Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,160
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qarranimadii qurux lahayd, dawladnimadii haybad lahayd, maamulkii, maaliyaddii iyo manfacii dalka la wadaagi jiray iska illoow maanta jifo hoose ayaa isku haysta oo ku dagaalamaya cashuurtii ummadda. Arrimaha jiraa waxay muujinayaan hoggaamiye macaash doona iyo hurrin xoolo ururis hammigooda u weyni yahay in qarankii u gacan galay. sidaasay ahaanaysa iyo si ka daran toddobadaa inana iyaga manfaca wadaagaya oo dawladnimada dheefteeda ka dhiilo hilanaaya unta maamulkani jiro. Ummaddu sharafteeda ha ilaashato oo yaan la aqbalin hab-maamulka gurracan ee maanta jira, nidaamka jiraa wuu dumayaa siina soconmaayo, waxa laysku hayaa waa dano gaara oo ay isku baacsanayaa kudlado kooban oo isku ardaaya. Sinaan ummadeed iyo sawrac dawladnimo raadkeedi lama hayo. Kooxaysiga qolaba qolo jiidhaysayso ayaan lagaba dhamaanayn. Labada kooxod ee bannaanka isku haystay ayaa ku hirdamaaya qasriga gudihiisa. Kooxahan mustaqbal fog uma diyaarsana, waxaan ka ahayn maanta noolaada. Qaranku wuu ka qiimo badanyahay maalin quudashadii. Halgan weynbaa hor yaal dhallinyarada Somaliland. Mustaqbalka la leexsaday iyo manfaca dhanka u janjeedhaa waa kii ka dhexeeyay Laas-qoray illaa Lawyacaddo. Sidaasaa loo kala qoqobaanayaa inta danahu hagayaan dawladnimada ee aan laga fekerayn sidii loo wadaagi lahaa dawladnimada innaga dhaxaysa. W/Q MaxamedSidiiq Dhamme Source
  2. War aynu ka helnay ilo ku dhow-dhow madaxtooyada dowladda federal-ka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta uu magaallada Garowe ku soo fool leeyhayay Cali Ciise Cabdi [...] Source
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ciidamada Amniga ayaa howlgal qorsheysan ku soo qabtay Xubin ka tirsan kooxda Daacish u qaabilsanaa Tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandhada), sida uu sheegay Taliska NISA. War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan aysan jirin cid wax ku noqotay. “Howlgal aan cidi wax ku noqon ayaa ciidamada amniga 23-ka bishan, kusoo qabteen howlwadeen ISIS u qaabilsanaa soo tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandhada), waxaana la horkeeni doonaa cadaaladda”. Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la doonayeen shacabka Soomaaliyeed. The post NISA: “Waxaan qabanay xubin ka tirsan Daacish” appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday qorshe ay ku bilaabeyso diiwaan gelinta dhamaan ajaaniibta ku sugan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho. Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa booqday waaxaha xariirka dibadda, Qorsheynta, Howlaha iyo latalinta sharciga ee dowladda. Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa la kulmay madax ka tirsan Hay’adda Qaxootiga Qaranka, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira qaxootiga kusoo laabanaya dalka Soomaaliya. Dalka Soomaaliya oo ay hadda ay kusoo laabanayaan Soomaali horey dalka kaga cararay ayaa waxaa haddana ku sugan qaxooti ka yimid dalalka Yemen, Tanzania, Ethiopia iyo Syria, kuwaasi oo qaarkood si sharci ah kaga shaqeysta dalka. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo hay’adda Qaxootiga Qaranka ayaa ku heshiiyey hab-raaca diiwangelinta ajaanibta qaxootiga ku ah dalka, iyo sidoo kale hababka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Kadib markii 10-kii bishani December uu shaaciyey Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ah Garaadka guud ee Beesha Maxamed Siyaad (Ugaadh yahan) in uu [...] Source
