Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,117
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___Qubanaha-Shabelle-171218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog goor dhow nasoo gaartay ayaa sheegaysa in kulan u dhaxeeya ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal uu caawa ka socdo magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa hadda ka socdo xarunta Wasaaradda Tacliinta Sare sida ilo xog ogaal ah ay inoo sheegeen. Kulanka ayaa ka dhacaya xarunta kadib markii labada dhinac is-aamini waayeen, oo midba midka kale uu diiday inuu xafiiskiisa yimaado, taasi oo dhalisay in meel dhexe la isugu yimaado. Wasaaradda Tacliinta sare ayaa ku taalla agagaarka Zoobe. Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii xal loogu heli lahaa arrimaha mooshinka, maadaama guddoonka baarlamaanka ay xal ka gareen khilaafkii u dhaxeeyay dhexdooda, waana kulankii labaad oo masuuliyiintaan dhex mara tan iyo markii mooshinka madaxweynaha uu xoogeystay. Kheyre, ayaa maanta kasoo laabtay magaalada Doha ee dalka Qatar halkaasi oo uu ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyay. La soco waxii kasoo baxaa kulankaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba dalka ka mamnuucday Shirkadda Cilmi Baarista ee Sahan kaddib markii sida laga sheegay lagu helay falal lid ku ah amniga qaranka dalka. Shirkaddan waxaa aasaase iyo masuul ka ah Matt Bryden oo hore uga tirsanaa kooxda Kormeerayaasha QM ee Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Hadaba inta laga soo gabagabeynayo baaritaanada socda waxaa la farayaa shirkadda Sahan Research in ay joojiso dhamaan shaqooyinka ay ka hayaan dalka Soomaaliya, isla markaana waxaa lagu wargalinayaa dhamaan dadka ama hay’adaha xiriirka la leh in aanay wax xiriira ama wada shaqayn ah la yeelan karin Sahan Research maadaama ay shirkadani ku kacday oo faraha kula jirto arrimaha kor ku xusan oo dhaawacaya xasiloonida dalka iyo qaranimadda Soomaaliya” Hoos ka aqriso qoraalka
  4. (SLT-Hargaysa) Wiil uu dhalay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in shirkadda Facebook ay muddo 24 saacadood ah ka xannibtay ciwaankiisa uu ku leeyahay bartaasi ay bulshada ku xiriirto. Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu (L) and his son Yair visit, on March 18, 2015, the Wailing Wall in Jerusalem following his party Likud’s victory in Israel’s general election. Netanyahu swept to a stunning election victory, securing a third straight term for an Israeli leader who has deepened tensions with the Palestinians and infuriated key ally Washington. AFP PHOTO / THOMAS COEX / AFP / THOMAS COEX (Photo credit should read THOMAS COEX/AFP/Getty Images) Go’aankaasi ayu sheegay in Facebook ay qaadatay ka dib markii uu soo daabacay mowduucyo dhowr ah oo ka dhan ah dadka Falastiiniyiinta ah iyo Muslimiinta. Isbuucii la soo dhaafay ayey Facebook bixisay qoraal uu soo dhigay Yair Netanyahu, kaasoo uu “aargoosi ugu tilmaamay” dhimashada 2 falastiiniyiin oo ay daanta galbeed Khamiistii ku dileen askarta Israa’iil. Waxaa sidoo kale la bixiyay qoraal kale oo wiilkaas 27 jirka ah uu ku sheegay in uu jeclaan lahaa in “dhammaan dadka muslimiinta ah ay isaga baxaan dhulka Israa’iil”. Isagu wuxuu Facebook ku tilmaamay “Booliska la dagaallama fikradaha”. Balse shirkadda ayaa dhankeeda ku eedeysay inuu sameeyay qoraal nacayb abuuraya. Mr Netanyahu ayaa sannadkii la soo dhaafay soo jiitay cambaareyn fara badan ka dib markii uu baraha xiriirka bulshada soo dhigay qoraallo uu ku naqdinayo qaar ka mid ah dadka dhaleeceeya aabihiis, oo uu ka mid yahay maal qabeenka lagu magacaabo George Soros. Golaha la tacaala meel ka dhacyada loo geysto dadka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid xad gudub ah. Waxa uu mar caro kala kulmay dadweynaha, maadaama la soo tabiyay in uu qaadi waayay saxarada eygiisa oo ku saxarooday meel aan loogu tala galin. Maalintii Axada ahayd, Mr Netanyahu ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray hadallo uu ku muujinayay sida uu uga carooday tallaabadii ay Facebook muddo 24 saacadood ah uga xannibtay ciwaankiisa, taasoo uu ku tilmaamay “mid aan la rumeysan karin”. Dhanka kale, bartiisa Facebook ayuu ku qoray sidan “Booliska la dagaallama fikradaha ee xag jiriinta ah ee ku sugan Facebook anigana way isoo gaareen”. “Xamaas, Xisbullah iyo xukuumadda Iiraan waxay dhammaantood bogag rasmi ah ku leeyihiin Facebook. Waxaa sidoo kale jira qoraallo la soo dhigo Facebook oo ku baaqa burburinta Israa’iil iyo dilka dadka Yuhuudda ah. Waxaa jira kumannaan qoraal oo aniga iyo qoyskeygaba nalagu weeraray, waxaana ka mid ah kuwo hanjabaad ah iyo dilal naloogu gooddinayo”. “Dhammaan waxyaabahan qalalaase kama aha Facebook dhankeeda”. Af hayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa ayaa sheegay in Mr Netanyahu “uu soo daabacay hadallo nacayb abuuraya” oo ka soo hor jeeda xeerarkooda. “Sidaas awgeed, qoraalkaas waa laga bixiyay barteenna waxaana sidaas ku sameyneynaa qoraal kasta oo noocaas ah” ayuu yiri. Af hayeenka ayaa intaas ku daray in Facebook ay sii wadi doonto dhaqan galinta sharciyadeeda. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel-ka SYL kulan ku qabsaday xildhibaanado tiradooda kor u dhaafeyso 135 kuwaas oo muujiyey in ay taageersan yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kana soo horjeedaan mooshinka ka dhanka ah. Dalka waxa uu ku jiray xasillooni darro siyaasadeed dhawrkii maalmood ee tagay kaddib markii 9-kii bishan uu gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan qabtay mooshin ay 92 xildhibaan ka soo gudbiyeen Madaxweynaha. Hase ahaatee, wixii markaa ka dambeeyey xaaladda wey sii xumaaneysay iyada oo ay qaar ka mida xildhibaanada sheegeen in laga been abuurtay halka uu Mursal oo ka cabanaya in la cunaqabateeyey isaga guuray gurigii uu ka daganaa Villa Soomaaliya. Hadaba haddii ay 135 xildhibaan tiro ka badan ay si cad u sheegeen in uu mooshinka buray oo ay garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo xukumadda sida ku cad 10 qodob oo ay war-saxaafadeed ku soo saareen, maxaan ka barran karnaa? Tirada golaha shacabka oo laga jaray inta fariisatay 275-135= 140 Sida ku cad tirada kore waxaa meesha ka maqnaa 140 xildhibaan, inkasta oo xildhibaanada taageersan madaxweynaha ay ku doodeen inay yihiin 167. Xitaa haddii ay taa sax tahay waxaa maqan 108 xildhibaan. Sidaas darteed markaad eegto 108 ama 140-ka maqan waxaa kuu soo bexeysa in qolada Mooshinka wadaa ay xooggan yihiin oo aan la dhayalsan karin. Sidaas daraadeed waxaan ka baran karnaa in xaajadu tahay BARBAR DHAC oo ay ku badan doonto in sheekada laga heshiiyo maadama midkoodna haysan aqlabiyadda golaha hoose oo midka kale uu kaga adkaado. Waxaa taas xoojineysa labadii malamood ee u dambeeyey laba jeer oo uu hadlay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in xal in la gaaro aysan ahayn mid meesha ka baxsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib maalmo uu safar shaqo iyo booqasho rasmi ah ku tegay wadanka Qatar. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan Wasiiro ayaa wafdiga wasiirka koowaad ee xukuumadda kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho. Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu joogay Qatar waxa uu la kulmay dhiggiisa iyo Amiirka Qatar oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dawladood. Khayre ayaa la kulmay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Qatar, Turkey, Japan iyo Kenya, waxa uuna khudbad u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar, isaga oo sidoo kale ka qayb galay madasha sannadlaha ah ee Dooxa. Intii ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisu ay joogeen dalka Qatar, dawladaha Qatar iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo iyo is-afgaradyo muhiim ah, iyada oo sidoo kale laga wada hadlay heshiisyadii horay u galeen labada dawladood. Wasiirka isgaarsiinta, dekada iyo gaadiidka dalka Qatar oo kamid ahaa mas’uuliyiintii uu ra’iisul wasaaruhu la kulmay ayaa ballan-qaaday in dhawaan la dhisayo dekadda Hobyo ee gobalka Mudug, iyada oo sidoo kale shirkadda Diyaaradaha Qatar ay shaacisay in july 2019 ay bilaabayso duulimmadyo ay uga kala gooshayso Muqdisho iyo Dooxa. The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-171218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Jubaland leader Sheikh Ahmed Madobe met with senior politicians and elders in Garissa County on Sunday ahead of the upcoming polls in the semi-autonomous region in Somalia. Sources told the Nation that Mr Madobe had come to lobby for support from his Ogaden clan, whose majority are also in Kenya. The state is set to go to the polls next month. Several candidate from Sheikh Madobe’s backyard are eyeing his seat besides other contenders who are backed President Mohamed Abdullahi Farmajo’s government. The secret meeting sought to urge the local Kenyan leaders to support his re-election. Mr Osman Ibrahim, a prominent elder in Garissa, confirmed that he met with the Jubaland leader after pictures of him and Mr Madobe were shared widely on social media Sunday. But, Mr Ibrahim there were no talks between him and Mr Madobe on any issues concerning the two countries or the upcoming election. Jubaland’s capital Kismayu was captured by the Kenya Defence Forces from Al-Shabaab in 2012. It stretches along the entire Kenyan border, effectively creating a buffer zone with the rest of Somalia. Source: Daily Nation
  9. The U.S. military said on Monday it had killed 62 militants in six air strikes on Saturday and Sunday in the vicinity of Gandarsh in Somalia’s south-central Banaadir province. The military’s Africa Command (Africom) said four strikes were carried out on Saturday, killing 34 militants, and two more on Sunday, which killed 28. “Africa Command and our Somali partners conducted these air strikes to prevent terrorists from using remote areas as a safe haven to plot, direct, inspire and recruit for future attacks,” Africom said in a statement. The air strikes, among the deadliest this year, did not kill any civilians, the statement said. “At this time we assess these air strikes did not injure or kill any civilians.” The United States carries out regular air strikes in Somalia in support of a U.N.-backed government there, which has been fighting against an al Shabaab insurgency for years. Last month, the U.S. military said it had killed 37 militants. Source: Reuters
  10. DOHA (Reuters) – U.S. President Donald Trump has told his Turkish counterpart Tayyip Erdogan that Washington is working on extraditing a U.S.-based Muslim cleric accused of orchestrating a failed Turkish coup in 2016, Turkey’s foreign minister said on Sunday. “In Argentina, Trump told Erdogan they were working on extraditing (Fethullah) Gulen and other people,” Mevlut Cavusoglu said, referring to the G20 summit where the leaders met two weeks ago. Gulen denies any involvement in the failed putsch. Trump said last month he was not considering extraditing the preacher as part of efforts to ease Turkish pressure on Saudi Arabia over the killing of Saudi journalist Jamal Khashoggi in Istanbul. Erdogan said last week Turkey would start new initiatives abroad to target the financing of Gulen supporters. “I have recently seen a credible probe by the FBI on how the Gulen organization avoids taxes,” Cavusoglu told a conference in Doha. The Federal Bureau of Investigation declined to comment on whether the law enforcement agency was investigating individuals or entities with ties to Gulen for tax evasion. U.S. Representative Bill Pascrell, a Democrat, said that reports Trump was considering extraditing Gulen show his “affinity for strongmen.” “Mr. Gulen does not deserve to be a pawn in Trump’s attempts to cover up the murder of a U.S. resident for the increasingly lawless Saudi royal family,” Pascrell said in a statement. Reporting for Reuters by Dmitry Zhdannikov; additional reporting by Amanda Becker in Washington; Writing by Maher
