Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,135
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Riyad)Qoyska boqortooyada ee Sucuudi Careebiya waxa ay ku sugan yihiin xaalad “Argagax” oo uu ku hayo dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan, waxaa sidaas warisay Jariiradda Sunday Times ee London. Warbixintan oo uu qoray wariyaha majaladda ee Bariga Dhexe Louise Callahan, ayaa bilaabatay kaddib markii Amiir Salmaan bin Abdul Aziz bin Salmaan uu sheegay in isaga iyo tiro ka mid ah qaraabadiisa looga wacay qasriga boqortooyada ee Riyaad. Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa jiray muran dhexmaray iyaga iyo ilaaliyada dhaxal sugaha kuwaas oo garaacay Amii Salmaan kaddiba xiray oo aan mar dambe warkiisa la maqal. Majaladda waxa ay farta ku godday in Amiirka Aabihiis sidoo kale la xiray lama maalin dhacdadaas kaddib sida ay BBC-iyaduna xigatay. Laakiin mas’uuliyiinta Sucuudiga waxa ay sheegeen in Amiir Salmaan uu ka mid ahaa 11 Amiir oo ka banaan baxay bixinta lacagta korontada ay isticmaalaan, sida wararka lagu helayo, taas oo ay mas’uuliyiinta reer Galbeedka ee kiiska wax ka og diideen in sababta dhabta ah tahay. Qoraaga warbixinta waxa uu hoosta ka xariiqay in Bin Salmaan ku raaxeysanayo taageerada Aabihii, boqorka iyo Ammirada kale marka laga yimaaddo saameynta xasaraddii ka dhalatay kiiskii dilka Wariye Jamal Khashoggi ku yeeshay sawikiisa bannaanka. Khashoggi lagu dilay Qunsuliyaddiisa Istanbul bishii October, arrintan waxaa uga daray warbixintii sirdoonka Mareykanka ay ku xaqiijiyeen in Bin Salmaan ku lug lahaa khaarajinta kaddiba ay xubnaha Congrees-ka ay Trump ka dalbadeen in uu kala xisaabtammo dhaxal sugaha. Source
  2. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-191218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir lagu daah furayay qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024 kaas oo gundhig u noqonaya horumarka la doonayo in dalku gaaro muddda shan sano gudahood ah. Wasiirka qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Jamaal Maxamed Xasan, oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in la diyaariyay hannaanka iyo qaab dhismeedka qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024, lana billaabayo la tashiyo lagala samaynayo mawaadiniinta Soomaaliyeed meel waliba oo ay dunida uga suganyihiin si qorshaha loogu saleeyo rabitaankooda. Bulshada ayaa ka talo bixinaysa sida uu qorshuhu u ekaanayo, ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta dalka iyo muuqalka ay rabaan in dalku u ekaado si dawladda iyo hay’adaha kale ay ugu shaqeeyaan qorshaha laga sameeyo natiijada kasoo baxda xog iyo talo aruurinta bulshada Soomaaliyeed. Qorshaha horumarinta qaranka ee maanta la daah furay oo noqonaya kii sagaalaad laga soo billaabo 1960-kii iyo sidoo kale qorshihii 2-aad tan iyo bur-burkii, ayaa bedelaya qorsha hadda jira ee 2017-2020.
