Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,136
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 12-qof oo ay ku jiraan ciidammo iyo shacab ayaa ku dhintay labadii Qarax ee maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 20-qof oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax. Qaraxii koowaad ayaa ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Muqdisho, Waaxana dadka ku dhintay ay u badnaayeen shacab, sidoo kalena waxay khasaare aad u xooggan ay kasoo gaartay ciidammo ku sugnaa bar-koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Somalia. Sidoo kale, Qaraxii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon oo ku dhaw halka qaraxii 1-aad uu ka dhacay, waxaana qaraxaas uu dhaawac kasoo gaaray guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir. “Inta badan ilaaladii guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir waa la waayay, waxaana aragnay dhimashada qaar ka mid ah iyo dhaawacyo ay ku jiro kuwo aad u daran,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah xubnaha maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiye ku xigeenka dhaawacmay ayaa haatan lagu daweynayaa mid ka mid ah goobaha caafimaadka Muqdisho, waxaana wararka la hellayo ay sheegayaan in dhaawiciisa uu yahay mid fudud. Dhanka kale, Ururka Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, waxayna kooxdu sheegtay inay ku dileen askar iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia. Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin khaaaraha ka dhashay Qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho, kwuaasoo ahaa qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu fuliyay gaadiid waxyaabaha Qarxa laga buuxiyay. Ugu dambeyn, Qaraxyada noocan oo kale ayaa geysta khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana muuqata in Dowladda Federaalka aysan awood u lahayn inay joojiso qarxyada ay Al-shabaab ka geysanayso Xamar. PUNTLAND POST The post FAAHFAAHIN: Khasaarihii Qaraxyadii Muqdisho iyo Guddoomiye ku xigeen ku dhaawacmay appeared first on Puntland Post.
  2. Wariye Cawil Daahir Salaad iyo Saddex kale oo ka mid ah shaqaalaha Universal Tv ayaa u dhintey Qaraxii Koowaad ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Wararka aan helnay ayaa waxay sheegayaan in qaraxan oo ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka magaalada Muqdisho ay sidoo kale ku dhinteen dad halkaasi ka dhawaa. Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Maxamed Tuulax ayaa isna lagu soo waramayaa in halkaasi uu ku dhaawacmay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliska hay’adda dambi baarista CID-da ayaa maanta soo bandhigay qalab iyo dad ku howlanaa sameynta Dukumintiyo been abuur ah. Dadkan iyo qalabka ay isticmaalayeen ayaa waxaa Warbaahinta loogu soo bandhogay xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho. Taliyaha hoggaanka dambi baarista CID-da Bishaar Abshir Geedi oo Warbaahinta kula hadlay halkaasi ayaa sheegay in howlgal ay iska kaashadeen hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha iyo hay’adda dambaarista lagu soo qabtay dadkaasi. Kornel Bishaar Abshir Geedi ayaa intaasi ku daraya in Ragga la soo qabtay oo gaaraya ku dhawaad 10 Qof, gacanta lagu soo dhigay, xilli ay ku howlanaayeen sameynta Baasaboorada,Shahaadooyinka Jaamacadaha, Dugsiga Sare, iyo Dhalashooyinka sugnaanta ah oo ay bixiso dowladda hoose ee Xamar, kuwaas oo sharci darro ah. Ma’ahan markii ugu horreysay oo Ciidamada amnigu ay soo qabtaan dad ku howlanaa Dukumintiyo been abuur ah, kuwaas oo ay xirtay