  11. Gaarisa (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmad Madoobe ayaa magalada Gaarisa oo dhacda gobalka waqooyi bari ee dalka Kenya waxa uu kulan qarsoodi ah kula qaatay siyaasiyiinta iyo odiyasha dhaqanka ee maamulka Gaarisa isagoo kala hadlay doorashooyinka madaxtinimo ee ku soo socda maamulkiisa. Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegaya in Mr Madoobe uu ka dalbanayo taageero dhan walba ah qabiilkiisa oo ku badan dalka Kenya iyo gobalka Waqooyi bari. Doorashada madaxtnimo ee Jubbaland waxaa ka harsan waqti kooban, murashaxiin dhowr ahna wey u tartameysaa, waxaana Axmad Madoobe uu kursigiisa kaga cabsi qabaa musharaxiin gaar ah oo uu wato Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo, sida uu wargeyska qoray. Kulanka qarsoodiga ah ee dhexmaray Axmad Madoobe iyo odiyaasha Kenyan-ka ah waxa uu ku soo dhamaaday isafgarad ku aadan in dib u doorashadiisa lagu taageero. Osman Ibrahim, waa mid kamid ah odiyaasha ugu waa weyn Gaarisa waxa uu xaqiijiyay kulanka uu la qaatay Axmad Madoobe, laakiin wuxuu ka gaabsaday in uu faahfaahiyo arrimaha doorashada ee laga wada hadlay. Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa laga howlgeliyay ciidamada Kenya sanadii 2012-kii si ay ula dagaalamaan Al shabaab, waxaana maamulka ka dhisan hadda uu yahay mid u jilcan dowladda Kenya oo la sheegay in taageero dhaqaale uu ku heysto Axmad Madoobe. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Gmail: Abdiazizh99@gmail.com
  12. (SLT-Abu-Dhabi)Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta gaadhay magaalada magaalada Abu Dhabi ee caasimadda Imaaraadka Carabta, iyadoo uu ku baaqay dhaxalsuge Maxamed Bin Zayed. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga ka dhaxeeya iyo danaha ay wadaagaan. Booqashada Madaxweynaha Eritrea uu ku tagay Abu Dhabi ayaa ku soo aaday, labo maalin kaddib markii uu ka laabtay booqasho uu ku yimid magaalada Muqdisho Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sameystay iskaashi saddex geesood ah, iyadoo la rumeysanahay in Imaaraadka Carabta ay gadaal ka riixeyso isbaheysigaas. Loolanka Juquraafiga siyaasadda ee Gobolka Geeska Afrika ayaa u muuqda mid marxalad cusub galaya, marka loo eego saameynta dalalka Khaliijka ku leeyihiin iyo doorka ay ku lahaayeen Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta is bedelada Gobolka. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Wafti Ka Socda Qawmiyada Oromada Oo Kulan La Yeeshay Golaha Guurtida Somaliland, Maxay Ka Wada-hadleen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Barnaamushka wax qabadka xukuumadda ee sannadlaha ahaa, waxaa loo diyaariyey hab isku dheeli-tiran islamarkaana waxaa diyaariyey rag ruug cadaaya oo magac iyo milgaba ku leh shaqadda warfaafinta ee ay bulshada u hayaan inkastoo hablaha barmaamushkan ka qayb galay yaraayeen, waxay u dhigeen si xirfad heersare ah oo habaysan iyagoo hay’ad wal oo dowladu leedahayba ka soo qaatay waxqabadkii oo si kooban loo diyaariyeye isla markaana sikin walba ku sheegaayey waxqabad hay’yadaas, inkastoo mararka qaar aan arkaayey muuqaalo shisheeye oo ay ku dareen sida markay ka hadlayeen qodaalka beeraha aad arkaysay dad afrikaana oo ay sawiradooda ama muuqaaladooda isticmaalayeen. Guud ahaan barmaamushkan cidii daawatayba wuu raali galiyey waayo wuxuu barbilow fiican u ahaa howl hor leh iyo in lala xisaabtami karo xukuumadda iyaduna ay ogaato in dadwaynihii soo doortay sugaayo oo uu ka rabo in waxqabadkasta oo xukuumaddu qabato ay soo bandhigto taas oo keenaysa in xataa xukuumaddu lafteedu ogaato meelaha ayna wax badan wali ka qaban. Wuxuu soo bandhigay barmaamushku guulo la taaban karo walo ay wasaaraduhu ku kala horeeyaan waxqabadka taas oo muujinaysa waxqabadka wasiir walba, howl karnimadiisa iyo sida uu u fahamsan yahay shaqadiisa. Intii aan daawanaayey barmaamushka waxaa jiray wasaarado aan wax la taaban karo soo bandhigin sida Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-galinta iyo Dhaqanka, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Wasaarada Gaashaan dhiga, iyo kuwo kale. Hadaan ku horayno WASAARADDA WARFAAFINTA WACYI GALINTA IYO DHAQANKA, waxaanka cudur daaranayaa ugu horayn in faaladani ahayn mid aan ula jeedo ama ku weeraraayo madaxda wasaaradda, shaqaalaha wasaaradda, iyo wariyayaasha soo saaray barnaamushka toona, laakiin waa iga TALO, TUSAALAYN iyo TOOSIN uun ee yaan si kale loo qaadan, waxaanan eegi doonaa meelaha gaabku ka jiro. WASAARADA WARFAAFINTU waxay qaranka u haysaa saddex shaqo oo waa wayn sida ka muuqata magaceeda (1.WAR-WAAFINT, 2.WACYI-GALIN, 3. IYO DHAQANKA). Hadaba markay noqoto in la sheego waxqabadkii wasaaradda waxay bulshadu uga fadhidaa in ay soo bandhigo wixii uga qabsoomay horumarinta saddexdaa qaybood. Waxaan ognahay wasaaradda warfaafintu in ay tahay hormoodka wasaaradda marka loo eego waxaa looga baahan yahay oo ah in ay ku hadasho afka dowlada iyo in ay bulshada ku wacyigaliso wadaniyada, dal-jacaylka, isku xidhka bulshadda, baridda muwaadinta xaqa iyo xuquuqda dastuurku siiyey, u sheegida waajibaadka laga rabo muwaadinku in uu fuliyo, la dagaalanka qabyaalada, soo bandhigida horumarka xukuumada iyo waxqabadkeeduba waa howl u taala wasaaradda warfaafintu in ay qabato oo ay bulshada ka haqabtiro hadh iyo habeenba. Hadaba barmaamushkii ay soo bandhigtay wasaaradani kumaan arag waxqabad wayn oo kujira marka laga tago sawiro laga soo qaaday dhismaha wasaaradda iyo waxqabad yar oo kooban oo la xidhiidha wixi ay qabatay 12kii bilood ee tagay, taasina waxay ku tusayaa in wasaaraddu guud ahaan aanay lahaynba wax (COMMUNICATION STRATEGY ama COMMUNICATION POLICY) taas oo tilmaami lahayd u jeedada dhab ah ee xukuumadu ka leedahay wasaarada warfaafinta wacyi galinta iyo dhaqanka. Siyaasadaasi waxay ka caawin lahayd wasaaradu sidii ay u tayeyn lahayd guud ahaanba barmaamushyada ay baahiso, in laga fikiro tayeynta barmaamushyada waxay keenaysaa in la helo wacyi galin dhaba oo ku wajahan