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhashay Bam-gacmeed oo ka dhacay Aargada xaafadda Jaamacadaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Sidda ay kusoo waramayaa Goobjoogayaal, meesha ay wax ka dhaceen waxaa ka agdhawaa ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, inkastoo aanan la soo warin hadii ay waxyeelo kasoo gaartay. Balse, afar ruux oo shacab ah – Hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay oo goobta ku lahaa ganacsi, iyo qof kale oo Haweenay ah oo wadada mareysay – ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen Qaraxa. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo gaarey meesha ay wax ka dhaceen ayaa gurmad ufidiyay dadkani, kuwaasi oo loola caray xarumaha caafimaadka si xaaladooda caafimaad loola tacaalo. The post Qarax Khasaaro sababay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Somaliland: Shirkii Jabuuti Iyo Meehanaabkii Soomaaliya Waxaa afartii cisho ee ina soo dhaafay ka socday Jabuuti shir “forum” lagaga doodayey xidhiidhka mustaqbalka Somaliland iyo Soomaaliya. Shirkan oo ahaa mid aan dawladaha laba dal shuqul ku lahayn, balse ka soo curtamey aqoonyahanadda iyo asxaabta waxbarashadda ayaa ahaa mid aad iyo aad us xiiso badan. Dhinaca Somaliland waxaa qayb weyn ka qaatay Dr. Bulxan iyo Maxamed Biixi Yoonis, iyo akhyaar farabadan. Haddaba dhowr arrimood baa ka soo baxay doodaa, waxay kale yihiin, 1. Walaaleheen Soomaaliya waxaa weli haya xumaddii ama jibadii Somaliland haysay 1960. Somaliland xumaddaasi berri hore ayey ka jabtay, soona noqon mayso. 2. Walaaleheen Soomaaliya waxaa ku qufulun wax la yidhaahdo “system” ama federaal ha noqdo, ama 4:5, ha noqdo. Waxaan leenayahay, idinku “system”kiina haysta, Somalilandna keeda. 3. Walaaleheen Soomaaliya waxay la yaacayaan xildhibaano la yidhi Somaliland bay ka yimaadeen? Horta yaa doortay xildhibaanadan? Kuwii aanu dooranay ayaa nagu raagay oo la doonayaa in la soo hurgufo. Dadka dollarka u doontay Xamar, Somaliland iyo dadkooda ma matalaan. 4. Walaaleheen Soomaaliya, waxay ku soo celceliyaan, “Somaliland citiraaf weli may helin”. Somaliland iyaad is citiraaftay, haddii aanu weli jirin “de-jure”, waxaa jira “de-facto”. Nabad, horumar iyo dimuqraadinimmo bay Somaliland haysaa. Citiraafkuna wuu iman. 5. Walaaleheen Soomaliya waxay weli wadaan “Shantii Soomaliyeed”. Dee Soomaali waa la wada yahay, Jabuuti waa Soomaali, Killinka Shanaad waa Soomaali, Waqooyi Galbeekda Kiiniya waa Soomaali, Somalilandna waa Soomaali. Lakiin riyaadaasu socotay oo, soo noqon may so. Waa in la aqbalaa runta maanta taala. Somaliland wa dal xor ah oo madaxbanaan. 6. Walaaleheen Soomaaliya waxay weli wadaan “Somaliland waxaa ku dhex jira beelo aan la socon qadyadda gooni isu taag”. Somaliland waxay qabatay cod, 90% + waxay door bideen, madaxbanaani iyo gooni isu taag. Haddii maanta la qabto mid kalena, intaa in leeg uun baa soo baxaysa. Haday leeyihiin Soomaaliya waa laga soo horjeeda gooni isu taaga Somaliland. Dee arrintu waxay u taalaa dadka Somaliland. 7. Walaaleheen Soomaaliya waxay leeyihiin dadkaa laka qaybinayaa. Waxaan leenahay, Somaliland cidna kuuma diidana, kaalay oo ka shaqayso, iska soo dag, soo booqo, lakiinse, mid uun ogaw, waa dal sharci iyo shuruud leh. Haddii aad intaa aqbalasid, soo dhawoow. 8. Walaaleheen Soomaaliya waxay leeyihiin “Soomaali ma kala maaranto”, waa dhab, oo weligeed xidhiidh dhaqan, dhaqaale iyo bulsho wuu jiri doonaa. Lakiin mid siyaasadeed ma jiri doona. Waxaa meeshaa ina dhigay, ee bur-bur, iyo halaag iyo bara’kac iyo xasuuqba keenay, waa siyaasad. Lagu heshiin waa, laguma heshiin doona, ha la kale socdo. 