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah: Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan. Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali). Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise. Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka. Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed. The post Madaxwayne Farmaajo oo magacaabay Garsooreyaal appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Sh. M. Network) – Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee looga hadlo qorshaha cafinta daymaha kaas oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya. Wasiirka maaliyadda ayaa ra’iisul wasaaraha uga warbixiyay guulaha laga gaaray shuruudaha dayn cafinta ee dawladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammaytirka u baahan si loo dar-dar geliyo qorshaha cafinta daymaha Soomaaliya Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada qaybta ka ah geeddi socodka ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya iyo dar-dar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo. Dowladda Federaalka ayaa dadaal xooggan gelisay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay,waxayna Hay’adaha dhanka maaliyadda ka taageera Soomaaliya ku ammaaneen daahfurnaanta iyo kobaca dhaqaalaha dalka uu sameeyay sanadihii ugu danbeeyay. The post RW Khayre Oo guddoomiyay shir muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Adis Ababa, Nairobi,Xuduuda Kenya, Kismaayo iyo Muqdisho ayaa Sugida amaanka kor loo qaadey cabsi laga qabo in Al-shabaab ay soo maleegaan weeraro qorshaysan Kala guurka [...] Source
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-241218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Maxaas ( Sh. M. Network ) – Kulankan oo ah mid saddex geesood ah ayaa waxa uu dhexeeyaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hiiraan iyo Odayaal ka kala socda Beelaha ku dagaalamaya agagaarka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Cabdi Muumin Cilmi oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle ayaa sheegay in loo baahan yahay nabad iyo xasilooni ka hirgasha degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolkaasi. Waxaana uu ugu baaqay Odayaasha labada dhinac ee matalaya Beelaha dagaalamay in ay qaataan waan waanta loo jeedinayo, si Caruurta iyo Haweenka ku dhaqan halkaasi ay u helan horumar deegaan. Sidoo kale waxa uu mas’uulkan carabka ku dhuftay, islamarkaana uu beeniyay in dagaalkan uu salka ku hayo Aanooyin Qabiil. Xaaladda ayaa maanta dagan, iyadoona mas’uuliyiin kala duwan oo ku baxay colaadaasi ay ku sugan yihiin degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. The post Kulan dhex dhexaadin ah Oo ka socda degmada Maxaas appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beele ayaa sheegay in warbixin kooban uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka siiyay horumarka Dowladda ka gaartay dib u habeynta iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda Dalka. “Sharaf ayay ii tahay inaan warbixin kooban ka siiyo Madaxweynaha Soomaaliya MD Maxamed Cabdullahi Farmaajo horumarka aan ka gaarnay dib u habeynta iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda Dalka”, ayuu yiri Wasiirka Beyle. Sidoo kale,Wasiir Beyle ayaa madaxweyne Farmaajo la wadaagay natiijada ka soo baxday kulanka Jaamacadda Carabta oo uu dhowaan kaga qeyb galay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar. “Waxaan sidoo kale la wadaagay natiijooyinkii kasoo baxay kulankii Jaamacadda Carabta ee Qaahira usbuucii tagay aan uga qeyb galay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya. The post Wasiirka Maaliyadda Oo warbixin siiyay MD Farmaajo appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )- Kooxo hubeysan ayaa maanta mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ku dilay gudaha magaalada Muqdisho. Dilkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay xaafadda Haanta-Dheer degmada Dayniile ee gobolkan Banaadir. Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi waxaana uu caan ku ahaa Oongooye . Sidoo kale Marxuumka ayaa ahaa Bare wax ka dhigi jiray Jaamacadda Daaha ee magaalada Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee DFS ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa ka hadlay dilkaasi, waxaana uu Tacsi u diray Ehallada Marxuumka la dilay. Dilkani ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. The post Mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillahi Jaamac Cismaan Geeljire oo ka mid ahaa saddex mas’uul la sheegay in laga caydhiyay xisbiga KULMIYE ayaa ka hadlay aragtiisa ku aadan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeeray Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka oo ay ka socdaan howlo dib u dhis ah. Xilligii uu Ra’iisul waasraha ku guda jiray kormeerka ayaa waxaa goobta ku sugnaa shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadad Soomaaliya oo halkaasi ka waday shaqa Maalmeedkooda Is-xilqaan, taasoo qayb ka ah qorshaha ay hay’adaha Dowladda kaga qayb qaadanayaan ololaha Is-xilqaan oo uu Madaxweynaha JFS ku dhawaaqay. Ujeedka ugu weyn ee Ra’iisal wasaare Kheyre u kormeeray Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka ayaa waxay tahay inuu u kuurgalo howsha is-xilqaan iyo siday u socoto,wuxuuna warbixin ka dhageystay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure iyo Injineerada wax ka dhisaya xarunta. Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin inuu soo booqdo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya xilli ay ku guda jiraan howsha is-xilqaan ee dib loogu dayactirayo Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka,islamarkaana uu Ra’iisal wasaaraha qeyb ka noqdo barnaamijka is-xilqaan ee maanta ka socoto xarunta Tiyaatarka Qaranka. Waxaa meel wanaagsan maraya dib u dhiska iyo dayac-tirka golaha murtida iyo wacyi gelinta Qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan la billaabay. The post R/ wasaaraha XFS Oo kormeeray Tiyaatarka Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Howgal ay sameeyeen Ciidamada Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayey sheegeen in ay kusoo qabteyn sarkaal ka tirsan Daacishta Soomaaliya. NISA ayaa sheegtay in howgal gaar ah oo hori loo sii qorsheeyay in ay kusoo qabteyn sarkaalkaas oo ay sheegeen in Daacish uu u qaabilsanaa soo tashkiilinta iyo dagaalyahanno ka dhigista dhalinyarada. Waxa ay qoraalka ay kusoo baahiyeen bartooda Twiterka ku sheegeen in xubinta Daacish ay soo qabteyn 23’ka bishaan, balse ma sheegin magaciisa iyo xog intaas dheer oo ku saabsan. NISA waxa ay intaas ku dareyn in howgalkaasi aynan cidina wax ku noqon oo uu ahaa howlgal qorsheysan, balse halka ay howlgalkaasi ka fuliyeen ma aysan sheegin. “Hawlgalkan oo aan cidi wax ku noqon ayaa ciidamada amniga 23-ka bishan, ku soo qabteen howlwadeen ISIS u qaabilsanaa soo tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandada), waxaana la horkeeni doonaa cadaaladda.