dowladd Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Hay’adda dambi baarista Oo soo bandhigtay dad ku howlanaa sameynta Dukumintiyo been abuur ah appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Jawiga magaalada Muqdisho oo deganaa muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa mar qura isbadalay, kadib dhawaq xoogan oo qarax oo laga maqlay magaalada Muqdisho. Uuro ayaa cirka isku shareertay, waxaana daba socday rasaas xoogan oo dhacaysa, taasi oo loo malaynayay inay aheyd in meel la wareeray gudaha loo galay, balse wuxuu ahaa qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka isgoyska Xaawa Taako oo ku dhow goob laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya. Dad badan oo shacab ah kuna sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay ayay waxyeelada ugu badan soo gaartay, walow aanan ilaa iyo hadda la xaqiijin tirada dadka waxyeelada ay soo gaartay. Qaraxa koowaad ayaa dad ku sugnaa dhismaha Hooyooyinka waxay sheegayaan inuu gaari gaari ciidan oo lagu buufiyay astaanta ciidamada booliska, kaasi oo ka dhacay tiyaatarka qaranka agtiisa. Intii lagu howlahaa qaraxa koowaad ayaa waxaa dhacay qarax kale oo xoogan oo ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon. Qaraxa labaad ayaa ahaa gaari SURF ah oo laga buuxiyay waxyaabaha, waxaana la sheegay inay saarnaayeen labo ruux oo mid kamid ah uu watay gacanka ciidamada ay ku wada hadlaan. Ciidamada amaanka ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen labo ruux oo mid kamid ah la sheegay inuu sheegay inuu naftiia nacay. Warar soo baxaya ayaa sheegay in dhaawac uu gaaray guddoomiye ku xigeenka dhanka amaanka iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, waxaana la waayay gabi ahaanba gaari Cabdi Bille ah oo la socday. Sidoo kale waxaa soo baxaya ayaa sheegaya in waxyeelo ay soo gaartay shaqaalo ka tirsan TV Universal, waxaana la sheegay inuu qaraxa ku dhintay darawalka gaariga Universal iyo wariye Cawil Daahir Salaad. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka. La soco khasaaraha Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Bern (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa booqday Xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Bern ee Caasimadda Dalka Switzerland. Duqa Caasimadda dalka Switzerland Mudane Alec Von Graffenried oo Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka labada caasimadood ee Soomaaliya iyo Switzerland, isagoona warbixin ka siiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Dhankiisa, Duqa Muqdisho ayaa uga mahad-celiyey dhiggiisa magaalada Bern marti gelinta iyo soo dhaweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayey oo dalkaas Switzerland kaga qeyb galay shirweynaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha. Mudane Yarisow ayaa la wadaagay Maamulka Dowladda Hoose ee Caasumadda dalka Switzerland horumarka ka socda Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha lagu tayeynayo shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, isagoona u bandhigay dhiggiisa magalaada Bern in ay uga faaiideeyaan Muqdisho khibradda iyo awoodda shaqo ee ay u leeyihiin ilaalinta deegaanka, bilicda, fududeynta isu socodka gaadiidka, dhismaha jidadka iyo dhawrista faya dhawrka. Ugu dambeyn, Labada Duq ayaa isku afgartay dhammaan qodobbadii ay ka wada hadleen, waxayna isla qaateen joogteynta wada-shaqeynta maamullada Dowladaha Hoose ee Xamar iyo Bern, iyadoona Eng.Yarisow uu u fidiyey marti qaad rasmi ah dhiggiisa Mudane Alec Von, kaas oo aqbalay in uu booqasho ku yimaado Muqdisho. PUNTLAND POST The post Duqa Magaalada