-
Content Count
207,158 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga ee dalka Kenya ayaa booqasho aan hore loo shaacin ku tagay qaar ka mid xarumaha Ciidamada Kenya ee Soomaaliya. Raychelle Omamo wasiirka Gaashaandhigga Kenya iyo Taliyaha Ciidmada Milatariga ee dalkaasi Samsom Mwathethe ayaa gaaray deegaanada Manda,Huluuqo iyo Kulbiyow oo ku dhow xadka Kenya, halkaas oo Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin saldhigyo. Wasiirka Gaashaankdhiga oo Ciidamada kula hadashay saldhigyadooda ayaa ugu hambalyeysay Ciida Chrismiska oo maanta ku began. Raychelle Omamo ayaa Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowg Afrika ee Soomaaliya ku ammaantay doorka ay ka qaateen la dagaalanka Al Shabaab. Booqashada wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidamada Millatariga ee dalka Kenya ayaa ku soo beegmeysa, xilli ay socdaan duulaan Ciidamada AMISOM ay ku qaadayaan deegaanno ku yaalla gobollada Jubbooyinka oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab. The post Wasiirka Difaaca Kenya Oo booqatay Jubbooyinka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kenya Defence Cabinet Secretary Raychelle Omamo and Chief of Defence Forces Samson Mwathathe have made surprise visits to Kenya Defence Forces (KDF) soldiers serving in different parts of Somalia. Omamo said the visit was to appreciate sacrifices the soldiers and their families had made to sustain a war against al Shabaab terrorists and secure Kenya. In a moving message to the soldiers, Omamo said it was not an ordinary everyday choice for anyone to put their lives in danger to protect the lives of others. Omamo and Gen Mwathethe were on a military camps surprise visit that saw them surprise the hardworking men and women of KDF who are on duty in Somalia. The visit took the duo to Manda, Hulugho, and Kolbiyow military camps and thanked them for their dedication to duty which they affirmed is what’s keeping Kenya safe. “I have come here to be with you and to share the spirit of this season with you, exceptional brave men and women. I want to let you know you are appreciated and that Kenyans are proud of you. We appreciate that you have stood firm and fought off threats to our motherland and stood firm, even in the face of great challenges. We thank you for the sacrifices you have made, even beyond the call of duty,” CS Omamo said. During her visit, the Defence CS intimated that her visit was also to see and experience the soldiers’ everyday life in order to find out how she can better support the soldiers. “I wanted to see your faces listen to you and your Commanders, to enable us to support you in the successful execution of your mandate here. Because of your diligence, you exemplify the heart of Kenya. You are symbols of all that is worthwhile in our country. You have successfully stood firm as the shield of Kenya, and for that I thank you” she said. The Cabinet Secretary also honored heroes who had paid the ultimate price in the service to the Nation, saying that their sacrifice was not in vain further wishing the troops and their families back home a Merry Christmas and a happy 2019. On his part, Gen Mwathethe conveyed Christmas greetings and thanked the soldiers for ensuring that Kenyans went about their daily lives in peace. “Your being here will enable Kenyans to enjoy their Christmas and New Year festivities since they know that you are standing guard, ensuring the country is safe.” he said. He also recognized the sacrifices made by KDF families. “Let me thank your families at home for the great sacrifices they make, being apart from you, especially at this festive time,” the CDF said. Mwathethe further indicated that the government was aware of the various challenges the soldiers faced in ensuring the country is safe promising that they were being addressed. “Through modernization programs, the government has been constantly improving your capabilities in order to ensure that you surmount any challenge that may come your way and that your needs are met. I thank Service Commanders who have been at the forefront in making sure that you have what you need,” he said. The CDF joined the CS in paying glowing tribute to those who had paid the ultimate price in defense of the Nation and also prayed for those recuperating to get well soon. The post Kenyan Defence minister surprise Christmas visit to KDF soldiers in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Riyaadh ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xildhibaan Sheikh Nuur Maxamed Xassan oo maalmahan howlo shaqo ku joogay Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta kulan la qaatay Madaxda Hay’adda u adeegta Xujayda Dowladaha Carabta. Waxaa Wafdiga Wasiirka soo dhawayn u sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Eng. Cabaas Cabdulqani Qudbaan & Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda. Labada dhinac waxaa ay dib isula eegeen caqabadihii qabsaday Xujayda Soomaaliyeed sanadkii la soo dhaafay, iyada uu Wasiirku xoogga saaray sidii xujayda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg ku tayo ah xujayda dowladaha kale ka yimaada. Wasaaradda & Hay’adda ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay tayaynta adeegga la siiyo Xujayda Soomaaliyeed inta lagu guda jiro acmaasha Xajka. Dadaalka wasiirka ayaa wax wayn ka badalay haybadda xujayda Soomaaliyeed maadaama sanadkan 2019 ay Soomaaliya ka xajin doonaan 11,500 si la mid ah dowladaha Caalamka isla markaasna ay heli doonaan adeeg la mid ah xujayda kale. The post Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS oo la Kulmay Madaxda Hay’ad u adeegta Xujayda Dowladaha Carabta appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caaismada Online) – Kadib kulan looga hadlaayay amniga oo ahaa mid deg deg ah laguna qabtay Magaalada Garoowe ayaa waxaa laga soo saaray amaro ku socda Ciidamada Puntland iyo musharixiinta Madaxweynaha Maamulkaas. Wasiirada Amniga, Warfaafinta iyo taliyaha Ciidamada Amniga doorashada Puntland ayaa si wadajir ah u soo saaray amaradaas oo inta badan ku saabsanaa suggida Amniga. Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad) ayaa sheegay in musharixiinta Madaxweynaha looga baahan yahay inay xakameeyaan Ciidamada ay wataan xilliyada ay ku jiraan ololaha doorashada. Waxa uu sheegay in Magaalada Garoowe gudaheeda aan lagu arki karin ciidamo aan aheyn ciidamada loogu talo galay Amniga doorashada Puntland, hayeeshee ciidamada kale iyo kuwa musharixiinta looga baahan yahay inay Xarumahooda ku ekaadaan. Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad) ayaa sidoo kale faray Ciidamada ku jira furumaha dagaalka sida Tukaraq in xilliyada ay soo aadayaan Magaalada ay ku soo galaan, iyaga oo Shacaba ah oo hubkoodii iska-soo dhigay. Dhinaca kale, taliyaha ciidanka badda ahna taliyaga sugidda amniga Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in la bilaabayo howlihii ugu danbeeyay ee lagu xaqiijinayo amniga magaalada Garoowe iyo guud ahaan deegaanada maamulka Putnland si aan loogu soo dhexdhuumanin, asagoo soo rogay amarro lagu joojinayo ciidamada shaqada ka fadhiya iyo hubka sharcidarada ah ee lagu dhexwato magaalada Garoowe gudaheeda ayada oo laga digtoonyahay in wax qalada ay dhacaan inta lagu guda jiro doorashada dhowaan la filayo. “Waxa aan annagu aan hadda ka shaqeynayno waxaa weeyaan inaan sugno ammaanka magaalada Garoowe iyo guud ahaan deegaanada maamulka uu ka taiyo, waxaana u sugnay si dhab ah oo siduu cadawgu marnaba uuna nooga faa’iidaysan, Soomaali diidka iyo inaan xakamayno dhaqdhaqaaqa, ciidamada aan shaqyen iyo hubka sharci darada ah iyo waliba gaadiidka”. Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo sii hadlaya “waxaa leeyahay hubka waxii maanta ka danbeeyo magaalada Garoowe ee caasimada Putnland waxaa la dhexmari karaa oo kaliya hub sharci ah, markaan leeyahay waxaa waaye in ciidamada ammaanka sugaya oo loo xilsaaray iyo kuwa booliska ayaa waxa ay la dhexmari karaan oo kaliya hubka magaalada Garoowe” isaga oo intaasi raaciyey “Ciidamada kale ee ka imaanaya meelaha kale ama haya shaqooyinka kale iyagu waxa ay tagayaan meeshii ay u socdeen lamana ogolaanayo inay magaalada hubkooda la dhex maraan” Taliyaha ayaa sheegay xakameynta hubka iyo ciidamada aan cid gaara loola jeedin ee kaliya ay la xariirto sugitaanka ammaanka, amnigooda oo kaliya ay tahay ujeedada, oo aaney aheyn wax cid gooni ah loogu talo-galay in lagu carqaladeeyo. “Waxaa jira musharaxiinta, waa musharaxiintii madaxweynaha maamlka Putnland, sharaf iyo qadarin ayey ciidamada ka mudan yihiin, waa mawaadiniin in lagu xadgudbana xaq ma ahan, ayaguna waa inay ogaadaan inaan ku mashquulsanahy siday u tartami lahaayeen’. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Warar ay Al Shabaab ku baahiyeen boggagooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in qarax xoogan ay la eegteen Ciidamo ka tirsan kuwa K/ Galbeed Soomaaliya, kaas oo ka dhacay xaafadda Hareeri Kaadiyow ee magaaladaasi. Al Shabaab ayaa sheegay in qaraxani ay ku dileen illaa 4 Askari, kuna dhawaaceen 10 kale oo ka tirsanaa Ciidanka maamulkaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa ka hadlay qarax kale oo Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbalamd lagula eegtay M/ Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Qaraxani oo ka dhacay Xaafadda Fiya Afmadow ee magaaladaasi ayaa waxa ay Al Shababaab sheegeen in ay ku dhaawaceen illaa 2 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka maamulkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maaamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ku aadan qaraxyadaasi. Inta badan Dagaalyahannada Al Shabaab oo weli ku xoogan dalka ayaa weeraro ka fuliyay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo sheegtay qaraxyo ka kala dhacay Kismaayo iyo Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Musharax Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa kasoo muuqday kulan su’aalo weydiin ah oo ay soo abaabushay Jaamacada Puntland, kaas oo ka dhacay magaalada Garoowe. Waxaa jira warar sheegaya in musharaxiin badan ay diideen kulanka noocaan ah. Dooddu waxey u muuqatay mid aan waxba la isu reeban, laakiin Juxa oo ay reer Puntland ugu yeeraan ama ku sheegaan inuu lee yahay astaamaha ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa jawaabo cadcad ka bixiyay doodda. Waxaa halkaan kusoo koobnay qaar ka mid ah su’aalihii muhiimka ahaa iyo jawaabihii uu ka bixiyay. Lacag ma bixineysa si laguu doorto ? Juxa wuxuu ayaan daro ku tilmaamay, 20 sanno kadib in qayimka hogaanka Puntland inuu yahay lacag, wuxuu sheegay in siyaasadu aaney aheyn meel laga macaasho, balse ay tahay wax siyaadin, mustaqbalka oo laga fakaro iyo in raad fiican laga tago, wuxuuna kula taliyay kuwa siyaasada lacagta ka raadinaya iney dukaamo furtaan. Juxa wuxuu qabaa in dhallinyarada sanadkaan loo soo xulaayo Baarlamanka Puntland in aaney lacag doon aheyn. Arrinta gobalka Sool ? Musharax Juxa wuxuu qabaa in arrinta gobalka Sool aan laga dhalin mid ololaha doorashada lagu galo. Wuxuu sheegay in arrinta gobalkaas ay tahay mid Dastuuri ah oo in lasoo celiyo ay muqadas tahay. Heshiiska DP World ? Juxa waxaa uu sheegay in hadii la doorto uu soo dhoweyn doono dhamaan wixii maalgashi ah, uuna si fiican ula macaamili doono hay’addaha caalamiga ah. Wuxuu sheegay inuusan aqrin heshiiska DP World iyo Puntland balse hadii la doorto uu dib u eegis ku sameyn doono wixii qaldan, lagana saari doono hadii ay ku jiraan wax bulshada dhibaya. Arrinta Federaalismka ? Wasiirkii hore arrimaha Gudaha, wuxuu sheegay inuu wax badan ka qabtay arrinta Federaalka intii uu xafiiska joogay, wuxuu ku tilmaamay inuu yahay wax ay Soomaalidu ku heshiisay oo u baahan in la hirgaliyo, lana ixtiraamo. Juxa ayaa isku qeexay nin xogogaal ah, xaalada Puntland iyo dadkeeda wax badan kala socda, oo aan dibbada kasoo shaqo tagin, una baahan inuu dadkiisa u jiheeyo meesha ay ku haminayaan. Dadkii doodda ka qeyb galay ayaa sheegay iney ku qanceen jawaabaha uu bixiyay Juxa. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-251218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Yaa,Maxaase ka reebay doorashada Puntland Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke? Sida ay Xoggo hoose oo warbaahinta loo soo dusiyey tibaxayaan, Cumar Cabdirashiid iyo Imaaraadka shir ay dhawaan ku yeesheen magaalada Dubai ayaa lagu kala dooran siiyey laba midkood; 1 – Halagugu taageero doorashada Puntland, 2 – Ama doorashada 2021-ka Soomaaliya. Ilo wareedyada la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Cumar Cabdirashiid doortay doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya la filayo in ay ka dhacdo 2021-ka, oo booska Puntland loo daayey Cabdiweli Gaas iyo Siciid Deni kii guuleysta. Siyaasiyiinta ugu cad cad ee qorshaha kowaad iyo Labaad u ah Imaaraadka ee Puntland waa Cabdiweli Gaas iyo Siciid Deni. lama hubo in taageerada Imaaraadku wax u tari doono Cumar Cabdirashiid, waxaana jirtay in malaayiin dollar oo ay ku bixiyeen sanaddii 2017 ay waxba tari wayday. Qaran News
-
Xili ay maalmo ka harsan tahay doorashada maamulka Putnland, ayana socdaan qaban-qaabadii ugu danbeysay ayaa dhanka kale waxaa socda howl-gallo ammaanka lagu adkaynayo, waxaana isniintii shir isugu yimid gudigga ammniga oo kala ahaa wasiirka aminga, wasiirka warfaafinta, guddoomiyaha gobalka iyo taliyaha sugidda loo xilsaaray doorashada inta lagu guda jiro , waxaana shirka laga soo jeediyay qodobo amniga horay looga soo saaray iyo halka ay marayaan iyo waxa laga qabtay amniga maalmihii la soo dhaafay . Taliyaha ciidanka badda ahna taliyaga sugidda amniga Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in la bilaabayo howlihii ugu danbeeyay ee lagu xaqiijinayo amniga magaalada Garoowe iyo guud ahaan deegaanada maamulka Putnland si aan loogu soo dhexdhuumanin, asagoo soo rogay amarro lagu joojinayo ciidamada shaqada ka fadhiya iyo hubka sharcidarada ah ee lagu dhexwato magaalada Garoowe gudaheeda ayada oo laga digtoonyahay in wax qalada ay dhacaan inta lagu guda jiro doorashada dhowaan la filayo. “Waxa aan annagu aan hadda ka shaqeynayno waxaa weeyaan inaan sugno ammaanka magaalada Garoowe iyo guud ahaan deegaanada maamulka uu ka taiyo, waxaana u sugnay si dhab ah oo siduu cadawgu marnaba uuna nooga faa’iidaysan, Soomaali diidka iyo inaan xakamayno dhaqdhaqaaqa, ciidamada aan shaqyen iyo hubka sharci darada ah iyo waliba gaadiidka”. Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo sii hadlaya “waxaa leeyahay hubka waxii maanta ka danbeeyo magaalada Garoowe ee caasimada Putnland waxaa la dhexmari karaa oo kaliya hub sharci ah, markaan leeyahay waxaa waaye in ciidamada ammaanka sugaya oo loo xilsaaray iyo kuwa booliska ayaa waxa ay la dhexmari karaan oo kaliya hubka magaalada Garoowe” isaga oo intaasi raaciyey “Ciidamada kale ee ka imaanaya meelaha kale ama haya shaqooyinka kale iyagu waxa ay tagayaan meeshii ay u socdeen lamana ogolaanayo inay magaalada hubkooda la dhex maraan” Taliyaha ayaa sheegay xakameynta hubka iyo ciidamada aan cid gaara loola jeedin ee kaliya ay la xariirto sugitaanka ammaanka, amnigooda oo kaliya ay tahay ujeedada, oo aaney aheyn wax cid gooni ah loogu talo-galay in lagu carqaladeeyo. “Waxaa jira musharaxiinta, waa musharaxiintii madaxweynaha maamlka Putnland, sharaf iyo qadarin ayey ciidamada ka mudan yihiin, waa mawaadiniin in lagu xadgudbana xaq ma ahan, ayaguna waa inay ogaadaan inaan ku mashquulsanahy siday u tartami lahaayeen’. Dhanka kale wasiirka aminaga Puntland Axmed Cabdullaahi Doowlad ayaa sheegay in magaalada ay ku jiraan ciidamo badan oo loogu tala galay sugidda amniga asagoona bulshada ka codsaday in ciidama amanka iyo shacabku wada shaqeeyaan. “Waxaan rabnaa marka inaan faafaahin siino dhamaan dadweynuha ayagoo og ciidankoodu inuu sugayo amniga, ayagana laga rabo inay garab istaagaan ciidama sidii ay u gutaan shaqadii loo idmaday, dhamaan shacab reer Putnland waxaan ka codsaneenaa si au wadaninimo ku jirto ula shaqeeyaan ciidanka. Wasiirka warfaafinta Cabdi Xirsi Cali Qarjaf ayaa shacabka u soo jeediyay in si wada jira looga shaqeeyo ammaanka waxa uuna baaq udray musharaxiinta. “Musharaxiinta xilka madaxweynanimo u tartamaya nin waliba waxa uu doonayaa inuu ka noqdo madaxweyn, musharaxiinta ayaga ayaa laga raba sida ugu caafimaadka badan ugu amaanka badan inay qeyb uga qaataan ammaanka sugudiisa”. Shirkaan looga hadlayay amaanka ayaa waxa uu qeyb ka noqonaya shirar magaalada ka socda oo doorashada la xariira dhanka kale waxaa magaalada uu ka dhacayo shir u dhaxeeya gudiga warfaafinta baarlamaanka iyo saaxaafa oo looga wada hadlayo sidii saxaafada ay u tabin laheyd doorashada Janaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bashiir Cilmi Maxamed oo ka mid ahaa laacibintii ugu wanaagsaneyd ee dalka soo maray iminkana ah madaxa wafdiga kooxda kubbadda cagta Som United ee maal mahan caasimada Muqdisho u joogta ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho ayaa sheegay in uu sugi la yahay kulan adag ee labada dhinac. “Waan ku faraxsanahay in sanadka sii dhamaanaya ee 2018 aan caasimada u imaado horomarin iyo is dhaxgal bulsho waxaan sugi la ahay kulanka adag ee dhex maridoona ciyaartooyda Som United iyo L.L.P Jeenyo ee aan horay ugu mid ahaa dadkii kusoo baxay dibna usoo nooleeyay”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Bashiri Cilmi Maxamed Bashiir (Jeenyo). Tariikhda Ciyaareed Bashiir Jeenyo Oo Kooban Bashiir Cilmi Maxamed,wuxuu ku dhashay Xamar dagmada wardhiigley 1955kii.wuxuu ku barbaaray Xamar wuxuuna ciyaarta kubbadda cagta ku soo biiray 1969kii,isagoo u saftay kooxda Xamar jadiid qaybta(B)wuxuu uga tallaabay kooxaha waaweyn qaybta (A) wuxuu u saftay kooxada(KAYD) 1970kii wuxuuna xiligaas soo bandhigay ciyaar iyo farsamo heer sare ah 1971 waxa uu ka mid noqday LL.PP Jeenyo. Bashiir waxaa loo magacaabay Xulka Qaranka 1973kii wuxuuna ka qayb galay ciyaaro fara badan oo ka dhacay dalalka Ugaandha, Tansaaniya, Abuu Dabay, , Liibiya, Burundi iyo Kiinya ,wuxuu ciyaaray 22 ciyaarood oo rasmi ah wuxuuna ka mid yahay ciyaaryahannada waaweyn ee dalkeena. 31-October 2016-Jeenyo ayaa ku guulaystay koobka Jeneraal Daa’uud waxayna kulankii fiinalka la ciyaartay kooxda Banaadir SC oo iminka loo bixiyay Muqdisho City Club kulankaas ayaa natiijo ahaan ku dhamaaday 2-2,balse gool ku laadyo ama (Penalties) waxaa koobka ku hantay wiilasha L.L.P Jeenyo oo waqtigaa hogaaminayay tababare Salaad Faarax. Bashiir Cilmi Maxamed Jeenyo ayaa waqtigaa usoo diray dhambaal hambalyo oo sidan u qornaa“Waad mahadsantihiin maamulka,ciyaartooyda iyo taageerayaasha L.L.P waan ku faraxsanahay koobkaas qiimaha badan ee aad ku guulaysteen waxaan idin lee yahay horay u socod wanaagsan ana waxaan ahay garabkiin waqti walbo oo la ii baahdo” Kulanka u dhaxeeya kooxaha L.L.P Jeenyo iyo Som United ayaa ah mid xiiso gooni leh maadama taageerayaasha kooxda ay isha ku hayaan layliyahooda cusub Axmed Tahliil Cali oo horaynaa u ahaa kabtankeedii. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Waxaa yaabka yaabkiis umadda reer Somaliland ku noqotay in ay ka war helaan dood ka dhacday Jabuti oo ay soo qabanqaabiyeen, Machad loogu yeedho Heritage oo qadiyada Somaliland lagaga doodayo ama qof walba waxay la tahay uu soo bandhigayo. Hada waa go’aankii umadda Somaliland ay ku gaadheen in ay dawladnimadoodii Somaliya kala soo noqdaan. Aqoonyahankan fududaay, qarkood waxayba u hadlayeen oo ay kuwa Somaliya ka socday waydiisanayeen in hoos loola eego waxa ay Somaliland tabanayso, si loogu gudbo waji kale oo lagu gaadhi karo isku soo noqosho kale. Wuxuu machadkani isugu yeedhay ilaa boqol iyo dheeraad qof oo ka socda Somaliya , dhawr reer Somaliland ah iyo Intii ugu necbayd jiritaanka Somaliland. Aqoonyahankii Somaliland shirka noocaas ah ayay dhex fadhiisteen oo la isla soo hor fadhiistay “adiga maxay kula tahay iyo adigana maxay kula tahay”. Sunxaanaka Yaa Cadiim, shidanaaba shidan. Hadaba, aqoonyahan, aan far waawayn kuugu qoro eh, arinkan idinka dood iyo fikir dhiibasho idiinla muuqdaa, waa go’aan umadeed oo sharci ah, kuna yimid wada tashiyo qoto dheer oo si mug leh looga baaraan degay. Mararka qaar waxaan meelahaa ku arkaa aqoonyahan Somaliland u doodaya, oo marka ay difacayaan dawlad la soo noqoshada Soamliland, ku saleeya doodoo arimo ay ka mid yiihiin: Haddanu reer Somaliland nahay waa nala laayey, Dawladii ayaan wax misaan leh nagala siin, IWM. Iyadoo qodobadaasi ka mid yihiin wixii dhariga karka ka keenay, hadana ma aha tiirarka ugu waawayn ee ay Somaliland dib uga soo noqotay hehiiskii 1960-kii. Walaaluhu had iyo goor waa isdagaalaan, waana ka heshiiyaan oo inta gar laguugu yimaado ayaa lagaa xaal mariyaa, khasaaraha ku gaadhayna waaba laguu mag dhabaa, Dawladdii lagaa qadiyeyna waaba laguu wada dhiibi karaa hadii ay intaa tahay waxa aad uga noqonayso heshiiskii lagu midoowbay. Somaliland sababaha dhabta ah ee ay Somaliya uga tagtay ma aha intaa oo qudha, ee waxaa jira mabda ka qara wayn kuwaa, ay aqoonyahanadu carabka ku adhkeeeyaan inta badan. Umadda reer Somlailand waxay daba socotay ilaa iyo markii ay dawladnimadeedii shuruud la’aan ku gaysay Xamar, oo ay hamuun ba’an u qabtay in ay mar uun hesho Somali isku dhan oo mid ah (Somaliwyn). Waxayse Somaliland arintaa dhulka iska dhigtay markii ay si waafi ah oo aan mugdi ku jirin ugu muuqatay, una taabatay in cid Somalinimo, sideeda ugu hamuun qabtaa aanay jirin. Somaliland, ka dib markii ay si miisaan leh uga arinsatay su’aalihii hor yaalayayey waxay si wada jir ah ugu tashatay in ay gooni u istaagto oo iyadu isku tashato. Bal hadda u fiirso waa markii ay wayday cid Somalinimo dank a leh. Ilaa iyo maanta dadkii aan wax wada lahyan, kama muuqato wax Somalinimo la yidhaahdo. Dadka aad u tagteen, ee Somalinimo kala hadlayseen, ma aha kuwo u jeeda ama u socday dareen wadanimo iyo somalinimo, ee waa dad aan cidna matalin, oo hadba dhaameelka ay NGO-du meelahaa ku qaybiyaan doonta. Waxaa umadda reer Somaliland ku adag in aqoonyahankooda uga shakiyaan, in ay iyaguba dhaameelkaa iyo dilaalida qadiyadda umaddooda ay wax ka dayayeen. Haddii ay aqoontiinu idinku filan tahay ama daacadnimadiinu shaki lahayn, waxaa idiin soo bixi lahayd in Ictraafka Somaliland aanu ku xidhnayn Xamar ee go’aankeeda ay leeyihiin quwadaha aduunyada xooga ku maamula, oo dawladihii Somaliland soo maray, aanay wali fool ka fool qadiyadeena u hor dhigin, kuna guulaysan in ay iyaga ku qanciyaan in ay aqoonsadaan dawladda Somlailand. Waxaa hubaal ah oo muuqata in quwadahaasi ilaa iyo maanta ay Dawladda Xamarna ugu talo galeen in aanay dhulkaba ka kicin, Dawladda Somalilandna ay cagaha iskaga duubaan si aanay meel fog u gaadhin. Aqoonyahan, iyadoo umaddu aanay kuuba diidanayn in aad kaalintaa aqoonyahan ee aad isu magacowday, Somaliland u buuxiso, waxaad maanka ku haysaa in aynaan ahany jabhad ee aynu gaadhay dawladnimo buuxda oo sharci ah. Arimahan aad sahalsanaysaan ee aad “aniga waxay ilatahay” shaashada la soo fadhiisanaysaan, waa arimo umad dhami leedahay oo dastuuri ah, oo miisaankooda leh, oo ka soo maaxay garaadka umad dhan oo reer Somaliland. Umaddu arimahan miisanka noocaas oo kale leh, waxay u igmatay dawlad ay kala xisaabtamayso. Waxaan idinka waanineynaa, in aad ka waantoowdaan mustaqbalka in aad ka qayb gashaan shirarka N.G.O-yadu wataan ee lagu shirqoolayo, laguna wiiqayo rabitaanka dadkiina. In aad Somaliland aqoon yahan u tihiin cidina ma dafirsanma, laakiin qadiyada Somaliland ee umaddu wada leedahay kaligiin tunka kuma qaadan kartaan. Aqoonta (xirfad) iyo garaadku waa laba kala duwan isuna baahan, haddii wax idinka dhiman yihiin, garaadku umaduu ku jiraaye, ha is cajabinina kaligiine, umadda u soo noqda oo wax waydiiya. Dawladda maanta joogta ee Somaliland waxay umadda ugu muuqataa in xirfadeedu aanay dhaafsiisnayn heer maamul oo ay qaybtii hogaamintu meesha kaba baxday. Dawalddu in ay ku mashquusho hawlmaalmeedka shaqo ee maalinlaha ah, ma aha wixii ay umaddu uga fadhiday. Arimo faro badan oo dhacay intii ay dawladdani jirtay waxay kaga falcelisay oo runtii fajac ku noqotay umadda, inn ay ka aamusto. Umaddu waxay tabaysaa hogaan ka saari kara dhibaatooyinka nooc walba ah ee ku geedaaman. “Anigaa tan la ii doortay mana hadlayo”, waa xeelad aan hore loogu arag melena, oo xaqiiqatan ina dhaxalsiin karta dhibaatooyin sida looga dawoobaa ay adkaan doonto. Qoraalkani isma dul istaagayo dhaliilaha ay