-
Content Count
207,152 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka toogatay ruux la sheegay inuu ahaa kuwa gawaarida qaraxyada ku xiran yihiin dhiga goobaha ay shacabka ku badan yihiin. Ruuxaasi ayaa magaciisa lagu sheegay C/qaadir Abuukar Shaacir, waxaa la sheegay inuu Al Shabaab ka tirsanaa una qaabilsanaa in gawaarida qaraxyada ku xiran yihiin uu dhigo waddooyinka iyo goobaha dadweynaha ku badan yihiin. Ninkan waxay Ciidamadda Ammaanku ku qabteen Bishii May ee Sannadkan Degmadda Xamarwayne xilli uu halkaasi dhigay Gaari Qarax ah, Sida saraakiisha ciidamada qalabka sida ay sheegeen. Sidoo kale C/qaadir Shaacir waxaa la sheegay inuu ahaa Shaqsigii dhigay Gaariga Qaraxa ah Agagaarka Wasaaradda Amniga Qaranka, kaasi oo dad badan ay ku dhinteen sanadkii lasoo dhaafay. Toogashada ayaa waxay ka dhacday Fagaaraha Dugsiga Sare Booliska, waxaana dilkaan uu nonayaa midkii ugu horeeyay oo ruux ka tirsan Al Shabaab una qaabilsan dhigida gaadiidka la toogto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Somalia waxay Saakay oo Isniin ah ay Toogasho ku fulisay C/qaadir Abuukar Shaacir oo ka tirsanaa . Cabdiqaadir ayaa Alshabaab u qaabilsanaa inuu Gawaaridda Qaraxyadda ah dhigo Goobaha ay Al-Shabaab ay weerarayaan. Ciidamada amaanka ayaa ninkaan waxaa ay qabteen Bishii May ee Sannadkan waxaana ay ka qabteen Degmadda Xamarwayne xilli uu halkaasi dhigay Gaari Qarax ah. Maxkmada ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in ninkaan uu ahaa shaqsigii dhigay gaari qarax laga soo buuxiyay oo Al Shabaab ay ku weerareen xarunta wasaarada Amniga ee Muqdisho. Faah faahin dhameeytiran dib kala soco. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo saakay dil ku fulisay nin katirsanaa Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waqti aad u yar ayaa ka harsan doorashada Madaxtooyada mamaulka Puntland, xilkaas oo ay iu tartamayaan ku dhawaad 30 musharax. Shaki kama taagna in doorashada Puntland ee sanadka soo socda tahay tii ugu xiisaha badneyd ee abid ka dhacda Maamulkaas iyo guud ahaan maamul goboleedyada Soomaaliya, marka la eego loolanka wajiyada badan ee ka jira una dhexeeya Nabad iyo Nolo, kooxaha ka soo horjeeda, Imaaraadka iyo Qadar oo kala taabacsan. Waxaa aad loogu jahwareersan yahay musharaxa ay Nabad iyo Nolol la dooneyso xilkaas balse waxaa jira siyaasiyiin dhawr ah oo la tuhmayo sida; Faarax Cali Shire, Jabiye, Asad Diyaano, Saadaq Eenow iyo ENG Camey oo aan wali shaacin musharaxnimadiisa. Dhinaca kale waxaa jiray shaki laga qabay in kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay iyaguna gaaal ka riixayaan musharax si uu lafdhuun gashay ugu noqdo Nabad iyo Nolol marka uu soo boxo. Markii hore waxaa la amainsanaa in mucaaradka uusan jirin mid gaar ah oo ay wataan balse ay dagaal kula gali doonaan dowladda haddii ay sida Koonfur Galbeed shaaciso dhookheeda, hase ahaatee, waxaa hadda Caasimada Online ay u xaqiijiyeen mas’uulin ka kala tirsan xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka iyo kooxda ol’olaha Siciid Cabdullahi Deni in uu musharaxaas yahay ninka ay awoodooda isugu geeyeen in uu soo boxo. Deni markii hore waxaa la aamisanaa in uu dowladda dhineceeda yahay balse waxaa la xaqiijiyey in uu gacan saar la leeyahay Imaaraadka oo uu dagan yahay. Xiriika ka dhexeeya Deni, Roobow iyo Axmed Madoobe Sida xafiiska Caasimadda Online ee magaalada Garowe ay xogta ku heleyso waxaa jira sil salad isku xireysay Roobow oo ahaa musharaxii ugu cad caddaa Koonfur Galbeed kahor inta aysan dowladda soo xirin oo uusan doorashada ku guulaysan Lafta-gareen, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe – hoggaamiyaha Jubbland oo ah in saddexda maamulba lagula dagaalamo Nabad iyo Nolol oo hiiliyo Mucaaradka gaar ahaan xisbiga Xassan Shiekh. Ilo wareedka u warramay Caasimadda Online ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu u sheegay madaxda xisbiga Midowga nabadda iyo Horumarka haddii ay ku guuleystaan doorashada Puntland uu u keeni doono Roobow oo ay saaxiibo yihiin, waa haddii uu ku soo baxo doorashada Koonfur Galbeed, inkastoo markii dambe la xiray Roobow.! Lama saadaalin karo wax aka soo bixi doona doorashada Puntland maadama Gaas wali ka mid yahay musharixiinta, Cumar Cabdirashiid isa soo sharixi karo iyo Camey oo dhaqaale xoog leh ka helaya Nabad iyo Nolol. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa wada kulamo lagu xalinayo qiaafka Baarlamaanka. Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa kula kulmay guddiyaa Baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiya ayaa isku dayaya in uu xaliyo qilaafkii ka dhashay kala diristii guddiga maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiyaha ayaa wali ku dhagan go aankiisa diidmada ahaa ee kala dirista guddiga maaliyada. Dhowaan ayaa xal laga gaaray qilaafkii u dhaxeeyay madaxda sare ee dalka oo ku aadanaa mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku howlan xalinta qilaafka Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Dhawaan waxa ay doorasho wajiyo badan lahayd ka dhacday magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Doorashadaas waxa ay go’aamineysay mustaqbalka loollan ee saddexda kooxood ee ku hardamaya talada dalka; Nabad iyo Nolol, dowlad Gobollleedyada iyo kooxaha mucaaradka ah. Kooxahaas midba hadaf gaar ah ayey doorashada ka lahayd, hase ahaatee, maadama aysan gari laba ka wada qoslin waxaa libinta yeeshay Xukumadda talada haysa ee ‘Nabad iyo Nolol’. Ujeedkii Nabad iyo Nolol Caadiyan, Xukumadda hadafka ay doorashada Koonfur Galbeed ka lahayd waa mid cad, helidda hoggaan ay isku aragti ka yihiin mamaulka iyo mustaqbalka dalka iyo waliba doorashada soo socota ee 2021. Maamul Gobolledyada Walow dhammaantood ay ku wada jiraan, inta badan ol’iole dib u soo noqosho, hadana, Koonfur Galbeed waxa ay u ahayd cabbir “Litmus Paper” ay ku qiimeyn karaan rejadooda soo laabasho. Waxa ay kula dagaalameen dowladda si ay uga weeciyaan in ay farogaliso oo ay saameyso waxa meesha ka socday ugu yeelato si uusan u soo bixin musharixii ay wateen, yeelkeede, taas waa looga adkaaday. Kooxaha mucaaradka ah Wax badan kama aysan aragti duwaneyn hadafkii ay lahaayeen Maamul Gobolleedyada oo ay waxa ay ka ahayd “Cadawgaaga, cadawgiisa waa saaxiibkaa!” Qudhooda waxa ay wateen sida ay xogo hoose sheegayaan musharax, gaar ahaan xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumaraka ee uu hoggaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud, balse wey ku hungoobeen. Iyagu, waxa ay ka cararayeen in Nabad iyo Nolol ku dhaliso goolka kowaad ee doorashada 2021-ka. YUU SOO GAARAY KHASAARAHA UGU DARAN? Labada dambe khasaaraha isku si ayuu u sameeyey balse waxaa sii daran Maamul Gobolleedyada oo uu ka bur buray golihii Iskaashiga ee ay dhiseen. Sidoo kale, waxaa meel cidlo ah ku soo dhacay hoggaamiyeyaashii hayinka u ahaa Cabdiweli Cali Gaas oo ku soo kaarto baxay balse hadda laftiisa uu xaalku ku xun yahay. Haddii uu Gaas doorasho galayo, oo aan la hubin soo laabashadiisa, su’aasha ayaa ah halkee ayuu xaalkooda ku dambeyn doonaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Jubbaland Axmed Madboobe? Dad badan ayaa qaba, in sheekadu ku dambeyn doonto, “Ninkii Walaalkii loo xiirayoow, adna soo qoyso!” W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
