Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,160
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa aad loo hadal hayey sanadkan in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke isu soo taagi doono doorashada Madaxweyne ee Puntland. Cumar oo ah Senator ka mid ah Aqalka Sare, ayaa ku jira siyaasiyiinta sida weyn u dhaliilsan dowladda ay gadh-wadeynka ka yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre. Waxaa aad loo saadaalinayey in sanadkan uu Garowe loolanka ka socda ka qeybgali doono maadama uu ku fashilmay doorashadii 2017 ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo. Halkaas ayaa la qabay in uu saldhigan doono si uu awooddiisa siyaasadeed ee uu ku saameyn karo Villa Somalia ugu yeesho. Cumar Cabdirashiid waxaa la wada ogyahay in u gacan saar weyn la leeyahay Imaaraadka oo lagu tilmaamo in uu yahay DILAALKOODA Soomaaliya iyo Geeska Africa. Maxaa ka reebay doorashada? Sida ay Caasimada Online xog hoose ku heleyso, Cumar Cabdirashiid iyo Imaaraadka shir ay dhawaan ku yeesheen magaalada Dubai ayaa lagu kala dooran siiyey laba midkood; 1 – Halagugu taageero doorashada Puntland, 2 – Ama doorashada 2021-ka Soomaaliya. Ilo wareedyada la hadlay Caasimada Online waxa ay xaqiijiyeen in Cumar Cabdirashiid doortay doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya la filayo in ay ka dhacdo 2021-ka, oo booska Puntland loo daayey Cabdiweli Gaas iyo Siciid Deni kii guuleystay. Siyaasiyiinta ugu cad cad ee qorshaha kowaad iyo Labaad u ah Imaaraadka ee Puntland waa Cabdiweli Gaas iyo Siciid Deni. Ma hubna in taageerada Imnaaraadka wax u tari doono Cumar Cabdirashiid, waxaana jirtay in malaayiin dollar oo ay ku bixiyeen sanaddii 2017 ay waxba tari weysay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  2. Caqiidada Siyaasadeed ee Kulmiye waxay Magaalo Xeebeedii Berbera ka dhigtay Goobtii tijaabada mashaariicda mashqaca ah. qalinkii A/rahman fidhinle UK. Ummad kasta wuxuu baaba’eedu bilaabmaa marka Cadaaladu hagaasto ee Xeerarka dastuurku shaqeyn waayaan ee cilmiga iyo caqliga laga maqaar siibto waana arinta maanta Somalilaan ka taagan. Sida hantidii maguurtada aheyd ee ummadda Somalilaan u dhaxaysay ay gacanta ugu gashay shaqsiyaad gaar ah oo sife gaar ah uga faa’ideystay ayaa guryihii waaweynaa ee dawladuna ay gacanta ugu galeen intii loo dirtay ee loo doortay ee loo dhaariyey ilaalinta hantidii qaranka ka dhaxaysay. Waxaanu la yaabnay Kirooyinka lagu soo rogay guryihii dawlada ee dunsanaa ee magaalada Berbera! Waxaanu iyana la yaabnay sababta Gobolka Saaxil degmadiisa Berbera kolba loogu tijaabiyo Mashaariicda mashqaca ah ee aan odoroska iyo alooska hufan laheyn. Waxaana ka mid ah Mashaaciidaa Berbera lagu tijaabinaayo kuwan hoose : 1- Mashruuca Guutada Ciidanka ka hortaga Kacdoonadda iyo Mudaharaadada ,Boowe! hada ciidamadaasi gobolada dalka oo dhan kama jiraan Berbera mooyaane. Ciidamo lama diidana ee waxay Ciidamo ay Ciidamo qaran noqdaan marka ay dalka oo dhan ka jiraan ee ay dastuurka qaranka waafaqsan yihiin ee maaha in gobol gaar ah ciidamo gaar ah la dul-dhigo oo lagu cabudhiyo. Dastuurka qaranku wuxuu cadeynayaa in ay dalka jiraan Sadex ciidan oo kala ah : Boliiska, Asluubta iyo Melateriga. 2- Mashruuca Gudida Xalinta Khilaafaadka dhulka oo aan isaguna ka jirin kana howlgelin Gobolada dalka intiisa kale oo dhan, oo xataa lagu tijaabiyey laakiin ay ka suurtoobi wayday in ay Gudidaasi ka howlgalaan Caasimada Hargeisa, mashruucan ayaa lagu tijaabiyey Magaalada Berbera waana uu ka dhaqan galay, waxaana la wada ogaa wixii ka dhacay Agoontii Marxuun Madaxweyne Cigaal ka tegay markii dhulkoodii lagu qabsaday. Hadaba Xeerarka dhulka ee gudidaasi ku shaqeysaa waxay iyana ay Xeerar iyo xeegaano qaran oo sharci ah noqonayaan marka ay Gobolada dalka oo dhan ka dhaqan galaan. 3- Mashruuca ururinta kirooyinka ee Wasaarada Howlaha Guud ay dhawaan ka bilaabeen Magaalada Berbera. ayaa isna ah mashruuc “geed sare waab ah” maadaama lagu bilaabay mashruucaas mujaahidiintii dan yarta ahaa ee deganaa guryaha dunsan ee magaalada Berbera. Halka ay ahayd in odoroska iyo ururinta Kirada guryaha dawlada ay ka soo bilaabaan Guryaha Waaweyn ee shacabka Caasimada Hargeysa taxan ee ay maquunada isu siiyeen intii dalka loo dhaariyey ee talada qaranka bud-dhigi laheyd. Somaalida ayaa ku maah-maahdaa ” Miskiin ayaa Misko la fuulo leh“, Marna laga yeeli maayo Xukuumada in ay meesha ka saarto xuquuqda aas-aasiga ah ee mujaahidiinta dan yarta ah ee aan awoodin in ay bixiyaan kirooyinka badan ee la dul dhigay. Mujaahidiintaa bilaa camalka ah ee kirada aanay qaadi kareyn la dul dhigay, guryahan ay ku jiraan markii horeba looma siin Hadyad, balse waxay u soo mareen halgan dheer, surimo colaadeed iyo saymo dhaxameed, waxay u soo qubeen dhiig badan, waxaana ay u soo hureen naf iyo maal. Waana Halyeeyadii aan habeenka ledin ee keenay hiilka alleh,guusha iyo garaadaha cas cas ee maanta la isugu faanaayo. Sidaa Daraadeed waxaa xukuumada looga fadhiyaa in ay tixgeliso duruufaha qalafsan ee ku gedaaman mujaahidiintaa iyo dhamaan dadka dan yarta ah ee degan guryaha dawlada ee kirada lagu soo rogay. Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Gobanimo dadka mudan, Galadana Allaa iska leh, Shacabow tiraa ka gedmane wax isu geygeyso !! Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom Qaran News
  3. Musharax isu-sharaxaya Madaxweynenimo oo Qaylodhaan & Xiisada ka dhex abuuri doona Puntland Waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in Prof. Cali Ciise Cabdi ka qeybgali doono doorashada Madaxweyne ee Puntland sanadkan. Sida ay wararku sheegayaan uma tartamayo xilka Madaxweyne ku-xigeen, balse madaxweynaha ayuu u ordi doonaa. Waa kuma Cali Ciise Cabdi? Cali Ciise Cabdi waa aqoonyahan aad ugu takhasusay dhaqaalaha oo jagooyin sar sare ka soo qabtay Bangiga Aduunka iyo hay’adda caalamiga ah ee lacagta (IMF). Sidoo kale waxa uu ku dhawaad 30 sano dalal badan oo African ah la taliye ugu ahaa dhinaca kobcinta dhaqaalaha. Hadda, waa guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee Soomaaliya. Maxaa ku gaar ah? Haddii ay dhacdo in Cali Ciise isu sharraxo xilka Madaxweynaha Puntland waxaa la filan doonaa – 1 – Qeylo-dhaan beesha Maxamuud Saleebaan Caadiyan, wali ma dhicin in shaqsi sidaas miisaan u leh oo ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn (Sool clan) isu soo sharraxo xika Madaxweyne ee Puntland. Taas, waxa ay wal wal badan ku abuuri doontaa beesha Maxamuud Saleebaan oo 20-kii sano ee ay Puntlad jirtay jagadaas xidhatay, waxaa dhici karta xataa haddii uusan Cali Ciise guuleysan in Majeerteenka kale helaan. Sababta ayaa ah in Cali Ciise xildhibaanada Sool clan intooda badan heli doono, xoog ay hore Maxamuud Saleebaan ku tashan jireen. 2- Reer Puntland oo aan Soo dhaweyn doonin musharaxnimadiisa Cali Ciise Cabdi waxa uu ka mid ahaa aas aaseyaashii maamulka Khatumo State ee 2012 lagu dhisay magaalada Taleex. Waxa uu ahaa siyaasi aad uga soo horjeeda in beesha Sool clan wax la wadaagto Majeerteen, taas waxa ay abuuri doontaa kacdoon uga yimaada reer Puntand oo ay ku qoonsan doonaan. Iyada oo uusan wali xaqiijin musharaxnimadiisa, baraha bulshada waxaa si weyn la’isula dhexmarayaa eedo hordhac ah oo loo jeedinayo iyo digniin ku saabsan musharaxnimada Cali Ciise Cabdi. 3 -Sicir barar ku dhici doona Xildhibaanada Puntland Hore waa loo ogaa, in sanadkan xildhibaanada Puntland ay ka dhargi doonaan dhaqaale tiro badan, hase ahaatee, is sharrixida shaqsi Cali Ciise Cabdi oo kale ah, oo la fahansan yahay in uu gacansaar la leeyahay dowladda Dhexe waxa ay cirka ku toil doontaa qiimaha lagu kala Qaran News
  4. Wargeys shaaciyey dagaal Israel ay qorsheyneyso in ay ku qaado dal Carbeed Wargeyska Nezavisimaya Gazeta ee Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in Israel ay qorsheeneyso dagaal buuxa oo ay ku qaaddo Syria, kadib marka ay ciidamada Mareykanka ka baxaan dalkaas. Wargeyska ayaa sheegay in go’aanka uu madaxweyne Trump ciidamadiisa uga saarayo Syria uu ku qasbay Israel inay wajahdo joogitaanka Iran ee dalkaas. Wargeyska ayaa kasoo xigtay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Israel, Avigdor Lieberman isaga oo leh “Bixitaanka ciidamada Mareykanka waxay sare u qaadday suurta-galnimada ah dagaal baaxad weyn oo ka dhaca waqooyiga, haddii ay noqon lahayd Lebanon ama Syria.” Lieberman ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Mareykanka ay sare u qaadi doonto niyadda madaxweyne Bashar Al-Assad iyo xulufadiisa Iran iyo kooxda Xizbullah. Wargeyska Nezavisimaya Gazeta ayaa kasoo xigtay khabiir miltari oo Russian ah, Yuri Liamin inuu yiri “Hadalka Lieberman, Iran kama soo qaadi karto mid la iska yiri” Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 19-kii bishan si lama filaan ah ugu dhowaaqay go’aan ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan dalka Syria. Aqalka Cad ayaa difaacay go’aanka madaxweynaha, hase yeeshee ma sheegin sababta keentay in lagu dhowaaqo go’aankan iyo in guul laga gaaray kooxda Daacish. Qaran News
