-
Content Count
207,140 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliska militariga Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay duqeyn ay u geysteen Alshabaab oo dhowaan ka dhacday qeybo kamid ah gobolka Shabeelada Hoose. Wakaaladad Wararka Mareykanka (AP) oo soo xiganaysa qoraal ka soo baxay Africom ayaa sheegaysa in duqeyn ka dhacday nawaaxiga deegaanka Beledul-Amiin ee Shabeelada Hoose,taasi oo jawaab u ahayd isku dayo ay doonayeen Alshabaab in ay weerar ku soo maleegaan. Waxaa duqeyntaasi oo dhacday Arbacadii la soo dhaafay lagu dilay in ka badan 10 maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab,mana jiraan wax qasaare ah oo soo gaaray ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah. in ka badn 40 jeer ayey sanadkan duqeeyeen Mareykanku meelo Al-shabaab ah, iyaga oo dilay in ka badan 200 oo qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Wajaale)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa hadda ku kulmay magaalada xuduudka ku taalla ee Tog-wajaale. Madaxweyne Biixi ayaa dhinaca Somaliland kusoo dhaweeyay Mustafe Cagjar halkaasi oo ay labada madaxweyne kulan ku wada yeelan doonaan. Madaxweyneyaashii hore ee Somaliland ayaa Addis Ababa kula kulmi jiray madaxda dawladda Itoobiya, hase ahaatee kulankani waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee dhex-mara madaxweyneyaasha Somaliland iyo degaanka Soomaalida Source
-
Ciidamada Booliska ee Gobolka bari kuwa PMPFta iyo ciidamada PSFta ee sida gaar ka ah utaba baran ayaa maalmahan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga ka waday [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Soomaaliya waxaa tan iyo sanadkii 2006 ka dhacay dagaalo xoogan, kadib aasaaskii midowgii Maxkamadaha Islaamka, waxaana dagaaladaasi ku dhintay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed. Maxkamadaha Islaamka waxaa ka dhashay ururada Xisbul Islaam iyo Al Shabaab, walow markii dambe Al Shabaab ay ku xoogeysatay deegaano badan oo gobolada dalka Soomaaliya ka tirsan. Al Shabaab ayaa sameeyay dilal qorsheysan, kuwo gaadmo ah iyo qaraxyo ay dad badan ku dhinteen, waxaana dad badan ay isweydiin jireen halka ay ka helaan dhaqaalaha iyo hubka ay ku dagaalamaan. Sanadkii 2011 waxii ka dambeeyay markii Al Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho, waxaa sii yaraaday awooda Al Shabaab ee dalka, waxaana ay hadda ku sugan yihiin meelo kooban, maadaama laga saaray inta badan magaalooyinkii waaweynaa ee dalka. Sidaasi oo ay tahayna ma dhamaan halista ka imaaneysay Al Shabaab, maxaa yeelay waxay ilaa iyo hadda u muuqday kuwo ka awood badan dowladda marka loo eego sida loo dhaqan geliyo amarada ay soo saaraan iyo canshuurta ay qaadaan. Waxaa muuqata in hadda Al Shabaab ay ka dhex farcameen kooxda Daacish oo ka dagaalanta Syria iyo Iraq, kuwaasi oo ka halis badan Al Shabaab, sida ay ku doodaan khabiirada dhanka amaanka. Awooda Daacish ee Soomaaliya ayaa hadda u muuqata inaysan buurneyn, laakiin waxaa soo ifbaxaya in xubno badan oo ka tirsanaa Al Shabaab ay ku biirayaan dhankaasi, waxaana ugu badan ajaaniibta dalalka caalamka soo dirsadeen ee ka dhex dagaalama Soomaaliya. Halista badan ee ka dhalan karta Kooxda Daacish ayaa ah inay dib u qabsan karaan magaalooyin hadda ka maqan gacantooda, waxaana 10-ka sano ee soo socda ay noqon karaan caqabad kale oo dhanka amaanka ah. Dagaalka hadda ay iclaamiyeen Al Shabaab ee ka dhanka ah kooxda Daacish ayaa dhibaato kale keenaya, waxaa ugu horeeya inay dhalinyaro badan oo u dagaalamaya labada dhinac ay ku dhiman doonaan, waxaa dhibaato kale ay soo gaari doonaan shacabka ku sugan goobaha lagu dagaamalayo. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku baraarugtay halista kooxda Daacish, waxaana wasiirada ay ka doodeen dhibaatada ka imaan karta iyo sida haboon ee looga hortagi karo inaysan ku faafin gobolada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-21122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Maxaa Ka Run Ah Wixii La Sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaran News
