa 10%) laga qaado kiishkasta oo sibidha, ummada magalada Berbera wax loogu qabto. Mashruuc kasta oo dalka laga hirgalinaya sidaa oo kale sune looga dhigo. Gaba gabadii, Mudane Madaxwayne qudbada waxay ahayd mid ummada wanaaga iyo horumarka jeceli ku farxeen, waxaase Mudane Madaxwayne laga fadhiyaa sida aad qudbada uga dhaban lahayd, haddii kale qudbadahaga danbe waxay noqon doonan kuwa wax ka soo qaad lahayn. Haddaba, haddii Mudane Madaxwayne talooyinka aan halkani ku soo bandhigay (ama kuwa la mida), aad qaadatid waxaan qabaa in dalku horumarka aad rabtid gaadhi doono. Ummada Somaliland wada jirkooda waxaa ku xidhan yahay in cadaalad helaan, lakiin, marka afar afmiishar iyo dhawr tajir hantida ummada lagu wareejiyo, waxaa noqonaysa dawlad la mida tii Siyad Bare eed adiga iyo dadka Somaliland iska xoreeyan. SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!! OMAR A. YOUSUF OAKLAND, CALIFONIA Omaryousuf455@gmail.com DALAYADA “DANTA QARANKA SOMALILAND” (SOMALILAND FIRST) WWW.SOMALILANDFIRST.COM Source
  7. A statement from the ISIS Islamist group that was published on Sunday by the ISIS News Agency Amaq, said their militias killed 14 members of al-Shabab islamist group. ISIS militants claimed that their fighters attacked al-Shabab members in the Village of Miirale, southwest town of Qandala, in Bari region, who were preparing to attack the ISIS bases in the Bari region, According to the statement. The Statement was published by the Amaq news Agency, adding that the ISIS killed 14 members of the al-Shabab, the others were injured and captured military equipment. Last month, ISIS released a warning to other Al-Shabaab terrorist group accused of hitting the ISIS members in southern Somalia, and threatening to avenge. This comes as Puntland state of Somalia prepares for the presidential election and the president Abdwali Gaas wants to run again. It is noteworthy that the Bari regional security officials are busy with the elections, and some may run in high seats as members of the parliament and the president. PUNTLAND POST The post Al-Shabab and ISIS clash in Bari region appeared first on Puntland Post.
  8. Binu’aadamka waxa Alle u doortay in ay aduunka wakiilo uga noqdaan , waxaanu Ku amray in aanay arladda fasahaadin inta alle islaaxiyay Ka dib ,sidàa darteed qof waliba wuxuu aduunyada yimaadaa isagoo xambaarsan masuiliyadaas wayn ee culus . Hadaba mudada kooban ee qofku aduunka joogo ayuu qof waliba gutaa qayb Ka mida waajibaadkaas wayn ,waxaase laggu Kala duwan yahay baaxada waajib gudashada , dadkuna sidiisiba isku itaal iyo isku karaan ma noqon karaan. Sidaas oo ay tahay , abwàan maxamed ibraahin hadraawi waajibkiisii wuu gutey aduunyada kaga beegnaa ,noloshiisii oo dhana wuxuu Ku qaatay halgan , halgankaasoo wejiyo badan lahaa . style=”font-size:16px;”>Hadraawi wuxuu u halgamay xuquuqda aadamaha falastiin ,soomaali ilaa fiidnaam ,wuxuu u halgamay cadaalada ,wuxuu u halgamay toosinta qiyamka iyo akhlaaqda . Ugu danbayn hadraawi ilaalinta deegaanka,dhawrista ba’ada ,daryeelka ugaadha iyo noolayaasha oo dhan buu halgankiisu gaadhay . Si kastaba ha ahaatee , hadraawi waajibkiisii wuu gutey,umaduna waajibkeeda loo tilmaamaayo , hadraawi na magaciisa iyo milgihiisu way waari doonaan inta aan suurta la afuifin . W/Q: Axmed Nuur Guruje. Source
