-
Content Count
207,160 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda China ayaa shaaca ka qaaday arrin aan horey loo shaacin oo qeyb ka ah heshiiska kalluumeysi ee ay la gaartay dowladda federaalka Soomaaliya. Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in heshiiska uu qeyb ka yahay in maraakiibta China loo oggolaaday in ay Hub soo qaadan karaan si haddii ay la kulmaan weerarrada Burcad Badeedda isaga difaacaan. Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay Bisha soo socota billaabi doonto ka kalluumeysiga Xeebaha Soomaaliya kaddib markii ay Dowladda Soomaaliya ruqsad u siisay. Dowladda Soomaaliya ayaa Bishii la soo dhaafay waxaa ay Ruqsad kalluumeysi siisay Sharikado ka badan 30 Markab oo ka kalluumeysan kara biyaha Somaaliya. Heshiiska labada dal ay wada galeen ayaa waxaa ka mid ah in Maraakiibtaas ay muddo sanad ah ka kalluumeystaan xeebaha Soomaaliya dibna loogu cusbooneysiin karo sanad kale. Hay’adaha ka faallooda Amaanka Badaha ayaa sheegaya in sanadkii la soo dhaafay ee 2017 ay Burcad Badeedda Soomaalida geysteen weerarro ka badan sanadkii ka horreeyay ee 2016kii. Heshiiskan ayey dowladda Federaalka ah u aragtaa soo jiidashada Maalgashatada iyo Kalluumeysatada Caalamiga ah, taas oo iyana qeyb ka ah kobaca dhaqaalaha dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Shirka Toddobaalaha ah ee tubta arrimaha bulshada oo maanta uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu go’aamiyay in la dar-dargeliyo qorshaha nadaafadda iyo bilicda gobalka Banaadir, si looga badbaado dhibaatooyinka laga dhaxlo nadaafad xumada deegaanka. Intii uu socday shirka ayaa dhammaan shirkadaha ka shaqeeya nadaafadda waxaa la faray in qashinka ay magaalada ka aruuriyaan ay ku shubaan labada goob ee gobalka Banaadir uu u cayimay ee kala ah Kaawada Xabiibo Macallim ee degmada Wadajir iyo Kaawo kale oo Ku taalla agagaarka deeganka Waxar Cadde ee degmada Hiliwaa. Tubta ayaa amar ku bixisay in shirkaddii qashan ku shubta meel aan ahayn baraha loo cayimay qashanaka laga qaado tillaabo sharciga waafaqsan, iyada oo maamulka golabalka Banaadir la faray in deegaannada horay loo wasaqeeyay si dhaqsa ah dib loo nadiifiyo. Amarka tubta arrimaha bulshadu ay kasoo saartay hagaajinta nadafadda iyo bilicda caasimadda ayaa jawaab u ah bulsahda gobalka Banaadir oo cabasho xooggan ka keenay shirkado qandaraas ku haysta qashan aruurinta oo si bareer ah u wasaqeeya deegaanka gaar ahaan xeebaha Jazeera iyo Gubadlay ee koonfuta iyo Bariga Caasimadda. The post RW Khayre oo amaro dul-dhigay shirkadaha Nadaafada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hiiraan (Sh.M.Network) – Dagaal beeleed ayaa lagu soo waramayaa inuu dib uga qarxay degaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Iska hor-imaadka oo udhaxeeya Labo maleyshiyo beeleed ayaa salka ku haya lahaanshiyaha Dhul ay isku haystaan. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa inuu keenay dagaalka, oo soo kala gaarey labada dhinac. Wararkii ugu dambeeyay ayaa tibaaxaya inay socdaal dedaalo la doonayo in xal loogu helo dagaalkaan halkaasi kusoo laab-laabtay. Xaalada degaanada lagu dagaalamay ayaa haatan mid degan, inkasta dadka degaanka ay soo warinayaa inay ka cabsi qabaan inay dib ubilaabato is-rasaasaynta. Dagaalkaan ayaa imaanaya xili uu degmada Maxaas ku sugan yahay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo wafdi uu horkacayo oo ku baxay colaad halkaasi horey uga jirtay. The post Dagaal beeleed dib uga qarxay