muwaadiniinta si ay u helaan fariinta sax da ah iyo warar hufan oo hubaal ah. Waxaa loo baahan yahay in wasaaraddu ay isticmaasho teknoolajiyada casriga ah ee maanta la isticmaalo, sida adeegsiga Social Media sida face book, Twitterka, Youtubka, iyo website ay yeelato wasaaraddu taas oo si joogta ah loogu xidho wararka iyo barmaamushyada ka baxa wasaaradda taas oo sahli lahayd in muwaadiniitu ay ka haqab beelaan wararka dowladda ee saxda ah. Bulshaddu waxay maanta warka ku kala qaadataa waa Tiknoolajiyada casriga ah, sida kuwan aan kor ku soo sheegnay, waxaa muhiima iyaduna in la sameeyo DATA CENTRE lagu kaydiyo dhamaanba dhaatada iyo macluumaadka wasaarada sida (Videoyada, Sawirada, Codadka) si markii loo baahdo la isticmaalo. Horumarinta xirfadda wariyayaasha iyo howl wadeenadda waa arrin kale oo loo baahan yahay in la qabto. Helitaanka qalab hufan oo casriga oo howl wadeenadu ku shaqeeyaan waxay horumarin karta shaqada ay wasaaraddu qaranka u hayso. Waxaa kale oo muhiima in la helo (COMMUNICATION CHANNELS) sida Radio, iyo TV dalka dibadiisa iyo gudihiisaba wada gaadha si ay bulshadu uga haqab beesho wararka dowladda meelkastooy joogaanba dibad iyo gudaba, ma hubo tayadda radioga iyo TVga hada inoo shaqeeya laakiin waxaan ogahay in ay yar yihiin dadka hada dhagaystaa ama daawadda iyadoo ay jiraan meelaha qaar ayna gaadhin TVga iyo Radioguba iyadoo bulshadda ku dhaqan goobahaasi ay xaq u leeyihiin helidaanka warar sugan oo la xidhiidha waxqabadka dowladooda. HORUMARINTA IYO CASRIYEYNTA WAKAALADA WARARKA EE SOLNA Si loo helo warar sugan oo ku salaysan xaqiiqada waxaa wasaaraddu u baahan tahay in ay horumariso, oo ay casriyeyso wakaalada wararka qaranka (SOLNA) taas oo shaqadeedu tahay isha-qaybisa wararka dowladda oo tafatiran una qaybisa Wargaysyadda, Majaladaha, Idaacadaha iyo Telefiishinada iyo dhamaanba ilo wareedyada jira dibad iyo gudaba ee doonaaya in ay helana warar xaqiiqo ah oo runta ku salaysan oo faaf reeb iyo hufnaana lagu sameeyey. Horumarinta, casriyeynta iyo caalamiyeynta wakaaladani waa u muhiim qaranka waxayna qayb ka qaadan kartaa in la helo warar hufan oo xataa ay qaadan karaan wakaaladaha kale ee caalamku, kuwaas oo u baahan in ay warka helaan il sugan. Waxay kor u qaadi kartaa karaamada qaranka Somaliland. Inkasta oo ay wakaaladaasi jirto hadda waxaan u baahan nahay in la tayeeyo oo laga dhigo mid heer caalami ah, oo wararkeeda iyo ilwareedyada ay warka ka helaysaaba ay noqdaan kuwo lagu kalsoonaankaro tayo ahaan iyo tiro ahaanba. WACYI-GALINTA: Sidaan hore u soo sheegnay wacyi-galintu waa tiir kale oo ka mida tiirarka ay ka koooban tahay Wasaarada Warfaafinta Wacyi-galinta iyo Dhaqanku, wacyi-galinta oo macnaheedu yahay waano iyo wax u sheega muwaadiniinta waxay u baahan tahay in iyana loo sameeyo siyaasad cad oo wacyi-galineed oo la xidhiidha horumarinta dhinacyadda WAXBARASHADA, CAAFIMAADKA, FAYO-DHOWRKA BIYAHA IYO DEEGAANKA, ILAALINTA HORUMARINTA DEEGAANKA, DHOWRISTA XAQA IYO XUQUUQDA MUWAADINTA, UGA DIGISTA BULSHADDA CUDURADDA FAAFA, ADKAYNTA NABAD-GELYADA, KA DIGISTA QABYAALADDA IYO KALA QOQOBKA BULSHADDA, WACYI-GALINTA DHAQANKA, ILAALINTA AFKA IYO SUUGAANTA, iyo wax yaabo kale oo ay tahay in bulshadda laga wacyi galiyo sida Aafooyinka balwadaha ay ka midka yihiin mukhaadaraadka iyo wixii la mida ee bulshada dhib ku haya. Faafinta wacyigalinta bulshadda ee heer wasaaradeed ama heer xukuumadeed waxay u baahan tahay in loo maro si heer sare ah oo cilmiyeysan iyadoo la adeegsanaayo habka technolijiyada casriga ah ee maanta jirta si si dhibyar bulshada loo gaadhsiiyo, waxay u baahan tahay in la sameeyo siyaasada wacyigalinta qaranka si loo helo fariimo cad cad oo bulshada lagu wacyigalinaayo kuwaas oo ka baxa dhammaanba warbaahinta dowlada sida TVga iyo Radiogaba. HORUMARINTA DHAQANKA: horumarinta iyo dhiirigalinta dhaqanku waa mid ka mida shaqada ay wasaarada umadda u hayso taas oo aan uga fadhino in ay waxwayn ka qabato. Waxaan odhan karnaa qaybtani waa qaybta ugu muhiimsan shaqada wasaaradda waayo DHAQANKU wuxuu iskugu jiraa HUGA, HOYGA, CUNTADA, AFKA, iyo SUUGAANTA ay bulshadu soo jireenka u leedahay, tani waa sababta aan u leeyahay qaybtani waa qaybta ugu muhiimsan wasaarada iyadoo intaas oo dhanba laga rabo horumarinteeda, ururinteeda iyo kaydinteedaba, iyadoo aan ognahay in riboodkii la baahiyey ee waxqabadka xukuumada ayna kuba jirin wax ka hadlaaya sida ay wasaaradu u dabakhday wacyigalintii iyo qaybtan dhaqanka, inoomay sheegin wixii ay ka qabatay labadan qaybood mudadaa sannadka ahayd sidaa darteed waxaan odhan karnaa wax wayn kamay qaban. Qaybtan dhaqanku waxay u baahan tahay in laga sameeyo barmaamushyo ku saabsan dhamaanba dhaqankeena sida ciyaaraha kala duduwan kuwaas oo gaadhaaya ilaa 45 ciyaarood oo dhamaanba laga ciyaaro gayigeena Somaliland kuwaas oo u baahan in loo carbiyo dhaliyar ku ciyaarta oo inta laga duubo ka dibna la rikood gareeyo si jiilka dambe ugu aayaan iyadoo kuwa hada joogana lagu baraayo qalabka warbaahinta iyagoo gurheena jooga arrintan oo dar dar hor leh iyo xiisaba galinkarta habsami ula socodka bulshada ee warbaahinta dowlada taas oo sumcad hor leh u soo kordhin karta wasaaradda. Waxay dhalinyaradu u baahan tahay in lagu tartansiiyo suugaanta afkeena ee badda ah, si loogu dhiiri galiyo in ay dhalinyaradu suugaanta iyo afkaba u bartaan kuna soo kordhiyaan waxyaabo cusub oo casrigan la jaanqaada, waxaa loo baahan yahay in la tababaro qorayaal da yar, in la carbiyo abwaano dayar, fanaaniin, iyo dhaqan yaqaan suugaan dhaadhiya oo mustaqbalka badbaadiya afkeenan iyo dhaqankeenaan ay tiknoolajiyadu meesha ka sii saarayso. Wasaarada Warfaafintu waxay u baahan tahay in ay samayso studioyo casriga oo wax lagu duubo kuwaas oo la jaan qaadi kara kuwa caalamka ee wax lagu duubo, waxay u baahan tahay wasaaradu in ay samayso tiyaataro casriga oo bulshada laga wacyi galiyo sida TIYAATARKA WACYI GALINTA ARRIMAHA DIINTA, TIYAATARKA WACYI-GALINTA DHAQANKA IYO SUUGAANTA, IYO TIYAATARKA DOODAHA ONLINEKA