  9. (SLT-Hargaysa)Prof Cabdi Cali Jaamac oo ka mid ah aqoonyahanka somaliland ayaa ka hadlay shirkii maanta lagu soo gaba gabeeyey magaalada Djibouti ee ku saabsanaa isbadalada ka socda Geeska Afrika. Prof Cabdi Cali Jaamac oo soo saaray qoraal uu kaga hadlayey shirkaasi ayaa waxa uu ku yidhi:- Ra’iisal wasaare ku xigeenkii Somalia ayaa fadhiyay; Djibouti oo aynu ognahay halkay ka taagan tahay qaddiyada Somaliland ayaa gogosha fidisay; innagu ma talaynu ku tagnay; haddaynu talo ku tagnay, waxan leeyahay dib ha loogu noqdo taladaas; haddii dadka tegay ay mashruuc ama dalxiis ka ahaydna, waa in lala xisaabtamaa. Immika qorshaha la wadaa markaan qiyaasay waa in innagoo soo taag-taagan caadi laga dhigo sheekadii Somali wayn; mabaan arag maalin ay ka dhiiran yihiin; oo ka farsamo fiican yihiin, waabay ina xushan yihiin ba; niyad jabkii ka dhashay doorashadana si fiican bay uga faa’iidaysteen. Waxan yara dhegaystay doodda qaar xaggeena ka socday; wallahi waxay u hadlayeen sidii oo ay ka mid yihiin Muqdisho; waar goormaa sidan loo jabay?; waar shaw mehereddu beri hore ayay kacday ba?; qodh iyo xaro, laftii bay jabinayaan kuwani; waxan moodayay in oogada sare ee jidhka la gar-garaacayo; waar talaw miyay kuwani innaga aragti dheer yihiin; mise way innaga fariidsan yihiin?!!!; mise hoostaa laga diray?; mise xaalku waa dheglay ku shub, dhan walba ha lagu qadee; hashu maankayga gadee ma masaar bay liqday?!!! ; bal adba? Si kasataba ha ahaatee, haddii xukuumaddu sidaa uga sii aamusnaato, taasi waxbay inoo iftiimin doontaa; waxana ku xigi doonaa waxyaalo faro badan oo looma fadhi ah; haddiise ay ka gilgilato, wali arrinku ma foga; waana loo wada joogaa siday yeeshaba!!! Ugu danbyntii, shirka cinwaankisu wuxu ahaa sidee looga faa’iidaysan karaa isbeddelka geeska ka socda; dee yaa wax ka dhexeeyaan ee ka faa’iidaysanayaa; dee nin baa immika muraad lahaa; maxaad ugu cammirteen; kuwii uu daba socon jiray ha ba u cammiraane?; ma laha xaalkeenuba waa inta tigidh bilaash ah iyo habeen-dhax la inoo soo fidinayo!!!; Alla kariim!!! Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga. Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay labo qof oo u dacwooday Al-Shabaab, kuwaasi oo decumenti been abuur ah ay wateen awgeed Maxkamada Gobolka iyo tan racfaanka ay go’aan uga gaareen. “Afar Qof ayaa loo diray waaran oo intey ka dacwoodeen gobolka laga soo xukumay ka dibna racfaan soo qaatay, Garsoorihii ku qornaa ayaa dacwadda dhageystay oo baaris u diray xeer ilaalinta, waxay soo saartay xeer ilaalintu in dokumentigooda uu been abuur yahay, ka bacdi intey carareen ayay u dacwoodeen Al-Shabaab,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada racfaanka Gobolka Banaadir. Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa tilmaamay in labo ka mid ah afarta ruux ay maqan yihiin, halka labada kale ay xiran yihiin, kuwaas oo uu sheegay iney Shabaab u aadeen si ay cabsi geliyaan dadka dacwada kala dhaxeysay una handadaan muwaadiniinta kale, sida uu hadalka u dhigay. Dhan kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya la xiray ka dib markii uu gacantiisa ku sameystay dokumenti been abuur ah,I slamarkaana uu isticmaalay. Garsoorka dalka ayaa horay uga digay dadka Garsoorka u doonta deegaanada ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab. Dad badan ayaa garsoor u doonta kooxda Al-Shabaab, sababtuna waxa ay tahay nidaamkooda oo ka madax banaan musuq-maasuqa, oo ah arrin ay caan ku yihiin maxkamadaha hoos-taga dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. (SLT-Nairobi) Aadan Barre Ducaale hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka dalbaday Dumarka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya inay ragooda u ogolaadan inuu la guursado seddex xaas oo