degaano hoostaga G/Hiiran appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-251218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Shirka toddobaalaha ah ee tubta Arrimaha Bulshada oo maanta uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu go’aamiyay in la dar-dargeliyo qorshaha nadaafadda iyo bilicda gobalka Banaadir, si looga badbaado dhibaatooyinka laga dhaxlo nadaafad xumada deegaanka. Intii uu socday shirka ayaa dhammaan shirkadaha ka shaqeeya nadaafadda waxaa la faray in qashinka ay magaalada ka aruuriyaan ay ku shubaan labada goob ee gobalka Banaadir uu u cayimay ee kala ah Kaawada Xabiibo Macallim ee degmada Wadajir iyo Kaawo kale oo Ku taalla agagaarka deeganka Waxara Cadde ee degmada Hiliwaa. Tubta ayaa amar ku bixisay in shirkaddii qashan ku shubta meel aan ahayn baraha loo cayimay qashanaka laga qaado tillaabo sharciga waafaqsan, iyada oo maamulka golabalka Banaadir la faray in deegaannada horay loo wasaqeeyay si dhaqsa ah dib loo nadiifiyo. Ugu dambeyn, Amarka Tubta Arrimaha Bulshadu ay kasoo saartay hagaajinta nadafadda iyo bilicda caasimadda ayaa jawaab u ah bulsahda gobalka Banaadir oo cabasho xooggan ka keenay shirkado qandaraas ku haysta qashan aruurinta oo si bareer ah u wasaqeeya deegaanka gaar ahaan xeebaha Jazeera iyo Gubadlay ee koonfuta iyo Bariga Caasimadda. PUNTLAND POST The post Shirkii Golaha Wasiirrada DF ay Muqdisho ku yeesheen oo laga soo Saaray Amar Culus appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Ankara)-Turkey ayaa maanta sheegtay inay ka go’an tahay in ay cagta mariso ciidamada Kurdish-ka dalka Suuriya, sida ay qortay wakaaladda wararka AP. Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa weriyayaasha u sheegay in “haddii Tukey ay tiraahdo waan galaynaa, waa ay galaysaa” Toddobaadyadii tagay, Turkey ayaa ku hanjabeysay inay billaabi doonto howlgal cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdishka, oo ayaga oo xulafaysanaya ciidamada Mareykanka ka adkaaday kooxda Daacish ee waqooyiga iyo bariga Syria. Ankara ayaa ciidamada Kurdish-ka u aragtay argagixiso, sababo la xiriira xiriirka ay la leeyihiin kooxaha fallaagada Kurdish-ka ee gudaha dalka Turkiga. Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Mareykaka uu ka saarayo Suuriya, kadib markii uu qadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Cavusoglu ayaa sheegay in Turkey “ay leedahay awood ay kaligeed wax uga qabato Daacish” waxaana uu cambaareeey France oo sheegtay inay ciidamadeeda kusii hayn doonto Suuriya inkasta oo uu jiro go’aanka Mareykanka. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Warbixin dheer oo ay soo saareen Gudiiga Caalamiga ah ee badbaadada ee magacooda loosoo gaabiyo IRC ayaa lagu sheegay dalalka sannadka soo socda ee 2019 laga cabsi-qabo inay abaaro ku dhuftaan. Guddiga IRC ayaa shaxda 10-ka dal ee laga cabsi qabo inay abaaruhu ku dhuftaan soo bandhiga dhammaadka sanad kasta, waxayna ku baaqdaa in loo sii diyaar-garoobo si looga gaashaanto. Tobanka dal ee ay IRC soo bandhigay sanadkan sii dhamaanaya, waxaa ka mid noqotay Somalia, waxayna sheegeen in roobab badan oo dhulka Soomaalida ka da’i jiray ay baaqdeen, taasina ay ka dhalan karto abaar xoogan. Dalalka kale ee ay sheegeen in iyagana laga baqdin-qabo inay abaaruhu ku dhufataan ayaa kala ah; Yemen, Koonfurta Suudaan, Afghanistan, Nageria, Valenzuela iyo Suuriya. Dhanka kale, Hay’addo Caalami ah ayaa ku baaqay in loo sii diyaar-garoobo abaar Soomaaliya ku dhufato, iyagoo ka qiyaas