In ka badan 35,000 oo qof oo aan dowladda si toos ah ugu shaqeyn ayaa la rumeysan yahay in haystaan kaararka aqoonsiga dowladda. Ugu yaraan 500 oo qof oo aan madaxtooyadda ka shaqeyn ayaa heysta kaararka madaxtooyada kuwaas oo isugu jirra la-taliyayaal, iyo shaqaale kale. Waxaan indhaheyga kusoo arkey shaqsiyaad caadi ah oo heysta kaararka madaxtooyada oo aay ugu qoran tahay waa la-taliye ra’iisal wasaaraha ee arrimaha saas iyo saas. Sidoo kale la-taliye xaafiiska madaxweynaha. Waxaa sidoo kale kaararka lagu qaataa ama lagu haystaa la-taliyayaal wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno, la-taliyayaal agaasime iyo agaasime waaxeedyo iyo wixii la mid ah. Waxaan arkey intaan Xamar joogey shaqsiyaad haysta kaararka wasaaradda gaashaandhigga, nabad sugidda iyo booliiska.. Waxaas aan sheegey oo dhan waxaa sameeya shirkad oshaqsiyaad leeyihiin oo halkii kaar ku sameeya ugu yaraan 10 dollar. Waxaa lagu sameeyaa saddex meelood oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama. Intaas oo shacab ah oo kaararkaas wata waxay soo maraan waddada Sayidka halkaas ayeyna kaga soo gudbaan baaritaanada. Dadkaas kaararkaas kaliya ayey tusaan askarta hadana baabuurtooda lama baaro! Waxaas oo qatar ah waxaa la iska rabaa in laga hortaggo, su’aashayduna waxeey tahay yaa ka hortagi kara? Amnigu waa noo wada muhiim! W/Q: Cali Yaasin
-
Dawladda Sacuudiga ayaa 12-kii bisha 12-aad ee sanaddkan 2018 marti galisay shir ay isugu yimaadeen wasiirada Arrimaha Dibada ee wadamada kullaala bada-cas iyo gacanka cadmeed, shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii loo yagleeli lahaa isbahaysi cusub ay wada yeelanayaan wadamada gal biyoodkan wadaagga, todoba dal oo ka mida ah sagaalka wadan ee wadaagga bada cas iyo gacanka cadmeed ayaa ka qayb galay kulankaas kuwaas oo kala ah: Masar, Urdun, Suudaan, Jabuuti, Soomaaliya ,Yaman iyo wadanka martida loo ahaa ee Sucuudi Carabiya. “Tani waxa ay imanaysaa ka qayb ahaanshaha dedaalada boqortooyadu doonayso inay ku ilaaliso danaheeda iyo danaha jaarkeeda iyadoo sidaa loo yeelayo dagenaanshaha mandiqadan aan ku noolnahay iyo in la isku dayo sidii dhidibada loogu taagi lahaa wadajirka dowladaha kala duwan” sidaa waxa yidhi wasiirka arrimaha debada dalka sucuudiga mar uu sharaxayay midhaha laga filayo gaashaanbuurtan cusub. Isbahaysigan cusub ayaa ku soo beegmaya xili hirdanka awoodeed ee gobolkan ka jiraa sii xoogaysanayo. Marinkan ayaa ah mid mihiimad laxaad leh u leh ganacsiga caalamiga ah iyada la tilmaamo in ay ka gooshaan marinkan 2.5% saliidda qaydhin ee caalamka loo iib geeyo. Sanadkii la soo dhaafay China waxay dekada jabuuti ku kordhisay aag ganacsi oo ku kacay adduun lacageed oo dhan 600 Milyan, maal galintan china ayaa waxay qayb ka tahay qorshe waddo ganacsiyeed riyo ahaa oo xaqiijintiisa hada uun ay bilaabeen kaasoo ay ku magacaabaan Jaynuhu (China) Hal Wado Iyo Hal Suun (One belt one road). Arrinta ayaa ah in China ay soo celiso dariiq ganacsiyeed xadaaradihii hore ee China muhiim u ahaa kaa soo ah marin biyood isku xidhaya laga bilaabo dakada bakistaan ee gawaadir ee China ay dhisanayso la soo mariyo bada carbeed ilaa laga soo gaadho markinka Baabal-Mandab iyo bada cas kaasoo isna ku aadan qooriga Suways ee dalka masar si kadibna ay halkaa kaga xidhmaan qaarada yurub. Jabuuti waa wadan yar oo ay ku yaalaan saldhigyada milateri ee qaar ka mid ah quwadaha adduunka ugu xoogga wayni, China waxa ku soo daawanaya meesha Maraykan, Faransiis, Jabaan iyo Iiraan oo dhammaantood saldhigyo mileteri ku leh wadankan, reer galbeedka waxay u xusulo duubteen inay isbalaadhinta ganacsi iyo ta mileteri ee China-ha caqab ku noqdaan taasoo keentay in maraykan istaraatiijiyada koobaad ee loolanka dunida oo markii hore ahayd la dagaalanka waxa ay ugu yeedhaan argagixisada ku bedelaan loolanka adkaysashada hogaaminta caalamka oo ah in ay xakameeyaan awoodaha China iyo Ruush. Dhammaan quwadahan waawayni ma aha kuwo ka madhan joogitaanka gobolka marka ay ugu yartahay waxa ay ku wada joogaan xeebaha soomaaliya la dagaalanka budhcad badeedda, sidoo kale awoodaha gobolka ayaan iyaguna ka madhnayn saaxada, wixii ka dambeeyay intii isbahaysiga Sucuudigu hor kacayaa weerarka ku qaadeen kooxaha Xuutiyiinta ee dalka Yaman oo taageero ka hela Iiraan, waxa jiray hadal hayn ah in amniga wadamada carbeed yahay mid ka dayacan dhinaca koonfurta kadib markii wadamada Turki iyo Iiraan kaga gaalan gal bateen bariga Afrika taasina ay jiritaankooda khatar ku tahay. Warbaahinta Carbeed ee ku hadla af xukuumaddahooda intooda badan iyo kuwa madaxabanaaniba marka ay ka hadlayaan joogitaanka Turkiga ee soomaaliya waxay adeegsadaan erayga ‘Gumaysi’ iyo in saldhigga miletari ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho yahay khatarta ugu wayn ee ka soo food saartay dhinaca koonfureed, taasi waxay keentay in wadanka Imaaraadka Carabta oo dabcan ay ku wada socdaan Sucuudiga iyo Masar uu saldhigyo mileteri ka samaysto Jasiirada Soqodra ee dalka Yaman, magaalo xeebeedyada Yaman ee kala ah Caden, Mokalah iyo Mokah. Waxa jirta iyana in saldhigga mileteri ee ugu wayn ee Imaaraad leeyahay inuu ku yaalo wadanka Ereteriya magaalo xeebeediisa Casaba, Berbera oo ah maagaalo istaraatiijiya ayaa iyana la filayaa in Imaaraad ka hirgashado saldhig militari ka dib markii shirkad dalkaa laga leeyahay ay la wereegtay maamulidii dekada Berbera. Sidoo kale kama madhna xaaladda taagan xifiiltanka