-
Content Count
207,148 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanadii Mooshinka kasoo gudbiyay Madaxweyne Faramaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in fursad cusub ay siiyeen Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanadaan ayaa sheegay in hadii Mooshinkii ay la laabteyn aysan micnaheedu aheyn in uu Madaxweynaha ka saxanyahay balse iyagu ay garteyn in dalka ay u tanaasulaan, ayna isha ku heyn doonaan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee Madaxweynaha. Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo kamid ah xildhibaanada maanta shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanada Mooshinka kasoo gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ay ku saxnaayeen sooo gudbinta Mooshinkaasi balse markii dambe ay u tanaasuleen danaha Dalka sida uu sheegay. “Adiga oo dalka ugu sareeyay hadii aad garan weyday in aad dalka u turto, inagaa u turnay oo Mooshinkii la laabanay balse weli way jiraan sababaha aan usoo gudbinay Mooshinka waxaana ku siinaynaa fursad aad qaladaadka aan tabaneyno ku saxdo” ayuu shegay Xildhibaan Odawaa.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Dalalka Turkiga iyo Israel ayaa isdhaafsaday weerarro saxaafadda ah kaddib markii ay Ankara ku eedeysay Israel HAYSASHADA dhulka Falastiiniyiinta, halka Tel Aviv ay iyaduna ku eedeeysay Turkiga xasuuqa Kurdiyiinta iyo HAYSASHADA Qubrus. Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu waxa uu weeraray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan kaas oo dhallinyaro Turki ah u sheegayey “Ha laadina cadawga aad dhulka dhigtaan. Ma tihiin Yahuudda joogta Israel.” Netanyahu waxa uu ugu jawaabay Erdogan: “Haysashada Waqooyiga Qubrus kaas oo ay ciidamadiisu gummaadaan haweenka iyo carruurta Kurdiyiinta ah, kudaha iyo dibadda Turkiga”, waxaa sidaas lagu soo qoray Twitter-kiisa Sabtidii. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga oo ka jawaabaya Twitter-ka Israel ayaa Axaddii yiri: “Netanyahu waa dilaa qarsoon oo waqtigan casriga ah.” Afhayeenka Erdogan ahna la taliyihiisa Ibrahim Kalin ayaa isna jawaab adag soo bixiyey. Waxa uu yiri afhayeenka: Netenyahu –“Ha joojiyo sharci daradda uu ku haysto dhulka Falastiiniyiinta iyo caburrinta adag ee uu ku hayo dadka Falastiiniyiinta ah,” halkii uu ka baryi lahaa Erdogan in uusan runta ka hadlin.” “Weerarka Erdogan ama u adeegsiga Kurdiyiinta guulo siyaasadeed kama badbaadin doonto dhibaatooyinka ka haysta gudaha,” ayuu Kalin hadalkiisa ku daray. Bilowgii bishan waxa uu Erdogan ku misaalay xadgudubyada ay Israel ku hayso Falastiiniyiinta kuwii ay Nazi-yiinta Jarmalka ku sameyn jireen Yuhuudda. Waxa uu sheegay in Falastiiniyiinta lagu hayo cadaadis, dagaal iyo cabsi galin iyo siyaasado aan ka dhibaato yareyn tii lagu samaeeyey Yuhuudda xilligii uu socday dagaakii labaad ee aduunka.” Turkiga waxa ay xiriirka u jareen Israel 2010-kii kaddib markii ay Yuhuudda ciidamadooda Kumaandooska ah ay waraareen Markab dagaal oo ay leeyihiin Turkida oo joogay meel u dhaw Marinka Qasa iyaga oo ku dilay sagaal Turki ah. Labada dhinac waxa ay hadana danjireyaal is weydaarsadeen 2016 balse waxaa markale safiirkeeda la soo laabatay Ankara bishii Maajo kaddib markii ay Militariga Israel Marinka Qasa ku dileen dibad baxayaal Falastiiniyiin ah. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
