-
Content Count
207,136 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaal beeleed ka socda deegaanka Dudun Cad ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Maxamed Cabdi Cawaale, guddoomiyaha degmada Maxaas oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in dagaalladan ay yihiin kuwo soo noqd noqday 48-kii saac ee lasoo dhaafay. Waxaa ku dhintey in ka badan 10 qof, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay, waxaana weli taagan xiisadda Labada dhinac. Guddoomiyaha Maxaas ayaa ku baaqay in cid walbo oo joojin karta dagaalladaasi u istaagaan joojintooda, xaaladdana la qaboojiyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Wareysiga-Gudomiyaha-Maxaad-Baaqa-dagaal-beeleed-dhacay-Sabti-22-12-2018-by-ziyaad-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhanka ( Sh. M. Netwotk )-Wararka laga helayo Bangladesh ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay Muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalkaasi. Dilkan oo ay fuliyeen kooxo ku hubeysan Toorreeyo ayaa la sheegay in uu ka dhacay bartamaha magaalada Dhaka ee Caasimadda dalka Bangladesh. Marxuumka la dilay ayaa ahaa Wiil Dhalinyaro ah wax ka baran jiray Bangladesh, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan dilka Muwaadinkaasi Soomaaliyeed. Balse Booliska ayaa wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dilkaasi iyo waxa sababay intaba. Bangladesh waxaa ku nool Dhalinyrad badan oo Soomaali ah, kuwaas Waxbarasho u jooga gudaha dalkaasi. The post Muwaadin Soomaaliyeed Oo lagu dilay dalka Bangladesh appeared first on Shabelle. View the full article
-
Midowga Afrika ayaa dalka Burundi ka dalbaday inay dhimmaan ciidamada nabad ilaalinta ee ka jooga gudaha Soomaaliya, waxaa loo sheegay inay 1,000 askari kala baxaan, taasi oo qeyb ka ah hannaanka ay ciidamada midowga Afrika uga baxayaan Soomaaliya. Midowga Afrika oo isticmaalaya Dukoment diblomaasi ah oo ogaysiis afka ah ayaa ka codsaday Burundi inay dhimmista ciidamada ay dhameystiraan February 28, ee sanadka soo socda. AMISOM waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 21,500 oo ciidamo ah, kuwaas oo shaqadoodu tahay inay taageeraan dowladda federaalka ah . Burundi waa dalka 2aad ee ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha Soomaaliya, oo waxaa u joogaa 5,400 halka Uganda ka joogaan 6,200, dalal kale waa Djibouti, Ethiopia iyo Kenya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Ururka Midowga Africa ayaa ka dalbada Burundi in ay dhinto 1000 Askari oo ka mid ah Ciidankeeda ka tirsan AMISOM ee Soomaaliya. Midowga Africa ayaa codsigani u diray dowladda Burundi,kana dalbaday in qorshahani ay fuliso ka hor 28 bisha Feberaayo ee sanadka 2019-ka. Qoraalka loo gudbiyay dowladda Burundi oo ku aadan in qaar ka mid ah Ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya ayaa la sheegay in uu ka soo baxay kulan 30-kii bishii November ee sanadkan mas’uuliyiinta howlgalka AMISOM ay ku yeesheen magalaada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Dalka Burundi ayaa ka mida dalalka Ciidamada ugu deeqay Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM oo gacan ka siiya DFS dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Golaha Amaanka ee QM ayaa soo saaray sanadkii hore qaraar lagu dhimayo Ciidamada AMISOM, islamarkaana amniga dalka loogu wareejinayo Ciidamada Soomaaliya. The post Burundi Oo laga dalbaday in ay dhinto Ciidankeeda Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Bern ( Sh. M. Network )-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa booqday Xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Bern ee Caasimadda Dalka Switzerland. Duqa Caasimadda dalka Switzerland Mudane Alec Von Graffenried oo Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka labada caasimadood ee Soomaaliya iyo Switzerland, isagoona warbixin ka siiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Dhankiisa, Duqa Muqdisho ayaa uga mahad-celiyey dhiggiisa magaalada Bern marti gelinta iyo soo dhaweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayey oo dalkaas Switzerland kaga qeyb galay shirweynaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha. Eng.Yarisow ayaa la wadaagay Maamulka Dowladda Hoose ee Caasumadda dalka Switzerland horumarka ka socda Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha lagu tayeynayo shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, isagoona u bandhigay dhiggiisa magalaada Bern in ay uga faaiideeyaan Muqdisho khibradda iyo awoodda shaqo ee ay u leeyihiin ilaalinta deegaanka, bilicda, fududeynta isu socodka gaadiidka, dhismaha jidadka iyo dhawrista faya dhawrka. Labada Duq ayaa isku afgartay dhammaan qodobbadii ay ka wada hadleen, waxa ayna isla qaateen Joogteynta wada shaqeynta Maamullada Dowladaha Hoose ee Xamar iyo Bern, iyadoona Eng.Yarisow uu u fidiyey marti qaad rasmi ah dhiggiisa Mudane Alec Von, kaas oo aqbalay in uu booqasho ku yimaado Muqdisho. The post Duqa Muqdisho Oo la kulmay Dhiggiisa dalka Switzerland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxaas ( Sh. M. Network)-Faah Faahinno dheraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Beeleed saacadihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka degmada Maxaas ee G/Hiiraan. Dagaalka oo ahaa mid xoogan, una dhexeeyay laba Maleeshiyo Beeleed ayaa ka dhacay meel 22 KM dhinaca waqooyi kaga beegan degmadaasi. Ugu yaraan 15 Qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka. Maxamed Cabdi Cawaale guddoomiyaha degmada Maxaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi. Guddoomiye Cawaale ayaa sheegay in dagaalkan uu Salka ku hayo arrimo la xariira dhul daaqsimeed iyo Aanooyin Qabiil oo u dhexeeya Beelahaasi. Sidoo kale guddoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Maxamed Cabdi Cawaale ayaa ku baaqay in la soo faragaliyo xiisadaasi Waxaana uu ka dalbaday dowladda dhexe, Galmudug HirShabelle iyo Odayaasha Dhaqanka in ay wax qabtaan colaadaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, inkastoo weli dhinacyadii dagaalamay ay isku hor fadhiyaan goobihii shalay lagu dagaalamay ee gobolka Hiiraan. The post Dagaal Beeleed khasaaro Geystay Oo ka dhacay G/Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-221218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada online)-Dowladda Burundi ayaa shaacisay inay dhimeyso tirada ciidamada ka joogo dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya. Saraakiil u hadashay dowladda Burundi ayaa sheegay in ciidamadooda ka jooga Soomaaliya ay kala baxayaan qaarkood kahor bisha Febraayo ee sanadka soo socdo, sabab la xiriirta Codsi kaga yimid Midowga Africa. Saraakiisha ma aysan shaacin codsigaasi wuxuu yahay, balse waxay sheegeen in laga doonaayo in askarta qaarkood ay dib ugu labtaan dalkooda, sida lagu sheegay qoraal uu shaaciyay afhayeen u hadlay ciidamada. “Soomaaliya waxaa inaga joogo Ciidamo gaaraya 5,400 waaxana nahay wadanka labbaad ee ciidamada ugu badan ugu deeqay Soomaaliya marka laga soo tago Uganda , waxaana inoo qorsheysan in ilaa 1,000 kamid ah ciidamadeena aan kala soo baxno, waana codsi ay midowga Afrika inaga codsadeyn” ayuu sheegay afayeen u hadlay ciidamada difaaca ee Burundi. Afhayeenka ayaa ugu dambeyn sheegay in ciidamadooda jooga Soomaaliya la gacan bidxeeyo oo aysan lamid aheyn ciidamada kale ee ku sugan Soomaaliya, taasi oo dhalisay shaki badan. Wuxuu sheegay in ciidamada Burundi ee Soomaaliya joogo la gacan bidixiyeey , isaga oo carabka ku dhuftay in qalabka ay ku howlgalaan uu yahay mid liita marka loo eego qalabka ciidamada kale ee AMISOM ay ku howlgalaan. Waxaa meesha ka cad inay hadda oo la joogo waqtigii ciidamada Burundi ee jooga Soomaaliya iyo guud ahaan AMISOM laga yareyn lahaa Soomaaliya uu shaacinayo dhibaatooyinka heystay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jowhar (Caasimada Online)-Taliska ciidamada qeybta 27 aad oo tagay magaalooyin ka tirsan Shabeelaha Dhexe ayaa codsi u diray ciidamada macaawiisleey oo ah ciidamo is abaabulay oo kusugan Shabeelaha Dhexe. Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamada xooga dalka Korneyl Maxamuud Koronto ayaa shaaciyay in ciidamada Macaawiisleey ay ka taageeri doonaan dhamaan waxyaabaha ay doonayaan si ay ula dagaalamaan Al Shabaab. Wuxuu sheegay in hal arin darteed ay kaga codsanayaan macaawiisleey dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, taasi oo uu ku sheegay inay iyaga si wanaagsan u yaqaanaan Al Shabaab, deegaanada ay kaga sugan yihiin Shabeeaha Dhexe iyo qaabka loola dagaalamo. Sidoo kale wuxuu sheegay in kooxdaan ay Al Shabaab ka ceshanayaan Ceelashooda iyo xoolahooda, sidaasi daraadeedna ay ka taageeri doonaan wax walbaa oo ay u baahdaan, kadib markii uu kula kulmay deegaan hoos taga degmada Cadale. Sareeyo Guuto Maxamuud Koronto ayaa tilmaamay in la is bari doono Ciidamada Dowladda ee ka howlgala Deegaanada Hir-Shabeelle iyo Kooxda Macawiisley, taliska Ciidanka Xoogga Dalkane ay ku wargeliyeen in Xuquuq lasiin doono, sida uu hadalka u dhigay. Saraakiil katirsan Kooxda macawiisleey ee ka dagaalanka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in si iskood ah ay isku abaabuleen, kadibne ay go’aan ku qaateen in ay la dagaalamaan Al-Shabaab, walina ay la dagaalami doonaan Al Shabaab xitaa haddii ay taageero waayaan. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimaa@live.com
-
Beledweyne (Caasimada Online)-Taliska ciidamada booliska Magaaada Beledweyne ayaa soo saaray amaro cusub oo la doonayo in laga dhaqan geliyo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Amaradaasi ayaa ku wajahan dadka heysta gaadiidka lagu dahaaray muraayadaha Madow iyo mootooyinka Bajaajka ee lagu qurxiyo daahyada, kuwaasi oo ku badan magaalada Beledweyne. Taliyaha Saldhiga Booliska Beledweyne Gaashaanle dhexe Maxamed Macow ayaa si cad u sheegay in amarkaasi la doonayo in si dhaqso ah loo dhaqan geliyo, maadaama gaadiidkaasi dhibaatooyin badan dadweynaha ay ku qabaan. Wuxuu sheegay in Bajaajta leh daahyada iyo gaadiidka yaryar ee leh muraayadaha Madow in lagu sameeyo dhibaatooyinka ka dhanka ah amaanka, isaga oo sheegay in kooxaha burcadda ay ku dhuuman karaan. Horay ayaa maamulka Gobolka Hiiraan iyo laamaha amniga gobolkaas ay u soo saareen amaro noocaan oo kale ah, hayeeshee ma noqon kuwo dhaqangala. Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay in muddo kooban kadib ay sameyn doonaan howlgal ka dhan ah gaadiidka muraayadaha madow leh iyo mooyinka, isaga oo sheegay dadkii fuli waaya amarka in xabsiga la dhigi doono. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sidii xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay u go’aansadeen inay ka laabtaan mooshinka. Inkasta oo la sheegay sababo badan, oo ay ugu weyneyd inay u tanaasuleen danta qaranka, haddana xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa, in heshiis shaqsiyan ah oo uu galay Mursal ay ku qasabtay xildhibaanada inay ka tanaasulaan mooshinka. Xildhibaan codsaday in magaciisa la shaaciyo oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Mursal la aamusiyey oo uu ku ballan furay. “Waxaa jira tuhunno badan, balse Mursal wuu ka dhaartay inuu lacag qaatay, wax ay ahaataba, waa nagu ballan-furay dhabarka ayuuna naga toogay” ayuu yiri xildhibaanka la hadlay Caasimada Online. Xildhibaan kale ayaa isna Caasimada Online u sheegay in marnaba aysan tanaasulin, balse haddii Mursal diiday in mooshinka horey loo sii dhaqaajiyo ay danta qasabtay inay ayagana ka haraan. “Markii horeba ma jirin tiro nagu filan oo aan ku ridi karnay madaxweynaha, balse haddii Mursal la heshiiyey dowladda, oo labadiisa ku xigeenna ay markii horeba la safnaayeen dowladda, wax aan sameyn karno ayaan jirin” ayuu yiri. Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa la rumeysan yahay inay ku dhow yihiin 90, hase yeeshee in la rido madaxweynaha waxay u baahan laba meelood saddex mele xubnaha laba aqal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhawr iyo labaatan cisho ayaa inaga xiga doorashada Madaxweyne ee maamulka Puntland, doorasho noqoneysaa middii ugu xiisaha badneyd abid intii uu maamulkaas jiray. Xiisaha waqtiga ayaa ugu wacan saameynta ay dowladda dhexe ku leedahay dhaq dhaqaaqa Garoowe ma aha mid sahlan, Imaarat ayaan isna dab yar shideyn. Dowladda dhexe waxa ay aad ugu dadaaleysaa in ay soo saarto musharax qarsoon oo iyada ku xiran, wallow ay jiraan shaqsiyaad la tuhmayo sida Ina Diyaano, Jabiye iyo Cali Xaaji Warsame, hadana cabsi badan ayaa jirta oo ku saabsan in ay jiri karaan tiro kale oo qarsoon. Hase ahaatee, xisaab ahaan ayaa loo sii saadaalin karaa guusha Nabad iyo Nolol iyo guuldarradooda. GUUSHA NABAD IYO NOLOL Dowladda dhexe waxa ay si buuxda ugu guuleysan kartaa haddii ay gacanta ku dhigto 17 xildhibaan ee Beesha Sool clan ku matalaa golaha wakiilada Puntland. Hadda waxaa u xil saaran arrintaas Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas ee Cabdixakiin Cabdullaahi Camey oo soo xulistooda ay aad ugu