dawladan maanta joogtaa leeday, oo taa waxaynu ka leenahanay xisbiyo qaran, iskastoo aad moodo in ay libdheen oo la baafinayo, hadana waxaa waxgaradka umadda u muuqata in aynu madaxa la galnay xaalad asqo oo aanay muuqan haybad dawladeed iyo mid hogaamin oo aan meeshaba oolin. Waana ta keentay maanta in aqoonyahanku iska baal maro dadkii taladada dalka loo dhiibtay oo iyaguna xeeladoodii cajibka ahayhd ee ammus kaga falceliyiy. Madaxtooyada maanta talada dalka gacanta ku haysaa, umaddu ka yeeli mayso is yeel yeel danbe. Haddii ay aqoonyahanada aanay wax ka odhan falkan ay ku kaceen, sow N.G.O-yadu ku sii dhiiran mayaan qorshaha loo soo dhiibay ee ah in maalinba ururuda bulshadu ka kooban tahay ee Somaliland, qaar meel loogu yeedho oo layidhaado, idinkuna waa maxay fikirkiinu. Haddii tan laga aamuso, waxaa xigi in marba koox laga biliiqaysto Somaliland sida: ardayda jaamacadaha, ururada haweenka, ganacsatada, culimaa u diinka IWM. Haddii xukuumadani xakamayn waydo dhaqdhaqaaytda noocan oo kale ah, waxay ummadu u qaadan doontaa in ay iyadu hoosta ka wado mashruucanyadan lagu kala furfurayo Somaliland. Dawladda maanta joogta, waxay Umaddu faraysaa in ay dhamaanba joojiso wadahalada Somaliland iyo Somaliya ee ma dhalayska ah, heer Dawladded iyo heer nooc kastaba. Waa in ay dawladdu siyaasad cad oo aan mugdi lahayn ka soo saartaa, sidii qarankan gooni u isutaagiisa looga *****n lahaa. Umadda ma qabato, in Madaxtooyadu hadba ka jawaabto hadalada ka soo yeedha Xamar, ma noqon karaan wax u cuntami kara oo ay ku ganci karaan . Waa in ay dawladu curisaa siyaaasado cad cad oo lagu gaadhi karo himilooyinka reer Somaliland hiigsanayaan oo ay ugu wayn tahay ka mid noqoshada dawladaha caalamka oo laga dhabeeyo. Shacabka reer Somaliland waa dad xariir ah oo dulqaadka iyo samirka badan. Waxaaba mararka qaarkood inoo soo baxda in dad garaadku ku yar yahay ay u qaataan dulqaadkooda duqonimo. Alahayoow nin daalin ah Alahayoow nin daacad ah deeqdaada ha u simin. Aamiin. Abdirizak Ahmed Jama rizakj@yahoo.com Source
-
Ummad kasta wuxuu baaba’eedu bilaabmaa marka Cadaaladu hagaasto ee Xeerarka dastuurku shaqeyn waayaan ee cilmiga iyo caqliga laga maqaar siibto waana arinta maanta Somalilaan ka taagan. Sida hantidii maguurtada aheyd ee ummadda Somalilaan u dhaxaysay ay gacanta ugu gashay shaqsiyaad gaar ah oo sife gaar ah uga faa’ideystay ayaa guryihii waaweynaa ee dawladuna ay gacanta ugu galeen intii loo dirtay ee loo doortay ee loo dhaariyey ilaalinta hantidii qaranka ka dhaxaysay. Waxaanu la yaabnay Kirooyinka lagu soo rogay guryihii dawlada ee dunsanaa ee magaalada Berbera! Waxaanu iyana la yaabnay sababta Gobolka Saaxil degmadiisa Berbera kolba loogu tijaabiyo Mashaariicda mashqaca ah ee aan odoroska iyo alooska hufan laheyn. Waxaana ka mid ah Mashaaciidaa Berbera lagu tijaabinaayo kuwan hoose : 1- Mashruuca Guutada Ciidanka ka hortaga Kacdoonadda iyo Mudaharaadada ,Boowe! hada ciidamadaasi gobolada dalka oo dhan kama jiraan Berbera mooyaane. Ciidamo lama diidana ee waxay Ciidamo ay Ciidamo qaran noqdaan marka ay dalka oo dhan ka jiraan ee ay dastuurka qaranka waafaqsan yihiin ee maaha in gobol gaar ah ciidamo gaar ah la dul-dhigo oo lagu cabudhiyo. Dastuurka qaranku wuxuu cadeynayaa in ay dalka jiraan Sadex ciidan oo kala ah : Boliiska, Asluubta iyo Melateriga. 2- Mashruuca Gudida Xalinta Khilaafaadka dhulka oo aan isaguna ka jirin kana howlgelin Gobolada dalka intiisa kale oo dhan, oo xataa lagu tijaabiyey laakiin ay ka suurtoobi wayday in ay Gudidaasi ka howlgalaan Caasimada Hargeisa, mashruucan ayaa lagu tijaabiyey Magaalada Berbera waana uu ka dhaqan galay, waxaana la wada ogaa wixii ka dhacay Agoontii Marxuun Madaxweyne Cigaal ka tegay markii dhulkoodii lagu qabsaday. Hadaba Xeerarka dhulka ee gudidaasi ku shaqeysaa waxay iyana ay Xeerar iyo xeegaano qaran oo sharci ah noqonayaan marka ay Gobolada dalka oo dhan ka dhaqan galaan. 3- Mashruuca ururinta kirooyinka ee Wasaarada Howlaha Guud ay dhawaan ka bilaabeen Magaalada Berbera. ayaa isna ah mashruuc “geed sare waab ah” maadaama lagu bilaabay mashruucaas mujaahidiintii dan yarta ahaa ee deganaa guryaha dunsan ee magaalada Berbera. Halka ay ahayd in odoroska iyo ururinta Kirada guryaha dawlada ay ka soo bilaabaan Guryaha Waaweyn ee shacabka Caasimada Hargeysa taxan ee ay maquunada isu siiyeen intii dalka loo dhaariyey ee talada qaranka bud-dhigi laheyd. Somaalida ayaa ku maah-maahdaa ” Miskiin ayaa Misko la fuulo leh”, Marna laga yeeli maayo Xukuumada in ay meesha ka saarto xuquuqda aas-aasiga ah ee mujaahidiinta dan yarta ah ee aan awoodin in ay bixiyaan kirooyinka badan ee la dul dhigay. Mujaahidiintaa bilaa camalka ah ee kirada aanay qaadi kareyn la dul dhigay, guryahan ay ku jiraan markii horeba looma siin Hadyad, balse waxay u soo mareen halgan dheer, surimo colaadeed iyo saymo dhaxameed, waxay u soo qubeen dhiig badan, waxaana ay u soo hureen naf iyo maal. Waana Halyeeyadii aan habeenka ledin ee keenay hiilka alleh,guusha iyo garaadaha cas cas ee maanta la isugu faanaayo. Sidaa Daraadeed waxaa xukuumada looga fadhiyaa in ay tixgeliso duruufaha qalafsan ee ku gedaaman mujaahidiintaa iyo dhamaan dadka dan yarta ah ee degan guryaha dawlada ee kirada lagu soo rogay. Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Gobanimo dadka mudan, Galadana Allaa iska leh, Shacabow tiraa ka gedmane wax isu geygeyso !! Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
