Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,136
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ammaanay doorka fir-fircoon ee uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, kaga jira nabadda iyo is-dhexgalka Wadamada Geeska Afrika. Isaga oo ka hadlaya, kulan Saddex Cisha ahaa oo ay yeesheen Safiirro reer Jabuuti ah iyo Diblomaasiyiin sare, oo Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Jabuuti, ayaa wuxuu si aad ah usoo dhoweeyay is-beddelka ka jira Bariga Afrika ee uu hormuudka ka yahay Abiy Axmed. Madaxwayne, Geelle, ayaa xusay in ay tallaabadani xal ka geysan karto shaqaaqooyinka ka dhex taagan qaar ka mid ah Qowmiyadaha ku dhaqan bariga Afrika iyo in is-afgaradka laga gaaro xaaladaha jira. Wuxuu sidoo kale aad usoo dhoweeyay, mudane, Geelle, dedaallada jira , isagoo ka mahad celiyay dedaallada caalamiga ah ee uu wado Dr; Abiyi Axmed, ee ku aaddan Gobolka, oo ay ka mid tahay dedaalka uu ka sameeyay iyo geeddi-socodka is-dhexgalinta ah ee Jabuuti iyo Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  2. Waxaa markii ugu horeeysay maanta magaalada Togwajaale kulan ku yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cagjar. Kuankaasi oo ahaa mid xasaasi ah ayaa looga hadlay arimo quseeyo Labada dhinac ee Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxyaabaha sida aadka ah looga hadlay waxaa kamid ahaa arinta qaadka ka yimaadaaa Itoobiya oo Somaliland iyo Itoobiya ay isku qilaafeen. Dhinaca kale madaxweynaha dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cagjar ayaa raaligalin ka bixiyay hadal ka soo yeeray oo ahaa in qaraxyo laga soo abaabulayo Somaliland, hadalkaas oo uu sheegay in si khaldan loo tarjumay. PUNTLAND POST The post Cagjar iyo Muuse Biixi oo kulmay appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanno ka mid ah kuwii dhawaan Mooshinka ka keenay Madaxweynaha DF Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ee shalay ka ku dhawaaqay inay kala laabteen mooshinkii ay keeneen ayaa maanta soo saaray shuruudo ku aaddan waxyaabihii ay ku xireen inay tanaasulaan. Mudanayaashan ayaa soo saaray qoraal ka kooban sagaal qodob, waxaana Qoddobaadaasi ka mid ah in Madaxweynaha Somalia uu raaligelin ka bixiyo dhiibistii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax. Sidoo kale, Qodobbadda ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumaddaba ay tix-galiyaan Madaxbaanida Golaha Shacabka. Haddaba, AKHRISO: Qoraalka ay xildhibaanada maanta soo saareen; PUNTLAND POST The post Xildhibaannadii soo Abaabulay Mooshinkii Farmaajo oo bixiyay sharaxaad dheeraad ah appeared first on Puntland Post.
  4. Washington (PP) ─ Aqalka Wakiillada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga uu ansixiyo, ayaa meel-mariyay miisaaniyad KMG ah oo madaxweyne Trump siinaysa shan bilyan oo Dollar oo uu u codsaday dhismaha darbiga uu ka dhisayo xuduudda ay la wadaagaan Dalka Mexico. Xubnaha Aqalka ayaa sharcigan ku ansixiyey cod ah 217-185, xilli dambe oo khamiistii ah, ayaga oo rajaynaya inay taasi weeciso hakad ku yimaada howlaha dowladda. Sharcigan ayaa iminka u gubaya Aqalka Senate-ka, halkaasi oo aysan jirin wax rajo ah oo laga qabo in lagu ansixiyo. Donald Trump ayaa ku adkeystay in miisaaniyadda lagu soo daro lacagta dhismaha darbiga laga dhisayo xuduudda Mexico, isaga oo u sheegay hogaamiyayaasha xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada inuusan saxiixi doonin sharciga, haddii aysan lacagtaas ku jirin. Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha xubnaha dimoqraadiga ee Aqalka Senate-ka, Chuck Schumer ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu qalaalse gelinayo dalka, isaga oo dowladda ku hogaaminaya inay shaqadeeda istaagto. PUNTLAND POST The post Aqalka Wakiillada Mareykanka oo eedeymo kulul u jeediyay Madaxweyne Donald Trump appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweyne Cagjar oo raaligalin ka bixiyay hadal hore uga soo yeeshay oo uu Somaliland uu ku sheegay meel argagaxiso looga soo maleegaayo. Waxyaabaha ugu waawaynaa ee laga wada hadlay waxa ka mid ahaa. Amaanka, maalgashiga, Ganacsiga iwm. La soco warka oo dhamaystiran Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan mooshinkii madaxweyne Farmaajo ee guddoomiyaha baarlamanka uu shalay sheegay in laga laabtay. Qoraalkan, ayaa xildhibaanada waxay ku sheegeen in markii ay qiimeeyeen xaaladda siyaasadeed ee dalka ay u tureen isla markaana u tanaasuleen danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayna ogol yihiin in mooshinka laga laabto. Waxa ay sidoo kale sheegeen in in ka laabashada mooshinka ay qeyb ka tahay in madaxweynaha iyo Raysal Wasaarihiisuna fuliyaan sagaal qodob. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran iyo sagaalka qodob ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha laga doonayo.
