Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,152
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyadii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa markale muujiyay fariinta amni daro ee ka jirta magaalada Muqdisho, iyadoo laamaha amaanka ay wadeen baaritaano joogto ah. Qaraxyadii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 20 ruux iyo dhaawac intaasi ka badan, waxaana dadka ay ahaayeen kuwo shacab ah oo ku sugnaa goobaha la qarxiyay. Qaraxyadii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga bartay dhowr arin oo u baahan in aad looga feejignaado, marka la eego sida qaraxyada ay u dhaceen. Qaraxa Koowaad ayaa geystay qasaaraha ugu badan, maadaama uu ka dhacay goob ad u mashquul badan oo ah isgoys ay ku kulmaan gaadiidka kasoo baxa madaxtooyada, kuwa galaya iyo kuwa doonaya inay u leexdaan dhanka Tiyaatarka. Waxaa laga bartay in sahlashada baaritaanka gaadiidka ay wali halis ku tahay amaanka magaalada Muqdisho, maadaama la og yahay in gaarigaasi uu ugu yaraan soo maray labo ilaa seddex bar ilaalineed “Conrtol” oo ku Muqdisho ku taala. Tusaale haddii uu gaariga ka yimid dhanka Jubba Wuxuu soo mari karaa labo Bar ilaalineed oo ah Jubba iyo Daljirka Dahsoon, haddii uu ka yimid dhanka Xamarweyne wuxuu mari karaa hal meel oo ciidamada gaadiidka ku baari jireen oo ah agagaarka hotelka Naasahablood 2. Waxyaabaha laga bartay ayaa ah inay wali Al Shabaab adeegsadaan qaraxyada labada gaari lagu sii diyaariyo, si marka Qaraxa koowaad uu dhaco midka labaad lala eegto dadka goobta iskuugu yimaada, waxaana muuqata in wali shacabka aysan arintaasi ku baraarugsaneyn. Sidoo kale waxaa wali taagan caqabada ciidanka iyo Shacabka dhexdooda ah, maadaama shacabka ay adag tahay in laga celiyo goobaha qaraxyada ay ka dhaceen oo marlabaad halis kale ay ka imaan karto. Arinta isweydiinta Mudan ayaa ah labadii ruux ee lagu qabtay gaarigii labaad ee ku qarxay Daljirka Dahsoon midkood waxaa la sheegay inuu watay gacanka ciidamada ku wada hadlaan oo uu wax ka hagaayay, waa Su’aale siduu ku helay looguna diyaariyay inuu wax ku hago. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu booqday qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhaawacyadaasi ku booqday Isbitaalada Madiina iyo Digfeer oo la dhigay dadka ugu badan,wuxuuna u kuurgalayay xaaladoodi caafimaad iyo in ay helaan adeegyo caafimaad oo kufilan iyo in kale. Raiisull wasaaraha ayaa bokaanada si toos ah ula wadaagayay dareenkiisa,isagoo mid mid u xog wareysanayay,halka kuwa aan xaaladoodi ka sheekeyn karina uu ka xog wareysanayay eheladooda iyo dhaqaatiirka isbitaaladaasi. Wuxuu Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo dhaawacyada,isagoo umadda Soomaaliyeedna uga tacsiyadeeyey dadkii kale oo ku dhintay qaraxyadaasi. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamuud oo kamid ahaa mas’uuliyiintii wehlisay raiiusl wasaaraha ayaa ka hadlay kormeerkoda iyo waxyaabihii ay la kulmeen. “Waxaan soo marnay isbitaalada Madiina iyo Digfer marka shacabka waxaaan u sheegayna in raiisul wasaaraha uu u taagan yahay in uu u shaqeeyo shacabka,waxaa taasi daliil u ah in xili dambe oo habeen ah uu socdo oo idinka warqabo,yaan la niyad jebin dalka wuu hagaagidoonaa,waan ka adkaan doonaa kooxahaasi,gacmo wdajir bay wax ku gooyaan ha la isku duubnaado,marka Soomaaliya waxaan u rajeynayaa guul iyo gobanimo. The post Khayre Oo isbitaalada ku booqday dadkii shalay dhaawacmay appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saacadihii la soo dhaafay Al Shabaab gobolkaasi ay ku dileen Sarkaal hore uga tirsanaa oo haatan ku biiray Kooxda Daacish. Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/risaaq Maxamed Cumar Dayib, waxaana la sheegay in dhawaan uu ka baxay Al Shabaab, kuna biiray kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya. Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen Sarkaalkani oo ku sugnaa deegaanka Ceel-Cadde ee G/ Gedo, kuna dileen halkaasi. Sidoo kale Al Shabaab ayaa amray in la Toogto C/naasir Yuusuf Cabdulle Shabeel oo horay uga tirsanaa iyaga, balse dhawaan ku biiray Daacish. C/naasir Shabeel ayaa isaga iyo Dagaalyahanno uu wato waxaa la sheegay in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi. Xiisad ka dhalintay arrintan, ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay ka taagan tahay gudaha deegaankaasi. The post Al Shabaab Oo sarkaal ka goostay ku dilay gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Cadaado ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Galmudug garabka Cadaado Axmed Maxamuud Xasan (Axmed Baasto) oo la hadlay Shabelle ayaa tacsi u diray Ehelladii, Qaraabadii iyo dhammaan Ummudda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen dadkii shalay ku Geeriyooday qaraxyadii ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Axmed Baasto ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka kala dhaxeeya dowladda iyo laamaha amniga, si loo xaqiijiyo ammaanka. Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku Geeriyooday qaraxyo is xi xigay oo shalay ka dhacay Agagaarka xarunta Tiyaatarka Qaranka iyoTaaldda Daljirka Daahsoon, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyadan, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen Askar iyo Saraakiil ka tirsanaa dowladda federaalka Soomaaliya. The post Axmed Baasto Oo ka Tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa cambaareeyay weerarradii Qaraxyada ahaa ka dhacay Muqdisho. Labo qarax ayaa midka hore waxaa uu ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho halka midka 2aadna uu ka ag dhowaa. In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay qaraxyada halka dhaawaca uu kor u dhaafay 35 qof, waxaana dadka dhintay ka mid ahaa wariye Cawil Daahir Salaad. “Weerarada maanta Muqdisho ka dhacay ayaa muujinaya weerar kale oo fulaynimo ah oo lala beegsado dadka Soomaaliyeed iyo xuquuqda ay u leeyihiin iney ku noolaadaan nabadgelyo iyo sharaf, “ayuu yiri Mr Haysom. “Waxaan ku boorrineynaa mas’uuliyiinta Soomaalida inay ku dadaalaan in ay la dagaallamaan xag-jirnimada oo masuul ka ah denbiyadani naxdinta leh. Waxaan tacsi tiiraan leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibadii dhintay, waxaana rajeyneynaa in dadka dhaawacmay si dhaqsi ah kaga bogsoodaan. ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Nicholas Haysom. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Ceelwaaq ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in xalay nin hubeysan uu dil ka geystay degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi. Dilka ayaa ka dhacay Maqaaxi ku taalla gudaha degmadaasi, kadib markii uu weerar ku soo qaaday nin ku hubeysan Qoray AK47, kaas oo dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Sharmaake Sahal Khaliif. Marxuumka la dilay ayaa ahaa wade Mooto Bajaajle ah, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ninkii ka dambeeyay dilkaasi uu goobta isaga baxsaday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ninkani hubeysan uuu a tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Ceelwaaq oo ku aadan dilkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka geysta gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. The post Nin hubeysan Oo dil ka geystay degmada Ceelwaaq appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Maxaas ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka xaaladda deagaanaasho ah laga dareemayo deegaanka Ceel Juqow oo hoos yimaada degmada Maxaas ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in haatan jawiga uu yahay mid dagan, islamarkaana xaaladdu ay tahay mid caadi ah. Inta la’og yahay 10 Ruux ayaa Geeriyootay, halka 22 kale dhaawac uu ka soo gaaray, kadib dagaal Beeleed xoogan oo shalay ka dhacay halkaasi. Dagaalkan ayaa Salka ku haya arrimo la xiriira Anooyin Qabiil, kaasi oo ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Maamulka gobolka iyo kan degmada Maxaas ayaa lagu soo warramayaa in ay ku baxee qaboojinta xiisadaasi. Dagaal Beeleedyada ayaa inta badan ku soo noq noqday gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo sababa khasaarooyin kala duwan. The post Xaaladda degmada Maxaas Oo saaka degan appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-231218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Kismaayo (Caasimada Online)-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in laga soo masaafuriyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii xildhibaanada sida ay sheegeen ay ka hor yimaadeen qorshe maamulka Jubbaland ay ka damacsanaayeen Dastuurka maamulkaasi oo wax ka badal la doonayay in lagu sameeyo. Madaxda ugu sareyso maamulka Jubbaland ayay sheegeen inay kasoo masaafuriyeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Afar xildhibaan oo kamid baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in qaarkood hanjabaado ay la kulmeen, taasi oo ku qasabtay inay isaga soo baxsadaan magaalada Kismaayo oo xarun u ah maamulka Jubbaland. Khadiijo Aadan Cabdi waxay kamid tahay xildhibaanada sheegay inay isaga soo tageen magaalada Kismaayo “Kama hadli kartaan ayaa nala yiri arimaha Dastuurka, siyaasado isdiidan ayaa ka jirta Kismaayo, afar xildhibaan ayaan gaareynaa waana kasoo tagnay Kismaayo, aniga Shaqsiyan waan isaga soo masaafuriyay”. “Aniga markii aan arkay in la idilo rabo waan iska soo tarxiilay magaalada Kismaayo, kuwana kalana waa sidaasi oo kale”ayay tiri xildhibaan Khadiijo. Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland ayaa awood badan ku leh magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, Waxaana uu leeyahay ciidamo si gaar ah u tababaran oo isaga ka amar qaata. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay jiraan dad iska horkeena Shababka Soomaaliyeed iyo dowladooda. Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in shaqsiyaad ka hoos shaqeeya madaxda dowladda Soomaaliya ay ka dambeeyaan iska hor keenidda Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dowladda. Walow uusan xildhibaanka sheegin sida ay kaga shaqeeyaan iska horkeenida shacabka iyo dowladda, haddana wuxuu sheegay inay yihiin shaqsiyaad u dhow madaxda oo uu ku tilmaamay inay isla weyn yihiin. Sidoo kale wuxuu sheegay in shaqsiyaadkaasi aysan qadarin shaqsiyaadka kale ee shaqada ay kala dhaxeyso, isaga oo qoraalkaan soo dhigay kadib qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Washington (Caasimada Online) – Dawladda Maraykanka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa cadaysay mawqifka dalkaas ee aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika danjire Tibor Nagy, ayaa shalay ka qayb galay barnaamij su’aalo toos ah lagu weydiinayay oo ku saabsanaa siyaasadda cusub ee Maraykanka ee ku waajahan Afrika, waxaana su’aal weydiiyay Siciid Ismaaciil Ibraahim oo reer Somaliland ah oo madax ka ah shabakadda Somaliland Chronicle. Su’aasha la weydiiyay danjire Tibor Nagy, ayaa ahayd “Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay inuu Soomaaliya siinayo deeq ku dhow hal bilyan inkasta oo uu ka jiro musuq maasuq baahsan iyio nabadgelyo darro sii xumaanaysa. Dhinaca kele Somaliland waxay ahayd dal nabad iyo dimoqraadiyadi ka jirto 27 sanadood ee u dambeeyay. Muxuu Markaaynku si macne leh ugula shaqayn waayay Somailand? Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo ka jawaabaya su’aashan ayaa sheegay in markasta oo uu meel ka hadlo la soo hadal qaado su’aasha ku saabsan qaddiyadda Somaliland, waxaanu danjire Tibor Nagy ku jawaabay “Su’aasha Somaliland mar walba oo aan hadlo way soo baxdaa ama barnaamijkan oo kale aan ka qayb galo. Somaliland waxaay leedahay dood sharci oo ay soo bandhigto. Dabcan taas waa in lagaga go’aan gaadho meesha ku haboon. Nagy oo caddeynaya in Mareykanka uu arrimaha Soomaaliya kala macaamilayo dowladda federaalka ee Soomaaliya oo kaliya ayaa yiri “Maraykanku caadiyan markay noqoto ictiraafka dal Afrikaan ah, wuxuu la tashadaa Midowga Afrika. Is haysashada dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika. Markaa Maraykanku wuxuu la dhaqmaa dawladda federaalka Soomaaliya. Waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojino dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba. Markaa xiligan siyaasadda Maraykanku waa inay la dhaqmaan dawladda Soomaaliya si loola shaqeeyo dawlada Soomaaliya, si loo xoojiyo qaybtaas Geeska Afrika ka tirsan.” Aqoonyahanada Somaliland ayaa fursad kasta oo ay ku helaan inay su’aalo weydiinayaan diblomaasiyiinta caalamiga ah waxay kusoo hadal qaadaan aqoonsi raadinta Somaliland, balse waxay mar kasta kala kulmaan jawaab niyad jab leh, sida middan oo kale. Caasimada Online Xafiisa Hargeysa caasimada@live.com
  12. Qoraal uu Wasiirkii Hore ee Arimaha Debeda Somalia Yuusuf Garaad toos ugu qoray Al- Shabaab Soomaaliya dhibaato xoog leh ayaa ka jirta. Shacabka Soomaaliyeed waa dhibban yahay. Soomaali kasta waxaan ku leeyahay, haddii xalka aadan qeyb ka noqon karin, dhibaatada qeyb ha ka noqon. Shabaab ma ka tirsan tahay? Soomaali ma tahay? Haddii ay jawaabtu haa tahay, waad og tahay in aad dhibaatada ka mid tahay. Laakiin hadalku intaa kuma eka. Ujeeddadeyduna eedeyn ma aha. Maanta waxaa gacantaada ku jirta qeyb weyn oo xalka ka mid ah. Taas oo ah in aad shacabkan rafaadsan ka deyso dilka, dhaawaca, cabsida iyo arga-gaxa. Waad ogtahay dadka ugu badan oo gacantaada ku dhintaa waa shacabka. Cidda aad dileysaan oo aad jihaadka kula jirtaanna waa muslimiin, waa Soomaali, waa waalid iyo walaal. Waa dadka dad kuu xiga quruumaha balaayiinta ah ee dunida ku nool. Ka Soomaali ahaan, ha eegin meesha aan maanta joogno oo keliya. Arag meesha aan gaari karno waa haddii dhallinyarada aad adigu ka mid tahay ay ka shaqeeyaan horumarinta dalka. Ka feker inta dad waayeel ah oo dhibaateysan aad caawin karto. Ka feker inta aad barakacayaal caawin karto. Ka