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Waxa aanu halkan idin ku soo gudbinaynaa warbixin ku saabsan loo ilaaliyo indhaha, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Macallin ka tirsanaa macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha Muqdisho ayaa saaka lagu toogtay agagaarka Haanta-dheer ee dagmada Dayniile. Maxamed Axmed Oongooye oo ah macalinka la toogtay waxaana la dilay kadib markii gaadhi uu watay lagu joojiyay halkaasi, waxaana dad goobjoogayaal ah tilmaameen in dhowr xabadood madaxa looga dhuftay. Dilkan ayaa waxaa geystay dhaliyaro bastoolado ku hubaysanaa, waxa ayna isaga baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen, Oon-gooye waxaa uu ifka uga tagay seddex caruura iyo mid uurka lagu sido. Macalinka ayaa ahaa wiil dhalin yara ah oo 30 ku jira ah sida ay u sheegeen qaar ka mid ah asxaabtiisa. Maxamed Axmed , waxbarashadiisa ilaa heerka dugsiga sare waxaa uu ku soo qaatay dalka Kenya, waxaa uu waddan-ka ku soo laabta sanadkii 2014-kii, waxaa uuna heerka 1aad jaamacada ka bilaabay jaamacada Horn of Africa ee magaalada Muqdisho, waxaa uuna ka baxay 2017kii, isaga oo bilaabay inuu jaamacada Horn of Africa iyo jaamacado kale uu ka bilaabay luqadda Ingiriiska, waxaa kale uuna ka tirsanaa wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Jaamac oo ka mid ahaa saddex mas’uul oo maanta xisbiga KULMIYE laga saarey ayaa waxaa uu ka Hadley sida uu u arko in xisbiga laga saaro . Prof. Cabdi Cali ayaa kashifay in la wado qorshe guDdoomiyaha ku meel gaadh-ka ah ee xisbiga KULMIYE loogu magacaabaayo Md. Axmed Cabdi Dheere oo iminka ah guddoomiye ku xigeenka Labaad, waxaana uu sheegay in la rabo in la dhaho saddexda xisbi ba Garxaajis ayaa gudoomiyayaal ka ah Sidoo kale Prof. ayaa sheegay in aanu sidaas kaga hadhin doonin in xibsiga KULMIYE laga saaro oo uu maxkamad la gali doono, Gud Axmed Cabdi Dheere-na waxaa uu ku eedeyey in isagu u baahan yahay in la anshax mariyo mar haddii uu Mobile-ku dhuftey guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Moscow)-Madxaf ku yaalla magaalada Dresden ee dalka Jarmalka ayaa laga helay kaaarka aqoonsiga ah ee ay qaataan askarta basaaska ah, kaasi oo uu isticmaali jiray, Vladamir Putin oo xilligaasi u basaasi jiray dalkii la oran jiray Jarmalka Bari. Putin oo hadda ah madaxweynaha dalka Ruushka ayaa sannadihii 1980-meeyadii si qarsoodi ah uga howl gali jiray magaalada Dresden, isagoo basaas u ahaa hay’adda KGB oo dhanka amniga u qaabilsaneyd maamulkii midowga Soviet. Hase ahaatee waxa uu isticmaali jiray kaar aqoonsi oo muujinaya inuu ahaa askari ka tirsan hay’adda Stasi, oo ahayd laanta dhinaca ammaanka ee jamhuuriyaddii shuuciga ahayd ee horay loo oran jiray Jarmalka Bari. Kaarkiisa aqoonsiga ee uu ugu shaqeyn jiray hay’adda Stasi ayaa la helay iyadoo cilmi baaris lagu sameynayo xiriirkii wada shaqeyneed ee ka dhexeeyay hay’adaha KGB iyo Stasi. Mr Putin oo xilligaas ahaa sarkaal ka tirsan KGB ayaa kaarkan aqoonsiga ah helay sannadkii 1985-kii. Waxaa loo siiyay si uu ugu shaqeeyo hay’adda Stasi, balse waxaa suuragal ah in uusan iyaga u basaasi jirin. Bayaan ay dhawaan soo saartay hay’ad uruurisa taariikhda hay’addii la oran jiray Stasi ayaa lagu sheegay in Mr Putin kaarkaas loo siiyay in uu fuliyo howlaha KGB, arrintaasi na ay qeyb ka ahayd wada shaqeyn dhex mari jirtay labada hay’adood. Sida dhabta ah, magaca Stasi wuxuu ahaa naaneys ay lahayd wasaaradda amniga qaranka ee xukuumaddii Jarmalka bari. Mr Putin, oo ku dhashay magaalada Leningrad (oo hadda loo yaqaanno St Petersburg), ayaa Jarmalka bari loo diray sannadkii 1985-kii, xilligaas oo uu ahaa 33 sano jir. Waxa uu howsha basaasnimada ah halkaasi ka hayay tan iyo bishii Diseembar ee sannadkii 1989-kii, xiligaasi oo ay xukuumaddii jarmalka bari ku burburtay mudaharaadyo looga soo horjeeday oo lagu taageerayay Dimuqraadiyadda. Kaarkiisa aqoonsiga ee Stasi waxaa la cusbooneysiin jiray saddexdii biloodba hal mar, sida ay muujiyeen shaabadaha ku yaalla kaaarka dushiisa. Balse ma cadda sababta uu kaarkiisa uga tagay goobta lagu keydiyo feylasha Stasi ee magaalada Dresden. 