dagaalamayaan Cabdiweli Gaas. Taas, waxaa caddeyn u ah labadii guddi ee ay soo kala saareen dhawaan oo si weyn u magic dilay maamulka 20 jirka ah oo aysan sidaas oo kale hore uga dhicin. Si kastaba, ma caddaa in Camey ku guuleysan doono inuu dhammaan xildhibaanada beeshiisa isaga soo xulo, balse haddii ay taas dhacdo, waxay dhabarjab weyn ku tahay Cabdi Weli Gaas. SAAMEYNTA XILDHIBAANADA Sool clan Marka hore aan ogaanno saami qeybsiga xildhibaanada Puntland. Miisaankaas waxaa kuu soo baxaya sida ay saameynta doorashada Madaxweyne ugu leeyihiin xildhibaanada Sool clan. Caadiyan 31-ka Majeerteen iyagaa is xifaaliya oo isu kala saara Maxamuud Saleebaan iyo Majeerteen intiisa kale, kuwii xulufu la noqda 17-ka Sool clan ayaa mar walba ku guuleysta Madaxweynaha Puntland. IS AFGARADKII HORE/ GENTLEMAN AGREEMENT Maxamuud Saleebaan (Cumar Maxamuud, Cismaan Maxamuud iyo Ciise Maxamuud) waxaa hore uga dhexeeyey is afgarad ah in uu Madaxweyne noqdo shaqsi saddexdaas Ilma Saleebaan ka soo jeeda halka Ku Xigeeen uu mar walba ka soo baxo iyada oo aan lagula tartamin Sool clan. Hase ahaatee, doorashada sanadkan laba sababoodba iskaashigaas Maxamuud Saleebaan iyo Sool clan meesha wuu uga bixi doonaa NABAD IYO NOLOL Dowladda dhexe waxa ay juhdi ballaaran galineysaa sidii ay u heli lahayd 17-ka Sool clan oo ay ugu xoojin lahayd yar yarka kale taas oo sahleysa in musharax a wataan uu soo boxo. NO MORE MAXAMUUD SALEEBAAN Waxaa sidoo kale iskaashigaas jebin kara dareenka kacsan ee NO MORE Maxamuud Saleebaan oo 20-kii sano ee ay Puntland jirtay hagbad ahaan isugu dhiidhiibayey, taas oo ka dhalatay in Dhulkii Sool clan oo dhan gacanta ka boxo, East Sanaag Clan sii socdo, Leelkase Galmudug doonayo halka Cali Saleebaan ay Daacashi isugu biyo shubteen. Dhammaan qodobadaas kor ku xusan waxa ay lagama maarmaan ka dhigi doontaan in sanadkan Madaxweyne Nabad iyo Nolo ah ku guuleysto xilka ugu sarreeya ee Puntland. W/Q: Mahad Cabdullaahi Jaamac Garoowe, Puntland, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga waxa uu ku jiraa halgan aan suurtagal ahayn oo uu aqoonsi ugu raadinayo Somaliland. Odinga waxa uu horseed ka ahaa ol’olaha aqoonsiga loogu raadinayo Somaliland si ay u noqoto dal madax bannaan, waxaana loo arkaa saaxiib qiime leh marka ay timaado in Somaliland ay ka go’do Somalia. Magacaabistiisii Midowga Africa ee ah Ergeyga sare ee horimarinta Africa waxaa si weyn looga soo dhaweeyey Hargeysa, iyaga oo rejeynaya in Odinga oo saaxiib la ahaa uu maamulka ka caawin doono sidii ay u raadsan lahayd aqoonsi. Mr Odinga waxaa lagu waday in uu shirkii maalgashiga ee Somaliland ku qabsatay Nairobi ka noqdo marti sharaf sare. Sida laga soo xiganayo xafiiska Somaliland ee Nairobi, shirkaas laba maalmood ahaa waa kii ugu weynaa ee ay Somaliland ku qabsato Africa halka mid noociisa oo kale ah hore loogu qabtay London. “Waxaan u isticmaaleynaa shirkan sidii Somaliland loogu furi lahaa Kenya iyo maalgashiga wadamada Bariga Africa,” waxaa sidaas yiri ergeyga Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cumar. “Waxaa jira meelo badan oo aan ka wada shaqeyn karno Kenya iyo wadama Bariga Africa. Waxaan dooneynaa dhoofka baayac mushtarka Kenya, halka anagana aan u iibgeyno xoolaha Kenya,” ayuu ku daray. Waxaa sidii oo kale laga wada-hadlayey iskaashi dhexmara Dekedda Berbera iyo midda Mombasa. Somaliland sidoo kale waxa ay dooneysaa in duullimaadyo toos ah oo Nairobi iyo Hargeysa ah ay bilowdo, sida laga soo xiganayo Baashe taas oo sare u qaadeysa isdhexgalka ganacsi ee muwaadiniinta labada dhinac. Kenya Airways waxa ay hore u muujisay sida ay u dooneyso duulimaadyo toos ah oo ay ku tagto Hargeysa. Dalka Kenya waxa uu raadinayaa ganacsi iyo heshiisyo siyaasadeed oo uu si toos ah ula galo Hargeysa halkii uu Muqdisho lala gali lahaa. “Kaalaya nagala shaqeeya dhisidda dalkan weyn ee Somaliland; waxaan haysannaa fursado badan,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Yaasiin Maxamed Xiir (Faratoon). Marka laga yimaado ganacsiga, shirkii labada maalin socday waxaa looga ol’oleeyey aqoosniga Somaliland. Raila Odinga oo si weyn ula socday xasaasiyadda arrinta iyo gadoodka ka imaan kara dowladda Somalia waxa uu ka baaqday shirkii Somaliand ee uu ka casuunnaa. Hase ahaatee, taas kama reebin in uu si qarsoodi ah kulan ula yeesho wafdigii