Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,148
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa soo saaray qoraalo ay kaga hadlayaan bartilmaameydka qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho. Qoraalka Hay’adda ayaa lagu sheegay in bartilmaameydka qaraxa koowaad uu ahaa xarunta Tiyaatarka Qaranka oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen olalaha is xilqaan oo dib loogu dhisayo Tiyaatarka. Waxaa maanta goobta ku sugnaa Shaqaalaha wasaaradda Ganacsiga oo qaarkood la sheegay in dhaawacyo fudud ay soo gaareen. Qoraal kale oo Hay’adda ay soo saartay ayaa lagu sheegay in la qabtay ruuxii hogaaminayay qaraxyada maanta ka dhacay Muqdisho oo sida la sheegay ka dagay gaariga labaad ee ku qarxay Daljirka Dahsoon.
  2. Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow sheegtay in gacanta ay ku hayaan qofkii hogaaminayay weerarkii qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho iyo darawalkii waday gaariga dambe ee ku qarxay Daljirka Daahsoon. War ay soo saartay NISA ayey ku sheegtay in ciidamada amaanku ay gacanta ku hayaan hogaamiyihii soo abaabulay weeraradii qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho. NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitterkeeda ku sheegtay warkaaasi. Ku dhowaad 15 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo is xigay oo is miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa wariyayaal caan ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in la qabtay hogaamiyihii soo abaabulay qaraxyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  3. Innalillaahi wa inaa ileyhu Raajucuun Geeridu waa xaq Masuuliyiinta iyo Guud ahaan Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi waxay tacsi u dirayaan Xaaskii iyo Caruurtii uu ka geeriyoodey [...] Source
  4. Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Labo qarax, kuwaasi oo geystay khasaare isugu jir dhimasho iyo dhaawac. Qaraxii Koowaad ayaa ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, halka midka Labaadna uu ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon. Inta la hubo waxaa qaraxan ku dhintey 10 qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka: Source: goobjoog.com
  5. siciid-dahabshiil.jpg Gudoomiyaha Shirkada TalkRemit Siciid Maxamed Siciid (Dahabshiil) oo ah wiil uu dhalay ganacsadaha weyn ee Dahabshiil ayaa faahfaahin cusub ka bixiyey APP cusub oo aad lacagta meeshii aad adduunka ka doontid ugu dirsan kartid. APP-kan cusub oo lagu magacaabo TalkRemit ayaa waxaa maalgeliyey Gudoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Maxamed Siciid. SIciid Dahabshiil oo u waramayey Telefishanka BBC qaybta afka Soomaaliga ayaa sheegay in APP-kani uu soo kordhin doono adeegyo fududaynaya isu dirka lacagaha iyo horumarka Ganacsiga, iyadoo ay dheertahay inaad APP-kan kala hadli kartid ehelkaaga ama qofkaad lacagta u dirtay, wuxuu leeyahay messenger sida Whatsapp ka oo kale ah, uma baahnid inaad xawaalad tagto, meelkasta oo aad joogto waxaad isticmaali kartaa Guri, Xafiis, Shaqada ama Suuqa . APP-kan waxaad ka heli kartaa Play Store ama Andriod. HOOS KA DAAWO WARAYSIGII GUDOOMIYE SMS: Qaran News
  6. Weriye Cawil Daahir Salaad oo ka tirsanaa Telefishinka Universal ayaa ku dhintay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan shaqaalaha [...] Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo labo ahaa oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo adeegsaday labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyay. Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku dhintay qaraxyada maanta, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan, iyadoo dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen rayid ku sugnaa goobaha qaraxyada ay ka dhaceen. Dadka ilaa iyo hadda la aqoonsaday inay ku dhinteen qaraxyada ayaa waxaa kamid ah Wariye Cawil Daahir Salaad, Darawal gaariga u waday iyo shaqaale ka tirsan TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho. Dadka waxyeelada ay kasoo gaartay weerarkii maanta waxaa kamid ah Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax oo ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxii Labaad. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dhaawac uusoo gaaray xildhibaan Warsame Joodax oo qaar kamid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka. Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa xaqiijiyay in labo ruux oo ka dagay gaariga labaad ee qarxay gacanta lagu dhigay, waxaana mid kamid ah uu watay gacanta ciidamada ay ka wada hadlaan. Sidoo kale waxaa jira dad badan oo rayid ah oo ay waxyeello ka soo gaartay qaraxyada maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Police in Somalia says a suicide car bombing near the presidential palace has killed at least six people and wounded several others. Colonel Ahmed Mohamud says those killed in the Saturday morning blast include soldiers and civilians. Captain Mohamed Hussein says the bomber targeted a military checkpoint near the rear entrance of the heavily fortified palace. Police say lawmakers and other officials had been traveling nearby on what is a business day in the Horn of Africa nation. A second blast was heard shortly afterward nearby in Mogadishu as a plume of smoke rose over the capital. There is no immediate claim of responsibility for the blast. The al-Qaeda-linked al-Shabaab extremist group often targets the capital. The post At least 6 people killed in twin explosions in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (PP) ─ Allaha u naxariistee Wariye Cawil Axmed Absuge oo loo yaqaanay Cawil Daahir Salaad ayaa ku geeriyooday qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay agagaarka Tiyaatar-ka Muqdisho, kaa soo ka mid ahaa laba qarax oo maanta ka dhacay Muqdisho. Marxuumka ayaa ahaa madaxii barmij soo-saare ka tirsanaa Telefishinka afka Soomaaliga ku hadla ee Universal, wuxuuna inta badan qaban jiray barnaamijyada doodaha siyaasadeed ee la isugu keeno siyaasiyiinta kala afkaaraha duwan. Wararka ayaa waxay sheegayaan in marxuumka iyo shaqaale kale oo ka tirsanaa Telefishinka Universal oo watay gaari uu qaraxu ku qabsaday goobta uu ka dhacay, maydkiisana goor-dambe la helay. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya inay jiraan xubno kale oo ka tirsanaa Universal TV ay ku dhinteen qaraxa, balse aan la sheegin magacyadooda iyo shaqooyinkooda, iyadoo ay jiraan kuwo kale oo iyaguna ku dhaawacmay. Dhanka kale, Wariye Cawil Daahir ayaa wuxuu dagganaa dalka Ingiriiska sannadihii u dambeeyay, wuxuuna ka mid ahaa wariyeyaasha muddada fog kasoo shaqeynayay warbaahinnada kala duwan ee Soomaalida. Markii uu dhacay burburkii dowladdii dhexe 1991-kii, wuxuu ka mid ahaa shaqaalihii idaacado kooban oo ka hawlgeli jiray Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid ahayd Idaacadda Banaadir oo weli shaqeysa. Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa wuxuu kamid noqonayaa wariyeyaashii sannadkan ku geeriyooda Somalia, kuwaasoo qaarkood la dilay, inkastoo isagu uu ku dhintay mid ka mid ah Qaraxyadii Muqdisho ka dhacayay. PUNTLAND POST The post Wariye caan ah oo ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Qaraxyada oo 2 ahaa ayaa waxa ay ka kala dhaceen agagaarka xarunta Tiyaatarka iyo nawaaxiga Taaladda Dal Jirka Daahsoon degmada Boomdheere ee gobolka Banaadir. Qaraxa koowaad oo Ismiidaamin ahaa ayaa ka dhacay Barkoontarool oo ku taalla xarunta Tiyaartanka oo u dhow Madaxtooyada Soomaaliya. Sidoo kale qaraxa labaad oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay agagaarka Taallada Daljirka Daahsoon ee M/ Muqdisho Ugu yaraan illaa 5 Qof ayaa ku dhintay qaraxyadan, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale, sida uu Shabelle u xaqiijiyay C/qaadir Cabdullahi Cali oo ka mid ah Darawallada Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Amiin Ambalaas. Dadka dhintay waxaa ka mid ah Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa Wariyeyaasha Talevision-ka Universal iyo saddex Qof oo kale oo ka mid aheyd shaqaalaha Tv-gaasi. Sidoo kale dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda G/ Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax oo la sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray qaraxii 2 ee ka dhacay Taaladda Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxa koowaad isna dadka ku dhaawacmay uu ka mid yahay Xilhibaan Warsame Maxamed Xasan(Joodax) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxyadaasi. The post Faah faahin:-Qaraxyo khasaaro geystay Oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Gudi uu gudoomiyaha Golaha guurtida Somalilan du saarey inay xal ka keenaan cabasho ay qaar ka mid ah haweenka Somaliland ka gudbiyeen Buug uu qoray wasiirka Warfaafinta Somaliland Md Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa maanta arintaasi go,aan ka soo saarey Guddidan oo uu gudoomiye u yahay Xildhibaan Sul. Ismaciil ayaa waxaa uu iminka si rasmi ah ugu dhawaaqey in guddidii guurtidu ay go,aamisay in gabi ahaan-ba buugaas la gubo . Dhawaan ayey aheyd markii haweenka Somaliland qaar ka mid ahi ay cabasho ka dhan ah buuga uu qoray wasiir Guri barwaaqo ay u gudbiyeen golaha guurtida Somaliland Ilays Qaran News
  12. Kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa Kulankii kowaad ee saaxiibtinimo caasimada kula ciyaartay wiilasha Muqdisho United waxaana ciyaartaas 1-0 ku badiyay kooxda Muqdisho United oo dhawaan usoo gudubtay horyaalka . Tababaraha kooxda Som United Maxamed Cabdiqaadir oo la hadlay Goobjoog waxa uu sheegay in uu aad ugu farax sanahay in kooxdiisa ay ciyaarto Muqdisho u jeedka kulankan uu ahaa is dhaxgal bulsho iyo ciyaar saaxiibtinimo iyo in ay is bartaam dhalinyarada gudaha iyo kuwa qurbaha. Halkan Ka Aqriso Kulamada kusoo wajahan Som United 24-12-2018-Som United VS Madbacada 26-12-2018– L.L.P Jeenyo VS Som United 28-12-2018-Som United VS Muqdisho City Isku soo wada duub waa kooxdii Saddexaad oo sanadkan ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho imaanaysa dalka waxaana arintan bogaadiyay bahda ciyaaraha wadanka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 12-qof oo ay ku jiraan ciidammo iyo shacab ayaa ku dhintay labadii Qarax ee maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 20-qof oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax. Qaraxii koowaad ayaa ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Muqdisho, Waaxana dadka ku dhintay ay u badnaayeen shacab, sidoo kalena waxay khasaare aad u xooggan ay kasoo gaartay ciidammo ku sugnaa bar-koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Somalia. Sidoo kale, Qaraxii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon oo ku dhaw halka qaraxii 1-aad uu ka dhacay, waxaana qaraxaas uu dhaawac kasoo gaaray guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir. “Inta badan ilaaladii guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir waa la waayay, waxaana aragnay dhimashada qaar ka mid ah iyo dhaawacyo ay ku jiro kuwo aad u daran,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah xubnaha maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiye ku xigeenka dhaawacmay ayaa haatan lagu daweynayaa mid ka mid ah goobaha caafimaadka Muqdisho, waxaana wararka la hellayo ay sheegayaan in dhaawiciisa uu yahay mid fudud. Dhanka kale, Ururka Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, waxayna kooxdu sheegtay inay ku dileen askar iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia. Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin khaaaraha ka dhashay Qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho, kwuaasoo ahaa qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu fuliyay gaadiid waxyaabaha Qarxa laga buuxiyay. Ugu dambeyn, Qaraxyada noocan oo kale ayaa geysta khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana muuqata in Dowladda Federaalka aysan awood u lahayn inay joojiso qarxyada ay Al-shabaab ka geysanayso Xamar. PUNTLAND POST The post FAAHFAAHIN: Khasaarihii Qaraxyadii Muqdisho iyo Guddoomiye ku xigeen ku dhaawacmay appeared first on Puntland Post.
