-
Content Count
207,117 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Sadiiq Warfaa xoghayaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka oo la hadlay Shabelle ayaa soo dhaweeyay kulanka ay wada qaateen guddoomiyaha BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo R/wasaare Xasan Cali Kheyre. Ugu horreyn Xildhibaan Warfaa ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay kulanka labada mas’uul, oo uu xusay in ay muhiim tahay in laga wada hadlo xaaladda dalka. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay guddoonka Golaha Shacabka in uu dib u bilaabo kulamadii Baarlamaanka, si loo dardar galiyo howlaha shaqo ee Golahaasi. Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa hoosta ka xariiqay in khilaafkan uu sameyn ku yeeshay howlihii u yaallay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli ay socdaan dadaallo lagu xalinayo khilaafka madaxda DFS, kaas oo ka dhashay Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo. The post Warfaa Oo soo dhaweeyay kulankii Kheyre iyo Mursal appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland oo uu haatan waqtiga ka sii dhamaanayo ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax markale u taagan qabashada hoggaanka sare ee maamulkaasi. Madaxweyne Gaas ayaa munaasabad lagu qabtay Garoowe ku soo bandhigay waxqabadkiisa ,waxaana uu xusay in uu wax badan ka qabtay Puntland. Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay inay weli u harsan yihiin dhameystirka Mashaariicyo muhiim ah, islamarkaana uu codsanayo in mar kale loo doorto maamulkaasi. C/weli Maxamed Cali Gaas waxaa Madaxweynaha Puntland loo doortay 8 January ee Sanadkii 2014 -kii, waxaana xilka uu hayay muddo dhan 5 sano ah. Ku dhawaad 40 Musharrax oo ay ku jiraan kuwa horay xilal uga soo qabtay DFS iyo Puntland ayaa u sharraxan Hoggaanka maamulkaasi. The post MD Gaas Oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-18122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somali Prime Minister Hassan Ali Kheire has held a meeting with the Speaker of the House of the People, Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman, in Mogadishu on Monday night. In a closed-door meeting, the two leaders discussed the current situation of the country, according to sources privy to the development. The sources said the leaders reached a preliminary agreement to ease the escalating political tensions in the country. Among the issues agreed to be review are the motion against President Mohamed Abdullahi Farmaajo, enhancing the relations between legislative and executive branches of the government and a possible face to face meeting between President Farmaajo and the speaker. The post Somali PM holds crucial meeting with parliament speaker appeared first on Shabelle. View the full article
-
Iskaashatada Kaluumeysatada ee Muqadisho ayaa sheegay inay walaac ka qabaan heshiiskii dowladda Soomaliya ku bixisay shatiga Kaluumaysi ee shirkada Shiinaha laga leeyahay. Dowladda Soomaaliya iyo shirkad kaluumeysi oo laga leeyahay dalka shiinaha ayaa kala sixiixday heshiis dhanka kaluumeysiga ah heshiiska kaluumaysiga ayaa shirkada Shiinaha ruqsad u siinaya inay ka kaluumaystaan badaha Soomaaliya. Heshiiskaa ayaa waxaa ka soo baxay durbaba walaac ay ka muujinayaan Kaluumaytada Soomaalida oo dhanka kaluumaysiga ah ayagoo tilmaamay inay awalba dhibaato ku qabay maraakiibta shisheeye ee sida aan Sharciga aheen uga kaluumaysta xeebaha dalka ayadoo aysan jirin wax ogolaanshiya ah oo ay ka heestaan DFS. Xasan Maxamed Rooble , waa gudoomiyaha urur ay ku midaysan yohiin kaluumaysatada