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Sheekh Axmed Muxyadiin Axmed [Hiraab] ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu Afhayeenka Gollaha SHacabka ku buriyay Mooshinkii ka yaallay Madaxwayne Farmaajo. Hiraabe oo hadalkiisa sii watay ayaa wuxuu bogaadiyay dedaaladda horumarineed ee hadda dalka ka socda oo ay hormuudka uyihiin Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Madaxda qaranka ayuu ku tartarsiiyay inay adkeeyaan nabada iyo madaxbanaanimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, oo uu dhankooda ugu baaqay inay dowladda kala shaqeeyaan arrimahaasi. Isaga oo sii hadlaya ayuu Sheekh Hiraabe wuxuu afka ku balaariyay in loo baahan yahay in dhinac laysaga leexiyo wax kasta oo ka hor-imaanaya danta dalka iyo Shacbiga Soomaaliyeed. Sheekh Axmed Muxyadiin Axmed [Hiraab] oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed islamarakaana ku jiray xisbigii gobonima doonka ee “SYL” ayaa hadalkaan sheegay xili uu wareysi gaar ah siiyay idaacada Shabelle. 20-kii bishaan December ayay ahayd markii uu Gudoomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Cabdiraxmaan, qoraal uu soo saarey ku cadeeyay in gabi ahaanba ay ka laabteen mudanayaasha Hindisaha xilka qaadista Madaxwayne Farmaajo. The post Waxgarad ku amaanay Mursal go’aankii uu ku buriyay Mooshinka appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Muqdisho)Gudoomiyaha xisbiga Waddajir ee dalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo safiirka ay dawlada Itoobiya u soo magacawday somaliland. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ku sheegay in raysal wasaaraha Itoobiya uu kor u qaaday meeqaamkii ay somaliland taagnayd ka dib markii uu u soo magacaabay safiirka cusub. Qoraalka gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u dhignaa sidan:-Anigga iyo Safiir Shamsudiin Shamsudiin Axmad Rooble waa safiirka Itoobiya dhowaan u magacawday Somaliland. Sanadkii 2008 ee wadahadalka Jabuuti uga socday Isbahaysiga ARS iyo TFG, Shamsudiin wuxuu ahaa safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya dalka Jabuuti. Dhowrjeer ayaa anigga iyo wafdigii aan hor kacayey shirka wadahadalka kaga baxnay in Itoobiya shirka laga saaro. Maalin Jimce ah ayaan Masjidka wayn ee Jabuuti isku aragnay. Shamsudiin wuxuu ugu yiri “Waryaa Cabdi, Masjiidkana miyaad iiga baxaysaa”. Shamsudiin waxaan mar kale isku aragnay isagoo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Wadanka Kenya. Su’aasha waxay tahay Shamsudiin waa safiir. Safiir na ma qabto xil qunsuliyadeed. Haddaba sow lama oran karo Abiy Ahmed wuxuu sare u qaaday xiriirka itoobiya iyo Somaliland? Source
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xiisad kacsanaan ah ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagan tahay tuulada Ceel-laheley ee gobolka Gaglgaduud. Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka, xiisadda ayaa ka dambeysay markii dil loogu geystay halkaasi qof kamid ah dadka degaanka, oo ay wada murneen ruux kale. Illo wareedyo kala duwan ayaa usheegay idaacada Shabelle inay socoto dedaalo lagu qaboojinayo xiisadda. Shaqsiga dilka geystay oo adeegsaday Toorey, kaasi oo goobta ka baxsaday ayaa lasoo warinayaa in lagu raad-joogo. Degaanka Ceel-lahalay oo hoos-yimaada gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa waxaa gacanta ku haysa kooxda Al-Shabaab. The post Xiisad xooggan oo ka dhalatay dil ka dhacay Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
  10. (SLT-Bosaaso)Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobalka barri. Saraakiisha ciidanka puntland ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen xubnaha Al-Shabaab eek u lahaayeen Deegaanka Balli Khadar ee Gobalka Barri. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dhanka kale Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarka ay ku dileen Hal Askari, halka mid kalana ay dhaawaceen. Duleedka Boosaaso ayaa dhowr jeer waxaa ku dagaalamay Ciidamada puntland iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab Source