9. Walaaleheen Soomaaliya waxay leeyihiin “Qadyadda Soomaaliya waa muqadas”, Somaliland waxay leedahay, qadyadda Somaliland waa muqadas. Soddon sannadood ba ka soo wareegay, Soomaaliyana waa taa weli isku yaacsan. Maxaa faa’ido ugu jiray Somaliland xidhiidh siyaasadeed oo kale?. Waa waxba. 10. Somaliland waxay ku leedahay walaaladood Soomaaliya, ha la isu duceeyo, ha la isu dulqaato, hanna la kala socdo. Taariikhbaa la wada wadaagaa, wixii la doonayey 1960kii iyo waxa maanta jooga waxaa u dhexeeya faraq weyn oo aan la kabi karin. Maanta waxaa joogta ummad ku qaangaadhay laba dal oo madaxbanaan oo deris ah. Aabayasheen iyo awoowoyasheen way ku fashilmeen “Soomali-weyn”, wixii inaga soo marayna iyagaa ka masuul ah. Yaan khaladkaa mar labaad lagu dhicin. Taarikhda cashar baa laga qaataa. Allaa Mahad Leh Qaran News
  6. Baydhabo (Sh.M.Network) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay doorashadii maanta ka dhacday magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, oo goobjoog ka ahaa madasha ay doorashadu ka dhacday ayaa soo dhaweeyay. Sabriye ayaa ku nuux-nuux saday in coddeynta oo uu ku guuleystay Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] ay ahayd “mid xor oo xalaal ah”. Lafta-gareen, oo horey uga soo noqday dowladda Federaalka hadda jirta iyo kuwii kasii horeeyay Wasiir iyo Xildhibaan, ayaa noqonaya Madaxwaynihii 2aad ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Hoos ka dhageyso codka Wasiirka Arrimaha Gudaha http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Wasiirka-Arrimaha-Gudaha.mp3 The post DFS oo ka hadashay doorashadii ka dhacday Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir lagu daah furayay qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024 kaas oo gundhig u noqonaya horumarka la doonayo in dalku gaaro muddda shan sano gudahood ah. Wasiirka qorshaynta, Jamaal Maxamed Xasan, oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in la diyaariyay hannaanka iyo qaab dhismeedka qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024, lana billaabayo la tashiyo lagala samaynayo mawaadiniinta Soomaaliyeed meel waliba oo ay dunida uga suganyihiin si qorshaha loogu saleeyo rabitaankooda. Bulshada ayyuu xusay in ka talo bixinoysa sida uu qorshuhu u ekaanayo, ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta dalka iyo muuqalka ay rabaan in dalku u ekaado si dawladda iyo hay’adaha kale ay ugu shaqeeyaan qorshaha laga sameeyo natiijada kasoo baxda xog iyo talo aruurinta bulshada Soomaaliyeed. Qorshaha horumarinta qaranka ee maanta la daah furay oo noqonaya kii 9aad laga soo billaabo 1960-kii iyo sidoo kale qorshihii 2-aad tan iyo bur-burkii, ayaa bedelaya qorsha hadda jira ee 2017-2020. The post RW Khayre oo daah-furay qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-24 appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Yaab iyo dhabanno hays ayey noqotay in markale maanta musharax Gallan loo diiday in uu ka khudbadeeyo Barxadda Garowe oo ay taageereyaashiisu aad ugu diyaar garoobeen. Sida uu wareysi uu bixiyey Gallan ku xaqiijiyey waxaa arrintaas ka dambeeyey Cabdiweli Gaas oo ciidamada Puntland soo dhoobay Barxadda iyaga oo xir xiray gudigii qaban qaabada soo dhaweynta Gallan halka ay xabsi iyo jirdil isugu dareen. Ma aha dhacdo ugub ah in musharax Cali Saleebaan ah sidaas loola dhaqmo, isla ol’olahan hadda socda waxaa sidoo kale magaalada Qardho lagu bahdilay Faarax Cali Shire oo ka mid ah mushariixiinta ugu cad cad ee la loolami kara kuwa Maxamuud Saleebaan. Ku darso, Shire Cali Faarax ayaa 2009 isna loo diiday Garowe in lagu