Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,158
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The mastermind of militant car bombs that killed 26 people and injured nearly 40 others in Mogadishu in 2017 was executed in Somalia on Monday, the prosecutor of the military court said. Abdulle Bule said al Shabaab member Abdikadir Abukar was convicted of being behind a hotel bombing that killed 10, one near the ministry of the sport that killed nine, and a car bomb near an Italian restaurant in the capital that killed seven. Al Shabaab wants to overthrow the weak, U.N.-backed Somali government and impose strict Islamic law. It has steadily been losing territory since African Union peacekeepers arrived a decade ago, but still carries out frequent bombings in the capital. At least 13 people were killed and 17 wounded in a car bomb attack claimed by the al Qaeda-linked group close to the president’s residence in Mogadishu on Saturday. The post Somali military court executes Al Shabaab bomber appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Why ICAO Should Not Trust Farmajo Regime in Mogadishu International Civil Aviation Organization (ICAO), UN agency specialized in aviation, must know that Somalia has no formal government that controls or functions across its territory in last thirty years. It is unfortunate that the regime in Mogadishu is not on the right path to recovery until now. The government institutions including the airports don’t function according to international standards. On 12th Dec 2018, the UK government submitted report to the UN Security Council over the corruption and lack of discipline in the Somalia Army, including high-ranking officers linked to Al-Shabab. The report highlighted that Al-Shabab, Al-Qaeda linked terrorist group in Somalia, purchase arms and ammunition from the army including sophisticated weapons. The African Union Forces (AMISOM) and Turkish Forces, along with international community, are equipping and training the Somalia Army, however, many of these arms and trainings are ending up with Shabab. There are many well-trained officers joining Al-Shabab. The report recommended that salaries of the Somalia Army to be increased or paid regularly to reduce the need of ‘Weapon-For-Money’ which is allowing Al-Shabab to purchase directly from the army officers, or in many occasions through middlemen. Al-Shabab is winning the sympathy and support of the civilians in Mogadishu, where many residents of Mogadishu seek justice in the courts run by Al-Shabab due to corruption on government institutions. Chairman of Banadir Appeal Court Judge\ Abshir Omar Abdullahi announced that the government arrested two citizens who pursued justice in Al-Shabab courts. The government courts in Mogadishu are corrupted, because always the richer wins the case, and government does not control in many areas to execute the court decision. In other hand, Al-Shabab courts are not corrupted and no one can oversee or reject the decision of the court regardless of where the citizen lives in Somalia. Al-Shabab openly organize public speeches and Zakat distribution concerts at Bakara Market of Mogadishu. The government remains helpless over the group’s public appearing. Oct 2018, the most senior figures of Al-Shabab participated in Zakar distribution at Bakara Market, where every poor citizen got $200 as financial support from the group. Zakat was collected from the businesses including the rich in Mogadishu. Al-Shabab penetrated in every government sector including the presidential palace a.k.a Villa Somalia. The group have extensive presence at ADEN ABDULLE Airport, which allowed them to bomb DAALLO airline. The surveillance camera showed that many security officers at the airport allowed the bomb to enter the aircraft. Al-Shaban assassinates any government officer who opposes their agenda, as they killed Eisa Bayle, a high-ranking officer at the airport. Today, the Somalians are not allowed to have access to the sensitive areas of AMISOM and US Army bases, in addition to diplomatic mission offices because Al-Shabab uses Somalians to infiltrate. Somalia’s Intelligence