-
Content Count
207,150 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kulanka looga hadlay doorshada Puntland Issimada Puntland, Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka, saraakiisha amniga doorashada iyo inta badan musharaxiinta ayaa kulan ku yeeshay magaalada Garowe, gaar ahaan guriga Islaan Ciise Islaan Maxamed. Kulankan ayaa looga hadlay cabasho ay musharxiinta Puntland ka qabeen Guddiga khilaafaadka Baarlamaanka iyo saraakiisha amniga doorashada oo ay horey ugu gudbiyeen issimada. Musharax Aadan Gaadaale oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in issimada Puntland ay damaanad qaadeen wixii cabashooyin ah ee ka yimaada Guddiga khilaafaadka iyo kan amniga, isla markaana wixii cabasho ah oo ay qabaan musharaxiintu loo soo gudbinayo issimada. Sidoo kale musharax Gaadaale oo ku hadlayay afka musharaxiinta ayaa sheegay in ay ku qanceen arrintaas ayna uga dambeyn doonaan issimada Puntland. Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa maalmaha soo socda laga sugayaa liiska Xildhibaanada, waxaana la soo sheegayaa in ay jiraan xubno badan oo muran ka jira. Doorashooyinka Puntland ayaa muran ka dhashaa Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka iyo amniga doorashada, inkastoo marka dambe xal laga gaaro. PUNTLAND POST The post Issimada Puntland oo damaanad u sameeyay musharaxiinta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-221218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa lagu cambaareeyay Labadadii qarax ee kooxda Al-Shabaab ay maanta ka geysteen Agagaarka Golaha Murrida iyo Madadaalada Qaranka (National Theater)wuxuu dadkii musiibadaas ku geeriyooday uu Alle uga baryay in Naxriistii jano uu ka waraabiyo eheladoodana uu Samir iyo iiman ka siiyo ,sidoo kalena kuwii ku dhaawacmay uu bogsiimo deg deg ah siiyo. “Anigoo ku hadlaayo Magaceyga,kan guddoonka Golaha iyo sidoo kale kan Xildhibaanada Golaha Shacabka Waxaan cambaareynayaa dhacdooyinkii foosha xumaa ee kooxaha nabad diidka ay maanta ka geysteen Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Theater-Qaranka ,dadkii ku geeriyooday Illaahey naxriistiisa haka waraabiyo kuwii dhaawacmayna Caafimaad deg deg ah Allaha ha siiyo dhamaanteenana samir iyo iimaan Allaha ha naga wada siiyo. Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa uga mahad celiyay hay’adaha amaanka Qaranka dadaalada ay mar walba ugu jiraan ka hortaga dhagaraha kooxaha Argagixisada ah ay la damacsanyihiin shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan u mahad celinayaa qeybaha kala duwan ee Ciidanka Amaanka Qaranka oo u taagan difaaca sharafka iyo karaamada dadka Soomaaliyeed iyo fashilinta dhagaraha kooxaha nabad diidka ah” Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan laamaha Amaanka Qaranka oo mar walba u taagan difaacooda si loo soo afjaro dhibaatooyinka kooxdan ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan oo ay garabkooda istaagaan Ciidanka Amaanka si looga adkaado kooxaha nabad diidka ah ee fikradaha shisheeye ku shaqeeya mar walbana u taagan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed. The post Gudoomiye Mursal oo ka hadlay qaraxyadii Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa cambaareeyay Weerarradii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Nicholas Haysom ayaa lagu sheegay in weerarada ay ku dhinteen ugu yaraan 20-ruux oo isugu jiray ciidammo, shacab iyo xubnihii weerarka fuliyay. Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadan oo laba ahaa midkii ugu horreeyay ayaa ka dhacay bar–koontarool oo ku taalla agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho, waxaana dadka geeriyooday ka mid ahaa wariye ka hawl-galayay Telefishinka Universal oo xaruntiisu tahay London. “Weeraeradii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa muujinaya sida fulaynimada ah ee Al-shabaab ay u beegsanayso kuna xasuuqayso shacabka aan waxba galabsan, kuwaasoo xaq u leh inay ku noolaadaan Nabad-gelyo iyo sharaf,“ ayuu yiri Mr Haysom. Sidoo kale, Ergayga QM oo sii hadlay ayaa yiri. “Waxaan ku boorrinaynaa mas’uuliyiinta Dowladda Somalia inay ku dadaalaan inay la dagaallamaan xag-jirnimada oo mas’uul ka ah dambiyadani naxdinta leh. Waxaan tacsi tiiraan leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibadii kuwii ku dhintay labadii Qarax ee maanta dhacay.” Dhanka kale, Haysom warbixintiisa ku sheegay inuu u rajeynayo dadka ay daawacyadu soo gaareen caafimaad deg-deg ah, wuxuuna ku baaqay in laga hor-tago fal walba oo dhibaato ku ah shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa si wadajir ah u cambaareeyay qaraxyadii maanta ay Xamar ka dhacay, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan labaatan qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen. PUNTLAND POST The post Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia oo si adag uga Hadlay Qaraxyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Maalin kale oo murugo leh ayaa umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Caasimadda ayey maanta goobjoog loo noqday kaddib labadii qarax ee lagu laayey shacabka. Labada qaraxa oo ka dhacay meel aan ka fogeyn Madaxtooyada waxaa ku geeriyooday dad badan balse ilaa iyo hadda ma jirto cid Xukumadda ka tirsan oo mas’uuliyeeddda dhabarka u ritay oo waxa ay u muuqataa in sidii kuwii hore maalin ama laba dambe lagu ilaawi doono. Hadaba weydiinta qof walba doonayo in looga jawaabo ayaa ah, yaa leh mas’uuliyadda oo ay tahay in lagula xisaabtamo? Laba bil gudohood waxaa ku dhacay afar qarax oo laba ay ahaayeen bishii hore oo lala eegtay Hotel Saxafi oo ay dagan yihiin Xildhibaanno iyo kuwii maanta oo gil gilay magaalada. Caadiyan haddii amniga sidaas u xumaado waxa uu dhaqanka dowladnimada wanaagsan farayaa in ciddi qaatado eedda oo ay bulshada ka hor leexdaan. Wasaaradda Amniga? Wasiirka Amniga ee dowladda mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale tan iyo markii uu xilka qabtay waxaa dalka ka dhacay weerarro bahalnimo ahaa oo uu ugu weynaa kii Zoobe, laakiin halkii uu iska casili lahaa wali waa soo taagan yahay. Waa caadi in Wasiirka xil jaceyl hayso oo uu doonayo in uu ku sii dhaganaado xafiiska, hase ahaatee, aaway kaalintii Ra’isul Wasaaraha dalka iyo tallaabadii looga fadhiyey? Waxaa halkaas ka cad in Ducaale aan lagu dhicin iska daa in xilka laga qaadee, xataa waa la quuri la’yahay in Wasaaraddiisa lagu eedeeyo xilkasnimo darrida iyo dayaca Amniga dalka. Waxaaba ugu daran, iskadaa goobaha kale ee la wareeray, haddii uu damiir jiro waxa uu is casili lahaa markii la wareeray xaruntiisa oo dhulka lala simay. Shacabka in ay maalin walba xamaal soo taagnaadaan oo ay ooyin ku sagootihiin kuwii ay jeclaayeen waxa ay Xukumadda Kheyre la doorbidday u damqashadooda nin jacleysi iyo mas’uuliyad darro. Hay’adda NISA Hay’adda sirdoonka waxay hoos tagtaa wasaaradda amniga iyo wasiir Ducaale, hase yeeshee waxaa madax ka ah Fahad Yaasin. Fahad oo ah agaasime ku xigeenka ayaa xilka agaasimaha haya, maadaama aan weli la beddelin agaasimihii is-casilay. Ilaa hadda ma qaan meel Fahad Yaasin kusoo bartay ammaanka iyo sirdoonka, iyo halka uu ka helo khibradda uu ku hoggaamiyo hay’adda ugu muhiimsan qaranka Soomaaliya. Maalin kasta NISA waxay twitter soo dhigtaa qoraalo ay ku sheegto dad lasoo qabtay oo Shabaab ah, haddana weli qaraxyadii sidooda ayay u dhacayaan. Dadka ay sheegto in la qabtay marna lama arko, mana soo bandhigto. Waxaan u fahmay muujin waxqabad aan jirin, ileen qaraxyada