Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,140
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Soomaaliya burburkii kaddib waxaa loo dhisay dhawr dowladeed oo hana qaadi waayey oo laga xusi karo tii Cali Mahdi oo KMG ahayd iyo waliba Cabdiqaasim Salaad Xassan oo 2000 kun lagu soo dhisay Jabuuti. Ogow, kuwii ka horreeyey laga soo bilaabo Lixdankii ilaa iyo Kacaanka dalka waxa uu ahaa dowlad dhexe (Centralized Unitary) balse 2004 shirkii Kenya ayaa lagu go’aamiyey in loo guuro nidaamka Federal-ka ah ee aan magic ahaan ahysanno balse aynaan ku dhaqmin. Hase ahaatee, nidaamkii Federal-ka ahaa dowladdii u dambeeyey wey dhaqaajin waayeen oo waxa ay noqdeen caqabad ku hor gudban dowladnimada iyo madax bannaanida dalka, qormadan kuma foogana sax ahaanshaha nidaamka Federal-ka in dalku qaato iyo in kale balse waxaan ku eegi doonaa sida ugu fudud ee loogu dhaqmi karo. Caadiyan dalkan waxaa fursad u helay in uu hoggaamiyo isaga oo ay ka jiraan nidaam Federal ah dhawr madaxweyne oo uu ugu dambeeyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sax, qaar Puntland oo qura ayey la kulmeen sida Cabdullahi Yusuf iyo Sheekh Shariif halka Xassan Sheekh Maxamuud oo inta badan dhisan iyo Farmaajo ay la kulmeen shan maamul gobolleed. Faaladan kooban waxaan ku eegi doonaa dhibtii ay hoggaamiyeyaashii hore maamulada kala kulmeen, halka sararta ka qurun saneyd iyo waxa ay soo kordhin karaan mamaulka hadda jooga. Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf (AUN) Walow uusan fursad u helin in uu hoggaamiyo Maamullo badan hadana waxa uu ku soo aaday Puntland oo uu isagu dhisay. Xilligaas Puntland hiil iyo hooba wey ku garab istaagtay maamulkiisii. Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Waxba kama duwaneyn Madaxweynihii ka horreeyey Cabdullaahi Yusuf, hase ahaatee, waxa uu kaga duwanaa Puntland uma kool koolin sidii odaygii ka horreeyey oo laf dhuun gashay ayey ku noqdeen. Waxa ay ku qasbi jireen in uu soo magacaabo Raisul Wasaaraha ay rabaan, saameeyaan golaha Wasiirada ilaa laga sameeyey wax loo yaqaan Road-Map oo uu toos talada wax ugu lahaa Faroole oo hoggaaminayey Puntland. Madaxweyne Xasan Sheekh Puntland iyo isla Faroole fursad ma aysan siin oo durba waxa ay ku qaadeen dagaal iyaga oo ku lug yeeshay dhismihii Jubbaland oo si aan sharci ahayn iyo qori caaraddii uu ku sameystay Axmed Madoobe. Taageero aan kala har lahayd ayuu Faroole oo afuufaya wax loo bixiyey “Darodism” ku bixiyey Jubbaland. Waxaa bedelay Gaas oo loo han weynaa maadama uu Raisul Wasaare ka soo noqday Soomaaliya balse isagaba ayaaba ka daran Faroole. Kaba daran, Puntland waxa ay heshay garab oo maamulkii ay dhiseen ayaa ku taageeray dibin daabyada dowladnimada Soomaliya. Hadaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, yaa ugu habboon ee labada maamul ee Daarood ogoleysiin kara sida dastuurku qabo in ay hoos yimaadaan oo la shaqeeyaan dowladda dhexe? Dalka hadda waxaa ka dhisan dowlad uu hoggaamiyo Madaxweyne Daarood ah. Sida muuqata waxa ay dagaal kula jiraan mamaulada oo ay doonayaan in ay hoos keenaan ama wada shaqeyn buuxda dowladda dhexe la yeeshaan oo aysan sida dowlado madax bannaan u dhaqmin. Hirshabeelle wey ku guuleysteen, Koonfur Galbeed sidoo kale ayey hantiyeen, Galmudug sidaas ayey ku dhawdahay, kaliya waxaa harsan labadii awalba dhibta badnaa. Ma jiri doono Madaxweyne aan Farmaajo ahayn oo yeelan doonaa fursadaha hadda la haysto, sababto waa in; 1 – Uu Daarood yahay oo meesha ay ka bixi doonto durbaankii qabiilka ee ay labadaas maamul tumi jireen, 2 – In Farmaajo haysto kalsoonida shacabka. Waxaa lama huraan ah in dowladda dhexe lagu garab istaago in ay ugu yaraan dowladda hoos keenaan labadaas maamul. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa shaaciyay in la qabtay sarkaal sare oo ka tirsanaa Amniyaadka Al Shabaab, kaasi oo ku sugnaa Muqdisho. Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu shaaciyay in sarkaalka lasoo qabtay uu kamid ahaa xubnaha Amniyaadka Al Shabaab ee gawaarida ku dhajiya waxyaabaha qarxa, balse qoraalka NISA laguma sheegin halka laga soo qabtay. Sidoo kale NISA Ninkaan ay soo qabatay ma aysan soo bandhigin lamana hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana uu ku jiro gacanta dowladda. Hay’adda Nabad Sugidda ayaa shaacisay in ruuxa la qabtay uu masuul ka ahaa xarun qarsoon oo dadka gawaarida wata loogu dhajiyo waxyaabaha qarxa. Qoraalka NISA waxaa lagu sheegay in ruuxa lasoo qabtay uu dadka Muqdisho ku nool uu handadaad ku sameyn jiray islamarkaana uu lacag baad ah ka qaadi jiray.