Somaliland. Mr Odinga kali kuma ah u ol’oleeynta aqoonsi raadinta Somaliland, Xoghayaha Ganacsiga ee Kenya Peter Munya ayaa isna si teel teel ah ugu ol’oleeyey kiiska Somaliland gaar ahaan xilligii uu ahaa gudoomiyaha barasaabyada Kenya. Somaliland waxa ay ka mid tahay suuqa qaadka Kenya ugu weyn halka Munya gobolka uu ka soo jeedo ee Meru uu soo saaro Qaadka ugu Badan ee Kenya. Waxaa mudan in laga war sugo in Odinga ol’olihiisa aqoonsi raadinta Kenya ku guuleysto balse waxaa xusid mudan in uu dadaalka ka billaabayo Nairobi, dalkiisa Kenya. Mawqifka dowladda Kenya ee madax bannaanida Soomaaliya Sida laga soo xiganayo xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya Ababu Namwamba, Kenya wali ma soo gaarin codsi rasmi ah uu ku saabsan arrinta aqoonsiga, haddii ay timaaddo, “Waxaa lagu salleyn doonaa ruuxiyad wanaagga qaraarkii Midowga Africa ee xushmeenayey madax bannaanida iyo karaamada dalalka xubnaha ka ah.” “Waxaan qadarin u haynaa in Soomaaliya tahay Federal iyo daris wanaagsan. Shaqada hadda socota waa in la dhiso Federal mideysan, Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah,” ayuu mas’uulka Wasaaradda Arrimaha dibedda yiri. Si tani ku dhacdo, waa in dadka ay quseyso ee maxaliga ah, gobolka iyo bulshada caalamka ay muujiyaan sida ay u daneeynayaan, haddana waxa ay caddeeyeen diidmadooda ah aqoonsiga Somaliland. Hadda waa mid xilli dambe ku ah Somaliland in ay hore u waddo oo ay iyadu hoggaanka u qabato dadaalka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Caqabadaha Sooyaalka taariikheed ee doorashooyinka Soomaaliya oo ah in aan nin mar la doortay mar kale dib loo dooran. Madaxweyne Gaas 5 tii sano ee uu xukunka hayay kuma tallaabsan guulo la taaban karo oo shacabka iyo xubnaha baarlamanka wax dooranaya ku qancin kara in dib loo doorto, waxaana jira in amniga uu aad u liito oo maanta Bossaso saddex cashuurood laga qaado ganacsata ; mid ay qaado Dawladda , mid ay qaato Shabaab iyo mid ay qaato Daacish, waxaana sare u kacay weerarada lagu khaarajinayo askarta iyo ganacsatada magaalada Bossaso. Kaabihii dhaqaale ee ugu muhiimsanaa Puntland oo Bossaso ah ayuu ku wareejiyay heshiis mugdi ku jiro oo keenay in ilaa hadda ganacsato iyo shacab badan reer Puntland u arkaan bililiqo cad iyo wareejinta dekaddii kaliya ahayd ee Puntland ku taamaysay, iyadoon ilaa hadda wax shaqo ah aanay ka qaban shirkaddii lagu wareejiyay. Kaaabyaashii dhaqaalaha oo aanu wax la shaeego ka qaban marka laga yimaado dhamaystirka garoomada Bossaso iyo Garowe oo xilligii Faroole soo bulaamay, waxaana fashil ku yimi mashruucii wadada isku xirta Garowe iyo Galkacayo oo ahaa mashruuca kaliya ee uu bilaabay , sidoo kale waxaan fari ka qodnayn mashruucii dhismaha wadada Ceeldaahir Baran. Waqtigii shanta sano ahaa waxaa baahay musuqmaasuqa ilaa heer xitaa mashruucii Baanka Aduunka uu istaagay ka dib markii si bareer ah loo musuqmaasuqay shaqaalihii loo qaadanayay wasaaradaha , taas oo keentay in baarlamanku kala diro maamulka hay’adda shaqaalaha rayidka ah, waxaana ilaa hadda aan la bilaabin kabista mushaaraadka shaqaalaha dawladda , maadaama Puntland ay buuxin wayday shurudihii dib habaynta maaliyadda iyo shaqaalaah sida Jubbaland oo ah maamul goboleedka kaliya ee Baanku shaqaalaha u kabo oo shuruudaha qayb ahaan kasoo dhalaashay. Waxaa Meesha ka baxay tayadiiw asaaradaha oo noqday qalfoof tiro badan oo tayo daran , iskuna wada haysta mashaariicda kooban ee kasoo dhaca deeq bixiyaasha. Waxaa mushaar la’aan kusoo dhacay shaqaalaha dawladda iyo ciidanka iyada oo hay’adaha garsoorka oo kale ay sheegeen in ilaa laba sano celclelis aanay helin mushaar , kaas oo ah mid lagu tilmaamay mushaar la’aantii ugu dheerayd ee abid so marta Puntland. Waxaa dhacday in Soomaaliland la wareegto Tukaraq oo dhul hor leh ka qabsato Sool, waxaana markii ugu horaysay Muuse Biixi ku hanjabay inuu weerarayo caasimadda Garowe , taas oo muujisay habacsanaanta xukunka Gaas iyo sida uu ugu fashilmay difaaca xuduudaha Puntland iyo soo celinta Laas-caanood. – Waxaa kordhay walwalka laga qabo burbur ku yimaada hannaankii maamul ee Puntland , waxaana hoos u dhacay maqaamkii ay Puntland ku lahayd heer federal . Badi musharixiinta oo ay suurtagal tahay inay u midoobaan ridista Gaas waa caqabad kale oo laf dhuun gashay ku ah Gaas – Xildhibaanada oo xitaa haddii