agency (NISA) is another hub for Al-Shabab operations, where the information of bombings is kept secret and released after incident. Reports showed that NISA was fully aware of ZOBA building bombing that killed 500 innocent people in the heart of Mogadishu. Al-Shabab ask recruits to join the Somalia like the case of soldier Ismail Abu Bakr who was former Somalia Army Officer. Bakr joined the intelligence services wing of Al-Shabab called ‘Amniyat’, and currently member of the Somalia Army where he operates at Wanlaweyn Area. He is one of the thousand officers who are members of Al-Shabab but working for the government. Despite the poor security, ADEN ABDULLE Airport has safety standards that is very little to accommodate international airlines. The firefighting system proved to be below international standards after last year’s fire took many hours to control. The fire loss value is unclear until today. The civilian employees, and military helped to put out the fire with their bare hands. The international community particularly the western countries and Turkey are working tirelessly to ensure effective government in Mogadishu, in addition to African forces who are battling the Al-Shabab. We can say the world is working hard to help the regime but very little is materializing on the ground due to incompetency and corruption. Even though the security in Somalia is very fragile including airport, corruption, incompetent staff and poor aviation standards at ADEN ABDULLE Airport, in addition to ability of Al-Shabab to fire rockets to the airport. Knowing all the above facts and sensitive airspace, there are reports saying the ICAO is transferring the control of the airspace of the Republic of Somaliland and Federal Republic of Somalia to Mogadishu administration. If ICAO attempts to transfer the airspace control to Farmajo regime, such act is direct violation to the international aviation safety and agreement between Somaliland and Somalia in Turkey. Al-Shabab and other terrorists groups in Mogadishu could easily breach the ADEN ABDULLE airport security. By\ Abdulaziz Al-Mutairi Email: az.almutairi@yahoo.com Qaran News
  3. Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu soo gabagabeeyey shirka golaha amniga ee maamulkaasi, kaasi oo arrimo dhowr ah looga hadlay. Madaxweynaha Jubbaland ayaa shir guddoominayey kulankaan, waxaana ka qeybgalay saraakiisha ciidamada Jubbaland, Xoogga dalka iyo sidoo kale AMISOM. Waxyaabaha la isku soo hadal qaaday waxaa ka mid ah sidii loo dar-dargelin lahaa howlgallada lagula dagaallamayo Al-shabaab iyo xaqiijinta ammaanka meelaha laga saaro Al-shabaab. Wasiirka Cadaaladda Jubbaland, Maxamed Yuusuf Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in is faham uu shirkaasi kusoo dhammaaday. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Jubbaland.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Taariikhdu Markay ahayd 30/11/2017, Maxkamada Dar’1aad Ciidamada Qalabka Sida waxay markii saddexaad u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed 41 jir ah ina Shoobto Shaacir ku dhashay Xamar, kaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ku soo eedeeyey in uu ka tirsanaa Al-shabaab, una qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada, isagoo sahmin jiray goobaha ay kooxdu rabaan in ay ka fuliyaan qaraxyada, sidoo kalena baabuurta laga soo buuxiyay qaraxyada gayn jiray goobtii uu soo sahmiyay si loogu qarxiyo, waxaana ka mid ahaa goobihii la qarxiyay ee uu soo sahmiyay:- 1. Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017, Qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 10 ruux, kuna dhaawacmeen 17ruux oo kale. 2. Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, wuxuu geeyay Baabuur Saaruf ah oo ay ka buuxaan walxaha qarxa Maqaayad kasoo horjeeda Wazaarada sportiga agagaarka xaruntii wasaarada Amniga, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen 9 ruux, kuna dhaawacmeen 10 ruux oo kale. 3. Sidoo kale wuxuu soo sahmiyay Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 7 Ruux kuna dhaawacmeen 11Ruux oo kale. 4. , taariikhdu markay ahayd 15/5/2017., ciidamadu amnigu waxay ku qabteen C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed isagoo wado gaarigii qaraxa ahaa ee ku qarxay Degmada X/wayne gaar ahaan EX. Eenaayo. Taariikhdu ahayd 06/12/2017 Dembiile Shabaab C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah . Maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/12/2018 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa. Dhammaad Source: goobjoog.com
