Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,135
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa bari oo Arbaco ah Taariikhduna ku beegantahay 19-ka Decembar ee sanadka 2018-ka ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi. Doorashadaasi oo dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayaa waxa ay ku adkeeysanayaan guddiga doorashooyinka maamulkaasi in bari ay ka dhaceeyso Baydhabo. Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana amaanka sugaya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed. Magaalada Baydhabo waxaa gaaray wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya oo goobjoog ka ahaan doonto doorashada madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed. Doorashada ayaa aad u adag lamana sii saadaalin karo cida ku guuleeysaneeyso doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi Koonfur Galbeed. Waxaa la sii saadaalinayaa in loolanka ugu adag uu dhax mari doono Musharaxa la yiraahdo Xuseen Cismaan Xuseen iyo Lafta Gareen oo labaduba Dowlada Soomaaliya xilal ka soo qabtay. Waxaa wali Muqdisho ku xiran Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo isagu doorashada aan ka qeeybgaleeynin. Dowlada Soomaaliya ayaa galaan gal muuqda ku leh doorashada magaalada Baydhabo bari ka dhaceeysa iyada oo taageero siineeysa mid kamid ah musharixiinta tartamaya. Wararka Doorashada kala soco Puntland Post Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Doorashada Madaxtinimo ee Koonfur Galbeed oo bari ka dhaceeysa Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  2. Nabadoon Maxamed Yacquub Isxaaq ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo ku aaddan xiisadda ka oogan degaanno ka tirsan Hiiraan oo u dhaxeeysa laba beel oo walaalo ah. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Daba Geed ayuu sheegay in ay kala hadleen arrinta soo korortay si uusan dhib uga dhallan. Waxaa uu ku eedeeyay guddoomiyaha in sidii loo baahnaa uusan u marayn maaraynta xiisaddaasi qabaa’ilka suntan. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/NABADOON-HIIRAAN-18-12-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Siyaasi Cismaan Sheekh Muxumed(Qoox) oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay doorashada madaxtinimada oo lagu wado in maalinka berri ay ka qabsoonto magaalada Baydhabo ee caasimad goboleedka gobolka Baay. Wuxuu sheegay in doorashadani aan la oran Karin mid caddaalad ah isagoo ku sababeeyay in doorashada laga reebay mid kamid ah lixdii musharrax ee isu soo taagay waa Mukhtaar Rooboow Mansuur. Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday dibadbaxyadii rabshadaha watay oo dhowaan ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo. Siyaasiga ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in dadkii ka dambeeyay khasaaraha ka dhashay dibadbaxyadaasi in lagu la xisaabtamo. Siyaasi Cismaan Qoox ayaa sheegay in dibadbaxyo ay ku diidan yihiin rabashadihii ay Baydhabo martigalisay iyo soo qabashada Mukhtaar Rooboow ay ka dhigi doonaan dalka UK oo ogalaanshiyo ay dowladdaasi ka heystaan. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WAREYSI-SIYAASIGA-KG-18-12-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Musharraxa xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019ka, Cali Cabdi Awaare ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halka oo si ballaaran loogu soo [...] Source
  5. Muqdisho (Sh.M.Network) – War qoraal ah oo uu soo saarey Safiirka Mareykanka ufadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto, ayaa lagu sheegay Soomaaliya siinayaa Yabooh lacageed oo dhan 900 oo Dollar-ka Mareykanka ah. War saxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri; Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, $420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka Soomaaliyeed. Shaqo abuurka Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600 oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, ayagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah. Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa Mareykanku sheegey in la horumarin doono si shaqooyin badan loo u abuuro. Geedi socodka deen cafinta Waxaa ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi socodka deen cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin dhaqaale. Waxbarashada Kaalmada cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah; taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed iyo 20,000 oo ah carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin. Maamulka iyo Xasilinta dalka $110 million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa dhismaha dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta arrimaha garsoorka. The post Mareykanka oo Yabooh lacageed kii ugu badnaa siinaya DFS appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaalida Cali Maxamed Geedi ayaa ku baaqay in awood lagu maquuniyo xubnaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda xukuumadda hadda haysa talada Soomaaliya. Geedi oo ka hadlay shir maanta ka dhacay Muqdisho ayaa si kulul u dhaliilay dadka mucaaradka ku ah dowladda federaalka ah Soomaaliya. Waxa uu sheegay in si loo helo dowladnimo dhib badan iyo tuugmo loo soo maray, hase yeeshee hadda kadib aan la geli doonin tuugmo oo xoog lagu keeni doono. “Waxaan maalmahan maqlaayay kacdoon hala sameeyo, jidadka hala xiro, xaafadaha qaar hala qabsado, dadka waxaas ku hadaaqaya waxaa la rabaa inay ka waantoobaan hadii kale dowlad iyo shacab laguma aadee guriga ayaa loogu tegayaa” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi. Waxa uu soo hadal qaaday xilligii uu ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in lagu yiri “Buundooyinka Afgooye iyo Balcad hasoo dhaafin ee nala xaajoo” kuwii xilligaas dhahayna ay ahaayeen Soomaali sida uu sheegay. Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi waxa uu ka sheegay kulan looga soo horjeeday Mooshinka Madaxweyne Farmaajo oo ay ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka oo Muqdisho lagu qabtay. Dhageyso codka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cali-Maxamed-Geedi.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-181218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay la wareegeen amaanka magaalada oo maalinta beri ah doorasho ay ka dhaceyso. Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM ayaa la wareegay amaanka waddooyinka waaweyn ee magaalada iyo xarumaha dowladda ee ku yaala magaalada Baydhabo, si ay amaanka u adkeeyaan. Doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed oo dhowr mar horey u baaqatay ayaa maalinta beri ah la filayaa inay ka dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana ku tartamaya shan Musharax. Ciidamada Ethiopia ayaa sidoo kale caawa lagu arkayaa goobaha laga galo magaalada, waxaana sidoo kale wehlinaya ciidamada booliska Koofur Galbeed iyo ciidamadii dhawaan la geeyay magaalada. Adkeynta amaanka Baydhabo ayaa looga gol leeyahay in looga hortago weeraro Al Shabaab ay ku carqaladeyn karaan doorashada Koofur Galbeed, maadaama horey maamulka ay u sheegeen inay ka helen xogo ku saabsan weerarada Al Shabaab. Maalintii shalay waxaa lasoo gabo gabeeyay dhageysiga khudbadaha musharixiinta ay kaga hadlayaan waxqabadkooda marka la doorto ay la imaanayaan. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  9. Arab League Secretary-General Ahmed Abul Gheit had talks on Tuesday with Somali Finance Minister Abdirahman Duale Beileh on means of drumming up Arab support for Somalia. The two sides discussed the progress realized so far in a two-day plenary meeting on means of supporting Somali development plans. Abul Gheit stressed the AL’s commitment to supporting Somalia in order to establish security and stability, Abdul Gheit’s spokesman Mahmoud Afifi said on Tuesday. The plenary meeting – which the AL hosts – is meant to stand on the Somali government’s needs and priorities in the coming years in order to realize development. The meeting will rally Arab efforts to support the Somali development plans. The Somali minister expressed deep appreciation for the efforts being exerted by the AL to support Somalia, especially Abul-Gheit’s initiative to hold the plenary meeting. The post Arab League chief voices support for development in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Odayaasha iyo Guddiga ku howlan diyaarinta Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in saddex meelood labo meel oo ka mid ah tirada Baarlamaanka Maamulkaas la soo dhameystiray. Guddiga ayaa sheegay in waqtiga ugu dambeeya ee la dhameystiri lahaa diyaarinta Baarlamaanka Puntland ay ku ekeyd 15-ka Bisha December, hase yeeshee beelaha loogu daray muddo 5 cisho ah kama dambeysna ay tahay 20-ka Bishan December. Guddoomiyaha Guddiga xallinta Khilaafaadka ee dhismaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in 44 Xildhibaan oo ka mid ah 66-ka Xildhibaan ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Puntland la soo dhameystiray. 