soo dhaweeyo xilligii Faroole Madaxweynaha ka ahaa Puntland. Hore waxaa aad loo baahiyey oo ay qoreen wargeyso badan in beesha Maxamuud Saleebaan ay shir qarsoodi ah ka yeesheen cabsida ka soo food sareysa Cali Saleebaan oo aan hore xilkan uga qaban Puntland 20-ka sano ee ay jirto. Waxyaabaha ay shirkaas qarsoodida ah kaga hadleen ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uusan dhaafin Maxamuud Saleebaan lagana hortago Cali Saleebaan oo ay u arkaan caqabad. Gaas wuu la socdaa in aan la dooran doonin si loo dhawro is afgarad-ka reer magaal (Gentleman agreement) ka dhexeeya saddex jifi ee Maxamuud Saleebaan (Cumar, Cismaan iyo Ciise). Cismaan Maxamuud ayey sida ay u dhigan tahay tookadan ku soo aadeysaa waana sababta ay saddex meelood laba meel u leeyihiin musharixiinta. Si taas loo ilaaliyo, waa in Gaas ku ceshaddaa ama aan la dhaafin Cismaan Maxamuud oo daga Qardho, halka lagu bah-dilay Faarax Cali Shire, tookada xigtana Ciise Maxamuud oo daga Garoowe, isla meesha kaaramada looga qaaday Gallan. W/Q: Mahad Xuseen Guuleed Gaalkacyo, Soomaalida Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-191218-.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Musharixiinta tartamamaya Hogaanka Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweyne Gaas in Musharixiinta uu ula sinaado adeegsiga Warbaahinta Qaranka isla markaasna uu ka fogaado inuu Hantida Dalka [...] Source
  11. Giddiga khilaafaadka iyo Ansixinta Doorashada Puntland ayaa shalay oo talaado ahayd waxay ka gudoomay waraaqihii aqoonsiga xubinta Baarlamaanka Puntland umatalaysa Beesha Amaanle 2019-2023 , Xildhibaanada [...] Source
  12. Roma (Caasimada Online) – Muwaaddin Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 20 jir kaasoo qorsheynayey inuu weerarro argagixiso ka fuliyo kaniisado ku yaal dalka Talyaaniga ayaa lagu xiray gobolka Bari. Qaraxa ayaa la doonayey in lagu fuliyo kaniisado iyadoo qarax weyn lala damacsanaa in lagu weeraro halka lagu magacaabo Basilica of San Pietro ee magaalada Rome iyadoo qorshuhu ahaa in maalmaha Kirishmaska la qaado weerarradaas. Caddeymo la helay oo lagu ogaaday qorshaha ninkaan ayaa keentay in si degdeg ah loo xiro Mohsin Ibrahim omar oo loo yaqaan Anas Khalil. Xarigga 20 jirkaan Soomaaliga ah ee lagu xiray xabsi ku yaal gobolka Bari maalmihii ugu dambeeyey markii lagu helay dambiyo ah inuu aaminsan yahay afkaar argagixisannimo, abuurid fitno, ka raali-ahaansho fal argagixisinnimo iyo heysasho aalado laga sameeyo qaraxyo oo halis ah. Xaakinka maxkamadda gobolka Bari, Maria Teresa Romita ayaa soo gudbisay caddeymahaan 13kii bishan December. Anas Khalil ayaa hay’adaha ammaanku u arkeen inuu xiriir la leeyahay kooxda Daacish ee Soomaaliya xiriirna la leeyahay mid ka mid ah hawlwadeennada kooxda. Tani waa caddeymaha kasoo baxay Digos oo ah saldhigga Boliiska ee gobolka Bari. Caddeymaha hay’adaha ammaanku heleen waxaa lagu sheegay in ay jiraan weerar aad u xun in lagu soo beegi rabo maalmaha ciidda Kirismaska iyadoo la weerarayo kaniisado iyo meelo ay u badan yihiin dadka Kirishtaanka ah. Baareyaasha gacanta ku haysa muwaaddinkaan Soomaaliga ah ayaa sheegay iney baaritaan ku sameeyeen taleefankiisa iyagoo helay qalab badan oo laga shakisan yahay oo uu haystay 20 jirkaan waxayna intaas ku dareen in la helay sawirro carunta Vaticanka oo uu labaatan jirkaan kasoo dejiyey Internetka. “Waxaan rajeynaa in kii dila Kirishtaanka, Cadowha Ilaahey inuu yahay walaalkeen, meeshii uu ka yimaadaba haddiiba uu dilayo Kirishtaan waa walaalkeen” 20 jirkaan ayaa hadalladaas yiri markii weerar ka dhacay Strasbourg Decembertii tagtay 11keeda. Sida ay sheegaan baareyaasha ka hortaga argagixisada ee gobolka Bari. Subaxnimadii sabtida iyadoo uu la socdo qof difaacaya iyo turjubaan ayaa ninkan la tuhunsan yahay su’aalo lagu weydiiyey xabsiga ka horbaaritaanka xaakinka. Wuxuu ka jawaabayey su’aalaha illaa laba saacadood iyadoo xaakinka gobolka Bari ee isku-duwaha ka ah baaritaannada Giuseppe Maralfa, uu sii xoojiyey aadeymaha la xiriira argagixisada. Caasimada Online Xafiiska Roma caasimada@live.com