-
Waxay Ahayd 2008 Xilgaan Kasoo Baxay Jaamacada Una Diyaargaloobay in Aan Galo Nolosha Cusub Waxaan Nasiib uhelay in aan Ka mid Noqdo Shaqaalhi Loo qaatayule Waassarada Arimaha Dibadda . Nasiib Xumo Se Waxaan Meeshaas Kala kulmay Dad aan Aqoon Sharciga iyo Nidaamka Dawladnimo . Waxaa Noo Ahayd Aroor Walba Muran Kadib Marka ay Diidaan in loo Galo Wassirka Waasarad A.Dibadu Askariga iyo Xoghantu Ka Masuulyihiin. Mudo Markaan Usamrayey Ineel Bili Aadan baa ahaye Waxaan Gooansaday In Meesha KATAGO balse Ima Suurgalin . waxaasa Dhacday in aan Udulqaadanwayey Waxaas Meesha Kadhacayaa Ee Cadalada Darada aha Malintii Danbe Dagaalbaa Dha dhexmaray aniga Iyo Xoghayta Wassirka iyp Askarigi Kadibna Waa la xidhay . Agaasimha Abdeeq oo Xiligaas Agaasima Ahaa ayaaisna Been usheegeen Isna Warqad buu Soon Qoray oo leeyahay Waa halagu adkeeyo. kadibnas Mudo Ayaan Xidhnaa Xadhigii laiga soon Dayey. Hadaba Waxaan Utagay Agaasimaha Cusub Ee Wassarada iyo Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha oo Arinayda uganda Waramay iyaguna Waxba way ka Qaban Wayeen. Hadaba Anigoo Malindhawd Mushahrkii Doonanaya Ayu Askariga Wassaradu iga Celiyey Wassaraada Kadiba Galimaysid yidhi Hadaba Idinkaan idin Waydiiyee Miyaana Shaqqale ahayn Mise siduu Icelinkaraa anoo Sarkaal aha Mana Haysto Warqad uu iguana Celiyo. kadib Halkii Buqbaa ka dhashay kadibna Wuu iwanjalay waana ixidhay Askari bu lay dagaalamay buu yidhi kadibna Mudo ayaan xidhnaa oo Xadhigii Labaad . Hadaba Madaxda Sharafta Leh Sida Wassirka Wassarad Iyo Wassir ku xigeenka iyo Gudomiyaha Hayada Shaqaalaha Waa In Dagdag Wax uga Qabtaan . 1- Caadaaalad Darada baahsan Ee la igula Kacay Madaxa shaqaalaha iyo Xoghayta Wassirka iyo Agaasimaha Guud ood Moodid in ay Isku Hayb yihiin dhinacna ka ranyihiin Soona Celinayaan Arintii Ceelafwayn 2- Xadhigygaas sharci Darada La igu Xidhay. 3- In aan Ahy Shaqaale La siman Shaqaalaha Kale Xaq iyo Xuquuqba Aan Leeyahay. 4- In arintaydaas Hoos Loo Eego. ayaan Madaxda Sharfta leh Ka kodsanaya. Mohamed Ismail Salah (Rajab) Sarkaal katirsan Wassarada Arimaha Dibada. 0634416899 Rajab03@hotmail.com Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Doorashada madaxtinnimada ee January ka hor, Isimadda Puntland ayaa qoraal ka soo saaray sidii doorashada ugu dhici laheyd qaab xasiloon kadib wadatashi ay la sameeyey bulshada. Qodobbada ay soo saareen ayaa ahaa: In la wada qaato mas’uuliyad wadareed, cid kastana ay xil iska saarto sidii loo helilahaa doorasha ku dhacda nabad iyo xasilooni. In guddiga doorashada lagu aamino in ay soo ansixiyaan, soona saaraan Xildhibanadai beeluhu soo xusheen isimaddana soo saxiixeen. In musharaxiintu ay yihiin mas’uuliyiin muwaadiniin ah, xilna ka saran yahay lashaqeenta iyo kalsoonida gudigga ansixinta iyo laamaha amniga. In taliyayaasha amniga ay xilkasaaran yahay aminiga guud ahaantiisa, mas’uulna ka yihiin, musharaxiinta ay usiman yihiin dhibna ayna kala kulmin xoriyadooda dhaqdhaqaaq siwadajira ahna loo wada shaqeeyo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Dab geystay khasaare hantiyadeed ayaa maanta ka kacay dhisme ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Qof Goob jooge ah ayaa u sheegay Goobjoog in dabkan uu ka kacay Koronto gurigaa ku jirtay, iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay in la damiyo. Waxaa gubtay dhammaan agabkii yaallay halka dabka uu ka kacay, iyadoo dabdamisyada Shirkadda Hormuud ku guuleysteen in dabka damiyaan inta aanu usoo gudbin qeybaha hoose ee dhismaha. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/GOOBJOOGE-DABKA-BAKAARAHA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jabuuti (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay isbadalka dhaqaalaha ee gobolka Geeska Africa iyo maalgashi lagu sameeyo dekadaha Soomaliya iyo Jabuuti. Mar uu ka hadlayay horumarinta dekadaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayuu sheegay in dowladda Jabuuti Waligeed ay taageersaneyd inay hesho dekado ay tartan la gasho si suuq wanaagsan loogu helo bariga Africa. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle sheegay in Tartanka dhinaca Dekadaha ah uusan saameyn badan ku lahayn Dekadaha dalka Jabuuti islamarkaana u waanagsanyahay Gobolka. Dowladda uu madaxweynaha ka yahay ayuu sheegay inay soo dhaweyneyso tartan maalgashi oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah, taasina ay dhalineyso in loo kala hormaro kuwa wanaagsan. Tartanka dalalka deriska ah ay ugu jiraan suuqa weyn ee Ethiopia ayuu sheegay in Jabuuti ay halkeedii hore ka taagantahay tartankana soo dhaweyneyso. Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay Madaxweyne Geelle dib u heshiisiinta Eritrea iyo Jabuuti isaga oo sheegay in dhawaan ay kulmi doonaan Wasiirrada arrimaha dibadda labada dal,kana hadli doonaan khilaafka u dhaxeeya. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
