Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,136
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (Caasimada Online)-Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa durba bilaabay kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo shacabka ku dhaqan magaalada, odayaasha iyo saraakiisha ciidamada. Lafta Gareen, ayaa xalay kulan saacado qaatay la yeeshay saraakiisha ciidamada booliska Koofur Galbeed isaga oo kala hadlay xaqiijinta amaanka magaalada Baydhabo oo doorashada ka hor ay rabshado ka dhaceen. Saraakiisha ciidamada booliska ayaa laga dalbaday inay xaqiijiyeen amaanka magaalada Baydhabo, waxaana madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed uu u balanqaaday inuu ka shaqeyn doono tayeynta ciidamada booliska. Madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed ayaa ku amray ciidamada booliska inay maanta magaalada Baydhabo ku qabtaan sanad guurada ciidamada booliska oo inta badan laga xuso gobolada dalka Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa kulamo la qaatay odayaasha iyo waxgaradka magaalada Baydhabo, isaga oo u balanqaaday inuu joogteyn doono kulamada uu kala tashanayo horumarinta Koofur Galbeed. Lafta Gareen ayaa shalay loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya,waxaana lagu dhaariyay isla goobtii lagu doortay inkasta oo aan wali la caleemasaarin. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimad@live.com
  2. Maanta waxaa loo dabaaldagayaa 75-guuradii ka soo wareegtey markii la asaasay ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo beegneyd December 20, 1943-dii. Ciidanka Booliiska waxaa uu jiray Taariikhdaas ka hor sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay General Jamac Maxamed Qalib oo horay u soo noqday taliyaha booliiska Soomaaliyeed. Gumeystayaashii reer Yurub ayaa dhisay Ciidan Booliis Soomaaliyeed ah sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye. Dagaalkii Labaad ee Aduunka 1941, waxaa dalkeena la wareegay Ingiriiska, oo waatii laga adkaaday gumeystihii Talyaaniga ee Fajistaha ahaa, dalka oo dhan waxaa qabsaday gumeystaha Ingiriiska, 10kii sano uu Ingiriiska dalka heystay waxaa loo yaqaanay Booliiska Soomaaliyeed Chermarmie. 1958: Ra’isul wasaarihii xukuumadii Daakhiliyada Cabdulahi Ciise Maxamud ayaa markii ugu horeysay waxaa uu booliiska Soomaaliyeed Madax uga dhigay Shakhsi Soomaali ah kaas oo ahaa Maxamed Abshir, isagoo noqday Taliyihii ugu horeeyay oo Soomaali ah uu yeesho Booliiska Soomaaliyeed. Sanadii 1960kii markii xuriyadda la qaatay waxaa dalka laga hirgaliyay Booliis rasmi ah, waxaa la isku daray Booliiskii Waqooyi iyo Midkii Koofureed, waxaa tiradiisa lagu sheegaa in uu ka koobnaa ilaa 3700 askari. 1961-dii waxaa markii ugu horeysey la abuurey unugta haweenka ee booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo u xilsaarnaa baarista dumarka dambiyada gala ama laga galo iyo wax alaale wixii dumarka iyo dambiyada la xiriira. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxyaabaha ay u xilsaarnaayeen waxaa ka mid ah ama qeybaha ay ka koobnaayeen kuwa Roondada, nabadgalyadda waddooyinka, baarista dambiyada, xogdoonka, iyo waliba la dagaalanka falaagonimada. October 21, 1969-kii Markii Jaalle Maxamed Siyaad uu dalka Inqilaab ku qabsaday waxaa uu sameeyay maalin u gaar ah Booliiska isagoo Taariikhda dib ugu celiyay aasaaskii SYL, waxaa uu maalinta booliiska ka dhigay December 20, 1943-dii, lama oga sababta uu go’aankaas u qaatay iyadoo Booliiska uu xiligaas ka hore jiray ama dhisnaa sida aan soo sheegnay. Sanadkii 1971-dii ayaa waxaa la abuurey qeybta dab-damiska oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana lagu bilaabay 51 askari oo kaliya. Dalkeenna waxaa uu lahaa goobo tababar sida Iskoole Bolisia ama Akaademiyadda Booliiska, waxaa tababaro lagu siin jiray dhamaan qeybaha kala duwan ee Booliiska. Wixii ka horeeyay 1991kii iyo burburkii dowladdii Jaalle Siyaad, waxaa Booliiska Madax ka noqday Shakhsiyaad caan ah oo Soomaali ah sida: Maxamed Abshir, Qoorsheel, Xuseen Kulmiye, Gen. Jamac Maxamed Qalib, Cabdulahi Maxamed Xasan(Matukade), Aden Cabdi Kukay, Axmed Jamac Muse iyo Cabdiraxman Guulwade. Burburkii Qarannimo 1991-kii, ciidamada booliska Soomaaliyeed waxa ay u burbureen si la mid ah qeybihii kale ee dowladda Soomaaliya ka koobneyd, balse horaantii qarniga 21-aad ayaa dib loo asaasay ciidanka. Markii magaalada Carta ee dalka Jabuuti lagu soo doortey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan sanadkii 2000 ayaa waxa uu Cabdiqaasim taliyaha booliiska Soomalaiyeed u magacaabay Muumin kadibna General Cabdi Cawaale Qeybdiid, waxaana dib loo asaasay ciidamadii booliska Soomaaliyeed oo markaasi 10 sano aanan hawlgalin. Dowladdii Carte wixii ka dambeeyay Booliiska waxaa ay ka mid ahaayeen ciidamada ay sheegato dowlad walbo oo timaada, Lakin waxaa su’aalo badan ka jiraan waxqabadkooda iyo sababta keentay tayo la’aanta ciidanka Booliiska. Maanta Booliiska malaha wada shaqeyn dhexdooda ah, waxaa dalka hesta gawaari Taargo la’aanta ah oo aan la aqoon meel loogu hagaago, amni darro, Tabarbarada Booliiska waxaa bixiyo dalal daris ah iyo kuwoo shisheeye oo intooda badan aan rabin nabadda, xitaa Dicepiline Booliiska iyo la dhaqankooda shacabka dhib badan ayaa ka jira. Dhanka kale maanta waa maalinta Booliiska, waxaa ay dhigi doonaan xaflado waaweyn, isagoo ubaxyo sita, qoslaya,u heesaya madaxda hortooda fadhida, una garaacaya Bambeyda, Lakin waxaa jira xaqiiq madaxda iska indho tiraan, Booliiska waxaa heysta daryeel la’aan, mushaarka