Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,135
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Baydhabo ka bilaabatay codeynta xildhibaanada Koofur Galbeed ay ku dooranayaan madaxweynaha Koofur Galbeed oo ay ku tartamayaan shan musharax. Xildhibaanada ku sugan goobta cod bixinta ayaa gaaraya 147 Xildhibaan, waxaana tirada guud ee xildhibaanada Koofur Galbeed ay gaarayaan 149 xildhibaan. Guddoonka Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed ayaa noqonaya dadka ugu horeeya ee codadkooda dhiibto. Xubnaha Guddiga doorashada ayaa ku xigsanaya, waxaana guddiga ay shaaciyeen in Afarta musharax ee ugu codka badan ay u gudbi doonaan wareega ugu dambeeya ee doorashada. Kadibna waxaa isku soo hari doono labada musharax ee ugu cod badiya, waxaana ay ku kala bixi doonaan cod Hal dheeri ah, haddii aysan dhicin xubno ka tanaasula ka qeyb galka wareega ugu dambeeya. Haddii Musharixiinta ay isku cod noqdaan waxaa la sheegay inay markale Tartami doonaan oo wareega ugu dambeeya ay u gudbi doonaan. Shanta Musharax ee Tartamaya ayaa kala ah:- 1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. 2-Siid Axmed sheekh Daahir 3-Xuseen Cusmaan Xuseen 4-Adan Maxamed Nuur Saransoor 5-Ibrahim Macalin Nuurow. La soco Doorashada Koofur Galbeed Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  2. C/llaahi Cali Xirsi Timo-cadde oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Puntland ayaa isaga oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe wuxuu ku dhowaaqay in uu xilkaasi iska casilay. Wasiirka ayaa u mahadceliyey madaxda ugu sarreysa Puntland sida madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, mana uu sheegay dhibaato uu xilkaasi uga tagey. Arrimo isaga u gaar ah oo aan shaacsaneyn ayuu sheegay wasiir Timo Cadde in uu xilkaasi ku baneeyey. La soco wixii kusoo kordha Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. A two-day conference organized by the United Nations opened in Geneva. The conference will address the humanitarian needs of the refugees around the globe and will come up with solutions to attend to the needs of the refugees and the internally displaced people. High profile guest including donors from all over the world attended this conference, it gives the participants an opportunity to work together and address the key humanitarian aspects of the refugees and the internally displaced people. A high-level delegation led by the governor of Benadir region and mayor of Mogadishu, Abdirahman Omar Osman who arrived Geneva on Tuesday represent Somalia in this conference. The mayor has presented the difficulties and needs of the thousands of internally displaced people in Mogadishu that ran from the droughts and conflicts in the regions to the conference. “Somalia is recovering from the difficulties that resulted from the civil war in the country which caused the displacement of thousands of families. We are now planning to re-settle and create a better life for over 500,000 people who were displaced from Benadir region” said Mogadishu mayor. The mayor also urged the international community to support the efforts of Benadir administration to get a lasting solution to problems of the displaced people on employment, resettlement and provision of essential services to the lives of the people. The mayor will also meetings with other mayors in the sidelines of the refugee conference in Geneva. According to UN agencies, an estimated 1.1 million IDPs currently live in Somalia, and at least 548,000 additional people have been displaced since November 2016 due to the drought. Most people displaced by drought left rural parts of Bay, Lower Shabelle, and Sool and settled in urban areas such as Mogadishu and Baidoa. Displacement numbers continue to rise as more people leave their homes and displacement monitoring increases. The post Mogadishu mayor attends an International conference in Geneva appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Toos u daawo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Ee Baydhabo ka socota. Toos u daawo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Ee Baydhabo ka socota. Slået op af [...] Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa noqoneyso mid Taariiqi ah, maadaama ay tahay markii ugu horeysay oo doorashadan oo kale ay ka dhacdo magaalada Baydhabo. Afar Sano kahor magaalada Baydhabo kama aysan dhicin doorasho lamid ah tan maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana muddadaasi madaxweyne ka ahaa Shariif Xasan Sheikh Aadan. Madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aadan waxaa doortay Malaaqyada Matalaya beelaha kala duwan ee Koofur Galbeed, waxaana ay sidoo kale soo xuleen xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi uu leeyahay. Madaxweynaha Koofur Galbeed ee maanta la doorto kadib waxaa qorshaha uu yahay in lagu xejiyo doorashada guddoonka baarlamaanka Koofur Galbeed, maadaama uu dhamaaday waqtiga ay xilka hayeen, sida aan xogaha ku heleyno. Shariif Xasan Sheikh Aadan, oo gaarsiiyay maanta inay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo ayaanan ka qeyb galeynin doorashada, waxaana uu horey u shaaciyay inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa, kadib heshiis uu la galay dowladda. Waxaa Sidoo kale Doorashada maanta ka maqan Mukhtaar Roobow Mansuur oo ahaa musharixii ugu horeeyay ee Buuxiyay Sharuudihii laga doonayay, waxaana uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho. Toos ula soco Doorashada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  6. Ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda kubbadda cagta Som United ayaa siw eyn loogu soo dhaweeyay caasimada Muqdisho,iyagoo u yimid ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho waxayna kooxda ka ciyaartaa horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden. Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ah madaxa wafdiga kooxda Som United ayaa sheegay u jeedada ugu weyn safarkooda uu yahay in xirfadlayaasha ka ciyaara qurbaha iyo kuwa gudaha ay is bartaan. Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiir Maxamed Diiriye oo garoonka kusoo dhaweeyay wafdiga kooxda Som United ayaa sheegay in macalimiinta iyo ciyaartooyda qurbaha wax ku bartay ay qeyb ka yihiin horomarinta ciyaaraha loona baahanyahay doorkooda. Gudoomiyahay xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab oo isna goobta ka hadlay waxa uu sheegay in sanadaha soo aadan ay socondoonaan booqashooyinka kooxaha qurbaha hadafka laga lee yahay ay tahay in si wadajir loo xooiyo xulka qaranka. Ciyaartooyda ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin imaatinka caasimada Muqdisho iyo in ay la ciyaarayn kooxaha ku dhisan gudaha,iyagana ay diyaar u yihiin doorkooda horomarinta ciyaaraha. Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ah gudoomiyahay ciyaaraha gobolka Banaadir ayaa bogaadiyay maamulka iyo macalimiinta So United qaabka wanaagsan ay isku soo abaabuleyn,isagoo tibaaxay in kooxdan laga heli karo xirfadlayaal aad u wanaagsan oo kaalin wacan ka qaadan waajibaadka xulka qaranka. Xiriirka kubbadda cagta ayaa Ciyaartooyda Som United u qorsheeyay ciyaaro saaxiibtinimo maalmaha ay joogan caasimada waxa ay booqandoonaan meelaha tariikhiga si dhalinyarada ku barbaaray qurbaha ay u arkaan horomarka ka jira dalkooda waana kooxdii Saddexaad oo qurbajoog ah sanadkan imaanaysa wadanka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinka Kooxda Som United W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  7. Garowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya inuu iscasilay wasiirkii arimaha gudaha ee maamulka Puntland oo muddo afar sano ah xilkaasi hayay. Wasiirka Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Maamulka Puntland C/llaahi Cali Xirsi Timo-cadde oo saakay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilikii Wasiirnimo. Sababaha uu isku casilay wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayuu ku sheegay inay tahay sababo isaga u gaar ah, mana jirto faahfaahin dheeri ah uu ka bixiyay iscasilaada uu maanta ku dhawaaqay. Sidoo kale waxaa la sheegay in Eng Timo-cadde Saacadaha soo socda uu Magalada Garoowe kaga dhawaaqi doono in uu yahay Musharaxa Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo bisha soo socota la filayo inay ka dhacy Garoowe. Waana sababta ugu weyn ee loo malaynayo inuu isku casilay wasiirka, waxaana doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland lagu wadaa inay dhacdo 8 bisha 1-aad ee sanadka 2019. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Codka-wasiirka-Is-casilay.mp3Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
  8. Shir albaabada ulaaban yihiin ayaa haatan magaalada Garowe uga socda murashixiinta madaxtinimada iyo qaar kamid ah Isimad Puntland. Shirkaan ayaa xogta uu ka helayo Puntlandi [...] Source