qaadanaya waxyaabaha sababay abaaraha kusoo laab laabtay dhulka Soomaalida. Ugu dambeyn, Somalia ayaa waxaa sannadihii ugu dambeeyay la sheegay inay xaaladeeda dhanka abaaraha kasoo raynayso, balse baaqan ayaa mar kale soo celiyay baqdin laga qabo abaaro ku dhufta. PUNTLAND POST The post Somalia oo ka mid noqotay Tiro dalal ah oo laga baqdin-qabo inay abaaro ku dhuftaan appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Caaqil Maxamuud Nuux, oo ka mid ahaa Jabhada Kornayl Caarre ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Ceel-Afweyn. Caaqilku waxa uu sheegay in ujeedka uu ugu biiray Jabhadda ay ahayd in la saxo Tabasho ay ka qabaan Xukuumadda madaxweyne Biixi, balse haatan jabhadda ayuu sheegay in Soomaaliya ku lug leelatay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
New York (Caasimada Online) – Farshaxanka Amiin Caamir oo sanad walba siiya shaqsiga ugu wax qabadka badan bulshada Soomaaliyeed aqoonsiga (Shaqsiga Sanadka) ayaa sanadkan 2018 ku abaal mariyay wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Daahir Cisman (Baalle). Sida farshaxanka Amiin Caamir uu sheegay, Ambassador Abukar Daahir Cismaan intii uu joogay wuxuu qabtay shaqo aan hore loog baran safiiradii ka horreeyay tan iyo burburkii dowladdii dhexe. Safiirka ayaa sare u qaaday xoojinta qarannimada Soomaaliyeed, wuxuuna si karti iyo aqoon ku jirto u difaacaa mar walba dalka aynu wada jecelnahay ee Soomaaliya, wuxuu ku guulaystay inuu badello aragtida ay Soomaaliya ka haysteen dalal badan. Waxaa sidoo kale uu si geesinimo leh uu golaha ammaanka QM ugu gudbiyey dhowr dacwo oo ka dhan ah faro-gelinta Imaaraadka Carabta ay ku hayaan arrimaha Soomaaliya. Amb. Abuukar ayaa ku guuleystay sidii ay Soomaaliya xubin buuxda uga noqon lahayd Ururka Xuquqal Insaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo Soomaaliya ku guuleysatay xubinimo buuxda bishii Oktober 12, 2018. Amb. Abukar ayaa hadda dadaalo badan ugn jira sidii Soomaaliya ay ugu biiri lahayd Xubnaha Golaha Ammaanka ee ka kooban 15-ka waddan. Dadweyne badan oo dhanka facebook uga jawaabay sawirka Amiin Caamir, ayaa bogaadin u diray Amb. Abukar Daahir Cismaan, uguna baaqay in uu halkaa ka sii wado shaqada uu hayo qaranka Soomaaliyeed, waxayna uga mahad celiyeen dadaalada uu ugu jiro soo celinta sharafta qaranimada Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Hay’adda ka-hortagga Xasaradaha Caalamiga ee ICG, ayaa waxay warbixin ka qortay mansabkiisii Al-shabaab ee Mukhtaar Roobow, isku-soo-dhiibistiisii Dowladda Federaalka Soomaaliya, murashaxnimadiisa madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed iyo xariga ay Dowladda Soomaaliya kaga hor-joogsatay hankiisii madaxnimo. Warbixinta oo cinwaan looga dhigay: “Koonfur Galbeed: madaxweyne la caleemo-saaray iyo xiisad oloshay”, waxa lagu xusay in bishan 19-dii ay xildhibaanadda deegaanka ee Koonfur Galbeed u doorteen C/Casiis Maxamed “Lafta-gareen” inuu noqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed, doorasho kulul oo baahin karta deganaansho la’aan cusub, waa sida lagu qoray warbixinta. Rashiid Cabdi oo ah cilmi-baare ka tirsan hay’adda ICG ayaa qoray warbixintaasi oo biyo-dhaceeda u muuqato falaanqeynta dhacdooyinka ku xiriirsan doorashadaasi iyo xariga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, kaasi oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka reebtay tartankii doorashadii madaxtinimadda ee maamulka Koonfur Galbeed. Warbixinta waxaa lagu muujiyey inuusan