Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,150
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ee dalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo safiirka cusub ee dowladda Itoobiya usoo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland Shamsudiin Axmad Rooble. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abey Axmed uu kor qaaday meeqaamka ay Somaliland ka taagnayd dalka Itoobiya ka dib markii usoo magacaabay Safiir buuxa. “Shamsudiin Axmad Rooble waa safiirka Itoobiya dhowaan u magacawday Somaliland. Sannadkii 2008 ee wada hadalka Jabuuti uga socday Isbahaysiga ARS iyo TFG, Shamsudiin wuxuu ahaa safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya dalka Jabuuti. dhowr jeer ayaa anigga iyo wafdigii aan hor kacayey shirka wadahadalka kaga baxnay in Itoobiya shirka laga saaro. Maalin Jimce ah ayaan Masjidka wayn ee Jabuuti isku aragnay. Shamsudiin wuxuu ugu yidhi “Waryaa Cabdi, Masjiidkana miyaad iiga baxaysaa”. Shamsudiin waxaan mar kale isku aragnay isagoo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Wadanka Kenya. Su’aasha waxay tahay Shamsudiin waa safiir. Safiir na ma qabto xil qunsuliyadeed. Haddaba sow lama oran karo Abiy Ahmed wuxuu sare u qaaday xidhiidhka itoobiya iyo Somaliland?” ayuu ku yidhi qoraal kooban oo usoo dhigay boggiisa twitterka . Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Arintii ugu hadal haynta badnayd Shalay ee aadka loogu falan qaynayay saacadihii lasoo dhaafay baraha Bulshada ayaa waxa ay ahayd Kulankii Magaalo Xuduudeedka Wajaale Shalay Jimcihii ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalidda Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar kaasi oo ay ka dhasheen dareeno kala duwan oo ay ka mid ahayd in wax la iska waydiiyo cidda lahayd Macsuumadda Kulanka iyo meeqaamka Siyaasadeed ee uu Kulankaasi Somaliland u lahaa. Arimaha Dareenada saluugga lihi ka dhasheen ayaa waxa ka mid ahaa kadib markii uu Madaxwyene Biixi Warbaahinta ka sheegay inay casuumadda Kulankaasi isaga xagiisa ka timid “kulankani waxa uu ku saabsanaa, Madaxweyne Mustafe oo intii uu xilka Dalka qabtay aanaan hore isu arag, inaan ku casuuno halkan maanta oo qado ugu samayno, wada Sheekaysano, Isbarano, kana wada hadalno danta laba umadood, Guud ahaan labada dal, iyo Umadda SoomaaLiyeed ee labada dhinacba degan, Nabadgalyada, Ganacsiga,Iskaashiga, wax wada qabsiga, Dhaqanka iyo wax Alla wixii nolosha kusaabsan , inaanu kor uqaadno oo wanaajino ayaanu ka sheekaysanay,labada dhinacna dad mudakar ah oo wanagsan ayaa ka kala yimid oo leh siyaasiyiin, Ganacsato, Madax dhaqameed, dee aad iyo aad, waa la wada qadeeyay aad ayuu u wanaagsanaa, waanan bilaabi doonaan shirar kale iyo isu imaatino Kale”. Falanqeeyayaaasha Siyaasada Somaliland ayaa Ku tilmaamay Kulankaasi mid aan waxba ku soo kordhinayn saaxadda Siyaasaddii Arimaha Dibada Somaliland oo mudooyinkan dhulka taalay islamarkaana aanay Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya siyaasiyan ahayn kuwo isku dhigma meeqaam ahaan, waxa ay dareenkooda ay ku muujiyeen inay Madaxweyne Biixi uga haboonayd inuu kulankaasi u diro Wasiirkiisa Arimaha Gudaha ama Masuuliyiinta la mid ka ah, waxa ay ku tilmaameen kulankaasi mid uu Madaxweyne Biixi kaga galgalanayay Faashilka albaabadii arimaha dibadda ee Xukuumadddiisa ku soo oodmay iyo dagaalka dhinaca Diblomaasiyadda ee lagaga awood roonaaday islamarkaana uu gaadhay heer uu xiitaa wax xidhiidh ah la samayn kari waayo Wadamada Jaarka la ah Somaliland iyadoo awal ay Somaliland duulaano dhaadheer oo siyaasadeed ku qaadi jirtay guud ahaan Wadamada kuyaala Qaaradda Africa iyo Waliba Wadamo Qaaradda Yurub kuyaala. Baraha Bulshada ayaa aad loogu qaadaa dhigay Shalay sawirradda labada Madaxweyne iyagoo shacabka Reer Somaliland intooda badan saluug ka muujiyay hanaanka la iskugu dhereriyay Labada Madaxweyne. Dadka intooda badan ayaa dareen didmo leh ka muujiyay sida uu Madaxweyne Biixi iskugu xayd xayday inuu Gool siyaasadeed ka raadiyo ismaamul aan meeqaam ahaan u dhignayn Somaliland oo ay Madaxweyneyaashii ka horeeyay qaab hoose ula macaamili jireen. Su’aasha kale ee wax la iska waydiiya ee Dareenka dhalisay ayaa ah in maadaama oo uu Madaxweyne Biixi isagu lahaa fidinta Gogoshan Shalay la iskugu yimid, waxa uu ugu macsuumi waayay inuu Madaxweyne Cagjar Hargeysa Yimaado? Una door biday inuu kulan kula qaato Magaalo Xuduudeeda Wajaale. Source
  3. Isimada Puntland iyo murashixiinta madaxtinimada ayaa kulan albaabada ulaaban yahay ku leh guriga Islaan Ciise Islaan Maxamed ee magaalada Garowe. Kulankaan ayaa daba socda kulamo [...] Source