kale. Isaga oo ka qeyb galayay kulan ka dhacay dalka Kenya ayuu sheegay in dadka Kenyan-ka ay aamisan yihiin inay ka badan yihiin Soomaalida, taasina loo baahan yahay in meesha laga saaro. Dadka qurbe joogta ah, Soomaalida Kenya ee xoola dhaqashada u soo galay gudaha Soomaaliya iyo dadka kale ee Miyiga jira ayuu ugu baaqay in ay ka qeybqaataan tirakoobka iskana bareejeeyaan qabiillada kale ee Kenya. Wuxuu ka dalbaday haweenka Soomaaliyeed in Seygooda u ogolaadaan inuu seddex xaas la guursado, si sanadka dambe Afar caruur ah uu u helo, islamarkaana la kordhiyo tirada Qowmiyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya. Dhamaadka sanadka soo socda aya Kenya waxaa ka dhaceysa tirakoobka dadweynaha Kenya oo qowmiyad kasta la tirakoobo. Source
  12. Jabuuti (PP) ─ Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo hadal a jeediyay xiritaankii madasha Heritage oo maanta lagu soo gaba-gabeeyay caasimadda dalka Jabuuti, ayaa walaac xooggan ka muujiyay is-bedellada ka socda Geeska Afrika, isagoo ku taliyay in la dhawro dalalka gobolka. Geelle ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo isbedellada ka socda gobolka, balse loo baahan yahay in isbedellada socda laga eego faa’iidooyin iyo wixii dibin-daabyo ah ee ku duugan. “Waxaa wanaagsan in fiiro dheer loo yeesho waxa ay dunidu rabto iyo sida ay dalalka kale ee gobolku ula fal-geli karaan isbedellada socda,” ayuu yiri Madaxweynaha waddanka Jabuuti oo ku maahmaahay; ‘Waan Baahanahay Bahallo looma cumo’. Sidoo kale, Madaxweynaha Jabuuti ayaa wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in la dhawro mahuraannada ummadeed oo salka ku ah buu yiri jiritaannada waddamada caalamka oo dhan. Mar uu sii hadlayay ayuu sheegay in dalalka Geeska Afrika ay leeyihiin urur ay ku mideysan yihiin loo yaqaanno IGAD, kaasoo oo guta xilka iskaashiga dalalka Gobolka, isagoo xusay in looga dambeeyo howlaha is-dhex-galka gobolka. “Tusaale ahaan Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya waxay qaadeen talaabooyin ku dayasho mudan, kuwaasoo ku saabsan dhanka is-dhex-galka wadamada gobolka,” ayuu hadalkiisa ku daray, wuxuuna hadalkiisan u muuqday mid uu ku doonayo in Jabuuti laga qayb-geliyo is-bedellada socda. Dhanka kale, Hadalka Madaxweynaha Jabuuti ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo toddobaadkii hore uu booqasho ku yimid Muqdisho madaxweynaha Eritrea, Issias Efwerki, taasoo ahayd booqasho rasmi ah oo uu wadahadallo kula yeeshay madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo. Ugu dambeyn, isbedellada ka socda gobolka ayaanay weli Jabuuti qayb ka ahayn, iyadoo Eritrea ay weli haysato dhul ay Jabuuti leedahay, inkastoo ay labada madaxweyne horay ugu kulmeen dalka Sucuudiga. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo Walaac ka Muujiyay isbedellada Gobolka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Deegaannada Koonfur-galbeed Somalia, yaa baaq kasoo saaray xaaladda ka taagan Koofur Galbeed, gaar ahaan doorashada la filayo inay ka dhacdo Baydhabo. Kulan xildhibaanadani ku yeesheen Muqdisho ayay uga hadleen xiisadihii u dambeeyya ee ka dhacay Baydhabo, waxayna soo jeediyeen in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Koonfur-galbeed, inta heshiis siyaasadeed laga gaarayo Haddaba,a Hoose ka AKHRISO War-saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee Digil-Mirifle: Shir deg-deg ah oo xildhibaanada Digil-Mirifle ay ka yeesheen Xaalada Cirka isku sii shareeraysa ee ka taagan Koofurgalbeed Soomaaliya taas oo ka dhalatey Faragelinta qaawan ay