-
Content Count
207,135 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Tima Cadde ayaa maanta ku dhawaaqay in iska Casilay xilkaasi. Wasiir Tima Cadde oo shir jaraa’ad ku qabtay Garoowe ayaa shaaciyay is Casilaadiisa, waxaana uu sheegay in uu yahay musharrax u tagaan Madaxweyne ku xigeenka Puntland. Dhawaan ayey aheyd markii uu is Casilay Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ahaa Wasiirkii duulista hawada iyo garoomada ee maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-puntland-wa.mp3 The post Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Oo is Casilay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Buuggan oo ahaa mid lagu soo bandhigayay qorshe siyaasadeedka waxqabadka carruurta iyo halka ay hiigsanayso 5 sano ee soo socota ayaa maanta wasaaradda Haweenka Puntland ka daah-furtay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland. Buugga ayaa waxaa soo diyaarisay,islamarkaana qoristiisa iyo isku’ dubbaridkiisa la hayd wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland oo kaashanaysa hay’adda Safe The Children. Munaasabadda lagu daah-furayay buuggan cusub ayaa waxaa ka soo qeyb galay marwada madaxweynaha dowladda Puntland ,wasiirro ka tirsan xukuumadda Puntland,saraakiil ka socotay hay’adaha bah-wadaagta la ah wasaaradda Haweenka oo ay kamid tahay Safe The Children, iyo marti sharaf kale. Wasiirka Haweenka Mrs Maryan Axmed Cali oo ugu horrayn faahfaahisay buugan cusub ayaa sheegtay in uu ka koobanyahay 8 cutub oo uu ku diyaarsanyahay qorshe siyaasadeedka waxqabadka carruurta,waxaana ay u mahadcelisay hay’adda Safe The Children oo wasaaradda gacan ka siisay qorista buuggan. Dhinaca kale wasiirka waxbarashada Puntland,Abshir Yuusuf Ciise oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa si mugleh u soo dhoweeyay buuggan lagu diyaariyay qorshe siyaasadeedka waxqabadka carruurta oo uu ku tilmaamay mid dhaxal-gal ah. Sarkaal ka socday hay’adda Safe The Children,Cabdullaahi Muuse ayaa sheegay in hay’addiisu mar walba ay dowladda Puntland kala shaqeynayso horumarinta nolosha carruurta,wuxuuna hoosta ka xarriiqay in buuggan mudnaan gaar ah siinayo xaaladda carruurta Puntland ee dhinacyada waxbarashada,kobcinta garaadka iyo daryeelkoodaba. Ugu dambeyntii, marwada madaxweynaha Drs Hodan Siciid Ciise oo u qareenta xuquuqda dadka nugulka ah gaar ahaanna carruurta ayaa wasaaradda Haweenka ku bogaadisay dadaalka ay ugu jirto daryeelka carruurta iyo ka war-haynta xaaladahooda gaarka ah. Sidoo kale marwada ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay buuggan cusub ee uu ku diyaarsanyahay qorshe siyaasadeedka waxqabadka carruurta oo wax badan ka iftiiminaya xaaladda carruurta heerka noloshooda. PUNTLAND POST The post Garoowe: Wasaarada Haweenka Puntland oo daah-furtay buugga waxqabadka carruurta appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye ( Sh. M. Network )-Faah faaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Bangarafta Soomaaliya oo ku sii jeeday deegaanka Balidoogle ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan waxa ay sheegeen in khasaaro xoogan ay gaarsiyeen Ciidamadaasi, walow aysan cayimin inta uu la’egyahay. Sidoo kale Al Shabaab waxa ay warkan ku sheegeen in mid ka mid ahaa Gawaaridii ay wateen Ciidamadaasi uu ka dhacay Kanaal Biyood mara halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Inta badan Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobolka Shabeeha Hoose. The post Al Shabaab iyo Ciidanka DFS Oo ku dagaalamay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay Shabelle ayaa ka horyimid xilka qaadis la sheegay in ay ku sameysay Jubbaland. Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in Madaxda Jubbaland aysan awood u laheyn xilka qaadistiisa, sida uu hadalka u dhigay. Waxaana uu intaasi ku daray in madaxda maamulkaasi, gaar ahaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa aysan imaan karin gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo oo dhawaan Jubbaland ay xilka ka qaaday ayaa lagu eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa dibadbaxyo looga soo horjeeday maamulkaasi oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan guddoomiyaha degmada Baardheere uu ka horyimid wareegto xilka looga qaaay oo ka soo baxday madaxda Jubbaland, taas oo keentay khilaaf dhinaca maamulka ah oo weli ka taagan degmadaasi. The post Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Oo ka horyimid xilka qaadis lagu sameeyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasiir ka tirsanaa Xukumada Farmaajo oo ku guulaystay Madaxweynimada Is-maamul goboleedka Koonfur Galbeed+Taariikhdiisa Waxbarasho,Shaqo & Siyaasadeed Doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa u muuqatay mid horey loosii ogaa, waxaana dhacday in la doortay ruuxii loo saadaalinayay. Tartanka maanta oo ay ka qeyb galeen Shan musharax ayaa waxaa codadka ugu badan helay Musharax madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen. Waxaa uu meesha ka saaray in la qabto wareegyo kale oo doorashada ah, isaga oo helay codadkii laga doonayay codad ka badan. Lafta Gareen ayaa helay in ka badan 100 xildhibaan codadkooda, taasi oo ah ka badan laba meelood saddex meel (2/3), waxaana uu noqonayaa musharaxii ugu horeeyay oo si toos ah ugu soo baxa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo aan la qaban wareegyo kale. Musharaxa kusoo xiga ayaa helay inka badan 20 cod waana Aadan Saransoor. Musharixiinta ayaa codadka u kala helay Sidan:- 1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. 101 Cod 2-Siid Axmed sheekh Daahir 4 cod 3-Xuseen Cusmaan Xuseen 2 cod 4-Adan Maxamed Nuur Saransoor 22 od 5-Ibrahim Macalin Nuurow. 5 cod Waxaana xumaaday inka badan 10 cod sida guddiga ay sheegeen. Akhri sooyaalka taariikheed ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed. waa kuma Lafta-gareen. Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970. Wuxuu leeyahay hal xaas iyo saddex carruur ah. Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay. Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta. Xilal badan ayuu dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay. Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar. Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ayuu ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda. Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda. Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta. Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga. Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha. Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed. Haddabawaa kuma Lafta-gareen. Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970. Wuxuu leeyahay hal xaas iyo saddex carruur ah. Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay. Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta. Xilal badan ayuu dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay. Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar. Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda. Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda. Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta. Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga. Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-191218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada maamulka K/ Galbeed Soomaaliya ayaa goor dhow doortay Madaxweyne cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Doorashada oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamay illaa 5 Musharrax, iyadoona lagu kala baxay isla wareegii koowaad ee Doorashadaasi C/casiis Xasan Maxamed ( Lafta Gareen ) ayaa ku guuleystay doorashadan, kaas oo helay 101 Cod, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada K/ Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha cusub oo la dhaariyay doorashada kadib ayaa hoggaamin doona maamulkaasi Afarta sano ee soo socota. The post Lafa Gareen Oo ku guuleystay doorashada Koonfur Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Cabdi Casis Xasan Maxamed(Lafta-Green), Waxaa lagu tiriyaa murashaxa xukuumadda federaalka ah, isaga oo dhowr jeer iska casilay jagooyin muhiim ah. Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta. Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda. Maanta waxaa uu ku guuleystay doorasho ay gacan ku siisay dowladda federaalka ah, waxaa kursiga uga horeeyey Shariif Xasan oo lagu qasbay inuu is-casilo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The lawmakers of Southwest state assembly voted unanimously to elect Abdiaziz Lafta Gareen as new president during an election held on Wednesday in Baidoa city. Lafta Gareen won 103 votes against his closest contender Aden Saransor who garnered 22 votes, according to the electoral commision of Southwest State. Five candidates, including Lafta Garen have contested for the leadership of Southwest state. The election took place amid tight security in the city with troops blocked the roads. The post Southwest State elects former energy minister as new president appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddiga doorashada koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay in Cabdacasiis Xasan Maxamed Lafata gareen uu u guuleystay madaxtinnimada koonfur galbeed . Tartanka oo ku soo gabagaboobey wareegga koobaan waxaa loo kala helay : Cabdacasiis Xasan Maxamed Lafata gareen.