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii iyo askartii ku geeriyooday qaraxyadii bahalnimada ahaa ee argagixisadu maanta ka fuliyeen magaalada Muqdisho. Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday qaraxyadaas oo ay fuliyeen kuwo naftood halligeyaal ah, arxan daran, diin iyo dadnimo midna aan lahayn. “Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Jannadiisa ku manneysto dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee kooxda arxan laawayaasha ah ku beegsadeen qaraxyadan, intii dhaawacyadu gaareena iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in uu siiyo caafimaad degdeg ah.” Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in weerarada fulaynimo ee aragagaxisadu aanay cabsi galin doonin shacabka iyo dowladdaba in ay gaaraan ahmiyadaha horyaala ee dhinacyada horumarinta, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo u adeegidda bulshadda isagoona yiri “Weeraradda fulaynimo ee argagixisadu ku beegsanayso shacabka aan waxba galabsan nagama leexin donaan dhabbaha horumarka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa intaas ku daray “Weerardan oo kale nagama hor istaagayaan in aan sii xoojinno dhiiranaanteenna ku aaddan in aan ka adkaanno aragagixisada oo aan gaarsiino.shacabka Soomaaliyed xasillooni iyo horumar ay mahdiyaan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in isku daygan argagaxisadu ay ku doonayaan inay ku hor istagaan horumarka shacabka Soomaaliyeed uusan u suurta galayn. “Mileeyshiyaadka jahwareersan ee argagixisada ah waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee uu istaagay in ay gacana ku dhistaan dalkooda, gacantana kalena kula dagaalamaan kuwa ka soo horjeeda horumarka iyo barwaaqada dalka.” Madaxweynaha ayaa bogaadiyey Ciidamada Qalabka sida ee mar walba u taagan qorraxda iyo dhaxanta in ay sugaan amniga, kana hortagaan cadawaga, isagoona faray in ay sii xoojiyaan feejignaantooda. DHAMMAAD PUNTALAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  5. Two explosions hit Somalia’s capital, Mogadishu on Saturday, killing more than a dozen people and wounding several others, police said. The al-Qaeda-linked al-Shabab group, which often targets Mogadishu, claimed responsibility for the attack. The first car bomb detonated at a checkpoint near the national theatre, sending thick white smoke billowing into the sky. The second explosion took place just minutes after, reportedly in the same area. Those killed include soldiers as well as three staffers from the London-based Universal TV station, said police Captain Mohamed Hussein. A prominent journalist, Awil Dahir Salad, was among the fatalities, he added. Ahmed Abdi, another police officer, said the first car bomb exploded at a checkpoint some 400 metres from the president’s residence. Police said politicians and other officials had been travelling nearby on what is a business day in the Horn of Africa nation. Mohamed Bulbul, a journalist based in Mogadishu, told Al Jazeera that Mohamed Tulah, the deputy governor for security in Somalia’s Benadir region, was wounded in the first blast. “Government officials are stationed near the area and it is a very guarded place. From what we know, the security bomber hit the security checkpoint,” he said. Images circulating on social media showed destroyed vehicles and debris littering the streets. “At first I saw a vehicle driving to and fro, then we tried to stop people walking here and there, and then in the blink of an eye the vehicle exploded, causing havoc,” traffic police officer Mohamed Harun told The Associated Press. Al-Shabab, which has carried out several attacks in Somalia and neighbouring countries, is fighting to topple the Somali government and wants to impose a strict version of Islamic law in the Horn of Africa country. The group used to control most parts of the country, but since 2010, the fighters have been removed from most major towns and cities. The US military, which partners with Somali forces and a 20,000-strong African Union peacekeeping mission, has increased air attacks against al-Shabab under the Trump administration. At least 47 US strikes have been carried out this year. SOURCE: AL JAZEERA AND NEWS AGENCIES The post Heavy explosions rocked the Somali capital, Mogadishu appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maamulka Shabakada Warbaahinta Shabelle waxa ay raali gelin ka bixinayaa war ku saabsan in la