66-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa 8-da Bisha January ee soo socota dooranaya Madaxweynaha iyo ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland. Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta shaaciyay in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxtinimada Puntland oo uu dhowr jeer fagaaro ka sheegay in uusan musharrax noqoneyn marka uu u dhamaado muddo xileedka 1aad. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  11. Ugu yaraan lix ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacday degaanka Miiraale oo dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Qandala ee gobolka Bari. Malayshiyaadka la duqeeyay oo ka soo degay dhanka buuraha Cal-miskaat ayaa laba maalmood ka hor halkaasi kula dagaallamay koox kale oo ka tirsan Daacish,sida laga soo xigtay dadka degaanka,inkastoo aan faahfaahin laga hayn khasaaraha kala gaaray labada dhinac. Wararku waxay sheegayana in duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha Drones-ka Maraykanka lala kaashaday ciidamada Puntland ee PSF,kuwaasoo weerar dhulka ah ku qaaday goobta la duqeeyay,islamarkaana Al-shabaab ka saaray toggaasi oo ay xarun ciidan ka samaysanayeen. Kooxda Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Cal-miskaat ayaa qaar kamid ah malayshiyaadkooda u wareejiyay degaannada dhanka koonfur galbeed kaga beegan degmada Qandala,taasi oo sida la aaminsanyahay abuurtay loollan adag oo ka dhex qarxay Al-shabaabta iyo Daacishta ku wada-sugan gobolka Bari. Bilowgii todobaadkan, Daacish ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay dishay 14 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab,kadib dagaal ku dhexmaray degaanka Miiraale oo kooxda Al-shabaab ay malayshiyaad geysay,si ay weerar ugu qaadan Daacish. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo lagu duqeeyay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  12. Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay siin doonaan adduun gaaraya lacageed oo gaareya $900 [...] Source
  13. (SLT-Nairobi)Shirkada diyaaradaha Kenya Airways ayaa shaaca ka qaaday in ay bilaabeyso duulimaad toos ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kadib go’aan kasoo baxay maamulka sare ee shirkada. Maamulka Shirkada Diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa horey u hakiyay duulimaad toos ah oo shirkada ka bilaabi laheyd 15-kii bishii hore ee November kadib is fahmi waa la sheegay in uu yimid. Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz ayaa shaaciyay in ay Heshiis la galeen Shirkad lagu magacaabo ALS oo bixisa Caymiska iyo Adeegyadda Laysimadda Duullimaadyadda si loo bilaabo Duullimaadka Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi. Shirkada Kenya Airways ayaa duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi u adeegsan doonta Diyaarad nooceedu yahay Embraer 145, diyaaradan ayaa markiiba qaadi karta 50 Qof, waxa ayna duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi ku qaadaneysaa 45-daqiiqo. Tikitka Diyaarada Shirkada Kenya Airways ayaa socod iyo noqosho waxaa lagu goosan karaa lacag dhan 403-Dollar, halka tikidka socodka ama noqoshada kaliya isna lagu goosan karo lacag dhan 218 Dollar. Source
  14. (SLT-Jabuuti)Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa walaac xooggan ka muujiyay is-bedellada ka socda Geeska Afrika, isagoo ku taliyay in la dhawro dalalka gobolka, islamarkaana Umadda gobolka ay leeyihiin Ururo ka shaqeeya Isdhexgalka. Madaxweyne Geelle waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo isbedellada ka socda gobolka, balse loo baahan yahay in isbedellada socda laga eego faa’iidooyin iyo wixii dibin-daabyo ah ee ku duugan. “Waxaa wanaagsan in fiiro dheer loo yeesho waxa ay dunidu rabto iyo sida ay dalalka kale ee gobolku ula fal-geli karaan isbedellada socda,” ayuu yiri Madaxweynaha waddanka Jabuuti oo ku maahmaahay; ‘Waan Baahanahay Bahallo looma cumo’. Geelle ayaa xusay in dalalka Geeska Afrika ay leeyihiin urur ay ku mideysan yihiin loo yaqaanno IGAD, kaasoo oo guta xilka iskaashiga dalalka Gobolka, isagoo xusay in looga dambeeyo howlaha is-dhex-galka gobolka. “Tusaale ahaan Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya waxay qaadeen talaabooyin ku dayasho mudan, kuwaasoo ku saabsan dhanka is-dhex-galka wadamada gobolka,”ayuu yiri Madaxweyne Geelle. Source
