-
Content Count
207,150 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa markale qarax uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeyn halka kii hore uu ka dhacay oo ku dhow Tiyaatarka Muqdisho. Qasaaraha rasmiga ah si dhab ah looma oga hayeeshee qaraxydaan ayaa geeystay qasaarooyin kala duwan. Faah faahinta dib kala soco insha allah . Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax Labaad oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax Labaad oo aad u xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa. Qaraxa labaad ayaa ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon, waxaana uu daqiiqado ka dambeeyay qaraxii koowaad ee dhacay. La soco faahfaahinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay bar koontarool oo ku taalla agaarka xarunta Tiyaatarka ee M/ Muqdisho. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo khasaaraha uu geystay intaba. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib Rasaas xoogan laga maqlay halkaasi. Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa ku sii qul qulaya goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo daabulaya dadka ay waxyeeladu ka soo gaaray. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo xiray Waddada uu qaraxu ka dhacay. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha:- The post Qarax xoogan Oo goor dhow ka dhacay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Gaas kuna taariikhaysnayd 22 December 2018, ayaa [...] Source
-
A huge explosion was heard in the heart of Mogadishu on Saturday morning, witnesses said. The blast has resulted from a car packed with explosives that was detonated near Somalia’s National Theatre. There was no immediate confirmation of the casualties. Developing story, more soon. The post Loud explosion heard in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaaro badan geystay. Lama xaqiijin ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ka dhacay agagaarka dhismaha Guriga Hooyooyinka, waxaase la arkayay uuro cirka isku shareertay iyo rasaas badan oo dhaceysay. Qaraxa ayaa rasmi ahaan kaga dhacay goob shaax laga cabo oo ku taalo agagaarka Hooyooyinka. Burbur xoogan ayuu geystay qaraxa oo aad u xooganaa, waxaana socda dadaalo loogu gurmayo dadka waxyeelada ay soo gaartay. La soco faahfaahin dheeri ah.
-
Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa sheegay in halkaasi khasaare uu ka dhashay, balase lama oga inta khasaaraha rasmiga ah uu la egyahay. Degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa laga wada maqlay guud ahaan qaraxaasi, iyadoo halkaasi ay hadda gaareen gaadiidka gurmadka ah. Ciidamada ammaanka ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay gaaray. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Goordhow magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa ka dhacay qarax aad u culus. Jugta qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka xarunta Tiyaatarka qaranka oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya. Majirto faah faahin badan oo laga helayo qaraxaasi iyo qasaaraha uu geeystay. Faah faahinta dib kala soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Deg Deg: Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Mudug,Xassan Maxamed Khaliif(Abgaalow). Dikreeto Sabtida saaka ah ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo xilkii looga qaaday mudane Abgaalow ayaa sidoo kale lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug,Cabdulqaadir Xuseen Nuur(Dirir). Abgaalow ayaa xilkan loo magacaabay 23 December sannadkii 2015,wuxuuna xafiiska joogay mudda saddex sano ah. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweyne Gaas oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo dhawaqiisa laga maqlay magaalada Muqdisho. Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho. Dhawaqa Qaraxa oo xooganaa ayaa laga maqlay xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana adag in la ogaado halka ay rasmi ahaan qaraxu kaga dhacay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka. La soco Goordhow Faahfaahinta Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Burbur Xoogan ayaa ka muuqdo waddo ay inta badan adeegsadaan madaxda dowladda Soomaaliya oo dhowr Talaabo u jirta madaxtooyada Soomaaliya. Wadada oo ah isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho ayaa burbur xoogan uu ku yimid kadib markii ay badatay wasaqda iyo biyaha lagu daadiyo wadadaasi oo inta badan ay adeegsadaan madaxda marka ay ka duulayaan garoonka Aadan Cadde. Biyaha lagu soo daadiyo ayaa waxa ay sababeen in bartamaha isgoyska uu boholo yeesho oo ay biyaha fadhiistaan, waxa ayna boholhaasi saameyn xoogan ku yeesheen gaadiidka kala duwan ee wadadaasi isticmaala. Sagaalkii June ee sanadkaans ii dhamaanaya ayaa wadadaasi xariga laga jaray iyadoo dhisme lagu sameeyay, mana jirin cid isku xilsaartay inay ka ilaaliso wasaqda ay dadka deegaanka kusoo shubaan. Marka laga soo tago in wadadaani ay shacabka ku dhib qabaan waxa kale oo xusid mudan in amni darro ay ka dhalan karto, maadama ay sahlantahay si fudud waxyaabaha qarxa loogu aaso maadama ay burbursantahay oo ay boholo leedahay.