xiray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo aabare 1:30 duhurnimo laga baahiyay Radio Shabelle. Kaddib baaris iyo dabagal dheeraad ah oo ay Maamulku ku sameeyeen Warkaasi, waxa la xaqiijiyay in uu been abuur ahaa, islamarakaana aysan jirin xarig lagu sameeyay wasiirka. Xubno ka tirsan Xafiiska Wasiirka oo la soo xariiray Shabakada Warbaahinta Shabelle waxa ay beeniyeen warkan, waxana ay dalbadeen in raaligalin laga siiyo wasiirka warkaasi. Ugu danbeyn Maamulka Shabakada Warbaahinta Shabelle waxa ay dhageystayaasheeda iyo Wasiirkaba ka raaligalineysaa warkaasi oo si qaldan u baxay. Shabelle waxaa ka go’an in bulshada ay si dhex-dhexaad ah ugu shaqeyso Bushada Soomaaliyeed ee ay u adeegto. The post Maamulka Shabelle Oo raali gelin ka bixiyay War si qaldan uga baxa Idaacadda appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Two explosions have hit Somalia’s capital, Mogadishu, killing at least 16 people and wounding more than 20 others, police said. The al-Qaeda-linked al-Shabab group, which often taregts Mogadishu, claimed responsibility for the attack. The first car bomb detonated at a checkpoint near the national theatre, sending thick white smoke billowing into the sky. The second explosion took place just minutes after, reportedly in the same area. Those killed include soldiers as well as three staffers from the London-based Universal TV station, said police Captain Mohamed Hussein. A prominent journalist, Awil Dahir Salad, was among the fatalities, he added. Ahmed Abdi, another police officer, said the first car bomb exploded at a checkpoint some 400 metres from the president’s residence. Police said politicians and other officials had been travelling nearby on what is a business day in the Horn of Africa nation. Mohamed Bulbul, a journalist based in Mogadishu, told Al Jazeera that Mohamed Tulah, the deputy governor for security in Somalia’s Benadir region, was wounded in the first blast. “Government officials are stationed near the area and it is a very guarded place. From what we know, the security bomber hit the security checkpoint,” he said. Images circulating on social media showed destroyed vehicles and debris littering the streets. “At first I saw a vehicle driving to and fro, then we tried to stop people walking here and there, and then in the blink of an eye the vehicle exploded, causing havoc,” traffic police officer Mohamed Harun told The Associated Press. Al-Shabab, which has carried out several attacks in Somalia and neighbouring countries, is fighting to topple the Somali government and wants to impose a strict version of Islamic law in the Horn of Africa country. The group used to control most parts of the country, but since 2010, the fighters have been removed from most major towns and cities. The US military, which partners with Somali forces and a 20,000-strong African Union peacekeeping mission, has increased air attacks against al-Shabab under the Trump administration. At least 47 US strikes have been carried out this year. SOURCE: AL JAZEERA AND NEWS AGENCIES
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca ammaanka Maxamed Cabdullaahi Tuulax, ayaa ka hadlay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee uu ku dhaawacmay. Tuulax oo uu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxyada, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay qaraxyada ay ku dhinteen toddoba ka mid ah askartii la socotay iyo darawalkiisa. Hoos ka aqriso qoraalka Tuulax. Walaalayaal ilaahay samir iyo iimaan hanaga siiyo dhamaan dadkii ku geeriyooday qarixii wuxuushnimada ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka theatre ka. Aniga waan fiicanahay Alxamdulilaah ilaahay ayaa naga badbaadahay waxaa ku geeriyooday 7 kamid ah askartii ila socotay iyo darawalkii ilaahay ha’unaxariisto samir iyo iimaana hanaga siiyo iyo guud ahaan ciidankii madaxtooyada oo wax yeelo kasoo gaartay. Waxaan ka qaadaynaa falalka nuucaan oo kale dhiirigelin iyo inaan sii laba jibaarno la dagaalanka cadawga umadda soomaaliyeed. Waxaan tacsi gaar ah u dirayaa bahda tvga Universal oo uu ka baxay cawil daahir salaad iyo intii la socotay ilaahay samir iyo iimaan hanaga siiyo. Sawirka hoose waa gaarigii aan saarnaa iyo sida uu noqday Alla dilaa dhinta