uu dhaliyay biyo xidheenka Ethiopia ka dhisanayso biyaha wabiga Niil ka dib markii dawlada Suudaan ay si mafsuud ah u soo dhawaysay mashruucan biyo xidheenka iyo in barwooqo uu u horseedi karo gobolka bariga Afrika oo Suudaan u horayso, Masar oo iyadu garab ka wayday dhammaan wadamada wadaagga biyaha niilka si mashruucan biyo xidheenka loo joojiyo ciidamo ayay u daabushay saldhigga milatari ee Imaaraatka ku leeyahay Ereteriya si ay Suudaan ugu cadaadiso inay joojiso taageerada ay u hayso hirgalinta mashuuraca biyo xidheenka, taa badalkeeda Suudaan waxay kaga jawaabtay in Qadar maamulka dekada ugu wayn dalka Suudaan la wareegto, jasiirada istaraatiijiga ah ee Sawaakin ay ku wareejiso dawlada Turkiga oo xiligii cusmaaniyiinta ay u ahayd saldhig, hawsha dib u camirida jasiirada Sawaakin waxa iyana ka mid ah in saldhig milatari Turkidu ka dhistaan halkaa. Sucuudi Carabiya badanaa marka ay doonayaan inay saamayntooda awooddooda siyaasadeed muujiyaan waxay caan ku yihiin adeegsiga hantida lacageed ee ay haystaan taas oo macnaheedu yahay inaan si quman looga baaraan dagin talaabooyinka la qaadayo ee la xidhiidha is muujinta boqortooyada natiijadeeduna noqoto in ay fashil ku dhammaadaan, waxa fashil ku dhammaaday is bahaysigii weerarka ku qaaday 25 March 2015 wadanka Yaman ee la baxay dabayshii midwoga (عاصفة الحزم)oo warbaahinta wadamada xubnaha ka ahaa hawada wareejinayeen in dagaalkan haduu ugu bato sii socon doono muddo hal sano ah. Hiyi kac Sucuudi hor boodayo oo ahaa urur isbahaysi difaac oo ka alkuman bariga dhexe laguna waday in loogu yeedho NATO-da carbeed kaas oo uu dabada ka riixayay Maraykanku ujeedada ugu wayn ee qaar ka mida wadamada carbeed u doonayeen is bahaysigana ahayd in ay kaga hortagaan isbalaadhinta Iiraan, qorshahan ayaa ugu dambayntii fashil ku dhammaaday ka dib markii lagu kala qaybsamay mabaadii’da uu u taaganyahay maxaa yeelay wadamada Qadar iyo Cumaan lama qabaan dalalkaa kale in Iiraan ay khatar ku tahay iyaga. 15 bishii diisamber 2015 ayay ahayd markii magaalada Riyaad ay isugu yimaadeen wadamo badan oo muslim ah, tiro ahaanna dhammaa 40 iyo hay’addo madax banaan oo islaamiya sida Jaamacadda Azhar iyo ururka iskaashiga islaamka, kulankaa waxa lagaga dhawaaqay inuu ka soo baxay samaynta is bahaysi balaadhan oo loo bixiyay ‘Isbahaysiga Islaamiga ah ee La Dagaalanka Argagixisada (التحالف الإسلامي العسكري لمحاربة الإرهاب) si ay uga hortagaan dhibaato la sheegay inay ku hayso argagixiso. Ururada Ikhwaanul Muslimiin, Xamaas iyo Xisbulah liiska argagixisada meelaha ugu horeeya ayay ugu jiraan dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar, halka hoyga kaliya ee ay ku nabad galaanna yahay wadamada Turkiga iyo Qadar, shabakada wadaadka Turkiga ah ee Fatxula Goolaan iyo jabhadaha kurdiyiinta ee PKK argagixiso ayay u yihiin Turkida, wadamada Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar-na waxay u arkaan inay yihiin urur dacwad diiniya wada iyo jabhad xuquuq gobonimo doon ah u dagaalamaysa. Tani waxay ka dhigantay wadamada ku heshiiyay argagixiso la dirirku in aanay isla aqoonsanaynba yaa argagixiso ah, isbahasigan inuu shaqeeyo iska daayee in si rasmi ah loo soo hadal qaado waxa ugu dambaysay maalintii la aas-aasay waana mid lagu macneeyay natiijo ka dhalatay fashilka habqanka go’aan qaadashada istiraatiijiyadeed ee dalka Sucuudiga. Yeedhmada Sucuudiga markan maaha is muujin la xidhiidha awoodda siyaasadeed oo kaliya ee waa in la ilaaliyo danaha dhaqaale ee kaga xidhan marin biyoodkan, waxa jira mashruuc dhaqaale oo baaxaddiisa leh kaasoo ay Sucuudiga kuwada jiraan wadama Masar iyo Urdun kuna kacaya adduun dhan 500 oo bilyan oo doolar lagana hirgalinayo deegaanka xeebaha bada cas iyo in magaalooyin dalxiis heerkoodu sareeyo laga dhiso wajiga hore ee xeebaha bada cas ee dhinaca Sucuudiga, kama madhna meesha isku day cusub oo Masar iyo Sucuudi ku doonayaan inay yareeyaan joogitaanka Turkiga ee mandaqadda, wasiirka arrimaha dibada ee Sucuudiga Caadil Al Jubayr mar uu ka hadlayay arrinkan ayaa waxa uu yidhi: “Mar kasta oo uu bato iskaashiga iyo wadashaqaynta dowladaha mandiqaddu waxa yaraanaya saamaynta taban ee shisheeyaha”, ku qanacsanaanta Sucuudiga wadamada qaarkood colaaddo halakeeyeen qaarna ay saldhigyo u yihiin quwado shisheeye, kuwa kalena wadamo aan carab ahayn garabkooda koobaad yihiin iyo danaha is diidan ee urur goboleedyo ay ka kala tirsanyihiin sida ka dalaka khaliijka iyo kan bariga Afrika ee IGAD, ku qanacsanaanta Sucuudigu ku samaynayo isbahaysi ciidan, dhaqaale, bulsho iyo mid siyaasadeedba oo ay wada yeeshaan dalalkani dad badan oo arrinkan daba-galay waxay ugu muuqataa in Sucuudi wali hayo wadadii hambaabirka iyo humaaggu hagayay ugu dambayntana fashilka un kusoo idlaan jirtay. Soomaaliya waxa si aan ka fiirsi lahayn loogu daray ururka Jaamacada Carabta sanadkii 1974-kii, ku biiritaankaas umadda Soomaaliyeed wax ay ka dheefeen haba yaraatee ma jirto, cidda danta ugu wayn ku qabtay waxay ahayd wadamada carabta oo xiligaa ilaa maanta u arka Soomaaliya inay tahay jabhadda difaaca koonfureed ha ugu horayso Masar oo innagu ilaashata biyaha wabiga niilka, waxtar daaye waxyeelo ayay u dhashay arrintani umadda Soomaaliyeed, waxay ku abuurtay loolan xaga aqoonsiga ah (صراع الهوية), waxa aynu noqonay dad ka carara dhalashadoodii afrikaannimo waxaanna aynu gaadhi waynay carabnimadii la inala rabay. Islaannimada iyo carabnimaduna waa laba aan micno ahaan isku mid ahayn, burburkii Soomaaliya ka dib inta badan wadamada carbeed kuwooda qaniga ahi coolaadii sokeeye ee Soomaalida door wayn ayay ku lahaayeen iyagoo kooxihii isku gowracayay wadanka marba koox maal galinayay, ururkan Jaamacadda Carabta waxa la yagleelay sanadkii 1945 waa ka hor intii aan la samayn Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Gaashaan buurta NATO, wax maanta la taaban karo oo uu umadda uu matalo u qabtayna ma jirto halka seddexdaa hay’addood ee aynu soo xusnayna yihiin kuwa dunida door weyn ku leh oo maamula. Ururka Jaamacadda Carabtu waa urur baarlamaan leh loo yaqaan baarlamaanka Jaamacadda carabta, wadamada xubnaha ka ahna qaar baan lahayn baarlamaan oo leh boqor muqadas ah oo kaliya, waa urur tusaale caalamiya u ah fashil oo dhan dhisnaantiisuna tahay wax qurux looga jeedo uun. Hadaba in maanta mar labaad is bahaysi laga yagleelo bada cas oo aynu ka mid noqonaa waa laba mid uun: In uu noqodo urur qurux ahaan u dhisan sidaa kaa Jaamacadda Carabta ee aynu soo tibaaxnay oo dhibaato uun inoo soo jiidda ay ka mid tahay dhibaatooyin aynaan lahayn oo dhexda la inoo dhigo sida middii Yaman, jiritaankiisuna aakhirka fashil ku dhamaado Iyo inuu noqdo mid inaga hor istaaga madax banaanni aynu ku kala dooranno danteenu meesha ay ku jirto, kaasoo inagu qasbi doona hadaynaan xataa qaadan u eekaanshaha nidaamka kali-talisnimada ah ee wadamada carabta ka jira, sharciyeyntiisana leeyahay wadaadka fatwada aan loo meel dayin la barbar taagan. Ku noqoshada god la mid ah kii hore la inoogu qaniinnay waxay ka dhigan tahay Timirtii horeba (jaamacada carbta), Dab loo waa (dheef laga waa). Qalinkii: Axmed Ibraahim Xasan