U/M/D 004/2018 Ujeedo: Baaq. Salaadiinta, Boqorada, UgaasyadaAqoon yahanka, waxgaradka Iyo dhamaan qaybaha bulshada ee uu ka kooban yahay Ururka Midnimada Direed (UMD) waxay bayaan ka soo saareen sadexda tuulo ee kala ah 1. Gadhamaytu 2. Cundhuftu 3. Cadhaytu Saddexdaas magaalo oo ay deganyahiin Beesha Ciise oo ka mid ah beelweynta Direed, kana tirsanaa ka hor 07/09/2014 degaanka ismaamulka somalida Ethiopia gaar ahaan degmada Ma’aysu ee gobolka Siti. Sidoo kale degaanadaas oo isku halka degmo ka wada tirsanas ka hor taariikhda kor ku xusan, balse lagu kala daray sadex degmo oo ka tirsan maamulka canfarta. . Magaalada Gadhaytu oo la raaciyay degmada Amibira ee maamulka canfarta . Halka magaalada Cundhuftu laga raaciyay degmada Gawaani ee maamulka canfarta . Magaalada Cadhaytu ayaa iyadana la raaciyay degmada Mille ee maamulka canfarta Dhulkaas oo aan umada degan ee somaliyeed habayaatee wax talo ah laga waydiin wareejintiisa, balse sifo baal marsan sharciga uu ku wareejiyey maamulkii u adeegayay xukuumadii hore ee talada gacanta ku haysay Hadaba anagoo ah Madax dhaqameedkii aqoonyahankii iyo waxgaradkii Beelaha Direed Waxaanu ka codsanaynaa Xukuumada Federalka ah ee dalka Ethiopia iyo Dawlad deegaanka Somali state In umada halkaa degan lagu soo celiyo deegaankii ay ka tirsanayeen ka hor 07/09/2014 ee Somali State, maadama dhulkaa lagu daray maamulka kale iyadoo aan sife sharci ah loo marin. Sidoo kale cabashooyinka ka jira Magaalada Diridhabe, dhulka la yidhaa Marmaasan dhulkaas oo ah dhul Soomaaliyeed ka hor 2017 hoos tegi jiray degmada Shiniile. Maadama deeganka aan loo marin sife sharciga waafaqsan loo marin wareejintiisa, dadka degaankana aan afti laga qaadin, waxaanu Xukuumada Federalka Ethiopia iyo Dawlada deeganka somalida ka codsanaynaa in dhulkaasna lagu soo celiyo degmadii aay hoos tegi jireen si xal loogu helo xaalada amni daro ee ka taagan magaalada Diridhabe deegaankaasina u noqdo mid xasiloon. Wa bilaahi towfiiq Stockholm, Sweden Ibrahim Ali Adan Gudoomiyaha Ururka Midnimada Direed Ibrahimadan@gmail.com Qaran News
-
The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) on Sunday strongly condemned the deadly explosions perpetrated by al-Shabab at a military checkpoint in Mogadishu earlier Saturday. An IGAD statement has quoted the Executive Secretary of IGAD, Mahboub Maalim, as saying, “We join the resilient people and the Federal Government of Somalia in condemning this horrendous act of terror, and send our sincere condolences to the families of the victims and wish a speedy recovery to the wounded.” Describing the murder of civilians, soldiers and journalists in the blasts as distressing, the Executive Secretary said, “Their bravery and defense of libertarian values against the dark forces of extremism will be remembered for long and will continue to inspire a generation of young men and women.” “The strength and determination of the people of Somalia will eventually triumph over these heinous purveyors of evil.” IGAD has reaffirmed its continued commitment to standing with the people and government of Somali in their effort to combat terrorism through the existing regional and continental mechanisms. In a statement later Saturday, the East African bloc said it follows closely the development in Somalia and “stands ready to support the ongoing regional election process that will lead to one man one vote by 2020.” The post IGAD condemns deadly explosions in Somalia’s Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wali ma hagagain amniga magaalada Muqdisho! Arrin la yaab ku ah bulshada Soomaaliyeed maadama dowladda iminka