oo yar iyo xuquuqdooda oo aanany dowladda Mas’uuliyad iska saarin, lamana oga goorta Soomaaliya yeelan doonto Ciidamo Booliiska oo dhinac walbo ka dhameystiran, waxaa kale oo aan la ogeyn goorta la hirgelin-doono dhismaha ciidamada 32 kun oo booliiska ee sanadkii hore lagu heshiisyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Sanad guuradda 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Ciidankaasi. “Aniggoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Ciidanka Xoogga dalka Waxaan Hambalyo u dirayaa Sarreeyaasha , Saraakiisha, Saraakiil xiggeennada, Alifleyd iyo dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Maalinta berri ah u dabaal dagaya Sanad guurrada 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Dalka. Dhanka Kale Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa isna dhankiisa waxa uu hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. “Sanadguurada 75aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed awgeed, waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Booliska, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u rajeynayaa inay horumar ku gaaraan Sanadkaan kiisa kale” ayuu yiri S/guuto Odowaa. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusi doona Sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran. Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed S/Guud Bashiir Mohamed Jamac ayaa ugu Hambalyeeyay Ciidanka Booliislka Soomaaliyeed Sanadguurada 75aad ee aas aaska Booliiska oo kubeegan Maalinta Berri ah oo Taariikhdu tahay 20 December S/Guud Bashiir Mohamed Jamac ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Guud ahaan Dalka. The post Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed oo Hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-201218.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Jowhar (Caasimada Online)-Magaalada Jowhar oo ah caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa noqotay magaalo ay kawada tagaan madaxda maamulka Hirshabeelle , Kan gobolka iyo kan degmada Jowhar. Labadii Todobaad ee lasoo dhaafay ma jirin kulan wasiiro oo ka dhacay magaalada Jowhar, sidoo kale ma jirin dhaqdhaqaaq maamul maadaama afarka masuul ee ugu sareysay ay ka tageen magaalada. Waxaa sido kale la dareemay inay magaalada aad u yaraadeen ciidamadii joogi jiray, maadaama ilaalada afarta masuul ee ugu sareysay ay qeyb ka ahaayeen kuwa xaqiijinayo amaanka magaalada Jowhar. Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa intooda badan ka maqan magaalada Jowhar iyaga oo heystay fasaxooda caadiga ah, waxaana uu ku eg yahay 21 December oo beri ku beegan, balse waxaa muuqata in kulankooda uusan furmi karin maadaama guddoonka baarlamaanka ka maqan yihiin Jowhar. Madaxweynaha iyo xigeenkiisa, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenka koowaad ayaa ka maqan Jowhar, waxaa sidoo kale maamulka Degmada ay ka maqan yihiin magaalada, iyagoo masuuliyiinta inta badan ku sugan magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa ayaa muddo kooban ama dhowr jeer oo kali ah qabtay shirka Golaha Wasiirrada, taas oo micnaheedu tahay in waxbadka dowladnimo ee ay u baahanyihiin dadka Hirshabeelle aysan ku heysan maamulkooda. Amaanka Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ah mid sii xumaanaya iyada oo Al-shabaab ay go’doomiyeen waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar islamarkaana saraakiisha maamulka Hirshabeelle aysan dhulkaba mari karin. Inta badan xildhibaanada iyo xubnaha kale ee maamulka Hirshabeelle ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxayna ku laabtaan magaalada Marka doorasho ama mooshin uu jiro, taasi oo caqabad ku ah horumar uu gaaro maamulka Hirshabeelle. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  6. Lacagtii Xukumada Farmaajo ku bixisay in Lafta-gareen Madaxweyne looga dhigo Maamulka Koonfur-galbeed Somalia oo la soo bandhigay Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qarash gaadhaya saddex milyan oo dollar ku bixisay sidii Cabdcasiis Lafta-gareen loogu dooran lahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed, sida uu sheegay, wasiirkii hore ee Howlaha guud ee Xukuumadda Kheyre, Saalax Sheekh Cismaan. Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay doorashadii ka dhacday Baydhabo mid lagu shubtay, oo aan u dhicin hanaan hufan oo xor iyo xalaal ah. Eng Saalad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo ay malaayiin shacab Soomaaliyeed ah ay ku dhibaateysan yihiin xeryaha barakacayaasha Baydhabo ay Xukuumadd Soomaaliya ay lacag intaasi le’eg ku kharash gareyso Guusha Lafta Gareen. Doorashadii shalay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaakusoo baxay Cabdicasiia Lafta Gareen, oo ahaa Musharax ay dowladda Farmaajo Muqdisho ka soo dirtay, isagoo hub, ciidan iyo lacag watana ka degay Baydhabo bishii lasoo dhaafay. Dowladda Federaalka wali kama aysan jawaabin eedeyntan. Lafta Gareen ayaa helay codad aad u badan wareeggii kowaad, kuwaasi oo gaadhaya 101, halka musharixii ugu dhawaa, Aadan Saransoor uu helay 22 cod, iyadoo doorashadu ahayd mid qaadatey mudo ka yar saddex saacadood. Qaran News