Muqdisho oo kulan gaar ah la yeeshay Duqa Caasimadda Switzerland appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Muqdisho)Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in labo qarax oo gaari loo adeegsaday ay goor dhow ka dhaceen magaalada. Kan hore ayaa ka dhacay illinka Tiyaatarka Qaranka. Qaraxa labaad ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga soo fogeyn halka uu kii koowaad ka dhacay, qiyaastii muddo soddon daqiiqo ah kaddib. Weriyeheenna magaalada Muqdisho ayaa ku soo warramaya in gawaarida ambalaasta ay ku sii socoto halka ay qaraxyadu ka dhaceen. Weli lama oga khasaaraha, balse wuxuu weriyeheennu sheegay in ahaayeen kuwo xoog badan. Xigasho BBC Source
  7. (SLT-Livarpool)Liverpool ayaa guu muhiim ah ka soo gaadhay kooxda dhibta badan ee Wolves waxayna Reds sii joogtaysay rekoorka guuldaro la’aanta Premier league ee xil ciyaareedkan iyada oo 2-0 ku soo garaacday kooxda Wolves oo ay marti u ahayd. Liverpool ayaa guushan ku soo gaadhay goolal ay kala dhaliyeen Mohamed Salah iyo Virgil Van Dijk waxayna guushani Liverpool ka caawisay in ay afar dhibcood ku sii qabtay hogaanka Premier league ka hor kulanka ay Man City ciyaari doonto. Liverpool ayaa awooday in ay saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Wolves waxayna sidaa wali ku sii tahay kooxda aan soo guuldaraysan 18 kii kulan ee xili ciyaareedkan. SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN: Liverpool (4-4-1-1): Alisson; James Milner, Dejan Lovren, Virgil van Dijk, Andy Robertson; Sadio Mane, Fabinho, Jordan Henderson, Naby Keita; Roberto Firmino; Mohamed Salah. Kaydka: Simon Mignolet, Nathaniel Clyne, Georginio Wijnaldum, Adam Lallana, Xherdan Shaqiri, Daniel Sturridge, Divock Origi. Wolves (3-4-1-2): Rui Patricio; Ryan Bennett, Conor Coady, Willy Boly; Matt Doherty, Romain Saiss, Ruben Neves, Jonny Castro Otto; Joao Moutinho; Raul Jimenez, Adama Traore. Kaydka: John Ruddy, Morgan Gibbs-White, Ruben Vinagre, Leander Dendoncker, Helder Costa, Ivan Cavaleiro, Leo Bonatini. Kooxda Wolves ee xil ciyaareedkan xaaladaha ku soo xumaysay kooxaha waa wayn ee Premier league ayaa sidii la filiyay iska caabin xoogan kala hortimid Liverpool iyada oo waliba qaybtii hore ee ciyaarta walwal badan ku abuurtay jamaahiirta Liverpool iyo Jurgen Klopp. Laakiin Liverpool ayaa khibrad ahaan ku dishay Wolves qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo goolhaye Alisson uu door wayn ku lahaa in Liverpool aan qaybtii hore wax goolal ah laga dhalin wuxuuna Alisson joojiyay ilaa saddex fursadood oo cadaan ah oo ay ciyaartoyda Liverpool qaladaad xun soo sameeyeen. Alisson ayaa asturay Fabinho, Keita iyo Milner oo qaladaad sameeyay kuwaas oo ay Wolves goolal ku dhalin karaysay laakiin Reds ayaa ahayd kooxda kalsoonida ugu badan ku ciyaaraysay iyada oo Salah, Firmino iyo Mane ay dhibaato badan ku abuurayeen difaaca Wolves. Daqiiqadii 17 aad Mohamed Salah ayaa hal taabasho oo kaliya ku dhaliyay goolka furitaanka kooxdiisa ee kulankan kadib markii ay Sadio Mane iyo Fabinho oo caawintan sameeyay ay iskaga soo xirmeen dhinaca midig wuxuuna Salah sidaa ku dhaliyay goolkiisii 11 aad ee Premier league. Liverpool ayaa markii ay goolka dhalisay culays badan kala kulantay Wolves oo isku dayday in ay jawaab bixiso laakiin goolhaye Alisson ayaa noqday ninka ay dhaafi waayeen ee hal bacaad lagu lisay ka dhigay fursado xataa si xun loogu qaldamay. Qaybtii hore ee ciyaarta oo aan labada kooxood u sahlanayn ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta ku haysay Liverpool laakiin markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Wolves dagaal wayn ugu jirtay sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd. Daqiiqadii 58 aad Liverpool ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay waxaana ciyaarta dhaawac uga baxay Naby Keita waxaana kaydka laga soo kiciyay Adam Lallana iyada oo Reds doonaysay in ay la timaado goolka labaad si ay Wolves u aamusiiso. Daqiiqadii 63 aad tababaraha Wolves ayaa laba isbadal oo isku mar ah shaxdiisa ku sameeyay wuxuuna ciyaarta soo galiyay M. Gibbs-White iyo Ivan Cavaleiro wuxuuna ciyaarta ka saaray xidigaha loo arkayay in ay Liverpool dhibaatada ku abuurayeen ee João Moutinho iyo Adama Traoré. Daqiiqadii 68 aad Liverpool ayaa ugu danbayn heshay goolka muhiimada wayn u lahaa ee labaad kaas oo uu Van Dijk kooxdiisa kaga dul qaaday culayskii Wolves ka haystay isaga oo qaab fiican u dhamaystiray kubbad caawin uu Mohamed Salah sameeyay wuxuuna goolkani dhashay waqti yar kadib markii uu Lallana fursad dahabi ah qasaariyay. Ciyaarta ayaa noqotay 2-0 ay Liverpool kalsooni buuxda ku heshay laakiin Wolves ayaa wali raadinaysay qaabkii ay ku dhaafi lahayd Alisson oo wali fursado fiican Wolves ka joojinayay laakiin Klopp ayaa daqiiqadii 76 aad ciyaarta soo galiyay Wijnaldum si uu khadka dhexe ugu xoojiyo wuxuuna saaray Roberto Firmino. Daqiiqadii 87 aad Klopp ayaa ciyaarta soo galiyay Clyne wuxuuna saaray Sadio Mane isaga oo aan kulankan wax fursad ah u reebin Shaqiri oo wacdaro soo dhigay kulankii Man United laakiin daqiiqadii 89 aad Wolves ayaa heshay fursad gool cadaan ah loo fishay iyada oo Gibbs-White uu kubbad ku hor helay goolka Liverpool balse shabaqa banaanka ayuu si lama filaan ah ugu dhuftay kubbadii uu goolka ku dhalin lahaa. Mohamed Salah ayaa lumiyay fursado aad u fiicnaa oo uu xataa saddexley goolal ah ku dhalin kari lahaa waxaana shaqo wayn qabtay difaaca Wolves iyo goolhayahooda kaas oo Salah fursado fiican ka joojiyay. Intii lagu jiray waqtigii dheeriga ahaa Wijnaldum ayaa helay fursad cajiib ah kadib markii uu Mohamed Salah kubbada kaga soo guulaystay difaaca Wolves laakiin darbada Gini Wijnaldum ayaa birta goolka wax yar u martay waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2-0 ay Liverpool guul muhiim ah ku soo gaadhay. Guusha Liverpool waxay ka dhigantahay in ay afar dhibcood hogaanka premier league ku sii qabtay waxayna fadhiga ku daawan doontaa kulanka Manchester City iyada oo kulankii 18 aad oo xiriir ah guuldaro la’aan ku sii jirta. Source
  8. Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada golaha wakiilada Puntland, ayaa maanta shaaciyay inuu dhamaaday qabashadii Araajida iyo qaabilaada beelaha ay ku imaan jireen xarunta golaha [...] Source
  9. Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdisalaan Xirsi Gujir ayaa maanta soo saaray warqad ugub ku ah Puntland taas oo uu digniin ugu diraayo duqa caasimada Puntland ee Garowe Axmed Saciid Muuse (Axmed Barre) Warqadan ayuu gudoomiyuhu ku sheegay inuu duqa caasimadu wado olole siyaasadeed kadib markii uu dhawaan booqday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isagoo ku eedeeyey inuu dhawaan magaalada Garowe ku shiriyey xildhibaanada ee laga soo doortay gobalka Nugaal isagoo uga gol leh olole siyaasadeed waa sida uu qoraalkiisa ku yiriye. Arintan ayaa ah mid ugub ku ah Puntland, waxayna daba joogtaa dhacdooyin ku cusub Puntland oo lagu arkaayey intii uu talada hayey Dr Cabdiwali Gaas. Akhriso warqada uu Gujir soo saaray The post Gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo warqad digniin ah udiray Mayorka Garowe appeared first on Puntland Post.