  9. (SLT-Muqdisho)-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu lacag badan ku bixiyay burburinta Jamhuuriyadda Somaliland. Xildhibaan Cabdillaahi Maxamed Nuur, oo ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee golaha shacabka Soomaaliya, wuxuu hadalkan ka sheegay barnaamin dood ah oo uu kaga qayb galay telefishanka Universal, waxaanu sheegay inuu hayo cadaymo badan oo uu xataa weriyaha ka dalbaday in goobtii uu ka hadlayay uu ku soo bandhigi karo haddii loo baahdo. Waxa kale oo uu sheegay in Farmaajo uu lacago badan ku bixiyay burburinta maamul goboleedyada Soomaaliya ee Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed, waxaanu xildhibaan Nuur yidhi “Waxaan xoghaye ka ahaa guddiga maaliyada ee golaha shacabka markaas xogogaal ayaan u nahay wixii dhaqaale dalka yimaada iyo sida loo mamaulay iyo halkay ku baxeen.” Waxaanu intaas raaciyay xildhibaanku “Waxa nasiib darro ah lacagahaas intooda badan in loo isticmaalay burburinta maamul goboleedyada haba u badnaadeen Somaliland.” Xildhibaanku wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu doonayay in inta badan ee lacagahaas lagu burburiyo Somaliland, “Waxaan haynaa lacago aad u faro badan oo lagu bixiyay iyo ciddii ka qaaday qasnada dhexe oo loo adeegasday dhammaantood sida Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed. Waloow dhaqaalaha u badan lagu bixiyay Somaliland.” Ayuu yidhi. Weriyihii doodda hagayay ayaa xildhibaanka weydiiyay inuu hayo cadyamo ku saabsan eedaymahan waxaanu yidhi xildhibaanku “Dad masuuliyiin ah oo waaweyn ayaan nahay hadaad u baahantahay hadaan kula wadagi karnaa Telefishanka ayaan kaala wadaagi karaa.” Source
  10. Baydhabo (Caasimada Online)-Goobta ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed waxaa hadda gaaraya xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed iyo musharixiinta Tartameyso. Qabanqaabadii ugu dambeysay ayaa socoto, waxaana la filayaa inay doorashada Koofur Galbeed saacadaha soo socdo ka bilaabato magaalada Baydhabo oo maanta ka duwan maalmihii hore. Musharixiinta Tartameyso ayaa u muuqdo kuwo soo diyaar garoobay, maadaaa xalay aan laga seexan magaalada Baydhabo oo ay ka socotay xodxodashada xildhibaanada codeynaya. Waxaa la sugayaa wafdiga dowladda iyo wakiilada caalamka inay gudaha u galaan goobta doorashada ay ka dhaceyso oo qaarkood la sheegay inay hadda ka maqan yihiin. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  11. Dad badan ayaa kurma arrinta, in badana waxbaa la I waydiiyay su’aashan markaa bal aan isku dayo inaan si kooban uga hadlo dhaqaalaha Somaliland 10kii sano ee aynu soo dhaafnay (2008 – 2018). Koboca dhaqaalaha (economic growth) waxa lagu ogaadaa dhawr arrimood: 1.Wax iibsiga macmiisha. 2.Adeegyada bulshada. 3.Shaqo abuurka. 4.Miisaaniyada dawlada. 5.Maalgashiga Iwm. Dhaqaalaheenu waa mid inagu kooban inaga oo aan waafaqsanayn qaar ka mid farsamooyinka caalamka lagu ogaado koboca dhaqaalaha. Tusaale, ma jirto xogo sheegaya awooda wax iibsiga macmiisha (consumer spending). Sidoo kale ma jirto xogo rasmi ah oo qeexaya dakhliga iyo wax soo saarka dalka (GDP and per capita output). Mida kale ma jirto xog dhab ah oo ku salaysan qiyaasta sicir bararka (inflation rate) iyo dulsaarka bangiyadu bixiyaan (interest rates) marka laga saaro macluumaad aan hufnayn oo ay soo ururiyaan Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyada iyo Qorshayntu. Waxa kale oo aan iyana la haynin dheelli-tirka ganacsiga aynu is dhaafsano waddamada kale (trade balance) sida Itoobiya oo ah waddanka inaga hela dakhliga ugu wayn isla markaana inaga qaata lacagta ugu badan ee adag ee dalkeena ka dhoofta (flight of hard currency) kuna baxda: Qaadka, Khudrada, Jaamacadaha, Sibidhka, Xoolaha iwm. Waxa lagu qiyaasaa lacagta Itoobiya sannadkii inaga qaado ilaa $670 Malyuun. Hadaba hadii aynu ku soo noqono su’aasha ah dhaqaalaha Somaliland ma koray 10kii sano ee aynu soo dhaafnay? Jawaabtu waa haa in kasta oo ay adagtay in qiyaas dhab ah lagu sugo arrintan, hadana waxa loo malaynayaa inuu dhaqaalaheenu kobcay mudadaa aynu soo sheegnay guud ahaan inta u dhaxaysa 6% ilaa 9% sannadkiiba. 1.WAX IIBSIGA MACMIISHA (CONSUMER SPENDING). Waxa aan shaki ku jirin in uu wax iibsiga macmiishu xoog u kordhay 10 sano ee la soo dhaafay sida ka muuqata arrimaha hoos ku qoran: u- Waxay macmiishu dhisatay guryo tiro badan oo keenay inay magaalooyinku u fidaan dhinac kasta. Waxa lagu qiyaasaa inay magaalooyinka dalku 35% fideen. – Waxa la dhistay rugo ganacsi oo waawayn (shopping malls) oo laga dukaansado. – Toban sano ka hor gaadidka dalka jooga tiradiisu wuxu ahaa 36,000. Maantana waxay kor u dhaafeen 100,000 taa micnaheedu waxa weeye tirada gaadiidku waxay korodhay 277%. 