feker inta carruur kaa yaryar oo qaar badani agoommo yahay aad bari karto akhris iyo qoraal. Ka feker haddii aad xorriyad iyo nabadgelyo haysato, aad iskaashataan dhallinyaro kula mid ah, heerka aad adigu shakhsi ahaan higsan karto. Ha ka fekerin in aad is qarxin karto oo keliya. Ha ka fekerin in aad dagaallami karto ilaa askari dhulka jooga ama mid dayaarad saaran uu ku dilo. Ha ka fekerin oo keliya in aad diyaar u tahay in gantaal meel fog laga soo riday ama kuwa ku rararn dayaaradaha is wadaa ay ku dilaan. Ka feker taa cagisgeed. Ka feker in aad khatarahaas oo dhan aad naftaada ka badbaadin karto. Ka feker in aad naftaada wax tari karto. In aad qoys iyo jacayl abuuri karto. In aad waalidkaa iyo ubadkaaga aad biili karto marwadaadana aad dhaqan karto. Waad og tahay in ay cibaadada ka mid tahay. Ha ka fekerin qof in aad dili karto oo keliya. Is weydii – Qof ma badbaadin kartaa? Nolosha dadka qiimee. Ilaaha dadka uuntayna ka cabso. Waad ogtahay in aan Ilaaheey loogu dhowaaneyn dhallinyaro lagu qalqaaliyo in ay naftooda halligaan isla markaasna ay dilaan dad dariiqaas maraya, dembi aan gelin, Maxkamad dil ku xukuntay aanay jirin, laga yaabo in ay salaad hadda soo tukadeen ama ay u socdaan Masjidka, cid ay duullaan ku yihiinna aanay jirin. Laga yaabo in ay ku jiraan dhakhaatiir bukaanka daaweysa, taajiriin masaakiin masruufa, aabbayaal carruur badan koriya, macallimiin ubadka wax barta, hooyooyin sebi naaska nuujiya, ama sidkoodii dhammaaday bal qiyaas bambaano waddo lagu qarxiyay inta ku go’i karta! Waad ogtahay in dadka aad leyneysaan ee gacantiinnu ay gaarto uu yahay oo keliya dadka Soomaaliyeed ee colaadda, qaxa iyo horumar la’aantu ay dalalka asaaggood ah ka reebtay. Waad ogtahay shacabku in aanuu mas’uul ka ahayn siyaasadda Dowladda iyo siyaasadaha kale ee aad sheegtaan in aad ka gilgilaneysaan. Kaba sii fog ee waad ogtahay in aan shacabku cod ku lahayn dowladaha, ciidammada iyo ururrada shisheeye danaha kala duwan ee mararka qaarkoodna is khilaafsan ee dalkan ay ka leeyihiin in aanuu mas’uul ka ahayn qofka Soomaaliyeed ee iska lugeynaya waddooyinka Muqdisho, jirinaaya muufo ee tiisa u meel la’ haddana aad qarxineysaan. Bal isu miisaan waxa aad ka cabaneysaan iyo dhibta aad ku haysaan shacabka Soomaaliyeed. Waad ogtihiin in qaraxyadiinna ay ku naf waayeen dad baahan oo aan qado haysan. Waan ogahay in meelaha aad ka talisaan aan shacabka aydnaan toos u gumaadin, laakiin haddana waxaan ogahaya Muqdisho iyo magaalooyin kale dhibka aad shacabka ku haysaan. Waxaad ogtahay in si kasta oo aad u qarxisaan aan shacabku magaalada ka dhammaan doonin. Waxaad ogtahay in si kasta oo aad dhallinyarada Soomaaliyeed u qarxisaan in aan Dowladdu garowsan doonin in ay xukunka idiin banneyso inyarba ha ahaatee. Waad ogtahay in ciidanka shisheeye aanuu dalkan uga baxeyn in dad Soomaaliyeed oo masaajid ku tukanaya ama waddo maraya ay dad kale oo Soomaaliyeed ay weeraraan oo ay laayaan. Waad ogtihiin in aan ciidanka shisheeye dalka ka bixi doonin haddii aad cunaqabateysaan shacabka sida ka dhacday Xuddur, Buulo Burte iyo Ceel Buur. Waad ogtahay in aan adduunka lagu faa’ideyn aakhirana aan lagu liibaaneyn in ummaddaada loo xoog weynaado oo la laayo. Ilaaheey isaga ayaa culeys kasta qaadi kara. Dadka Soomaaliyeed ee muslimka ahina wuxuu maanta u baahan yahay in loo turo, loona gargaaro. Qofkii aan karin in uu u gargaaro qofka kale ee Soomaali ah, waxaa la gudboon in uu u turo ugu yaraanna uu ka magan galo. Marka aan taas idin leeyahay khasab ma ahan in macnaheedu yahay in dowladda Soomaaliyeed ay had iyo goor wax wanaagsan u qabato shacabka ama ay baahidiisa dabooshay. Ma ahan in aan idin leeyahay ajnebiga Xalane ka shaqeysta iyo kuwa Gobollada dalka qaarkood jooga ayaa jacayl Soomaaliyeed halkan u wada yimid. Ma ahan in aan idin leeyahay taageera. Xor ayaad u tihiin in aad diiddaan. In aad diidmadiinna ku muujisaan wax kasta oo aan ahayn xabbad iyo qarax. Xor ayaad u tihiin in aad ka shaqeysaan in Soomaaliya ay amnigeeda ku filnaato oo ay ka maaranto ciidan shisheeye. Ogow Qarax kasta oo aad sameysaan waxaa uu qiil u sameynayaa joogitaanka ciidanka iyo dadka aad sheegeysaan in aad dooneysaan in aad dalka ka saartaan. Qarax kasta oo aad sameysaan wuxuu sii fogeynayaa sidii loo gaari lahaa Dal dhisan, soo saara dhaqaale ku filan lehna Madax Qaran, mid gobol iyo mid degmo oo uu shacabku toos u soo doorto lana xisaabtamo, haddii uu ku qanci waayana uu shaqada ka fariisiyo. Qarax kasta wuxuu agoon ka yeelayaa ubad Soomaaliyeed, wuxuuna kordhinayaa baahida daawo iyo midda gargaar kale oo ay Soomaaliya caalamka ka tuugto. Haddii aad Soomaali tahay, haddii aad Islaam tahay, qofka Soomaaliyeed marka hore adiga ha kaa nabad galo. Dhiiggiisa ha xalaaleysan. Adduunyada haddaad nacday isaga ha seejin. Aaakhiradaada ha ku waayin dilka aadane aanad aqoon, gef kaa gelin in aad nafta ka goyso. Marka aad nabadgeliso qofka Soomaaliga ah waxaan shaki ku jirin in wax kasta oo kale laga gaari karo xal. Ugu dambeyn, haddii aad Shabaab tahay, Soomaali tahay, Allah taqaan, ummadda Soomaaliyeed dhiiggeeda ha xalaaleysan oo ha kaa nabad gasho. Ka feker xal aan qori iyo qarax ahayn oo adiga iyo shacabka intiisa kaleba ay u aayaan. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar Qaran News
  13. Arintii ugu hadal haynta badnayd Shalay ee aadka loogu falan qaynayay saacadihii lasoo dhaafay baraha Bulshada ayaa waxa ay ahayd Kulankii Magaalo Xuduudeedka Wajaale Shalay Jimcihii ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalidda Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar kaasi oo ay ka dhasheen dareeno kala duwan oo ay ka mid ahayd in wax la iska waydiiyo cidda lahayd Macsuumadda Kulanka iyo meeqaamka Siyaasadeed ee uu Kulankaasi Somaliland u lahaa. Arimaha Dareenada saluugga lihi ka dhasheen ayaa waxa ka mid ahaa kadib markii uu Madaxwyene Biixi Warbaahinta ka sheegay inay casuumadda Kulankaasi isaga xagiisa ka timid “kulankani waxa uu ku saabsanaa, Madaxweyne Mustafe oo intii uu xilka Dalka qabtay aanaan hore isu arag, inaan ku casuuno halkan maanta oo qado ugu samayno, wada Sheekaysano, Isbarano, kana wada hadalno danta laba umadood, Guud ahaan labada dal, iyo Umadda SoomaaLiyeed ee labada dhinacba degan, Nabadgalyada, Ganacsiga,Iskaashiga, wax wada qabsiga, Dhaqanka iyo wax Alla wixii nolosha kusaabsan , inaanu kor uqaadno oo wanaajino ayaanu ka sheekaysanay,labada dhinacna dad mudakar ah oo wanagsan ayaa ka kala yimid oo leh siyaasiyiin, Ganacsato, Madax dhaqameed, dee aad iyo aad, waa la wada qadeeyay aad ayuu u wanaagsanaa, waanan bilaabi doonaan shirar kale iyo isu imaatino Kale”. Falanqeeyayaaasha Siyaasada Somaliland ayaa Ku tilmaamay Kulankaasi mid aan waxba ku soo kordhinayn saaxadda Siyaasaddii Arimaha Dibada Somaliland oo mudooyinkan dhulka taalay islamarkaana aanay Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya siyaasiyan