AH ee arrimaha horumarka bulshada, siyaasada iyo waxyaabaha kale ee cusub. Waxaa laga yaabaa in aad iswaydiiso waxan oo tiyaatara xagee laga dhisayaa? Xageese lacag looga helayaa? Way fududahay jawaabtaasi, wasaarada warfaafintu waxaan la soconaa in ay leedahay dhulka ugu balaandhan wasaaradaha oo ah dayrkii idaacada ee RADIO HARGAYSA kaas oo qaybtiisa dambe hadii si fiican loo maamulo ay ka dhismi karaan dhammaanba 3 tiyaatar ee casriga ah iyo waliba parking ama halkii baabuurta la dhiganaayey, taas oo ay dhammaanba bulshada cidii caways sax ah u baahataa ay tagi karto habeenkii, iyadoo anshaxeedana ay wasaarada warfaafinta iyo wasaarada diinta iyo awqaaftu iska kaashan karaan hab iyo hanaan u socodka tiyaataradan. Dhaqaalaha ka soo baxa 3dan tiyaatar waxaa lagu maal galin karaa shaqaalaha wasaarada warfaafinta wacyigalinta iyo horumarinta dhaqanka gaar ahaan kuwa maamula tiyaataradan, shaqaalaha wacyigalinta dhaqanka iyo fanaaniintaba si ay niyad fiican ugu helaan shaqadooda una gutaan. Guntii iyo Gabagabadii tibaaxahan aan taabtay waa kuwo aan isleeyahay way u baahan tahay wasaarada warfaafintu in ay qaado hayaan keeda dambe si loo dar dar galiyo shaqo wanaaga wasaarada, iyadoo haday intaa iyo in kale oo fikirkooda ay ka keenaan madaxda wasaaradu ay sannadka dambe soo ban dhigi doonaan wax-qabadwayn oo bulshadu u holato. Maqaalkan Maqaalka Xiga waxaan ku naaqishidoonaa mid ka mida Wasaaradaha kale ee aan waxbadan soo bandhigin Insha Allah. Lasoco.. By @KLO. kaleexo@hotmail.com Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu ka hadlay ujeedada kulan dhex-maray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo arrimaha ay ka wada-hadleen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Waxaa soo dhawaynayaa qudbada uu madaxwayne Muuse Biixi ka jeediyay carwada ganacsiga. Inta ay Somaliland jirtay waa markii ugu horaysa ee uu Madaxwayne si qota dheer uga hadlo horumarka iyo sida kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalka. Waxaan Madaxwaynaha la qabaa in is-kashiga Aqoonyahanada, Bayacmushtariga iyo Dawlada ay dalka u horseedi karaan horumar dhaqaale. Somaliland waxaa leedahay aqoon yahano badan, kuwa dalka gudihiisa jooga iyo qurbo joog badan oo calamka kala jooga oo aqoon iyo wayo aragnimo dalku u bahan yahay leh. Haddii laga faa’iidaystana aqoontooda iyo khibradooda waxaan qabaa in Somaliland ka baxi karto caqbadaha dhaqaalo xumada, iyo shaqo la’aanta ku habsatay. Dalkuna uu horumar dhinac kastaba gadhi karo. Aqoon yahanadu waa dadka aragtida (ama visionka) dal lagu hagayo soo bandhiga. Tusaale ahaan, dalka Marayka, ee calamka ugu dhaqaalaha wayn, aragtiyaha lagu horumariyo dalkiisa kama timado siyaasiyiintooda. Lakiin, waxaa curiya hay’ado aqoon yahano ah (Think Tanks), siyaasiyiintu halkaasi ayay ka qaatan, dalkana ku dhaqaan. Teeda kale, aragti (ama vision) aan dhaqaalo haysani waa riyo (dream). Sida daraadeed, waxaa loo bahan yahay dadka hantida lehi in ay dalka maal gashadan, si aragtiyaha dhaqaale looga midha dhaliyo. Haddaba, haddii aqoonti iyo dhaqaalaha la hayo, oo aanu jirin hogaan aragtida loo soo bandhigay dalka ku haga, markaa waxaba ma hirgalayaan. Dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aantuna waa ina-daanwayne. Marka, Mudane Madaxwayne haddii qudbada horumarka dhaqaalahu ay kaa dhab tahay, ood doonaysid in aan dhaqaalaha dalka kobciso, aqoon yahaynada iyo dadka Somaliland ee hantida lahi waa kuu diyaar haddii aad hogaaminaysid. Haddaba, Mudane Madaxwayne, si dhaqaalaha dalka loo hurumariyo, waxaa loo bahan yahay in aad samayso gudi dhaqaale (economic counsel). Gudidani oo ka gooban laba kooxood oo kala ah; Koox-koowad oo diyaariya sharciyada dhaqalaha iyo koox-labaad oo qorshaya, hirgaliyana mashruucyada dhaqaalaha ee dalku u baahan yahay. Haddaba, si dhaqaalaha dalka loo kobciyo, kooxda-kowaad waxay diyaariyaan xeerarka qabyada ah ee dalku u bahan yahay. Xeerarkani ooy ka mid yihiin: 1) Sharciga Caymiska (Insurance law). 2) Xeerka Maalgashiga (Investment law). 3) Xeerka Bangiyada 4) Xeerka Bitroolka iyo Macdanta (Petroleum & Minerals sharing act). 5) Xeerka dhulka (Land management law). Mudane Madaxwayne haddii aan xeerarkani la hirgalin, Somaliland horumar ka dheer. Marka, shaqada ugu horaysa ee ay gudidani qabanayaan waa in ay diyaariyan sharciyadani, sida ugu dhakhsaha badana ugu gudbiyan Golaha Wakiilada si ay u ansixiyaan. Haddii Golaha Wakiilada ay caqabad ku noqdaan hirgalinta xeerarkani, waa in la kala diro. Doorashada waa in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto, lana doorto gole danaynaya horumarka dalka. Kooxda-labada ee gudida dhaqaalahu waa in ay diyaarinayaa mashruucyada dalka u bahan yahay, ee ay ka midka yihiin, laydh jaban, Warshada Sibidhka, iyo mashruucyo kale. Hawsha ugu horaysa ee kooxdani qabanaysaa waa in ay abuurayaan Bangiga Horumarinta Somaliland (Somaliland development Bank). Bangigani waxuu daraasad ama ‘visibility studies’ ku samaynayaa mashruucyo. Kadibna, waxaa u bandhigan dadka Somaliland (Ee dalka jooga, qurbaha joogta, maal-qabeenada) iyo waliba dadka/sharkadaha kale ee ajaanaba ka ah ee samiyo iibsan kara. Mashruuc kastana waa in dadka Somaliland majority-ga lahaadan. Haddaba, marka uu bangigu isu soo geeyo hantida uu ku hirgalinayo mashruuc, dadka samiyada leh ayaa dhex dooda iska soo xulanaya gudi (ama Board of directors) la shaqaysa bangiga, si ay u hirgaliya mashruuca. LAYDH JABAN (CHEAP ENERGY) Laydhku waa waxyaabaha noloshu u baahan tahay. Waxaanad qudbada ku tidhi; dadka ajaanibka ah ee doonaya in ay dalka maal gashadan waxay raban laydh jaban. Sida daradeed, waxaa loo bahan yahay in bayac mushtarigu ay dalka ka hirgaliyan laydh jaban. Haddaba, waa in la is waydiiyo sidee lagu heli karaa laydhka jaban? Yaase hirgalin kara? Maxaa laga dhalinya laydhka jaban? Sharkada dalka ka jiraa waxay laydhka ka dhaliyan Generators Naafto ku shaqeeya. Laydha Generator Naftaduna laga dhaliyaa waa mid asal ahaan qaaliya. Laydhka cadceeda iyo