  10. Qarax kale oo weyn ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho wax ka yar 30 daqiiqo markii qarax gaari uu ka dhacay afaafka hore ee Tiyaartarka Qaranka, qaraxan dambe oo aan ka fogeyn kii hore lama oga sababta iyo qaabta ay wax u dhaceen. Qaraxa hore ee Tiyaatarka ka dhacay ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof halka hey’adaha gargaarka ay Goobjoog News u sheegeen inay Tiyaatarka ka qaadeen ugu yaraan 30 qof, oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Weriyaha Goobjoog News ee goobta gaaray waxaa uu sheegayaa in gaari 3aad oo laga shakisan yahay uu goobta yaalo, waxaana loo diiday xataa hey’adaha gargaarka degdegga. Wararka oo faah-faahsan, kala soco halkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo khasaaro kala duwan geystay. Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay meel u dhow Tiyaatarka qaranka waxaana uu sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur gaaray goobo ku dhow dhismaha Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho. Laamaha amaanka ma aysan shaacin ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay, balse waxaa la xaqiijiyay inay waxyeelada ugu badan soo gaartay dad shacab ahaa oo ku sugnaa meel ku dhow albaabka koowaad ee dhanka Tiyaatarka xiga ee laga ilaaliyo madaxtooyada. Qaraxa labaad ayaa la maqlay ugu yaraan 20 daqiiqo kadib markii la maqlay qaraxa koowaad, waxaana qaraxa labaad uu ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Gaariga dambi ayaa ahaa SURF laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo dhacday qaraxa labaad kadib. Gaariga Koowaad ayaa waxaa soo baxaya inuu ahaa mid lagu buufiyay astaanta ciidamada booliska, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin, waxaa sidoo kale soo baxaya in masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir ay ku dhaawacmeen qaraxyada maanta dhacay. Waxaa wali socda tirokoobka dadka waxyeelada gaartay. La soco waxii faahfaahina h Inshaa allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) ayaa qoraal u soo saaray ugu digay duqa degmada Garowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo uu sheegay [...] Source
  13. Waxaa markale qarax uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeyn halka kii hore uu ka dhacay oo ku dhow Tiyaatarka Muqdisho. Qasaaraha rasmiga ah si dhab ah looma oga hayeeshee qaraxydaan ayaa geeystay qasaarooyin kala duwan. Faah faahinta dib kala soco insha allah . Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax Labaad oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax Labaad oo aad u xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa. Qaraxa labaad ayaa ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon, waxaana uu daqiiqado ka dambeeyay qaraxii koowaad ee dhacay. La soco faahfaahinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay bar koontarool oo ku taalla agaarka xarunta Tiyaatarka ee M/ Muqdisho. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo khasaaraha uu geystay intaba. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib Rasaas xoogan laga maqlay halkaasi. Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa ku sii qul qulaya goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo daabulaya dadka ay waxyeeladu ka soo gaaray. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo xiray Waddada uu qaraxu ka dhacay. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha:- The post Qarax xoogan Oo goor dhow ka dhacay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Gaas kuna taariikhaysnayd 22 December 2018, ayaa [...] Source
  17. A huge explosion was heard in the heart of Mogadishu on Saturday morning, witnesses said. The blast has resulted from a car packed with explosives that was detonated near Somalia’s National Theatre. There was no immediate confirmation of the casualties. Developing story, more soon. The post Loud explosion heard in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaaro badan geystay. Lama xaqiijin ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ka dhacay agagaarka dhismaha Guriga Hooyooyinka, waxaase la arkayay uuro cirka isku shareertay iyo rasaas badan oo dhaceysay. Qaraxa ayaa rasmi ahaan kaga dhacay goob shaax laga cabo oo ku taalo agagaarka Hooyooyinka. Burbur xoogan ayuu geystay qaraxa oo aad u xooganaa, waxaana socda dadaalo loogu gurmayo dadka waxyeelada ay soo gaartay. La soco faahfaahin dheeri ah.