2.WAX IIBSIGA ADEEGYADA (SERVICES SECTOR). Maadaama dhaqaalaha dalku kobcayay waxay bulshadu awood u heshay inay iibsato adeegyo tiro badan sida ku xusan halkan: – Waxa dalka ka jira in ka badan 6 shirkadood oo diyaaradaha ah oo duulimaadyo kala duwan sameeya, halka ay 2008 kii jireen 2 diyaaradood, waxana kordhay ilaa 300%. – Waxa dalkan laga hirgeliyay in ka badan 15 hudheel oo waawayn iyo meherado kale ayaa la furay. 2008 kii waxa ka jiray dalka ilaa 5 oo waawayn, waxan kordhay ilaa 300%. – Waxa dalka laga furay in ka badan ilaa 13 rugo caafimaad ama dhakhtar iyo xarumo caafimaad oo waawayn, halka 2008 kii ay jireen 4 rugo caafimaad waxana kordhay 325%. – Dhinaca waxbarashada waxa ku dhacay koboc wayn taas oo keentay in ilaa 19 Jaamacadadood oo cusub laga furay iyo weliba dugsiyo tiro badan, halka 2008 kii ay jireen 7 Jaamacadood, waxana kordhay 271%. – Dhinaca adeega Isgaadhsiinta, maanta waxa telefoon haysta dad ka badan 920,000 oo qof halka 2008 lagu qiyaasi jiray ilaa 160,000. Waxa ku kordhay 575%. – Dhinaca Bangiyada 2008 dalka kama ay jirin wax bangiyo ah oo gaar loo leeyahay, maanatana waxa ka jira ilaa 4 Bangi. 3.SHAQO ABUURKA (EMPLOYMENT SECTOR). Shaqo abuurka iyo shaqaalayntu waa astaamaha lagu garto inuu dhaqaalaha dal uu kobcay iyo in kale, waxana loo qaybiyaa shaqaalaha dawliga ah (public sector employees) iyo kuwa gaarka ah (private sector employees). Koboca dhaqaalaha dalku 10 kii sano ee la soo dhaafay wuxu keenay in labada dhinacba ay kordhaan shaqaalaha loo qaatay: – Dhinaca dawlada tirada shaqaalahu (marka laga reebo ciidamada) wuxu ahaa ilaa 6,800 maantana waa 14,000 taas oo micnaheedu yahay waxa ku kordhay 205%. – Dhinaca private ka ma jirto tiro sugani lakin waxa lagu qiyaasaa inuu xoog u kordhay marka la eego inta ganacsi ee furmay mudadaa 10 sano ah. 4.MIISAANIYADA DAWALADA (GOVERNMENT BUDGET). Miisaaniyada ay dawladu isticmaashaa waa astaan kale oo lagu garto dhaqaalaha sida uu u kobcayo, tani waxay ku dhisantahay dakhliga dawlada oo la kordhaysa dhaqaalaha. Hadii aanu dhaqaaluhu kobcayn waxay ku kelifaysaa dawladu si ay miisaaniyad u hesho inay kordhiso cashuurta. – Hadii aynu eegno 10 sano ka hor miisaaniyada dawladu waxay ahayd $42 Malyuun oo doolar, maantana waxa lagu qiyaasaa inay tahay $360 Malyuun. Taa micnaheedu waxa weeyey waxa ku kordhay ilaa 857%. 5.MAALGASHIGA (INVESTMENT). Maalgashigu wuxu ka mid yahay waxyaalaha lagu ogaado korodhka iyo koboca dhaqaalaha. Somaliland waxa 10 kii sano ee la soo dhaafay ka dhacay maalgashi ballaadhan oo ay shirkado gudaha ah, kuwo debeda ah iyo hay’ado caalami ahi ku sameeyeen, waxana ka mid ah kuwan: – Coca Cola: $17 Malyuun. – DAI (USAID): $33 Malyuun. – SBF (World Bank): $23 Malyuun. – SDF (Multi-donor): $65 Malyuun. – Kuwait: $14 Malyuun. – GIZ/KFW: $63 Malyuun. – UAE: $92 Malyuun – Intan waxa soo raaca dhaqaale badan oo dalka soo geliyaan hay’ado ay ka mid yihiin DFID, NRC, DRC, ARC, UNDP, UNICEF Iwm. DP World: weli lacagtii maalgashiga ahayd ee ay ku ballanqaaday may gelin dalka. Waxa muhiim ah in la xuso $442 Malyuun ee la sheego DP World ma wada gelinayso dalka. Waxay gelinaysaa $225 Malyuun (51%). Labada saami ee kala waxa kala leh Somaliland ($132 Malyuun 30% oo loogu qiimeeyay dekedii disnayd) iyo Itoobiya ($83 Malyuun 19%), ilaa iminka lama garanayo Itoobiya wakhtiga ee keenayso saamigeeda iyo sifaha ay u bixinayso lacagta. Si kasataba ha ahaatee waxa aan shaki ku jirin inuu dhalaaha dalku si wayn u kobcay 10 kii sano ee aynu soo dhaafnay marka lagu eego indho dhaqaale yahan. Waxase aanu shaki ku jirin in la kala tegay oo ay dadka wax haystaa sii xoogaysteen kuwii aan wax haysanina aanay wax badani u kordhin, waana arrin loo baahanyahay inay xukuumadu fiiro gaar ah u yeelato. Sababta oo ah hadii xeedhada gacanta la wada gelin oo kobaca dhaqaalaha ay in gaar ahi dareento waa waxyaalaha keena kacdoonka iyo burburka. CARQALADAHA MUSTAQBALKA In kasta oo uu sida aynu sheegnay dhaqaalaha dalku sameeyay koboc ballaadhan hadana waxa jira carqalado loo baahanyahay in wax laga qabto si dhaqaalahu u sii kobco bulshaduna ka hesho waxtar noloshooda wax ka bedela. Hadaba talooyin wax lagaga qaban karo carqaladahaas ayaan soo jeedinayaa: – Cashuuraha waa in