-
Khartuum ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba albaabada la’isugu laabo Jaamacadaha ku yaalla dalkaasi, kadib markii ay Wadankasi ka dhaceen Mudaharaadyo rabshado wata oo ay soo abaabuleen kooxaha Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda Xukuumadda Al-Bashiir. Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya qiimaha Maciishada dalkaasi oo sare u kacday, waxaana illaa iyo hadda Dibadbaxyadaasi ku dhintay 8 ruux oo rayid ahaa. Soomaali badan ayaa ku nool dalka Suudaan, kuwaas oo inta badan u jooga arrimo Waxbarasho. Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed oo ka hadlay arrinkan ayaa sheegay in saameyn xoogan uu ku yeeshay go’aankan, maadama dalkaasi ay u joogaan Waxbarasho. Madaxweyne Al-Bashiir oo 74 jir ah ayaa xukunka dalkaasi ku qabsaday afgambi sanadkii 1989-kii, waxaana iminka dadka shacabka ah ay dalbanayaan in Kursiga uu baneeyo. Mudaharaadyada haatan socda ayaa laga cabsi qabaa in dalkaasi ay galiyaan qal qal amni iyo mid siyaasadeed intba. The post Go’aan ka soo baxay dowladda Suudaan Oo saameeyay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Gu’jir Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gu’jir) oo saaka la hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa bulshada gobolka Nugaal ugu baaqay, in si wadajir ah looga shaqeeyo amniga iyo xasiloonida,xilli ay maalmo kooban ka harsan yihiin doorashada madaxtinimada Puntland ee ku muddaysan 8Jennaayo 2019. Guddoomiyaha ayaa sheegay, in amnigu yahay mas’uuliyad-wadareed oo looga baahanyahay qof kasta in uu kaalintiisa ka qaato,islamarkaana la adkeeyo wada-shaqeynta shacabka iyo hay’adaha amniga,iyadoo wakhtigan muhiimka loo diyaar-garoobayo doorashada madaxtinimada Puntland. Mudane Gu’jir wuxuu sidoo kale adkeeyay, in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka bulshada,isagoo ku baaqay in wada-hadal iyo tanaasul lagu dhammeeyo wixii khilaaf iyo kala ra’yi duwaan ah ee yimaada wakhti-xaadirkan. Dhimaca kale guddoomiye Gu’jir ayaa sabtida maanta ah kulan la qaadanaya, qaar kamid ah madax-dhaqameedka gobolka Nugaal iyo saraakiil ka socota hay’adaha amniga oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka sugaya amniga doorashada Sarreeye Gaas Cabdirisaaq Siciid Diiriye oo sidoo kalena ah taliyaha PMPF. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Gu’jir: Amniga iyo wadajirka hala ilaaliyo appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaal beeleed ka socda deegaanka Dudun Cad ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Maxamed Cabdi Cawaale, guddoomiyaha degmada Maxaas oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in dagaalladan ay yihiin kuwo soo noqd noqday 48-kii saac ee lasoo dhaafay. Waxaa ku dhintey in ka badan 10 qof, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay, waxaana weli taagan xiisadda Labada dhinac. Guddoomiyaha Maxaas ayaa ku baaqay in cid walbo oo joojin karta dagaalladaasi u istaagaan joojintooda, xaaladdana la qaboojiyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Wareysiga-Gudomiyaha-Maxaad-Baaqa-dagaal-beeleed-dhacay-Sabti-22-12-2018-by-ziyaad-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhanka ( Sh. M. Netwotk )-Wararka laga helayo Bangladesh ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay Muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalkaasi. Dilkan oo ay fuliyeen kooxo ku hubeysan Toorreeyo ayaa la sheegay in uu ka dhacay bartamaha magaalada Dhaka ee Caasimadda dalka Bangladesh. Marxuumka la dilay ayaa ahaa Wiil Dhalinyaro ah wax ka baran jiray Bangladesh, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan dilka Muwaadinkaasi Soomaaliyeed. Balse Booliska ayaa wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dilkaasi iyo waxa sababay intaba. Bangladesh waxaa ku nool Dhalinyrad badan oo Soomaali ah, kuwaas Waxbarasho u jooga gudaha dalkaasi. The post Muwaadin Soomaaliyeed Oo lagu dilay dalka Bangladesh appeared first on Shabelle. View the full article