  14. Wariye Cawil Daahir Salaad iyo Saddex kale oo ka mid ah shaqaalaha Universal Tv ayaa u dhintey Qaraxii Koowaad ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Wararka aan helnay ayaa waxay sheegayaan in qaraxan oo ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka magaalada Muqdisho ay sidoo kale ku dhinteen dad halkaasi ka dhawaa. Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Maxamed Tuulax ayaa isna lagu soo waramayaa in halkaasi uu ku dhaawacmay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliska hay’adda dambi baarista CID-da ayaa maanta soo bandhigay qalab iyo dad ku howlanaa sameynta Dukumintiyo been abuur ah. Dadkan iyo qalabka ay isticmaalayeen ayaa waxaa Warbaahinta loogu soo bandhogay xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho. Taliyaha hoggaanka dambi baarista CID-da Bishaar Abshir Geedi oo Warbaahinta kula hadlay halkaasi ayaa sheegay in howlgal ay iska kaashadeen hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha iyo hay’adda dambaarista lagu soo qabtay dadkaasi. Kornel Bishaar Abshir Geedi ayaa intaasi ku daraya in Ragga la soo qabtay oo gaaraya ku dhawaad 10 Qof, gacanta lagu soo dhigay, xilli ay ku howlanaayeen sameynta Baasaboorada,Shahaadooyinka Jaamacadaha, Dugsiga Sare, iyo Dhalashooyinka sugnaanta ah oo ay bixiso dowladda hoose ee Xamar, kuwaas oo sharci darro ah. Ma’ahan markii ugu horreysay oo Ciidamada amnigu ay soo qabtaan dad ku howlanaa Dukumintiyo been abuur ah, kuwaas oo ay xirtay dowladd Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Hay’adda dambi baarista Oo soo bandhigtay dad ku howlanaa sameynta Dukumintiyo been abuur ah appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Jawiga magaalada Muqdisho oo deganaa muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa mar qura isbadalay, kadib dhawaq xoogan oo qarax oo laga maqlay magaalada Muqdisho. Uuro ayaa cirka isku shareertay, waxaana daba socday rasaas xoogan oo dhacaysa, taasi oo loo malaynayay inay aheyd in meel la wareeray gudaha loo galay, balse wuxuu ahaa qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka isgoyska Xaawa Taako oo ku dhow goob laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya. Dad badan oo shacab ah kuna sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay ayay waxyeelada ugu badan soo gaartay, walow aanan ilaa iyo hadda la xaqiijin tirada dadka waxyeelada ay soo gaartay. Qaraxa koowaad ayaa dad ku sugnaa dhismaha Hooyooyinka waxay sheegayaan inuu gaari gaari ciidan oo lagu buufiyay astaanta ciidamada booliska, kaasi oo ka dhacay tiyaatarka qaranka agtiisa. Intii lagu howlahaa qaraxa koowaad ayaa waxaa dhacay qarax kale oo xoogan oo ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon. Qaraxa labaad ayaa ahaa gaari SURF ah oo laga buuxiyay waxyaabaha, waxaana la sheegay inay saarnaayeen labo ruux oo mid kamid ah uu watay gacanka ciidamada ay ku wada hadlaan. Ciidamada amaanka ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen labo ruux oo mid kamid ah la sheegay inuu sheegay inuu naftiia nacay. Warar soo baxaya ayaa sheegay in dhaawac uu gaaray guddoomiye ku xigeenka dhanka amaanka iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, waxaana la waayay gabi ahaanba gaari Cabdi Bille ah oo la socday. Sidoo kale waxaa soo baxaya ayaa sheegaya in waxyeelo ay soo gaartay shaqaalo ka tirsan TV Universal, waxaana la sheegay inuu qaraxa ku dhintay darawalka gaariga Universal iyo wariye Cawil Daahir Salaad. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka. La soco khasaaraha Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Bern (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa booqday Xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Bern ee Caasimadda Dalka Switzerland. Duqa Caasimadda dalka Switzerland Mudane Alec Von Graffenried oo Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka labada caasimadood ee Soomaaliya iyo Switzerland, isagoona warbixin ka siiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Dhankiisa, Duqa Muqdisho ayaa uga mahad-celiyey dhiggiisa magaalada Bern marti gelinta iyo soo dhaweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayey oo dalkaas Switzerland kaga qeyb galay shirweynaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha. Mudane Yarisow ayaa la wadaagay Maamulka Dowladda Hoose ee Caasumadda dalka Switzerland horumarka ka socda Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha lagu tayeynayo shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, isagoona u bandhigay dhiggiisa magalaada Bern in ay uga faaiideeyaan Muqdisho khibradda iyo awoodda shaqo ee ay u leeyihiin ilaalinta deegaanka, bilicda, fududeynta isu socodka gaadiidka, dhismaha jidadka iyo dhawrista faya dhawrka. Ugu dambeyn, Labada Duq ayaa isku afgartay dhammaan qodobbadii ay ka wada hadleen, waxayna isla qaateen joogteynta wada-shaqeynta maamullada Dowladaha Hoose ee Xamar iyo Bern, iyadoona Eng.Yarisow uu u fidiyey marti qaad rasmi ah dhiggiisa Mudane Alec Von, kaas oo aqbalay in uu booqasho ku yimaado Muqdisho. PUNTLAND POST The post Duqa Magaalada Muqdisho oo kulan gaar ah la yeeshay Duqa Caasimadda Switzerland appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Muqdisho)Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in labo qarax oo gaari loo adeegsaday ay goor dhow ka dhaceen magaalada. Kan hore ayaa ka dhacay illinka Tiyaatarka Qaranka. Qaraxa labaad ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga soo fogeyn halka uu kii koowaad ka dhacay, qiyaastii muddo soddon daqiiqo ah kaddib. Weriyeheenna magaalada Muqdisho ayaa ku soo warramaya in gawaarida ambalaasta ay ku sii socoto halka ay qaraxyadu ka dhaceen. Weli lama oga khasaaraha, balse wuxuu weriyeheennu sheegay in ahaayeen kuwo xoog badan. Xigasho BBC Source
  19. (SLT-Livarpool)Liverpool ayaa guu muhiim ah ka soo gaadhay kooxda dhibta badan ee Wolves waxayna Reds sii joogtaysay rekoorka guuldaro la’aanta Premier league ee xil ciyaareedkan iyada oo 2-0 ku soo garaacday kooxda Wolves oo ay marti u ahayd. Liverpool ayaa guushan ku soo gaadhay goolal ay kala dhaliyeen Mohamed Salah iyo Virgil Van Dijk waxayna guushani Liverpool ka caawisay in ay afar dhibcood ku sii qabtay hogaanka Premier league ka hor kulanka ay Man City ciyaari doonto. Liverpool ayaa awooday in ay saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Wolves waxayna sidaa wali ku sii tahay kooxda aan soo guuldaraysan 18 kii kulan ee xili ciyaareedkan. SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN: Liverpool (4-4-1-1): Alisson; James Milner, Dejan Lovren, Virgil van Dijk, Andy Robertson; Sadio Mane, Fabinho, Jordan Henderson, Naby Keita; Roberto Firmino; Mohamed Salah. Kaydka: Simon Mignolet, Nathaniel Clyne, Georginio Wijnaldum, Adam Lallana, Xherdan Shaqiri, Daniel Sturridge, Divock Origi. Wolves (3-4-1-2): Rui Patricio; Ryan Bennett, Conor Coady, Willy Boly; Matt Doherty, Romain Saiss, Ruben Neves, Jonny Castro Otto; Joao Moutinho; Raul Jimenez, Adama Traore. Kaydka: John Ruddy, Morgan Gibbs-White, Ruben Vinagre, Leander Dendoncker, Helder Costa, Ivan Cavaleiro, Leo Bonatini. Kooxda Wolves ee xil ciyaareedkan xaaladaha ku soo xumaysay kooxaha waa wayn ee Premier league ayaa sidii la filiyay iska caabin xoogan kala hortimid Liverpool iyada oo waliba qaybtii hore ee ciyaarta walwal badan ku abuurtay jamaahiirta Liverpool iyo Jurgen Klopp. Laakiin Liverpool ayaa