-
Maanta oo kale. 20.12.1984. Xasuuqii Burco iyo Warqaddii Dilka lagu amray!! Maanta oo kale 31 sanno ka hor, waa maalintii uu dhacay Xasuuqii Magaalada Burco. Halkaas oo 43 qof oo ka mida Aqoonyahanadii iyo Ganacsatadii iyo Wax garadkii magaalada Burco, inta la soo uruuriyay , si badheedha loogu toogtay magaalada Burco. Haddaba warqada halkan idiinka muuqataa waatii lagu go,aamiyay dilkaas bahalnimada ahaa, waxaana ku yaala amaradii dilka lagu fuliyay, iyo magacyadii 43 ka qof ee la dilay. Waxaana ku saxeexan oo amarka dilka bixiyay. Ku xigeenkii xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida. Gacan ku dhiigle. Gaashaanle Yuusuf Muuse Faarax UJEEDDO:- FULIN XUKUN DIL AH KU XIGEENKA XEER-ILAALIYAHA GUUD CQS MARKUU ARKAY:- Go’aanka Maxkamada Dagaalka C.Q.S. Lam 190/84 ee 20-12-84, kaas oo lagu cayimay ciqaabta dilka ah ee lagu xukumay eedaysanaasha kala ah. 1- Dilsuge – Qaasin Qodax Jaamac 2- “ – Cabdiraxmaan X. Maxamed Siraad 3- “ – Ciise Ibraahin Ismaaciil 4- “ – Siciid Maxamed Ismaaciil (Madoobe) 5- “ – Aadan Nuur Ismaaciil (Coraaq) 6- “ – Yaasiin Axmed Warsame (Soonaani) 7- “ – Axmed Cabdi Xasan 8- “ – Cabdi Maxamed Cali (Dhagjar) 9- “ – Axmed Yuusuf Mire 10- “ – Cabdi Jaamac Xasan (Sanweyne) 11- “ – Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Comaas) 12- “ – Axmed Xasan Ismaaciil (Yunbur) 13- “ – Diiriye Cismaan Yuusuf (Laba Lugood) 14- “ – G/le Maxamed Cali Qorane 15- “ – Ex.S/A.Shukri Maxamed Samatar – (Qurmiye) 16- “ – Ismaaciil Saalax Wiriye “ 17- “ – Maxamed Samatar Axmed “ 18- “ – Saleebaan Hirad Aadan “ 19- “ – Cali Cabdi Xasan “ 20- “ – Aadan Jaamac Warsame “ 21- “ – Maxamed Maxamuud Cabdi “ 22- “ – Axmed Ismaaciil Maxamed “ 23- “ – Cali Cumar Diiriye “ 24- “ – Muuse Xasan Ibraahin “ 25- “ – Cali Giire Cabdi “ 26- “ – C/laahi Maxamed Faarax Taakuliye 27- “ – Aadan Cali Ibraahin Qurmiye 28- “ – Cabdi Maxamed Yuusuf Taakuliye 29- “ – Cabdi Xasan Jaamac “ 30- “ – Cabdilaahi Xuseen Nuur Korto 31- “ – Cali Xuseen (Inta dambe way masaxantay) 32- “ – S/Alifle Axmed (Inta dambe way masaxantay) 33- “ – Magacu wuu masaxmay 34-Dilsuge – S/Alifle Faarax (Inta dambe way masaxantay) 35- Edsane- Jaamac Cabdilaahi Saciid 36- “ – Dable Maxamed Cige Xabad 37-Edsane – Cabdi Cali Axmed 38- “ – Saciid Cismaan Geelle 39- “ – Abuukar Cabdilaahi Rooble 40- “ – Cabdilaahi Saalax Giir 41- “ – Cawil Saalax Giire 42- “ – Ibraahin Maxamed Xandulle (Ina Aar) – Maqane 43- “ – Cabdi Xuseen Dheere – Maqane In la fuliyo maanta 20/12/84 Saacadda 0700 subaxnimo laguna fuliyo goobta toogashada Burco. MARKUU ARKAY:- QOD.227 XEER MARKUU ARKAY:- QOD. 69 XEER MARKUU ARKAY:- Xeer lam 54 ee 14.8.82 WUXUU GO’AAMIYEY In go’aanka maxkamadda la fuliyo laguna fuliyo meesha iyo waqtiga ay cayintay, ayna fuliyaan koox ciidan ah oo hogaaminaayo Sarkaal ku haboon isaguna C.Q.Sida kuwaas ahaan K.D.S.iyo daraawiishta Booliiska. WUXUU KALOO GO’AAMIYEY In aasidda dadka iyo wixii kharaj ah loo xilsaaray D/Hoose ee Burco si toos ahna uu u maamulaya Guddoomiyaha Maamulka Degmada Burco. KU XIGEENKA XEER ILAALIYAHA GUUD CQS G/LE YUUSUF MUUSE FAARAX Qaran News
-
(SLT-Burco) Abwaanada waa wayn ee Ugu caansan dhulka Soomaalida ayaa gurigiisa Burco ku booqday Abwaanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) . Jaamac Muuse Jamac oo kamid ah Dadka dhaqanka Soomaalida uruuriya ayaa qoraalkan ka diyaariyay. Galab galbaha kale iiga suntan: Dacar: “Waar yaa Hadraawi, maxaad Cabdi Qays ku ogayd?” Hadraawi: “Dee waxaan ku ogaa Cabdi Aadan Xaad, iyagu “Qays” uun bay yidhaahdeene”. Dacar: Xasan Ganeyna waa kan Hadraawi: Alla waa walaakey. Kolka Hadraawi ay saaxiibbadii gurigiisa ugu tagaan: Maxamed Aadan Dacar, Maxamuud Maxamed “Dheeg”, Cabdi Aadan Xaad “Qays”, Xasan Xaaji Cabdillaahi “Geney”, Muuse Cali Faruur, Yuusuf Cismaan Cabdille, Siciid Jaamac Xuseen; ee iyadoo la kaftamayo uu Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne” ka soo hadlo Shefield. Kolka uu Hadraawi mid kasta magaciisa oo saddexan iyo naanaysta u raaciyo ee ka qosliyo ee uu kaga qiireysiiyo dhammaantooda kolka uu yidhaahdo “Subxaanaka yaa cadiim: 11 qof oo sidaa isu waji garanayay goormaa iigu danbaysay?” Ilaahayow wanaag ugu doori booqashada inta saaxiib ee maanta soo booqatay walaalkood. Ilaahayow Hadraawi caafimaad taam ah sii oo wanaagga wajigiisa maanta ka muuqdey u siyaadi. Ilaahow boqoradda Hodan ka yeel dusheeda samaan, aakhirana wanaag ugu doori niyadwanaaggeeda iyo kartireeda. Galab galbaha iiga duwan, sawirka Xasan Ganay ee salaanta Hadraawina sawirrada iiga duwan. Soo duceeya. Source
-
Khashoggi’s influence grows so immensely in death. His bloodshed is contributing towards new Peace Accord in Yemen. Jamal Khashoggi, UN Security Council, Yemen War, US Senators, President Trump, Stockholm Peace Accord, UK Resolution, Saudi Arabia Penned by the UK, The UN Security Council on Friday endorsed an agreement reached between the Government of Yemen and the opposition Houthi movement, at the recent UN-backed talks in Sweden. The resolution authorized the deployment of an advance team to facilitate the monitoring and implementation of the Stockholm Agreement. The ceasefire took effect in Hodeida after brawls continued for several hours following the start of the UN-brokered truce at midnight (Tuesday, 18 December), but UN envoy Martin Griffiths said the scheme appears to be effective. Reinforced by international pressure, Stockholm accord called for ceasefire and withdrawal of troops from Hodeida port city; A prisoner swap for 15,000 people; opening corridors to the besieged city of Taiz, and re-opening of Airports to ease