-
In February, the Djibouti government cancelled DP World’s contract, signed in 2006, to run the Doraleh Container Terminal. DP World has welcomed comments from US National Security Adviser John Bolton in support of the port operator’s continuing dispute with the Government of Djibouti. Bolton backed DP World’s plight at the Heritage Foundation when he presented the US Administration’s new strategic policy on Africa. Bolton highlighted and criticised in particular the Government of Djibouti’s autocratic actions earlier this year in expropriating illegally, the Doraleh Container Terminal. A DP World spokesperson said: “We are grateful for the support of President Trump and the US Administration and will continue to use all available resources to bring about a resolution to this needless dispute.” DP World added that the Government of Djibouti continues to flout international business laws, disregarding multiple international court rulings in DP World’s favour that declared the expropriation illegal. In February, the Djibouti government cancelled DP World’s contract, signed in 2006, to run the Doraleh Container Terminal. DP World claimed this attempted renationalisation was illegal and began court proceedings, resulting in the August injunction in London. In September, the High Court of England and Wales in London ordered that the injunction over Djibouti port operator Port de Djibouti should continue. The ruling, which was first made on August 31 following a suit brought by Dubai’s DP World, prevents the company from interfering with the management of the joint venture company, Doraleh Container Terminal. DP World has previously confirmed that it will continue to pursue all legal means to defend its rights as shareholder and concessionaire in the Doraleh Container Terminal, accusing the Djibouti government of a “blatant disregard for the rule of law”. The company also issued a warning to other companies seeking to operate in the East African country. ArabianBusiness.com Qaran News
-
MACADKA HERITAGE SOMALIA EE DHAWAANTA QABTAY DOODA SOMALIA IYO SOMALILAND WAA MACAD KA SHAQEEYA SIYAASADA SOMALIYA. WAA MACAD ISKU SHEEG U SOO TAFO XAYTAY SIDII SOMALILAND DHIBAATO LOOGA ABUURI LAHAA. WAA MACAD KU SHEEG HADA KA WADA DHAQDHAQAAQ URUR SIYAASADEED SOMALILAND KA SOO HORJEEDA OO LAGA WADO DALKA INGIRIISKA. MADAXDA SHIRKA FURTAY OO ASALKOODU KA SOO JEEDO SOMALILAND WAA KUWA LA SOO MARIYEY DHAQAALAHA LAGU SAMEYNAAYO URUR LID KU AH SOMALILAND. SOMALILAND WAA QARAN DHISAN OO LEH BAARLAMAAN IYO MADAXWAYNE SHACABKU SOO DOORTAY. SOMALIA NA BAARLAMAANKA IYO MADAXWAYNUHUBA WAXAY KU YIMAADEEN GACAN KU RIMIS SHISHEEYE WATO. DALKA WAXA KU ILAALIYA CIIDAMO AJANABI AH. WAXAAN LEEYAHAY AQOONYAHANKA SOMALAND EE KA QAYB GALAY SHIRKAA DIB UGU NOQDA AQOONTIINA. WAAYO AQOONTU MAAHA SIDA LOO KALA HADAL BADAN YAHAY EE WAA TA KU TUSTA INAAD MEELDHEER WA KA EEGTO. INTAYDAAN TEGIN SHIRKA WAXAA HABOONAYD INAAD DARISTAAN SHAQADA MACADKA HERITAGE SOMALIA. MASUULIYIINTA XISBIGA WADDANI EE KA QAYBGALAY SHIRKA WAXAY AHAAYEEN MASUULIYIIN KA TIRSAN XISBI QARAN OO SOMALILAND AH. WAXAY MARAAYAD U YHIIN 44% SOMALILANDERS AH OO XISBIGA KA TIRSAN. WAXAY MEEL KAGA DHACEEN SHACABKII AY MATALAYEEN OO ANIGU KA MID AHAY. WAXAAN U SOO JEEDINAYAA INAY ISKA CASILAAN XILKA AY U HAYAAN UMMADA SOMALILAND. WA BILAAHI TAWFIIQ MAHDI JAMA Qaran News