-
Midowga Afrika ayaa dalka Burundi ka dalbaday inay dhimmaan ciidamada nabad ilaalinta ee ka jooga gudaha Soomaaliya, waxaa loo sheegay inay 1,000 askari kala baxaan, taasi oo qeyb ka ah hannaanka ay ciidamada midowga Afrika uga baxayaan Soomaaliya. Midowga Afrika oo isticmaalaya Dukoment diblomaasi ah oo ogaysiis afka ah ayaa ka codsaday Burundi inay dhimmista ciidamada ay dhameystiraan February 28, ee sanadka soo socda. AMISOM waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 21,500 oo ciidamo ah, kuwaas oo shaqadoodu tahay inay taageeraan dowladda federaalka ah . Burundi waa dalka 2aad ee ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha Soomaaliya, oo waxaa u joogaa 5,400 halka Uganda ka joogaan 6,200, dalal kale waa Djibouti, Ethiopia iyo Kenya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Ururka Midowga Africa ayaa ka dalbada Burundi in ay dhinto 1000 Askari oo ka mid ah Ciidankeeda ka tirsan AMISOM ee Soomaaliya. Midowga Africa ayaa codsigani u diray dowladda Burundi,kana dalbaday in qorshahani ay fuliso ka hor 28 bisha Feberaayo ee sanadka 2019-ka. Qoraalka loo gudbiyay dowladda Burundi oo ku aadan in qaar ka mid ah Ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya ayaa la sheegay in uu ka soo baxay kulan 30-kii bishii November ee sanadkan mas’uuliyiinta howlgalka AMISOM ay ku yeesheen magalaada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Dalka Burundi ayaa ka mida dalalka Ciidamada ugu deeqay Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM oo gacan ka siiya DFS dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Golaha Amaanka ee QM ayaa soo saaray sanadkii hore qaraar lagu dhimayo Ciidamada AMISOM, islamarkaana amniga dalka loogu wareejinayo Ciidamada Soomaaliya. The post Burundi Oo laga dalbaday in ay dhinto Ciidankeeda Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Bern ( Sh. M. Network )-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa booqday Xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Bern ee Caasimadda Dalka Switzerland. Duqa Caasimadda dalka Switzerland Mudane Alec Von Graffenried oo Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka labada caasimadood ee Soomaaliya iyo Switzerland, isagoona warbixin ka siiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Dhankiisa, Duqa Muqdisho ayaa uga mahad-celiyey dhiggiisa magaalada Bern marti gelinta iyo soo dhaweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayey oo dalkaas Switzerland kaga qeyb galay shirweynaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha. Eng.Yarisow ayaa la wadaagay Maamulka Dowladda Hoose ee Caasumadda dalka Switzerland horumarka ka socda Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha lagu tayeynayo shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, isagoona u bandhigay dhiggiisa magalaada Bern in ay uga faaiideeyaan Muqdisho khibradda iyo awoodda shaqo ee ay u leeyihiin ilaalinta deegaanka, bilicda, fududeynta isu socodka gaadiidka, dhismaha jidadka iyo dhawrista faya dhawrka. Labada Duq ayaa isku afgartay dhammaan qodobbadii ay ka wada hadleen, waxa ayna isla qaateen Joogteynta wada shaqeynta Maamullada Dowladaha Hoose