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay garsooreyaal ka tirsan maxkmadda sare ee dalka, kadib soojeedin ka timid guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed. Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah: Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdiraxmaan, Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali), Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise iyo Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka. Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in Prof. Cali Ciise Cabdi ka qeybgali doono doorashada Madaxweyne ee Puntand sanadkan. Sida ay wararku sheegayaan uma tartamayo xilka Madaxweyne ku-xigeen, balse madaxweynaha ayuu u ordi doonaa. Waa kuma Cali Ciise Cabdi? Cali Ciise Cabdi waa aqoonyahan aad ugu taqasusay dhaqaalaha oo jagooyin sar sare ka soo qabtay Bangiga Aduunka iyo hay’adda caalamiga ah ee lacagta (IMF). Sidoo kale waxa uu ku dhawaad 30 sano dalal badan oo African ah la taliye ugu ahaa dhinaca kobcinta dhaqaalaha. Hadda, waa guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee Soomaaliya. Maxaa ku gaar ah? Haddii ay dhacdo in Cali Ciise isu sharraxo xilka Madaxweynaha Puntland waxaa la filan doonaa – 1 – Qeylo-dhaan beesha Maxamuud Saleebaan Caadiyan, wali ma dhicin in shaqsi sidaas miisaan u leh oo ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn (Sool clan) isu soo sharraxo xika Madaxweyne ee Puntland. Taas, waxa ay wal wal badan ku abuuri doontaa beesha Maxamuud Saleebaan oo 20-kii sano ee ay Puntlad jirtay jagadaas xirtay, waxaa dhici karta xataa haddii uusan Cali Ciise guuleysan in Majeerteenka kale helaan. Sababta ayaa ah in Cali Ciise xildhibaanada Sool clan intooda badan heli doono, xoog ay hore Maxamuud Saleebaan ku tashan jireen. 2- Reer Puntland oo aan Soo dhaweyn doonin musharaxnimadiisa Cali Ciise Cabdi waxa uu ka mid ahaa aas aaseyaashii maamulka Khatumo State ee 2012 lagu dhisay magaalada Taleex. Waxa uu ahaa siyaasi aad uga soo horjeeda in beesha Sool clan wax la wadaagto Majeerteen, taas waxa ay abuuri doontaa kacdoon uga yimaada reer Puntand oo ay ku qoonsan doonaan. Iyada oo uusan wali xaqiijin musharaxnimadiisa, baraha bulshada waxaa si weyn la’isula dhexmarayaa eedo horudhac ah oo loo jeedinayo iyo ka digitaan ku saabsna musharaxnimada Cali Ciise Cabdi. 3 -Sicir barar ku dhici doona Xildhibaanada Puntland Hore waa loo ogaa, in sanadkan xildhibaanada Puntland ay ka dhargi doonaan dhaqaale tiro badan, hase ahaatee, is sharrixida shaqsi Cali Ciise Cabdi oo kale ah, oo la fahansan yahay in uu gacansaar la leeyahay dowladda Dhexe waxa ay cirka ku toil doontaa qiimaha lagu kala iibsan doono xildhibaanada u codeyn doona Madaxweynaha Puntland. W/Q: Mahad Cabdullaahi Jaamac Garoowe, Puntland, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaqadii ka joojiyay gudoomiyaha degmada Yaaqshid Axmed Xasan Geedoow. Warqad ka soo baxday Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca Maaliyada ahna kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur ayaa shaqo joojintaasi loogu sameeyay gudoomiyaha . Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Geedoow ayaa safar dhanka dibaa ah ugu maqan dalka dibadiisa. Shaqo joojintaaan lagu sameeyay gudoomiyaha Yaaqshid ayaa la xariirta arimo la xariirta musuq maasuq. Wali Gudoomiyaha kama hadlin eedeeyntaasi loo jeediyay iyo shaqo joojinta lagu sameeyay. Dowlada Soomaaliya ayaa wado olole balaaran oo looga hortagayo musuq maasuqa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Mid kamid ah gudoomiyaasha Gobolka Banaadir oo shaqadii laga joojiyay appeared first on Puntland Post.
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Dukumenti la daabacay bartamihii sannadihii 1970-aadkii ayaa waxa uu muujinayaa inay Milliteriga XDS ka mid ahaayeen Ciiddanka ugu awoodda badan dalalka Geesska Afrika, halka ay Milliteriga Kenya kaalinta ugu hooseysay kaga jirta Cududa Milliteri ee Gobalka. Warbixin dheer oo lagu soo daabacay Wargeyska maalinlaha ee Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa lagu muujiyey inay Milliteriga Somalia uu lahaa Jeysh xooggan oo tiradooda dhamayd 20,000 oo Askari oo 3,000 ka mid ahaayeen Ciiddanka Badda, halka 2,700 kalena ahaayeen Ciiddanka Cirka. Waxaa kaloo ciiddankaasi ka mid ah Ciiddanka qaada dagaalka Jabhadaynta, kuwaasi oo aan tiradooda si rasmi ah loo ogeyn. Ciiddanka XDS waxay kaloo lahaayeen Qalabka Dagaalka, oo ay ku jireen 200 ee Taangiyadda T 24 iyo T 54, 310 Gawaarida Gaashaaman, 100 Gantaalladda Lidka Diyaaradaha, 62- Diyaaradaha Dagaalka ee noocoodu ahaa Miig oo lagu soo farsameeyey dalkii Midowga Soofiyeeti (USSR). Waxay kaloo lahaayeen 14 doonyaha dagaalka ee wax burburiya. Warbixinta la diyaariyey sannadihii 1970-aadkii, waxaa lagu xusay inay Ciiddanka Kenya kaalinta ugu hooseysa ku jiraan oo ay lahaayeen 6,500 Askari oo keliya, 700 Ciiddanka Cirka