  13. GAROWE, Puntland- Senator Maxamuud Mashruuc oo kamid ah Barlamanka Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta qado-sharafeed xarunta Dalxiiska ee Hidda Raac Garowe ugu sameeyay [...] Source
  14. Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970. Wuxuu leeyahay hal xaas iyo saddex carruur ah. Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay. Xilal badan ayuu na dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay. Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar. Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda. Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta. Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga. Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha. Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna helay codad gaarayo 101 cod halka musharraxii kusoo xigay Aadan Maxamed Nuur Saransoor uu helay 22 cod. Sida uu doorashada ugu guuleystay Doorashada Koonfur Galbeed ayaa waxaa aad ugu jala qeybsamayay siyaasiyiinta iyo bulshada maamulkaasi.Dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin wax garadka ayaa in muddo ahba ku celcelinayay in Cabdicasiis Lafta Gareen uu yahay siyaasi ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka, iyagoo arrintaasna ku qeexay fara galin lagu sameeyay hannaankii doorashada. Dad kale waxay ku doonayaan in dowladda dhexe ay waddada u xaartay siyaasigan si uu xilka ugu hanto qaab sahlan. Waxyaabaha ay ku doodayaan waxaa ka mid ah in labadii siyaasi ee loollanka adag galin lahaa ay meesha ka baxeen. Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa is casilay doorashadana isaga haray ka dib markii uu ka cawday cadaadis siyaasadeed oo la saaray. Sidoo kale maalmo yar ka hor xilliga doorashada loo ballansanaa, waxaa xabsiga loo taxaabay Mukhtaar Roobow, oo loo arkayay inuu ka mid ahaa musharraxiinta ugu cad cad doorashada, shakigana galin karay inuu xilkan ku soo baxo Cabdicasiis Laftagareen. Caqabadaha horyaala Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta Gareen oo cod aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashada xilka madaxweynaha ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed waxaa sida muuqata hor yaalla caqabado waaweyn oo saameyn ku yeelan kara maamulkiisa cusub. Arrinta ugu horreysa ee uga baahan in uu xal u helo ayaa ah amniga gobolka, gaar ahaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay maalmihii la soo dhaafay ka dheceen xasarado salka ku hayay doorashada, iyadoo haddana wali ay walaac xooggan muujinayaan qaar ka mid ah shacabka. Qodobka labaad ee madaxweynaha cusub shaqada badan uga baahan ayaa ah sidii uu u soo af jari lahaa kala qeybsanaanta baahsan ee ka dhex jirta siyaasiyiinta iyo bulshada ka soo jeeda Koonfur galbeed, kuwaasoo qaarkood ay si weyn uga soo hor jeedaan doorashadiisa. Shan musharrax oo ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka ayaa kula loolamayay xilkan, waxayna horay u tabanayeen cabashooyin ku qotoma awooddiisa siyaasadeed. Xigasho BBC. Puntland Post The post Waa kuma madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Lafta gareen appeared first on Puntland Post.