Dowladda Federaalka ku heyso Doorashada Madaxweynaha KGS iyo sidoo kale xadgudbyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, Dastuurka Dalka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Sidaas darteed Xildhibaanada waxay soo saareen War saxaafadeedkaan: Ugu horeyn Waxaan Tacsi tiraanyo leh u direynaa shacabka Koofurgalbeed geeridii ku timid Xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Ibraahim, Alla ha u naxariistee oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Dowlad-goboleedka KGS iyo sidoo kale shacabkii sida aan kala sooca lahayn loogu xasuuqey magaala Baydhabo iyagoo dhigayaa banaanbaxyo nabadeed oo ay ku muujinayaan Shucuurtooda iyo Xaqa ay u leeyihiin in ay cabiraan Ra’yiga iyo afkaarta si ay usoo bandhigaan afkaartooda ku saabsan cida ay ku aamini karaan Masiirkooda Siyaasadeed taas oo ah xuquuq Dastuuri ah oo Dastuurka federaalka soomaaliya siinayo Muwaadininiinta Soomaaliyeed. Waxaan si adag u cambaareyneynaa afduubkii loo geystey Musharax Madaxweyne Mukhtaar Roobow Cali oo ah Muwaadin Soomaaliyeed taasi oo 13/12/2018 ay ciidamada AMISOM- Sector 3 gaar ahaan Ciidamada Ethiopia ka soo afduubeen xarunta Madaxtooyada Koofurgalbeed ee Magaalada Baydhabo iyagoo ku soo wareejiyey Gacanta Hey’adda NISA. Sidaas awgeed Waxaanu shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan Shacabka KGS ee xad gudubka loogeystayba u cadeyneynaa in afduubkaasi uu yahay sharci daro iyo xadgudub loo geystey dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaanna shacabka koofurgalbeed Waxaan sidoo kale ku boorineynaa cidkasta oo ku lug lahayd falkaasi in ay ka waan toobaan in ay kula kacaan falal sharci daro ah muwaadiniinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba. Waxaan sidoo kale cambaareyneynaa Ciidamada AMISOM- Sector3 gaar ahaan Ethiopia falka ay ku kaceen ee ah ku milmidda iyo Faragelinta siyaasadda gudaha Soomaaliya gaar ahaan Koofurgalbeed, iyo sidoo kale xadgudubka iyo falalka hubeysan ee ay kula kaceen Muwaadiinta reer Koofurgalbeed taas oo isagu jirta afduubka iyo rasaas nool oo lagu furey shacabka mudaaharaadayey si ay u caburiyaan. BAAQA XILDHIBAANADA: Xildhibaanada ka soo jeeda Qowmiyadda Digil iyo Mirifle ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliyeed waxay soo jeedinayaan qodobadan soo socda: In la ilaaliyo Sareynta sharciga iyo ku dhaqankiisa isla markaana loo hoggaansamo lana aqbalo Dalabkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Golaha Odayaasha Dhaqanka KGS, Xubnaha Aqalka Sare ee ka soo jeeda Koofurgalbeed Dalabaadkaasi oo ahaa in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed si loo ilaaliyo Maslaxada caamka ah, Danaha qaranka , midnimada iyo isu uurfayoobaanta shacabka soomaaliyeed islamarkaana loo helo jawi deggan oo saamixi kara doorasho xor iyo xalaal ah. In laga wada shaqeeyo sidii lagu suurtagelin lahaa heshiis siyaasadeed oo dhameystiran oo keeni karta xal ka gaaridda doorasho ay ka wada qaybgalaan dhamaan musharaxiintii shahaadooyinka qaatey. In la soo daayo dadka sida sharci darada ah lagu xirey iyagoo gudanaya xuquuqooda Dastuuriga ee uu u fasaxayo Dastuurka JFS. Waxaan ugu baaqeynaa Shacabka Koofurgalbeed in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida iyaga oo ku dhaqmaaya Qod. 20aad ee Dastuurka JFS oo u fasaxaya in ay ka qaybqaadan karaan, abaabulan karaan banaanbaxyo nabadeed oo ay ku cabirayaan dareenkooda iyagoo aan cidna uga baahneyn in ay ogolaasho ka helaan. Shacabka waxa aanu Xasuusinaynaa Xigmada “tiraahda libaax ninganey iyo nin