kama hortagtee. Haddii uu jiro xisaabtan dhab ah, waa in la beddelaa Fahad Yaasin iyo Ducaale, haddii kale madaxda dalka ha noo sheegeen in xisaabtanka ku kooban yahay dad gaar ah. W/Q: Maxamed Xuseen Mataan Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Alle-ha-unaxriistee, waxaa galabnimaddii Sabti lagu aasay magaalada Muqdisho wariye Cawil Daahir Salaad. Suxufiga ayaa kamid ahaa Tobaneeyo ruux oo ku geeryootay qaraxyadii Barqinimadda maanta ruxay magaalada caasimadda ah. Cabdullaahi Xirsi, agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Tv-ga Universal, oo uu ka tirsanaa Marxuum Cawil ayaa tacsi udiray ehelka iyo asxaabtiisa. Cabdullaahi Carabey, Maxamed Dubud iyo shaqsi kale oo magaciisa lagu soo koobay Ibraahim oo ay Cawil kawada tirsanaa Telafishinka Universal, ayaa kamid ahaa dadkii maanta la aasay oo uu qaraxu galaaftay. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wariyaasha ka howlgasha Muqdisho qaarkood ayaa kamid ahaa dadkii Aaska ka qaybgalay. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka saaratay inay ka dambeysay qaraxyaddani xili hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ay shaacisay inay gacanta ku dhigtay ninkii soo abaabulay. Madaxwayne Farmaajo oo cambaareeyay wuxuu carabka ku dhuftay in marnaba aysan dowladdu udhutin weeraraddaan noocaan ah oo uu ku sifeeyay kuwa “bahalnimo ah”, sida lagu xusay bayaan kasoo baxay xafiiskiisa. The post Mas’uuliyiin ka qaybgashay Aaska wariye Cawil Daahir appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dhageyso: Musharrax Jabriil Oo Ka Hadlay Xaaladaha Puntland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Musharrax Daahir Mire Jabriil ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Garoowe, ee caasimadda Puntland. DR Jabriil oo kamid ah musharrixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Puntland ayaa waxaa Garoowe ku soo dhoweeyay masuuliyiin dowladeed, siyaasiyiin, ururrada bulshada sida waxgaradka haweenka iyo dhallinyarada. Khudbad aad u dheer oo musharraxa uu u jeediyay dadkii soo dhoweeyay ayuu kaga hadlay xaaladaha ay Puntland soo martay iyo midda maanta. Musharrax Daahir Mire soo hadal qaaday dhaqaalaha Puntland, wuxuu xusay in dhaqaaluhu uu meel liidato marayo maanta islamarkaana xukuumadda waqtigeedu dhamaaday ku guuldareysatay kobcinta dhaqaalaha Puntland. Isha dhaqaale ee Puntland ugu weyn waa dekadda Boosaaso, dhowaan madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ballaarinta dekadda ay xukuumaddiisu garwadeen ka ahayd. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/DR-DAAHIR-MIRE-JABRIIL-22-12-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ]Farmaajo] ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii iyo askartii ku geeriyooday qaraxyadii bahalnimada ahaa ee argagixisadu maanta ka fuliyeen magaalada Muqdisho. Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday qaraxyadaas oo ay fuliyeen kuwo naftood halligeyaal ah, arxan daran, diin iyo dadnimo midna aan lahayn. “Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Jannadiisa ku manneysto dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee kooxda arxan laawayaasha ah ku beegsadeen qaraxyadan, intii dhaawacyadu gaareena iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in uu siiyo caafimaad degdeg ah.” Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in weerarada fulaynimo ee aragagaxisadu aanay cabsi galin doonin shacabka iyo dowladdaba in ay gaaraan ahmiyadaha horyaala ee dhinacyada horumarinta, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo u adeegidda bulshadda isagoona yiri “Weeraradda fulaynimo ee argagixisadu ku beegsanayso shacabka aan waxba galabsan nagama leexin donaan dhabbaha horumarka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa intaas ku daray “Weerardan oo kale nagama hor istaagayaan in aan sii xoojinno dhiiranaanteenna ku aaddan in aan ka adkaanno aragagixisada oo aan gaarsiino.shacabka Soomaaliyed xasillooni iyo horumar ay mahdiyaan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in isku daygan argagaxisadu ay ku doonayaan inay ku hor istagaan horumarka shacabka Soomaaliyeed uusan u suurta galayn. “Mileeyshiyaadka jahwareersan ee argagixisada ah waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee uu istaagay in ay gacana ku dhistaan dalkooda, gacantana kalena kula dagaalamaan kuwa ka soo horjeeda horumarka iyo barwaaqada dalka.” Madaxweynaha ayaa bogaadiyey Ciidamada Qalabka sida ee mar walba u taagan qorraxda iyo dhaxanta in ay sugaan amniga, kana hortagaan cadawaga, isagoona faray in ay sii xoojiyaan feejignaantooda. The post MD Farmaajo oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxan aad ugu mahadnaqayaa akhyaarta ka qayb qaadatay raadinta erey-bixinta Af-Somali ee ereyga Agenda ee English-ka ah een shalay soo dhigay bartaydan Facebook.Waxa cad inaan ilaa hadda la hayn erey af-Somali ah oo la macno ah Agenda (marka laga tago ereyo isa saaran oo macnaynaya ereyga). Haddaba waxa xaqiiq ah inay jiraan Erayo badan oo kan la mid ah, si joogta ahna ugu jira hawl-maalmeedka maamul ee dalka(kuwa dawladda iyo kuwa ganacsiga gaaraka ahba). Qaar badan oo kamid ah ereyada aan afkeenna ahayn ee English ama Carabi aynu ka qaadannay ayaan idinla wadaagi doonaa dhowaan. Haddaba in ereyga afkeenna laga waayaa qalad maaha balse waxa qalad ah inay xafiisyada wada shaqaynta lihi erayo kala duwan u adeegsadaan turjumada hal erey sida AGENDA! Waxay aniga ila tahay in la yagleelo Xafiiska Erey-bixinta Qaranka oo isagu dejin doona erey bixinta afka oo si isku mid ah dalka loogaga dhaqmo. Arrintan waxaynu iska kaashan karraa dalalka kale ee Af-Somaligu mudankooda yahay. Waxa xusid mudan inay dalalka carabtu wada leeyihiin Xafiiska erey bixinta (Language Standardization office) https://ar.m.wikipedia.org/wiki/ oo isagu arrimaha cusub ee caalamka ku soo kordha u magac bixiya. Magac bixntaas oo ay dhammaantood qaataan oo adeegsadaan. Tusaale: Xafiiskaa ereybixnta carabu waagii uu Computer-ku soo baxay wuxu u bixiyey magaca XAASIB AALI, balse markii Calculator-ku soo baxay bay caqabad la kulmeen oo ka cusubi uga dhowaaday macnaha magacani xambaarsan yahay, dabadeed mar kale ayey ka fadhiisteen magacyada ay labadaa aaladood u kala bixinayaan. Waxay go’aamiyeen in magaci XAASIB AALI uu munaasib ku yahay Calculator-ka oo ay isaga u bixiyeen, Computer-na loo daayo in ereyga Computer sidiisa loo carabiyeeyo oo maanta waa Computer afka carabiga. Waxa laga yaabaa inay dadka qaar u arkaan inanu Xafiiska Erey bixintu xilligan mudnaan lahayn laakiin aniga siday ila tahay waa xafiis aan kellifi doonin dhaqaale badan balse wax weyn ka tari doona toosinta maamulka, waxbarashada, kaydinta dhaqankeenna soo jireenka ah iyo arrimo kale oo horumarka halbowle u ah. Aqoon-yahanka dalka waxan ku boorrineyaa inay arrimaha siyaasadda ee aadka loogu mashquulay ku daraan siday iskaga kaashan lahaayeen waxna uga qaban lahaayeen arrimaha kale ee faraha badan ee toosinta iyo tayeynta u baahan ee dalka yaalla. Ammaana Alla Cali Aadan Cawaale aliaawale1@gmail.com Source
-