  11. Doolow (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee ayaa sheegaya in maanta qarax lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah, oo halkaas ku sugan. Qaraxa oo dhacay saaka aroortii hore ayaa lala beegsaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhanka degmada Dooloow kuwaas oo sahay ugelbinayey ciidamo kale oo ku sugan deegaanka Yurkut ee dhaca halka ay iska galaan gobollada Baay iyo Gedo. Goobjoogayaal ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaari Uuraal ah ayna jirto khasaare gaaray ciidamada Itoobiyaan oo aan la ogeyn inta ay la egtahay. Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraalo ay ku baahiyeen warbaahinta taageerta ku sheegtay in 40 askari oo Itoobiyaan ah ay dhimasho ama dhaawac yihiin. M ajirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  12. Muxuuu Daaran Yahay Shirka Wajaale. Haddii qiyaastaydu sax tahay bal aan shiisho waxay ka wada hadlayaan: 1- wararkii sirdoonka mareykanku siiyeen Mustafe Cagjar ee ahaa rag baa joogaa Somalialdn iyo Puntland, kuwaasoo hawlaga qarxin ah u soo maleegaya Jig-jiga; waxaynu ognahay in Mustafe Cagjar hadalkaa si u kas ah uga baahiyay Media-ha; isla waqtigaa waxa ku sugnaa Jig-jiga safiirka Mareykanka ee Addis fadhiya, kaasoo u hoyday jig-jiga dhawr habeen. 2-arrinka shidaalka; waxa jirta in in badan shidaalkeenu ka yimaaddo kilinka shanaad, gaar ahaan intii haamaha ay la wareegtay dawladdu; taasoo dawladdun ay dhawaan ku soo rogtay cashuur ka badan ta haamaha Berbera waxay Somaliland doonaysaa in lag caawiyo joojinta shidaalkaas; haddaba su’aahsu waxa weeye marka Monopoly gaas yaa loo xidhayaa?; xogo badan ayaan ka hayaa arrinkaas; waynu faalayn doonaa inshallahu. 3-inta aanay Somaliladn la kulmin ina Djibouti, waxa la rabaa in Somaliand la kulanto kilinka shanaad, taasoo qayb ka noqonaysa isku xidhka wixi la odhan jiray Somali oo dhan; markan waxaynu u shaqaynaynaa sidii substation siyaasadda Djibouti ee shirkii Djibouti lagu qabtay; mawqifka Somaliland ee arrinkaasina waa beerka jecli xaydh jecli. Cabdo; wargeyska mufakirka siyaasadda Geeska. Source
  13. Jabuuti (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ammaanay doorka fir-fircoon ee uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaga jiro nabadda iyo is-dhexgalka dalalka Geeska Afrika. Geelle oo ka hadlay kulan sadex cisho socday oo ay yeesheen safiirro reer Jabuuti ah iyo diblomaasiyiin sare, oo maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Jabuuti, ayaa si wayn usoo dhoweeyay is-beddelka cusub ee Bariga Afrika. Talaabadani ayuu cod dheer ku qeexay in ay xal ka geysan karto shaqaaqooyinka ka dhex taagan qaar ka mid ah Qowmiyadaha ku dhaqan Bariga Afrika iyo is-afgaradka laga gaaro xiisadaha jira. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayuu uga mahad-celiyay kaalintiisa ku aadan nabadeynta iyo xasilinta gobolka oo muddo colaad iyo is-riix-riix siyaasadeed oo qaramada dhexdooda ah ay taagneyd. Ugu dambeyntii, Mar uu soo hadal-qaaday xiisada wadankiisa kala dhaxeysay Eritrea oo ay isku haystaan Dhul soondinta labada dal ku yaala ayuu Madaxwayne Geelle carabka ku dhuftay inay dedaalada socda u abuureyso is-dhexgal. The post Madaxwaynaha Jabuuti oo soo dhaweeyay isbedalka G/Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Afgooye (Sh.M.Network) – Kulan lagu taageereeyay Madaxwaynaha cusub ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Xoghayaha dowlada hoose ee maamulka degmada Afgooye, Cumar Farey, ayaa idaacada Shabelle fahfaahin ka siiyay ujeedada kulankaasi. Farey ayaa shaaciyay inay kala hadli doonan Madaxwayne Laftagareen tabashooyinka ay qabaan dadka ku dhaqan degaanada hoos-yimaada gobolka Shabellaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. 