ahayn kuwo isku dhigma meeqaam ahaan, waxa ay dareenkooda ay ku muujiyeen inay Madaxweyne Biixi uga haboonayd inuu kulankaasi u diro Wasiirkiisa Arimaha Gudaha ama Masuuliyiinta la mid ka ah, waxa ay ku tilmaameen kulankaasi mid uu Madaxweyne Biixi kaga galgalanayay Faashilka albaabadii arimaha dibadda ee Xukuumadddiisa ku soo oodmay iyo dagaalka dhinaca Diblomaasiyadda ee lagaga awood roonaaday islamarkaana uu gaadhay heer uu xiitaa wax xidhiidh ah la samayn kari waayo Wadamada Jaarka la ah Somaliland iyadoo awal ay Somaliland duulaano dhaadheer oo siyaasadeed ku qaadi jirtay guud ahaan Wadamada kuyaala Qaaradda Africa iyo Waliba Wadamo Qaaradda Yurub kuyaala. Baraha Bulshada ayaa aad loogu qaadaa dhigay Shalay sawirradda labada Madaxweyne iyagoo shacabka Reer Somaliland intooda badan saluug ka muujiyay hanaanka la iskugu dhereriyay Labada Madaxweyne. Dadka intooda badan ayaa dareen didmo leh ka muujiyay sida uu Madaxweyne Biixi iskugu xayd xayday inuu Gool siyaasadeed ka raadiyo ismaamul aan meeqaam ahaan u dhignayn Somaliland oo ay Madaxweyneyaashii ka horeeyay qaab hoose ula macaamili jireen. Su’aasha kale ee wax la iska waydiiya ee Dareenka dhalisay ayaa ah in maadaama oo uu Madaxweyne Biixi isagu lahaa fidinta Gogoshan Shalay la iskugu yimid, waxa uu ugu macsuumi waayay inuu Madaxweyne Cagjar Hargeysa Yimaado? Una door biday inuu kulan kula qaato Magaalo Xuduudeeda Wajaale. Qaran News
  14. Tel Aviv (Caasimada Online) – Go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ciidamadiisa kaga saarayo Syria, waxa uu dhabarjab lama filaan ah ku yahay Israel, waxaa sidaas sheegay falanqeeyayaasha siyaasadeeda ee Yahuudda. Trump ayaa arbacadii – Isaga oo sheegaya inuu guul ka gaaray Daacish – Waxa uu ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka uu kasoo saarayo dalka dagaallada ay halakeeyeen ee Syria. Xeel-dheerayaasha Israel, oo warbaahinta Yahuuda ay soo xigtay, ayaa sheegay in tallaabada Trump ay naxdin ku noqotay xukuumadda Tel Aviv. Wargeyska luuqadda Hebew-ga wax ku qoray Yedioth Ahronoth ayaa qoray warbixin uu cinwaan uga dhigay: Carada bixitaanka Trump: Guul usoo hoyatay Iran, iyo guuldarro ku dhacday Israel. Wargeyska Israel Today oo aad ugu dhow ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa go’aanka Trump ku qeexay “Qalad musiibo ah.” Eran Lerman oo ah madaxweyne ku xigeenka machadka daraasaadka istaraatiijiyadda ee Jerusalem, horeyna u ahaa taliyaha ciidamada Israel ayaa sheegay go’aanka Trump “musiibo kuma noqon doono Israel kaliya, balse wuxuu saameyn doonaa xulufada Mareykanka, oo ay tahay inay kaligood wajahaan Syria, Iran iyo Russia.” Wargeyska Haaretz ayaa isna qoray in go’aanka uu horseedi doono saameyn ballaaran oo Iran iyo Russia ay ku yeeshaan Syria iyo guud ahaan bariga dhexe. Wuxuu wargeyska yiri “Liiska dalalka go’aankan uu walaacin doona waxaa ka mid ah Israel, Kurdish-ka, Jordan iyo Saudi Arabia” Caasimada Online Xafiiiska Qaahira caasimada@live.com
  15. Shirkii Aqoonyahanka Soomaalida Jabuuti Ugu Qabsoomay Oo Lagu Fashiliyey Fadeexad Ay Xukuumaddii Siilanyo Ku Kacday+Waji-Gabaxii Xubnaha Somaliland Ka Socday Iyo Sacabkii Reer Xamarku Madasha Ku Gilgileen!! Haweenay ka mid ah Masuuliyiintii ka socday waddanka Soomaaliya ee ka qayb galayay shirkii Toddobaadkii hore lagu qabtay waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti ee ay soo qaban qaabisay xarunta daraasaadka siyaasadda ee HERITAGE ayaa waxa ay kashiftay fadeexad weyn oo la xidhiidha xukuumaddii xisbiga KULMIYE ee hore, taasi oo ay ku sheegtay in ay maalin walba dawladdii wakhtigaasi Somaliland ka talinaysay kala xidhiidhi jirtay Guddidii xulista xildhibaanada calooshood u shaqaystayaasha ah ee Somaliland ka fallaagoobay ee ku sugan Muqdisho. Haweenaydan oo ka mid ahayd ergooyinka Muqdisho ka socday ee kulankaaasi aqoon is waydaarsiga ahaa ka qayb galayay oo doodda qaadatay mar laga hadlayay qaddiyadda Somaliland ayaa waxa ay ku nuuxnuuxsatay oo ay kashiftay sir culus oo khiyaamo ah oo ay xukuumaddii hore ee KULMIYE dalka ka gashay iyada oo haweenaydani ku doodaysay in aanay waxba ka jirin wax Somaliland la yidhaa ee ay Illaa Madaxtooyada Somaliland la shaqeeyaan hadba dawladda Xamar joogta iyada oo tusaale u soo qaadatay mar ay haweenaydani ka mid ahayd xubnihii xulayay xildhibaanada dalkaasi Soomaaliya in ay madaxtooyada Somaliland kala xidhiidhi jirtay mar walba xulista Xildhibaanada reer Woqooyiga ah oo ay ula jeedday Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland. Haweenaydan Ayaa sheegtay in xukuumaddii hore ee Somaliland ka qayb qaadatay Xulista xubnaha xildhibaanada ah ee reer Somaliland ee ku sugan dalkaasi Soomaaliya. Iyada oo arrintaasi ka hadlaysa waxa ay tidhi: “2012-kii waxaan ahaa Guddidii xulista Xildhibaanada samaynayay. Xildhibaan kasta oo reer Woqooyi ah Madaxtooyada Somaliland ayaan xaashiyo (Waraaqo) ka helaynay oo ay noogu sheegayeen kanaan rabnaa kanaan rabnaa, kan ma rabno, kuwii dambe ee 2016 iyana sidaasi ayay u dhacday baan u malaynayaa. Waxay lahaayeen kan naga reeba kan noogu dara. Waxaanu haynaa dhukumantiyo ayaan haynaa. Kan ma rabno, kaas u diida, kaasi naga daaya ayay lahaayeen mar walba. Kaasi sidaasi ayuu yeelay ee kanaan rabnaa ee halagu baddalo”. Haweenaydan ayaa markii ay hadalladan sheegaysay waxa ay sacab weyn iyo sawaxan taageero ah ka heshay ka qayb galayaashii shirkaasi ka qayb galayay oo u badnaa dalkaasi Soomaaliya kuwaasi oo sacab ku dhago barjeeyey xubnihii aadka u yaraa ee faro ku tiriska ahaa ee Somaliland shirkaasi u matalayay waxaana xusid mudan in kursiga ay fadhiday ee ay haweenaydani ka kacday markii ay hadalka qaadatay aanu qofna u dhaxayn oo uu agteeda fadhiyay Aqoonyahan Maxamed Biixi Yoonis oo wakhtigan ka tirsan xisbiga WADDANI kana mid ahaa Golihii Wasiirrada ee xukuumaddii hore ee KULMIYE. Hadalka haweenaydani waxa uu waji gabax weyn ku noqday xubnihii Somaliland ee shirka joogay oo lagu shimbiro waaqleeyey markii haweenaydani sida tiiqtiiqsiga ah hadalladan u lahayd taasi oo ay xujo ka dhiganayeen in Somaliland qayb ka tahay Soomaaliya oo ay xataa maamulkeeda xukuumadeed wakhtigaasi ku xiiqsanaa kala xulashada xildhibaanada reer Somaliland ee maamulka Muqdisho ka tirsan waana arrin fadeexad weyn ku ah qaranka. Qaran News