iyo 730 Ciiddanka Badda iyo 1,800 ee Ciiddanka sida Milliteriga u tababaran ee GSU. Gaadiidkooda Milliteri waa koobnaa, waxayna Warbixintu sheegtay inay lahaayeen 10 Gawaarida Gaashaaman, 14 Diyaaradaha Dagaalka ee Hunter FGA 9, 16 Hoobiyayaasha cabirkoodu kala ahaa 81 milimitir iyo 120 milimitir, 4 doonyaha wax lagu ilaaleeyo oo uu saarnaa qoriga BOFORS oo dhumucdiisu ahaye 4.4 milimitir. Dhinaca kale, Wareysi lala yeeshay Wasiir ka tirsanaa Dowladii Kenya ee uu Madaxweynuhu ka ahaa Jomo Kenyatta, oo lagu magacaabo Geoffrey Kareithi waxa uu ku sheegay inay Awoodda Ciiddankii XDS ahayd cabsida ugu weynaa ee Kenya, taasi oo sababtay in la qaado tallaabooyin ay isku hubeynayaan. Geoffrey Kareithi oo la hadlay Wargeyska Nation waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka XDS sannadkii 1978-kii dagaal la galeen Ethiopia, taasina ay keentay inay Diyaaradaha Dagaalka Somalia soo dul-maraan Hawada Kenya si ay u duqeeyaan Ethiopia. Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay Taangiyadda dheereeya ee Somalia ka gudbi jireen magaalladda Mandera, si ay uga duqeeyaan dalka Kenya. “Ciiddanka XDS waxay xilligaasi nagu khasbeen inaan wax ka bedelno Istraaatijiyadda Difaaceena” ayuu yiri Geoffrey Kareithi.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa markale Shaqo joojin ku sameeyay guddoomiye Degmo xili uu dalka ka maqan yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Yariisow. Axmed Maxamed Xasan ayaa laga joojiyay shaqada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana ka joojiyay guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaiiyadda gobolka Banaadir. Sababta ugu weyn ee guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Shaqada looga joojiyay ayaa lagu sheegay inay tahay musuq maasuq iyo isdaba marin dhaqaale oo lagu arkay, sida xogaha aan ku heleyno. Waa markii labaad ee uu Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur uu shaqo joojin ku sameeyo guddoomiye degmo isagoo ah kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir. Guddoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa horey sidan oo kale shaqo joojin ugu sameeyay Cumar Shariif Jeeg oo ahaa guddoomiyihii degmada Xamarweyne. Marka laga yimaado eedeymaha Musuq maasuq ee xubnaha gobolka Banaadir lagu eedeeyo ma jirto ilaa iyo hadda shaqsi ka tirsan gobolka oo Maxkamad loosoo taagay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Moscow (Caasimada Online) – Wargeyska Nezavisimaya Gazeta ee Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in Israel ay qorsheeneyso dagaal buuxa oo ay ku qaaddo Syria, kadib marka ay ciidamada Mareykanka ka baxaan dalkaas. Wargeyska ayaa sheegay in go’aanka uu madaxweyne Trump ciidamadiisa uga saarayo Syria uu ku qasbay Israel inay wajahdo joogitaanka Iran ee dalkaas. Wargeyska ayaa kasoo xigtay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Israel, Avigdor Lieberman isaga oo leh “Bixitaanka ciidamada Mareykanka waxay sare u qaadday suurta-galnimada ah dagaal baaxad weyn oo ka dhaca waqooyiga, haddii ay noqon lahayd Lebanon ama Syria.” Lieberman ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Mareykanka ay sare u qaadi doonto niyadda madaxweyne Bashar Al-Assad iyo xulufadiisa Iran iyo kooxda Xizbullah. Wargeyska Nezavisimaya Gazeta ayaa kasoo xigtay khabiir miltari oo Russian ah, Yuri Liamin inuu yiri “Hadalka Lieberman, Iran kama soo qaadi karto mid la iska yiri” Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 19-kii bishan si lama filaan ah ugu dhowaaqay go’aan ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan dalka Syria. Aqalka Cad ayaa difaacay go’aanka madaxweynaha, hase yeeshee ma sheegin sababta keentay in lagu dhowaaqo go’aankan iyo in guul laga gaaray kooxda Daacish. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanadda baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxyada mudooyinkii dambe kusoo batay Muqdisho oo ay geysanayaan Al-Shabaab. Jeesow oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Shabaab ay dadka ku dhex dhuuntaan, islamarkaana ciidamadda ammaanka dowladda Soomaaliya aysan ogaan karin cida Shabaabka ah iyo cida aan aheyn. Sidoo kale waxa uu sheegay in kontoroolka ay ku sugan yihiin Ciidamadda dowladda ay waqti walba maraan ragga ka tirsan Shabaab, balse aan la ogaan karin Shabaabka halkaas maraya. “Sida ay ku badbaadi karaan shacabka ayaa ah, kii ganacsade ah, kii guri leh, kan garaashka leh, kan wadada maraya in ay soo sheegaan ragga Shabaab ka tirsan. Shabaab dadka ayay ku dhex jiraan, Kontorooladda ayay maraan, si ay usii jirto dowladdnimadda Soomaaliya, waa in hal meel loogu soo wada jeestaan ragga ka tirsan Shabaab” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Hadalka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa imaanaya xili todobaadkaan laba qarax ay ka dhaceen xarunta tiyaatarka, iyo taalladda Daljirka Daahsoon ee magaaladda Muqisho, waxana ku dhintay 23-qof oo shacab iyo ciidamo isugu jirey. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadan. Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Jeesow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/cod-xilibaan-jeesoow.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Baligubadleh Caasimadii Hal-ganka Iyo Xornimadoonka Somaliland Iyo 28 Kadib Oo Abaalkeedii La-Xabaalay W/q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Hordhac: Taariikhdu waxay ku beegnayd horaantii 1963kii markii ugu horeysay ee Magaaladda Baligubadle loo magacaabay in ay noqoto Degmo ka tirsan Degmooyinkii Jamhuuriyadii Soomaaliya, kadib markii 1962kii ay magaladaas ka bilaameen dhaqdhaqaaqyo codsiyo ah oo odayaashii deegaanku ku codsanayeen in Baligubadle looga dhigo Degmo ka tirsan waddanka intiisa kale, waxaanay maamul ahaan ka tirsanayd Gobolka Maroodi-jeex, wakhtigaas oo uu Maroodi-jeex badhasaab ka ah Alla ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuure). Taariikhdu iyadda ayaa is qortee, sidoo kale waxay ku beegnayd intii u dhaxaysey 20kii March ilaa 15kii May 2018kii markii Madaxweynihii wakhtigaas taladda Somaliland hayey Mudane Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin uu ku dhawaaqay 7-gobol oo ku dhex sameeyey 6-dii Gobol ee hore u jiray, halkaas oo Baligubadle ku noqotay magaalo madaxdii Gobolka Hawd. Hadii aan intaas kaga gudbo sidii Magaaladda Baligubadle u asaasantay iyo taariikhdii ay ku lahayd deegaamaynta Dalka, aan hoos ugu daadego Taariikhdii ay ku lahayd Halgankii iyo xornimodoonkii Somaliland. Waxay ku beegnayd 28 sano ka hor, 1990-kii wakhtigaas oo Baligubadle lugu doortay Gudoomiyihii 5aad Ururka dhaq-dhaqaaqa Soomaaliyeed ee SNM, iyadoo wakhtigaas loo doortay in uu SNM Gudoomiye ka noqodo Alla ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), halka ku-xigeena loo doortay Muj. Xasan Ciise Jaamac. Maanta oo kale 28 sanno ka hor, dagaal gaadmo ah oo labba saacadood socday, ayaa Ciidamadii Dawladdii Somaliya ku qabsadeen, Xaruntii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Somaliyeed ee (SNM).oo ahayd Magaalada Baligubadle. Waxay gubeen magaaladdii, waxayna dagaalka ku qabsadeen gaadhigii Gudoomiyihii SNM. Muj:Cabdiraxman Axmed Cali.(Tuur). Subaxnimadii 30.12.1990, ayaa Guuto ka mida Guutooyinkii SNM, oo ahayd Guutada Koodbuur, oo uu Hogaaminaayey Mujaahid Xasan Maxamed Ubaxle (Xasan Ganey). iyo Ciidan deegaanka ahi, ay labba jiho ka soo galeen magaalada Baligubadle, iyagoo ku guuleystey Ciidankii Somaliya, ee magaalada Qabsaday inay, debeda uga saaraan. Waxaana dagaalkaas ku dhintay Mujaahidiin shan iyo tobban gaadheysa, oo uu ku jiro Muj.Maxamed AW Ismaciil oo ahaa Gudoomiyihii Magaalada Baligubadle. Haddaba Maanta Waa sidee Magaladii Baligubadleh 28 Sanno kadib? Su’aashan oo aan u banadhigay Qaar kamid ah Dadkii intaas oo dhan ku noolaa magalada ayaa ka muujiyey walaacyo aad u darran, iyo maamul la’aan baahsan oo ka jirta guud ahaan gobolka Hawd gaar ahaan Magalada Baligubadle. Dadka aan weydiiyey waxay ii sheegeen in Kabayaashii dawladu uu meesha kamaqanyahay, isla markaana waxay cadeyeen in Dawladu Hal saldhig, laba dugsi iyo hal MCH oo caafimaadka ah ka hirgelisay, laakiin ay iska ilowday dhamaan daruuriyaadkii kale ee Nolosha oo ay ugu Muhiimsanyihiin Biyaha iyo Daaqa oo Dadka degaanku Badi ay u badanyihii Beeralay iyo Xoolo dhaqato. Dadka degaanka ayaa ku dhawaaqay Muddo sanaddo badan laga joogo in ay dhisaan waddada u dhaxaysa Baligubadleh iyo Caasimada Somaliland Ee Hargeysa, Laakiin intii taaktooda ah markii ay ku guulaysteen ayaa meesha waxaa ka baxay balanqaadyo dhowr ah oo Dawlada iyo Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo ay kaga dhawaaqeen baligubadle dhexdiisa. Ilaa Hadda Baligubadle kama muuqadaan astaamo sheegaya In Xukumadihii kala dambeeyey ee Axmed Siilaanyo Iyo Dalwaddan hadda ee Madaxweyne Muuse Biixi ay ka hirgeliyeen, Waxaa kajira Khilaafyo baahsan oo badiba soo kala dhex gala, qaybaha sar sare ee Dawlada ka jooga oo u badan dad iska shaqaysato ah, oo ku kala baahsan gobolada kale ee Somaliland. Baligubadle waxaa kuyaaley Kastam ay kasoo Xaroodaan dhaqaalaha iyo Takhliga gobolka hawd ku shaqeeyo, Laakiin Muddo sanado laga joogaba ma shaqaynin Kadib markii Xukumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo u wareejisay Kastamkii Gobolo kale, Isla markaana kala dirtay Shaqaalihii joogay. Magaaladan Taariikhda iyo Ilbaxnimada weyn kuleh dib u Xorayntii Somaliland, Isla markaana ahayd 28 sanno kohor maanta oo kale magaalo la aqoonsanyahay wakhtigaasna lagaga sheekaysan jiray Villa Somaliya ayaan Maanta lugu soo Hadal qaadin Madaxtoyada Somaliland. Dad da’a ah oo aan la kulmay ayaa ii sheegay in Caruurtoodii oo Xiligaas ahaa kuwo mudakiriin caqli wanaag lasoo barbaaraya ay ku waayeen dagaladii ka dhacay baligubadle, kuwaas oo ku cataabay In dawladii Axmed siilaanyo iyo Dawladan Madaxweyne Muuse Biixi aanay waxba ka qaban baahiyahooda. LASOCO QAYBTA XIGTA Wabilahi tawfiiq. Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland Qaran News
  13. PUNTLAND DIASPORA FORUM DOORASHADA MADAXWEYNAHA PUNTLAND BAAQ FURAN IYO BARAARUJIN 23 December 2018 KU: Dhammaan Murashixiinta u tartamaya xilka Madaxweynenimo ee Puntland KU: Guddiga Xallinta [...] Source
  14. HOYGII ROOXAANTA DHIIGA JECEL (MUQDISHO) Q.1AAD Qalinkii Cabdi Caawiye Yaa Muqdisho sidan ka dhigay? 30 sannadood maxaa xal loogu waayey? 30 kaa sannadood yaa dhibka Ku hayey? Waxaa sida dayaxa u cad oo lawada ogyahay aduunyada ilaal halka cadceedu kasoo baxdo ilaa halka ay ka dhaco xaalada caasimada u ah ee soomaaliya. Marka dadku soo xasuustaan ama dhagahooda ay kusoo dhacdo muqdisho Waxaa ogaalkooda iyo malahooda kusoo dhaca qaraxa ama dad tacshiirad lagu furey.waxa kale ogaalka dadka kusoo degdega xukun laysku hayso mooshin laysku boobaayo, saxaafad la toocinaayo, weriye xalay lagu dilay meel uu Ku caweynaayey, askar toogatay dad rayi, qarax lala beegsaday meel hebla.IWM. Haddaba waxa aan si hoose ugu dhaadhici magaalada aan Ku magacaabay hoygii rooxaanta iyo dhiiga oo aan macnaha uga jeedo meel aan cid wax dilaysa iyo ujeedo ay u dilayso oo cadaana ilaa hadda la garanayn, meel 30 sannadood aan yididiilo fiican aanay kaba soo muuqanayn, kuwa sidaa u galayaana ay yihiin kuwii dadku aamineen ama qaar muwaadiniin iska dhigayey oo xoog ku qabsaday. Waxa maankayga kusoo dhacay HAL-ABUURKII MAXAMED XASHI DHAMAC GAARIYE midho ka mid ahaa MAANSADIISII DABA-TAXAN Nin dawee la leeyahay Dambi uu badh leeyahay Xalka doon la leeyahay Isaguu u daranyoo Inuu daaro ma ogala markasta oo loo kaco oo aduunku wax isku geegeeyo waxa bidhaama ifiin la is yidhaahdo waxa soomaaliya u beryey waa cusub oo nabad iyo dagaan ayey heleen. Maalmo ka dib waaba tii oo kasii dartay oo hub iyo aalado wax gumaada la isku helay.waayo dhibaatada waxa wada kuwa xalka wada qaar ka mid ah. Bal hadda aynu kasoo bilowno markii ay dhacday dawladii KALIGII TALISKII SIYAD BARRE markii ay burburtay, inkstoo ay u nolol iyo mustaqbalba dhaantay dadka rayidka ah ee ay dadka rooxaanta iyo bahalaha noqday ee maalin kasta gumaadaya hooyooyin iyo dhalaan aan ab iyo isir far iyo fikir mid na ku lahayn dilkaa iyo qaraxaa ku dhacaaya. soomaaliya waxaa ka bilaabmay dagaalo iyo qulqulatooyin sokeeye kasoo ilaa maanta raad Ku leh ta socota. Muqdisho waxay noqotay magaalo lagu cuno unuunka abaydibka iyo hooyada madfucu ka dul heesayey 30 sannadood, waxa ay noqotay god ka mida godadka naarta macnaha dhibka badan ee ka jira awgeed. Haddaba markii laga takhalusay nidaamkii macangaga ahaa ee SIYAD BARRE AHN ,isagoo kaliya lagama takhalusin ama lama ridine waxa la raaciyey nidaamkii kala dambayntii, wadaninimadii, iyo iimaan qabkiiba. Waxa fadhato iyo bililiqo lugu bilaabay xarumihii dawlada ee uu yaalad asadkii iyo docomentigii dadka soomaaliyeed. Waxa la galay jahan wareer iyo ninkastaaba kii uu godobta uu u hayey ee ay dawladu ka hor taagnayd uu qori caaradii Ku raadsado. Intaa ka dib iyadoo dhibkaa badani baahay waxaa lagu dhaqaaqay oo la isugu habar wacaday dawlad in la dhiso oo xisiloonidii iyo kala dambayntii lasoo celiyo. Waxaana la dhisay dawlada loogu magac daray SAL-BALAADH oo ah halkii ay kasoo bilaabantay qulqulatooyinka siyaasadeed iyo aargoosiga qabyaaladeed ee ay sodonka sano ay dhex muquuranayso muqdisho iyo inta hoos timaada oo uu madaxweyne ka ahaa GEENERAL MAXAMED FAARAX (CAYDIID) marka hore waxaan soo gudbin doonaa daariikhdii Caydii bilow ilaa dhamaad. B. YUU AHAA MAXAMED FARAX CAYDIID? 15 Diseembar 1934 – 1 Agoosto 1996) Wuxuu dhashay taariikhdu markay aheyd 1934, wuxuuna ku dhashay Magaalada Beledweyne- ee Gobolka Hiiraan. Wuxuu ahaa nin ka tirsan ciidamada Soomaaliya isla markaan ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeed[1] Iyo madaxweynihii Dawladii SALBALAADH Wuxuuna ifka uga tagay 14 caruur ah.mahad,saciid.cabdıcasıs.yusuf.cabdirahman WAXBARSHADIISII 1946–1949:Dugsiga Hoose,dhexe: Mo 1952–1953:Dugsiga Tababarka ee Dhanaane Accountancy and Office Management. 