  3. Doorashada Madaxweynaha Koofur-galbeed waxa ay ahmiyad iyo Mudnaan gaar u leedahay Dadka iyo Dawladda Somaaliya: Sedexda Gobal ee uu ka kooban-yahay Maamulka Koofur-galbeed waxa uu saamayn toos ah iyo mid dadban ku leeyahay Siyaasada iyo Nolosha Dhammaan Gobalada Somaaliya: waa Gobalka ugu dadka badan uguna horumarka yar, ugu dhaqaalaha iyo wax soo saarka badan uguna Gaajada iyo Faqriga badan, ugu Nabad jacel uguna Amni daran, ugu dhaw Caasimada Muqdisho kuna tiirsantahay Nolosheedu. Waa Gobalka ugu baahi badan Dawlad-nimo iyo Dawlad dhexe iyo mid Gobal, Dawladuna ugu baahi badantahay taageerada iyo Gacanta Gobalkaas.Waa Gobal isku xira Gobalada Koofur iyo Waqooyi, udub dhexaadna u ah Xasiloonidooda iyo Deganaashahooda. Dadka leh maxay Dawladda dhexe u fara gelinaysaa Gobalkaan waxa aysan ka warhayn; Khilaafkii dhex maray Maamulkii hore ee Shariif Xasan iyo Xasan Sheekh 2015, markii Maamulka Koofur galbeed uu CALAN surtay Xaafad ka mid ah Degmada Wadajir ee Gobalka Benaadir ee Jazeera, kadibna ay qasab-noqotay in Ciidan loo diro oo Dagaal lagu xalliyo, Calankiina Xoog lagu siibo! Doorashadii Shalay ka dhacday Baydhabo waxa ay Astaan u tahay soo noqoshada Awoodda Dawladnimo ujeedkeedu yahay in la hoos keeno Gobalada Dalka oo dhan Dawlada dhexe, waxa ayna fure u taha Cahdi cusub oo u bilawday Siyaadadda Somaaliya, xirayna Albaabo horay u furnaa jiray sida; 1. In doorashadii shalay aysan Sharciyeyn kana qeyb galin IGAD iyo Beesha Caalamka, kaliya ay Goobjoog ka ahaayeen ayna Aqoonsadeen kuna Dhawaaqeen Golayaasha Federaalka gaar ahaan Waziirka Arrimaha Gudaha. 2. In laga sheegtay Faragelinta Dawladda dhexe kaliya lkn aan laga sheegan faragelintii shisheeye. 3. In la sheegay Musharax iyo Dhaqaale Dawladda dhexe lkn aan la sheegin Musharax iyo Dhaqaale Shisheeye. 4. In ay fashilantay faragelintii Madaxda Gobalada iyo qaar ka mid ah Madaxda Xizbiyada Xamar, ayna guulaysatay faragelintii Dawladda dhexe. 5. In ay dhammaatay Ololihii Doorashada Gobalada ee lagu geli jiray; waxaan idanka difaacayaa Dawladda dhexe, waxaana idinku xirayaa Beesha Caalamka. Shalay kadib Halku dhega Murashaxiinta u tartamaya Doorashada Gobalada waxa uu noqon-doonaa: (Dawladda dhexe ayaan la shaqayn-doonaa, idinkuna xirayaa) si uu cod uga helo Shacabka iyo Xildhibaanada. 6. In uu dhamaaday Siyaasigii Xanaaqsanaa ee u Qayla-dhaamin jiray shisheeye ama u carari-jiray! Kadib markii ay u cadeeyeen Ciidamadii ay soo dirsadeen in ay ka amar qaadan-doonaan Dawladda dhexe kaliya. 7. In uu naga dhamaaday Siyaasi ku kiciya dadka; waa wareey Gobalkayga iyo Qabiilkayga ayaa loo socdaa ee ha laga kaco fadhiga! 8. In ay naga dhamaatay Gobalkaan taladiisa aniga ayey ii gaar-tahay, Dawladda dhexe na haddii aan la igala tashan xiriirka ayaan u jarayaa. Ugu danbayn waxaa is bedelay aragtidii iyo qaab dhismeedkii Maamul gobaleedyada wixii ka danbeeyey shalay, waxaana rajaynaynaa in la helo wado looga gudbo hab-dhaqankii hore ee Madaxda Maamul Gobaleedyada. W/Q: Dr. Maxamed Nuur Gacal Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bari lagu wadaa in uu u socdaalo magaalada Wajaale ee ku taala xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya, wararku waxa ay sheegayaan in ay xuduudka ku kulmi doonaan madaxweyna ismaamulka soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar. Socdaalkani Muuse Biixi oo dadka siyaasada ka faaloodaa ay ilaa maanta aad uga hadlayeen ayaa sheegaaya in aanay haboonayn in madaxweynahu uu xagaasi ugu tago maamul goboleed waxana ay aad xukumadda Muuse Biixi ugu dhaliilo mid ku fashilantay siyaasadii arimihii dibada Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey shacabka iyo Maamulka Koonfur Galbeed isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. “Waxa aan Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ugu hambalyeynayaa xilka loo doortay, anigoo xasuusinaya in himilada shacabka Koonfur Galbeed ay tahay in deegaannadooda ay ku helaan amni iyo nolol wanaagsan.” Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray hay’adaha heer Federaal in ay dardar geliyaan qorsheyaasha xal u helista caqabadaha nololeed iyo amni ee ka jira dhammaan deegaannada Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Musharaxiintii xilka Madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Xildhibaannada Koonfur Galbeed dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii amba qaadi lahaa hannaanka dimuqraadiyadda ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale, waxa uu ku ammaanay laamaha ammaanka heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo guud ahaan bulshada Koonfur Galbeed sida ay ugu istaageen xaqiijinta amniga iyo in ay ka hortageen qorsheyaasha gurracan ee argagixisada Alshabaab ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame, oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog News ayaa kaga hadlay doorashadii madaxtinimo ee Ka qabsoontay magaalada caasimad goboleedka Baay ee Baydhabo iyo khilaafka u sarreeya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya. Garyaqaanka oo ugu horreeyn doorashada Bayshabo aynu wax ka weydiinnay ayaa sheegay in hadda ay muhiim tahay oo kaliya madaxweynaha la doortay mudane Cabdicasiis Xasan “Lafta Gareen” inuu ka shaqeeyo isu keenidda dadka madaxda u yahay ee ku nool gobolka Koonfur Galbeed. Waxaa uu hoosta Ka xariiqay in talada Xukuumadda Xamar uu ka hormariyo danta Shacabka uu madaxweynaha u yahay, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale, Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame ayaa wax ka weydiinnay khilaafka u dhaxeeya madaxda u sarreeya dowladda FS iyo hal u helidda khilaafkaasi. Waxaa uu tilmaamay in ay wanaagsan tahay xal u helidda khilaafkani saameeyay howlihii hay’adaha dowladda. Saameeynta khilaafkani ku yeeshay shaqadii hay’adaha dowladda waxaa kamid ah; in ay hakad galeen fadhiyadii gollaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen magaaladani Muqdisho iyo kuwa kale. Khilaafka u dhaxeeya hoggaanka aqalka hoose ee sharci dejiyeyaasha iyo xukuumadda ayaa waxaa uu ka dhashay kala daristii guddiga maaliyadda, go’aankii dib Afhayeen Mursal uu ku sheegay in guddiga ay dib u wataan shaqadooda iyo hindisaha mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Maxamed Farmaajo. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Somalia lawmakers have abandoned a move to impeach the president over allegations he secretly signed agreements with other countries after deciding that political stability was more important than their motion, parliament’s speaker said on Thursday. A copy of the motion, seen by Reuters on Dec. 9, had listed as grounds for impeachment an allegation that President Mohamed Abdullahi secretly signed agreements with other countries including Ethiopia and Eritrea. The agreements touched on the use of Somali ports and economic and security cooperation, it said. “Considering the current situation of the country and the need to improve political stability so that parliament and the executive can jointly fulfill their duties, the lawmakers said they entirely gave up the impeachment motion they had proposed,” speaker Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman said in a statement. Constitutionally, 92 lawmakers would have had to support the motion for it to have been submitted to the speaker. The post Somali MPs abandon move to impeach president appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Aniga iyo Safiir Shamsudiin Shamsudiin Axmad Rooble waa safiirka Itoobiya dhowaan u magacawday Somaliland. Sanadkii 2008 ee wada hadalka Jabuuti uga socday Isbahaysiga ARS iyo [...] Source
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Kulankii golaha wasiirada maamul goboleedka Puntland ee maanta ayaa looga hadlay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo shalay madaxweyne cusub lagu doortay. Kulankan oo uu guddoominayey madaxweyne Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu dhaliilay faro-gelin ay sheegtay Puntland in dowladda Soomaaliya ay ku hayso arrimaha maamulka Koonfur Galbeed. “Waxaa nasiib darro ah faro-gelinta qaawan ee dowladda dhexe ay ku hayso arrimaha Koonfur galbeed iyo baal maritaanka rabitaanka shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland. Qoraalkan ayaan marnaba lagu soo hadal qaadin doorashada madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, waxaana muuqata in Puntland aysan raali ka ahayn guusha uu gaaray, isaga oo taageero ka helaya dowladda dhexe. Guusha Lafta-gareen ayaa macnaheedu yahay madaxweyne labaad oo golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ka baxay, kadib madaxweynaha HirShabelle, ayada oo Shariif Xasan oo golahaas xubin ka ahaa uu beddelay madaxweyne taageersan dowladda dhexe. Hoos ka aqris qoraalka golaha wasiirada Puntland