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Isimada Puntland, Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka, saraakiisha amniga doorashada iyo inta badan musharaxiinta ayaa kulan ku yeeshay magaalada Garowe, gaar ahaan guriga Islaan Ciise Islaan Maxamed. Kulankan ayaa looga hadlay cabasho ay musharxiinta Puntland ka qabeen Guddiga khilaafaadka Baarlamaanka iyo saraakiisha amniga doorashada oo ay horey ugu gudbiyeen issimada. Musharax Aadan Gaadaale oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in issimada Puntland ay damaanad qaadeen wixii cabashooyin ah ee ka yimaada Guddiga khilaafaadka iyo kan amniga, isla markaana wixii cabasho ah oo ay qabaan musharaxiintu loo soo gudbinayo issimada. Sidoo kale musharax Gaadaale oo ku hadlayay afka musharaxiinta ayaa sheegay in ay ku qanceen arrintaas ayna uga dambeyn doonaan issimada Puntland. Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa maalmaha soo socda laga sugayaa liiska Xildhibaanada, waxaana la soo sheegayaa in ay jiraan xubno badan oo muran ka jira. Doorashooyinka Puntland ayaa muran ka dhashaa Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka iyo amniga doorashada, inkastoo marka dambe xal laga gaaro. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  17. “Soomaaliya Mar Kale DHiig Baa loogu Wan Qali!!” Farmaajo waa Faraskii Trojan! KHATAR! Yaad isku haleynaysaan?!!… KHatarta Albaabkay taaganatahay! Wallee caqliga ay isku raaceen nimanka talada dalka hoggaankeeda haaya waa talo sheeko reebaysa! Waxaase intaas ka daran nimankii aan dooarnay ee golaha shacabka iyo aqalka sare ahaa waxa afka qabsaday! Arrimaha muuqda oo dad-weynuhu dareemayo, iyo cabsida mustaqbalka dalka soo wajahday maxaa loo aamausay?! Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu dalkii ku gatay inuu madax-weyne noqdo oo ahaado! Waxaana jirta in shacabka Soomaaliyeed been badan loo sheego, beentaas oo la xiriirta heshiisyada Farmaajo iyo madaxda Itoobiya, Isaias Afwerki iyo Abiy Axmed (Awalba hal dal bay isku ahaayeen). Waxaan arrin qarsoon ahayn in dalakii wax guumeysan jiray iyo kuwii dulaalka u ahaa oo muslimiin ay ku jiraan labadaba aad isugu taxluujiyeen in Soomaaliya khariidaddda aduunka laga tirtiro, waxaana laynagu burburiyay magacyo laynagu kala qaybiyay oo laynoo bixiyay; kuwo fiican (kuwo aan gumeysiga diidayn oo ay u horeeyaan Farmaajo iyo KHeyre) iyo kuwo xun-xun (kuwo gumeysi diidka ah). SHacabka Soomaaliyeed, ma garan waayin xilka ka saran dalkiisa, laakiin sida muuqata waxaa khayaanay madaxdii ay hoggaaminta dalka ku aamineen, madaxdii ay ahayd inay shacabka ay hoggaamiyaan u sheegaan hadba arrimaha hor yaala, madax-weynihii haddii uu galay heshiisyo qarsoon golaha shacabka inuu dad-weynaha la hadlo oo u sheego ayeey ahayd inay diginin ka siiyaan khatarta ayeey ahayd, hadii golihii la qabsaday, ama la handdaday ma la waayay shakhsiyaad karti u yeesha inay xogaha khatarta ah dad-weynaha la wadaagaan?! Oo waliba intay deegaannadooda tagaan dadweynaha ku baraarujiyaan shirqoollada qaranka loo mareegayo! Itoobiya mar kasta waa quwad guumeystayaashu u haystaan inuu dadka Soomaaliyeed u adeegsadaan mar kasta oo ay Soomaaliya dano ka yeeshaan, dadka Soomaaliyeedna taas waa ka dheregsanyihiin mana ah mid cabsi ku haysa oo waa colaad joogta ah oo ka mid ah nolosha ay barteen ama ku soo noolaayeen dadka Soomaaliyeed waligood. Itoobiya, wali cadaawadda iyo xummaanta ay dadka Soomaliyeed u qabto ayeey ka door bidaysaa inay Soomaaliya kula noolaato deris wanaag, waxaadna moodaa inay la tahay taariikh kumanaan sano oo ay tirsanayso inay iyadu soo jirtay inaysan Soomaaliya soo jirin sidaas aawgeedna ay run tahay guumeystayaasha warka ay u sheegayaan oo ah inay ka il-baxnimo fogtahay dadka Soomaaliyeed iyo inta badan qaaradda Afrika oo ay xaq u leedahay inay Soomaaliya maamusho! Laakiin waxaa taas diidaya xaqiiqda aqoonta aan isu leennahay iyo raadadka muuqda ee la xiriira wixii ina soo dhex maray innaga iyo iyaga. Dadka Soomaaliyeed way u jeedaan sida xaalku yahay mana garan waayin Farmaajo iyo KHeyre waxa dantoodu tahay, iyo ujeeddooyinka mid kasta leeyahay, hasa yeeshee labada nin waxaysan garan meesha ay ugu badin lahayd ma aha inay dalka u soo horseedaan (waaba horseedeenee) cadow soo jireen ahaa taariikhda aan wadaagnana ay tahay maalin kasta inuu guumeystayaasha inoo soo raaco ama ay inoo soo adeegsadaan. Illaa muddo 600sano oo wax dheer Itoobiya colaaddeeda iyo duulaanka ay Soomaaliya ku hayso mid xiriirsan buu ahaa. Hehiisyada Itoobiya lala galay Waxay sharci noqon karaan waagay Shacabku Soomaaliyeed ay u codeeyaan oo ay iyagu sidaas doortaan, Soomaaliyana Ummad baa leh ee madax-weyne ma laha! Golaha SHacabka ee la handdaday shuruudaha sagaalka ah ee ay soo jeediyeen waxaa ka muhiimsan hal shuruud oo ah in heshiisyada Itoobiya (Awalba laba dal ma jirin ee hal dal bay isku ahaayeen [Eritrea + Itoobiya = Itoobiya]) lala galay ay Mooshin ka keenaan oo laalaan, oo ay marka hore iyaga inoo muujiyaan inay daacad ka yihin dalka inay ugu adeegayaan si waafaqsan dastuurka dalka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Farmaajo iyo KHeyre, heshiisyada ay huurinayaan, maalin kasta Abiy Axmed, Xil-DHibaanada dalkiisa buu hor geeyaa isagoo ugu faanaya una haysta inuu ka guuleystay ama uu si dhib yar u jabiyay cadowgoodii soo jireenka ahaa ee Itoobiya! Bal is weydii oo iiga jawaabi karaysaa haddaad garanayso sababta Abiy Axmed ugu dhiiranayo maalin kastana talada ula qaybsanayo xil-dhibaannada dalkiisa, Farmaajana uga dhuumanayo xil-dhibaannada Soomaaliyeed haddii aysan KHayaano Qaran ahayn?!…Itoobiya way ogtahay waxa ay samaynayso inaysan sarci ahayn, laakiin waxay soo dhex gashay Trojan Horse (Farmaajo) laakiin way is yeel-yeelaysaa casrigaan Faras Loox laga sameeyay laysuguma soo gabban karo! Waxaa hadda muhiim ah in golaha shacabka uu ku dhawaaqo inuusan aqoonsanayn heshiisyada qarsoodiga ah ee madax-weyne Farmaajo uu la soo galay dowladda Itoobiya isla markaasna aysan sharci ahayn haddii aan la hor keenin Aqalka Sare iyo Golaha SHacabka. SHiikh Ibraahim Muudeey iyo Mahdi Cabdalla Cawad ama xataa Gudoomiyaha Xil-DHibaannada midna awood gaar oo tiisa ah kuma kala diro mid ka mid ah guuddi hoosaadyada Golaha SHacabka sida u ii xaqiijiyay xubno kala duwan xil-dhibaannada ka mid ah, waxaana lagu kala diri karaa qaabkii ay markii hore ku yimaadeen oo ahaa in kal-fadhiyad hortooda looga doodo, mana u baahnin golayaasha jira inay dhexdooda isku mashquulaan iyadoo dalkii ay go’aano ka gaarayaan dalal shisheeye ah! Maanta uma baahnin waziir lagu mashquulo, waxaan u baahnnahay xil-dhibaannada inay mowqif cad ka istaagaan heshiisyada tuhunka badan iyo walaaca ku haya dadka Soomaaliyeed ee Farmaajo soo galay, waxaan u baahnnahay inay ummadda u sheegaan heshiisyadaan dekedihii iyo xuddudihii dalka shisheeyuhu duulaanka ku yihiin wixii looga tashan lahaa! Waxaa cajiib ah in Faysal Cali Wraabe, oo ognahay inuusan rabi Soomaaliya ooh al dal ah uu arrintaas dhow jeer ka hadlay, nimankii xilkaas loo doortayna ay waxyaabo kale isku mashquulinayaan! Koonfur-Galbeed (KG) Cabdi-Caziiz Lafta-Gareen, baa la keenay, isagoo waziir ah inta xilka laga qaaday baa madax-weyne looga dhigay maamulka KG, dariiqa loo soo maray inuusan sax ahayn muran kuma jiro, waxaase jira warar soo baxaya oo tilmaamaya in Farmaajo iyo Abiy Axmed ay isku ogaayeen in ninkaas gobolkaas loo dhiibo oo isaga markaas loo isticmaal inuu ku dhawaaqo inuu sal-dhig ciidan Itoobiya ka siiyay xeebta Baraawe sida Somaliland iyo Puntland xeebihii gobolladaas, taasina ay yarayn karayso in dad-weynaha ay ku kacaan Farmaajo (The Trojan Horse!) waxaana intaas dheer, sida ay wararka qaar sheegayaan in Lafta-Gareen uu ku faraxsanyahay arrintaas! Xil-DHibaannada, ha ku kalsoonaadaan shacabkooda hana u sheegaan xaqiiqooyinka ay ogyihiin ama ay hayaan ee khatarta ku ah jiritaanka ummadnimo iyo qaranimo, arrimaha waweyn ee dalka soo wajahay, haddii golihii fulinta oo uu u horeeyo ninkii madax-weynaha dalka ay xil-dhibaannada u soo doorteen uu la dhuumanayo heshiisyo uu la soo galay dalka Itoobiya, haddee dalka dadka Soomaaliyeed baa iska leh iyagaana difaacanaya ee nin madax-weyne ah ma laha!