The standing committee of Somalia’s Upper House chamber of Federal Parliament held Tuesday in Mogadishu. During the sitting, the Senate’s chairman, Abdi Hashi Abdullahi has briefed the senators about his recent working visit to Kismayo city, the interim capital of Jubbaland state. The speaker paid a trip to Jubbaland and held talks with state president, Ahmed Madobe over the current political rift between the central government and regional administrations. The Senate is working around the clock to solve the deadlock and restore the cooperation between the two sides as the country on the path for recovery after decades of conflict. The post Senate’s standing committee holds meeting in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
The office of the Banadir governor who also doubles up as the mayor of Mogadishu municipality has suspended Yaqshid district commissioner, Ahmed Mohamed Hassan Gedow. Letter from the governor’s office signed by the deputy mayor for finance, Hussein Mohamed Nur has suspended the district official citing financial mismanagement case. Yaqshid deputy district commissioner was instructed to immediately take over as acting capacity in the letter. The suspended official is out of the country for an official trip. The developments come following the absence of Governor Mohamed Omar Osman from office. Engineer Yarisow is outside the country for an official visit that took weeks. On September this year, the Banadir deputy governor has similarly suspended Hamar-Weyn district commissioners, Omar Sharif Jeg for using an appropriatee language towards the government and the police force. The post Yaqshid district commissioner suspended over financial mismanagement appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden oo maalmahan caasimada Muqdisho u joogto ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho ayaa ciyaartii labaad loo qorsheeyay waxaa ay 3-1 kaga adkaadeen wiilasha Madabacada Qaranka. Kulankii kowaad ee saaxiibtinimo xidigaha Som United waxa ay guul daro 1-0 kala kulmeen dhiggooda Muqdisho United inkasta oo ay soo bandhigeen ciyaar ku dheehan xirfad wanaagsan. “Waan ku faraxsanahay natiijada kasoo baxday kulanka,balse yoolka aan caruurtan u keenay wadanka kaliya ma ahan ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho ee waa in ay bartaan dhaqankooda iyo dalka ay iyaga lee yihiin” waxaa sidaas wariyaha Goobjoog u sheegay Maxamed Cabdiqaadir oo ah layliyaha Som United. Qeybta kowaad kulanka ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay hogaanka ku hayeen wiilasha Som United waxaana ciyaartan kasoo qeyb galay wafdiga kooxdan iyo taageerayaal aad u tiro badan. Markii laysku soo laabtay qeybta labaad kulanka ciyaartooyda Madbacada Qaranka ayaa helay gool ku laad,balse natijada ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 3-1 oo ay guusha ku qaateyn kooxda Som Unied ee ka ciyaara horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden. “Kooxda iminka way la qabsatay ku dheelista garoomada dalka qof walbo ayaa jecel guusha anagana dadka oo dhan ayaa ina soo eegaya maadaam aanu nahay koox ka ciyaarta horyaalka 4aad ee Sweden”waxaa sidaas Gooboog Sports u sheegay Yaasir Maxamed Maxamuud oo ka mid ah wafdiga kooxda horayna ugu soo ciyaaray xulka qaranka kubbadda cagta Soomaaliya. Wiilasha Som United iminka waxaa u haray laba ciyaareed,iyagoo la dheelidoona kooxaha L.L.P Jeenyo iyo Muqdisho City Club oo magacaan qaadatay 25-November 2018 horayna waxaa la oran jiray Banaadir Sports Club. 26-12-2018– L.L.P Jeenyo VS Som United 28-12-2018-Som United VS Muqdisho City “Waan ku faraxsanahay in sanadka sii dhamaanaya ee 2018 aan caasimada u imaado horomarin iyo is dhaxgal bulsho waxaan sugi la ahay kulanka adag ee dhex maridoona ciyaartooyda Som United iyo L.L.P Jeenyo ee aan horay ugu mid ahaa dadkii kusoo baxay dibna usoo nooleeyay”waxaa sidaas inoo sheegay Bashiri Cilmi Maxamed Bashiir (Jeenyo) oo ah madaxda wafdiga Som United horayna ugu soo dheelay L.L.P Jeenyo iyo xulka qaranka dalka. Isku soo wada duub safarka Som United ee caasimada ayaa ku eg 30-December 2018 waxayna noqonaysaa kooxdii Saddexaad oo wadanka imaaday sanadkan sii dhamaanaya 2018. Hlakan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Som United VS Madbacada Qaranka W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com