( 101) Ibraahim Macalin Nuur.(6 ) Aadan Maxamed Nuur Saransoor.( 22 ) Xuseen Xusmaan Xuseen.( 3 ) Am Sayid Axmed Shekh Daahir ( 4 ) halka 13 ay halowday. Tartanka waxaa laga reebay Mukhtaar Roobow, isaga oo haatan ku xiran magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (PP) ─ C/casiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen] oo ka mid ahaa musharraxiintii u Tartamayay jagada madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa ku guuleystay doorashadii maanta dhacday Baydhabo waxaana uu helay 101 cod. Lafta-gareen oo la sheegay inay wadato Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku guuleystay cod aqlabiyd ah, waxaana ku xiray musharrax Aadan Saran-soor oo ka mid ahaa musharraxiintii la tarmtayay. Sidaas daraadeed, Guddiga Doorashada maamulka Koonfur-galbeed ayaa ku dhawaaqay in C/casiis Lafta-gareen uu ku guuleystay doorashadii maanta dhacday ee lagu soo xulayay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed. Hadal kooban oo uu goobta ka jeediyay, Aadan Madxamed Nuur Saransoor oo ahaa musharraxii ku xiray musharraxa guuleystay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay doorashada sida ay u dhacday, isla markaana uu si gaar ah ugu hambalyeynayo madaxweynaha cusub. “Waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno madaxweynaha guuleystay ee C/casiis Lafta-gareen,” ayuu yiri Aadan Saransoor oo ALLE ugu bayay inuu xilka cusub la gabgalo musharraxa guuleystay. Dhanka kale, Madaxweynaha cusub ee Koonfur-galbeed ee maanta la doortay C/casiis Lafta-gareen oo noqonaya madaxweynihii labaad ee loo doorto hoggaanka Koonfur-galbeed ayaa isaguna hadal uu jeediyay wuxuu ku sheegay inuu u hambalyeynayo xildhibaannadii doortay iyo kuwii aan dooran. “Waxaan u mahad-celinayaan guddigii doorashada, ciidamadii sugayay amniga guud ee doorashada iyo musharraxiintii saaxiibadey ahaa ee ila tartamay, gaar ahaan Aadan Saransoor oo igu soo xigay dhanka codadka” ayuu yiri Saransoor. Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in maanta Koonfur-galbeed ay heshay madaxweyne daacad ah oo danta dalka iyo dadka ka shaqeyn doona, isla markaana la-wada shaqeeyo maadaama ay dhammaantood guuleysteen. Ugu dambeyn, Madaxweynaha la doortay ee Koonfur-galbeed Somalia ayaa goobta lagu dhaariyay, waxaana goob-joog ka ahaa Doorashadan mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha Somalia, waxaa kaloo goobta ku sugnaa madax-dhaqameedka iyo odayaasha Koonfur-galbeed. PUNTLAND POST The post C/casiis Max’ed Lafta-gareen oo loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Koonfur-galbeed appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa u muuqatay mid horey loosii ogaa, waxaana dhacday in la doortay ruuxii loo saadaalinayay. Tartanka maanta oo ay ka qeyb galeen Shan musharax ayaa waxaa codadka ugu badan helay Musharax madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen. Waxaa uu meesha ka saaray in la aado wareegyo kale oo doorashada ah, isaga oo helay codadkii laga doonayay codad ka badan. Lafta Gareen ayaa helay in ka badan 100 xildhibaan codadkooda, taasi oo ah ka badan laba meelood saddex meel (2/3), waxaana uu noqonayaa musharaxii ugu horeeyay oo si toos ah ugu soo baxa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo aan la aadin wareegyo kale. Musharaxa kusoo xiga ayaa helay inka badan 20 cod waana Aadan Saransoor. Musharixiinta ayaa codadka u kala helay Sidan:- 1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. 101 Cod 2-Siid Axmed sheekh Daahir 4 cod 3-Xuseen Cusmaan Xuseen 2 cod 4-Adan Maxamed Nuur Saransoor 22 od 5-Ibrahim Macalin Nuurow. 5 cod Waxaana halaabay inka badan 10 cod sida guddiga ay sheegeen. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa bilaabay tirinta codadka xildhibaanada baalamaanka ay dhiibteen, waxaana tirinta kadib la shaacin doonaa codadka ay kala heleen musharixiinta Tartameysa. Guddiga ayaa uga digay xildhibaanada ilaa natiijada ugu dambeyso laga gaaro inaysan dhici karin wax mashxarad iyo Sacab ah. C/Casiis Lafta Gareen ayaa ah ruuxa aadka loogu saadaalinayo Doorashada hadda ka socoto magaalada Baydhabo. Xildhibaanada ayaa markale codeyn doono haddii aysan dhicin Tanaasulaad ay sameeyaan musharixiinta usoo baxa wareega ugu dambeeya ee doorashada. La soco arrimaha doorashada Koofur Galbeed. Caasimada online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa goordhow soo idlaatay bixinta codadka xildhibaanada Koofur Galbeed oo dooranaya mid kamid ah Shan musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed. Xildhibaanada ayaa