jirta laga filayey WAX WEYN in ay ka beddesho amniga dalka iyo gaar ahaan Caasimadda. Hase, ahaatee, muddada labada sano ku dhaw ee ay jirto xukuumadda Kheyre, qaraxyado waa sidoodii, dadka ku dhimanaya kama yara kuwii hore intii uusan dalka awooddiisa hayn haddii aysanba ka badneyn. Waa arrin sax ah in amniga dalka laga sugeyn in uu sugo shaqi, xukumad ama dowladda oo dhan, balse loo baahan yahay umadda oo dhan in ay gacan ka geystaan. Hase yeeshee, waxaa meesha ku jirta in maamulka talada markaa haya ay la yimaadaan Istaraatijiyad wax ku ool ah oo ay ku kasbadaan bulshada inteeda kale. Sidee lagu sugi karaa aminga Caasimadda? Waa weydiin adag balse hadana sahlan! Waayo, waxaa jira goobo ay dowladda amnigeeda si wanaagsan u sugtay sida Madaxtooyada ama Villa Somalia, oo dowladdii Xasan Sheekh dhowr jeer la weeraray.. Villa Somalia waxa difaaceeda wax laga badalay bishii Luulyo 2019, iyada oo lagu rakibay qalabto casri ah oo fududeeyey in aan lala haweysan gudeheeda falal amni darro ah ama qaraxyo ah. Waxyaabaha lagu xiray waxaa ka mid ah biro dhulka hoostiisa la galiyey oo baara baabuurta hootooda si ay ku ogaadaan in wax lagu soo xiray iyo in kale. Sidoo kale waxaa la galiyey qabalyo casri ah oo lagu hubiyo dadka iyo gaadiidka (Advanced Security System). Hadaba, maxaa diiday in qalabkaas in la dhigo goobaha ahmiyadda weyn u leh amniga caasimadda sida baraha kontorool ee laf dhabarta ah iyo meelaha ay bulshada ku badan yihiin, si ugu yaraan loo yareeyo halisaha ka dhalan kara qaraxyada? Waa xaqiiqo, in dhaqaale badan ku kacaan qalabkaas, balse sugida amniga iyo dhaqaalaha kee muhiimsan, oo dowladdu lacagi maku yartahay? Tusaale, magaalada Baqdaad aad ayaa muddooyinkii dambe loo adkeeyey amnigeeda waxaana hoos u dhacay qaraxyadii lagu leyn jiray shacabka badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maalmahan waxaa dib u soo cusboonaaday erayada kulul oo ay isdhaafsanayeen madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo ra’isul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlayey Yuhuudda ayaa waxaa uu yiri “Yuhuudda Isra’il waxaa ay dadka darbeeyaan iyaga oo dhulka jiifa, rag keliya ma aha ee waa haween iyo caruur, laakin haddii aan muslimiin nahay waa naqaan sida loola dhaqmo, waa haddii ay ku dhiiran karaan inay noo babac-dhigaac, cashar ayaan u dhigi laheyn”. Ra’isul wasaaraha Israa’il Netanyahu oo hadalkaasi ka jawaabaya waxaa uu yiri “Erdogan – waa nin xoog ku heysto waqooyiga Qubrus, oo ciidamadiisa ay xasuuq u gesyteen haween iyo caruur Kurdish ah oo ku nool meel gudaha ama dibadda Turkiga ah, nin noocaas ah ma aha inuu wacdiyo Isra’il. Erdogan oo mar kale hadalkan ka jawaabayo waxaa uu leeyahay Netanyahu waxaa uu madax u yahay “dowlad argigixiso ah” Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Cavusoglu waxaa uu Netanyahu ku tilmaamay“Dilaa dhiig-yacab ah ee casrigan”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland ayaa ku eedeysan madaxda maamulkaasi caburin ay ku hayaan xildhibaannada. Xildhibaan Khadiija Kuwait oo la hadashay Goobjoog ayaa sheegtay in madaxda Jubbaland ay sidoo kale dastuur aanu baarlamaankooda ogeyn sameyeen. Khadiija ayaa sheegtay iney kasoo carartay magaalada Kismaayo, islamarkaana Muqdisho u timid si iyada iyo xildhibaanno kale si ay garab uga helaan xukuumadda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WAREYSI-XILDHIBAAN-KHADIIJA-JUBBALAND-2.mp3 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiga joogtada Golaha Aqalka Sare ee BFS oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka arrinsaday Daraasad ku saabsan nidaamka federaalka ee dalalka Caalamka iyo sidoo kale doorka Aqalka Sare ee ilaalinta danaha dowlad goboleedyada dalka. Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad. Habdhowraha Golaha Aqalka Sare C/kaafi Macalin Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulankaasi. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka SareMowliid Xuseen Guhaad ayaa kulanka kadib tacsi u diray Ehelladii iyo Qaraabadii ay dadkoodu ku dhinteen qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Senator Mowliid Xuseen Guhaad ayaa ugu baaqay XFS, gaar ahaan wasaaradda Caafimaadka in ay gurmad u fidiso dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi. Shalay ayey aheyd markii qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen agagaarka Tiyaatarka Qaranka iyo Taallada Daljirka Daahsoon ee magaaladaMuqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen Askar iyo dad Rayid ah oo aan waxba galabsan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Guddiga Joogtada Aqalka Sare Oo kulan ku yeeshay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xarakada Al-shabaab ay dhexda u galeen kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed. Weriyaha Goobjoog News ee Hiiraan waxaa uu sheegayaa in Dabageed iyo saraakiisha kale ay ku sii jeedeen Maxaas, iyaga oo ka tagay magaalada Baladweyn. Inkasta oo aanu wax khasaare ka dhalan dagaalka, hadana xabadaha ay labada dhinac is-dhaafsadeen waxaa ay socdeen daqiiqado badan. Hadda, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo wafdigiisa waxaa ay joogaan Maxaas, halkaas oo ay ka bilaabeen dib u heshiisiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ka mid ah golaha shacabka ayaa waraysi uu siiyay Goojoog waxa uu ku sheegay in uu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada iyo horomarinta ciyaaraha iyo ciyaartooyda Soomaaliyeed meelbo ay joogaan. “Ciyaartooyda imaanaysa dalka waxa ay fure u yihiin horomarka isboortiga waxayna booqashadooda dhaxgal u tahay iyo in is bartaan laaciibtinta gudaha iyo kuwa qurbajoogta waana wax loo baahan yahay sababtoo ah dhalinyarada imaanaysa waxa ay baranayaan dalkooda iyo dhaqankooda”sidaas ayuu Goobjoog u sheegay Xildhibaan Xaasan Macalin. Xildhinaan Xasan Macalin Maxamuud waxa uu door wacan ka dheelay in ay caasimada yimaadaan tababarayaal iyo ciyaartooy Soomaaliyeed kuwaas oo wadanka ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho u imaaday intii u dhaxaysay 17-30 October 2018 waxaana kooxdaas ay ka kala yimaadeyn dalalka England,Norway,Sweden,Canada,America iyo Kenya. “Kaliya wax yar ayaa iminka ka qeyb qaatay mustaqbalka waxaan jeclahay in aan door wacan ka ciyaaro garab istaagida xirfadlayaasheena waana waajib na saaran hadii aanu nahay xilidhibaanada golaha shacabka”. safarka kooxda imaaday bishii October waxaa laga faa’iday laacib Feysal Xasan Axmed oo ku noolaa dalka Norway tan iyo bishii November xulka qaranka ayuu u dheelay saddex kulan wuxuuna u dhaliyay ilaa afar gool bishii hore xulka Ethiopia ayuu ka dhaliyay gool aad u wanaagsan ka dib markii labada dal ay wada ciyaareyn is reeb reebka tartanka olimkada aduunka. Xirfadyahan Feysal todobaadyo ka hor waxa uu noqday xidigii ugu horeeyay oo xulka qaranka dalkeena u dhaliya saddelay ama hatrick,isagoo goolashaas ka dhaliyay xulka wadanka Jabuuti oo ay la ciyaareyn kulan saaxiibtnimo ku dhawaad mudo 30-sano ah waxayna arintaas dhiiri gelin u noqotay ciyaartooy badan oo ku koray qurbaha,iyagoo iminka rajayna in ay dheelaan xulka qaranka Soomaaliya ee (Ocean Stars). Hadaba Halkan Ka Daawo Waraysiga Oo Dhameystiran W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