dabaysha laga dhaliyo ma ah laydh joogto ah, oo la isku halayn karo. Bayteriyo lagu kaydiyo laydhkuna waa qaali. Mashruuca laydhka ah ee dabayl iyo cadceed laga dhaliyo ee batriya lagu xidho waxaa uu ku kacayaa dhaqaalo badan. Sida daraadeedna, laydhkiisu qaali ayuu noqonayaa. Marka, Mudane Madaxwayne, waxaa loo bahan yahay in qorshe loo dajiyo laydhka (ama Energy) dalka u bahan yahay. Laydhka aynu u bahan nahay waxaa laga yaaba inuu noqdo 100 MW – 600 MW. Marka, waa in loo qaybiyo dhawr qaybood (ama waji) oo kolba waji la hirgaliyo. Waxaan anigu qabaa in laydhka aynu u bahan nahay laga dhaliyo dhuxul dhagaxda, oo ah alada ugu jaban ee laydh laga dhalin karo. Haddii aanu dhuxul dhagaxda dalka lagu sheego aynaan isticmaali karin, waxaan ka soo iibsan karnaa dalalka Afrikaanka, iyo calamka kale. Haddaba, laydhka laga dhaliyo cadceeda iyo dabayshuna waxaay noqon karan kuwa lagu badhi taro laydhka laga dhaliyo dhuxul dhagaxa, lakiin ma noqon karaan mida ugu mihiinsan ee laga dhalin karo laydh jaban, ama laydh joogta ah. Maal gashigana mashruucani waxuu ka imanaya dadka Somaliland, iyo cid ala iyo cida kale ee maal gashan karta. Lakiin ganacsato generator-o naafto tunka ku sita, laydh jaban ha ka filan. WARSHADA SIBIDHKA (CEMENT FACTORY) Warshada Sibidhka ee Berberba in aynu dib-u-kicino waxaynu ka door bidnay in aynu sibidh ka soo iibsano dalalka jaarka ah iyo calamka kale, lacag malaayiin dollar inaga bixdo. Lacagtaasi haddii aanu warshada sibidhka galin lahayn, maanta warshada sibidhku way shaqayn lahayd, dadkeenu shaqooyin ayay ka heli lahaayeen. Haddaba, 2010-kii ayaa Warshada Sibidh lagu wareejiayay koox dilaalin ah, oo hanti Warshada Sibidh ku kiciyaan haysan. Labo sano ka horena, mar kale Warshada Sibidhka lagu wareejiyay kooxda iminka gacanta ku haya, oo isku jira dilaaliintii hore iyo dhawr taajir. Haddaba, Mudane Madaxwayen kooxdani ma kicin karaan warshada sibidhka. Mudane Madaxwayne, nimankani warashada gacmahooda kuma samaynayaan, ee waxaa jira sharkado faro ku tirisa oo warshadaha noocani oo kale ah iibiya. Mudo kooban kuugu sheegaya wakhtiga iyo qiimaha ku hirgalin karaan. Sababta warshada sibidhka Berbera ayna kooxdani u kicinayn, waxaan qabaa in ay laba mid tahay; In kooxda-dilaalinta ah, een haysan hanti ay galiyaan iyo kooxda-tijaarta ah, ee hantidoodu galaya ayna heshiis ku ahayn dhaqaalaha warshada la galinayo. Sidaa daraadeed, tijaartu waxay doonaya in ay wakhtiga ka ridan dilaalinta. Marka ay mudo wareejiyana lacag yar siin, sidadaana warshada ula wareegan. Dilaalintuna waxay nawilayaan in ay helaan sharkad caalamiya oo lacag fiican siiya, sidaana ugu wareejiyan warshada. Marka Mudane Madaxwayne, kooxdani warshad ay dhisayaan ma jirto, ee waa in laga wareejiyo. Haddaba, haddii la isla qaato in la sameeyo Bangiga Horumarinta Somaliland, waxaan qabaa in mudo kooban ay ku soo bandhigi doonan qorshaha Warshada Sibidhka, lacagta ku baxaysa iyo wakhtiga warshadu la hirgalin karo. Mudane Madaxwayne Dastuurka Somaliland meelna kagama jirto inuu Madaxwaynu hantida qaranka shakhsi (ama sharkad) uu siin karo. Hantida Ummada ka dhaxaysa waa in si sharciya lagu bixiyo. Haddaba, Mudana Madaxwayne sida dhulka Berbera aad uga soo celisay dadkii sida sharci darada ah loo siiyay, waa in aad warshada sibidhkana aad u soo celisaa. Nimanka dilaalinta ah ee la siiyay warshada sibidhka waxa lagu siiyay in ay matalaan dadka deganka Berbera ee warshada Sibidhku ka dhisan tahay. Lakiin, cid ay mataan ma jirto ee iyaga ayaa ka tajiraya, dadka degaankuna wax faa’iido ah kama helayaan. Haddaba, Mudane Madaxwayne, haddii aad wax u qabanayso dadka deganka Berbera ee warshadu ku taalo, ma ah in aad afar af-miisha la dhagaysato, ee waa in la sameeyo Maamulka Horumarinta Berbera (Berbera Development Authority), oo ka kooban gudi dhawr qof ah oo cashuurta (5% ilaa 10%) laga qaado kiishkasta oo sibidha, ummada magalada Berbera wax loogu qabto. Mashruuc kasta oo dalka laga hirgalinaya sidaa oo kale sune looga dhigo. Gaba gabadii, Mudane Madaxwayne qudbada waxay ahayd mid ummada wanaaga iyo horumarka jeceli ku farxeen, waxaase Mudane Madaxwayne laga fadhiyaa sida aad qudbada uga dhaban lahayd, haddii kale qudbadahaga danbe waxay noqon doonan kuwa wax ka soo qaad lahayn. Haddaba, haddii Mudane Madaxwayne talooyinka aan halkani ku soo bandhigay (ama kuwa la mida), aad qaadatid waxaan qabaa in dalku horumarka aad rabtid gaadhi doono. Ummada Somaliland wada jirkooda waxaa ku xidhan yahay in cadaalad helaan, lakiin, marka afar afmiishar iyo dhawr tajir hantida ummada lagu wareejiyo, waxaa noqonaysa dawlad la mida tii Siyad Bare eed adiga iyo dadka Somaliland iska xoreeyan. SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!! OMAR A. YOUSUF OAKLAND, CALIFONIA Omaryousuf455@gmail.com DALAYADA “DANTA QARANKA SOMALILAND” (SOMALILAND FIRST) WWW.SOMALILANDFIRST.COM Source
  17. A statement from the ISIS Islamist group that was published on Sunday by the ISIS News Agency Amaq, said their militias killed 14 members of al-Shabab islamist group. ISIS militants claimed that their fighters attacked al-Shabab members in the Village of Miirale, southwest town of Qandala, in Bari region, who were preparing to attack the ISIS bases in the Bari region, According to the statement. The Statement was published by the Amaq news Agency, adding that the ISIS killed 14 members of the al-Shabab, the others were injured and captured military equipment. Last month, ISIS released a warning to other Al-Shabaab terrorist group accused of hitting the ISIS members in southern Somalia, and threatening to avenge. This comes as Puntland state of Somalia prepares for the presidential election and the president Abdwali Gaas wants to run again. It is noteworthy that the Bari regional security officials are busy with the elections, and some may run in high seats as members of the parliament and the president. PUNTLAND POST The post Al-Shabab and ISIS clash in Bari region appeared first on Puntland Post.