galaday labadaba og” Maalinbaa soosocota Insha Allah aad qalinkiina ku codeysaan oo aad si cad codkiina ugu garab istaagtaan cidii idinka mutaysata. Waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqeynaa in ay joojiyaan cadaadiska iyo caga-jugleynta ay ku hayaan Guddiga Doorashada, Madaxda kumeel-gaarka ah ee maamulka iyo Xildhibaanada Baarlamanka Koofurgalbeed taas oo xadgudub ku ah xoriyaddooda Dastuuriga ah. Ugu danbeyn Xildhibaanadu waxa ay si mug iyo miisaanleh ugu mahad celinayaan qofkasta oo soomaaliyeed oo damiirkiisu ka xumaaday, kana damqaday tacadiga lagula kacay bulshada reer KG. Shacabka reer koonfur galbeed, waa ay idiin ogyihiin abaalkiina. Waxaanu sidoo kale u mahadcelinaynaa hay’adaha Xuquuqul iinsaanka, iyo guud ahaanba xubnaha beesha caalamku jawaabihii ay ka bixiyeen dhacdooyinkii foosha xumaa ee lagula kacay bulshada KG. PUNTLAND POST The post Xildhibaannada Baarlamaanka DF ee kasoo jeeda Koonfur-galbeed oo soo saaray Baaq appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Hargaysa) Isku aadka kooxaha Yurub ayay isku dhaceen kooxo waa wayni. Hoos ka daalaco. Source
  15. Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii dalka Turkiga uu kaga soo qeyb galay shir loogu magacdaray “Masjidul Qudus”kaasi oo looga hadlayay arrimaha Falastiiin iyo caasimadda Qudus. Wafdiga uu Hoggaaminayay Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiye ku-xigeennada 1aad iyo 2aad ee golaha Abshir Maxamed Axmed iyo Mowliid Xuseen Guhaad iyo xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo dhoweeyn ka dib wuxuu ka warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirkii uu kaga soo qeyb galay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,wuxuuna sheegay in la isku afgartay in meesha laga sii amba qaado qodobadii muhiimka ahaa ee shirka ka soo baxay mudada uu socday. Mudane Xaashi, wuxuu sheegay in Soomaaliya markasta ay taageersan tahay Shacabka Falastiiniyiinta,islamarkaana ay caasimadda Falastiin u aqoonsan yihiin iney tahay Qudus waligeedna ahaaneyso. Shirkan oo ah kii Labaad oo looga hadlayo arrimaha Falastiin ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Baarlamaanka Turkiga,waxaana ka soo qeyb galay 70-Dowladood,kuwaasi oo dhammaantood aragti ka dhiibtay shirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay is-hortaagii ay maanta dowladda Soomaaliya ku sameysay munaasabad baroordiiq ah oo uu maanta Muqdisho ku qabsan lahaa. Munaasabadda ayaa lagu waday in madaxda xisbiga iyo dad kale oo ka qeyb gali lahaa munaasabadaasi ay ku xusaan sanad guuradii koowaad ee weerarkii ciidamada NISA ay ku qaadeen guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah guddoomiyaha xisbiga Wadajir. Inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta la xiray, ayada oo inta badan wadooyinka la xiray ay ahaayeen kuwa ku dhow goobta uu ka dhacay kulanka xisbiga Wadajir. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa facebook soo dhigay muuqaal uu uga jawaabayo wixii maanta dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Arooska Soomaalida caado ahaan waxaa is guursada gayaanada is calmada ee isku dhigma da’ ahaan, laakiin arooskan ka dhacey deegaanka Godinlaba waxa uu ahaa aroos ka duwan aroosyadii lagu arki jiray gudaha dadka Soomaalida, maadama ay aroosaddu arooska ka weyn ku dhawaad soddon sanno, dadka Soomaalida dhaxdooda nadir ka ahaa inuu guursado Caruuska Haween aad uga da’ weyn. Waxa uu ahaa aroos ku soo dhamaaday guul iyo baraare kana dhacay Degmada Godinlabe bartamaha Dalka ee Gobalka Galgaduud, waxa