  5. Deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo xalay waxaa ku dagaalamay kooxaha Al Shabaab iyo Daacish . Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku ku dhawaad [...] Source
  6. Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Labadii sano ee uu talada hayey ku mashquulsanaa arrimo badan. Waxa uu sheegay in waxyaabaha uu sameeyey ka mid ahayd burburinta maamul goboleedyada, weerarada siyaasiyiin dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen C/raxmaan C/shakuur, Cabdi Qeybdiid iyo mas’uuliyiin kale. Sidoo kale waxa uu sheegay Xildhibaan Odowaa in wax walbo oo laga soo gudbiyey madaxweynaha ay ahaayeen sharci. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/XILDHIBAAN-ODAWAAAAA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu ka dhacay deegaanka Gololey oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Waxa ay beelahan isku haystaan sida la sheegay dhul beereed halkaasi ku yaalla, waxaana inta uu dagaalka socday la xaqiijiyey iney ku dhinteen Saddex qof, iyadoo dhaawacana intaasi ka badan yahay. Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog, in hadda xaaladda ay tahay mid deggan, hase ahaatee shacabkii ayaa bilaabay iney halkaasi isaga barakacaan. Ma jirto cid kala dhex gashay maleeshiyaadkan dagaallamay, iyadoo xilli walbana la filan karo dagaallo dib u bilowda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WAR-JOWHAR-XAALDA-DEEGAANKA-BUKURAAR-EE-HOOSTAGTA-BALCAD-OO-DEGAN-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Windhoek)- Sanduuqa Daryeelka Ugaadha (CCF) ayaa shaaca ka qaaday in iskaashiyo caalami ah oo dhexmaray Hay’addo Yurub iyo Afrika ah lagu taageeri doona dedaalada Somaliland ee daryeelidda duurjoogta. Qoraal ka soo baxay xafiiska CCF oo shalay lagu baahiyey mareegta Africa Geographic ayaa lagu sheegay in iskaashi dhexmaray Vétérinaires Sans Frontières, ee dalka Czech (VSF-cz), USAMV Cluj-Napoca ee Romania, Jaamacada Hargeysa, hay’adda Heritage Somaliland iyo CCF, kaasi oo bilaabmay November 1, 2018. Deraasaada hay’addaha ayey qeyb ka ahaan doonaan waxbarasho jaamacadaha Somaliland, qeybahooda caafimaadka xoolaha loogu kordhinayo qaababka loo daaweeyo loona daryeelo duurjoogta. “Waxaanu bilaabi doonna aqoon lagu barto caafimaadka duurjoogta, iyo sida loo daryeelo kuwa sii dabar-go’aya,” ayuu sheegay Prof. Dr. Andrei Daniel Mihalca. USAMV iyo VSF-cz ayaa sidoo kale keeni doona mutadawaciin ku takhasusay daryeelka duurjoogta, si ay u taageeraan xarunta daryeelka Duurjoogta Somaliland, oo wakhtigan lagu hayo noocyo duurjoog kala duwan oo la qabtay dad tahriibinayey. “Somaliland wakhtigan ma joogaan dhakhaatiir caafimaadka duurjoogta, keliya waxaan haynaa qof xanaaneeya duurjoogta la soo qabto,” ayey tidhi Dr. Laurie Marker, Guddoomiyaha CCF. Arday shan sannadood baranayey cilmiga duurjoogta, oo tababar loogu diray dalka Jordan. CCF oo lagu aasaasay dalka Namibia sannadkii 1990, isla markaana ah urur samofal oo u halgama daryeelka duurjoogta caalamka, ayey wada shaqeyn ka dhexeysay Somaliland illaa sannadkii 2011-kii. Source
  9. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, C/xakiin Claahi Camey ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyaan xubno ka mid ah Al-shabaab oo ciidamada maamulkaasi ku qabteen deegaanno ka mid ah Puntland. Camey ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku qabteen ku dhowaad 100 ka mid ah Al-shabaab, qaarkoodna loo soo qaaday magaalada Muqdisho. Ku dhowaad 30 qof ayuu sheegay in qaab dhaqan celin ah loogu soo qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale kuwo dilala ku xukuman ay ku jiraan Xabsiyada. Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Al-shabaab lasoo qabtay 2016 misane ku xukuman dil ay weli xabsiyada ku jiraan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/MADAXWEYNE-KUXIGEENKA-PUNTLAND.