C/Casiis Lafta-gareen oo horey xildhibaan iyo wasiir soo noqday inuusan doorashadaasi ku guuleysan kari lahayn dowladda federaalka Soomaaliya la’aanteeda. Warbixinta ICG waxay kaloo ka hadashay soo-dhaweyntii dowladda federaalka Soomaaliya ee Mukhtaar Roobow iyo murashaxnimadiisa doorashadda Koonfur Galbeed, taasi oo ICG sheegtay inay dowladda federaalka Soomaaliya markii hore murashaxnimadda Mukhtaar Roobow uga dan lahayd in lagu bara-bixiyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ee is-casilay, Shariif Xasan Sheekh Aadan. Dowladda waxay wax ka bedeshay shaxdii Mukhtaar Roobow, kadib, markii ay muuqatay in laga yaabo inuu ka guuleysto murashaxii lafta-gareen, waa sida ICG hadalka u dhigtay. Fara-gelintii dowladda federaalka Soomaaliya ee doorashadii Koonfur Galbeed waxay ICG ku tilmaamtay mid ay dowladda federaalka Soomaaliya muhiimad ku siinayso in nidaamka maxaliga ee awood-qeybsiga lala qeybsado islaamiyiinta muxaafidka ah. Docda kale, Mukhtaar Roobow oo la rumeysan yahay inuu 50-jir yahay waxa uu ka mid yahay islaamiyiinta caanka ah ee sharciga islaamka ku soo bartay dalka Sudan, waana khabiir ka so oqeyb galay dagaalki Afghanistan ee looga soo horjeeday ciiddankii midowgii Soofiyeeti, wuxuuna marki idambe waqti kooban maamulayey hay’ad samafal islaami ah oo ay Sacuudiga maalgelin jirtey. Warbixinta oo aad u dheer waxaa kaloo lagu muujiyey inuusan jirin tartan haatan u dhexeeya siyaasiyiinta islaamiga ah iyo kuwo cilmaaniyiinta, oo ay ugu waa weyn yihiin kooxaha Ala Sheekh, Dam Al-Jadiid iyo Al-Ictisaam, waa sida ICG qortay. Ugu dambeyn, Warbixinta waxay saadaalisay in tartanka kooxahaasi aad loo dareemi doono marka la gaaro doorashadda la qorsheynayo inay Somalia ka qabsoonto sannadka 2021-ka. PUNTLAND PSOT The post Hay’ada ICG oo Warbixin Qoto-dheer ka Qortay Doorashadii Baydhabo iyo Mukhtaar Roobow appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Xukuumadda taladda dalka haysa muddadii sannadka ahayd waxyaabaha la taaban karo ee u qaboomay iyo waxyaabaha ay ku liidato, waxaanu tilmaamay inay jiraan waxyaabo ay Xukuumaddihii ka horeeyey ay kaga wanaagsnayeen. Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya waxyaabaha la taaban karo ee Sannadkan sii galabanaya ay qabatay Xukuumaddani ayaa yidhi “Xukuumaddan muddo sannad ah ayey taladda dalka haysay, muddadaas sannadka ah waxaa la odhan karo ee ay wax ka qabatay waxaa ka mid ah hantida umadda ee qarankani lahaa oo waxyaabo dib loogu soo celiyey gacantii Dawladda, sida haamihii shidaalka, Barkinkii Madaarada iyo Raasigii, waxayna ahayd in hanti badan oo qarankani lahaa, umaddana ka dhaxaysay in cid gaar ahi ilaa hadda hayso, markaas iyana waa muhiim in gacanta Dawladda dib loogu soo celiyo hantida Qaranku lahaa ee Xukuumaddii hore lunsatay, waxaa kale oo aan Xukuumaddan uga mahadnaqayaa sugida iyo tirikoobka Shaqaalaha Dawladda”. Xildhibaan Maxamed Saalax mar uu ka hadlaayey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Golihiisa Wasiiradda ayaa yidhi “Runtii muddo sannad ah ayuu Madaxweynuhu xilka Madaxweyne hayey oo uu taladda dalka maamulaayey, laakiin waxaad mooda in waxyaabihii laga filaayey aanay Xukuumaddiisu qaban, maxaa yeelay waxaa muuqata in Wasiiraddiisi ama Golihiisa Xukuumaddu aanay wada socon, waxaana muuqata inay habrasho jirto, oo ay Madaxweynaha ka baqayaan, run ahaana qof baqayaa ama habrasho ku jirtaa inuu wax qabtaa aad bay u adag tahay, waxaa Madaxweynaha laga rabaa inuu Wasiiraddiisa ama Masuuliyiintiisa