  15. Senator Maxamuud Mashruuc oo kamid ah Barlamanka Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta qado-sharafeed xarunta Dalxiiska ee Hidda Raac Garowe ugu sameeyay Wafdi uu hogaaminayo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil. Wafdigan ayaa dhawaan soo gaaray caasimadda Garowe iyagoo kasoo kicitimey magaalada Boosaaso, waxaana ujeedkoodu ahaa sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen howlaha doorashada Puntland. Senator Maxamuud Mashruuc ayaa Qado kadib u mahadceliyay wafdiga isagoo tilmaamay in Duubka dhaqanku qayb muhiim ah kaga jiraan jiritaanka Puntland. “Marka hore waan idiin ka mahadcelinayaa sida sharafta iyo qadarinta leh ee aad uga soo qaybgasheen munaasabaddan kooban oo aan ku sharfaynay hogaankeena Dhaqanka oo runtii Safar kusoo gaaray caasimadda Puntland ee Garowe, “ ayuu yiri Senator Mashruuc. Wuxuu tilmaamay inay lagama maarmaan tahay doorka hogaanka dhaqanka, isagoo xusay in Beeldaajuhu matalayo bulsho door muhiim ah kasoo qaatay aas-aaska Puntland. Mashruuc ayaa sidoo kale Beeldaajaha uga mahadceliyay kaalintii uu ku lahaa Gogoshii nabadeynta Qardho iyo middii lagu dhex-dhexaadinayay Beelihii ku dagaallamey deegaanka Dhumey ee gobolka Sool. Dhinaca kale Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, ayaa Senatorka uga mahadceliyay soo dhaweynta iyo qado-sharafta uu u sameeyay, wuxuuna ALLE uga baryay guud ahaan shacabka Puntland in si guul ah uu dhammeeyo xaaladda kala guur ah ee lagu jiro. Beeldaajaha ayaa safarkiisa Garowe ka hor ka yimid magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isagoo door muhiim ah kasoo qaatay nabadayntii la dhex-dhigay beelo walaalo ah oo ku dagaallamay deegaanka Dhumey ee gobolka Sool. Sidoo kale Beeldaajaha ayaa haatan u jooga Garowe arrimaha Doorashada la filayo inay dhacdo 8 Janaayo ee sannadka 2019. PUNTLAND POST The post Senator Maxamud Mashruuc oo Qado Sharaf u sameeyay Wafdi uu hogaminayo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil appeared first on Puntland Post.
  16. Waxaan tacsi udiraynaa anagoo joogna dalka Maraykanka, qoyskii asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum Jamaaludiin Xaaji Cali, oo ku geeriyooday Oman Waxaan leenahay samir iyo iimaan [...] Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaha shan ka mid ah dalalka caalamka, ayaa daneynaya inay duulimaadyo toos ah ka billaabaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida uu sheegay agaasimaha howl-gallada iyo xiriirka caalamiga ee garoonka Aadan Cadde, Saciid Celiye. Saciid ayaa sheegay in ammaanka duulimaadyada iyo midka guud ee Soomaaliya ay ku dhiir-geliyeen diyaaradaha caalamiga ah inay duulimaadyo toos ah ka billaabaan Muqdisho. Waxa uu sheegay in Qatar Airways iyo diyaarado ganacsi oo laga leeyahay dalalka Masar, Sacuudiga, Imaaraadka, iyo Uganada ay muujiyeen inay danaynayaan inay duulimaad toos ah ka billaabaan Muqdisho. Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, ayaa waxaa iminka duulimaad toos ah ku taga Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Kenya Airways. Saciid ayaa arrintan shaaciyey kadib markii Kenya Airways ay shalay billowday duulimaad toos ah oo u dhaxeeya Nairobi iyo Muqdisho. Kenya Airways waa diyaaraddii saddexaad oo caalami ah oo Muqdisho duulimaad ku tagta, kadib Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Wasiirkii wasaaadda Arrimaha gudaha dowladda Puntland,Cabdullaahi Cali Xirsi(Tima-cadde) ayaa magaalada Garoowe kaga dhawaaqay inuu u sharraxanyahay madaxweyne ku xigeenka Puntland doorashada madaxtinimada ee qorshaysan in ay dhacdo 8-da Jennaayo 2019. Mudane Tima-cadde ayaa subaxnimadii hore ee saaka iska’ casilay xilkii wasiirnimo,waxaana uu isla duhunimadii maanta ku dhawaaqay murashaxnimadiisa,isagoo soo bandhigay qorshihiisa waxqabad haddii loo doorto madaxweyne ku xigeenka Puntland. Hadal kooban oo uu warbaahinta ku siiyay munaasabadda uu kaga dhawaaqay murashaxnimadiisa, ayuu ku sheegay in uu ka shaqeyn doono;midnimada,wadajirka,difaaca iyo soo celinta xuduudaha maqan ee Puntland,islamarkaana uu wax ka qaban doono arrimaha amniga,dhaqaalaha,caafimaadka iyo waxbarashada. PUNTLAND POST The post Tima-cadde oo ku dhawaaqay inuu u sharraxanyahay madaxweyne ku xigeen appeared first on Puntland Post.