qaybi ku qanacsantahay dib u doorashada Gaas , walwal badan ka qabi kara xaaladda amni ee Puntland , iyadoo ay dhici karto in carashada shacabka keento in xildhibaanada noqdaan kuwa bartilmaameed sharciyaysan u noqda dilal qorshaysan oo ay fuliyaan kooxaha xagjirka oo ka faa’idaysanaya carada dadwaynaha . Fursadaha uu Haysto MADAXWEYNE Gaas. Fursadaha Gaas MADAXWEYNE Gaas waxaa lagu tilmaamaa nin qabaw oo aan eed gaara dadka reer Puntland ka gelin, islamarkaasna ku dadaalay inuu yareeyo caburinta dadka siyaasad ahaan uga soo horjeeda. Musharixiinta ugu badan ee u taagan jagada madaxtinimada oo kasoo jeeda gobolka Karkaar ayaa kuwooda ugu cad cad waxaa ka dhex jira khilaaf ba’an oo u suurta gelin kara Gaas inuu guulaysto MADAXWEYNE Gaas waxa uu leeyahay khibrad dhanka laaluushka iyo kasbashada isimada qaarkood isaga oo si musuqmaasuqa uga codsanaya qaarkood inay ku taageeran saxiixa si uu u la soo baxo xubno baarlamaan oo codka siiya, waana farsamo la leeyahay waxa uu ka bartay Muqdisho iyo xilliyadii oo federaalka RW ka ahaa. MADAXWEYNE Gaas waxa uu ka faa’idaysan karaa niyad jabka xildhibaanada qaar ka haysta isbedel yimaada , taas oo keeni karta inay isku qanciyaan in intii wax aan la aqoon imaan lahaa xukunka loo dayo MADAXWEYNE la yaqaan oo aan xaalka laga dhigin ka dar oo dibi dhal. MADAXWEYNE Gaas waxa uu haystaa malaayiin doolar oo uu ku awoodo inuu ku laaluusho xubnaha baarlamanka taas oo keeni karta in haddii xubno badan oo lacag doona soo galaan baarlamanka ay door bidaan lacagta oo dib u doortaan MADAXWEYNE Gaas . Ka faa’idaysiga guux ka dhex jira qaybo ka mida danlayda siyaasadda Puntland oo ah in sanadka la jabiyo qaabka hagbadda ama meertada xukunka ee gobolada Karkaar , Nugaal iyo Mudug , isaga oo ku qancin kara qaybo ka mida xildhibaanada in hagbadda la jabiyo, waana qorshe uu gadaal ka riixayo Gaas maadaama uu yahay musharaxa ugu culus ee tartanka ugu adag la geli doona musharixiinta badan ee kasoo jeeda Gobolka Karkaar. W/Q: Cabdiraxman Yuusuf dareenwadaag2020@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Kampala (Caasimada Online) – Jaamacad ku taal dalka Uganda ayaa gabdhaha dhigta ogeysiis la yaab leh u soo dhajisay. Ogeysiiska waxaa laga mamnuucay xirashada goonooyinka gaagaaban, dhagaha, katiinadaha qoorta, funaanadaha ama shaararka gacmo gaabyada ah, rinjiyenta cinjiyaha iyo xirashada surwaalada iyo waxyaabo kale oo badan. Jaraa’id maxali ah oo loo yaqaan ‘New Vision’ ayaa Khamiistii daabacay in Jaamacada Bugema ay soo saartay ogeysiiska si ay u xoojiso adkeynta ‘Dhaqan Wanaagga.’ “Ma jiro arday la soo laabanaya waxyaabaha kor ku xusan Semester-ka dambe. Dambiileyaasha waxa ay wajihi doonaan gudiga asluubta iyo tallaabo adag,” ayaa lagu yiri ogeysiiska. “Ardayda waa in ay la soo laabtaan waxyaabaha kor ku xusan Semester-ka dambe.” Dean-ka ardayda George Mupaghasi ayaa u sheegay Majaladda New Vision in ay xoojinayeen sharciyada oo ardayda loo sharraxo marka ay Jaamacadda ku cusub yihiin. “Waan u sheegi jirnay ardayda sharciyadan, gaar ahaan marka soo dhaweynta loo sameeynayo laakiin niyad jabkeena, qaar ka mid ah waxa ay noqdaan dambiileyaal labis dhaqan xun,” ayuu George Mupaghasi yiri. Bugema University waxa ay xiriir la leedahay madhabka diinta Christian-ka ah ee Seventh Day Adventist waxaana markii hore uu ahaa School diimeed ay wax ku bartaan macallimiinta iyo wadaada. Markii dambe waxa ay bilowday bixinta kuliyado kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Kampala Caasimada@live.com
-
(SLT-Wajaale) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cumar iyo wefti uu hoggaaminayo. Kulankan oo ka qabsoomay magaaladda xuduudda labada dal ku taalla ee Wajaale, ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ku qaabilay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cagjar iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminay, waxana uu u gelbiyey dhinaca Waqooyi ee magaalada Wajaale ee gudaha Somaliland, iyada oo kumannaan kamid ah shacabka reer Tog-wajaale ay caleemo qoyan kusoo dhaweeyeen weftiga labada madaxweyne ee magaaladaas kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay. Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana loo dardargelin lahaa iskaashiga dhinaca amniga, ganacsiga iyo isu socodka leh, ayaa muddo saacado ah qaatay, waxana markii uu soo dhammaaday saxaafadda uga warbixiyey Wasiirka Warfaafinta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin iyo Afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana ay si isku mid ah u caddeeyeen inay labada madaxweyne si hufan uga munaaqashoodeen arrimo door ah oo la xidhiidha danaha guud ahaan ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ugu horrayn afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo waxyaabihii ay labada madaxweyne kulanka kaga hadleen sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey, ayaa tilmaamay in kulankaas si gaar ah diiradda loogu saaray arrimo ay ugu mudan yihiin amnniga, maalgashiga iyo iskaashigu, isla markaana la isla gartay abuuridda guddiyo door ah oo danaha labada dal ka shaqayn doona, waxana uu yidhi, “Waxa kulanka lagaga wada hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xidhiidhka labada xoojinta nabadgelyada iyo amniga, iskaashiga iyo horumarinta maalgashiga iyo dhaqaalaha. Waxyaabaha kale ee lagaga wada hadlay waxa kamid ahaa sii ambo qaadka iyo sii adkaynta xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo la isla qaatay in la abuuro guddiyo ka shaqayn doona arrimaha masiiriga ah iyo horumarka labada dawladood ka dhexeeya, kuwaas oo ay kamid yihiin guddiyada Amniga iyo nabadgelyada, ganacsiga iyo isu socodka iyo guddida horumarinta xuduudaha.” Wasiirka Warfaafinta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin, ayaa isaguna dhinaciisa hoosta ka xarriiqay inay labada madaxweyne kulankooda kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha isbeddelada ka socda geeska Afrika iyo dardargelinta iyo ka midho dhalinta heshiisyadii ay Somaliland iyo dawladda Federal-ka Itoobiya hore u kala saxeexdeen, waxana uu yidhi, “Qodobadda laga wada hadlay, waxa ay laf-dhabar u yihiin guud ahaanba Geeska Afrika koboca dhaqaale ee ka jira, waxana ugu muhiimsan in lasii xoojiyo lana dardargeliyo heshiisyadii ay hadda ka hor galeen Somaliland iyo dalka Itoobiya, in goobaha xadka ah oo dhan laga sameeyo horumar wada jira, guddiyada la dhisayaana waa guddiyo sii dardargelinaya wixii hadda ka hor jirey.” Wasiirku waxa uu raalligelin ka bixiyey hadalo hore uga soo yeedhay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo nuxurkiisu ahaa walaac la xidhiidha nabadda iyo ammaanka ka jira Somaliland. “Runtii arrintaasi hadal uu madaxweynuhu hore idaacada uga yidhi bay ahayd, sida uu u yidhi iyo sida loo qaatayna laba aad u kala fog weeyaan, maantana golihii wasiirrada ee goobta fadhiyey iyo labada madaxweyne si ballaadhan bay arrintaas uga hadleen, haddii ay qalad u qaateenna raalligelin buuxda ayaannu ka bixinay, shacabkana waxannu leenahay waad ka raalli ahaanaysaan, Somaliland-na waa waddanka noogu xiga ee deriska nala ah meel ay nabadgelyo ba’ani ka jirtona ma aha,” ayuu yidhi wasiir warfaafinta dawlad-deegaanka Itoobiya, Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin. Sidoo kale, labada madaxweyne waxa ay la kulmeen ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland, waxana halkaas lagu hogo-tusaaleeyey baahida loo qabo inay ganacsatadu u gudubto hannaanka maalgashiga labada dalka, si loo sii xoojiyo wax soo saarka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee labada waddan. Kulanka kadib, waxa ay labada madaxweyne u tallaabeen dhinaca xuduudda Itoobiya ee magaalada Wajaale, waxana ay kulan kale oo waqti kooban qaatay ku yeesheen Huteelka Madar ee daanta Koonfureed ee magaalada Wajaale. Source
-
Burundi told to cut force in Somalia under African pullback
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
FRIDAY DECEMBER 21 2018 NAIROBI, The African Union has asked Burundi to reduce its contribution to an African peacekeeping force in Somalia by a thousand [...] Source -