19-kii bishaan ayay ahayd markii Cabdicasiis Laftagareen uu kusoo baxay wareegii koowaad doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarun goboleedka Bay ahna caasimada KMG maamulka Koonfur Galbeed. The post Kulan lagu taageeray Lafgareen oo lagu qabtay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
  15. (SLT-Wajaale) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xilka hayay muddo sannad iyo dheeraad ah ayaa maanta markii u horaysay Magaalada Wajaale kula kulmay Madaxweynaha Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar. In kasta oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tiraba dhawr jeer uu isku dayay inuu la kulmo Raysal Wasaaraha Itoobiya abby Ahmed hadana umay suurto galin, Kadib markii uu mujiiyay Raysal Wasaaraha Itoobiya inuu ku mashquul sanyahay arrinta isbadalka Geeska Afrika . Kulanka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa la odhan karaa Wuxuu musawir u yahay isbadalka Geeska Afrika ka socda . Dhanka kalnea meeqaam ahaan kulanka labadan Masuul ayay dad badani is waydiinayaan maadaama oo Somaliland hore ula xidhiidhi jiray Dawladda Federaalka Itoobiya . Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-21122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  17. (SLT-Muqdisho)Xarakada Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Kooxda Daacish ee ka howlgasha qeybo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo loolanka u dhaxeeya labadan koox uu muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay. Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere ayaa ku tilmaamay Daacish inay yihiin cudur halis ah oo kansar ah. Cali Dheere oo akhrinayay bayaan ka soo baxay Hoggaanka sare ee Al-Shabaab ayaa looga hadlay dhibaatooyin iyo gabood fallada Daacish ka wado Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in Kooxda Daacish ee Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii tafaraaruq looga dhex abuuri lahaa gudaha Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay inay banneysatay dhiigga Muslimiinta, gaaleysiinta dad Muslimiin ah iyo kala jebinta Muslimiinta. Cali Dheere ayaa sheegay in Al-Shabaab ay muddo u dulqaadaneysay Daacish, isla markaana ay dulqaadkaas ka sii qaadeen madax adeeg, colaad iyo inay ku talax tagaan dulmiga ay ku jireen sida uu yiri. “Hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu ku amrayaa dhamaan ciidamada Mujaahidiinta iyo wilaayaatka Islaamiga inay si adag kaga hortagaan cudurkaas dillaaga ah ee soo dhexgalay safka Jihaadka, xididadana u siibaan dulmigaas aanan geedka loogu soo gaban ee lagu doonayo in lagu majaxaabiyo mirihii jihaadka ee aan ku soo bixinay dhiiga kumanaan Shuhado ah”ayuu yiri Cali Dheere Cali Dheere oo sii hadlayay ayaa yiri “waa inaan kansarkaas la doonayo in lagu beero safka Mujaahidiinta salka ka jarnaa, cidwalba oo ku howlan qorshahaas gurracan ee aan diinta wax shaqo ah ku lahayn waa inaan kaga hortagnaa kitaab wax hanuuniya iyo seyf u gargaarta” Waxaa uu kaloo ku eedeeyay Daacish inay gabaad u noqotay jawaasiista waxa uu ugu yeeray maamulada ridada, isla markaana xiriir la leeyihiin sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen dad uu ku sheegay canaasiir ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya oo maleegayay dilal lagu beegsanayo xubno ka tirsan Al-Shabaab. Source