la khafiifiyaa gaar ahaan waxyaalaha daruuriga ah si ganacsatadu aanay u qaali garayn maciishada iyo agabka muhiimka ah (less tax for essential goods). – In la sameeyo sharciyada khuseeya koboca ganacsiga sida: Xeerka Maalgashiga iyo ka Maxaliga ah (domestic investment law) iyo wax ka bedelka Xeerka Maalgashiga Dibeda (foreign investment law). – In la sameeyo Xeerka Kala Xadaynta Ganacsiga (commercial code). – In La sameeyo Xeer joojinaya kootada cido gaar ah ganacsiga loogu xidhayo (anti-monopoly legislation). – In dadka la baro xirfado ay ku shaqaysan karaan (employable skills). – In la xakameeyo sicir bararka iyo hoos u dhaca lacagta dalka (tackling inflation and Somaliland Shilling depreciation). – In la furfuro dhaqaalaha oo la kaabo ganacsatada taas oo keeni doonta koboc/shaqo abuur baahsan (quantitative easing). – In la xoojiyo wax soo saarka gudaha si loo yareeyo in wax kasta la soo dejiyo (increase local production to reduce imports). – In la xoojiyo kaabayaasha dhaqaalaha sicda waddooyinka, garoomada diyaaradaha, dekedaha, laydhka iyo biyaha iwm (economic infrastructure). – Waa in xoolaha aynu dhoofino la tayeeyaa isla markaana suuq loo helaa (quality of our livestock must be improved and export markets found). – In la dagaalanka musuqa baahsan laga dhigto mudnaanta koowaad (fighting against corruption must be made number 1 priority). – In horumarka dhaqaaluhu wada gaadho gobolada dalka oo dhan (economic development must reach in all regions). – In la dardar geliyo xeerarka soo jiidanaya maalgashiga iyo ganacsiga, derejada uu Bangiga Adduunku (World Bank) siiyo ka-ganacsiga dalalka (doing business rating) oo ka kooban ilaa 183 dal wuxuu Somaliland ka dhigay dalka 176aad. Ilaahay ha ina waafajiyo talada toosan. Somaliland Guul !!! Prof. Adam Ismail (aadanweli) Facebook: aadanweli Twitter: @aadanweli Source
  12. (SLT-Washington)-Mudanayaasha Kongareeska Mareykanka ee kala matala xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ayaa isugu soo ururaya xarunta Coongareeska ee Capitol Hill. Waxay ka hadli doonaan sidii ay xal uga gaari lahaayeen hanjabaadda uu madaxweyne Trump ku hanjabay inuu hakin doono holaha qaar ka mid ah hey’adaha dowladda Federaalka dhamaadka todobaadkan. Dowladda Federaalka ayaa albaabada u laabi doonto Jimcaha qaar ka mid ah hey’adaha haya howlaha laga maarmi karo, haddii koongareeska iyo Aqalka Cad ay ku heshiin waayaan kharajka biilasha ee muddada dheer ama muddada fog. In ka badan 800,000 oo ka mid ah shaqaalaha dowladda federaalka ayaanan soo shaqa-tagi doonin ama ku shaqeyn doona gunno la’aan. Madaxweyne Trump ayaa raba in Koongareeska uu u ogolaado 5 bilyan oo doollarka Mareykanka oo uu u rabo inuu ku fangareeyo darbiga uu ballan qaaday inuu ka dhisi doono xadka Mareykanka iyo Mexico. Mudanayaasha Koongareeska ee labada xisbi ayaa isku mari la qorshaha madaxweynaha ee darbiga. Source
  13. Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Dawlada Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa iska casiley xilkii uu hayey ee wasiirka arimaha gudaha iyo Dawladaha hoose. Is-casilaadda Wasiir Timacadde ayaa kusoo aadaysa xili uu dhawaan si rasmiya u shaaciyey inuu yahay musharax u taagan Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland doorashada qorshaysan 08-Janaayo, 2019. Waa wasiirkii labaad ee katirsan xukuumadda Madaxweyne Gaas oo ku dhawaaqa inuu u sharaxan yahay jagadda madaxtweyne Ku-xigeenka, waxaa isaguna si lamida shaaciyey Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Axmed Cilmi Cismaan Karaash walow uusan isagu weli shaacin inuu iska casiley xilkii wasiirnimo ee uu hayey. PUNTLAND POST The post Wasiirka arimaha gudaha Puntland oo is-casiley appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Baydhabo)-Doorashada Koofur Galbeed ee muranka iyo xiisadaha siyaasadeed dhalisay ayaa maanta la filayaa inay dhacdo, iyadoo tan iyo xalay ay magaalada Baydhabo ka socotay diyaar garowga doorashada iyo olole xooggan oo ay wadeen Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha. Sida wararku sheegayaan ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadanaya sugida amniga. Ciidamada Itoobiya ayaa gebi ahaanba la wareegay ammaanka daafaha magaalada iyo afarta jiho ee laga soo galo, iyadoo shalay la arkayay ciidamada oo xerooyinka ka soo baxay oo dhex lugeynaya gudaha magaalada. Magaalada Baydhabo ayaa saaka ku jirta jawi ka duwan sidii hore, xaafadaha iyo waddooyinka