humanitarian crises. The accord was identified as the most “crucial first step” towards ending the war. In fact, pressure from the Congress had pushed Saudis to make concessions to bless Yemeni-Yemeni peace concord. The Senate passed on 13 December a scarce bipartisan motion directing the White House to annul US support for Yemen war. The resolution utilizes an authoritative but rarely triggered proviso in a 1973 – the War Powers Act – that entitles the Congress to overrule the president. Furthermore, a twin resolution, unanimously, censured Saudi crown prince responsible of the premeditated killing of Khashoggi, a Saudi columnist for Washington Post. The motion labels a thorny reprimand on the prince and questions Trump’s canopy embrace of the prince, despite the facts. Both resolutions come on the same day that the UN-brokered truce between Yemeni warring sides wrapped up in Stockholm. The essence of the slain Jamal Khashoggi was a core of deliberations in both Washington and Stockholm to facilitate the pact. Editor-in-chief of the Time magazine exposed Khashoggi, as a “person whose influence grows so immensely in death”. It is the first time, the Time attributes someone posthumously, after recognizing Khashoggi, as the “2018 Person of the Year”. Dissect murder of Khashoggi, by a royal hit squadron, inside the Saudi consulate in Istanbul, has put the US-Saudi relationship under scrutiny. The CIA concluded that the Saudi crown prince ordered the elimination. Disclosure of the CIA report had augmented the ranks of the Congress to revolutionize US policy on the Middle East. Eventually, all the efforts by Trump to soothe aggravations by tolling an alarming bell for the U. S-Saudi strategic partnership has chopped down flat. According to a recent YouGov poll, 89% of liberal Americans and 54% of conservatives oppose continued arms sales to the Saudi-UAE alliance. The Saudi-led coalition instigated an intrusion in 2015 to reinstall the recognized government. Thus, it has launched over 18,000 air raids on Yemen and forced a blockade. Further, the allies initiated propel of penal economic measures targeting the Houthis supported by Iran. The U.N. vilifies Yemen’s crises as the “worst humanitarian catastrophe” in hundred years. It caused the death of tens of thousands. Save the Children’s ballpark shows another 85,000 children died of hunger and preventable diseases; About 10,000 persons contract cholera every week, with a total of 1.2 million cases, and millions are on the brink of starvation, according to the WHO/UNHCR. Amid this vista, Yemen’s people expose the US, UK, Saudi-led allies and Iran, as manipulation to the death, famine, and infections in their home. Since the death of Khashoggi, the world has become conscious of the calamity befalling in Yemen. Several European countries have pulled their support from the Saudi-led alliance. The European Parliament has called for an EU-wide arms embargo on Saudi Arabia. Trump views the conflict as a proxy war that must be won for reversing Iran’s professed dominance in the region. Nevertheless, international pressure, and recently passed resolutions, remain a colossal triumph for the miserable people of Yemen. A companion bill in the House of Representatives is strongly expected to pass on January when a new, Democratic-led House convenes. From commons.wikimedia.org: Jamal Khashoggi in March 2018 {MID-337656} Unfortunately, Jamal Khashoggi didn’t succeed to alter his country through the ink of his pen. However, his bloodshed is perpetually changing the region. By now, his bloodbath has galvanized the mockery about the war. And as a result, international media and public opinion turned the tide. If the world succeeds to save Yemen from the savage US-made shells falling on it, we have kept out a vast majority of vulnerable people to fall down or vanish in the worst famine of our lifetimes. Thus, let’s cheer the Security Council in averting the famine and supporting the peace process. We hope a further dream of Khashoggi will pursue to end the Gulf blockade against Qatar. And getting resolutions for the Saudi injudicious disputes with Lebanon and Canada will follow, as well. Categorically, we have to ascribe another glory to the spirit of Khashoggi. Hassan Horri hassanhorri@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-23122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka ee khilaafka uu hareeyey. Guddigan oo soo saaray warbixin musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda Kheyre, ayaa waxaa kala diray guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudey, waxaase dib usoo celiyey Mursal oo markii la kala diray safar ku maqnaa. Khilaafkii ka dhashay arrintan ayaan weli la xalin, hase yeeshee waxaa muuqat in Mursal uu ka guuleystay ku xigeenadiisa. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan. Xubnaha ayaa u kala qeybsan qaar la safan xukuumadda iyo qaar kasoo horjeeda. Guddoomiyaha ayaa sida la sheegay dhageystay talooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen. Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah u qiray in howlo badan ay guddiga u yaallaan. Mursal ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto. “Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Mursal. Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux). Si kastaba kulanka ayaa waxaa ka maqnaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudey iyo ku xigeenka labaad Mahad Cawad. Labadan mas’uul ayaa la rumeysan yahay inaysan weli raali ka ahayn in guddigan lasoo celiyo. Sida aan xogta ku helnay Mursal ayaan ku casuumin kulanka, waxaana sida muuqata weli taagan khilaafkii ka dhashay arrintan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