  18. Binu’aadamka waxa Alle u doortay in ay aduunka wakiilo uga noqdaan , waxaanu Ku amray in aanay arladda fasahaadin inta alle islaaxiyay Ka dib ,sidàa darteed qof waliba wuxuu aduunyada yimaadaa isagoo xambaarsan masuiliyadaas wayn ee culus . Hadaba mudada kooban ee qofku aduunka joogo ayuu qof waliba gutaa qayb Ka mida waajibaadkaas wayn ,waxaase laggu Kala duwan yahay baaxada waajib gudashada , dadkuna sidiisiba isku itaal iyo isku karaan ma noqon karaan. Sidaas oo ay tahay , abwàan maxamed ibraahin hadraawi waajibkiisii wuu gutey aduunyada kaga beegnaa ,noloshiisii oo dhana wuxuu Ku qaatay halgan , halgankaasoo wejiyo badan lahaa . style=”font-size:16px;”>Hadraawi wuxuu u halgamay xuquuqda aadamaha falastiin ,soomaali ilaa fiidnaam ,wuxuu u halgamay cadaalada ,wuxuu u halgamay toosinta qiyamka iyo akhlaaqda . Ugu danbayn hadraawi ilaalinta deegaanka,dhawrista ba’ada ,daryeelka ugaadha iyo noolayaasha oo dhan buu halgankiisu gaadhay . Si kastaba ha ahaatee , hadraawi waajibkiisii wuu gutey,umaduna waajibkeeda loo tilmaamaayo , hadraawi na magaciisa iyo milgihiisu way waari doonaan inta aan suurta la afuifin . W/Q: Axmed Nuur Guruje. Source
  19. (SLT-Hargaysa)Prof Cabdi Cali Jaamac oo ka mid ah aqoonyahanka somaliland ayaa ka hadlay shirkii maanta lagu soo gaba gabeeyey magaalada Djibouti ee ku saabsanaa isbadalada ka socda Geeska Afrika. Prof Cabdi Cali Jaamac oo soo saaray qoraal uu kaga hadlayey shirkaasi ayaa waxa uu ku yidhi:- Ra’iisal wasaare ku xigeenkii Somalia ayaa fadhiyay; Djibouti oo aynu ognahay halkay ka taagan tahay qaddiyada Somaliland ayaa gogosha fidisay; innagu ma talaynu ku tagnay; haddaynu talo ku tagnay, waxan leeyahay dib ha loogu noqdo taladaas; haddii dadka tegay ay mashruuc ama dalxiis ka ahaydna, waa in lala xisaabtamaa. Immika qorshaha la wadaa markaan qiyaasay waa in innagoo soo taag-taagan caadi laga dhigo sheekadii Somali wayn; mabaan arag maalin ay ka dhiiran yihiin; oo ka farsamo fiican yihiin, waabay ina xushan yihiin ba; niyad jabkii ka dhashay doorashadana si fiican bay uga faa’iidaysteen. Waxan yara dhegaystay doodda qaar xaggeena ka socday; wallahi waxay u hadlayeen sidii oo ay ka mid yihiin Muqdisho; waar goormaa sidan loo jabay?; waar shaw mehereddu beri hore ayay kacday ba?; qodh iyo xaro, laftii bay jabinayaan kuwani; waxan moodayay in oogada sare ee jidhka la gar-garaacayo; waar talaw miyay kuwani innaga aragti dheer yihiin; mise way innaga fariidsan yihiin?!!!; mise hoostaa laga diray?; mise xaalku waa dheglay ku shub, dhan walba ha lagu qadee; hashu maankayga gadee ma masaar bay liqday?!!! ; bal adba? Si kasataba ha ahaatee, haddii xukuumaddu sidaa uga sii aamusnaato, taasi waxbay inoo iftiimin doontaa; waxana ku xigi doonaa waxyaalo faro badan oo looma fadhi ah; haddiise ay ka gilgilato, wali arrinku ma foga; waana loo wada joogaa siday yeeshaba!!! Ugu danbyntii, shirka cinwaankisu wuxu ahaa sidee looga faa’iidaysan karaa isbeddelka geeska ka socda; dee yaa wax ka dhexeeyaan ee ka faa’iidaysanayaa; dee nin baa immika muraad lahaa; maxaad ugu cammirteen; kuwii uu daba socon jiray ha ba u cammiraane?; ma laha xaalkeenuba waa inta tigidh bilaash ah iyo habeen-dhax la inoo soo fidinayo!!!; Alla kariim!!! Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga. Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay labo qof oo u dacwooday Al-Shabaab, kuwaasi oo decumenti been abuur ah ay wateen awgeed Maxkamada Gobolka iyo tan racfaanka ay go’aan uga gaareen. “Afar Qof ayaa loo diray waaran oo intey ka dacwoodeen gobolka laga soo xukumay ka dibna racfaan soo qaatay, Garsoorihii ku qornaa ayaa dacwadda dhageystay oo baaris u diray xeer ilaalinta, waxay soo saartay xeer ilaalintu in dokumentigooda uu been abuur yahay, ka bacdi intey carareen ayay u dacwoodeen Al-Shabaab,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada racfaanka Gobolka Banaadir. Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa tilmaamay in labo ka mid ah afarta ruux ay maqan yihiin, halka labada kale ay xiran yihiin, kuwaas oo uu sheegay iney Shabaab u aadeen si ay cabsi geliyaan dadka dacwada kala dhaxeysay una handadaan muwaadiniinta kale, sida uu hadalka u dhigay. Dhan kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya la xiray ka dib markii uu gacantiisa ku sameystay dokumenti been abuur ah,I slamarkaana uu isticmaalay. Garsoorka dalka ayaa horay uga digay dadka Garsoorka u doonta deegaanada ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab. Dad badan ayaa garsoor u doonta kooxda Al-Shabaab, sababtuna waxa ay tahay nidaamkooda oo ka madax banaan musuq-maasuqa, oo ah arrin ay caan ku yihiin maxkamadaha hoos-taga dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. (SLT-Nairobi) Aadan Barre Ducaale hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka dalbaday Dumarka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya inay ragooda u ogolaadan inuu la guursado seddex xaas oo kale. Isaga oo ka qeyb galayay kulan ka dhacay dalka Kenya ayuu sheegay in dadka Kenyan-ka ay aamisan yihiin inay ka badan yihiin Soomaalida, taasina loo baahan yahay in meesha laga saaro. Dadka qurbe joogta ah, Soomaalida Kenya ee xoola dhaqashada u soo galay gudaha Soomaaliya iyo dadka kale ee Miyiga jira ayuu ugu baaqay in ay ka qeybqaataan tirakoobka iskana bareejeeyaan qabiillada kale ee Kenya. Wuxuu ka dalbaday haweenka Soomaaliyeed in Seygooda u ogolaadaan inuu seddex xaas la guursado, si sanadka dambe Afar caruur ah uu u helo, islamarkaana la kordhiyo tirada Qowmiyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya. Dhamaadka sanadka soo socda aya Kenya waxaa ka dhaceysa tirakoobka dadweynaha Kenya oo qowmiyad kasta la tirakoobo. Source