Waxay ku beegnayd 24 Dec 2017 kii , markii Masiibo ka dhashay dab qabsaday in ka badan lixdameeyo meheradood oo ku yaala Magaalada Tog-Wajaale oo ay ku burburtay Hanti kabadan laba Milyan oo doolar oo ay lahaayeen muwaadiniin ganacsato reer Somaliland ah. Ganacsatadaa hantidooda ku waayey oo qaarkood tobaneeyo sanno kasoo xoogsaday Dalka amaankiisu khatarta badan yahay ee Koonfur Africa kadibna dalkooda usoo gurya noqday ganacsina ka yagleelay magaalada Tog-wajaale , iyo kuwa kale oo iyaguna hantida halka ay ku waayeen rafaad iyo juhdi ku keenay. Kuwaa oo manta ayna gacanta waxba ugu jirin. Waxaa jirtay in mar Gudida Ganacsatada Togwajaale ay isku xilqaameen in loo gurmado oo wax loo ururiyo balse taasina may noqon wax tamarisa oo midho dhal noqda. Waxaa kale oo iyana jirtay in Madaxweyne Muuse Biixi u Magacaabay Guddi Masuuliyiin Xukuumadiisa ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta , Wasiirka Boosaha iyo Wasiirku xigeenkii hore ee Maaliyada si gurmad taakulo loogu fidiyo Ganacsatadaa Dabku Caydheeyey……nasiib daro se iyagana warkoodii lawaa meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Haddaba, Gurmadkii kala duwanaa iyo balamihii loo qaaday muwaadiniintaa hantidoodii kuwaayey masiibada dabku keenay, Ma Ceelna Uma Qodna Ceelalyana uma Maqnaa ! Waxaan kula talinayaa Madaxweyne Muuse Biixi in uu xaaladaa dusha ku xusan dib u eego . waxanan leeyahay Madaxweyne Ganacsatadaa manta Masiibada dabka ka dhashay hantidoodii ku waayey waa Muwaadiniintii aad madaxweynaha u ahayd ee Xilkoodu ku saarnaa, dibna u milicso go’aankii gurmad ee aad hore uga qaadatay wixii dhiciseeyey, haddana waa mid lagaa sugaayo. Wabillahi Tawfiq Cabdirasaaq Askar Hargeisa,Somaliland ihsan_acf@hotmail.com Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-221218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maanta oo ay taariikhdu ahayd 21-12-2018 waxa magaalo ganacsiyeedka Wajaale ee xuduudka Ethiopia iyo Somaliland ku kulmay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi iyo Madaxweynaha dawlad deegaanka Ethiopia Mustafa cagjar. Kulankani Somaliland meeqaamka siyaasada iyo diblomasiyada marka la eego waa mid aan u qalmeyn xaqiiqatan qaran ahaan , iyo Madaxwayne ahaan Maamuuskiisuba , hase ahaatee waxa aan is leeyahay sadex arin uun baa kalifay ama dabada ka riixaya oo kala ah kulankani labada Madaxwayne wajaale isku arkeen oo kala ah; in Madaxwayne Muuse Biixi iyo xukuumadiisu ay salaan uga sii dhiganayso dawlad deegaanka somalida Ethiopia dawlada federalka ah ee Ethiopia iyo xukuumada uu hogaamiyo raisal wasaare Abiy Ahmed oo aanay hore ugu suuragalin in ay kulmaan Somaliland oo ah dal muhiim ka ah mandaqada. Qodobka labaad oo ah in ganacsatada reer Somaliland dabada ka riixaysay si ay uga faaiideystaan siyaasada ganacsi iyo maalgashi ee furfuran, ee uu la yimi Raisal wasaaraha Ethiopia oo fursad u ah ganacsatada reer Somaliland, maadaama ganacsatada Ethiopia ba ay Somaliland ku leeyhiin ama keenaan wax badan oo Ethiopia ka yimaada oo leh adeeg iyo badeecadaba, sida jaadka, sibidhka, khudaarta iyo iskuulo, jaamacado, cusbitalo iwm. Muhiimada sadexaad ee uu leeyahay kulankani oo ah iskaashiga amaanka iyo kawada shaqeyntiisa maadaama oo ay labada dalba ku yaalaan mandaqad dagaalo badani ka socdaan oo cadawyo badan ay jiraan gobolka geeska Africa. Si kastaba ha ahaato e kulankani waxa uu u muuqday mid aad looga soo shaqeeyay oo dhinaca Ethiopia lafteeda aad moodeysay in lagu soo canaantay hadal ay Somaliland hore ugu sheegeen in cadawgoodu iska soo abaabulayo oo ay raaligalin ka bixiyeen dawlad deegaanka somalida Ethiopia. Si kastaba ha ahaatee maadaama aan la kala maarmin dadka Somaliland iyo kuwa dawlad deegaanka somalida Ethiopia ay yihiin dad qudha oo isku abtirsiin iyo isir ah kulankani waxa la rajeynayaa in uu noqdo mid wax weyn iyo horumar keeni kara oo intii hore aad la isaga soo dhawaado. Aragtidii iyo qalinkii Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Source
-