  7. Denmark oo ku dhawaaqday go’aan saameynaya 1000 qof oo Soomaali ah+Lacag la siinayo Dowladda Denmark ayaa ku dhawaaqday go’aan saameynaya kun Ruux oo Soomaali ah, waxaana dhamaantood dadkaasi lagu soo celin doonaa Soomaaliya. Denmark ayaa shaacisay in dhamaan dadkaasi ay lumiyeen sharciga deganaanshaha dalkaasi, islamarkaana lagu celin doono dalka Soomaaliya. Inger Støjberg oo ah wasiirka socdaalka ee dalka Denmark ayaa shaacisay in dadkaasi ay baadhitaan ku bilaabeen badhtamihii sanadkii 2017, islamarkaana la ogaaday inay lumiyeen sharciyada dal ku jooga dalkaasi. dibna loogu celin doono Soomaaliya. Waxay wasiirka ay sheegtay in hadda Soomaaliya ay ka jiraan meelo badan oo amaan ah, islamarkaana dadkaasi ay dib ugu laaban karaan dalkooda iyaga oo la midoobayo ehelkooda. Dowladda Denmark ayaa sheegtay in qofkasta oo ku laabanaya dalkiisa, la siinayo taageero dhinaca safarka ah oo gaadheysa $16,056 oo doollar oo ah dadka waaweyn halka Carruurta qofkiiba la siinayo $4,817 oo doollar. Dowladda Denmark ayaa sheegtay 42 Qof oo Soomaali ah dalkooda dib loogu celiyay sanadkii 2017dii, halka sanadkan 2018 ay dib u celisay 32 Qof oo Soomaali ah. Qaran News
  8. Riyadh (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa daaha gadaashiisa ka shaqeynaya isaga oo doonaya in la wanaajiyo xiriirka u dhaxeeya maamulka Yahuuda Israel iyo boqortooyada Sacuudiga. Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Netanyahu hadafkiisu uu yahay in la abuuro xiriir wanaagsan oo u dhaxeeya labada dowladood ka hor doorashada 2019 ka dhacaysa Israel, waxaana howshaasi ka shaqeynaya madaxa Sirdoonka Israel Yossi Cohen. Mr Cohen ayaa masuul ka ahaa fududeynta Booqashadii Netanyahu 26-Bishii October uu ku tagay dalka Cumaan, waxaana xiligaasi ujeedada socdaalkiisa uu ahaa inuu dhiso xiriirka kala dhaxeeya Sacuudiga. Netanyahu ayaa garab istaagay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan kadib markii uu cambaareeyn kala kulmay caalamka, isaga oo ku eedeysan inuu lahaa amarkii lagu dilay Wariye Jamaal Kashoqji oo lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Warbixino laga soo xigtay diblumaasiyiin sar sare ayaa sheegay in Israel ay xiriiro kala duwan la sameysay dalal badan oo carabta ah si loo xisaabiyo ama loola socdo danaha Iran sida ka muuqata Sacuudiga. Netanyahu ayaa intii uu ku sugnaa dalka Cumaan wuxuu sheegay iney jiri doonto booqasho uu ku tagayo dalal kale oo Muslim ah, kuwaasi oo hadda Israel xiriir wanaagsan iyo xiriir diblumaasi uusan kala dhaxeyn. Wasiirka arrimaha dibadda Baxreyn Sheikh Khalid Al Khalifa ayaa xiisadda kiciyay waxaana uu sheegay in wadanka Baxreyn uu noqon doono wadanka labaad ee uu booqan doono Netanyahu, wuxuuna Twitter-kiisa sidaasi kusoo qoray isla maalintii uu Netanyahu joogay dalka Cumaan. “Inkastoo Khilaafka jiro, Mr Benjamin Netanyahu wuxuu meel muhiim ah ka joogaa muhuumadda hergelinta xasiloonida gobolka Sidoo kale Sacuudiga ayaa door ku lahaan kara arintan”ayuu yiri Al Khalifa. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa saaka xiran waddooyin waaweyn oo ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo loo diidayo gaadiidka dadweynaha, balse waxaa loo ogol yahay inay dadka lugtooda adeegsadaan. Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa saaka loo xiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxayna maanta u dabaal dagayaan sanadkii 75aad ee kasoo wareegatay aasaaska ciidanka booliska. Labadii maalin ee lasoo dhaafay ciidamada booliska ayaa tijaabooyin kala duwan ku sameynayay magaalada Muqdisho, waxaana qaarkood shalay loosoo xiray tababar kaga socday xarunta tababarka ciidamada ee Turkey ku leeyihiin Muqdisho. Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa lagu bilaabay 3500 oo askari oo xiligaasi tababar kala duwan ku qaatay magaalooyinka Mandheera,Beledweyne iyo Muqdisho, waxaana kadib ciidamada laga dhex xulay ciidamada kala duwan ee dalka. La taliyaha amniga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in dowladda Federaalka ah ee hadda jirta ay leedahay 5,000 oo Askar oo meletari ah, kuwaasi oo diiwaangeshan islamarkaana mushaarkooda si joogto ah u hela. Xafladda ciidamada booliska ayaa lagu dhigayaa garoonka kubbada cagta ee Koonis ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay ka qeyb galaan masuuliyiinta kala duwan ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qarash gaaraya saddex milyan oo dollar ku bixisay sidii Cabdcasiis Lafta-gareen loogu dooran lahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed, sida uu sheegay, wasiirkii hore ee Howlaha guud ee Xukuumadda Kheyre, Saalax Sheekh Cismaan. Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay doorashadii ka dhacday Baydhabo mid lagu shubtay, oo aan u dhicin hanaan hufan oo xor iyo xalaal ah. Eng Saalad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo ay malaayiin shacab Soomaaliyeed ah ay ku dhibaateysan yihiin xeryaha barakaciyaasha Baydhabo ay Xukuumadd Soomaaliya ay lacag intaasi la eg ku kharasha gareyso Guusha Lafta Gareen. Doorashadii shalay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo baxay Cabdicasiia Lafta Gareen, oo ahaa Musharax ay dowladda Muqdisho kasoo dirtay, isagoo hub, ciidan iyo lacag wata ka degay Baydhabo bishii lasoo dhaafay. Dowladda Federaalka wali kama aysan jawaabin eedeyntan. Lafta Gareen ayaa helay codad aad u badan wareeggii kowaad, kuwaasi oo gaaraya 101, halka musharixii ugu dhawaa, Aadan Saransoor uu ku guuleystay 22 cod, iyadoo doorashada ay ahayd mid qaadatey mudo ka yar saddex saacadood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Denmark ayaa ku dhawaaqday go’aan saameynaya kun Ruux oo Soomaali ah, waxaana dhamaantood dadkaasi lagu soo celin doonaa dalka Soomaaliya. Denmark ayaa shaacisay in dhamaan dadkaasi ay lumiyeen sharciga deganaanshaha dalkaasi, islamarkaana lagu celin doono dalka Soomaaliya. Inger Støjberg oo ah wasiirka socdaalka ee dalka