  22. Jabuuti (PP) ─ Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo hadal a jeediyay xiritaankii madasha Heritage oo maanta lagu soo gaba-gabeeyay caasimadda dalka Jabuuti, ayaa walaac xooggan ka muujiyay is-bedellada ka socda Geeska Afrika, isagoo ku taliyay in la dhawro dalalka gobolka. Geelle ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo isbedellada ka socda gobolka, balse loo baahan yahay in isbedellada socda laga eego faa’iidooyin iyo wixii dibin-daabyo ah ee ku duugan. “Waxaa wanaagsan in fiiro dheer loo yeesho waxa ay dunidu rabto iyo sida ay dalalka kale ee gobolku ula fal-geli karaan isbedellada socda,” ayuu yiri Madaxweynaha waddanka Jabuuti oo ku maahmaahay; ‘Waan Baahanahay Bahallo looma cumo’. Sidoo kale, Madaxweynaha Jabuuti ayaa wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in la dhawro mahuraannada ummadeed oo salka ku ah buu yiri jiritaannada waddamada caalamka oo dhan. Mar uu sii hadlayay ayuu sheegay in dalalka Geeska Afrika ay leeyihiin urur ay ku mideysan yihiin loo yaqaanno IGAD, kaasoo oo guta xilka iskaashiga dalalka Gobolka, isagoo xusay in looga dambeeyo howlaha is-dhex-galka gobolka. “Tusaale ahaan Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya waxay qaadeen talaabooyin ku dayasho mudan, kuwaasoo ku saabsan dhanka is-dhex-galka wadamada gobolka,” ayuu hadalkiisa ku daray, wuxuuna hadalkiisan u muuqday mid uu ku doonayo in Jabuuti laga qayb-geliyo is-bedellada socda. Dhanka kale, Hadalka Madaxweynaha Jabuuti ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo toddobaadkii hore uu booqasho ku yimid Muqdisho madaxweynaha Eritrea, Issias Efwerki, taasoo ahayd booqasho rasmi ah oo uu wadahadallo kula yeeshay madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo. Ugu dambeyn, isbedellada ka socda gobolka ayaanay weli Jabuuti qayb ka ahayn, iyadoo Eritrea ay weli haysato dhul ay Jabuuti leedahay, inkastoo ay labada madaxweyne horay ugu kulmeen dalka Sucuudiga. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo Walaac ka Muujiyay isbedellada Gobolka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Deegaannada Koonfur-galbeed Somalia, yaa baaq kasoo saaray xaaladda ka taagan Koofur Galbeed, gaar ahaan doorashada la filayo inay ka dhacdo Baydhabo. Kulan xildhibaanadani ku yeesheen Muqdisho ayay uga hadleen xiisadihii u dambeeyya ee ka dhacay Baydhabo, waxayna soo jeediyeen in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Koonfur-galbeed, inta heshiis siyaasadeed laga gaarayo Haddaba,a Hoose ka AKHRISO War-saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee Digil-Mirifle: Shir deg-deg ah oo xildhibaanada Digil-Mirifle ay ka yeesheen Xaalada Cirka isku sii shareeraysa ee ka taagan Koofurgalbeed Soomaaliya taas oo ka dhalatey Faragelinta qaawan ay Dowladda Federaalka ku heyso Doorashada Madaxweynaha KGS iyo sidoo kale xadgudbyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, Dastuurka Dalka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Sidaas darteed Xildhibaanada waxay soo saareen War saxaafadeedkaan: Ugu horeyn Waxaan Tacsi tiraanyo leh u direynaa shacabka Koofurgalbeed geeridii ku timid Xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Ibraahim, Alla ha u naxariistee oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Dowlad-goboleedka KGS iyo sidoo kale shacabkii sida aan kala sooca lahayn loogu xasuuqey magaala Baydhabo iyagoo dhigayaa banaanbaxyo nabadeed oo ay ku muujinayaan Shucuurtooda iyo Xaqa ay u leeyihiin in ay cabiraan Ra’yiga iyo afkaarta si ay usoo bandhigaan afkaartooda ku saabsan cida ay ku aamini karaan Masiirkooda Siyaasadeed taas oo ah xuquuq Dastuuri ah oo Dastuurka federaalka soomaaliya siinayo Muwaadininiinta Soomaaliyeed. Waxaan si adag u cambaareyneynaa afduubkii loo geystey Musharax Madaxweyne Mukhtaar Roobow Cali oo ah Muwaadin Soomaaliyeed taasi oo 13/12/2018 ay ciidamada AMISOM- Sector 3 gaar ahaan Ciidamada Ethiopia ka soo afduubeen xarunta Madaxtooyada Koofurgalbeed ee Magaalada Baydhabo iyagoo ku soo wareejiyey Gacanta Hey’adda NISA. Sidaas awgeed Waxaanu shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan Shacabka KGS ee xad gudubka loogeystayba u cadeyneynaa in afduubkaasi uu yahay sharci daro iyo xadgudub loo geystey dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaanna shacabka koofurgalbeed Waxaan sidoo kale ku boorineynaa cidkasta oo ku lug lahayd falkaasi in ay ka waan toobaan in ay kula kacaan falal sharci daro ah muwaadiniinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba. Waxaan sidoo kale cambaareyneynaa Ciidamada AMISOM- Sector3 gaar ahaan Ethiopia falka ay ku kaceen ee ah ku milmidda iyo Faragelinta siyaasadda gudaha Soomaaliya gaar ahaan Koofurgalbeed, iyo sidoo kale xadgudubka iyo falalka hubeysan ee ay kula kaceen Muwaadiinta reer Koofurgalbeed taas oo isagu jirta afduubka iyo rasaas nool oo lagu furey shacabka mudaaharaadayey si ay u caburiyaan. BAAQA XILDHIBAANADA: Xildhibaanada ka soo jeeda Qowmiyadda Digil iyo Mirifle ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliyeed waxay soo jeedinayaan qodobadan soo socda: In la ilaaliyo Sareynta sharciga iyo ku dhaqankiisa isla markaana loo hoggaansamo lana aqbalo Dalabkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Golaha Odayaasha Dhaqanka KGS, Xubnaha Aqalka Sare ee ka soo jeeda Koofurgalbeed Dalabaadkaasi oo ahaa in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed si loo ilaaliyo Maslaxada caamka ah, Danaha qaranka , midnimada iyo isu uurfayoobaanta shacabka soomaaliyeed islamarkaana loo helo jawi deggan oo saamixi kara doorasho xor iyo xalaal ah. In laga wada shaqeeyo sidii lagu suurtagelin lahaa heshiis siyaasadeed oo dhameystiran oo keeni karta xal ka gaaridda doorasho ay ka wada qaybgalaan dhamaan musharaxiintii shahaadooyinka qaatey. In la soo daayo dadka sida sharci darada ah lagu xirey iyagoo gudanaya xuquuqooda Dastuuriga ee uu u fasaxayo Dastuurka JFS. Waxaan ugu baaqeynaa Shacabka Koofurgalbeed in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida iyaga oo ku dhaqmaaya Qod. 20aad ee Dastuurka JFS oo u fasaxaya in ay ka qaybqaadan karaan, abaabulan karaan banaanbaxyo nabadeed oo ay ku cabirayaan dareenkooda iyagoo aan cidna uga baahneyn in ay ogolaasho ka helaan. Shacabka waxa aanu Xasuusinaynaa Xigmada “tiraahda libaax ninganey iyo nin galaday labadaba og” Maalinbaa soosocota Insha Allah aad qalinkiina ku codeysaan oo aad si cad codkiina ugu garab istaagtaan cidii idinka mutaysata. Waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqeynaa in ay joojiyaan cadaadiska iyo caga-jugleynta ay ku hayaan Guddiga Doorashada, Madaxda kumeel-gaarka ah ee maamulka iyo Xildhibaanada Baarlamanka Koofurgalbeed taas oo xadgudub ku ah xoriyaddooda Dastuuriga ah. Ugu danbeyn Xildhibaanadu waxa ay si mug iyo miisaanleh ugu mahad celinayaan qofkasta oo soomaaliyeed oo damiirkiisu ka xumaaday, kana damqaday tacadiga lagula kacay bulshada reer KG. Shacabka reer koonfur galbeed, waa ay idiin ogyihiin abaalkiina. Waxaanu sidoo kale u mahadcelinaynaa hay’adaha Xuquuqul iinsaanka, iyo guud ahaanba xubnaha beesha caalamku jawaabihii ay ka bixiyeen dhacdooyinkii foosha xumaa ee lagula kacay bulshada KG. PUNTLAND POST The post Xildhibaannada Baarlamaanka DF ee kasoo jeeda Koonfur-galbeed oo soo saaray Baaq appeared first on Puntland Post.