5-tii bishii Diseembar ee sannadkii 1989-kii, wuxuu goob joog u ahaa dad mudaharaadeyaal ah oo la wareegay xarunta dhexe ee ay hay’adda Stasi ku laheyd magaalada Dresden, iyadoo ciidammadii ammaanka ee uu ka tirsanaa ay qarka u saarnaayeen in ay rasaas ku furan shacabka. Bishii Nofeembar ee isla sannadkaas ayey mudaharaadeyaasha bariga Baarliin dumiyeen darbigii Baarliin. Mr Putin ayaa xilligaas si fiican ugu hadli jiray luuqadda Jarmalka, wuxuuna sheegay in uu si shakhsi ah u dajiyay dadkii mudaharaadayay ee hareereeyay xarunta hay’adda KGB, isagoo markaas siinayay digniin ah in meeshaasi ay ahayd dhul uu leeyahay midowga Soviet. Intii uu waday howshii uu KGB uga hayay magaalada Dresden, Mr Putin waxaa loo dallacsiiyay darajada ciidan ee laba-xiddigle korneyl. Sannadkii 1989-kii, xukuumaddii shuuciga ahayd ee jarmalka bari ayaa Putin abaal marin ku siisay sidii uu daacadda ugu ahaa ciidammada milatariga ee qaranka, sida lagu qoray barta internet-ka ee Kremlin. Markii uu ku laabtay Ruushka, Mr Putin waxaa loo dallacsiiyay inuu noqdo madaxa hay’adda amniga ee federaalka, taasi oo baddashay hay’adda horay loo oran jiray KGB. Wuxuu madaxweynaha dalka Ruushka noqday sannadkii 2000. Bishii Juun ee sannadkii 2017-kii, Mr Putin wuxuu shaaca ka qaaday in shaqadii sirdoonka ee uu u hayay hay’adda KGB ay qeyb ka ahaayeen macluumaad basaas ah oo “si sharci darro ah loo aruuriyay”. Isagoo ka hadlayay Telefishinka Qaranka ee Ruushka ayuu sheegay in dadkii wax u basaasi jiray KGB ay ahaayeen dad “tayo gooni ah leh, si gaar ah wax u go’aamiya, isla markaana dabeecad gaar ah leh”. Putin ma wuxuu basaas u ahaa Midowgii soviet ee Ruushka mise iyaga ayuu basaasi jiray? Heshiis qarsoodi ahaa oo dhex maray hay’adaha KGB iyo Stasi, oo ay BBC-da aragtay ayaa muujinayay in KGB ay 30 askari u joogeen Jarmalka Bari, kuwaasi oo si toos ah ula shaqeyn jiray hay’adda Stasi. Afhayeen u hadlay bogga Internet-ka ee Kremlin oo lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa dadka ku baraarujiyay kaarka aqoonsiga ee Mr Putin uu horay u isticmaali jiray. “KGB iyo Stasi waxay ahaayeen hay’ado sirdoon oo lamaane ah, sidaas awgeed ma garan kartid sababta ay kaararka noocaas ah u kala badasheen”, ayuu yidhi. Source
  20. Garowe (Puntlandi) Dowladda Puntland ayaa fartay murashixiinta u tartamaya xilka madaxwetinimada inay xakameeyaan hubka iyo ilaalada faraha badan ee ay kusoo daynayaan magaalada gudaheed. Wasiirka [...] Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah: ▪ Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan. ▪ Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali). ▪ Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise. ▪ Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka. Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah: Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan. Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali). Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise. Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka. Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed. DHAMMAAD Puntland Post Muqdisho Office The post Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkamadda Sare appeared first on Puntland Post.