KKKKKK yaa ictiraafba ka hadlaya dawladnimo ayaa laga hadlayaa iyo ku dhaqanka sharciga oo dastuurku kow ka yahaye. Korsi loo dortay shan sanadood in 15 sanadood ku fadhiyo xildhibaanku haduu qurux u arko dantiisa gaarka ah ee shakhsiga ah wax ka badan kamuu talinin waana sida xildhibaanadu u badan yihiin. Kulmiyena malaha waaba siyaasadiisa waayo muddo kordhinta ehel buu u yahay ceebna uma yaqaano Kulmiye ee wax lagu faano iyo xarago ayaabay ka dhigtaan II KORDHI AAN KUU KORDHIYO EH. Waayo tani 2010kii dalka iyagaa hogaaminayay inta muddo kordhmo dhacayna waynu ognahay. Mudadaa wixii wanaagsanaaday guusheeda iyaga ayaa leh wixii xumaadayna iyagaa leh. Sharafta iyo quruxda iyo karaamada dawladnimadu kuma jirto kii la doortaa marka muddo-xileedkiisu dhamaado inu kursiga isku sii dhejiyo oo iskaga fadhiyo uun ee waxay ku jirtaa qofka xil loo doortaa marka muddo xileedkiisu dhamaado inu kursiga baneeyo hadii sharcigu u ogol yahay uu doonayana mar kale u soo tartamo oo hadii uu ku guulaysto intii uu fadhiyay in le’eg hadana ku sii fadhiyo iyadoo xalaal ah oo sharci ah. Cali maxamed Yuusuf (Cali Guray) Kulmiyaha Debed-yaalka ah Qaran News
-
Riyaad ( Sh. M. Network )-Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kulul u cambaaraysay qaraxyadii isxigxigay oo shalay ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kuwaasoo galaaftay nolosha dad maato ah aan waxba geysanin. Masu’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa wakaaladda wararaka sacuudiga u shaagay inay Xukuumadiisu cambaaraynayso falalka noocan ah ee argagixisinimada,wuxuu cadeeyay inuu dalkiisu uga tacsiyadeynayo Xukuumadda Soomaaliya iyo ehelada marxuukumintii ku geeriyootay qararyadaasi naf la caariga ah. Wuxuuna sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay ka soo horjeedo nooc kasta oo fal argagixiso ah,wuxuuna u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay falalkaasi inuu eebe bogsiiyo kuwii ku dhintayna janadiisa ka waraabiyo. Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Baxreyn bayaan ay soo saartay ayay ku cambaaraysay qaraxyadaasi waxayna sheegtay in ay la jirto Xukuumadda Soomaaliya kana saacidayso ka hortagga falalka cadawtinimo ee noocan ah oo xasiloonida iyo nolasha shacabka Soomaaliya qalqal gelinaya. Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Baxreyn ayaa lagu sheegay in mowqifkeeda ku aadan argagixisada uu yahay mid cad kana shaqeynayso sidii dunida looga cirib tiri lahaa. The post Sucuudiga Oo cambaareeyey qaraxyadii shalay Ee Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Washington ( Sh. M. Network )-Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan arimaha Afrika danjire Tibor Nagy ayaa cadeeyay taageerada buuxda ee dowladda Maraykanku la garab taagan tahay dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Danjire Tibor Nagy oo shir jaraa’id ku qabtay Washington ayaa si cad hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay Midnimada iyo wadajirka dhul ahaaneed ee Soomaaliya wuxuuna yiri “ Wada jirka dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika. Markaa Maraykanku wuxuu la dhaqmayaa dawladda federalka ee Soomaaliya ee xarunteedu tahay Muqdisho, Waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojinno dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba, Waqtigaan siyaasadda Maraykanku waa inay si toos ah ula dhaqanto dawladda Federaalka ee Soomaaliya.” Hadalkaan kaaliyaha xoghayaha Arimaha dibadda ee maraykanka ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan dowladda maraykanku ku dhawaaqay inay Soomaaliya ugu deeqday lacag ku dhow hal bilyan oo dollar. Soomaaliya iyo Maraykanka waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo saaxiibtinimo, waxayna dowladda Maraykanku safka hore kaga jirtaa dalalka saaxiibada ah ee aad u daneeya arimaha Soomaaliya, wuxuuna Soomaaliya ka taageeraa dhinacyada Amniga, Horumarinta adeegyada bulshada iyo dib u soo noolaynta Kaabayaasha dhaqaalaha. The post Mareykanka “Somalia waa u muhiim Midowga Africa” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada aadka u fir-fircoon ee dalka gudisiisa wax ku bartay, sidoo kalana ka shaqaynayay horumarinta iyo dhiiragalinta dhalinyarada iyo ardayda haatan ku jira waxbarashada. Faysal wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan Sanadku markii uu ahaa 1988, wuxuu ka mid ahaa qoys ka kooban 14-ruux marka lagu daro Hooyo iyo Aabe. Waxbarashadiisa aas-aasiga ah, sida hoose dhexe iyo sare wuxuu ku soo qaatay magaalada Baladwyne, sidoo kale 2016-kii ayuu ka baxay Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) xarunteeda magaalada Muqdisho, kulyada maamulka iyo Ganacsiga. “SAWIRKA 1-AAD” Faysal marka laga soo tago waxbarashadiisa wuxuu sidoo kale haatan wuu ka shaqaynayay Waxbarista Ubadka Soomaaliyeed ee soo baxaya. Wuxuu ahaa Macalin wuxuuna mid ahaa Macalimiintii ugu horeeyay ee loo qaatay Barnaamijka Aada dugsida (Go to School), wuxuuna macalin ka ahaa Afartii sano ee ugu dantaysay Dugsiga Yaasiin Cismaan ee ku yaala degmada Boondheere. Xasan Jimcaale Cadaan oo ah maamulaha Dugsiga Yaasiin Cismaan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Faysal uu ahaa macalin fir-fircoon, oo dabeecad wanaagsan leh, sidoo kalana xiriir fiican la leh macalimiinta ay wadashaqaynayeen iyo ardayda iskuul-ka. Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow wuxuu ahaa shaqsi markasta waqtigiisa ugu badan ku bixiya dhiiragalinta Dhalinyarada, isagoo ku dhiiragalinayay inay waxbartaan. Wuxuu aas-aasay Xarunta Tababaratad iyo Horumarinta Ardayda Soomaaliyeed, taas oo ka shaqaysa kobcinta Aqoonta dhalinyarada. 2016-kii Allaha u naxariistee Faysal Aabihiis Salaad Samow iyo wiil ay walaalo yihiin ayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab waxay ku dileen magaalada Baladweyne, iyagoo sidoo kale halkaasi ku dhaawacay wiil kale oo ay wada dhasheen Faysal. 28-kii October 2017-kii wiil kale oo la dhashay Faysal oo lagu magacaabi jiray Bile Salaad Samow ayaa maleeshiyada Al-Shabaab waxay ku dileen Qarax ay ka gaysteen Hotelka Naasahablood-2, ee magaalada Muqdisho. “SAWIRKA 2-AAD” 22-December 2018, oo shalay ahaydna Al-Shabaab waxay Qarax ku dileen Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow. Ka hor inta uusan uusan geeriyoon Faysal wuxuu ka bad baaday Qaraxa Al-Shabaab ay ku qarxiyeen meel u dhow Tiyaayarka Qaranka, Ka dibna wuxuu tagay isagoo nabad qaba Dugsiga uu macalinka kahaa ee Yaasiin Cismaan, wuxuuna Bartiisa Facebook-ga ku soo qaray inuu ka bad baaday Qaraxa, laakiin wuxuu ku geeriyooday Qarax kale oo Al-Shabaab ay ka gaysteen meel u dhow Dugsiga uu ku sugnaa ee Yaasiin Cismaan.”SAWIRKA 3-AAD” Ehelada Marxuumka iyo Maamulka Iskuulka uu ka shaqaynayay ayaa inoo sheegay in Allaha u