Denmark ayaa shaacisay in dadkaasi ay baaritaan ku bilaabeen bartamihii sanadkii 2017, islamarkaana la ogaaday inay lumiyeen sharciyada dal ku jooga dalkaasi. dibna loogu celin doono Soomaaliya. Waxay wasiirka ay sheegtay in hadda Soomaaliya ay ka jiraan meelo badan oo amaan ah, islamarkaana dadkaasi ay dib ugu laaban karaan dalkooda iyaga oo la midoobayo ehelkooda. Dowladda Denmark ayaa sheegtay in qofkasta oo ku laabanaya dalkiisa, la siinayo taageero dhinaca safarka ah oo gaareysa $16,056 oo doollar oo ah dadka waaweyn halka Carruurta qofkiiba la siinayo $4,817 oo doollar. Dowladda Denmark ayaa sheegtay 42 Qof oo Soomaali ah dalkooda dib loogu celiyay sanadkii 2017i, halka sanadkan 2018 ay dib u celisay 32 Qof oo Soomaali ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Inkastoo ay inta badan dadka Soomaalida ahi siyaasadda kaga faalloodaan baraha bulshada, haddana aaladda twitter-ka ayaa ah fagaare ay inta badan ku dooddaan dadka aqoonyahanka ah ee siyaasadda lafo-guraa. Twitterka oo qoraalka la ogolyahay in lagu qoraa uu aad u koobanyahay ayaa waxa jira dad reer Somaliland ah oo si maalinle ah ugu baahiya qoraalo iyo xoggo la xidhiidha Somaliland, waxaanay qoraaladooda oo ay ku qoraan luuqadaha Ingiriisida iyo Carabiga ugu babac dhigaan dadka Soomaalida ama ajaanibka ah ee faafiya qoraalada sumcad dilka ku ah Somaliland amaba kuwa taariikh khaldan ka baahinaya qaddiyadda Somaliland. Aqoonyahanada reer Somaliland ee sida maalinlaha ah qoraalada ku saabsan Somaliland iyo qadiyadeeda ugu baahiya twitterka waxa ka mid ah Dr. Maxamed Warsame Ducaale, Yuusuf Cabdi Gaboobe, Sarah Axmed Yuusuf, Siciid Shukri Xuseen iyo dad kale. Ka sokow qoraalada ay ugu jawaabayaan dadka Soomaalida ama ajaanibka ah ee baahiya qoraalada ku liddiga ah Somaliland, waxa ay qoraaladooda saldhig uga dhigaan hadba wixii ka soo kordha siyaasadaha dunida ee si uun saamayn ugu yeelanaya Somaliland. Tusaale ahaan Dr. Maxamed Warsame Ducaale iyo Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxa ay qoraaladoodii u dambeeyay ee shalay kaga hadleen go’aan ay dawladda Soomaaliya dalkeeda kaga mamnuucday hay’adda cilmi baadhista ah ee SAHAN ee uu fadhigeedu yahay dalka Kenya oo uu agaasime ka yahay Mr. Matt Bryden oo u dhashay dalka Kanada. Mr. Matt, ayaa la aaminsanyahay inay dawladda Soomaaliya ku qaniintay faallo lagu qoray wargeyska caanka ah ee Washington post oo lagaga hadlay xadhiga Mukhaar Roobow oo uu Mr. Matt qaybo ka mid ah lagu soo xigtay hadalo uu wargeysku weydiiyay. Dr. Maxamed Warsame Ducaale, ayaa qoraal kooban oo uu soo geliyay bartiisa twitterka, wuxuu ku sheegay in Mr. Matt Bryden iyo ururkiisa SAHAN, laga soo dhawaynayo Somaliland. Sarah Axmed Yuusuf oo degen dalka dibadiisa, ayaa iyadu si maalinle ah qoraalo ugu baahisa sanduuqa ay ku leedahay twitterka, waxaanay qoraaladeeda oo u badan kuwo ay ku difaacayso Somaliland ku baahisaa luuqadda Ingiriisida. Sarah ayaa qoraalkeedii ugu dambeeyay ee shalay waxa ugu jawaabtay xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo shir ka dhacay Djibouti ku sheegtay inay Soomaaliya ku metesho Somaliland, “Marwo, shaqadaada siyaasadeed maaha mid aan ku metesho Somaliland, waxaad meteshaa naftaada, maaha Somaliland.” Ayay tidhi Sahra iyadoo u jawaabaysa xildhibaanad Fowsiya, waxaanay intaas raacisay inay dadka reer Somaliland iyagu doortaan xildhibaanadooda iyo madaxdooda siyaasadeed ee kale. Waxa kale oo ay muwaadiniintan iyo kuwo kaleba baahiyaan qoraalo koob-kooban balse nuxur badan xambaarsan oo ay kaga hadlaan dawladda Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo. Sidoo kalena siyaasadda gobalka Geeska Afrika ayay si maalinle ah u falanqeeyaan. Qoraalada ay baahiyaan ayay waxa kale oo ay mararka qaar ugu jawaabaan saxafiyiinta Koonfurta Soomaaliya ee ka shaqeeya warbaahinta caalamiga ah amaba saxafiyiinta ajaanibka ah ee laga yaabo inay mararka qaar taariikh khaldan ama xoggo aan la hubin ka baahiya Somaliland. Shakhsiyaadkan ayaa inkastoo aanay keli ku ahayn difaaca Somaliland iyo gudbinta wararkeeda, haddana waxay ka mid yihiin dadka ka dhex muuqda aaladda twitterka ee subax kasta soo gudbiya qoraalo kala duwan, waxaanay baahinta qoraaladooda bilaabeen markii ay dawladda Soomaaliya sida adag uga hortimid maalshashiga DP world ee dekedda Berbera. Waxaana jirtay dhawr goor oo ay xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiisha dawladda Soomaaliya si toos ah uga jawaabaan qoraalada ay reer Somaliland ku baahiyaan barahooda twitter-ka. Dad kale oo ajaanib ah ayaa iyaguna ka jawaaba qoraalada ay baahiyaan oo ku qoran luuqadda Ingiriisida, waxaanay taasi ku tusaysaa sida loogu xidhanyahay sanaaduuqda ay aqoonyahanadani ku leeyihiin twitter-ka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo munaasabada dabaaldaga aas aaska ciidamada Booliska Soomaaliya. Ciidamada Booliska oo ah hooyada ciidamada dalka ayaa la aas aasay 20 -kii December sanadkii 1943. Munaasaado balaaran oo lagu weeyneeynayo 75- guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidamada Booliska ayaa ka dhacaya Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya. Amaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana la sii xiray wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. Madaxda dalka ugu sareeysa ayaa ka qeeybgalaya xafladaha aas aaska ciidamada Booliska. Xasan Maxamed Samatar Cowke. Puntland Post Muqdisho The post Sanad guuradii 75-aad ee aas aaska Booliska oo laga xusayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. Doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee lagu doortay Cabdicasiis Laftagareen waxa ay ahayd wixii la filayey, yeelkii qofkii meel kale u muuqatay! Doodda ma aha qiimeynta Laftagareen iyo waxa uu ku soo kordhin karo ama u dhimi karo maamulka Koonfur Galbeed ee uu afarta sano ee soo socota hoggaamin doono, balse waxaan si qotodheer u lafaguri doonnaa dood saddex xagal ah oo ka dhalaneysa doorashadii shalay. Doodda saddex xagal ah ayaa ku kooban doorashada 2021-ka la filayo in ay dalka ka dhacdo marka uu dhammaado muddo xilleedka maamulka hadda jira. 1.Doodda Siyaasiyiinta Mucaaradka ah 2.Xisbiyada abuurmaya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee u soo guuray Muqdisho 3.Faragalinta Nabad iyo Nolol ee doorashooyinka Maamulada XAGASHA KOWAAD – Doodda Siyaasiyiinta Mucaaradka ka ah Kaddib markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashada Koonfur Galbeed durba waxa uu walaac soo galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradkan dowladda dhexe oo u arkay in wixii Baydhabo ka dhacay halis ku yahay rejada ay 2021-ka qabaan. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dowladda wanaag iyo xummaanba ku dhaliila ayaa boggiisa Facebook ku soo qoray saddaro dhaadheer oo uu ku muujinayo cabsidiisa, ila eegga qeybtan ka mid ah…. “Ma filaayo in Madaxweyne Farmaajo doorasho diyaar u yahay sanadka 2020 ee waa in inagoo wadajirna talo ka yeelanaa oo aanan sugin in horudhac riwaayada ee maanta Baydhabo lagu soo bandhigay aanan 2020 ka dusheena lagu dhigin.” Siyaasiyiinta mucaaradka ah waxa ay u arkaan wixii ka dhacay Baydhabo afgambi horseedi doona in 2021-kana dalka ka dhaco oo ay ama doorashada ugu shubtaan ama u dheereystaan waqtida mamaulka hadda jira. XAGASHA LABAAD – Xisbiyada abuurmaya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee u soo guuray Muqdisho Si qotdheer maanka uga shaqeysii! Maxaa soo dedejiyey Xassan Shikh Maxamuud iyo dhismaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, maxaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku soo celiyey Muqdisho oo uu durba murankii isaga iyo dowladda u dhexeeyey u bilowday, Shariif iyo Xisbigiisa Himilo Qaran??? Waxaa si fudud kuugu soo baxaya hal xigmad oo aan rabo in aan uga jawaabno sida loo odoroso Kubadda Cagta natiijadeeda! Ka soo qaad, waxaa afar dhammaadka (Semi Final) tartanka kooxaha Yurub (UEFA Champions League) isugu soo baxay; Real Madrid, Manchester United, Schalke 04 iyo Roma. Waxaa isku aaday Manchester United iyo Real Madrid iyo Roma iyo Schalke 04! Halkaas marka ay mareyso, fallanqeeyeyaasha Kubadda Cagta Maxay yiraahdaan? Finaalihii oo la soo hormariyey waxaa dheelaya Manchester United iyo Real Madrid! Sheekada xagashada labaad waxaad ka fahmi kartaa in uu bilowday oo uu waliba xoogeystay ol’olaha 2021 oo lagu go’aamin doono natiijada xilligaas waxa hadda ka socda Maamulada ee uu dagaalka ugu dhaxeeyo dowladda iyo mucaaradka ka soo horjeeda. Hadda waa looga adkaaday Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed balse waxaa la sugi doonaa Kismaayo iyo Garoowe! XAGASHA SADDEXAAD – Faragalinta Nabad iyo Nolo ee doorashooyinka Maamulada Mamaulka hadda jira ee ay hoggaamiyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre wey ku soo talagaleen oo siyaasadooda ay ka mid tahay in ay saameeyaan doorashiiyinka Maamulada. Ma aha arrin weecsan waayo, nidaam markaa jira haddii uusan is wadan, siyaasadana ka mideysneyn ma hana qaado – waxaa tusaale kuugu filan afartii sano ee iyaga ka horreysay! Sida muuqata, Nabad iyo Nolol waxa ay doonayaan in ay helaan hoggaamiyeyaal ku aragti ah oo ka soo baxa Maamul Gobolleedyada ama ugu yaraan ay iyaga soo saaraan taas oo u fududeyn doonta qodobada soo socda. Abuuridda xasillooni siyaasadeed 2- Dardargalinta qorshaha amniga qaranka (National Security Architecture). 3.Higalinta doorasho qof iyo cod ah Uma baahna in aan saddexdaas qodob mid mid u sharraxo, waayo tan hore oo la helo waxa ay ugu gogol xaari doontaa midda labaad oo Iyana sahli doonta midda saddexaad. W/Q: Mohamed Kaafi Email: Muhamedkaafi@gmail.com
  15. waxa hubaal ah in Somaliland xornimo hanatay 26june 1960kii halgan xornimo oo qaatay 76 sano. 33 dawladood baa ictiraafay Somaliland, 31 sano ka dib burbur iyo halaag ku dhacay goboladii la odhanjiray woqooyi galbeed oo taliskii militarigii shuuciyadii siyaad bare kula kacay duqayen cir iyo dhulba ah taas oo dhaxalsiisay in dhamaan loo qaxo Ethiopia. 1991 kii waxa goaansadeen reer Somaliland in qaranimadoodii dhicisawday in ay dib ula soo noqdaan taas oo ay kaga badbaadeen burburka iyo baaba haysta koonfur taas oo ay ku naaloonayaan manta NABAD, HORUMAR IYO HOGAAN WACAN.oo ku qotoma doorasho HAL QOF HAL COD waa sida rabitaanka shacabku ina farayo democratic system.taas oo shacab midaysan cadaalad sinaan iyo cadayen rabitaan shacan beesha caalamku dawlad ictiraaf leh oo beesha caalamku ku qasbanyahay. 27 sano ka dib la soo noqoshadii xornimada Somaliland waa SOO FAR SOO GOOD waa guul iyo gobanimo, maah maah baa tidhaa MEYDBA CANAAN WAAYIN.NIN XIL QAADAY EED QAAD waa masuuliyad iyo xeerkeed. Waxa dibu jaleecid mudan maamuladii afarta ahaa ee u kala dambeeyey Somaliland maareyntooda siyaasadeed iyo maareyentooda hogaanka dalka , 1, marxuum cabdiraxman cali tuur wuxu ku guulaystay soo celintii dadkii barakacay iyo daboolidii daarihii dumay si sharafana hogaanka dalka wuu ku wareejay BORAMA 1993 . 2.marxuum cigaal wuxu ku guulaystay xukun medeni ah,midayen shacabkii kala irdhoobay, lacag Somaliland u gaara distoor axdi qarameed. 