  9. Somali police say at least 17 people have been killed in attacks near the presidential palace in the capital Mogadishu that have been claimed by the Islamist terrorist group al-Shabaab. At least 25 others were wounded in the bombings on Saturday morning, police officer Ahmed Bashane said. Seven police officers, a prominent Somali journalist, and many civilians were among the dead, he said. An explosives-laden vehicle blew up at a military checkpoint near the palace and the National Theatre around 9:30 am (0630 GMT), damaging nearby buildings and sending thick black smoke billowing into the sky. The suicide attacker detonated his explosives as security forces conducted a search of the vehicle, officer Ali Hassan Kulmiye said. The loud boom could be heard across the city on what is a normal business day in Somalia. The post Death toll in Mogadishu blasts rises to 17 appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee dalka jiray. Markii uu dalka burburka [...] Source
  11. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed C/laahi Salaad Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay M/ Muqdisho ayaa beeniyay eedeymo loo jeediyay oo ku aadanaa Musuq-maasuq iyo in uu sameystay shirkad gaar ah. Wasiir Oomaar ayaa dacayad ka dhan ah isaga ku tilmaamay eedeymahaasi, waxaana uu xusay in wararkaasi ay baaahiyeen dad Mucaarad ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa meesha ka saaray in uu lee yahay shirkad gaar ah, Ganacsi kale. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/oomaar-.mp3 The post Wasiir Oomaar Oo beeniyay eedeymo loo jeediyay appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Kulan lagu taagerayay musharaxa Madaxweyne 2019 Dr: C/Wali Cali Gaas ,Madaxweynaha Puntland ayaa lagu qabtay magalaada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland . kulanka ayaa waxaa [...] Source
  13. Muqdisho (Caaismada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda labadii qarax ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu dilay dad gaaraya ilaa 20 qof. War rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayay ku sheegatay in qaraxyada oo ahaa kuwa is xig-xigay ay la beegsatay koontaroollada laga galo xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia. Qoraalka Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegau in weerarkan lagu dilay saraakiil iyo askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada iyo xubno kale. Ma jirto cid xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab ee ah inay dileen ilaalada madaxtooyada. “Daqiiqado kadib ayaa qarax kale lagu beegsaday goob baabuurta la dhigto, oo isna lala helay ciidamo gurmad ah oo ku soo wajahnaa goobtii uu qaraxii hore ka dhacay, goob joogayaal waxay sheegeen in Meydadka iyo dhaawacyada askar iyo saraakiil katirsan Dowladda Federaalka laga qaaday goobta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab. Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku dhintay qaraxyada maanta, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan, iyadoo dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen rayid ku sugnaa goobaha qaraxyada ay ka dhaceen. Dadka ilaa iyo hadda la aqoonsaday inay ku dhinteen qaraxyada ayaa waxaa kamid ah Wariye Cawil Daahir Salaad, Darawal gaariga u waday iyo shaqaale ka tirsan TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee dalka jiray. Markii uu dalka burburka galay wuxuu weriyaha ka mid ahaa dhalinyaradii isku dayay dib u soo nooleynta warbaahinta. Wuxuu soo saari jiray mid ka mid ah wargeysyadii tirade yaraa ee gacanta lagu daabici jiray. Sanadkii 2000 ayuu Cawil ku biiray idaacaddii iyo telefishinkii Horn Afrik oo ahayd warbaahintii ugu horreysay ee madax bannaan ee dalka ka hirgasha. Wuxuu sidoo kale qori jiray sheekooyinka gaagaaban. Wuxuu weriyuhu caan ku ahaa barnaamijka Dood-wadaag oo looga hadli jiray arrimha bulshada iyo xaaladaha taagan. Xaalada magaalada Muqdisho markii ay xumaatay, bartamihii sanadkii 2005 ayuu weriye Cawil dalka ka cararay isagoo u guuray qurbaha, halkaas oo uu mihnaddiisa ka sii watay. Isagoo kaddibna ku biiray telefishinka Universal oo uu barnaamijkiisii Dood-wadaag ka sii watay. Weriye Cawil dhowrkii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu u soo wareegay, wuxuuna aaminsanaa in xaaladda dalka ay soo hagaageyso. Weriye Cawil Daahir Salaad oo da`diisa lagu qiyaasay 45-sano-jir ayaa ka tegay xaasas iyo carruur, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Garoowe ( Sh. M. Network )-C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyaha G/Mudug Xassan Maxamed Khaliif (Abgaalow). Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa xilka looga qaaday guddoomiyahaasi, iyadoona lagu magacabaay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Cabdulqaadir Xuseen Nuur (Dirir). Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif (Abgaalow) ayaa waxaa xilkaasi loo magacaabay 23 December sanadkii 2015-kii. Maalmihii la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha Puntland waxa uu isbedalo kala duwan ku hayay maamulkaasi. The post Madaxweyne Gaas Oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta Wariye ,Cawil Daahir Salaad iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Universal Tv oo argagixisadu Saaka qarax ku dileen. Wasiir Geelle, ayaa naxariista Janno Alle ugu baryay Wariye, Cawil iyo dadkii kale ee ku naf waayay weerarradii argagixisadu ka geysteen Magaalada Muqdisho. Marxuum, Cawil Daahir Salaad, ayaa ka mid ahaa Wariyeyaasha ugu caansan Soomaaliya, isagoo kasoo shaqeeyay warbaahinno kala duwan , isagoo hadda ka mid ahaa howl wadeennada Taleefishinka Universal. The post XFS Oo oo ka tacsiyadeysay geerida Wariye Cawil Daahir appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Ardayda wax ka barata Jaamacada Bariga Afrika ee magaalada Bosaaso ayaa maanta u fariistay Imtixaankii weynaa ee jaamacada Bariga Afrika oo ahaa simistarkii dhexe ee [...] Source
  18. Wasiirka duulista hawada Soomaaliya oo goordhow la hadlay wariyaasha ayaa been abuur ku tilmaamay warar uu sheegay in laga faafiyay. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in warkaasi ay soo abaabuleen dad dano gaar ah leh oo ay kamid yihiin shirkado dano siyaasadeed ka leh Soomaaliya iyo siyaasiin mucaarad ah. Warkaasi oo ay baahiyeen qaar kamid warbaahinta Soomaalida ayuu wasiir Oomaar ku sheegay in ay tahay mid aan waxba ka jirin. Waxa uu soo hadal qaaday warar la is la dhexmarayay oo ku aadan in Wasiirka lagu heysto arimo musuqmaasuq iyo shirkad uu shaqada ka joojiyay ayuu arimahaasi ku sheegay in ay tahay mid aan waxba ka jirin. Qaar kamid ah Warbaahinta Soomaalida ayaa tabisay warar la xariira in Wasiir Oomaar loo heysto arimo musuq maasuq. Hoos ka dhageyso codka Wasiirka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Wasiir-Oomaar.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiir Oomaar oo beeniyay in musuqmaasuq loo xiray appeared first on Puntland Post.
  19. Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay 14 kalen waxaa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo ka dhacay meel ku dhaw Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay a [...] Source
  20. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay ninkii hoggaaminayay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Ciidamaa amnigu ay soo qabteen wadahii Gaarigii danbe ee ku qarxay Taallada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere. War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in weerradan qorshahoodu uu ahaa in lagu laga beegsado xarunta Murtida iyo madadaalada ee National Terte-ka Qaranka,halkaas oo Maalmahan ay Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda oo iskaashanaya ay dayactir ka wadeen. Qoraalkan ayaa gebagabdii lagu yiri ,” ficilladooda arxandarrada ah nama wiiqo doono, dibna nooma celin doono inta Ciidanka iyo Shacabka iskaashanayaan” Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyadan oo labo ahaa, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen Saraakiil iyo Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya. The post NISA Oo sheegtay in la qabtay ninkii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-221218-SX.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay Hay’adda Nabad Suggida Somaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamada NISA ay ku guuleysteen soo qabashada ruux ay ku sheegeen inuu ahaa hoggaamiyihii ka dambeeyay qaraxyadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho. NISA qoraalka ay soo saartay waxa ay ku sheegtay hawlgal ciidanka ay sameeyeen in lagu soo qabtay ruuxa ka dambeeyay labada qarax ee maanta ka dhacay Muqdisho. Waxa kale oo NISA ay sheegtay in la soo qabtay ruuxii waday gaariga labaad ee ku qarxay Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho oo inta uusan qarxin ka hor la qabtay ninkii waday. Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ma aysan sheegin magaca qofka la soo qabtay ee ay sheegtay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxyada dhacay. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda laba qarax oo gaadiid loo adeegsaday oo mid ka mid ah lagu dhuftay Koontaroolka Ciidanka Koofi gaduuda ay ku leeyihiin Tiyaatarka Qaranka, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.