  19. Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa sheegay in halkaasi khasaare uu ka dhashay, balase lama oga inta khasaaraha rasmiga ah uu la egyahay. Degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa laga wada maqlay guud ahaan qaraxaasi, iyadoo halkaasi ay hadda gaareen gaadiidka gurmadka ah. Ciidamada ammaanka ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay gaaray. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Goordhow magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa ka dhacay qarax aad u culus. Jugta qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka xarunta Tiyaatarka qaranka oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya. Majirto faah faahin badan oo laga helayo qaraxaasi iyo qasaaraha uu geeystay. Faah faahinta dib kala soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Deg Deg: Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Mudug,Xassan Maxamed Khaliif(Abgaalow). Dikreeto Sabtida saaka ah ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo xilkii looga qaaday mudane Abgaalow ayaa sidoo kale lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug,Cabdulqaadir Xuseen Nuur(Dirir). Abgaalow ayaa xilkan loo magacaabay 23 December sannadkii 2015,wuxuuna xafiiska joogay mudda saddex sano ah. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweyne Gaas oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo dhawaqiisa laga maqlay magaalada Muqdisho. Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho. Dhawaqa Qaraxa oo xooganaa ayaa laga maqlay xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana adag in la ogaado halka ay rasmi ahaan qaraxu kaga dhacay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka. La soco Goordhow Faahfaahinta Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Burbur Xoogan ayaa ka muuqdo waddo ay inta badan adeegsadaan madaxda dowladda Soomaaliya oo dhowr Talaabo u jirta madaxtooyada Soomaaliya. Wadada oo ah isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho ayaa burbur xoogan uu ku yimid kadib markii ay badatay wasaqda iyo biyaha lagu daadiyo wadadaasi oo inta badan ay adeegsadaan madaxda marka ay ka duulayaan garoonka Aadan Cadde. Biyaha lagu soo daadiyo ayaa waxa ay sababeen in bartamaha isgoyska uu boholo yeesho oo ay biyaha fadhiistaan, waxa ayna boholhaasi saameyn xoogan ku yeesheen gaadiidka kala duwan ee wadadaasi isticmaala. Sagaalkii June ee sanadkaans ii dhamaanaya ayaa wadadaasi xariga laga jaray iyadoo dhisme lagu sameeyay, mana jirin cid isku xilsaartay inay ka ilaaliso wasaqda ay dadka deegaanka kusoo shubaan. Marka laga soo tago in wadadaani ay shacabka ku dhib qabaan waxa kale oo xusid mudan in amni darro ay ka dhalan karto, maadama ay sahlantahay si fudud waxyaabaha qarxa loogu aaso maadama ay burbursantahay oo ay boholo leedahay.
  24. Khartuum ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba albaabada la’isugu laabo Jaamacadaha ku yaalla dalkaasi, kadib markii ay Wadankasi ka dhaceen Mudaharaadyo rabshado wata oo ay soo abaabuleen kooxaha Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda Xukuumadda Al-Bashiir. Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya qiimaha Maciishada dalkaasi oo sare u kacday, waxaana illaa iyo hadda Dibadbaxyadaasi ku dhintay 8 ruux oo rayid ahaa. Soomaali badan ayaa ku nool dalka Suudaan, kuwaas oo inta badan u jooga arrimo Waxbarasho. Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed oo ka hadlay arrinkan ayaa sheegay in saameyn xoogan uu ku yeeshay go’aankan, maadama dalkaasi ay u joogaan Waxbarasho. Madaxweyne Al-Bashiir oo 74 jir ah ayaa xukunka dalkaasi ku qabsaday afgambi sanadkii 1989-kii, waxaana iminka dadka shacabka ah ay dalbanayaan in Kursiga uu baneeyo. Mudaharaadyada haatan socda ayaa laga cabsi qabaa in dalkaasi ay galiyaan qal qal amni iyo mid siyaasadeed intba. The post Go’aan ka soo baxay dowladda Suudaan Oo saameeyay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Gu’jir Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gu’jir) oo saaka la hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa bulshada gobolka Nugaal ugu baaqay, in si wadajir ah looga shaqeeyo amniga iyo xasiloonida,xilli ay maalmo kooban ka harsan yihiin doorashada madaxtinimada Puntland ee ku muddaysan 8Jennaayo 2019. Guddoomiyaha ayaa sheegay, in amnigu yahay mas’uuliyad-wadareed oo looga baahanyahay qof kasta in uu kaalintiisa ka qaato,islamarkaana la adkeeyo wada-shaqeynta shacabka iyo hay’adaha amniga,iyadoo wakhtigan muhiimka loo diyaar-garoobayo doorashada madaxtinimada Puntland. Mudane Gu’jir wuxuu sidoo kale adkeeyay, in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka bulshada,isagoo ku baaqay in wada-hadal iyo tanaasul lagu dhammeeyo wixii khilaaf iyo kala ra’yi duwaan ah ee yimaada wakhti-xaadirkan. Dhimaca kale guddoomiye Gu’jir ayaa sabtida maanta ah kulan la qaadanaya, qaar kamid ah madax-dhaqameedka gobolka Nugaal iyo saraakiil ka socota hay’adaha amniga oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka sugaya amniga doorashada Sarreeye Gaas Cabdirisaaq Siciid Diiriye oo sidoo kalena ah taliyaha PMPF. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Gu’jir: Amniga iyo wadajirka hala ilaaliyo appeared first on Puntland Post.