CLICK HERE TO READ MORE Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu tacsi ugu direy Boqorka Sacuudiga Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, isagoo uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Amiir Talaal Bin C/casiis oo 87-jir ahaa. Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu geeriyooday Amiir Talaal Bin C/casiis oo ahaa Aabaha Maalqabeenka weyn ee Sacuudiga, Al-waliid Bin Talaala, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Sacuudiga sannadihi 1950-aadkii ilaa 60-aadkii, wuxuuna soo noqday Wasiirkii Isgaarsiinta iyo Maaliyadda ee dalkaasi. Sidoo kale, Madaxda ka tacsiyadeeysay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis ayaa waxaa ka mid ah Ku-xigeenka Ra’iisal wasaaraha ahna Wasiirka Difaaca dalka Kuwait Sheikh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah. Sheekh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah ayaa Alle uga baryay amiirka geeriyooday inuu u naxariisto, samir iyo imaanna Alle ka siiyo qoyska boqortooyada iyo shacabka Sucuudiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Cabdillaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland Hay’adda Duulista iyo Madaarada somaliland, waxay u taagan tahay horuumarinta madaarada somaliland, hirgelinta himilooyin lagu soo jiidanayo duulimaadyo caalami ah, {International Carrier}, soo jiidashada in ay madaarada somaliland helaandad gaar ahaana madaar Hargeisa, hirgelinta siyaasad cad oo lagula tartamayo hay’adaha Duulista ee wadamada aan jaarka nahay, soo celinta maamulka hawada, hirgelinta nidaamka ka dhigaya madaarada dalka in ay noqdaan muraayad laga dheexan karo horuumarka dalka, gaar ahaana madaarka ugu wayn ee caasimada. Muddo ahaatan laga joogo sanad ayaa madaxweynaha somaliland Mudane Muuse Bixii Cabdi, uu wareegto madaxweyne ku aas-aasay hay’ada Duulista iyo Madaarada somaliland {Civil Aviation and Airports Authority}, iyada oo aas-aaska hay’adan looga jeeday kor u qaadistay hanaanka maamul ee madaarada dalka iyo in lala dartamo madaarada kale ee ku yaalla geeska afrika. Hadaba tan iyo markii madaxweynaha somaliland, uu sameeyey hay’ada Duulista iyo Madaarada somaliland, lana baa’biiyey wasaaradii Duulista, waxaa muuqatey in aanu jirin wax haruumar ah oo ay sameeyeen dadkii loo xulay in ay maamulaan hay’ada Duulista. Maxaa Keenay Hoos Dhaca Maamul Ee Madaarka Hargeisa? Waxyaabaha sababay hoos u dhaca ku yimid Madaarka Hargeisa, oo ah ka keliya ah ee waqtigan furan ama shaqeeya, waxaa jira arrimo badan oo sabab u ah hoos dhaca madaarka Egal International Airport. Gebi-ahaanba waxaa la joojiyey isu socodkii madaarka Hargeisa lafdhabarka u ahaa ama uu ku xidhnaa oo ahaa madaarka Muqdisho iyo madaarada Putland, waxaana la adkeeyey qaabkii isu socodka waxaana qofkasta lagu xidhay passport, halkii markii hore qofka aan passaborka haysan la siin jirey warqad odhanaysaa iska tag {Go Home}. Taasi waxay keentay in dhaqaalihii badnaa ee ka soo bixi jirey madaarka uu yaraado, dadkii badnaa ee madaarka camiri jireyna ay yaraadaan, ka dibna uu yimaado hoos dhac dhaqaale iyo mid maamul labaduba. Waxaa iyana meesha ka baxday diyaaradihii wadinaga ahaa, oo qayb wayn ka ahaa horuumarka madaarada Somaliland, dhaqaalaha madaarka iyo guud ahaanba sumcada Somaliland kor u qaaday tan iyo intii aan la soo noqonay madax banaanida. Guud ahaan baa diyaaradihii waaweynaa sida Daallo Airlines, Juba Airways, ocean Airlines iyo diyaaradihii qaadi jirey alaabta {Cargo flights}, waxay u wareegeen magaaloyinka Muqdisho, Garoowe, Boosaaso iyo Nayroobi, kenya, waxaana sababay in ay guuraan markii waxyaabo badan lagu adkeeyey oo ay ka mid tahay duulimaadyadii ay isaga gooshi jireen Somaliya iyo Somaliland, Kenya, Somaliland iyo Somaliya. Waxaa keenay hoos dhaca madaarka markii shaqada laga eryey dad badan oo aqoon lahaa, kana mid ahaa baalashii ay hay’addu ku duulaysey, taasoo keentay in aanay waqtigan hay’ada Duulista joogin dad aqoon leh oo keeni kara waxyaabo cusub, halka shaqaalihii reer somaliland ee ka shaqaysanayey Nayroobi, Kenya, loo raray ama laga hawl geliyey Muqdisho, taasoo hay’ada ICAO ay halkaa geysey. Waxaa kale oo sababay hoos dhaca madaarka Hargeisa, markii madaarkii Garoowe uu jaanis badan helay cambirnayna, tusaale ahaan dhamaan dadka tegaya soomaliya, sida Muqdisho, ee somaliland ka tegayaa waxay raacaan baabuur, waxayna diyaarada ka raacaan Garoowe, halka markay somaliland imanayaana ay Garoowe ka soo degaan. Sidoo kale waxaa saamayn ku yeeshay madaarka Hargeisa, ka dib markii hay’adda ICAO ay wax yaabo badan u fududaysay wasaarada Duulista Soomaliya iyo madaarka Muqdisho oo waqtigan ah mid aad u camiran, maalin kastana diyaarado caalami ah oo cusubi ay duulimaadyo ka bilaabaan, halka madaarka Hargeisa uu sidaa ahaan jirey hada ka hor. Tallo Ku Socota Madaxweynaha Mudane, madaxweyne waa in aad ogsoonaataa in Madaarada dalku ay yihiin waxaa ugu muhiimsan ee laga dheehan karo qaranimada Somaliland, sidaa darted waa in aad dib u eegtaa hay’ada Duulista, aadna soo celisaa sumcadii uu lahaa madaarka Hargeisa iyo guud ahaanba hay’ada Duulista. Madaxweyne waxaa lagu tartamaa maanta waa dad {Population}, waa in aad soo celisaa isu socodkii wadamada jaarka adiga oo amaankaana ilaashanaya, waa in la dhiiri geliyo diyaaradaha wadaniga ah, waa in la tayeeyaa shaqaalaha Duulista, waana in loo sameeyaa hay’ada Duulista maamul adag oo dhisa hay’ad Duuliseed oo awood badan, kuna xidhan wadamada jaarkeena. Madaxweyne waa in la soo celiyo xidhiidhkii iyo taageeradii ay dowlada Ingiriisku siin jirtey hay’ada Duulista, iyaga oo dhinacyo badan ka taageeri jirey waqtigii xukuumaddii hore. Madaxweyne waa in dib loo dhiso madaarada kale ee dalka oo laga shaqaysiiyo, halka maanta madaar keli ahi uu inoo shaqaynayo, halka wadanka soomaliya ee tartanku ina ka dhexeeyo gobolkasta uu madaarkiisu shaqaynayo. Madaxweyne waa in la helo qaabkii aan u soo jiidan lahayn diyaarado kale oo caalami ah, sida Kenyan Airways iyo Qadar airways oo waqtigan duulimaadyo ka bilaabaya Muqdisho. Madaxweyne waa in la helo qaabkii lagu dhisi lahaaTerminal Casri oo aynu kula tartaano wadamada jaarka ah, waayo maanta ma haysona Terminal, keliya waxaa inoo dhisan dhismayaal aan ka duwanayn qaab guryaha loo dhiso, ta keli ah ee madaarka Hargeisa uu kala dartami karo madaarada kale waa Terminal casri ah, si madaarkeenu u noqdo mid caalami ah. Cabdillaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland Source
-
Taageerid Go’aanka Madaxweyne Biixi!..W/Q Cabdirisaaq Terra