… Xil-DHIbaannada Cusub ee Puntland waxay qaranka Soomaaliyeed ugu hiilin karaan iyagoo doorta ninkii ku malayniyaan, inuu ka naxayo dadka iyo dalka! Doorashada Puntland, waa khatar kale oo soo socota, waxaa ahadda la diyaariyay saraakiil ka tirsan dowladda oo lacago u soo wada Puntland, waxaana lacagahaas sida aan wararka ku hayno ay ku socdaan murashax Engineer Max’ud KHaliif Xasan (Jabiye) oo Farmaajo iyo KHeyre ay u diyaarinayaan inuu ku soo baxo doorashada madax-weynaha Puntland iyo Engineer Cabdul-Xakiim Cameey oo ay rabaan inuu ku soo baxo madax-weyne ku-xigeenka Puntland mar kale, Eng.Cameey, waa siyaasiga keliya ee marka laga reebo dowladda federal-ka ee u hambalyeeyay Lafta-Gareen!…Waa ninkii isagoo inkirayay jiritaanka maamulka uu isaga mada-weyne ku-xigeenka ka ahaa ee Puntland waxaa jirin oo ku magacaabay HARADIGA!! Hadana waa u tartamayaa, umase malayniyo inuu rabo xilkaas ee wuxuu rabaa si uu nimankaas heshiisyada qarsoon soo galay wakil ugu noqodo inuu magaciisa maalmo ka sii dhex muuqda sawirka weyn ee siyaasadda Puntland!… Eng. Jebiye ayaa horay intuusan ka amba bixin dalka Maraykanka rag saaxibadiis ah ayuu si cad ugu sheegay inuu dowladda Federal-ka heshiis la gelayo si ay u maal geliso tartanka u u gelayo doorashada madax-weynenimmada Puntland. Waxaa jira iyagana qaar ka mid ah oday-dhaqameeddada, niman iyo haween isku sheega inay ka mid yihiin dhaqdhaqaaqyo kala duwan inay ka mid yihiin dadka la rabo in loo soo maro doorashada Puntland. Xil-DHibaannada cusub, waxaa la gudboon inay ka digtoonaadaan oo ka fiirsadaan qofka ay dooranayaan, Codkiinna ama wuxuu noqonayaa mid aad ummadda Soomaaliyeed ugu hiilinaysaan oo aad aayaha ilmihiina iyo mustaqbalka faca dambe adinka dhaxlayo aad ugu danaynaysaan ama wuxuu noqonayaa bar madow oo ka daran shanta sano ee hadda dhamaanaysa! Fekera oo fekera, nimanka lacagta loo so dhiibayo ma aha niman aydaan aqoon… waa niman aad ku taqaanaan inay waligood siyaasadda gurracan u ololeeyaan si ay dulaal uga helaan, waa niman wajiga timo ku leh oo aan ceebtu dareemin! Fekera! Guddoomiyaha Baarlamanka federal-ka ah, Xil-DHibaannada mooshinka keenay ha ogaadaan lagama adkaan! Waxaad ku shaqaynaysaan waa waxaad hubtaan, sidaas daraadeed yeeysan idin niyad jebin dadka aan wax ogeyn, maxaa yeelay adinkaan shacabka la hadlain oo aan waxba u sheegin!! La hala dad-weynaha, khataraha idin muuqda la socodsiiya!…Dad-weynihii Soomaaliyeed waa laga wada aamusay, waana khalad!khalad! yaa wax u sheegaya hadaad ka wada aamusteen?!…Ogaadaana, waxa socdaa qiimo aad qaali u ah bay inooga baahanyihiin inaan ku bixino!…Indhaha Kala Fur! W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Soomaaliya dhibaato xoog leh ayaa ka jirta. Shacabka Soomaaliyeed waa dhibban yahay. Soomaali kasta waxaan ku leeyahay, haddii xalka aadan qeyb ka noqon karin, dhibaatada qeyb ha ka noqon. Shabaab ma ka tirsan tahay? Soomaali ma tahay? Haddii ay jawaabtu haa tahay, waad og tahay in aad dhibaatada ka mid tahay. Laakiin hadalku intaa kuma eka. Ujeeddadeyduna eedeyn ma aha. Maanta waxaa gacantaada ku jirta qeyb weyn oo xalka ka mid ah. Taas oo ah in aad shacabkan rafaadsan ka deyso dilka, dhaawaca, cabsida iyo arga-gaxa. Waad ogtahay dadka ugu badan oo gacantaada ku dhintaa waa shacabka. Cidda aad dileysaan oo aad jihaadka kula jirtaanna waa muslimiin, waa Soomaali, waa waalid iyo walaal. Waa dadka dad kuu xiga quruumaha balaayiinta ah ee dunida ku nool. Ka Soomaali ahaan, ha eegin meesha aan maanta joogno oo keliya. Arag meesha aan gaari karno waa haddii dhallinyarada aad adigu ka mid tahay ay ka shaqeeyaan horumarinta dalka. Ka feker inta dad waayeel ah oo dhibaateysan aad caawin karto. Ka feker inta aad barakacayaal caawin karto. Ka feker inta carruur kaa yaryar oo qaar badani agoommo yahay aad bari karto akhris iyo qoraal. Ka feker haddii aad xorriyad iyo nabadgelyo haysato, aad iskaashataan dhallinyaro kula mid ah, heerka aad adigu shakhsi ahaan higsan karto. Ha ka fekerin in aad is qarxin karto oo keliya. Ha ka fekerin in aad dagaallami karto ilaa askari dhulka jooga ama mid dayaarad saaran uu ku dilo. Ha ka fekerin oo keliya in aad diyaar u tahay in gantaal meel fog laga soo riday ama kuwa ku rararn dayaaradaha is wadaa ay ku dilaan. Ka feker taa cagisgeed. Ka feker in aad khatarahaas oo dhan aad naftaada ka badbaadin karto. Ka feker in aad naftaada wax tari karto. In aad qoys iyo jacayl abuuri karto. In aad waalidkaa iyo ubadkaaga aad biili karto marwadaadana aad dhaqan karto. Waad og tahay in ay cibaadada ka mid tahay. Ha ka fekerin qof in aad dili karto oo keliya. Is weydii – Qof ma badbaadin kartaa? Nolosha dadka qiimee. Ilaaha dadka uuntayna ka cabso. Waad ogtahay in aan Ilaaheey loogu dhowaaneyn dhallinyaro lagu qalqaaliyo in ay naftooda halligaan isla markaasna ay dilaan dad dariiqaas maraya, dembi aan gelin, Maxkamad dil ku xukuntay aanay jirin, laga yaabo in ay salaad hadda soo tukadeen ama ay u socdaan Masjidka, cid ay duullaan ku yihiinna aanay jirin. Laga yaabo in ay ku jiraan dhakhaatiir bukaanka daaweysa, taajiriin masaakiin masruufa, aabbayaal carruur badan koriya, macallimiin ubadka wax barta, hooyooyin sebi naaska nuujiya, ama sidkoodii dhammaaday bal qiyaas bambaano waddo lagu qarxiyay inta ku go’i karta! Waad ogtahay in dadka aad leyneysaan ee gacantiinnu ay gaarto uu yahay oo keliya dadka Soomaaliyeed ee colaadda, qaxa iyo horumar la’aantu ay dalalka asaaggood ah ka reebtay. Waad ogtahay shacabku in aanuu mas’uul ka ahayn siyaasadda Dowladda iyo siyaasadaha kale ee aad sheegtaan in aad ka gilgilaneysaan. Kaba sii fog ee waad ogtahay in aan shacabku cod ku lahayn dowladaha, ciidammada iyo ururrada shisheeye danaha kala duwan ee mararka qaarkoodna is khilaafsan ee dalkan ay ka leeyihiin in aanuu mas’uul ka ahayn qofka Soomaaliyeed ee iska lugeynaya waddooyinka Muqdisho, jirinaaya muufo ee tiisa u meel la’ haddana aad qarxineysaan. Bal isu miisaan waxa aad ka cabaneysaan iyo dhibta aad ku haysaan shacabka Soomaaliyeed. Waad ogtihiin in qaraxyadiinna ay ku naf waayeen dad baahan oo aan qado haysan. Waan ogahay in meelaha aad ka talisaan aan shacabka aydnaan toos u gumaadin, laakiin haddana waxaan ogahaya Muqdisho iyo magaalooyin kale