1953–1954:Dugsiga Xamar Jajab. DHANKA CIIDMADDA IYO XILAALKII UU SOO QABTEY (MILITARY ACADEMY) Wuxuuna ka qaatay Diploma. Wuxuuna ku bartay Cilmiga kala duwan ee Militariga (Military sciences), wuxuuna noqday Sarkaal Militari, Maadaama marka uu dalka ku soo noqday la Baabi’iyay militarigii talyaaniga ee ka jiray dalka, wuxuu ku biiray ciidanka Booliiska, darajadiisuna waxay aheyd labo xiddigle. 1956–1956: Wuxuu qaatay tababar- howlaha ciidanka, Mogadishu, Somalia. 1956–1960: Military academy- Cesano, Roma, Italy. Wuxuu ku soo qaatay tababarka Hogaaminta Ciidamada, wuxuuna ka qaatay Diploma. 1963–1966: Akademiyada sare ee Istaraatiijiyada dagaalka iyo hoggaaminta (Frunze Academy- USSR), wuxuuna ka qaatay Diploma. WAAYO ARAGNIMADII SHAQO (EXPERIENCE Lasoco qaybo badan oo dambe Qalinkii Cabdi Cawiye Shaywaal12@gmail.com +252636115877 Qaran News
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-241218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho:- War aynu ka helnay ilo ku dhow-dhow madaxtooyada dowladda federal-ka Soomaaliya ayaa sheegaya in maalinta berri ah (Dec.25,Talaadada) uu magaallada Garowe ku soo fool [...] Source
  17. (SLT-Burco) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Saylici iyo xubno Wasiiro ah ayaa Gurigiisa uu ka deganyahay magaalada Burco ku booqday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi ) Hoos ka DAAWO Source
  18. (SLT-Finland) Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa eheladii Ka Tacsi yadeeyay geerida Ciyaartoygii aha aha Goolhayaha xulka Qaranka Somaliland oo shil gaadhi Hargaysa ku geeriyooday. Dhanbaalka Tacsi da Guddoomiye Cirro oo uu soo gaadhsiiyay shabakada wararka ee Somalilandtoday ayaa u dhignayd sidan . TACSI GUDDOMIYE : إنا للة و إناإلية راجعون Guddoomiya xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, ka guddida fullinta, ka garabadda dhallinyarada, haweenka, laamaha dibadda iyo taageerayaasha xisbiga ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa-ba; Waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guddomiyaha gobolka Sanaag ee xisbiga WADDANI mudane Maxamed Jaamac Daadey oo geeri naxdin-lihi kaga timid shil gaadhi oo maanta ka haleelay inankisii marxuum Cabdirisaaq Maxamed Jaamac Daadey Alle ha u naxariistee. Dr Cirro waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka in uu Ilaahay godka u nuuriyo sida oo kalena uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iiman saadaq ahna ka siiyo. Aamiin aamiin. INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN. Waaxda warfaafinta xisbiga WADDANI. Hargeysa-Somaliland Source
  19. (SLT-Burco) Abwaanada ugu caansan gayiga Soomlidu degto, oo kala ah Cabdi Aadan Xayd (Qays) Xasan Xaji Cabdillaahi (Xasan) Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), Muuse Cali Faroor, Maxamed Aadan Dacar iyo aqoonyahano uu kamid yahay Jaamac Muuse Jaamac ayaa magaalada Burco wakhti xiiso Leh kula qaatay Abwaanka wayn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) Abwaan Hadraawi oo ay sugaan wadaag iyo saxiibi dhaw yihiin Abwaanadan ayaa xasuus dheer ay wada galeen, waxaana wajigiisa ka muuqday farxad xad dhaaf ah. Abwaan Hadraawi oo yara xanuunsaday baryihii u danbeeyay ayaa socdaalkan Saxiibadii oo Hargaysa uga yimi ay u ahayd siyaaro tariikhi ah. Somalilamdtoday/Burco/Office Contact@somalilandtoday.com Source
  20. (SLT-London) Badhasaabkii hore ee Gobolada SOOL, Awdal iyo Maroodi-Jeex Mustafe Cabdi Shiine ayaa sheegay In Siyaasiga Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geeljire) oo kamid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Somaliland Xisbiga KULMIYE ku qoonsaday aragtidiisa. Sidaana wuxuu ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga kaas oo u dhignaa sidan. “Abdilaahi Geeljire maxaa lagu galay, ma aragti ha yeelanbaa, tolow maxaa laga filaayay kol hadaanu xil xisbi iyo mid xukuumadeed oo uu aragtidiisa ka dhex sheego hadaanu hayn ma wixii kuu muuqda ha ka hadlin baa? Yaab?.” Source