ayaa ciidamo ku sugan yihiin, iyadoo magaalada wax dhaqaaq ah ka jirin sida gaadiidka. Ammaanka Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la soo sheegayo in illaa afar goobood oo baaritaan ah la dhigay halka loo aado Madaxtooyada. Illaa shan musharax ayaa ku tartamata doorashada muranka badan ka taagan ee Koofur Galbeed, Musharaxa ugu cad cad ee dowladda taageereyso lana filayo inuu ku soo baxo doorashada waa C/casiis Lafta Gareen, sidoo kale Musharaxiinta kale ayaa kala ah Ibraahim Macalin Nuur, Aadan Saransoor, Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Amb. Sayid Axmed. Mukhtaar Roobow oo horay loo siiyay shahaadada Musharaxnimo ayaa ka qeyb galeyn doorashada, maadaama todobaadkii hore dowladda Soomaaliya ka soo xirtay Baydhabo, lana keenay Muqdisho. Inkastoo wax is bedeli karaan, hadana saadaasha iyo hadal heynta ka jirta Baydhabo ayaa ah in doorashada uu ku guuleysanayo C/casiis Lafta Gareen oo dowladdu ku bixiso dadaal badan. Source
  15. (SLT-Geneva)-Wadahadalladii ka soconayay magaalada Geneva ee loogaga gol lahaa in lagu dhiso guddi ka soo shaqeeya dastuurka Suuriya ayaa soo dhammaaday iyadoo uusan ka soo bixin wax rasmi ah oo la taaban karo. Wadahadalladan oo ay garwadeen ka aheyd Qaramada Midoobay ayna ka qeybgaleen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Ruushka, Iiraan iyo Turkiga, ayaa qeyb ka ahaa dadaallada ay Qaramada Midoobay waddo ee lagu midaynayo bulshada dalkaasi Suuriya si loo sameeyo dastuur cusub, doorashooyin loo qabto, nabad waartana dalkaasi looga hirgaliyo. Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa gabagabadii shirka waxa uu isticmaalay luuqad dublamaasiyadeed. Waxa uu sheegay in wali ay harsan tahay masaafo dheer oo qayb ka ah geedi socod muddo dheer socday. Balse xaqiiqada ah in wadxaajoodyada socday muddo biloooyiin ah aan wali heshiis kama dambeys ah laga gaarin xubnaha guddiga samaynaya dastuurka ayaa ah mid muujinaysa sida ay u adagtahay in xal waara laga gaaro dhibaatda Suuriya. Kulankan Geneva ku soo gabagaboobay waxaa goob joog ka ahaa saddax quwadood oo galaagalka ugu wayn ku leh arrinta Suuriya. Ruushka, Turkiga iyo Iiran, ayaanan u muuqan in ay soo kordhiyeen door muhim ah,balse waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in meel dhexe la isugu yimaado. Qaramada Midoobay ayaa doonaysa in la helo guddi lagu kalsoonaan karo,isu dheeli tiran islamarkana laga wada qayb qaato. Balse mucaaradka iyo dowladda Suuriya iskuma raacsano waxa ay noqon karto isu dheelitirnaan iyo cidda ay tahay in guddiga ay qayb ka noqoto. Source
  16. (SLT-Washington)-Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u ogolaatay dal-ku-galka wadankaan Mareykanka hooyo u dhalatay dalka Yemen oo dooneysa in ay soo booqato wiilkeeda oo labo sano jir ah oo ay dhaqaatiirtu sheegeen inuu qarka u saaranyahay inuu u dhinto xanuunka kansarka maskaxda ku dhaca. Muwaadiniinta u dhashay dalalka Yemen, Iran, North Korea, Venezuela, Libya, Somalia iyo Syria ayaanan imaan karin dalkaan Mareykanka. Madaxweyne Trump ayaa amar uu soo saaray ku mamnuucay sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay khatar dhinaca argagixisada ah. Shaima Swileh ayaa lagu wadaa in ay Arbacada maanta ah soo gaarto garoonka magaalada San Francisco halkaas oo uu ku xanuunsanayo wiilkeeda Abdullah Hassan oo ah muwaadin Mareykan ah, balse uu hadda ku jiro mashiinka caawiya bukaanada xaaladooda caafimaad ay u dhaxeyso geeri iyo nolol. Aabaha dhalay Abdalla oo la yiraahdo Ali Hassan oo isna heysta dhalasha Mareykanka ayaa la jooga wiilka. Source
  17. (SLT-Dimishiq)-Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa maalintii Axadii ee la soo dhaafay booqasho lama filaan ah ku tagay Caasimadda Dimishiq ee Caasimadda dalka Suuriya, taasoo aheyd mid si aad ah warbaahinta Bariga Dhexe ay u hadal hayeen. Booqashadan ayaa la sheegay inay aheyd tii u horeysay oo Madaxweyne Carbeed uu ku tago Suuriya, tan iyo sanadkii 2011 oo dalkaas ka bilowdeen dagaalada iyo kacdoonada looga soo horjeedo xukunka Bashar Al Asad. Mas’uul ka tirsan dowladda Sudan ayaa sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir uu dib ugu soo laabtay Khartoum, kaddib booqasho muhiim ah uu ku tagay Dimishiq. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga, waxaana booqashada Cumar Xasan Al-Bashiir cambaareeyay Kooxaha Mucaaradka Sudan. Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa markii ugu dambeysay ee uu booqdo Suuriya waxay aheyd sanadkii 2008-dii, xilligaasoo Dimishiq lagu qabtay Shir Madaxeedka Carabta. Jaamacadda Carabta ayaa sanadkii 2011 ka saaray Suuriya xubinimada ururkaas, kaddib markii lagu eedeeyay Bashaar Al-Asad inuu cadaadis saaray dadka ka soo horjeeda nidaamkiisa. Source