uu dirtay uu aamino, oo uu la xisaabtamo, maxaa yeelay hawlo badan oo ay iyagu qaban lahaayeen ama ay ka hadli lahaayeen ayuu Madaxweynuhu ka hadlayaa, taasina maaha arin wanaagsan,runtii aad baa loo dhaliila oo saluug looga muujiya nidaamka xulashada ee Madaxweynuhu ku soo xushay Xukuumaddiisa, ee haddii la doonayo inay wax hagaagan Madaxweynaha waxa la gudboon inuu sameeyo isku shandhayn lagu wada qanacsan yahay, oo aan dhinac ka rarnayn, ”. Xildhibaan Maxamed Salaax mar uu ka hadlaayey Siyaasayada Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Xukuumaddan Muuse Biixi iyadoo aan la kulmin Mucaaradad adag baa haddana nidaamkeeda iyo hanaankeeda dawladnimo halkii loo baahna aanay gaadhsiisnayn, maxaa yeelay waxaa muuqata in aad loogu wada qanacsanaa Shirkii ka dhacay Wajaale, Madaxweynayaashii hore waxay la kulmi jireen dhiggooda, laakiin Madaxweyne Muuse Biixi waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Maamulka Somalida Itoobiya, waxaana odhan karaa Siyaasadeenii Arrimaha Dibadda iyo Dublamaasiyadii la inooga baahnaa ayaa meesha ka maqan, ee Madaxweynaha wax kasta oo khaldan inuu saxo ayaa looga baahan yahay” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda ka-hortagga xasaradaha caalamiga ee ICG waxay warbixin dheer ka qortay shaqsiyadda Mukhtaar Roobow, mansabkiisii Al-Shabaab, isku-soo-dhiibistiisii dowladda Soomaaliya, murashaxnimadiisa madaxweynenimo ee Koonfur Galbeedlabeed iyo xariga ay dowladda federaalka Soomaaliya kaga hor joogsatay hankiisa madaxtinimo. Warbixinta oo cinwaan looga dhigay: “Koonfur Galbeed: madaxweyne la caleemo-saaray iyo xiisad oloshay”, waxa lagu xusay in bishan 19-dii ay xildhibaanadda deegaanka ee Koonfur Galbeed u doorteen C/Casiis Maxamed “Lafta-gareen” inuu noqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed, doorasho kulul oo baahin karta deganaansho la’aan cusub, waa sida lagu qoray warbixinta. Rashiid Cabdi oo ah cilmi-baare ka tirsan hay’adda ICG ayaa qoray warbixintaasi oo biyo-dhaceeda u muuqato falaanqeynta dhacdooyinka ku xiriirsan doorashadaasi iyo xariga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, kaasi oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka reebtay tartankii doorashadii madaxtinimadda ee maamulka Koonfur Galbeed. Warbixinta waxaa lagu muujiyey inuusan C/Casiis Lafta-gareen oo horey xildhibaan iyo wasiir soo noqday inuusan doorashadaasi ku guuleysan kari lahayn dowladda federaalka Soomaaliya la’aanteeda. Warbixinta ICG waxay kaloo ka hadashay soo-dhaweyntii dowladda federaalka Soomaaliya ee Mukhtaar Roobow iyo murashaxnimadiisa doorashadda Koonfur Galbeed, taasi oo ICG sheegtay inay dowladda federaalka Soomaaliya markii hore murashaxnimadda Mukhtaar Roobow uga dan lahayd in lagu bara-bixiyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ee is-casilay, Shariif Xasan Sheekh Aadan. Dowladda waxay wax ka bedeshay shaxdii Mukhtaar Roobow, kadib, markii ay muuqatay in laga yaabo inuu ka guuleysto murashaxii lafta-gareen, waa sida ICG hadalka u dhigtay. Faragelintii dowladda federaalka Soomaaliya ee doorashadii Koonfur Galbeed waxay ICG ku tilmaamtay mid ay dowladda federaalka Soomaaliya muhiimad ku siinayso in nidaamka maxaliga ee awood-qeybsiga lala qeybsado islaamiyiinta muxaafidka ah. Docda kale, Mukhtaar Roobow oo la rumeysan yahay inuu 50-jir yahay waxa uu ka mid yahay islaamiyiinta caanka ah ee sharciga islaamka ku soo bartay dalka Sudan, waana khabiir ka so oqeyb galay dagaalki Afghanistan ee looga