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaan arkay Somaliland oo Tvyadii kusoo rogtay lacago fooqal-caqli ah, oo waxaan daawaday Madaxdii Tvyada oo la ilmaynaya lacagaha lagu soo rogay. Waxaan leeyahay Bixiya lacagaha, saw ma tihidin kuwii Madaxtooyada Somaliland iyo tan Jabuuti’ba ka yeelay inaydaan Barnaamijka Baadi-goob baahin Karin, saw ma tihidin kuwii xuriyada hadalka lacagta siistay, saaxiibayaal saw ma tihidin kuwii shaqaysan jiray ee aan Bulshadooda u shaqayn jirin, waryaadheheen saw ma tihidin kuwii masaakiinta weriyeyaasha ahi bilaa mushaharka ku khasbi jiray inay ugu shaqeeyaan ee dhihi jiray caan inaad noqotaan iyo inaad lacag heshaan iskuma helaysaan. Bixiya lacagtii aad shacabka siisateen Muuse Biixi waa u baahan yahay, dalkuna xaalad dhaqaalo daro ayuu galayaa riwaayada inaga daaya oo bixiya lacagta. Hal Xaysiis ayaad $5000 ku qaadataan, dawladuna sannadkii ayay guno yar oo dollar ah adinka rabtaa, bixiya oo bixiya. Maxaad kaga duwan tihiin Baayac-mushtarka kale ee la cashuurayo? Waan hambalyeynayaa go’aankan Source -
Soomaaliya dhibaato xoog leh ayaa ka jirta. Shacabka Soomaaliyeed waa dhibban yahay. Soomaali kasta waxaan ku leeyahay, haddii xalka aadan qeyb ka noqon karin, dhibaatada qeyb ha ka noqon. Shabaab ma ka tirsan tahay? Soomaali ma tahay? Haddii ay jawaabtu haa tahay, waad og tahay in aad dhibaatada ka mid tahay. Laakiin hadalku intaa kuma eka. Ujeeddadeyduna eedeyn ma aha. Maanta waxaa gacantaada ku jirta qeyb weyn oo xalka ka mid ah. Taas oo ah in aad shacabkan rafaadsan ka deyso dilka, dhaawaca, cabsida iyo arga-gaxa. Waad ogtahay dadka ugu badan oo gacantaada ku dhintaa waa shacabka. Cidda aad dileysaan oo aad jihaadka kula jirtaanna waa muslimiin, waa Soomaali, waa waalid iyo walaal. Waa dadka dad kuu xiga quruumaha balaayiinta ah ee dunida ku nool. Ka Soomaali ahaan, ha eegin meesha aan maanta joogno oo keliya. Arag meesha aan gaari karno waa haddii dhallinyarada aad adigu ka mid tahay ay ka shaqeeyaan horumarinta dalka. Ka feker inta dad waayeel ah oo dhibaateysan aad caawin karto. Ka feker inta aad barakacayaal caawin karto. Ka feker inta carruur kaa yaryar oo qaar badani agoommo yahay aad bari karto akhris iyo qoraal. Ka feker haddii aad xorriyad iyo nabadgelyo haysato, aad iskaashataan dhallinyaro kula mid ah, heerka aad adigu shakhsi ahaan higsan karto. Ha ka fekerin in aad is qarxin karto oo keliya. Ha ka fekerin in aad dagaallami karto ilaa askari dhulka jooga ama mid dayaarad saaran uu ku dilo. Ha ka fekerin oo keliya in aad diyaar u tahay in gantaal meel fog laga soo riday ama kuwa ku rararn dayaaradaha is wadaa ay ku dilaan. Ka feker taa cagisgeed. Ka feker in aad khatarahaas oo dhan aad naftaada ka badbaadin karto. Ka feker in aad naftaada wax tari karto. In aad qoys iyo jacayl abuuri karto. In aad waalidkaa iyo ubadkaaga aad biili karto marwadaadana aad dhaqan karto. Waad og tahay in ay cibaadada ka mid tahay. Ha ka fekerin qof in aad dili karto oo keliya. Is weydii – Qof ma badbaadin kartaa? Nolosha dadka qiimee. Ilaaha dadka uuntayna ka cabso. Waad ogtahay in aan Ilaaheey loogu dhowaaneyn dhallinyaro lagu qalqaaliyo in ay naftooda halligaan isla markaasna ay dilaan dad dariiqaas maraya, dembi aan gelin, Maxkamad dil ku xukuntay aanay jirin, laga yaabo in ay salaad hadda soo tukadeen ama ay u socdaan Masjidka, cid ay duullaan ku yihiinna aanay jirin. Laga yaabo in ay ku jiraan dhakhaatiir bukaanka daaweysa, taajiriin masaakiin masruufa, aabbayaal carruur badan koriya, macallimiin ubadka wax barta, hooyooyin sebi naaska nuujiya, ama sidkoodii dhammaaday bal qiyaas bambaano waddo lagu qarxiyay inta ku go’i karta! Waad ogtahay in dadka aad leyneysaan ee gacantiinnu ay gaarto uu yahay oo keliya dadka Soomaaliyeed ee colaadda, qaxa iyo horumar la’aantu ay dalalka asaaggood ah ka reebtay. Waad ogtahay shacabku in aanuu mas’uul ka ahayn siyaasadda Dowladda iyo siyaasadaha kale ee aad sheegtaan in aad ka gilgilaneysaan. Kaba sii fog ee waad ogtahay in aan shacabku cod ku lahayn dowladaha, ciidammada iyo ururrada shisheeye danaha kala duwan ee mararka qaarkoodna is khilaafsan ee dalkan ay ka leeyihiin in aanuu mas’uul ka ahayn qofka Soomaaliyeed ee iska lugeynaya waddooyinka Muqdisho, jirinaaya muufo ee tiisa u meel la’ haddana aad qarxineysaan. Bal isu miisaan waxa aad ka cabaneysaan iyo dhibta aad ku haysaan shacabka Soomaaliyeed. Waad ogtihiin in qaraxyadiinna ay ku naf waayeen dad baahan oo aan qado haysan. Waan ogahay in meelaha aad ka talisaan aan shacabka aydnaan toos u gumaadin, laakiin haddana waxaan ogahaya Muqdisho iyo magaalooyin kale dhibka aad shacabka ku haysaan. Waxaad ogtahay in si kasta oo aad u qarxisaan aan shacabku magaalada ka dhammaan doonin. Waxaad ogtahay in si kasta oo aad dhallinyarada Soomaaliyeed u qarxisaan in aan Dowladdu garowsan doonin in ay xukunka idiin banneyso inyarba ha ahaatee. Waad ogtahay in ciidanka shisheeye aanuu dalkan uga baxeyn in dad Soomaaliyeed oo masaajid ku tukanaya ama waddo maraya ay dad kale oo Soomaaliyeed ay weeraraan oo ay laayaan. Waad ogtihiin in aan ciidanka shisheeye dalka ka bixi doonin haddii aad cunaqabateysaan shacabka sida ka dhacday Xuddur, Buulo Burte iyo Ceel Buur. Waad ogtahay in aan adduunka lagu faa’ideyn aakhirana aan lagu liibaaneyn in ummaddaada loo xoog weynaado oo la laayo. Ilaaheey isaga ayaa culeys kasta qaadi kara. Dadka Soomaaliyeed ee muslimka ahina wuxuu maanta u baahan yahay in loo turo, loona gargaaro. Qofkii aan karin in uu u gargaaro qofka kale ee Soomaali ah, waxaa la gudboon in uu u turo ugu yaraanna uu ka magan galo. Marka aan taas idin leeyahay khasab ma ahan in macnaheedu yahay in dowladda Soomaaliyeed ay had iyo goor wax wanaagsan u qabato shacabka ama ay baahidiisa dabooshay. Ma ahan in aan idin leeyahay ajnebiga Xalane ka shaqeysta iyo kuwa Gobollada dalka qaarkood jooga ayaa jacayl Soomaaliyeed halkan u wada yimid. Ma ahan in aan idin leeyahay taageera. Xor ayaad u tihiin in aad diiddaan. In aad diidmadiinna ku muujisaan wax kasta oo aan ahayn xabbad iyo qarax. Xor ayaad u tihiin in aad ka shaqeysaan in Soomaaliya ay amnigeeda ku filnaato oo ay ka maaranto ciidan shisheeye. Ogow Qarax kasta oo aad sameysaan waxaa uu qiil u sameynayaa joogitaanka ciidanka iyo dadka aad sheegeysaan in aad dooneysaan in aad dalka ka saartaan. Qarax kasta oo aad sameysaan wuxuu sii fogeynayaa sidii loo gaari lahaa Dal dhisan, soo saara dhaqaale ku filan lehna Madax Qaran, mid gobol iyo mid degmo oo uu shacabku toos u soo doorto lana xisaabtamo, haddii uu ku qanci waayana uu shaqada ka fariisiyo. Qarax kasta wuxuu agoon ka yeelayaa ubad Soomaaliyeed, wuxuuna kordhinayaa baahida daawo iyo midda gargaar kale oo ay Soomaaliya caalamka ka tuugto. Haddii aad Soomaali tahay, haddii aad Islaam tahay, qofka Soomaaliyeed marka hore adiga ha kaa nabad galo. Dhiiggiisa ha xalaaleysan. Adduunyada haddaad nacday isaga ha seejin. Aaakhiradaada ha ku waayin dilka aadane aanad aqoon, gef kaa gelin in aad nafta ka goyso. Marka aad nabadgeliso qofka Soomaaliga ah waxaan shaki ku jirin in wax kasta oo kale laga gaari karo xal. Ugu dambeyn, haddii aad Shabaab tahay, Soomaali tahay, Allah taqaan, ummadda Soomaaliyeed dhiiggeeda ha xalaaleysan oo ha kaa nabad gasho. Ka feker xal aan qori iyo qarax ahayn oo adiga iyo shacabka intiisa kaleba ay u aayaan. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar Source