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-20122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Garowe (Puntlandi) Musharax Eng, Mohamud Kkhaliif Hassan Jabiye ayaa garoonka kubadda cagta Garoowe ee Mire Awaare ugu deeqay $10,000 (Toban kun oo doollar) isla markaana [...] Source
  12. bQoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka ee b aarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh ayaa lagu sheegay in xildhibaannadii mooshinka keenay ay ka laabteen, sidaa darteedna uu mooshinkii buray. Guddoomiyaha ayaa qodobo kala duwan u cuskaday in mooshinka uu buray, waxaa ka mid ahaa: in 14 Xildhibaan ay ka dacwoodeen in aanay saxiixin mooshinka, in aaney jirin maxkamad dastuuri ah iyo maxkamadda sare in aaney booskaas buuxin karin. Akhriso, Qoraalka: Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay inuu buray mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya. Qaar kamid ah xildhibaanadii gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay sax tahay in xildhibaanada ay ka laabteen mooshinkii ay ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaan C/xakiin Macalin oo kamid ah xildhibaanadii gudbiyay Mooshinka ayaa wareysi uu bixinayay wuxuu si cad u sheegay inay iyaga go’aansadeen inay ka laabtaan mooshinkii ay horey u keeneen. Wuxuu xildhibaanka sheegay in mooshinkaasi markii hore ay ku keeneen waddo sax ah, balse hadda sida ka muuqatay qoraalka guddoomiyaha baarlamaanka in la doonayo in la dhiso maxkamad dastuuri ah oo arimahaan oo kale wax ka qabata. Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheegay in haddii la xalin waayo dhamaan qodobada sababay inay mooshinka ka laabtay ay soo celin doonaan mooshin ay madaxweynaha kula xisaabtamayaan. Hoos ka dhageyso wareysiga xildhibaanka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Wareysi-Xildhiban-Cabdi-Xakiin-Macalin-Axmed-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in ay fara-gelin qaawan ku samaysay doorashadii shalay ka dhacday dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu doortay madaxweyne Cabdicasiis Xassan Maxamed(Lafta Gareen). Qoraal ka soo baxay shirkii Golaha xukuumadda Puntland ee Khamiistii maanta ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara-gelin qaawan ku samaysay doorashada Koonfur Galbeed,islamarkaana la baal-maray rabitaanka shacabka iyo shuruucda dalka. “Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,gaar ahaanna arrimaha doorashada,waxayna Goluhu sheegeen inay nasiib darro tahay faragelinta qaawan ee Dowladda Federaalku ku hayso arrimaha doorashada Koonfur Galbeed iyo maal marida rabitaanka shacabka iyo sharciga dalka” ayaa qoraalka lagu yiri. Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland,Cabdixakiin Camey oo shalay bogaadiyay doorashada Koonfur Galbeed ayaa maanta ka maqnaa shirka Golaha xukuumadda Puntland ee khamiislaha. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland oo xukuumadda Soomaaliya ku eedaysay in ay fara-gelin qaawan ku hayso KFG appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (PP) ─ War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu shaaciyay inuu meesha ka baxay Mooshinkii 9-kii bishan laga keenay Madaxweyne Farmaajo. Guddoomiyaha ayaa qodobo kala duwan u cuskaday in mooshinka uu buray, sida in 14 Xildhibaan ay ka dacwoodeen in aanay saxiixin mooshinka iyo in aanu dalku laheyn weli Maxkamad Dastuuri ah ee qaadi laheyd dacwada Madaxweynaha. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka ee keenay Mooshinka ay ka tanasuleen xaqoodii dastuuriga ahaa, iyagoo u turaya xaalada dalka uu ku jiro. Dhanka kale, Arrintan ayaa kusoo beegmaysa , iyadoo labadii maalmood ee u dambeysay ay wada hadalo hoose ah socdeen, lama oga illaa hada waxa lagu heshiiyay ama lagu bedeshay tanaasulka Mooshinka oo noqday mid dhabar jab xooggan ku aheyd Madaxweynaha. AKHRISO: Qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka DF; PUNTLAND POST The post Muxuu Guddoomiyaha Baarlamanka Soamlia ka yiri Mooshinkii laga keenay Farmaajo? appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay inuu buray Hindisaha xilka qaadista ee ka dhanka ahaa Madaxwayne Farmaajo. War qoraal ah oo uu Gudoomiyuhu soo saarey ayuu ku tilmaamay in tani ay ka dambeysay markii uu wadahadal mirro dhal ah uu la galay Mudanayaasha soojeedinta keenay, kuwaasi oo gaarayey 92. 9-kii bishaan December ayay ahayd markii Sharcidejiyaasha ay sheegeen inay ka gudbiyeen Madaxwaynaha Mooshin xilka qaadis ah, taasi oo uu ka qabtay Gudoomiye Mursal, xili uu ku kala qaybsamay gudoonka Aqalka Hoose. Hoos ka akhriso warqadda The post Mooshinkii laga keenay Madaxwayne Farmaajo oo buray appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Mid kamid ah as’aasayaashii Puntland haatanna u sharraxan doorashada madaxtinimada sannadka 2019,Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) ayaa Galabta si ballaaran loogu soo dhoweeyay caasumadda dowladda Puntland ee Garoowe. Murashaxa oo ka soo kicitimay dalka Ethiopia ayaa markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir waxaa ku soo dhoweeyay boqollaal shacab ah oo halkaasi ku sugayay mudda saacado ah,waxaana loo soo gudbiyay dhanka magaalada,isagoo kumannaan taageerayaashiisa kamid ah kula hadlay barwadda weyn ee caasumaddu ku caanka tahay. Murashax oo khudbad kooban u jeediyay dadkii soo dhoweeyay ayaa si weyn ugu mahadceliyay kumannaanka ruux ee tan iyo saaka qorraxda u taagnaa jecaylka iyo hilowga ay u qabaan hoggaamiyahan u soo halgamay difaaca shacabka. Sarreeye Guud Siciid Dheere ayaa sidoo kale sheegay in isu’ soo baxa iyo taageerada ballaaran ee ay bulshadu isaga u hayaan ay farriin cad u dirayso xildhibaannada cusub ee Puntland si ay uga jawaaban rabitaanka shacabka. “Soo dhoweyntiinu waxay muujinaysa farriin aad u diraysan,Baarlamanka lix iyo lixdanka ah,farriin aad u diraysan intii iska’ soo lugo’day ee meelaha timid,farriin aad u diraysan isimada Puntland,farriin aad u diraysan caaqillada Puntland,farriin aad u diraysan dhammaan dadweynaha reer Puntland in wax aad rabtan meel marto” ayuu yiri Siciid Dheere. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa murashax Siciid Dheere wuxuu ballan qaaday in haddii uu guulaysto Puntland laga arki doono isbeddel dhinac walb ah,waxaana uu wacad ku maray in uu wax ka qaban doono amniga Puntland oo haatan meelaha qaar laga dayrinayo. Murashax ayaa dadweynaha xasuusiyay dayacii iyo rafaadkii uu naftiisa u baday difaaca iyo ilaalinta nolosha shacabka Puntland tan iyo bilowgii halgankiisa ilaa uu dhisay Puntland-ta maanta lagu barwaaqoobay. “Geed walba wan soo seexday,Kudkude waa iga dhargay, shilin waa lamid,qorrax iyo qabow mid walba waan soo maray,rasaas sida hooska u dhacaysa waan soo maray,sidaasi awgeed, waan mudnahay in laygu abaal mariyo taas” ayuu raaciyay halgamaa Siciid Dheere. Ugu dambeyntii, murashax ayaa farriin u diray isimada dhaqanka iyo xildhibaannada cusub ee Puntland oo uu ugu baaqay in ay tixgeliyaan rabitaanka shacabka,islamarkaana ay badbaadiyan masiirka Puntland,una dooran shakhsi u shaqeynaya ee aan ka shaqeysan. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Murashax Siciid Dheere oo si weyn loogu soo dhoweyay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Muqdisho)-Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxa lagu sheegay in lagu noqday mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo. Warqad ayaa ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in markii la tixgaliyay arrimo dhawr ah laga noqday mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweyne Maxamed Cabdillahi Farmaajo. Tallaabad lagaga noqday mooshinka ayaa la filayaa inay soo afjarto khilaaf cakiran oo u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaaka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Source
  19. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-20122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in Mooshinkii ay ka tanaasuleen xildhibaanada keenay. Halkaan hoose ka akhriso. Puntlandi.com Source