  18. Waxaa saaka la hardhay hoolka doorashada koonfur galbeed Soomaaliya halkaas oo laga wado inay ka dhaco doorasho muran badan dhalisay. Weriyaha Goobjoog News oo xarunta ku sugan ayaa sheegaya in ammaanka la adkeeyey, isla markaana ay xildhibaannadu bilaabeen inay goobta soo gaaraan. Murashaxiinta u tartamaya madaxtinnimada Koonfur galbeed waa: Aadan Maxamed Nuur(Saransoor), Xuseen Cusmaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow, Cabdi Casis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Sayid Axmed Sheekh Daahir. Doorashada waxaa xoog looga reebay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, kaas oo taageero badan ku leh koonfur galbeed. Source: goobjoog.com
  19. Baydhabo (Caasimada Online)-Iyadoo maanta magaalada Baydhabo ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ay magaaladaasi u dirtay wafdi ka kooban labada gole ee dowladda. Wafdigan ayaa kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed. Waxaa hogaaminayo wafdiga tagay magaalada Baydhabo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno kale. Ujeedada wafdiga loogu diray magaalada Baydhabo ayaa ah inay goobjoog ka noqdaan doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay oo Shan musharax ay ku tartamayaan. Xubno ka socdo Caalamka ayaa sidoo kale goobjoog ka noqonaya doorashada maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Waxaa horey magaalada ugu sugnaa masuuliyiin xilal horey dalka kaga soo qabtay kuwaasi oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka qeyb galayay dhageysiga khudbadaha ay jeediyeen musharixiinta Tartameysa. Waxaa aad loo hadal hayaa Musharax C/Casiis Lafta Gareen oo dowlada dhankeeda loo xaglinayo, waxaase la tartamaya musharixiin kale oo aan la dhayalsan karin. Goobta Doorashada ka dhaceyso waxaa hadda ka socota qabanqaabadii ugu dambeysay, waxaana ku sugan goobta dhamaan musharixiinta Tarteysa oo kala ah. 1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. 2-Siid Axmed sheekh Daahir 3-Xuseen Cusmaan Xuseen 4-Adan Maxamed Nuur Saransoor 5-Ibrahim Macalin Nuurow. La soco daqiiqad walbaa Doorashada Koofur Galbeed Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  20. Qaahira ( Sh. M. Network )-Wasiirka Maaliyadda XFS C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka qeyb galaya shirka sanadlaha ah ee Ururka Jaamacadda Carabta uga furmay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha guud ee Ururkaasi Ahmed Aboul-Gheit. Xoghayaha guud ee Jamaacadda Carabta ayaa ballan qaaday in Ururku garab taagan yahay dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay kala shaqeyneyso dhinaca ammaanka. Shirkani uu socon doono muddo labo cisho ah ayaa la sheegay in wax yaabaha diirada lagu saari doono ay kamid tahay sidii Soomaaliya loo garab istaagi laahaa, loona caawin lahaa. Wasiirka Maalyada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa bogaadiyay dadaallada Jamaacadda Carabtu ay la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya. Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka ah Ururka Jamacadda Carabta oo ah Urur ay ku mideysan yihin dalalka Carabta, islamarkana ka shaqeeya danahooda gaarka ah The post Jaamacadda Carabta Oo Soomaaliya ka taageereyso ammaanka appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Boosaaso (Caasimada Online)-Kooxda Daacish ayaa markii ugu horeysay baahisay muuqaalka iyo sawiro muujinaya dagaal ay Al Shabaab kula galeen duleedka degmada Qandala ee gobolka Bari. Daacish ayaa horaantii Todobaadkaan shaacisay in Dagaal ay la galeen Al Shabaab ay ku dileen 14 kamid ah askarta Al Shabaab, waxaana dagaalka uu ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Bari. Ma jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ay kaga hadlayeen hadalka kooxda Daacish ee ah inay dagaal Al Shabaab kaga dileen dagaalyahano gaaraya 14 askari. Labada Urur ayaa ku kala aragti duwan dhanka maamulka iyo aragtida, waxaana ay dhowr jeer oo hore ku dagaallameen meelo ka mid ah Gobollada Jubooyinka. Ururka Daacish ayaa bil ka hor sheegay in uu dagaal aargudasho ah ku qaadayo Al-shabaab, haddii aysan joojin dilalka ay Al-shabaab u geysato xubnaha ka tirsan Daacish.