3. rayaale wuxu ku guulaystay DAL IYO DAD MIDA, doorasho hal qof hal cod oo leh heer madaxweyen, gola shacab , degmo iyo guurti taas oo demuqraadiyada beesha caalamka soo jiidatay iyo dhamaan dawladaha caalamka oo uu safaarado ka furay ilaa afartan dal dawladaha waaweyni ku jiraan sida maraykanka oo wasiira dii khaarajigu jinta firaysar HARGEISA ka soo degto. 4, ahmed siilanyo wuxuu ku guulaystay waxqabad mug iyo miisaanle sida xafiisyada dawlada dariiqyada halbawlaha ee dalka sida dariiqa ceerigabo ilaa burco,aiportka Hargeisa, Berbera qaybo ka mida dariiqa qoolka ilaa dilla tuli ilaa goraya cawl iyo qaar ka loo badan. maamulka musa looga fadhiyee jabhadaha dagaalada sokeeye iyo sicir barabarka iyo sida uu uga midho dhaliyo, LOOGOW LOOGU YEEDH LOOGASE FADHIYEE. DHAQAALE HANDARAAB IYO QUFUL NAYEN BI NAYEN , JABHAD CAARE , BADHAN , BUUHOODLE IYO ADHI CADEEYE CILMIGEEDA WAA LAGAAGA FADHIYAA. SUAAL AAN JAWAAB U RABO???????????????????????????????????? wada hadalkii wax garadka Somaliland iyo somaliya ee loogu magac daray HERITAGE AMA HIDA DHAW ee lagu qabtay Djibouti doodaa oo dhawrmaalmood socotay waxa iiga dhexmuuqan waayey hal siyaasi oo koonfur ka ah oo rayi ahaan waafaqsan in ay xaq u leedahay Somaliland in ay dawladnimadeeda la soo noqoto loona aqoonsado xataa waxa ku adkaa magaca Somaliland iyagoo ku tiraabayey gobolada waqooyi halka aqooyahano tobaneeyo kor u dhaafay oo asal ahaan somalilanders ah sida gudoomiye ku xigeenka pm federalka, fosiya, prof hussien warsame iyo xildhibaano kale ay ka soo horjeedeen qaranimada gooni isku taaga SOMALILAND, wax wada lahaashu waxa uu ka muuqdaa koonfur hal qof dawl;adnimo Somaliland kuuma ogola halka siyaasiyiin Somalilanders ihi rayiga midnimo ku raacsanyihiin; TAASI WAXAY KA TURJUMAYSAA SIDAY1960KII WAX WADA LAHAASHO UGU OGOLAYEN EE AY IYAGU WAXBA U OGOLAYEN SOMALILAND MAANTA OO AAD NIN KOONFUR AH OO UGU YARAAN YIDHAA DADKAA WIXII BURBUR IYO BAABA LOO GAYSTAY INAY DAWLADOODI LA NOQDAAN XAQ BAY U LEEYIHIIN AAD KA WEYDAY WAXA KA WEYEN HAKA FILANE SOMALILAND HA TASHATO OO TASHATAYE CADAALAD MANSAB IYO MAALBA HA SAMAYSATO IYO TURXAAN SAARID,WIXII TABASHO EE TAALA DAL IYO DADMIDAYSAN WAA GUUSHA ICTIRAAF EE SOMALILAND ,JEEGAAN IYO GIRAANI OO MIDA WAA GOOLKA IYO GUUSHA DAWLADNIMO EE SOMALILAND, FULAW GUULI KUU DHAWEYDAA. WAXAN KUSOO XIDHAYAA TIXDII AHEYED NINAAN DAWLADBAA XAMAR FADHIDA HAW DURMAAN TUMAN, SOMALILAND GUUL IYO GOBANIMO, MUSA AW HASSAN LODOON AWDALI DUBAI, Qaran News
  16. Waxaan Inbadan ka hadli jirey in Siyaasadda Arimaha Dibadda Somaliland Naaqustey oo Boqolkiiba Boqol hoos u dhacdey Mudada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Taladda Dalka Gacanta ku Qabatey Xaqiiqdiina Waxaa lamid ah oo aan Ka Duwaneyn Siyaasada Arimaha Guddaha oo bilaw ilaa dhamaad fashilan, Waxaase Layaab leh in Maanta Layidhaa Labada Madaxweyne ee Kililada Soomaalida iyo Oromada ayuu Wajaale Kila Kulmayaa Taasi iyo Mid lamid ahba Waa laga filayey. Xukuumadihii hore ee talada dalkan Soo Qabtey Waxa ay had iyo jeer ka Duuli jireen in Siyaasiyiinta iyo haldoorka Waayo Araga Siyaasadeed ah Bulsho kasta ku matelo Meeqaamkeedda, taas oo ay muqadas tahey in aan laga Talaabsan karin islamarkaana, ay Xaaraan Tahey in Hormuud iyo Horjoogayaal iyo Looga Dhigo Dhalinyaro aan Waayo arag aheyn oo Dhalashadeedu ka badneyn Sagaashankii iyo Wakhtiyo ku Dhaw Sida uu hadda Gabiley ula Macaamilo Madaxweyne Muuse Biixi ee uu Daadafeeyay Haldoorjii iyo Raggii Mudakarka ahaa Safka hore ee Xukuumadiisana Soo dhigtey Dhalinyartaa aan Xogogaalka aheyn ee dhashey 1990kii iyo intii ka Dambaysay oo aan Xog-ogaal aheyn Taas oo aanu marnaba kula Dhici karin Guud ahaanba Dalka Somaliland itiisa kale, Waxaanan Leeyahey Gabilayay Horta Waa Abaalkaa Hadimada Ku Gaadhiyo Waxaad Hawl La kulantee Maka Heestay Ceel-Dheer Caruuri Kuu Talisey Waa Badheedh Laguugu Badheedhaye Laakiin inta aad Moogantihiin ka Aqbala Fariinta la idiinku Soo Dhiibay ee ah Soo Qaata Durbaanadda. Hadaan Gees kale ka eego, intii ka Dambeysay Doorashadiisii Markii Madaxweyne Biixi kasoo gurya Noqdey Xaflad uu Kaga Qeyb Galey Jaamacada Camuud ee Magaalada Boorame Waxa uu Habeen ku dhaxey Magaalada Gabiley,Kadibna Subaxdii ayay Reer Gabiley Ugudbiyeen Mashruucyo ay uga baahan yihiin in uu Mustaqbalka Wax uga Qabto, intaasi markii ay Dhacdey wuu Ku qosley Muuse Waxaanu Si dadban u Tusey in ay aaney War isku hayn Isaga iyo Reer Gabiley ee ay Is dhaafsan yihiin Sababtoo, ah Reer Gabiley Waxa au u haystaan in ay Taageereen Muuse Biixi Si hagar la.aan ah oo ay Gar iyo Gardaraba Waxa ay Xaq ugu leeyihiin aanu kala masuugaynin Isaguna Waa Muuse.e Waxaa Nin u og oo Taa Xisaabsanaya Ma aha Waanu ka Xanaaqaa Cid kasta oo Xadhigaa uga garaacda Jawaabtii kaga Soo noqotey madaxaa ka Xanuunay Intii la Kulantey oo Dhalinyar lasoo Xuley u badnaa ilayn Haldoor maba ogola iyo Cid Mudakar ahe Wixii uu U Sheegay Soo Qaad maleh Waxase Taariikhda u Galeysa Gabiley iyo Dadkeeda Maanta Fariintaa uu Caruurta ugu Soo Dhiibay ee ah Durbaanadda Soo Qaata Sacabka iyo Soo Dhweyntana Xoojiya, Wixii intaa Dheerna Bari Weynu kala Warqaadan Hadii Alle Yidhaa. NAJIIB ISMAACIIL MAXAMED Gabiley Somaliland Tell:0634466339 Source