  19. Muwaaddin Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 20 jir kaasoo qorsheynayey inuu weerarro argagixiso ka fuliyo kaniisado ku yaal dalka Talyaaniga ayaa lagu xiray gobolka Bari. Qarax ayaa la doonayey in lagu fuliyo kaniisado iyadoo qarax weyn lala damacsanaa in lagu weeraro halka lagu magacaabo Basilica of San Pietro ee magaalada Rome iyadoo qorshuhu ahaa in maalmaha Kirishmaska la qaado weerarradaas. Caddeymo la helay oo lagu ogaaday qorshaha ninkaan ayaa keentay in si degdeg ah loo xiro Mohsin Ibrahim omar oo loo yaqaan Anas Khalil. Xarigga 20 jirkaan Soomaaliga ah ee lagu xiray xabsi ku yaal gobolka Bari maalmihii ugu dambeeyey markii lagu helay dambiyo ah inuu aaminsan yahay afkaar argagixisannimo, abuurid fitno, ka raali-ahaansho fal argagixisinnimo iyo heysasho aalado laga sameeyo qaraxyo oo halis ah. Xaakinka maxkamadda gobolka Bari, Maria Teresa Romita ayaa soo gudbisay caddeymahaan 13kii bishan December. Anas Khalil ayaa hay’adaha ammaanku u arkeen inuu xiriir la leeyahay kooxda Daacish ee Soomaaliya xiriirna la leeyahay mid ka mid ah hawlwadeennada kooxda. Tani waa caddeymaha kasoo baxay Digos oo ah saldhigga Boliiska ee gobolka Bari. Caddeymaha hay’adaha ammaanku heleen waxaa lagu sheegay in ay jiraan weerar aad u xun in lagu soo beegi rabo maalmaha ciidda Kirismaska iyadoo la weerarayo kaniisado iyo meelo ay u badan yihiin dadka Kirishtaanka ah. Baareyaasha gacanta ku haysa muwaaddinkaan Soomaaliga ah ayaa sheegay iney baaritaan ku sameeyeen taleefankiisa iyagoo helay qalab badan oo laga shakisan yahay oo uu haystay 20 jirkaan waxayna intaas ku dareen in la helay sawirro carunta Vaticanka oo uu labaatan jirkaan kasoo dejiyey Internetka. “Waxaan rajeynaa in kii dila Kirishtaanka, Cadowha Ilaahey inuu yahay walaalkeen, meeshii uu ka yimaadaba haddiiba uu dilayo Kirishtaan waa walaalkeen” 20 jirkaan ayaa hadalladaas yiri markii weerar ka dhacay Strasbourg Decembertii tagtay 11keeda. Sida ay sheegaan baareyaasha ka hortaga argagixisada ee gobolka Bari. Subaxnimadii sabtida iyadoo uu la socdo qof difaacaya iyo turjubaan ayaa ninkan la tuhunsan yahay su’aalo lagu weydiiyey xabsiga ka horbaaritaanka xaakinka. Wuxuu ka jawaabayey su’aalaha illaa laba saacadood iyadoo xaakinka gobolka Bari ee isku-duwaha ka ah baaritaannada Giuseppe Maralfa, uu sii xoojiyey aadeymaha la xiriira argagixisada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. MOGADISHU, Dec. 18 (Xinhua) — Improvement in aviation safety and general security situation in Somalia has prompted foreign airlines to launch flights to Mogadishu, an airport official said on Tuesday. Said Eliye, director of operations and international relations at the Mogadishu international airport, said with the rising confidence in the country’s security, more international airlines were in talks to launch flights to Mogadishu in the coming years. “We are always striving to have a safe airport as well as good service and safety. With support from AMISOM, the security has improved quite a lot,” Eliye said in a statement issued by the Africa Union Mission in Somalia (AMISOM). His remarks came after Kenya Airways launched its direct flights from Nairobi to Mogadishu on Tuesday. The Kenyan carrier is the third international airline to fly the Nairobi-Mogadishu route. Turkish Airlines and Ethiopian Airlines are already operating daily flights into Mogadishu, while Qatar Airways recently announced plans to start scheduled flights to Somalia. Eliye said Qatar Airways and commercial carriers from Egypt, the United Arab Emirates, Saudi Arabia and Uganda have expressed interest in operating flights to Somalia. “The airport authority in conjunction with AMISOM have partnered to ensure there is security and safety. That is our number one priority,” he added. Source: XinhuaNet