  21. (SLT-Abu-Dhabi) Sergio Ramos oo u labbisan sida culimada Islaamka ayaa iska xaadiriyey masaajid ku yaalla magaalada Abu Dhabi oo lagu magacaabo Sheikh Zayed Mosque subaxnimadii saaka kaddib markii guul ay xalay ka gaadheen naadiga Kashima Antlers ay ugu gudbeen finalka tartanka naadiyada dunida. Sergio Ramos oo ay wehelinayaan Karim Benzema iyo Raphael Varane ayaa ka baxay hotelka ay ka deggan yihiin magaalada, waxaanay booqdeen meelo ka mid ah magaalada. Kabtanka Real Madrid, Sergio Ramos oo ay la socdeen shan qof oo asxaabtiisa ah ayaa waxay soo mareen dhawr meelood, laakiin lebbiskooda oo ahaa dharka carabta iyo culimada Islaamku xidhato ayaa dad faro badan soo jiitay intii ay dhex socdeen magaalada. Maadaama ay qorrax kulul iyo jewiga jiilaalku ka jiro Imaaraadka Carabta, waxay qaateen muraayado madow oo iftiinka badan ee dhulka kasoo noqonaya iyo dabaysha ciidda wadata ay iskaga difaacaan. Sergio Ramos ayaa bartiisa Instagram waxa uu soo dhigay sawir uu ku dhex jiro masaajid qurux badan oo ku yaalla Abu Dhabi, isaga oo muuqaalkiisu u egyahay sheekh, waxaana qoraal kooban oo uu soo raaciyey uu ku qiray inay tahay meel ixtiraam badan. “Waa meel gaar ah. Xushmad iyo qaddarin leh. Waad ku mahadsan tihiin heshiiska iyo jacaylka. Goobta gaarka ah, xushmadda iyo ixtiraamka. Waad ku mahadsan tihiin soo dhoweynta diirradan iyo taageerada. #SheikhZayedMosque #AbuDhabi #UnitedArabEmirates” Sidaas ayuu soo qoray Sergio Ramos. Laacibkani ma sheegin in xiddigaha kale ee la socday ay u raaceen Masaajidka laakiin sawir kalidii ah ayaa uu bartiisa ku baahiyey. Daqiiqado kaddib sawirka Masaajidka, Sergio Ramos iyo Dani Carvajal waxa lagu sawiray goob kale oo aan la magacaabin. Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa ku dhowaaqay in laga laabtay mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajao. Mursal ayaa qoraal uu goor-dhow soo saaray ku sheegay in mooshinka lagu dhameeyey qaab wada-hadal islamarkaana xildhibaano badan ay ka laabteen. Guddoomiyaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in sababaha mooshinka dib looga laabtay ay tahay ayada oo 14 xildhibaan ay sheegeen inaysan saxiixin mooshinka balse magacooda la adeegsaday. Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin maxkamadda dastuuriga ah ee dalka, oo sida dastuurka uu qabo ay tahay in mooshinka marka lasoo gudbiyo ay eegto eedeymaha madaxweynaha loo soo jeediyey, kadibna ay go’aan ka gaarto sax ahaanshahooda. Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada mooshinka ay ayaga oo tixgelinaya xaaladda dalka ogolaadeen inay mooshinka la laabtaan, wada-hadalna lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira. si kastaba, xog aan ka helnay dad ku dhow guddoomiyaha baarlamanka ayaa sheegaysa inay jiraan heshiisyo hoose oo la isku afgartay, kuwaasi oo dhamaantood salka ku haya xilal siyaasadeed. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Mursal Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku gu’ jirsaday Kursiga, Isaga oo Durba sanad baarka ka jaray intii uu xilka hayey. Mudane Muuse oo loolankii ololaha ku galay halku dhigo ay ka mid ahaayeen BERI MAANTA DHAANTA oo uu kawaday Dawlad iyo Kulmiye dhaami doona dowladii Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee wakhtigaa jirtay, sidoo kale isku bedelkii Kursiga Kulmiye ka dhigay isbedel kuna naalooday Inuu soo wado wax qabad, dhaqaale kobcin, shaqo-abuur, dowlad kooban, cadaalad iyo ismaqal iyo wada shaqayn. Dhaarna ku maray Sinaan iyo cadaalad ciddii u codaysay iyo ciddii ka codaysayba inaanu ukala Xaglin doonin oo HORE LOO SOCONAAYO. Hadaba sanadka uu joogay xafiiska maka dhabeeyey halku dhigyadii iyo balanqaadyadii? Marka si dhab ah loogu kuur galo waa Maya, waayo intii uu madaxweyne Muuse joogay waxaad moodaa in wadankii jar ka laalaadsamay oo uu dalaw inuu ka shalwado qarka u saaranyey, Haday tahay dhaqaale, cadaalad iyo maamul ba. Dhaqaalaha ilaa intii uu muuse xilka qabtay Shillinkii Somaliland maalinba maalinta ka danbaysa wuu sii qiimo dhacayaa, maciishadiina cirka ayey isku shareertay intii ay Somaliland jirtay meel aanu sixirbararku gaadhin ayuu gaadhay mudadaa. Halkii qorshe lagu maareeyo ay Xukuumada Mudane Muuse keeni lahayd waxay keentay Handaraab, kooto iyo xayiraad Taas oo sii cakirtay xaladii