ayna dadka deegaanka ay ku tilmaameen inuu ahaa arooskii qarniga ee ka dhacay gayiga Soomaalida. Faysal Daahir iyo Barni Cali xiriirkoodu ma’aanuu ahayn mid aad umuuqanayay maadaama gobalka iyo dhalinta asaagiisa uu aad ugu xishoonayay laakiin horay ayaa loo dhahay qufac iyo jecelkaba lama qarinkaraayo ee marqura ayay soo ifbaxaan, inay dhalinta deegaankana isla qaadeen in fasal iyo barni yihiin lamaane ku nool deegaanka aadna isu jecel doonayana iney is-guursadaan. Faysal ayaa ah wiil 22 sano jira halka Barni Cali ay jirto 52sano, waxa uu ahaa aroos gilgilay Deegaanka hadalhayn ka abuuray baraha bulshada ee dadku kuwada xariiraan Gayiga Soomaalida Sabtidii, 15 Decembar 2018-ka waxaa Deegaanka Godinlabe loo dareeray munaasabadda arooska Faysal iyo Barni oo ahaa lamanihii qarniga ee ugu hadalhaynta badnaa, waa sida ay tilmaameen dadka deegaanka ee ka soo qeybgalay arooska waxaa la arkayay in dhalinta ku nool Degaanka Ay midmid ugu tagayeen arooska oo marna layaab ku ahaa, xilli kalena uu saaxiibkood aqalgalkiisa ay u riyaaqayeen. Cabdi Naasir Cali waxa uu ka mid yahay ehellada Faysal waxa uu ka hadlay sababa faysal ku ka liftay inuu guursado Barni oo ah haween aad uga da;weyn, ayadoo uu heli karay gabdho filkiisa ah oo kula noolaa deegaanka. “Majiraan cid kuu qasabtay ayaga ayaa sheekeestay isna jeclaaday go’aansadayna iney is-guursadaan run ahaantii waxa kaliya oo aan sheegi karaa Faysal bilowgii bisha Decembar ayuu nagu wargeliyay inuu jecelyay Barni uuna doonayo inuu guursado haddii uuna helina ayna jirin gabar uu doonayo inuu guursado aniga Cabdinaasir ahaan aad ayaan ula yaabay markii uu ii sheegay inuu guursano barni lakiin waxaan isku qanciyay in walaalkay uu leeyahay dookh loona daayo dookhiisa oo loo tixgaliyo Sidoo kale Cabdi Naasir waxa uu tilmamay in haweentu ay ku nooleyd deegaanka weligeedna uusan ku arag ama aysa usheegin iney jeceshahay ama ay rabto wiilka asaga ladhashay waxa ay qariyeen jecelkooda ilaaxad Arooska faysal Daahir iyo Barni ayaa noqday mid aad looga hadal hayo baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ay tilmaamayaan in baryihii dambe aroos noocan oo kale ah aan lagu arkin gayiga Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka soo-jeeda koonfur galbeed Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho iyaga oo cambaareeyey faraggelinta dowladda ee maamulkaasi, waxaa sidoo kale ay dalbadeen in la soo daayo Mukhtaar Roobow, loona ogolaado inuu ka qeyb galo doorashada 19-ka bishan. Qoraal Kasoo baxay, oo la soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa uu u qornaa: In la ilaaliyo sareenta Sharciga iyo ku dhaqankiisa isla markaana loo hogaansano lana aqbalo dalabkii gudoomiyaha Golaha Shacabka, Golaha odayaasha Dhaqanka KGS, Xubno Aqalka sare ee ka soo jeeda Koofurgalbeed si loo ilaaliyo Maslada caamka ah Danaha Qaranka Midnimada isku uur fayoobnaanta Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana loo helo Jawi dagan oo saamixi kara Doorasho xor iyo xalaal ah. In laga wada shaqeeyo sidii loogu suura galinlahaa Heshiis siyaasadeed oo Dhameestiran oo keeni kara xal ka gaarida Doorasho ay kawada qeebgalaan Dhamaan Musharaxiinta Shahaadooyinka qaatay. In ladaayo dadka sida sharcidarada ah loogu xiray iyagoo gudanaya Xuquuqdooda Dastuiriga ee u fasaxaayo Dastuurka JFS. Waxaan ugu baaqeynaa Shacabka Koofurgalbeed in ay ka shaqeeyaan Nabadda iyo Xasiloonida iyaga oo ku dhaqmaya Qod 20 ee Dastuurka JFS oo u fasaxaya in ay ka qeebqaadan karaan abaabulan karaan Banaanbaxyo Nabadeed oo ay ku