gaaraya 147 Xildhibaan, waxaana dhamaantood ay mareen sharuudaha bixinta codadka ay ku doonarayaan musharaxa madaxweynaha Koofur Galbeed hogaamin doono afarta sano ee soo socoto. Xubno ka socdo beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya ayaa goobjoog ka ah doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo. Goordhow ayaa la filayaa in la bilaabo tirinka codadka xildhibaanada ay dhiibteen, waxaana kadib la shaacin doonaa codadka la kala helay. Toos ula soco doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa goor dhow magaalada Baydhabo ee gobolka Baay si rasmi ah uga bilowday doorashada Madaxweynaha K/ GaLbeed Soomaaliya. Illaa iyo shan Musharrax ayaa ku tartamaya doorashadan, kuwaas oo kala ah:- Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen, Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Xuseen Cismaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow, iyo Danjire Seyid Axmed Sheekh Daahir. Goobta ay doorashada ka dhaceyso waxaa ku sugan mas’uuliyiin kala duwan iyo wafdi kor joogto ah oo saaka dowladda Soomaaliya u dirtay K/ Galbeed. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Booliska Soomaaliya lagu arkayo gudaha magaaladaasi. Radisoshabelle.com kala soco wixii soo kordha. The post Doorashada K/ Galbeed Oo ka bilaatay magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (PP) ─ Waxaa xarunta madaxtooyada ee mamulka Koonfur-galbeed ka billowday doorashada madaxweynaha maamulkaas oo ay ku tartamayaan illaa shan musharrax oo uu ka mid yahay musharraxa ay sida weyn u taageerayso Dowladda Somalia. Xildhibaannada ayaa billaabay inay codadkooda dhiibtaan, waxaana ku sugan goobta ay doorashadu ka dhacayso xubno kormeerayaal ah oo ka socda dowladda dhexe ee Somaila, si ay ula socdaan sida ay doorashadu u dhacayso. Musharraxiinta Hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed ku tartmaaya ayaa waxay kala yihiin; C/casiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen] Aadan Maxamed Nuur [Saransoor] Xuseen Cusmaan Xuseen Ibraahim Macalin Nuunow Sayid Axmed Sheekh Daahir Doorashadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaan Baydhabo laga soo xiray Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharraxiinta la filayay inay maanta u tartamaan doorashada ka socota Baydhabo, wuxuuna ku xiran yahay magaalada Muqdisho. Haddaba, kala soco natiijada doorashadan kasoo baxda shabakadda Puntland Post haddii ALLE ogolaado. PUNTLAND POST The post Doorashada Hoggaanka Maamulka Koonfur-Galbeed oo Goor-dhaw ka bilaabay Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay hor istaageen musharax doonayay inuu taageerayaashiisa kula hadlo magaalada Garowe. Musharax C/Samad Maxamed Galan ayaa laga hor istaagay inuu taageerayaashiisa kula hadlo barxadda magaalada Garowe. Wariyaasha magaalada Garowe ku sugan ayaa sheegaya in musharaxa uu doonayay maanta inuu taagerayaashiisa kula hadlo magaalada Garowe, waxaana hor istaagay laamaha amaanka. Lama oga sababta Musharaxa loogu diiday inuu taageerayaashiisa kula hadlo barxadda magaalada Garowe, iyadoo ay socoto qaban qaabada iyo ololaha doorashada Puntland. Musharaxa Madaxweynaha Puntland Cabdisamad Gallan iyo Madaxweyne Gaas ayaa tiro ka dhowr jeer waxaa soo kala dhex galay khilaaf xoogan. Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimadaa@live.com
-
Al-Shabaab claimed it killed a senior Somali security officer in Middle Shabelle region, south of Somalia, the latest in series of assassinations targeting army personnel by the militants. The victim, Mohamed Ali Mohamed [Kartoon] was shot dead in Galbole by assailants armed with pistols, according to a statement posted on the Al-Shabaab-affiliated media outlet. The group said the slain officer was working with the African Union Mission in Somalia [AMISOM] as an undercover agent. There were no immediate sources verifying the claims. Al-Shabaab often carries out executions in areas under its control in the south and central Somalia as part of the decade-long insurgency in the Horn of Africa country. The post Al-Shabaab says it killed security official in Middle Shabelle region appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab. Sida ay goob joogayaal soo sheegayaan, dagaalkan waxaa deegaankaasi ku qaaden ciidamada xoogga dalka, waxaana halkaasi ku sugnaa dagaalyahannada Al-shabaab. Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in diyaarado dagaal lagu arkayo nawaaxiga deegaanka uu dagaalkan ka socdo. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, iyadoo dowladda federaalka ahna aanay wax war ah kasoo saarin. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com