khibrad ahaan ku dishay Wolves qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo goolhaye Alisson uu door wayn ku lahaa in Liverpool aan qaybtii hore wax goolal ah laga dhalin wuxuuna Alisson joojiyay ilaa saddex fursadood oo cadaan ah oo ay ciyaartoyda Liverpool qaladaad xun soo sameeyeen. Alisson ayaa asturay Fabinho, Keita iyo Milner oo qaladaad sameeyay kuwaas oo ay Wolves goolal ku dhalin karaysay laakiin Reds ayaa ahayd kooxda kalsoonida ugu badan ku ciyaaraysay iyada oo Salah, Firmino iyo Mane ay dhibaato badan ku abuurayeen difaaca Wolves. Daqiiqadii 17 aad Mohamed Salah ayaa hal taabasho oo kaliya ku dhaliyay goolka furitaanka kooxdiisa ee kulankan kadib markii ay Sadio Mane iyo Fabinho oo caawintan sameeyay ay iskaga soo xirmeen dhinaca midig wuxuuna Salah sidaa ku dhaliyay goolkiisii 11 aad ee Premier league. Liverpool ayaa markii ay goolka dhalisay culays badan kala kulantay Wolves oo isku dayday in ay jawaab bixiso laakiin goolhaye Alisson ayaa noqday ninka ay dhaafi waayeen ee hal bacaad lagu lisay ka dhigay fursado xataa si xun loogu qaldamay. Qaybtii hore ee ciyaarta oo aan labada kooxood u sahlanayn ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta ku haysay Liverpool laakiin markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Wolves dagaal wayn ugu jirtay sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd. Daqiiqadii 58 aad Liverpool ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay waxaana ciyaarta dhaawac uga baxay Naby Keita waxaana kaydka laga soo kiciyay Adam Lallana iyada oo Reds doonaysay in ay la timaado goolka labaad si ay Wolves u aamusiiso. Daqiiqadii 63 aad tababaraha Wolves ayaa laba isbadal oo isku mar ah shaxdiisa ku sameeyay wuxuuna ciyaarta soo galiyay M. Gibbs-White iyo Ivan Cavaleiro wuxuuna ciyaarta ka saaray xidigaha loo arkayay in ay Liverpool dhibaatada ku abuurayeen ee João Moutinho iyo Adama Traoré. Daqiiqadii 68 aad Liverpool ayaa ugu danbayn heshay goolka muhiimada wayn u lahaa ee labaad kaas oo uu Van Dijk kooxdiisa kaga dul qaaday culayskii Wolves ka haystay isaga oo qaab fiican u dhamaystiray kubbad caawin uu Mohamed Salah sameeyay wuxuuna goolkani dhashay waqti yar kadib markii uu Lallana fursad dahabi ah qasaariyay. Ciyaarta ayaa noqotay 2-0 ay Liverpool kalsooni buuxda ku heshay laakiin Wolves ayaa wali raadinaysay qaabkii ay ku dhaafi lahayd Alisson oo wali fursado fiican Wolves ka joojinayay laakiin Klopp ayaa daqiiqadii 76 aad ciyaarta soo galiyay Wijnaldum si uu khadka dhexe ugu xoojiyo wuxuuna saaray Roberto Firmino. Daqiiqadii 87 aad Klopp ayaa ciyaarta soo galiyay Clyne wuxuuna saaray Sadio Mane isaga oo aan kulankan wax fursad ah u reebin Shaqiri oo wacdaro soo dhigay kulankii Man United laakiin daqiiqadii 89 aad Wolves ayaa heshay fursad gool cadaan ah loo fishay iyada oo Gibbs-White uu kubbad ku hor helay goolka Liverpool balse shabaqa banaanka ayuu si lama filaan ah ugu dhuftay kubbadii uu goolka ku dhalin lahaa. Mohamed Salah ayaa lumiyay fursado aad u fiicnaa oo uu xataa saddexley goolal ah ku dhalin kari lahaa waxaana shaqo wayn qabtay difaaca Wolves iyo goolhayahooda kaas oo Salah fursado fiican ka joojiyay. Intii lagu jiray waqtigii dheeriga ahaa Wijnaldum ayaa helay fursad cajiib ah kadib markii uu Mohamed Salah kubbada kaga soo guulaystay difaaca Wolves laakiin darbada Gini Wijnaldum ayaa birta goolka wax yar u martay waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2-0 ay Liverpool guul muhiim ah ku soo gaadhay. Guusha Liverpool waxay ka dhigantahay in ay afar dhibcood hogaanka premier league ku sii qabtay waxayna fadhiga ku daawan doontaa kulanka Manchester City iyada oo kulankii 18 aad oo xiriir ah guuldaro la’aan ku sii jirta. Source