naxariistee Faysal uu isku diyaarinayay Sanadka cusub inuu guursado, iyadoo loo doonay Gabadhii uu guursan lahaa. W/D: Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Golaha amniga iyo nabadda ee Ururka MidOwga Africa ayaa Ansixayay qorshe cusub oo Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay gacanta ku hayaan ee Soomaaliya. Qorshahan oo loo yaqaano Concerpt Operation ayaa la sheegay in uu yahay mid ay dajiyeen taliska Milatariga AMISOM, kaas oo ka bilaaban doona gobolka Jubbadda Dhexe, si looga saaro Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Howgalladan waxaa si wadajir ah u fulin doono Ciidamada maamulka Jubbaland, kuwa DFS iyo Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Afhayeenka AMISOM Col Richard Omwega ayaa sheegay in qorshahani uu qeyb ka yahay waqtiga kala guurka, kaas oo AMISOM ammaanka dalka ugu wareejineyo Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya sanadka 2021-ka. Al Shabaab ayaa weli gacanta ku haya deegaano dhowr ah oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoona inta badan weero ka fuliya gudaha dalka. The post Midowga Africa Oo ansixiyay qorshe ka dhan ah Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ceelcade (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Shabaab iyo Daacish uu ka dhacay degaanada hoos yimaadda degaankaasi. Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Ururka Daacish. Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in arintaan ay timid ka dib markii dhowr xubnood oo ka mid ahaa Daacish ay isku dhiibeen Shabaabka ku sugan gobolka Gedo. Dagaalkii xalay waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac badan oo gaaray labada maleeshiyo ee dagaalamay, laakiin si rasmi looma xaqiijin karo tirada rasmiga ah. Dadka deegaanka waxay sheegeen inay arkeen meydad iyo dhaawac badan oo labadan koox ah. Al-Shabaab ayaa dhawaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Daacishta ku sugan Gudaha Soomaaliya. Afhayeenka kooxda Al-Shabaab, Cali Dheere ayaa Daacish ku eedeeyey inay bilowday in ay safkii kala jabiyaan waxa uu ugu yeeray safka mujaahidiinta islamarkaana “fitno iyo tafaraaruqna ka dhex abuuraan, iskuna dayaan in ay kala dhantaalaan awoodda iyo cududa Mujaahidiinta u mideysan la dagaalanka cadowga Allaah”. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-23122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxaas ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in dagaal culus maanta uu ka dhacay deegaanka Oronta oo u dhexeeya magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay dhabaha u galeen wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed. Wafdigan ayaa ku wajahnaa degmada Maxaas oo saacadihii la soo dhaafay duleedkeeda ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyay Beelo wada daga halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, balse laba dhinac ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkaasi. Guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Maxaas Qaasim Maxamed Maalin oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi. Waxaana uu tilmaamay in wax khasaare ah mas’uuliyiintaasi uusan ka soo gaarin weerarkaasi. Sidoo kale waxa uuxusay guddoomiyaha gobolka Hiiran iyo wafdigiisa in ay Maxaas u tageen dhex dhexaadinta Beelaha ku dagaalamaya halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-c-qani.mp3 The post Al Shabaab Oo weeraray kolonyo galbineysay guddoomiyaha Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article