-
Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa ku dhawaaqday dagaal cusub oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan Buuraha Galgala ee gobolka Bari iyo magaalooyin ka mid ah Somalia oo ay ku jirto Muqdisho. Al-shabaab ayaa sheegtay inay kooxdan dhibaato weyn ku tahay midnmada kooxdooda, isla markanaa ay caqabad ku tahay jihaadka ay Soomaaliya ka wadaan, ayna doonayso inay kala qaybiso Al-shabaab. Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo bayaanka kasoo baxay Kooxda akhriyay ayaa sheegay in kooxda Daacish ee Somalia uu ka shaqeynayo sidii Tafaraaruq looga dhex abuuri lahaa Al-Shabaab. “Ururka Daacish waxay baneysteen dhiiga Muslimiinta, waxayna sidoo kale gaaleysiiyaan dad muslimiinka ah, gaar ahaanna kooxdiisa iyo kala jebinta muslimiinta,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere. Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Daacish, isagoo sheegay inay kula dagaalamayaan Somalia oo dhan, tan iyo inta ay ka suulinayaan Somalia oo dhan. “Hoggaanka sare ee Al-shabaab wuxuu ku amrayaa dhammaan ciidamada ururka iyo wilaayaadka Islaamiga ah inay si adag kaga hor-tagaan kooxda Daacish,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo ku tilmaamay kooxdaan cudur dilaa ah oo halis ku ah Soomaaliya. Afhayeenka Al-shabaab ayaa intaa ku daray.”Annagu [Al-shabaab] wax badan ayaan indhaha ka laabanay dhibaatada ay kooxdani waday, wax badanna waan u sabarnay marka laga reebo dhacdooyin kooban oo aan dulmigooda isaga leexinaynay annagoo rajo ka qabnay inay dib u xisaabtamaan kana soo laabtaan waddada baadida ah ee ay kusii socdaan, laakiin sabarkeenna waxay ka sii qaadeen madax adeyg, colaad iyo inay dulmigii ay wadeen ku sii talax-tagaan,” Dhanka kale, Hadalka Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya iyadoo Dowladda Somalia ay ku dhawaaqday in dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Daacish ay soo galeen magaalooyin ka tirsan Somalia, iyagoo ku baaqay inay dagaal la galayaan kooxdan. Ugu dambeyn, Kooxda Daacish ayaa waxay saldhigyo ku leedahay Buuraha Galgala ee gobolka Bari ee Puntland, iyagoo sidoo kale ka dagaalama qaybo ka mid ah Somalia oo ay ka mid tahay Magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo ku dhawaaqday dagaal ay la galayso Daacish-ta ka hawl-gasha Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa tagaya magaalada Tog Wajaale oo ku taala xuduuda Deegaanka Soomaalida uu la wadaago Somaliland. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magaalada Tog-Wajaale kula kulmi doona madaxweynaha deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Maxamed Cagjar, waxaana ay ka wada hadlayaan arrimo dhowr ah. Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa shaaciyay in safarka madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Tog Wajaale inuu yahay mid looga shaqeynayo wanaajinta xiriirka Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida. Waxaa sidoo kale masuuliyiinta ay sheegeen in madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ay ka wada hadli doonaan xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo dowlad deegaanka. Waa kulankii ugu horreeyay ee yeeshaan Madaxda labada dhinac, waxaana xusid mudan in Madaxweyne Muuse uusan wali la kulmin Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Axmed, maadaama madaxda Somaliland la kulmi jireen hogaanka sare ee Ethiopia. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka dowlad deegaanka oo lagu xaqiijinayo kulanka ka dhacaya magaalada Tog Wajaale. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in gacanta lagu soo digay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab. Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu xusay in sarkaalkaan uu uqaabilsanaa Shabaab dhinaca qaraxyadda gaar ahaan ku dejinta gawaarida. Taliska ma uusan soo bandhigin halka laga fuliyay howlgalka, magaca iyo sawirka xubinta la tibaaxay inay ka tirsaneed Shabaab. NISA ayaa intaas ku dartay in mudadii uu socday howlgalka aanu ka dhashay wax khasaaro ah oo soo gaarey shacab iyo ciidamada qaaday. Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa xoojiyay howlgalada qarsoodi ah oo ay kusoo qab-qabanayaan shaqsiyaad ka tirsan Al-Shabaab. The post NISA oo sheegtay inay qabatay sarkaal Shabaab ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Siyaasiga Axmed Salaad [Aw Aadan] ayaa ka hadlay go’aankii ay Xilldhibaanada Aqalka Hoose uga tanaasuleen Mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxwayne Farmaajo. Hindisaha xilka qaadista Madaxwaynaha oo ay gudbiyeen 94 mudane ayaa waxaa ku dhawaaqay inuu Jabay Gudoomiye Gollaha Shacabka, kaasi oo tibaaxay inay ka noqdeen 14 Xildhibaan oo laga been abuurtay. Aw Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in sharci-dejiyaasha Mooshinka keenay ay dano gaar ah kala lahaayeen, taasi oo carabka ku dhuftay ay ku taageerayeen dowladda shisheeye. Hoos ka dhageyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Hoos.mp3 The post Siyaasiyiin soo dhaweeyay in laga tanaasulay Mooshinka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xasan Daahir Aweys oo hadda u xiran dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay saameynta ka dhalan karta is ixtiraam la’aanta madaxda Soomaalida dhexdeeda. Xasan Daahir, ayaa wuxuu soo hadal qaaday hadal ra’iisul wasaaraha dalka uu ka jeediyay magaalada Doha ee dalka Qatar oo ahaa inaysan cabsi galin doonin waxa uu ugu yeeray qabqable Dagaal. Wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxda dalka uu ka dhaxeeyo Ixtiraam lagu wada shaqeyn karo, haddii uusan jirinna wuxuu sheegay in fowdo ay halkaasi ka dhalan karto. Sidoo kale wuxuu tilmaamay baarlamaanka inay yihiin kuwoo doortay madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ansixiyay xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Xildhibaanada iyo madaxda ayuu sheegay inay wanaagsan tahay inay si wanaagsan u wada shaqeeyaan oo laga fogaado waxyaabaha keeni kara fowdo kale oo dalka Soomaaliya uu galo. Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda dhankeeda looga baahan yahay inay ixtiraam kula dhaqanto xildhibaanadii ansixiyay shalay markii lasoo dhisay. Hoos ka daawo Khudbadda Xasan Daahir Aweys. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Sheekh-Xassan-Daahir-Aweys-oo-eedayn-u-jeediyay-Dowladda-Federaalka.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Milatariga Mareykanka ayaa sheegtay in howlgal dhinaca cirka ah uu ka fuliyay tuulada Baladul Amin ee gobolka Shabeellaha Hoose, koonfurta dalka Soomaaliya. Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa shaaciyay in duqaynta oo dhacday 19-kii bishaan December [Arbacadii] ay ku wehliyeen howlgalkaasi ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM. AFRICOM ayaa shaacisay in weerarka cirka oo ahaa labo ay ku dileen 11 kamid ah dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab xili ay meesha ka saareen inay waxyeelo gaarsiisay duqaynta shacab. Ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan ay kooxda Al-Shabaab kasoo saartay sheegagashadda Mareykanka. In ka badan 40 howlgal oo cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyay sanadkaan gudaha Soomaaliya ayuu ku beegsaday xoogaga Al-Shabaab, inkasta oo duqaymahaasi qaarkood ay waxyeelaysay dad rayid ah. The post Mareykanka oo fahfaahiyay duqayn uu ka fuliyay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxda ugu sareysa ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay ku yeeshay Muqdisho. Sida ay xogta ku heshay idaacadda Shabelle, kulankaan waxaa lagu lafaguray go’aankii uu Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ka qaatay Mooshinkii Madaxwaynaha. Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, Afhayeenka Aqalka Hoose, ayaa tibaaxay in gabi ahaanba uu jabay Hindisaha xilka qaadista Farmaajo. Kulankii xalay waxaa kasoo qaybgalay Xilldhibaanada ku kala qaybsamay Mooshinka ee kala taageerayay Madaxwaynaha iyo Hindisaha, waxayna isla meel-dhigeen sidda loogu baahan yahay in howlaha dowlada usii socdaan. 9-kii bishaan December 2018, ayay ahayd markii uu Gudoomiye Mursal ku dhawaaqay inuu qabtay Mooshinka, taasi oo wadanka gelisay khal-khal siyaasadeed, oo haatan ay muuqato in laga gaarey xal. The post Madaxda DFS oo kulan ka yeeshay go’aankii G/Mursal appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay u tanaasuleen balanqaadyo loo sameeyay xildhibaanada. Xildhibaan Maxamed Xasan Ganeey oo kamid ahaa xildhibaanadii gudbiyay mooshinka ayaa sheegay in mooshinka loo joojiyay seddex arin oo isbiirsatay, kuwaasi oo ku qasbay inay mooshinka ka laabtaan. Arinta Koowaad ayuu xildhibaanka ku sheegay inay tahay in la waayay xildhibaano kamid ahaa kuwii mooshinka saxiixay oo sheegay in laga been abuurtay magacyadooda iyo saxiixooda. Arinta labaad wuxuu ku sheegay xildhibaanka inaysan jirin maxkamad Dastuuri ah oo kala saarta qodobada la isku hayay, isaga oo sheegay in heshiiska mooshinka looga laabtay ay ku jirtay dhismaha maxkamad dastuuri ah. Arinta Seddexaad wuxuu ku sheegay inay u tureen Shacabka iyo dalka Soomaaliya, maadaama aysan jirin wax shaqo ah oo dhacay xiligii adkaa ee mooshinka uu socday, kaasi oo sababay in shaqada baarlamaanka joogsato. Wuxuu dhinaca kale sheegay iney been abuur tahay in xildhibaanada mooshinka keenay loo sameeyay balanqaadyo xileed, waxaana uu arin lagu qoslo ku tilmaamay halka 92 xildhibaan looga keenayo xilal maadaama xukuumadda ay ka kooban tahay 68 xubnood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Xarakada Al-Shabaab ayaa ic-laamisay dagaal ka dhan ah kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya. Afhayeenka Shabaab, Cali Dheere ayaa tilmaamay in la faray dagaalyahanadooda inay cagta mariyaan ISIL garabkeeda wadanka ku sugan. Hadalka ayaa kusoo aadaya xili dhowaan uu iska hor-imaad culus uu ku dhex-maray labadaan kooxood gobolka Bari. Shabaab iyo Daacish ayaa ku loolamaya awooda maamul ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya taasi oo sii xoogeysatay bilooyinkii udambeeyay. The post Al-Shabaab oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Daacish appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa waddo baaritaano ka dhan ah kooxda Daacish oo la ogaaday inay wadaan qorshe ay isku balaarinayaan, kadib markii la sheegay in dagaalyahano ka tirsan kooxda ay galeen magaalooyin horleh. Walow Dowladda Soomaaliya aysan shaacin in kooxda Daacish ay gudaha usoo gashay magaalada Muqdisho, haddana kooxda ayaa sheegatay dilal dhowr ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye. Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa marar badan ka dooday halista Kooxda Daacish, waxaana muuqata in dowladda Soomaaliya ay heshay xogo cusub oo shaacinaya in kooxda magaalooyin horleh isku balaarinayaan. Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa xaqiijiyay in laga warhayo in kooxda ay isbalaarin sameyneyso, waxaana uu sheegay in golaha wasiirada ay ka arinsadeen arintaasi. Wasiiro dowlaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay heleen xogaha islamarkaana ay wadaan howlgalo ka dhan ah kooxda si aysan u kordhin dhibaatooyinka ay ka geysan karaan Soomaaliya. Khubarada dhanka amaanka ayaa sheegaya in Kooxda Daacish ay halis weyn ku tahay amaanka iyo horumarka Soomaaliya sanadaha soo socdo, maadaama ay ka dhismeyso dal kasoo kabanayo burbur iyo amni daro. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/cod-1Golaha-Wasiirrada-somalia-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-21122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay warbixino maalmihii ugu dambeeyay kasoo kooxda Daacish ee ka dagaalanka Soomaaliya, waxaana ay shaaciyeen inay dagaal kula gali doonaan deegaanada gobolka Bari ee Puntland. Al Shabaab ayaa shaaciyay in dagaalka ka dhanka ah Daacish uu ka dhici doono buuraha Galgala, waxaana ay sheegeen sababta ay ula dagaalamayaan Daacish inay tahay ka hor imaanshaha dagaalka ay iyaga ka wadaan Soomaaliya. Al Shabaab ayaa ku dhawaaqay in kooxda Daacish ay Dhibaatooyin iyo Gaboodfalo ay ka waddo Soomaaliya gaar ahaan deeganaada Puntland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Al Shabaab. Labo qodob ayaa muuqata in iclaaminta dagaalka Al Shabaab ee ka dhanka ah Daacish uu salka ku hayo, waxaana bayaanka Al Shabaab aqriyay Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere. Qodobka Koowaad ayaa ah “in kooxda Daacish, gaar ahaanna garabka ka hawlgala Soomaaliya uu ka shaqeynayo sidii tafaraaruq looga dhex abuuri lahaa gudaha Al-Shabaab.” sida lagu sheegay qoraalka Al Shabaab. Qodobka Labaad ayaa ah in daacish ku eedeeyeen “iney banneysatay dhiigga Muslimiinta, gaaleysiisayna dad muslimiin ah, gaar ahaanna kooxdiisa iyo kala jebinta muslimiinta.” Daacish ayaa maalmo ka hor baahisay sawiro iyo muuqaalo ay ku sheegeen in Al Shabaab saldhig ay ku lahaayeen Puntland ay weerareen ayna ka qabsadeen hub badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibana Axmed Macallin Fiqi ayaa ka dhiidhiyey in sawir uu horey ula galay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre dib loo soo saaro maanta, ayada oo loo adeegsanayo dano siyaasadeed. Qaar ka mid ah taageerayaasha ra’iisul wasaaraha ayaa baraha bulshada ku baahiyey sawir muujinaya Kheyre iyo Fiqi oo isla dhoola caddeynaya saacado kadib markii laga laabtay mooshinkii laga keenay madaxweyne Farmaajo. Taageerayaasha Kheyre ayaa sawirkan raaciyey qoraal ay baraha bulshada ku baahiyeen oo ay ku sheegeen in labada nin ay heshiiyeen. Si kastaba, xildhibana Fiqi ayaa arrintaas ka hor-yimid, isaga oo sheegay in sawirka uu ahaa mid toddoba bilk a hor uu Kheyre kula galay hotel saxafi, islamarkaana ay qaadeen shaqaalaha Kheyre. Hoos ka aqri qoraalka Fiqi uu soo dhigay faceebook. Waxaa jira qolooyin sawiro hore loo galay u ekeysiinaya kuwa cusub ama waqti dhow la galey, si aan ugu caddeeyo kuwa sawirkaan hoose Nafta ka raadinaya in uu ahaa 7 bilood ka hor, goobtuna ay ahayd Hotel Sahafi MUQDISHO. Cidda kaliya oo habeenkaas sawirada qaadaysayna waxay ahaayeen sawir qaadashayaasha Raysulwasaarah, waxaan ka xumahay In sawiro hore dadka loogu ekeysiiyo kuwa cusub. Mana garan karo faa’idada ay ka helayaan falkaas. Waxaan rajaynayaa Asxaab badan oo isoo weydiisay sawirkan In ay ka qanceen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in magacaabista qunsulka Itoobiya ee Hargeysa ay muujineyso in ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed uu sare u qaaday maqaamka Somaliland. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook, ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in maadama Shamsudiin uu horey usoo noqday safiir uusan noqon karin qunsul sidaas darteed uu yahay safiir. Inkasta oo uusan si toos ah u dhihin, haddana hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa laga dhadhansan karaa inuuu soo jeedinayo in Abiy Ahmed uu Somaliland ula macaamilayo sida dal oo kale. Hoos ka aqriso qoraalkiisa oo dhameystiran: in Anigga iyo Safiir Shamsudiin Shamsudiin waa safiirka Itoobiya dhowaan u magacawday Somaliland. Xiligii wadahadal ka ee Isbahaysiga ARS iyo TFG, Shamsudiin wuxuu ahaa safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya Jabuuti. Dhowr jeer ayaa anigga iyo wafdigii aan hoggaaminayey shirka wadahadalka kaga baxnay in Itoobiya shirka laga saaro. Maalin Jimce ay ayaan Masjidka wayn ee Jabuuti isku aragnay. Shamsudiin wuxuu ugu yiri “Waryaa Cabdi, Masjiidkana miyaad iiga baxaysaa”. Shamsudiin waxaan mar kale isku aragnay isagoo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Wadanka Kenya. Su’aasha waxay tahay Shamsudiin waa safiir. Safiir na ma qabto xil qunsul. Haddaba sow lama oran karo Abiy Ahmed wuxuu sare u qaaday xiriirka itoobiya iyo Somaliland? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Doha (Caasimada Online) – Imaraatka Caraba, Sacuudiga, Baxreyn iyo Masar ayaa qorsheyay inay ku duulaan dalka Qatar sanadkii 1996, sida uu Baahiyay TV- Al Jazeera. Isaga oo la hadlayay TV-ga Al Jazeera, Paul Barrel wuxuu sheegay in shaqsiyad ahaantiisa uu hogaaminayay qorshaha Weerarka kadib markii kooxda ku fashilantay Afgambiga ay kasoo horjeedeen qoyskii sanadkaasi xukumayay Dalka Qatar. Barrell ayaa u sheegay Al Jazeera in Imaaraadka Carabta uu siiyay isaga taageero weyn oo la doonayay in howlgalka lagu fuliyo, isaga iyo kooxdii la socotay ayaa lagu martiqaaday hotelka Intercontinental ee magaalada Abu Dhabi, halkaasi oo hub badan uu ku keydsanaa. Wuxuu sidoo kale Barrel Qiray in isaga iyp kooxdiisa la siiyay baasaboorka Imaaraatka Carabta si ay ugu fududaato dhaqdhaqaaqooda, isaga oo tilmaamay in dhaxal sugaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayed uu ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Imaaraatka, waxaana uu ahaa ruuxa siiyay Baasaboorka, sidoo kale kooxda la socotay ayaa helay tababar dheeri ah si ay weerarka u qaadaan, sida uu sheegay Barrell. Barrell ayaa horey Sacuudiga kaga caawiyay inay dib ula wareegaan maamulka Masjidka Grand Mosque oo ku yaala magaalada Mecca sanadkii 1979, markii 500 oo ruux oo uu hogaaminayay Juhayman Al Otaybi la wareegeen. Marka la eego howlgalka Sanadkii 1996, hub culus oo laga keenay dalka Masar oo qeyb ka aheyd howlgalka, iyo askar lagu tababaray Imaaraadka Carabta oo howlgalka qeyb ka ahaa waxaa xarunta xiriirka u aheyd dalka Baxreyn. Wareysiga uu bixiyay ayuu ku sheegay in weerarka xiligaasi la qorsheeyay uu ahaa mid la doonayay in lagu qaado dalka Qatar, waxaana uu sawiro ka qaaday xarumo meletari, qasriga madaxtooyada iyo meelo kale oo la doonayay in la weeraro. Qorshaha ayaa waxaa ku jiray diyaarad siday 3,000 oo Caloosheed u shaqeystayaal reer Chad ah oo la doonayay in laga dajiyo magaalada Doha, madaxweynaha Chad ee Xiligaasi Idriss Deby ayaa qaatay adduun lacageed gaareya 20 Milyan oo doolar si uu u ansixiyo Howlgalka. Howlgalka waxaa ku baxayay dhaqaalo gaaraya 200 Milyan oo doolar, sida uu sheegay 70 Jirka lagu magacaabo Barrell oo ah ruuxa howlgalka hogaaminayay, waxaana xiligaasi la xiriiray madaxweynihii Faransiiska oo ka codsaday inuu joojiyo howlgalka. Wuxuu intaasi ku daray in haddii qorshahaasi uu dhici lahaa in natiijadiisa ay noqon laheyd “Xasuuq”. Caasimada Online Xafiiska Doha Caasimada@live.com