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada booliska Somaliland ayaa albaada u laabay lana wareegay hutelka Almis oo ku yaalla magaalada Hargeysa. Huteelkan la xidhay ayaa waxa uu ku yaalla xaruntii Khayriyada ee magaalada Hargeysa waxaanu hore ugu wareejisay dawladda hoose ee Hargeysa. Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale xabsiga loo taxaabay mulkiilihii hudheelka oo lagu magacaabi jiray Xaaji Xuseen Ibraahim. Warar dheeraad ah oo helayno ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ayaa waraaqo digniin ah u keentay mulkiilaha Hudheel taasi lagu amrayo in uu ka baxo hudheelka oo uu baneeyo. Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa Xaaji Xuseen Ibraahim ku wareejisay guriga khayriyada wakhtigii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo. Illa hadda wax war kamay soo saarin xukuumadda Somaliland iyo ciidammada boolisku. Source
  11. Maxamed Axmed Xasan (Mandeela)-waxa uu 30 sano ku noolaa dalka Egland,isagoo bare ka ahaa iskuulka lagu barto kubbadda cagta iyo sidoo kale jir dhiska Muqdisho ayuu iminka kusoo laabtay si uu caawiyo dhalinyarada jecel mihnada kubbadda cagta ee ku dheela wadooyinka halista ee Muqdisho. Maxamed Cabdulle Maxamed 1970 ayuu ka mid ahaa kooxdii kubbadda cagta Batroolka waxa uu usoo daawasho tagay dhalinyarada ku ciyaaraysay garoonkan oo ku yaala degmada hodan oo uu madeella ku ciyaarsiinayay waxa uu Goobjoog u sheegay dadka wax ku bartay qurbaha ee xirfaadda leh looga baahan yahay in ay kaalin ka qaataan caawinta iyo garab istaagida dhalinyarada jecel ciyaaraha ee ay duuruuftu hala keesay. Mandeela waxa uu aaminsanyahay hadii ii soo wado arimahan in mustaqbalka uu saaridoono xirfadlayaad aad u wanaagsan kuwaas kaalin wacan ka qaadan guulaha xulka qaranka dalka. Ciyaartooyda nasiibka u helay in uu gacanta ku dhigo Macalin Mandeela ayaa inoo sheegay in ay wax badan ka barteyn loona baahanyahay dadka soo bartay cilmika isboortiga ay u faa’ideeyeen dhalinyarada gudaha oo aad ugu baahan in la siiyo tababaro si xirfadoodu u wanaagsanaato. Cadullahi Gacal Axmed waxa uu ka mid yahay dadka ku nool dalka Britain dhawaan ayuu isna kusoo laabtay caasimada waxa uu ka hadlayaa qiimaha uu ku fadhiyo qof Mandeela oo kale ah oo wadanka u yimid horumarka cayaaraha isaga oo aqoon wanaagsana u leh Macalin Maxamed Axmed Mandeela. Tababare Mandeela waxa qabaa aragti ah hadii dadka wax ku bartay qurbaha ay ku soo laabtaan dalka ay muuqanaysa rajo wanaagsan iyo in dhinac kasto horomar laga ka gaario karo mustabaqalka dhaw. Sanadii u danbeeyay waxaa wadanka kusoo badanayay macalimiin Soomaaliyeed oo soo bartay xirfada ciyaaraha,iyagoo casharo iyo dhirii gelin siinyay ciyaartooyda kubbadda cagta,Kolayga iyo qeybaha kala gedisan ciyaaraha waxaana arintan soo dhaweeyay wasaarada ciyaaraha dowlada iyo xiriirada dalka ka jira. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Macalin Mandeela Dhiiri Gelinta Uu U Sameeyay Da’yarta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Muqdisho)-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo booqasho ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir iyo Wasiir ku-xigeenka Xajka. Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay arrimaha xajka iyo sidii loogu kordhin lahaa dadka Soomaaliyeed tirada sannad kasta soo xajisa. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in sannadkan la kordhiyo tirada dadka Soomaaliyeed ee xujeyda ah, laguna daro 2,200 (Labo kun iyo Labo Boqol oo xujey ah). Tirada Xujeyda Soomaalida ee sanadkan xajin doonta ayaa ka dhigan 11,500 (Kow iyo Toban kun iyo Shan Boqol oo Xujey) halka sanadkii hore ay aheyd, Sagaal kun iyo Sedex Boqol (9,300 ), waxaana la filayaa in la dedejiyo soo saarista dal ku galka ama Viisaha Xajka. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Nuur ayaa sheegay in la isla gartay sidii loo wanaajin lahaa adeegyada la siiyo Xujeyda Soomaalida, sida deegaanada la dejiyo, gaadiidka, iyo cunnada la siiyo. Source