Waxay u yara baahan tahay in yar oo la qabsi ah sida: Markuu Ibbi su’aasha weydiinayey iyada iyo Dr. Bulxan wuxuu ku yidhi ” Adeerkay Bulxan iyo walaashay Sucaad” macnuhuu waa nin Dir ah oo Biyo-Maal ah may fahmin hadalkiisa iyo Code ka uu kala hadlay. Wuxuu u raaciyey in walaalkiis Cabdi Ingiriis uu ka mid ahaa SNM tii Burco soo gashay. Laakiin lama fahmin. Dr. Bulxan qudhiisu ceebbay ku ahayd inuu hab qabiil ku weeraro Dr. Xuseen Warsame. Xildhibaan Ibbi wuxuu weydiiyey ” Ma la idinla dhashaa, ma la idinka dhashaa” waa duurxul joog hoosi ku socda oo uu leeyahay Isaaqow maxaad Gadabiirsi, Ciise, Biyo-Maal, iwm, ku diidan tihiin oo Dirnimada uga cararaysaan. Xogahaya waddani wuxuu yidhi 27- sanno ayaa ka soo wareegtay burburkii iyo xasuuqii innagu dhacay dadkii dhibtaas geystayna way dhinteen aan ka gudubno oo hore uga soconno. Runtii waa fikir wanaagsan in la tanaaasulaana waa wax aad u wanaagsan. Laakiin waxa ka sii wanaagsan in la helo madaxweyne ama Raysalwasaare ummadda hortooda ka qira in dadkan la dulmiyey lana xasuuqay na cafiya cid tidhaahda waa in la helo intaynaan innagu wax cafin. Cidda la cafinayo waa in la isla garto cidda ay tahay. Madaxtooyada Soomaalilaan ayaa xulata Baarlamaanka Muqdishana malaha waxay ku khalday Salaadiinta qaarkood ayaa Muqdisho ku xidhan ama Wakiillo ku leh laakiin wali xulshadaas lama gaadhin. Dr. Xuseen Warsame Bulxan wuxuu kaga aragti wacnaa wuxuu yidhi ” %49 ayaa la siiyaa beelaha aad ka badan tahay, halka kuwa badanina ay qaataan %50″ waa fikirka ugu habboon ee Soomaalilaan u baahan tahay waana ka kali ah ee ay ku xalaaloobi karto. Laakiin Dr Bulxan halkan muu fahmin dagaal hoose ayuu Xuseen Warsame ku qaaday. Xataa wuxuu illaaway Xuseen inuu nin Dir ah yahay oo ay yihiin laba nin oo u dhigma Majeerteen iyo Ogaadeen oo kale. Dadka Muqdisho ka yimina sidaas bay u arkaan una arkayeen. Guddida uu ku taliyey Maxamed Biixi Yoonis ayaa ahayd taladii ugu wanaagsanayd ee meesha timi. Waxayse ku xidhnaan doontaa, cidda guddidaas hoggaamisa, siyaasadda ay la timaaddo, iyo halkay xarun ka dhigtaan, ugu danbeyn siday u shaqayso iyo sida loogu kalsoonaado. Xukuumadda Muuse Biixina waxa la gudboon inay aqbasho in doodahan oo kale Hargeysa lagu qabto oo fikirka innaga soo horjeeda ee aan siyaasiga ahayn balse aqoonyahanka ah uu aqbalo oo laga dhagaysto waxay sheegayaan. Afxakame ayaa Kite Fiqi ku yidhi goorta aanay kaaga danbeyn iyo meesha aanay kaaga danbeyn ii sheeg waan ku soo weerarayaaye Kite Fiqi wuxuu ugu jawaabay ” Goorta aanay iiga danbeyni waa marka farduhu ii nastaan ee qaarka danbana biyo la galaan qaarka horana caws, meesha aanay iiga danbeynna waa markaan Buurdhaab sinta ku hayo” Faysal Rooble ayaa su’aashan Dr. Bulxan weydiiyey “maxaa idiin minimize ah ama maximize ah” waxaan rabnaa inaan yeelanno Plan B cad oo qeexan oo dawladnnimada aynu ku ilaalinno haddii kale meel xun bay inala tagi doontaa. Dadku waxay inoo arkaan dad cadhaysan oo cuqdad qaba, waxaana dacaayadahan faafiyey dad taga meelaha aynaan tagin. Waxa inala gudboon inaynu hareeraha fiirinno oo meel dheer wax ka eegno. Maxamed Aadan Tarabbi Bulay571@gmail.com Source
-
(SLT-London)Gudoomiyaha Shirkada TalkRemit Siciid Maxamed Siciid (Dahabshiil) oo ah wiil uu dhalay ganacsadaha weyn ee Dahabshiil ayaa faahfaahin cusub ka bixiyey APP cusub oo aad lacagta meeshii aad adduunka ka doontid ugu dirsan kartid. APP-kan cusub oo lagu magacaabo TalkRemit ayaa waxaa maalgeliyey Gudoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Maxamed Siciid. SIciid Dahabshiil oo u waramayey Telefishanka BBC qaybta afka Soomaaliga ayaa sheegay in APP-kani uu soo kordhin doono adeegyo fududaynaya isu dirka lacagaha iyo horumarka Ganacsiga, iyadoo ay dheertahay inaad APP-kan kala hadli kartid ehelkaaga ama qofkaad lacagta u dirtay, wuxuu leeyahay messenger sida Whatsapp ka oo kale ah, uma baahnid inaad xawaalad tagto, meelkasta oo aad joogto waxaad isticmaali kartaa Guri, Xafiis, Shaqada ama Suuqa . APP-kan waxaad ka heli kartaa Play Store ama Andriod. HOOS KA DAAWO WARAYSIGII GUDOOMIYE SMS: Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dad badan ay ku dhinteen kuwo kalana ay ku dhaawacmeen. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay weeraradii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo masuuliyiin dowladda ka tirsan ay dhaawacyo kasoo gaareen. “Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Jannadiisa ku manneysto dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee Shabaab ku beegsadeen qaraxyadan, intii dhaawacyadu gaareena iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in uu siiyo caafimaad degdeg ah.” Madaxweyne Farmaajo ayaa wacad ku maray in weerarada Shabaab aanay cabsi galin doonin shacabka iyo dowladdaba in ay gaaraan ahmiyadaha horyaala ee dhinacyada horumarinta, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo u adeegidda bulshadda isagoona yiri “weeraradda Shabaab ku beegsanayso shacabka aan waxba galabsan nagama leexin donaan dhabbaha horumarka.” Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman ayaa Shacabka Soomaaliyeed dhankiisa uga tacsiyadeeyay askartii & shacabkii ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho. Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa U rajeeyey Caafaad degdeg ah dadkii Kale ee Ku Dhaawacamay Qaraxyadaas Oo uu Kamid ahaa Xildhibaan Warsame Maxamed Joodax Oo Ka Tirsan Mudanayasha Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho) Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa waxa uu beeniyey warar sheegayey in Xabsiga la dhigay Maanta oo sabti aheyd. Wareysi uu bixiyey duhurnimadii ayuu ku beeniyey wararkaasna ay yihiin bey aheyd sida uu warka udhigay,xafiiskiisana uu kusugnaa loona tegi karo warbaahinta xaqiiqda rabta. Qaar ka mid ah Idaacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa maanta baahiyey warkaas ah in saaka la xiray Wasiirka oo CID la geeyey. Waxaa la sheegay in Wasiirka uusan cadeyn Eeda dhawaan laga gudbiyey Ee Cabashada Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Source
-
(SLT-Muqdisho)Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee dalka jiray. Markii uu dalka burburka galay wuxuu weriyaha ka mid ahaa dhalinyaradii isku dayay dib u soo nooleynta warbaahinta. Wuxuu soo saari jiray mid ka mid ah wargeysyadii tirade yaraa ee gacanta lagu daabici jiray. Sanadkii 2000 ayuu Cawil ku biiray idaacaddii iyo telefishinkii Horn Afrik oo ahayd warbaahintii ugu horreysay ee madax bannaan ee dalka ka hirgasha. Wuxuu sidoo kale qori jiray sheekooyinka gaagaaban. Wuxuu weriyuhu caan ku ahaa barnaamijka Dood-wadaag oo looga hadli jiray arrimha bulshada iyo xaaladaha taagan. Xaalada magaalada Muqdisho markii ay xumaatay, bartamihii sanadkii 2005 ayuu weriye Cawil dalka ka cararay isagoo u tahriibay qurbaha, halkaas oo uu mihnaddiisa ka sii watay. Isagoo kaddibna ku biiray telefishinka Universal oo uu barnaamijkiisii Dood-wadaag ka sii watay. Weriye Cawil dhowrkii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu u soo wareegay, wuxuuna aaminsanaa in xaaladda dalka ay soo hagaageyso. Weriye Cawil Daahir Salaad oo da`diisa lagu qiyaasay 52-sano-jir ayaa ka tegay xaasas iyo carruur, waxaana sodog u ahaan fanaanka xasan aadan samatar ILAAHAY HA u naxariisto Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii iyo askartii ku geeriyooday qaraxyadii maanta ka Dhacay magaalada Muqdisho. Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday qaraxyadaas . “Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Jannadiisa ku manneysto dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee kooxda arxan laawayaasha ah ku beegsadeen qaraxyadan, intii dhaawacyadu gaareena iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in uu siiyo caafimaad degdeg ah.” Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyey Ciidammada Qalabka sida ee mar walba u taagan qorraxda iyo dhaxanta in ay sugaan amniga, kana hortagaan cadawaga. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa ka hadlay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho oo isaga qudhiisa waxyeelo kasooo gaartay. Tuulax ayaa ka mi d ahaa dadkii ka ag-dhawaa mid ka mid ah Qaraxyadan oo ahaa kuwo ism-iidaamin ah, wuxuuna xusay in ALLE uu ka badbaadiyay, balse ilaaladiisa ay ku geeriyoodeen gaarigiisiina uu burburay. Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir oo uu soo gaaray dhaawac fudud ayaa sheegay inuu caafimaad qabo, balse askartii la socotay dhibaatada ugu badan ay soo gaartay. “Walaalayaal ALLE samir iyo iimaan hannaga siiyo dhammaan dadkii maanta ku geeriyooday Qaraxyadii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay Muqdisho. Aniga waan fiicanahay, waxaa ku geeriyooday toddoba ka mid ah askartii ila socotay iyo darawalkaygii, dhammaantoodna ALLAHA u naxariisto samir iyo iimaana hanaga siiyo,” ayuu yiri Guddoomiye Tuulax. Sidoo kale, Wuxuu tacsi u diray ciidamadii madaxtooyada Soomaaliya oo ay waxyeello kasoo gaartay weerarkii koowaad, isagoo xusay in falalkaan oo kale ay ka qaadayaan dhiirri-gelin iyo inay laba jibaataan la-dagaallanka Al-shabaab oo uu ku sheegay cadowga Umadda Somaaliyeed. Ugu dambeyn, Waxaa Qaraxyadii maanta ku geeriyooday shacab uu ka mid ahaa Wariye Cawiil Daahir Salaad iyo xubno la socday oo ka tirsanaa TV-ga Universal, waxaa kaloo lagu waayay askar iyo dad kale oo shacab ah. PUNTLAND POST The post TUULAX: Toddoba ka mid ah Askartii Ilaalada ii ahayd ayaa ku dhintay Qaraxyadii Maanta appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Dawladda Maraykanka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa cadaysay mawqifka dalkaas ee aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika danjire Tibor Nagy, ayaa shalay ka qayb galay barnaamij su’aalo toos ah lagu weydiinayay oo ku saabsanaa siyaasadda cusub ee Maraykanka ee ku waajahan Afrika, waxaana su’aal weydiiyay Siciid Ismaaciil Ibraahim oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo madax ka ah shabakadda Somaliland Chronicle. Su’aasha la weydiiyay danjire Tibor Nagy, ayaa ahayd “Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay inuu Soomaaliya siinayo deeq ku dhow hal bilyan inkasta oo uu ka jiro musuq maasuq baahsan iyio nabadgelyo darro sii xumaanaysa. Dhinaca kele Somaliland waxay ahayd dal nabad iyo dimoqraadiyadi ka jirto 27 sanadood ee u dambeeyay. Muxuu Markaaynku si macne leh ugula shaqayn waayay Somailand? Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo ka jawaabaya su’aashan ayaa sheegay in markasta oo uu meel ka hadlo la soo hadal qaado su’aasha ku saabsan qaddiyadda Somaliland, waxaanu danjire Tibor Nagy ku jawaabay “Su’aasha Somaliland mar walba oo aan hadlo way soo baxdaa ama barnaamijkan oo kale aan ka qayb galo. Somaliland waxaay leedahay dood sharci oo ay soo bandhigto. Dabcan taas waa in lagaga go’aan gaadho meesha ku haboon. Maraykanku caadiyan markay noqoto ictiraafka dal Afrikaan ah, wuxuu la tashadaa Midowga Afrika. Is haysashada dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika. Markaa Maraykanku wuxuu la dhaqmaa dawladda Muqdisho. Waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojino dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba. Markaa xiligan siyaasadda Maraykanku waa inay la dhaqmaan dawladda Muqdisho si loola shaqeeyo dawlada Muqdisho, si loo xoojiyo qaybtaas Geeska Afrika ka tirsan.” Source