soo horjeeday ciiddankii midowgii Soofiyeeti, wuxuuna marki idambe waqti kooban maamulayey hay’ad samafal islaami ah oo ay Sacuudiga maalgelin jirtey. Warbixinta oo aad u dheer waxaa kaloo lagu muujiyey inuusan jirin tartan haatan u dhexeeya siyaasiyiinta islaamiga ah iyo kuwo cilmaaniyiinta, oo ay ugu waa weyn yihiin kooxaha Ala Sheekh, Dam Al-Jadiid iyo Al-Ictisaam, waa sida ICG qortay. Warbixinta waxay saadaalisay in tartanka kooxahaasi aad loo dareemi doono marka la gaaro doorashadda la qorsheynayo inay Somalia ka qabsoonto sannadka 2021-ka. Xigasho: ICG
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa la wareegtay ciidamada booliska iyo daraawiishta Puntland, kaddib markii todobaadkan ay soo gaareen Puntland wafdi kasocda dowladda faderaalka Soomaaliya oo tirakoobaya ciidamada booliska ee Puntland. Wararka ayaa sheegaya in la xareeyey dhammaan ciidamada bilayska Puntland ee ku sugan gobolada, kuwaasi oo magacyadooda iyo taleefanadooda la diiwaangeliyay, loona sameyey kaarar ay ku qaataan mushaaraadka ciidamada. Qorshaha ayaa ah ciidamada inay mushaaraadka ka qaataan akoono bankiyada dalka ka howlgala, kuwaasi oo ay ku qaadanayaan kaarar aqoonsi oo la siiyay. Saraakiil kasocda dowladda faderaalka oo wada tirokoobka ayaa horay usoo maray magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Carmo, ciidamada ku sugan jiidda hore Tukaraq, waxaana hadda la diiwaangelinayaa ciidamada bilayska ee Bosaso. Madaxwaynayaashii hore Puntland ayaa marar badan ka horyimid qorsheyaal hay’adda UNDP iyo dowladihii KMG ee dalka soo maray ku doonayeen inay kula wareegaan ciidamada Puntland mushaaraadna ay u siiyaan, xukuumadahaasi ayaa badankooda dalbanayay mushaaraadka in iyaga lasoo marsiiyo, haddii aan sidaasi la yeelina aan qorshahan ka hanaqaadi karin Puntland, waxaana ay ku sababaynayeen in askariga uu mar walba hoostago qofka markaasi mushaarka bixinaya. Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa khilaafka ka dhaxeeyey bilihii lasoo dhaafay waxaa uu salka ku hayay in qoondadada magaca Soomaaliya lagu soo qaado in lagu koobo gobolka Banaadir iyo deegaano tirsan, loona baahanyahay in dalka oo dhan si siman loo gaarsiiyo. Xukuumadda Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas ayaan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin qorshaha hadda socda ee DFS, lamana oga in ay wax kala socoto qorshahaas iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Buulo-Burte ( Sh. M. Network )-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, islamarkaana aheyd mid ay xilalka kula kala wareegeen guddoomiyaha cusub ee degmada Buulo-burte Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Tuurow) iyo guddoomiyihii hore ee degmadaasi Cabdi Daahir Guure(Karoore) ayaa waxa ay maanta ka dhacday xarunta degmada Buulo-burTe ee gobolka Hiiraan. Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka HirShabelle ayaa ka qeyb galay munaasabaddaasi. Gudomiyihii hore ee dagmada Buulo-burte Cabdi Daahir Guure(Karoore) oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay hanaanka loo maray xilka qaadistiisa. Waxaana uu shaaca ka qaaday in uu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub ee maanta la wareegay xilkaasi. 19-kii bishan ayey aheyd markii isbedal lagu sameeyay maamulka degmadaasi, kadib Wareegto ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee HirShabelle. The post Guddoomiyaha cusub Ee Buulo-Burte Oo xilka la wareegay appeared first on Shabelle. View the full article