Soomaalida waxa uu lahadlay Goobjoog news waxa uu tilmaayaa in hadka kaluumaysatada ah in walaac badan ay ka muujinayaan heshiiska ay dowladu siisay shirkada shiinaha. “Dowladda Soomaaliya ayaa dalka badahiisa iyo hawadiisa masuuliyad ka saarantahay laakiin waxaan Kaluumeysato ahaan waxaan walwal ka muujinaynaa heeshiiskaan maadaama dadkaan noloshooda ay ku tiirsantahay badda iyo kaluumaysiga iyo waxa ay ka soo saartaan baddaha Soomaaliya sidaas darteed annaga waxaan walwal aan ka qabnaa markabka hadii la siiyay rukhso uu ku kaluumeeysto waxa uu sameen karaa inuu soo dhaafo xadkii loogu talagalay, waxaan ognahay inaan qabin ciidamadii Bada inoo ilaalinayay qalab lagu waardiyeeyo ama lagu ogaan karo markiibta halka ay joogaan, taasina waa walaaca ugu badan aan ka muujinayno in markabku ka soo gudbo xadkii loogu talagalay Kaluumaysada mawaadiniinta ahna dhibaato uga timaado” Rukhsada lasiiyay shirkada shiinaha ee FOCA oo leh 31 Markab oo si xor ah uga kaluumaysanaya badaha Soomaaliya waxaana rukhsadan ku kacaya lacag dhan 1 milyon oo doolar Mareykanka, waxaan heshiiskaan sixiixay Wasaarada Kaluumaysiga iyo kheyraadka badda xukuumada federaalka ee Soomaaliya dowladda ayaana sheegtay in lacagtaan ay si toos ah ugu dhicidoonta bankiga dhexe ee Soomaaliya mana jiri doonaan in lacagtaad la isticmaalo ilaa la isaga afgaranaayo qeybsiga kheyraadka dalka uu leeyahay Wasaarada kheyraadka bada ayaa sheegtay in Kaluumaysada shirkada FOCA ay la bixidoonaan Kaluunka nuuca TONAHA loo yaqaano hadana waxaa taagan cabsida ay qabaan Kaluumaysatada Soomaalida sida mar kale uu sharaxayo Xasan Maxamed Rooble “Taas waa ay jirtaa waxaa jira dooni bada lagu waayay mudo kadib doonidii kaliya lahelay dadkiina lawaayay oo dhaawacyo ku yaalan xabado taasna waxaan u aanayneeynaa maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumaysata badahaha Soomaaliya, waxaa jira dad badan oo ilaa hada badda lagu la,yahay maladilay ma is kood ayeey ulumeen lama ganaayo labo bil ka hor waxaa lumay doon ay sedex nin oo dhalin yaraa ay saran yihiin dhaawac midkood sanadkaan bilaawgiisa waxaa lumay labo doon oo lix nin oo dhalinyara ay saran yihiin inkastoo sedex kamida laga helay siirilanka kuwii kala laga sheegay jaziiradahaan shiisalis lakiin macadam” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Masuuliyiinta Shirkadda Duulimaadka ee Kenya Airways ayaa soo saaray go’aan cusub oo ay sheegeen inay ugu dambeyn go’aansadeen inay bilaabaan duulimaadyo toos ah oo Muqdisho iyo Nairobi ah. Shirkadda ayaa labo jeer waxay hakad gelisay duulimaadyo ay toos kaga bilaabi lahaayeen magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, waxaana la filayay inay bilaabaan duulimaadyadaasi bishii November iyo bartamihii bishaan. Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz ayaa sheegay inay heshiis la galeen shirkadda ALS oo ah shirkad bixisa ceymiska iyo leysimadda duulimaadyada si loo bilaabo duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi. Shirkadda Kenya Airways waxay sheegtay inay maalin kasta Duullimaad Toos ah Nairobi ka soo duulli doonto 1:00 Duhurnimo, waxayna Garoonka Aadan Cadde ku soo degi doontaa maalin kasta saacaddu markay tahay 1:45 daqiiqo ee Duhurnimo, taasi oo lamid ah 45 daqiiqo kaliya inay u socon doonaan Muqdisho iyo Nairobi. Sidoo kale Shirkadda ayaa sheegtay in duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi “Go and Back” ticked ahaan ku bixin doonaan 403 Dolar halka Bixin “Go” kaliya uu noqon doono 218 Doolar oo ah lacag ka badan diyaaradaha caadiga ah. Shirkadda Kenya Airways ayaa Suuqa duulimaadyada kula dagaalameyso Shirkadda Ethiopian, Jabuuti iyo Turkish Airline oo hadda ka shaqeeya duulimaadyada Caalamiga ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdish Caasimada@live.com