  13. (SLT-Khartoum)-Booliska dalka Suudaan ayaa qiiqa dadka ka ilmeysiiyo u adeegsaday in ay ku kala eryaan dad dhigayay dibadbaxyo rabshada wata oo ka dhan ah dowladda, rabshadahaasi oo ku faafay inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi. Boqolaal qof oo dibadbaxyo dhigaya ayaa shalay oo Axad ahayd xiray waddo weyn oo gasha garoon kuwa kubadda cagta ah, ka hor inta aysan isku dhicin dadkaasi iyo ciidamada booliska ee ka hortagga rabshadaha. Siyaasiinta mucaaradka ayaa sheegaya in 22 qof ay dhinteen tan iyo markii ay muddaharaadyadu billowdeen maalintii arbacada ahayd ee la soo dhaafay, balse saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in tiradu ay intaasi aad uga yar tahay. Dibadbaxyada ayaa ka dhashay sara-kac ku yimid qiimaha rootiga iyo shidaalka. Muddadii sanadka ahayd ee la soo dhaafay, waxaa sii sara kacayay qiimaha badeecooyinka qaar ee dalkaasi Suudaan, waxaana heerka sicir bararku uu gaaray ku dhawaad 70%, halka lacagta dalkaasi uu ku yimid qiimo dhac aad u weyn. Lacagta ayaa gabaabsi noqotay maagaalooyinka eec sida caasimadda Khartuum . Koox dhakhaatiir ah ayaa sidoo kale sheegay in laga billaabo maanta oo Isniin ah ay shaqo joojin billaabayaan, si ay cadaadiska ugu kordhiyaan madaxweyne Cumar Al-Bashiir. Xaaladdii ugu dambeeyay? Rabshadihii dhacay shalay oo Axad ahayd ayaa ka dhashay dad ka soo baxayay garoon lagu cayaaro kubadda cagta oo ku yaal magaalada Khartuum. Dadkani ayaa xiray waddooyinka, waxa ayna ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah dowladda balse booliska ka hortagga rabshadaha ayaa markii dambe sunta dadka ka ilmeysiiso ku kala eryay. Mar sii horreysay, ayaa muuqaallo la soo dhigay baraha xiriirka bulshadu waxa ay muujinayeen dibadbaxyo ka socdo meelo badan oo ka tirsan dalkaasi. Golaha dhexe ee dhakhaatiirta reer Suudaan ayaa sheegay in dhakhaatiiroodu ay arkeen dad dibadbaxayaal ah oo qaba dhaawacyo rasaas oo la keenay isbitaalada, waxa ayna intaasi ku dareen in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacba. Maalintii Sabtida ahayd ayaa mas’uuliyiinta dalkaasi Suudaan waxa ay xabsiga dhigeen 14 hoggaamiye oo ka tirsan isbahaysiga mucaaradka, waxaana sida uu sheegay afhayeenka isbahaysigaasi dadka la xiray ka mid ah hoggaamiyaha isbahaysigaasi Faaruuq Abuu Ciisa oo 85 jir ah. “Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah loo sii daayo dadkaasi. Xarigooda ayaa ah isku day ay dowladdu ku dooneyso in ay kaga hortagto dibadbaxyada,” ayuu yiri afhayeenka isbahaysigaasi mucaaradka Sadiiq Yuusuf. Mucaaradku maxay leeyihiin? Sadiiq Al-Mahdi oo ah hoggaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaasi ee Umma ayaa cambaareeyay “caburinta shacabka dalkaasi” waxa uuna sheegay in dibadbaxyadani ay ka dhasheen xaaladda sii xumaaneysa ee dalkaasi. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowladda Madaxweyne Cumar Al-Bashiir in ay ogolaato in si nabad ah ay xukunka u wareejiso, haddii kale buu yiri ay wajihi doonto kacdoon shacab. Sadiiq Al-Mahdi oo muddo laba jeer ah ra’iisalwasaare ka soo noqday dalkaasi ayaa Arbacadii la soo dhaafay ku soo laabtay dalkiisa oo uu muddo ku dhawaad sanad ah uga maqnaa musaafuris. Dowladdii Sadiiq Al-Mahdi ayaa ahayd tii ugu dambeysay ee dimuquraadi ah oo la soo doorto ka hor inta uusan Al-Bashiir inqilaab milatari xukunka kula wareegin sanadkii 1989. Madaxweyne Al-Bashiir ayaa lagu eedeeyaa in uu xasuuq ka geystay gobolka Daarfuur ee galbeedka dalkaasi Suudaan, waxaana waraaqdii lagu soo xiri lahaa u jartay maxkamadda caalamiga ahi ee dambiyada dagaalka. Sidee ayay dibadbaxyadu ku billowdeen? Dibadbaxyada dalkaasi Suudaan ayaa ka billowday magaalada Cadhbara ee ku taal bariga dalkaasi, halkaa oo dad dibadbaxyo dhigaya ay gubeen xafiisyada xisbiga madaxweyne Al-Bashiir ee Al-Mu’tamar Al-Wadhani. Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in meelaha qaar la arkayay ciidamada milatariga oo u muuqda in ay la safteen dadka shacabka ah ee dibadbaxyada dhigayay. Feysal Xasan Ibraahim oo ah la taliyaha madaxweynaha aya sheegay in laba ka mid ah dadkii lagu dilay Al-Qadhaarif ay ahaayeen ciidamo ka tirsan milatariga oo xirnaa dharka dadka rayidka ahi. Waxa uu sheegay in dibadabxyadaasi ay hagayeen kooxo abaabulan balse ma uusan caddeyn cidda ay yihiin. Dibadbaxyada ayaa ku baahay magaalooyinka Khartuum iyo Omdurmaan iyo sidoo kale magaalooyin kale. Maalintii Sabtida ahayd ayaa wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa dad goobjoogeyaal ahi waxa ay sheegtay in boolisku ay qeyb ka mid ah magaalada Khartuum ku garaaceen dad ku baaqayay in madaxweyne Al-Bashiir uu dhaco. Deegaanka El Rahad ee ku yaal koonfur-galbeed Khartuum, xafiiska xisbiga haya talada dalkaasi ee Al-Mu’tamar Al-Wadhani iyo xafiisyada kale ee maamulka ayaa dab la qabadsiiyay, waxaana dadka dibadbaxyada dhigaya oo ku dhawaaqaya “ma ogolin gaajadu” sunta dadka ka ilmeysiiso ku kala eryay ciidamada booliska, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ahi. Maxaa keenay dhibaatada dhaqaale ee Suudaan? Mareykanka ayaa sanadkii 1990-kii waxa uu madaxweyne Al-Bashiir ku eedeeyay in uu maal-galiyo argagixisada, waxaana markiiba dalakasi Suudaan lagu soo rogay xayiraad ganacsi. Sanadkii 2011-kii, Suudaanta Koonfureed ayaa ka go’day Suudaan inteeda kale, waxaana arrintaasi ka dhashay in saddex meelood meel khayraadka dalkaasi uu qaniga ku ahaa uu maro dhinaca Suudaanta Koonfureed. Dhanka kale, colaadda ka taagan gobolka galbeedka ku yaal ee Daarfuur ayaa 2,000,000 oo qof ku khasabtay in ay ka qaxaan guryahooda, waxaana sidoo kale ku dhintay in ka badan 200,000 oo qof. Cunaqabatayntii uu Mareykanka saaray Suudaan ayaa la qaaday sanadkii 2017-dii, laakiin wax weyn oo horumar ah lagama gaarin dhaqaalaha dalkaasi. Source
  14. Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa xafiiskiisa uga yeeray warfidiyeenada Puntland ka howlgalla ee ku sugan magaalada Garowe, sida lagu sheegay qoraal kasoo [...] Source
  15. (SLT-Burundi)-Dowladda Burundi ayaa ka soo horjeesatay qorshaha Midowga Afrika ee ku aadan in la dhimo Ciidammada ka jooga Soomaaliya bisha February ee sanadka 2019. Afhayeenka Ciidamada Burundi Col. Floribert Biyereke ayaa sheegay in aanay suura gal aheyn in 1,000 oo ka mid ah Ciidamadooda ka saaraan Soomaaliya sanadka 2019. Waxaa uu sheegay in wada xaajood ka geli doonaan sidii si isku mid ah dalalka qeybta ka ah howlgalka AMISOM looga saari lahaa ciidamada ka jooga Soomaaliya, halkii Midowga Afrika si gaar ah u beegsan laheyd Ciidanka Burundi. Qeyla-dhaanta ka soo yeeray dowladda Burundi ayaa ka dambeysay, markii Midowga Afrika uu ku dhawaaqay in la dhimayo illaa 1,000 askari oo ka socda Burundi ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dib loogu celinayo dalkooda. Burundi ayaa ah dalka labaad ee ugu badan Ciidamada AMISOM ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, waxaana ciidanka ka jooga Soomaaliya ay gaarayaan illaa 5,400 askari. Source
  16. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa tacsi u direy Boqorka Dowladda Sacuudiga Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, isagoo uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Amiir Talaal Bin C/casiis oo 87-jir ahaa. Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu geeriyooday Amiir Talaal Bin C/casiis oo ahaa Aabaha Maalqabeenka weyn ee Sacuudiga, Al-waliid Bin Talaala, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Sacuudiga sannadihi 1950-aadkii ilaa 60-aadkii, wuxuuna soo noqday Wasiirkii Isgaarsiinta iyo Maaliyadda ee dalkaasi. Sidoo kale, Madaxda ka tacsiyadeeysay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis ayaa waxaa ka mid ah Ku-xigeenka Ra’iisal wasaaraha ahna Wasiirka Difaaca dalka Kuwait Sheikh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah. Sheekh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah ayaa Alle uga baryay amiirka geeriyooday inuu u naxariisto,samir iyo imaanna Alle ka siiyo qoyska boqortooyada iyo shacabka Sucuudiga. Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga mid kamid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho. Macalinta la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Oongooye, kaasi oo kamid ahaa macalimiinta Jaamacadda DAHA ee magaalada Muqdisho, waxaana baxsaday kooxaha dilka geystay. Wararka ayaa sheegaya in macalinta lagu dilay agagaarka Haanta Dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana lagu hor dilay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Haanta dheer. Wararka qaar ayaa sheegaya in Macalinta uu la shaqeynayay wasaaradda Diinta iyo Awqaafka ee xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa xaqiijiyay in dilka ninkaan, waxaana uu tacsi u diray Ehelkii uu ka geeriyooday. Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa xaqiijiyay in dilka ninkaan, waxaana uu tacsi u diray Ehelkii uu ka geeriyooday. Lasoco waxii kasoo kordhaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaano Hoostago Deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Daacish uu ka dhacayay deegaanka ilaa xalay. Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka lagu dagaalamay ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 dagaal yahan ay iska dileen labada dhinac oo dagaal saacado qaatay uu ku dhexmaray deegaano hoostaga Ceelcadde. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii labada dhinac ay iclaamiyeen midba midka kale inuu dagaal ku qaadayo, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay uu sababay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac. Dhinaca kale waxyeelada dagaalka ayaa gaartay dadka shacabka ah, kadib markii labo ruux oo dhalinyaro ah meydkooda laga helay deegaanka Lahelow ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu dagaalamay. Magacyada wiilasha meydadkooda la helay waxaa lagu sheegay Cabdullahi Yuusuf Cismaan iyo Ibraahim Cabdi Diiriye waxaana marka la dilayay ay wateen mooto. Xaalada goobihii shalay ilaa xalay lagu dagaalamayay ayaa wali kacsan, waxaana dadka deegaanka ay bilaabeen inay ka baxsadaan goobaha lagu dagaalamayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Waxaa ku geeriyooday da’da 87 da Amiir Dhalaal Bin Cabdi Casis Aala-Sacuud, waa wiilkii 18aad ee aasaasaha Sacuudiga Boqor Cabdi Casis Aala-Sacuud. 1931-dii ayuu ku dhashay Dhaa’if, 1952 waxaa loo magacaabay wasiirka isgaarsiinta kadib waxaa uu qabtay wasiirka maaliyadda isaga oo sidoo kale noqday safiirka Sacuudiga ee Faransiiska. Haddaba, Amiir Dhalaal, Muxuu Sameeyey?! 1958-dii, isaga iyo 4 kale oo walaalihiisa ah waxaa ay aasaaseen dhaq-dhaqaaq ay ku dalbanayaan in boqortooyada loo sameeyo baarlamaanka iyo dastuur, iyaga oo codsaday in reer boqor ay xukunka ka fogaadaan, kadib waxaa lagala laabtay Baasaboorkii, iyada oo lala wareegay hantidiisa, waxaana loo masaafuriyey Masar. 2001-dii waxaa uu ka baxay hey’adda Beycada kadib markii Amiir Naa’if oo ah amiirka 23aad laga dhigay dhaxal-sugaha, isaga oo xukunka loogu diiday go’aanno uu horay u gaaray iyo sida uu u rabo dimoqoraadiyadda. Boqorka hadda ee Salmaan waa wiilka 25aad ee boqor Cabdi Casis, Dhalaal 18aad ah waa loo diiday inuu xukunka qabto, waxaana la xiray labo wiil uu dhalay, oo lacag xoog looga qaatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Riyaadh ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa dalka sacuudiga waxaa uga bilowday booqasho rasmi ah oo uu maalmo kujoogi doono halkaasi. Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa sidiirran u qaabilay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin, iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Xajka & Cumtrada Dr. Cabdilfataax Mashaad, Masuuliyiintan ayaa yeeyashay kulan saacado qaatay waxaana looga wada hadlay Arrimaha Xajka, iyadoo Wasiirka Awqaafta XFS laga dhageystay warbixinno kusaabsan arrimaha xajka sanadkii hore sida ay ahayd, waxyaabihii ka dhinaa iyo faa’iidooyinkii lagaaray. Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku hishiiyay in tirada dadka soomaaliyeed ee sanadka soo socda xajin doona lagu daro, Labo kun iyo Labo Boqol (2,200 ) oo xaaji, taas oo ka dhigan in tirada xujayda Soomaalida sanadkan noqota Kow iyo Toban kun iyo Shan Boqol (11,500 ) oo Qof, halka sanadkii hore ay aheyd, Sagaal kun iyo Sedex Boqol (9,300 ) oo Qof, sida uu sheegay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS. Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur ayaa sidoo kale sheegay in la isla-gartay in aad loo wanaajiyo adeegyada la siiyo soomaalida, haddey ahaan lahayd, deegaannada gaadiidka iyo cunnada intaba, iyadoo lagu ballamay in lada-dajiyo soo saarista Fiisayaasha xajka iyo adeegyada kale ee xajka. The post XFS Oo sheegtay in 2019-ka la kordhinayo Xujeyda Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Bujumbura ( Sh. M. Network )-Dowladda Burundi ayaa ka hortimid dalabkii Ururka Midowga Africa ee ku aadanaa in ay 1000 Askari oo ka tirsan Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, horaanta sanadka cusub ee 2019. Afhayeenka Milatariga Burundi Col l Floribert Biyereke ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay dowladda ugu baaqayaan in Ciidamada qoonda ahaan ku aada marka ay timaado qorshaha howlgalka Midowga Africa in ay xaq u leeyihiin qeybta ku soo aada ay Ciidamadooda ka soo saaraan Soomaaliya, halkii Ciidamada Burundi kaliya si gaar ah loo bartilmaamedsan lahaa. Khilaaf xoogan ayaa ka dhex taagan dowladda Burundi iyo sidoo kale Midawga Africa, kaas oo ka dhashay, kadib markii gudgoomiyaha Ururkaasi Muuse Maxamed lagu eedeEyay in uu taageero mucaaradka dalkaasi Burundi. War kasoo baxay Midowga Africa dhawaantani ayaa looga dalbay Burundi in ay 1000 Askari oo ka mid ah Ciidamadeda Soomaaliya ay la baxdo, ugu dambeyn 28 bisha Feberaayo ee sanadka 2019 –ka. taas oo ay haatan ay ka biyo diiday. Burundi ayaa ah dalka labaad ee Ciidamad ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas 5400 oo Askari, halka Uganda ay ka joogaan 6000 oo Askari. The post Burundi Oo ka hortimid in Soomaaliya ay kala baxdo Ciidamadeeda appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimda Online)-Dowladda Burundi ayaa si cad u sheegtay in ciidamadeeda aysan kala baxeynin gudaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya. Saraakiil u hadashay dowladda Burundi ayaa sheegay in ciidamada Burundi ee kusugan Soomaaliya ay ka baxayaan dalka marka dhamaan dalalka ciidamada ay ka joogaan Somalia ay bilaabaan in ciidamadooda ay ka saaraan Somalia. Go’aanka askarta Burundi looga saarayo Soomaaliya waxaa soo jeediyay Midowga Africa, waxaana afhayeen u hadlay dowladda Burundi uu sheegay in go’aankaasi kaliya uu saameynayo ciidamadooda Jooga Somalia. Afhayeenka ciidamada Milatariga Dalka Burundi oo lagu magacaabo Floribert Biyereke, ayaa sheegay in Burundi aysan 1,000 ka mid ah Askarteeda ka saareyn Soomaaliya Waxaana uu sheegay in Burundi kaligeed ay hal mar Kun askari ka saarto Soomaaliya aysan soconeyn. Midowga Afrika sarkaal ka tirsan oo diiday in magaciisa la sheego ayaa yiri “Ciidanka Burundi waa kuwa mushaar aad u yar ku qaata dalkooda, AMISOM ayaa u mushaar badan, sidoo kale aad uma qalabeysna, ciidanka Burundi”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ku fulisay C/qaadir Abuukar Shaacir oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Ninkan oo horay loo xukumay ayaa waxa ay Maxkamaddu sheegtay in Al Shabaab uu u qaabilsanaa in Gawaarida Qaraxyada uu dhigo melaha bartilmaamedkooda ah. Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa tilmaamay in C/qaadir Abuukar Shaacir uu ahaa shaqsigii ka dambeeyay Gaari siday qaraxyo oo la dhigay agagaarka xarunta Wasaaradda amniga gudaha ee magaalada Muqdisho Ciidamada amniga ayaa la sheegay in ninkani Bishii May ee sanadkani ay ka soo qabteen degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir. Inta baan Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku rida xubnaha ka tirsan Al Shabaab ee ay soo qabtay Ciidamada amniga Soomaaliya. The post Maxkamadda CQS Oo saaka fulisay xukun dil Toogasho ah appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan. Guddoomiyaha ayaa dhageystay talooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen,waxayna Xubnaha guddiga si wadajir ah u qireen in howlo badan ay guddiga u yaallaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto. “Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Mursal. Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux). The post Guddoomiye Mursal Oo la kulmay Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan. Guddoomiyaha ayaa dhageystay talooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen,waxayna Xubnaha guddiga si wadajir ah u qireen in howlo badan ay guddiga u yaallaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto. “Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Mursal. Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux). Goobjoog News Source: goobjoog.com