  17. Asaaskii Jamhuuriyada Somalilaan : Somalilaan waxaa lagu aas aasay Magaalada Burco Taariikhdii 18 May 1991 Qaabka Dawladnimo ee Somalilaan: Waa Dimuqraadi curdin ah oo leh Laamihii fulinta, Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen la doortay 5 tii sanadoodba mar. Waaxda Xeer Dejininta : Waxay ka kooban tahay Golaha Guurtida oo 82 xubnood ah iyo Golaha Baarlamaanka oo 82 xubnood ah kuwaas oo la soo doorto labada goleba. Labada Gole ee xeer dejintu waa xubno ka wakiila shacabkii soo doortay.Golaha Barlamaanka waxaa la doortaa 5-tii sanadoodba mar, halka Golaha Guurtida la soo doorto 6-dii sanadoodba mar. Waaxda Garsoorka : Waaxda garsoorka ayaa ka kooban Maxkamadaha iyo xeer ilaalinta , Maxkamada Dastuuriga ah ama maxkamada sare ayaa ah Hayada ugu sareysa Garsoorka Somalilaan. Doorashooyinkii Somalilaan u qabsoomay 25 -kii Sanadood ee la soo dhaafay: 1- Doorashadii shirbeeleedka ee Boorama ka dhacday sanadkii 1993 waxaa is soo sharaxay Mahamed haji ibrahim Cigaal, Abdirahman Aw Ali tuur ( AHN), Omar Carte Qaalib iyo Ahmed Mohamed Halac. Waxaana madaxweyne loo doortay oo ku guuleystay marxuun Mohamed haji Ibrahim Cigaal ” AHN”. Madaxweyne Cigaal wuxuu Somalilaan kala dabaashay waqti aad u adag oo ahaa waqtigii ugu adkaa ee abid Somalilaan soo mara xag colaadeed iyo xag dhaqaale xumo labadaba. 2- Doorashadii shirbeeleedka ee Hargeisa ka dhacday 1997 Waxaa is soo sharaxay; Mohamed Haji Ibrahim cigaal, Mohamed hashi cilmi iyo Saleebaan Mohamoud Adan (salebaan gaal) Waxaana goobtaa madaxweyne loogu doortay Mohamed Haji Ibrahim Cigaal.(AHN) halkaas oo Madaxweyne Cigaal uu tiirarka dawladnimo u taagay dawladnimada Somalilaan oo uu waqtigaa u sameeyey Dastuur, Xeerar iyo xeegaano ku saleysan habka xisbiyada badan ee maanta dalka ka jira. -Taariikhdu markau aheyd 31 May 2001 ayaa aftidii Dastuurka ee gooni isu taaga Somalilaan la qaaday, shacabka reer Somalilaan ayaa 97.1% waxay u codeeyeen in Somalilaan gooni isu taagto oo xornimadeedii kala soo noqoto dawladii Somaliya si ay Somalilaan u noqoto dal ka go’ay Somaliya oo aan ka tirsaneyn Dawlada Federaalka noqotay ee Somaaliya. 3- 15 December 2002 – Waxaa dhacday doorashadii ugu horeysay ee golayaasha degaanka oo ka tartamay 6 urur siyaasadeed, waxaana doorashadaa ku soo baxay sadex Xisbi qaran oo kala ahaa : Udub, Ucid iyo Kulmiye. 4- Doorashadii madaxtooyada ee dhacday sanadkii 2003 taas oo aheyd doorashadii JSL ugu horeysa ee ku dhacda hal qof iyo hal cod. Waxaana isa soo sharaxay Dahir Riyale Kaahin, Faysal Ali Waraabe iyo Ahmed Mohamoud Siilaanyo, Waxaana 80 cod ku helay Daahir Riyale Kaahin. kadib markii ay kala heleen 42.90% Dahir Riyaale , 42 .10 % Ahmed Mohamoud Siilaanyo iyo 15 % Faysal Ali Waraabe helay. Doorashadan waxaa taariikhda loogu duugay in Ahmed Siilaanyo oo ay dabada ka wadaan mucaaridkii abid ugu adkaa Somalilaan in uu Daahir Riyaale u tanaasulo oo yidhaahdo kelmeda dhaxalka u gashay ee uu yidhi ” Kursi Dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo ” 5- 29/9/ 20005 : Waxaa dhacday doorashadii Baarlamaanka waxaana u tartamay 246 musharax oo u tartamayey 82 kursi ku waas oo ka kala sharaxnaa 6-da Gobol ee Darajada A ah. Musharaxiintaasi waxay ka kala socdeen 3-da Xisbi qaran waxaana ay kuraasta u kala heleen sidan: Udub = 33 Xildhibaan. Ucid = 21 xildhibaan. Kulmiye = 28 xildhibaan. 6- Doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2010 oo aheyd doorasho hal cod iyo hal qof ah, Waxaa tartamay Daahir Riyale Kahin, Ahmed Siilaanyo iyo Faysal ali Waraabe; Waxaana boqolkiiba 49.50 % ku guuleystay Ahmed mohamoud Siilaanyo. Dahir Riyaale wuxuu helay 33.23 %. Faysal Ali Waraabe wuxuu helay 17.18 % . 7- 15/11/2012 – Waxaa dhacday Doorashadii 2-aad ee Goleyaasha degaanka ee Somalilaan: Waxaa tartamay 7 urur Siyaasadeed oo kala ahaa Rays, Ummada, Xaqsoor, Dalsan, Wadani, Ucid iyo Kulmiye.Waxaa ka qayb galay 2368 musharax oo u tartamay 379 kursi. waxaana ku soo baxay sadexda xisbi qaran ee Wadani, Ucid iyo Kulmiye. 8- Doorashada madaxtooyada ee dhacaday 13/11/17 waxaa tartamay Faysal Ali Waraabe, Abdirahman Mohamed Ciro iyo Muse Biixi Abdi waxaana ay guushu raacday Muse biixi Abdi oo ku helay cod aqbaliyad ah oo 55.1% ah, Abdirahman Ciro wuxuu helay 40.73%, Faysal Ali Waraabe wuxuu helay sidii caadada u aheyd tirada ugu yar codadka oo ah 4.17% , ka dib markii laga dhawaajiyey in doorashadas ay ku gedaamnaayeen mugdi iyo mad-madow fara badani, ayaa Abdirahman Ciro laga guntay odhaahda ah ” umaan tanaasulin Muse biixi Abdi ee dalkeygu damacayga ku burburimaayo dhiigna ugu daadan maayo” Juquraafi ahaan JSL waxay dhacdaa : Geeska Afrika waxaana ay xuduudo la leedahay sadex wadan oo kala ah Itoobiya, Jabuuti, Somaliya iyo Gacanka Cadmeed. Qaab dhismeedka JSL wuxuu ka kooban yahay Gobolo iyo Degmooyin : JSL waxay ka kooban tahay 6 Gobol oo Darjada A ah iyo 8 Gobol oo Darajada B ah oo isku darkoodu noqonayo 14 Gobol. Degmooyinka ay ka kooban yihiin Gobolada Somalilaan waa 100 Degmo oo isgu jira 55 Degmo oo Darajooyinka A ilaa D ah iyo 45 Degmo oo ah Degmooyin ku meel gaadh ah maadaama aanay weli buuxin shuruudihii isku filnaashaha degmanimo ku waas oo Darajadoodu ay weli ka hooseyso Darajada D. Caasimada Somalilaan: Waa Hargeisa waxaana ku nool shacab gaadhaaya ilaa 1.3 Million qof oo dhalinyaro u badan.Shacabka JSL waxaa lagu qiyaasaa 4 Million . Baaxada Dhulka ama bogcada barakeysan ee ay Jamhuuriyadda Somalilaan ku fadhido ayaa cabirkeedu yahay ilaa iyo 167,120 km2. Xeebaha Jamhuuriyada Somalilaan ayaa cabirkoodu gaadhaa 870 Km. Lacagta Somalilaan waa Somalilaan shilling.JSL waxay leedahay Calan iyo astaan u gaar ah. Luqadaha shacabka reer Somalilaan ku hadlaan ayaa kala ah : luqda koowaad Somaali, luqada labaad waa Carabiga iyo luqada sadexaad oo ingiriisi ah . JSL waxay leedahay Dekedo iyo Xarumo Ganacsi : Dekeda ugu weyni Somalilaan waa Dekeda Berbera oo dhacda Gacanka cadmeed , xarunta ganacsiga ugu weyni waa Suuqa Wajaale oo dhaca xadka itoobiya, Badeecadaha dhoofinta ugu badani waa : Xoolaha nool oo isugu jira Adhi, Geel iyo Lo’, macdano kala duwan iyo xabagta oo fooxu ugu badan yahay. Somalilaan waa dawlad isku tashatay oo leh dal, dad iyo dan qudha. Geedi socodka Doorashooyinka Somalilaan ee 25-kii sanadood ee la soo dhaafay soo socday waxaa laysku raacay in 18 – kii biloodba ay Doorasho ama Diiwaan gelini dhacdo. Hadaba sanadka soo cocdana ee 2019 ka ayaa la filyaa in ay dhacaan Doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Baarlamaanka iyo Goleyaasha Degaanka oo mudadoodii dhaafay. Alleh ayaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Source