  21. At least 12 Ethiopian citizens have been killed during an army operation at a hotel in the border town of Moyale, according to reports from inside the country. Local sources say the incident took place as federal soldiers were holding talks with ethnic militia groups from the Oromia and Somali regions with regard to handing over security of Moyale. Various news sources and witnesses in the area say that violence continues, days after the initial gunfight that killed at least a dozen citizens. Citizens killed in Moyale gunfight Details about the gunfight and the civilian victims involved are in short supply. However, local reports say the incident took place at the Bekele Molla Hotel in Moyale, along the border with Kenya. Talks were in progress between the federal army, regional security forces and members from two warring factions of the Borana Oromo and Somali Garee, regarding the handing over of security for Moyale. Both the Oromia and Somali regional governments had reportedly agreed to hand over security for the town to the federal army. It remains unclear what triggered the initial gunfight but the sporadic exchange of fire has continued, according to various local sources. Ethnic violence has become the biggest domestic challenge for Prime Minister Aby Ahmed since coming into power in April. Last week, heavy fighting between two ethnic groups killed at least 21 people and injured 61. The increase in ethnic conflicts has forced thousands to flee their homes with many of them crossing the border into Kenya. Source: EastAfrica Monitor
  22. Muqdisho ( Sh. M. Netwk )-Xildhibaan Axmed Macalin Nadiir oo ka mid Mudanayaasha Aqalka Sare ee BFS, ahna guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo arrimaha bulshada ee Golahaasi ayaa soo dhaweeyay doorashada, hambalyana u diray Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Senotor Nadiir ayaa xusay in uu bogaadinayo tallaabada ay qaadeen Xildhibaanada maamulkaasi, kuna doorteen Madaxweyne Lafta Gareen. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha cusub uu yahay mid wax ka bedali kara xaaladda K/ Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda. Ugu dambeyn Senotor Axmed Macalin Nadiir ayaa ugu baaqay shacabka iyo Koonfur Galbeed in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi. C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta noqday Madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. The post Senator Nadiir Oo soo dhaweeyay doorashada K/ Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Kampala ( Sh. M. Network )-Michael Kabango oo ahaa taliyihii qeybta shanaad ee Ciidamada Xoogga dalka Ugand ayaa loo soo magacaabay taliyaha cusub Ciidanka Uganda ee ka howlgala gudaha Soomaaliya. Taliye Kabango ayaa bedalaya Paul Lokech oo haatan ah taliyaha Ciidanka Uganda ee Soomaaliya. Afhayeenka Milatariga Uganda Richard Karemire ayaa u xaqiijiiyay Wargeyska Daily Monitor is bedalka lagu sameeyay hoggaanka Ciidanka Uganad ee Soomaaliya. “Mr Kabango ayaa bishan loo magacaabay taliyaha Ciidamada Uganda”. ayuu yiri Afhayeenka Milatariga dlakaasi Richard Karemire. Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay in uu yahay taliye howlkar ah oo ka soo bixi kara howlaha loo igmaday. Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee Ciidamo u soo dira Soomaaliya, waxaana dalka ka jooga Ciidamo gaaraya 6000 oo Askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM. The post Uganda Oo taliye cusub u soo magacawday Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobey ee loo soo gaabiyo IOM ayaa maanta xafiiskeeda u soo wareejisay magaalada Muqdisho, kana soo wareegtay Nairobi. Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeybgalay munaasibadda lagu furyay xafiiska IOM ee Muqdisho ayaa bogaadiyay go’aanka hay’adda ay xafiiskeeda ugu soo wareejisay magaalada Muqdisho. Wasiir Jamaal Maxamed, ayaa dhamaan hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala Soomaaliya ugu baaqay in ay raacaan IOM islamarkaana xafiisyadooda ka furtaan Muqdisho. Wasiirku waxaa uu sheegay in Hay’addii xafiiskeeda Muqdisho u soo wareejin weysay waxii ka horreeya 31-ka Bishan December ay Dowladda Federaalka ah kala laabaneyso ruqsadda ay uga shaqeyso Soomaaliya. Dhowr bilood ka hor ayuu Wasiir Jamaal hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala Soomaaliya ku wargeliyay in ay xafiisyadooda Nairobi u soo wareejiyaan Muqdisho. Burburkii kaddib hay’adaha ka howlgala Soomaaliya ee aan dowliga ahayn ayaa waxaa ay ku shaqeynayeen Xafiisyo ay ku leeyihiin caasimadda Kenya ee Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com