  20. Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada golaha wakiilada Puntland, ayaa maanta shaaciyay inuu dhamaaday qabashadii Araajida iyo qaabilaada beelaha ay ku imaan jireen xarunta golaha [...] Source
  21. Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdisalaan Xirsi Gujir ayaa maanta soo saaray warqad ugub ku ah Puntland taas oo uu digniin ugu diraayo duqa caasimada Puntland ee Garowe Axmed Saciid Muuse (Axmed Barre) Warqadan ayuu gudoomiyuhu ku sheegay inuu duqa caasimadu wado olole siyaasadeed kadib markii uu dhawaan booqday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isagoo ku eedeeyey inuu dhawaan magaalada Garowe ku shiriyey xildhibaanada ee laga soo doortay gobalka Nugaal isagoo uga gol leh olole siyaasadeed waa sida uu qoraalkiisa ku yiriye. Arintan ayaa ah mid ugub ku ah Puntland, waxayna daba joogtaa dhacdooyin ku cusub Puntland oo lagu arkaayey intii uu talada hayey Dr Cabdiwali Gaas. Akhriso warqada uu Gujir soo saaray The post Gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo warqad digniin ah udiray Mayorka Garowe appeared first on Puntland Post.
  22. Qarax kale oo weyn ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho wax ka yar 30 daqiiqo markii qarax gaari uu ka dhacay afaafka hore ee Tiyaartarka Qaranka, qaraxan dambe oo aan ka fogeyn kii hore lama oga sababta iyo qaabta ay wax u dhaceen. Qaraxa hore ee Tiyaatarka ka dhacay ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof halka hey’adaha gargaarka ay Goobjoog News u sheegeen inay Tiyaatarka ka qaadeen ugu yaraan 30 qof, oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Weriyaha Goobjoog News ee goobta gaaray waxaa uu sheegayaa in gaari 3aad oo laga shakisan yahay uu goobta yaalo, waxaana loo diiday xataa hey’adaha gargaarka degdegga. Wararka oo faah-faahsan, kala soco halkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo khasaaro kala duwan geystay. Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay meel u dhow Tiyaatarka qaranka waxaana uu sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur gaaray goobo ku dhow dhismaha Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho. Laamaha amaanka ma aysan shaacin ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay, balse waxaa la xaqiijiyay inay waxyeelada ugu badan soo gaartay dad shacab ahaa oo ku sugnaa meel ku dhow albaabka koowaad ee dhanka Tiyaatarka xiga ee laga ilaaliyo madaxtooyada. Qaraxa labaad ayaa la maqlay ugu yaraan 20 daqiiqo kadib markii la maqlay qaraxa koowaad, waxaana qaraxa labaad uu ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Gaariga dambi ayaa ahaa SURF laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo dhacday qaraxa labaad kadib. Gaariga Koowaad ayaa waxaa soo baxaya inuu ahaa mid lagu buufiyay astaanta ciidamada booliska, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin, waxaa sidoo kale soo baxaya in masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir ay ku dhaawacmeen qaraxyada maanta dhacay. Waxaa wali socda tirokoobka dadka waxyeelada gaartay. La soco waxii faahfaahina h Inshaa allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) ayaa qoraal u soo saaray ugu digay duqa degmada Garowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo uu sheegay [...] Source
  25. Waxaa markale qarax uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeyn halka kii hore uu ka dhacay oo ku dhow Tiyaatarka Muqdisho. Qasaaraha rasmiga ah si dhab ah looma oga hayeeshee qaraxydaan ayaa geeystay qasaarooyin kala duwan. Faah faahinta dib kala soco insha allah . Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax Labaad oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.