  18. (SLT-Garoowe) Wasiirkii Daakhiliga Puntland oo is casilay hoos ka DAAWO sababaha ku kalifay. Source
  19. (SLT-Baydhabo)Doorashada madaxweynaha Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa waxaa cod aqlabiyad leh ugu guuleystey Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen kadib markii uu helay codad gaaraya 101 cod. Murashaxan oo ah shakhsigii Ugu dhawaa Madaxweynaha Dalkaasi Soomaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. 147 xildhibaan ayaa codadkooda dhiibatay doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed waxaana ku tartamay shan musharax oo kala ahaa Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen,Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Xuseen Cismaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow iyo Seyid Axmed Sheekh Daahir. Hadal kooban oo uu jeediyay Cabdicasiis Laftagareen ayuu ku tilmaamay maanta inay tahay maalin weyn oo taariiqi ah isagoo u mahadceliyay dhammaan xildhibaanada baarlamaanka Koofurgalbeed. Cabdicasiis Laftagareen ayaa loo dhaariyay madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya afarta sano ee soo socota. Source
  20. (SLT-Hargaysa)Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay isbadalada ka socda wadamada Geeska Afrika. Gudoomiye Faysal oo maanta ka hadlayey munaasibad ay arday ku qalin jabinayeen oo ka dhacday Hargeysa ayaa soo bandhigay aragtida uu ka qabo xubnihii somaliland ku matalayey shirkii ka dhacay Djibouti ee lagaga hadlayey isbalada geeska. Ugu horayn gudoomiye Faysal oo ka hadlaya xaalada geeska ee wakhtigan ayaa waxa uu yidhi “Geeska imika waxa ka socda isbadal weyn inkasta oo dadka wadaa oo madaxda wada aanu dhulkoodu ahayn mid dagan balse ay laablakac tahay, waana aragti soo socota oo maruun iman doontaa iyada oo Geeska laga samayn doono federaal dabadeedna geeska oo dhan laysku furi doono waanu iman doonaa laakiin imika tan socotaa waxay u eeg tahay laablakac, walina saamayn weyn ayeynu ku leenahay hadaynu soomaali nahay, maantana soomaalida waad ogtihiin meesha ay joogtaba maaha dal wada hadal gali kara, mana aha dad midaysan.” Gudoomiye Faysal ayaa ku baaqay in Somaliland iyo Djibouti ay ka digtoonaadaan arimaha ay ku hawlan tahay dawlada soomaaliya “Djibouti iyo somaliland-ba arintaas ay wadaan reer soomaaliya ee maamulka Muqdisho ee labada sanadood u hadheen waa inaynu aad u ilaalinaa oo soomaali ahaan arintaas iska jirnaa weeyaan.” Gudoomiye Faysal ayaa sidoo kale ka hadlay shirkii lagu qabtay wadanka Djibouti eek u saabsanaa isbadalka geeska “Shir la yidhi aqoonyahanada shanta soomaaliyeed ayaa iskugu yimid ayaa socday, waana meelaha aynu ku iibin karno qadiyadeena, shirkaas imika Djibouti laga sameeyey hadaynu inagu dalkeena ku qabano oo aynu dadkeena tusno arinteena oo aynu si fiican u difaacno kana iibino soomaalida shanta geeska wada dagan ceeb inaguma aha.” Ugu dambayn gudoomiye Faysal ayaa ka hadlay xubnihii somaliland ku matalayey shirkaasi “Shalay markay kuweenu hadlayeen way xishoonayeen, qadiyadahana lagama xishoodo, qaarna way baryootamayeen laakiin waxaanu leenahay waa meelaha aynu u baahanahay inaynu arinteena ka wadno.” Source
  21. (SLT-Hargaysa)War murtiyeed goor dhawayd soo baxay ayaa la sheegay in laga soo saaray kulamo ay wada qaateen madax dhaqameedka somaliland iyo weftigii dhigooda ahaa ee ka socday qoomiyada oromada ee dalka Itoobiya. Warkan ayaa lagu sheegay in labada madax dhaqameed ee somaliland iyo Oromadu ay wada yeesheen kulamo kala duwan, iyada oo weftiga oromadu ay la kulmeen golaha guurtida somaliland iyo qaar ka mid ah ururada bulshada kuwaas oo falanqayn ku sameeyey qodobo ay ka mid ahaayeen deganaanshaha gobolka, amaanka, ganacsiga iyo dhaqanka. War murtiyeedka ayaa lagu sheegay kulan balaadhan ay madax dhaqameedka somaliland iyo dhigooda qoomiyada oromadu ay ku yeesheen Hargeysa kaas oo ay ka soo saareen qodobadan. In la aas aaso kulamo dhaqan oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada dal ee Itoobiya iyo soomaliland. Labada dhinacba waxay aqoonsadeen waxyaabo badan oo ay wadaagaan labada dal iyo baahida loo qabo inay si dhaw u wada shaqeeyaan si loola dagaalamo dhibaatooyinka ay ka mid yihiin fakhriga,dagaalada sokeeye, tahriibinta dadka iyo amni darada gobolka. Labada dhinac waxay isku raaceen inay sii wadaan xidhiidhkooda taariikhiga ah iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeya. Labada dhinac waxay isku raaceen in la soo xoojiyo xidhiidhka labada dale e haatan jira. Madax dhaqameedka somaliland waxay soo jeediyeen in dawlada Itoobiya iyo madaxdhaqameedka Oromadu ay si wada jir ah uga shaqeeyaan xalinta khilaafka u dhaxeeya oromada iyo somalida Itoobiya. Madax dhaqameedka Oromadu waxay balanqaadeen in kulanka labaad lagu qabto wadanka Itoobiy Source