ee Xamar iyo Bern, iyadoona Eng.Yarisow uu u fidiyey marti qaad rasmi ah dhiggiisa Mudane Alec Von, kaas oo aqbalay in uu booqasho ku yimaado Muqdisho. The post Duqa Muqdisho Oo la kulmay Dhiggiisa dalka Switzerland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxaas ( Sh. M. Network)-Faah Faahinno dheraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Beeleed saacadihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka degmada Maxaas ee G/Hiiraan. Dagaalka oo ahaa mid xoogan, una dhexeeyay laba Maleeshiyo Beeleed ayaa ka dhacay meel 22 KM dhinaca waqooyi kaga beegan degmadaasi. Ugu yaraan 15 Qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka. Maxamed Cabdi Cawaale guddoomiyaha degmada Maxaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi. Guddoomiye Cawaale ayaa sheegay in dagaalkan uu Salka ku hayo arrimo la xariira dhul daaqsimeed iyo Aanooyin Qabiil oo u dhexeeya Beelahaasi. Sidoo kale guddoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Maxamed Cabdi Cawaale ayaa ku baaqay in la soo faragaliyo xiisadaasi Waxaana uu ka dalbaday dowladda dhexe, Galmudug HirShabelle iyo Odayaasha Dhaqanka in ay wax qabtaan colaadaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, inkastoo weli dhinacyadii dagaalamay ay isku hor fadhiyaan goobihii shalay lagu dagaalamay ee gobolka Hiiraan. The post Dagaal Beeleed khasaaro Geystay Oo ka dhacay G/Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-221218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada online)-Dowladda Burundi ayaa shaacisay inay dhimeyso tirada ciidamada ka joogo dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya. Saraakiil u hadashay dowladda Burundi ayaa sheegay in ciidamadooda ka jooga Soomaaliya ay kala baxayaan qaarkood kahor bisha Febraayo ee sanadka soo socdo, sabab la xiriirta Codsi kaga yimid Midowga Africa. Saraakiisha ma aysan shaacin codsigaasi wuxuu yahay, balse waxay sheegeen in laga doonaayo in askarta qaarkood ay dib ugu labtaan dalkooda, sida lagu sheegay qoraal uu shaaciyay afhayeen u hadlay ciidamada. “Soomaaliya waxaa inaga joogo Ciidamo gaaraya 5,400 waaxana nahay wadanka labbaad ee ciidamada ugu badan ugu deeqay Soomaaliya marka laga soo tago Uganda , waxaana inoo qorsheysan in ilaa 1,000 kamid ah ciidamadeena aan kala soo baxno, waana codsi ay midowga Afrika inaga codsadeyn” ayuu sheegay afayeen u hadlay ciidamada difaaca ee Burundi. Afhayeenka ayaa ugu dambeyn sheegay in ciidamadooda jooga Soomaaliya la gacan bidxeeyo oo aysan lamid aheyn ciidamada kale ee ku sugan Soomaaliya, taasi oo dhalisay shaki badan. Wuxuu sheegay in ciidamada Burundi ee Soomaaliya joogo la gacan bidixiyeey , isaga oo carabka ku dhuftay in qalabka ay ku howlgalaan uu yahay mid liita marka loo eego qalabka ciidamada kale ee AMISOM ay ku howlgalaan. Waxaa meesha ka cad inay hadda oo la joogo waqtigii ciidamada Burundi ee jooga Soomaaliya iyo guud ahaan AMISOM laga yareyn lahaa Soomaaliya uu shaacinayo dhibaatooyinka heystay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jowhar (Caasimada Online)-Taliska ciidamada qeybta 27 aad oo tagay magaalooyin ka tirsan Shabeelaha Dhexe ayaa codsi u diray ciidamada macaawiisleey oo ah ciidamo is abaabulay oo kusugan Shabeelaha Dhexe. Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamada xooga dalka Korneyl Maxamuud Koronto ayaa shaaciyay in ciidamada Macaawiisleey ay ka taageeri doonaan dhamaan waxyaabaha ay doonayaan si ay ula dagaalamaan Al Shabaab. Wuxuu sheegay in hal arin darteed ay kaga codsanayaan macaawiisleey dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, taasi oo uu ku sheegay inay iyaga si wanaagsan u yaqaanaan Al Shabaab, deegaanada ay kaga sugan yihiin Shabeeaha Dhexe iyo qaabka loola dagaalamo. Sidoo kale wuxuu sheegay in kooxdaan ay Al Shabaab ka ceshanayaan Ceelashooda iyo xoolahooda, sidaasi daraadeedna ay ka taageeri doonaan wax walbaa oo ay u baahdaan, kadib markii uu kula kulmay deegaan hoos taga degmada Cadale. Sareeyo Guuto Maxamuud Koronto ayaa tilmaamay in la is bari doono Ciidamada Dowladda ee ka howlgala Deegaanada Hir-Shabeelle iyo Kooxda Macawiisley, taliska Ciidanka Xoogga Dalkane ay ku wargeliyeen in Xuquuq lasiin doono, sida uu hadalka u dhigay. Saraakiil katirsan Kooxda macawiisleey ee ka dagaalanka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in si iskood ah ay isku abaabuleen, kadibne ay go’aan ku qaateen in ay la dagaalamaan Al-Shabaab, walina ay la dagaalami doonaan Al Shabaab xitaa haddii ay taageero waayaan. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimaa@live.com
-
Beledweyne (Caasimada Online)-Taliska ciidamada booliska Magaaada Beledweyne ayaa soo saaray amaro cusub oo la doonayo in laga dhaqan geliyo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Amaradaasi ayaa ku wajahan dadka heysta gaadiidka lagu dahaaray muraayadaha Madow iyo mootooyinka Bajaajka ee lagu qurxiyo daahyada, kuwaasi oo ku badan magaalada Beledweyne. Taliyaha Saldhiga Booliska Beledweyne Gaashaanle dhexe Maxamed Macow ayaa si cad u sheegay in amarkaasi la doonayo in si dhaqso ah loo dhaqan geliyo, maadaama gaadiidkaasi dhibaatooyin badan dadweynaha ay ku qabaan. Wuxuu sheegay in Bajaajta leh daahyada iyo gaadiidka yaryar ee leh muraayadaha Madow in lagu sameeyo dhibaatooyinka ka dhanka ah amaanka, isaga oo sheegay in kooxaha burcadda ay ku dhuuman karaan. Horay ayaa maamulka Gobolka Hiiraan iyo laamaha amniga gobolkaas ay u soo saareen amaro noocaan oo kale ah, hayeeshee ma noqon kuwo dhaqangala. Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay in muddo kooban kadib ay sameyn doonaan howlgal ka dhan ah gaadiidka muraayadaha madow leh iyo mooyinka, isaga oo sheegay dadkii fuli waaya amarka in xabsiga la dhigi doono. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sidii xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay u go’aansadeen inay ka laabtaan mooshinka. Inkasta oo la sheegay sababo badan, oo ay ugu weyneyd inay u tanaasuleen danta qaranka, haddana xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa, in heshiis shaqsiyan ah oo uu galay Mursal ay ku qasabtay xildhibaanada inay ka tanaasulaan mooshinka. Xildhibaan codsaday in magaciisa la shaaciyo oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Mursal la aamusiyey oo uu ku ballan furay. “Waxaa jira tuhunno badan, balse Mursal wuu ka dhaartay inuu lacag qaatay, wax ay ahaataba, waa nagu ballan-furay dhabarka ayuuna naga toogay” ayuu yiri xildhibaanka la hadlay Caasimada Online. Xildhibaan kale ayaa isna Caasimada Online u sheegay in marnaba aysan tanaasulin, balse haddii Mursal diiday in mooshinka horey loo sii dhaqaajiyo ay danta qasabtay inay ayagana ka haraan. “Markii horeba ma jirin tiro nagu filan oo aan ku ridi karnay madaxweynaha, balse haddii Mursal la heshiiyey dowladda, oo labadiisa ku xigeenna ay markii horeba la safnaayeen dowladda, wax aan sameyn karno ayaan jirin” ayuu yiri. Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa la rumeysan yahay inay ku dhow yihiin 90, hase yeeshee in la rido madaxweynaha waxay u baahan laba meelood saddex mele xubnaha laba aqal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com