  18. (SLT-Muqdisho)Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in xubno ka tirsan kooxda Daacish ay ku soo qul quleen qeybo ka mid ah Magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya. Waxaa ay wasaarada amniga Xukuumadda Farmaajo shaaca ka qaaday in dowlada soomaaliya ay ka war hayso xubnaha Daacish ee ku sugan Gobalada dalka, islamarkaana waxaa ay tilmaamtay in tilaabo adag ay ka qaadi doonto arintaasi, sidaasi waxaa shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya ka sheegay Wasiiru dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud. Balse Xukuumada Soomaaliya ma sheegin Magaalooyinka ay joogaan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Kooxda Daacish ayaa mudo badan waxaa ay sheegteen masuuliyada dilal ka dhacay Gobalada Dalkaasi Soomaaliya, sida Gobalka Banaadir, Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Bari. Source
  19. (SLT-Addis-ababa) Barlamanka Itoobiya ayaa meel mariyay sharciyo cusub oo qaarkood wax laga bedelay waxaa ku jira dhismaha ciidamada badda ee dalkaas. Baarlamanka ayaa ansixiyay wax ka badalka hindise sharciyeed wax looga badalayo xeerarkii lagu sameeyay ciidanka xoogga, iyadoo isla markaana dhinaca kala la dhisay guddiga xuduudaha. Sharciyada cusub ee baarlamaanka ansixiyey waxaa ku jira aas-aasidda ciidamada Badda, ciidanka Space-ka ama hawada sare iyo sidoo kala kuwa dhinaca dagaalka Internetka. Itoobiya oo aan laheyn xeeb ayaa dhowaan shaacisay iney saldhigyo milateri oo dhinaca badda ah ka dooneyso iney ka sameysato xeebaha Somalia. Itoobiya ayaa wadahadalo arintaas la xiriira la furtay dowlada Somalia inkastoo aysan jirin wax heshiisyo ah oo weli arintaas laga gaaray, waxaana damaca Itoobiya ee xeebaha Soomaaliya uu ahaa mid muddo dheer soo jiray, waxaana go’aanka ay Itoobiya ku dhisaneyso ciidamada badda uu shaki badan ku abuurayaa Soomaali badan oo aan jecleyn la macaamilka Itoobiya sababo la xiriira colaadii horey u dhexmartay labada Source
  20. Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika oo loo yaqaano (Africom) kana howlgala dalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay so saareen waxaa ay ku [...] Source
  21. Kooxda Argagixisada ee Somaaliya Al-shabaab ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya ,kadib markii Daacshi ay sheegtay in 14 kamid ah dagaalyahanada [...] Source
  22. Taliska militariga Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay duqeyn ay u geysteen Alshabaab oo dhowaan ka dhacday qeybo kamid ah gobolka Shabeelada Hoose. Wakaaladad Wararka Mareykanka (AP) oo soo xiganaysa qoraal ka soo baxay Africom ayaa sheegaysa in duqeyn ka dhacday nawaaxiga deegaanka Beledul-Amiin ee Shabeelada Hoose,taasi oo jawaab u ahayd isku dayo ay doonayeen Alshabaab in ay weerar ku soo maleegaan. Waxaa duqeyntaasi oo dhacday Arbacadii la soo dhaafay lagu dilay in ka badan 10 maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab,mana jiraan wax qasaare ah oo soo gaaray ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah. in ka badn 40 jeer ayey sanadkan duqeeyeen Mareykanku meelo Al-shabaab ah, iyaga oo dilay in ka badan 200 oo qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. (SLT-Wajaale)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa hadda ku kulmay magaalada xuduudka ku taalla ee Tog-wajaale. Madaxweyne Biixi ayaa dhinaca Somaliland kusoo dhaweeyay Mustafe Cagjar halkaasi oo ay labada madaxweyne kulan ku wada yeelan doonaan. Madaxweyneyaashii hore ee Somaliland ayaa Addis Ababa kula kulmi jiray madaxda dawladda Itoobiya, hase ahaatee kulankani waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee dhex-mara madaxweyneyaasha Somaliland iyo degaanka Soomaalida Source
  24. Ciidamada Booliska ee Gobolka bari kuwa PMPFta iyo ciidamada PSFta ee sida gaar ka ah utaba baran ayaa maalmahan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga ka waday [...] Source