-
(SLT-Hargaysa)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay Ammaanka xeebaha dalkeeda u dabo-fadhiisanaynin cid kale, waxaanay shaacisay in iskaashi kasta oo ay sameeyaan dalalka Gobolku aanu dhammaystirnayn haddii aanay Somaliland ku jirin. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay maanta Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo soo gaadhay Shabakada Hadhwanaagnews, Waxaana Xukuumaddu ku caddeysay mowqifkeeda la xidhiidha isbahaysiga ay ku dhawaaqeen lix dal oo ka mid ah kuwa mandaqada Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, waxaanu u qornaa sidan:- “Jamhuuriyadda Somaliland waxay tixgelinaysaa isbahaysigii ay dhowaan aasaaseen lix dal oo ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ah Aag Istaraatiiji ah iyo marin biyood caalamiya, iskaashiga waddamadaasi maaha mid dhammaystiran maadaama oo aanay Somaliland ku jirin. Somaliland waxay ku guulaystay inay ka ilaaliso dhulkeeda iyo xeebteeda Argagixisada iyo budhcad baddeeda, umana dabo-fadhiisanayso ilaalinta ammaanka xeebaheeda oo dhererkoodu yihiin 850km dal kale. Somaliland waa dal madax-bannaan oo xor ah, heshiis kasta oo ay wada galaan dalalka gobolku oo Somaliland ka dhigaya qayb ka mid ah Soomaaliya waa khalad iyo wax aanay Somaliland aqbali karin. Si kasta ha ahaatee, waxaanu sii waddaynaa iskaashi kasta oo gacan siinaya nabadgelyada iyo barwaaqada mandaqadda iyadoo aan wax loo dhimaynin xornimada dal kasta.” Source
-
(SLT-Muqdisho)Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saacadihii la soo dhaafay Al Shabaab gobolkaasi ay ku dileen Sarkaal hore uga tirsanaa oo haatan ku biiray Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya.. Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/risaaq Maxamed Cumar Dayib, waxaana la sheegay in dhawaan uu ka baxay Al Shabaab, kuna biiray kooxda Daacish. Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen Sarkaalkani oo ku sugnaa deegaanka Ceel-Cadde ee G/ Gedo,kuna dileen halkaasi. Sidoo kale Al Shabaab ayaa amray in la Toogto C/naasir Yuusuf Cabdulle Shabeel oo horay uga tirsanaa iyaga, balse dhawaan ku biiray Daacish. C/naasir Shabeel ayaa isaga iyo Dagaalyahanno uu wato waxaa la sheegay in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi. Xiisad ka dhalintay arrintan, ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay ka taagan tahay gudaha deegaankaasi. Source
-
(SLT-Pakistan)Caasimadda dalka Pakistan ee Islamabaad waxaa shalay oo Sabti ahayd ka dhacday Arrin Mucjiso, kadib, markii uu Wiil Dhallinyaro ah koray Taawar ay lahayd Shirkad Mobayl (a moble tower), wuxuuna qeylo-dheer ku sheegay inuu doonayo in laga dhigo Ra’isul-wasaaaraha dalkaasi. Telefishinka Geo News ee ugu caansan Telefishinadda dalka Pakistan ayaa soo weriyey in Wiilka dhallinyarada oo magaciisa la qariyey sheegay haddii laga dhigo Ra’isul-wasaare inuu hagaajin doono xaalladda Dhaqaalaha Pakistan, isla markaana uu 6 bilood gudaheeda ku bixin doono lacagaha daynta ee lagu leeyahay Pakistan. Wiilkaasi oo ka soo jeeda Degmadda Sargodha ayaa la sheegay inuu hdaalkaasi codsiga uu ka dul sheegay dhakadda Tawarka Mobayladda oo ku yaalla Deegaanka Bulugga ee magaalladda Islamabaad, isagoo weliba gacanta ku haystay Calanka Pakistan. Waxa kale oo uu sheegay inuu doonayo inuu la hadlo Ra’isul-wasaare Iraam Khaan ama Sarkaalka Boliska ee Degmadda Sargodha. Si kastaba ha ahaatee,Saraakiisha Badbaadada ayaa adeegsaday Wiish, si ay Boliska uga caawiyaan in Wiilka Dhallinyarada lagu qanciyo in laga soo dejiyo Tawarka uu dhakada ka koray. Wiilka dhallinyarada markii la soo dejiyey waxaa loo gudbiyey Saldhig Bolis, mana kala cadda inuu Ra’isul-wasaaraha Pakistan la kulmi doono iyo in lagu sii hayn doono Xabsiga. Source
-
(SLT-Indonesia ) Dhul gariir badda hoosteeda ku dhuftay ayaa dhibaato aad u xoogan ka geesatay Jaziirado iyo magaalooyin kuyaala dalka Indonesia , waxaana hada socda baadi goob loogu jiro dad badan oo wax ku noqday dhul gariirka. Inta la xaqiijiyay dad gaaraya 200-qof ayaa ku dhintay Tsunamiga ku dhuftay dalka Indonesia, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay boqolaal qof oo kale oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan, waxaa sidoo kale jira dad aan la heyn nolol iyo geeri. Guryo, Hoteelo iyo dhismayaal kale oo badan ayaa ku dumay dhulgariirka iyo duufaanta Tsunamniga ee ku dhuftay xeebo kuyaala dalka Indonesia, waxaana dadka ugu badan ee dhintay ay joogeen dhul xeebeed. Dhul gariirka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka Indonesia ayaa la sheegay in ay sababtay fulkaano badda hoosteeda ka qaraxday , waxaana fulkaanadaasi ka dhashay dhul gariir iyo duufaano xoogan. Source
-
(SLT-Ankara) Maalmahan waxaa dib u soo cusboonaaday erayada kulul oo ay isdhaafsanayeen madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo ra’isul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlayey Yuhuudda ayaa waxaa uu yiri “Yuhuudda Isra’il waxaa ay dadka darbeeyaan iyaga oo dhulka jiifa, rag keliya ma aha ee waa haween iyo caruur, laakin haddii aan muslimiin nahay waa naqaan sida loola dhaqmo, waa haddii ay ku dhiiran karaan inay noo babac-dhigaac, cashar ayaan u dhigi laheyn”. Ra’isul wasaaraha Israa’il Netanyahu oo hadalkaasi ka jawaabaya waxaa uu yiri “Erdogan – waa nin xoog ku heysto waqooyiga Qubrus, oo ciidamadiisa ay xasuuq u gesyteen haween iyo caruur Kurdish ah oo ku nool meel gudaha ama dibadda Turkiga ah, nin noocaas ah ma aha inuu wacdiyo Isra’il. Erdogan oo mar kale hadalkan ka jawaabayo waxaa uu leeyahay Netanyahu waxaa uu madax u yahay “dowlad argigixiso ah” Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Cavusoglu waxaa uu Netanyahu ku tilmaamay“Dilaa dhiig-yacab ah ee casrigan”. Source