dhaqaale ee dalka sababtayna in muwaadiniin badan oo qaadaa-madherge ah ay galaafatay oo ay meheradihii isbixin kariwaayaan oo ay ka xidhmeen, halka kuwa ku xoogsada gaadiidka iyana Xayiraad iyo Xanimaad loogu gaystay iyaga oo lagu am’ray in aanay ka shaqaysan karin goobo kooban oo cayiman mooyee, sidoo kale in Shiidaalkii qaali noqday oo cidi goyn weydey iyaga oo ladaalaadhacaaya duruufaha suuqyada ka jira xayiraadna u dheer tahay in hadana qasab lagaga dhigay in taarikada gaadiidka badalaan oo iibsadaan tacusub ee Xukuumada Muuse Biixi si Lacag looga sameeyo muwaadiniintaa silicsan, shaqo abuur warkeed daa, iyana Danyartii waxay goyn kariwaayeen quutal-daruurigii oo way macaluuleen. Dhanka kale Dalkii oo faraha ka baxaaya Taas oo ay sabab u tahay in shacabkii la dhex dhigay kala Qaybsanaan baahsan oo wax wada lahaanshihii meesha kabaxay markii muwaadiniintii loo kala Xagliyey loona kala Sad-buriyey kala fogaanshahaa ay caddaalad darada xukuumadu sababta utahay awgeed ay dhacday taariikhda markii ugu horaysay in maamul goboleed Soomaaliya ahi gudaha Jamhuuriyada Somaliland shir ku qabsadaan oo uu madaxweynaha puntiland dhex taxtaxaasho Somaliland siddoo kale in Somaliland gudaheeda Jabhado hubaysani ka samaysmaan kuna dhawaaqeen in ay Cadaalad darada dalka ku habsatay qoriga u Qaateen. Waxa iyana la gabay Ictiraaf raadintii iyo iib-geyntii qadiyada Somaliland iyada oo uu Maqaamkii Somaliland dunida ku higsanaysay uu hoos u dhacay, Xirfad Diblamaasi la’aan, kala qoqobnaan iyo talo wadaag la’aan awgeed. Isku soo xooriyoo mudadaa Mudane Muuse Biixi Cabdi xilka hayey Waa Dal Xidhmay, Dhaqaale Xidhmay, Meherado Xidhmay, Xayiraad iyo Dhan u Xaglin, Una dheertahay Xin iyo Ku Xumayn ay Xukuumadu Muuse Biixi gudaheeda is XagXaganayso. Ilaahaybaa mahad leh Midnimana Somaliland Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Source
  24. Marka hore salamu lahi calaykum. Sheekadan oo aan qoray sanado ka hor. Waqtigaa waan mal dahay fasiraadeeda lkn shirkan jabuuti ee lagu sheegay dood u dhaxaysa Somaliland iyo Somaliya ayaa sababay fasiraadeeda. Xayawaanka waxa loo qaybiyaa, duur joog (wild animals ) iyo dad la jog (domest ic animals ).Duur joogta waxa kamida dugaaga dad iyo xoolaba halis ku ah waxana ka mida .. Shabeelka, Libaxa, iyo kuwa kale, waxana ugu halis badan oo xataa lagu shee ga inuu boqor u yahay dugaaga kale bahalka la yidhaa Libaaxa. dad la joogta oo loo yaqaan duunyo’ waxa kamida Geela, Lo’da iyo Adhiga, waxa intaa soo raa ca kuwa dadkeeni hore u adegsan jiren gadid ahan, sida Fardaha, iyo dameeraha.waliba waxa ugu mudnaa looguna jeclaa xoolaha la dhaqdo Geela, hadaba si guud hadii loo eego noolaha naaslayda dhamaantii waxay ka simanyihiin marka ay dhashaan shayga u horeeya ee ay quutaan inuu yahay caanha Hoyadod. oo ilaa inta ay ka gaadhayan ababka ( waqtiga ay cunto cuni karaan ) oo marka danbe waxa look ala baxaa Cows Ku nool iyo Cad ku nool. tusale Dugaagu ma quuto Cawska, halka xooluna aanay quudan cadka (hilibka) hadaba sidaas oo ay tahay marxaladdaa nololeed ee noolaha yari ku nool yahay ma oga waxa hoyadii ku nooshahay. Oo war iyo wacaal kama hayo in hoyadii caano cabto, caws cunto, ama cad cunto.markuu il iyo baal saaro wuu ku ordaa wuxuuna beegsadaa halka uu ka dhamayo caanaha hoyadi oo ah naasaha malaha wan ku dheeraaday sharaxa ee aan usoo daadago maqaalkayga. waa sida ay tahayba’e xoolaha lama raaciyo Nirgaha, oo ah Geela dhashoda, Waylaha oo ah lo’da iyo maqasha oo ah adhiga dhalankooda ah. waxay inta badan joogan meel u dhaw xerad oda ama ardaaga reerka leh dunyadaasi. Waxayna ku sugaan waqtiga ay soo noqon doonan hooyoyinkod. duurjoog iyo dadla jogna way ka simanyihin midaasi. oo noolaha dibadgal ahi wuu qadhab tagaa isago ubadkisana uga sii taga meel uu ku ogyahay.. hadaba maalin aya waxa dhacday in libaax yar ( caga baruur ) oo aan wali ababin kalidina ah usoo dhaqaaqay meel ay joogaan, Nirgo, Waylo, iyo maqal. geed ka ag dhawaa goobta ay joog een ayuu iska hoos fadhiistay. Wuu daawaday isaa oo is waydiinaya waa maxay noolahani ? wayo ? hooyadii iyo walaaladii cid aan ahayn muu arag mana maqal. Isna Waxa arkay oo u yimid Ni rig kamida nirgihii meesha joogay oo arkayay Libaaxan yare e geedka hoo