  21. Waa maalintii u horreysay ee aan war ka doono golaha Wakiillada Somaliland oo markaas fadhiyadoodii u horreeyay lahaa. Qiyaastii dhawr bilood ayay xilka hayeen. Sidaan hugunka u raacayay ayaa anigoo baalla-daymoonaya galay hoolkii shirka ee mudanayaashu fadhiyada ku lahaayeen. Wuxuu ahaa dhisme qaddiim ahaa oo wakhtigaa ay fadhiyada ku qaban jireen. Marka laga soo galo albaabkii jihada koonfur-galbeed, dhinaca ugu dhaw ee bidixda waxa uu ahaa kaabaddii sare ee Shirguddoonku fadhiisan jiray. Midigta waxa kaa qabanayay taaggii (Stage) ay mudanayaashu ka hadli jireen wakhtiyada ay doodaha dhiibanayaan. Sidaan u socday baan kuraas halkaa ka soo jeeday oo saf ku jira aan fadhiistay! Waxa wakhtigaas safkaas fadhiyay laba nin. Hareeraha ayaan eegay, waxaan arkay in kuraasta kala yar sarraysa la fadhiyo. Buug yar oo aan sitay iyo qalin baan la soo baxay! Waxaan dareemay in labada nin ee dhinacyada iga fadhiyaa eegmo la-yaab i eegayaan! Mase u joojin ee qoraal baan iska bilowday! Meel qumaati toos ah oo kaabadda shirguddoonku saaran yahay hoosteeda ah waxa fadhiya oo saf ku soo jiray dhawr qof oo aanan garanayn waxay qabanayaan wakhtigaas! Nin aan goorahanba arkayay oo hadba dhinac noo dhaafayay baa ii yimi; “Ma saxafi baad tahay?” ayuu i waydiiyay isagoo doonaya inuu isqabadsiiyo da’dayda iyo mihnaddayda! “Haa” ayaan ugu jawaabay. “Xaggeed ka socotay?” ayuu ii celiyay. “Wargeyska Ogaal” ayaan ku idhi. Dabadeed inta uu garabkayga bidix gacantiisa saaray sidii uu ii yeedhayo, ayuu ii raaciyay, “Haddaba soo kac, halkani waa halkii Xildhibaannada’e, saxaafaddu halkan bay fadhiisataaye!” Markii hore waan naxay, haddana waxaan u bogay sida asluubta leh ee aan dhawaaqa lahayn ee uu wax iigu sheegay. Degdeg baan u raacay, dabadeed meel halkeer ah ayuu i fadhiisiyay kursi yaallay. Waxa fadhiyay nin aananu is-garanayn wakhtigaas, markii dambe se aannu isbaranay oo saxafi ahaa. Maalintii laga bilaabo halkaygaas waan la haystay in saxaafaddu fadhiisato! Waxaan u guntaday maalintaas laga bilaabo inaan dhismaha golaha, xildhibaannada magacyadooda oo saddexan iyo gobollada laga soo doortay, habshaqada golaha iyo wixii kale ee la xidhiidha aan barto. -Labada nin ee aan dhex fadhiistay markii dambe ee aan kala bartay waxay noqdeen Xildhibaan Aadan Tarabbi Oogle (Allahaa u naxariistee beri dambe dhintay) iyo Xildhibaan Maxamed M. Cumar-Xaashi. Ninka i saxay ee sida wacan ii soo dhaweeyay wuxuu ahaa; Siciid Jirde Haybe Jire, wuxuu ka mid ahaa hawlwadeennada Golaha Wakiillada ~ wali ma illoobo. -Ninkaannu is-agfadhiisiga ku jaarnay ee markii dambe isbaranay wuxuu ahaa Saxafi Maxamed Axmed Sagax. Aniguba shalay! #Aqoonkorodhso #Anigubashalay Source
  22. Adis Ababa, Nairobi,Xuduuda Kenya, Kismaayo iyo Muqdisho ayaa Sugida amaanka kor loo qaadey cabsi laga qabo in Al-shabaab ay soo maleegaan weeraro qorshaysan Kala guurka [...] Source
  23. Inkastoo ay lama huraan tahay in dhaqanka iyo sharafta ummadda la ilaaliyo, waxyaalo hore loo yidhi oo deelqaafa ku ah qof ama beelna aan qoraal la gelin, haddana maaaha in lagu taliyo oo ay dhaqan noqoto in buug la gubo. Inkasta oo aanan buugga akhriyin, sida aan warka ku hayo, qoraaga buugga “Soyaal” wuxuu dood cilmiyeysan ka furay taariikh hore oo qofba si u haysto. Murakana waxa keenay tusaaleyaal uu soo qaaatay oo uu ku adkeynayao doodiisa. Qoraagu ma gabyin, buuguna kuma saabsana gabayo qabiil ama hablo sharaf mudan hore loogu aflagaadeeyey, wuxuuse soo qaatay tusaalayaal xoojinaya doodiisa, taasoo shakhsi ay qoraaga is hayaan si khaldan u isticmaalay si uu u abaabaulo kacdoon ka dhan ah qoraaga ay is hayaan iyo buuggiisaba. Waa wax runtii aad looga naxo in odayaal ku taliyaan in buugga la gubo oo weliba ay soo jeediyaan inaan la qori karin buugaag ay ku jiraan gabayo hore loo toriyey oo qabaail lagu af lagaadeynayo. Shirkadaha daabacada ayay tahay ijay hubiyaan waxa buuga ku qoran inta aanay daabicin. Haddiis ay dhacday inay daabaceen buug ay dadka qaar dhibasdeen waxay ahayd in buugga la geliyo “restricted circulation” oo aan bulshada loo soo bandhigin oo meelo gaara lagu hayo, waxa dhici karta in jiilaasha soo socdaa ka fiideystaan nuxurka guud ee buugga ee aanay macno badan u samayn waxan hadda laga cabanayo ee tusaale ah. Xal maaha .noqonmayso buug la gubay, waxayse horseedi doontaa dhaqan xun oo liddi ku ah horumraka fikirka iyo dood curinta. Inkastoo aanu golaha guurtidu goaan rasmi ah kasoo saarin gubitaanka buugga ee ay talo soo jeedin ay odayaal guddi ahi soo jeediyeen, haddana soo jeedinta laftigeeda ayaa saamayn leh. Odayaashu waxay ku fiicanayd inay yidhaahdaan buugga ha laga saaro inta laga cabanayo oon ka badnayn toban sadar, qoraaguna waa inuu raali gelin siyaa ciddii ka cabatay buugga, laakiin maaha in buuga la gubo oo weliba la yidhaaho waxa loo gubay qayb ka mid ah gabay uu qof aflagaadoonayaa hablo sharaf leh kula dul kufay oo tusaale loo soo qaatay. Waxa kale oo iyana werwerkeeda leh war uu soo saaray wasiirka cusub ee waxbarsahadu oo uu ku mamnuucay furitaanka iskuulada gaarka loo leeyahay, oo runtii ahaa mishiinka wada waxbarshada dalka. Ma waxaynu galnay xilli aqoonta lala dagaalamayo. Arrintan ha laga fiirsado wasiirkana ha loo caqli celiyo. Abokor Baruud Baruda2006@gamil.com baruda2006@gmail.com Source