cabirayaan dareenkooda ayagoo aan cidna uga baahneen ogolaanshiyo ka helaan . Shacabka waxa aan xusuusinaynaa Xikmada tiraah Libaax Nin galay iyo Nin galaday labadaba Og maalinbaa soo socota insha allah aad qalinkiina ku cadaysaan oo aad sicad codkiina ugu garab istaagtaan cidaad cidii adinka idinka mutaysata Waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqaynaa in ay joojiyaan cadaadiska iyo caga jugleenta ay ku hayaan Guddiga Doorashada Madaxda ku meelgaarka ah ee Maamulka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koofurgalbeed taas oo xadgudub ku ah xoriyadooda Dastuuriga ah Ugu danbeen Xildhibaanadu waa ay si mug iyo miisaan leh ugu mahad celinayaan qofkasta oo Soomaliyeed oo damiirkiisu ka xumaaday kana damqaday tacadiyada lagula kacay bulshadareer Koofurgalbeed waa idin ogyihiin abaalkiina waxaana sidoo kale umahad celinaynaa Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo guud ahaanba xubnaha beesha caalamku jawaabtii ay ka bixiyeen dhacdooyinkii foosha xumaa ee lagula kacay bulshada KG Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi oo maanta dib ugu soo laabtay M/Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyasadeed ee dalka. Ugu horreyn Cabdi Xaashi C/laahi oo Warbaahinta kula hadlay gudaha Garoonka Aadan Cadde ayaa soo dhaweeyay heshiiska is Afgaradka ah oo ay gaareen xubnaha guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu bogaadiyay dadaallada socda ee lagu dhameynayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka. Khilaafkan oo ah mid xoogan ayaa waxa uu ka dhashay Mooshin Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ka gudbiyeen Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-1-jaamac.mp3 The post Aqalka sare Oo soo dhaweeyay heshiiska Golaha Shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa talaadada berri ah ee ku beegan 18 bishan December ku dhawaaqaya in uu mar kale u tartamayo [...] Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay baraha bulshada ku daabaceen mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Wadajir ayaa waxaa ay ku sheegeen in ciidamada ammaanka ay is-hortaageen munaasabad baroordiiq ah oo Muqdisho ay ku qaban lahayeen. Munaasabadda ayaa lagu waday in madaxda xisbiga iyo dad kale oo ka qeyb gali lahaa munaasabadaasi ay ku xusaan sanad guuradii koowaad ee weerarkii ciidamada NISA ay ku qaadeen guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah guddoomiyaha xisbiga Wadajir. Weerarkaasi ayaa lagu dilay qaar ka mid ah ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayada oo sidoo kalena isaga lagu soo xray. Mas’uuliyiinta xisbiga oo qaarkood aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in munaasabadda ay baaqatay kadib markii ciidamada amniga ay hotel-ka go’doomiyeen. Sidoo kale inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta la xiray, ayada oo inta badan wadooyinka la xiray ay ahaayeen kuwa ku dhow goobta uu ka dhacay kulanka xisbiga Wadajir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Ceelwaaq ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah shacabka ku dhuqan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa ka cabanaya duqeymaha diyaaradeed oo ay Ciidamada Kenya ka fuliyaan gobolkaasi. C/raxmaan Cabdi oo ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan duqeymahaasi uu soo gaaro dadka Rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi. Sidoo waxa uu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay oo ka dhacday agagaarka degmada Ceelwaaq, gaar ahaa deegaanada Faxfaxdhuun iyo Buusaar