fadhiya kalidii, isna sidoo kalena layaabana ….. geedkii aya la wada fadhiistay in cabaar ah waa la sheekaystay sheekadooda waxa ku jirtay caanaha ma cabtaa.? Iyo Haa….adna ma cabtaa … ? iyo sidoo kale haa… Kadib waa la kala socday oo Libaaxii yara wuxu dib ugu laabtay halkii uu ka yimid. nirigiina sidoo kale goobtisii ayuu ku noqday. Laakiin wax balan ah lama kala qaadan. Ee is barasho iyo malaha ciyaar caruured arintoodu may dhaafin. malintiibaana isugu horeysay isuguna danbaysay……. Oo Maxaa U sobobay in la isu soo xiisi waayo oo laisu soo noqon waayo…….waa yaab… BAL ADBA . ………… waxa dhacday in Nirigii yaraa Hoyadii uga sheekeeyay saaxiib cusub oo ay maanta is barteen astaamihiisii iyo siduu u eeka … hadiiba Hoyadii nirigu aqoonsatay ( waa Hashii dhashay niriga’ e ) wuxuu u sheegayaa inuu yahay dhal Libaax oo malaha ah cadawgoda koowaad ee aakhiro u diri kara.ayay booday hurdadii iyo daalkii ayaa ka duulay… waxayna ku dardaartay oo ku tidhi…HOOYO:- • Meeshaa uu kuugu yimid dib ha u tagina adi iyo asxaabta kaleba. • saxiibkan aad soo baratay Abihii ayaa dilay Abahaa oo waliba cunay. Waliba asxaabtaada waalidook iyo ehelkooda wuu laayay’ qaarkood wuuna cunay. • Isaguna wuxuu doonaya inuu ku dilo adiga iyo asxaabtaadan kale oo uu idin cuno. ( iyado ula jeeda,asxaabta kale , Waylaha iyo maqasha. ) Nirigii yaraa oo yaaban ayaa Hooyadii ku yidhi ‘” …. Ee Hoyo, cunto ma cuno ee caano ayuu cabaa hadii aad markii noo iman lahayd waxaan siin lahaaba caanahayga badhkood. … yaab iyo amakaag kadib Nirigii yaraa wuu aqbalay taladii hooyadii,asxaabtiisii kalena wuu u sheegay iyaguna warkii way is gaadhsiiyeen xataa Hooyoyinkod ayay ula taggeen oo sidii niri ga hoyadii oo kale looga raariday arintii. waliba waxa la tusay lafihii Ehelkooda oo meelo yaala y, looguna sheegay wakaa markhaatigii….. KA SOCO DHINICII LIBAAXII YARAA IYO HOYADII..maxaa kala qabsaday iyagana…. Libaaxii yaraa ( cago baruur ) isna hooyadii ( Gool ) ayuu uga waramay saxibkiisa cusub iyo asxaabtiisii kale oo noocyo badnayd aadna u qurux badnayd. goosha oo ah libaaxa yar Hoyadii, oo lagu xanto dabeecad xumo iyo cadho badan ayaa markuu warka u dhameeyay Ul u qaadatay libaxii yaraa. xoogaa markii ay yar ciqaabtay ayay ku canaanatay in fursada uu dayacay aanay dib usoo mari doonin. Waliba waxay xasuusisay maalin uu ku yidhi Hooyo caanuhu maanta macaana.waxay ku tidhi caanaha waxa macaaneeyay maalintaa inuu ahaa Hilibkii nirigaa ehelkooda oo ay maalintaa mid kazoo cuntay…. Cajiib. Libaaxii yaraa ayaa yidhi : lakin Hoyo maxaad u cuntay. Gooshina aya ku jawaabtay : wiilkaygiiyow calafban ku lahaa’ oo fursadan aad daayacday oo kale ayaan ka fa’idaystay malintaa anigu………. Libaaxii yaraa wuxu hoyadii waydiiyay inay iyadu caano cabto, lkn waxay ugu jawaabtay in aanay caano cabin ee ay Dhiiga iyo Cadka saxiibkiis iyo Ehe lkiisu yahay noloshooda……Libaxii yaraa malinta wuxuu Ogaaday in saxiibkiis aanu dib u heli doonin maadaama ay kala yihiin Kaaf iyo kala Dheeri……………. aan Fasiro sheekada, Libaaxu waa Somaliya, halka Niriguna yahay Somaliland. Labadan dal markii ay midoobayeen shardiga kaliya ee isu keenay wuxuu ahaa Somali nimo halka Libaaxa yar iyo Niriga yar saxibtinimadoodi ahayn Caanaha ma cabtaa. markaa Somali ma tihiin iyo haa, ayaa labadii dawladood ee waqtigaa mideyay 1. Jully 1960. lkn la isma waydiinba maxaa inoo xigi dona ……… Niriga yar iyo Asxaabtisii waxa la tusay lafihii ehelkoodii ee Dugaagu cunay. Ok da’yarta Somaliand waxay malin walba arkaan Xabaal wadareed laga soo faqayo maatidii uu gumaaday taliskii Siyad bare waana waxa kaliya ee laga dhaxlay Midowgii Somalia. Niriga Hoyadii waxan ku matalayaa dadka usoo joogay dhibkii laga dhaxlay midowgii Somaliland iyo Somalia oo xog ogaal u ah, tacadiga, u dheeraa lafahan daadku soo saaray. Goosha waxan uga jeeda Siyaasiga Somalia ee wali ku hamiyaya inuu mar labaad sameeyo ficilkii xukumadoodii hore u gaysatay shacabka Somaliland oo aad modo inay wali fursad kale radinayaan. …………… D H A M A A D …….. waad ku mahadsantahay waqtia aad siisay akhriska sheekadan. ……………… wa bilaahi tawfiiq. Mohamed Mohamud Ahmed ( M. Arts ) Gabiley Somaliland. E-mail, maxamedarts1@gmail.com Tel : + 252 63 4466498 Tel : + 252 65 9875050 Source