dhibka aad shacabka ku haysaan. Waxaad ogtahay in si kasta oo aad u qarxisaan aan shacabku magaalada ka dhammaan doonin. Waxaad ogtahay in si kasta oo aad dhallinyarada Soomaaliyeed u qarxisaan in aan Dowladdu garowsan doonin in ay xukunka idiin banneyso inyarba ha ahaatee. Waad ogtahay in ciidanka shisheeye aanuu dalkan uga baxeyn in dad Soomaaliyeed oo masaajid ku tukanaya ama waddo maraya ay dad kale oo Soomaaliyeed ay weeraraan oo ay laayaan. Waad ogtihiin in aan ciidanka shisheeye dalka ka bixi doonin haddii aad cunaqabateysaan shacabka sida ka dhacday Xuddur, Buulo Burte iyo Ceel Buur. Waad ogtahay in aan adduunka lagu faa’ideyn aakhirana aan lagu liibaaneyn in ummaddaada loo xoog weynaado oo la laayo. Ilaaheey isaga ayaa culeys kasta qaadi kara. Dadka Soomaaliyeed ee muslimka ahina wuxuu maanta u baahan yahay in loo turo, loona gargaaro. Qofkii aan karin in uu u gargaaro qofka kale ee Soomaali ah, waxaa la gudboon in uu u turo ugu yaraanna uu ka magan galo. Marka aan taas idin leeyahay khasab ma ahan in macnaheedu yahay in dowladda Soomaaliyeed ay had iyo goor wax wanaagsan u qabato shacabka ama ay baahidiisa dabooshay. Ma ahan in aan idin leeyahay ajnebiga Xalane ka shaqeysta iyo kuwa Gobollada dalka qaarkood jooga ayaa jacayl Soomaaliyeed halkan u wada yimid. Ma ahan in aan idin leeyahay taageera. Xor ayaad u tihiin in aad diiddaan. In aad diidmadiinna ku muujisaan wax kasta oo aan ahayn xabbad iyo qarax. Xor ayaad u tihiin in aad ka shaqeysaan in Soomaaliya ay amnigeeda ku filnaato oo ay ka maaranto ciidan shisheeye. Ogow Qarax kasta oo aad sameysaan waxaa uu qiil u sameynayaa joogitaanka ciidanka iyo dadka aad sheegeysaan in aad dooneysaan in aad dalka ka saartaan. Qarax kasta oo aad sameysaan wuxuu sii fogeynayaa sidii loo gaari lahaa Dal dhisan, soo saara dhaqaale ku filan lehna Madax Qaran, mid gobol iyo mid degmo oo uu shacabku toos u soo doorto lana xisaabtamo, haddii uu ku qanci waayana uu shaqada ka fariisiyo. Qarax kasta wuxuu agoon ka yeelayaa ubad Soomaaliyeed, wuxuuna kordhinayaa baahida daawo iyo midda gargaar kale oo ay Soomaaliya caalamka ka tuugto. Haddii aad Soomaali tahay, haddii aad Islaam tahay, qofka Soomaaliyeed marka hore adiga ha kaa nabad galo. Dhiiggiisa ha xalaaleysan. Adduunyada haddaad nacday isaga ha seejin. Aaakhiradaada ha ku waayin dilka aadane aanad aqoon, gef kaa gelin in aad nafta ka goyso. Marka aad nabadgeliso qofka Soomaaliga ah waxaan shaki ku jirin in wax kasta oo kale laga gaari karo xal. Ugu dambeyn, haddii aad Shabaab tahay, Soomaali tahay, Allah taqaan, ummadda Soomaaliyeed dhiiggeeda ha xalaaleysan oo ha kaa nabad gasho. Ka feker xal aan qori iyo qarax ahayn oo adiga iyo shacabka intiisa kaleba ay u aayaan. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar
  19. Diiwaanka Musharixiinta doorashada Puntland 2019 waxaan horey ugu soo qaadaney Musharixiinta kala ah, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Siciid Cabdulaahi Dani, Faarax Cali Shire, Cabdi Faarax Siciid Juxaa, Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), todobaadkan waxaan ku soo qaadaneynaa siyaasi Cali Xaaji Warsame Waa kuma Cali X. Warsame? Cali Xaaji Warsame waxa uu ku dhashey deegaanka Seemade ee gobolka Mudug qiyaastii 1961 (57 jir). Waxbarashadiisa asaasiga ah waxa u ku kala qaatey magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho. Sanadkii 1990 waxa uu ka qalin jebiyey SIDAM (Somali Institute of Development Administration and Management) oo uu ka qaatey shahaadada kowaad ee B.Sc, waxaana uu bartey Maareynta Xisaabaadka. Kadib burburkii Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre 1991, waxa Cali Xaaji Warsame Axmed kamid noqdey dadkii u soo qaxay goboladii Waqooyi bari ee haatan la isku yiraahdo Puntland. Siyaasi Cali Xaaji Warsame waxa uu kamid ahaa dhalinyaradii ururkii islaamiga ahaa ee al-Itaxaad al-Islaami, kaas oo burburay sanadkii 2002. Odoyaashii gobolka Bari iyo siyaasiyiintii jamhaddii SSDF ayaa isla gartey sanadkii 1991 in wadaadadu ay maamulaan Dekadda Boosaaso, dadka deegaanku waxay u yaqaaneen wadaadadaas IKHWAANKA, wax aqoon ah looma lahayn jiritaanka ururka al-Itixaad al-Islaami, oo soo baxay markii ay saldhigyo ciidan samaysteen. Cali Xaaji Warsame waxa u mar noqdey maamulaha Dekadda Boosaaso sanadkii 1991, waxaana xusid mudan in dhaqaalaha canshuurta ee dekadda ka soo xeroon jirey intiisa badan lagu difaaci jirey goboladii Waqooyi Bari ayna geli jirtey ciidamada difaaca uga jirey gobolka Mudug ee jamhadii SSDF. Sida ay sheegayso xogta aan helnay, wadaadadii Itaxaadku waa isku khilaafsanaayeen in canshuurta ay qaadaan badankeed la geeyo difaaca, Cali Xaaji oo ka soo jeeda gobolka Mudug ayaa kamid ahaa kuwa ku adkaa in dhaqaalaha sida odoyaashu ugu talagaleen loo maamulo, oo an waxba laga beddelin dhaqaalaha lagu bixiyo difaaca, taas oo sababtey in markii danbe laga beddelo maamulka dekadda, waxaana arrimahaasi wax iska bedeleen markii ururkii Itaxaadku isu rogeen garab hubeysan oo doonaya in ay si rasmi ah ulla waregaan talada gobolada Waqooyi Bari, taas oo fashil & dhiig daata ku dhamaatey sanadkii 1992. Kadib dagaaladii dhex-marey ururkii al-Itaxaad al-Islaami iyo jamhaddii SSDF Cali Xaaji Warsame waxa uu kamid noqdey dadkii isaga baxay dalka, waxaana uu u wareegay Jabuuti iyo dalalka Carabaha, waxaana uu muddo kadib kamid noqdey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska. Waxbarashadiisa sare Cali Xaaji Warsame waxa uu ku qaatey dalka Britian, waxaana shahaadada Master-ka ka qaatey American University, London, UK. Bilowgii Siyaasadiisa Cali Xaaji Warsame waxa uu dalka dib ugu soo laabtey si rasmi ah sanadkii 2012, kadib markii shirkadda ugu weyn Puntland ee Golis Telecom ay u dooratey in uu noqdo Maareeyaha guud ee shirkadda, shaqadaas oo isaga tegey 16 bilood kadib sababo aanu shegin darteed, laakiin loo badinayo in ay ahayd damiciisa siyaasadeed, waxaa arintaas si weyn uga xumaadey golaha sare ee shirkadda Golis, waxaa la is weydiinayaa in sababta Cali Xaaji u qaatey shaqada Golis ay ahayd meel dadka reer Puntland ka bartaan shakhsiyadiisa, isla markaana uga tallaabi karo damiciisa siyaasadeed. Dhamaadkii sanadkii 2013 ayuu isu sharaxay xilka Madaxweynaha Puntland, siyaasi Cali Warsame Axmed waxaa uu si weyn ugu soo baxay markii Musharixiinti doorashadi 2014 ay ka dhigteen afhayeen. Doorashadii 2014 ee Madaxweyne loo doortey Cabdiweli Cali Gaas ayuu galay kaalinta saddexaad waxaana uu sheegtaa in uu lahaa guusha Cabdiweli Cali Gaas kadib markii xildhibaanadii u codeeyey isaga oo gaarayey 16 Xildhibaan 15 kamid ah ay wareegii saddexaad codkooda siiyeen Cabdiweli Cali Gaas. Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Kadib guushii Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas waxa uu Cali Xaaji Warsame u magacaabey Wasiirka Waxbarashada taariikhdu markey ahayd 28 janaayo 2014, waxaana uu kamid noqdey kooxdii u horeysey ee Xukuumadda Dr Cabdiweli Cali Gaas. Waxay ahayd maalintii ay u bilaamatey shaqadii u horeysey ee arrimaha siyaasadda Puntland. Cali Xaaji Warsame waxa uu xilka kala wareegay Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo xilkaas hayey 2009-2013. Siyaasi kasta waxa uu ku doodaa in uu wax weyn ka qabtey wasaaraddii loo magacaabey xiligiisi, laakiin waxaa la dhihi karaa ma jirin isbeddel weyn oo muuqdey sida, wax ka beddelka Waxbarashada asaasiga ah ee Xukuumadda hadda jirtaa ballan qaadey in ay lacag la’aan ka dhigeyso, kor u qaadida deeqaha waxbarasho, mideynta manaahijta kala duwan iyo arrimo kale. Siyaasi Cali Xaaji Warsame xilka wasiirnimo kuma daahin waxaana uu hayey muddo 17 bilood ah oo keliya, markii xilka laga qaadayey waxa uu ku maqnaa dalka dibadiisa, sababta looga qaadey xilka ayuu isagu ku sheegay in uu “Kacaanii ka dheereeyey”, laakiin sida ay sheegayaan warar madax-banaan Cali Xaaji waxa uu ahaa qof si furan uga hadla shirarka xukuumadda, soo jeediya dhaliilaha jira ed isla xukuumadda, bishii feberaayo 2015 waxaa jirey shir la doonaayey in lagu qabto tuulada Godad ee koonfurta Gaalkacyo, taas oo Cali Xaaji saameyn weyn ku lahaa, loona arkaayey in uu dhisanayo awood uu ku difaacan karo doorkiisa siyaasadeed, sidoo kale Cabdiweli Cali Gaas iyo Cali Xaaji waxaa u dhexeeyey tartan hoose oo salka ku hayey awooda beeshooda dhexdeeda, taas oo Cali Xaaji doonaayey in aan Cabdiweli Cali Gaas uga awood roonaan, arrimahaas oo soo jiitamaayey tan iyo bilowgii 2015 ayaa sababey in Cali Xaaji xilkiisa waayo. Cali Xaaji Warsame waxa uu mar kale isu sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadii 2016-2017, tartankaas Cali Xaaji guul weyn kama keenin waxaana uu helay codad aad uga yar kuwii uu helay doorashadii Puntland 2014. Dhaliilaha loo jeediyo Cali Xaaji Si lamid ah Musharixiintii hore aan uga hadlalney Cali Warsame Axmed waxaa loo jeediyaa dhaliilo iyo amaanba. Waxyaabaha ugu waaweyn ee dadka ka soo horjeeda siyaasadiisa ay ku dhaliilaan ayaa ah in uu yahay wadaad ka tirsanaan jirey ururo Islaami ah, Cali Xaaji oo doonaya in uu eedahaas iska fogeeyo ayaa ku jawaabey “AA LA TAHAY”, eedahaas ayaa ah kuwo aad u yar marka la eego xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya maanta marayo, ururadii Islaamiga ahaa qaarkood oo burburay iyo in uu u tartamey xafiiska u sareeya Soomaaliya. Dhaliilaha loo jeediyey Cali Xaaji Warsame ayaa sababey bilowgii sooyaalkiisa siyaasadeed in uu iska fogeeyo gondaha iyo xididka uu ku lahaa dacwada iyo wadaadnimadiisa, taas oo uu sanadkan mar kale wax ka bedalay isla markaana u ololeeyey si ka duwan mararkii hore. Shakhsiyadda Cali Xaaji Warsame Cali Xaaji Warsame waa shakhsi aqoon fiican u leh diinta islaamka, waa shakhsi miisaan leh, ixtiraam badan, afmaal ah oo aan hadalka wanaagiisa iyo dhihidiisa loo tilmaamin. Doorashada Puntland 2019 Cali Xaaji Warsame Axmed waxa uu kamid yahay musharixiin ku dhaw 20 Musharax oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland, ma ahan markii u horeysey ee Cali Xaaji isu soo sharaxo Puntland, marka la eego ololihiisi doorashada Puntland ee 2013-2014 waxaa la dhihi karaa aad ayuu uga duwan yahay kan sanadkan, marka hore waxa uu kamid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu cod dheer ee ka soo horjeeda siyaasadda Dr Cabdiweli Cali Gaas, kadib muddo ayey ku qaadatey in uu si bareer ah u sheego damaciisa doorashada 2019, laakiin xawaaraha todobaadyadii u danbeysey uu jarey ayaa muujinaya awooda ololihiisa doorashada, inkasta oo dad badan aaminsan yihiin fursadaha uu lee yahay in ay ka yar yihiin kuwii uu lahaa sanadkii 2014. Qaar kamid ah dadka falanqeeya siyaasadda Puntland ayaa sheegaya in Cali Xaaji Warsame ay ka go’an tahay in siyaasadda Cabdiweli Cali Gaas ay meesha ka baxdo oo aan dib loo dooran, tan labaadna ay tahay in uu qayb ka noqdo haddii aanu ku guuleysan doorashada, isbeddelka soo socda si mar kale siyaasadda dib ugu soo noqdo. HORSEED MEDIA TEAM
  20. (SLT-Hargaysa) Hablihii lagu aflagadeeyay buuga uu qoray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay Guurtidu ka soo saartay qadiyada bugaas oo muran xoogani ka dhashay. Hodan Abwaan Muuse Cali Faruur oo kamid ahayd hablihii hormuudka u aha ka dhiidhiga caydii bugaas ku qornayd ayaa qoraal kooban oo ay barteeda shabakada bulshada ee Facebook soo dhigtay ayay kaga hadashay. Qoraalkaas ayaa u dhignaa sidan . “Halkan badan iyo tacab badan dabadi buki lagu dhawaq in laguboGolaha Guurtida somaliland ayaa Hada ku dhawaqay in la Gubo Buugi Wasiirka Wasaarada war Faafinta ee Guri Sadheeye . Golaha Guurtida Somaaliland waan ku bogaadinayaa shaqada Fiican ee ay Qabteen waxaynu sugnaba waa Madaxweyne Muuse Biixi isna siduu ka yeelo” Sidaa waxa tidhi Hodan Muuse Cali Source
  21. (SLT-Manchester)Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa jamaahiirta kooxdiisa kaga farxiyay hadalkii uu saxaafada u jeediyay kadib markii ay Red Devils guul wayn oo 5-1 ah ka soo gaadhay kooxda Cardiff City wuxuuna sidoo kale Ole muujiyay in ay hadda la tartami karaan kooxaha ka horeeya ee Chelsea iyo Arsenal. Ole Gunnar Solskjaer ayaa muujiyay sida ugu faraxsan yahay in kooxdiisa Man United ay markiiba dhaqan galisay kubbadii weerarka ahayd ee uu tababarka waqtiga kooban ku soo siiyay. Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya in markasta ay kooxdiisu qaado hal talaabo oo ay kulan walba ula dhaqanto sidii kulankii Cardiff City wuxuuna sidoo kale ka hadlay qaabkii ay kooxdiisu u dhaqan galisay qorshihii uu doonayay. Ugu horayn Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlaya in markiiba hal kulan ka fikiri doonaan si ay farqiga dhibcaha kaalmaha sare ee Chelsea iyo Arsenal u soo yareeyaan ayaa yidhi: “Hadda waxaanu qaadanaynaa markiiba hal kulan. Waxaa hore lanoogu qabtay 8 ama 9 dhibcood , laakiin waxaa waajib nagu ah in aanu waqtigiiba hal talaabo qaadno’. Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlaya qiiradii uu la soo laabtay ayaa yidhi: “Anigu waan u hanwaynaa soo dhawayntii aan ka helnay jamaahiirta, todobaadka oo dhan qiiro ayay ahayd. Laakiin waa bilaw, waananu ka socon doonaa” Waana hadal uu Ole jamaahiirta kooxdiisa kaga farxiyay in ay dadaalka sii wadi doonaan. Intaa kadib Ole Gunnar Solskjaer ayaa farxad ka muujiyay sidii ay kooxdiisu u dhaqan galisay qorshihii uu ciyaarta ka lahaa wuxuuna yidhi: “Shalay waxaanu qaadanay tababar iyo sida ay ciyaartu noqonayso , waxaanu doonaynay in Ashley Young iyo Luke Shaw ay in badan riixaan, si fiican ayay maanta u shaqaysay”. “Heerka shaqadaadu waa wax sahlan in laga shaqeeyo,, waa xoriyad, waa maskaxda iyo in wiilashu ay dhaqan galiyaan.Haddii aanu kulamada oo dhan sidan ku qaabilno, anaga oo doonayna in ay sidan dhamaantood ku wahahaan oo ah ku ciyaaris hami iyo ku ciyaarista weerar, kadib waanu faraxsanaan doonaa: ayuu Ole hadalkiisa sii raaciyay. Source