lagu laayay Xoolo fara badan, sidoo kalena lagu dhaawacay ilmo yar. Dhinaca kale C/raxmaan Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland in ay soo fara galiyaan arrintaasi. Waxaana uu ka dalbaday in ay wax ka qabtaan duqeymaha Kenya ay la beegsaneyso goobaha ay dagan yihiin dadka Rayidka ah. Muddooyinkii dambe diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa sare u qaaday duqeymaha dhinaca cirka ah oo ay ka fulinayaan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. The post Shacabka Gedo Oo ka caabanaya duqeymaha Kenya ay ka fuliso gobolkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  23. magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaa gaaray macalin Maxamed Cabdulle Farayare oo ka mid ah tababaryaasha farsamada xiriirka Soomaaliyeed kubbadda cagta,siagoo halkaas u gaaray tala siinta iyo horomarinta isboortiga Galmudug waxaana si weyn usoo dhaweeyay bahda ciyaaraha iyo maamulka xiriirka kubbadda cagta Galmudug. Bishii September ee sanadkan degmada Gaalkacyo waxaa lagu soo gaba gabeeyay tartanka kubbadda degmooyinka 2018 waxaana ka qeyb galay ilaa lix degmo waxaana ugu dambeyntii ku guulaystay ciyaartooyda degmada Gaalkacyo,iyagoo ka qaaday kooxda Balanbale ka dib tartankaas waxaa isoo if baxayay. “Sababta igu weyn ii aan halkan aan u imid ayaa ah in aan sii wado balantii aan qaaday labo bil ka hor markii Gaalkacyo lagu soo xeray tartankii degmooyinka u jadeeda socdaalka safarka waxa uu badan yahay kordhinta aqoonta kubbadda cagta iyo in aan u faa’ideeyo guud ahaan bahda isboortiga deegaanada Galmudug”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Macalin Maxamed Cabdulle Farayare. Xiriirka kubbadda cagta iyo wasaarada ciyaaraha Galmudug ayaa bilihii lasoo dhafay waday da’daalo ku aadan horomarinta ciyaaraha deegaanka,iyagoo iminka rajaynay in ay cowska macmilka saaraan garoonka kubbadda cagta Cabdullahi Ciise kan ugu badan ee lagu dheelo tartamada lagu qabto maamulka Galmudug. “Imaatinka Macalin Farayare waxa ka qeyb qaadandooonaan horomarinta ciyaaraha Galmudug ujeedada ugu weyn waxa ay tahay in aan door wacan ka ciyaaro caawinta dhalinyarada matalaysa deegaanka ee dhawaan ka qeyb galaysa tartanka Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir”waxaa Gooboog Sport u sheegay Cabdifataax Cabdifataax Cabdullahi Warsame. Bulshada reer Galmudug ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay dhaliilay qaab ciyaareedka liita ay kooxdooda kusoo bandhigtay tartanka Maamul-Goboleedyada,balse iminka waxaa muuqanaysa is badal maadaam a tartankii ay dhawaan qabteyn ay kasoo xuleyn xirfadlayaashii ugu Wanaagsanaa. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  24. Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Isbaarooyin hor leh ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay la soo dhigay qeybo ka mid ah gobolka Mudug. Jidgooyooyinkan oo ah kuwa tiro badan ayaa la soo dhigay inta u dhexeysa magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Galinsoor ee gobolka Galgaduud. Darawallada Gadiidka ee isticmaala Waddaasi ayaa ka cabanaya Lacago fara badan oo looga qaaday halkaasi. Qaar ka mid ah Darawalladan oo la hadlay Shabelle ayaa baaq u diray madaxda Galmudug, kana dalbaday in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Ciidamada Galmudug ayaa horay u qaaday Isbaarooyin badan oo ay Maleeshiyaad hubeysan soo dhigteen gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. The post Isbaarooyin hor leh Oo la soo dhigay gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article