Taariikh: 20/12/2018 Tixraac: SSE/DK- 081/20122018 Shirka Machadka Heritage uu ku qabtey Dalka Jabuuti iyo kuwa la mid ahba dan uma ahayn, umuna ahaanayaan Jamhuuriyadda Somaliland Dallada kulmisa Ururada Somaliland ee Yurub (SSE) waxy si dhow isha ugu haysaa dhaqdhaqaaqyada ay gudaha iyo dibedda ka wadaan kuwa ka soo horjeeda Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay dalladdu aad ula socotaa cadowga ku soo gabbanaya magacyada ururrada bulshada iyo Mac-hadyada cilmi-baadhista sheegta inay madax bannaan yihiin ama dhexdhexaad yihiin. Iyadoo mawqifkeedaasi ilaalinta qarannimada ku hawlan, waxay Dalladu daba-gal ku samaysay hagar daamooyinka Mac-hadka Heritage Institute uu ku hayo JSL (Jamhuuriyada Somaliland). Ma aha markii ugu horreysay ee Mahadkani u dhexgalay arrimaha wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo 2013kii markii la aasaasay oo uu ka faalooday wadahadalaas, wuxuu noo muujiyay in uu lid ku yahay qaranamida iyo jiritaanka Somaliland, waxaanan faaladooda ka soo saarnay 16kii May 2013kii Bayaan faahfaahsan. Sidoo kale masuulka Machadka Heritage wuxuu Somaliland keeney mashruuc la yidhaahdo Fursad fund mashruucaas oo dhalinyarada reer Somaliland Muqdisho loogu dirayo ,dalada SSE waxay ka dacweysey dawlada Somaliland mashruucaana waa la xidhey waana laga mabnuucey Somaliland. Waxaa nasiib daro ah in Shirkan bishan Diisambar 14-18keedii 2018 Machadku ku qabtay Jabuuti, oo la yidhi waxa uu ku saabsanyahay isbedalada ka socda Geeska Africa, ayna si mug leh xukuumada Soomaliya iyo xubno Baarlamaankeeda ka qaybqaateen, ayaa si aan la filleyn uga xaadireen shirkaas muwaadiniin Jamuuriyadda Somaliland ahi oo loo hanweynaa. Waxaa sidoo kale halkaa ka muuqday aqoonyahano u ololeeya mab-da’a Soomaali Weyn, iyo dad geed dheer iyo mid gaaban muddo dheerba u fuulay carqaladeynta madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Jamhuuriyadda Somaliland oo leh Madax iyo Baarlamaan la soo doortay ma ay ka qaybqaadan shirkan ama kulankan lagu qabtey Jabuuti. Arrimaha la xidhiidha wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Xukuumada ayey ummada Somaliland u igmatay. Arrimaha masiiriga ahi wuxuu u yaallaa oo keli ah cidda dastuurka iyo xeerarka dalku u banneeyay. Wixii intaa dhaafsiisan waxay abuureysaa fawdo iyo kala dambeyn la’aan. Aqoonyahanka iyo ururada bulshada Somaliland waxa ku waajib ah inay ka digtoonaadaan hagardaamooyinka ay wadaan hay’adaha Soomaliya ka soo jeedaa oo ay ka mid yihiin Heritage Institute. Dalladu waxay ugu baaqaysaa hay’adaha kala duwan ee dawlada, ururada guud ee bulshada, kuwa aqoonyahanka, kuwa dhalinyarada, kuwa dumarka iyo guud ahaan shicibka reer Somaliland inay ka digtoonaadaan qorshayaasha lagu wiiqayo qaranka Somaliland isla markaana ay ixtiraamaan doonista dadka reer Somaliland oo ah sidii loo gaadhi lahaa himilada Qaran Somaliland oo dunida laga aqoonsanyahay. Allah ayaa mahad leh, Guddiga fulinta ee Dallada SSE Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh: 00 45 25 53 93 15 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qarax ayaa la sheegay inuu ahaa baabur lagu xiray waxyaabaha qarxa, waxaana uu ka dhacay bar kontrool oo ku taalla isgoyska dabka. Goobjoogayaal ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga qarxay uu ahaa kuwa raaxada. Barta kontorool ee uu qaraxa uu ka dhacay ayaa la sheegay inay joogeen ciidamada dowladda Soomaaliya, balse wax dhibaato ah kama soo gaarin qaraxa. Inta la ogyahay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa. Saraakiil ka tirsan dowlada ayaa sheegay in qofkii waday gaariga uu baxsaday. sawirro laga soo qaaday gaariga qarxay ayaa muujinayay burbur soo gaaray gaariga oo nuuciisa uu yahay PREMIO. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdishop ( Sh.M.Network):-Sida Goob Joogayaal Shabelle u xaqiijiyeen waxaa Caawa Qarax uu ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay Gaari walxaha Qarxo ay ku hilan yihiin kaas oo Darawalkii waday uu uga cararay Kontrol ku yaalla Isgoyska Dabka. Lama Oga Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi , waxaana meesha wax ka dhaceen lagu arkayaa Gaadiidka Ambalaasta. Wariyayaasha Shabelle ayaa u kuur galaya sida wax u dhaceen , annagoo idiinla soo socodsiin doona hadba wixii ku soo kordha weerarkaasi. The post Qarax Goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-211218.mp3 The post Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xildhibaannada la baxay kutladda Badbaado Qaran ee Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah, ayna ku jiraan xildhibaanno matalaya Nabadda, Himilo, Ilays, UPD iyo kuwa kale, ahaana kuwii mooshinka ka keenay madaxweyne Farmaajo ayaa war murtiyeed maanta soo saaray, iyaga oo sheegay inay ka tanaasuleen Mooshinkii ay 9-kii bishan ka gudbiyeen Madaxweynaha. Qoraalka Halkan Ka Akhri: Source: goobjoog.com