  22. Jowhar ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Al Shabab ayaa lagu sheegay in sarkaal ka tirsanaa Ciidamada DFS ay ku toogteen deegaanka Galboole ee gobolka Sh/ Dhexe. Magaca sarkaalkaasi ayaa Warbaahinta ku hadasha Afka Al Shabaab waxa ay ku sheegtay Maxamed Cali Maxamed oo ku magac dheeraa Kartoon. Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in sarkaalka ay dileen uu la shaqeynayay Ciidamada ,Midowga Africa ee AMISOM, sida ay hadalka u dhigeen. Al Shabaab ma aysan soo bandhigin cadeymo muujinaya dilka sarkaalkaasi, mana jirto illaa iyo hadda ilo madax banaan oo xaqiijin kara dilkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa xukuno u badan dil toogasho ah ka fuliya deegaanada ay ka arrimiyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo sarkaal ka tirsanaa Ciidanka DFS ku toogtay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Ganeva ( Sh. M. Network )-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa magaalada Ganeva kaga qeyb galay shirweynaha caalamiga ah ee Qaxootiga Adduunka. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobey ayaa soconaya muddo labo maalin ah, iyadoona laga arrinsanayo xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolasha dadka qaxootiga ah iyo sidii xal waara loogu sameyn lahaa dadka barakacayaasha ah. Eng.Yarisow ayaa ku soo bandhigay shirka caalamiga ah ee qaxootiga caqabada haysta dadka barakacayaasha ku ah Caasimadda, qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee dib-u-dejinta barakacayaasha iyo sidii xal waara loogu sameyn lahaa. “Soomaaliya waxa ay ka soo kabanaysaa dhibaatooyinkii ka dhashay colaadihii sokeeye kuwaas oo sababay barakacayaasha kumannaan qoys. Haatan waxaan ka wadnaa Muqdisho qorshe aan ku doonayno in aan nolol wanaagsan u abuurno, dib u dejinna aan ugu celino bulshada in ka badan 500,000 oo ku barakacsan gudaha Gobolka Banaadir.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow. Guddoomiyaha ayaa ku adkeeyey Beesha Caalamka muhiimadda ay u leedahay Maamulka Gobolka Banaadir in lagu gacan siiyo qorshayaasha xalka loogu raadinayo dadka barakacayaasha ah,gaar ahaan dhinacyada dib u dejinta, shaqo abuurka iyo adeegyada asaasiga ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa inta uu ku sugan yahay Geneva waxa uu kulammo doceedyo la yeelan doonaan Madaxda Caasimadaha kale ee caalamka, si uu uga shaqeeyo horumarinta xiriirka Muqdisho ay la leedahay Caasimadaha kale, isagoona mudnaanta siinaya sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii ku salaysanaa iskaashi iyo isdhaafsiga khibradaha ee Muqdisho ay la wadaagtay magaalooyinka ugu caansan dunida The post Yariisow Oo shir caalami ah uga qeyb galay Ganeva appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa saacada soo socda si toos ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay uga bilaaban doonto doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Doorashada oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamaya illaa 5 Musharrax oo danaynaya qabashada xilkaasi. Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan si habsami leh uga socota gudaha magaaladaasi. Dhinaca kale waxaa si aad ah loo akeeyay ammaanka Baydhabo, iyadoona saaka Ciidamo fara badan lagu arkayo gudaha magaaladaasi. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ay xireen qaar ka mid ah Waddooyinka waa weyn ee Baydhabo iyo sidoo kale koontaroolada laga soo galo magaaladaasi. Wariye Madax banaan oo ku sugan gudaha magaalada Baydhabo ayaa Shabelle uga warramay arrimaha doorashadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Wareysi-Maxamed-Nuur-.mp3 The post Doorashada K/ Galbeed Oo maanta ka dhacaysa Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli waxa ay howlgallo ballaaran oo isbaarooyin lagu qaadayo ka wadaan deegaanno duleedka ka ah magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan. Ciidamada waxa ay isku dhaceen maleeshiyaad ku sugnaa waddooyin soo gala magaaladaasi kuwaa oo dhibaato ku hayey shacabka ku safra halkaasi. Wararka waxay sheegayaan in ciidamada ay ku wajahan yihiin waddooyin badan oo Isbaarooyin dhigtaan maleeshiyaadkan. Shacabka magaalada B/weyne ayaa soo dhoweeyey arrintaan, gaar ahaan dadka ku safra waddooyinkan, iyadoo dhanka kale saraakiisha ammaanka ay sheegeen in howlgallada ay sii wada doonaan inta amniga wax laga bedalayo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/warka-hiiraan-jidgooyo-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com