  15. (SLT-Hargaysa)Nin lagu helay dambi ah inuu si sharci darro ah u ugaarsanayay deero ayaa lagu amray inuu xabsiga dhexdiisa ku daawado filim kartoon ah oo lagu magacaabo Bambi, ka dib markii sida la sheegay uu laayay “boqollaal” deero. David Berry Jr oo ah ugaarsade ka soo jeeda gobolka Missouri ee dalka Mareykanka ayaa ku khasbanaan doona inuu ugu yaraan bishiiba hal mar daawado filimkaas, inta uu xabsiga ku jiro muddada halka sano ah ee lagu xukumay. Isaga iyo 2 xubnood oo ka tirsan qoyskiisa ayaa la xiray bishii Agoosto, iyagoo loo heystay iney dileen deero, ka dibna ay madaxeeda qaateen, jirka intiisa kalena ka tageen, sida ay dacwad oogeyaasha sheegeen. Waxaa lagu soo warramay inuu ahaa mid ka mid ah kiisaskii ugu weynaa ee ugaarsiga sharci darrada ah oo soo mara taariikhda gobolka Missouri. Garsooraha maxkamadda qaadeysay dacwadda ayaa xukunka xabsiga ah ee dambigaas loogu riday ka sokow, waxa uu ku amray Berry Jr inuu si joogto ah u daawado filimka Bambi, kaa soo marka ugu horreysa uu daawan doono 23-ka bisha Diseembar ama ka hor. Filimkaas kartoonka ah oo la sameeyay sannadkii 1942-dii ayaa ku saabsan nin ugaarsade ah oo dilay hooyo deero ah oo dhashay deerada filimka loogu magac daray ee la yiraahdo Bambi. Baaritaan socday muddo bilo ah ayaa horseeday in la soo xiro Berry Jr, aabihiis David Berry Sr iyo walaalkiis oo lagu magacaabo Kyle Berry, sida uu shaaciyay wargeyska maxalliga ah ee Springfield News-Leader. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada deerada ah ee ay dileen, waxay mas’uuliyiinta dadka u dooda xuquuqda xayawaanka ku tilmaameen dhowr boqol oo deero. Berry Jr ayaa muddo hal sano ah ku xirnaan doona xabsiga Lawrence County, si uu u maro ciqaabtiisa ah inuu xayawaan duur jog ah dilay. Wuxuu sidoo kale muddo 120 maalmood ah ku xirnaan doonaa xabsiga Barton County, halkaasoo uu ku qaadan doono ciqaabtiisa ah inuu hub u isticmaalay si sharci darro. Ula jeedada ninkan loogu xukumay in uu daawado filimkan Kartoonka ayaa u muuqata in ay tahay in uu fahmo dhibaatooyinka ay marayaan ilmaha deerada marka waalidkooda la dilo Source
  16. (SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Guurtida ayaa faah faahin ka bixiyay kulan uu la qaatay Madax dhaqameedka Oromada. Source
  17. Gaalkacyo (Puntlandi) Qurba joogtada reer Puntland ee kasoo jeeda gobolka Mudug ayaa magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay dhul deegaamayn ah oo loogu talo galay in mustaqbalka [...] Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay siin doonaan adduun gaaraya lacageed oo gaareya $900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya. Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhanka, gargaarka bani’aadanimada, dhismaha hey’adaha dowliga ah, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka shaqo abuurka, horumarinta dhaqaalaha, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya. War saxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri; Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, $420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka Soomaaliyeed. Shaqo abuurka Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600 oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, ayagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah. Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa Mareykanku sheegey in la horumarin doono si shaqooyin badan loo u abuuro. Geedi socodka deen cafinta Waxaa ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi socodka deen cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin dhaqaale. Waxbarashada Kaalmada cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah; taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed iyo 20,000 oo ah carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin. Maamulka iyo Xasilinta dalka $110 million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa dhismaha dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta arrimaha garsoorka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Xog-culcus+Khabiir Afsomaliga ku hadlaa oo ka shaqeysta Somalia/Somaliland Muddo 4o-sano ku dhawaada,Maxaa u fudueeyay+Maxay ku sanifay Faroole & Sh.Shariif+Maxay Xukumada Farmaajo ugu diiday inuu Muqdisho+arimo kale oo xasaasiya? Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay shaqada kaga joojisay hay’adda cilmi-baadhista Sahan Research oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi, xafiis-yana ku leh Muqdisho, Hargeysa iyo UK. Qoraalkan kuma saabsana eedeymaha loo jeediyey run iyo been waxay tahay midna,Balse kaliya waxaan uga hadli doonaa cidda iska leh Sahan Research iyo waxyaabihii uu horey uga shaqeyn jiray. HAY’ADDA SAHAN RESEARCH Sahan Research waxaa la aas aasay 2013. Waxay ahayd qiyaastii sannad uun kaddib markii Matthew Bryden oo ah aas aasaha Sahan Research uu ka fadhiistay shaqadiisii Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea (UN Somalia and Eritrea Monitoring Group). Sida ku qoran mareegta internetka ee hay’adda Sahan, waxay shaqadeeda xoogga ku saartaa waddamada Bariga Afrika, Geeska iyo Bariga Dhexe halkaasoo kooxoo khibrad-layaal ah ay uga hawlgalaan. Waxay hay’adda cilmi-baadhis ku sameysaa kana faallo-bixisaa arrimaha siyaasadda, amniga, nabad-dhisidda iyo habka maamulka dowladda. Waxay kaloo wax ka qortaa arrimaha bani’aadanimmada iyo barakaca oo ay hay’ado caalami ah mashaariic kaga qaadato. YAA ISKA LEH SAHAN RESEARCH? Matthew Bryden ama Matt Bryden waa agaasimaha fulinta Sahan Research. Waa 51 jir u dhashay Canada. Waxaa la sheegaa in markii uu ka tirsanaa Ciidamada Keydka Canada uu fasax ku yimid Afrika 1987, markaasna uu jeeclaaday inuu ka shaqeeyo mashaariicda Afrika. Sannadkii ku xigay ayuuna ka shaqo billaabay hay’adda CARE oo uu uga shaqeeyay magaalada Berbera. Wuxuu kaloo dhowr sannadood la taliye gaar u ahaa Danjirihii Canada u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya. Qeybta ugu xiisaha badan ee Bryden ayaa ah muddadii uu madaxda ka ahaa kooxda UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea. Dad badan uma baahna in loo sheego shaqada UN Monitoring Group. Sannadkii 2008 ayaa Matthew Bryden loo magacaabay Xiriiriyaha Kooxda Monitoring Group. Isla sannadkaasi waxay ahayd xilligii kooxaha burcad badeedka ay ka keceen xeebaha Soomaaliya, waxayna Kooxda Monitoring Group wax ka qoreysay macaashka siyaasiyiinta Soomaalida ka heli jireen dhaqaalaha ka soo baxa afduubka maraakiibta iyo shaqaalaha ajnabiga. 2010- 2012 Warbixintii kooxda UN Monitoring Group ee uu hoggaaminayey Bryden ee soo baxday 2010 waxay kooxdu ku sheegtay in Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (hadda senator ka tirsan Aqalka Sare) uu lacag mushahar ah ka qaadan jiray budhcad badeeddii degganeyd Eyl. Badhtamihii sannadkaasi Madaxweyne Faroole si adag ayuu u beeniyay eedeynta budhcad badeeda ee loo soo jeediyay. Sannadkii 2012 warbixin kale oo kooxdu soo saartay ayaa ku eedeysay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed musuqmaasuq xad dhaafay. Taasi waxay keentay in Dowladdii Ku-meel gaarka ee Shariif Sheekh Axmed ka soo saarto qoraal jawaab u ahaa eedeynta kooxda kuna tilmaantay Bryden “shakhsi kasoo horjeeda nabadda Soomaaliya”. Dowladdii Sheekh Shariif waxay kaloo dalka ka mamnuucday Bryden iyadoo u jartay warqadda “persona non grata” oo ka mamnuucaysay in Bryden, oo ku iman jiray dalka magaca diblomaasiyiinta Qaramada Midoobay, inuu dalka soo galo. Isla sannadkaasi ayuuna Bryden ka tagay shaqadii kooxda UN Monitoring Group. BRYDEN XAASKIISA Bryden waxaa u dhaxda gabar reer Somaliland ah. Wuxuu si fiican ugu hadlaa Af Soomaaliga. Wuxuu mar sheegay inuu heysto baasaboorka Somaliland maadaama uu guursaday gabar reer Somaliland ah. ERITREA Waxaa xusid mudan in warbixinnada Kooxda Monitoring Group ee Bryden iyo saaxiibadiis ay qori jireen ay daboolka ka qaaday xidhiidhka Eritrea iyo al-Shabaab iyo sida Eritrea hubka ku soo gelin jirtay gudaha Soomaaliya. RABSHADIHII BAYDHABO Jimcihii dhowaa (14kii Disembar 2018) ayaa Wargeyska Washington Post qormo uu daabacay waxay ka faalootay xaaladda cakiran ee magaalada Baydhabo iyo doorashada Koonfur Galbeed. Qoraaga qormada Max Bearak ayaa wareystay Matt Bryden. Wuxuu Bryden dhaliilay siyaasadda qasab ku maquuniska ah ee Dowladda Federaalka kula kacayso Dowlad Goboleedyada. “Ma arko hab laga wada hadlay oo looga bixi karo xaaladdan” ayuu yidhi Bryden. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta oo Talaada ah ka furmay Magaalada Muqdisho, Shir Bil-laha ah oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka SDRF, kaas oo looga hadlayo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya. Shirkan oo uu Guddoominayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada XF, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada , Gobolka Banaadir iyo xubno ka socda Beesha Caalamka . Shirka waxaa warbixin looga dhageystay Wakiillada matalayay Dowladda Soomaaliya iyo xubno ka socday maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir, iyo sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka. Dowladda Soomaaliya ayaa waxay halkaasi kusoo bandhigtay tubaha Afarta ah ee kala ah siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, arrimaha Bulshada ,dhaqaalaha iyo hormarka la gaaray Sanadkaan dhamaadka ah ee 2018 ka. “Shirkaan waa shir Bil-le ah, waxaana Maanta shir Guddoominayay Ra,isul wasaare ku xigeenka Dalka waxaa diiradda lagu saaray horumarkii la gaaray Sanadka 2018 ka, waxaan soo bandhignay tubaha Afarta ah ee saldhigga u ah shaqada Xukuumadda, sida tubta amniga iyo cadaaladda tubta siyaasada loo dhanyahay tubta dhaqaalaha iyo tubta arrimaha bulshada muhiimad weyn ayuu u lahaa shirkaani Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda XF Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji. Dhowr Jeer oo hore ayaa sidaan oo kale loo qabtay Shirkaan SDRf ee looga hadlo mashaariicda horumarineed ee Dalka ka socota, Dowladda Soomaaliya ayaana hadda u wajahaysa si ka duwan Bilihii tagay mashaariicda Soomaaliya soo diyaarsato ee ay la timaaddo ayaa la fulin doonaan halka markii hore aysan sidaa ahayn waxaana taasi ay muujinee in talaabo horay loo qaaday sanadihii ugu dambeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad khasaare geystay oo maanta ka dhacay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan. Iska hor imaadka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaana uu yimid dagaalkan, kadib markii Ciidamadasi oo abaabulan qaab Qabiil ay isku qabteen arrimo la xariira Dhul ku yaalla halkaasi. Ugu yaraan illaa 2 Askari ayaa ku dhintay israsaaseyntaasi, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hodan oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Inta badan Ciidamada dowladda ayaa ku dagaalama gudaha Caasimadda, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho. The post Iska hor imaad khasaare geystay Oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Dowladda Mareykanka oo sheegtay in joogitaankeedda Muqdisho ay ballaarisay wixii ka dambeeyey December 2, 2018ka ayaa maanta ku dhawaaqday in ay ku bixineyso maal-gelinta Soomaaliya lacag dhan $900 million. Qoraal ka soo baxay safaaradooda Muqdisho ayaa lagu sheegay in doorkoodu markii hore ahaa arrimaha gargaarka, balse ay u baahantahay in ay ballaariso arrimo ay ka mid yihiin: waxbarashada, caafimaadka, dhisidda hay’adda dowladda, dowlad wanaaga, cadaaladda, shaqo abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha si shacabka Soomaaliyeed u helaan amni iyo xaslooni. Arrimaha Banii’aadnimada: Sanadkan waxaa ay Mareykanku ugu talo-galeen arrimaha banii’aadnimada ilaa $420 million. Shaqo-abuur: Waxaan shaqo u abuurnay saddaxdii sano ee la soo dhaafay in ka badan 1,600 oo isugu jiro shaqooyin joogta ah, iyo kuwa gaarka loo leeyahay. ( dhinaca caanaha oo kaliya waxaan ka caawinay inaan u sameyno ilaa iyo 500 oo shaqo joogta ah iyo 650 oo shaqo xilliyadeed ah, waxaana islamarkaasna ka caawinay in shirkada Irmaan aysan xirmin taasi oo hadda soo saarto in ka badan 3,500litre oo caano ah maalintii. Dowladda Mareykanka waxa ka shaqeyneysaa sidii loo casriyeyn lahaa goroonka diyaaradaha ee Muqdishu iyo Dekeda si loo abuuro ganacsi iyo shaqooyin. Deyn cafinta Soomaaliya: Waxa ay sheegeen in tixggelin siin doonnaan sidii loo cafin lahaa deynta soomaaliya si wadanka Soomaaliy u u soo jiido maalgashiga shisheeye. Waxbarashada: Waxaan ka caawinnaa waxbarashada dugsiga sare ilaa 160,000 oo dhaliyaro oo ku sugan Soomaaliya iyo 20,000 oo dugsiyada hoose ah taasi oo boqolkiiba (45%) ay gabdho yihiin Dowladda wanaaga iyo Xasiloonida. Waxaan $110 million ku caawin-doonnaa dowlad wanaaga , xallinta khilaafaadka iyo dib u habeynta garsoorka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com