-
Xildhinaan Xasan Macalin Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ayaa door wacan ka ciyaaray in caasimada Muqdisho ay ciyaar saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho u yimaadaan ciyaartooy iyo macalimiin Soomaaliyeed intii u dhaxaysay 17-30 October 2018 waxayna ka kala imaadeyn wadamada Egland,Norway,Sweden,Canada,America iyo Kenya. Cabdi Axmed Cabdulle oo ka mid ahaa wafdiga kooxdii qurbajoogta ee caasimada timida bishii October qeybna ka ah bahda ciyaaraha reer UK ayaa u mahad celiyay xili dhibaan Xasan Macalin sida wanaagsan uu ugu qeyb qaatay socdaalkoodii kowaad ee dalka sanadaha soo aadan ay ka rajeyndoonaan in uu gacan buuxda ka qaato dhiiri gelinta iyo garab istaagida dhalinyarada ku koray qurbaha. Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa safarka kooxdii imaaday caasimada ayaa u haray waajibaadka xulka qaranka,isagoo kasoo muuqday saddex ciyaareed ayuu xulka u dhaliyay afar gool,20-November 2018 goolkii kowaad ayuu qaranka u dhaliyay wuxuuna goolkaas ka dhaliyay xulka Ethiopia oo ay la ciyaareyn is reeb reebka tartanka olimkada aduunka,saddex isbuuc ka dib laacib Feysal ayaa noqday xidigihii ugu horeeyay oo saddexlay ama hatric u dhaliya xulkeena wuxuuna ka dhaliyay wadanka Jabuuti inkastoo ciyaartaas ay aheyd mid saaxiibtinimo hadana waxa ay go’gol xaar u aheyd in mustaqbalka dhaw uu qarankeena ku ciyaaro garoomada gudaha. “Kaliya wax yar ayaa iminka ka qeyb qaatay mustaqbalka waxaan jeclahay in aan door wacan ka ciyaaro garab istaagida xirfadlayaasheena waana waajib na saran hadii aanu nahay xilidhibaanada golaha shacabka waana wax loogu baahan yahay dhamaan siyaasiinta” Ka dib wacdarihii wacnaa uu Feysal kusoo bandhigay garoomada waxa ay dhiiri gelin u noqotay ciyaartooy badan oo ku barbaaray qurbaha kuwaas oo iminka rajo ka leh in ay iyagana u dheelaan dalkooda waxaana badanaya codsiyada kala duwan ee soo gaaraya xiriirka kubbadda cagta oo ah hay’adda soo xulista iyo ka waqrabka xirfadlayaasha matalaya magaca Soomaaliya,halka qaar ka mid ah siyaasiinta ay ku tartamayaan caawinta iyo garab istaagida xirfadlyasha gudaha iyo kuwa qurbaha. Isku soo wadaba gofeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa qaba aragtida ah hadii la joogteeyo booqashooyinka kooxaha qurbaha laguna xoojiyo xirfadlayaasha gudaha ay keeni karto is badal iyo natiijooyin wanaagsan oo ka imaada safarada xulka qaranka ee ka qeybgalka tartamada caalamka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqayn diyaaradeed oo mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka oo taageeraysa ciidamada PSF ay ka gaysatay deegaanka [...] Source
-
Cabdiwali Gaas oo ku dhawaaqaya Musharax Puntland 2019 Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo dhowr jeer oo hore sheegay in uusan hoggaaminta Puntland mar dambe isu soo taagayn ayaa maanta ku dhawaaqay in markale uu u tartamayo doorashada madaxtinmada Puntland ee dhaceysa 8-da Janaayo 2018. Madaxweynaha Puntland ee wakhtigu ka sii dhamaanayo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadal uu ka jeediyay xafladda ku dhawaaqida musharaxnimadiisa oo garowe ka dhacday ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaalada Puntland iyo Federaalka . Xafladda ku dhawaaqida Cabidwali Gaas ee musharax Madaxweyne 2019, ayaa xafladaha kale ee musharaxiinta kaga duwanayd in ay ka qeyb galeen qaar kamid ah isimadda soo jireenka ah ee Puntland, kuwaas oo hadalo ka jeediayay. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shanti sano ee la soo dhaafay hogaaminayay Puntland ayaa inkasta oo uu wax ka qabtay qaar kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha, hadana waxa uu ku fashilmay arimo ay kamid yihiin amniga iyo musuqmaasuqa. Dhanka amniga ayaa xukuumadda Gaas ku fashilantay in ay wax ka qabato, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo lagu dilay sanadihii la soo dhaafay dad badan oo isu jira musuuliyiin dowlad ah iyo shacab, sidoo kale waxaa qaybo kamid ah gobolka Bari marayaan in dagaalo ku dhexmaraan ururada Daacish iyo Al-shabaab. Caqabadda ugu wayn ee Cabdiwali Gaas haatan hortaagan ayaa ah, taariikh aan gayiga Soomaaliyeed horay uga dhicin, ayna adagatay in uu jabiyo, taas oo ah in Soomaalidu waligeed hoggaamiye labo goor dooran. Doorashada Puntland 2019 marka la barbar dhigo labadii doorasho ee ka horeeyey ayaa ah inay ka xamaas iyo xasarad yartahay, marka laga reebo khilaafkii madaxda sare oo ugub ahaa. PUNTLAND POST The post Cabdiwali Gaas oo ku dhawaaqay musharax Puntland 2019 appeared first on Puntland Post.
-
Diyaaradda National Carrier ee Kenya Airways ayaa ugu dambeyntii waxaa ay maanta duulimaad toos ah ka bilaabeysaa gooramada min Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ilaa Aden Adde International Airport. Duulimaadkan, waxaa ay diyaaradda ka soo kici-doontaa JKIA saacadda 1:00 pm si ay Muqdisho u timaado 1:45 pm. Waxaa la filayaa in dib uga duusho Aden Cadde 3:50 pm si ay Nairobi u tagto 5:35 pm. Diyaaraddan Embraer 145, waxaa ay qaadaa oo keliya 50 qof. Tikit-ka oo markii hore lagu sheegay qofkii Sh42,000 ($403) ayaa waxaa laga dhigay Sh22,000 ($218). Waxaa diyaaraddii 3aad oo dal kale ah oo Muqdisho duulimaad toos ah ka bilowda, waxaa uga horreeyey Turkish iyo Ethiopian Airlines. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kulan Saacado badan la qaban qaabinaayay balse socday waqti aan badneyd ayaa xalay dhexmaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka. Kulankaasi ayaa u muuqda mid inta badan la isku fahmay waxyaabaha looga wada hadlay, waxaana ugu weynaa xalinta arrimaha siyaasadda iyo xiisadii ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha. Kulankaasi ayaa u muuqda mid keenaya isku soo dhawaansho guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxda sare ee dalka oo Khilaafkooda uu xoogeystay kadib markii mooshinka uu qabtay guddoomiyaha. Waxyaabaha laga bartay kulankii Xalay waxaa kamid ah:- 1 Is aaminaadda la’aanta labada dhinac oo keentay in shaqsi walbaa uu ka baaqsado in ruuxa kale ku booqdo xafiiskiisa, taasi oo dhalisay in meel dhexe la iskuugu yimaado 2 In isaga uu yahay ruux isku haya xildhibaanada mooshinka wada balse waxaa caqabad kale ka imaan doontaa marka xildhibaanadii la safnaa Guddoomiye Mursal uu qancin waayo arimaha kulanka, haddii kale ay ka hor imaan karaan. 3 In kulanka labada masuul uu gogol xaar u ahaa kulan Mursal iyo Farmaajo dhex mari doona. Xildhibaanada la safnaa guddoomiye Mursal ayaa la xaqiijiyay inaysan ka qeyb galin kulanka, waxaana waxyaabaha la isku soo hadal qaaday kamid ah in Guddoomiye Mursal uu ka guuro halka uu hadda degen yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)- Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya inuu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed oo beri ka dhaceyso magaalada Baydhabo. Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana banaanka loosoo saaray ciidamadii dhawaan dowladda Soomaaliya ay geysay magaalada Baydhabo. Ciidamada dowladda Ethiopia iyo ciidamada maamulka ayaa sidoo kale qeyb ka ah xaqiijinta amaanka magaalada Baydhabo oo beri loo qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed. Maalintii shalay ayaa lasoo gabo gabeeyay dhageysiga khudbadaha ay jeedinayeen ilaa shan musharax oo ka qeyb galaysa doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed. Markii ugu horeysay musharax buuxiyay sharuudihii la doonayay ayaa ka maqan doorashada ka dhacaysa magaalada Baydhabo waana musharax Mukhtaar Roobow oo dowladda Soomaaliya ugu xiran magaalada Muqdisho. Caasimadda Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Faah faahin ayaa ka soo baxaya kulan saacado qaatay oo xalay dhex maray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo kulankan uu ka dhacay meel ka baxsan Madaxtooyadda. Kulankan ayaa ahaa kii u horreeyay ee dhex mara Labada Mas’uul, tan iyo markii todobaadkii hore uu Guddoomiye Mursal ka soo guuray Madaxtooyada, waxaana jiray waan waan ay wadeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka shaqeynayay sidii Madaxda la isu keeni lahaa, hase ahaatee waxaa lagu guuldareystay in midba midka kale uu xaruntiisa ugu tago, taas ayaana keentay in meel dhex dhexaad ku kulmaan, gaar ahaan Xarunta Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa markii uu kulanka soo dhamaaday xalay saqdii dhexe qoraal soo dhigay barta Twitter-ka, kaasoo lagu sheegay inay ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta Xukuumadda iyo Golaha Shacabka. Kulanka markii uu dhamaaday labada dhinac ayaa dib ugu laabtay xarumahooda, iyadoo Guddoomiye Mursal uu dib ugu laabtay Hoyga Shabeel oo uu maalmahan deganaa, tan iyo markii uu ka soo guuray Madaxtooyada. Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu hordhigay Ra’iisul Wasaaraha labo qodob oo kala ah Doorashada Koofur Galbeed in dib loo dhigo iyo in arrinta Mooshinka uu kala hadli doono Madaxweynaha, maadaama cida laga keenay uu isaga yahay. Khilaafka ka dhashay doorashada Koofur Galbeed, xadhigga Roobow iyo Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaliyay qalalaase siyaasadeed oo sababay heer Madaxda ku kala fogaato, isla markaana Guddoomiyihii oo ahaa ninka labaad ee dalka uga sareeyay uu ka soo guuro Madaxtooyada, kaddib xayiraado la saaray markii uu qabtay Mooshinka 9-kii bishan. Source
-
(SLT-Jigjiga)-Toddobaadyadii la soo dhaafay iskudhacyo u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada dalka Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay dad badan, kumannaan qof oo kalana waxaa qasab ku noqotay inay guryahooda isaga qaxaan. Wufuud ka socotay Midowga Yurub ee booqatay gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya halkaas oo ay u kuurgaleen dhibaatada haysata dadka ay colaaduhu barakiciyeen. Wafdigu waxaa la kulmay Maxamed Fataax oo ah madax xafiiseedka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta musiibooyinka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxay ka wadahadleen wafdigaasi xaaladdaa barakacayaasha Source
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa K/galbeed iyo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa aad u adkeeyey ammaanka guud ee magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay. Wararka waxya sheegayaan in ciidamo badan lagu arkayo maanta xaafadaha magaalada Baydhabo iyo sidoo kale waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi. Waxa ay baarayaan gaadiidka gudaha magaalada isticmaalayo, waxaana jira xaafadaha qaar gaar ahaan kuwa ku dhow madaxtooyada oo isku socodka la xadiday. Ulajeedka howlgalladan ayaa ah doorashada la filayo in maalinta berri ah ka dhacdo magaaladaasi, waxaana ku tartami doona Shan Musharrax. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa doorashadaasi si awood ah waxay uga reebtay musharra Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo weli Xamar ku xabisan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Afgooye ( Sh. M. Netwotk )-Maxamed Ibraahim Barre guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay duqeymo xoogan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Guddoomiye Barre ayaa sheegay in ay si u dhow ula socdaan duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee ka dhaca gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dadka shacabka ah ay la shaqeeyaan Ciidamada dowladda, kuna soo wargaliyaan goobaha ay ku sugan yihiin Dagaalyahannada Al Shabaab Shalay ayey aheyd markii Mareykanka uu sheegay in illaa 6 duqeymood uu ka fuliyay deegaankada Gandarshe ee gobolkaasi, kuna dilay 62 ka tirsanaa Al Shabaab. The post Guddoomiye Barre Oo ka warbixiyay duqeymaha Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Ankara)-Wasiirrada arrimaha dibadda ee Ruushka, Turkiga iyo Iiraan ayaa lagu wadaa in maanta shir ku saabsan waddanka Suuriya ay magaalada Geneva kula yeeshaan madaxda Qaramada Midoobay. Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan waddanka Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa ku baaqay in kulankan si loogaga xaajoodo qabashada guddi ka soo shaqeeya dastuurka, arrintaas oo ay Qaramada Midoobay u aragto inay gundhig u tahay in Suuriya ay hesho nabad waarta. Dalalka Ruushka,Turkiga iyo Iiraan ayaa galangal xooggan ku leh arrimaha dalka Suuriya. Qaramada Midoobay ayaa rajaynaysa in galaangalkooda ay dalalkan u siticmaali doonaan in ay gacan ka gaystaan nabad waarta oo lagu soo dabaalo Suuriya. Tallaabadda ugu horreysa ayaa ah in la dhiso guddi ka shaqeeya samaynta dastuurk cusub,waxaana taasi xigi doonta doorashooyiin dalkaasi laga qabto. Dowladda Suuriya iyo mucaaradka ayaa ku heshiin waayay qaabka loo dhisayo guddigan iyo baaxadda ay tahay in dastuurka wax laga badalo. Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa ku baaqay in nabad lagu soo dabaalo Suuriya. Waxa uu de Mistura rajaynayaa in ka hor inta uusan xafiiska ka tagin dabayaaqada bishan la dhiso guddigaasi dastuurka. Source
-
(SLT-Hindiya)-Gabadh saddex sanno jir ah oo ku nool dalka Hindiya ayaa xaaladdeeda caafimaad laga dayrinayaa, ka dib markii uu nin daris la ahaa ku kufsaday magaalada Delhi. Ninka falkan lagu soo eedeeyey ayaa ah 40 sano jir waardiye ah oo ka howlgalayey dhismaha ay gabadha yar ku nooleyd. Xabsiga ayaa loo taxaabay ninka lagu soo eedeeyay dambigan. Booliska ayaa helay gabadha oo suuxsan, isbitaalka ayeyna ula carareen, halkaas oo ay qalliin ku marayso. Falkan ayaa dhacay maalintii Axada ahayd, xilligaas oo ku beegnayd lix sanno guuradii ka soo wareegatay markii ay koox rag ah si wada jir ah gabar ardayad ah ugu kufsadeen basuu lahaa Iskuul ku yaalla magaalada Delhi. Madaxa guddiga dumarka ee magaalada Delhi ayaa tiri ” Dhacdadan niyad jab ayey ku noqotay dalka oo dhan”. dad fara badan oo ka carooday dhacdadan ayaa sameeyay dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan dhacdadan. Source
-
Wasaaradda amniga gudaha ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay gabi ahaanba shaqooyinkii dalka ka haysay lagaga joojiyey hay’adda Sahan Research oo ka shaqeynaysay Soomaaliya, taasi oo howlaheeda ahayd cilmi baaris. Sababo la xiriir amniga qaranka iyo xasiloonida dalka ayeey wasaaraddu ku sheegtay in shaqada looga joojiyey hay’addan. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com